Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
JOSHUA
Up
Chapter 1
Josh SomKQA 1:1  Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa markuu dhintay dabadeed, Rabbigu wuxuu la hadlay Yashuuca ina Nuun, oo Muuse midiidin u ahaa, oo wuxuu ku yidhi,
Josh SomKQA 1:2  Addoonkaygii Muuse ahaa waa dhintay, haddaba kac, oo webigan Urdun ka tallaaba, adiga iyo dadkan oo dhammuba, oo waxaad u gudubtaan dalka aan siinayo iyaga, kuwaasoo ah reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 1:3  Meel kasta oo aad cagta dhigtaanba waan idin siiyey, sidaan Muuse ugu sheegay.
Josh SomKQA 1:4  Oo soohdintiinnu waxay noqon doontaa marka laga bilaabo cidlada, iyo Lubnaantan, iyo xataa tan iyo webiga weyn oo ah Webi Yufraad, iyo dalka reer Xeed oo dhan, iyo tan iyo badda weyn ee xagga qorraxdu u dhacdo.
Josh SomKQA 1:5  Cimrigaaga oo dhan ninna isma kaa hor taagi kari doono. Sidaan Muuse ula jiray ayaan adigana kuula jiri doonaa. Kuma aan gabi doono, kumana aan dayrin doono.
Josh SomKQA 1:6  Haddaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo.
Josh SomKQA 1:7  Xoog uun yeelo, oo aad u dhiirranow inaad dhawrtid oo aad yeeshid si waafaqsan sharcigii addoonkaygii Muuse kugu amray oo dhan. Si aad ugu liibaantid meel kastoo aad tagtidba, sharcigaas ha uga leexan midigta iyo bidixda toona.
Josh SomKQA 1:8  Kitaabkan sharcigu waa inaanu afkaaga ka tegin, laakiinse waa inaad u fiirsataa habeen iyo maalinba, si aad u dhawrtid wax alla waxa ku qoran oo dhan, waayo, markaasaad jidkaaga ku barwaaqoobi doontaa, waanad liibaani doontaa.
Josh SomKQA 1:9  Miyaanan kugu amrin? Xoog yeelo, oo aad u dhiirranow. Ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ahu wuu kula jiraa meel kastoo aad tagtidba.
Josh SomKQA 1:10  Markaasaa Yashuuca wuxuu amray saraakiishii dadka, oo ku yidhi,
Josh SomKQA 1:11  Bal xerada dhex mara, oo waxaad dadka ku amartaan, oo ku tidhaahdaan, Saadkiinna diyaarsada, waayo, saddex maalmood waa inaad kaga gudubtaan webigan Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu hanti ahaan idiin siinayo.
Josh SomKQA 1:12  Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,
Josh SomKQA 1:13  Bal xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasinayaa, oo wuxuu idin siin doonaa dalkan.
Josh SomKQA 1:14  Dumarkiinna, iyo dhallaankiinna, iyo xoolihiinnuba waxay joogi doonaan dalkii Muuse idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa, laakiinse raggiinna xoogga leh oo hubka sita oo dhammu waa inay walaalahood ka hor gudbaan, oo ay caawiyaan iyaga,
Josh SomKQA 1:15  ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.
Josh SomKQA 1:16  Markaasay Yashuuca ugu jawaabeen, Kulli wixii aad nagu amartay oo dhan waannu yeeli doonnaa, oo meel alla meeshii aad noo dirtoba waannu tegi doonnaa.
Josh SomKQA 1:17  Oo sidii aannu Muuse wax walba uga dhegaysan jirnay ayaannu adigana kaaga dhegaysan doonnaa. Rabbiga Ilaahaaga ahu uun ha kula jiro siduu Muuse ula jiray oo kale.
Josh SomKQA 1:18  Oo ku alla kii amarkaaga caasiya oo aan dhegaysan erayadaada iyo wax alla wixii aad ku amartid oo dhanba, kaas waa in la dilaa; laakiinse xoog yeelo oo aad u dhiirranow.
Chapter 2
Josh SomKQA 2:1  Markaasaa Yashuuca ina Nuun wuxuu Shitiim si qarsoon uga diray laba nin oo basaasyo ah, oo wuxuu ku yidhi, Bal taga oo soo ilaaleeya dalka iyo magaalada Yerixoo. Markaasay tageen, oo waxay galeen guri naag dhillo ah oo magaceeda la odhan jiray Raxab, oo halkaasay jiifsadeen.
Josh SomKQA 2:2  Oo markaasaa boqorkii Yerixoo loo sheegay oo lagu yidhi, Niman reer binu Israa'iil ah ayaa caawa magaalada yimid si ay dalka u ilaaleeyaan.
Josh SomKQA 2:3  Markaasaa boqorkii Yerixoo cid u diray Raxab, oo ku yidhi, Soo bixi nimankii kuu yimid oo gurigaaga galay, waayo, waxay u yimaadeen si ay dalka oo dhan u ilaaleeyaan.
Josh SomKQA 2:4  Laakiin naagtii mar horay kaxaysay labadii nin, wayna qarisay; oo waxay tidhi, Haah, nimankii waa ii yimaadeen, laakiinse ma aan garanaynin meel ay ka yimaadeen,
Josh SomKQA 2:5  oo markii iridda la xidhi lahaa oo ay gudcur noqotay ayay nimankii baxeen. Meeshii nimankii tageenna anigu garan maayo; haddaba dhaqso u raacdeeya, waayo, waad gaadhi karaysaan.
Josh SomKQA 2:6  Laakiinse waxay iyagii keentay saqafkii dushiisa, oo waxay ku qarisay caws linen la yidhaahdo oo ay qummaati ugu dhigtay saqafka dushiisa.
Josh SomKQA 2:7  Nimankiina markaasay u raacdaysteen xagga Webi Urdun ilaa meeshii laga gudbi jiray; oo isla markii kuwii iyaga raacdaynayay baxeen ayaa iriddii la xidhay.
Josh SomKQA 2:8  Oo intaanay seexan ka hor ayaa naagtii saqafkii ugu timid iyagii,
Josh SomKQA 2:9  oo waxay nimankii ku tidhi, Anigu waan ogahay in Rabbigu dalka idin siiyey, oo cabsidiinnii baa nagu dhacday, iyo in kuwa dalka deggan oo dhammu ay hortiinna ku dhalaaleen.
Josh SomKQA 2:10  Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen.
Josh SomKQA 2:11  Oo isla markii aannu maqalnay ayaannu dhalaalnay, oo idinka daraaddiin ninna xoog kuma hadhin; maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaaha samada sare iyo dhulka hooseba jooga.
Josh SomKQA 2:12  Haddaba sidaas daraaddeed waan idin baryayaaye, Rabbiga iigu dhaarta inaad reerka aabbahay ugu roonaanaysaan sidaan idiinku roonaaday oo kale, oo i siiya calaamo run ah;
Josh SomKQA 2:13  iyo inaad badbaadinaysaan aabbahay, iyo hooyaday, iyo walaalahay, iyo waxay haystaan oo dhan, iyo inaad naftayada dhimasho ka samatabbixinaysaan.
Josh SomKQA 2:14  Markaasaa nimankii waxay naagtii ku yidhaahdeen, Naftayadu waxay u bixi doontaa tiinna, haddaydnan sheegin xaalkayaga, oo markii Rabbigu dalka na siiyo roonaan iyo daacadnimo ayaannu kugula macaamiloon doonnaa.
Josh SomKQA 2:15  Kolkaasay xadhig daaqadda kaga dhex dejisay, waayo, gurigeedu wuxuu ku yiil magaalada derbigeeda, oo waxay degganayd derbiga dushiisa.
Josh SomKQA 2:16  Oo waxay iyagii ku tidhi, Buurta xaggeeda taga, yaan raacdadu idin heline, oo intii saddex maalmood ah halkaas ku dhuunta, ilaa ay raacdadu ka soo noqonayso; dabadeedna jidkiinna iska mara.
Josh SomKQA 2:17  Kolkaasaa nimankii waxay iyadii ku yidhaahdeen, Bal ogow, annagu eed kuma yeelan doonno dhaartaadan aad nagu dhaarisay.
Josh SomKQA 2:18  Markii aannu dalka nimaadno, xadhiggan dunta guduudan ah waa inaad ku xidhaa daaqaddii aad naga dejisay. Oo waa inaad guriga gudihiisa ku soo urursataa aabbahaa, iyo hooyadaa, iyo walaalahaa, iyo reerka aabbahaa oo dhan.
Josh SomKQA 2:19  Oo waxay ahaan doontaa, in ku alla kii ka baxa albaabbada gurigaaga oo jidka maraba, uu dhiiggiisu ahaan doono dushiisa, oo annana aannan eed ku yeelanaynin, iyo in ku alla kii guriga kugula jira haddii far la saaro, uu dhiiggiisu dushayada ahaan doono.
Josh SomKQA 2:20  Laakiinse haddaad xaalkayaga sheegto, de markaas eed kuma yeelan doonno dhaartaadii aad nagu dhaarisay.
Josh SomKQA 2:21  Kolkaasay waxay ku tidhi, Sidaad tidhaahdeen ha ahaato. Kolkaasay iska dirtay, oo iyana way ka tageen; markaasay xadhiggii guduudnaa daaqaddii ku xidhay.
Josh SomKQA 2:22  Kolkaasay tageen, oo waxay yimaadeen buurtii, oo halkaasay saddex maalmood joogeen, ilaa ay raacdadii ka soo noqotay; oo raacdadiina jidka oo dhan bay ka doondooneen, laakiinse ma ay helin.
Josh SomKQA 2:23  Markaasaa labadii nin noqdeen; buurtii bay ka degeen, oo intay webigii gudbeen ayay u yimaadeen Yashuuca ina Nuun; kolkaasay u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan.
Josh SomKQA 2:24  Oo waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Sida runta Rabbigu dalka oo dhan gacmaheennuu geliyey, oo weliba, kuwa dalka deggan oo dhammu horteenay ku dhalaalayaan kulligood.
Chapter 3
Josh SomKQA 3:1  Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo Shitiim way ka guureen, oo Webi Urdun yimaadeen, isagii iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo halkaasay degeen intaanay gudbin ka hor.
Josh SomKQA 3:2  Oo saddex maalmood dabadeed saraakiishii xeraday dhex mareen,
Josh SomKQA 3:3  oo waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Markaad aragtaan sanduuqii axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah, iyo wadaaddada reer Laawi oo isaga sida waa inaad meeshiinna ka guurtaan, oo daba gashaan isaga.
Josh SomKQA 3:4  Oo weliba waa in meel bannaan oo qiyaasteedu dhan tahay laba kun oo dhudhun idiin dhexaysaa idinka iyo sanduuqa. Ha u soo dhowaanina isaga, si aad u ogaataan jidkii aad mari lahaydeen; waayo, idinku hadda ka hor ma aydaan marin jidkan.
Josh SomKQA 3:5  Markaasaa Yashuuca wuxuu dadkii ku yidhi, Quduus iska dhiga, waayo, berri Rabbigu wuxuu dhexdiinna ku samayn doonaa waxyaalo yaab leh.
Josh SomKQA 3:6  Oo Yashuuca wadaaddadii buu la hadlay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga qaada, oo dadka ka hor gudba. Kolkaasay waxay qaadeen sanduuqii axdiga, oo dadkiina way ka hor mareen.
Josh SomKQA 3:7  Markaasaa Rabbigu Yashuuca ku yidhi, Maantaan bilaabayaa inaan kugu weyneeyo reer binu Israa'iil hortooda, inay ogaadaan in sidii aan Muuse ula jiray, aan adigana kuula jiri doono.
Josh SomKQA 3:8  Oo waa inaad amartaa wadaaddada sanduuqa axdiga sida, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii aad gaadhaan biyaha Webi Urdun qarkooda waa inaad Webi Urdun isdhex taagtaan.
Josh SomKQA 3:9  Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Kaalaya halkan, oo maqla erayada Rabbiga Ilaahiinna ah.
Josh SomKQA 3:10  Oo Yashuuca wuxuu yidhi, Sidan baad ku ogaan doontaan in Ilaaha nool idin dhex joogo, iyo inuu shakila'aan hortiinna ka eryi doono reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Xiwi, iyo reer Feris, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Yebuus.
Josh SomKQA 3:11  Bal eega, Rabbiga dhulka oo dhan sanduuqiisii axdiga ayaa idin hor maraya xagga Webi Urdun dhexdiisa.
Josh SomKQA 3:12  Haddaba sidaas daraaddeed laba iyo toban nin ka soo bixiya qabiilooyinka reer binu Israa'iil, qabiil walba nin.
Josh SomKQA 3:13  Oo markii wadaaddada sida sanduuqa Rabbiga ah Rabbiga dhulka oo dhan ay calaacalaha cagahoodu taabtaan biyaha Webi Urdun, ayaa biyaha Webi Urdun kala go'i doonaan, kuwaasoo ah biyaha kor ka imanaya, oo markaasay meel istaagi doonaan iyagoo tuulan.
Josh SomKQA 3:14  Oo markii dadku ka tegey teendhooyinkooda si ay Webi Urdun uga gudbaan aawadeed, iyadoo ay ka horreeyaan wadaaddada sida sanduuqii axdiga,
Josh SomKQA 3:15  oo markii kuwa sanduuqa sida ay soo gaadheen Webi Urdun, oo wadaaddada sida sanduuqa ay cagahoodu galeen biyaha qarkooda, (waayo, xilliga waxgoosashada oo dhan Webi Urdun qararkiisa oo dhan buu buuxdhaafaa)
Josh SomKQA 3:16  ayay biyaha kor ka imanayay istaageen, iyagoo tuulan, oo meel aad u fog bay istaageen oo u dhow magaalada la yidhaahdo Aadaam oo ku ag taal Saaretaan. Kuwii hoos u kacay xagga badda Caraabaah, taasoo ah Badda Cusbada leh, iyana kulligood waa go'een; oo dadkii wuxuu u gudbay meel ku toosan Yerixoo.
Josh SomKQA 3:17  Oo wadaaddadii siday sanduuqii axdiga Rabbiga waxay istaageen dhul engegan oo Webi Urdun dhexdiisa ah, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku gudbeen dhul engegan, ilaa ay quruuntii oo dhammu ka wada gudubtay Webi Urdun.
Chapter 4
Josh SomKQA 4:1  Oo markii quruuntii oo dhammu ay ka wada gudubtay Webi Urdun, ayaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,
Josh SomKQA 4:2  Dadka kala bax laba iyo toban nin, qabiil walba nin,
Josh SomKQA 4:3  oo waxaad iyaga ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Webi Urdun dhexdiisa oo ah meeshii cagaha wadaaddadu istaageen, waxaad ka qaaddaan laba iyo toban dhagax, oo waxaad ula gudubtaan dhanka kale, oo waxaad dhigtaan meeshaad caawa ku dhaxaysaan.
Josh SomKQA 4:4  Markaasaa Yashuuca u yeedhay laba iyo tobankii nin, oo uu ka diyaariyey reer binu Israa'iil, oo qabiil walbana nin buu ka soo soocay.
Josh SomKQA 4:5  Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi iyagii, Ka hor gudba sanduuqa Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waxaad tagtaan Webi Urdun dhexdiisa, oo midkiin waluba dhagax garabka ha ku qaado, inta reer binu Israa'iil qabiilooyinkooda tiradoodu tahay,
Josh SomKQA 4:6  in taasu idiin ahaato calaamo idin dhex taal, oo wakhtiga soo socda markii carruurtiinnu idin weyddiiyaan, oo idinku yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan dhagaxyadan?
Josh SomKQA 4:7  Waxaad ku odhan doontaan, Sababtu waxa weeye, biyihii Webi Urdun baa ku hor kala go'ay sanduuqa axdiga Ilaah; oo markii uu ka gudbayay Webi Urdun ayay biyihii Webi Urdun kala go'een; oo dhagaxyadanu xusuus bay u ahaan doonaan reer binu Israa'iil weligood.
Josh SomKQA 4:8  Oo reer binu Israa'iil waxay yeeleen sidii Yashuuca ku amray, oo waxay Webi Urdun dhexdiisa ka qaadeen laba iyo toban dhagax, oo ah intii qabiilooyinka reer binu Israa'iil tiradoodu ahayd sidii Rabbigu u sheegay Yashuuca, oo waxay u gudbiyeen meeshii ay ku dhaxeen, oo halkaasay dhigeen.
Josh SomKQA 4:9  Oo Yashuuca wuxuu laba iyo toban dhagax qotomiyey Webi Urdun dhexdiisa, taasoo ah meeshii wadaaddada sida sanduuqa axdiga ay cagahoodu istaageen; oo ilaa maantadan weli meeshii bay jiraan.
Josh SomKQA 4:10  Waayo, wadaaddadii siday sanduuqa waxay istaageen Webi Urdun dhexdiisa, ilaa ay dhammaadeen wax waluba wixii Rabbigu ku amray Yashuuca inuu dadka kula hadlo, sidii wixii Muuse ku amray Yashuuca oo dhan, oo dadkiina way degdegeen oo gudbeen.
Josh SomKQA 4:11  Oo waxaa dhacday markii ay dadkii oo dhammu wada gudbeen inuu sanduuqii Rabbiguna gudbay, isaga iyo wadaaddadiiba, dadkii oo arka.
Josh SomKQA 4:12  Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis ayaa reer binu Israa'iil ka hor gudbay, iyagoo hub leh, sidii Muuse kula hadlay iyaga.
Josh SomKQA 4:13  Qiyaas afar kun oo nin oo hub leh oo dagaal diyaar u ah ayaa Rabbiga hortiisa ka gudubtay oo dagaal ugu kacday xagga bannaanka Yerixoo.
Josh SomKQA 4:14  Oo maalintaas Rabbigu wuxuu Yashuuca ku weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda; oo cimrigiisii oo dhanba way ka cabsadeen isagii, sidii ay Muuse uga baqi jireen oo kale.
Josh SomKQA 4:15  Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,
Josh SomKQA 4:16  Wadaaddada sanduuqa maragga sida waxaad ku amartaa inay ka soo baxaan Webi Urdun.
Josh SomKQA 4:17  Oo sidaas daraaddeed Yashuuca baa amray wadaaddadii, oo ku yidhi, Ka soo baxa Webi Urdun.
Josh SomKQA 4:18  Oo markii wadaaddadii siday sanduuqa axdigii Rabbiga ay ka soo dhex bexeen Webi Urdun, oo ay cagaha u qaadeen dhul engegan, ayay biyihii Webi Urdun meeshoodii ku soo noqdeen, oo ay qararkiisii oo dhan ka daateen sidii markii hore.
Josh SomKQA 4:19  Oo dadku waxay Webi Urdun ka soo bexeen maalintii tobnaad oo bishii kowaad, oo waxay degeen Gilgaal oo xagga bari ka xigta Yerixoo.
Josh SomKQA 4:20  Oo laba iyo tobankii dhagax oo ay ka soo qaadeen Webi Urdun dhexdiisa ayuu Yashuuca qotomiyey Gilgaal.
