Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
I SAMUEL
Up
Chapter 1
I Sa SomKQA 1:1  Waxaa jiray nin reer Raamaatayim Soofiim ahaa oo degganaa dalkii buuraha lahaa ee reer Efrayim, magiciisana waxaa la odhan jiray Elqaanaah, oo wuxuu ahaa ina Yeroxaam, ina Eliihuu, ina Toohuu, ina Suuf, wuxuuna ahaa reer Efraad;
I Sa SomKQA 1:2  oo wuxuu lahaa laba naagood, middood magaceeda waxaa la odhan jiray Xannaah, tan kale magaceeduna wuxuu ahaa Feninnaah. Feninnaah carruur bay lahayd, laakiinse Xannaah carruur ma lahayn.
I Sa SomKQA 1:3  Oo ninkaasu sannad ka sannad wuxuu ka bixi jiray magaaladiisa, oo wuxuu u tegi jiray inuu Rabbiga Ciidammada Shiiloh ku caabudo oo allabari u bixiyo. Oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas, ee Rabbiga wadaaddo u ahaana halkaasay joogeen.
I Sa SomKQA 1:4  Oo Elqaanaah maalintii uu allabariga bixiyey ayuu qayb siiyey naagtiisii Feninnaah iyo wiilasheedii iyo gabdhaheedii oo dhan,
I Sa SomKQA 1:5  laakiinse Xannaah wuxuu siiyey qayb labanlaab ah; maxaa yeelay, Xannaah wuu jeclaa, laakiinse Rabbigaa maxalkeedii xidhay.
I Sa SomKQA 1:6  Tii dhibi jirtay ayaa aad uga cadhaysiisay, si ay uga xanaajiso, maxaa yeelay, Rabbigaa maxalkeedii xidhay.
I Sa SomKQA 1:7  Oo intuu saas yeelayay sannad ka sannad, markii ay gurigii Rabbiga tagtay, ayay ka xanaajisay iyadii, taas daraaddeed way ooyday, oo waxba ma ay cunin.
I Sa SomKQA 1:8  Markaasaa ninkeedii Elqaanaah wuxuu iyadii ku yidhi, Xannaah, maxaad u ooyaysaa? Oo maxaad wax u cuni weyday? Oo maxaa qalbigaagu u xumaaday? Miyaanan anigu toban wiil kaaga wanaagsanayn?
I Sa SomKQA 1:9  Saas aawadeed Xannaah way kacday markii ay Shiiloh wax ku cuneen oo ay wax cabbeen dabadeed. Haddaba wadaadkii Ceelii ahaa wuxuu ku fadhiistay kursigiisii oo ag yiil macbudka Ilaah tiirkiisa.
I Sa SomKQA 1:10  Iyadu aad bay u murugootay, oo intay ooyday ayay Rabbiga bariday.
I Sa SomKQA 1:11  Markaasay nidar nidartay, oo waxay tidhi, Rabbiga Ciidammadow, haddaad fiirisid dhibta aan anoo addoontaada ah qabo, oo aad i soo xusuusatid, ee aadan i illoobin anoo addoontaada ah, laakiinse aad i siiso wiil, de markaas cimrigiisa oo dhan waan ku siinayaa, Rabbiyow, oo madaxiisana mandiil lama marin doono.
I Sa SomKQA 1:12  Oo intii ay Rabbiga hortiisa ku baryootamaysay ayuu Ceelii fiiriyey afkeedii.
I Sa SomKQA 1:13  Haddaba Xannaah waxay ka hadlaysay qalbigeeda, oo bushimaheeda keliya ayaa dhaqdhaqaaqayay, laakiinse codkeedii lama maqlin; sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu mooday inay sakhraantay.
I Sa SomKQA 1:14  Markaasaa Ceelii wuxuu iyadii ku yidhi, Ilaa gormaad sakhraamaysaa? Khamrigaaga iska fogee.
I Sa SomKQA 1:15  Markaasaa Xannaah u jawaabtay oo ku tidhi, Maya, sayidkaygiiyow, ee waxaan ahay naag ruuxeedu murugaysan yahay, oo ma aanan cabbin khamri iyo wax lagu sakhraamo toona, laakiinse naftaydaan Rabbiga ku baryayaa.
I Sa SomKQA 1:16  Anoo addoontaada ah ha igu tirin gabadh xun; waayo, welwelkayga iyo xanaaqayga batay aawadood ayaan ilaa haatan u hadlayay.
I Sa SomKQA 1:17  Markaasaa Ceelii u jawaabay oo yidhi, Nabad ku tag, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ha ku siiyo baryadaadii aad weyddiisatay.
I Sa SomKQA 1:18  Markaasay tidhi, Anoo addoontaada ah naxariis aan kaa helo. Sidaas daraaddeed naagtii way iska tagtay, oo wax bay cuntay, oo wejigeeduna mar dambe ma murugsanayn.
I Sa SomKQA 1:19  Markaasay aroor hore kaceen, oo Rabbiga caabudeen, dabadeedna way noqdeen, oo yimaadeen gurigoodii Raamaah ku yiil; markaasaa Elqaanaah u tegey naagtiisii Xannaah; oo Rabbiguna iyadii wuu xusuustay.
I Sa SomKQA 1:20  Oo markii wakhtigii la gaadhay ayay Xannaah uuraysatay, oo ay wiil dhashay; oo magiciisiina waxay u bixisay Samuu'eel, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, isagaan Rabbiga weyddiistay.
I Sa SomKQA 1:21  Markaasaa ninkii Elqaanaah ahaa, iyo reerkiisii oo dhammuba waxay u tageen inay Rabbiga u bixiyaan allabarigii sannad walba joogtada u ahaa iyo nidarkiisii.
I Sa SomKQA 1:22  Laakiinse Xannaah ma ay tegin, waayo, waxay ninkeedii ku tidhi, Anigu tegi maayo ilaa wiilka naaska laga gudhiyo, dabadeedna waan keeni doonaa inuu Rabbiga hortiisa ka muuqdo, oo uu halkaas joogo weligiisba.
I Sa SomKQA 1:23  Markaasaa ninkeedii Elqaanaah ku yidhi, Wixii kula wanaagsan yeel; oo iska joog ilaa aad naaska ka gudhisid, laakiinse Rabbigu eraygiisa ha adkeeyo. Sidaas aawadeed naagtii way iska joogtay oo wiilkii bay nuujisay ilaa ay naaskii ka gudhisay.
I Sa SomKQA 1:24  Oo markay isagii naaska ka gudhisay ayay qaadatay oo la tagtay isagii, iyo saddex dibi, iyo eefaah bur ah, iyo qarbed khamri ah, oo waxay isagii keentay gurigii Rabbiga ee Shiiloh ku yiil, oo wiilkuna wuu yaraa.
I Sa SomKQA 1:25  Markaasay dibi qaleen, oo wiilkiina waxay u keeneen Ceelii.
I Sa SomKQA 1:26  Kolkaasay tidhi, Sayidkaygiiyow, waxaan ku dhaaranayaa naftaada nool, Sayidkaygiiyow, waxaan ahay naagtii halkan ku soo ag istaagtay, iyadoo Rabbiga baryaysa.
I Sa SomKQA 1:27  Waxaan ka baryay wiilkan, oo Rabbigu waa i siiyey baryadaydii aan weyddiistay isaga,
I Sa SomKQA 1:28  sidaas daraaddeed waxaan isaga siiyey Rabbiga, oo intuu nool yahay oo dhan waxaa leh oo la siiyey Rabbiga. Oo isna halkaasuu Rabbiga ku caabuday.
Chapter 2
I Sa SomKQA 2:1  Markaasaa Xannaah tukatay oo waxay tidhi: Qalbigaygu Ilaah buu ku faraxsan yahay, Geeskaygana Rabbigu kor buu u qaaday. Afkayguna wuxuu u faanaa cadaawayaashayda, Maxaa yeelay, waxaan ku reyreeyaa badbaadintaada.
I Sa SomKQA 2:2  Mid quduus ahu sida Rabbiga ma jiro, Waayo, adiga mooyee mid kale ma jiro, Oo dhagax weyn oo Ilaahayaga la mid ahuna ma jiro.
I Sa SomKQA 2:3  Hadal dambe oo saas u kibir badan ha ku hadlina; Afkiinna yaanu kibir ka soo bixin; Waayo, Rabbigu waa Ilaah wax walba yaqaan, Falimahana isagaa miisaama.
I Sa SomKQA 2:4  Raggii xoogga badnaa qaansooyinkoodii waa jajaban yihiin, Oo kuwii kufkufayayna itaal bay guntan yihiin.
I Sa SomKQA 2:5  Kuwii dhergi jiray waxay naftooda u kiraysteen kibis aawadeed. Kuwii gaajaysnaana way gaajo baxeen, Oo madhashadiina waxay dhashay toddoba, Oo tii carruur badan lahaydna way taag gabtay.
I Sa SomKQA 2:6  Rabbigu wax buu dilaa, wuuna soo nooleeyaa; Qabriguu wax geliyaa, wuuna ka soo bixiyaa.
I Sa SomKQA 2:7  Rabbigu isagaa wax masaakiin ka dhiga, isagaana taajir ka dhiga. Wuu hoosaysiiyaa, wuuna sarraysiiyaa haddana.
I Sa SomKQA 2:8  Oo miskiinka ciidduu ka kiciyaa, Oo ka baahanna tuulmada digada ayuu kor uga qaadaa, Si uu amiirrada ula fadhiisiyo, Oo ay carshiga ammaanta u dhaxlaan; Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh, Oo dunidana iyaguu saaray.
I Sa SomKQA 2:9  Kuwiisa quduuska ah cagahooda isagaa dhawri doona, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu aamusiin doonaa gudcur dhexdiis; Waayo, ninna xoog kuma adkaan doono.
I Sa SomKQA 2:10  Kuwa Rabbiga la dirira waa la kala jejebin doonaa; Oo iyaga samaduu kaga soo onkodi doonaa, Rabbigu wuxuu xukumi doonaa darfaha dunida; Oo wuxuu xoog u yeeli doonaa boqorkiisa, Oo wuxuu sarraysiin doonaa geeska kiisa subkan.
I Sa SomKQA 2:11  Markaasaa Elqaanaah wuxuu tegey Raamaah iyo xaggii gurigiisii. Oo wiilkiina wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray wadaadkii Ceelii hortiisa.
I Sa SomKQA 2:12  Haddaba Ceelii wiilashiisii waxay ahaayeen wiilal waxmatarayaal ah, oo Rabbiga ma ay aqoon.
I Sa SomKQA 2:13  Haddaba caadadii wadaaddadu dadka la lahaayeen waxay ahayd, in markii nin uun allabari bixiyo uu midiidinka wadaadku iman jiray, inta hilibka la karinayo, isagoo gacanta ku sita hilibqabato saddex farood leh,
I Sa SomKQA 2:14  oo wuxuu ku dhex mudi jiray daawihii, ama kidhligii, ama digsigii, ama dherigii, oo kulli wixii qabatadu ay soo qaaddoba wadaadku wuu qaadan jiray. Oo saasay reer binu Israa'iilkii Shiiloh yimid oo dhan ku sameeyeen.
I Sa SomKQA 2:15  Oo weliba intaan baruurta la gubin ayaa midiidinkii wadaadku iman jiray, oo wuxuu ku odhan jiray ninkii alla baryayay, Hilib wadaadka loo dubo keen, waayo, isagu kaa dooni maayo hilib karsan, mid ceedhin ah mooyaane.
I Sa SomKQA 2:16  Oo haddii ninku ku yidhaahdo, Marka hore baruurta hubaal waa la gubayaa, dabadeedse intii naftaadu jeceshahay qaado; markaas wuxuu ku odhan jiray, Maya, saas ma aha, laakiinse haatan i sii, haddii kalese, xoog baan ku qaadan doonaa.
I Sa SomKQA 2:17  Oo raggii dhallinyarada ahaa dembigoodii aad buu ugu weynaa Rabbiga hortiisa; waayo, raggii waxay quudhsan jireen qurbaankii Rabbiga.
I Sa SomKQA 2:18  Laakiinse Samuu'eel wuxuu ka adeegi jiray Rabbiga hortiisa, isagoo wiil yar ah, ee guntan eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.
I Sa SomKQA 2:19  Oo weliba hooyadiisna waxay u samayn jirtay khamiis yar, oo sannad ka sannad ayay u keeni jirtay, markay ninkeeda soo raacdo inay bixiyaan allabarigii sannadda.
I Sa SomKQA 2:20  Oo Ceeliina waa u duceeyey Elqaanaah iyo afadiisiiba, oo wuxuu ku yidhi, Daynkii Rabbiga la siiyey aawadiis Rabbigu naagtan farcan ha kaa siiyo. Oo iyana waxay tageen xaggii gurigoodii.
I Sa SomKQA 2:21  Oo Rabbigu waa soo booqday Xannaah, oo way uuraysatay, oo waxay dhashay saddex wiil iyo laba gabdhood. Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu ku koray Rabbiga hortiisa.
I Sa SomKQA 2:22  Oo Ceeliina aad buu u gaboobay; oo wuxuuna maqlay wixii ay wiilashiisu reer binu Israa'iil oo dhan ku sameeyeen, iyo inay la seexdeen dumarkii ka adeegi jiray iridda teendhada shirka.
I Sa SomKQA 2:23  Markaasuu wuxuu ku yidhi iyagii, War maxaad waxyaalaha caynkaas ah u samaysaan? Waayo, waxaan dadkan oo dhan ka maqlay macaamilooyinkiinna xunxun.
I Sa SomKQA 2:24  Maya, wiilashaydiiyow, waayo, warkaan maqlay ma wanaagsana, maxaa yeelay, idinku dadka Rabbiga waad xadgudbisaan.
I Sa SomKQA 2:25  Haddii nin mid kale ku dembaabo, Ilaah baa isaga xukumi doona, laakiinse nin hadduu Rabbiga ku dembaabo, bal yaa isaga u baryootami doona? Laakiinse iyagu ma ay dhegaysan codkii aabbahood, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu doonayay inuu dilo iyaga.
I Sa SomKQA 2:26  Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuu sii koray, oo Rabbiga iyo dadkuba raalli bay ka ahaayeen.
I Sa SomKQA 2:27  Markaasaa Ceelii waxaa u yimid nin Ilaah, oo wuxuu ku yidhi isagii, Sidanaa Rabbigu leeyahay, Reerkii aabbahaa miyaan isu muujiyey markay Masar joogeen oo ay ku hoos jireen addoonsigii reerkii Fircoon?
I Sa SomKQA 2:28  Oo miyaan isaga ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan inuu wadaad ii noqdo, iyo inuu ku allabaryo meeshayda allabariga, iyo inuu uunsi shido, iyo inuu hortayda eefod ku xidho? Oo miyaan reerkii aabbahaa siiyey qurbaannadii reer binu Israa'iil oo dhan ee dab lagu sameeyo?
I Sa SomKQA 2:29  War maxaad u quudhsataan allabarigayga iyo qurbaankayga aan ku dhex amray rugtayda; oo maxaad wiilashaada iiga murwad badisaa, ee aad naftiinna ugu cayilisaan dadkayga reer binu Israa'iil qurbaannadooda oo dhan inta ugu wanaagsan?
I Sa SomKQA 2:30  Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idhi, Hubaal reerkaaga iyo reerka aabbahaaba hortayday ku socon doonaan weligood. Laakiinse haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Taasu ha iga fogaato, waayo, kuwa i murweeya waan murwayn doonaa, oo kuwa i quudhsadana waa la fududaysan doonaa.
I Sa SomKQA 2:31  Bal eeg, waxaa iman doona wakhtigii aan gooyn lahaa gacantaada iyo gacanta reerka aabbahaaba si aan reerkaaga nin da' weyn looga helin.
I Sa SomKQA 2:32  Oo waxaad arki doontaa dhibaatada rugtayda markii Ilaah reer binu Israa'iil maal siiyo, oo reerkaaguna nin da' weyn ma yeelan doono weligiisba.
I Sa SomKQA 2:33  Oo haddii la helo nin kaa ah ee aanan meeshayda allabariga ka gooyn, kaasu indhahaaguu gubi doonaa oo qalbigaaguu murugayn doonaa, oo dadkii reerkaaga ka dhashaana dhallinyaronimada ayay ku dhiman doonaan dhammaantood.
I Sa SomKQA 2:34  Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamo, waana waxa ku dhici doona labadaada wiil ee ah Hofnii iyo Fiinexaas, oo labadooduba isku maalin bay dhiman doonaan.
I Sa SomKQA 2:35  Oo anigu waxaan kicin doonaa wadaad aamin ah kaasoo samayn doona waxa ku jira qalbigayga iyo maankayga; oo anna waxaan isaga u dhisi doonaa reer ammaan ah, oo isna weligiis wuxuu ku hor socon doonaa kayga subkan.
I Sa SomKQA 2:36  Oo waxaa dhici doona in kuwa reerkaaga ka hadha oo dhammu ay u iman doonaan oo ku hor dhici doonaan isaga, iyagoo ka tuugaya gogo' lacag ah iyo xabbad kibis ah, oo waxay ku odhan doonaan, Waan ku baryayaaye, hawsha wadaaddada middood i sii si aan u cuno xabbad kibis ah.
Chapter 3
I Sa SomKQA 3:1  Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray Ceelii hortiisa. Oo wakhtigaasna erayga Rabbigu wax aan marar badan la helin buu ahaa, oo muuqasho bayaan ahna lama muujin.
I Sa SomKQA 3:2  Oo wakhtigaas markii Ceelii jiifsaday meeshiisii, (haddaba indhihiisii way arag darnaayeen oo waxba ma uu arki karin)
I Sa SomKQA 3:3  oo laambaddii Ilaahna aan weli la demin, oo Samuu'eelna jiifsaday macbudkii Rabbiga, kaasoo ah meeshii sanduuqa Ilaah yiil,
I Sa SomKQA 3:4  ayaa Rabbigu Samuu'eel u yeedhay, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan.
I Sa SomKQA 3:5  Markaasuu Ceelii ku orday, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Kolkaasuu yidhi, Anigu kuuma aan yeedhin, ee iska jiifso. Markaasuu tegey oo jiifsaday.
I Sa SomKQA 3:6  Markaasaa Rabbigu haddana u yeedhay oo yidhi, Samuu'eelow. Kolkaasaa Samuu'eel kacay oo Ceelii u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Wiilkaygiiyow, kuuma aan yeedhin ee iska jiifso.
I Sa SomKQA 3:7  Haddaba Samuu'eel weli ma uu aqoon Rabbiga, oo welina erayga Rabbiga looma muujin isaga.
I Sa SomKQA 3:8  Oo haddana Rabbigu wuxuu Samuu'eel u yeedhay mar saddexaad. Oo isna wuu kacay oo u tegey Ceelii, wuxuuna ku yidhi, Waa i kan; waayo, waad ii yeedhay. Oo Ceeliina markaasuu gartay in Rabbigu u yeedhay yarka.
I Sa SomKQA 3:9  Sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Tag oo iska jiifso, oo waxay ahaan doontaa, hadduu kuu yeedho inaad ku tidhaahdid, Rabbiyow ila hadal, waayo anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye. Sidaas aawadeed Samuu'eel waa tegey oo meeshiisuu jiifsaday.
I Sa SomKQA 3:10  Markaasaa Rabbigu u yimid, oo ag istaagay, oo sidii mararkii kale ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Samuu'eelow, Samuu'eelow. Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Ila hadal, waayo, anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye.
I Sa SomKQA 3:11  Markaasaa Rabbigu Samuu'eel ku yidhi, Bal eeg, waxaan reer binu Israa'iil ku dhex samaynayaa wax ku alla kii maqlaaba uu ka nixi doono.
I Sa SomKQA 3:12  Oo maalintaas waxaan Ceelii ku samayn doonaa kulli wixii aan reerkiisa kaga hadlay oo dhan, ilaa bilowgii iyo xataa dhammaadka.
I Sa SomKQA 3:13  Waayo, waxaan isaga u sheegay inaan reerkiisa weligiis u xukumayo dembigii uu ogaa, maxaa yeelay, wiilashiisii inkaar bay isku rideen, oo isna kama uu joojin iyagii.
I Sa SomKQA 3:14  Sidaas daraaddeed waxaan reerka Ceelii ugu dhaartay inaan reerka Ceelii weligiis dembigiisa lagu nadiifin doonin allabari amase qurbaan.
I Sa SomKQA 3:15  Markaasaa Samuu'eel iska jiifsaday ilaa subaxdii, oo dabadeedna wuxuu furay gurigii Rabbiga albaabbadiisii. Oo Samuu'eelna waa ka cabsaday inuu Ceelii muujintii u sheego.
I Sa SomKQA 3:16  Markaasaa Ceelii Samuu'eel u yeedhay, oo ku yidhi, Wiilkaygii Samuu'eelow, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan.
