Chapter 1
Hebr | SomKQA | 1:1 | Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii, | |
Hebr | SomKQA | 1:2 | laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa uu ka dhigay kan wax walba dhaxla, kan uu duniyooyinkana ku sameeyey. | |
Hebr | SomKQA | 1:3 | Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa, | |
Hebr | SomKQA | 1:5 | Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay? Oo weliba, Waxaan isaga u noqon doonaa Aabbe, Oo isaguna wuxuu ii noqon doonaa Wiil? | |
Hebr | SomKQA | 1:6 | Oo weliba, markuu curadka dunida dhex keenayay, wuxuu yidhi, Malaa'igaha Ilaah oo dhammu isaga ha caabudeen. | |
Hebr | SomKQA | 1:7 | Oo xagga malaa'igahana wuxuu ka yidhi, Wuxuu malaa'igihiisa ka dhigaa dabaylo, Kuwa u adeegana dab ololkiis. | |
Hebr | SomKQA | 1:8 | Laakiin Wiilka wuxuu ka yidhi, Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis; Oo usha qummanaantuna waa usha boqortooyadaada. | |
Hebr | SomKQA | 1:9 | Adigu xaqnimada waad jeclayd, dembigana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey. | |
Hebr | SomKQA | 1:10 | Oo, Adigu Rabbiyow, bilowgii dhulkaad aasaastay, Samooyinkuna waa shuqullada gacmahaaga, | |
Hebr | SomKQA | 1:11 | Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii jiraysaa; Oo kulligood sida dhar bay u duugoobi doonaan, | |
Hebr | SomKQA | 1:12 | Oo sida go' baad u laallaabi doontaa, Sida dhar bayna u beddelmi doonaan; Adiguse sidaadii uun baad tahay Sannadahaaguna ma dhammaan doonaan. | |
Hebr | SomKQA | 1:13 | Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi, Midigtayda fadhiiso Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo? | |
Chapter 2
Hebr | SomKQA | 2:1 | Taa aawadeed waa inaynu aad u dhegaysanno waxaynu maqalnay waaba intaasoo ay inaga fakadaan. | |
Hebr | SomKQA | 2:2 | Waayo, haddii hadalkii malaa'iguhu ku hadleen xaqiiq ahaa, oo kii kasta oo xadgudub iyo caasinimo sameeyey uu helay abaalgud xaq ah, | |
Hebr | SomKQA | 2:3 | sidee baynu u baxsan doonnaa haddaynu dayacno badbaadintan weyn oo Rabbigu kolkii hore ku hadlay oo kuwii maqlayna inoo xaqiiqeeyeen? | |
Hebr | SomKQA | 2:4 | Ilaahna wuxuu ugu marag furay calaamooyin iyo yaababba, iyo xoogag kala duduwan, iyo hadiyado Ruuxa Quduuska ahu u qaybiyey siduu doonayay. | |
Hebr | SomKQA | 2:6 | Laakiin mid baa meel ka marag furay isagoo leh, Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Ama wiilka aadanaha, oo aad u soo booqataa? | |
Hebr | SomKQA | 2:7 | Waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha. Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad, Oo waxaad ka sarraysiisay shuqullada gacmahaaga, | |
Hebr | SomKQA | 2:8 | Wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay. Isagoo wax walba isaga ka hoosaysiiyey, wax uu dhaafay oo aanu isaga ka hoosaysiinini ma jiraan, laakiin imminka weli ma aragno wax walba oo isaga laga hoosaysiiyey. | |
Hebr | SomKQA | 2:9 | Laakiin waxaynu aragnaa Ciise, kan wax yar malaa'igaha laga hoosaysiiyey, isagoo xanuunka dhimashada aawadiis ammaan iyo murwad taaj loogu geliyey inuu nimcada Ilaah dhimashada ugu dhadhamiyo qof walba. | |
Hebr | SomKQA | 2:10 | Waayo, waa u ekayd kan wax walba u yihiin, oo wax walba ka yimaadeen, markuu carruur badan ammaan u keeno, inuu bilaabaha badbaadadooda xanuun ku kaamilo. | |
Hebr | SomKQA | 2:11 | Waayo, kan quduus ka dhiga iyo kuwa quduus laga dhigaaba kulli mid keliya ayay ka yimaadaan; taas aawadeed isagu kalama xishoodo inuu iyaga ugu yeedho walaalo, | |
Hebr | SomKQA | 2:12 | isagoo leh, Magacaaga waxaan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa. | |
Hebr | SomKQA | 2:13 | Oo haddana, Isagaan aamini doonaa, oo haddana, Bal eega, aniga iyo carruurta Ilaah i siiyey. | |
Hebr | SomKQA | 2:14 | Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawadeed isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabbi'iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska, | |
Hebr | SomKQA | 2:15 | iyo inuu furo kulli kuwii cimrigoodii oo dhan addoonnimo ugu hoos jiray cabsida dhimashada. | |
Hebr | SomKQA | 2:16 | Waayo, runtii, ma uu qaadan suuradda malaa'igaha, wuxuuse qaatay tan dhashii Ibraahim. | |
Hebr | SomKQA | 2:17 | Haddaba waxaa isaga u ekayd inuu wax walba ugu ekaado walaalihiis, inuu wadaad sare oo naxariis iyo aamin badan leh u noqdo xagga waxyaalaha Ilaah, si uu cadhotir ugu noqdo dembiyada dadka. | |
Chapter 3
Hebr | SomKQA | 3:1 | Haddaba walaalaha quduuska ah oo ka qayb gala yeedhniinta jannadow, u fiirsada Ciise oo ah Rasuulka iyo Wadaadka sare ee iimaanka aynu qiranno. | |
Hebr | SomKQA | 3:3 | Waayo, waxaa isaga lagu tiriyey inuu istaahilo ammaan ka badan tii Muuse, sida kan guriga dhisa uga murwad badan yahay guriga. | |
Hebr | SomKQA | 3:5 | Oo runtii Muuse gurigiisa oo dhan aamin buu ugu ahaa sida midiidin, inuu markhaati u ahaado waxyaalaha mar dambe lagu hadli doono. | |
Hebr | SomKQA | 3:6 | Laakiin Masiix aamin buu u ahaa sida wiil gurigiisa ka sarreeya; oo gurigiisu waa innaga haddaynu ilaa ugu dambaysta dhiirranaanteenna iyo faanka rajadeenna aad u xajinno. | |
