Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
JUDGES
Up
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21
Chapter 1
Judg SomKQA 1:1  Markii Yashuuca dhintay dabadeed ayay reer binu Israa'iil Rabbiga weyddiiyeen, oo yidhaahdeen, Yaa marka hore xagga reer Kancaan noo hor kici doona oo noo dagaal geli doona?
Judg SomKQA 1:2  Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha baxeen, oo anna dalka gacantoodaan geliyey.
Judg SomKQA 1:3  Markaasaa reer Yahuudah waxay ku yidhaahdeen walaalahood reer Simecoon, Kaalaya oo markayaga na raaca aynu la dagaallanno reer Kancaane; oo annana sidaas oo kale markiinnaan idin raaci doonnaaye. Markaasay reer Simecoon raaceen.
Judg SomKQA 1:4  Kolkaasay reer Yahuudah tageen, oo Rabbiguna wuxuu gacantoodii geliyey reer Kancaan iyo reer Feris, oo waxay Beseq kaga laayeen toban kun oo nin.
Judg SomKQA 1:5  Oo waxay Beseq ka heleen Adonii Beseq, oo way la dagaallameen, oo waxay laayeen reer Kancaan iyo reer Feris.
Judg SomKQA 1:6  Laakiinse Adonii Beseq waa cararay, oo iyana way eryoodeen, wayna qabteen isagii, oo waxay ka gooyeen suulashiisii gacmaha iyo kuwiisii lugaha.
Judg SomKQA 1:7  Markaasaa Adonii Beseq wuxuu yidhi, Toddobaatan boqor oo suulashoodii gacmaha iyo kuwoodii lugahu ka go'an yihiin ayaa cuntadooda ka urursan jiray miiskayga hoostiisa; oo sidii aan yeelay ayaa Rabbigu ii abaal mariyey. Markaasay isagii keeneen Yeruusaalem, oo halkaasuu ku dhintay.
Judg SomKQA 1:8  Oo Reer Yahuudah waxay la dirireen reer Yeruusaalem, oo intay magaaladii qabsadeen ayay dadkeedii ku laayeen seef, magaaladiina dab bay qabadsiiyeen.
Judg SomKQA 1:9  Oo dabadeedna reer Yahuudah waxay u kaceen inay la diriraan reer Kancaankii degganaa dalkii buuraha lahaa, iyo kuwii xagga koonfureed, iyo kuwii degganaa dalkii dooxada ahaa.
Judg SomKQA 1:10  Oo reer Yahuudah waxay ku duuleen dadkii reer Kancaan oo degganaa Xebroon, (oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac), oo waxay laayeen Sheeshay iyo Axiiman iyo Talmay.
Judg SomKQA 1:11  Oo intay halkaas ka tageen ayay dadkii degganaa Debiir ku duuleen. (Oo waagii hore Debiir magaceedu wuxuu ahaa Qiryad Sefer).
Judg SomKQA 1:12  Markaasaa Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii la dirira Qiryad Sefer oo qabsada, kaas waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.
Judg SomKQA 1:13  Markaasaa Cotnii'eel ina Qenas, kaasoo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa, magaaladii qabsaday; markaasuu wuxuu u guuriyey gabadhiisii Caksaah.
Judg SomKQA 1:14  Oo markay u timid ayay kula talisay inuu aabbeheed berrin ka baryo; markaasay dameerkeedii ka soo degtay, oo Kaaleeb wuxuu ku yidhi iyadii, Maxaad doonaysaa?
Judg SomKQA 1:15  Markaasay ku tidhi, Ii ducee, oo waxaad i siisaa ilo biyo ah, maxaa yeelay, waxaad i siisay dalkii koonfureed. Kolkaasaa Kaaleeb wuxuu siiyey ilihii sare iyo kuwii hooseba.
Judg SomKQA 1:16  Markaasay kii reer Qeyn oo ahaa Muuse seeddigiis reerkiisii ka tageen magaaladii lahayd geedaha timirta ah, oo waxay reer Yahuudah u raaceen xagga cidladii reer Yahuudah taasoo ku taal Caraad xaggeeda koonfureed; oo intay tageen ayay dadkii la degeen.
Judg SomKQA 1:17  Oo reer Yahuudahna waxay raaceen walaalahood reer Simecoon, oo waxay laayeen reer Kancaan oo Sefad degganaa, oo dhammaanteedna way baabbi'iyeen. Oo magaaladii magaceediina waxaa la odhan jiray Xormaah.
Judg SomKQA 1:18  Oo reer Yahuudah waxay qabsadeen haddana Gaasa iyo xuduudkeedii, iyo Ashqeloon iyo xuduudkeedii, iyo Ceqroon iyo xuduudkeedii.
Judg SomKQA 1:19  Oo Rabbigu waa la jiray reer Yahuudah, oo wuxuu hortooda ka eryay dadkii degganaa dalkii buuraha lahaa; maxaa yeelay, ma ay eryi karin dadkii dooxadii degganaa, waayo, waxay lahaayeen gaadhifardood bir ah.
Judg SomKQA 1:20  Oo markaasay Xebroon siiyeen Kaaleeb, sidii Muuse markii hore u sheegay; oo halkaas wuxuu ka eryay Canaaq saddexdiisii wiil.
Judg SomKQA 1:21  Oo reer Benyaamiin ma ay eryin dadkii reer Yebuus oo Yeruusaalem degganaa; laakiinse reer Yebuus waxay Yeruusaalem la degganaayeen reer Benyaamiin ilaa maantadan la joogo.
Judg SomKQA 1:22  Oo reer Yuusufna waxay ku kaceen Beytel; oo Rabbiguna wuu la jiray iyagii.
Judg SomKQA 1:23  Oo reer Yuusufna waxay Beytel u direen ilaallo soo basaasta. (Magaaladaas markii hore waxaa magaceeda la odhan jiray Luus.)
Judg SomKQA 1:24  Markaasaa ilaaladii waxay arkeen nin magaalada ka soo baxaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, na tus iridda magaalada laga galo, oo annaguna wanaag baannu kuu falaynaa.
Judg SomKQA 1:25  Markaasuu iyagii tusay iriddii magaalada laga geli jiray, oo waxay dadkii magaalada ku laayeen seef, laakiinse ninkii iyo xaaskiisii oo dhanba way iska sii daayeen.
Judg SomKQA 1:26  Markaasaa ninkii wuxuu tegey dalkii reer Xeed, oo halkaasuu magaalo ka dhisay, oo magaceediina wuxuu u bixiyey Luus, kaasoo ah magaceeda ilaa maantadan la joogo.
Judg SomKQA 1:27  Oo reer Manasehna ma ay eryin dadkii degganaa Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, ama kuwii Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, laakiinse reer Kancaan waxay doonayeen inay dalkaas degganaadaan.
Judg SomKQA 1:28  Oo markii ay reer binu Israa'iil xoogaysteen ayay reer Kancaan addoonsadeen oo mana ay wada eryin.
Judg SomKQA 1:29  Oo reer Efrayimna ma ay eryin dadkii reer Kancaan oo degganaa Geser; laakiinse reer Kancaan iyagay la degganaayeen Geser.
Judg SomKQA 1:30  Oo reer Sebulunna ma ay eryin dadkii degganaa Qitroon, iyo dadkii degganaa Nahalaal, laakiinse reer Kancaan waxay degganaayeen iyaga dhexdooda, oo addoommo ayay u noqdeen.
Judg SomKQA 1:31  Oo reer Aasheerna ma ay eryin dadkii degganaa Cakoo, ama dadkii degganaa Siidoon, ama kuwii Axlaab, ama kuwii Aksiib, ama kuwii Xelbaah, ama kuwii Afiiq, ama kuwii Rexob.
Judg SomKQA 1:32  Laakiinse reer Aasheer waxay dhex degganaayeen reer Kancaan oo ahaa dadkii dalka degganaa, maxaa yeelay, iyagu ma ay eryin.
Judg SomKQA 1:33  Oo reer Naftaalina ma ay eryin dadkii degganaa Beytshemesh ama dadkii degganaa Beytcanaad; laakiinse wuxuu degganaa reer Kancaan dhexdooda, kuwaasoo ahaa dadkii dalka degganaa; habase yeeshee dadkii degganaa Beytshemesh iyo Beytcanaad addoommo ayaa u noqdeen iyaga.
Judg SomKQA 1:34  Markaasaa reer Amor waxay ku dirqiyeen reer Daan dalkii buuraha ahaa, maxaa yeelay, ma ay u oggolaan inay u soo degaan xagga dooxada.
Judg SomKQA 1:35  Laakiinse reer Amor waxay doonayeen inay degganaadaan Buur Xeres oo ku taal Ayaaloon iyo Shacalbiim; laakiinse waxaa ka adkaatay gacantii reer Yuusuf, oo sidaas daraaddeed addoommo ayay u noqdeen.
Judg SomKQA 1:36  Oo xuduudkii reer Amorna wuxuu ka bilaabmayay meesha laga koro Caqrabbiim marka laga bilaabo Selac iyo inta ka sarraysa.
Chapter 2
Judg SomKQA 2:1  Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay ka soo kacday Gilgaal oo Bokiim timid, oo waxay tidhi, Anigaa idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxaan idin keenay dalkii aan ugu dhaartay awowayaashiin, oo waxaan idhi, Anigu weligay jebin maayo axdigayga aan idinla dhigtay.
Judg SomKQA 2:2  Idinkuna waa inaydnaan axdi la dhigan dadka dalkan deggan; oo waa inaad jejebisaan meelahooda allabariga. Laakiinse idinku ma aydnaan dhegaysan codkaygii. De haddaba maxaad sidan u yeesheen?
Judg SomKQA 2:3  Sidaas daraaddeed waxaa kaloo aan idhi, Hortiinna kama eryi doono iyaga, laakiinse waxay idinku noqon doonaan sida qodxan dhinacyada idinkaga jirta, oo ilaahyadooduna waxay idinku noqon doonaan dabin.
Judg SomKQA 2:4  Oo markay malaa'igtii Rabbigu erayadan kula hadashay reer binu Israa'iil oo dhan ayay dadkii codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen.
Judg SomKQA 2:5  Oo meeshaas magaceedii waxay u bixiyeen Bokiim; oo halkaasay allabari Rabbiga ugu bixiyeen.
Judg SomKQA 2:6  Haddaba markii Yashuuca dadkii diray ayaa reer binu Israa'iil mid waluba u kacay dhaxalkiisii inuu hantiyo dalka.
Judg SomKQA 2:7  Oo dadkuna Rabbigay u adeegeen wakhtigii Yashuuca noolaa oo dhan, iyo wakhtigii odayaashii Yashuuca ka nolol dambeeyey oo dhan, kuwaasoo wada arkay kulli shuqulkii weynaa oo Rabbigu u sameeyey reer binu Israa'iil.
Judg SomKQA 2:8  Yashuuca oo ahaa ina Nuun oo addoonkii Rabbiga ahaa wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira.
Judg SomKQA 2:9  Oo waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Xeres, oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash.
Judg SomKQA 2:10  Oo weliba dadkii qarnigaas oo dhammu waxay ku darmadeen awowayaashood; oo waxaa ka daba kacay kuwo qarni kale ah oo aan aqoon Rabbiga, ama shuqulkii uu u sameeyey reer binu Israa'iil.
Judg SomKQA 2:11  Oo reer binu Israa'iil waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliimka.
Judg SomKQA 2:12  Wayna ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, kuwaasoo ahaa ilaahyadii dadkii iyaga ku wareegsanaa, wayna u sujuudeen; oo Rabbigana way ka xanaajiyeen.
Judg SomKQA 2:13  Oo intay Rabbiga ka tageen ayay u adeegeen Bacal iyo Cashtarod.
Judg SomKQA 2:14  Markaasaa cadhadii Rabbigu aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ku riday kuwii iyaga dhacay gacmahoodii, oo wuxuu ka iibiyey gacmihii cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, sidaas daraaddeed mar dambe ma ay hor istaagi karin cadaawayaashooda.
Judg SomKQA 2:15  Oo meel kasta oo ay tageenba gacanta Rabbigu dhib bay u ahayd, sidii Rabbigu ku hadlay, iyo sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay; oo iyana aad bay u dhibaataysnaayeen.
Judg SomKQA 2:16  Markaasaa Rabbigu wuxuu kiciyey xaakinno iyaga ka badbaadiyey gacantii kuwii dhacayay.
Judg SomKQA 2:17  Oo weliba xaakinnadoodiina ma ay dhegaysan, maxaa yeelay, ilaahyo kalay raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, wayna u sujuudeen; oo haddiiba gees bay uga leexdeen jidkii ay awowayaashood mareen iyagoo addeecaya amarradii Rabbiga; laakiinse iyagu sidaas ma ay yeelin.
Judg SomKQA 2:18  Oo markii Rabbigu iyaga u kiciyey xaakinno ayuu Rabbigu la jiray xaakinkii, oo wakhtigii xaakinkii noolaa oo dhan wuxuu iyagii ka badbaadiyey gacantii cadaawayaashooda; waayo, Rabbigu wuxuu ka qoomamooday taahiddii ay ka taahayeen kuwii iyaga dulmay oo caddibay.
Judg SomKQA 2:19  Oo haddana markii xaakinkii dhintay ayay dib u noqdeen, oo waxay ku kaceen wax ka sii xun wixii awowayaashood ay ku kici jireen, oo waxay raaceen ilaahyo kale inay u adeegaan oo ay u sujuudaan. Kama ay joogsan falimahoodii, iyo madax adkaantoodii.
Judg SomKQA 2:20  Oo cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Quruuntanu way ku xadgudbeen axdigii aan ku amray awowayaashood, oo codkaygiina ma ay dhegaysan;
Judg SomKQA 2:21  sidaas daraaddeed hadda ka dib ka eryi maayo hortooda mid ka mid ah quruumihii Yashuuca ka tegey markuu dhintay;
Judg SomKQA 2:22  si aan iyaga ugu tijaabiyo reer binu Israa'iil bal inay xajiyaan oo ku socdaan jidka Rabbiga, sidii ay awowayaashood u xajiyeen iyo in kale.
Judg SomKQA 2:23  Sidaas daraaddeed Rabbigu wuu daayay quruumahaas, oo degdegna uma eryin; oo weliba iyagii sooma uu gelin gacantii Yashuuca.
Chapter 3
Judg SomKQA 3:1  Haddaba kuwanu waa quruumihii Rabbigu u daayay inuu reer binu Israa'iil ku tijaabiyo, oo waxay ahaayeen in alla intii aan ogayn dagaalladii reer Kancaan oo dhan;
Judg SomKQA 3:2  inay reer binu Israa'iil ogaadaan oo uu iyaga baro dagaal ayan waxba ka aqoon jirin.
Judg SomKQA 3:3  Oo kuwaasu waxay ahaayeen shantii amiir oo reer Falastiin, iyo reer Kancaan oo dhan, iyo reer Siidoon, iyo reer Xiwi, oo degganaa Buur Lubnaan, iyo tan iyo Buur Bacal Xermoon, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad.
Judg SomKQA 3:4  Oo kuwaas waxaa loo daayay in reer binu Israa'iil lagu tijaabiyo, in la ogaado bal inay dhegaysanayaan amarradii Rabbiga oo uu ku amray awowayaashood oo uu Muuse soo faray iyo in kale.
Judg SomKQA 3:5  Oo reer binu Israa'iil waxay dhex degeen reer Kancaan, kuwaas oo ahaa reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.
Judg SomKQA 3:6  Oo gabdhahoodiina way ka guursadeen, oo kuwoodiina wiilashoodii bay u guuriyeen, oo waxay u adeegeen ilaahyadoodii.
Judg SomKQA 3:7  Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way illoobeen, wayna u adeegeen Bacaliimkii iyo geedihii Asheeraah.
Judg SomKQA 3:8  Sidaas daraaddeed cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim; oo reer binu Israa'iil waxay Kuushan Rishcaatayim u adeegayeen siddeed sannadood.
Judg SomKQA 3:9  Oo markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil u kiciyey badbaadiye, kaasoo badbaadiyey, oo wuxuu ahaa Cotnii'eel ina Qenas oo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa.
Judg SomKQA 3:10  Oo kaas waxaa ku soo degay Ruuxa Rabbiga, oo wuxuu xukumi jiray reer binu Israa'iil. Dagaal buuna u baxay, oo Rabbiguna wuxuu gacantiisii u geliyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim, oo isna wuu ka gacan sarreeyey Kuushan Rishcaatayim.
Judg SomKQA 3:11  Markaasaa dalkii xasilloonaa afartan sannadood. Oo Cotnii'eel ina Qenas wuu dhintay.
Judg SomKQA 3:12  Oo reer binu Israa'iil mar kalay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun; markaasaa Rabbigu wuxuu xoog u yeelay oo reer binu Israa'iil ku diray boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Cegloon, maxaa yeelay, waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun.
Judg SomKQA 3:13  Oo isna wuxuu soo urursaday reer Cammoon iyo reer Camaaleq; kolkaasuu intuu tegey laayay reer binu Israa'iil, oo waxay qabsadeen magaaladii lahayd geedo timireedka.
Judg SomKQA 3:14  Oo reer binu Israa'iil waxay boqorkii reer Moo'aab oo Cegloon ahaa u adeegayeen siddeed iyo toban sannadood.
Judg SomKQA 3:15  Laakiinse markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu u kiciyey badbaadiye, kaasoo ahaa Eehuud ina Geeraa, oo reer Benyaamiin, oo ahaa nin gurran. Isaga ayay reer binu Israa'iil hadiyad ugu soo dhiibeen Cegloon kii ahaa boqorkii reer Moo'aab.
Judg SomKQA 3:16  Oo Eehuudna wuxuu samaystay seef laba af leh, oo dhererkeedu yahay dhudhun, oo wuxuu ku xidhay meel dharkiisa ka hoosaysa oo ah bowdadiisa midig.
Judg SomKQA 3:17  Oo wuxuu hadiyaddii u dhiibay boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Cegloon; Cegloonna wuxuu ahaa nin aad u buuran.
Judg SomKQA 3:18  Oo markuu dhammeeyey bixintii hadiyadda ayuu diray dadkii hadiyadda siday.
Judg SomKQA 3:19  Laakiinse Eehuud wuxuu ka soo noqday dhagaxyadii qorqornaa Gilgaal agteeda, oo wuxuu yidhi, Boqorow, anigu waxaan kuu wadaa farriin qarsoon. Markaasuu yidhi, Iska aamus. Oo dadkii hareerihiisa taagnaa oo dhammuna dibadday uga baxeen isagii.
Judg SomKQA 3:20  Markaasaa Eehuud u yimid isagii; oo isna wuxuu keligiis fadhiyey qowladdii uu ku laydhsan jiray, markaasaa Eehuud wuxuu ku yidhi, Waxaan farriin kaaga wadaa Ilaah. Markaasuu ka soo kacay kursigiisii.
Judg SomKQA 3:21  Oo Eehuudna wuxuu soo bixiyey gacantiisii bidix, oo wuxuu seeftii kala soo baxay dhinaca bowdadiisii midig, markaasuu Cegloon caloosha kaga muday,
Judg SomKQA 3:22  oo xataa daabkiina waa galay afkii dabadiis, oo seefta afkeediina waxaa qariyey xaydhii, waayo, seeftii kama uu soo bixin calooshiisii; oo uus baa ka yimid.
Judg SomKQA 3:23  Markaasaa Eehuud wuxuu u baxay xagga qolqolka, oo uu soo xidhay qowladda albaabbadeedii, wuuna qufulay.
Judg SomKQA 3:24  Haddaba markuu tegey waxaa yimid addoommadii Cegloon, markaasay intay wax fiiriyeen arkeen albaabbadii qowladda oo qufulan; kolkaasay waxay isyidhaahdeen, Hubaal wuu isku deday qowladdiisa uu ku laydhsado.