I Sa SomKQA 3:17  Markaasuu ku yidhi, Waxa Rabbigu kuu sheegay waa maxay? Waan ku baryayaaye, ha iga qarin. Ilaah ha kugu sameeyo waxaas iyo wax ka sii daranba, haddii aad iga qarisid innaba wixii uu kuu sheegay oo dhan.
I Sa SomKQA 3:18  Oo Samuu'eelna wuu u sheegay wax kasta, oo waxba kama uu qarin innaba. Markaasuu yidhi, Isagu waa Rabbiga, ee ha sameeyo wixii la wanaagsan isaga.
I Sa SomKQA 3:19  Oo Samuu'eelna wuu koray, Rabbiguna waa la jiray isaga, oo uma oggolaan in erayadiisii midna dhulka ku dhaco.
I Sa SomKQA 3:20  Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac way wada ogaayeen in Samuu'eel loo adkeeyey inuu ahaado Rabbiga nebigiis.
I Sa SomKQA 3:21  Oo Rabbigu haddana mar kale ayuu ka muuqday Shiiloh, waayo, Rabbiga ayaa eraygiisii isugu muujiyey Samuu'eel oo Shiiloh jooga.
Chapter 4
I Sa SomKQA 4:1  Oo hadalkii Samuu'eelna wuxuu soo gaadhay reer binu Israa'iil oo dhan. Oo reer binu Israa'iilna waxay u soo baxeen inay reer Falastiin la diriraan, oo waxay soo ag degeen Ebenceser; reer Falastiinna waxay soo degeen Afeeq.
I Sa SomKQA 4:2  Oo reer Falastiinna waxay weerar isugu soo diyaariyeen reer binu Israa'iil; oo markii ay dagaalkii isugu yimaadeenna reer binu Israa'iil waa la jebiyey reer Falastiin hortooda; oo waxay ciidankii berrinka joogay ka laayeen afar kun oo nin.
I Sa SomKQA 4:3  Oo markay dadkii xeradii yimaadeen ayay odayaashii reer binu Israa'iil yidhaahdeen, Maanta maxaa Rabbigu inoogu laayay reer Falastiin hortooda? Haddaba sanduuqii axdiga Rabbiga aynu Shiiloh ka soo qaadanno oo dhexdeenna ha yimaado, inuu inaga badbaadiyo gacanta cadaawayaasheenna.
I Sa SomKQA 4:4  Sidaas daraaddeed dadkii waxay u cid direen Shiiloh, oo waxay halkaas ka keeneen sanduuqii axdiga Rabbiga Ciidammada oo ku fadhiya Keruubiimta dushooda, oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana halkaasay la joogeen sanduuqa axdiga Ilaah.
I Sa SomKQA 4:5  Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu soo galay xeradii ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku qayliyeen qaylo weyn ee dhulku la gariiray.
I Sa SomKQA 4:6  Oo reer Falastiinna markay maqleen dhawaaqii qaylada ayay yidhaahdeen, Dhawaaqa qaylada weyn ee xeradii Cibraaniyadii ka baxaya micnihiisu waa maxay? Markaasay garteen inuu sanduuqii Rabbigu xeradii dhex yimid.
I Sa SomKQA 4:7  Oo reer Falastiinna way cabsadeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaah baa xeradii soo galay. Oo haddana waxay yidhaahdeen, Hoog baa inagu dhacay! Waayo, hadda ka hor waxan oo kale lama arag.
I Sa SomKQA 4:8  Hoog baa inagu dhacaye! Bal yaa inaga samatabbixin doona ilaahyadan xoogga weyn gacantooda? Kuwanu waa ilaahyadii Masriyiinta ku laayay cidlada ee ku soo daayay belaayooyin cayn kasta ah.
I Sa SomKQA 4:9  Reer Falastiinow, xoog yeesha, oo raganimo isgeliya, yeydnan Cibraaniyada addoommo u noqone, sidii ay idiinku ahaayeen oo kale. Haddaba raganimo isgeliya oo dirira.
I Sa SomKQA 4:10  Markaasay reer Falastiin dirireen, reer binu Israa'iilna waa la jebiyey, oo midkood waliba wuxuu ku cararay teendhadiisii. Oo maalintaas waxaa la laayay dad aad u badan; waayo, reer binu Israa'iil waxaa ka le'day soddon kun oo nin oo lug ah.
I Sa SomKQA 4:11  Oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay; oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaasna waa la dilay.
I Sa SomKQA 4:12  Oo ciidankii waxaa ka orday nin reer Benyaamiin ah, oo isla maalintiiba wuxuu yimid Shiiloh isagoo dharkiisu jeexjeexan yahay, oo madaxana ciid ku leh.
I Sa SomKQA 4:13  Oo markuu yimid, bal eeg, Ceelii wuxuu ku fadhiyey kursigiisii waddada dhankeeda yiil, isagoo wax fiirinaya; waayo, qalbigiisu wuxuu u dhibbanaa sanduuqii Ilaah aawadiis. Oo markii ninkii soo galay magaaladii, oo uu u warramay, ayaa magaaladii oo dhammu qaylisay.
I Sa SomKQA 4:14  Oo Ceeliina markuu maqlay dhawaaqii qaylada ayuu yidhi, Buuqan sawaxankiisu waa maxay micnihiisu? Markaasaa ninkii intuu soo dhaqsaday ayuu Ceelii u yimid oo u warramay.
I Sa SomKQA 4:15  Ceeliina wuxuu jiray siddeed iyo sagaashan sannadood, oo indhihiisuna dem bay ahaayeen oo waxba ma uu arki karin.
I Sa SomKQA 4:16  Oo ninkii wuxuu Ceelii ku yidhi, Anigu waxaan ahay kii ciidankii ka soo baxay, oo maantaan ciidankii ka soo cararay. Markaasuu yidhi, Wiilkaygiiyow, sidee bay xaaladdu u dhacday?
I Sa SomKQA 4:17  Oo kii warka keenay waa jawaabay oo yidhi, Reer binu Israa'iil way ka carareen reer Falastiin, oo dad badan baa la laayay, oo labadaadii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana way dhinteen, oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay.
I Sa SomKQA 4:18  Oo markuu sanduuqii Ilaah wax uga sheegay, ayuu Ceelii dib uga dhacay kursigiisii iridda ag yiil, markaasuu qoorta ka jabay oo dhintay, waayo, wuxuu ahaa nin da' weyn oo culus. Oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumi jiray afartan sannadood.
I Sa SomKQA 4:19  Oo gabadhii uu soddogga u ahaa ee Fiinexaas qabay, uur bay lahayd oo fool bay ku dhowayd; oo markay maqashay warkii ahaa in sanduuqii Ilaah la qaatay, oo ay soddoggeed iyo ninkeediiba dhinteen ayay foororsatay oo umushay; waayo, haddiiba fool baa qabatay.
I Sa SomKQA 4:20  Oo markay sakaraadaysay ayay naagihii agteeda taagnaa ku yidhaahdeen, Ha baqin, waayo, waxaad dhashay wiil. Laakiinse uma ay jawaabin, oo danna kama gelin.
I Sa SomKQA 4:21  Oo iyana waxay wiilkii u bixisay Iikabood, oo tidhi, Reer binu Israa'iil ammaantii way ka tagtay; maxaa yeelay, sanduuqii Ilaah waa la qaatay, oo weliba soddoggeed iyo ninkeediiba way dhinteen.
I Sa SomKQA 4:22  Oo waxay tidhi, Reer binu Israa'iil ammaantii way ka tagtay; maxaa yeelay, sanduuqii Ilaah waa la qaatay.
Chapter 5
I Sa SomKQA 5:1  Haddaba reer Falastiin way qaateen sanduuqii Ilaah, oo waxay ka keeneen Ebenceser, oo geeyeen Ashdood.
I Sa SomKQA 5:2  Markaasay reer Falastiin sanduuqii Ilaah qaateen, oo intay geliyeen gurigii Daagoon ayay ag qotomiyeen Daagoon.
I Sa SomKQA 5:3  Oo maalintii dambe markii kuwii reer Ashdood aroor hore kaceen waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa. Markaasay Daagoon qaadeen oo meeshiisii qotomiyeen.
I Sa SomKQA 5:4  Oo haddana markay subaxdii dambe aroor hore kaceen, waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa; oo Daagoon madaxiisii iyo labadiisii gacmoodba way ka go'naayeen oo waxay ku dhaceen marinka, oo Daagoon waxaa u hadhay gumudkii oo keliya.
I Sa SomKQA 5:5  Taas aawadeed Daagoon wadaaddadiisii, ama dad kaleto oo Daagoon gurigiisa soo galaba, midna kuma joogsado marinkii guriga Daagoon oo Ashdood ku yiil ilaa maantadan la joogo.
I Sa SomKQA 5:6  Laakiinse gacantii Rabbigu way ku cuslayd reer Ashdood, wuuna baabbi'iyey iyagii, oo wuxuu kasoobaxyo ku soo daayay Ashdood iyo xuduudkeeda oo dhanba.
I Sa SomKQA 5:7  Oo dadkii reer Ashdood markay arkeen inay saas tahay ayay yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waa inaanu ina dhex oollin; waayo, gacantiisii aad bay inoogu adag tahay, innaga iyo ilaaheenna Daagoonba.
I Sa SomKQA 5:8  Sidaas daraaddeed waxay u cid dirteen oo soo urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, War maxaynu ku samaynaa sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil ha lagu soo wareejiyo Gad. Oo iyana sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil halkaasay ku soo wareejiyeen.
I Sa SomKQA 5:9  Oo sidaasay ahaatay markii ay qaadeen dabadeed inay gacantii Rabbigu gees ka ahayd magaaladii, oo wuxuu ku riday naxdin weyn; oo dadkii magaaladana wax buu ku dhuftay yar iyo weynba, oo kulligoodna kasoobaxyo ayaa ka soo wada baxay.
I Sa SomKQA 5:10  Sidaas daraaddeed waxay sanduuqii Ilaah u direen xagga Ceqroon. Oo markii sanduuqii Ilaah Ceqroon yimid ayay reer Ceqroon wada qayliyeen, oo yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waxay inoogu keeneen inay ina laayaan innaga iyo dadkeennaba.
I Sa SomKQA 5:11  Sidaas daraaddeed way u cid dirteen oo soo wada urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil inaga fogeeya, oo iska daaya, meeshiisii haddana ha tagee, oo innaga iyo dadkeennaba yuu ina layne; waayo, magaalada waxaa kulligeed ku dhex jiray naxdinta dhimashada, oo halkaasna gacanta Ilaah waa ku cuslayd.
I Sa SomKQA 5:12  Oo dadkii aan dhimanna waxaa lagu dhuftay kasoobaxyo, oo magaalada qayladeediina waxay u baxday xagga samada.
Chapter 6
I Sa SomKQA 6:1  Oo sanduuqii Rabbiguna wuxuu waddankii reer Falastiin yiil toddoba bilood.
I Sa SomKQA 6:2  Markaas reer Falastiin waxay u yeedheen wadaaddadii iyo kuwii wax sheegi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Rabbiga maxaannu ku samaynaa? Bal noo sheega waxaannu ugu dirno meeshiisii.
I Sa SomKQA 6:3  Kolkaasay iyana waxay yidhaahdeen, Haddaad diraysaan sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil, isagoo madhan ha dirina; laakiinse si walba qurbaan xadgudub u celiya; oo dabadeedna waad bogsan doontaan, oo waxaad ogaan doontaan sababta gacantiisu idinkaga dhaqaaqi weyday.
I Sa SomKQA 6:4  Oo markaasay yidhaahdeen, Qurbaanka xadgudubka ee aannu u celin doonaa muxuu noqon doonaa? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Madaxda reer Falastiin inta tiradoodu tahay oo dhammu ha bixiyeen shan kasoobax oo dahab ah, iyo shan jiir oo dahab ah; waayo, idinka iyo madaxdiinnaba isku belaayaa idinku wada dhacday.
I Sa SomKQA 6:5  Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad samaysaan kasoobaxyadiinnii taswiirtooda, iyo jiirarkii dalkiinna kharribay taswiirtood; oo waa inaad ammaantaan Ilaaha reer binu Israa'iil; waayo, waxaa suurtowda inuu gacantiisa idinka qaado, idinka, iyo ilaahyadiinna, iyo dalkiinnaba.
I Sa SomKQA 6:6  Haddaba maxaad qalbiyadiinna ugu adkaynaysaan sidii Masriyiintii iyo Fircoon qalbiyadooda u adkeeyeen oo kale? Oo markii uu cajaa'ibka weyn dhexdooda ku sameeyey, miyaanay dadkii sii dayn inay tagaan oo miyaanay ambabbixin?
I Sa SomKQA 6:7  Haddaba sidaas daraaddeed qaata oo diyaariya gaadhi cusub, iyo laba sac oo irmaan ee aan weligood harqood la saarin, oo sacaha gaadhiga ku xidha, weylahoodana ka soo celiya oo guriga keena;
I Sa SomKQA 6:8  markaas qaada sanduuqa Rabbiga oo saara gaadhiga, oo dahabka aad ugu celinaysaan qurbaankii xadgudubka aawadiisna intaad sanduuq ku riddaan dhinaciisa saara, oo markaas iska dira ha tagee.
I Sa SomKQA 6:9  Oo bal eega, haddii uu aado xagga xuduudkiisa iyo ilaa Beytshemesh, de markaas isagaa xumaantan weyn inagu sameeyey; haddii kalese waxaannu ogaanaynaa inaanay gacantiisii ahayn waxa ina laayay, ee uu ahaa wax iskaga keen dhacay.
I Sa SomKQA 6:10  Oo dadkiina sidii bay yeeleen, oo waxay soo wateen laba sac oo irmaan, oo waxay ku xidheen gaadhigii, oo weylahoodiina waxay ku xereeyeen guriga;
I Sa SomKQA 6:11  oo sanduuqii Rabbiga iyo sanduuqii ay ku jireen jiirarkii dahabka ahaa iyo taswiirtii kasoobaxyada waxay saareen gaadhigii.
I Sa SomKQA 6:12  Sacihiina waxay qaadeen jidkii toosnaa oo Beytshemesh, oo waxay tageen xagga jidkii weynaa iyagoo sii bunaaxinaya intii ay sii socdeen, oo midig iyo bidix toona uma ay leexan, oo madaxdii reer Falastiinna way daba socdeen ilaa soohdintii Beytshemesh.
I Sa SomKQA 6:13  Oo kuwii reer Beytshemeshna waxay dooxada ka goosanayeen sarreenkoodii; oo intay indhahoodii kor u qaadeen ayay arkeen sanduuqii, oo way ku reyreeyeen inay arkaan.
I Sa SomKQA 6:14  Oo gaadhigiina wuxuu soo galay beertii Yashuuca kii reer Beytshemesh, oo wuxuu istaagay meel dhagax weynu ku yiil; oo intay qoryihii gaadhiga jeexjeexeen ayay sacihiina Rabbiga ugu bixiyeen qurbaan la gubo aawadiis.
I Sa SomKQA 6:15  Markaasay kuwii reer Laawi soo dejiyeen sanduuqii Rabbiga, iyo sanduuqii isaga la jirayba ee alaabta dahabka ahu ku jirtay, oo waxay kor saareen dhagaxii weynaa; oo isla maalintaas ayaa dadkii reer Beytshemesh Rabbiga u bixiyeen qurbaanno la gubo iyo allabaryo.
I Sa SomKQA 6:16  Oo shantii madaxda ahayd oo reer Falastiinna markay arkeen ayay isla maalintaas Ceqroon ku noqdeen.
I Sa SomKQA 6:17  Oo kuwanu waa kasoobaxyadii dahabka ahaa ee reer Falastiin Rabbiga ugu celiyeen qurbaan xadgudub aawadiis; Ashdood aawadeed mid baa loo celiyey, Gaasa aawadeedna mid, Ashqeloon aawadeedna mid, Gad aawadeedna mid, Ceqroon aawadeedna mid;
I Sa SomKQA 6:18  oo jiirarkii dahabka ahaana waxay tiro le'ekaayeen magaalooyinkii reer Falastiin oo shantii madaxda ahayd lahaayeen oo dhan, oo waa laga wada bixiyey magaalooyinkii deyrka lahaa iyo tuulooyinkii duurka ku yiilba iyo ilaa xataa dhagaxii weynaa ee ay dul saareen sanduuqii Rabbiga, kaasoo xataa ilaa maantadan la joogo dhex yaal beertii Yashuuca kii reer Beytshemesh.
I Sa SomKQA 6:19  Oo isna wuu laayay dadkii Beytshemesh, maxaa yeelay, waxay dhugteen sanduuqii Rabbiga gudihiisa, oo wuxuu dadkii ka laayay konton kun iyo toddobaatan nin, oo dadkiina way baroorteen, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu laayay dad aad u badan.
I Sa SomKQA 6:20  Markaasaa dadkii Beytshemesh waxay yidhaahdeen, Bal yaa awooda inuu hor istaago Rabbiga ah Ilaahan quduuska ah? Oo bal yuu nooga tegayaa?
I Sa SomKQA 6:21  Oo waxay wargeeysyo u direen dadkii degganaa Qiryad Yecaariim, oo waxayna ku yidhaahdeen, Reer Falastiin haddana way soo celiyeen sanduuqii Rabbiga, haddaba idinku kaalaya oo qaata.
Chapter 7
I Sa SomKQA 7:1  Markaasaa waxaa yimid dadkii reer Qiryad Yecaariim, oo waxay qaateen sanduuqii Rabbiga, oo waxay soo geliyeen gurigii Abiinaadaab ee buurta ku yiil, oo waxay quduus ka dhigeen wiilkiisii Elecaasaar inuu hayo sanduuqii Rabbiga.
I Sa SomKQA 7:2  Oo ilaa maalintii sanduuqu yiil Qiryad Yecaariim wakhtigu waa dheeraa, maxaa yeelay, waxay ahayd labaatan sannadood, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga ayay ka daba barooran jireen.
I Sa SomKQA 7:3  Markaasaa Samuu'eel wuxuu la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigiinna oo dhan Rabbiga ugu soo noqotaan, de haddaba dhexdiinna ka fogeeya ilaahyada qalaad iyo Cashtarod, oo qalbiyadiinna u diyaariya Rabbiga oo keligiis u adeega; oo isna wuu idinka samatabbixin doonaa gacanta reer Falastiin.
I Sa SomKQA 7:4  Markaasaa reer binu Israa'iil iska fogeeyeen Bacaliim iyo Cashtarod, oo waxay u adeegeen Rabbiga keliya.
I Sa SomKQA 7:5  Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil oo dhan Misfaah ku soo wada ururiya, oo anna Rabbigaan idiin baryayaa.
I Sa SomKQA 7:6  Markaasay dhammaantood Misfaah ku soo wada urureen, oo intay biyo soo dhaamiyeen ayay Rabbiga hortiisa ku shubeen, oo maalintaasna way soomeen, oo waxay halkaas ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu ku dembaabnay Rabbiga. Oo Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil ku xukumi jiray Misfaah.
I Sa SomKQA 7:7  Oo reer Falastiinna markay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah ku urursan yihiin ayaa madaxdii reer Falastiin u kaceen inay ku soo duulaan reer binu Israa'iil. Oo reer binu Israa'iilna markay taas maqleen ayay aad uga cabsadeen reer Falastiin.
I Sa SomKQA 7:8  Oo reer binu Israa'iilna waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Ha joojin inaad noo baridid Rabbiga Ilaaheenna ahu inuu naga badbaadiyo gacanta reer Falastiin.
I Sa SomKQA 7:9  Markaasaa Samuu'eel soo kaxaystay wan yar oo caanonuug ah oo wuxuu Rabbiga ugu bixiyey allabari la gubo dhammaantiis; markaasaa Samuu'eel Rabbiga u baryay reer binu Israa'iil aawadood; oo Rabbiguna wuu ka aqbalay Samuu'eel.
I Sa SomKQA 7:10  Oo intii Samuu'eel allabariga la gubo bixinayay ayaa reer Falastiin soo dhowaadeen inay la diriraan reer binu Israa'iil; laakiinse Rabbigu maalintaas wuxuu reer Falastiin ku soo daayay onkod weyn, wuuna baabbi'iyey, oo reer binu Israa'iil hortooday ku jabeen.
I Sa SomKQA 7:11  Kolkaasay raggii reer binu Israa'iil intay Misfaah ka soo baxeen reer Falastiin eryadeen, wayna laynayeen ilaa ay Beytkaar hoosteeda yimaadeen.
I Sa SomKQA 7:12  Markaasaa Samuu'eel dhagax qaaday oo qotomiyey Misfaah iyo Sheen dhexdooda, oo wuxuu magiciisiina u bixiyey Ebenceser, oo yidhi, Ilaa haatan Rabbigu waa ina caawiyey.