Hebr | SomKQA | 3:7 | Haddaba waa sidan waxa Ruuxa Quduuska ahi leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, | |
Hebr | SomKQA | 3:8 | Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka, Sidii maalintii jirrabaadda ee cidlada dhexdeeda, | |
Hebr | SomKQA | 3:9 | Meeshii ay awowayaashiin igu jirrabeen, oo ay igu tijaabiyeen, Oo ay afartanka sannadood shuqulladaydii ku arkeen. | |
Hebr | SomKQA | 3:10 | Taas daraaddeed qarnigan waan u cadhaysnaa, Oo waxaan idhi, Had iyo goorba qalbigooday ka qaldamaan, Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii. | |
Hebr | SomKQA | 3:11 | Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan. | |
Hebr | SomKQA | 3:12 | Iska jira, walaalayaalow. Yaanu qalbi shar leh oo aan rumaysad lahayni midkiinna ku jirin, idinkoo Ilaaha nool ka dheeraanaya. | |
Hebr | SomKQA | 3:13 | Laakiin maalin kasta iswaaniya, intii la odhanayo, Maanta, inuusan midkiinna ku engegin khiyaanada dembiga. | |
Hebr | SomKQA | 3:14 | Waayo, waxaynu noqonnay kuwa Masiix ka qayb qaatay, haddaynu aad u xajinno bilowgii kalsoonaanteenna ilaa ugu dambaysta, | |
Hebr | SomKQA | 3:15 | inta la leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka. | |
Hebr | SomKQA | 3:16 | Waayo, yaa, markay maqleen, Ilaah ka dhirfiyey? Miyaanay ahayn kulligood kuwii Muuse ka keenay Masar? | |
Hebr | SomKQA | 3:17 | Oo yuu afartan sannadood u cadhaysnaa? Miyaanay ahayn kuwii dembaabay oo meydadkoodu cidlada ku dhacdhaceen? | |
Hebr | SomKQA | 3:18 | Oo yuu ku dhaartay inaanay nasashadiisa gelin, kuwii isaga addeeci waayay mooyaane? | |
Chapter 4
Hebr | SomKQA | 4:1 | Sidaas daraaddeed aynu cabsanno, inta ballan nasashadiisa lagu gelayaa jiro, inaan midkiinna u ekaan mid gaadhi waayay. | |
Hebr | SomKQA | 4:2 | Waayo, innagana war wanaagsan baa laynagu wacdiyey sidooda oo kale, laakiin hadalkay maqleen waxba uma uu tarin iyaga, maxaa yeelay, kuwii maqlay rumaysad kuma ay darin. | |
Hebr | SomKQA | 4:3 | Waayo, kuweenna rumaystay, nasashadaas waynu galnaa, siduu u yidhi, Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan, in kastoo ay shuqulladii ka dhammaadeen aasaaska dunida. | |
Hebr | SomKQA | 4:4 | Waayo, isagu meel buu maalintii toddobaad sidan ka yidhi, Maalintii toddobaad Ilaah baa shuqulladiisii oo dhan ka nastay. | |
Hebr | SomKQA | 4:6 | Haddaba waxaa hadhay qaar gelaya, oo kuwii kolkii hore warkii wanaagsanaa lagu wacdiyey way geli waayeen caasinimo aawadeed. | |
Hebr | SomKQA | 4:7 | Taas daraaddeed haddana mar kale maalintoo buu gooni u dhigay, isagoo wakhti dheer dabadeed qorniinka Daa'uud ku leh, Maanta, sidii kolkii hore la yidhi, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, Qalbiyadiinna ha adkaynina. | |
Hebr | SomKQA | 4:8 | Waayo, haddii Yashuuca iyagii nasiyey, Ilaah markaas dabadeed kama uu hadleen maalin kale. | |
Hebr | SomKQA | 4:10 | Waayo, kii nasashadiisa galay, isaga qudhiisuna waa ka nastay shuqulladiisii sidii Ilaah kuwiisii uga nastay. | |
Hebr | SomKQA | 4:11 | Haddaba aynu u dadaalno inaynu nasashadaas galno inaan ninna caasinimadaas oo kale ku dhicin. | |
Hebr | SomKQA | 4:12 | Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa, oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira. | |
Hebr | SomKQA | 4:13 | Oo uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, kan aynu ku tirsan nahay. | |
Hebr | SomKQA | 4:14 | Haddaba innagoo leh wadaad sare oo weyn, kan samooyinka sii dhex maray, kaas oo ah Ciisoo Wiilka Ilaah ah, aynu qirashadeenna xajinno. | |
Hebr | SomKQA | 4:15 | Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn. | |
Chapter 5
Hebr | SomKQA | 5:1 | Wadaad sare oo kasta, oo dadka laga dhex bixiyo, waxaa dadka loogu doortaa waxyaalaha Ilaah ku saabsan, inuu hadiyado iyo allabaryoba u bixiyo dembiyada aawadood. | |
Hebr | SomKQA | 5:2 | Isagu waa u naxariisan karaa kuwaan aqoonta lahayn iyo kuwa qaldan, maxaa yeelay, isaga qudhiisuba wuu itaal daranyahay. | |
Hebr | SomKQA | 5:3 | Oo sidaas daraaddeed waa inuu qudhiisa wax ugu bixiyo dembiyada aawadood, siduu dadka wax ugu bixiyo oo kale. | |
Hebr | SomKQA | 5:4 | Ninna murwadda iskama qaato, laakiin waa kii Ilaah ugu yeedho siduu Haaruun ugu yeedhay. | |
Hebr | SomKQA | 5:5 | Sidaas oo kale Masiixu isma ammaanin inuu noqdo wadaad sare, laakiin waxaa doortay kan ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay. | |
Hebr | SomKQA | 5:6 | Meel kalena wuxuu ka yidhi. Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq. | |
Hebr | SomKQA | 5:7 | Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa. | |
Hebr | SomKQA | 5:9 | oo goortuu kaamil noqday wuxuu kuwa isaga addeeca oo dhan u noqday sababta badbaadada weligeed ah. | |
Hebr | SomKQA | 5:11 | Waxaannu haysanna waxyaalo badan oo aannu kan kaga hadalno, laakiin waa fasir adag yahay dhegaculayskiinna aawadiis. | |
Hebr | SomKQA | 5:12 | Wakhtigii aad macallimiin noqon lahaydeen ayaad haddana u baahan tihiin in laydin baro waxyaalaha ugu horreeya ee Ereyada Ilaah, oo waxaad noqoteen sidii kuwa caano u baahan ee aan cunto adag u baahnayn. | |