Josh SomKQA 4:21  Markaasuu ka hadlay reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Wakhtiga soo socda markii carruurtiinnu aabbayaashood weyddiiyaan, oo yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan dhagaxyadan?
Josh SomKQA 4:22  Waxaad carruurtiinna ogeysiisaan, oo ku tidhaahdaan, Reer binu Israa'iil Webigan Urdun waxay kaga soo gudbeen dhul engegan.
Josh SomKQA 4:23  Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah baa hortiinna ka engejiyey biyihii Webi Urdun, ilaa aad ka soo gudubteen, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu u galay Badda Cas oo kale, tii uu hortayada ka engejiyey ilaa aannu ka gudubnay,
Josh SomKQA 4:24  si ay dadka dhulka jooga oo dhammu u ogaadaan gacanta Rabbigu inay xoog badan tahay; oo ay weligood uga cabsadaan Rabbiga Ilaahiinna ah.
Chapter 5
Josh SomKQA 5:1  Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.
Josh SomKQA 5:2  Oo markaasuu Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Waxaad samaysaa mindiyo dhagax adag ah, oo reer binu Israa'iil haddana ku gud mar labaad.
Josh SomKQA 5:3  Markaasaa Yashuuca wuxuu samaystay mindiyo dhagax adag ah, oo wuxuu reer binu Israa'iil ku guday meel la yidhi Buurta Buuryada.
Josh SomKQA 5:4  Oo Yashuuca sababtii uu u gudayna waxay ahayd sidan: dadkii dalkii Masar ka soo baxay oo dhammu, intii labka ahayd, xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammuba waxay ku dhinteen cidlada intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed.
Josh SomKQA 5:5  Oo dadkii soo baxay oo dhammu way gudnaayeen; laakiinse kulli dadkii cidlada ku dhashay intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed, kuwaas lama gudin.
Josh SomKQA 5:6  Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
Josh SomKQA 5:7  Oo carruurtoodii oo uu Rabbigu meeshoodii ka kiciyey, ayaa Yashuuca guday; maxaa yeelay, waxay ahaayeen buuryoqab, waayo, jidka laguma soo gudin.
Josh SomKQA 5:8  Oo markay quruuntii oo dhan wada gudeen, waxay iska joogeen meelahoodii ahaa xerada dhexdeeda ilaa ay ka bogsadeen.
Josh SomKQA 5:9  Oo Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Maantaan idinka rogay ceebtii Masar, oo sidaas daraaddeed meeshaas ilaa maantadan la joogo waxaa lagu magacaabaa Gilgaal.
Josh SomKQA 5:10  Oo reer binu Israa'iil waxay degeen Gilgaal; oo bisha maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay bannaankii Yerixoo ku sameeyeen Iiddii Kormaridda.
Josh SomKQA 5:11  Oo maalintii Iidda Kormaridda ka dambaysay waxay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay, kaas oo ahaa kibis aan khamiir lahayn, iyo hadhuudh la dubay, maalintaas qudheeda.
Josh SomKQA 5:12  Oo maannadiina maalintii dambe ayay ka joogsatay, markay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay dabadeed, oo reer binu Israa'iilna ma ay helin maanna dambe, laakiinse sannaddaas waxay cuneen midhihii dalkii Kancaan ka baxay.
Josh SomKQA 5:13  Oo markii Yashuuca joogay Yerixoo agteeda ayuu indhihiisa kor u taagay oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay nin isaga ka soo hor jeeda oo seeftiisii oo gal la' gacanta ku haysta. Markaasaa Yashuuca intuu u tegey ku yidhi, War ma annagaad nala gees tahay mise colkayagaad la gees tahay?
Josh SomKQA 5:14  Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Maya; laakiinse waxaan haatan u imid inaan madax u ahaado ciidanka Ilaah. Markaasaa Yashuuca wejigiisii dhulka saaray, wuuna sujuuday, oo wuxuu isagii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad anoo addoonkaaga ah igu odhan lahayd?
Josh SomKQA 5:15  Markaasaa kii ciidanka Rabbiga madax u ahaa wuxuu Yashuuca ku yidhi, Kabtaada iska siib, waayo, meeshaad ku taagan tahay waa quduus. Oo Yashuucana sidaasuu yeelay.
Chapter 6
Josh SomKQA 6:1  (Haddaba Yerixoo waxaa loo xidhay reer binu Israa'iil aawadood; oo lamana geli jirin, lagamana bixi jirin.)
Josh SomKQA 6:2  Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Bal eeg, adigaan gacanta kuu geliyey Yerixoo, iyo boqorkeeda, iyo ragga xoogga leh.
Josh SomKQA 6:3  Oo waa inaad magaalada hareeraysaan, oo raggiinna dagaalyahannada ah oo dhammu magaalada mar ku soo wareega. Oo sidaas waxaad yeeshaan lix maalmood.
Josh SomKQA 6:4  Oo toddoba wadaad waa inay sanduuqa hortiisa socdaan iyagoo wata toddoba buun oo wanan geesahood ah, oo maalinta toddobaad waa inaad magaalada ku soo wareegtaan toddoba jeer, oo wadaaddaduna waa inay buunanka afuufaan.
Josh SomKQA 6:5  Oo markay aad u afuufaan buunanka wananka geesahooda ah, oo idinku aad maqashaan dhawaaqa buunka, dadka oo dhammu qaylo dheer waa inay ku qayliyaan, oo markaasaa derbiga magaaladu meeshiisa ku dhici doonaa, dadkuna waa inuu nin waluba hortiisa qummaati ugu socdaa.
Josh SomKQA 6:6  Markaasaa Yashuuca ina Nuun wadaaddadii u yeedhay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga kor u qaada, oo sanduuqa Rabbiga toddoba wadaad ha la hor socdeen toddoba buun oo wanan geesahood ah.
Josh SomKQA 6:7  Oo waxay dadkii ku yidhaahdeen, Socda oo magaalada hareereeya, oo ragga hubka sitaana ha ka hor mareen sanduuqa Rabbiga.
Josh SomKQA 6:8  Oo sidii bay noqotay. Markii Yashuuca la hadlay dadkii waxaa socday oo Rabbiga hortiisa maray toddobadii wadaad oo sidda toddobadii buun oo wanan geesahood ah; oo waxay afuufeen buunankii; oo sanduuqii axdiga Rabbiguna waa lala daba socday.
Josh SomKQA 6:9  Oo raggii hubka sitayna waxay hor socdeen wadaaddadii buunanka afuufayay, oo ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqa, oo wadaaddaduna buunankay afuufayeen intay socdeen.
Josh SomKQA 6:10  Oo Yashuuca wuxuu dadkii ku amray oo ku yidhi, Waa inaydnaan qaylin, codkiinnana waa inaan la maqlin, afkiinnana eray qudh ah yaanu ka soo bixin, ilaa maalintii aan idinku amro inaad qaylisaan; oo markaas waa inaad qaylisaan.
Josh SomKQA 6:11  Oo sidaasuu sanduuqii Rabbiga ugu soo wareejiyey magaaladii, oo mar bay ku soo wareegeen hareeraheeda; oo markaasay ku noqdeen xeradii, waxayna u hoydeen xeradii.
Josh SomKQA 6:12  Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wadaaddadiina waxay kor u qaadeen sanduuqii Rabbiga.
Josh SomKQA 6:13  Toddobadii wadaad oo sidday toddobadii buun oo wanan geesahood ahna, waxay had iyo goorba hor socdeen sanduuqii Rabbiga, oo waxay afuufeen buunankii; oo raggii hubka sitayna iyagay ka horreeyeen; ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqii Rabbiga, wadaaddaduna waxay afuufayeen buunankii intay socdeen.
Josh SomKQA 6:14  Oo maalintii labaadna mar bay ku soo wareegeen magaaladii, oo waxay ku noqdeen xeradii; oo sidaasay intii lix maalmood ah yeeleen.
Josh SomKQA 6:15  Oo maalintii toddobaad aroor horay keceen markii waagu beryay, oo sidii oo kale ayay magaaladii toddoba jeer ugu soo wareegeen; laakiin maalintaas ayay magaalada toddoba jeer ku soo wareegeen.
Josh SomKQA 6:16  Oo markii toddobaad, markii wadaaddadii afuufeen buunankii ayaa Yashuuca dadkii ku yidhi, Qayliya, waayo, Rabbigu waa idin siiyey magaalada.
Josh SomKQA 6:17  Oo magaalada waa inay xaaraan ka noqoto cid kale Rabbiga mooyaane, iyada iyo waxa gudaheeda ku jiraba; waxaa keliyahoo ka noolaanaya dhillada la yidhaahdo Raxab iyo inta guriga kula jirta oo dhan, maxaa yeelay, waxay qarisay basaasyadii aannu dirnay.
Josh SomKQA 6:18  Oo idinku waa inaad si walba isaga dhawrtaan waxa la xarrimay, waayo, waaba intaasoo markii aad xarrintaan, aad haddana wax ka qaadataan alaabtii la xarrimay. Sidaas haddaad yeeshaan waxaad xaaraan ka dhigi doontaan oo aad dhibi doontaan xerada reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 6:19  Laakiinse lacagta, iyo dahabka, iyo alaabta naxaasta iyo birta ah oo dhammu waxay quduus u yihiin Rabbiga, oo iyaga waa in la soo geliyaa khasnadda Rabbiga.
Josh SomKQA 6:20  Sidaas daraaddeed dadkii way qayliyeen, oo wadaaddadiina buunankii bay afuufeen, oo markii dadkii maqleen dhawaaqii buunka ayaa dadkii ku qayliyey qaylo dheer, oo markaasaa derbigii meeshiisii ku dhacay, oo sidaasay dadkiina ku galeen magaaladii, oo nin waluba hortiisuu qummaati ugu socday, oo magaaladii bay qaateen.
Josh SomKQA 6:21  Markaasay wax alla wixii magaalada ku jiray wada baabbi'iyeen, raggii iyo dumarkii, iyo dhallinyaradii iyo kuwii da'da weynaaba, iyo dibidii iyo idihii, iyo dameerradiiba, kulli waxay ku laayeen seef.
Josh SomKQA 6:22  Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi labadii nin oo dalka soo basaastay, Gurigii dhillada gala, oo ka soo bixiya naagtii, iyo wax alla waxa ay haysato sidii aad iyada ugu dhaarateen.
Josh SomKQA 6:23  Oo markaasay dhallinyaradii basaasyada ahaa gurigii galeen oo soo bixiyeen Raxab, iyo aabbeheed iyo hooyadeed, iyo walaalaheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo qaraabadeedii oo dhanna way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen xeradii reer binu Israa'iil dibaddeeda.
Josh SomKQA 6:24  Markaasay magaaladii iyo wixii ku jirayba dab ku gubeen, oo waxay keliyahoo khasnaddii Rabbiga geliyeen lacagtii iyo dahabkii, iyo alaabtii naxaasta iyo birta ahayd.
Josh SomKQA 6:25  Laakiinse wuxuu Yashuuca badbaadiyey dhilladii Raxab, iyo reerkii aabbeheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo ilaa maantadan la joogo waxay dhex deggan tahay reer binu Israa'iil, waayo, waxay qarisay basaasyadii Yashuuca u diray inay Yerixoo soo basaasaan.
Josh SomKQA 6:26  Markaasaa Yashuuca dhaariyey, oo wuxuu iyagii ku amray, oo ku yidhi, Kii kaca oo dhisa magaalada Yerixoo Rabbiga hortiisa inkaaru ha ku dhacdo. Markuu aasaaskeeda dhigo curadkiisuu waayi doonaa, markuu irdaheeda dhisona wiilkiisa ugu yar.
Josh SomKQA 6:27  Haddaba Rabbigu wuxuu la jiray Yashuuca, oo warkiisiina wuxuu gaadhay dalkii oo dhan.
Chapter 7
Josh SomKQA 7:1  Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku xadgudbeen alaabtii la xarrimay, waayo, waxaa alaabtii la xarrimay qaar qaatay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax, oo ahaa qabiilka Yahuudah; oo markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 7:2  Oo Yashuuca wuxuu niman ka diray Yerixoo oo u diray Aacii, taasoo ku tiil Beytaawen dhinaceeda, oo xagga bari ka jirtay Beytel. Oo intuu la hadlay wuxuu iyagii ku yidhi, Bal taga oo dalka soo basaasa. Oo nimankii intay tageen ayay Aacii soo basaaseen.
Josh SomKQA 7:3  Oo markaasay Yashuuca ku soo noqdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka oo dhammu yaanay wada tegin; laakiinse laba ama saddex kun oo nin ha tageen, oo ha baabbi'iyeen Aacii; oo dadka oo dhan halkaas ha ku daalin, maxaa yeelay, iyagu way yar yihiin.
Josh SomKQA 7:4  Sidaas daraaddeed waxaa dadkii ka tegey oo halkaas u kacay in saddex kun oo nin ku dhow, oo waxay ka hor baqdeen dadkii reer Aacii.
Josh SomKQA 7:5  Oo markaasaa dadkii reer Aacii waxay iyagii ka laayeen lix iyo soddon nin; oo magaalada iriddeedii ayay ka eryadeen tan iyo Shebaariim, oo waxay ku laayeen meesha dhaadhaca ah, markaasaa dadkii qalbigiisii dhalaalay, oo biyo oo kale noqday.
Josh SomKQA 7:6  Markaasaa Yashuuca intuu dharkiisii jeexjeexay ayuu wejiga dhulka saaray oo wuxuu ku hor sujuuday sanduuqii Rabbiga tan iyo fiidkii, isaga iyo waayeellada reer binu Israa'iilba; oo waxay madaxa iska mariyeen boodh.
Josh SomKQA 7:7  Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, Way, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad dadkan Webi Urdun uga soo gudbisay inaad nagu riddo gacmaha reer Amor iyo inaad na halligto? Waxaa noo wanaagsanaan lahaa inaannu degno Webi Urdun shishadiisa oo halkaas raalli ku ahaanno.
Josh SomKQA 7:8  Sayidow, maxaan idhaahdaa mar hadday reer binu Israa'iil cadaawayaashoodii dhabarka u jeediyeen?
Josh SomKQA 7:9  Maxaa yeelay, reer Kancaan iyo kuwa dalka deggan oo dhammu waxay maqli doonaan warkaas, oo markaasay na hareerayn doonaan oo ay magacayaga dhulka ka tiri doonaan; oo markaas maxaad u samaynaysaa magacaaga weyn?
Josh SomKQA 7:10  Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Sara joogso, maxaad sidaas wejigaaga isugu tuurtay?
Josh SomKQA 7:11  Reer binu Israa'iil way dembaabeen; xataa weliba waxay ku xadgudbeen axdigaygii aan iyaga ku amray; xataa waxay wax ka qaadeen alaabtii la xarrimay, oo wax bay xadeen, khiyaanana way sameeyeen, oo waxay weliba ku dhex darsadeen alaabtoodii.
Josh SomKQA 7:12  Oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil cadaawayaashooda isma hor taagi karaan, oo cadaawayaashooday dhabarka u jeediyeen, maxaa yeelay, waxay noqdeen wax la xarrimay. Anigu mar dambe idinla jiri maayo, inaad alaabtii la xarrimay dhexdiinna ka baabbi'isaan mooyaane.
Josh SomKQA 7:13  Kac, oo dadka quduus ka dhig, oo waxaad ku tidhaahdaa, Berri quduus iska dhiga, waayo, Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, waxaa idinku dhex jira alaab la xarrimay, oo isma aad hor taagi kartaan cadaawayaashiinna, ilaa aad dhexdiinna ka fogaysaan alaabtii la xarrimay.
Josh SomKQA 7:14  Haddaba aroorta waxaa laydiin soo dhowayn doonaa qabiil qabiil, oo qabiilkii Rabbigu soo sooco ha ii soo dhowaado iyagoo reer reer ah; oo haddana reerkii Rabbigu soo sooco, ha iigu soo dhowaadeen xaas xaas; oo haddana xaaskii Rabbigu soo sooco nin nin ha iigu soo dhowaadeen.
Josh SomKQA 7:15  Oo kii laga helo alaabtii la xarrimay dab baa lagu gubi doonaa isaga iyo wuxuu haysto oo dhanba; maxaa yeelay, wuxuu ku xadgudbay axdigii Rabbiga, oo wuxuu reer binu Israa'iilna ku dhex sameeyey xumaan.
Josh SomKQA 7:16  Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wuxuu reer binu Israa'iil u soo dhoweeyey qabiil qabiil, oo markaasaa waxaa la soocay qabiilkii Yahuudah.
Josh SomKQA 7:17  Markaasuu hadda wuxuu soo dhoweeyey qabiilkii Yahuudah; oo wuxuu ka soocay reerkii Serax. Markaasuu xaaskii Serax u soo dhoweeyey nin nin, oo waxaa lala baxay Sabdii.
Josh SomKQA 7:18  Markaasuu reerkiisii nin nin u soo dhoweeyey, kolkaasaa waxaa la soocay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax ee qabiilkiisuna ahaa Yahuudah.
Josh SomKQA 7:19  Markaasaa Yashuuca wuxuu Caakaan ku yidhi, Wiilkaygiiyow, waan ku baryayaaye, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ammaan, oo isaga wax u qiro; oo anna hadda ii sheeg waxaad samaysay, oo ha iga qarinin.
Josh SomKQA 7:20  Markaasaa Caakaan wuxuu Yashuuca ugu jawaabay, Sida runta ah waan ku dembaabay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo waxaan sameeyey sidaas iyo sidaas:
Josh SomKQA 7:21  markaan alaabtii boolida ahayd ku dhex arkay dhar wanaagsan oo Baabuloon laga keenay, iyo laba boqol oo sheqel oo lacag ah, iyo waslad dahab ah oo miisaankeedu yahay konton sheqel ayaan damcay, oo qaatay, oo bal eeg waxay haatan ku qarsoon yihiin dhulka meel teendhadayda dhexdeeda ah, lacagtuna way ka hoosaysaa.
Josh SomKQA 7:22  Markaasaa Yashuuca cid u diray, oo teendhaday ku ordeen, oo bal eeg, alaabtii waxay ku qarsoonayd teendhadiisii, oo waxaa ka hoosaysay lacagtii.
Josh SomKQA 7:23  Oo markaasay ka bixiyeen teendhadii dhexdeedii, oo waxay u keeneen Yashuuca, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay hor dhigeen Rabbiga.
Josh SomKQA 7:24  Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo isaga la jira waxay qaadeen Caakaan ina Serax, iyo lacagtii, iyo dharkii, iyo wasladdii dahabka ahayd, iyo Caakaan wiilashiisii, iyo gabdhihiisii, iyo dibidiisii, iyo dameerradiisii, iyo idihiisii, iyo teendhadiisii, iyo wixii uu haystay oo dhan; oo waxay keeneen dooxadii Caakoor.
Josh SomKQA 7:25  Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, War maxaad noo dhibtay? Rabbiguna maantuu ku dhibi doonaaye. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay isaga la dheceen dhagaxyo; oo haddana waxay iyaga ku gubeen dab, oo dhagaxyona way la dheceen.