I Sa SomKQA 7:13  Sidaas daraaddeed reer Falastiin waa la hoosaysiiyey, oo mar dambena sooma ay gelin xuduudkii reer binu Israa'iil; oo intii Samuu'eel noolaa oo dhan gacanta Rabbigu gees bay ka ahayd reer Falastiin.
I Sa SomKQA 7:14  Oo magaalooyinkii reer Falastiin ay ka qabsadeen reer binu Israa'iil waa loo soo celiyey reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen Ceqroon iyo xataa tan iyo Gad; oo xuduudkeedii reer binu Israa'iil waa kala soo baxeen gacantii reer Falastiin. Oo reer binu Israa'iil iyo reer Amorna nabad baa u dhexaysay.
I Sa SomKQA 7:15  Oo Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil xukumi jiray intuu noolaa oo dhan.
I Sa SomKQA 7:16  Oo sannad kastaba wuxuu ku soo wareegi jiray Beytel, iyo Gilgaal, iyo Misfaah, oo meelahaas oo dhanna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray.
I Sa SomKQA 7:17  Oo wuxuu ku noqon jiray Raamaah, waayo, halkaasuu gurigiisu ahaa, oo halkaasna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray; oo halkaasna wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari.
Chapter 8
I Sa SomKQA 8:1  Oo markii Samuu'eel gaboobay ayuu wiilashiisii xaakinno uga dhigay reer binu Israa'iil.
I Sa SomKQA 8:2  Oo wiilkiisa curadka ahaa magiciisu wuxuu ahaa Yoo'eel, wiilkiisii labaadna magiciisu wuxuu ahaa Abiiyaah; oo waxay xaakinno ka ahaayeen Bi'ir Shebac.
I Sa SomKQA 8:3  Oo wiilashiisiina kuma ay socon jidadkiisii, laakiinse waxay u leexdeen si ay faa'iido u helaan, oo intay laaluush qaateen ayay gartii qalloociyeen.
I Sa SomKQA 8:4  Markaasaa odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu isa soo urursadeen, oo Samuu'eel ugu yimaadeen Raamaah;
I Sa SomKQA 8:5  oo waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, waad gabowday, oo wiilashaaduna kuma socdaan jidadkaagii; haddaba noo yeel boqor na xukuma sida quruumaha kale oo dhan.
I Sa SomKQA 8:6  Laakiinse waxaasu Samuu'eel way la xumaayeen, markii ay ku yidhaahdeen, Na sii boqor na xukuma. Markaasaa Samuu'eel Rabbiga baryay.
I Sa SomKQA 8:7  Oo Rabbiguna wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Bal dhegayso codka dadka iyo kulli waxa ay ku leeyihiin oo dhan, waayo, adiga kuma ay diidin, laakiinse anay i diideen, inaanan iyaga u ahaan boqor.
I Sa SomKQA 8:8  Siday hore u yeeleen tan iyo maalintii aan ka soo bixiyey Masar iyo ilaa maantadan, taasoo ahayd inay iga tageen, oo ilaahyo kale u adeegeen, saasay adigana kugu samaynayaan.
I Sa SomKQA 8:9  Haddaba sidaas daraaddeed bal codkooda dhegayso, habase yeeshee waa inaad aad ugu markhaati furtaa, oo waa inaad u sheegtaa boqorka xukumi doona siduu ahaan doono.
I Sa SomKQA 8:10  Oo Samuu'eelna wuxuu erayadii Rabbiga oo dhan u sheegay dadkii boqorka weyddiistay.
I Sa SomKQA 8:11  Markaasuu wuxuu ku yidhi, Boqorka idin xukumayaa wuxuu ahaanayaa sidan: wuxuu idinka qaadan doonaa wiilashiinna, oo wuxuu ka dhigan doonaa kuwa gaadhifardoodka u wada, iyo fardooleydiisa, oo iyana waxay hor ordi doonaan gaadhifardoodkiisa.
I Sa SomKQA 8:12  Haddana wuxuu iyaga ka dhigan doonaa saraakiil kun kun u sarreeya iyo saraakiil konton konton u sarreeya, oo qaarna beerihiisay u fali doonaan, oo u gooyn doonaan, oo waxay u samayn doonaan alaabta dagaalka, iyo alaabta gaadhifardoodkiisa.
I Sa SomKQA 8:13  Oo gabdhihiinnana wuu idinka qaadan doonaa oo wuxuu ka dhigan doonaa kuwo uunsiga sameeya, iyo kuwo cuntada kariya, iyo kuwo kibista duba.
I Sa SomKQA 8:14  Oo wuxuu idinka qaadan doonaa beerihiinna, iyo beerihiinna canabka ah, iyo beerihiinna saytuunka ah, iyo xataa meelaha ugu wada wanaagsan, oo wuxuu siin doonaa midiidinnadiisa.
I Sa SomKQA 8:15  Oo wuxuu idinka qaadan doonaa iniinihiinna toban meelood oo meel iyo beerihiinna canabka ah, markaasuu siin doonaa saraakiishiisa, iyo midiidinnadiisa.
I Sa SomKQA 8:16  Oo haddana wuxuu idinka qaadan doonaa raggiinna addoommada idiin ah, iyo gabdhaha addoommaha idiin ah, iyo dhallinyaradiinna ragga ugu wanaagsan, iyo dameerihiinna, markaasuu ku shaqaysan doonaa.
I Sa SomKQA 8:17  Oo wuxuu idinka qaadan doonaa adhigiinna toban meelood oo meel, oo idinna waxaad noqon doontaan addoommadiisa.
I Sa SomKQA 8:18  Oo maalintaas waxaad ka qaylin doontaan boqorkiinna aad idinku doorateen oo Rabbiguna idiin jawaabi maayo maalintaas.
I Sa SomKQA 8:19  Laakiinse dadkii way diideen inay dhegaystaan Samuu'eel codkiisii, oo waxay yidhaahdeen, Maya, laakiinse waxaannu yeelanaynaa boqor noo taliya;
I Sa SomKQA 8:20  si aannu ula mid noqonno quruumaha kale oo dhan; oo uu boqorkayagu noogu taliyo, oo uu noo hor kaco oo noo dagaallamo wakhtiga dirirta.
I Sa SomKQA 8:21  Oo Samuu'eelna wuu maqlay erayadii dadka oo dhan, oo haddana wuxuu maqashiiyey dhegihii Rabbiga.
I Sa SomKQA 8:22  Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Codkooda maqal oo boqor u yeel iyaga. Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii reer binu Israa'iil ku yidhi, Taga oo ninkiin waluba magaaladiisii ha tago.
Chapter 9
I Sa SomKQA 9:1  Haddaba waxaa jiray nin reer Benyaamiin ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Qiish, oo wuxuu ahaa ina Abii'eel, ina Seroor, ina Bekoorad, ina Afiyax, oo reer Benyaamiin ah, kaasoo ahaa nin xoog leh oo geesi ah.
I Sa SomKQA 9:2  Oo isna wuxuu lahaa wiil la yidhaahdo Saa'uul, oo ahaa nin dhallinyar oo wanaagsan. Oo reer binu Israa'iilna kuma jirin qof isaga ka wanaagsan. Garbihiisa iyo waxa ka sarreeyaaba way ka dheeraayeen dadka kale oo dhan.
I Sa SomKQA 9:3  Qiish oo ahaa Saa'uul aabbihiis ayaa dameerihiisii ka lumeen. Markaasaa Qiish wuxuu wiilkiisii Saa'uul ku yidhi, midiidinnada midkood kaxee, oo kac, oo dameerihii doondoon.
I Sa SomKQA 9:4  Markaasuu dhex maray dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo haddana wuxuu dhex maray dalkii reer Shaalishaah, laakiinse dameerihii ma ay helin. Markaasay haddana dhex mareen dalkii reer Shacaliim, oo halkaasna ma ay joogin. Oo haddana wuxuu dhex maray dalkii reer Benyaamiin, laakiinse halkaasna kama ay helin.
I Sa SomKQA 9:5  Oo markay yimaadeen dalkii reer Suuf, Saa'uul wuxuu midiidinkiisii la socday ku yidhi, Ina keen aan noqonnee, waayo, waaba intaasoo aabbahay dameerihii ka hawo go'aa oo innaga inaga fikiraaye.
I Sa SomKQA 9:6  Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal eeg, magaaladan waxaa jooga nin Ilaah, oo isna waxaa weeyaan nin aad loo ciseeyo, oo wax alla wixii uu yidhaahdaaba run bay noqdaan, haddaba bal ina keen aynu u tagnee; mindhaa wax waa inooga sheegi karaa jidka aan mari doonno.
I Sa SomKQA 9:7  Markaasaa Saa'uul wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, War haddaynu u tagno maxaan u geeynaa ninka? Waayo, kibistii weelasheenna waa ka dhammaatay, oo ma hayno hadiyad aan u geeyno ninka Ilaah. Bal maxaynu haysannaa?
I Sa SomKQA 9:8  Markaasaa midiidinkii mar kale u jawaabay Saa'uul, oo ku yidhi, Bal eeg, gacanta waxaan ku hayaa rubuc sheqel lacag ah, haddaba kaasaan ninka Ilaah siinayaa inuu jidkeenna inoo sheego aawadeed.
I Sa SomKQA 9:9  (Waagii hore reer binu Israa'iil dhexdooda markii nin Ilaah wax weyddiisanayo, sidan buu odhan jiray, Ina keena aan wax arkaha u tagnee, waayo, haatan kan la yidhaahdo, Nebi, waagii hore waxaa la odhan jiray, Wax arke.)
I Sa SomKQA 9:10  Markaasaa Saa'uul wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Wax wanaagsan baad tidhi, haddaba ina keen aan tagnee. Sidaas daraaddeed waxay galeen magaaladii ninka Ilaah joogay.
I Sa SomKQA 9:11  Oo markay soo fuulayeen jiirtii magaalada waxay la kulmeen gabdho aroor u soo baxaya, kolkaasay ku yidhaahdeen, Wax arkihii halkan ma joogaa?
I Sa SomKQA 9:12  Oo markaasay ugu jawaabeen, Wuu joogaa, oo wuu idinka horreeyaa, haddaba dhaqsada, waayo, isagu maantuu magaalada yimid, maxaa yeelay, dadku maantay allabari ku bixinayaan meesha sare.
I Sa SomKQA 9:13  Oo markaad magaalada gashaan, isla markaasba waad helaysaan isaga intuusan meesha sare tegin inuu wax ku cuno, waayo, dadku wax cuni maayaan ilaa uu yimaado, maxaa yeelay, isagaa allabariga ku duceeya; dabadeedna kuwii loo yeedhay way cunaan. Haddaba sidaas daraaddeed kaca, waayo, hadda waad helaysaan isagii.
I Sa SomKQA 9:14  Markaasay magaaladii u kaceen, oo markay magaaladii soo galeen, bal eeg, waxaa iyagii ka soo hor baxay Samuu'eel oo u socda meeshii sare.
I Sa SomKQA 9:15  Haddaba Rabbigu wax buu Samuu'eel u muujiyey maalin ka horraysay intaan Saa'uul iman, oo wuxuu ku yidhi,
I Sa SomKQA 9:16  Berri haddaa oo kale waxaan kuu soo dirayaa nin ka yimid dalka reer Benyaamiin, haddaba waa inaad isaga subagtaa inuu amiir u ahaado dadkayga reer binu Israa'iil, oo isna wuxuu dadkayga ka badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin, waayo, anigu waxaan soo dhugtay dadkayga, maxaa yeelay, oohintoodii baa i soo gaadhay.
I Sa SomKQA 9:17  Oo Samuu'eelna wuxuu arkay Saa'uul, Rabbiguna wuxuu isaga ku yidhi, Bal eeg, waa kaas ninkii aan kuu sheegay! Kan qudhiisa ayaa dadkayga u talin doona.
I Sa SomKQA 9:18  Markaasaa Saa'uul u soo dhowaaday Samuu'eel oo iridda jooga, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg wax arkaha gurigiisu meeshuu yahay.
I Sa SomKQA 9:19  Oo Samuu'eelna wuu u jawaabay Saa'uul oo ku yidhi, Wax arkuhu waa aniga, meesha sare hortay taga, waayo, idinku maanta anigaad wax ila cunaysaan, oo subaxdiina waan ku dirayaa, oo kulli waxa qalbigaaga ku jira oo dhanna waan kuu sheegi doonaa.
I Sa SomKQA 9:20  Oo dameerahaaga saddex maalmood hortood kaa lumayna ha ka fikirin innaba, waayo, waa la helay. Bal yaa reer binu Israa'iil dhexdooda laga wada jeclaadaa? Sow ma aha adiga iyo reerka aabbahaa oo dhanba?
I Sa SomKQA 9:21  Markaasaa Saa'uul u jawaabay oo ku yidhi, War sow anigu ma ahi reer Benyaamiin oo u wada yar qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo weliba jilibkaygu sow ugama sii yara qabiilka reer Benyaamiin jilibyadiisa? Haddaba maxaad sidan iigula hadlaysaa?
I Sa SomKQA 9:22  Markaasaa Samuu'eel wuxuu kexeeyey Saa'uul iyo midiidinkiisii, oo wuxuu keenay qolkii martida, wuxuuna fadhiisiyey kuwii loo yeedhay dhexdooda meeshii ugu wacnayd, oo kuwii loo yeedhayna waxay ahaayeen in soddon qof ku dhow.
I Sa SomKQA 9:23  Markaasaa Samuu'eel wuxuu cuntokariyihii ku yidhi, Qaybtii aan kuu dhiibay ee aan kugu idhi, Adigu ii hay, bal la kaalay.
I Sa SomKQA 9:24  Markaasaa cuntokariyihii wuxuu soo qaaday garabkii iyo wixii ku yiilba, oo wuxuu hor dhigay Saa'uul. Oo Samuu'eelna wuxuu yidhi, Bal eeg wixii laguu kaydiyey, haddaba hortaada dhigo oo cun, waayo, waa laguu hayay ilaa wakhtigii la qawimay, oo anigu waxaan idhi, Dadka waan marti qaaday. Markaasuu Saa'uul maalintaas wax la cunay Samuu'eel.
I Sa SomKQA 9:25  Oo markay ka soo degeen meeshii sare, oo ay magaaladii soo galeen, wuxuu Saa'uul kula sheekaystay guri dushiis.
I Sa SomKQA 9:26  Oo waxay kaceen aroor hore, oo markii waagu soo kaahay, Samuu'eel ayaa Saa'uul gurigii dushiisa uga yeedhay, oo ku yidhi, Kac aan ku diree. Markaasaa Saa'uul kacay, oo isaga iyo Samuu'eelba dibadday u baxeen.
I Sa SomKQA 9:27  Oo markay ka sii dhaadhacayeen magaalada darafkeeda, Samuu'eel ayaa Saa'uul ku yidhi, Midiidinka u sheeg inuu inaga sii hor maro, (markaasuu isna ka hor maray,) laakiinse adigu istaag haatan, aan erayga Ilaah ku maqashiiyee.
Chapter 10
I Sa SomKQA 10:1  Markaasaa Samuu'eel wuxuu qaaday weel saliid ah, kolkaasuu madaxiisii ku shubay, oo intuu dhunkaday ayuu yidhi, Sow Rabbigu kuuma subkin inaad amiir u ahaatid dhaxalkiisa?
I Sa SomKQA 10:2  Maanta markaad iga tagto, waxaad laba nin ka heli doontaa qabriga Raaxeel agtiisa, kaasoo ku yaal soohdinta reer Benyaamiinka Selsax ku jira, oo waxay kugu odhan doonaan, Dameerihii aad soo doontay waa la helay, oo bal eeg, aabbahaa dameerihii wuu ka dan baxay, oo adiga aawadaa buu ka fikirayaa, oo wuxuu yidhi, Maxaan wiilkaygii u sameeyaa?
I Sa SomKQA 10:3  Oo halkaasna waad ka sii socon doontaa oo waxaad iman doontaa geedka Taaboor, oo halkaasna waxaad kula kulmi doontaa saddex nin oo u socota xagga Ilaah iyo ilaa Beytel; mid wuxuu sidaa saddex orgi oo yaryar, mid kalena wuxuu sidaa saddex xabbadood oo kibis ah, kan kalena wuxuu sidaa sibraar khamri ah.
I Sa SomKQA 10:4  Way ku salaami doonaan, oo waxay ku siin doonaan laba xabbadood oo kibis ah, oo aad gacantooda ka guddoomi doonto.
I Sa SomKQA 10:5  Oo taas dabadeedna waxaad iman doontaa buurta Ilaah, meeshaasoo ay joogaan ciidankii Falastiin, oo waxay noqon doontaa markaad magaalada timaadid inaad la kulmi doonto guuto nebiyo ah ee ka soo degaysa meesha sare iyagoo horta ku sita shareerad, iyo daf, iyo biibiile, iyo kataarad, oo iyana wax bay sii sheegi doonaan.
I Sa SomKQA 10:6  Markaasaa Ruuxa Ilaah si xoog leh kuugu soo degi doonaa, oo markaasaad iyaga wax la sii sheegi doontaa, oo waxaad u beddelmi doontaa nin kale.
I Sa SomKQA 10:7  Haddaba markii calaamooyinkaasu ku soo gaadhaan, waxaad samaysaa wixii ku soo gaadha oo dhanba, maxaa yeelay, Ilaah baa kula jira.
I Sa SomKQA 10:8  Oo waxaad ku dhaadhacdaa, oo iga hor martaa xagga Gilgaal; oo bal eeg, anna waan kuu iman doonaa, inaan bixiyo qurbaanno la gubo, iyo inaan bixiyo qurbaanno nabaadiino. Toddoba maalmood waa inaad i sugtaa, ilaa aan kuu imaado oo aan ku tuso waxaad samayn doonto.
I Sa SomKQA 10:9  Oo waxaa dhacday markuu dhabarka u jeediyey Samuu'eel, inuu Ilaah siiyey qalbi kale, oo calaamooyinkaasi oo dhammuna maalintaasay wada ahaadeen.
I Sa SomKQA 10:10  Oo markay buurtii yimaadeen waxaa la kulmay guuto nebiyo ah, oo Ruuxii Ilaahna si xoog leh ayuu ugu soo degay isagii, markaasuu dhexdoodii wax ka sii sheegay.
I Sa SomKQA 10:11  Oo kuwii mar hore isaga yiqiin oo dhammu, markay arkeen inuu nebiyada wax la sii sheegayo, ayaa dadkii midba kan kale ku yidhi, War waa maxay waxan ku dhacay wiilkii Qiish? Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?
I Sa SomKQA 10:12  Oo mid halkaas joogay ayaa isna yidhi, Oo aabbehoodna waa kuma? Sidaas daraaddeed taasu waxay noqotay maahmaah; Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?
I Sa SomKQA 10:13  Oo markuu dhammeeyey waxsheegiddii ayuu yimid meeshii sare.
I Sa SomKQA 10:14  Markaasaa Saa'uul adeerkiis wuxuu ku yidhi isagii iyo midiidinkiisiiba, War xaggee baad tagteen? Markaasuu yidhi, Dameerihii baannu doonnay, oo markaannu ogaannay inaan la helin ayaannu Samuu'eel u nimid.
I Sa SomKQA 10:15  Markaasaa Saa'uul adeerkiis wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg wixii Samuu'eel idinku yidhi.
I Sa SomKQA 10:16  Kolkaasaa Saa'uul wuxuu adeerkiis ku yidhi, Bayaan buu noogu sheegay in dameerihii la helay. Laakiinse xagga waxa boqortooyadii ku saabsan Samuu'eel ka hadlay uma uu sheegin.
I Sa SomKQA 10:17  Oo Samuu'eelna dadkii buu dhammaan isugu yeedhay xagga Rabbiga ilaa Misfaah;
I Sa SomKQA 10:18  oo wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidaasuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anaa Masar idinka soo bixiyey oo anaa idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo kulli boqortooyooyinkii idin dulmay gacantoodii oo dhan.
I Sa SomKQA 10:19  Laakiinse idinku maanta waad diiddeen Ilaahiinnii idinka badbaadshay belaayooyinkiinnii iyo dhibaatooyinkiinnii oo dhan, oo waxaad isagii ku tidhaahdeen, Maya, laakiinse boqor noo yeel. Haddaba Rabbiga hortiisa ku soo ururiya qabiilooyinkiinna, iyo kumanyaalkiinna.
I Sa SomKQA 10:20  Sidaas aawadeed Samuu'eel wuxuu soo dhoweeyey qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaa lala baxay qabiilkii reer Benyaamiin.
I Sa SomKQA 10:21  Oo haddana wuxuu soo dhoweeyey qabiilkii reer Benyaamiin oo qooys qooys ah, oo waxaa lala baxay qooyskii reer Matrii, oo waxaa kaloo lala baxay Saa'uul oo ahaa ina Qiish; laakiinse markay doondooneen waa la waayay.
I Sa SomKQA 10:22  Sidaas daraaddeed Rabbiga wax kalay sii weyddiiyeen, Weli ma waxaa jira nin kaloo halkan imanaya? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Bal eega, alaabta dhexdeeda ayuu ku dhuuntaye.
I Sa SomKQA 10:23  Oo intay ordeen ayay halkaas ka soo kexeeyeen, oo markuu dadkii soo dhex joogsaday, wuu ka dheeraa dadkii oo dhan garbihiisa iyo waxa ka sarreeyaba.
I Sa SomKQA 10:24  Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Ma aragtaan kan Rabbigu doortay inaan mid la mid ahu dadka ku jirin? Kolkaasaa dadkii oo dhammu dhawaaqeen oo waxay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.
I Sa SomKQA 10:25  Kolkaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii u sheegay sida boqortooyada xaalkeedu noqon doono, oo buug buuna ku qoray, oo Rabbiga hortiisa dhigay. Samuu'eelna markaasuu dadkii oo dhan iska diray, oo nin waluba gurigiisii buu tegey.
I Sa SomKQA 10:26  Oo Saa'uulna wuxuu tegey gurigiisii oo Gibecaah ku yiil; oo waxaa raacay isagii rag geesiyo ah, oo qalbigooda Ilaah taabtay.
I Sa SomKQA 10:27  Laakiinse kuwo waxmatarayaal ah ayaa waxay yidhaahdeen, Ninkanu sidee buu noo badbaadin doonaa? Oo isagiina way quudhsadeen, oo hadiyadna uma ay keenin. Laakiinse isagu wuu iska aamusay.
Chapter 11
I Sa SomKQA 11:1  Markaasaa waxaa soo kacay Naaxaash oo ahaa reer Cammoon, oo wuxuu soo ag degay Yaabeesh Gilecaad. Oo dadkii Yaabeesh oo dhammu waxay Naaxaash ku yidhaahdeen, Axdi nala dhigo oo annana waannu kuu adeegaynaa.
I Sa SomKQA 11:2  Markaasaa Naaxaash oo ahaa reer Cammoon wuxuu iyagii ku yidhi, Sabab keliya ayaan axdi idinkula samaysanayaa, taasuna waa anigoo isha midigta idinka wada bixiya si aan u ceebeeyo reer binu Israa'iil oo dhan.
I Sa SomKQA 11:3  Markaasaa duqowdii reer Yaabeesh waxay isagii ku yidhaahdeen, Bal toddoba maalmood na sug, aannu xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan wargeeyayaal u dirnee, oo dabadeedna haddii aannu wayno mid na badbaadiya, waannu kuu imanaynaa.
I Sa SomKQA 11:4  Markaasaa wargeeyayaashii waxay yimaadeen Gibecaahdii Saa'uul, oo erayadan ayay dadkii u sheegeen. Kolkaasaa dadkii oo dhammu codkoodii kor u qaadeen oo wada ooyeen.
I Sa SomKQA 11:5  Oo bal eeg, waxaa yimid Saa'uul oo dibiyadii duurka ka keenay, oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa ku dhacay dadka oo ay la ooyayaan? Markaasay u sheegeen hadalladii nimankii reer Yaabeesh.
I Sa SomKQA 11:6  Oo Saa'uulna markuu maqlay hadalladaas ayaa Ruuxa Ilaah si xoog leh ugu soo degay, oo xanaaqiisiina aad iyo aad buu u kululaaday.
I Sa SomKQA 11:7  Markaasuu wuxuu qaatay laba dibi oo intuu qalay ayuu cad cad u kala jaray, oo intuu wargeeyayaal gacantood u dhiibay ayuu wada gaadhsiiyey xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu yidhi, Ku alla kii aan Saa'uul iyo Samuu'eel soo raacin, sidaas oo kalaa dibidiisa loo geli doonaa. Markaasaa waxaa dadkii ku soo dhacday cabsidii Rabbiga, oo waxay u soo baxeen sidii nin qudha.
I Sa SomKQA 11:8  Markaasuu iyagii ku tiriyey Beseq, oo reer binu Israa'iil waxay ahaayeen saddex boqol oo kun, oo raggii reer Yahuudahna waxay ahaayeen soddon kun.
I Sa SomKQA 11:9  Markaasay waxay ku yidhaahdeen wargeeyayaashii yimid, Dadkii reer Yaabeesh Gilecaad waxaad ku tidhaahdaan, Berrito markii qorraxdu kulushahay ayaad samatabbixin heli doontaan. Markaasaa wargeeyayaashii u yimaadeen oo u warrameen dadkii reer Yaabeesh Gilecaad, oo iyana way farxeen.
I Sa SomKQA 11:10  Sidaas daraaddeed dadkii reer Yaabeesh waxay yidhaahdeen, Berrito ayaannu idiin soo bixi doonnaa, oo waxaad nagu samayn doontaan kulli wax alla wixii idinla wanaagsan.
I Sa SomKQA 11:11  Oo maalintii dambe Saa'uul wuxuu dadkii ka dhigay saddex guuto; oo subaxdii hore ayay xeradii soo dhex galeen, oo waxay reer Cammoon laynayeen tan iyo hadhkii, oo waxay ahaatay in intii hadhayna kala firidhay, oo xataa laba iyagii ka mid ahu isma haysan.
I Sa SomKQA 11:12  Markaasaa dadkii waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Waa ayo kii yidhi, Ma Saa'uul baa na xukumaya? Nimankaas soo bixi aannu dilnee.
I Sa SomKQA 11:13  Kolkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Ninnaba maanta la dili maayo, waayo, maanta Rabbigu wuxuu samatabbixiyey reer binu Israa'iil.
I Sa SomKQA 11:14  Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii ku yidhi, Ina keena aynu Gilgaal tagnee oo aynu halkaas boqortooyada ku cusboonaysiinnee.
I Sa SomKQA 11:15  Markaasaa dadkii oo dhammu waxay tageen Gilgaal, oo Gilgaal ayay Saa'uul ku boqreen Rabbiga hortiisa, oo waxay halkaas Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno nabaadiino, oo halkaasaa Saa'uul iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu aad ugu farxeen.
Chapter 12
I Sa SomKQA 12:1  Samuu'eel wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Bal eega, anigu waan maqlay codkiinnii iyo wixii aad igu tidhaahdeen oo dhan, oo waxaan idiin yeelay boqor idiin taliya.
I Sa SomKQA 12:2  Oo haatan, bal eega, boqorkii wuu idin hor socdaaye, oo anigu waan gaboobay, waanan cirroobay; oo bal eega, wiilashaydiina way idinla joogaan, oo aniguna waxaan idin hor socday tan iyo yaraantaydii.
I Sa SomKQA 12:3  Bal waa i kan. Rabbiga hortiisa igu markhaati fura, iyo kan uu subkaday hortiisaba. Bal yaan dibigiisii ka qaatay? Amase bal yaan dameerkiisii ka qaatay? Amase yaan dulmay? Amase yaan cadaadiyey? Kumaanse gacantiisa laaluush ka qaatay si aan isu indhatiro daraaddeed? Hadday saas tahay waan idiin celin.
I Sa SomKQA 12:4  Oo iyana waxay yidhaahdeen, Nama aad dulmin, namana aad cadaadin, oo ninnaba gacantiisa waxba kama aad qaadan.
I Sa SomKQA 12:5  Markaasuu isna wuxuu ku yidhi iyaga, Maanta Rabbigaa idinku marag ah, iyo kan uu subkaday, inaydnaan waxba gacantayda ku helin. Oo iyana waxay yidhaahdeen, Haah, isagu waa ka marag.
I Sa SomKQA 12:6  Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii ku yidhi, Muuse iyo Haaruun waxaa doortay Rabbiga, oo isagaa awowayaashiin ka soo saaray dalkii Masar.
I Sa SomKQA 12:7  Haddaba bal joogsada inaan Rabbiga hortiisa idinkula hadlo wax ku saabsan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa oo dhan, oo uu idiin sameeyey idinka iyo awowayaashiinba.
I Sa SomKQA 12:8  Markii Yacquub Masar yimid, oo awowayaashiin Rabbiga u qayshadeen, kolkaasaa Rabbigu soo diray Muuse iyo Haaruun, kuwaasoo awowayaashiin ka soo bixiyey Masar oo halkan soo dejiyey.
I Sa SomKQA 12:9  Laakiinse way illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa, markaasuu wuxuu ka iibsaday oo gacanta u geliyey Siiseraa, oo ahaa sirkaalkii ciidanka Xaasoor, oo wuxuu geliyey gacantii reer Falastiin, iyo gacantii boqorkii reer Moo'aab, wayna la dirireen iyaga.
I Sa SomKQA 12:10  Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu dembaabnay, maxaa yeelay, waannu kaa tagnay, Rabbiyow, oo u adeegnay Bacaliim iyo Cashtarod, laakiinse haatan naga samatabbixi gacanta cadaawayaashayada, oo waannu kuu adeegi doonnaa.
I Sa SomKQA 12:11  Dabadeedna Rabbigu wuxuu soo diray Yerubbacal, iyo Bedaan, iyo Yeftaah, iyo Samuu'eel, oo idinka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiinnii dhan walba idinka jiray, oo ammaan baad ku degganaateen.
I Sa SomKQA 12:12  Oo markii aad aragteen boqorkii Naaxaash ahaa oo reer Cammoon inuu idinku soo duulay, waxaad igu tidhaahdeen, Maya, laakiinse waa inuu boqor noo taliyaa; markaasna waxaa boqor idiin ahaa Rabbiga Ilaahiinna ah.
I Sa SomKQA 12:13  Haddaba bal eega boqorkii aad doorateen oo aad i weyddiisateen, oo hadda bal eega, Rabbigu wuxuu idiin yeelay boqor idiin taliya.
I Sa SomKQA 12:14  Waa hagaag, haddii aad Rabbiga ka cabsataan oo aad u adeegtaan, oo aad codkiisa maqashaan, oo aydnaan ku caasiyoobin amarka Rabbiga, oo aad idinka iyo boqorka idiin taliyaaba ahaataan kuwo raacaya Rabbiga Ilaahiinna ah.
I Sa SomKQA 12:15  Laakiinse haddii aydnaan dhegaysan codka Rabbiga, illowse aad ku caasiyowdaan amarka Rabbiga, de markaas gacanta Rabbigu gees bay idinka ahaanaysaa, siday awowayaashiinba uga ahayd.
I Sa SomKQA 12:16  Haddaba bal joogsada oo eega waxan weyn oo uu Rabbigu ku samayn doono hortiinna.
I Sa SomKQA 12:17  Sow maanta ma aha maalintii sarreenka la gooynayay? Anigu Rabbigaan baryayaa inuu soo diro onkod iyo roob; oo idinna markaasaad ogaan doontaan oo arki doontaan inuu weyn yahay sharkiinna aad Rabbiga hortiisa ku samayseen markaad boqor weyddiisateen.
I Sa SomKQA 12:18  Saas aawadeed Samuu'eel Rabbiguu baryay, oo Rabbiguna maalintaasuu onkod iyo roob soo diray, oo dadkii oo dhammuna aad iyo aad bay uga cabsadeen Rabbiga iyo Samuu'eelba.
I Sa SomKQA 12:19  Markaasaa dadkii oo dhammu waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Addoommadaada u bari Rabbiga Ilaahaaga ah, yaannan dhimanne, waayo, dembiyadayadii oo dhan waxaan ku darsannay sharkan markaannu boqor weyddiisannay.
I Sa SomKQA 12:20  Oo Samuu'eelna wuxuu dadkii ku yidhi, Ha cabsanina; xaqiiqa, waxaad samayseen sharkan oo dhan, laakiinse gees ha uga leexanina Rabbiga lasocodkiisa, waxaadse ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan;
I Sa SomKQA 12:21  oo gees ha uga leexanina, waayo, markaas waxaad raaci lahaydeen waxyaalo aan micne lahayn ee aan waxba tari karin, waxna badbaadin karin, waayo, iyagu micne ma leh.
I Sa SomKQA 12:22  Maxaa yeelay, Rabbigu ka tegi maayo dadkiisa, magiciisa weyn aawadiis; maxaa yeelay, Rabbiga way ka farxisay inuu dad idinka dhigto.
I Sa SomKQA 12:23  Oo haddana aniga xaggayga, Ilaah ha iga fogeeyo inaan Rabbiga ku dembaabo, taasoo ah anoo joojinaya inaan idiin duceeyo; laakiinse waxaan idin barayaa jidka wanaagsan oo qumman.
I Sa SomKQA 12:24  Laakiinse idinku Rabbiga ka cabsada, oo si run ah qalbigiinna oo dhan ugu adeega; waayo, bal ka fiirsada waxyaalaha waaweyn oo uu idiin sameeyey.
I Sa SomKQA 12:25  Laakiinse haddaad shar sii samaysaan waa laydin baabbi'in doonaa idinka iyo boqorkiinnaba.
Chapter 13
I Sa SomKQA 13:1  Saa'uul markuu reer binu Israa'iil boqorka u noqday wuxuu jiray soddon sannadood, oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay laba sannadood.
I Sa SomKQA 13:2  Markaasaa Saa'uul wuxuu reer binu Israa'iil ka dhex doortay saddex kun oo nin; oo laba kun waxay Saa'uul la joogeen Mikmaash iyo buurtii Beytel, oo kunna wuxuu Yoonaataan la joogay Gibecaahdii reer Benyaamiin; oo dadka intiisii kalena nin walba wuxuu u diray inuu teendhadiisii tago.
I Sa SomKQA 13:3  Oo Yoonaataan wuxuu ku dhuftay xeradii ciidankii reer Falastiin oo Gebac joogay, oo reer Falastiinna taas way maqleen. Oo Saa'uulna dalkii oo dhan buu buun ugu dhuftay oo yidhi, Cibraaniyadu ha maqleen.
I Sa SomKQA 13:4  Oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay maqleen in Saa'uul wax ku dhuftay xeradii ciidanka reer Falastiin, iyo weliba in reer Falastiin ay karheen reer binu Israa'iil. Oo dadkiina dhammaantood waxay Saa'uul ugu soo urureen Gilgaal.
I Sa SomKQA 13:5  Oo reer Falastiinna waxay isu soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan, oo waxayna ahaayeen soddon kun oo gaadhifardood, iyo lix kun oo fardooley ah, iyo dad ah sida cammuudda taal badda xeebteeda. Oo intay soo dhowaadeen ayay degeen Mikmaash, oo bari ka xigta Beytaawen.
I Sa SomKQA 13:6  Oo dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inay cidhiidhi ku jiraan, (waayo, dadku way dhibaataysnaayeen) markaasaa dadkii waxay ku dhuunteen godad, iyo kayn, iyo dhagaxyo dhexdooda, iyo boholo, iyo hogag.
I Sa SomKQA 13:7  Oo haddaba Cibraaniyadii qaarkood waxay ka gudbeen Webi Urdun oo tageen ilaa dalkii reer Gaad iyo Gilecaad; laakiinse Saa'uul weli wuxuu iska joogay Gilgaal, oo dadkii oo dhammuna isagay daba galeen iyagoo gariiraya.
I Sa SomKQA 13:8  Oo toddoba maalmood buu sugayay, sidii wakhtigii Samuu'eel u qabtay uu ahaa, laakiinse Samuu'eel ma iman Gilgaal, oo dadkiina way ka kala firdheen Saa'uul.
I Sa SomKQA 13:9  Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Halkan iigu keena qurbaanka la gubo, iyo qurbaannada nabaadiinadaba. Markaasuu bixiyey qurbaankii la gubayay.
I Sa SomKQA 13:10  Oo markuu dhammeeyey bixintii uu bixinayay allabariga la gubo, waxaa yimid Samuu'eel; markaasaa Saa'uul u baxay inuu ka hor tago oo soo salaamo.
I Sa SomKQA 13:11  Markaasaa Samuu'eel wuxuu ku yidhi, War maxaad samaysay? Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa yeelay, waxaan arkay in dadkii iga kala firdhay, iyo inaad adiguna ku iman weyday maalmihii aan ku ballannay, iyo in reer Falastiinna dhammaantood isku soo urursadeen Mikmaash agteeda;
I Sa SomKQA 13:12  sidaas daraaddeed waxaan is-idhi, Haatan reer Falastiin waxay igu soo weerari doonaan Gilgaal, anigoo aan Rabbiga raallinimo ka baryin. Taas aawadeed ayaan isugu qasbay oo waan bixiyey allabariga la gubo.
I Sa SomKQA 13:13  Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Nacasnimo baad samaysay oo amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray ma aad xajin. Haatan Rabbigu boqortooyadaaduu ku adkayn lahaa reer binu Israa'iil weligeedba.
I Sa SomKQA 13:14  Laakiinse imminka boqortooyadaadu sii jiri mayso. Rabbigu wuxuu doontay nin ah siduu qalbigiisu doonayo, oo Rabbiguna isaguu u doortay inuu ahaado amiir dadkiisa u taliya, maxaa yeelay, adigu ma aadan xajin wixii Rabbigu kugu amray.
I Sa SomKQA 13:15  Markaasaa Samuu'eel kacay, wuuna ka baxay Gilgaal, oo xagga Gibecaahda reer Benyaamiin buu tegey. Oo Saa'uulna markaasuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo waxay noqdeen in ku dhow lix boqol oo nin.
I Sa SomKQA 13:16  Kolkaasaa Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii iyaga la jirayba waxay iska joogeen Gebacdii reer Benyaamiin, laakiinse reer Falastiin waxay degganaayeen Mikmaash.
I Sa SomKQA 13:17  Markaasaa xeradii reer Falastiin waxaa ka soo baxay kuwo wax dhaca oo saddex guuto ah, oo guuto waxay u leexatay xagga waddada Cofraah iyo xagga dalka reer Shuucaal;
I Sa SomKQA 13:18  oo guuto kalena waxay u leexatay xagga waddada Beytxooroon, oo guutadii hadhayna waxay u leexatay xagga waddada soohdinta kor ka soo dhawrta dooxada Seboyim iyo xagga cidlada.
I Sa SomKQA 13:19  Haddaba tumaal laguma arag dalka reer binu Israa'iil oo dhan; waayo, reer Falastiin waxay isyidhaahdeen, Cibraaniyadu yaanay samaysan seefo iyo warmo.
I Sa SomKQA 13:20  Laakiinse reer binu Israa'iil oo dhammu waxay xagga reer Falastiin u tageen in nin waluba soo afaysto marashidiisii, iyo manjadiisii, iyo faaskiisii, iyo sabaraddiisii;
I Sa SomKQA 13:21  oo weliba waxay lahaayeen wax lagu soofeeyo sabaradaha, iyo manjooyinka, iyo faraleyada, iyo faasaska, iyo inay hagaajiyaan takiyadaba.
I Sa SomKQA 13:22  Sidaas daraaddeed maalintii dagaalka dadkii la jiray Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba midkoodna gacantiisa lagama helin seef iyo waran toona, Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan mooyaane.
I Sa SomKQA 13:23  Oo ciidankii reer Falastiinna waxay u soo baxeen marinkii Mikmaash.
Chapter 14
I Sa SomKQA 14:1  Haddaba waxaa maalin dhacay inuu Yoonaataan ina Saa'uul ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo hubkiisa u siday, Bal ina keen aan ciidanka reer Falastiin oo xaggaas jooga u gudubnee. Laakiinse taas uma uu sheegin aabbihiis.
I Sa SomKQA 14:2  Oo Saa'uulna wuxuu joogay Gibecaah darafkeeda, oo wuxuu hoos fadhiyey geed rummaanka ah oo Migroon ku yaal; oo dadkii isaga la joogayna waxay ahaayeen in ku dhow lix boqol oo nin,
I Sa SomKQA 14:3  iyo Axiiyaah oo ahaa ina Axiituub, oo Iikaboodna walaalkiis ahaa, ee ahaa reer Fiinexaas ina Ceelii oo ahaa wadaadkii Rabbiga oo Shiiloh joogay, isagoo eefod qaba. Oo dadkuna ma ogayn inuu Yoonaataan tegey.
I Sa SomKQA 14:4  Oo Yoonaataan marinkii uu doonayay inuu uga gudbo ciidanka reer Falastiin waxaa dhinac kaga yiil buur dhagax ah, dinaca kalena waxaa kaga yiil buur dhagax ah, oo middood magaceedu wuxuu ahaa Boosees, oo tan kale magaceedana waxaa la odhan jiray Seneh.
I Sa SomKQA 14:5  Oo buur waxay ku tiil xagga woqooyi oo Mikmaash ka horraysa, oo tan kalena waxay ku tiil xagga koonfureed oo Gebacda horraysa.
I Sa SomKQA 14:6  Markaasaa Yoonaataan wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo hubkiisa u siday, Kaalay, oo ina keen aan xagga ciidanka buuryoqabka ah u gudubnee, waayo, waxaa suurtowda in Rabbigu inoo shaqeeyo, maxaa yeelay, Rabbiga waxba kama hor joogsan karaan inuu ku badbaadiyo kuwo badan ama kuwo yarba.
