LUKE
Chapter 2
Luke | SomKQA | 2:1 | Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro. | |
Luke | SomKQA | 2:2 | Qorniinkaas kolkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey markii Kuranayos xukumi jiray Suuriya. | |
Luke | SomKQA | 2:4 | Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud, | |
Luke | SomKQA | 2:7 | waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen. | |
Luke | SomKQA | 2:9 | Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen. | |
Luke | SomKQA | 2:10 | Markaasaa malaa'igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan. | |
Luke | SomKQA | 2:11 | Waayo, maanta waxaa magaalada Daa'uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah. | |
Luke | SomKQA | 2:12 | Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal. | |
Luke | SomKQA | 2:13 | Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen, | |
Luke | SomKQA | 2:14 | Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda. | |
Luke | SomKQA | 2:15 | Waxaa dhacay markii malaa'igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey. | |
Luke | SomKQA | 2:16 | Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa. | |
Luke | SomKQA | 2:20 | Adhijirraduna way noqdeen iyagoo Ilaah ku ammaanaya oo ku weynaynaya waxyaalihii ay maqleen oo ay arkeen oo dhan, sidii iyaga loogu sheegay. | |
Luke | SomKQA | 2:21 | Goortii siddeed maalmood dhammaatay oo wiilkii la gudi lahaa, magiciisii waxaa loo baxshay Ciise, sida malaa'igtii ugu bixisay intaan uurka lagu uuraysan. | |
Luke | SomKQA | 2:22 | Kolkii maalmihii nadiifiskeeda u dhammaadeen sidii sharciga Muuse lahaa, waxay geeyeen Yeruusaalem inay Rabbiga u dhiibaan | |
Luke | SomKQA | 2:23 | (siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Curad walba oo lab ah waxaa loogu yeedhi doonaa quduus xagga Rabbiga), | |
Luke | SomKQA | 2:24 | iyo inay allabari u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar. | |
Luke | SomKQA | 2:25 | Bal eeg, waxaa Yeruusaalem joogay nin magiciisii ahaa Simecoon. Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh; wuxuuna sugayay gargaaridda Israa'iil. Ruuxii Quduuska ahaana waa dul joogay. | |
Luke | SomKQA | 2:26 | Waxaana Ruuxii Quduuska ahaa u muujiyey inaanu dhimasho arag intaanu Rabbiga Masiixiisa arkin. | |
Luke | SomKQA | 2:27 | Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan, | |
Luke | SomKQA | 2:34 | Simecoon ayaa iyaga u duceeyey, wuxuuna hooyadiis Maryan ku yidhi, Ogow, wiilkan waxaa loo dhigay dhicidda iyo kicidda kuwa badan oo Israa'iil ku jira, iyo calaamo ka gees ahaan lagaga hadlo, | |
Luke | SomKQA | 2:35 | si ay qalbiyo badan fikirradoodu u muuqan doonaan. Adigana seef baa naftaada ka mudhbixi doonta. | |
Luke | SomKQA | 2:36 | Waxaa jirtay nebiyad Anna la odhan jiray, ina Fanuu'eel, oo ahayd qoladii Aasheer, wayna da'weynayd; nin bayna la jirtay toddoba sannadood bikradnimadeeda dabadeed. | |
Luke | SomKQA | 2:37 | Waxayna ahayd carmal xataa afar iyo siddeetan sannadood, macbudkana kama ay tegin, laakiin Ilaah ayay soon iyo salaad habeen iyo maalinba ku caabudaysay. | |
Luke | SomKQA | 2:38 | Saacaddaas qudheeda ayay soo gashay oo Ilaah u mahad naqday, oo kuwa furashada Yeruusaalem sugayay oo dhan ayay xaggiisa kala hadashay. | |
Luke | SomKQA | 2:39 | Goortay wax walba dhammeeyeen sida sharciga Rabbigu leeyahay, waxay ku noqdeen Galili ilaa magaaladoodii Naasared. | |
Luke | SomKQA | 2:40 | Wiilkii ayaa koray oo itaal weynaaday, waxaana ka buuxsantay xigmad; Ilaah nimcadiisuna way dul joogtay. | |
Luke | SomKQA | 2:43 | Oo goortay maalmihii dhammaysteen, oo ay noqonayeen, ayaa Ciise wiilkii ahaa ku hadhay Yeruusaalem, waalidkiisuna ma ogayn, | |
Luke | SomKQA | 2:44 | laakiin iyagoo u malaynaya inuu dadka la socdo, ayay maalin sii socdeen, markaasay ka dhex doondooneen xigaalkooda iyo kuway isbarteen. | |
Luke | SomKQA | 2:46 | Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimiinta dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weyddiinaya. | |
Luke | SomKQA | 2:48 | Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay. | |
Luke | SomKQA | 2:49 | Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo? | |
Luke | SomKQA | 2:51 | Kolkaasuu raacay oo Naasared tegey, wuuna ka dambeeyey iyaga; laakiinse hooyadiis hadalkaas oo dhan qalbigeeda ayay ku haysatay. | |