Josh SomKQA 7:26  Oo waxay ku kor tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan la joogo. Markaasaa Rabbigu ka soo noqday cadhadiisii kululayd. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Caakoor, oo waa loo yaqaanna ilaa maantadan la joogo.
Chapter 8
Josh SomKQA 8:1  Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Ha cabsan, hana qalbi jabin. Ragga dagaalyahannada ah oo dhan kaxayso, oo kac oo waxaad tagtaa xagga Aacii, oo bal eeg, adigaan gacanta ku geliyey boqorka Aacii, iyo dadkiisa, iyo magaaladiisa, iyo dalkiisaba;
Josh SomKQA 8:2  oo Aacii iyo boqorkeedaba waxaad ku samaysaa wixii aad ku samaysay Yerixoo iyo boqorkeedii; alaabteeda iyo xoolaheedase waa inaad dhacdaan oo qaadataan. Oo magaalada xagga dambe ka gaad.
Josh SomKQA 8:3  Sidaas daraaddeed Yashuuca waa kacay, isagii iyo raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammu, si ay Aacii u tagaan, oo Yashuuca wuxuu dooray soddon kun oo nin oo ah rag xoog leh, oo wuxuu diray goor habeennimo ah.
Josh SomKQA 8:4  Oo wuxuu ku amray oo ku yidhi, Bal maqla, waxaad gaaddaan magaalada xaggeeda dambe, oo ha ka fogaanina magaalada, laakiinse kulligiin diyaar ahaada;
Josh SomKQA 8:5  oo aniga iyo dadka ila jira oo dhammuba waxaannu u dhowaan doonnaa magaalada, oo markay dibadda noogu soo baxaan sida kolkii ugu horraysay, waannu ka carari doonnaa hortooda.
Josh SomKQA 8:6  Markaasay na soo eryan doonaan ilaa aannu iyaga magaalada ka fogayno; waayo, waxay is-odhan doonaan, Sidii markii ugu horraysay bay naga cararayaan, oo sidaasaannu uga hor carari doonnaa iyaga.
Josh SomKQA 8:7  Oo markaas waa inaad gaadmada ka timaadaan, oo aad magaalada qabsataan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta idiin gelin doona iyada.
Josh SomKQA 8:8  Oo markii aad magaalada qabsataan, waa inaad dab qabadsiisaan magaalada, oo waxaad yeeshaan si waafaqsan ereyga Rabbiga; bal eega, sidaasaan idinku amraye.
Josh SomKQA 8:9  Markaasaa Yashuuca iyagii diray; oo waxay tageen meeshii gaadmada, oo waxay joogeen meel u dhaxaysa Beytel iyo Aacii, oo galbeed ka xigta Aacii; laakiinse habeenkaas Yashuuca dadkii buu ku dhex baryay.
Josh SomKQA 8:10  Kolkaasaa Yashuuca aroor hore kacay, oo dadkii isu ururiyey, oo isagii iyo waayeelladii reer binu Israa'iil waxay dadkii u hor kaceen xaggii Aacii.
Josh SomKQA 8:11  Oo dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhan oo ah kuwii isaga la jiray way wada tageen oo intay soo dhowaadeen ayay magaaladii hor yimaadeen, oo waxay degeen dhinaca woqooyi oo Aacii; oo dooxo baa u dhexaysay isaga iyo Aacii.
Josh SomKQA 8:12  Markaasuu wuxuu kaxaystay rag shan kun ku dhow, oo wuxuu gaadmo u diray meel u dhexaysa Beytel iyo Aacii, oo magaalada ka xigta xagga galbeed.
Josh SomKQA 8:13  Markaasay diyaariyeen dadkii oo dhan, xataa ciidankii magaalada xagga woqooyi ka xigay oo dhan, iyo kuwoodii gaadmada ugu qarsoonaa magaalada xaggeeda galbeed, oo Yashuucana habeenkaas wuxuu dhaxay dooxadii dhexdeeda.
Josh SomKQA 8:14  Oo markii boqorkii Aacii taas arkay, ayay isaga iyo dadkiisa oo dhammu aroor hore keceen oo dhaqsadeen, oo markaasay dadkii magaaladu dagaal ugu bexeen reer binu Israa'iil wakhtigii la yidhi, oo waxay wada tageen meel ka horraysa Caraabaah, laakiinse ma uu ogayn in rag gaadmo ugu qarsoon yahay magaalada dabadeeda.
Josh SomKQA 8:15  Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay iska dhigeen sidii iyagoo laga adkaaday, oo waxay ku carareen xaggii jidka cidlada.
Josh SomKQA 8:16  Markaasaa dadkii magaalada joogay oo dhan waxaa loogu wada yeedhay inay eryadaan reer binu Israa'iil, oo intay Yashuuca eryanayeen ayaa iyagii laga fogeeyey magaaladii.
Josh SomKQA 8:17  Oo nin keliyahu kuma hadhin Aacii iyo Beytel toona, oo aan daba gelin reer binu Israa'iil; oo magaaladii oo furan bay ka tageen, oo waxay eryadeen reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 8:18  Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Waranka gacantaada ku jira xagga Aacii ku taag, waayo, adigaan gacanta kuu gelin doonaa Aacii. Markaasaa Yashuuca warankii gacantiisa ku jiray wuxuu ku taagay xaggii magaalada.
Josh SomKQA 8:19  Markaasaa haddiiba raggii gaadmada u qarsoonaa ka soo bexeen meeshoodii ay ku jireen, oo markuu gacanta taagay ayay haddiiba soo ordeen, oo waxay galeen magaaladii, wayna qabsadeen; oo intay dhaqsadeen ayay magaaladii dab qabadsiiyeen.
Josh SomKQA 8:20  Oo dadkii reer Aacii markay dib u eegeen ayay waxay arkeen qiiqii magaalada oo samada kor ugu baxaya, oo mana ay lahayn xoog ay ugu cararaan xaggan ama xaggaa; oo dadkii u cararay xagga cidlada waxay dib ugu soo jeesteen raacdadii daba joogtay.
Josh SomKQA 8:21  Oo markii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu arkeen in raggii gaadmada ahaa ay magaaladii qabsadeen, iyo in magaalada qiiqeedii kor u baxay, ayay dib u soo noqdeen, oo waxay laayeen dadkii reer Aacii.
Josh SomKQA 8:22  Oo kuwii kalena waxay iyaga kaga soo bexeen magaaladii, sidaas daraaddeed waxay ku dhex jireen reer binu Israa'iil, iyadoo qaarna dhinacan ka xigo, qaarna dhinacaas ka xigo; oo way wada laayeen, oo midna kama reebin, qofna kama baxsan.
Josh SomKQA 8:23  Oo boqorkii Aacii isagoo nool bay qabteen, oo waxay u keeneen Yashuuca.
Josh SomKQA 8:24  Oo markii reer binu Israa'iil dhammeeyeen oo ay dadkii Aacii degganaan jiray ku wada laayeen duurkii, iyo cidladii ay u eryadeen, oo ay seef ku wada le'deen ilaa ay wada baabbe'een, ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku soo noqdeen Aacii xaggeedii, oo waxay ku laayeen seef.
Josh SomKQA 8:25  Oo intii maalintaas le'atay rag iyo dumarba waxay ahaayeen laba iyo toban kun, oo intaasuna waxay ahayd dadkii reer Aacii oo dhan.
Josh SomKQA 8:26  Waayo, Yashuuca gacantii uu waranka ku taagay dib uma celin ilaa uu wada baabbi'iyey dadkii Aacii degganaa oo dhan.
Josh SomKQA 8:27  Oo reer binu Israa'iil waxay keliyahoo dheceen xoolihii iyo alaabtii magaalada, sidii erayga Rabbiga uu Yashuuca ku amray ahaa.
Josh SomKQA 8:28  Sidaasaa Yashuuca u gubay Aacii, oo wuxuu ka dhigay tuulmo cidla weligeed ah ilaa maantadan la joogo.
Josh SomKQA 8:29  Oo boqorkii Aaciina geed buu ka soo deldelay, oo wuxuu sudhnaa ilaa makhribkii, oo qorraxdhicii ayaa Yashuuca amray, markaasay meydkiisii geedkii ka soo dejiyeen, oo waxay ku tuureen iridda magaalada laga soo galo, oo waxay ku tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan.
Josh SomKQA 8:30  Markaasaa Yashuuca wuxuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Buur Ceebaal uga dhisay meel allabari,
Josh SomKQA 8:31  sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa reer binu Israa'iil ugu amray, iyo sida ku qoran kitaabkii sharciga Muuse, oo waxay ahayd meel allabari oo ah dhagaxyo aan la qorin oo aan ninna bir u qaadin; oo waxay Rabbiga ugu kor bixiyeen qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino.
Josh SomKQA 8:32  Oo wuxuu dhagaxyadii ku qoray naqil sharcigii Muuse ah oo uu ku qoray reer binu Israa'iil hortooda.
Josh SomKQA 8:33  Oo reer binu Israa'iil oo dhan iyo waayeelladoodii, iyo saraakiishoodii, iyo xaakinnadoodiiba, waxay istaageen sanduuqii dhankiisa shishe iyo dhankiisa soke oo ka horreeya wadaaddada reer Laawi oo siday sanduuqii axdiga Rabbiga, qariibka iyo kii waddanka ku dhashayba, oo badhkood wuxuu is-hor taagay Buur Gerisiim, badhkoodii kalena wuxuu is-hor taagay Buur Ceebaal sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray inay marka hore u duceeyaan reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 8:34  Oo dabadeedna wuxuu akhriyey erayadii sharciga oo dhan, ducadii iyo habaarkiiba, siday ahaayeen wixii ku qornaa kitaabkii sharciga oo dhan.
Josh SomKQA 8:35  Oo ma jirin eray Muuse amray oo aan Yashuuca ku hor akhriyin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo dumarkii, iyo dhallaankii, iyo kuwii qariibka ahaa oo iyaga dhex socdayba.
Chapter 9
Josh SomKQA 9:1  Oo Webi Urdun shishadiisa, iyo dhulka buuraha, iyo dhulka dooxada ah, iyo badda weyn xeebteeda oo ka horraysa Lubnaan boqorradii degganaa oo dhammu markay maqleen, waxaa dhacday inay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba
Josh SomKQA 9:2  iswada urursadeen inay isku si ula diriraan Yashuuca iyo reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 9:3  Laakiinse dadkii Gibecoon degganaa markay maqleen wixii Yashuuca ku sameeyey Yerixoo iyo Aacii,
Josh SomKQA 9:4  iyana markaasay khiyaano sameeyeen, oo intay tageen bay iska dhigeen sidii iyagoo ah wakiillo dalal kale, oo waxay dameerradoodii ku qaateen joonyado gaboobay, iyo sibraarro khamri oo khamri oo gaboobay oo dildillaacay oo la xidhxidhay.
Josh SomKQA 9:5  Oo waxay gashadeen kabo duugoobay oo la karkaray, oo waxay xidheen dhar gaboobay, oo kibistii ay soo sahaydeen oo dhammuna waxay ahayd mid engegan oo caaryaysatay.
Josh SomKQA 9:6  Oo waxay u tageen Yashuuca oo jooga xeradii ku tiil Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen isagii iyo raggii reer binu Israa'iilba, Annagu waxaannu ka nimid dal fog; haddaba sidaas daraaddeed axdi nala dhigta.
Josh SomKQA 9:7  Oo raggii reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen kuwii reer Xiwi, War mindhaa annagaad na dhex deggan tihiin, oo haddaba sidee baannu axdi idiinla dhiganaynaa?
Josh SomKQA 9:8  Oo waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu nahay addoommadaada. Markaasaa Yashuuca wuxuu ku yidhi, Yaad tihiin? Oo xaggee baad ka timaadeen?
Josh SomKQA 9:9  Kolkaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Magaca Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis ayaannu annagoo addoommadaada ah waddan aad u fog uga nimid, waayo, waxaannu maqalnay warkiisii, iyo kulli wixii uu Masar ku dhex sameeyey oo dhan,
Josh SomKQA 9:10  iyo kulli wixii uu ku sameeyey labadii boqor oo reer Amor oo ka shisheeyey Webi Urdun, kuwaas oo ahaa Siixon oo boqor ka ahaa Xeshboon, iyo Coog oo boqor ka ahaa Baashaan, oo degganaa Cashtarod.
Josh SomKQA 9:11  Oo odayaashayadii iyo dadkii waddankayaga degganaa oo dhammu waxay nagu soo yidhaahdeen, Sodcaalka aawadiis sahay u qaata, oo taga si aad ula kulantaan iyaga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Annagu waxaannu nahay addoommadiinna, ee haddaba axdi nala dhigta.
Josh SomKQA 9:12  Oo kibistan iyadoo kulul baan guryahayagii sahay uga soo qaadannay maalintii aan idiin soo kacnay; laakiinse bal hadda eega, way engegtay, wayna caaryaysatay:
Josh SomKQA 9:13  oo sibraarradan khamriga oo aannu soo buuxsannay way cusbaayeen, oo bal eega haatan waa dildillaacsan yihiin, oo dharkayaga iyo kabahayagu waxay ku duugoobeen sodcaalkii aad u dheeraa aawadiis.
Josh SomKQA 9:14  Oo markaasay nimankii wax ka qaateen sahaydoodii, oo Rabbigana talo ma ay weyddiisan.
Josh SomKQA 9:15  Oo Yashuucana wuu la nabday iyagii, oo axdina wuu la dhigtay inuu naftooda u daayo; oo amiirradii shirkuna way u dhaarteen iyagii.
Josh SomKQA 9:16  Oo markay axdigii la dhigteen saddex maalmood dabadeed waxay maqleen inay yihiin deriskooda, oo ay dhexdooda deggan yihiin.
Josh SomKQA 9:17  Oo reer binu Israa'iil way sodcaaleen, oo maalintii saddexaad waxay yimaadeen magaalooyinkoodii. Oo magaalooyinkooduna waxay ahaayeen Gibecoon, iyo Kefiiraah, iyo Bi'irod, iyo Qiryad Yecaariim.
Josh SomKQA 9:18  Oo reer binu Israa'iilna ma ay layn, waayo, amiirradii shirku waxay iyagii ugu dhaarteen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. Oo markaasaa shirkii oo dhammu waxay ka gunuunaceen amiirradii.
Josh SomKQA 9:19  Laakiinse amiirradii oo dhammu waxay shirkii oo dhan ku yidhaahdeen, Waxaannu iyaga ugu dhaarannay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo haddaba sidaas daraaddeed waa inaynaan taaban iyaga.
Josh SomKQA 9:20  Oo sidan baan u yeelaynaa, oo naftooda ayaan u daynaynaa waaba intaas oo dhaartii aannu ugu dhaarannay daraaddeed cadho inoogu dhacdaaye.
Josh SomKQA 9:21  Oo amiirradii waxay ku yidhaahdeen, Naftooda u daaya, ha noolaadeene. Sidaas daraaddeed waxay shirkii oo dhan u noqdeen kuwo xaabada gura oo biyaha dhaansha, sidii amiirradii kula hadleen iyagii.
Josh SomKQA 9:22  Markaasaa Yashuuca u yeedhay iyagii, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War maxaad noo khiyaanayseen oo noogu tidhaahdeen, Waannu idinka fog nahay, idinkoo na dhex deggan?
Josh SomKQA 9:23  Sidaas daraaddeed waad habaaran tihiin, oo weligiin laydinka waayi maayo addoommo ah kuwa xaabada u gura, biyahana u dhaamiya guriga Ilaahayga.
Josh SomKQA 9:24  Oo waxay Yashuuca ugu jawaabeen, Maxaa yeelay, hubaal waxaa annagoo addoommadaada ah lanoo sheegay sida Rabbiga Ilaahaaga ahu addoonkiisii Muuse ahaa ugu amray inuu idin siiyo dalka oo dhan, iyo in dadka dalka deggan oo dhan hortiinna laga baabbi'iyo; oo sidaas aawadeed naftayada aad baannu ugu cabsannay idinka daraaddiin, oo waxanna sidaas baannu u yeelnay.
Josh SomKQA 9:25  Oo haddaba bal eeg gacantaadaannu ku jirnaa. Sidii kula wanaagsan oo kula qumman inaad nagu samaysid yeel.
Josh SomKQA 9:26  Oo sidaas buu u yeelay, oo ka samatabbixiyey gacantii reer binu Israa'iil inaanay dilin.
Josh SomKQA 9:27  Oo maalintaasuu Yashuuca iyagii ka dhigay kuwo xaabada u gura, biyahana u dhaamiya shirka iyo meesha allabariga Rabbiga, taas oo ku taal meel alla meeshuu doortoba, ilaa maantadan la joogo.
Chapter 10
Josh SomKQA 10:1  Oo boqorkii Yeruusaalem oo Adonii Sedeq ahaa markuu maqlay siduu Yashuuca Aacii u qabsaday, oo uu dhammaanteed u baabbi'iyey, iyo siduu Yerixoo iyo boqorkeediiba ku sameeyey, oo uu haddana sidaas oo kale ku sameeyey Aacii iyo boqorkeediiba, iyo siday dadkii Gibecoon degganaa oo ku dhex jiray ula nabdeen reer binu Israa'iil,
Josh SomKQA 10:2  ayuu aad u cabsaday, maxaa yeelay, Gibecoon waxay ahayd magaalo weyn sida mid ka mid ah magaalooyinka boqorrada, waayo, way ka sii weynayd Aacii, oo dadkeeda oo dhammuna waa xoog badnaayeen.
Josh SomKQA 10:3  Sidaas daraaddeed boqorkii Yeruusaalem oo ahaa Adonii Sedeq wuxuu u cid diray boqorkii Xebroon oo ahaa Hoohaam, iyo boqorkii Yarmuud oo ahaa Firaam, iyo boqorkii Laakiish oo ahaa Yaafiica, iyo boqorkii Cegloon oo ahaa Debiir, oo wuxuu ku yidhi,
Josh SomKQA 10:4  Ii kaalaya, oo i caawiya, oo ina keena aynu Gibecoon baabbi'innee; waayo, waxay la nabadday Yashuuca iyo reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 10:5  Sidaas daraaddeed shantii boqor oo reer Amor waa iswada urursadeen, oo kuwaasu waxay ahaayeen boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon, iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish, iyo boqorkii Cegloon; iyaga iyo ciidammadooda oo dhammu kor bay u bixiyeen oo waxay hor degeen Gibecoon oo dagaal ku qaadeen.
Josh SomKQA 10:6  Oo dadkii reer Gibecoon waxay u cid dirteen Yashuuca oo joogay xeradii Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen, Gacantaadu yay ka raagin addoommadaada, noo soo dhaqso, oo na badbaadi, oo na caawi: maxaa yeelay, boqorradii reer Amor oo buuraha degganaa oo dhammu way isu kaayo urursadeen.
Josh SomKQA 10:7  Sidaas daraaddeed Yashuuca wuxuu ka tegey Gilgaal isagoo ay la socdaan dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhan iyo raggii xoogga lahaa oo dhammuba.
Josh SomKQA 10:8  Oo markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Iyaga ha ka cabsan, waayo, iyaga gacmahaagaan kuu soo geliyey. Midkoodna isma kaa hor taagi doono.
