Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 109
Psal SomKQA 109:2  Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.
Psal SomKQA 109:3  Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla'aan bay igula dirireen.
Psal SomKQA 109:4  Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.
Psal SomKQA 109:5  Wanaag waxay iigaga abaal gudeen xumaan, Jacaylna nacayb.
Psal SomKQA 109:6  Nin shar leh ka sarraysii isaga, Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.
Psal SomKQA 109:7  Markii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay, Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto.
Psal SomKQA 109:8  Cimrigiisu ha yaraado, Jagadiisana mid kale ha qaato.
Psal SomKQA 109:9  Carruurtiisu ha agoontoobeen, Naagtiisuna carmal ha noqoto.
Psal SomKQA 109:10  Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen, Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.
Psal SomKQA 109:11  Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan, Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.
Psal SomKQA 109:12  Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa, Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.
Psal SomKQA 109:13  Farcankiisu ha baabba'o, Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.
Psal SomKQA 109:14  Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto, Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.
Psal SomKQA 109:15  Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba, Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka.
Psal SomKQA 109:16  Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan, Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.
Psal SomKQA 109:17  Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay, Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.
Psal SomKQA 109:18  Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda, Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale, Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.
Psal SomKQA 109:19  Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado, Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,
Psal SomKQA 109:20  Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan, Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.
Psal SomKQA 109:21  Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,
Psal SomKQA 109:22  Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.
Psal SomKQA 109:23  Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya, Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.
Psal SomKQA 109:24  Jilbahaygu soon bay la taag darnaadaan, Oo jidhkayguna baruurla'aanteed wuu la caatoobaa.
Psal SomKQA 109:25  Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay, Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.
Psal SomKQA 109:26  Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,
Psal SomKQA 109:27  Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada, Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.
Psal SomKQA 109:28  Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee, Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.
Psal SomKQA 109:29  Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen, Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale.
Psal SomKQA 109:30  Afkaygaan aad ugaga mahad naqi doonaa Rabbiga, Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.
Psal SomKQA 109:31  Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma.