Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PSALMS
Prev Up Next
Chapter 107
Psal SomKQA 107:1  Rabbiga ku mahad naqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 107:2  Kuwa Rabbigu soo furtay sidaas ha yidhaahdeen, Waana kuwa uu isagu ka soo furtay gacantii cadowga,
Psal SomKQA 107:3  Oo uu ka soo ururiyey dalalka, Xagga bari, iyo xagga galbeed, Xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
Psal SomKQA 107:4  Waxay dhex wareegi jireen cidlada iyo jid lamadegaan ah, Mana ay helin magaalo ay degaan.
Psal SomKQA 107:5  Way gaajoodeen, wayna harraadeen, Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.
Psal SomKQA 107:6  Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban, Oo isna wuu ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii.
Psal SomKQA 107:7  Oo weliba wuxuu iyagii ku hoggaamiyey jid toosan, Si ay u tagaan magaalo ay degaan.
Psal SomKQA 107:8  Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
Psal SomKQA 107:9  Waayo, isagu wuxuu dhergiyaa nafta aad wax u doonaysa, Oo nafta gaajaysanna wuxuu ka dhergiyaa wanaagga.
Psal SomKQA 107:10  Kuwii dhex fadhiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada, Oo ku xidhnaa dhibaatada iyo birta,
Psal SomKQA 107:11  Waxay ku caasiyoobeen erayadii Ilaah, Oo waxay fududaysteen taladii Ilaaha ugu sarreeya,
Psal SomKQA 107:12  Sidaas daraaddeed ayuu qalbigoodii daal ku soo dejiyey, Wayna dheceen, mid iyaga caawiyaana ma jirin.
Psal SomKQA 107:13  Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban, Oo isna wuu ka badbaadiyey dhibaatooyinkoodii.
Psal SomKQA 107:14  Wuxuu ka soo dhex bixiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada, Silsiladihii ku xidhnaana wuu kala jejebiyey.
Psal SomKQA 107:15  Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
Psal SomKQA 107:16  Waayo, irdihii naxaasta ahaa wuu kala jejebiyey, Qataarradii birta ahaana wuu burburiyey.
Psal SomKQA 107:17  Nacasyadu waxay u dhibban yihiin xadgudubkooda aawadiis, Iyo xumaatooyinkooda aawadood.
Psal SomKQA 107:18  Naftoodu waxay nacdaa cunto kasta, Oo waxay ku soo dhowaadaan irdaha dhimashada.
Psal SomKQA 107:19  Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo badbaadiyaa dhibaatooyinkooda.
Psal SomKQA 107:20  Wuxuu soo diraa eraygiisa, wuuna bogsiiyaa iyaga, Oo wuxuu ka samatabbixiyaa halligaaddooda.
Psal SomKQA 107:21  Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
Psal SomKQA 107:22  Iyagu allabariga mahadnaqidda ha bixiyeen, Oo shuqulladiisa gabay ha ku sheegeen.
Psal SomKQA 107:23  Kuwa badda doonniyaha ku mara, Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan,
Psal SomKQA 107:24  Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa, Iyo yaababkiisa moolka ku jira.
Psal SomKQA 107:25  Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka, Taas oo kor u qaadda hirarka badda.
Psal SomKQA 107:26  Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka, Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed.
Psal SomKQA 107:27  Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan, Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan.
Psal SomKQA 107:28  Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda.
Psal SomKQA 107:29  Wuxuu dejiyaa duufaanka, Si ay hirarkiisu u xasillaan.
Psal SomKQA 107:30  Way farxaan, maxaa yeelay, way xasilloon yihiin, Oo sidaasuu iyaga ku keenaa marsada ay doonayaan.
Psal SomKQA 107:31  Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
Psal SomKQA 107:32  Iyagu ha ku sarraysiiyeen shirka dadka dhexdiisa, Oo ha ku ammaaneen fadhiga odayaasha.
Psal SomKQA 107:33  Isagu webiyo wuxuu u beddelaa cidlo, Oo ilo biyo ahna wuxuu u beddelaa dhul oommane ah,
Psal SomKQA 107:34  Oo dhul barwaaqaysanna wuxuu u beddelaa lamadegaan cusbo leh, Oo waana kuwa halkaas deggan xumaantooda aawadeed.
Psal SomKQA 107:35  Cidlada wuxuu u beddelaa balli biyo ah, Oo dhul engeganna wuxuu u beddelaa ilo biyo ah.
Psal SomKQA 107:36  Oo halkaasuu kuwa gaajaysan dejiyaa, Si ay u samaystaan magaalo ay degaan,
Psal SomKQA 107:37  Oo ay beeraha u abuurtaan, oo ay beero canab ah u beertaan, Oo ay u helaan midho tiro badan.
Psal SomKQA 107:38  Oo weliba iyaga wuu barakeeyaa, sidaas daraaddeed aad bay u tarmaan, Oo weliba uma uu oggolaado in xoolahoodu yaraadaan.
Psal SomKQA 107:39  Oo haddana way sii dhinmaan, oo waxay la foororsadaan Dulmi iyo dhib iyo murug.
Psal SomKQA 107:40  Amiirro wuxuu ku soo daayaa quudhsasho, Oo wuxuu ka dhigaa inay ku wareegaan cidlada aan jid lahayn.
Psal SomKQA 107:41  Oo weliba kan baahanna dhibaatada ayuu ka sara mariyaa, Oo wuxuu u yeelaa qolooyin ah sidii adhi oo kale.
Psal SomKQA 107:42  Kuwa qummanuna way arki doonaan, wayna ku farxi doonaan, Oo kolkaas xumaanta oo dhammu afkeeday xidhi doontaa.
Psal SomKQA 107:43  Ku alla kii caqli lahu wuu dhawri doonaa waxyaalahan, Oo iyana way ka fiirsan doonaan Rabbiga naxariistiisa.