Josh SomKQA 10:9  Oo sidaas daraaddeed Yashuuca ayaa ku soo kediyey iyagii, waayo, habeenkii oo dhan buu ka soo guuraynayay Gilgaal.
Josh SomKQA 10:10  Oo markaasaa Rabbigu cabsi ku riday iyagii reer binu Israa'iil hortooda, oo Gibecoon agteeda ayuu aad ugu laayay, oo wuxuu u eryaday xagga jidkii kor loo baxo Beytxooroon, oo wuxuu ku laynayay ilaa Caseeqaah iyo tan iyo Maqeedaah.
Josh SomKQA 10:11  Oo markay ka carareen reer binu Israa'iil, intay ku sii jireen dhaadhaca Beytxooroon, ayaa Rabbigu wuxuu iyaga samada kaga soo daayay roob dhagaxyo leh oo waaweyn ilaa Caseeqaah, oo way dhinteen; oo intii roobkii dhagaxyada lahaa ku dhimatay baa ka sii badnayd intoodii reer binu Israa'iil seefta ku laayeen.
Josh SomKQA 10:12  Markaasaa Yashuuca Rabbiga la hadlay maalintii Rabbigu reer Amor u dhiibay reer binu Israa'iil, oo wuxuu reer binu Israa'iil hortooda ka yidhi, Qorraxday, istaag Gibecoon korkeeda, Adiguna, Dayaxow, waxaad kor istaagtaa dooxada Ayaaloon.
Josh SomKQA 10:13  Oo markaasaa qorraxdii istaagtay; dayaxiina waa joogsaday, Ilaa ay quruuntii ka aarsatay cadaawayaashoodii. Tanu miyaanay ku qornayn kitaabkii Yaashaar? Oo qorraxdii waxay ku joogsatay samada dhexdeeda, umana ay degdegin inay hoos u dhacdo maalin dhan.
Josh SomKQA 10:14  Oo maalintaas maalin la mid ahu kamana horrayn, kamana dambayn, ee uu Rabbigu maqlay nin codkiis: waayo, Rabbigu wuxuu u diriray reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 10:15  Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku noqdeen xeradii ku tiil Gilgaal.
Josh SomKQA 10:16  Kolkaasaa shantii boqor carartay, oo waxay ku dhuunteen godkii ku yiil Maqeedaah.
Josh SomKQA 10:17  Oo markaasaa Yashuuca loo sheegay, oo waxaa lagu yidhi, Shantii boqor waxaa la helay iyagoo ku qarsoon god ku yaal Maqeedaah.
Josh SomKQA 10:18  Markaasuu Yashuuca yidhi, Dhagaxyo waaweyn ku giringiriya godka afiisa, oo rag dhawrana ag taaga;
Josh SomKQA 10:19  laakiinse intiinna kale ha joogsanina; ee cadaawayaashiinna eryada, oo laaya intooda ugu dambaysa, oo ha u oggolaanina inay galaan magaalooyinkooda; waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa iyaga gacanta idiin geliyey.
Josh SomKQA 10:20  Oo markii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil ay dhammeeyeen layntii weynayd ee ay raggii laayeen, ilaa ay wada baabbi'iyeen oo firxadkii ka soo hadhayna ay galeen magaalooyinkii deyrarka lahaa,
Josh SomKQA 10:21  ayaa dadkii oo dhammu nabdoonaan ku soo noqdeen Yashuuca oo joogay xeradii ku tiil Maqeedaah, oo mid qudh ahu afka uma kala qaadin reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 10:22  Oo markaasuu Yashuuca yidhi, Godka afkiisa banneeya oo shantii boqor ka soo bixiya godkii oo ii keena.
Josh SomKQA 10:23  Kolkaasay sidii yeeleen, oo waxay isagii u keeneen shantii boqor oo ay ka soo bixiyeen godkii, kuwaas oo ahaa boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon, iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish, iyo boqorkii Cegloon.
Josh SomKQA 10:24  Oo markay boqorradii u keeneen Yashuuca ayuu u yeedhay raggii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu raggii dagaalyahannada ahaa oo isaga raacay madaxdoodii ku yidhi, Soo dhowaada, oo boqorradan qoorta kaga joogsada. Oo kolkaasay soo dhowaadeen, oo boqorradii qoorta kaga joogsadeen.
Josh SomKQA 10:25  Markaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, hana qalbi jabina; xoog yeesha oo aad u dhiirranaada; waayo, Rabbigu sidaasuu u geli doonaa cadaawayaashiinna aad la diriraysaan oo dhan.
Josh SomKQA 10:26  Oo markaas dabadeed ayuu Yashuuca wada laayay, oo uu shan geed ka soo deldelay, oo waxay geedihii ka soo laalaadeen ilaa fiidkii.
Josh SomKQA 10:27  Oo kolkay qorraxdu dhacday ayaa Yashuuca amray in laga soo dejiyo geedihii, oo kolkaasay ku tuureen godkii ay markii hore ku dhuunteen, oo markaasay dhagaxyo waaweyn godkii afkiisii saareen, oo waa sidii ilaa maantadan.
Josh SomKQA 10:28  Oo Yashuuca maalintaasuu qabsaday Maqeedaah, oo wuxuu dadkeedii ku laayay seef, iyo xataa boqorkeedii; oo dadkii ku jiray oo dhan wuu wada baabbi'iyey, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkii Maqeedaah wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo.
Josh SomKQA 10:29  Oo Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Maqeedaah oo waxay tageen Libnaah, oo la dirireen reer Libnaah;
Josh SomKQA 10:30  oo Rabbigu iyada iyo boqorkeediiba wuxuu gacanta u geliyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu seef ku laayay iyada iyo dadkii ku jiray oo dhan, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkeediina wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo.
Josh SomKQA 10:31  Oo Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Libnaah, oo waxay tageen Laakiish, kolkaasay degeen meel ka soo hor jeedda oo dagaal ku qaadeen;
Josh SomKQA 10:32  oo Rabbigu wuxuu Laakiish geliyey gacantii reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyana qabsaday maalintii labaad, oo dadkii ku jiray oo dhan wuxuu ku laayay seef, oo wuxuu u galay sidii uu Libnaah u galay oo kale.
Josh SomKQA 10:33  Markaasaa Laakiish waxaa u soo hiiliyey boqorkii Geser oo ahaa Horaam, kolkaasaa Yashuuca laayay isagii iyo dadkiisiiba, ilaa uusan waxba ka reebin.
Josh SomKQA 10:34  Markaasay Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu dhaafeen Laakiish oo waxay tageen Cegloon; kolkaasay degeen meel ka soo hor jeedda, oo dagaal ku qaadeen;
Josh SomKQA 10:35  oo maalintaasay iyana qabsadeen oo dadkii ku jiray oo dhan waxay ku laayeen seef, oo maalintaasuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey Laakiish oo kale.
Josh SomKQA 10:36  Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Cegloon oo waxay tageen Xebroon, wayna la dirireen,
Josh SomKQA 10:37  oo iyana way qabsadeen, oo waxay ku wada laayeen seef dadkeedii iyo boqorkeedii iyo magaalooyinkeedii oo dhan iyo dadkii ku jiray oo dhanba; waxba kama reebin, sidii uu Cegloon ku sameeyey oo kale, laakiinse wuu wada baabbi'iyey iyadii iyo dadkii ku jiray oo dhanba.
Josh SomKQA 10:38  Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku noqdeen Debiir, oo dagaal bay ku qaadeen.
Josh SomKQA 10:39  Oo iyana wuu qabsaday, iyo boqorkeedii, iyo magaalooyinkeediiba, oo waxay ku laayeen seef, oo dadkii ku jiray oo dhanba way wada baabbi'iyeen oo waxba kama uu reebin; oo wuxuu Debiir iyo boqorkeediiba ku sameeyey siduu ku sameeyey Xebroon iyo weliba siduu markii hore ku sameeyey Libnaah iyo boqorkeediiba.
Josh SomKQA 10:40  Sidaasuu Yashuuca u wada laayay dadkii dalkii oo dhan, kaas oo ahaa waddankii buuraha ahaa, iyo xaggii Koonfureed, iyo dooxooyinkii, iyo dhaadhacyadii, iyo xataa boqorradoodii oo dhan, oo waxba kama uu reebin; laakiinse wuu wada baabbi'iyey intii neefsanaysay oo dhan, sidii uu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ku amray.
Josh SomKQA 10:41  Oo Yashuuca wuxuu laayay iyagii ilaa Qaadeesh Barneeca iyo tan iyo Gaasa, iyo dalkii reer Goshen oo dhan, iyo xataa tan iyo Gibecoon.
Josh SomKQA 10:42  Oo boqorradaas iyo dalkoodii oo dhan Yashuuca isku mar buu wada qabsaday, maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa u diriray reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 10:43  Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku noqdeen xeradii ku tiil Gilgaal.
Chapter 11
Josh SomKQA 11:1  Oo markuu boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin waxaas maqlay ayuu u cid diray boqorkii Maadoon oo ahaa Yoobaab, iyo boqorkii Akshaaf,
Josh SomKQA 11:2  iyo boqorradii jiray xagga woqooyi, kaas oo ahaa dalka buuraha leh, iyo kuwii joogay xagga ban Caraabaah oo koonfur ka xigta Kinnered, iyo xagga dooxooyinka, iyo dalka sare oo Door ee xagga galbeed jira,
Josh SomKQA 11:3  iyo kuwii reer Kancaan oo jiray bari iyo galbeedba, iyo reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus oo degganaa dalka buuraha leh, iyo reer Xiwi oo degganaa dalkii Misfaah oo ka hooseeyey Xermoon.
Josh SomKQA 11:4  Kolkaasay baxeen, iyagii iyo ciidammadoodii oo la jirayba, oo waxay ahaayeen dad badan, oo tiradoodu waxay ahayd sida cammuudda taal badda xeebteeda, waxayna wateen fardo iyo gaadhifardood aad u badan.
Josh SomKQA 11:5  Oo boqorradaas oo dhammu way isu yimaadeen, oo waxay wada degeen biyihii Meeroom agtooda si ay reer binu Israa'iil ula diriraan.
Josh SomKQA 11:6  Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Ha ka cabsan iyaga, waayo, berri hadda oo kale ayaan reer binu Israa'iil gacanta u gelin doonaa, iyagoo la wada laayay. Oo waa inaad fardahooda boqno gooysaa, oo gaadhifardoodkoodana waa inaad dab ku gubtaa.
Josh SomKQA 11:7  Markaasay Yashuuca iyo raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammu biyihii Meeroom agtooda kaga soo kediyeen oo weerareen iyagii.
Josh SomKQA 11:8  Oo Rabbigu wuxuu iyagii geliyey gacantii reer binu Israa'iil, oo way laayeen, oo waxay u eryadeen xagga Siidoonta weyn, iyo xagga Misrefood Mayim, iyo xagga dooxadii Misfaah oo bari xigta, oo way laayeen ilaa aanay waxba ka reebin.
Josh SomKQA 11:9  Oo Yashuuca wuxuu ku sameeyey iyagii wixii Rabbigu u sheegay; oo fardahoodii wuu boqno gooyay, oo gaadhifardoodkoodiina dab buu ku wada gubay.
Josh SomKQA 11:10  Oo markaasaa Yashuuca dib u noqday, oo wuxuu qabsaday Xaasoor, oo boqorkeediina wuxuu ku dilay seef; waayo, markaas ka hor Xaasoor madax bay u ahaan jirtay boqortooyooyinkaas oo dhan.
Josh SomKQA 11:11  Oo dadkii ku jiray oo dhan waxay ku laayeen seef, wayna wada baabbi'iyeen; oo wax neefsadaa kuma hadhin, Xaasoorna dab buu ku gubay.
Josh SomKQA 11:12  Oo Yashuuca wuxuu wada qabsaday boqorradaas magaalooyinkoodii oo dhan, iyo boqorradoodii oo dhan, oo wuxuu ku wada laayay seef, oo wuu wada baabbi'iyey; sidii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray.
Josh SomKQA 11:13  Laakiinse reer binu Israa'iil waxba kama gubin magaalooyinkii buurahoodii ku yiil, Xaasoor mooyaane, taasna waxaa gubay Yashuuca.
Josh SomKQA 11:14  Oo magaalooyinkaas alaabtoodii oo dhan iyo xoolahoodii oo dhanba reer binu Israa'iil way dhaceen, laakiinse nin kasta waxay ku dileen seef ilaa ay wada baabbi'iyeen, oo waxba kama ay reebin intii neefsatay oo dhan.
Josh SomKQA 11:15  Wixii Rabbigu addoonkiisii Muuse ahaa ku amray ayuu Muusena Yashuuca ku amray, oo Yashuucana sidaasuu yeelay, oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray wax aanu samayn ma jirin.
Josh SomKQA 11:16  Oo Yashuuca wuxuu qabsaday dalkaas oo dhan, kaas oo ahaa dalkii buuraha lahaa, iyo Koonfur oo dhan, iyo dalkii Goshen oo dhan, iyo dalkii dooxada ahaa, iyo bankii Caraabaah, iyo dalkii reer binu Israa'iil oo buuraha lahaa, iyo intiisii dooxada ahayd,
Josh SomKQA 11:17  haddii laga bilaabo Buur Haalaaq, taasoo kor u kacsan ilaa Seciir, iyo xataa tan iyo Bacal Gaad oo ku taal dooxadii Lubnaan oo ka hoosaysa Buur Xermoon; oo wuxuu wada qabsaday boqorradoodii oo dhan, oo intuu dilay buu wada laayay.
Josh SomKQA 11:18  Oo Yashuuca wakhti dheer buu la dirirayay boqorradaas oo dhan.
Josh SomKQA 11:19  Oo lama arag magaalo la nabadday reer binu Israa'iil, reer Xiwi oo Gibecoon degganaa mooyaane: oo dagaal bay kulligood ku wada qabsadeen.
Josh SomKQA 11:20  Waayo, xagga Rabbiga ayay ka timid inuu qalbigooda adkeeyo, si ay dagaal ugu soo baxaan reer binu Israa'iil, oo uu dhammaantood u baabbi'iyo, oo aanay waxba inna raallinimo ka helin, laakiinse uu u wada baabbi'iyo sidii Rabbigu Muuse ku amray.
Josh SomKQA 11:21  Oo markaasaa Yashuuca yimid, oo wuxuu reer Canaaq ka tiray dalkii buuraha lahaa, kaas oo ahaa Xebroon, iyo Debiir, iyo Canaab, iyo xaggii dalkii reer Yahuudah oo buuraha lahaa oo dhan, iyo dalkii reer binu Israa'iil oo buuraha lahaa oo dhan; oo Yashuuca dhammaan iyagii iyo magaalooyinkoodiiba wuu wada baabbi'iyey.
Josh SomKQA 11:22  Oo dalkii reer binu Israa'iil mid reer Canaaq ahu kuma hadhin, laakiinse waxaa wuxoogaa ku hadhay Gaasa, iyo Gad, iyo Ashdood oo keliya.
Josh SomKQA 11:23  Sidaasuu Yashuuca u wada qabsaday dalkii oo dhan, oo wuxuu wada yeelay sidii Rabbigu kula hadlay Muuse; oo Yashuuca wuxuu dalkii dhaxal u siiyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu ugu qaybiyey sidii qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo dalkiina dagaal wuu ka nastay.
Chapter 12
Josh SomKQA 12:1  Haddaba kuwanu waa boqorradii dalka, oo ay reer binu Israa'iil laayeen oo ay dalkoodii ka qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo qorrax ka soo baxa ka xigta, markii laga bilaabo dooxadii Arnoon iyo tan iyo Buur Xermoon, iyo inta banka Caraabaah xagga bari ka xigta oo dhan:
Josh SomKQA 12:2  oo waxay ahaayeen boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon, oo degganaa Xeshboon, oo xukumi jiray Carooceer oo ku tiil dooxadii Arnoon darafteeda, iyo magaaladii ku tiil dooxadii dhexdeeda, iyo Gilecaad badhkeed, iyo tan iyo Webi Yabboq, kaasoo ku yiil soohdintii reer Cammoon,
Josh SomKQA 12:3  iyo bankii Caraabaah iyo tan iyo baddii Kinnered, iyo xagga bari, iyo tan iyo baddii Caraabaah, taas oo ah Badda Cusbada leh, oo bari, ee ku taal jidkii Beytyeshimood, ee xagga koonfureed, ee ka hoosaysay dhaadhacyadii Fisgaah:
Josh SomKQA 12:4  iyo xuduudkii Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo ka hadhay reer Rafaa ee Cashtarod agteeda joogay, Edrecii agteedana joogay.
Josh SomKQA 12:5  Kaasu wuxuu xukumi jiray Buur Xermoon, iyo Salkaah, iyo Baashaan oo dhan, iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo kan reer Macakaad iyo Gilecaad badhkeed, iyo xuduudka Siixon oo boqor u ahaa Xeshboon.
Josh SomKQA 12:6  Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa iyo reer binu Israa'iil baa laayay iyagii, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ayaa reer Ruubeen iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkood hanti ahaan u siiyey.
Josh SomKQA 12:7  Oo kuwanu waa boqorradii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil ka laayeen Webi Urdun shishadiisa xagga galbeed ka xigta, markii laga bilaaba Bacal Gaad oo ku tiil dooxadii Lubnaan iyo tan iyo Buur Xaalaaq oo kor u kacsan Seciir; oo Yashuuca wuxuu siiyey qabiilooyinkii reer binu Israa'iil, oo hanti ahaan buu ugu qaybiyey,
Josh SomKQA 12:8  xagga dalkii buuraha lahaa, iyo dalkii dooxooyinka ahaa, iyo bankii Caraabaah, iyo dhaadhacyadii, iyo cidladii, iyo xagga Koonfureed, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.
Josh SomKQA 12:9  Oo waa kuwan boqorradii, boqorkii Yerixoo, iyo boqorkii Aacii tii u dhowayd Beytel,
Josh SomKQA 12:20  iyo boqorkii Shimroon Meroon, iyo boqorkii Akshaaf,
Josh SomKQA 12:22  iyo boqorkii Qedesh, iyo boqorkii Yoqnecaam oo Karmel tiil,
Josh SomKQA 12:23  iyo boqorkii Door oo ku tiil meesha ugu dheer Door, iyo boqorkii quruumaha degganaa Gilgaal,
Josh SomKQA 12:24  iyo boqorkii Tirsaah. Oo boqorradii oo dhammuna waxay ahaayeen kow iyo soddon.
Chapter 13
Josh SomKQA 13:1  Yashuuca waa da' weynaa, gaboowna wuu la dhacay, oo kolkaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Adigu waad da' weyn tahay oo gaboowna waad la dhacday, laakiinse weliba waxaa hadhay dal badan in la hantiyo.