Hebr | SomKQA | 5:13 | Waayo, mid kasta oo ay cuntadiisu caano tahay aqoon uma laha hadalka xaqnimada, waayo, waa ilmo yar. | |
Chapter 6
Hebr | SomKQA | 6:1 | Taas daraaddeed aynu iska dayno ka hadlidda waxyaalihii ugu horreeyey ee Masiix, oo hore aynu ugu soconno kaamilnimada, oo yeynan mar kale dhigin aasaaska ka-toobadkeenidda shuqulladii dhintay, iyo iimaanka xagga Ilaah, | |
Hebr | SomKQA | 6:2 | iyo waxbaridda baabtiisyada, iyo gacmo-dul-saaridda, iyo sarakicidda kuwii dhintay, iyo xukunka weligiis ah. | |
Hebr | SomKQA | 6:4 | Kuwii mar loo iftiimiyey, oo hadiyaddii jannada dhadhamiyey, oo laga dhigay kuwa ka qayb galay Ruuxa Quduuskaa, | |
Hebr | SomKQA | 6:6 | oo dabadeedna dhacay, ma suurtowdo in loo cusboonaysiiyo toobadkeenidda, iyagoo mar kale Wiilka Ilaah iskutallaabta isugu qodbaya oo bayaan u ceebaynaya. | |
Hebr | SomKQA | 6:7 | Waayo, dhulka cabbay roobka marar badan ku dul da'a, oo u soo saara geedo u wanaagsan kuwii beeray, wuxuu Ilaah ka helaa barako, | |
Hebr | SomKQA | 6:8 | laakiin hadduu dhalo qodxan iyo yamaarug, waxtar ma leh, oo habaar buu ku dhow yahay, ugudambaystiisana waa in la gubaa. | |
Hebr | SomKQA | 6:9 | Laakiin gacaliyayaalow, wax ka wanaagsan oo idinku saabsan ayaa lana aaminsiiyey iyo waxyaalaha badbaadada, in kastoo aannu sidan u hadalnay. | |
Hebr | SomKQA | 6:10 | Waayo, Ilaah ma xaqdarra, mana illoobo shuqulkiinna iyo jacaylka aad magiciisa u qabtaan, maxaa yeelay, quduusiinta ayaad u adeegteen oo weli waad u adeegtaan. | |
Hebr | SomKQA | 6:11 | Oo annagu waxaannu jecel nahay in midkiin kastaa muujiyo dadaalkaas oo kale tan iyo hubaasha rajada ilaa ugu dambaysta, | |
Hebr | SomKQA | 6:12 | inaydnaan caajisiin noqon laakiin aad noqotaan kuwo ku dayda kuwa rumaysadka iyo dulqaadashada ku dhaxla ballamada. | |
Hebr | SomKQA | 6:13 | Markii Ilaah ballan u qaaday Ibraahim, isagoo mid ka weyn oo uu ku dhaarto aan haysan, ayuu isku dhaartay, | |
Hebr | SomKQA | 6:16 | Waayo, dadku waxay ku dhaartaan kan iyaga ka weyn, oo waxaa muran kasta oo kooda ah ugu dambaysa dhaar si loo xaqiiqaysto, | |
Hebr | SomKQA | 6:17 | sidaas daraaddeed, Ilaah, isagoo aad u doonaya inuu kuwa ballanka dhaxla tuso taladiisa aan beddelmi karin, ayuu dhaar ku galay; | |
Hebr | SomKQA | 6:18 | in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal, | |
Hebr | SomKQA | 6:19 | tan aynu sida barroosinka nafta u haysanno, mid adkaan iyo hubaalba ah oo gelaysa waxa daaha ka shisheeya, | |
Chapter 7
Hebr | SomKQA | 7:1 | Malkisadaqan, oo Saalem boqorka u ahaa, wadaadkii Ilaaha ugu sarreeyana ahaa, wuxuu la kulmay Ibraahim oo ka soo noqday layntii boqorrada, wuuna barakeeyey. | |
Hebr | SomKQA | 7:2 | Oo Ibraahim wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel. Malkisadaq hortii waxaa magiciisii lagu fasiray, Boqorka Xaqnimada, dabadeedna, Boqorka Saalem, oo ah Boqorka Nabadda. | |
Hebr | SomKQA | 7:3 | Aabbe ma lahayn, hooyona ma lahayn, abtirsiinyona ma lahayn, oo isagoo aan lahayn bilowga maalmaha ama dhammaadka nolosha laakiin loo ekaysiiyey Wiilka Ilaah, ayuu weligiis wadaad sii ahaanayaa. | |
Hebr | SomKQA | 7:4 | Haddaba ka fiirsada ninkanu siduu u weynaa, kan Ibraahim oo madaxda awowayaashii ahi meeltobnaad ka siiyey boolidii. | |
Hebr | SomKQA | 7:5 | Oo runtii kuwii qoladii Laawi oo helay shuqulka wadaadnimada waxay haystaan amar ay dadka kaga qaataan meeltobnaadka sida sharcigu leeyahay, kuwaas waxaa weeye walaalahood in kastoo ay kuwanu ka yimaadeen xanjaadka Ibraahim. | |
Hebr | SomKQA | 7:6 | Laakiin kii aan iyaga ku abtirsanin ayaa wuxuu Ibraahim ka qaatay meeltobnaadyo, oo barakeeyey kii ballamada loo qaaday. | |
Hebr | SomKQA | 7:8 | Oo halkan waxaa meeltobnaadyada qaata dadka dhinta, laakiin halkaas mid loo markhaati furay inuu nool yahay. | |
Hebr | SomKQA | 7:9 | Waxaa la odhan kara, Laawiga meeltobnaadyada qaataana, Ibraahim meeltobnaadyo ayuu ku bixiyey. | |
Hebr | SomKQA | 7:11 | Haddaba haddii kaamilnimo ku jirtay wadaadnimadii Laawi, waayo, iyada ayuu dadku sharciga ka hoos helaye, maxaa weli loogu baahnaa in wadaad kale ka kaco derejadii Malkisadaq oo aan lagu magacaabin derejadii Haaruun? | |
Hebr | SomKQA | 7:13 | Waayo, kii waxyaalahan laga sheegay waa qolo kale oo aan nin meeshii allabariga ka shaqeeyey ka iman. | |
Hebr | SomKQA | 7:14 | Waa cad dahay in Sayidkeennu ka soo baxay Yahuudah, oo ah qolo aan Muuse kaga hadlin wax wadaaddo ku saabsan. | |
Hebr | SomKQA | 7:16 | kii aan wadaad lagaga dhigin sharciga abtirsiinyada xagga jidhka, laakiin xagga xoogga nolosha aan dhammaadka lahayn. | |
Hebr | SomKQA | 7:17 | Waayo, isaga waxaa loogu markhaati furay, Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq. | |
Hebr | SomKQA | 7:19 | maxaa yeelay, sharcigu waxba ma uu kaamilin. Oo waxaa la keenay rajo ka wanaagsan oo aynu Ilaah ugu dhowaanno. | |
Hebr | SomKQA | 7:21 | Iyagu dhaarla'aan bay wadaaddo ku noqdeen, laakiin isagu wuxuu ku noqday dhaarta kan ku yidhi, Rabbigu waa dhaartay, kana soo noqon maayo, Adigu weligaaba wadaad baad tahay. | |
