PSALMS
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
32
33
34
35
36
37
38
39
40
41
42
43
44
45
46
47
48
49
50
51
52
53
54
55
56
57
58
59
60
61
62
63
64
65
66
67
68
69
70
71
72
73
74
75
76
77
78
79
80
81
82
83
84
85
86
87
88
89
90
91
92
93
94
95
96
97
98
99
100
101
102
103
104
105
106
107
108
109
110
111
112
113
114
115
116
117
118
119
120
121
122
123
124
125
126
127
128
129
130
131
132
133
134
135
136
137
138
139
140
141
142
143
144
145
146
147
148
149
150
Chapter 89
Psal | SomKQA | 89:1 | Anigu weligayba waxaan ku gabyi doonaa Rabbiga waxyaalihiisa naxariista leh, Oo aaminnimadaadana afkaygaan ka ab ka ab ku ogeysiinayaa. | |
Psal | SomKQA | 89:2 | Waayo, waxaan idhi, Naxariistu weligeedba way dhisnaan doontaa, Oo aaminnimadaadana waxaad ku adkayn doontaa samooyinka qudhooda. | |
Psal | SomKQA | 89:3 | Axdi baan la dhigtay kii aan doortay, Oo waxaan u dhaartay addoonkaygii Daa'uud, oo ku idhi, | |
Psal | SomKQA | 89:4 | Farcankaaga weligayba waan sii adkayn doonaa, Oo carshigaaguna wuu dhisnaan doonaa tan iyo ka ab ka ab.(Selaah) | |
Psal | SomKQA | 89:5 | Rabbiyow, samooyinku waxay ammaani doonaan yaababkaaga, Oo weliba aaminnimadaadana waxaa laga dhex sheegi doonaa shirka kuwa quduuska ah. | |
Psal | SomKQA | 89:6 | Waayo, bal yaa cirka ku jira oo Rabbiga lala simi karaa? Bal yaase ku dhex jira wiilasha kuwa xoogga badan oo Rabbiga la mid ah, | |
Psal | SomKQA | 89:7 | Kaas oo ah Ilaaha ugu cabsida badan guddiga kuwa quduuska ah, Oo waajibka tahay in kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu ay ka cabsadaan. | |
Psal | SomKQA | 89:8 | Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Bal yaa sidaada u xoog badan, Rabbiyow? Aaminnimadaadu hareerahaagay ku wareegsan tahay. | |
Psal | SomKQA | 89:10 | Rahab waxaad u kala burburisay sidii mid la dilay, Oo cadaawayaashaadiina waxaad ku kala firdhisay gacanta xooggaaga. | |
Psal | SomKQA | 89:11 | Samooyinka adigaa iska leh, dhulkana adigaa iska leh, Dunida iyo waxaa ka buuxana adigaa aasaasay. | |
Psal | SomKQA | 89:12 | Woqooyi iyo koonfurba adigaa abuuray, Taaboor iyo Xermoonba magacaagay ku reyreeyaan. | |
Psal | SomKQA | 89:13 | Adigu waxaad leedahay dhudhun itaal weyn, Gacantaaduna way xoog badan tahay, midigtaaduna way sarraysaa. | |
Psal | SomKQA | 89:14 | Carshigaaga aasaaskiisu waxa weeye xaq iyo caddaalad, Oo naxariista iyo runtuna way ku hor socdaan. | |
Psal | SomKQA | 89:15 | Waxaa barakaysan dadka yaqaan dhawaaqa farxadda leh, Rabbiyow, waxay ku socdaan wejigaaga iftiinkiisa, | |
Psal | SomKQA | 89:16 | Maalinta oo dhan waxay ku reyreeyaan magacaaga, Oo waxay ku sara marayaan xaqnimadaada. | |
Psal | SomKQA | 89:17 | Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda, Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa. | |
Psal | SomKQA | 89:18 | Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga, Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil. | |
Psal | SomKQA | 89:19 | Markaas quduusiintaada waxaad kula hadashay muuqasho, Oo waxaad ku tidhi, Waxaan caawimaad kor saaray mid xoog badan, Oo waxaan sarraysiiyey mid dadka laga doortay. | |
Psal | SomKQA | 89:20 | Waxaan helay addoonkaygii Daa'uud ahaa, Oo waxaan ku subkay saliiddaydii quduuska ahayd, | |
Psal | SomKQA | 89:23 | Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa, Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa. | |
Psal | SomKQA | 89:24 | Laakiinse aaminnimadayda iyo naxariistaydu isagay la jiri doonaan, Oo geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa magacayga. | |
Psal | SomKQA | 89:26 | Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay, Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda. | |
Psal | SomKQA | 89:27 | Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga, Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya. | |
Psal | SomKQA | 89:28 | Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda, Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona. | |
Psal | SomKQA | 89:29 | Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara, Carshigiisana sida wakhtiga samada. | |
Psal | SomKQA | 89:33 | Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono, Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono. | |
Psal | SomKQA | 89:36 | Farcankiisu weligiisuu waari doonaa, Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa. | |
Psal | SomKQA | 89:37 | Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa, Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga.(Selaah) | |
Psal | SomKQA | 89:39 | Axdigii addoonkaaga waad nacday, Oo taajkiisiina waad nijaasaysay oo dhulka ku tuurtay. | |
Psal | SomKQA | 89:41 | Wax alla wixii jidka soo mara oo dhanba isagay dhacaan, Oo derisyadiisana wuxuu u noqday cay. | |
Psal | SomKQA | 89:42 | Waxaad kor u qaadday midigtii kuwii dulmayay, Cadaawayaashiisii oo dhanna waad ka farxisay. | |
Psal | SomKQA | 89:43 | Oo weliba afka seeftiisana dib baad u celisaa, Isagiina kama aad dhigin inuu dagaalka ku sii adkaysto. | |
Psal | SomKQA | 89:45 | Cimrigii dhallinyaranimadiisii waad soo gaabisay, Oo waxaad isagii ka muujisay ceeb.(Selaah) | |
Psal | SomKQA | 89:46 | Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa? | |
Psal | SomKQA | 89:47 | Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay, Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa! | |
Psal | SomKQA | 89:48 | Bal waa ninkee kan iska noolaan doona isagoo aan dhimasho arkin, Oo naftiisa ka samatabbixin doona xoogga She'ool?(Selaah) | |
Psal | SomKQA | 89:50 | Sayidow, bal soo xusuuso cayda addoommadaada, Iyo sida aan laabta ugu sido cayda dadka badan oo dhan, | |
Psal | SomKQA | 89:51 | Rabbiyow, waana tii ay cadaawayaashaadu igu caayeen, Oo waa tii ay ku caayeen tallaabooyinka kaaga subkan. | |