Judg SomKQA 3:25  Oo way sugeen ilaa ay isla yaabeen; oo bal eeg isna albaabbadii qowladda ma uu furin, sidaas daraaddeed furahay qaadeen oo albaabbaday fureen, oo markaasay arkeen sayidkoodii oo dhulka ku dhacay oo meyd ah.
Judg SomKQA 3:26  Eehuudna waa baxsaday intay sugayeen, oo wuxuu dhaafay dhagaxyadii qorqornaa, oo wuxuu u fakaday xagga Seciiraah.
Judg SomKQA 3:27  Oo markuu yimid dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim ayuu afuufay buun, oo reer binu Israa'iilna isagay kala dhaadhaceen dalkii buuraha lahaa, oo isna wuu hor socday.
Judg SomKQA 3:28  Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waayo, Rabbigu gacantiinnuu soo geliyey reer Moo'aab oo cadaawayaashiinnii ah. Oo iyana isagay ka daba dhaadhaceen, oo waxay reer Moo'aab ka qabsadeen meeshii webiga Urdun laga gudbi jiray, oo ninna uma ay oggolaan inuu ka gudbo.
Judg SomKQA 3:29  Oo markaasay reer Moo'aab ka laayeen rag toban kun ku dhow, kuwaas oo ahaa kuwo xoog wada leh, oo xataa nin keliyuhu kama baxsan.
Judg SomKQA 3:30  Sidaasay reer Moo'aab ku hoos galeen reer binu Israa'iil; dalkiina wuu xasilloonaa siddeetan sannadood.
Judg SomKQA 3:31  Oo isagii ka dibna waxaa kacay Shamgar ina Canaad, kaasoo reer Falastiin lix boqol oo nin kaga laayay usha dibida lagu shuqeeyo, oo isaguna reer Israa'iil wuu badbaadiyey.
Chapter 4
Judg SomKQA 4:1  Oo reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markii uu Eehuud dhintay dabadeed.
Judg SomKQA 4:2  Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin oo xukumi jiray Xaasoor; oo sirkaalkii ciidankiisu wuxuu ahaa Siiseraa kaas oo degganaa Xaroshed tii Quruumaha.
Judg SomKQA 4:3  Oo reer binu Israa'iilna waxay u qayshadeen Rabbiga, waayo, ninkaasu wuxuu lahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, oo kaasu labaatan sannadood buu reer binu Israa'iil aad u cadaadinayay.
Judg SomKQA 4:4  Oo waagaas waxaa reer binu Israa'iil xaakimad u ahayd Debooraah, naagtii Lafiidood, taasoo nebiyad ahayd.
Judg SomKQA 4:5  Oo waxay hoos fadhiyi jirtay geedkii timirta ahaa oo Debooraah, oo u dhexeeyey Raamaah iyo Beytel, oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim; oo reer binu Israa'iilna iyaday ugu iman jireen inay u gar naqdo.
Judg SomKQA 4:6  Oo iyana cid bay u dirtay, oo Baaraaq ina Abiinocam ayay uga yeedhay Qedesh Naftaali, oo waxay ku tidhi, Miyaan Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu kugu amrin, oo kugu odhan, Tag oo u dhowow Buur Taaboor, oo waxaad kaxaysataa toban kun oo nin oo ah reer Naftaali iyo reer Sebulun?
Judg SomKQA 4:7  Oo anna waxaan Webi Qiishoon kuugu soo dhowayn doonaa Siiseraa oo ah sirkaalka ciidanka Yaabiin, isaga iyo gaadhifardoodkiisa iyo dadkiisa badanba oo gacantaadaan gelin doonaa.
Judg SomKQA 4:8  Markaasaa Baaraaq wuxuu ku yidhi, Haddaad i raacdid, waan tegi doonaa, laakiinse haddaanad i raacin, tegi maayo.
Judg SomKQA 4:9  Kolkaasay ku tidhi, Hubaal waan ku raacayaa; habase yeeshee socdaalka aad tegaysaa ahaan maayo mid adiga sharaf kuu leh, waayo, Rabbigu wuxuu Siiseraa ka iibin doonaa naag gacanteed. Kolkaasay Debooraah kacday oo Baaraaq u raacday xagga Qedesh.
Judg SomKQA 4:10  Markaasaa Baaraaq wuxuu Qedesh isugu yeedhay reer Sebulun iyo reer Naftaali; oo waxaa isaga raacay toban kun oo nin; oo Debooraahna isagay raacday.
Judg SomKQA 4:11  Haddaba Xeber oo ahaa reer Qeyn ayaa hore isaga soocay reer Qeyn, kuwaas oo ahaa reer Xoobaab, Muuse seeddigiis, oo wuxuu meel iyaga ka fog teendhadiisii ka dhistay xagga geedkii ku yiil Sacananniim oo u dhow Qedesh.
Judg SomKQA 4:12  Oo waxay Siiseraa u sheegeen, inuu Baaraaq ina Abiinocam koray Buur Taaboor.
Judg SomKQA 4:13  Markaasaa Siiseraa wuxuu gaadhifardoodkiisii oo dhan, kuwaasoo ahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, iyo kulli dadkii isaga la joogay oo dhan, ka soo wada urursaday Xaroshed tii Quruumaha, oo wuxuu ku soo urursaday Webi Qiishoon.
Judg SomKQA 4:14  Oo Debooraahna waxay Baaraaq ku tidhi, Kac, waayo, maanta waa maalintii Rabbigu Siiseraa gacantaada soo geliyey. Rabbigu miyaanu ku hor socon? Sidaas daraaddeed Baaraaq wuxuu ka dhaadhacay Buur Taaboor, isagoo ay toban kun oo nin daba socdaan.
Judg SomKQA 4:15  Oo Rabbigu wuxuu seef ku dhibay Siiseraa, iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo ciidankiisii oo dhan Baaraaq hortiisa; oo Siiseraa intuu ka degay gaadhifaraskiisii ayuu cagihiisii ku cararay.
Judg SomKQA 4:16  Laakiinse Baaraaq wuxuu eryooday gaadhifardoodkii iyo ciidankii ilaa Xaroshed tii Quruumaha; oo Siiseraa ciidankiisii oo dhan waxaa lagu laayay seef, oo xataa nin keliyuhu kama hadhin.
Judg SomKQA 4:17  Laakiinse Siiseraa cagihiisuu ugu cararay teendhadii Yaaceel taasoo ahayd naagtii Xeber kii reer Qeyn, waayo, nabad baa ka dhexaysay boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin iyo reerkii Xeber kii reer Qeyn.
Judg SomKQA 4:18  Oo Yaaceelna intay dibadda u soo baxday inay ka hor tagto Siiseraa, waxay isagii ku tidhi, Soo leexo, sayidkaygiiyow, ii soo leexo, oo ha cabsan. Oo isna intuu ku leexday ayuu galay teendhada, oo markaasay buste ku dedday.
Judg SomKQA 4:19  Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii in yar oo biyo ah oo aan cabbo, waayo, waan harraadsanahay. Kolkaasay u soo furtay sibraar caano ah, oo intay dhansiisay ayay haddana dedday isagii.
Judg SomKQA 4:20  Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Teendhada iriddeeda istaag, oo haddii dad kuu yimaado oo ay i kaa weyddiiyaan, oo ku yidhaahdaan, Halkan nin ma jooga? waxaad ku tidhaahdaa, Maya.
Judg SomKQA 4:21  Markaasaa naagtii Xeber oo ahayd Yaaceel ayaa qaadatay qori dhidib ah, oo gacantana waxay ku qabsatay dubbe, oo intay tartiib ugu dhowaatay ayay dhidibkii kaga dhufatay dhafoorka, oo intuu dhidibkii ka dusay ayuu dhulka muday, maxaa yeelay, isagu hurdo weyn buu ku jiray oo aad buu u daalay, oo sidaasuu u dhintay.
Judg SomKQA 4:22  Oo bal eeg, Baaraaq intuu raacdaynayay Siiseraa, ayay Yaaceel u soo baxday inay isagii ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Bal kaalay oo waan ku tusi ninkaad doonaysid. Markaasuu u yimid, oo wuxuu arkay Siiseraa oo jiifa oo meyd ah, oo dhafoorkiisa dhidib ka taagan yahay.
Judg SomKQA 4:23  Sidaasaa Ilaah maalintaas boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin ugu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.
Judg SomKQA 4:24  Oo gacantii reer binu Israa'iil aad iyo aad bay uga sii adkaanaysay boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa, ilaa ay baabbi'iyeen boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa.
Chapter 5
Judg SomKQA 5:1  Deedna maalintaas waxaa gabyay Debooraah iyo Baaraaq ina Abiinocam, oo waxay yidhaahdeen,
Judg SomKQA 5:2  Madaxdii baa reer binu Israa'iil hoggaamisay, Dadkiina iyagoo oggol ayay isbixiyeen, Taas aawadeed Rabbiga ammaana.
Judg SomKQA 5:3  Bal maqla, Boqorradow; oo dhegaysta, Amiirradow, Anigu anaa u gabyi doona Rabbiga; Ammaan baan ugu gabyi doonaa Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
Judg SomKQA 5:4  Rabbiyow, markaad Seciir ka baxday, Iyo markaad ku socotay berrinkii Edom, Ayaa dhulku gariiray, oo samadiina waa soo da'day, Daruurihiina biyay soo daadsheen.
Judg SomKQA 5:5  Buurihiina way u gariireen Rabbiga aawadiis, Xataa Siinaydaasu way u gariirtay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil aawadiis.
Judg SomKQA 5:6  Wakhtigii Shamgar ina Canaad, Iyo wakhtigii Yaaceel, jidadka waaweynu cidlay ahaayeen, Oo socotooyinkuna waxay mari jireen waddooyin qalqalloocan.
Judg SomKQA 5:7  Taliyayaashu way ka joogsadeen reer binu Israa'iil, Way joogsadeen ilaa aan anigoo Debooraah ahu kacay, Ilaa aan kacay anigoo reer binu Israa'iil hooyo u ah.
Judg SomKQA 5:8  Waxay doorteen ilaahyo cusub; Oo markaasaa dagaal irdaha ka dhacay. Afartan kun oo reer binu Israa'iil Ma lagu arkay gaashaan ama waran?
Judg SomKQA 5:9  Qalbigaygu wuxuu la jiraa taliyayaasha reer binu Israa'iil, Kuwaasoo iyagoo oggol isku bixiyey dadka dhexdiisa. Rabbiga ammaana.
Judg SomKQA 5:10  Bal taas ka warama kuwiinna dameerraha cadcad fuushan, Iyo kuwiinna ku fadhiya gogosha wanaagsan, Iyo kuwiinna jidka marow.
Judg SomKQA 5:11  Meelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda, Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa, Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil. Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha.
Judg SomKQA 5:12  Toos, toos, Debooraahoy; Toos, toos, oo gabay ku gabay; Baaraaqow, kac, oo kaxayso maxaabiistaada, ina Abiinocamow.
Judg SomKQA 5:13  Markaasay raggii gobta ahaa intiisii hadhay iyo dadkii soo degeen; Rabbigu waa ii yimid oo wuxuu iiga hiiliyey kuwii xoogga badnaa.
Judg SomKQA 5:14  Reer Efrayim waxaa ka soo baxay kuwo xididkoodii yahay Camaaleq; Dabadeedna, adiga reer Benyaamiinow, iyo dadkaaga kugu dhex jira, Oo reer Maakiirna waxaa ka soo baxay taliyayaal, Reer Sebulunna waxaa ka yimid kuwo haya usha sirkaalka wax qora.
Judg SomKQA 5:15  Oo amiirradii reer Isaakaarna waxay la jireen Debooraah; Oo sidii reer Isaakaar ahaa ayaa Baaraaqna ahaa; Oo xagga dooxada ayay u ordeen iyagoo daba socda. Oo biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Wax weyn baa lagu goostay.
Judg SomKQA 5:16  Maxaad xeryaha idaha u fadhiday, Inaad maqasho biilbiilaha idaha u yeedhaya? Biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Aad baa qalbiyo loogu baadhay.
Judg SomKQA 5:17  Gilecaad wuxuu joogay Urdun shishadiisa; Reer Daanna muxuu doonniyaha ugu hadhay? Reer Aasheer wuxuu weli fadhiyey xeebta badda, Oo wuxuu ag joogay durdurradiisa.
Judg SomKQA 5:18  Reer Sebulun wuxuu ahaa dad geerida isku biimeeyey, Reer Naftaalina wuxuu isku biimeeyey meelaha dhaadheer oo duurka.
Judg SomKQA 5:19  Boqorradii waa yimaadeen oo dirireen, Dabadeedna boqorradii reer Kancaanna waxay ku dirireen Tacanaag taas oo u dhow biyaha Megiddoo: Oo lacag faa'iido ah ma ay qaadan.
Judg SomKQA 5:20  Waxay kala dirireen xagga samada, Xiddiguhuna meeshooday Siiseraa kala dirireen.
Judg SomKQA 5:21  Oo waxaa qaaday Webi Qiishoon, Webiga duqa ah oo Qiishoon la yidhaahdo. Naftaydoy, adigoo xoog leh hore u soco.
Judg SomKQA 5:22  Markaasay farduhu qoobabkoodii dhulka ku garaacayeen, Maxaa yeelay, kuwoodii xoogga badnaa ayaa socod doonayay.
Judg SomKQA 5:23  Oo malaa'igtii Rabbigu waxay tidhi, Meeroos habaara, Oo aad u habaara dadka deggan, Maxaa yeelay, uma ay iman inay Rabbiga caawiyaan Oo ay uga hiiliyaan kuwa xoogga badan.
Judg SomKQA 5:24  Waxaa dumarka oo dhan ka barako badnaan doonta Yaaceel Oo ah Heberkii reer Qeyn naagtiisa, Way ka barako badnaan doontaa naagaha teendhooyinka deggan.
Judg SomKQA 5:25  Biyuu weyddiistay, oo waxay siisay caano; Oo saxan wanaagsan ayay subag ugu keentay.
Judg SomKQA 5:26  Oo waxay gacan ku qabsatay dhidibkii, Oo gacanteedii midigna dubbihii ragga shaqeeya; Oo waxay dubbihii ku dhufatay Siiseraa, oo dhidibkii madaxiisay ka dusisay, Haah, waxay ku mudday oo ka mudhbixisay dhafoorradiisa.
Judg SomKQA 5:27  Oo cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay oo jiifsaday: Cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay: Oo meeshuu ku foororsaday ayuu ku dhacay isagoo meyd ah.
Judg SomKQA 5:28  Siiseraa hooyadiis daaqadday wax ka eegtay oo qaylisay, Shabaggay ka qaylisay oo tidhi, Maxaa gaadhifaraskiisii u raagay? Oo maxaa dib u riday giringirihii gaadhifardoodkiisa?
Judg SomKQA 5:29  Dumarkeedii caqliga lahaa way jawaabeen, Oo iyana way isu jawaabtay.
Judg SomKQA 5:30  Oo waxay tidhi, Miyaanay wax helin oo boolidii qaybsan? Oo nin kastaaba miyaanu helin gabadh ama laba gabdhood; Oo Siiseraana sow ma helin dhar booli ah oo kala midab ah, Oo miyaanu helin daabac kala midab ah, Oo miyaanu helin daabac kala midab ah oo labada dhan ku yaal, oo boolida qoortooda sudhan?
Judg SomKQA 5:31  Rabbiyow, cadaawayaashaada oo dhammu sidaas ha u halligmeen; Laakiinse kuwa Rabbiga jecel oo dhammu ha noqdeen sida qorraxda markay xooggeeda la soo baxdo. Oo dalkiina afartan sannadood wuu xasilloonaa.
Chapter 6
Judg SomKQA 6:1  Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun; markaasaa Rabbigu wuxuu intii toddoba sannadood ah gacanta u geliyey reer Midyaan.
Judg SomKQA 6:2  Oo gacantii Midyaanna waa ka adkaatay reer binu Israa'iil; markaasaa reer binu Israa'iil waxay reer Midyaan aawadood u samaysteen boholo buuraha ku yaal, iyo godad, iyo dhufaysyo xoog leh.
Judg SomKQA 6:3  Oo markii reer binu Israa'iil ay wax beeri jireen, waxaa iman jiray reer Midyaan iyo reer Camaaleq, iyo reer bariga, wayna ku kici jireen;
Judg SomKQA 6:4  oo intay ag degaan ayay ka baabbi'in jireen wixii dhulka uga baxay, ilaa la soo gaadho Gaasa, oo reer binu Israa'iil ugama ay tegin wax la quuto, iyo ido, iyo dibi, iyo dameerro toona.
Judg SomKQA 6:5  Waayo, waxay la iman jireen xoolahooda iyo teendhooyinkooda, oo waxay u faro badnaayeen sida ayaxa oo kale. Iyaga iyo geeloodu midna tiro ma lahayn; oo waxay dalka u iman jireen inay baabbi'iyaan.
Judg SomKQA 6:6  Oo reer Midyaan aawadood ayay reer binu Israa'iil aad iyo aad ugu caydhoobeen; markaasaa reer binu Israa'iil Rabbiga u qayshadeen.
Judg SomKQA 6:7  Oo markii reer binu Israa'iil Rabbiga ugu qayshadeen reer Midyaan aawadood
Judg SomKQA 6:8  ayaa Rabbigu reer binu Israa'iil u soo diray nebi; oo wuxuu ku yidhi iyagii, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidan buu leeyahay, Anaa idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxaan idinka soo saaray gurigii addoonsiga;
Judg SomKQA 6:9  waanan idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii kuwii idin dulmi jiray oo dhan, oo kulligood intaan hortiinna ka eryay ayaan dalkoodii idin siiyey;
Judg SomKQA 6:10  oo waxaan idinku idhi, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waa inaydnaan ka baqin ilaahyada reer Amor oo aad dalkooda deggan tihiin; laakiinse idinku ma aydnaan dhegaysan codkaygii.
Judg SomKQA 6:11  Markaasaa waxaa yimid malaggii Rabbiga, oo wuxuu hoos fadhiistay geedkii ku yiil Cofraah, oo uu lahaa Yoo'aash kii reer Abiiceser; oo wiilkiisii Gidcoon ahaa ayaa sarreen ku tumayay meeshii macsaradda inuu ka qariyo reer Midyaan.
Judg SomKQA 6:12  Markaasaa malaggii Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu waa kula jiraa, nin yahow xoogga lahu.
Judg SomKQA 6:13  Oo markaasaa Gidcoon malaggii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, haddii Rabbigu nala jiro, de maxaa waxyaalahan oo dhammu noogu dhaceen? Oo meeye kulli shuqulladiisii yaabka lahaa oo ay awowayaashayo noo sheegeen, oo ay nagu yidhaahdeen, Miyaanu Rabbigu naga soo bixin dalkii Masar? Laakiinse haatan Rabbigu waa na xooray, oo wuxuu gacanta noo geliyey reer Midyaan.
Judg SomKQA 6:14  Markaasaa Rabbigu isagii eegay, oo wuxuu ku yidhi, Xooggaagan ku tag, oo reer binu Israa'iil ka badbaadi gacanta reer Midyaan. Sow kuma aanan dirin?
Judg SomKQA 6:15  Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Sayidow, maxaan reer binu Israa'iil ku badbaadiyaa? Bal eeg, reerkaygu waa kan ugu liita reer Manaseh, oo anna waxaan ahay kan ugu yar reerka aabbahay.
Judg SomKQA 6:16  Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Hubaal waan kula jirayaa, oo waxaad reer Midyaan u layn doontaa sida nin keliya.
Judg SomKQA 6:17  Oo markaasuu wuxuu ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, de calaamo i tus inaad tahay kan ila hadlaya.
Judg SomKQA 6:18  Waan ku baryayaaye, halkaas ha ka tegin ilaa aan kuu imaado, oo aan qurbaankayga kuu keeno, oo aan ku hor dhigo. Isagu wuxuu yidhi, Waan ku sugayaa ilaa aad soo noqotid.
Judg SomKQA 6:19  Markaasaa Gidcoon gudaha galay, oo wuxuu diyaariyey orgi yar, iyo qiyaas eefaah bur ah oo uu ka sameeyey kibis aan khamiir lahayn. Hilibkii wuxuu ku riday dambiil, maraqiina dheri buu ku shubay, oo wuxuu ugu keenay oo ku siiyey geedkii hoostiisa.
Judg SomKQA 6:20  Markaasaa malaggii Ilaah wuxuu ku yidhi isagii, Hilibka iyo kibista aan khamiirka lahayn qaad, oo waxaad saartaa dhagaxan, oo maraqana ku qub. Oo isna sidaasuu yeelay.
Judg SomKQA 6:21  Markaasaa malaggii Rabbigu wuxuu soo taagay ushii gacantiisa ku jirtay dabadeedii, oo wuxuu ku taabtay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn, markaasaa dab ka soo baxay dhagaxii, oo wuxuu laastay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn; oo markaasaa malaggii Rabbigu ka libdhay araggiisii.
Judg SomKQA 6:22  Markaasaa Gidcoon arkay inuu yahay malaggii Rabbiga, oo Gidcoon wuxuu yidhi, Waa ii hoog, Sayidow, Rabbiyow, waayo, malaggii Rabbiga ayaan fool ka fool u arkay.
Judg SomKQA 6:23  Kolkaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Nabad ahow, oo ha cabsan, adigu dhiman mayside.
Judg SomKQA 6:24  Markaasaa Gidcoon halkaas wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu magaceedii u bixiyey Rabbigu waa nabad, oo taasu xataa maantadan la joogo waxay ku taal Cofraah tii reer Abiiceser.
Judg SomKQA 6:25  Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu ku yidhi isagii, Kaxayso dibiga aabbahaa, kaasoo ah dibiga labaad oo toddoba jirka ah, oo waxaad dumisaa meeshaa allabariga loogu bixiyo Bacal oo aabbahaa haysto, oo geedaha Asheeraah ku ag yaalna jar;
Judg SomKQA 6:26  oo Rabbiga Ilaahaaga ah meel allabari uga dul dhis dhufayskan, oo hagaaji, oo kexee dibiga labaad, oo geedihii Asheeraah oo aad gooysay qoryihiisa ku bixi allabari la gubo.
Judg SomKQA 6:27  Markaasaa Gidcoon wuxuu soo kaxaystay toban nin oo addoommadiisii ahaa, oo wuxuu sameeyey wixii Rabbigu u sheegay, oo shuqulkii habeennimuu sameeyey, maxaa yeelay, wuxuu ka cabsanayay reerkii aabbihiis iyo dadkii magaalada, oo taas darteed maalinnimo ma uu samayn karin.
Judg SomKQA 6:28  Oo dadkii magaaladu markay aroor hore soo tooseen ayay arkeen in meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray ay dunsan tahay iyo in geedihii Asheeraah oo agteeda ku yiil ay salka ka go'an yihiin, iyo in dibigii labaad lagu dul bixiyey meeshii allabariga oo loo dhisay.
Judg SomKQA 6:29  Markaasaa midkoodba wuxuu kii kale ku yidhi, Yaa waxakan sameeyey? Oo markay haybiyeen oo dadkii weyddiiyeen ayaa la yidhi, Waxakan waxaa sameeyey Gidcoon ina Yoo'aash.
Judg SomKQA 6:30  Markaasaa dadkii magaaladu waxay Yoo'aash ku yidhaahdeen, Soo bixi wiilkaaga aan dilnee, waayo, wuxuu dumiyey meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray, oo geedihii Asheeraah oo ku ag yiilna salkuu ka gooyay.
Judg SomKQA 6:31  Markaasaa Yoo'aash wuxuu ku yidhi dadkii ku kacay oo dhan, Ma idinkaa u dagaallamaya Bacal? Oo ma isagaad badbaadinaysaan? Kii u dagaallama ha la dilo subaxda, waayo, hadduu isagu ilaah yahay, de ha isu dagaallamo, maxaa yeelay, waxaa laga jebiyey meeshiisii allabariga.
Judg SomKQA 6:32  Sidaas daraaddeed wuxuu maalintaas Gidcoon u bixiyey Yerubbacal, oo wuxuu yidhi, Bacal ha la dagaallamo isaga, maxaa yeelay, wuxuu ka dumiyey meeshiisii allabariga.
Judg SomKQA 6:33  Markaasaa waxaa is-urursaday reer Midyaan, iyo reer Camaaleq, iyo reer barigii oo dhan, oo intay Webi Urdun ka gudbeen ayay dooxadii Yesreceel degeen.
Judg SomKQA 6:34  Laakiinse Ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Gidcoon, markaasuu buun ku dhuftay, oo waxaa ku soo ururay reer Abiiceser.
Judg SomKQA 6:35  Oo wuxuu wargeeyayaal u diray reer Manaseh oo dhan, oo iyana markaasay ku soo urureen; oo haddana wuxuu wargeeyayaal u diray reer Aasheer, iyo reer Sebulun, iyo reer Naftaali, oo iyana way u yimaadeen inay la kulmaan iyagii.
Judg SomKQA 6:36  Markaasaa Gidcoon wuxuu Ilaah ku yidhi, Sidaad ii sheegtay, haddaad reer binu Israa'iil gacantayda ku badbaadinaysid,
Judg SomKQA 6:37  bal eeg, meesha sarreenka lagu tumo ayaan dhigayaa dhogor idaad, haddaba haddii dharab qoyo dhogorta keliya oo dhulka kale oo dhammuna uu engegnaado, markaasaan ogaanayaa inaad gacantayda ku badbaadinaysid reer binu Israa'iil, sidaad ku hadashay.
Judg SomKQA 6:38  Oo sidii bay noqotay, waayo, markuu toosay subaxdii dambe, oo tuujiyey dhogorta, wuxuu ka maroojiyey koob muuggiis oo biyo ah.
Judg SomKQA 6:39  Markaasaa Gidcoon wuxuu Ilaah ku yidhi, Cadhadaadu yaanay igu kululaan oo markan keliya ayaan hadlayaa. Markan keliya aan dhogorta wax ku hubsado, waan ku baryayaaye. Bal markan dhogorta keliya engeg ha noqoto, laakiinse dhulka kale oo dhammu dharab ha lahaado.
Judg SomKQA 6:40  Oo Ilaahna sidii buu yeelay habeenkaas; waayo, waxaa engegnaa dhogortii keliya, oo dhulka kale oo dhammuna dharab buu lahaa.
Chapter 7
Judg SomKQA 7:1  Markaasay Yerubbacal oo ah Gidcoon iyo dadkii isaga la jiray oo dhan aroor hore kaceen, oo waxay degeen ishii Xarod dhinaceeda; oo xeradii reer Midyaanna waxay iyaga ka xigtay xagga woqooyi oo u dhow buurta Moreh, oo dooxadii ku dhex tiil.
Judg SomKQA 7:2  Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadka kula socdaa way igu badan yihiin inaan reer Midyaan gacanta u soo geliyo, waayo, waaba intaasoo ay reer binu Israa'iil ii faanaan, oo ay isyidhaahdaan, Gacantaydaa i badbaadisay.
Judg SomKQA 7:3  Haddaba tag oo dadka dhegahooda ku naadi, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii baqaya oo gariirayaa, ha iska noqdo oo ha ka tago Buur Gilecaad. Markaasaa dadkii waxaa dib uga noqday laba iyo labaatan kun oo nin, oo waxaa soo hadhay toban kun.
Judg SomKQA 7:4  Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadku weli aad buu u badan yahay; bal waxaad geeysaa biyaha, oo halkaasaan iyaga kuugu tijaabinayaa, oo waxay noqon doontaa, kii aan kugu idhaahdo, Kanu ha ku raaco, kaasaa ku raaci doonaa, oo ku alla kii aan kugu idhaahdo, Kanu ku raaci maayo, kaasu waa inaanu ku raacin.
Judg SomKQA 7:5  Sidaas daraaddeed dadkii wuxuu keenay biyihii; markaasaa Rabbigu Gidcoon ku yidhi, Ku alla kii biyaha carrabkiisa ku leefleefa sida eey oo kale, kaas gooni ahaantiisa u sooc, sidaas oo kalena ku alla kii u jilba joogsada inuu biyaha cabbo isna gooni ahaantiisa u sooc.
Judg SomKQA 7:6  Oo kuwii leefleefay oo calaacalahooda afka saaray tiradoodii waxay noqotay saddex boqol oo nin; laakiinse dadka intiisii kale way wada jilba joogsadeen inay biyihii cabbaan.
Judg SomKQA 7:7  Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Saddexda boqol oo nin oo calaacalahooda biyo ka leefleefay ayaan idinku badbaadinayaa, oo reer Midyaanna gacantaadaan soo gelinayaa; laakiinse dadka intiisa kale oo dhammu ha iska tageen, oo nin waluba ha ku noqdo meeshiisii.
Judg SomKQA 7:8  Sidaas daraaddeed dadkii waxay gacmahoodii ku qaateen sahay iyo buunankoodii, oo kulli dadkii reer binu Israa'iil wuu iska diray, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii, laakiin wuxuu la hadhay saddexdii boqol oo nin. Oo xeradii reer Midyaanna waxay ku tiil dooxadii isaga ka hoosaysay.
Judg SomKQA 7:9  Oo isla habeenkaas Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Kac, oo xerada ku dhaadhac, waayo, iyada gacantaan kuu geliyey.
Judg SomKQA 7:10  Laakiinse haddaad ka baqaysid inaad ku dhaadhacdo, waxaad xerada kula dhaadhacdaa addoonkaaga Furaah,
Judg SomKQA 7:11  oo waxaad maqli doontaa waxay isku leeyihiin; oo markaasay gacmahaagu u xoogaysan doonaan inaad xerada ku dhaadhacdo. Markaasuu hoos u dhaadhacay isagoo kaxaystay addoonkiisii Furaah ilaa meeshii ku wareegsanayd xerada oo raggii hubka lahaa degganaa.
Judg SomKQA 7:12  Oo reer Midyaan iyo reer Camaaleq iyo reer barigii oo dhammu waxay ku jireen dooxadii, iyagoo u faro badan sida ayax oo kale, oo geelooduna tiro ma lahayn, oo waxay la faro le'ekaayeen cammuudda badda xeebteeda taal.
Judg SomKQA 7:13  Oo markuu Gidcoon yimid waxaa jiray nin saaxiibkiis riyo u sheegayay, oo wuxuu yidhi, War riyaan ku riyooday, oo waxaan arkay kibis shaciir laga sameeyey oo ku soo giringiratay xerada reer Midyaan, oo waxay soo gaadhay teendhada, oo intay ku dhacday ayay dumisay, oo markaasay gembiday, oo teendhadiina way dhacday.
Judg SomKQA 7:14  Markaasaa saaxiibkiis u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Taasu wax kale ma aha, seeftii Gidcoon ina Yoo'aash mooyaane, kaasoo ah nin reer Israa'iil ah. Ilaah baa kaas gacantiisa geliyey reer Midyaan iyo ciidanka oo dhanba.
Judg SomKQA 7:15  Oo markii Gidcoon maqlay sheegistii riyada iyo micnaynteediiba ayuu Rabbiga caabuday, oo kolkaasuu xeradii reer binu Israa'iil ku noqday, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, waayo, Rabbigu gacantuu idiin soo geliyey ciidanka reer Midyaan.
Judg SomKQA 7:16  Markaasuu saddexdii boqol oo nin u kala qaybiyey saddex guuto, oo kulligoodba gacmahuu u geliyey buunan, iyo jalxado madhan oo ay qoryo ololayaa ku dhex jiraan.
Judg SomKQA 7:17  Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Ii fiirsada, oo yeela sidaan yeelo oo kale; oo bal eega, markii aan gaadho meesha xerada ku wareegsan waa inaad yeeshaan sidaan yeelo oo kale.
Judg SomKQA 7:18  Markaan buunka afuufo, aniga iyo inta ila jirta oo dhammu, idinkuna buunanka dhinac walba kaga afuufa xerada, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiga aawadiis iyo Gidcoon aawadiis.
Judg SomKQA 7:19  Haddaba Gidcoon iyo boqolkii nin oo la jiray waxay yimaadeen meeshii xerada ku wareegsanayd, dhankii ugu fogaa, oo markaasna waxay ahayd habeenbadhkii goorta waardiyaha cusub la saaro; oo waxay afuufeen buunankii, jalxadihii gacmahooda ku jirayna way burburiyeen.
Judg SomKQA 7:20  Markaasay saddexdii guutoba buunankii afuufeen, oo jalxadihiina way burburiyeen, oo qoryihii ololayayna waxay ku wada qabsadeen gacanta bidix, buunankiina gacanta midig inay afuufaan, oo waxay ku wada qayliyeen, Seeftii Rabbiga iyo Gidcoon.
Judg SomKQA 7:21  Oo iyana nin waluba wuxuu istaagay meeshiisii iyagoo xerada ku wareegsan; markaasaa ciidankii oo dhammu wada yaacay; wayna qayliyeen oo carareen.
Judg SomKQA 7:22  Oo iyana waxay afuufeen saddexdii boqol oo buun, markaasaa Rabbigu wuxuu nin walba ku kiciyey saaxiibkiis iyo ciidankii oo dhan; oo ciidankiina wuxuu sii cararayay ilaa Beytshitah oo ah xagga Sereeraad, iyo tan iyo xuduudka Aabeel Mehoolaah oo u dhow Tabbaad.
Judg SomKQA 7:23  Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay isaga soo urureen reer Naftaali, iyo reer Aasheer, iyo reer Manaseh oo dhan, oo waxay eryoodeen reer Midyaan.
Judg SomKQA 7:24  Markaasaa Gidcoon wargeeyayaal u diray dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Dhaadhaca, oo ka hor taga reer Midyaan, oo waxaad ka hor qabsataan biyaha ku jira tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun. Markaasay raggii reer Efrayim oo dhammu soo urureen oo waxay qabsadeen biyihii ku jiray tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun.
Judg SomKQA 7:25  Oo waxay gacanta ku dhigeen labadii amiir oo reer Midyaan, oo ahaa Cooreeb iyo Se'eeb; oo markaasay Cooreeb ku dileen dhagaxii Cooreeb, oo Se'eebna waxay ku dileen macsaraddii Se'eeb, wayna sii eryoodeen reer Midyaan; markaasay madaxyadii Cooreeb iyo Se'eeb Gidcoon ugu keeneen Webi Urdun shishadiisa.
Chapter 8
Judg SomKQA 8:1  Oo raggii reer Efrayim waxay Gidcoon ku yidhaahdeen, War maxaad waxan noogu samaysay, oo aad noogu yeedhi weyday, markaad u soo kacday inaad reer Midyaan la dagaallanto? Oo aad iyo aad bay u canaanteen isagii.
Judg SomKQA 8:2  Oo isna wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan sameeyey oo u qalma waxaad samayseen? Ururinta dambe oo canabka reer Efrayim sow kama wanaagsana ururinta hore oo canabka reer Abiiceser?
Judg SomKQA 8:3  Ilaah wuxuu gacanta idiin geliyey amiirradii reer Midyaan oo ahaa Cooreeb iyo Se'eeb; haddaba maxaan samayn karay oo u qalma waxaad samayseen? Oo markuu sidaas ku yidhi ayaa ciilkay u qabeen ka baxay.
Judg SomKQA 8:4  Markaasay Gidcoon iyo saddexdii boqol oo nin ee la socotay isaga yimaadeen Webi Urdun, wayna ka gudbeen, oo in kastoo ay daalanaayeen weliba wax bay eryoonayeen.
Judg SomKQA 8:5  Markaasuu dadkii reer Sukod ku yidhi, Waan idin baryayaaye, dadka ila socda kibis siiya, waayo, way daalan yihiin, oo anna waxaan eryoonayaa boqorrada reer Midyaan oo ah Sebah iyo Salmunnac.
Judg SomKQA 8:6  Markaasaa amiirradii reer Sukod waxay ku yidhaahdeen, Sebah iyo Salmunnac miyey haatan gacantaada ku jiraan aannu colkaaga cunto siinnee?
Judg SomKQA 8:7  Markaasaa Gidcoon wuxuu yidhi, Waa hagaag ee markii Rabbigu ii soo gacangeliyo Sebah iyo Salmunnac ayaan hilibkiinna ku jeexjeexi doonaa qodxanta cidlada iyo gocondhada.
Judg SomKQA 8:8  Markaasuu intuu halkaas ka tegey ayuu u kacay xagga reer Fenuu'eel, sidii oo kaluu ku yidhi; oo raggii reer Fenuu'eel waxay ugu jawaabeen sidii ay reer Sukod ugu jawaabeen oo kale.
Judg SomKQA 8:9  Kolkaasuu haddana wuxuu la hadlay raggii reer Fenuu'eel oo wuxuu ku yidhi, Markaan soo nabad noqdo ayaan dumin doonaa munaaraddan.
Judg SomKQA 8:10  Haddaba Sebah iyo Salmunnac waxay joogeen Qarqor, iyaga iyo ciidammadoodii, oo waxay ku dhowaayeen shan iyo toban kun oo nin, oo intaasuna waxay ahayd intii ka hadhay ciidankii reer bariga oo dhan; waayo, waxaa ka la'day boqol iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah.
Judg SomKQA 8:11  Kolkaasaa Gidcoon u kacay xagga kuwii teendhooyinka degganaa oo ku jiray meel bari ka xigta Nobax iyo Yaagbehaah, oo wuxuu laayay ciidankii, maxaa yeelay, ciidanku nabad buu u fadhiyey.
Judg SomKQA 8:12  Oo Sebah iyo Salmunnac way carareen, oo isna wuu eryooday, wuuna soo qabsaday labadii boqor oo reer Midyaan oo ahaa Sebah iyo Salmunnac, oo ciidankii oo dhanna wuu ka nixiyey.
Judg SomKQA 8:13  Oo Gidcoon ina Yoo'aash wuxuu dagaalkii kaga soo noqday jiirtii Xeres.
Judg SomKQA 8:14  Markaasuu wuxuu qabtay nin dhallinyar oo reer Sukod ah, oo wax weyddiiyey; oo isna wuxuu u tilmaamay amiirradii reer Sukod iyo odayaashoodii, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo toddobaatan nin.
Judg SomKQA 8:15  Markaasuu wuxuu u yimid raggii reer Sukod, oo wuxuuna ku yidhi, Bal eega Sebah iyo Salmunnac, kuwii aad daraaddood iigu majaajilooteen oo aad igu tidhaahdeen, Sebah iyo Salmunnac miyey haatan gacantaada ku jiraan, aannu raggaaga daalan cunto siinnee?
Judg SomKQA 8:16  Markaasuu kaxaystay odayaashii magaalada, oo wuxuu qaaday qodxantii cidlada iyo gocondho, wuuna ku edbiyey dadkii reer Sukod.
Judg SomKQA 8:17  Oo munaaraddii Fenuu'eelna wuu dumiyey, dadkii magaaladana wuu laayay.
Judg SomKQA 8:18  Kolkaasuu Sebah iyo Salmunnac ku yidhi, Raggii aad Taaboor ku layseen siday ahaayeen? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Waxay ahaayeen sidaadoo kale; oo mid waluba wuxuu u ekaa ilmo boqor oo kale.
Judg SomKQA 8:19  Isna wuxuu yidhi, Waxay ahaayeen walaalahay oo ah wiilashii hooyaday; oo haddii aad iyagoo nool bixin lahaydeen, Rabbiga nool baan ku dhaartaye, idinma aan laayeen.
Judg SomKQA 8:20  Markaasuu curadkiisii Yeter ku yidhi, Kac oo laa iyaga. Laakiinse wiilkii seeftiisii lama uu soo bixin; maxaa yeelay, wuu baqay, waayo, weli wuu yaraa.
Judg SomKQA 8:21  Markaasaa Sebah iyo Salmunnac waxay ku yidhaahdeen, War adigu kac oo na laa; waayo, nin waluba siduu yahay ayaa xooggiisuna yahay. Markaasaa Gidcoon kacay oo laayay Sebah iyo Salmunnac, oo wuxuu qaatay bilihii ku xidhnaa qoorta awrtooda.
Judg SomKQA 8:22  Markaasaa dadkii reer binu Israa'iil waxay Gidcoon ku yidhaahdeen, Haddaba noo tali, adiga iyo wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisuba; maxaa yeelay, waad naga badbaadisay gacantii reer Midyaan.
Judg SomKQA 8:23  Kolkaasaa Gidcoon wuxuu ku yidhi, Anigu idiinma talin doono, wiilkayguna idiinma talin doono; laakiinse Rabbigaa idiin talin doona.
Judg SomKQA 8:24  Oo haddana Gidcoon wuxuu ku yidhi, Waxaan idin weyddiisan lahaa in ninkiin waluba i siiyo hilqadihii uu boolida u helay. (Waxay haysteen hilqado dahab ah, maxaa yeelay, waxay ahaayeen reer Ismaaciil).
Judg SomKQA 8:25  Oo waxay ugu jawaabeen, Annagoo raalli ka ah ayaannu ku siinaynaa. Kolkaasay maro gogleen, oo nin kastaaba wuxuu ku tuuray hilqadihii uu boolida u helay.
Judg SomKQA 8:26  Oo hilqadihii dahabka ahaa oo uu weyddiistay miisaankoodii wuxuu noqday kun iyo toddoba boqol oo sheqel oo dahab ah, intaasoo aanay ku jirin bilihii, iyo murriyadihii, iyo dharkii guduudnaa oo ay boqorradii reer Midyaan xidhnaayeen, iyo silsiladihii sudhnaa qoorta awrtooda.
Judg SomKQA 8:27  Markaasaa Gidcoon wuxuu dahabkii ka sameeyey eefod, oo wuxuu dhigay magaaladiisii taasoo ahayd Coofraah; oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, markaasuu dabin ku noqday Gidcoon iyo reerkiisiiba.
Judg SomKQA 8:28  Sidaasaa reer Midyaan loo hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda, oo mar dambena madaxooda kor uma ay qaadin. Oo wakhtigii Gidcoon dalku wuxuu nastay afartan sannadood.
Judg SomKQA 8:29  Markaasaa wiilkii Yoo'aash, oo Yerubbacal ahaa intuu tegey ayuu iska degay gurigiisii.
Judg SomKQA 8:30  Oo Gidcoon wuxuu lahaa toddobaatan wiil oo uu isagu dhalay, waayo, wuxuu qabay naago badan.
Judg SomKQA 8:31  Oo naagtiisii addoonta ahayd oo degganayd Shekem, iyana wiil bay u dhashay, oo wuxuu magiciisii u bixiyey Abiimeleg.
Judg SomKQA 8:32  Oo Gidcoon ina Yoo'aash ayaa dhintay isagoo da' weyn, oo waxaa lagu aasay xabaashii aabbihiis Yoo'aash, oo ku tiil Coofraah tii reer Abiiceser.
Judg SomKQA 8:33  Oo isla markii Gidcoon dhintay ayay reer binu Israa'iil haddana noqdeen, oo Bacaliimkii raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, oo Bacal Beriidna ilaahoodii bay ka dhigteen.
Judg SomKQA 8:34  Oo reer binu Israa'iilna ma ay xusuusan Rabbiga Ilaahood ahaa, oo ka samatabbixiyey cadaawayaashoodii dhan kasta ka xigay oo dhan;
Judg SomKQA 8:35  raxmadna ma ay tusin reerkii Yerubbacal, kaasoo ahaa Gidcoon, siduu wanaagga oo dhan ugu sameeyey reer binu Israa'iil.
Chapter 9
Judg SomKQA 9:1  Markaasaa Abiimeleg ina Yerubbacal tegey xagga Shekem iyo abtiyaashiis, oo wuu la hadlay iyagii iyo reerka awowgiis oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,
Judg SomKQA 9:2  Waan idin baryayaaye, La hadla dadka Shekem oo dhan, oo bal weyddiiya, Kee baa idiin wanaagsan, in wiilasha Yerubbacal oo ah toddobaatan ay idiin wada taliyaan, mise in mid keliyahu idiin taliyo? Oo waxaad kaloo xusuusataan inaan ahay laftiinnii iyo hilibkiinnii.
Judg SomKQA 9:3  Markaasay abtiyaashiis ula hadleen dadkii Shekem oo dhan, oo waxay u sheegeen erayadiisii oo dhan; kolkaasay qalbiyadoodii u leexdeen inay Abiimeleg raacaan; waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa walaalkeen.
Judg SomKQA 9:4  Markaasay waxay isagii gurigii Bacal Beriid ka siiyeen toddobaatan xabbadood oo lacag ah, oo Abiimeleg wuxuu ku kiraystay ciyaalasuuq iyo waxmatarayaal isaga raacay.
Judg SomKQA 9:5  Markaasuu reerkii aabbihiis ugu tegey Coofraah, oo wuxuu isku dhagax dushiis ku laayay walaalihiis ilmo Yerubbacal oo ahaa toddobaatan qof; laakiinse garuddambayskii Yerubbacal oo ahaa Yootam ayaa hadhay, waayo, wuu dhuuntay.
Judg SomKQA 9:6  Markaasaa waxaa soo shiray oo isku soo ururay dadkii Shekem oo dhan iyo reer Millo oo dhan, oo intay tageen ayay Abiimeleg boqor ka dhigteen, oo waxay ku ag boqreen geedkii tiirkii ku yiil Shekem.
Judg SomKQA 9:7  Oo markii taas loo sheegay Yootam ayuu tegey oo wuxuu isku taagay Buur Gerisiim dusheedii, oo intuu qayliyey ayuu codkiisii kor u qaaday oo yidhi, Bal i maqla, dadka reer Shekemow, in Ilaah idin maqlo.
Judg SomKQA 9:8  Waa baa dhirtu damacday inay boqor subkaan, markaasay geedsaytuun ku yidhaahdeen, Kaalay oo boqor noo noqo.
Judg SomKQA 9:9  Laakiinse geedsaytuunkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan barwaaqadayda ka tagaa, tan lagu sharfa Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?
Judg SomKQA 9:10  Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedberde, Kaalay oo boqor noo noqo.
Judg SomKQA 9:11  Laakiinse geedberdihii wuxuu ku yidhi, Miyaan ka tagaa macaankayga iyo midhahayga wanaagsan, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?
Judg SomKQA 9:12  Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedcanab, Kaalay oo boqor noo noqo.
Judg SomKQA 9:13  Markaasaa geedcanabkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan ka tagaa khamrigayga ka farxiya Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?
Judg SomKQA 9:14  Markaasaa dhirtii oo dhammu waxay ku yidhaahdeen gocondho, Kaalay oo boqor noo noqo.
Judg SomKQA 9:15  Markaasaa gocondhadii waxay dhirtii ku tidhi, Haddaad daacad ii boqranaysaan, kaalaya oo hooskayga hadhsada; haddii kalese, dab ha ka soo baxo gocondhada oo ha laasto geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
Judg SomKQA 9:16  Haddaba haddaad daacad iyo si qumman ku socoteen, markii aad boqrateen Abiimeleg, iyo haddaad daacad kula macaamilooteen Yerubbacal iyo reerkiisii, oo aad u samayseen wixii uu idinka istaahilay;
Judg SomKQA 9:17  (waayo, aabbahay idinkuu idiin diriray oo aawadiin buu naftiisii u biimeeyey, oo wuxuu idinka soo samatabbixiyey gacantii reer Midyaan;
Judg SomKQA 9:18  oo idinku maanta waxaad ku kacdeen reerkii aabbahay, oo waxaad isku dhagax ku layseen wiilashiisii oo ah toddobaatan qof, oo waxaad dadkii Shekem boqor uga dhigteen Abiimeleg oo ah wiilkii addoontiisa, maxaa yeelay, isagu waa walaalkiin;)
Judg SomKQA 9:19  haddaba haddaad maanta daacad iyo si qumman ula macaamilooteen Yerubbacal iyo reerkiisii, de markaas Abiimeleg ku reyreeya oo isna ha idinku reyreeyo;
Judg SomKQA 9:20  haddii kalese, dab ha ka soo baxo Abiimeleg, oo ha laasto dadka Shekem iyo reer Millo; oo dadka Shekem iyo reer Millona dab ha ka soo baxo, oo ha laasto Abiimeleg.
Judg SomKQA 9:21  Markaasaa Yootam orday oo cararay, oo wuxuu tegey Bi'ir, oo halkaasuu joogay cabsidii uu walaalkiis Abiimeleg ka qabay aawadeed.
Judg SomKQA 9:22  Oo Abiimelegna saddex sannadood buu amiir u ahaa reer binu Israa'iil.
Judg SomKQA 9:23  Oo Ilaahna dadkii Shekem iyo Abiimeleg dhexdooda wuxuu u soo diray jinni; oo dadkii Shekemna way khiyaaneeyeen Abiimeleg,
Judg SomKQA 9:24  in dulmigii lagu sameeyey toddobaatankii wiil oo Yerubbacal uu yimaado, oo dhiiggoodii la saaro walaalkood Abiimeleg oo iyaga dilay, iyo dadkii reer Shekem oo gacmihiisa xoojiyey inuu laayo walaalihiis.
Judg SomKQA 9:25  Oo dadkii reer Shekemna waxay isagii buuraha dushooda u saareen rag gaadmo ah, oo iyana waxay dhaceen wax alla wixii jidkaas agtooda ah soo maray; oo taas waxaa loo sheegay Abiimeleg.
Judg SomKQA 9:26  Markaasaa Gacal ina Cebed ayaa yimid isagoo la socda walaalihiis, oo wuxuu tegey Shekem; oo dadkii reer Shekemna way isku halleeyeen isagii.
Judg SomKQA 9:27  Markaasay beeraha tageen, oo canabkoodii soo gurteen, oo waxay ku tunteen midhihii canabka, wayna iideen, oo waxay galeen gurigii ilaahood, oo wax bay cuneen oo cabbeen, oo waxay caayeen Abiimeleg.
Judg SomKQA 9:28  Markaasaa Gacal ina Cebed yidhi, Abiimeleg waa ayo? Shekemna waa ayo? Maxaynu ugu adeegna? Sow isagu ma aha ina Yerubbacal? Sirkaalkiisuna sow ma aha Sebul? U adeega dadkii reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis; laakiinse maxaynu ugu adeegnaa isaga?
Judg SomKQA 9:29  Haddii Ilaah dadkan gacantayda hoos gelin lahaa, ogaada, Abiimeleg waan eryi lahaaye. Kolkaasuu ku yidhi Abiimeleg, Ciidankaaga soo badso oo soo bax.
Judg SomKQA 9:30  Markii Sebul oo ahaa taliyihii magaaladu maqlay erayadii Gacal ina Cebed ayuu aad u cadhooday.
Judg SomKQA 9:31  Markaasuu hoos ahaan wargeeyayaal ugu diray Abiimeleg, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, Gacal ina Cebed iyo walaalihiis ayaa Shekem yimid, oo magaaladiina wuu kugu diray.
Judg SomKQA 9:32  Haddaba adiga iyo dadka kula jiraaba habeennimo soo kaca oo duurka ku soo dhuunta.
Judg SomKQA 9:33  Oo subaxda markay qorraxdu soo baxdo waa inaad aroor hore soo kacdaa oo magaalada weerartaa; oo bal eeg, markii isaga iyo dadka la jiraa ay dagaal kuugu soo baxaan, markaasaad ku samayn doontaa sida kuu suurtowda.
Judg SomKQA 9:34  Markaasaa Abiimeleg iyo dadkii la jiray oo dhammu habeennimo kaceen, oo waxay soo gaadeen Shekem, iyagoo afar guuto ah.
Judg SomKQA 9:35  Markaasaa Gacal ina Cebed baxay, oo wuxuu istaagay iridda magaalada laga soo galo; oo Abiimeleg iyo dadkii la jirayna waxay ka soo kaceen gaadmadii.
Judg SomKQA 9:36  Oo Gacalna markuu arkay dadkii wuxuu Sebul ku yidhi, Bal eeg, dad baa buuraha dushooda ka soo degaya. Sebulna wuxuu ku yidhi isagii, War waxaad arkaysaa oo dad moodaysaa buuraha hooskooda.
Judg SomKQA 9:37  Oo Gacal haddana wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Bal day, dad baa dhulka dhexdiisa soo socda, oo guutona waxay soo ag socotaa geedkii Mecooneniim.
Judg SomKQA 9:38  Markaasaa Sebul wuxuu ku yidhi isagii, Meeh afkaagii aad ku tidhi, Waa ayo Abiimeleg oo maxaynu ugu adeegnaa? Sow kanu ma aha dadkii aad quudhsatay? Haddaba waan ku baryayaaye, u bax oo la dirir.
Judg SomKQA 9:39  Oo Gacalna intuu baxay ayuu hor maray dadkii reer Shekem, oo wuxuu la diriray Abiimeleg.
Judg SomKQA 9:40  Oo Abiimelegna wuu eryooday Gacal, oo isna wuu cararay, oo dad badan oo dhaawac ah ayaa kaga dhacay tan iyo iridda magaalada laga galo.
Judg SomKQA 9:41  Oo Abiimelegna wuxuu degay Aruumaah, Sebulna wuu eryay Gacal iyo walaalihiisba, oo wuu u diiday inay Shekem degganaadaan.
Judg SomKQA 9:42  Oo subaxdii dambe ayaa dadkii duurka tegey oo ay Abiimeleg u sheegeen wixii dhacay.
Judg SomKQA 9:43  Markaasuu dadkii kaxaystay, oo intuu u kala qaybiyey saddex guuto ayuu duurka ku gaaday; markaasuu intuu wax fiiriyey ayuu arkay dadkii magaalada ka soo baxayay oo intuu ku kacay ayuu laayay.
Judg SomKQA 9:44  Markaasay Abiimeleg iyo guutooyinkii la jiray hore u soo rooreen, oo waxay istaageen iriddii magaalada laga soo geli jiray; oo labadii guutona waxay ku yaaceen dadkii duurka joogay oo dhan, wayna wada laayeen.
Judg SomKQA 9:45  Oo Abiimelegna maalintaas oo dhan wuxuu la dirirayay magaaladii; oo wuu qabsaday magaaladii, oo dadkii ku jirayna wuu wada laayay; oo magaaladiina wuu dumiyey, wuxuuna ku daadiyey cusbo.
Judg SomKQA 9:46  Oo dadkii ku jiray munaaraddii Shekem markay taas maqleen, ayay galeen qalcaddii ku tiil gurigii ilaahooda Beriid la odhan jiray.
Judg SomKQA 9:47  Markaasaa Abiimeleg waxaa loo sheegay in dadkii ku jiray munaaraddii Shekem oo dhammu ay isku urursan yihiin.
Judg SomKQA 9:48  Markaasaa Abiimeleg wuxuu fuulay Buur Salmoon, isagii iyo dadkii la jiray oo dhammuba; kolkaasaa Abiimeleg wuxuu gacanta ku qabsaday faas, oo wuxuu dhirtii ka soo jaray laan, oo intuu kor u qaatay ayuu garbaha soo saaray, oo dadkii la jirayna wuxuu ku yidhi, Dhaqsada, oo wixii aad igu aragteen anoo samaynaya u sameeya sidii aan u sameeyey.
Judg SomKQA 9:49  Markaasaa dadkii nin waluba wuxuu soo jaray laantiisii, oo waxay soo raaceen Abiimeleg, oo intay laamihii qalcaddii ku ag tuuleen ayay haddana dab sudheen, oo sidaasay dadkii munaaraddii Shekem joogay oo dhammu u wada le'deen; oo waxay ahaayeen in ku dhow kun qof oo rag iyo dumarba leh.
Judg SomKQA 9:50  Oo haddana Abiimeleg wuxuu tegey Teebees, oo wuxuu degay meel ka soo hor jeedda, markaasuu qabsaday.
Judg SomKQA 9:51  Laakiinse magaalada waxaa ku dhex tiil munaarad xoog badan. Markaasay halkaas ku carareen rag iyo dumarba, iyo kulli wixii magaalada joogay oo dhan, oo intay isku soo xidheen ayay kor u fuuleen munaaradda saqafkeedii.
Judg SomKQA 9:52  Markaasaa Abiimeleg munaaraddii yimid, wuuna la diriray, oo wuxuu u dhowaaday iridda munaaradda inuu dab ku gubo.
Judg SomKQA 9:53  Naag baa kor dhagaxshiid kaga soo tuurtay Abiimeleg madaxiisii, oo burburisay dhakadiisii.
Judg SomKQA 9:54  Markaasuu haddiiba u yeedhay ninkii dhallinyarada ahaa, oo hubka u siday, oo wuxuu ku yidhi, War dadku yaanu i odhan, Naag baa dishaye, seeftaada la soo bax oo i dil. Markaasaa ninkiisii dhallinyarada ahaa seef ka mudhbixiyey, kolkaasuu dhintay.
Judg SomKQA 9:55  Dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inuu Abiimeleg dhintay ayaa nin waluba meeshiisii tegey.
Judg SomKQA 9:56  Oo sidaasaa Ilaah Abiimeleg xumaantii uu aabbihiis ku sameeyey uga jeebay, waayo, wuxuu laayay toddobaatan walaalihiis ah:
Judg SomKQA 9:57  oo dadkii reer Shekem xumaantoodii oo dhan Ilaah baa ka jeebay madaxoodii, oo waxaa ku soo degay habaarkii Yootam ina Yerubbacal.
Chapter 10
Judg SomKQA 10:1  Markaasaa Abiimeleg dabadiis waxaa u kacay inuu reer binu Israa'iil badbaadiyo Toolac ina Fuwaah oo ahaa ina Doodoo, oo reer Isaakaar ahaa, oo wuxuu degganaa Shaamiir oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.
Judg SomKQA 10:2  Kaasu wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay saddex iyo labaatan sannadood, dabadeedna wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Shaamiir.
Judg SomKQA 10:3  Oo kaas dabadiisna waxaa kacay Yaa'iir oo reer Gilecaad ahaa, oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay laba iyo labaatan sannadood.
Judg SomKQA 10:4  Oo isna wuxuu lahaa soddon wiil oo soddon qayl dameer fuuli jirtay, oo iyana waxay lahaayeen soddon magaalo, oo ilaa maantadan la joogo la yidhaahdo Hawood Yaa'iir, oo waxay ku yaalliin dalka Gilecaad.
Judg SomKQA 10:5  Markaasaa Yaa'iir dhintay, oo waxaa lagu aasay Qaamoon.
Judg SomKQA 10:6  Markaasaa reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliim, iyo Cashtarod, iyo ilaahyadii Suuriya, iyo ilaahyadii Siidoon, iyo ilaahyadii Moo'aab, iyo ilaahyadii reer Cammoon, iyo ilaahyadii reer Falastiin, oo Rabbiga way ka tageen, umana ay adeegin.
Judg SomKQA 10:7  Oo Rabbiguna aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu iyagii ka iibiyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii reer Cammoon.
Judg SomKQA 10:8  Oo sannaddaas way dhibeen oo dulmeen reer binu Israa'iil; oo siddeed iyo toban sannadood ayay dulmayeen kulli reer binu Israa'iilkii degganaa dalka reer Amor oo ku yaal Gilecaad Webi Urdun shishadiisa.
Judg SomKQA 10:9  Markaasay reer Cammoon ka soo gudbeen Webi Urdun inay la diriraan reer Yahuudah, iyo reer Benyaamiin, iyo reer Efrayim; sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waxay ku jireen cidhiidhi weyn.
Judg SomKQA 10:10  Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu kugu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ka tagnay Ilaahayo, oo Bacaliimkii baannu u adeegnay.
Judg SomKQA 10:11  Markaasaa Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Miyaanan idinka badbaadin Masriyiintii, iyo reer Amor, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin?
Judg SomKQA 10:12  Oo weliba reer Siidoon, iyo reer Camaaleq, iyo reer Maacoonba way idin dulmeen, oo waad ii qayshateen, oo markaasaan idinka badbaadiyey gacantoodii.
Judg SomKQA 10:13  Oo weliba waad iga tagteen, oo waxaad u adeegteen ilaahyo kale; sidaas darteed anigu mar dambe idinma badbaadin doono.
Judg SomKQA 10:14  Haddaba taga oo u qayshada ilaahyadii aad doorateen; oo iyagu ha idin badbaadiyeen wakhtiga aad cidhiidhi ku jirtaan.
Judg SomKQA 10:15  Markaasaa reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Waannu dembaabnay; haddaba nagu samee wax alla wixii kula wanaagsan; laakiinse waannu ku baryaynaaye, bal maanta na samatabbixi.
Judg SomKQA 10:16  Markaasay iska wada fogeeyeen ilaahyadii qalaad oo dhexdooda yiil, oo waxay u adeegeen Rabbiga; oo naftiisuna way ka xumaatay hooggii haystay reer binu Israa'iil.
Judg SomKQA 10:17  Markaasaa waxaa soo wada ururay reer Cammoon oo waxay soo degeen Gilecaad. Oo reer binu Israa'iilna way isa soo urursadeen oo iyana waxay soo degeen Misfaah.
Judg SomKQA 10:18  Markaasaa dadkii iyo amiirradii reer Gilecaad ayaa midba midka kale wuxuu ku yidhi, Car, ninkee baa bilaabaya inuu la diriro reer Cammoon? Kaasu wuxuu ahaan doonaa madaxda dadka Gilecaad deggan oo dhan.
Chapter 11
Judg SomKQA 11:1  Haddaba Yeftaah oo reer Gilecaad ahaa wuxuu ahaa nin xoog leh, oo wuxuuna ahaa dhillo wiilkeed. Yeftaahna waxaa dhalay Gilecaad.
Judg SomKQA 11:2  Oo Gilecaad naagtiisiina wiilal bay u dhashay, oo wiilashii naagtiisuna markay koreen ayay Yeftaah iska eryeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Reerka aabbeheen adigu nala dhaxli maysid; maxaa yeelay, naag kalaa ku dhashay.
Judg SomKQA 11:3  Markaasuu Yeftaah walaalihiis ka cararay, oo wuxuu degay dalkii Toob: markaasaa waxaa isku soo ururay ciyaalasuuq, oo iyana waxay raaceen Yeftaah.
Judg SomKQA 11:4  Oo intii wakhti ah dabadeed ayay reer Cammoon la dirireen reer binu Israa'iil.
Judg SomKQA 11:5  Oo markii reer Cammoon ay la dirireen reer binu Israa'iil ayaa odayaashii reer Gilecaad Yeftaah ka dooneen dalkii Toob;
Judg SomKQA 11:6  oo waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Kaalay oo madax noo noqo, aynu reer Cammoon la dirirnee.
Judg SomKQA 11:7  Markaasuu Yeftaah odayaashii reer Gilecaad ku yidhi, War sow ima aydnaan nebcayn oo igama aydnaan eryin reerkii aabbahay? Maxaad haatan iigu timaadeen idinkoo cidhiidhi ku jira?
Judg SomKQA 11:8  Oo odayaashii reer Gilecaadna waxay ku yidhaahdeen Yeftaah, War haatan waannu kuu soo noqonnay si aad noo raacdid oo aad ula dirirtid reer Cammoon, oo madax ayaad noo noqonaysaa oo waxaad ugu sarraynaysaa dadka deggan dalka Gilecaad oo dhan.
Judg SomKQA 11:9  Markaasuu Yeftaah ku yidhi odayaashii reer Gilecaad, Haddaad mar kale dalkii iigu celisaan inaan reer Cammoon la diriro, oo Rabbigu iyaga gacanta ii soo geliyo, de markaas madax ma idiin noqonayaa?
Judg SomKQA 11:10  Oo odayaashii reer Gilecaadna waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Taas Rabbigu ha ka noqdo marag inoo dhexaya; oo hubaal waxaannu yeelaynaa siduu eraygaagu yahay.
Judg SomKQA 11:11  Markaasuu Yeftaah raacay odayaashii reer Gilecaad oo dadkiina waxay isagii ka dhigteen madax iyo ugaas iyaga ka sarreeya; oo Yeftaah wuxuu hadalkiisii oo dhan Rabbiga ugu sheegay Misfaah.
Judg SomKQA 11:12  Markaasuu Yeftaah wargeeyayaal u diray boqorkii reer Cammoon, oo wuxuu ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya, oo maxaad iigu timid oo aad dalkayga iigu la diriraysaa?
Judg SomKQA 11:13  Markaasuu boqorkii reer Cammoon ku yidhi wargeeyayaashii Yeftaah ka yimid, Maxaa yeelay, reer binu Israa'iil markii ay ka yimaadeen Masar, waxay iga dhaceen dalkaygii ilaa Arnoon iyo tan iyo xataa Yabboq, iyo ilaa Urdun; haddaba dalalkaas oo dhan nabad iigu soo celi.
Judg SomKQA 11:14  Oo Yeftaah haddana wargeeyayaal buu u diray boqorkii reer Cammoon;
Judg SomKQA 11:15  oo wuxuu ku yidhi, Yeftaah wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil ma dhicin dalkii reer Moo'aab iyo dalkii reer Cammoon toona:
Judg SomKQA 11:16  laakiinse markii ay ka yimaadeen Masar, reer binu Israa'iil waxay soo mareen cidlada ilaa xagga Badda Cas, oo dabadeedna waxay yimaadeen Qaadeesh;
Judg SomKQA 11:17  markaasaa reer binu Israa'iil waxay wargeeyayaal u direen boqorkii reer Edom, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno; laakiinse boqorkii reer Edom ma uu dhegaysan. Sidaas oo kalena waxay cid u direen boqorkii reer Moo'aab; laakiinse isna wuu diiday; oo reer binu Israa'iilna waxay iska joogeen Qaadeesh.
Judg SomKQA 11:18  Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab.
Judg SomKQA 11:19  Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo boqor u ahaa Xeshboon; oo reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen Siixon, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno si aannu ugu gudubno meeshayadii.
Judg SomKQA 11:20  Laakiinse Siixon ma aaminin reer binu Israa'iil inay dhex maraan dalkiisii; laakiinse Siixon wuxuu soo urursaday dadkiisii oo dhan, oo intuu Yahas soo degay ayuu reer binu Israa'iil la diriray.
Judg SomKQA 11:21  Markaasuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Siixon iyo dadkiisii oo dhanba ku riday gacantii reer binu Israa'iil oo iyana way laayeen iyagii; oo sidaasay reer binu Israa'iil ku hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan iyo dadkii waddankaasba.
Judg SomKQA 11:22  Oo waxay hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo tan iyo cidlada iyo ilaa Webi Urdun.
Judg SomKQA 11:23  Haddaba haatan inta Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil reer Amor dalka kaga qaaday dadkiisa reer binu Israa'iil hortooda, miyaad adigu qabsanaysaa iyaga?
Judg SomKQA 11:24  Sow lahaan maysid wuxuu ilaahaaga Kemoosh ahu ku siiyo inaad lahaatid? Taas aawadeed kuwa Rabbiga Ilaahayaga ahu hortayada ka eryo waannu qabsan doonnaa.
Judg SomKQA 11:25  Haddaba miyaad ka wanaagsan tahay boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Baalaaq ina Sifoor? Miyuu weligiis la diriray reer binu Israa'iil, oo miyuu weligiis la dagaallamay reer binu Israa'iil?
Judg SomKQA 11:26  Oo intii reer binu Israa'iil ay degganaayeen Xeshboon iyo magaalooyinkeedii, iyo Carooceer iyo magaalooyinkeedii, iyo magaalooyinkii Arnoon dhinaceeda ku yiil oo dhan, intaasu waxay ahayd saddex boqol oo sannadood ee maxaad wakhtigaas u soo qabsan weydeen?
Judg SomKQA 11:27  Sidaas daraaddeed anigu kuguma aan dembaabin, laakiinse adigu qalad baad igu samaynaysaa inaad ila dirirto. Rabbiga xaakinka ahu maanta ha noqdo xaakin u dhexeeya reer binu Israa'iil iyo reer Cammoon.
Judg SomKQA 11:28  Habase yeeshee, boqorkii reer Cammoon ma uu dhegaysan erayadii Yeftaah u soo diray.
Judg SomKQA 11:29  Markaasaa Ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Yeftaah, oo wuxuu soo dhaafay reer Gilecaad iyo reer Manaseh, oo wuxuu soo dhaafay Misfaah tii reer Gilecaad, oo markaasuu Misfaah tii reer Gilecaadna wuxuu uga sii gudbay xagga reer Cammoon.
Judg SomKQA 11:30  Markaasaa Yeftaah wuxuu Rabbiga u nidray nidar, oo wuxuu yidhi, Hubaal haddaad reer Cammoon gacantayda soo geliso,
Judg SomKQA 11:31  markaasaa wax alla wixii irdaha gurigayga ka soo baxo inuu ila kulmo markaan reer Cammoon nabad kaga soo noqdo, waxaa lahaan doona Rabbiga, oo waxaan u bixin doonaa allabari la gubo.
Judg SomKQA 11:32  Markaasuu Yeftaah u gudbay xagga reer Cammoon inuu la dagaallamo, oo Rabbiguna gacantiisuu soo geliyey.
Judg SomKQA 11:33  Oo wuxuu iyagii laayay ilaa Carooceer iyo tan iyo ilaa aad Minniid timaadid, oo intaasu waxay ahaayeen labaatan magaalo, oo ilaa Aabeel Keraamiimna wuxuu ku laayay dad badan. Sidaasaa reer Cammoon loogu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.
Judg SomKQA 11:34  Markaasuu Yeftaah yimid Misfaah xagga gurigiisii, oo bal eeg, gabadhiisii baa ka soo baxday inay la kulanto, iyadoo daf tumaysa oo cayaaraysa. Madi bay u ahayd oo iyada mooyaane wiil iyo gabadh midna ma uu lahayn.
Judg SomKQA 11:35  Oo markuu arkay iyadii ayuu dharkiisii iska jeexjeexay, oo wuxuu yidhi, Hoogay gabadhaydiiyey! Hoos baad ii dhigtay, oo waxaad tahay kuwa i dhiba middood; waayo, Rabbigaan afkayga u furay, oo dibna uma aan noqon karo.
Judg SomKQA 11:36  Oo waxay ku tidhi, Aabbahayow, Rabbigaad afkaaga u furtay, haddaba igu samee wixii afkaaga ka soo baxay, waayo, Rabbigu waa kaaga aarguday cadaawayaashaadii, kuwaasoo ahaa reer Cammoon.
Judg SomKQA 11:37  Oo waxay aabbaheed ku tidhi, Bal waxan ha la ii sameeyo, intii laba bilood ah i daa, oo intaan buuraha tago, aniga iyo saaxiibadahay, aan bikradnimadayda u baroortee.
Judg SomKQA 11:38  Markaasuu yidhi, Tag. Oo intii laba bilood ah ayuu iska diray; oo iyadii iyo saaxiibadaheedba way tageen, oo bikradnimadeedii ayay buuraha ugu soo baroorteen.
Judg SomKQA 11:39  Oo labadii bilood dabadeed ayay ku soo noqotay aabbaheed, oo isna wuxuu ku sameeyey sidii uu nidarka ku galay; oo iyana nin ma ay aqoon. Oo reer binu Israa'iilna waxaa caado u ahaa,
Judg SomKQA 11:40  inay gabdhaha reer binu Israa'iil sannad walba afar maalmood baxaan oo u baroortaan gabadhii Yeftaah kii reer Gilecaad.
Chapter 12
Judg SomKQA 12:1  Oo raggii reer Efrayimna way is-urursadeen, oo waxay u gudbeen xagga woqooyi, oo waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Reer Cammoon inaad la dirirto intaad u soo gudubtay, maxaad noogu yeedhi weyday aannu ku raacnee? Gurigaagaannu kugu dul gubi doonnaa.
Judg SomKQA 12:2  Yeftaahna wuxuu ku yidhi, Aniga iyo dadkayguba dagaal weyn baannu kula jirnay reer Cammoon, oo markaan idiin yeedhay igama aydnaan badbaadin gacantoodii.
Judg SomKQA 12:3  Oo markaan arkay inaydnaan i badbaadinayn ayaan naftayda biimeeyey, oo waxaan u gudbay reer Cammoon, oo Rabbigu gacantayduu soo geliyey. Haddaba maxaad maanta iigu timaadeen inaad ila dirirtaan?
Judg SomKQA 12:4  Markaasuu Yeftaah soo urursaday raggii reer Gilecaad oo dhan, oo wuxuu la diriray reer Efrayim; oo reer Gilecaadna way laayeen reer Efrayim, maxaa yeelay, waxay yidhaahdeen, Idinku fakad baad tihiin kuwiinnan reer Gilecaad oo ku dhex jira reer Efrayim iyo reer Manaseh.
Judg SomKQA 12:5  Oo reer Gilecaadna waxay qabsadeen meelihii Webi Urdun laga gudbi jiray oo xagga reer Efrayim ahaa; oo markuu mid reer Efrayim ah oo cararay yidhaahdo, I daaya aan gudbee, waxaa dhici jirtay inay reer Gilecaad ku odhan jireen, Ma reer Efrayim baad tahay? Oo hadduu yidhaahdo, Maya,
Judg SomKQA 12:6  waxay ku odhan jireen, Bal waxaad tidhaahdaa Shibboled, markaasuu odhan jiray, Sibboled, waayo, taas odhaahdeeda qummaati uma uu odhan karin; markaasay intay qabsadaan ku dili jireen meelihii Webi Urdun laga gudbi jiray; oo wakhtigaas waxaa reer Efrayim ka dhintay laba iyo afartan kun.
Judg SomKQA 12:7  Oo Yeftaahna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay lix sannadood. Markaasuu Yeftaah oo ahaa reer Gilecaad dhintay, oo waxaa lagu aasay magaalooyinkii reer Gilecaad middood.
Judg SomKQA 12:8  Isaga dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Ibsaan oo ahaa reer Beytlaxam.
Judg SomKQA 12:9  Oo wuxuu lahaa soddon wiil, oo soddon gabdhoodna wuu bixiyey, soddon gabdhoodna wiilashiisuu dibadda uga keenay. Oo isna reer binu Israa'iil wuxuu xukumayay toddoba sannadood.
Judg SomKQA 12:10  Markaasuu Ibsaan dhintay, oo waxaa lagu aasay Beytlaxam.
Judg SomKQA 12:11  Dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Eeloon oo ahaa reer Sebulun; oo isna wuxuu reer Israa'iil xukumayay toban sannadood.
Judg SomKQA 12:12  Oo Eeloon oo reer Sebulun ahaana wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Ayaaloon oo ku taal dalka reer Sebulun.
Judg SomKQA 12:13  Isaga dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Cabdoon ina Hilleel oo ahaa reer Fircaatoon.
Judg SomKQA 12:14  Oo isna wuxuu lahaa afartan wiil iyo soddon uu awowe u ahaa, oo fuuli jiray toddobaatan qayl dameer. Oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay siddeed sannadood.
Judg SomKQA 12:15  Oo Cabdoon ina Hilleel oo ahaa reer Fircaatoon wuu dhintay, oo waxaa lagu aasay Fircaatoon oo ku taal dalka reer Efrayim, kaasoo ahaa dalka buuraha leh oo reer Camaaleq.
Chapter 13
Judg SomKQA 13:1  Reer binu Israa'iilna waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markaasaa Rabbigu gacanta u geliyey reer Falastiin intii afartan sannadood ah.
Judg SomKQA 13:2  Oo waxaa jiray nin reer Sorcaah ah, oo jilibkiisuna ahaa reer Daan, magiciisana waxaa la odhan jiray Maanoo'ax, oo naagtiisuna madhalays bay ahayd, oo ma ay dhali jirin.
Judg SomKQA 13:3  Markaasay malaa'igtii Rabbigu naagtii u muuqatay, oo ku tidhi, Bal eeg, haatan waxaad tahay madhalays, oo waxba ma aad dhashid; laakiinse waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil.
Judg SomKQA 13:4  Haddaba sidaas daraaddeed iska jir, oo waan ku baryayaaye ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna ha cunin;
Judg SomKQA 13:5  waayo, bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil, oo madaxiisana waa inaan mandiil la marin; waayo ilmuhu markuu dhasho iyo inta ka dambaysaba wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay; oo isagu wuxuu bilaabi doonaa inuu reer binu Israa'iil ka badbaadiyo gacanta reer Falastiin.
Judg SomKQA 13:6  Markaasaa naagtii timid oo ninkeedii u sheegtay, oo ku tidhi, Nin Ilaah baa ii yimid, jaahiisuna wuxuu u ekaa jaahii malaa'igta Ilaah oo aad looga cabsado. Anna ma aan weyddiin meeshuu ka yimid, isna iima uu sheegin magiciisa;
Judg SomKQA 13:7  laakiinse wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil; oo haddaba ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo; wax aan nadiif ahaynna ha cunin; waayo, ilmuhu markuu dhasho iyo ilaa maalinta dhimashadiisa wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay.
Judg SomKQA 13:8  Markaasuu Maanoo'ax Rabbiga baryay oo yidhi, Sayidow, waan ku baryayaaye, ninkii Ilaah oo aad soo dirtay, mar kale ha noo yimaado, oo ha na baro waxa aannu ku samayn lahayn wiilka dhalan doona.
Judg SomKQA 13:9  Ilaahna codkii Maanoo'ax wuu maqlay, oo malaa'igtii Ilaahna naagtii bay mar kale u timid iyadoo berrinka fadhida; laakiinse Maanoo'ax oo ahaa ninkeedii lama uu joogin iyada.
Judg SomKQA 13:10  Markaasay naagtii dhaqsatay oo orodday, oo ninkeeday u sheegtay, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, waxaa ii muuqday ninkii maalintii ii yimid.
Judg SomKQA 13:11  Markaasuu Maanoo'ax kacay, oo naagtiisii raacay, oo wuxuu u yimid ninkii, kolkaasuu ku yidhi, Ma waxaad tahay ninkii la hadlay naagta? Oo isna wuxuu yidhi, Waan ahay.
Judg SomKQA 13:12  Markaasuu Maanoo'ax yidhi, Haddaba markii sidaad tidhi ay rumowdo, wiilku caynkee buu noqon doonaa, shuqulkiisuna muxuu ahaan doonaa?
Judg SomKQA 13:13  Markaasay malaa'igtii Rabbigu Maanoo'ax ku tidhi, Kulli wixii aan u sheegay oo dhan naagtu ha iska jirto.
Judg SomKQA 13:14  Iyadu waa inaanay cunin wax ka soo baxa geedcanab, oo yaanay cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna yaanay cunin; oo kulli wixii aan ku amray oo dhan ha dhawrto.
Judg SomKQA 13:15  Maanoo'axna wuxuu malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Waan ku baryayaaye, aan ku raajinno intii aannu orgi yar kuu diyaarinayno.
Judg SomKQA 13:16  Oo malaa'igtii Rabbiguna waxay Maanoo'ax ku tidhi, In kastoo aad i raajiso, anigu cuni maayo cuntadaada; oo haddaad diyaarisid allabari la gubo, waa inaad Rabbiga u bixisid. Waayo, Maanoo'ax ma uu ogayn inay malaa'igtii Rabbiga tahay.
Judg SomKQA 13:17  Markaasuu Maanoo'ax malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Magacaa, si markay erayadaadu ahaadaan, aannu kuu murwayno?
Judg SomKQA 13:18  Malaa'igtii Rabbiguna waxay ku tidhi, Maxaad magacayga u haybsanaysaa, waaba yaabe?
Judg SomKQA 13:19  Sidaas daraaddeed Maanoo'ax wuxuu qaaday orgigii yaraa iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, oo dhagax dushiis buu Rabbiga ugu bixiyey; oo malaa'igtiina yaab bay samaysay, Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen.