Hebr | SomKQA | 7:23 | Iyaguna waxay noqdeen wadaaddo tiro badan, maxaa yeelay, dhimashada ayaa ka joojisay inay sii jiraan: | |
Hebr | SomKQA | 7:24 | Isaguse wuxuu haystaa wadaadnimadiisa aan beddelmi karin, waayo, weligiis buu sii jirayaa. | |
Hebr | SomKQA | 7:25 | Sidaas daraaddeed dhammaan buu u badbaadin karaa kuwa Ilaah ugu dhowaada isaga, maxaa yeelay, isagu weligiis waa nool yahay si uu ugu duceeyo iyaga. | |
Hebr | SomKQA | 7:26 | Waayo, wadaad sare oo caynkan ahu waa inagu habboonaa, mid quduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey, | |
Hebr | SomKQA | 7:27 | kan aan u baahnayn inuu maalin walba allabari u bixiyo sida wadaaddadii sare, kolka hore dembiyadiisa aawadood, dabadeedna kuwa dadka aawadood; tan mar keliya ayuu sameeyey markuu isbixiyey. | |
Chapter 8
Hebr | SomKQA | 8:1 | Waxyaalihii la yidhi wixii ugu muhimsanaa waa kan, Waxaynu leennahay wadaad sare oo caynkaas ah, kan fadhiistay midigta carshiga Weynaha jannooyinka ku jira, | |
Hebr | SomKQA | 8:2 | kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin. | |
Hebr | SomKQA | 8:3 | Waayo, wadaad kasta oo sare waxaa loo doortay inuu hadiyado iyo allabaryo bixiyo, sidaas daraaddeed waa lagamamaarmaan in wadaadkan sarena haysto wax uu bixiyo. | |
Hebr | SomKQA | 8:4 | Haddaba hadduu dhulka joogi lahaa, wadaad ma uu ahaadeen, maxaa yeelay, waxaa jira kuwa hadiyado u bixiya sida sharcigu leeyahay; | |
Hebr | SomKQA | 8:5 | kuwa u adeega waxa ah u-ekaanta iyo hooska waxyaalaha jannada, sidii Muuse loogu digay kolkuu ku dhowaa inuu taambuugga sameeyo. Waayo, wuxuu yidhi, Aad ugu fiirso inaad wax walba u samayso siduu ahaa u-ekaanshihii buurta lagugu tusay. | |
Hebr | SomKQA | 8:6 | Laakiin haatan wuxuu helay shuqul aad uga wanaagsan siduu u yahay dhexdhexaadiyaha axdiga ka wanaagsan ee lagu dhisay ballamo ka wanaagsan. | |
Hebr | SomKQA | 8:8 | Wuxuu yidhi, isagoo iyaga eedaynaya, Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, Oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah; | |
Hebr | SomKQA | 8:9 | Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar, Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii, Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay. | |
Hebr | SomKQA | 8:10 | Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda, Qalbigoodana waan ku qori doonaa, Oo Ilaah baan u ahaan doonaa, Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan; | |
Hebr | SomKQA | 8:11 | Oo iyagu ma bari doonaan mid walba deriskiisa Iyo mid walba walaalkiis, iyagoo leh, Rabbiga garo, Waayo, kulli way i garan doonaan, Kan ugu yar ilaa kan ugu weyn. | |
Hebr | SomKQA | 8:12 | Waayo, iyagoo xaqdaran baan u naxariisan doonaa, Dembiyadoodana kol dambe ma xusuusan doono. | |
Chapter 9
Hebr | SomKQA | 9:1 | Xataa axdigii hore wuxuu lahaa qaynuunno ku saabsan caabudid, iyo meel quduus ah ee dunidatan. | |
Hebr | SomKQA | 9:2 | Waayo, waxaa la dhisay taambuug; intii hore waxaa ku jiray laambadaha isku yiil, iyo miiska, iyo kibista tusniinta, oo waxaa la odhan jiray Meeshii Quduuska ahayd. | |
Hebr | SomKQA | 9:3 | Daaha labaad shishediisa waxaa ku jiray taambuuggii la odhan jiray, Quduuskii Quduusyada, | |
Hebr | SomKQA | 9:4 | isagoo leh girgire dahab ah oo foox lagu shido, iyo sanduuqii axdiga oo kulligiis dahab lagu dahaadhay, dhexdiisana waxaa ku jiray weel dahab ah oo maannadii ku jirto, iyo ushii Haaruun oo magooshay, iyo looxyadii axdiga; | |
Hebr | SomKQA | 9:5 | dushiisana Keruubiimtii ammaanta oo hadhaynaya daboolka kafaaraggudka, waxyaalahaas oo aannan hadda gooni gooni uga hadli karin. | |
Hebr | SomKQA | 9:6 | Haddaba waxyaalahan oo sidaas loo diyaariyey, wadaaddadu waxay had iyo goor galaan taambuugga kowaad iyagoo shuqulka dhammaynaya. | |
Hebr | SomKQA | 9:7 | Laakiin kan labaad waxaa sannaddiiba mar gala wadaadka sare oo keliya, isagoo aan dhiigla'aan gelaynin. Oo dhiiggaas wuxuu u bixiyaa naftiisa iyo dembiyada dadku aqoonla'aanta ku sameeyo. | |
Hebr | SomKQA | 9:8 | Ruuxa Quduuska ahu wuxuu tilmaamaa inaan jidkii Quduuskii Quduusyada weli la muujin, inta taambuugga hore weli taagan yahay. | |
Hebr | SomKQA | 9:9 | Tani wakhtiga la joogo waa masaal, sida loo bixiyo hadiyado iyo allabaryo, kuwaas oo aan kaamil ka dhigi karin caabudaha niyadiisa, | |
Hebr | SomKQA | 9:10 | iyagoo ku saabsan cuntooyin iyo cabbitin iyo maydhmaydhid kala duwan oo ah amarrada jidhka oo keliya oo la dejiyey ilaa wakhtiga hagaajinta. | |
Hebr | SomKQA | 9:11 | Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman. | |
Hebr | SomKQA | 9:12 | Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay. | |
Hebr | SomKQA | 9:13 | Waayo, haddii orgiyo iyo dibiyo dhiiggooda, iyo qaalin dambaskeeda lagu rusheeyo kuwa nijaasoobay, ay quduus ka dhigaan in jidhka la nadiifiyo, | |
Hebr | SomKQA | 9:14 | intee ka badan ayuu dhiigga Masiix, kan Ruuxa weligiis ah isugu bixiyey Ilaah isagoo aan eed lahayn, niyadiinna ka nadiifin kara shuqullada dhintay si aad ugu adeegtaan Ilaaha nool? | |
Hebr | SomKQA | 9:15 | Oo sidaas daraaddeed isagu waa dhexdhexaadiyaha axdiga cusub in kuwii loo yeedhay ay helaan dhaxalka weligiis ah oo la ballanqaaday, waayo, dhimashadu waxay u noqotay ka madaxfurashada xadgudubyada lagu sameeyey axdigii hore. | |
Hebr | SomKQA | 9:17 | Waayo, dardaaranka waa la fuliyaa meeshii dhimasho jirto, maxaa yeelay, waxba ma taro intii kii dardaarmay nool yahay. | |
Hebr | SomKQA | 9:19 | Waayo, markii Muuse amar kasta kula hadlay dadka oo dhan sida sharcigu leeyahay, wuxuu qaaday dhiiggii weylalka iyo orgiyada, iyo biyo, iyo dhogor guduudan, iyo geed husob la yidhaahdo, oo wuxuu ku rusheeyey kitaabka qudhiisa iyo dadka oo dhanba, | |
Hebr | SomKQA | 9:21 | Sidaas oo kalena taambuugga iyo weelasha lagu adeego oo dhan ayuu ku rusheeyey dhiiggii. | |
Hebr | SomKQA | 9:22 | Inta badan wax walba waxaa lagu nadiifiyaa dhiig sida sharcigu leeyahay, oo dhiigdaadinla'aan dembidhaaf ma jiro. | |
Hebr | SomKQA | 9:23 | Haddaba lagamamaarmaan bay ahayd in u-ekaanta waxyaalaha jannooyinka ku jira kuwan lagu nadiifiyo; laakiin waxyaalaha jannada qudhooda waa in lagu nadiifiyo allabaryo kuwan ka wanaagsan. | |
Hebr | SomKQA | 9:24 | Masiixu ma uu gelin meel quduus ah oo gacmo lagu sameeyey, oo u eg tan runta ah, laakiin wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo. | |
Hebr | SomKQA | 9:25 | Weliba uma uu gelin inuu marar badan isbixiyo, sida wadaadka sare meesha quduuska ah sannad walba ula galo dhiig uusan lahayn. | |
Hebr | SomKQA | 9:26 | Haddii kale lagamamaarmaan bay ahayd inuu marar badan xanuunsado tan iyo aasaaskii dunida; laakiin haatan oo dhammaadkii wakhtiga ah isaga mar keliya ayaa la muujiyey inuu dembiga ku baabbi'iyo allabarigiisa. | |
Chapter 10
Hebr | SomKQA | 10:1 | Waayo, sharcigu wuxuu leeyahay hooska waxyaalaha wanaagsan oo iman doona, laakiin ma leh suuradda waxyaalahaas qudheeda. Oo caabudayaasha marnaba kaamil kagama uu dhigi karo allabaryo sannad walba had iyo goor la bixiyo. | |
Hebr | SomKQA | 10:2 | Haddii kale miyaan la joojiyeen in allabaryo la bixiyo? Maxaa yeelay, caabudayaashu, iyagoo mar la nadiifiyey, mar dambe dembiyo iskama ay garteen. | |
Hebr | SomKQA | 10:5 | Saas daraaddeed kolkuu Masiixu dunida soo galay wuxuu lahaa, Allabaryo iyo qurbaan ma aad doonaynin, Laakiin jidh baad ii diyaarisay. | |
Hebr | SomKQA | 10:6 | Waxyaalo la bixiyo oo la gubo oo dhan iyo dembi allabaryadiis kuma aad faraxsanayn. | |
Hebr | SomKQA | 10:7 | Markaasaan idhi, Bal eeg, waxaan u imid Inaan sameeyo doonistaada, Ilaahow. Kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran. | |
Hebr | SomKQA | 10:8 | Siduu horay u yidhi, Allabaryo iyo qurbaan iyo waxyaalo la bixiyo oo la gubo iyo dembi allabaryadiis ma aad doonayn, kumana aad faraxsanayn, kuwaas oo loo bixiyo sida sharcigu leeyahay. | |
Hebr | SomKQA | 10:9 | Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan u imid inaan sameeyo doonistaada. Wuxuu rujiyey kii kowaad si uu ka labaad u taago. | |
Hebr | SomKQA | 10:10 | Sida doonistaasu tahay, waxaa quduus laynagaga dhigay bixinta jidhka Ciise Masiix oo mar keliya la bixiyey. | |
Hebr | SomKQA | 10:11 | Wadaad waluba maalin kastuu istaagaa isagoo adeegaya oo marar badan bixinaya allabaryo isku mid ah, kuwa aan marnaba dembiyo qaadi karin, | |
Hebr | SomKQA | 10:12 | laakiin isagu kolkuu allabari keliya mar keliya dembiyo u bixiyey ayuu fadhiistay midigta Ilaah; | |
Hebr | SomKQA | 10:13 | isagoo markaas dabadeed sugaya ilaa cadaawayaashiisa cagihiisa hoostooda la geliyo. | |
Hebr | SomKQA | 10:14 | Maxaa yeelay, bixin keliya ayuu kaamil kaga dhigay weligood kuwa quduus laga dhigay. | |
Hebr | SomKQA | 10:15 | Oo taas Ruuxa Quduuska ahuna markhaati ahaan buu noogu sheegaa, waayo, kolkuu yidhi, | |
Hebr | SomKQA | 10:16 | Kanu waa axdiga aan la dhigan doono iyaga Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa qalbigooda, Maankoodana waan ku qori doonaa; markaasuu wuxuu ku daray; | |
Hebr | SomKQA | 10:19 | Taas daraaddeed, walaalayaalow, waxaynu haysannaa dhiirranaan inaynu meesha quduuska ah ku galno dhiigga Ciise, | |
Hebr | SomKQA | 10:22 | Taas daraaddeed aynu ugu soo dhowaanno qalbi run ah iyo hubaal rumaysad, iyadoo qalbiyadeenna laga nadiifiyey niyo shar leh, jidhkeennana lagu maydhay biyo daahir ah. | |
Hebr | SomKQA | 10:23 | Aynu aad u xajinno qirashada rajadeenna liicliicashola'aan, maxaa yeelay, kan inoo ballanqaaday waa aamin. | |
Hebr | SomKQA | 10:24 | Oo midkeenba midka kale ha ka fikiro si aynu isugu guubaabinno kalgacayl iyo shuqullo wanaagsan. | |
Hebr | SomKQA | 10:25 | Yeynan iska daynin isku ururkeenna sida ay tahay caadada dadka qaarkood, laakiin aan isdhiirrigelinno, khusuusan markaad aragtaan inay Maalintu soo dhowaanayso. | |
Hebr | SomKQA | 10:26 | Haddaynu badheedh u dembaabno kolkaynu aqoonta runta helnay dabadeed, allabari dambe oo dembiyo loo bixiyaa ma hadho. | |
Hebr | SomKQA | 10:27 | Laakiin waxaa u hadha filasho cabsi leh oo xukun, iyo dab kulul oo baabbi'in doona kuwa Ilaah ka geesta ah. | |
Hebr | SomKQA | 10:28 | Ninkii diida sharciga Muuse kolkii laba ama saddex nin ku markhaati furaan ayuu naxariisla'aan dhintaa. | |
