Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
LAMENTATIONS
1 2 3 4 5
Prev Up Next Toggle notes
Chapter 3
Lame SomKQA 3:1  Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.
Lame SomKQA 3:2  Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn.
Lame SomKQA 3:3  Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa.
Lame SomKQA 3:4  Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.
Lame SomKQA 3:5  Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib.
Lame SomKQA 3:6  Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.
Lame SomKQA 3:7  Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.
Lame SomKQA 3:8  Oo weliba markaan dhawaaqo oo aan caawimaad u qayshadona baryadayda wuu diidaa.
Lame SomKQA 3:9  Jidadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey.
Lame SomKQA 3:10  Wuxuu igu noqday sidii orso ii gabbanaysa iyo sidii libaax meelo qarsoon iigu dhuumanaya.
Lame SomKQA 3:11  Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.
Lame SomKQA 3:12  Qaansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha.
Lame SomKQA 3:13  Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan.
Lame SomKQA 3:14  Waxaan dadkaygii oo dhan u noqday wax la quudhsado, oo maalintii oo dhanna gabaygooda way igu halqabsadaan.
Lame SomKQA 3:15  Wuxuu iga buuxiyey qadhaadh, dacar buuna igu dhergiyey.
Lame SomKQA 3:16  Ilkahaygii dhagaxyo quruurux ah ayuu ku jejebiyey, oo dambas buu igu daboolay.
Lame SomKQA 3:17  Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.
Lame SomKQA 3:18  Waxaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe'een.
Lame SomKQA 3:19  Xusuuso dhibkaygii iyo wareeggaygii, iyo dacartii iyo xammeetidii.
Lame SomKQA 3:20  Naftaydu iyagay weli soo xusuusataa, oo ceeb bay la foororsatay.
Lame SomKQA 3:21  Tan uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay.
Lame SomKQA 3:22  Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.
Lame SomKQA 3:23  Subax walba way cusub yihiin, daacadnimadaaduna way weyn tahay.
Lame SomKQA 3:24  Naftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa.
Lame SomKQA 3:25  Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba.
Lame SomKQA 3:26  Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo.
Lame SomKQA 3:27  Waxaa wanaagsan in nin harqoodka qaato intuu dhallinyar yahay.
Lame SomKQA 3:28  Keligiis ha fadhiisto isagoo aamusan, maxaa yeelay, isagaa kor saaray.
Lame SomKQA 3:29  Afkiisa ciidda ha daro, waxaa suurtowda inay rajo jirto.
Lame SomKQA 3:30  Dhabankiisa ha u dhiibo mid dharbaaxa, oo cay ha ka dhergo.
Lame SomKQA 3:31  Waayo, Sayidku ilaa weligiis ma uu sii tuuri doono.
Lame SomKQA 3:32  Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.
Lame SomKQA 3:33  Waayo, isagu binu-aadmiga kas uma dhibo, umana murugeeyo.
Lame SomKQA 3:34  In maxaabiista dunida oo dhan cagaha hoostooda lagu burburiyo,
Lame SomKQA 3:35  Iyo in dadka xaqiisa laga leexiyo Ilaaha sare hortiisa,
Lame SomKQA 3:36  Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha.
Lame SomKQA 3:37  Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?
Lame SomKQA 3:38  Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?
Lame SomKQA 3:39  Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa?
Lame SomKQA 3:40  Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno.
Lame SomKQA 3:41  Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira.
Lame SomKQA 3:42  Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.
Lame SomKQA 3:43  Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.
Lame SomKQA 3:44  Daruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin.
Lame SomKQA 3:45  Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.
Lame SomKQA 3:46  Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.
Lame SomKQA 3:47  Waxaa noo yimid cabsi iyo yaamays, iyo halligaad iyo baabbi'in.
Lame SomKQA 3:48  Indhahayga waxaa ka daata durdurro ilmo ah, waana baabbi'inta dadkayga aawadeed.
Lame SomKQA 3:49  Indhahaygu had iyo goorba way qubtaan oo innaba ma joogsadaan
Lame SomKQA 3:50  Ilamaa Rabbigu hoos soo fiiriyo, oo uu samada ka soo eego.
Lame SomKQA 3:51  Indhahaygu way ii murugeeyaan gabdhaha magaaladayda oo dhan daraaddood.
Lame SomKQA 3:52  Kuwii cadaawayaashayda sababla'aan u ahaa ayaa i ugaadhsaday sida shimbir loo ugaadhsado oo kale.
Lame SomKQA 3:53  Waxay bohol iigu rideen si ay naftayda iiga qaadaan, oo dhagax bay igu soo kor tuureen.
Lame SomKQA 3:54  Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day.
Lame SomKQA 3:55  Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay.
Lame SomKQA 3:56  Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.
Lame SomKQA 3:57  Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan.
Lame SomKQA 3:58  Sayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay.
Lame SomKQA 3:59  Rabbiyow, gardarradii laygu hayay waad aragtay ee ii garsoor.
Lame SomKQA 3:60  Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.
Lame SomKQA 3:61  Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan,
Lame SomKQA 3:62  Iyo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qastiyeenba.
Lame SomKQA 3:63  Bal eeg, markay fadhiyaan iyo markay taagan yihiinba waxaan ahay waxay ka gabyaan.
Lame SomKQA 3:64  Rabbiyow, waxaad iyaga siin doontaa abaalgud waafaqsan shuqullada gacmahooda.
Lame SomKQA 3:65  Indhala'aanta qalbiga waad siin doontaa, inkaartaadana korkooda waad ka yeeli doontaa.
Lame SomKQA 3:66  Cadho baad ku eryan doontaa oo samadaada hoosteeda iyagaad ka baabbi'in doontaa.