Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
MATTHEW
Prev Up Next
Chapter 22
Matt SomKQA 22:1  Ciise ayaa u jawaabay oo mar kale masaallo kula hadlay, oo wuxuu yidhi,
Matt SomKQA 22:2  Boqortooyada jannada waxay la mid tahay sidii boqor wiilkiisa aroos u dhigay.
Matt SomKQA 22:3  Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay, mana ay doonaynin inay yimaadaan.
Matt SomKQA 22:4  Haddana addoommo kale ayuu diray oo wuxuu ku yidhi, Kuwii loo yeedhay waxaad ku tidhaahdaan, Bal eega, cuntadaydii waan diyaargareeyey, dibiyadaydii iyo neefafkaygii buurbuurnaana waa la qalay, wax walubana waa diyar, ee arooska kaalaya.
Matt SomKQA 22:5  Laakiin way fududaysteen, oo iska tageen, mid beertiisuu aaday, mid kalena wuxuu aaday baayacmushtarigiisii.
Matt SomKQA 22:6  Kuwii kalena addoommadiisii ayay qabteen, wayna caayeen oo dileen.
Matt SomKQA 22:7  Laakiin boqorkii markuu maqlay wuu cadhooday, oo askartiisii buu u diray oo baabbi'iyey kuwaasoo dhiig qabay, magaaladoodiina wuu gubay.
Matt SomKQA 22:8  Markaasuu addoommadiisii ku yidhi, Arooskii waa diyaar, kuwii loo yeedhayse ma ay istaahilin.
Matt SomKQA 22:9  Haddaba taga meesha jidadka ku kala leexdaan, oo in alla intaad heshaan arooska ugu yeedha.
Matt SomKQA 22:10  Markaasaa addoommadaas jidadkay u baxeen, oo ay soo ururiyeen kuwii ay heleen oo dhan, kuwii sharka lahaa iyo kuwii wanaagsanaaba; gurigii arooskana waxaa laga buuxiyey marti.
Matt SomKQA 22:11  Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego, wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin,
Matt SomKQA 22:12  oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay.
Matt SomKQA 22:13  Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
Matt SomKQA 22:14  Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.
Matt SomKQA 22:15  Markaasaa Farrisiintii baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay hadalkiisa ugu qabtaan.
Matt SomKQA 22:16  Waxay xertoodii ula soo direen Herodosiinta, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay, oo aad dadka jidka Ilaah run ku bartid, oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid.
Matt SomKQA 22:17  Haddaba noo sheeg waxay kula tahay, Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin?
Matt SomKQA 22:18  Laakiin Ciise ayaa sharkoodii gartay, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad ii jirrabaysaan, labawejiilayaal yahow?
Matt SomKQA 22:19  I tusa lacagta cashuurta. Kolkaasay u keeneen dinaar.
Matt SomKQA 22:20  Wuxuu ku yidhi, Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan?
Matt SomKQA 22:21  Waxay ku yidhaahdeen, Kaysar baa leh. Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.
Matt SomKQA 22:22  Oo goortay taas maqleen, way yaabeen, wayna iska daayeen oo ka tageen.
Matt SomKQA 22:23  Maalintaas waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen,
Matt SomKQA 22:24  oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu yidhi, Haddii nin dhinto isagoo aan carruur lahayn, walaalkiis waa inuu naagtiisa dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.
Matt SomKQA 22:25  Waxaa nala jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey ayaa guursaday, wuuna dhintay, dhalna ma lahayn, wuxuuna naagtiisii uga tegey walaalkiis.
Matt SomKQA 22:26  Sidaas oo kalaa ku dhacday kii labaad, iyo kii saddexaad ilaa kii toddobaad.
Matt SomKQA 22:27  Markay wada dhinteen dabadeed naagtiina waa dhimatay.
Matt SomKQA 22:28  Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay toddobadoodii kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, kulligood way wada guursadeen iyada.
Matt SomKQA 22:29  Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad qaldan tihiin oo garan maysaan Qorniinka iyo xoogga Ilaah.
Matt SomKQA 22:30  Waayo, wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay dabadeed, layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha Ilaah oo jannada ku jira.
Matt SomKQA 22:31  Laakiin xagga sarakicidda kuwii dhintay miyaydnaan akhriyin wixii Ilaah idinkula hadlay, markuu yidhi,
Matt SomKQA 22:32  Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool.
Matt SomKQA 22:33  Dadkii badnaa goortay taas maqleen ayay waxbariddiisii ka yaabeen.
Matt SomKQA 22:34  Laakiin Farrisiintii goortay maqleen inuu Sadukiintii aamusiiyey ayay isu yimaadeen.
Matt SomKQA 22:35  Oo midkood oo sharciga yaqaan ayaa wax weyddiiyey, isagoo jirrabaya, oo wuxuu ku yidhi,
Matt SomKQA 22:37  Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan.
Matt SomKQA 22:39  Ku labaad oo u ekina waa kan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.
Matt SomKQA 22:40  Sharcigii oo dhan iyo nebiyadiiba waxay sudhan yihiin labadan qaynuun.
Matt SomKQA 22:41  Kolkii Farrisiintii isu yimaadeen ayaa Ciise wax weyddiiyey,
Matt SomKQA 22:42  oo wuxuu ku yidhi, Yuu idinla yahay Masiixu? Waa ina ayo? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Waa ina Daa'uud.
Matt SomKQA 22:43  Wuxuu ku yidhi, Haddaba Daa'uud sidee buu Ruuxa ugaga yeedhay Rabbi? isagoo leh,
Matt SomKQA 22:44  Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.
Matt SomKQA 22:45  Haddaba Daa'uud hadduu ugu yeedhay isaga Sayid, sidee buu wiilkiisa u yahay?
Matt SomKQA 22:46  Ninna hadal uguma jawaabi karin, oo maalintaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu mar dambe wax weyddiiyo.