Josh SomKQA 13:2  Oo dalka weli hadhay waxa weeye kan: gobollada reer Falastiin oo dhan iyo reer Geshuur oo dhan,
Josh SomKQA 13:3  tan iyo Shiixoorta ku taal Masar horteeda, iyo xataa tan iyo soohdinta Ceqroon ee xagga woqooyi, ee loo tiriyo reer Kancaan, iyo shanta amiir ee reer Falastiin oo u taliya reer Gaasa, iyo reer Ashdood, iyo reer Ashqeloon, iyo reer Gad, iyo reer Ceqroon,
Josh SomKQA 13:4  iyo xataa reer Caw oo xagga koonfureed xiga, iyo dalka reer Kancaan oo dhan, iyo Mecaaraah tan ay reer Siidoon leeyihiin, iyo ilaa Afeeq, iyo tan iyo soohdinta reer Amor,
Josh SomKQA 13:5  iyo dalka reer Gebal iyo Lubnaan oo dhan, xagga qorrax ka soo baxa, inta laga bilaabo Bacal Gaad tan ku taal Buur Xermoon hoosteeda, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad.
Josh SomKQA 13:6  Dadka deggan dalka buuraha leh oo dhan, tan iyo Lubnaan iyo ilaa Misrefood Mayim, iyo xataa reer Siidoon oo dhan kulligood waxaan ka eryi doonaa reer binu Israa'iil hortooda; laakiinse waa inaad dhaxal ahaan ugu qori riddaa reer binu Israa'iil sidaan kugu amray.
Josh SomKQA 13:7  Haddaba dalkan dhaxal ahaan ugu qaybi sagaalka qabiil iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis,
Josh SomKQA 13:8  Kuwaasoo ay reer Ruubeen iyo reer Gaadba la heleen dhaxalkoodii uu Muuse ka siiyey xagga bari oo Webi Urdun ka shishaysa, xataa sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa uu u siiyey iyaga,
Josh SomKQA 13:9  tan iyo Carooceer oo ku taal dooxadii Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo banka Meedebaa oo dhan iyo xataa tan iyo Diibon,
Josh SomKQA 13:10  iyo dhammaan magaalooyinkii Siixon oo boqor u ahaa reer Amor uu ku xukumi jiray Xeshboon, tan iyo soohdinta reer Cammoon,
Josh SomKQA 13:11  iyo Gilecaad, iyo soohdinta reer Geshuur, iyo reer Macakaad, iyo Buur Xermoon oo dhan, iyo Baashaan oo dhan iyo ilaa Salkaah,
Josh SomKQA 13:12  iyo boqortooyadii Baashaan ku tiil oo dhan oo Coog ka xukumi jiray Cashtarod iyo Edrecii (Isagu wuxuu ka hadhay reer Rafaa), waayo, kuwaas waxaa laayay Muuse, wuuna eryay.
Josh SomKQA 13:13  Habase yeeshee reer binu Israa'iil ma ay eryin reer Geshuur iyo reer Macakaad toona; laakiinse reer Geshuur iyo reer Macakaad waxay dhex deggan yihiin reer binu Israa'iil ilaa maantadan la joogo.
Josh SomKQA 13:14  Oo waxaanu dhaxal siin qabiilkii reer Laawi oo keliya. Sidii Rabbigu kula hadlay isaga, waxaa dhaxal u ahaa qurbaannada loo bixiyo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 13:15  Oo Muuse wuxuu reer Ruubeen qabiilkoodii wax u siiyey sidii reerahoodu ahaayeen.
Josh SomKQA 13:16  Oo xuduudkoodu wuxuu ka bilaaban jiray Carooceer taas oo ku taal dooxada Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo kulli banka Meedebaa u dhow oo dhan,
Josh SomKQA 13:17  iyo Xeshboon, iyo kulli magaalooyinkeeda banka ku yaal oo dhan, kuwaasoo ah, Diibon iyo Baamood Bacal, iyo Beyd Bacal Mecoon,
Josh SomKQA 13:19  iyo Qiryatayim, iyo Sibmaah, iyo Sered Shahar oo ku taal buurta dooxada,
Josh SomKQA 13:20  iyo Beytfecoor, iyo dhaadhacyadii Fisgaah, iyo Beytyeshimood,
Josh SomKQA 13:21  iyo kulli magaalooyinkii banka oo dhan, iyo boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa boqortooyadiisii oo dhan, kaas oo xukumi jiray Xeshboon, oo Muuse la dilay madaxdii reer Midyaan, kuwaasoo ahaa Ewii, iyo Reqem, iyo Suur, iyo Xuur, iyo Rebac, oo ahaa amiirradii Siixon oo dalkaas degganaa.
Josh SomKQA 13:22  Weliba faaliyaha Balcaam oo ahaa ina Becoor ayay reer binu Israa'iil seef kula dileen dadkii kaloo ay laayeen.
Josh SomKQA 13:23  Reer Ruubeen dalkooduna wuxuu ahaa Urdun, iyo inta soohdintiisa ah oo dhan. Kanu waa dhaxalkii reer Ruubeen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodiiba.
Josh SomKQA 13:24  Oo Muuse wax buu siiyey qabiilkii reer Gaad, oo wuxuu wax u siiyey reer Gaad sidii reerahoodu ahaayeen.
Josh SomKQA 13:25  Oo xuduudkooduna wuxuu ka koobnaa Yacser, iyo magaalooyinkii Gilecaad oo dhan, iyo dalkii reer Cammoon badhkiis, iyo tan iyo Carooceer oo ku hor taal Rabbaah,
Josh SomKQA 13:26  iyo ilaa Xeshboon iyo tan iyo Raamad-misfaah, iyo Betoniim, iyo tan iyo Maxanayim iyo ilaa soohdinta Debiir,
Josh SomKQA 13:27  iyo kuwii dooxadii ku dhex yiil oo ahaa Beytaaraam, iyo Beytnimraah, iyo Sukod, iyo Saafoon oo ahaa boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa boqortooyadiisii intii ka hadhay, iyo Urdun iyo soohdintiisii, iyo meesha ugu fog badda Kinnered ee ka shishaysa Webi Urdun ee xagga bari ka xigta.
Josh SomKQA 13:28  Kanu waa dhaxalkii ay reer Gaad u heleen sidii reerahoodu ahaayeen iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 13:29  Oo Muusena wuxuu dhaxal siiyey qabiilkii reer Manaseh badhkiis. Wuxuu u ahaa qabiilkii reer Manaseh badhkiis sidii reerahoodu ahaayeen.
Josh SomKQA 13:30  Oo xuduudkoodu wuxuu ka koobnaa Maxanayim, iyo Baashaan oo dhan, iyo boqorkii Baashaan oo Coog ahaa boqortooyadiisii oo dhan, iyo magaalooyinkii Yaa'iir oo Baashaan ku yiil oo dhan, kuwaasoo ahaa lixdan magaalo;
Josh SomKQA 13:31  iyo Gilecaad badhkeed, iyo Cashtarod, iyo Edrecii, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii boqortooyadii Coog oo Baashaan ku yiil, waxaa la siiyey reer Maakiir kaasoo ahaa ina Manaseh, oo waxaa loo siiyey reer Maakiir badhkood sidii reerahoodu ahaayeen.
Josh SomKQA 13:32  Kuwanu waa dhaxalkii Muuse ku qaybiyey banaankii Moo'aab, oo ka shisheeya Webi Urdun, meel u dhow Yerixoo, oo xagga bari ka xigta.
Josh SomKQA 13:33  Laakiinse qabiilkii reer Laawi Muuse dhaxal ma uu siin. Waxaa dhaxal u ah Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu kula hadlay iyaga.
Chapter 14
Josh SomKQA 14:1  Kuwanu waa dhaxalkii ay reer binu Israa'iil ka qaateen dalkii reer Kancaan, oo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii qabiilooyinkii reer binu Israa'iil ay u qaybiyeen.
Josh SomKQA 14:2  Oo sidii Rabbigu ku amray Muuse sagaal qabiil iyo qabiil badhkiis saami bay ku heleen dhaxalkoodii.
Josh SomKQA 14:3  Waayo, Muuse wuxuu laba qabiil iyo qabiil badhkiis dhaxal ka siiyey Webi Urdun shishadiisa: laakiinse reer Laawi innaba dhaxal ma uu siin.
Josh SomKQA 14:4  Maxaa yeelay, reer Yuusuf waxay ahaayeen laba qabiil, oo kala ah reer Manaseh iyo reer Efrayim; oo dhulkii qayb lagama siin reer Laawi magaalooyinkii ay degganaayeen mooyaane, iyo agagaarkoodii ay xoolahoodii iyo alaabtoodii ku hayn jireen.
Josh SomKQA 14:5  Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay reer binu Israa'iil yeeleen, oo dalkiina way qaybsadeen.
Josh SomKQA 14:6  Markaasaa reer Yahuudah waxay u soo dhowaadeen Yashuuca oo Gilgaal joogay; oo Kaaleeb ina Yefunneh, oo ahaa reer Qenes, wuxuu isagii ku yidhi, Waad garanaysaa wixii aniga iyo adiga inagu saabsanaa oo Rabbigu u sheegay Muuse oo ahaa nin Ilaah, markaynu Qaadeesh Barneeca joognay.
Josh SomKQA 14:7  Afartan sannadood baan jiray markii addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa iga diray Qaadeesh Barneeca inaan dalka soo basaaso; oo sidii qalbigayga ku jirtay ayaan ugu soo war celiyey.
Josh SomKQA 14:8  Habase yeeshee walaalahaygii i raacay ayaa dadka qalbi dhalaaliyey, laakiinse anigu daacad baan u raacay Rabbiga Ilaahayga ah.
Josh SomKQA 14:9  Oo maalintaas ayuu Muuse dhaartay, oo yidhi, Hubaal dhulkii cagtaadu ku joogsatay wuxuu dhaxal u ahaan doonaa adiga iyo carruurtaada weligiin, maxaa yeelay, daacad baad u raacday Rabbiga Ilaahayga ah.
Josh SomKQA 14:10  Oo haddaba bal eeg, Rabbigu waa i soo gaadhsiiyey ilaa haatan, anoo nool, siduu ku hadlay, oo shan iyo afartankan sannadood baa ka dambaysay markii Rabbigu Muuse eraygan kula hadlay, oo waxay ahayd intii ay reer binu Israa'iil cidlada dhex socdeen; oo haatanna maanta waxaan jiraa shan iyo siddeetan sannadood.
Josh SomKQA 14:11  Oo weliba maanta iyo maalintii Muuse i diray isku xoog baan ahay; oo intii itaalkaygu waagaas ahaa ayuu haatanna yahay inaan dagaal galo, iyo inaan baxo, soona galo.
Josh SomKQA 14:12  Haddaba sidaas daraaddeed i sii buurtan Rabbigu maalintaas ka hadlay, waayo, waad maqashay maalintaas in reer Canaaq halkaas joogay, oo ay magaalooyinkoodu waaweynaayeen, deyrarna lahaayeen. Mindhaa Rabbigaa ila jiri doona, waanan eryi doonaa sidii Rabbigu ku hadlay.
Josh SomKQA 14:13  Markaasaa Yashuuca u dhuceeyey isagii, oo Kaaleeb ina Yefunneh dhaxal u siiyey Xebroon.
Josh SomKQA 14:14  Sidaas daraaddeed ilaa maantadan la joogo Xebroon waxay dhaxal u noqotay Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, maxaa yeelay, daacad buu u raacay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 14:15  Oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac; oo Arbacna wuxuu ahaa ninkii ugu weynaa reer Canaaq. Oo dalkiina dagaal wuu ka xasillay.
Chapter 15
Josh SomKQA 15:1  Oo reer Yahuudah qabiilkoodii waxay qayb u heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen ilaa soohdinta Edom, iyo tan iyo xataa cidlada Sin ee xagga koonfureed ka xigta, iyo xagga koonfureed ee ugu shishaysa.
Josh SomKQA 15:2  Oo soohdintooda koonfureedna waxay gaadhsiisnayd xagga ugu shishaysa ee Badda Cusbada leh, iyo tan iyo gacanka koonfur u jeeda,
Josh SomKQA 15:3  oo waxay u baxday xagga koonfureed ee jiirta Caqrabbiim, oo waxay u dhaaftay xagga Sin, oo haddana waxay martay xagga koonfureed oo Qaadeesh Barneeca, oo ay martay xagga Xesroon, oo waxay kor ugu baxday xagga Addaar, oo u laabatay xagga Qarqaacaa;
Josh SomKQA 15:4  oo waxay u sii dhaaftay xagga Casmoon, oo haddana waxay u baxday xagga durdurka Masar, oo soohdinta waxaa dhammaadkeedu ahaa badda; taasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna koonfureed.
Josh SomKQA 15:5  Oo soohdinta barina waxay ahayd ilaa Badda Cusbada leh, iyo tan iyo meesha uu Webi Urdun ku dhammaado. Oo waaxda woqooyi soohdinteeduna waxay ahayd badda gacankeeda u dhow meesha uu Webi Urdun ku dhammaado;
Josh SomKQA 15:6  oo soohdintu waxay martay ilaa Beytxoglaah, oo waxay sii martay xagga woqooyi oo u dhow Beytcaraabaah; oo soohdintu waxay martay dhagaxii Bohan ina Ruubeen;
Josh SomKQA 15:7  oo soohdintu waxay sii martay Debiir, marka laga tago dooxadii Caakoor, iyo xagga woqooyi ee ku soo jeedda Gilgaal, taasu waxa weeyaan meel ku toosan jiirta Adummiim, taasoo ku taal webiga dhiniciisa koonfureed; oo soohdintu waxay sii martay biyaha Ceyn Shemesh, oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa Ceyn Rogeel agteeda;
Josh SomKQA 15:8  oo soohdintu waxay sii martay dooxadii ina Xinnom iyo ilaa xagga koonfureed ee Yebuus. Taasu waa Yeruusaalem. Oo soohdintu waxay kor ugu baxday buurta ku taal dooxadii Xinnom horteeda ee xaggeeda galbeed, taasoo ku taal dooxada xagga woqooyi oo ugu fog ee reer Rafaa.
Josh SomKQA 15:9  Oo soohdintu waxay ka soo baxday buurta dhaladeeda ilaa isha biyaha ee Neftoo'ax, oo ay u baxday xagga magaalooyinkii ku yiil Buur Cefroon; oo soohdintu waxay sii martay xagga Bacalaah, (taasu waxa weeyaan Qiryad Yecaariim),
Josh SomKQA 15:10  markaasay soohdintu ka laabatay Bacalaah galbeedkeeda ilaa Buur Seciir, oo waxay sii martay Buur Yecaariim dhinaceeda woqooyi (taasuna waxa weeyaan Kesaaloon), oo waxay hoos ugu dhaadhacday xagga Beytshemesh, oo waxay sii martay Timneh;
Josh SomKQA 15:11  markaasay soohdintu u baxday dhinaca woqooyi oo Ceqroon; oo haddana soohdintu waxay u baxday Shikeroon, oo waxay sii martay Buur Bacalaah, oo waxay u baxday Yabne'eel agteeda; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa badda.
Josh SomKQA 15:12  Oo soohdinta xagga galbeedna waxay ahayd tan iyo badda weyn iyo xeebteeda. Intaasu waa soohdintii ku soo wareegi jirtay reer Yahuudah sida reerahoodu ahaayeen.
Josh SomKQA 15:13  Oo wuxuu Kaaleeb ina Yefunneh qayb ka siiyey reer Yahuudah dhexdooda, sidii Rabbigu Yashuuca ugu amray, oo qaybtaas wuxuu ahaa Qiryad Arbac, kaas oo ahaa Canaaq aabbihiis (taasuna waxa weeyaan Xebroon).
Josh SomKQA 15:14  Oo Kaaleebna halkaas wuxuu ka eryay saddexdii wiil oo Canaaq, kuwaasoo ahaa Sheeshay, iyo Axiiman, iyo Talmay, oo ahaa ilma Canaaq.
Josh SomKQA 15:15  Oo halkaasuu ka tegey oo la diriray dadkii Debiir degganaa; oo waagii hore Debiir magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Sefer.
Josh SomKQA 15:16  Oo Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii Qiryad Sefer intuu wax ku dhufta qabsada, waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.
Josh SomKQA 15:17  Markaasaa magaaladii waxaa qabsaday Cotnii'eel oo ahaa ina Qenas kii Kaaleeb walaal u ahaa, markaasuu Caksaah u guuriyey.
Josh SomKQA 15:18  Oo markay isagii u timid waxay ku deddejisay inuu aabbeheed beer weyddiisto: oo markay dameerkeedii ka soo degtay ayaa Kaaleeb ku yidhi, Maxaad doonaysaa?
Josh SomKQA 15:19  Kolkaasay ku tidhi, Hadiyad i sii, waayo, waxaad i siisay dalka Koonfureed, weliba i sii ilo biyo ah. Markaasuu siiyey ilihii sare iyo ilihii hoose.
Josh SomKQA 15:20  Intanu waa dhaxalkii ay reer Yahuudah heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen.
Josh SomKQA 15:21  Oo qabiilkii reer Yahuudah magaalooyinkoodii ugu fogaa xagga soohdinta koonfureed oo Edom waxay ahaayeen Qabse'eel, iyo Ceeder, iyo Yaaguur,
Josh SomKQA 15:25  iyo Xaasoor Xadataah, iyo Qiryood Xesroon (oo taasuna waa Xaasoor qudheeda),
Josh SomKQA 15:28  iyo Xasar Shuucaal, iyo Bi'ir Shebac, iyo Bisyootiyaah,
Josh SomKQA 15:32  iyo Lebaa'ood, iyo Shilxiim, iyo Cayn, iyo Rimmon, oo magaalooyinka oo dhan iyo tuulooyinkooduba waa sagaal iyo labaatan.
Josh SomKQA 15:33  Oo dalka dooxadana waxay ku lahaayeen Eshtaa'ool, iyo Sorcaah, iyo Ashnaah,
Josh SomKQA 15:34  iyo Saanoo'ax, iyo Ceyn Ganniim, iyo Tafuu'ax, iyo Ceynaam,
Josh SomKQA 15:35  iyo Yarmuud, iyo Cadullaam, iyo Sokoh, iyo Caseeqaah,
Josh SomKQA 15:36  iyo Shacarayim, iyo Cadiitayim, iyo Gedeeraah, iyo Gedeerootayim, oo iyana waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 15:41  iyo Gedeerood, iyo Beytdagoon, iyo Nacamaah, iyo Maqeedaah, iyana waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 15:44  iyo Qeciilaah, iyo Aksiib, iyo Maareeshaah, oo iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 15:45  Ceqroon, iyo magaalooyinkeedii iyo tuulooyinkeedii,
Josh SomKQA 15:46  iyo Ceqroon iyo ilaa badda, iyo kulli intii u dhowayd Ashdood iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 15:47  Ashdood iyo magaalooyinkeedii iyo tuulooyinkeedii, iyo Gaasa iyo magaalooyinkeedii, iyo tuulooyinkeedii, iyo ilaa durdurkii Masar, iyo ilaa badda weyn, iyo soohdinteeda.