I Sa SomKQA 14:7  Oo kii hubka u sidayna wuxuu ku yidhi, Wax alla waxa qalbigaaga ku jira yeel, oo bal eeg, waan kula socdaa, oo sida qalbigaagu yahay weeye kayguna.
I Sa SomKQA 14:8  Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Bal eeg, nimanka xaggooda ayaynu u gudbaynaa, oo isu muujinaynaa iyaga.
I Sa SomKQA 14:9  Oo haddii ay inagu yidhaahdaan, Jooga halkiinna ilaa aannu idiin nimaadno, markaas waxaynu iska joogaynaa meesheenna, oo una tegi mayno.
I Sa SomKQA 14:10  Laakiinse haddii ay inagu yidhaahdaan, Kaalaya soo fuula, markaasaynu fuulaynaa, waayo, Rabbigu iyaga gacanteennuu soo geliyey, oo taasaa calaamadii inoo ahaan doonta.
I Sa SomKQA 14:11  Oo labadoodiiba waxay isu muujiyeen ciidankii reer Falastiin; markaasay kuwii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Bal eega Cibraaniyadii waxay ka soo baxayaan godadkii ay ku dhuunteene.
I Sa SomKQA 14:12  Oo raggii ciidanku waxay Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Soo fuula, wax baannu idin tusaynaaye. Markaasaa Yoonaataan wuxuu ku yidhi kii hubkiisa u siday, Iga soo daba fuul, waayo, Rabbigu wuxuu iyaga soo geliyey gacanta reer binu Israa'iil.
I Sa SomKQA 14:13  Markaasaa Yoonaataan buurtii fantay, kii hubkiisa u sidayna wuu daba socday, oo kuwii reer Falastiinna way ku hor dhaceen Yoonaataan, kii hubkiisa u sidayna wuu ka daba laayay.
I Sa SomKQA 14:14  Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday intii ugu horraysay oo ay laayeen waxay ahayd in ku dhow labaatan nin oo ay ku laayeen goob nus tacab ah.
I Sa SomKQA 14:15  Oo cabsi weyn bay la qadhqadheen kuwii xerada ku jiray, iyo kuwii duurka joogay iyo dadkii oo dhanba; oo xataa ciidankii, iyo waxdhacayaashuna way wada gariireen, oo dhulkuna waa gariiray, haddana waxaa jiray gariir aad iyo aad u weyn.
I Sa SomKQA 14:16  Markaasaa Saa'uul waardiyayaashiisii Gibecaahdii reer Benyaamiin joogay wax fiiriyeen, oo waxay arkeen dadkii badnaa oo kala firdhay oo xaggan iyo xaggaa u kala yaacay.
I Sa SomKQA 14:17  Kolkaasaa Saa'uul wuxuu dadkii isaga la jiray ku yidhi, Bal tiriya, oo eega kii inaga tegey kuu yahay. Oo markay tiriyeen waxay arkeen inayan Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday halkaas joogin.
I Sa SomKQA 14:18  Markaasaa Saa'uul wuxuu Axiiyaah ku yidhi, Sanduuqii Ilaah halkan keen. Waayo, waagaas sanduuqa Ilaah wuxuu la jiray reer binu Israa'iil.
I Sa SomKQA 14:19  Oo markuu Saa'uul la hadlayay wadaadkii, rabshaddii ku jirtay xerada reer Falastiin ayaa sii adkaatay oo sii badatay; kolkaasaa Saa'uul wuxuu wadaadkii ku yidhi, Gacanta laab.
I Sa SomKQA 14:20  Markaasaa Saa'uul iyo dadkii la jiray oo dhammuba isa soo wada urursadeen, oo waxay yimaadeen goobtii dagaalka. Oo bal eeg, nin walba seeftiisii waxay ku dhacday saaxiibkiis, oo waxaa jiray baabba' aad u weyn.
I Sa SomKQA 14:21  Oo Cibraaniyadii markii hore la jiray reer Falastiin, oo intay raaceen xerada la galay, iyagoo dalka ku wareegsan ka yimid, xataa iyana way soo jeesteen, oo waxay ku darmadeen reer binu Israa'iilkii la jiray Saa'uul iyo Yoonaataan.
I Sa SomKQA 14:22  Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen.
I Sa SomKQA 14:23  Sidaasuu Rabbigu maalintaas u badbaadiyey reer binu Israa'iil; oo dagaalkiina wuxuu u sii gudbay xagga Beytaawen.
I Sa SomKQA 14:24  Oo maalintaas dadka reer binu Israa'iil way dhibaataysnaayeen; laakiinse Saa'uul baa dadkii dhaariyey oo ku yidhi, Ilaa ay fiidkii noqoto, oo aan cadaawayaashayda ka aarsado ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Haddaba dadkii cunto ma dhadhamin innaba.
I Sa SomKQA 14:25  Oo dadkii oo dhammu waxay soo galeen duurkii, dhulkana waxaa yiil malab.
I Sa SomKQA 14:26  Oo markii dadkii soo galay duurkii ayaa malabkii soo dareeray, laakiinse ninna gacanta afka ma saarin, waayo, dadku waxay ka cabsadeen dhaartii.
I Sa SomKQA 14:27  Laakiinse Yoonaataan ma uu maqlin markii aabbihiis dadka dhaarta ku amray, sidaas aawadeed wuxuu soo fidiyey ushii gacanta ugu jirtay caaraddeedii, oo wuxuu daray malabkii, markaasuu gacantii afka saaray; oo indhihiisiina aad bay u iftiimeen.
I Sa SomKQA 14:28  Markaasaa dadkii mid ka mid ahu u jawaabay, oo ku yidhi, Aabbahaa dadka dhaar buu aad ugu amray oo yidhi, Maanta ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Oo dadkiina way itaal darnaayeen.
I Sa SomKQA 14:29  Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Aabbahay isagaa dalka dhibay, waan idin baryayaaye, bal eega sida indhahaygu u iftiimeen, maxaa yeelay, in yar baan ka dhadhamiyey malabkan.
I Sa SomKQA 14:30  Haddaba intee bay ka sii fiicnaan lahayd haddii dadku maanta ikhtiyaar wax uga cuni lahaayeen wixii ay cadaawayaashooda ka dhaceen ee ay heleen? Waayo, hadday sidaas ahaan lahayd reer Falastiin dhexdooda layn tan ka weyn baa ku dhici lahayd.
I Sa SomKQA 14:31  Oo maalintaas waxay reer Falastiin ku laayeen ilaa Mikmaash iyo tan iyo Ayaaloon; oo dadkuna aad bay u itaal darnaayeen.
I Sa SomKQA 14:32  Oo dadkiina wixii ay dhaceen ayay ku boodeen, oo waxay qaateen ido iyo dibi iyo weylo, oo dhulkay ku qasheen, markaasaa dadkii waxay cuneen hilibkii oo dhiig leh.
I Sa SomKQA 14:33  Dabadeedna waxaa loo sheegay Saa'uul, oo lagu yidhi, Bal eeg, dadku Rabbigay ku dembaabaan, markay cunaan hilib dhiig leh. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aad baad u xadgudubteen, haddaba maanta ii soo giringiriya dhagax weyn.
I Sa SomKQA 14:34  Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Dadka dhex gala, oo waxaad ku tidhaahdaan, Nin waluba halkan ha iigu keeno dibigiisa, nin walubana laxdiisa, oo halkan ku gowraca oo cuna; oo Rabbiga ha ku dembaabina intaad hilib dhiig leh cuntaan. Habeenkaas dadkii oo dhammu nin waluba wuxuu keenay dibigiisii, kolkaasay halkaas ku gowraceen.
I Sa SomKQA 14:35  Markaasaa Saa'uul wuxuu Rabbiga u dhisay meel allabari, oo taasuna waxay ahayd meeshii allabariga ee ugu horraysay uu Rabbiga u dhiso.
I Sa SomKQA 14:36  Saa'uulna wuxuu yidhi, Ina keena aynu reer Falastiin raacdaysannee oo habeennimo mirnee, oo tan iyo aroortii dhacnee, oo ninkoodna yeynan ka sii dayn. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Wax alla wixii kula wanaagsan samee. Markaasaa wadaadkii wuxuu yidhi, Ina keena aynu Rabbiga u dhowaannee.
I Sa SomKQA 14:37  Markaasaa Saa'uul Ilaah talo weyddiistay, oo wuxuu yidhi, Miyaan reer Falastiin raacdaystaa? Oo ma doonaysaa inaad iyaga soo geliso gacanta reer binu Israa'iil? Laakiinse maalintaas Ilaah uma uu jawaabin.
I Sa SomKQA 14:38  Kolkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Madaxda reer binu Israa'iil oo dhammay, soo dhowaada, oo maanta dembiganu wuxuu ku jiray bal soo ogaada oo soo eega.
I Sa SomKQA 14:39  Waayo, Rabbiga reer binu Israa'iil badbaadiya noloshiisaan ku dhaartaye, xataa hadduu ku jiray wiilkayga Yoonaataan, hubaal kaasu wuu dhiman doonaa. Laakiinse dadkii oo dhan laguma arag nin u jawaabay.
I Sa SomKQA 14:40  Markaasuu reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Idinku dhan joogsada, aniga iyo wiilkayga Yoonaataanna dhanka kale ayaannu joogsanaynaa. Dadkiina waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Wixii kula wanaagsan samee.
I Sa SomKQA 14:41  Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu ku yidhi Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Saamiga runta ah na tus. Oo wuxuu saamigii ku dhacay Yoonaataan iyo Saa'uul, laakiinse dadkii way baxeen.
I Sa SomKQA 14:42  Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Noo saami rida aniga iyo wiilkayga Yoonaataan. Dabadeedna saamigii wuxuu ku dhacay Yoonaataan.
I Sa SomKQA 14:43  Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Bal ii sheeg waxaad samaysay. Oo Yoonaataan wuu u sheegay oo ku yidhi, Xaqiiqa in yar oo malab ah ayaan ku dhadhamiyey ushii gacanta iigu jirtay caaraddeedii; haddaba waa inaan dhintaa.
I Sa SomKQA 14:44  Markaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daran ha sameeyo, waayo, Yoonaataan, hubaal waa inaad dhimataa.
I Sa SomKQA 14:45  Oo dadkii waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Yoonaataan oo badbaadadan weyn ku dhex sameeyey reer binu Israa'iil, ma inuu dhintaa? Yaanay noqon; Rabbiga noloshiisaan ku dhaarannay ee waa inaan tin keliya oo madaxiisu dhulka ku dhicin; waayo, isagu wuxuu maanta la shaqeeyey Ilaah. Sidaasay dadkii u samatabbixiyeen Yoonaataan inuusan dhiman.
I Sa SomKQA 14:46  Markaasaa Saa'uul wuxuu ka hadhay reer Falastiin raacdaysigoodii; oo reer Falastiinna meeshoodii bay tageen.
I Sa SomKQA 14:47  Oo markii Saa'uul qabsaday boqortooyada reer binu Israa'iil wuxuu la diriray kulli cadaawayaashiisii dhan kasta ka jiray, kuwaasoo ahaa reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom, iyo boqorradii reer Soobaah, iyo reer Falastiin; oo meel kasta oo uu u jeestayba si xun buu ugu galay.
I Sa SomKQA 14:48  Oo isagu si xoog leh ayuu wax ku sameeyey, oo wuxuu laayay reer Siiqlag oo reer binu Israa'iilna wuxuu ka samatabbixiyey gacantii kuwii dhici jiray.
I Sa SomKQA 14:49  Haddaba Saa'uul wiilashiisii waxay ahaayeen Yoonaataan iyo Yishwii, iyo Melkiishuuca; oo labadiisii gabdhoodna magacyadoodii waxay ahaayeen Meerab iyo Miikaal; tii curadda ahayd magaceedu wuxuu ahaa Meerab, tii yaraydna magaceeda waxaa la odhan jiray Miikaal.
I Sa SomKQA 14:50  Oo naagtii Saa'uul magaceeduna wuxuu ahaa Axiino'am, oo waxay ahayd ina Axiimacas; oo sirkaalkii ciidankiisana magiciisu wuxuu ahaa Abneer, wuxuuna ahaa ina Neer, kaasoo ahaa Saa'uul adeerkiis.
I Sa SomKQA 14:51  Oo Qiishna wuxuu ahaa Saa'uul aabbihiis; oo Neer oo ahaa Abneer aabbihiis isna wuxuu ahaa ina Abii'eel.
I Sa SomKQA 14:52  Oo intii Saa'uul noolaa oo dhan dagaal kulul oo reer Falastiin ka gees ah ayaa jiray. Oo Saa'uulna markuu arko nin xoog leh, amase nin daran wuu qaadan jiray.
Chapter 15
I Sa SomKQA 15:1  Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Rabbigu wuxuu ii soo diray inaan kuu subko inaad boqor u ahaatid dadkiisa reer binu Israa'iil; haddaba bal maqal codka erayada Rabbiga.
I Sa SomKQA 15:2  Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil markay Masar ka soo baxeen, Camaaleq wuxuu ku sameeyey iyo siduu jidka ugu hor joogsaday waan ogaaday.
I Sa SomKQA 15:3  Haddaba tag oo reer Camaaleq laa, oo waxay haystaan oo dhan wada baabbi'i, oo iyaga innaba ha u tudhin, laakiinse wada laa nin iyo naag, iyo dhallaan iyo caanonuugba, iyo dibi iyo ido, iyo geel iyo dameerroba.
I Sa SomKQA 15:4  Markaasaa Saa'uul dadkii u yeedhay, oo Tela'iim buu ku tiriyey, oo waxay noqdeen laba boqol oo kun oo nin oo lug ah, iyo toban kun oo nin ee reer Yahuudah ah.
I Sa SomKQA 15:5  Kolkaasuu Saa'uul yimid magaaladii reer Camaaleq, oo dooxadii buu ugu soo dhuuntay.
I Sa SomKQA 15:6  Markaasaa Saa'uul wuxuu reer Qeyn ku yidhi, Taga oo ka dhex baxa reer Camaaleq, yaanan idinku dhex baabbi'ine; waayo, markii ay reer binu Israa'iil oo dhammu Masar ka soo baxeen waad u wada roonaateen. Sidaas aawadeed reer Qeyn way ka dhex baxeen reer Camaaleq.
I Sa SomKQA 15:7  Oo Saa'uul wuxuu reer Camaaleq ku laayay xagga Xawiilaah ilaa xagga Shuur, taasoo ku taal Masar horteeda.
I Sa SomKQA 15:8  Oo boqorkii reer Camaaleq oo Agag ahaa isagoo nool buu qabsaday, laakiinse dadkii kale oo dhan seef buu ku wada baabbi'iyey.
I Sa SomKQA 15:9  Laakiinse Saa'uul iyo dadkiiba way reebeen Agag, iyo intii ugu wanaagsanayd oo dhan oo idihii, iyo dibidii, iyo xoolihii shishislaa, iyo wanankii yaryaraa, iyo wixii wanaagsanaa oo dhan; oo ma ay doonayn inay wada baabbi'iyaan; laakiinse waxay wada baabbi'iyeen wixii la quudhsaday iyo intii liidatay oo dhan.
I Sa SomKQA 15:10  Markaasaa Samuu'eel waxaa u yimid Eraygii Rabbiga oo ku leh,
I Sa SomKQA 15:11  Waxaan ka qoomamoonayaa inaan Saa'uul boqor ka dhigay; waayo, lasocodkaygii dib buu uga noqday, oo mana uu oofin amarradaydii. Oo Samuu'eelna wuu cadhooday oo habeenkii oo dhan Rabbiguu u qaylinayay.
I Sa SomKQA 15:12  Markaasaa Samuu'eel aroor hore kacay, oo wuxuu damcay inuu Saa'uul ka hor tago; oo waxaa Samuu'eel loo sheegay oo lagu yidhi, Saa'uul baa yimid Karmel, oo bal eeg, halkaas tiir xusuus ah ayuu ka taagtay, oo intuu wareegay ayuu gudbay, oo Gilgaal ku dhaadhacay.
I Sa SomKQA 15:13  Oo Samuu'eelna Saa'uul buu u yimid; markaasaa Saa'uul ku yidhi isagii, Rabbigu ha ku barakeeyo; anigu amarkii Rabbiga waan oofiyey.
I Sa SomKQA 15:14  Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Haddaba waa maxay micneheedu cidan idaha ee aan dhegahayga ku maqlayaa, iyo cida dibida ee aan maqlayaa?
I Sa SomKQA 15:15  Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Reer Camaaleq bay ka keeneen; waayo, dadku waxay u reebeen intii ugu wanaagsanayd ee idihii iyo dibidii inay allabari ugu bixiyaan Rabbiga Ilaahaaga ah; intii kalese dhammaantood waannu baabbi'innay.
I Sa SomKQA 15:16  Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Bal sug, oo anna waxaan kuu sheegayaa wixii Rabbigu xalay igu yidhi. Markaasuu yidhi, Bal ii sheeg.
I Sa SomKQA 15:17  Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, In kastoo aad isla yarayd, sow madax lagaagama dhigin qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo Rabbigu waa kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya reer binu Israa'iil;
I Sa SomKQA 15:18  oo Rabbigu sodcaal buu kuu diray, oo kugu yidhi, Tag oo wada baabbi'i dembilayaasha reer Camaaleq, oo la dirir ilaa ay baabba'aan.
I Sa SomKQA 15:19  Haddaba maxaad Rabbiga codkiisa u addeeci weyday, oo aadse ugu boodday wixii la dhacay, oo maxaad u samaysay wixii Rabbiga hortiisa sharka ku ahaa?
I Sa SomKQA 15:20  Markaasaa Saa'uul wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Waan addeecay Rabbiga codkiisii, oo waxaan maray jidkii Rabbigu igu diray, oo Agag oo ah boqorkii reer Camaaleq ayaan keenay, oo reer Camaaleqna dhammaan waan wada baabbi'iyey.
I Sa SomKQA 15:21  Laakiinse dadkii wax bay ka qaateen xoolihii la dhacay ee ahaa ido iyo dibi, iyo waxyaalihii khaaska ahaa ee la nidray inay Gilgaal allabari ugu bixiyaan Rabbiga Ilaahaaga ah.
I Sa SomKQA 15:22  Markaasaa Samuu'eel yidhi, Rabbigu miyuu aad ugu farxaa qurbaanno la gubo iyo allabaryo, siduu ugu farxo in codka Rabbiga la addeeco? Bal eeg, addeeciddu waa ka wanaagsan tahay allabariga, maqlidduna waa ka wanaagsan tahay baruurta wananka.
I Sa SomKQA 15:23  Waayo, caasinimadu waxay la mid tahay dembiga sixirka, madaxadaygguna wuxuu la mid yahay shar iyo sanam caabudidda. Waxaad diidday Eraygii Rabbiga, oo sidaas daraaddeed isna wuxuu kuu diiday inaad boqor sii ahaatid.
I Sa SomKQA 15:24  Markaasaa Saa'uul wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Waan dembaabay, waayo, amarkii Rabbiga, iyo erayadaadiiba waan ku xadgudbay, maxaa yeelay, dadkii baan ka cabsaday, codkoodiina waan addeecay.
I Sa SomKQA 15:25  Haddaba waan ku baryayaaye dembigayga iga cafi, oo mar kale ila noqo, aan Rabbiga soo caabudee.
I Sa SomKQA 15:26  Oo Samuu'eelna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Kula noqon maayo, waayo, Eraygii Rabbigaad diidday, oo Rabbigaana kuu diiday inaad sii ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya.
I Sa SomKQA 15:27  Oo markii Samuu'eel ka jeestay oo uu damcay inuu tago, ayuu qabsaday darafkii khamiiskiisa, wuuna dillaacay.
I Sa SomKQA 15:28  Markaasaa Samuu'eel isagii ku yidhi, Maanta Rabbigu boqortooyadii reer binu Israa'iil buu kaa dillaaciyey, wuxuuna siiyey mid deriskaaga ah oo kaa sii wanaagsan.
I Sa SomKQA 15:29  Kan xoogga reer binu Israa'iil ahna been sheegi maayo, qoomamaynna maayo; waayo, isagu ma aha nin qoomamooda.
I Sa SomKQA 15:30  Markaasuu yidhi, Waan dembaabay; haddaba waan ku baryayaaye, igu murwee duqowda dadkayga hortooda, iyo reer binu Israa'iil hortooda, oo mar kale ila noqo aan Rabbiga Ilaahaaga ah soo caabudee.
I Sa SomKQA 15:31  Haddaba Samuu'eel mar kaluu Saa'uul la noqday, oo Saa'uulna Rabbiguu soo caabuday.
I Sa SomKQA 15:32  Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Halkan iigu keena boqorka reer Camaaleq ee Agag ah. Kolkaasaa Agag u yimid isagoo qalbi san. Oo wuxuu yidhi, Hubaal geerida qadhaadhkeedii waa i dhaafay.
