Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
NEHEMIAH
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 7
Nehe SomKQA 7:1  Haddaba markii derbigii la dhisay, oo aan taagay albaabbadii, oo irid-dhawryadii iyo kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii reer Laawi la doortay,
Nehe SomKQA 7:2  ayaan Yeruusaalem madax uga dhigay walaalkay Xanaanii, iyo Xananyaah oo ahaa taliyihii qalcadda, waayo, wuxuu ahaa nin aamin ah, oo cabsida Ilaahna dad badan buu kaga horreeyey.
Nehe SomKQA 7:3  Oo waxaan iyagii ku idhi, Jeer ay qorraxdu kululaato yaan la furin irdaha Yeruusaalem, oo intay waardiyayaashu taagan yihiin albaabbada ha la xidho, oo idinku qataara, dadka Yeruusaalem degganna waardiyayaal ka doorta, oo mid waluba ha dhawro meel gurigiisa ka soo hor jeedda.
Nehe SomKQA 7:4  Haddaba magaaladu way ballaadhnayd, wayna weynayd, laakiinse dadku way ku yaraayeen, oo guryihiina ma ay dhisnayn.
Nehe SomKQA 7:5  Markaasaa Rabbigu wuxuu qalbigayga geliyey inaan soo wada ururiyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadkii oo dhanba in abtiriskooda la tiriyo. Oo waxaan helay buuggii uu ku qornaa abtiriskii kuwii markii hore yimid, oo waxaan ka helay oo gudihiisa ku qornaa:
Nehe SomKQA 7:6  Haddaba kuwanu waa dadkii gobolka ee ka soo noqday maxaabiisnimadii, oo ku jiray kuwii la kaxaystay, oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu u kaxaystay Baabuloon, oo ku soo noqday Yeruusaalem iyo dalkii Yahuudah, mid waluba magaaladiisii,
Nehe SomKQA 7:7  oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Casaryaah, Racamyaah, Naxamaanii, Mordekay, Bilshaan, Misfered, Bigway, Nexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:
Nehe SomKQA 7:8  Reer Farcosh waxaa ka soo noqday laba kun iyo boqol iyo laba iyo toddobaatan,
Nehe SomKQA 7:9  reer Shefatyaahna saddex boqol iyo laba iyo toddobaatan,
Nehe SomKQA 7:11  reer Fahad Moo'aab oo ahaa reer Yeeshuuca iyo reer Yoo'aabna laba kun iyo siddeed boqol iyo siddeed iyo toban,
Nehe SomKQA 7:12  reer Ceelaamna kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,
Nehe SomKQA 7:13  reer Satuuna siddeed boqol iyo shan iyo afartan,
Nehe SomKQA 7:15  reer Binnuwiina lix boqol iyo siddeed iyo afartan,
Nehe SomKQA 7:16  reer Beebayna lix boqol iyo siddeed iyo labaatan,
Nehe SomKQA 7:17  reer Casgaadna laba kun iyo saddex boqol iyo laba iyo labaatan,
Nehe SomKQA 7:18  reer Adoniiqaamna lix boqol iyo toddoba iyo lixdan,
Nehe SomKQA 7:21  reer Aateer oo ahaa reer Xisqiyaahna siddeed iyo sagaashan,
Nehe SomKQA 7:22  reer Xaashumna saddex boqol iyo siddeed iyo labaatan,
Nehe SomKQA 7:23  reer Beesayna saddex boqol iyo afar iyo labaatan,
Nehe SomKQA 7:26  raggii reer Beytlaxam iyo reer Netofaahna boqol iyo siddeed iyo siddeetan,
Nehe SomKQA 7:27  raggii reer Canaatoodna boqol iyo siddeed iyo labaatan,
Nehe SomKQA 7:29  raggii reer Qiryad Yecaariim, iyo reer Kefiiraah, iyo reer Bi'iroodna toddoba boqol iyo saddex iyo afartan,
Nehe SomKQA 7:30  raggii reer Raamaah iyo reer Gebacna lix boqol iyo kow iyo labaatan,
Nehe SomKQA 7:31  raggii reer Mikmaasna boqol iyo laba iyo labaatan,
Nehe SomKQA 7:32  raggii reer Beytel iyo reer Aaciina boqol iyo saddex iyo labaatan,
Nehe SomKQA 7:34  reerkii Ceelaamtii kalena kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,
Nehe SomKQA 7:36  reer Yerixoona saddex boqol iyo shan iyo afartan,
Nehe SomKQA 7:37  reer Lod, iyo reer Xaadiid, iyo reer Oonoona toddoba boqol iyo kow iyo labaatan,
Nehe SomKQA 7:38  reer Senaacaahna saddex kun iyo sagaal boqol iyo soddon.
Nehe SomKQA 7:39  Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen reer Yedacyaah oo ahaa reer Yeeshuuca oo ahaa sagaal boqol iyo saddex iyo toddobaatan,
Nehe SomKQA 7:41  reer Fashxuurna kun iyo laba boqol iyo toddoba iyo afartan,
Nehe SomKQA 7:43  Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca kii reer Qadmii'eel oo ahaa reer Xoodawyaah afar iyo toddobaatan.
Nehe SomKQA 7:44  Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaaf ahaana waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo afartan.