Hebr | SomKQA | 10:29 | Taqsiir intee le'eg oo ka sii xun baad u malaynaysaan inuu istaahili doono kii Wiilka Ilaah ku joogjoogsaday, oo dhiigga axdiga oo isaga quduuska lagaga dhigay ku tiriyey wax aan quduus ahayn, oo caayay Ruuxa nimcada? | |
Hebr | SomKQA | 10:30 | Waayo, innagu waynu naqaan kan yidhi, Aarsasho anigaa leh; oo waan abaalmarin doonaa. Mar kalena waxaa la yidhi, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa. | |
Hebr | SomKQA | 10:32 | Laakiin xusuusta maalmihii hore, kolkii laydin iftiimiyey dabadeed, oo aad u adkaysateen dagaal weyn oo xanuunno badan leh. | |
Hebr | SomKQA | 10:33 | Mar waxaa laydinku ban dhigay cay iyo dhibaatooyin, marna waxaad wax la wadaagteen kuwa sidaas oo kale loo galay. | |
Hebr | SomKQA | 10:34 | Waayo, waad u naxariisateen kuwii xidhnaa, farxad baadna ku aqbasheen dhicitinka maalkiinna la dhacay, idinkoo og inaad idinka qudhiinnu maal ka wanaagsan oo raagaya haysataan. | |
Hebr | SomKQA | 10:36 | Waayo, waxaad dulqaadasho ugu baahan tihiin si aad u qaadataan wixii laydiin ballanqaaday markaad doonista Ilaah samaysaan dabadeed. | |
Hebr | SomKQA | 10:38 | Laakiin kayga xaqa ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa; Oo hadduu dib u noqdo, naftaydu kuma farxi doonto isaga. | |
Chapter 11
Hebr | SomKQA | 11:1 | Rumaysadku waa hubaasha waxyaalaha la rajeeyo, iyo xaqiiqaynta waxyaalaha aan la arkin. | |
Hebr | SomKQA | 11:3 | Rumaysad ayaynu ku garanaynaa in duniyooyinka lagu abuuray erayga Ilaah, sidaas daraaddeed waxa la arko lagama samayn waxa muuqda. | |
Hebr | SomKQA | 11:4 | Haabiil rumaysad ayuu Ilaah ugu bixiyey allabari aad uga wanaagsan kii Qaabiil, sidaas daraaddeed waxaa loogu markhaati furay inuu xaq yahay, Ilaahna waa ka markhaati furay hadiyadihiisii. Saas daraaddeed isagoo dhintay ayuu weli hadlaa. | |
Hebr | SomKQA | 11:5 | Enoog rumaysad baa kor loogu qaaday si uusan dhimasho u arag, lamana helin, maxaa yeelay, Ilaah baa isagii qaaday, waayo, intaan kor loo qaadin ka hor ayaa markhaati loo furay inuu Ilaah ka farxiyey. | |
Hebr | SomKQA | 11:6 | Oo rumaysadla'aantiis ma suurtowdo in isaga laga farxiyo, taas aawadeed kan Ilaah u yimaadaa waa inuu rumaysto inuu jiro oo uu yahay kan u abaalguda kuwa isaga doondoona. | |
Hebr | SomKQA | 11:7 | Nuux oo Ilaah uga digay waxyaalo aan weli la arkin ayaa cabsaday, oo rumaysad buu ku diyaariyey doonni in reerkiisu ku badbaado, sidaasuu dunida u xukumay oo ku noqday mid dhaxla xaqnimada rumaysadka ku timaada. | |
Hebr | SomKQA | 11:8 | Ibraahim kolkii loo yeedhay, rumaysad buu ku addeecay inuu tago meeshuu ku heli lahaa dhaxalka, wuuna tegey isagoo aan garanaynin meeshuu ku socdo. | |
Hebr | SomKQA | 11:9 | Rumaysad buu ku degganaa dhulkii loo ballanqaaday sidii dhul qalaad, wuxuuna taambuugyo la degganaa Isxaaq iyo Yacquub oo ahaa kuwii la dhaxlay isku ballan. | |
Hebr | SomKQA | 11:10 | Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay. | |
Hebr | SomKQA | 11:11 | Saarah qudheedu rumaysad bay ku heshay xoog ay ku uuraysato, oo iyadoo dhaaftay wakhtigii dhalmada ayay dhashay, waayo, waxay ku tirisay ku aamin ah kii u ballanqaaday. | |
Hebr | SomKQA | 11:12 | Sidaas daraaddeedna waxaa mid sidii nin dhintay oo kale ah ka dhashay dad u badan sida xiddigaha cirka iyo sida cammuudda badda xeebteeda taal oo aan la tirin karin. | |
Hebr | SomKQA | 11:13 | Kuwaasu kulligood rumaysad bay ku wada dhinteen, iyagoo aan helin waxyaalihii loo ballanqaaday, laakiin meel fog bay ka arkeen oo way aqbaleen, oo waxay qirteen inay dhulka ku ahaayeen shisheeyayaal iyo dad sodcaal ah. | |
Hebr | SomKQA | 11:14 | Waayo, kuwa waxyaalahan oo kale yidhaahdaa waxay muujiyaan inay doondoonayaan waddan kooda ah. | |
Hebr | SomKQA | 11:15 | Oo hadday xusuusnaayeen waddankii ay ka baxeen way heli lahaayeen wakhti ay ku noqdaan. | |
Hebr | SomKQA | 11:16 | Laakiin imminka waxay aad u doonayaan waddan ka wanaagsan oo ah jannada, sidaas daraaddeed Ilaah ka xishoon maayo in loogu yeedho Ilaahood, waayo, wuxuu iyaga u diyaariyey magaalo. | |
Hebr | SomKQA | 11:17 | Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Isxaaq allabari ahaan ugu bixiyey. Kii ballamada aqbalay ayaa wuxuu bixinayay wiilkiisii keliyaha, | |
Hebr | SomKQA | 11:18 | in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa. | |
Hebr | SomKQA | 11:19 | Wuxuu ku tirinayay in Ilaah ka kicin karo xataa kuwii dhintay; oo sida masaal oo kale ayuu isagii uga helay kuwii dhintay. | |
Hebr | SomKQA | 11:21 | Yacquubna markuu dhimanayay rumaysad buu ugu duceeyey mid kasta oo wiilashii Yuusuf ka mid ah, oo Ilaahna wuu caabuday isagoo cuskanaya ushiisa guudkeeda. | |
Hebr | SomKQA | 11:22 | Yuusufna markii dhimashadiisii dhowayd rumaysad buu kaga hadlay bixitinka reer binu Israa'iil, wuxuuna ka dardaarmay lafihiisa. | |
Hebr | SomKQA | 11:23 | Muusena markuu dhashay, waalidkiis rumaysad bay ku qariyeen saddex bilood, maxaa yeelay, waxay arkeen inuu ilmo wanaagsan yahay, kamana ay cabsan amarkii boqorka. | |
Hebr | SomKQA | 11:24 | Muuse markuu weynaaday rumaysad buu ku diiday in loogu yeedho wiilkii gabadha Fircoon. | |
