EZRA
Chapter 2
Ezra | SomKQA | 2:1 | Haddaba kuwanu waa dadkii gobolka ee ka soo noqday maxaabiisnimadii, oo ku jiray kuwii la kaxaystay, oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu u kaxaystay Baabuloon, oo ku soo noqday Yeruusaalem iyo dalkii Yahuudah, mid waluba magaaladiisii, | |
Ezra | SomKQA | 2:2 | oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Seraayaah, Receelaayaah, Mordekay, Bilshaan, Misfaar, Bigway, Rexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil: | |
Ezra | SomKQA | 2:6 | reer Fahad Moo'aab oo ahaa reer Yeeshuuca iyo reer Yoo'aabna laba kun iyo siddeed boqol iyo laba iyo toban, | |
Ezra | SomKQA | 2:25 | reer Qiryad Caariim, iyo reer Kefiiraah, iyo reer Bi'irodna toddoba boqol iyo saddex iyo afartan, | |
Ezra | SomKQA | 2:36 | Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen reer Yedacyaah oo ahaa reer Yeeshuuca oo ahaa sagaal boqol iyo saddex iyo toddobaatan, | |
Ezra | SomKQA | 2:40 | Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca iyo reer Qadmii'eel, oo reer Hoodawyaah ka soo farcamay oo ahaa afar iyo toddobaatan. | |
Ezra | SomKQA | 2:41 | Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaaf ahaana waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo labaatan. | |
Ezra | SomKQA | 2:42 | Oo kuwii irdaha dhawri jiray oo ahaa reer Shalluum, iyo reer Aateer, iyo reer Talmon, iyo reer Caquub, iyo reer Xatiitaa, iyo reer Shobay, kulligood waxay isku ahaayeen boqol iyo sagaal iyo soddon. | |
Ezra | SomKQA | 2:43 | Oo reer Netiiniimna waxay ahaayeen reer Siixaa iyo reer Xasufaa, iyo reer Tabbaacood, | |
Ezra | SomKQA | 2:55 | Oo ilmihii addoommadii Sulaymaanna waxay ahaayeen reer Sotay, iyo reer Hasofered, iyo reer Feruudaa, | |
Ezra | SomKQA | 2:58 | Reer Netiiniim oo dhan iyo ilmihii addoommadii Sulaymaan waxay isku ahaayeen saddex boqol iyo laba iyo sagaashan. | |
Ezra | SomKQA | 2:59 | Oo kuwanuna waxay ahaayeen kuwii ka tegey Teel Melax, iyo Teel Xarshaa, iyo Keruub, iyo Addaan, iyo Immeer, laakiinse iyagu ma ay sheegi karin qabiilkoodii iyo jilibkoodii, iyo inay reer binu Israa'iil ahaayeen iyo in kale toona, | |
Ezra | SomKQA | 2:60 | oo reer Delaayaah, iyo reer Toobiyaah, iyo reer Neqoodaa waxay isku ahaayeen lix boqol iyo laba iyo konton. | |
Ezra | SomKQA | 2:61 | Oo kuwii wadaaddada ahaa, waxay ahaayeen reer Xabayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Barsillay oo ahaa reer Gilecaad, oo iyaga lagu magacaabay. | |
Ezra | SomKQA | 2:62 | Kuwanu magacyadoodii waxay ka doondooneen buuggii abtiriska, laakiinse lagama helin, sidaas aawadeed wadaadnimadii waa laga saaray sidii iyagoo nijaas ah. | |
Ezra | SomKQA | 2:63 | Oo taliyihii baa iyagii ku amray inayan waxyaalaha quduuska ah wax ka cunin jeer wadaad Uuriim iyo Tummiim leh kaco. | |
Ezra | SomKQA | 2:64 | Oo ururka oo dhammu wuxuu giddigiis isku ahaa laba iyo afartan kun iyo saddex boqol iyo lixdan, | |
Ezra | SomKQA | 2:65 | oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol oo ah rag iyo naago gabya. | |
Ezra | SomKQA | 2:66 | Fardahoodu waxay ahaayeen toddoba boqol iyo lix iyo soddon; baqlahooduna laba boqol iyo shan iyo afartan, | |
Ezra | SomKQA | 2:67 | geelooduna afar boqol iyo shan iyo soddon, dameerahooduna lix kun iyo toddoba boqol iyo labaatan. | |
Ezra | SomKQA | 2:68 | Oo qaar ah madaxdii qabiilooyinka ayaa markay yimaadeen gurigii Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal ikhtiyaarkood wax ugu bixiyey in gurigii Rabbiga meeshiis laga dhiso. | |
Ezra | SomKQA | 2:69 | Iyagu intay awoodeen ayay khasnaddii shuqulka siiyeen kow iyo lixdan kun oo dirham oo dahab ah, iyo shan kun oo mina oo lacag ah, iyo boqol khamiis oo ah dhar wadaadood. | |