I Sa SomKQA 15:33  Oo Samuu'eelna wuxuu ku yidhi, Sida seeftaadu dumarka u ilmo tirtay, saasoo kalay hooyadaana dumarka dhexdiisa ugu ilmola'aan doontaa. Oo Samuu'eelna Agag ayuu cad cad ugu jarjaray Gilgaal dhexdeeda Rabbiga hortiisa.
I Sa SomKQA 15:34  Markaasaa Samuu'eel Raamaah tegey; oo Saa'uulna wuxuu tegey xaggii gurigiisii oo ku yiil Gibecaahdii Saa'uul.
I Sa SomKQA 15:35  Samuu'eelna mar dambe uma iman inuu Saa'uul soo arko ilaa maalintii uu dhintay; laakiin Samuu'eel baa Saa'uul u ooyay; oo Rabbiguna wuxuu ka qoomamooday inuu Saa'uul ka dhigay boqor u taliya reer binu Israa'iil.
Chapter 16
I Sa SomKQA 16:1  Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, War ilaa goormaad Saa'uul u ooyaysaa, adigoo og inaan u diiday inuu reer binu Israa'iil boqor u ahaado? Haddaba geeskaaga saliid ka buuxso oo tag, waxaan kuu dirayaa Yesay oo ah reer Beytlaxam; waayo, boqor baan wiilashiisa ka dhex doortay.
I Sa SomKQA 16:2  Oo Samuu'eelna wuxuu yidhi, Sidee baan u tegi karaa? Waayo, haddii Saa'uul taas maqlo wuu i dili doonaa. Oo Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Waxaad kaxaysataa qaalin lo' ah, oo waxaad tidhaahdaa, Waxaan u imid inaan Rabbiga allabari u bixiyo.
I Sa SomKQA 16:3  Oo Yesay allabariga ugu yeedh, waanan ku tusi doonaa waxaad samayn doonto; oo waxaad ii subagtaa kii aan kuu magacaabo.
I Sa SomKQA 16:4  Oo Samuu'eelna wuxuu Rabbigu kala hadlay ayuu sameeyey, wuxuuna yimid Beytlaxam. Oo odayaashii magaaladuna way ka hor tageen, iyagoo gariiraya, oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad ma u timid?
I Sa SomKQA 16:5  Markaasuu yidhi, Haah, nabad baan u imid, waxaanan u imid inaan Rabbiga allabari u bixiyo. Haddaba isa soo daahiriya, oo kaalaya, meesha allabariga ii raaca. Markaasuu wuxuu daahirshay Yesay iyo wiilashiisii, dabadeedna meeshii allabariga buu ugu yeedhay.
I Sa SomKQA 16:6  Oo markay yimaadeen wuxuu fiiriyey Elii'aab, oo yidhi, Hubaal kii Rabbigu subkaday ayaa hortiisa jooga.
I Sa SomKQA 16:7  Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Ha fiirin soojeedkiisa, ama dhererkiisa, maxaa yeelay, waan diiday isaga. Rabbigu wax uma arko sida dadku wax u arko, waayo, dadku wuxuu fiiriyaa muuqashada dusha, Rabbiguse qalbiguu fiiriyaa.
I Sa SomKQA 16:8  Markaasaa Yesay u yeedhay Abiinaadaab, oo soo mariyey Samuu'eel hortiisa, Samuu'eelna wuxuu yidhi, Rabbigu kanna ma uu dooran.
I Sa SomKQA 16:9  Oo haddana Yesay wuu soo hor mariyey Shammaah. Oo wuxuu yidhi, Rabbigu kanna ma dooran.
I Sa SomKQA 16:10  Yesayna wuxuu Samuu'eel soo hor mariyey toddoba wiilashiisii ka mid ah. Markaasaa Samuu'eel wuxuu Yesay ku yidhi, Rabbigu kuwan ma dooran.
I Sa SomKQA 16:11  Samuu'eelna wuxuu Yesay ku yidhi, War carruurtaadii halkan ma wada joogaan? Markaasuu yidhi, Weli waxaa hadhay kii ugu yaraa, oo idahuu ilaalinayaa. Oo haddana Samuu'eel wuxuu Yesay ku yidhi, Cid u dir oo keen; waayo, innagu fadhiisan mayno jeeruu halkan yimaado.
I Sa SomKQA 16:12  Markaasuu u cid diray, oo soo geliyey. Oo isna wuxuu ahaa mid cas, oo soojeed qurxoon, oo midabkiisuna aad u wanaagsan yahay. Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Kac, oo subag, waayo, kanu waa isagii.
I Sa SomKQA 16:13  Markaasaa Samuu'eel qaaday geeskii saliiddu ku jirtay, wuuna ku subkay isagoo walaalihiis dhex jooga; oo maalintaas intii ka dambaysay Ruuxii Rabbigu aad buu ugu soo degay Daa'uud. Dabadeedna Samuu'eel wuu kacay, oo Raamaah buu tegey.
I Sa SomKQA 16:14  Haddaba Ruuxii Rabbigu Saa'uul wuu ka tegey, oo ruux shar leh oo xagga Rabbiga ka yimid ayaa dhibay isagii.
I Sa SomKQA 16:15  Markaasaa Saa'uul addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, haatan waxaa ku dhibaya ruux shar leh oo xagga Ilaah ka yimid.
I Sa SomKQA 16:16  Sayidkayagow, nagu amar annagoo ah addoommadaada ku hor jooga inaannu kuu doondoonno nin aad kataaradda u yaqaan; oo markuu ruuxa sharka leh ee xagga Ilaah ka yimid kugu soo dego, ayuu kataaradda garaaci doonaa, waanad bogsan doontaa.
I Sa SomKQA 16:17  Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Ii doona nin aad u yaqaan, oo ii keena.
I Sa SomKQA 16:18  Dabadeedna raggii dhallinyarada ahaa midkood ayaa ku jawaabay oo yidhi, Waxaan arkay Yesayga reer Beytlaxam wiil uu dhalay oo aad u yaqaan sida kataaradda lagu dhufto oo ah nin xoog leh oo dagaalyahan ah, codkarna ah, oo suurad qurxoon, oo weliba Rabbiguna wuu la jiraa.
I Sa SomKQA 16:19  Sidaas daraaddeed Saa'uul wargeeyayaal buu u diray Yesay oo ku yidhi, Wiilkaaga Daa'uud oo idaha ilaalinaya ii soo dir.
I Sa SomKQA 16:20  Markaasaa Yesay wuxuu soo kexeeyey dameer ku raran kibis iyo sibraar khamri ah, iyo orgi yar, oo Saa'uul buu u diray. Wuxuuna ugu sii dhiibay wiilkiisii Daa'uud.
I Sa SomKQA 16:21  Markaasaa Daa'uud Saa'uul u yimid, oo hortiisuu soo istaagay, oo isna aad buu u jeclaaday Daa'uud, oo wuxuu Saa'uul u noqday kii hubka u siday.
I Sa SomKQA 16:22  Kolkaasaa Saa'uul farriin u diray Yesay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii daa Daa'uud, hortayda ha joogee, waayo, isagu aad buu iiga farxiyey.
I Sa SomKQA 16:23  Oo markuu ruuxii sharka lahaa ee xagga Ilaah ka yimid Saa'uul ku soo degay ayaa Daa'uud qaatay kataaraddiisii, oo garaacay, dabadeedna Saa'uul wuu qaboobay, wuuna bogsaday, oo ruuxii sharka lahaana waa ka tegey.
Chapter 17
I Sa SomKQA 17:1  Haddaba reer Falastiin waxay soo wada ururiyeen ciidammadoodii oo dagaal isu diyaariyey, oo waxay dhammaantood ku soo wada urureen Sokoh, oo ay reer Yahuudah leeyihiin, oo waxay soo degeen Efes Dammiim oo u dhexaysa Sokoh iyo Caseeqaah.
I Sa SomKQA 17:2  Markaasay Saa'uul iyo raggii reer binu Israa'iilna isa soo wada urursadeen, oo waxay soo degeen dooxada Eelaah, oo isu diyaariyeen inay la dagaallamaan reer Falastiin.
I Sa SomKQA 17:3  Oo reer Falastiin waxay soo istaageen buur dhinac ah, reer binu Israa'iilna waxay soo istaageen buur dhinacii kale ah; oo waxaana labada qolo u dhexaysay dooxo.
I Sa SomKQA 17:4  Oo waxaa xeradii reer Falastiin ka soo baxay nin tiirri ah oo magiciisa la yidhaahdo Goli'ad, oo reer Gad ah oo dhererkiisuna wuxuu ahaa lix dhudhun iyo taako.
I Sa SomKQA 17:5  Oo waxaa madaxiisa u saarnaa koofiyad naxaas ah, dhar bir ahna wuu huwanaa, oo dharka miisaankiisuna wuxuu ahaa shan kun oo sheqel oo naxaas ah.
I Sa SomKQA 17:6  Oo lugahana waxaa ugu xidhnaa naxaas, garbaha dhexdoodana naxaas kale.
I Sa SomKQA 17:7  Oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa, oo miisaanka afka warankiisuna wuxuu ahaa lix boqol oo sheqel oo bir ah; oo waxaana hor socday gaashaansidihiisii.
I Sa SomKQA 17:8  Oo intuu soo istaagay ayuu ku qayliyey ciidammadii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, War maxaad ugu soo baxdeen oo aad dagaal isugu soo diyaariseen? Sow anigu ma ihi reer Falastiin, idinna ma ihidin addoommadii Saa'uul? Haddaba nin iska soo doorta, oo isna ha ii soo dhaadhaco.
I Sa SomKQA 17:9  Oo hadduu awoodo inuu ila diriro oo i dilo, markaas waxaan idiin noqonaynaa addoommadiinnii; laakiinse haddaan ka adkaado oo dilo isaga, markaas waxaad noo noqonaysaan addoommo oo waad noo adeegaysaan.
I Sa SomKQA 17:10  Oo kii reer Falastiin wuxuu yidhi, Ciidammada reer binu Israa'iilow, car, maanta ii soo dira nin ila dirira.
I Sa SomKQA 17:11  Oo Saa'uul iyo reer binu Israa'iil oo dhammu markay maqleen erayadii reer Falastiin way nexeen, aad bayna u cabsadeen.
I Sa SomKQA 17:12  Haddaba Daa'uud wuxuu ahaa wiil uu dhalay nin reer Efraad ah oo deggan Beytlaxamta reer Yahuudah, oo magiciisana la yidhaahdo Yesay; oo isna wuxuu lahaa siddeed wiil; oo ninkaasuna wuxuu ahaa nin duq ah oo joogay wakhtigii Saa'uul, oo dadkana aad buu ugu dhex gaboobay.
I Sa SomKQA 17:13  Oo Yesay saddexdiisii wiil oo waaweynayd waxay Saa'uul u raaceen xagga dagaalka; oo saddexdiisii wiil oo dagaalka tagtay magacyadoodii waxay ahaayeen Elii'aab kii curadka ahaa, iyo Abiinaadaab oo ku xigay, iyo kan saddexaad oo Shammaah ahaa.
I Sa SomKQA 17:14  Oo Daa'uudna wuxuu ahaa kii ugu yaraa; saddexdii ugu waaweynaydna waxay raaceen Saa'uul.
I Sa SomKQA 17:15  Daa'uudna hadba Saa'uul wuu ka tegi jiray, wuuna ku soo noqon jiray, inuu idaha aabbihiis Beytlaxam ku daajiyo aawadeed.
I Sa SomKQA 17:16  Oo kii reer Falastiinna wuu soo dhowaan jiray subax iyo fiidba, oo wuxuu ismuujiyey afartan maalmood.
I Sa SomKQA 17:17  Markaasaa Yesay wuxuu wiilkiisii Daa'uud ku yidhi, Waxaad walaalahaa u qaaddaa eefaah hadhuudhkan duban ah, iyo tobankan xabbadood ee kibista ah, oo haddiiba xeradii u qaad oo walaalahaa u gee,
I Sa SomKQA 17:18  oo tobankan xabbadood ee burcadka ahna waxaad u geeysaa kun-u-taliyahooda, oo soo eeg sida walaalahaa xaalkoodu yahay, warkooda oo xaqiiqa ahna ii keen.
I Sa SomKQA 17:19  Haddaba Saa'uul, iyo iyagii, iyo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu, waxay joogeen dooxadii Eelaah, iyagoo reer Falastiin la diriraya.
I Sa SomKQA 17:20  Markaasaa Daa'uud aroor hore kacay, oo wuxuu idihii kaga tegey mid dhawra; dabadeedna intuu tegey ayuu qaaday wixii Yesay ku amray. Markaasuu yimid meeshii gaadhifardoodku tubnaa, intii ciidankii goobta dagaalka u baxayay ay dirirta u qaylinayeen.
I Sa SomKQA 17:21  Oo reer binu Israa'iil iyo reer Falastiin dagaal bay isugu soo diyaariyeen, iyadoo ciidanba ciidanka kale ka gees yahay.
I Sa SomKQA 17:22  Oo Daa'uud wuxuu alaabtiisii kaga tegey kii alaabta dhawrayay gacantiisii, wuuna ku orday ciidankii, oo intuu walaalihiis u tegey ayuu salaamay.
I Sa SomKQA 17:23  Oo intuu walaalihiis la hadlayay, bal eeg, waxaa soo baxay tiirrigii reer Falastiin ee Gad ka yimid, ee magiciisa Goli'ad la odhan jiray, isagoo ka soo dhex baxay safafkii reer Falastiin, oo wuxuu ku hadlay erayadiisii hore oo kale; Daa'uudna taas wuu maqlay.
I Sa SomKQA 17:24  Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu markii ay ninkii arkeen ayay ka carareen, aad bayna uga cabsadeen.
I Sa SomKQA 17:25  Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War ma aragteen ninkan soo baxay? Hubaal wuxuu u soo baxay inuu reer binu Israa'iil careeyo; oo waxay noqon doontaa in ninkii isaga dila uu boqorku taajir ka dhigi doono oo maal badan siin doono; gabadhiisuuna siin doonaa, oo reerka aabbihiisna ku dhex xorayn doonaa reer binu Israa'iil.
I Sa SomKQA 17:26  Markaasaa Daa'uud raggii dhinaciisa taagnaa la hadlay, oo ku yidhi, Ninkii dila midkan reer Falastiin, oo ceebta ka qaada reer binu Israa'iil, maxaa lagu samayn doonaa? Oo bal yuu yahay buuryoqabkan reer Falastiin ee Ilaaha nool ciidammadiisa caraysan karaa?
I Sa SomKQA 17:27  Oo dadkiina waxay ugu jawaabeen, oo ku yidhaahdeen, Sidan baa lagu samayn doonaa ninkii dila.
I Sa SomKQA 17:28  Oo markuu ragga la hadlayay Elii'aab oo ahaa walaalkiisii ugu weynaa ayaa maqlay, oo Elii'aabna aad buu ugu cadhooday Daa'uud oo wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo dhaadhacday? Oo bal yaad uga soo kacday xayntii idaha ahayd oo cidlada joogtay? Anigu waan aqaan kibirkaaga, iyo xumaanta qalbigaaga ku jirta, waayo, waxaad u timid inaad dagaalka fiirsato.
I Sa SomKQA 17:29  Markaasaa Daa'uud ku yidhi, Bal maxaan haatan sameeyey? Sow hadal uun ma aha?
I Sa SomKQA 17:30  Markaasuu isagii uga jeestay mid kale, oo sidii oo kaluu kula hadlay; oo dadkiina sidii hore oo kalay ugu jawaabeen.
I Sa SomKQA 17:31  Oo erayadii Daa'uud ku hadlay markii la maqlay ayaa Saa'uul loo warramay, oo isna wuu u soo cid diray.
I Sa SomKQA 17:32  Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Ninna yuusan u cabsan isaga aawadiis; anoo addoonkaaga ah ayaan u tegi doonaa oo la diriri doonaa midkan reer Falastiin.
I Sa SomKQA 17:33  Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu ma awoodid inaad la dirirto midkan reer Falastiin, waayo, waxaad tahay wiil yar, isna dagaalyahan buu ahaa tan iyo yaraantiisii.
I Sa SomKQA 17:34  Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Anoo addoonkaaga ah waxaan hayn jiray idaha aabbahay, oo haddii libaax ama orso yimaado, oo idaha nayl yar ka qaato,
I Sa SomKQA 17:35  waan ka daba ordi jiray, oo intaan wax ku dhufto ayaan afkiisa ka soo bixin jiray; oo hadduu igu soo boodana intaan gadhka ku dhego ayaan dili jiray.
I Sa SomKQA 17:36  Anoo addoonkaaga ah libaaxii iyo orsadiiba waan dilay; oo midkan reer Falastiin oo buuryoqabka ahuna iyagoo kaluu noqon doonaa, waayo, wuxuu careeyey ciidammadii Ilaaha nool.
I Sa SomKQA 17:37  Oo Daa'uud wuxuu haddana yidhi, Rabbiga iga samatabbixiyey ciddiyihii libaaxa iyo ciddiyihii orsada ayaa haddana iga samatabbixin doona gacanta midkan reer Falastiin. Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, Rabbigu ha kula jiree.
I Sa SomKQA 17:38  Markaasaa Saa'uul Daa'uud u xidhay dharkiisii, oo madaxiisana u saaray koofiyad naxaas ah, oo wuxuu kaloo huwiyey dhar bir ah.
I Sa SomKQA 17:39  Oo Daa'uudna seeftii buu ku kor xidhay dharkiisii, oo wuxuu isku dayay inuu socdo, waayo, ma uu tijaabin. Markaasaa Daa'uud wuxuu Saa'uul ku yidhi, Kuwan kuma socon karo; waayo, ma aanan tijaabin. Markaasaa Daa'uud iska dhigay.
I Sa SomKQA 17:40  Wuxuuse gacanta ku qaatay ushiisii, oo biyo mareenkuu ka sii doortay shan dhagax oo siman, oo wuxuu ku ritay kolaygii adhijirka ee uu haystay, kaasoo ahaa qandigiisii, oo wadhafkiisiina gacantuu ugu jiray; markaasuu u soo dhowaaday ninkii reer Falastiin.
I Sa SomKQA 17:41  Oo ninkii reer Falastiinna Daa'uud buu u soo dhowaaday; ninkii gaashaanka u sidayna wuu hor socday.
I Sa SomKQA 17:42  Oo markii kii reer Falastiin wax fiiriyey, wuxuu arkay Daa'uud, wuuna quudhsaday; waayo, wuxuu ahaa wiil yar uun, oo cas, oo soojeed qurxoon.
I Sa SomKQA 17:43  Markaasaa kii reer Falastiin wuxuu Daa'uud ku yidhi, War anigu ma eey baan ahay waadiga ulo ii soo qaataye? Oo kii reer Falastiin Daa'uud buu ku habaaray magacyadii ilaahyadiisii.
I Sa SomKQA 17:44  Kii reer Falastiinna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ii kaalay oo hilibkaagaan siin doonaa haadka hawada iyo dugaagga duurka.
I Sa SomKQA 17:45  Markaasuu Daa'uud kii reer Falastiin ku yidhi, Adigu waxaad ii soo qaadatay seef iyo waran iyo hoto; aniguse waxaan kuula imid magaca Rabbiga ciidammada, kaasoo ah Ilaaha ciidammada reer binu Israa'iil ee aad caraysiisay.
I Sa SomKQA 17:46  Maanta Rabbigu gacantayduu ii soo kaa gelin doonaa; waanan ku dili doonaa, oo madaxaanan kaa gooyn doonaa; oo maanta meydka reer Falastiin ciidankooda waxaan siin doonaa haadka hawada, iyo dugaagga dhulka, si dunida oo dhammu ay u ogaato in Ilaah ku dhex jiro reer binu Israa'iil;
I Sa SomKQA 17:47  iyo si uu shirkan oo dhammu u ogaado inaan Rabbigu wax ku badbaadin seef iyo waran; waayo, dagaalka Rabbigaa leh, oo gacantayaduu idinku soo ridi doonaa.
I Sa SomKQA 17:48  Oo markii kii reer Falastiin soo kacay oo uu u soo dhowaaday inuu Daa'uud ka hor tago, ayaa Daa'uud soo dhaqsaday oo ku soo orday xaggii ciidanka inuu ka hor tago kii reer Falastiin.
I Sa SomKQA 17:49  Markaasaa Daa'uud gacanta geliyey kolaygiisii, oo dhagax kala soo baxay, oo intuu wadhfiyey ayuu kii reer Falastiin wejiga kaga dhuftay, oo dhagaxiina wejigiisuu dalaq yidhi, markaasuu dhulka afgembi ugu dhacay.
I Sa SomKQA 17:50  Sidaasuu Daa'uud kii reer Falastiin kaga adkaaday wadhaf iyo dhagax, oo wuu ku dhuftay, wuuna dilay; laakiinse Daa'uud gacanta seefu uguma jirin.