Hebr | SomKQA | 11:25 | Oo wuxuu ka doortay in lala silciyo dadkii Ilaah intuu wakhti yar dembi ku farxi lahaa; | |
Hebr | SomKQA | 11:26 | isagoo ku tirinaya cayda lagu caayo Masiixa aawadiis inay ka qiimo weyn tahay maalka Masar, waayo, wuxuu filanayay abaalgudka. | |
Hebr | SomKQA | 11:27 | Rumaysad buu kaga tegey Masar isagoo aan ka cabsanayn boqorka cadhadiisii, waayo, wuxuu u adkaystay sidii mid fiirinaya kan aan la arkin. | |
Hebr | SomKQA | 11:28 | Rumaysad buu ku sameeyey Kormaridda iyo dhiigga rushayntiisii inuusan Baabbi'iyihii curadyadu iyaga taaban. | |
Hebr | SomKQA | 11:29 | Rumaysad bay ku dhex mareen Badda Cas sidii dhul engegan, laakiin markay Masriyiintu saas isku dayeen, way liqday. | |
Hebr | SomKQA | 11:30 | Derbiyadii Yerixoo rumaysad bay ku dumeen kolkii toddoba maalmood lagu warwareegay dabadeed. | |
Hebr | SomKQA | 11:31 | Dhilladii Raxab rumaysadkeedii aawadiis lama ay halligmin kuwii caasiyiinta ahaa, maxaa yeelay, basaasyadii bay nabad ku dhowaysay. | |
Hebr | SomKQA | 11:32 | Oo maxaan kale oo idhaahdaa? Waayo, wakhtigu waa igu gaabnaan doonaa haddaan wax ka sheegi lahaa Gidcoon, iyo Baaraaq, iyo Samsoon, iyo Yeftaah, iyo Daa'uud, iyo Samuu'eel iyo nebiyadii. | |
Hebr | SomKQA | 11:33 | Rumaysad bay kaga adkaadeen boqortooyooyin, oo xaqnimo ku sameeyeen, oo ballamo ku heleen, oo afafka libaaxyada ku xidheen, | |
Hebr | SomKQA | 11:34 | oo xooggii dabka ku demiyeen, oo seefta afkeedii kaga baxsadeen, oo itaaldarradii kaga xoogaysteen, oo dagaal ku itaal weynaadeen, oo colalkii shisheeyaha ku eryeen. | |
Hebr | SomKQA | 11:35 | Dumar baa waxay heleen kuwii ka dhintay iyagoo la sara kiciyey, qaar kalena waa la xanuujiyey ilaa ay ka dhinteen iyagoo aan aqbalin in la samatabbixiyo si ay ku gaadhaan sarakicid ka wanaagsan. | |
Hebr | SomKQA | 11:36 | Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis. | |
Hebr | SomKQA | 11:37 | Waana la dhagxiyey, miinshaarna waa lagu kala jeexay, waana la jirrabay, seefna waa lagu gowracay, wayna warwareegeen iyagoo qaba hargo idaad iyo hargo riyood, iyagoo caydh ah oo la dhibay oo la silciyey. | |
Hebr | SomKQA | 11:38 | Dunidu ma ay istaahilin iyagii. Waxayna warwareegi jireen lamadegaanka iyo buuraha iyo boholaha iyo godadka dhulka. | |
Hebr | SomKQA | 11:39 | Kuwaas oo dhammu, iyagoo loo markhaati furay rumaysadkoodii daraaddiis, ayaanay helin wixii loo ballanqaaday; | |
Chapter 12
Hebr | SomKQA | 12:1 | Sidaas daraaddeed, innagoo haysanna markhaatiyaal badan oo sida daruur u weyn oo inagu wareegsan, aynu iska dhigno culays kasta iyo dembiga dhibyaraanta inoogu dhegaya, oo aynu adkaysasho ku orodno tartanka ina hor yaal, | |
Hebr | SomKQA | 12:2 | innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha rumaysadkeenna, kii farxaddii hor tiil daraaddeed u adkaystay iskutallaabta, isagoo fududaysanaya ceebta, oo fadhiistay midigta carshiga Ilaah. | |
Hebr | SomKQA | 12:3 | Haddaba ka fiirsada kii u adkaystay hadalkii ka geesta ahaa oo dembilayaasha inaydnaan daalin oo aanay nafihiinnu itaal beelin. | |
Hebr | SomKQA | 12:5 | Waxaad illowdeen waanada idiinla hadasha sida wiilal oo kale. Wiilkaygiiyow, ha fududaysan Rabbiga edbintiisa, Hana itaal beelin kolkuu ku canaanto. | |
Hebr | SomKQA | 12:6 | Waayo, ka uu Rabbigu jecel yahay ayuu edbiyaa, Wuuna karbaashaa wiil kasta oo uu aqbalo. | |
Hebr | SomKQA | 12:7 | U adkaysta edbinta. Ilaah wuxuu idiinla macaamiloodaa sida wiilal oo kale; waayo, waa wiilkee kan aanu aabbihii edbin? | |
Hebr | SomKQA | 12:8 | Laakiin haddaan laydinku edbin edbinta laga wada qayb galo, haddaba waxaad tihiin garacyo, oo wiilashiisii ma ihidin. | |
Hebr | SomKQA | 12:9 | Oo weliba waxaynu lahayn aabbayaal xagga jidhka ah, oo ina edbiyey, oo waynu maamuusnay. Miyaynan intaas in ka badan ka dambaynayn Aabbaha ruuxyada oo aynaan noolaannayn? | |
Hebr | SomKQA | 12:10 | Waayo, iyagu dhawr maalmood ayay inoo edbiyeen sidii la wanaagsanayd, laakiin isagu wuxuu inoo edbiya si inoo faa'iido ah si aynu uga qayb galno quduusnimadiisa. | |
Hebr | SomKQA | 12:11 | Edbinina wakhtiga la joogo uma eka mid lagu farxo, laakiin waxay u eg tahay mid caloolxumo leh, laakiin dabadeedto waxay kuwii lagu edbiyey u dhashaa midho nabad iyo xaqnimo ah. | |
Hebr | SomKQA | 12:13 | Cagihiinnana waddooyin toosan u sameeya si aan curyaanku u murkacan laakiin u bogsado. | |
Hebr | SomKQA | 12:14 | Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin. | |
Hebr | SomKQA | 12:15 | Fiiro u yeesha si aan ninna u gaadhi waayin nimcada Ilaah, waaba intaasoo xidid qadhaadhi soo baxaa oo idin dhibaa, oo qaar badanu ku nijaasoobaane, | |
Hebr | SomKQA | 12:16 | si aan dhillay u jirin ama qof cibaado la' sidii Ceesaw oo ahaa kii curadnimadiisii kala baxay wuxoogaa cunto ah. | |
Hebr | SomKQA | 12:17 | Waayo, waad og tihiin, xataa kolkuu dabadeedto jeclaaday inuu dhaxlo barakada, in loo diiday, in kastoo uu doondoonay, isagoo ilmo daadinaya, waayo, ma uu helin meel uu ka soo noqdo. | |
Hebr | SomKQA | 12:18 | Waayo, ma aydnaan iman buurtii la taaban karay, oo ololaysay, iyo madowgii, iyo gudcurkii, iyo duufaankii, | |