Josh SomKQA 15:48  Iyo dalkii buuraha lahaa oo dhan, iyo Shamiir, iyo Yatiir, iyo Sokoh,
Josh SomKQA 15:49  iyo Dannaah, iyo Qiryad Sannaah (taasoo Debiir ah),
Josh SomKQA 15:51  iyo Goshen, iyo Xolon, iyo Giloh, iyana waa koob iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 15:54  Xumtaah, iyo Qiryad Arbac (taasoo ah Xebroon), iyo Siicor, iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 15:57  Kayn, iyo Gibecaah, iyo Timneh, iyana waa toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 15:59  iyo Macaraad, iyo Beytcanood, iyo Elteqon, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 15:60  Qiryad Bacal (taasoo ah Qiryad Yecaariim), iyo Rabbaah, iyana waa laba magaalo iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 15:61  Xagga cidladana waxay ku lahaayeen Beytcaraabaah, iyo Middiin, iyo Sekaakaah,
Josh SomKQA 15:62  iyo Nibshaan iyo Magaalada Cusbada leh iyo Ceyn Gedii, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 15:63  Xagga reer Yebuus, kuwaasoo Yeruusaalem degganaa, reer Yahuudah way eryi kari waayeen; laakiinse reer Yebuus Yeruusaalem bay la degganaayeen reer Yahuudah ilaa maantadan la joogo.
Chapter 16
Josh SomKQA 16:1  Oo reer Yuusuf qaybtoodiina wuxuu ka bilaabmay Webi Urdun oo Yerixoo ku ag yaal, biyaha Yerixoo dhankooda bari, taasoo ah xagga cidlada, iyo markii laga tago Yerixoo oo la dhex maro dalka buuraha leh ilaa Beytel,
Josh SomKQA 16:2  oo wuxuu ka baxay Beytel ilaa Luus, oo wuxuu sii maray ilaa soohdinta reer Arkii iyo ilaa Cataarood;
Josh SomKQA 16:3  oo wuxuu dhanka galbeed ka maray soohdinta reer Yaafleetii iyo ilaa soohdinta Beytxooroonta hoose iyo tan iyo xataa Geser; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga badda.
Josh SomKQA 16:4  Oo reer Yuusuf, oo ahaa reer Manaseh iyo reer Efrayim, dhaxalkoodii way qaateen.
Josh SomKQA 16:5  Oo reer Efrayim sidii ay reerahoodu ahaayeen soohdintoodii sidan bay ahayd; dalkii ay dhaxalka u heleen dhinaca bari waxaa u xigay Cataarood Addaar, iyo Beytxooroonta sare;
Josh SomKQA 16:6  oo soohdintu waxay galbeed ka mari jirtay Mikmetaah tan ku taal xagga woqooyi, oo soohdintu waxay ka soo wareegtay oo bari ka martay Ta'anad Shiloh, oo waxay bari ka martay Yaanooxaah;
Josh SomKQA 16:7  oo intay Yaanooxaah ka tagto ayay sii martay Cataarood, iyo ilaa Nacaraah, oo waxay gaadhay Yerixoo, markaasay ka sii baxday Webi Urdun.
Josh SomKQA 16:8  Oo xagga Tafuu'axna soohdintu waxay galbeed ka sii martay durdurka reer Qaanaah; oo waxaa dhammaadkeedu ahaa xagga badda. Intaasu waa dhaxalkii reer Efrayim qabiilkoodii u heleen sidii reerahoodii ay ahaayeen,
Josh SomKQA 16:9  iyo xataa kulli magaalooyinkii loo soocay reer Efrayim ee ku dhex yiil dhaxalkii reer Manaseh, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii oo dhan iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 16:10  Oo ma ay eryin reer Kancaankii degganaa Geser; laakiinse reer Kancaan waxay dhex degganaayeen reer Efrayim ilaa maantadan la joogo, oo waxay u noqdeen addoommo u hawshooda.
Chapter 17
Josh SomKQA 17:1  Oo intanuna waxay ahayd qaybtii qabiilka reer Manaseh, waayo, isagu wuxuu ahaa curadkii Yuusuf. Maakiir oo ahaa curadkii Manaseh oo aabbe u ahaa Gilecaad, wuxuu helay Gilecaad iyo Baashaan, maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa dagaalyahan.
Josh SomKQA 17:2  Oo reer Manaseh iyo reerahoodii intii hadhay iyana qayb bay heleen; kuwaas oo ahaa reer Abiiceser, iyo reer Xeeleq, iyo reer Asrii'eel, iyo reer Shekem, iyo reer Heefer, iyo reer Shemiidaac; intaasu waxay ahaayeen ilmihii labka ahaa ee Manaseh ina Yuusuf sidii reerahoodii ahaayeen.
Josh SomKQA 17:3  Laakiinse Seloofexaad ina Heefer, ina Gilecaad, ina Maakiir, ina Manaseh wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane, oo magacyadii gabdhihiisu waa kuwan: Maxlaah, Nocaah, Xoglaah, Milkaah, iyo Tirsaah.
Josh SomKQA 17:4  Oo waxay u dhowaadeen wadaadkii la odhan jiray Elecaasaar, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo amiirradii, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu Muuse ku amray inuu walaalahayo dhexdooda dhaxal naga siiyo. Oo sidaas daraaddeed amarkii Rabbiga aawadiis ayuu Yashuuca dhaxal ku siiyey walaalihii aabbehood dhexdooda.
Josh SomKQA 17:5  Oo reer Manaseh waxaa ku soo hagaagay toban meelood oo aan ahayn dalkii Gilecaad iyo Baashaan oo Webi Urdun ka shishaysa;
Josh SomKQA 17:6  maxaa yeelay, gabdhihii Manaseh waxay dhaxal ka dhex heleen wiilashiisii; oo dalkii Gilecaadna waxaa lahaa wiilashii Manaseh intoodii hadhay.
Josh SomKQA 17:7  Oo soohdintii reer Manasehna waxay ahayd ilaa Aasheer iyo tan iyo Mikmetaah, taasoo ku hor taal Shekem, oo soohdintu waxay ka baxday xagga midigta, iyo ilaa dadkii degganaa Ceyn Tafuu'ax.
Josh SomKQA 17:8  Oo dalkii Tafuu'axna waxaa iska lahaa reer Manaseh; laakiinse Tafuu'ax tii ku tiil soohdinta waxaa iska lahaa reer Efrayim.
Josh SomKQA 17:9  Oo soohdintu waxay u baxday durdurkii Qaanaah, oo durdurka xagga koonfureed ka ahaa. Magaalooyinkaas ku dhex yiil magaalooyinkii reer Manaseh waxaa lahaa reer Efrayim. Soohdintii Efrayimna waxay ahayd durdurka xaggiisa woqooyi, oo waxaa soohdintii dhammaadkeedu ahaa badda.
Josh SomKQA 17:10  Dhanka koonfureed waxaa lahaa reer Efrayim, dhanka woqooyina waxaa lahaa reer Manaseh, oo badduna waxay ahayd soohdintiisa, oo waxay gaadheen ilaa reer Aasheer oo woqooyi jira, iyo tan iyo reer Isaakaar oo ku yaal xagga bari.
Josh SomKQA 17:11  Oo reer Manaseh waxay reer Isaakaar iyo reer Aasheer ku dhex lahaayeen Beytshe'aan, iyo magaalooyinkeedii oo dhan, iyo Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Ceyn Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Tacanaag, iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo xataa saddexdii meelood ee dhaadheerayd.
Josh SomKQA 17:12  Laakiin reer Manaseh ma ay eryi karin dadkii degganaa magaalooyinkaas; reer Kancaanse waxay doonayeen inay dalkaas sii degganaadaan.
Josh SomKQA 17:13  Oo markii reer binu Israa'iil aad u xoogaysteen ayay hawl saareen reer Kancaan, oo ma ay wada eryin.
Josh SomKQA 17:14  Oo reerkii Yuusuf Yashuuca bay la hadleen, oo ku yidhaahdeen, Maxaad qayb keliya dhaxal noogu siisay? Maxaa yeelay, annagu waxaannu nahay dad badan, oo Rabbigu waa na barakeeyey ilaa haatan.
Josh SomKQA 17:15  Markaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad dad badan tihiin, haddaba kaca oo duudda taga, oo waxaad soo goosataan dalka reer Feris iyo kan reer Rafaa; maxaa yeelay, dalka buuraha leh oo reer Efrayim waa idinku cidhiidhi.
Josh SomKQA 17:16  Markaasaa reerkii Yuusuf waxay yidhaahdeen, Dalka buuraha lahu naguma filna; oo reer Kancaanka deggan dalka dooxada leh oo dhammu waxay leeyihiin gaadhifardood bir ah, kuwooda deggan Beytshe'aan iyo magaalooyinkeeda, iyo kuwooda deggan dooxadii Yesreceelba.
Josh SomKQA 17:17  Markaasaa Yashuuca wuxuu la hadlay reer Yuusuf, kuwaasoo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh, oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin dad badan, oo waxaad leedihiin xoog badan; haddaba qayb keliya heli maysaan;
Josh SomKQA 17:18  laakiinse dalka buuraha leh idinkaa yeelan doona; waayo, in kastoo uu duud yahay, waad jari doontaan, oo meelaha laga baxona idinkaa yeelan doona, maxaa yeelay, waxaad eryi doontaan reer Kancaan in kastay leeyihiin gaadhifardood bir ah, oo ay xoog badan yihiin.
Chapter 18
Josh SomKQA 18:1  Oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu Shiiloh bay dhammaantood isugu soo urureen, oo waxay halkaas ka dhiseen teendhadii shirka; oo dadkii waddankana waa laga adkaaday.
Josh SomKQA 18:2  Oo reer binu Israa'iil dhexdooda waxaa ku hadhay toddoba qabiil oo aan weli helin qaybtii ay dhaxalka u lahaayeen.
Josh SomKQA 18:3  Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Dalkii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin idin siiyey ilaa goormaad ka raagaysaan inaad gashaan si aad dalka u hantidaan?
Josh SomKQA 18:4  Haddaba qabiil walba saddex nin kala soo baxa; oo anigu iyaga waan diri doonaa, markaas waa inay kacaan, oo dalka dhex maraan, oo soo kala tilmaamaan siday u kala dhaxlayaan, oo markaas waa inay ii yimaadaan.
Josh SomKQA 18:5  Oo waa inay dalka u kala qaybiyaan toddoba meelood. Reer Yahuudah waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga koonfureed, oo reer Yuusufna waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga woqooyi.
Josh SomKQA 18:6  Oo waa inaad dalka u soo kala tilmaantaan toddoba meelood, oo aad tilmaanta ii keentaan, oo markaasaan halkan idiinku saami ridi doonaa Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa.
Josh SomKQA 18:7  Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.
Josh SomKQA 18:8  Markaasaa raggii kaceen oo tageen; oo kuwii tegey inay dalka soo tilmaamaan Yashuuca ayaa ku amray, oo ku yidhi, Taga oo dalka dhex mara, oo soo tilmaama, oo haddana aniga ii kaalaya, oo markaasaan halkan Shiiloh ah idiinku saami ridi doonaa Rabbiga hortiisa.
Josh SomKQA 18:9  Markaasay raggii tageen oo dalkii soo dhex mareen, oo waxay soo kala tilmaameen magaalooyinkii oo toddoba meelood u kala qaybsan, oo waxayna ku soo qoreen buug, oo markaasay u yimaadeen Yashuuca oo joogay xerada Shiiloh ku taal.
Josh SomKQA 18:10  Markaasaa Yashuuca Shiiloh ugu saami riday iyagii Rabbiga hortiisa; oo halkaasaa Yashuuca reer binu Israa'iil ugu qaybshay dalkii sidii ay u kala qaybsanaayeen.
Josh SomKQA 18:11  Oo qabiilkii reer Benyaamiin saamigoodii ay u heleen sidii ay reerahoodii kala ahaayeen ayaa u soo hor baxay; oo soohdintoodii ay saamiga u heleen waxay kala dhex mari jirtay reer Yahuudah iyo reer Yuusuf.
Josh SomKQA 18:12  Oo soohdintoodu xagga waaxda woqooyi waxay ka bilaabatay Webi Urdun; oo soohdintu waxay u baxday Yerixoo dhinaceeda woqooyi, oo waxay dhex martay dalka buuraha leh xaggiisa galbeed; oo dhammaadkeedii wuxuu u baxay cidladii Beytaawen.
Josh SomKQA 18:13  Oo soohdintu waxay halkaas uga gudubtay Luus (taasoo ah Beytel), iyo ilaa dhinaceeda koonfureed, oo soohdintu waxay ku dhaadhacday Cataarood Addaar, taasoo u dhow buurta ku taal Beytxooroonta hoose xaggeeda koonfureed.
Josh SomKQA 18:14  Oo soohdintu waxay u baxday oo ka laabatay waaxda galbeed xaggeeda koonfureed, iyo xagga buurta ku hor taal Beytxooroon xaggeeda koonfureed; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu u baxay Qiryad Bacal taasoo ah Qiryad Yecaariim ee ahayd magaalo ay reer Yahuudah leeyihiin, intaasu waxay ahayd waaxdii galbeed.
Josh SomKQA 18:15  Oo waaxdii koonfureedna waxay ka bilaabatay meesha ugu fog Qiryad Yecaariim, oo soohdintu waxay martay xagga galbeed, oo waxay u baxday ishii biyaha ahayd oo Neftoo'ax;
Josh SomKQA 18:16  oo soohdintu waxay ku dhaadhacday meesha ugu fog buurta ku hor taal dooxadii ina Xinnom, taasoo ku taal xagga woqooyi oo dooxada reer Rafaa, oo waxay ku dhaadhacday ilaa dooxadii Xinnom, iyo ilaa dhinaca reer Yebuus xaggooda koonfureed, oo waxay kaloo sii martay Ceyn Rogeel,
Josh SomKQA 18:17  oo waxay u leexatay xagga woqooyi, oo waxay martay Ceyn Shemesh agteeda; oo waxay u baxday Geliilood, taasoo ka soo hor jeedda jiirta Adummiim; oo haddana waxay u baxday dhagaxii Bohan ina Ruubeen;
Josh SomKQA 18:18  oo waxay sii martay dhinaca ka soo hor jeeda Caraabaah xaggeeda woqooyi, oo waxay ku dhaadhacday Caraabaah;
Josh SomKQA 18:19  oo soohdintu waxay sii martay Beytxoglaah dhinaceeda woqooyi; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga gacanka woqooyi oo Badda Cusbada leh, ee ku yaal Webi Urdun dhammaadkiisa koonfureed meesha uu ku dhammaado; intaasu waa soohdintii koonfureed.
Josh SomKQA 18:20  Waaxda bari soohdinteeduna waxay ahayd Webi Urdun. Intaasu waxay ahayd dhaxalkii reer Benyaamiin iyo soohdimihii ku wareegsanaa, ee ay u heleen sidii reerahoodu ahaayeen.
Josh SomKQA 18:21  Haddaba magaalooyinkii reer Benyaamiin siday reerahoodu ahaayeen waxay ahaayeen Yerixoo, iyo Beytxoglaah, iyo Dooxadii Qesiis,
Josh SomKQA 18:24  iyo Kefar reer Cammoon, iyo Cofnii, iyo Gebac, oo intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,
Josh SomKQA 18:28  iyo Seelac, iyo Elef, iyo Yebuus (taasoo ah Yeruusaalem), iyo Gibecaad, iyo Qiryad, oo intaasu waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. Intaasu waa dhaxalkii reer Benyaamiin siday reerahoodii ahaayeen.
Chapter 19
Josh SomKQA 19:1  Oo saamigii labaadna wuxuu u soo baxay reer Simecoon, oo waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Simecoon u heleen siday reerahoodu ahaayeen. Oo dhaxalkooduna wuxuu ku dhex jiray dhaxalkii reer Yahuudah.
Josh SomKQA 19:2  Oo waxay dhaxal u heleen: Bi'ir Shebac, ama Shebac, iyo Molaadaah,
Josh SomKQA 19:5  iyo Siiqlag, iyo Beytmarkaabod, iyo Hasar Suusaah,
Josh SomKQA 19:6  iyo Beytlebaa'ood, iyo Shaaruuhen, oo intaasu waa saddex iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,
Josh SomKQA 19:7  Cayn, iyo Rimmon, iyo Ceter, iyo Caashaan, oo intaasu waa afar magaalo iyo tuulooyinkoodii,
Josh SomKQA 19:8  iyo tuulooyinkii ku wareegsanaa magaalooyinkaas oo dhan ee ku yiil tan iyo Bacalad Bi'ir, iyo Raamaahda Koonfureed. Intaasu waa dhaxalkii qabiilkii reer Simecoon sidii ay reerahoodii ahaayeen.
Josh SomKQA 19:9  Oo qaybtii reer Yahuudah waxaa ku jiray dhaxalkii reer Simecoon, maxaa yeelay, reer Yahuudah qaybtoodu waa ku badnaa; sidaas daraaddeed reer Simecoon waxay dhaxal ka heleen dhaxalkii reer Yahuudah dhexdiisa.
Josh SomKQA 19:10  Oo saamigii saddexaadna wuxuu u soo baxay reer Sebulun siday reerahoodu ahaayeen, oo dhaxalkoodii soohdintiisuna waxay ahayd ilaa Saariid.
Josh SomKQA 19:11  Oo soohdintoodu waxay u baxday xagga galbeed, iyo xataa ilaa Marcalaah, oo waxay gaadhay tan iyo Dabbaashed, oo haddana waxay gaadhay tan iyo durdurka ku yaal Yoqnecaam horteeda;
Josh SomKQA 19:12  oo waxay Saariid uga leexatay xagga bari ee qorraxdu ka soo baxdo, ilaa soohdinta Kislod Taabor, kolkaasay waxay u baxday xagga Daberad, oo haddana kor ugu baxday Yaafiica,
Josh SomKQA 19:13  oo halkaasna waxay uga gudubtay xagga bari oo martay Gad Heefer iyo tan iyo Citaah Qaasiin, oo waxay u baxday xagga Rimmon oo gaadhaa ilaa Neecaah,
Josh SomKQA 19:14  soohdintu waxay xagga woqooyi ugu laabatay Xannaatoon, oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa dooxadii Yiftax'eel,
Josh SomKQA 19:15  iyo Qataad, iyo Nahalaal, iyo Shimroon, iyo Idalaah, iyo Beytlaxam, intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 19:16  Intaasu waa dhaxalkii ay reer Sebulun u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.
Josh SomKQA 19:17  Oo saamigii afraadna reer Isaakaar buu u soo baxay sidii reerahoodu ahaayeen.
Josh SomKQA 19:18  Oo soohdintooduna waxay ahayd ilaa Yesreceel, iyo Kesullood, iyo Shuuneem,
Josh SomKQA 19:21  iyo Remed, iyo Ceyn Ganniim, iyo Ceyn Xaddaah, iyo Beytfasees,
Josh SomKQA 19:22  oo soohdintu waxay gaadhay ilaa Taaboor, iyo Shaxasimaah, iyo Beytshemesh, oo soohdintooda dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga Webi Urdun, oo intaasuna waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 19:23  Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Isaakaar u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.
Josh SomKQA 19:24  Oo saamigii shanaadna wuxuu u soo baxay reer Aasheer sidii reerahoodii ahaayeen.