I Sa SomKQA 17:51  Markaasaa Daa'uud orday oo ag istaagay kii reer Falastiin, oo wuxuu ka qaatay seeftiisii, oo galkii ka soo bixiyey, oo intuu ku bireeyey ayuu madaxiina kaga gooyay. Oo kuwii reer Falastiinna markay arkeen in tiirrigoodii dhintay ayay carareen.
I Sa SomKQA 17:52  Markaasay raggii reer binu Israa'iil iyo raggii reer Yahuudah kaceen oo qayliyeen oo waxay eryadeen reer Falastiin, tan iyo dooxadii iyo ilaa irdaha Ceqroon. Oo dhaawicii reer Falastiinna waxay ku dhaceen jidka Shacarayim, iyo tan iyo Gad iyo ilaa Ceqroon.
I Sa SomKQA 17:53  Oo reer binu Israa'iilna way ka noqdeen reer Falastiinkii ay eryanayeen, oo xeradoodiina way dhaceen.
I Sa SomKQA 17:54  Markaasaa Daa'uud madaxii kii reer Falastiin qaaday, oo Yeruusaalem keenay, laakiinse hubkiisii teendhadiisuu dhigay.
I Sa SomKQA 17:55  Oo Saa'uulna markuu arkay Daa'uud oo u baxaya kii reer Falastiin ayuu Abneer oo ahaa sirkaalkii ciidanka ku yidhi, Abneer, yarkanu waa ina ayo? Oo Abneerna wuxuu ku yidhi, Boqorow, noloshaadaan ku dhaartaye, kuuma sheegi karo.
I Sa SomKQA 17:56  Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Soo haybso yarka ina ayihiisa.
I Sa SomKQA 17:57  Oo markii Daa'uud ka soo noqday diliddii kii reer Falastiin ayaa Abneer kexeeyey oo Saa'uul hor keenay isagoo gacanta ku wata madaxii kii reer Falastiin.
I Sa SomKQA 17:58  Markaasaa Saa'uul ku yidhi, Inanyahow, ina ayaad tahay? Oo Daa'uudna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay wiilkii addoonkaaga Yesay ee reer Beytlaxam.
Chapter 18
I Sa SomKQA 18:1  Oo markii uu dhammeeyey lahadliddii uu Saa'uul la hadlayay ayay naftii Yoonaataan ku xidhantay naftii Daa'uud, oo Yoonaataan wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisa.
I Sa SomKQA 18:2  Oo maalintaasaa Saa'uul qaatay oo mar dambena uma uu oggolaan inuu gurigii aabbihiis tago.
I Sa SomKQA 18:3  Markaasaa Yoonaataan iyo Daa'uud axdi dhigteen, maxaa yeelay, wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisii.
I Sa SomKQA 18:4  Markaasaa Yoonaataan iska bixiyey khamiiskiisii uu huwanaa, oo Daa'uud siiyey, iyo dharkiisii, iyo xataa seeftiisii, iyo qaansadiisii, iyo suundhabarkiisii.
I Sa SomKQA 18:5  Oo Daa'uudna meel alla meeshii Saa'uul u diro ayuu tegi jiray, wuuna ku guulaysan jiray; oo Saa'uulna wuxuu madax uga dhigay raggii dagaalka, oo taasuna way la wanaagsanayd dadkii oo dhan iyo addoommadii Saa'uul oo dhanba.
I Sa SomKQA 18:6  Oo markay yimaadeen, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Falastiin, dumarkii baa waxay ka yimaadeen magaalooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan si ay Boqor Saa'uul uga hor tagaan iyagoo gabyaya oo cayaaraya, oo faraxsan oo daf iyo alaabtii muusikada tumaya.
I Sa SomKQA 18:7  Oo dumarkiina midba midda kalay gabay u celisay, iyagoo cayaaraya, oo waxay yidhaahdeen, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun.
I Sa SomKQA 18:8  Saa'uulna aad buu u cadhooday, oo hadalkaas ayuu ka xumaaday, wuxuuna yidhi, Waxay Daa'uud ku sheegeen tobanyaal kun, laakiinse aniga waxay igu sheegeen kumanyaal; oo maxaa intaas ka badan oo uu heli lahaa boqortooyada mooyaane?
I Sa SomKQA 18:9  Oo Saa'uulna maalintaas dabadeed Daa'uud si xun buu u fiirin jiray.
I Sa SomKQA 18:10  Oo subaxdii dambe ruux xun oo xag Ilaah ka yimid ayaa ku soo degay Saa'uul, oo sidii nebi ayuu wax ugu sii sheegay guriga dhexdiisa. Markaasaa Daa'uud wuxuu gacanta ku dhuftay kataarad siduu maalin walba yeeli jiray; oo Saa'uulna gacantuu ku haystay warankiisii.
I Sa SomKQA 18:11  Oo wuxuu yidhi, Daa'uud derbigaan ku qodbi doonaa. Markaasaa Saa'uul warankii ku soo ganay. Daa'uudna laba jeer buu ka gabbaday.
I Sa SomKQA 18:12  Oo Saa'uulna Daa'uud buu ka cabsanayay, maxaa yeelay, Rabbigaa isaga la jiray, wuuna ka tegey Saa'uul.
I Sa SomKQA 18:13  Sidaas daraaddeed Saa'uul wuu iska fogeeyey isagii, oo wuxuu ka dhigay sirkaal kun u taliya; isaguna dadka hortiisuu ka bixi jiray, soona geli jiray.
I Sa SomKQA 18:14  Oo Daa'uudna wuu ku guulaysan jiray socodkiisa oo dhan, Rabbiguna wuu la jiray.
I Sa SomKQA 18:15  Oo Saa'uulna markuu arkay in Daa'uud aad u guulaystay ayuu la yaabay.
I Sa SomKQA 18:16  Laakiinse reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah oo dhanba Daa'uud aad bay u jeclaayeen; waayo, isagu hortooduu ka bixi jiray, soona geli jiray.
I Sa SomKQA 18:17  Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Bal eeg, gabadhayda weyn oo Meerab ah ayaan kuu siinayaa inaad guursato; laakiinse waa inaad ii xoog badnaato oo aad dagaallada Rabbigana dirirto. Waayo, Saa'uul wuxuu isyidhi, Yuusan gacantayda ku bixin, laakiinse gacanta reer Falastiin ha ku baxo.
I Sa SomKQA 18:18  Markaasaa Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War yaan ahay, oo noloshaydu waa maxay, amase reer aabbahay xaggay ka joogaan reer binu Israa'iil, inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa?
I Sa SomKQA 18:19  Laakiinse wakhtigii Saa'uul gabadhiisii Meerab ahayd Daa'uud loo guurin lahaa, waxaa la siiyey oo loo guuriyey Cadrii'eel oo reer Mexolaad ahaa.
I Sa SomKQA 18:20  Oo gabadhii Saa'uul oo Miikaal ahayd ayaa Daa'uud jeclaatay. Markaasaa Saa'uul loo sheegay, oo taasuna isagii way ka farxisay.
I Sa SomKQA 18:21  Markaasaa Saa'uul wuxuu isyidhi, Dabin ha ku noqotee, isaga waan siin iyada, si ay gacanta reer Falastiin isaga gees uga ahaato. Sidaas aawadeed Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu maanta waxaad mar labaad noqonaysaa wiilkii aan soddogga u ahaa.
I Sa SomKQA 18:22  Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku amray oo ku yidhi, Daa'uud hoos ahaan ula hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, boqorku wuu kugu farxay, oo addoommadiisa oo dhammuna way ku jecel yihiin; haddaba sidaas daraaddeed boqorku soddog ha kuu noqdo.
I Sa SomKQA 18:23  Oo addoommadii Saa'uulna erayadaas waxay u sheegeen Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Ma waxay idinla tahay inay fudud dahay inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa, anigoo ah nin miskiin ah oo weliba derejo yar?
I Sa SomKQA 18:24  Oo Saa'uul addoommadiisiina way u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Daa'uud sidaasuu u hadlay.
I Sa SomKQA 18:25  Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Sidan Daa'uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa'uul wuxuu damcay inuu Daa'uud u gacangeliyo reer Falastiin.
I Sa SomKQA 18:26  Oo addoommadiisiina markay Daa'uud erayadaas u soo sheegeen ayaa Daa'uud aad ugu farxay inuu ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Maalmahaasuna ma ay dhammaan;
I Sa SomKQA 18:27  markaasaa Daa'uud kacay oo tegey isagii iyo raggiisiiba, oo waxay reer Falastiin ka soo laayeen laba boqol oo nin; markaasaa Daa'uud buuryadoodii keenay, oo boqorkii bay siiyeen tiradoodii oo dhan, si Daa'uud u noqdo wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Saa'uulna wuu siiyey gabadhiisii Miikaal inay naag u noqoto.
I Sa SomKQA 18:28  Oo Saa'uulna wuu arkay wuuna ogaa in Rabbigu Daa'uud la jiro; oo Saa'uul gabadhiisii Miikaal ahaydna Daa'uud bay caashaqday.
I Sa SomKQA 18:29  Saa'uulna aad buu uga sii cabsanayay Daa'uud; oo Saa'uulna had iyo goorba Daa'uud cadow buu u ahaa.
I Sa SomKQA 18:30  Markaasaa waxaa soo baxay amiirradii reer Falastiin; oo sidii ay marar badan u soo bixi jireen, ayaa Daa'uud ka sii guul badnaa addoommadii Saa'uul oo dhan; oo sidaas aawadeed magiciisii aad iyo aad buu caan u noqday.
Chapter 19
I Sa SomKQA 19:1  Markaasaa Saa'uul la hadlay wiilkiisii Yoonaataan iyo addoommadiisii oo dhan, oo wuxuu ku amray inay Daa'uud dilaan.
I Sa SomKQA 19:2  Laakiinse Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa Daa'uud aad buu ugu farxay. Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud u sheegay oo ku yidhi, Aabbahay Saa'uul wuxuu doonayaa inuu ku dilo. Haddaba waan ku baryayaaye, subaxdii digtoonow, oo intaad meel qarsoon gashid dhuumo;
I Sa SomKQA 19:3  oo anigu waan tegayaa, oo beerta aad ku jirto dhexdeeda ayaan aabbahay ag istaagayaa, oo xaggaagaan aabbahay kala hadlayaa, oo hadday wax jiraanna waan kuu soo sheegayaa.
I Sa SomKQA 19:4  Oo Yoonaataanna wax wanaagsan ayuu aabbihiis Saa'uul uga sheegay Daa'uud, oo ku yidhi, Addoonkaaga Daa'uud ha ku dembaabin, maxaa yeelay, isagu kuguma uu dembaabin, oo shuqulladiisuna xaggaaga aad bay ugu wanaagsanaayeen,
I Sa SomKQA 19:5  waayo, intuu isku biimeeyey ayuu kii reer Falastiin dilay, oo Rabbiguna guul weyn buu u sameeyey reer binu Israa'iil oo dhan. Waad aragtay, waanad ku faraxday, haddaba maxaad dhiig aan xaq qabin ugu dembaabaysaa inaad sababla'aan Daa'uud u disho?
I Sa SomKQA 19:6  Markaasaa Saa'uul maqlay codkii Yoonaataan, oo wuxuu ku dhaartay nolosha Rabbiga inaan Daa'uud la dilayn.
I Sa SomKQA 19:7  Dabadeedna Yoonaataan Daa'uud buu u yeedhay, oo u sheegay waxyaalahan oo dhan. Markaasaa Yoonaataan Daa'uud u keenay Saa'uul, oo uu hor joogay sidii waagii hore.
I Sa SomKQA 19:8  Oo haddana mar kale waxaa dhacay dagaal. Markaasaa Daa'uud baxay oo la diriray reer Falastiin, oo intuu aad u laayay ayay ka hor carareen.
I Sa SomKQA 19:9  Oo haddana ruux xun oo xagga Rabbiga ka yimid ayaa ku soo degay Saa'uul isagoo gurigiisa dhex fadhiya oo warankiisii gacanta ugu jiro; markaasaa Daa'uud gacanta ku dhuftay kataaraddii.
I Sa SomKQA 19:10  Oo Saa'uulna wuxuu damcay inuu Daa'uud wareemo oo uu derbiga ku qodbo; laakiinse wuu ka cararay Saa'uul hortiisii oo Saa'uul wuxuu warankii ka taagay derbigii. Daa'uudna wuu cararay, oo habeenkaasuu baxsaday.
I Sa SomKQA 19:11  Markaasaa Saa'uul rag u diray Daa'uud gurigiisii, oo wuxuu ku yidhi, Dhawra oo subaxdii isaga dila. Markaasaa Miikaal oo Daa'uud naagtiisii ahayd ayaa warkii u sheegtay, oo ku tidhi, Haddaadan caawa naftaada la baxsan, berri waa lagu dilayaa.
I Sa SomKQA 19:12  Haddaba Miikaal waxay Daa'uud ka dejisay daaqaddii; oo isna intuu tegey ayuu cararay, waana baxsaday.
I Sa SomKQA 19:13  Markaasaa Miikaal waxay soo qaadday sanam oo sariirtay saartay, oo waxay madaxa u dhigtay barkin dhogor riyood ah, waxayna ku dedday dhar.
I Sa SomKQA 19:14  Oo markii Saa'uul rag u soo diray inay Daa'uud soo kexeeyaan ayay ku tidhi, Wuu bukaa.
I Sa SomKQA 19:15  Markaasaa Saa'uul raggii soo diray inay Daa'uud soo arkaan, oo wuxuu ku yidhi, Isagoo sariirta ku jiifa ii keena aan dilee.
I Sa SomKQA 19:16  Oo raggiina markay gurigiisii soo galeen ayay arkeen sanamkii oo sariirta saaran oo barkin dhogor riyood ahu madaxa u taal.
I Sa SomKQA 19:17  Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Miikaal ku yidhi, Naa maxaad saas iigu khiyaanaysay oo cadowgayga u sii daysay inuu baxsado? Miikaalna waxay Saa'uul ugu jawaabtay, Wuxuu igu yidhi, I sii daa, yaanan ku diline.
I Sa SomKQA 19:18  Haddaba Daa'uud wuu cararay oo wuu baxsaday, oo wuxuu Samuu'eel ugu yimid Raamaah, oo uu u sheegay kulli wixii Saa'uul ku sameeyey oo dhan. Markaasaa isaga iyo Samuu'eel waxay tageen oo degeen Naayood.
I Sa SomKQA 19:19  Saa'uulna waa loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Daa'uud wuxuu joogaa Naayood oo Raamaah ku taal.
I Sa SomKQA 19:20  Markaasaa Saa'uul rag u soo diray inay Daa'uud soo qabtaan; oo iyana markay arkeen guutadii nebiyada ahayd oo wax sheegaya, iyo Samuu'eel oo dhex taagan oo madax u ah ayaa ruuxii Rabbigu ku soo degay raggii Saa'uul soo diray, oo iyana wax bay sii sheegeen.
I Sa SomKQA 19:21  Oo taas markii Saa'uul loo sheegay ayuu haddana soo diray rag kale, oo iyana wax bay sii sheegeen. Oo haddana mar saddexaad ayaa Saa'uul rag kale soo diray, oo iyana wax bay sii sheegeen.
I Sa SomKQA 19:22  Markaasaa isagiina Raamaah tegey, oo wuxuu yimid ceelka weyn oo ku yaal Sekuu, dabadeedna dadkii buu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Samuu'eel iyo Daa'uud xaggee bay joogaan? Oo waxaa lagu yidhi, Waxay joogaan Naayood oo Raamaah ku taal.
I Sa SomKQA 19:23  Markaasuu wuxuu tegey Naayood oo Raamaah ku taal; markaasaa isagiina waxaa ku soo degay ruuxii Ilaah, oo wuu sii socday, oo sidii nebi buu wax u sheegay tan iyo ilaa uu yimid Naayood oo Raamaah ku taal.
I Sa SomKQA 19:24  Oo isna dharkii buu iska siibay, oo Samuu'eel hortiisuu wax ku sii sheegay, oo halkaasuu jiifay isagoo qaawan maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhan. Oo sidaas daraaddeed waxay yidhaahdaan, Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?
Chapter 20
I Sa SomKQA 20:1  Markaasaa Daa'uud wuxuu ka cararay Naayood oo Raamaah ku taal, oo intuu Yoonaataan u yimid ayuu ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo dembigaygu waa maxay? Oo dembiga aan aabbahaa ku sameeyey ee uu naftayda u doonayaa waa maxay?
I Sa SomKQA 20:2  Oo isna wuxuu ku yidhi, Yaanay noqon, adigu dhiman maysid. Aabbahay wax yar iyo wax weyn toona ma sameeyo wixii uu daaha iiga qaaday mooyaane. Maxaa aabbahay waxaas oo kale iiga qarinaya? Saas ma aha.
I Sa SomKQA 20:3  Oo haddana Daa'uud wuu dhaartay oo yidhi, Aabbahaa aad buu u og yahay inaad raalli iga tahay; oo wuxuu isyidhaahdaa, Yuusan Yoonaataan tan ogaanin waaba intaasoo uu ka calool xumaadaaye; laakiinse sida runta ah, waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaada inaan aniga iyo dhimasho waxba noo dhaxayn tallaabo mooyaane.
I Sa SomKQA 20:4  Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wax alla wixii naftaadu jeceshahayba waan kuu samayn doonaa.
I Sa SomKQA 20:5  Oo Daa'uudna Yoonaataan buu ku yidhi, Bal eeg, berrito bil baa dhalanaysa, oo waa inaanan ka baaqan inaan boqorka cunto ula fadhiisto, laakiinse i sii daa, aan tagee, oo aan ilaa maalinta saddexaad duurka ku dhuuntee.
I Sa SomKQA 20:6  Oo haddii aabbahaa i waayo, waxaad ku tidhaahdaa, Daa'uud aad buu fasax ii weyddiistay inuu magaaladiisii Beytlaxam ku ordo; waayo, ehelkiisii oo dhan ayaa halkaas ku bixinaya allabarigii sannadka.
I Sa SomKQA 20:7  Hadduu kugu yidhaahdo, Waa hagaag, anoo addoonkaaga ah nabad baan helayaa. Laakiinse hadduu cadhoodo, bal ogow inuu shar maaggan yahay.
I Sa SomKQA 20:8  Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah ii roonow; waayo, adigu waxaad ila dhigatay axdi xagga Rabbiga ah. Laakiinse haddaan dembi galay, adiguba i dil; bal maxaad aabbahaa iigu geeynaysaa?
I Sa SomKQA 20:9  Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Taasu ha kaa fogaato, waayo, haddaan ogahay in aabbahay maaggan yahay inuu shar kugu sameeyo, sow kuuma soo sheegeen?
I Sa SomKQA 20:10  Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Haddii aabbahaa si xun ugu jawaabo bal yaa ii soo sheegaya?
I Sa SomKQA 20:11  Oo Yoonaataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Kaalay oo ina keen aan duurka tagnee. Oo labadoodiiba waxay tageen duurka.
I Sa SomKQA 20:12  Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu, markhaati ha ka ahaado; berrito ama saa dambe haddaa oo kale, markii aan aabbahay soo calool baadho, hadduu wanaag kuu qabo, sow kuu soo cid diri maayo, oo daaha kaaga qaadi maayo wuxuu maaggan yahay oo dhan?
I Sa SomKQA 20:13  Hadday aabbahay ka farxin lahayd inuu shar kugu sameeyo oo aanan daaha kaaga qaadin, oo aanan weliba ku dirin si aad nabdoonaan ugu tagtid, Rabbigu saas iyo ka sii daran ha igu sameeyo; Rabbiguna ha kuula jiro siduu aabbahay ula jiray oo kale.
I Sa SomKQA 20:14  Waa inaanad raxmadda Rabbiga i tusin intaan noolahay oo keliya, si aanan u dhiman,
I Sa SomKQA 20:15  laakiinse raxmaddaada waa inaanad ka gooyn reerkayga weligaa, oo xataa ma aha markii Rabbigu cadaawayaashaada ka dhammeeyo dhulka.
I Sa SomKQA 20:16  Sidaasuu Yoonaataan axdi ula dhigtay reerkii Daa'uud, oo yidhi, Taas wuxuu Rabbigu ka doonayaa cadaawayaasha Daa'uud gacantooda.
I Sa SomKQA 20:17  Oo Yoonaataan mar kaluu Daa'uud dhaariyey, jacaylkii uu u qabay aawadiis, waayo, wuxuu isaga u jeclaa siduu naftiisa u jeclaa oo kale.
I Sa SomKQA 20:18  Markaasaa Yoonaataan wuxuu isagii ku yidhi, Berrito bil baa dhalanaysa oo waa lagu waayi doonaa, maxaa yeelay, kursigaagu wuu madhnaan doonaa.