Judg SomKQA 13:20  Waayo, markii ololkii meesha allabariga ka kacay xagga samada, ayay malaa'igtii Rabbigu kor u raacday ololkii meesha allabariga; Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen; oo intay dhaceen ayay wejigoodii dhulka saareen.
Judg SomKQA 13:21  Laakiinse malaa'igtii Rabbigu mar dambe uma ay muuqan Maanoo'ax iyo afadiisii. Markaasaa Maanoo'ax ogaaday inay ahayd malaa'igtii Rabbiga.
Judg SomKQA 13:22  Oo Maanoo'axna wuxuu afadiisii ku yidhi, Hubaal waynu dhimanaynaa, maxaa yeelay, waxaynu aragnay Ilaah.
Judg SomKQA 13:23  Laakiinse afadiisii waxay ku tidhi, Hadduu Rabbigu doonayo inuu ina dilo, inagama uu aqbaleen qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah, oo waxyaalahan oo dhanna inama uu tuseen, oo haatanna inooma uu sheegeen waxyaalo caynkan ah.
Judg SomKQA 13:24  Oo naagtiina wiil bay dhashay, oo magiciisiina waxay u bixisay Samsoon; wiilkiina wuu koray, Ilaahna wuu barakeeyey isagii.
Judg SomKQA 13:25  Oo Ruuxii Rabbiguna wuxuu bilaabay inuu ku dhaqaajiyo Maxaneh Daan, oo u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool.
Chapter 14
Judg SomKQA 14:1  Markaasuu Samsoon tegey Timnaad, oo wuxuu ku arkay naag ka mid ah gabdhaha reer Falastiin.
Judg SomKQA 14:2  Oo intuu soo noqday ayuu aabbihiis iyo hooyadiis u sheegay; oo wuxuu ku yidhi, Waxaan Timnaad ku arkay naag gabdhaha reer Falastiin ka mid ah, haddaba sidaas daraaddeed taas ii doona aan guursadee.
Judg SomKQA 14:3  Markaasay aabbihiis iyo hooyadiis ku yidhaahdeen, War miyaan naagu ku jirin gabdhaha tolkaa, amase dadkayga oo dhan, oo maxaa kugu wata inaad ka guursato reer Falastiinka buuryoqabka ah? Markaasuu Samsoon aabbihiis ku yidhi, Iyada ii doon, waayo, aad bay iila wanaagsan tahay.
Judg SomKQA 14:4  Laakiinse aabbihiis iyo hooyadiis ma ay ogayn in taasu ahayd wax Rabbiga ka yimid; waayo, wuxuu doonayay sabab uu ku qabsado reer Falastiin. Oo wakhtigaas reer Falastiin ayaa xukumay reer binu Israa'iil.
Judg SomKQA 14:5  Markaasaa Samsoon, iyo aabbihiis iyo hooyadiis, waxay tageen Timnaad, oo waxay yimaadeen beerihii canabka ahaa oo Timnaad. Oo bal eeg, waxaa isagii ku soo ciyey libaax yar.
Judg SomKQA 14:6  Markaasaa Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isagii, oo Samsoon wuxuu u jeexjeexay libaaxii sidii uu orgi yar u kala jeexjeexi lahaa oo kale, oo gacmihiisana waxba kuma uu haysan; laakiinse wixii uu sameeyey uma uu sheegin aabbihiis iyo hooyadiis toona.
Judg SomKQA 14:7  Markaasuu dhaadhacay oo naagtii la hadlay; oo iyana Samsoon aad bay ula wanaagsanayd.
Judg SomKQA 14:8  Oo wakhti yar dabadeed ayuu u soo noqday inuu kaxaysto iyadii, markaasuu ku leexday inuu arko bakhtigii libaaxa; oo bal eeg, bakhtigii libaaxa waxaa ku jiray shinni badan iyo malab.
Judg SomKQA 14:9  Oo markaasuu gacmihiisii ku qaaday, oo iska tegey, isagoo cunaya intuu sii socday, markaasuu u yimid aabbihiis iyo hooyadiis, oo iyagiina wuu siiyey, wayna cuneen; laakiinse iyagii uma uu sheegin inuu malabka ka soo qaaday bakhtigii libaaxa.
Judg SomKQA 14:10  Markaasuu aabbihiis dhaadhacay oo u yimid naagtii; oo Samsoon halkaasuu diyaafad ku sameeyey; waayo, ragga dhallinyarada ahu sidaasay yeeli jireen.
Judg SomKQA 14:11  Oo markay isagii arkeen ayay u keeneen soddon nin si ay ula joogaan.
Judg SomKQA 14:12  Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Bal aan idin halxidho. Toddobada maalmood oo diyaafadda ah haddaad ii sheegi kartaan oo aad furi kartaan, waxaan idin siinayaa soddon maro, iyo soddon isku joog oo dhar ah;
Judg SomKQA 14:13  laakiinse haddaad ii sheegi weydaan, idinku waa inaad i siisaan soddon maro iyo soddon isku joog oo dhar ah. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Bal sheeg halxidhkaaga, aannu maqalnee.
Judg SomKQA 14:14  Markaasuu ku yidhi iyagii, Kii wax cuni jiray ayaa cunto ka soo baxday, Kii xoogga badnaana waxaa ka soo baxay macaan. Oo iyana intii saddex maalmood ah ayay halxidhkii furi waayeen.
Judg SomKQA 14:15  Oo maalintii toddobaad waxay Samsoon naagtiisii ku yidhaahdeen, Soo sasab ninkaaga si uu noogu sheego halxidhkii, yaannan adiga iyo reerka aabbahaaba dab ku gubine. Ma waxaad noogu yeedheen inaad na caydhaysaan? Sow sidaas ma aha?
Judg SomKQA 14:16  Markaasay Samsoon naagtiisu ku hor ooyday, oo waxay isagii ku tidhi, Waxba iima aad samayn nacayb maahee, oo ima aad jeclid innaba. Dadkaygii waad halxidhay, oo iima aad sheegin. Markaasuu ku yidhi, Aabbahay iyo hooyaday toona uma aan sheegine, ma adaan kuu sheegayaa?
Judg SomKQA 14:17  Oo toddobadii maalmoodba way ku hor ooyaysay isaga, intii ay diyaafaddoodii ka dhammaanaysay; oo waxaa dhacay maalintii toddobaad inuu iyadii u sheegay, maxaa yeelay, aad bay ugu cadaadisay; markaasay halxidhkii micnihiisii dadkeedii u sheegtay.
Judg SomKQA 14:18  Markaasay dadkii magaaladu isagii ku yidhaahdeen maalintii toddobaad intaan qorraxdu dhicin, Maxaa malab ka macaan? Maxaase libaax ka xoog badan? Markaasuu iyagii ku yidhi, Haddaydnan qaalintayda beerta ku falin, Halxidhkayga ma aydnaan furteen.
Judg SomKQA 14:19  Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isaga, oo wuxuu tegey Ashqeloon, wuxuuna ka laayay soddon nin, oo intuu soo furtay ayuu dharkii siiyey kuwii halxidhkii furay. Oo markaasuu intuu aad u cadhooday ayuu reerkii aabbihiis tegey.
Judg SomKQA 14:20  Laakiinse naagtii Samsoon waxaa la siiyey wehelkiis oo uu saaxiib ka dhigan jiray.
Chapter 15
Judg SomKQA 15:1  Laakiinse wakhti yar dabadeed ayuu Samsoon xilligii sarreenka la goosan jiray soo booqday naagtiisii, isagoo orgi yar wada. Markaasuu yidhi, Naagtayda waxaan ugu tegayaa qowladda. Laakiinse aabbeheed uma uu oggolaanin inuu u tago.
Judg SomKQA 15:2  Oo aabbeheedna wuxuu yidhi, Sida runta ah waxaan mooday inaad nacday iyada, sidaas daraaddeed waxaan siiyey saaxiibkaa. Walaasheeda ka yari sow kama qurux badna? Haddaba waan ku baryayaaye, meesheedii ka qaado iyada.
Judg SomKQA 15:3  Markaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Markan anigu eed kuma lahaan doono markaan belaayo ku sameeyo reer Falastiin.
Judg SomKQA 15:4  Markaasuu Samsoon tegey, oo wuxuu soo qabsaday saddex boqol oo dawaco, oo intuu qoryo soo qaaday ayuu dabooyinka isugu xidhay, oo qoryihiina wuxuu ku dhex xidhay laba dabo oo kasta.
Judg SomKQA 15:5  Oo markuu qoryihii dab ku dhejiyey dabadeed ayuu dawacooyinkii ku sii dhex daayay beerihii sarreenka ahaa oo reer Falastiin, markaasaa waxaa gubtay sarreenkii beeraha dhex tuulnaa iyo kii weli taagnaa, iyo weliba beerihii saytuunka ahaa.
Judg SomKQA 15:6  Markaasay reer Falastiin yidhaahdeen, Yaa waxakan sameeyey? Kolkaasay yidhaahdeen, Waxaa sameeyey Samsoon oo ah wiilka uu kan reer Timnaad soddogga u yahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka qaaday naagtiisii, oo wuxuu siiyey saaxiibkiis. Kolkaasay reer Falastiin yimaadeen oo iyadii iyo aabbeheedba dab bay ku gubeen.
Judg SomKQA 15:7  Kolkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Haddaad sidatan yeeshaan, hubaal waan idinka aargudan doonaa, oo dabadeedna waan joogsan doonaa.
Judg SomKQA 15:8  Markaasuu aad iyo aad u laayay, dabadeedna intuu dhaadhacay ayuu degay dillaacii dhagaxa weyn oo Ceetaam.
Judg SomKQA 15:9  Markaasay reer Falastiin intay tageen degeen dhulka Yahuudah, oo waxay ku dhex firdheen Lexii.
Judg SomKQA 15:10  Oo markaasay raggii reer Yahuudah ku yidhaahdeen, War maxaad noogu soo duusheen? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu Samsoon soo xidhno oo ku samayno wixii uu nagu sameeyey oo kale.
Judg SomKQA 15:11  Markaasaa dillaacii dhagaxa weyn oo Ceetaam waxaa ku dhaadhacay saddex kun oo nin oo reer Yahuudah ah, oo waxay Samsoon ku yidhaahdeen, War miyaanad ogayn inay reer Falastiin inoo taliyaan? Oo haddaba waa maxay waxakan aad nagu samaysay? Oo isna wuxuu ku yidhi, Wixii ay igu sameeyeen oo kale ayaan anna ku sameeyey iyaga.
Judg SomKQA 15:12  Markaasay isagii ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu ku xidhno, si aannu gacanta kuugu gelinno reer Falastiin. Kolkaasuu Samsoon ku yidhi iyagii, Ii dhaarta inaydnaan idinku i dilayn.
Judg SomKQA 15:13  Oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Maya; laakiinse aad baannu kuu xidhaynaa oo gacantoodaannu ku gelinaynaa; laakiinse hubaal annagu ku dili mayno. Markaasay laba xadhig oo cusub ku soo xidheen, oo intay dhagaxii weynaa ka soo bixiyeen ayay kor u kexeeyeen.
Judg SomKQA 15:14  Oo markuu Lexii yimid ayay reer Falastiin qayliyeen intay ka hor yimaadeen. Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isagii, oo xadhkihii gacmihiisa ku xidhnaa waxay noqdeen sidii geed linen ah oo dab lagu gubay, birihiina way ka dhaceen gacmihiisii.
Judg SomKQA 15:15  Markaasuu helay daan dameer oo cusub, oo intuu gacantiisii fidiyey ayuu ku qaatay, oo wuxuu daankii ku laayay kun nin.
Judg SomKQA 15:16  Oo Samsoonna wuxuu yidhi, Dameer daankiis ayaan taallo taallo ku dul dhigay, Oo dameer daankiis ayaan kun nin ku laayay.
Judg SomKQA 15:17  Oo markuu hadalkii dhammeeyey ayuu daankii iska xooray, oo meeshaasna waxaa loo bixiyey Raamad Lexii.
Judg SomKQA 15:18  Oo markaasuu aad u oomay, oo Rabbiguu baryay, oo wuxuu yidhi, Adaa samatabbixintan weyn gacantayda siiyey, anoo addoonkaaga ah, de haddaba ma waxaan u dhimanayaa oon, oo ma waxaan gelayaa gacanta kuwa buuryoqabka ah?
Judg SomKQA 15:19  Markaasaa Ilaah wuxuu kala dillaaciyey meeshii qodnayd oo Lexii ku tiil, oo waxaa ka soo baxay biyo, oo markuu cabbay ayaa naftiisii soo noqotay, wuuna noolaaday. Taas aawadeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Ceyn Haqooree, oo xataa maanta waxay ku taal Lexii.
Judg SomKQA 15:20  Oo isna wakhtigii reer Falastiin wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.
Chapter 16
Judg SomKQA 16:1  Markaasuu Samsoon tegey Gaasa, oo halkaas wuxuu ku arkay dhillo, wuuna u galay.
Judg SomKQA 16:2  Oo waxaa dadkii reer Gaasa lagu yidhi, Samsoon halkanuu yimid. Oo intay hareereeyeen ayay habeenkii oo dhan magaalada iriddeeda ku gaadayeen, oo habeenkaas oo dhanna way aamusnaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Markuu waagu beryo ayaynu dili doonnaa.
Judg SomKQA 16:3  Oo Samsoonna ilaa habeenbadhkii ayuu jiifay, oo wuxuu kacay habeenbadhkii, oo gacanta ku qabsaday albaabbadii magaalada iriddeeda iyo labadii tiir, markaasuu fujiyey dhammaantood iyo qataarkiiba, oo garbahuu saaray, oo wuxuu la tegey buurta Xebroon ku hor taal dusheeda.
Judg SomKQA 16:4  Dabadeedna wuxuu jeclaaday naag joogta dooxadii Soreq, oo magaceedana la odhan jiray Deliilaah.
Judg SomKQA 16:5  Oo amiirradii reer Falastiin ayaa u yimid iyadii, oo waxay ku yidhaahdeen, Bal sasab isaga oo soo ogow meesha xooggiisa weynu kaga jiro, iyo sida aannu kaga adkaan karno, oo aannu intaannu xidhno u saxariirin karno; oo midkayo kastaaba wuxuu ku siin doonaa kun iyo boqol xabbadood oo lacag ah.
Judg SomKQA 16:6  Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Waan ku baryayaaye ii sheeg meesha xooggaaga weynu kaaga jiro, oo maxaa lagugu xidhi karaa si laguu saxariiriyo.
Judg SomKQA 16:7  Oo Samsoonna wuxuu iyadii ku yidhi, Haddii laygu xidho toddoba xadhig oo qoyan oo aan weligood engegin, markaasaan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.
Judg SomKQA 16:8  Markaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u keeneen toddoba xadhig oo qoyan oo aan engegin, oo iyana isagii bay ku xidhay xadhkihii.
Judg SomKQA 16:9  Haddaba waxay haysatay niman gaadmo ah oo joogay qolka hoose. Oo waxay isagii ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Oo xadhkihiina wuxuu u jaray sidii shootali dab la saaray u go'o oo kale. Taas darteed xooggiisii meeluu ku jiro lama ogaan.
Judg SomKQA 16:10  Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Bal eeg, waad igu majaajilootaye. Oo been baad ii sheegtay, haddaba waan ku baryayaaye, ii sheeg waxa lagugu xidhi karo.
Judg SomKQA 16:11  Oo isna wuxuu ku yidhi, Haddii laygu xidho xadhko cuscusub oo aan lagu shaqayn, markaas waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.
Judg SomKQA 16:12  Markaasay Deliilaah qaadday xadhko cuscusub oo ku xidhay isagii, oo waxay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Nimankii gaadmadii ahaana waxay ku jireen qolka hoose. Markaasuu xadhkihii gacmihiisa uga jaray sida dunta oo kale.
Judg SomKQA 16:13  Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Haddaba tan iyo markii hore waad igu majaajilootay, oo been baad ii sheegtay. Ii sheeg waxa lagugu xidhi karo. Kolkaasuu ku yidhi, Toddobada raamood ee madaxayga haddaad dharsameeye duntiis kula tidicdid waan taag yaraanayaa.
Judg SomKQA 16:14  Markaasay qodob ku qodobtay oo ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Oo intuu hurdadii ka soo toosay ayuu rujiyey qodobkii iyo looxii dunta, iyo duntii dharsameeyaha.
Judg SomKQA 16:15  Markaasay isagii ku tidhi, Sidee baad u odhan kartaa, Waan ku jeclahay, adigoo aanu qalbigaagu ila jirin? Bal eeg, saddex jeer baad igu majaajilootay oo iimana aad sheegin meesha xooggaaga weynu ku jiro.
Judg SomKQA 16:16  Oo markay maalin walba hadalkeedii ku sii cadaadisay, oo ay ku adkaysay, ayaa naftiisii cidhiidhi gashay ilaa dhimasho.
Judg SomKQA 16:17  Oo markaasuu u sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan oo ku yidhi, Madaxayga mandiil lama marin, waayo, tan iyo markaan dhashay waxaan ahaa Nadiir Ilaah loo soocay. Haddii la ii xiiro, xooggaygu waa iga tegayaa, oo waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.
Judg SomKQA 16:18  Deliilaahna markay ogaatay inuu u wada sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan ayay u cid dirtay oo u yeedhay amiirradii reer Falastiin, oo waxay ku tidhi, Bal markan ii kaalaya, waayo, wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan wuu ii sheegay. Markaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u yimaadeen oo lacagtiina gacantooday ugu soo qaadeen.
Judg SomKQA 16:19  Markaasay intay isagii ku seexisay jilbaheedii, ayay nin u yeedhatay, oo waxay ka xiirtay toddobadii raamood ee madaxiisa, dabadeedna waxay bilowday inay saxariiriso, oo xooggiisiina waa ka tegey.
Judg SomKQA 16:20  Markaasay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Kolkaasuu hurdadiisii ka soo toosay, oo wuxuu yidhi, Sidii mararkii kale ayaan bixi doonaa oo isgilgili doonaa. Laakiinse isma uu ogayn in Rabbigu ka tegey isaga.
Judg SomKQA 16:21  Markaasay reer Falastiin isagii qabteen, indhihiisiina way ka rideen, kolkaasay isagii keeneen Gaasa, oo waxay ku xidheen silsilado naxaas ah; oo isna wax buu ku ridqi jiray xabsiga.
Judg SomKQA 16:22  Habase yeeshee timihii madaxiisu waxay bilaabeen inay soo baxaan kolkii la xiiray dabadeed.
Judg SomKQA 16:23  Markaasay amiirradii reer Falastiin isu soo urursadeen inay allabari weyn u bixiyaan ilaahood oo ahaa Daagoon, iyo inay reyreeyaan; waayo, waxay isku yidhaahdeen, Cadowgeennii Samsoon ahaa waxaa gacanteenna soo geliyey ilaaheen.
Judg SomKQA 16:24  Oo dadkiina markay isagii arkeen ayay ilaahood ammaaneen; waayo, waxay yidhaahdeen, Ilaaheen wuxuu gacanteenna soo geliyey kii ahaa cadowgeennii iyo kii dalkeenna baabbi'in jiray oo layn jiray kuwo badan oo inaga mid ah.
Judg SomKQA 16:25  Oo markii qalbigoodii farxay ayay yidhaahdeen, Samsoon u yeedha ha noo cayaaree. Markaasay Samsoon xabsigii uga yeedheen, oo hortooduu ku cayaaray. Kolkaasay waxay isagii taageen tiirarkii dhexdooda.
Judg SomKQA 16:26  Markaasuu Samsoon ku yidhi yarkii hagayay, Bal i daa aan taabtee tiirarka gurigu ku taagan yahaye, oo aan ku tiirsadee.
Judg SomKQA 16:27  Oo gurigana waxaa ka buuxay rag iyo dumarba, oo amiirradii reer Falastiin oo dhammuna halkaasay wada joogeen; saqafkana waxaa dul joogay dad ku dhow saddex kun oo rag iyo dumarba leh, oo daawanayay intuu Samsoon cayaarayay.