Josh SomKQA 19:25  Oo soohdintooduna waxay ahayd Xelqad, iyo Xali, iyo Beten, iyo Akshaaf,
Josh SomKQA 19:26  iyo Allammeleg, iyo Camcaad, iyo Mishaal; oo wuxuu gaadhay Karmel xaggeeda galbeed, iyo ilaa Shiihoor Libnaad,
Josh SomKQA 19:27  oo waxay u leexatay xagga qorraxdu ka soo baxdo, ee ah Beytdaagoon, oo waxay gaadhay tan iyo Sebulun, iyo dooxadii Yiftax'eel xaggeeda woqooyi iyo ilaa Beytcemeq iyo Necii'eel, oo waxay u baxday xagga bidix ee ah Kabuul,
Josh SomKQA 19:28  iyo Cebroon, iyo Rexob, iyo Xammoon, iyo Qaanaah, iyo xataa Siidoonta weyn;
Josh SomKQA 19:29  oo soohdintii waxay u leexatay xagga Raamaah, iyo xagga magaaladii deyrka lahayd oo Turos, oo haddana soohdintu waxay u leexatay xagga Xosaah, oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga badda ee Aksiib dhinaceeda ah,
Josh SomKQA 19:30  iyo Cummaah, iyo Afeeq, iyo Rexob, oo intaasu waa laba iyo labaatan magaalo iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 19:31  Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Aasheer u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba
Josh SomKQA 19:32  Oo saamigii lixaadna reer Naftaali buu u soo baxay sidii reerahoodii ahaayeen.
Josh SomKQA 19:33  Oo soohdintoodu waxay ka bilaabatay Xelef, tan iyo geedka ku yaal Sacananniim, iyo Adaamii Neqeb, iyo Yabne'eel, iyo ilaa Laquum; oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga Webi Urdun.
Josh SomKQA 19:34  Oo soohdintu waxay u leexatay xagga galbeed tan iyo Asnood Taaboor, oo halkaasna waxay ugu baxday xagga Xuqoq; oo waxay gaadhay ilaa xagga koonfureed oo Sebulun, oo haddana waxay gaadhay xagga galbeed oo Aasheer, iyo tan iyo reer Yahuudah oo Webi Urdun xagga qorraxdu ka soo baxdo ka xiga.
Josh SomKQA 19:35  Oo magaalooyinkii deyrka lahaa waxay ahaayeen Siddiim, iyo Seer, iyo Xammad, iyo Raqad, iyo Kinnered,
Josh SomKQA 19:38  iyo Yiroon, iyo Migdal Eel, iyo Xoreem, iyo Beytcanaad iyo Beytshemesh, waxay ahaayeen sagaal iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
Josh SomKQA 19:39  Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Naftaali u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinka iyo tuulooyinkooduba
Josh SomKQA 19:40  Oo saamigii toddobaadna wuxuu u soo baxay qabiilkii reer Daan sidii reerahoodii ahaayeen.
Josh SomKQA 19:41  Oo soohdintii ay dhaxalka u heleenna waxay ahayd Sorcaah, iyo Eshtaa'ool, iyo Ciir Shemesh,
Josh SomKQA 19:46  iyo Meey Yarqoon, iyo Raqoon, iyo soohdinta ka soo hor jeedda Yaafaa.
Josh SomKQA 19:47  Oo soohdintii reer Daan iyagay ka baxday, oo intay reer Daan tageen ayay la dirireen Leshem, oo way qabsadeen, oo dadkii degganaana waxay ku laayeen seef markaasay Leshem hantiyeen oo iska degeen, oo waxay u bixiyeen Daan, kaas oo ahaa magicii awowgood Daan.
Josh SomKQA 19:48  Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Daan u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.
Josh SomKQA 19:49  Sidaasay ku dhammeeyeen qaybintii dhulkii ay dhaxalka u qaybsanayeen siday soohdimihiisu ahaayeen, oo reer binu Israa'iil dhaxal bay Yashuuca ina Nuun dhexdooda ka siiyeen,
Josh SomKQA 19:50  oo sidii Rabbigu ku amray waxay isagii siiyeen magaaladii uu weyddiistay taasoo ahayd Timnad Serah oo ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim; markaasuu magaaladii dhistay oo dhex degay.
Josh SomKQA 19:51  Kuwanu waa qaybihii dhaxalka ahaa ee wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii reer binu Israa'iil qabiilooyinkoodii, ay saamiga ugu qaybiyeen Rabbiga hortiisa, iyagoo jooga Shiiloh, oo fadhiya teendhadii shirka iriddeeda. Wayna dhammeeyeen qaybintii dhulka.
Chapter 20
Josh SomKQA 20:1  Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,
Josh SomKQA 20:2  La hadal reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sooca magaalooyinkii magangalka oo aan idiinku sheegay Muuse,
Josh SomKQA 20:3  in gacankudhiiglihii qof dilaa, isagoo aan u kasayn oo aan badheedh u samayn, uu halkaas u cararo; oo waxay idiin noqonayaan meeshaad ka magan geli lahaydeen kan dhiigga ka aarsada.
Josh SomKQA 20:4  Oo magaalooyinkaas middood waa inuu u cararaa, oo waa inuu istaagaa iridda magaalada laga soo galo, oo xaalkiisa waa inuu u caddeeyaa odayaasha magaalada, oo iyana waa inay magaalada soo geliyaan, oo meel siiyaan inuu la degganaado.
Josh SomKQA 20:5  Oo haddii kan dhiigga ka aarsadaa uu soo eryado, markaas waa inaanay gacankudhiiglihii gacantiisa gelin, maxaa yeelay, kaasu wuxuu deriskiisa ku dilay kama' oo horena ma uu nebcaan jirin.
Josh SomKQA 20:6  Oo magaaladaas waa inuu degganaadaa ilaa uu xukun isu hor taago shirka, iyo ilaa uu ka dhinto wadaadka sare oo jiri doona waayahaas, oo markaas ka dib gacankudhiigluhu waa inuu noqdaa, oo waa inuu magaaladiisii yimaadaa, iyo gurigiisii, ilaa magaaladii uu markii hore ka cararay.
Josh SomKQA 20:7  Oo waxay sooceen Qedesh oo ku tiil Galili oo ah dalka buuraha leh oo reer Naftaali, iyo Shekem oo iyana ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyo Qiryad Arbac (oo ah Xebroon) ee ku tiil dalka buuraha leh oo reer Yahuudah.
Josh SomKQA 20:8  Oo Webi Urdun shishadiisa meel Yerixoo u dhow oo bari ka xigta waxay ka sooceen Beser oo ku tiil cidladii ku tiil bannaankii qabiilka reer Ruubeen, iyo Raamod oo ku tiil Gilecaad oo ay qabiilkii reer Gaad lahaayeen, iyo Goolaan oo ku tiil Baashaan oo ay qabiilkii reer Manaseh lahaayeen.
Josh SomKQA 20:9  Intaasu waa magaalooyinkii loo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, iyo qariibkii dhexdooda degganaa, in ku alla kii qof dilaa, isagoo aan u kasayn, uu halkaas ku carari karo inaanu ku dhiman gacanta kan dhiigga ka aarsada, ilaa uu hor istaago shirka.
Chapter 21
Josh SomKQA 21:1  Markaasaa madaxdii reer Laawi waxay u soo dhowaadeen wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii reer binu Israa'iil qabiilooyinkoodii.
Josh SomKQA 21:2  Wayna kula hadleen, iyagoo jooga Shiiloh oo ku taal dalkii reer Kancaan, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu noogu amray Muuse in nala siiyo magaalooyin aan degno iyo agagaarkoodii ay xoolahayagu daaqaan.
Josh SomKQA 21:3  Markaasaa reer binu Israa'iil waxay dhaxalkoodii reer Laawi ka siiyeen magaalooyinkaas iyo agagaarkooda sidii amarka Rabbigu ahaa.
Josh SomKQA 21:4  Markaasaa saami u soo baxay qolooyinkii reer Qohaad; oo reerkii wadaadkii Haaruun ahaa, kuwaasoo reer Laawi ka mid ahaa, waxay saami kaga heleen reer Yahuudah iyo reer Simecoon, iyo reer Benyaamiin saddex iyo toban magaalo.
Josh SomKQA 21:5  Oo reer Qohaad intoodii hadhay waxay saami kaga heleen qolooyinkii reer Efrayim, iyo reer Daan, iyo reer Manaseh badhkood toban magaalo.
Josh SomKQA 21:6  Oo reer Gershoonna waxay saami kaga heleen qolooyinkii reer Isaakaar, iyo reer Aasheer, iyo reer Naftaali, iyo reer Manaseh badhkoodii degganaa Baashaan saddex iyo toban magaalo.
Josh SomKQA 21:7  Oo reer Meraariina sidii ay reerahoodii ahaayeen waxay ka heleen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Sebulun laba iyo toban magaalo.
Josh SomKQA 21:8  Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkaas iyo agagaarkoodiiba waxay saami ku siiyeen reer Laawi sidii Rabbigu ku amray Muuse.
Josh SomKQA 21:9  Oo waxaa laga siiyey qabiilkii reer Yahuudah iyo qabiilkii reer Simecoon magaalooyinkan magacooda halkan lagu sheegayo.
Josh SomKQA 21:10  Oo waxaa iska lahaa reerkii Haaruun ee ahaa qolooyinkii reer Qohaad, kuwaasoo ka mid ahaa reer Laawi; maxaa yeelay, iyagaa saamiga hore lahaa.
Josh SomKQA 21:11  Oo waxaa la siiyey Qiryad Arbac, oo Arbacna wuxuu ahaa Canaaq aabbihiis (oo taasuna waa Xebroon), oo waxay ku tiil dalka buuraha leh ee reer Yahuudah, iyada iyo agagaarkeeda ku wareegsanba.
Josh SomKQA 21:12  Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxay siiyeen Kaaleeb ina Yefunneh inuu hanti ahaan u qaato.
Josh SomKQA 21:13  Oo wadaadkii Haaruun ahaa reerkiisii waxay siiyeen Xebroon iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Libnaah iyo agagaarkeedii,
Josh SomKQA 21:14  iyo Yatiir iyo agagaarkeedii, iyo Eshtemooca iyo agagaarkeedii,
Josh SomKQA 21:15  iyo Xolon iyo agagaarkeedii, iyo Debiir iyo agagaarkeedii,
Josh SomKQA 21:16  iyo Cayn iyo agagaarkeedii, iyo Yutaah iyo agagaarkeedii, iyo Beytshemesh iyo agagaarkeedii, oo labadaas qabiil waxay ka heleen sagaal magaalo.
Josh SomKQA 21:17  Oo qabiilkii reer Benyaamiinna waxay ka heleen Gibecoon iyo agagaarkeedii, iyo Geeraa iyo agagaarkeedii,
Josh SomKQA 21:18  iyo Canaatood iyo agagaarkeedii, intaasu waxay ahayd afar magaalo.
Josh SomKQA 21:19  Oo wadaadkii Haaruun ahaa reerkiisii magaalooyinkoodii oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii.
Josh SomKQA 21:20  Oo qolooyinkii reer Qohaad oo ahaa reer Laawi, xataa reer Qohaad intoodii hadhay, waxay magaalooyin saami uga heleen qabiilkii reer Efrayim.
Josh SomKQA 21:21  Oo waxay iyagii siiyeen Shekem iyo agagaarkeedii, oo waxay ku tiil dalka reer Efrayim oo buuraha leh, oo waxayna ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Geser iyo agagaarkeedii,
Josh SomKQA 21:22  iyo Qibsayim iyo agagaarkeedii, iyo Beytxooroon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
Josh SomKQA 21:23  Oo qabiilkii reer Daanna waxay ka heleen Elteqaah iyo agagaarkeedii, iyo Gibbetoon iyo agagaarkeedii,
Josh SomKQA 21:24  iyo Ayaaloon iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
Josh SomKQA 21:25  Oo qabiilkii reer Manaseh badhkiisna waxay ka heleen Tacanaag iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo.
Josh SomKQA 21:26  Oo qolooyinkii reer Qohaad intoodii hadhay magaalooyinkoodii oo dhammu waxay ahaayeen toban iyo agagaarkoodii.
Josh SomKQA 21:27  Oo reer Gershoon oo ahaa reer Laawi waxaa qabiilkii reer Manaseh badhkiis laga siiyey Goolaan, oo Baashaan ku dhex taal iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo weliba Beceshteraah iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo.
Josh SomKQA 21:28  Oo waxay qabiilkii reer Isaakaarna ka heleen Qiishyoon iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii,
Josh SomKQA 21:29  iyo Yarmuud iyo agagaarkeedii, iyo Ceyn Ganniim iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
Josh SomKQA 21:30  Oo waxay qabiilkii reer Aasheerna ka heleen Mishaal iyo agagaarkeedii, iyo Cabdoon iyo agagaarkeedii,
Josh SomKQA 21:31  iyo Xelqad iyo agagaarkeedii, iyo Rexob iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
Josh SomKQA 21:32  Oo waxay qabiilkii reer Naftaalina ka heleen Qedesh oo ku taal Galili iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Xammod Door iyo agagaarkeedii, iyo Qartaan iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd saddex magaalo.
Josh SomKQA 21:33  Oo magaalooyinkii reer Gershoon oo dhan, sidii qolooyinkoodu ahaayeen, saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii bay ahaayeen.
Josh SomKQA 21:34  Oo qolooyinkii reer Meraarii oo ahaa intii ka hadhay reer Laawi waxay qabiilkii reer Sebulun ka heleen Yoqnecaam iyo agagaarkeedii, iyo Qartaah iyo agagaarkeedii,
Josh SomKQA 21:35  iyo Dimnaah iyo agagaarkeedii, iyo Nahalaal iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
Josh SomKQA 21:36  Oo waxay qabiilkii reer Ruubeenna ka heleen Beser iyo agagaarkeedii, iyo Yahas iyo agagaarkeedii,
Josh SomKQA 21:37  iyo Qedemood iyo agagaarkeedii, iyo Mefacad iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.
Josh SomKQA 21:38  Oo waxay qabiilkii reer Gaadna ka heleen Raamod oo ku dhex taal Gilecaad iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii,
Josh SomKQA 21:39  iyo Xeshboon iyo agagaarkeedii, iyo Yaser iyo agagaarkeedii, oo intaasu dhammaantood waxay ahaayeen afar magaalo.
Josh SomKQA 21:40  Oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen magaalooyinkii qolooyinkii reer Meraarii iyo xataa reer Laawi intoodii hadhay, oo qaybtoodii waxay ahayd laba iyo toban magaalo.
Josh SomKQA 21:41  Oo reer Laawi magaalooyinkoodii ay qaybta u heleen ee ku dhex yiil dalkii hantida u ahaa reer binu Israa'iil kulligood waxay ahaayeen siddeed iyo afartan magaalo iyo agagaarkoodii.
Josh SomKQA 21:42  Magaalooyinkaas mid waluba waxay lahayd agagaarkeedii ku wareegsanaa; oo magaalooyinku dhammaantood sidaasay ahaayeen.
Josh SomKQA 21:43  Sidaasuu Rabbigu reer binu Israa'iil u siiyey dhulkii u awowayaashood ugu dhaartay inuu siiyo oo dhan, oo iyana way hantiyeen, wayna iska degeen.
Josh SomKQA 21:44  Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka nasiyey dadkii ku wareegsanaa, siduu awowayaashood ugu dhaartay oo dhan: oo nin cadaawayaashoodii oo dhan ka mid ihi hortooda isma taagin, oo Rabbigu cadaawayaashoodii oo dhan gacantuu u soo geliyey.
Josh SomKQA 21:45  Oo waxba kama baaqan innaba wixii wanaagsanaa oo Rabbigu u sheegay reer binu Israa'iil; laakiinse kulli way wada ahaadeen.
Chapter 22
Josh SomKQA 22:1  Markaasaa Yashuuca u yeedhay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis,
Josh SomKQA 22:2  oo wuxuu ku yidhi, Waad xajiseen kulli wixii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray, oo codkaygana waad dhegaysateen oo waad yeesheen kulli wixii aan idinku amray.
Josh SomKQA 22:3  Oo waagaas ilaa maantadan la joogo walaalihiin kama aydnaan tegin, laakiinse waad xajiseen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.
Josh SomKQA 22:4  Oo haatan Rabbiga Ilaahiinna ahu walaalihiin buu nasiyey, siduu markii hore kula hadlay; haddaba noqda, oo taga teendhooyinkiinnii, iyo dalkii hantida idiin ahaa, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa.
Josh SomKQA 22:5  Laakiinse aad iyo aad u dadaala inaad yeeshaan amarkii iyo sharcigii uu addoonkii Rabbiga ee Muuse ahaa idinku amray, kuwaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad ku socotaan jidadkiisa oo dhan, oo aad amarradiisa xajisaan, oo aad isaga aad u sii xajisataan, oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ugu adeegtaan.
Josh SomKQA 22:6  Markaasuu Yashuuca u duceeyey oo iska diray, oo iyana waxay tageen teendhooyinkoodii.
Josh SomKQA 22:7  Oo reer Manaseh badhkiis Muuse wuxuu dhaxal ka siiyey Baashaan dhexdeeda; laakiinse badhkii kale Yashuuca ayaa dal ka siiyey walaalahood dhexdooda meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga galbeed ka xigta. Oo weliba Yashuuca markuu iyagii iska diray, oo ay teendhooyinkoodii tageen, ayuu u duceeyey iyaga,
Josh SomKQA 22:8  oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi, Teendhooyinkiinnii kula noqda maal badan, iyo lo' aad u tiro badan, iyo lacag, iyo dahab, iyo naxaas, iyo bir, iyo dhar aad u badan; oo boolidii cadaawayaashiinna laga helay walaalihiin la qaybsada.
Josh SomKQA 22:9  Markaasaa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa noqday, oo ka tegey reer binu Israa'iil oo joogay Shiiloh taasoo ku taal dalkii Kancaan, inay u kacaan dalkii Gilecaad, kaasoo ahaa dalkii hantidooda ahaa, ee ay ku hantiyeen amarkii Rabbigu Muuse u soo dhiibay.
Josh SomKQA 22:10  Oo markay yimaadeen gobolkii u dhowaa Webi Urdun oo ku yaalay dalkii Kancaan ayay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis Webi Urdun agtiisa ka dhiseen meel allabari oo muuq weyn.
Josh SomKQA 22:11  Markaasaa reer binu Israa'iil waxay maqleen in la yidhi, Reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa meel allabari ka dhisay darafka dalka Kancaan, meeshaas oo ah gobolka u dhow Webi Urdun oo ah dinaca ay leeyihiin reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 22:12  Oo markii reer binu Israa'iil ay taas maqleen ayaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu ku ururay Shiiloh inay dagaal ugu baxaan iyaga.
Josh SomKQA 22:13  Oo reer binu Israa'iil waxay xagga reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad u direen Fiinexaas oo ahaa wiilkii wadaadkii ahaa Elecaasaar.