Nehe SomKQA 7:45  Oo kuwii irdaha dhawri jiray oo ahaa reer Shalluum, iyo reer Aateer, iyo reer Talmon, iyo reer Caquub, iyo reer Xatiitaa, iyo reer Shobay waxay isku ahaayeen boqol iyo siddeed iyo soddon.
Nehe SomKQA 7:46  Oo reer Netiiniimna waxay ahaayeen reer Siixaa, iyo reer Xasufaa, iyo reer Tabbaacood,
Nehe SomKQA 7:47  iyo reer Qeeros, iyo reer Siicaa, iyo reer Faadoon,
Nehe SomKQA 7:48  iyo reer Lebaanaa, iyo reer Xagaabaah, iyo reer Shalmay,
Nehe SomKQA 7:49  iyo reer Xaanaan, iyo reer Giddeel, iyo reer Gaxar,
Nehe SomKQA 7:50  iyo reer Re'aayaah, iyo reer Resiin, iyo reer Neqoodaa,
Nehe SomKQA 7:51  iyo reer Gasaam, iyo reer Cuusaa, iyo reer Faasee'ax,
Nehe SomKQA 7:52  iyo reer Beesay, iyo reer Mecuuniim, iyo reer Nefiishesiim,
Nehe SomKQA 7:53  iyo reer Baquuq, iyo reer Xaquufaa, iyo reer Xarxuur,
Nehe SomKQA 7:54  iyo reer Basliid, iyo reer Mexiidaa, iyo reer Xarshaa,
Nehe SomKQA 7:55  iyo reer Barqoos, iyo reer Siiseraa, iyo reer Temax,
Nehe SomKQA 7:57  Oo ilmihii addoommadii Sulaymaanna waxay ahaayeen reer Sotay, iyo reer Sofered, iyo reer Feriidaa,
Nehe SomKQA 7:58  iyo reer Yacalaa, iyo reer Darqoon, iyo reer Giddeel,
Nehe SomKQA 7:59  iyo reer Shefatyaah, iyo reer Xatiil, iyo reer Fokered Hasebaayiim, iyo reer Aamoon.
Nehe SomKQA 7:60  Oo reer Netiiniim oo dhan iyo ilmihii addoommadii Sulaymaan waxay isku ahaayeen saddex boqol iyo laba iyo sagaashan.
Nehe SomKQA 7:61  Oo kuwanuna waxay ahaayeen kuwii ka tegey Teel Melax, iyo Teel Xarshaa, iyo Keruub, iyo Addoon, iyo Immeer, laakiinse iyagu ma ay sheegi karin qabiilkoodii ama jilibkoodii, iyo inay reer binu Israa'iil ahaayeen iyo in kale toona,
Nehe SomKQA 7:62  oo reer Delaayaah, iyo reer Toobiyaah, iyo reer Neqoodaa waxay isku ahaayeen lix boqol iyo laba iyo afartan.
Nehe SomKQA 7:63  Oo kuwii wadaaddada ahaa waxay ahaayeen reer Xaabaayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Gilecaad oo iyaga lagu magacaabay.
Nehe SomKQA 7:64  Kuwanu waxay magacyadoodii ka doondooneen buuggii abtiriska, laakiinse lagama helin, sidaas aawadeed wadaadnimadii waa laga saaray sidii iyagoo nijaas ah.
Nehe SomKQA 7:65  Oo taliyihii baa iyagii ku amray inayan waxyaalaha ugu quduusan wax ka cunin jeer wadaad Uuriim iyo Tummiim leh kaco.
Nehe SomKQA 7:66  Oo ururka oo dhammu wuxuu giddigiis isku ahaa laba iyo afartan kun iyo saddex boqol iyo lixdan,
Nehe SomKQA 7:67  oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol iyo shan iyo afartan oo ah rag iyo naago gabya.
Nehe SomKQA 7:68  Fardahoodu waxay ahaayeen toddoba boqol iyo lix iyo soddon, baqlahooduna laba boqol iyo shan iyo afartan,
Nehe SomKQA 7:69  geelooduna afar boqol iyo shan iyo soddon, dameerahooduna lix kun iyo toddoba boqol iyo labaatan.
Nehe SomKQA 7:70  Oo madaxdii qabiilooyinka qaarkood ayaa shuqulkii wax u bixiyey. Taliyuhu wuxuu khasnadda siiyey kun dirham oo dahab ah, iyo konton maddiibadood, iyo shan boqol iyo soddon khamiis oo ah dhar wadaadood.
Nehe SomKQA 7:71  Oo madaxdii qabiilooyinka qaarkood ayaa khasnaddii shuqulka geliyey labaatan kun oo dirham oo dahab ah, iyo laba kun iyo laba boqol oo mina oo lacag ah.
Nehe SomKQA 7:72  Oo dadka intiisii kale wixii ay bixiyeen waxay ahaayeen labaatan kun oo dirham oo dahab ah, iyo laba kun oo mina oo lacag ah, iyo toddoba iyo lixdan khamiis oo ah dhar wadaadood.
Nehe SomKQA 7:73  Haddaba wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo dadkii qaarkiis, iyo reer Netiiniim, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay degeen magaalooyinkoodii. Oo markii bishii toddobaad la gaadhay reer binu Israa'iil waxay joogeen magaalooyinkoodii.