Judg SomKQA 16:28  Markaasuu Samsoon Rabbiga baryay, oo yidhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i xusuuso, oo waan ku tuugayaaye, markan keliya xoog ii yeel, Ilaahow, si aan reer Falastiin haddiiba uga magdhowdo labadaydii indhood.
Judg SomKQA 16:29  Markaasuu Samsoon qabsaday labadii tiirdhexaad oo gurigu ku taagnaa, wuuna ku tiirsaday, oo mid wuxuu ku qabsaday gacantiisii midig, kii kalena wuxuu ku qabsaday bidixdiisii.
Judg SomKQA 16:30  Markaasuu Samsoon yidhi, Aan reer Falastiin la dhinto. Oo wuxuu la foororsaday itaalkiisii oo dhan, gurigiina wuxuu ku dhacay amiirradii iyo dadkii ku jiray oo dhan. Sidaasay kuwuu markuu dhintay laayay uga sii badnaayeen kuwuu laayay markuu noolaa.
Judg SomKQA 16:31  Markaasay walaalihiis iyo reer aabbihiis oo dhammu soo dhaadhaceen, oo intay qaadeen isagii ayay keeneen oo ku aaseen meel u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool, taasoo ahayd xabaashii aabbihiis Maanoo'ax. Oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.
Chapter 17
Judg SomKQA 17:1  Oo waxaa jiray nin degganaa dalka buuraha leh oo reer Efrayim; magiciisana waxaa la odhan jiray Miikaah.
Judg SomKQA 17:2  Oo isna wuxuu hooyadiis ku yidhi, Kun iyo boqolkii xabbadood oo lacagta ahaa ee lagaa qaaday, ee aad ku habaartamaysay ee aad igu dhego hadlaysay, lacagtii anigaa haya; oo anaa qaaday. Markaasay hooyadiis tidhi, Wiilkaygiiyow, Rabbigu ha ku barakeeyo.
Judg SomKQA 17:3  Oo kun iyo boqolkii xabbadood oo lacagta ahaa ayuu u soo celiyey hooyadiis, markaasay hooyadiis tidhi, Sida runta ah waxaan lacagta u soocay Rabbiga, oo gacantaydaan ka bixiyey wiilkayga aawadiis in laga sameeyo sanam xardhan iyo sanam la shubay; taas aawadeed adigaan kuu soo celin doonaa.
Judg SomKQA 17:4  Oo markuu lacagtii hooyadiis u soo celiyey ayay hooyadiis qaadatay laba boqol oo xabbadood oo lacag ah, oo waxay u dhiibtay lacagtume, oo isna wuxuu ka sameeyey sanam xardhan iyo sanam la shubay; waxayna yaalleen gurigii Miikaah.
Judg SomKQA 17:5  Oo ninkii Miikaah ahaana wuxuu lahaa guri ilaahyood, oo wuxuu sameeyey eefod iyo teraafiim, oo wuxuuna quduus ka dhigay wiilashiisii midkood, oo isna wuxuu u noqday wadaadkiisii.
Judg SomKQA 17:6  Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.
Judg SomKQA 17:7  Oo waxaa jiray nin dhallinyaro ahaa oo ka soo baxay Beytlaxam Yahuudah oo reer Yahuudah ahaa, ee qoladiisu ahayd reer Laawi, oo halkaasuu degganaan jiray.
Judg SomKQA 17:8  Markaasuu ninkii ka baxay magaaladii ahayd Beytlaxam Yahuudah, inuu dego meel uu heli karo; oo intuu socday ayuu yimid gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.
Judg SomKQA 17:9  Markaasuu Miikaah ku yidhi isagii, Xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay reer Laawi, oo Beytlaxam Yahuudah ayaan ka imid, oo waxaan u socdaa inaan dego meel aan heli karo.
Judg SomKQA 17:10  Markaasuu Miikaah ku yidhi isagii, Aniga ila joog, oo ii noqo aabbe iyo wadaad, anna sannaddiiba waxaan ku siinayaa toban xabbadood oo lacag ah, iyo isku joog dhar ah, iyo cuntadaada. Sidaas daraaddeed kii reer Laawi guduhuu galay.
Judg SomKQA 17:11  Oo kii reer Laawina raalli buu ka ahaa inuu ninkii la joogo; oo ninkii dhallinyarada ahaana wuxuu Miikaah u ahaa sida wiilashiisa midkood oo kale.
Judg SomKQA 17:12  Markaasuu Miikaah quduus ka dhigay kii reer Laawi, oo ninkii dhallinyarada ahaana wuxuu Miikaah u noqday wadaadkiisii, oo gurigii Miikaah ayuu joogay.
Judg SomKQA 17:13  Markaasuu Miikaah yidhi, Haatan waan ogsoo nahay in Rabbigu wanaag ii samaynayo, maxaa yeelay, waxaa wadaad ii noqday nin reer Laawi ah.
Chapter 18
Judg SomKQA 18:1  Waagaas reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo qabiilkii reer Daan waxay wakhtigaas doonayeen dal dhaxal u ah oo ay degaan; waayo, ilaa maalintaas dhaxal kama ay helin qabiilooyinka reer binu Israa'iil.
Judg SomKQA 18:2  Markaasay reer Daan qabiilkoodii oo dhan ka direen shan nin oo xoog leh, oo waxay ka direen Sorcaah iyo Eshtaa'ool, inay dalka soo basaasaan oo ay soo baadhaan; oo waxay ku yidhaahdeen, Taga oo dalka soo baadha. Markaasay yimaadeen gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo meeshaasay u hoydeen.
Judg SomKQA 18:3  Oo markay gurigii Miikaah ag joogeen ayay garteen codkii ninkii dhallinyarada ahaa oo reer Laawi. Markaasay halkaas ku leexdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa halkan ku keenay? Oo maxaad ka samaysaa meeshan? Maxaadse ku haysataa halkan?
Judg SomKQA 18:4  Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Sidan iyo sidaas ayaa Miikaah ii sameeyey, wuuna i kiraystay, oo anna waxaan noqday wadaadkiisii.
Judg SomKQA 18:5  Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, bal Ilaah talo noo weyddii, inaannu ogaanno bal inaannu jidkayaga aan ku soconno ku soo liibaanayno iyo in kale.
Judg SomKQA 18:6  Markaasuu wadaadkii ku yidhi, Nabad ku taga; waayo, jidka aad ku socotaan wuxuu hor yaallaa Rabbiga.
Judg SomKQA 18:7  Markaasay shantii nin tageen, oo yimaadeen Layish oo waxay arkeen dadkii halkaa joogay oo ammaan ku deggan siday reer Siidoon u xasilloonaayeen oo ammaan u ahaayeen oo kale; waayo, dalka laguma arag wax amar haysta, oo ka xishoodsiinaya, oo reer Siidoonna way ka fogaayeen, oo ninnaba lama ay macaamiloon jirin.
Judg SomKQA 18:8  Markaasay nimankii walaalahood ugu yimaadeen Sorcaah iyo Eshtaa'ool. Kolkaasaa walaalahood waxay ku yidhaahdeen, War bal warrama.
Judg SomKQA 18:9  Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, War kaca oo ina keena aynu ku duullee, waayo, waannu soo aragnay dalkii, oo aad buu u wanaagsan yahay. Miyaad iska aamusnaanaysaan? War ha ka caajisina inaad tagtaan oo aad dalka gashaan oo dhaxashaan.
Judg SomKQA 18:10  Markaad tagtaan waxaad u tegi doontaan dad ammaan ah, oo dalkuna waa ballaadhan yahay; waayo, Ilaah gacantuu idiin geliyey, oo waa meel aan waxba looga baahnayn waxa dhulka laga helo oo dhan.
Judg SomKQA 18:11  Markaas reer Daan waxaa halkaas kaga bixitimay oo Sorcaah iyo Eshtaa'ool ka tegey lix boqol oo nin oo hubkii dagaalka xidhan.
Judg SomKQA 18:12  Markaasay baxeen oo degeen Qiryad Yecaariim oo ku taal Yahuudah; sidaas daraaddeed meeshaas waxay u bixiyeen Maxaneh Daan, oo ilaa maanta waa la yidhaahdaa; oo waxay ka dambaysaa Qiryad Yecaariim.
Judg SomKQA 18:13  Oo halkaasna way ka tageen oo waxay u kaceen dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, markaasay yimaadeen gurigii Miikaah.
Judg SomKQA 18:14  Kolkaasaa shantii nin oo waddanka Layish soo basaastay waxay ku jawaabeen oo walaalahood ku yidhaahdeen, War ma og tihiin inay guryahan ku jiraan eefod iyo teraafiim, iyo sanam xardhan iyo sanam la shubay? Haddaba sidaas daraaddeed ka fiirsada waxaad samayn lahaydeen.
Judg SomKQA 18:15  Oo intay halkaas ku soo leexdeen ayay yimaadeen gurigii ninkii dhallinyarada ahaa oo reer Laawi, kaasoo ahaa gurigii Miikaah, wayna nabdaadiyeen.
Judg SomKQA 18:16  Markaasay lixdii boqol oo nin ee hubka dagaalka xidhnayd ee ahaa reer Daan ag istaageen iridda laga soo galo.
Judg SomKQA 18:17  Markaasay shantii nin oo dalka soo basaastay yimaadeen oo gudaha galeen, oo waxay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay; oo wadaadkiina wuxuu iridda laga soo galo isla taagay lixdii boqol oo nin ee xidhnayd hubka dagaalka.
Judg SomKQA 18:18  Oo kuwaasu markay galeen gurigii Miikaah, oo ay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay, ayuu wadaadkii ku yidhi, War maxaad samaynaysaan?
Judg SomKQA 18:19  Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Iska aamus, oo gacanta afka saar, ee haddaba na soo raac, oo noo noqo aabbe iyo wadaad; bal kee baa kuu roon, inaad nin keliya reerkiis wadaad u ahaatid, iyo inaad wadaad u ahaatid qabiil iyo jilib reer binu Israa'iil ka mid ah?
Judg SomKQA 18:20  Markaasuu wadaadkii qalbiga ka farxay, oo qaaday eefodkii iyo teraafiimkii, iyo sanamkii xardhanaa, oo wuxuu dhex galay dadka.
Judg SomKQA 18:21  Markaasay noqdeen oo tageen, oo waxay iska horraysiiyeen dhallaankii, iyo xoolihii iyo alaabtii.
Judg SomKQA 18:22  Oo markay ka fogaadeen gurigii Miikaah ayaa raggii joogay guryihii u dhowaa gurigii Miikaah soo wada ururay, oo waxay gaadheen reer Daan.
Judg SomKQA 18:23  Oo waxay u dhawaaqeen reer Daan. Iyana intay ku soo jeesteen ayay Miikaah ku yidhaahdeen, War maxaa kaa qaylisiinaya oo aad guutada caynkan ah u soo kaxaysatay?
Judg SomKQA 18:24  Isna wuxuu yidhi, Waxaad iga qaadateen ilaahyadaydii aan sameeyey, iyo wadaadkaygii, oo waad tagteen, haddaba maxaan kaloo haystaa? Haddaba sidee baad ii leedihiin, War maxaa kaa qaylisiinaya?
Judg SomKQA 18:25  Markaasay reer Daan ku yidhaahdeen, War hoy, codkaaga yaan dhexdayada laga maqlin, waaba intaasoo ay ragga cadhaysanu ku dilaan, oo aad weydaa naftaada iyo nafta reerkaagaba.
Judg SomKQA 18:26  Markaasay reer Daan iska tageen. Oo Miikaahna markuu arkay inay aad uga xoog badan yihiin ayuu iska noqday oo gurigiisii tegey.
Judg SomKQA 18:27  Oo iyana waxay la tageen wixii Miikaah sameeyey, iyo wadaadkiisii, markaasay yimaadeen Layish, iyo dad xasilloon oo ammaan u fadhiya, oo waxay ku laayeen seef; oo magaaladiina dab bay ku gubeen.
Judg SomKQA 18:28  Oo badbaadiyena ma ay lahayn, maxaa yeelay, Siidoon way ka fogayd, oo ninnaba lama ay macaamiloon jirin; oo waxay ku tiil dooxada u dhow Beytrexob. Oo iyana intay magaaladii dhiseen ayay degeen.
Judg SomKQA 18:29  Oo magaaladii magaceediina waxay u bixiyeen Daan, oo waxay ku sammiyeen magicii awowgood Daan, kii u dhashay Israa'iil; habase yeeshee magaalada magaceedu wuxuu markii hore ahaa Layish.
Judg SomKQA 18:30  Markaasay reer Daan qotonsadeen sanamkii xardhanaa; oo Yoonaataan oo ahaa ina Gershoom oo ina Muuse ahaa iyo wiilashiisiiba waxay wadaaddo u ahaayeen qabiilkii reer Daan ilaa wakhtigii dalka la qabsaday.
Judg SomKQA 18:31  Oo waxay qotonsadeen sanamkii xardhanaa oo Miikaah sameeyey, oo intii guriga Ilaah Shiiloh ku yiil oo dhan ayuu oolli jiray.
Chapter 19
Judg SomKQA 19:1  Oo waagaas markii aanay reer binu Israa'iil boqor lahayn, waxaa jiray nin reer Laawi ah oo degganaa dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo kaasuna addoon buu ka guursaday Beytlaxam Yahuudah.
Judg SomKQA 19:2  Markaasay naagtiisii addoonta ahayd ka dhillowday, oo intay isagii ka tagtay ayay aadday gurigii aabbeheed oo ku yiil Beytlaxam Yahuudah, oo halkaasay joogtay intii afar bilood ah.
Judg SomKQA 19:3  Markaasuu ninkeedii kacay oo iyadii doonay, inuu si raxmad leh ula hadlo oo soo celiyo; oo wuxuu u tegey iyadii, isagoo wata midiidinkiisii iyo laba dameer. Markaasay isagii soo gelisay gurigii aabbeheed; oo gabadha aabbeheedna markuu isagii arkay ayuu ku farxay inuu la kulmo.
Judg SomKQA 19:4  Markaasaa soddoggiis oo gabadha aabbeheed ahaa ayaa raajiyey isagii, oo saddex maalmood ayuu la joogay; markaasay wax cuneen oo cabbeen oo halkaasay ku hoydeen.
Judg SomKQA 19:5  Oo maalintii afraad aroor hore ayay tooseen, oo wuxuuna u kacay inuu tago. Markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ku yidhi wiilkii uu soddogga u ahaa, Bal nafta ugu raaxee wuxoogaa cunto ah, dabadeedna waad tegaysaaye.
Judg SomKQA 19:6  Sidaas daraaddeed way fadhiisteen, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen oo cabbeen, markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ninkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, raalli ahow, caawa oo dhanna iska joog, oo qalbigaaguna ha faraxsanaado.
Judg SomKQA 19:7  Markaasuu ninkii u kacay inuu tago; laakiinse soddoggiis baa ku sii adkeeyey, oo halkaasuu ku hoyday haddana.
Judg SomKQA 19:8  Oo haddana maalintii shanaad ayuu aroor hore u kacay inuu tago; markaasaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Waan ku baryayaaye iska raaxayso, oo iska joog ilaa gelinka dambe, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen.
Judg SomKQA 19:9  Oo markii ninkii u kacay inuu tago, isagii iyo naagtiisii addoonta ahayd, iyo midiidinkiisiiba, ayaa soddoggiis oo ahaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Bal eeg haatan qorraxdu waa sii dhacaysaaye, haddaba waan ku baryayaaye, bal caawa oo dhanna iska joog; bal eeg haatan waa gabbaldhac, de halkan isaga hoyo, in qalbigaagu iska faraxsanaado; oo haddana berri aroorta hore iska tag oo gurigaagii aad.
Judg SomKQA 19:10  Laakiinse ninkii ma doonaynin inuu habeenkaas joogo, wuuse kacay oo tegey, oo wuxuu yimid meel ku toosan Yebuus, (taas oo ah Yeruusaalem); oo wuxuu watay laba dameer oo kooraysan, oo naagtiisii addoonta ahaydna way la socotay.
Judg SomKQA 19:11  Oo markay Yebuus ku soo dhowaadeenna maalintii horay u badatay; markaasaa midiidinkii wuxuu sayidkiisii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay oo aynu ku leexanno magaaladan reer Yebuus oo aynu u hoyanno.
Judg SomKQA 19:12  Kolkaasaa sayidkiisii ku yidhi, Dad shisheeye ah oo aan reer binu Israa'iil ahayn magaaladiis ku leexan mayno; laakiinse waxaynu u gudbaynaa xagga Gibecaah.
Judg SomKQA 19:13  Oo wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Kaalay oo aynu ku dhowaanno meelahan middood; oo waxaynu u hoyanaynaa Gibecaah, ama Raamaah.
Judg SomKQA 19:14  Kolkaasay iska sii socdeen oo jidkoodii qaadeen; oo waxaa qorraxdu ugu dhacday iyagoo ag jooga Gibecaah oo ay reer Benyaamiin lahaayeen.
Judg SomKQA 19:15  Markaasay halkaas ku leexdeen inay u hoydaan Gibecaah. Kolkaasuu galay, oo wuxuu fadhiistay jidkii magaalada; waayo, ninna gurigiisii ma gelin inay u hoydaan.
Judg SomKQA 19:16  Oo fiidkii oday baa shuqulkiisii beerta ka yimid. Haddaba ninku wuxuu ahaa reer Efrayimkii dalka buuraha leh degganaa, oo Gibecaahna qariib buu ku ahaa; laakiinse dadkii meesha degganaa waxay ahaayeen reer Benyaamiin.
Judg SomKQA 19:17  Markaasuu indhihiisii kor u qaaday, oo wuxuu jidkii magaalada ku arkay ninkii socotada ahaa. Markaasaa odaygii yidhi, Xaggee baad u socotaa? Oo xaggee baad ka timid?
Judg SomKQA 19:18  Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaannu ka gudbaynaa Beytlaxam Yahuudah; oo dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim ayaannu tegaynaa. Anigu xaggaas baan ka imid, oo waxaan tegey Beytlaxam Yahuudah; oo haatan waxaan u socdaa guriga Rabbiga, oo nin gurigiisa i geliyeyna ma jiro.
Judg SomKQA 19:19  Weliba dameerahayaga waa loo hayaa caws iyo cuntoba; oo kibis iyo khamrina waa u diyaar aniga iyo gabadhaada addoonta ah, iyo weliba ninka dhallinyarada ah ee nala socda annagoo addoommadaada ah, haddaba wax loo baahan yahay ma jiraan.
Judg SomKQA 19:20  Oo markaasaa odaygii yidhi, Nabadu ha kula jirto; habase yeeshee waxaad u baahan tahay oo dhammu ha i saarnaadeen; laakiin jidka ha u hoyan.
Judg SomKQA 19:21  Markaasuu gurigiisii geliyey, oo dameerihii cuntuu siiyey; oo iyana intay cago maydheen ayay wax cuneen oo cabbeen.
Judg SomKQA 19:22  Oo intay farxayeen waxaa yimid raggii magaalada oo niman xunxun ah, oo intay guriga hareereeyeen ayay albaabkii garaaceen, markaasay la hadleen odaygii guriga lahaa, oo ku yidhaahdeen, Noo soo bixi ninkii gurigaaga soo galay, aannu u tagnee.
Judg SomKQA 19:23  Markaasaa ninkii guriga lahaa dibadda ugu baxay oo ku yidhi, Maya, walaalahayow, waan idin baryayaaye, ha samaynina wax sidaas u shar ah, maxaa yeelay, ninkanu gurigayguu galay ee ha ku samaynina xumaantan.
Judg SomKQA 19:24  Bal eega, waxaa jooga gabadhaydii oo bikrad ah iyo naagtiisii addoonta ahayd; haddaba iyagaan idiin soo bixinayaaye, iyaga kufsada oo sidaad doonaysaan ka yeela; laakiinse ninkan ha ku samaynina xumaan caynkan ah.