Josh SomKQA 22:14  Oo waxay isagii ku dareen toban amiir, oo amiirba wuxuu ka socday qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood, oo mid waluba wuxuu ahaa kii madaxda u ahaa reerahooda ku jira kumanyaalka reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 22:15  Markaasay u yimaadeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad, oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen,
Josh SomKQA 22:16  Shirkii Rabbiga oo dhammu sidan bay leeyihiin, Waa maxay xadgudubkan aad ku samayseen Ilaaha reer binu Israa'iil, idinkoo ka leexday inaad Rabbiga la socotaan, oo meel allabari dhistay, si aad maanta Rabbiga ugu caasiyowdaan?
Josh SomKQA 22:17  Miyuu nagu yar yahay dembigii Fecoor oo aannan iska nadiifin ilaa maantadan la joogo in kastoo ay belaayo ku soo degtay shirka Rabbiga,
Josh SomKQA 22:18  inaad maanta ka leexataan inaad Rabbiga la socotaan? Oo caasinimadii aad maanta Rabbiga ku caasiyowdeen aawadeed ayuu berrito ugu cadhoon doonaa shirka reer binu Israa'iil oo dhan.
Josh SomKQA 22:19  Habase yeeshee, haddii dalkii hantidiinna ahaa aanu nadiif ahayn, de markaas u soo gudba dalka Rabbiga hantidiisa ah, oo uu taambuuggii Rabbigu ku dhex jiro, oo nala qayb qaata; laakiinse Rabbiga ha ku caasiyoobina, oo annagana ha nagu caasiyoobina, oo ha dhisina meel allabari oo aan ahayn tii Rabbiga Ilaaheenna ah.
Josh SomKQA 22:20  Caakaan ina Serax miyaanu ku xadgudbin alaabtii la nidray, oo taas daraaddeed miyaan cadho ugu dhicin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan? Oo ninkaasu keligiis kuma uu dhiman dembigiisii.
Josh SomKQA 22:21  Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh badhkiis waxay u jawaabeen oo la hadleen kuwii madaxda u ahaa kumanyaalka reer binu Israa'iil, oo ku yidhaahdeen,
Josh SomKQA 22:22  Rabbiga ah Ilaaha ilaahyada, Rabbiga ah Ilaaha ilaahyadu wuu og yahay, oo reer binu Israa'iilna waa inuu ogaadaa, haddii taasu caasinimo tahay, ama xadgudub Rabbiga ka gees ah (maanta ha na badbaadin),
Josh SomKQA 22:23  iyo haddii aan meel allabari u dhisannay inaannu Rabbiga kaga leexanno, ama haddii aannu u dhisnay in lagu dul bixiyo qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, ama in lagu dul bixiyo allabari ah qurbaanno nabaadiino, sidaas hadday tahay, Rabbiga qudhiisu ha na weyddiiyo;
Josh SomKQA 22:24  oo haddii aannan taas u samaynin feejignaan iyo sabab aawadood, annagoo leh, Waa dambe carruurtiinnu waxay la hadli doonaan carruurtayada, oo waxay ku odhan doonaan, Maxaa idinka galay Rabbiga Ilaaha u ah reer binu Israa'iil?
Josh SomKQA 22:25  Waayo, Rabbigu wuxuu Webi Urdun ka dhigay soohdin inoo dhexaysa annaga iyo idinka, reer Ruubeen iyo reer Gaadow. Qayb kuma lihidin Rabbiga. Oo sidaasay carruurtiinnu carruurtayada uga joojin doonaan cabsida Rabbiga.
Josh SomKQA 22:26  Oo sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Haddaba aynu isu diyaarinno inaynu dhisanno meel allabari, oo aan lagu bixin qurbaan la gubo ama allabari,
Josh SomKQA 22:27  laakiinse waxay noqon doontaa markhaati inoo dhexeeya annaga iyo idinka, iyo farcankeenna inaga dambeeya, si aannu Rabbiga hortiisa ugu adeegno annagoo wadna qurbaannadayada la gubo, iyo allabaryadayada, iyo qurbaannadayada nabaadiinada, inaan carruurtiinnu waa dambe ku odhan carruurtayada, Qayb kuma lihidin Rabbiga.
Josh SomKQA 22:28  Sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Markay sidaas waa dambe inagu yidhaahdaan innaga ama farcankeenna, waxay noqon doontaa oo aannu ku odhan doonnaa, Bal eega, hannaankii meeshii allabariga oo Rabbiga, ee ay awowayaasheen dhiseen oo aan lagu bixin qurbaanno la gubo ama allabari, laakiinse waa markhaati inoo dhexeeya annaga iyo idinka.
Josh SomKQA 22:29  Ilaah ha naga fogeeyo inaannu Rabbiga ku caasiyowno, oo aannu ka leexanno lasocodkii Rabbiga, oo aannu meel allabari u dhisno qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, ama allabari, taasoo aan ahayn meeshii allabariga Rabbiga Ilaaheen ah ee ku hor taal taambuuggiisa.
Josh SomKQA 22:30  Oo wadaadkii Fiinexaas ahaa iyo amiirradii shirka, oo ahaa madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil oo isaga la socday, kolkay maqleen warkii ay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ku hadleen ayay aad ugu farxeen.
Josh SomKQA 22:31  Markaasaa wadaadkii ahaa Fiinexaas ina Elecaasaar wuxuu ku yidhi reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh, Maanta waannu og nahay in Rabbigu ina dhex joogo, maxaa yeelay, idinku xadgudubkan kuma aydnaan samayn Rabbiga. Haddaba idinku waxaad reer binu Israa'iil ka samatabbixiseen gacantii Rabbiga.
Josh SomKQA 22:32  Markaasaa wadaadkii ahaa Fiinexaas ina Elecaasaar, iyo amiirradii waxay ka noqdeen reer Ruubeen iyo reer Gaad oo joogay dalkii Gilecaad, oo waxay tageen dalkii reer Kancaan, oo reer binu Israa'iil ayay warkii u sheegeen.
Josh SomKQA 22:33  Oo reer binu Israa'iilna waa ku farxeen warkaas. Markaasaa reer binu Israa'iil Ilaah ammaaneen, oo mar dambena kuma ay hadlin inay dagaal ugu kacaan, oo ay baabbi'iyaan dalka ay reer Ruubeen iyo reer Gaad deggan yihiin.
Josh SomKQA 22:34  Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad waxay meeshii allabariga u bixiyeen Markhaati; waayo, waxay yidhaahdeen, Waa markhaati na dhex yaal in Rabbigu Ilaah yahay.
Chapter 23
Josh SomKQA 23:1  Maalmo badan dabadood, markii Rabbigu reer binu Israa'iil ka nasiyey cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, Yashuucana da' weynaa, gabowna la dhacay,
Josh SomKQA 23:2  ayaa Yashuuca u yeedhay reer binu Israa'iil oo dhan, iyo waayeelladoodii, iyo madaxdoodii, iyo xaakinnadoodii, iyo saraakiishoodii, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waan da' weynahay oo gabow baan la dhacay;
Josh SomKQA 23:3  oo idinkuna waad aragteen kulli wixii Rabbigu quruumahan oo dhan ku sameeyey idinka aawadiin; waayo, kan idiin diriray waa Rabbiga Ilaahiinna ah.
Josh SomKQA 23:4  Bal eega waan idiin qaybiyey quruumahan hadhay inay qabiilooyinkiinna dhaxal u ahaadaan, tan iyo Webi Urdun iyo kulli quruumihii aan gooyay, iyo xataa tan iyo xagga gabbalku u dhaco ee badda weyn.
Josh SomKQA 23:5  Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinnuu ka tuuri doonaa, oo idinka hor eryi doonaa, oo markaasaad dalkooda hantiyi doontaan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkula hadlay.
Josh SomKQA 23:6  Sidaas daraaddeed aad u dhiirranaada inaad xajisaan oo yeeshaan kulli waxa ku qoran kitaabkii sharcigii Muuse, iyo inaydnaan sharcigaas uga leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
Josh SomKQA 23:7  Oo iska jira inaydnaan quruumahaas dhex iman, kuwaasoo ah kuwa idinku dhex hadhay, oo magacyada ilaahyadoodana marnaba ha soo hadalqaadina, ninnana ha ku dhaaranina, hana u adeegina, hana u sujuudina kolnaba,
Josh SomKQA 23:8  laakiin Rabbiga Ilaahiinna ah aad u sii xajista sidaad ilaa maantadan la joogo yeesheen.
Josh SomKQA 23:9  Waayo, Rabbigu wuxuu hortiinna ka eryay quruumo waaweyn oo xoog badan; oo weliba idinka ninna idinma hor istaagin ilaa maantadan la joogo.
Josh SomKQA 23:10  Nin keliya oo idinka mid ahu kun buu eryi doonaa; waayo, kan idiin diriraa waa Rabbiga Ilaahiinna ah siduu idinkula hadlay.
Josh SomKQA 23:11  Haddaba isjira oo jeclaada Rabbiga Ilaahiinna ah.
Josh SomKQA 23:12  Haddaadse dib ugu noqotaan oo aad u xajisataan kuwa ka hadhay quruumahan, kuwaas oo ah kuwa idinku dhex hadhay, haddaad guursataan oo aad isdhex gashaan, oo iyana ay idin dhex galaan,
Josh SomKQA 23:13  markaas xaqiiq ahaan u ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu mar dambe quruumahaas hortiinna ka eryayn, laakiinse waxay idinku noqon doonaan siriq iyo dabin, oo markaasay dhinacyada idinka karbaashi doonaan, oo indhahana qodxan idinkaga mudi doonaan, ilaa aad ka baabba'daan dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey.
Josh SomKQA 23:14  Bal eega, maanta waxaan mari doonaa jidka dadka dhulka jooga oo dhan; idinkuna waad ku og tihiin qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan, inaan wax keliyuhu ka baaqan kulli wixii wanaagsanaa oo Rabbiga Ilaahiinna ahu xaggiinna kaga hadlay; laakiinse kulligood way idiin wada ahaadeen oo mid keliyuhu kama baaqan.
Josh SomKQA 23:15  Oo siday waxyaalihii wanaagsanaa idiinku soo wada degeen, kuwaasoo ahaa kuwii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkula hadlay, ayaa Rabbigu idiinku soo dejin doonaa waxyaalaha sharka ah oo dhan, ilaa uu idinka baabbi'iyo dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey.
Josh SomKQA 23:16  Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.
Chapter 24
Josh SomKQA 24:1  Markaasaa Yashuuca qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan ku soo ururshay Shekem, oo wuxuu u yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil, iyo madaxdoodii, iyo xaakinnadoodii, iyo saraakiishoodii, oo waxay kulligood ku soo urureen Ilaah hortiisa.
Josh SomKQA 24:2  Oo Yashuuca wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Awowayaashiin waxay waa hore degganaan jireen Webigii shishadiisa, oo waxaa ka mid ahaa Terax oo ahaa aabbihii Ibraahim iyo Naaxoor; waxayna u adeegi jireen ilaahyo kale.
Josh SomKQA 24:3  Markaasaan awowgiin Ibraahim ka soo kexeeyey Webiga shishadiisa, oo aan dhex mariyey dalka Kancaan oo dhan, oo farcankiisiina waan badiyey, oo waxaan siiyey Isxaaq.
Josh SomKQA 24:4  Isxaaqna waxaan siiyey Yacquub iyo Ceesaw; Ceesawna waxaan Buur Seciir u siiyey inuu hantiyo, oo Yacquub iyo carruurtiisiina waxay ku dhaadhaceen xagga dalka Masar.
Josh SomKQA 24:5  Oo markaasaan soo diray Muuse iyo Haaruun, oo Masarna belaayaan ku riday, sidii wixii aan dhexdooda ku sameeyey; oo dabadeedna waan idinka soo saaray.
Josh SomKQA 24:6  Oo awowayaashiin waxaan ka soo saaray Masar, oo markaasaad timaadeen badda; oo Masriyiintiina awowayaashiin ayay ku sii eryadeen gaadhifardood, iyo fardooley, ilaa ay yimaadeen Badda Cas.
Josh SomKQA 24:7  Oo markay Rabbiga u qayshadeen ayuu gudcur kala dhex dhigay idinka iyo Masriyiintii, oo badduu ku soo daayay oo ku daboolay; oo indhihiinnaad ku aragteen wixii aan ku sameeyey Masar; oo idinna maalmo badan ayaad cidlada degganaydeen.
Josh SomKQA 24:8  Oo markaasaan idin keenay dalkii reer Amor, kuwaasoo degganaa Webi Urdun shishadiisa, oo iyana way idinla dirireen; kolkaasaan gacanta idiin geliyey, oo dalkoodiina waad hantideen, iyagiina hortiinna waan ka baabbi'iyey.
Josh SomKQA 24:9  Dabadeedna waxaa kacay boqorkii Moo'aab oo ahaa Baalaaq ina Sifoor, oo wuxuu la diriray reer binu Israa'iil, markaasuu u yeedhay oo idiinku soo diray inuu idin habaaro Balcaam ina Becoor.
Josh SomKQA 24:10  Laakiinse anigu Balcaam ma aanan dhegaysan; sidaas daraaddeed weliba wuu idiin sii duceeyey; oo sidaasaan gacantiisii idiinka samatabbixiyey.
Josh SomKQA 24:11  Oo idinku waxaad ka soo gudubteen Webi Urdun oo aad timaadeen Yerixoo, oo dadkii reer Yerixoo way idinla dagaallameen, kuwaasu waxay ahaayeen reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo anna dhammaantood gacantaan idiin geliyey.
Josh SomKQA 24:12  Oo waxaan idinka hor mariyey xoonkii hortiinna ka eryay iyagii oo ahaa xataa labadii boqor oo reer Amor, oo kuwaas kuma aadan eryin seeftaada iyo qaansadaada toona.
Josh SomKQA 24:13  Oo waxaan idin siiyey dal aydnaan u hawshoon, iyo magaalooyin aydnaan dhisan, oo waad iska dhex degtaan, oo waxaad ka cuntaan canab iyo saytuun aydnaan beeran.
Josh SomKQA 24:14  Haddaba Rabbiga ka cabsada, oo daacad iyo run ugu adeega; oo iska fogeeya ilaahyadii awowayaashiin ugu adeegi jireen Webiga shishadiisa, iyo dalka Masar dhexdiisa, oo idinku waxaad u adeegtaan Rabbiga.
Josh SomKQA 24:15  Oo hadday shar idinla tahay inaad Rabbiga u adeegtaan, haddaba maanta doorta kii aad u adeegi doontaan, ama ha noqoto ilaahyadii awowayaashiin ugu adeegi jireen Webiga shishadiisa, ama ilaahyada reer Amor, kuwaas oo aad dalkoodii deggan tihiin; laakiinse aniga iyo reerkayguba waxaannu u adeegi doonaa Rabbiga.
Josh SomKQA 24:16  Kolkaasaa dadkii waxay ugu jawaabeen, Ilaah ha naga fogeeyo inaannu Rabbiga ka tagno oo aannu u adeegno ilaahyo kale;
Josh SomKQA 24:17  waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa kii innaga iyo awowayaasheenba inaga soo saaray dalkii Masar oo ahaa gurigii addoonsiga, oo isagu waa kii calaamooyinkaas waaweyn ku sameeyey horteenna oo inagu dhawrayay jidkii aan soo marnay oo dhan, oo inaga samatabbixiyey dadkii aynu soo dhex soconnay oo dhan.
Josh SomKQA 24:18  Oo Rabbigu wuxuu horteenna ka eryay dadkii oo dhan, iyo xataa reer Amor oo dalka degganaa; oo sidaas daraaddeed annaguna waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga, maxaa yeelay, isagu waa Ilaahayo.
Josh SomKQA 24:19  Markaasaa Yashuuca wuxuu dadkii ku yidhi, Rabbiga uma aad adeegi kartaan; waayo, isagu waa Ilaah quduus ah; oo waa Ilaah masayr ah, oo isagu idinkama cafiyi doono xadgudubkiinna iyo dembiyadiinna toona.
Josh SomKQA 24:20  Oo markuu wax wanaagsan idiin sameeyo dabadeed, haddaad Rabbiga ka tagtaan, oo aad u adeegtaan ilaahyo qalaad, de markaas wuu soo jeesan doonaa oo wax xun buu idinku samayn doonaa, oo wuu idin baabbi'in doonaa.
Josh SomKQA 24:21  Markaasaa dadkii waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Maya; laakiinse annagu Rabbiga waannu u adeegi doonnaa.
Josh SomKQA 24:22  Yashuucana wuxuu dadkii ku yidhi, Idinka qudhiinnaa isku marag furaya inaad doorateen Rabbiga oo aad isaga u adeegaysaan. Kolkaasay yidhaahdeen, Annagaa ka marag ah.
Josh SomKQA 24:23  Kolkaasuu yidhi, Haddaba iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo qalbigiinna u jeediya Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 24:24  Markaasaa dadkii waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga Ilaahayaga ah, oo weliba codkiisaannu maqli doonnaa.
Josh SomKQA 24:25  Taas daraaddeed maalintaas ayaa Yashuuca dadkii axdi la dhigtay, oo Shekem buu ugu dejiyey qaynuun iyo amar.
Josh SomKQA 24:26  Markaasaa Yashuuca erayadan ku qoray kitaabkii sharcigii Ilaah; oo dhagax weyn buu qaaday, oo wuxuu hoos qotonshay geedkii ku ag yiil taambuugga quduuskaa oo Rabbiga.
Josh SomKQA 24:27  Yashuucana wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Bal ogaada, dhagaxanaa inagu marag furi doonee; waayo, wuxuu maqlay erayadii Rabbiga oo uu inagula hadlay oo dhan; sidaas daraaddeed wuxuu idinku noqon doonaa marag, si aydnaan Ilaahiinna u inkirin.
Josh SomKQA 24:28  Markaasaa Yashuuca dadkii kala diray oo nin waluba wuxuu tegey dalkii dhaxalkiisa ahaa.
Josh SomKQA 24:29  Oo taas dabadeed addoonkii Rabbiga oo ahaa Yashuuca ina Nuun ayaa dhintay, isagoo jira boqol iyo toban sannadood.
Josh SomKQA 24:30  Oo waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Serah oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash.
Josh SomKQA 24:31  Reer binu Israa'iilna Rabbigay u adeegi jireen waagii Yashuuca oo dhan, iyo waagii odayaashii ka nolol dambeeyey Yashuuca oo dhan, kuwaas oo ogaa kulli shuqulkii Rabbigu u sameeyey reer binu Israa'iil.
Josh SomKQA 24:32  Oo lafihii Yuusuf oo reer binu Israa'iil ka soo saareen Masar, waxay ku aaseen Shekem taasoo ah dhulkii yaraa oo Yacquub ka iibsaday reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis oo uu ka siistay boqol gogo' oo lacag ah; oo meeshaasu waxay dhaxal u noqotay reer Yuusuf.
Josh SomKQA 24:33  Oo Elecaasaar ina Haaruunna wuu dhintay, oo waxay isna ku aaseen buurtii wiilkiisa Fiinexaas oo isaga laga siiyey dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.