Hebr | SomKQA | 12:19 | iyo dhawaaqii buunka, iyo codkii erayada, oo ahaa codkii ay kuwii maqlay Muuse ka baryeen inaan eray dambe lagula hadlin. | |
Hebr | SomKQA | 12:20 | Waayo, uma ay adkaysan karin wixii lagu amray, markii lagu yidhi, Xataa haddii neef buurta taabto, waa la dhagxin doonaa. | |
Hebr | SomKQA | 12:21 | Muuqashadiina cabsi intay ka qabtay Muuse wuxuu yidhi, Aad iyo aad baan u cabsanayaa oo waan gariirayaa. | |
Hebr | SomKQA | 12:22 | Laakiin idinku waxaad timaadeen Buur Siyoon iyo magaaladii Ilaaha nool oo ah Yeruusaalemtii jannada, oo waxaad u timaadeen guutooyin malaa'igo ah oo isu soo ururay, | |
Hebr | SomKQA | 12:23 | iyo kiniisadda curadyada oo ku qoran jannada, iyo Ilaaha ah Xaakinka wax kasta, iyo ruuxyada kuwa qumman oo la kaamilay, | |
Hebr | SomKQA | 12:24 | iyo Ciise oo ah dhexdhexaadiyaha axdiga cusub, iyo dhiigga rushaynta oo u hadla si ka wanaagsan kii Haabiil. | |
Hebr | SomKQA | 12:25 | Digtoonaada si aydnaan u diidin kan hadlaya; waayo, haddayan baxsan kuwii diiday kii dhulka ku waaniyey, si ka badan innaguna ma baxsan doonno haddaynu ka jeesanno kan jannada ka hadlaya, | |
Hebr | SomKQA | 12:26 | kan codkiisii wakhtigaas gariiriyey dhulka; laakiin hadda wuu ballanqaaday isagoo leh, Weliba mar kale ayaan gariirin doonaa dhulka, dhulka oo keliyana ma aha ee xataa samadana waan gariirin doonaa. | |
Hebr | SomKQA | 12:27 | Erayadii ahaa, Weliba mar kale, micnehoodu waxaa weeye in la qaadi doono waxyaalihii la gariiriyey sidii waxyaalo la sameeyey, si waxyaalihii aan la gariirinu u hadhaan. | |
Hebr | SomKQA | 12:28 | Sidaas daraaddeed innagoo helayna boqortooyo aan la gariirin karin, aynu mahad naqno si aynu Ilaah uga farxinno innagoo cibaado iyo cabsi ugu adeegayna; | |
Chapter 13
Hebr | SomKQA | 13:2 | Ha illoobina inaad shisheeyaha marti qaaddaan, waayo, sidaas qaar baa malaa'igo u marti qaaday iyagoo aan ogayn. | |
Hebr | SomKQA | 13:3 | U xusuusta kuwa xidhan sidii idinkoo iyaga la xidhan, iyo kuwa la silciyey sidii idinkoo isku jidh ah. | |
Hebr | SomKQA | 13:4 | Guurka hala wada maamuuso, oo sariirtuna yeynan nijaasoobin, maxaa yeelay, khaniisiinta iyo dhillayadaba Ilaah waa xukumi doonaa. | |
Hebr | SomKQA | 13:5 | Dabiicaddiinnu ha ahaato mid aan lacag jeclayn, oo waxaad haysataan raalli ku ahaada, waayo, isaga qudhiisu wuxuu yidhi, Sinaba kuu dayn maayo, oo sinaba kuu dayrin maayo. | |
Hebr | SomKQA | 13:6 | Sidaas daraaddeed innagoo ku kalsoon waxaynu nidhaahnaa, Rabbigu waa kaalmeeyahayga, oo anigu cabsan maayo; Bal maxaa dad igu samayn doonaa? | |
Hebr | SomKQA | 13:7 | Xusuusta hoggaamiyayaashiinna idiin sheegay ereyga Ilaah. Oo ka fiirsada waxa ka yimaada asluubtoodii, oo iimaankoodii ku dayda. | |
Hebr | SomKQA | 13:9 | Waxbaridda kala duwan oo qalaadu yay idinla tegin, waayo, waa wanaagsan tahay in qalbigu nimco ku taagnaado ee uusan ku taagnaan cunto, tan kuwa ku macaamilooday aanay ku faa'iidin. | |
Hebr | SomKQA | 13:10 | Waxaynu leennahay meel allabari, oo kuwa taambuugga ka adeega aanay amar u lahayn inay wax ka cunaan. | |
Hebr | SomKQA | 13:11 | Waayo, neefafka dhiiggooda wadaadka sare keeno meesha quduuska ah dembiga aawadiis jidhadhkooda waxaa lagu gubaa xerada dibaddeeda. | |
Hebr | SomKQA | 13:12 | Sidaas daraaddeed Ciisena si uu dadka quduus ugaga dhigo dhiiggiisa wuxuu ku xanuunsaday iridda dibaddeeda. | |
Hebr | SomKQA | 13:13 | Haddaba aynu isaga ugu tagno xerada dibaddeeda, innagoo qaadayna caydii la caayay isaga. | |
Hebr | SomKQA | 13:14 | Waayo, innagu halkan kuma lihin magaalo sii raagaysa, laakiin waxaynu doondoonaynaa tan iman doonta. | |
Hebr | SomKQA | 13:15 | Haddaba xaggiisa aynu had iyo goor Ilaah ugu bixinno allabariga ammaanta, kaas waxaa weeye dibnaha magiciisa qirta midhahooda. | |
Hebr | SomKQA | 13:16 | Laakiinse inaad wax wanaagsan fashaan oo wax wada wadaagtaan ha illoobina; waayo, allabaryada caynkaas ah Ilaah aad buu ugu farxaa. | |
Hebr | SomKQA | 13:17 | Hoggaamiyayaashiinna addeeca oo ka dambeeya, waayo, iyagu waxay ilaaliyaan naftiinna sidii iyagoo jawaab ka bixin doona. Taas farxad ha ku sameeyeen, oo yaanay qulubsanaan, waayo, taasu waxba idiin tari mayso. | |
Hebr | SomKQA | 13:18 | Noo soo duceeya; waayo, waxaannu hubnaa inaannu leennahay niyo wanaagsan annagoo doonayna inaannu wax kasta si qumman ugu soconno. | |
Hebr | SomKQA | 13:19 | Oo aad baan idiinka baryayaa inaad tan samaysaan, in dhaqso laygu soo kiin celiyo. | |
Hebr | SomKQA | 13:20 | Haddaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah, | |
Hebr | SomKQA | 13:21 | kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin. | |
Hebr | SomKQA | 13:22 | Walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad u dulqaadataan hadalka waanada ah, waayo, waxaan idiin soo qoray dhawr eray. | |
Hebr | SomKQA | 13:23 | Ogaada in walaalkeen Timoteyos la sii daayay, kan hadduu dhaqso u yimaado, aannu idin soo wada arki doonno. | |
Hebr | SomKQA | 13:24 | Igu salaama kuwa idin hoggaamiya oo dhan, iyo quduusiinta oo dhan. Kuwa Itaaliya ka yimaadaa way idin soo salaamayaan. | |