Judg SomKQA 19:25  Laakiinse raggii ma ay doonaynin inay dhegaystaan, sidaas daraaddeed ninkii wuxuu qabtay naagtiisii addoonta ahayd, dibadduuna ugu soo saaray; kolkaasay iyadii kufsadeen, oo si xun bay u galeen habeenkii oo dhan ilaa subaxdii; oo markii waagu baryayay ayay iska sii daayeen.
Judg SomKQA 19:26  Markaasaa naagtii timid markii waagu soo kaahay, oo waxay ku dhacday albaabkii ninkii gurigiisa oo uu sayidkeedii joogay, ilaa ay iftiin noqotay.
Judg SomKQA 19:27  Markaasaa sayidkeedii kacay aroortii, oo albaabbadii guriga furay, oo inuu tago ayuu dibadda ugu soo baxay; oo bal eeg, naagtiisii addoonta ahayd waxay ku dhacday guriga iriddiisa, oo gacmaheeduna waxay saarnaayeen marinka.
Judg SomKQA 19:28  Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa bal kac, oo ina keen aan tagnee; laakiinse cidna uma ay jawaabin; markaasuu dameerkiisii saaray, oo meeshiisii u kacay.
Judg SomKQA 19:29  Oo markuu gurigiisii galay ayuu mindi qaaday, oo intuu naagtiisii addoonta ahayd qabtay ayuu xubin xubin u kala gooyay, oo wuxuu ka dhigay laba iyo toban cad, oo wuxuu u diray xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan inta ka dhex leh.
Judg SomKQA 19:30  Oo kulli wax alla wixii arkayba waxay yidhaahdeen, Maalintii ay dalka Masar ka soo baxeen ilaa maantadan la joogo reer binu Israa'iil laguma samayn, lagumana arag, shuqul caynkan ah; haddaba bal ka fiirsada, oo ka tashada, oo ka hadla.
Chapter 20
Judg SomKQA 20:1  Markaasay reer binu Israa'iil oo dhammu soo wada baxeen, oo shirkiina wuxuu u soo ururay sidii nin qudha, oo waxay ka soo shireen tan iyo Daan iyo xataa Bi'ir Shebac, iyo weliba dalka reer Gilecaad, oo waxay Rabbiga ugu soo shireen Misfaah.
Judg SomKQA 20:2  Markaasaa dadka madaxdiisii oo dhan ee ka socda qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaa isa soo dhex taagay dadka Ilaah shirkiisii, kuwaasoo ahaa afar boqol oo kun oo nin oo lug ah oo wada seefqaad ah.
Judg SomKQA 20:3  (Markaasaa reer Benyaamiin waxay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah tageen.) Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War bal noo sheeg siday xumaantanu u dhacday.
Judg SomKQA 20:4  Markaasuu kii reer Laawi oo ahaa ninkii qabay naagtii la dilay jawaabay oo yidhi, Waxaan imid magaalada Gibecaah oo reer Benyaamiin ay leeyihiin, oo waxaannu doonaynay inaannu ku hoyanno aniga iyo naagtaydii addoonta ahayd.
Judg SomKQA 20:5  Markaasay raggii reer Gibecaah igu kaceen, oo habeennimo ayay gurigii igu hareereeyeen, oo waxay damceen inay i dilaan, naagtaydii addoonta ahaydna way kufsadeen, wayna dhimatay.
Judg SomKQA 20:6  Oo anna intaan naagtaydii addoonta ahayd qaaday ayaan cadcad u kala googooyay, oo waxaan u diray dalkii ay reer binu Israa'iil dhaxalka u heleen oo dhan; waayo, waxay reer binu Israa'iil ku dhex sameeyeen wasakhnimo iyo xumaan.
Judg SomKQA 20:7  Hadda kulligiin reer binu Israa'iilow, bal ka tashada oo ka arrinsada.
Judg SomKQA 20:8  Markaasaa dadkii oo dhammu isku mar isla kacay sidii nin qudha, oo waxay yidhaahdeen, Annaga midkayana tegi maayo teendhadiisii, oo midkayana ku leexan maayo gurigiisii.
Judg SomKQA 20:9  Laakiinse waxa aannu Gibecaah ku samaynaynaa waa kan; saami baannu ku weeraraynaa.
Judg SomKQA 20:10  Qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan boqolkiiba toban nin baannu kala baxaynaa, kunkiina waxaannu kala baxaynaa boqol nin, tobankii kunna waxaannu kala baxaynaa kun nin, inay dadka sahay u keenaan si markii ay tagaan Gibecaahda reer Benyaamiin ay wax ugu sameeyaan xumaantii ay ku dhex sameeyeen reer binu Israa'iil aawadeed.
Judg SomKQA 20:11  Oo sidaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu isugu soo urursadeen magaaladii, iyagoo u midoobay sidii nin qudha.
Judg SomKQA 20:12  Markaasay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil rag u direen qabiilkii reer Benyaamiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, War xumaantan dhexdiinna ka dhacday waa maxay?
Judg SomKQA 20:13  Haddaba sidaas daraaddeed nimanka xunxun ee Gibecaah jooga noo soo bixiya, aannu dilnee, oo aannu reer binu Israa'iil sharka ka dhex fogaynee. Laakiinse reer Benyaamiin ma ay doonaynin inay dhegaystaan codkii reer binu Israa'iil oo walaalahood ahaa.
Judg SomKQA 20:14  Oo reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil.
Judg SomKQA 20:15  Oo maalintaas waa la tiriyey reer Benyaamiinkii magaalooyinka ka baxay, oo waxay noqdeen lix iyo labaatan kun oo seefqaad ah, iyo weliba kuwii Gibecaah degganaa oo tiradoodii ahayd toddoba boqol oo nin oo la soo xulay.
Judg SomKQA 20:16  Oo dadkaas oo dhanna waxaa ka mid ahaa toddoba boqol oo nin oo la soo xulay oo wada gurran, oo mid waluba ka dhaadhacay wadhafka tuuristiisa oo xataa uusan la waayayn tin.
Judg SomKQA 20:17  Oo raggii reer binu Israa'iil oo reer Benyaamiin aanay ku jirinna tiradoodii waxay ahayd afar boqol oo kun oo nin oo wada seefqaad ah; oo kulligoodna waxay ahaayeen rag dagaalgal ah.
Judg SomKQA 20:18  Markaasay reer binu Israa'iil kaceen, oo waxay tageen Beytel, oo Ilaah bay talo weyddiisteen. Oo waxay yidhaahdeen, Yaa reer Benyaamiin marka hore noogu duulaya? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha u horreeyeen.
Judg SomKQA 20:19  Subaxdii dambe ayay reer binu Israa'iil kaceen, oo ag degeen Gibecaah.
Judg SomKQA 20:20  Oo raggii reer binu Israa'iil waxay u soo baxeen inay reer Benyaamiin ku duulaan; oo reer binu Israa'iilna Gibecaah bay isugu diyaariyeen inay reer Benyaamiin la dagaallamaan.
Judg SomKQA 20:21  Markaasay reer Benyaamiin ka soo baxeen Gibecaah, oo baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo maalintaas waxay ka laayeen laba iyo labaatan kun oo nin.
Judg SomKQA 20:22  Markaasay raggii reer binu Israa'iil isdhiirrigeliyeen, oo mar kalay dagaal isugu soo diyaariyeen meeshii ay maalintii hore isku soo diyaariyeen.
Judg SomKQA 20:23  (Markaasay reer binu Israa'iil tageen oo ilaa fiidkii ku hor ooyeen Rabbiga, oo Rabbigay weyddiisteen iyagoo leh, Miyaannu haddana u dhowaannaa inaannu walaalahayo reer Benyaamiin la dirirno? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga oo la dirira.)
Judg SomKQA 20:24  Oo haddana maalintii labaad ayaa reer binu Israa'iil u soo dhowaadeen reer Benyaamiin.
Judg SomKQA 20:25  Kolkaasay reer Benyaamiin maalintii labaad kaga soo baxeen Gibecaah, oo haddana waxay baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo waxay ka laayeen siddeed iyo toban kun oo nin oo wada seefqaad ah.
Judg SomKQA 20:26  Markaasay reer binu Israa'iil oo dhan iyo dadkii oo dhammu wada tageen oo waxay yimaadeen Beytel, oo intay Rabbiga hor fadhiisteen ayay ooyeen, oo maalintaasna ilaa fiidkii way soomanaayeen; oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
Judg SomKQA 20:27  Markaasay reer binu Israa'iil haddana Rabbiga wax weyddiisteen, (waayo, wakhtigaas waxaa halkaas oolli jiray sanduuqii axdiga Ilaah,
Judg SomKQA 20:28  oo wakhtigaas waxaa is-hor taagi jiray Fiinexaas ina Elecaasaar oo ina Haaruun ahaa), oo waxay yidhaahdeen, Miyaannu mar kale haddana ku duulnaa walaalahayo reer Benyaamiin, mise waannu ka joogsannaa? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga, waayo, berri baan gacanta idiin soo gelin doonaa.
Judg SomKQA 20:29  Markaasay reer binu Israa'iil Gibecaah hareeraheeda dhigeen rag gaadmo ah.
Judg SomKQA 20:30  Oo haddana maalintii saddexaad reer binu Israa'iil waxay ku soo kaceen reer Benyaamiin, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Gibecaah sidii mararkii hore.
Judg SomKQA 20:31  Oo reer Benyaamiinna waxay ku soo baxeen dadkii, oo magaaladiina waa laga fogeeyey, oo waxay bilaabeen inay dadkii laayaan oo dilaan sidii mararkii hore, oo waxay ku laayeen waddooyinkii waaweynaa kuwaasoo middood Beytel loo maro, tan kalena Gibecaah loo maro, iyo duurka, oo waxay dileen in ku dhow soddon nin oo reer binu Israa'iil ah.
Judg SomKQA 20:32  Markaasay reer Benyaamiin isku yidhaahdeen, Sidii mararkii hore ayay hortayada ugu le'deen. Laakiinse reer binu Israa'iil waxay yidhaahdeen, War aynu cararno, oo iyaga magaalada ka fogayno oo geeyno xagga waddooyinka waaweyn.
Judg SomKQA 20:33  Markaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu ka kaceen meeshoodii, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Bacal Taamaar; oo raggii gaadmada ahaa oo reer binu Israa'iilna waxay ka soo yaaceen meeshoodii, taasoo ahayd duurka Gibecaah.
Judg SomKQA 20:34  Oo waxaa Gibecaah hor yimid toban kun oo nin oo laga soo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, oo dagaalkiina aad iyo aad buu u sii kululaaday; laakiinse ma ay ogayn in belaayo ku soo dhow dahay.
Judg SomKQA 20:35  Markaasuu Rabbigu reer Benyaamiin ku laayay reer binu Israa'iil hortooda; oo maalintaas reer binu Israa'iil waxay reer Benyaamiin ka baabbi'iyeen shan iyo labaatan kun iyo boqol nin oo wada seefqaad ah.
Judg SomKQA 20:36  Sidaas daraaddeed reer Benyaamiin waxay arkeen in la jebiyey, waayo, reer binu Israa'iil waxay meel u banneeyeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, waxay isku halleeyeen raggii qarsoonaa ee ay Gibecaah gaadmada u geliyeen.
Judg SomKQA 20:37  Markaasay raggii gaadmada ahaa soo dhaqsadeen oo haddiiba ku soo yaaceen Gibecaah, oo kuwii gaadmada ahaana intay soo baxeen ayay magaaladii oo dhan ku laayeen seef.
Judg SomKQA 20:38  Haddaba reer binu Israa'iil iyo raggii gaadmada ahaa waxaa calaamad u ahaa inay qiiq weyn ka kiciyaan magaalada.
Judg SomKQA 20:39  Markaasay raggii reer binu Israa'iil dagaalkii ka jeesteen, oo reer Benyaamiinna waxay bilaabeen inay laayaan oo dilaan, oo waxay raggii reer binu Israa'iil ka dileen in ku dhow soddon qof; waayo, waxay isyidhaahdeen, Hubaal sidii dagaalkii horay ku le'deen hortayada.
Judg SomKQA 20:40  Laakiinse markii daruurtii ka kacday magaaladii iyadoo tiir qiiq ah ayaa reer Benyaamiin dib u fiiriyeen, oo waxay arkeen magaaladii oo dhammaanteed qiiq samada uga baxay.
Judg SomKQA 20:41  Markaasay raggii reer binu Israa'iil soo jeesteen, oo raggii reer Benyaamiinna way yaabeen; waayo, waxay arkeen in belaayo ku dhacday iyaga.
Judg SomKQA 20:42  Sidaas daraaddeed waxay dhabarka u jeediyeen raggii reer binu Israa'iil, oo waxay u carareen xagga cidlada; laakiinse dagaalkii si adag baa loola sii raacay, oo kuwii magaalooyinka ka soo baxay ayaa labadhexaadkii ku laayay.
Judg SomKQA 20:43  Oo intay hareereeyeen ayay reer Benyaamiin sii eryadeen, oo waxay ku gaadheen meeshii ay ku nasteen taasoo ka horraysa oo xagga qorrax ka soo baxa ka xigta Gibecaah.
Judg SomKQA 20:44  Oo waxaa reer Benyaamiin haddana ka le'day siddeed iyo toban kun oo nin, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.
Judg SomKQA 20:45  Oo intay jeesteen ayay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon; oo waxaa jidadka waaweyn lagu sii laayay shan kun oo nin; oo waxaa loo sii raacdaystay xagga Gidcom, oo laga laayay laba kun oo nin.
Judg SomKQA 20:46  Sidaas daraaddeed maalintaas wixii reer Benyaamiin ka le'day kulligood waxay ahaayeen shan iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.
Judg SomKQA 20:47  Laakiinse lix boqol oo nin ayaa jeesatay oo waxay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon oo waxay dhagaxii weynaa oo Rimmon joogeen afar bilood.
Judg SomKQA 20:48  Oo raggii reer binu Israa'iil haddana way ku soo noqdeen reer Benyaamiin, oo waxay ku laayeen seef magaaladii oo dhan, iyo xoolihii, iyo wixii ay heleen oo dhanba; oo weliba magaalooyinkii ay heleen oo dhanna dab bay qabadsiiyeen.
Chapter 21
Judg SomKQA 21:1  Haddaba raggii reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, iyagoo Misfaah jooga, oo waxay isku yidhaahdeen, Midkeenna waa inaanu gabadhiisa u guurin reer Benyaamiin.
Judg SomKQA 21:2  Markaasaa dadkii waxay yimaadeen Beytel, oo halkaasay Ilaah hor fadhiyeen ilaa fiidkii, oo intay codkoodii kor u qaadeen ayay aad u ooyeen.
Judg SomKQA 21:3  Oo waxay yidhaahdeen, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, maxaa waxanu uga dhex dhaceen reer binu Israa'iil in maanta qabiil ka dhimanaado reer binu Israa'iil?
Judg SomKQA 21:4  Oo waxay noqotay maalintii dambe inay dadkii aroor hore kaceen oo ay halkaas ka dhiseen meel allabari, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
Judg SomKQA 21:5  Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, Qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan yaa ka maqan oo aan iman shirka Ilaah? Waayo, waxay ku dhaarteen dhaar weyn oo ku saabsan kii aan Misfaah Rabbiga ugu soo shirin, oo waxay yidhaahdeen, Hubaal kaas waa in la dilaa.
Judg SomKQA 21:6  Oo reer binu Israa'iilna waxay u qoomamoodeen walaalahood reer Benyaamiin, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaa jira qabiil ka go'ay reer binu Israa'iil.
Judg SomKQA 21:7  Sidee baynu inta ka hadhay naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, waxaynu ku dhaarannay Rabbiga inaynaan gabdhaheenna u guurin iyaga?
Judg SomKQA 21:8  Oo waxay isku yidhaahdeen, Qabiilooyinka reer binu Israa'iil qabiilkee baan Rabbiga Misfaah ugu iman? Oo bal eeg, midnaba xeradii shirka ugama iman reer Yaabeesh Gilecaad oo dhan.
Judg SomKQA 21:9  Waayo, markii dadka la tiriyey bal eeg, halkaas ma joogin ka mid ah dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa.
Judg SomKQA 21:10  Markaasaa shirkii wuxuu halkaas u diray laba iyo toban kun oo nin oo xoog leh, oo waxayna ku amreen oo ku yidhaahdeen, Taga oo seef ku laaya dadka Yaabeesh Gilecaad deggan, iyo dumarka iyo yaryarkaba.
Judg SomKQA 21:11  Oo waa inaad sidatan yeeshaan, oo aad inta lab oo dhan wada baabbi'isaan, iyo naag kasta oo nin la seexdayba.
Judg SomKQA 21:12  Markaasay dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa ka soo heleen afar boqol oo gabdhood oo dhallinyar oo wada bikrado ah, oo aan weligood ninna la seexan; oo waxay iyagii keeneen xeradii Shiiloh, taasoo ku tiil dalka reer Kancaan.
Judg SomKQA 21:13  Markaasaa shirkii oo dhammu wuxuu u cid diray oo la hadlay reer Benyaamiinkii joogay dhagaxii weynaa oo Rimmon, oo waxay ugu bishaareeyeen nabad.
Judg SomKQA 21:14  Oo markaasay reer Benyaamiin soo noqdeen, oo waxaa la siiyey naagihii iyagoo nool Yabeesh Gilecaad laga keenay ee ka hadhay naagihii dalkaas; oo weliba kuma ay filnaan.
Judg SomKQA 21:15  Oo dadkii waxay u qoomamoodeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Rabbigu dillaac buu u yeelay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil.
Judg SomKQA 21:16  Markaasaa odayaashii shirku waxay yidhaahdeen, Bal inta hadhay sidee baynu naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, naagihii waa laga baabbi'iyey reer Benyaamiin?
Judg SomKQA 21:17  Oo waxay isku yidhaahdeen, Intii reer Benyaamiin ka baxsatay waa inay dhaxal helaan, si aan qabiil uga baabbi'in reer binu Israa'iil.
Judg SomKQA 21:18  Habase ahaatee waa inaynaan gabdhaheenna iyaga u guurin; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, oo yidhaahdeen, Inkaaru ha ku dhacdo kii gabadh u guuriya reer Benyaamiin.
Judg SomKQA 21:19  Oo haddana waxay yidhaahdeen, Bal eeg, sannad ka sannad waxaa jirta iidda Rabbiga ee lagu sameeyo Shiiloh, taasoo woqooyi ka xigta Beytel, oo ah dhanka bari oo waddada weyn oo Shekem aadda oo Beytel ka tagta, iyo Leboonaah xaggeeda koonfureed.
Judg SomKQA 21:20  Markaasay waxay reer Benyaamiin ku amreen oo ku yidhaahdeen, Taga oo ku gaada beeraha canabka ah dhexdooda;
Judg SomKQA 21:21  oo bal eega, haddii ay gabdhaha reer Shiiloh u soo baxaan inay cayaaraan, de markaas ka soo baxa beeraha canabka ah, oo nin kastaaba naag ha ka qabsado gabdhaha reer Shiiloh, oo markaas waxaad la tagtaan dalka reer Benyaamiin.
Judg SomKQA 21:22  Oo markay aabbayaashood ama walaalahood noo soo cawdaan, waxaannu iyaga ku odhan doonnaa, Warroy raalli nooga ahaada iyaga; maxaa yeelay, annagu ninna dagaalkii naag ugama aannan reebin. Idinna ma aydnaan siin iyaga, haddii kalese haatan eed baad lahaan lahaydeen.
Judg SomKQA 21:23  Oo reer Benyaamiinna sidii bay yeeleen, oo waxay intii tiradoodu ahaydba naago ka qaateen kuwii cayaarayay, oo way la tageen; oo waxay tageen oo ku noqdeen dalkoodii ay dhaxalka u heleen, oo magaalooyinkiina way dhiseen oo degeen.
Judg SomKQA 21:24  Oo reer binu Israa'iilna markaasay halkaas ka tageen. Oo nin waluba wuxuu tegey qabiilkiisii iyo xaaskiisii, oo halkaas intay ka tageen ayaa nin waluba wuxuu u kacay dalkiisii dhaxalka ahaa.
Judg SomKQA 21:25  Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.