I Sa SomKQA 20:19  Markaad saddex maalmood joogto dabadeed waa inaad dhaqsataa oo aad tagtaa halkaad ku dhuumatay markii xaalkanu dhacay, oo waa inaad sii ag joogtaa dhagixii Kalategidda.
I Sa SomKQA 20:20  Oo anna waxaan meeshaas dhinaceeda ku soo gani doonaa saddex fallaadhood, sidii anigoo calaamad ku ganaya.
I Sa SomKQA 20:21  Oo bal eeg, wiil yar baan u soo diri doonaa, oo waxaan ku odhan doonaa, Tag oo fallaadhihii soo doondoon. Haddaba haddaan yarka ku idhaahdo, War fallaadhihii waa kaa sokeeyaan, soo qaad oo kaalay; waayo, nabad baa kuu jirta oo waxyeello lama arko, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye.
I Sa SomKQA 20:22  Laakiinse haddaan wiilka ku idhaahdo, War fallaadhihii waa kaa shisheeyaan; markaas iska tag, waayo, Rabbigu wuu ku diray.
I Sa SomKQA 20:23  Oo xagga xaalkii aynu ka hadalnay, bal eeg, aniga iyo adiga waxaa inoo dhexeeya Rabbiga weligiisba.
I Sa SomKQA 20:24  Sidaasaa Daa'uud duurka ugu dhex dhuuntay, oo markii bishii dhalatay ayaa boqorkii u fadhiistay inuu wax cuno.
I Sa SomKQA 20:25  Markaasaa boqorkii wuxuu ku fadhiistay kursigiisii, sidii mararkii hore oo kale, kaasuna wuxuu ahaa kursigii derbiga ag yiil; oo Yoonaataanna wuu istaagay, Abneerna wuxuu dhinac fadhiistay Saa'uul, laakiinse meeshii Daa'uud way madhnayd.
I Sa SomKQA 20:26  Habase yeeshee Saa'uul maalintaas waxba kuma uu hadlin, waayo, wuxuu u maleeyey in wax ku dhaceen, oo wuxuu isyidhi, Ma uu nadiifsana, hubaal isagu ma uu nadiifsana.
I Sa SomKQA 20:27  Oo maalintii ka dambaysay galabtii bishu dhalatay, taasoo ahayd maalintii labaad, Daa'uud meeshiisii way madhnayd, markaasaa Saa'uul wuxuu wiilkiisii Yoonaataan ku yidhi, War wiilka Yesay muxuu cuntada ugu iman waayay shalay iyo maantaba?
I Sa SomKQA 20:28  Markaasaa Yoonaataan wuxuu Saa'uul ugu jawaabay, Daa'uud aad buu fasax ii weyddiistay inuu Beytlaxam tago,
I Sa SomKQA 20:29  oo wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa, aan tagee, waayo, ehelkayagii baa magaalada allabari ku leh, oo walaalkay baa igu amray inaan halkaas joogo, haddaba haddii aad raalli iiga tahay i sii daa aan tagee oo walaalahay soo arkee, waan ku baryayaaye. Oo sidaas daraaddeed buu u iman waayay miiska boqorka.
I Sa SomKQA 20:30  Markaasaa Saa'uul aad ugu cadhooday Yoonaataan, oo wuxuu ku yidhi, Kaagan naag qalloocan oo caasiyad ah inankeed ahow, war sow ma aan ogi inaad wiilka Yesay dooratay adoo ceeb u soo jiidaya naftaada iyo cawrada hooyadaa?
I Sa SomKQA 20:31  Waayo, inta wiilka Yesay dhulka ku nool yahay, adiga iyo boqortooyadaada midna dhismi maayo. Sidaas daraaddeed u cid dir oo soo kexee, waayo, hubaal wuu dhimanayaa.
I Sa SomKQA 20:32  Markaasaa Yoonaataan wuxuu u jawaabay aabbihiis Saa'uul oo ku yidhi, Maxaa loo dilayaa? Oo bal muxuu sameeyey?
I Sa SomKQA 20:33  Kolkaasaa Saa'uul warankiisii ku soo gantaalay si uu u dilo. Sidaasaa Yoonaataan taas ku ogaaday in aabbihiis maagganaa inuu Daa'uud dilo.
I Sa SomKQA 20:34  Oo Yoonaataanna miiskuu kala kacay cadho kulul, oo bisha maalinteedii labaadna waxba ma cunin, waayo, wuxuu u calool xumaaday Daa'uud aawadiis, maxaa yeelay, aabbihiis baa ceeb ku sameeyey.
I Sa SomKQA 20:35  Oo subaxdii dambe ayuu Yoonaataan duurka tegey wakhtigii uu Daa'uud la ballamay isagoo wata wiil yar.
I Sa SomKQA 20:36  Markaasuu wiilkii yaraa ku yidhi, Orod hadda oo soo doondoon fallaadhaha aan ganayo. Oo intii yarkii sii ordayay ayuu fallaadh shishadiisa ku ganay.
I Sa SomKQA 20:37  Oo yarkii markuu yimid meeshii Yoonaataan fallaadhii ku soo ganay ayaa Yoonaataan ka soo daba qayliyey yarkii, oo ku yidhi, War sow fallaadhii kaama sii shishayso?
I Sa SomKQA 20:38  Oo haddana Yoonaataan wuxuu ka soo daba dhawaaqay wiilkii oo ku yidhi, War dheeree oo dhaqso oo ha joogsan. Markaasaa Yoonaataan yarkiisii soo ururiyey fallaadhihii oo sayidkiisii u yimid.
I Sa SomKQA 20:39  Laakiin yarku waxba ma ogayn, Yoonaataan iyo Daa'uud keliya ayaase xaalka ogaa.
I Sa SomKQA 20:40  Markaasaa Yoonaataan hubkiisii yarkii u dhiibay, oo ku yidhi, Tag, oo magaaladii gee.
I Sa SomKQA 20:41  Oo isla markiiba kolkii yarkii tegey ayaa Daa'uud ka soo baxay meel Yoonaataan xagga koonfureed ka ahayd, markaasuu wejiga dhulka ku dhuftay oo saddex jeer sujuuday, wayna isdhunkadeen oo isla ooyeen ilaa Daa'uud sii badiyey.
I Sa SomKQA 20:42  Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Nabad ku tag, maxaa yeelay, labadeennuba waxaynu isugu dhaarannay magaca Rabbiga, innagoo leh, Rabbigu ha inoo dhexeeyo aniga iyo adiga, iyo farcankayga iyo farcankaaga weligiisba. Markaasaa Daa'uud kacay oo tegey, oo Yoonaataanna magaaladuu galay.
Chapter 21
I Sa SomKQA 21:1  Oo markaas dabadeedna Daa'uud wuxuu Nob ugu yimid wadaadkii Axiimeleg ahaa, oo Axiimelegna Daa'uud buu ka hor yimid isagoo gariiraya, oo wuxuu isagii ku yidhi, War maxaa keligaa kaa dhigay oo ninna kuula socon waayay?
I Sa SomKQA 21:2  Oo Daa'uudna wuxuu wadaadkii Axiimeleg ku yidhi, Boqorkii baa i amray oo muraad ii soo diray, wuxuuna igu yidhi, Ninna yuusan waxba ka ogaan muraadka aan kuu diray, iyo waxa aan kugu amray toona, oo raggii dhallinyarada ahaana meel baan kula ballamay.
I Sa SomKQA 21:3  Haddaba bal maxaa gacantaada ku jira? Bal i sii shan xabbadood oo kibis ah amase wax alla waxa yaal.
I Sa SomKQA 21:4  Markaasaa wadaadkii wuxuu Daa'uud ugu jawaabay, Kibis la wada cuno gacantayda kuma jirto, laakiinse waxaa taal kibis quduus ah haddii ragga dhallinyarada ahu naago ayan taaban.
I Sa SomKQA 21:5  Kolkaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ugu jawaabay, Sida runta ah intii saddex maalmood ah naago waa nalaga dhawray, oo markii aan soo baxay ragga dhallinyarada ah weelalkoodu quduus bay ahaayeen, laakiinse in kastoo uu sodcaalku mid caadi ah yahay, bal maanta intee bay weelalkoodu quduus sii yihiin?
I Sa SomKQA 21:6  Sidaas daraaddeed wadaadkii wuxuu Daa'uud siiyey kibis quduus ah, waayo, halkaas kibis ma oollin, kibistii tusniinta mooyaane, taas oo Rabbiga hortiisa laga soo qaaday si kibis kulul loo dhigo maalinta tii hore laga soo qaado.
I Sa SomKQA 21:7  Oo maalintaas waxaa halkaas joogay nin ka mid ah Saa'uul addoommadiisii, oo kaasna Rabbiga hortiisaa lagu hayay, magiciisuna wuxuu ahaa Do'eeg kii reer Edom, oo wuxuuna ahaa kii madaxda u ahaa xoolojirrada Saa'uul.
I Sa SomKQA 21:8  Markaasaa Daa'uud wuxuu Axiimeleg ku yidhi, Waxba miyaanad haynin waran amase seef? Waayo, sooma aan qaadan seeftaydii iyo hubkaygii toona, maxaa yeelay, waxaa i soo deddejiyey muraadkii boqorku ii soo diray.
I Sa SomKQA 21:9  Oo wadaadkiina wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaa halkan eefodka dabadiisa taal iyadoo maro ku duudduuban seeftii Goli'adkii reer Falastiin, oo aad dooxii Eelaah ku dishay, oo haddaad doonaysid inaad taas qaadatid, iska qaado, maxaa yeelay, taas mooyaane mid kale halkan ma taal. Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Taasoo kaleba ma jirto; ee bal i soo sii.
I Sa SomKQA 21:10  Markaasaa Daa'uud kacay, oo maalintaas wuxuu u cararay cabsi uu Saa'uul ka qabay aawadeed, oo wuxuu u tegey Aakiish oo boqorkii Gad ahaa.
I Sa SomKQA 21:11  Kolkaasaa addoommadii Aakiish waxay isagii ku yidhaahdeen, War sow kanu ma aha Daa'uud boqorkii dalka? Oo sow midkoodba midka kale gabay uguma celin iyagoo cayaaraya oo leh, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun?
I Sa SomKQA 21:12  Oo Daa'uudna erayadaas qalbiguu ku haystay, oo aad buuna uga cabsanayay Aakiish oo ahaa boqorkii Gad.
I Sa SomKQA 21:13  Oo markaasuu dabicaddiisii hortooda ku beddelay, oo wuxuu iska dhigay mid waalan markuu gacmahooda soo galay, oo wuxuu xagxagtay albaabbadii iridda, oo gadhkana dhareer buu iskaga daadiyey.
I Sa SomKQA 21:14  Markaasaa Aakiish wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War waad aragtaan inuu ninku waalan yahay, haddaba bal maxaad iigu keenteen?
I Sa SomKQA 21:15  War ma waxaan u baahanahay niman waalan, oo ma taas aawadeed baad ninkan u keenteen inuu hortayda isku waalo? War ma ninkan oo kalaa gurigayga soo gala?
Chapter 22
I Sa SomKQA 22:1  Sidaas daraaddeed Daa'uud halkaas wuu ka tegey oo wuxuu u baxsaday xagga bohoshii Cadullaam, oo markii walaalihiis iyo reerkii aabbihiis oo dhammu ay taas maqleen ayay halkaas isagii ugu tageen.
I Sa SomKQA 22:2  Oo mid kasta oo cidhiidhi ku jira, iyo mid kasta oo deyn qaba, iyo mid kasta oo aan raalli ahaynba isagay isu soo urursadeen, oo isna wuxuu u noqday madax u taliya, oo waxaa isaga la joogay in ku dhow afar boqol oo nin.
I Sa SomKQA 22:3  Markaasaa Daa'uud halkaas ka tegey oo Misfaahdii reer Moo'aab u kacay; oo wuxuu boqorkii reer Moo'aab ku yidhi, Waan ku baryayaaye, aabbahay iyo hooyaday ha soo baxeen oo ha kula joogeen, ilaa aan ogaado waxa Ilaah ii samaynayo.
I Sa SomKQA 22:4  Oo wuxuu iyagii hor keenay boqorkii reer Moo'aab, oo isagay la joogeen intii Daa'uud dhufayska ku jiray oo dhan.
I Sa SomKQA 22:5  Markaasaa Nebi Gaad wuxuu Daa'uud ku yidhi, Dhufayska ha ku sii jirine bax oo waxaad tagtaa dalka Yahuudah. Markaasaa Daa'uud tegey, oo wuxuu yimid kayntii Xaared.
I Sa SomKQA 22:6  Markaasaa Saa'uul wuxuu maqlay in Daa'uud iyo raggii la jirayba la soo arkay; oo Saa'uulna wuxuu joogay Gibecaah, isagoo hoos fadhiya geed Raamaah ku yaal, oo warankiisiina gacanta ugu jiro, addoommadiisii oo dhammuna hareero taagan yihiin.
I Sa SomKQA 22:7  Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi addoommadiisii hareerahiisa taagnaa, Bal maqla hadda, kuwiinnan reer Benyaamiinow, wiilka Yesay miyuu midkiin kastaba siinayaa beero iyo beero canab ah, oo miyuu kulligiin idinka wada dhigi doonaa kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya?
I Sa SomKQA 22:8  Ma saasaad kulligiin iigu heshiiseen, oo uu midkiinna iigu soo sheegi waayay markii wiilkaygu axdi la dhiganayay wiilka Yesay, oo uu midkiinna ii nixi waayay, wuuna iigu soo sheegi waayay in wiilkaygu igu kiciyey addoonkayga inuu i gaado sida maanta oo kale?
I Sa SomKQA 22:9  Markaasaa waxaa jawaabay Do'eeggii reer Edom oo ag taagnaa Saa'uul addoommadiisa, oo wuxuu yidhi, Waxaan arkay wiilkii Yesay oo Nob ku soo socda oo u yimid Axiimeleg ina Axiituub.
I Sa SomKQA 22:10  Oo isna Rabbiguu wax u weyddiiyey, oo saadna wuu siiyey, oo seeftii Goli'adkii reer Falastiinna wuu siiyey.
I Sa SomKQA 22:11  Kolkaasaa boqorku u cid diray in loo yeedho wadaadkii Axiimeleg ee ahaa ina Axiituub, isagii iyo reerkii aabbihiis oo dhanba, kuwaas oo ahaa wadaaddadii Nob joogay; oo iyana kulligood boqorkii bay u yimaadeen.
I Sa SomKQA 22:12  Markaasaa Saa'uul ku yidhi, Bal hadda maqal, ina Axiituubow. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, waa i kan.
I Sa SomKQA 22:13  Kolkaasaa Saa'uul ku yidhi, Maxaad iigu heshiiseen, adiga iyo ina Yesay, oo maxaad u siisay kibista iyo seefta, oo Ilaahna wax ugu weyddiisay si uu iigu kaco inuu i gaado sida maanta oo kale?
I Sa SomKQA 22:14  Markaasaa Axiimeleg wuxuu boqorkii ugu jawaabay, Bal yaa addoommadaada ka mid ah oo sida Daa'uud aamin u ah, kaasoo boqorku soddog u yahay, oo weliba shirkaaga ka qayb gala, oo reerkaagana sharaf ku leh?
I Sa SomKQA 22:15  Anigu ma maantaan bilaabay inaan isaga Ilaah wax u weyddiiyo? Taasu ha iga fogaato. Anigu waxan oo dhan waxba kama ogi wax yar iyo wax badan toona, haddaba, boqorow, anigoo addoonkaaga ah iyo reerka aabbahay oo dhanba waxba ha na saarin.
I Sa SomKQA 22:16  Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Axiimelegow, hubaal waad dhimanaysaa adiga iyo reerka aabbahaa oo dhammuba.
I Sa SomKQA 22:17  Dabadeedna boqorkii wuxuu waardiyayaashii hareerihiisa taagnaa ku yidhi, Ku jeesta oo wadaaddada Rabbiga laaya, maxaa yeelay, gacantoodu Daa'uud bay la jirtaa, oo iyagoo og inuu baxsaday ayayan ii soo sheegin, laakiinse boqorka addoommadiisii way diideen inay gacantooda ku fidiyaan oo laayaan wadaaddadii Rabbiga.
I Sa SomKQA 22:18  Markaasaa boqorkii Do'eeg ku yidhi, Adigu ku jeeso oo wadaaddada laa. Do'eeggii reer Edomna wuu ku jeestay oo wadaaddadii laayay, oo maalintaas wuxuu laayay shan iyo siddeetan qof oo wada qaba eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.
I Sa SomKQA 22:19  Oo magaaladii wadaaddada oo Nob ahaydna wixii joogay ayuu seef ku laayay. Rag iyo dumarba, iyo carruur iyo caanonuugba, iyo dibi iyo dameerro iyo idoba wuxuu ku wada laayay seef.
I Sa SomKQA 22:20  Oo waxaa ka baxsaday oo Daa'uud ka daba cararay mid ka mid ah wiilashii Axiimeleg ina Axiituub, magiciisana la odhan jiray Aabyaataar.
I Sa SomKQA 22:21  Markaasaa Aabyaataar wuxuu Daa'uud u sheegay in Saa'uul laayay wadaaddadii Rabbiga.
I Sa SomKQA 22:22  Kolkaasaa Daa'uud Aabyaataar ku yidhi, Maalintii Do'eeggii reer Edom halkaas joogay, waan garanayay inuu Saa'uul u sheegi doono. Dadkii reerka aabbahaa oo dhan anigaa dhimashada u soo jiiday.
I Sa SomKQA 22:23  Haddaba aniga ila joog oo ha cabsan, maxaa yeelay, kii naftayda doona ayaa naftaadana doonaya, waayo, ammaan waad igula joogi doontaa.
Chapter 23
I Sa SomKQA 23:1  Markaasaa Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Reer Falastiin waxay la dirirayaan reer Qeciilaah iyagoo ka dhacaya meelihii hadhuudhka lagu tumi jiray.
I Sa SomKQA 23:2  Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi.
I Sa SomKQA 23:3  Markaasaa Daa'uud raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagu halkan oo ah dalka Yahuudah ayaan ku cabsanaynaa, haddaba intee in le'eg bay nooga sii daran tahay haddaannu Qeciilaah tagno oo ciidanka reer Falastiin ku duulno?
I Sa SomKQA 23:4  Oo haddana mar kale ayaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiistay. Markaasaa Rabbigu ugu jawaabay, Kac, oo ku dhaadhac Qeciilaah, waayo, reer Falastiin gacantaadaan soo gelin doonaa.
I Sa SomKQA 23:5  Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba Qeciilaah tageen, oo reer Falastiin la dirireen, oo waxay ka soo dhaceen lo'doodii, dad faro badanna way laayeen. Sidaasuu Daa'uud dadkii Qeciilaah degganaa u badbaadiyey.
I Sa SomKQA 23:6  Oo markii Aabyaataar oo ina Axiimeleg ahaa Daa'uud ugu soo cararay xagga Qeciilaah, wuxuu yimid isagoo eefod gacanta ku sita.
I Sa SomKQA 23:7  Oo Saa'uul baa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah yimid. Markaasaa Saa'uul yidhi, Haddaa Ilaah gacanta ii soo geliyey; waayo, wuxuu ku xidhmay markuu galay magaalo leh irdo iyo qataarro.
I Sa SomKQA 23:8  Markaasaa Saa'uul dadkiisii oo dhan dagaal ugu yeedhay inay Qeciilaah ku dhaadhacaan, oo ay Daa'uud iyo raggiisaba hareereeyaan.
I Sa SomKQA 23:9  Oo Daa'uudna wuu ogaa in Saa'uul belaayo la damacsan yahay; markaasuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Halkan eefodka keen.
I Sa SomKQA 23:10  Markaasaa Daa'uud yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, hubaal anoo addoonkaaga ah waxaan maqlay in Saa'uul doonayo inuu Qeciilaah yimaado, oo uu magaaladana daraadday u baabbi'iyo.
I Sa SomKQA 23:11  Haddaba dadka reer Qeciilaah miyey isaga ii gacangelin doonaan? Oo Saa'uul miyuu soo dhaadhacayaa sidii anoo addoonkaaga ah aan u maqlay? Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye, anigoo addoonkaaga ah taas ii sheeg. Markaasaa Rabbigu ku yidhi, Haah, wuu soo dhaadhici doonaa.
I Sa SomKQA 23:12  Kolkaasuu Daa'uud yidhi, Haddaba miyey dadka reer Qeciilaah aniga iyo raggaygaba Saa'uul gacanta noo gelin doonaan? Rabbigu wuxuu yidhi, Haah, way kuu gacangelin doonaan.
I Sa SomKQA 23:13  Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii oo lix boqol ku dhowaa kaceen oo Qeciilaah ka baxeen, oo waxay tageen meel alla meeshii ay tegi kareen. Oo Saa'uulna waxaa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah ka baxsaday, markaasuu iska daayay inuu u soo baxo.
I Sa SomKQA 23:14  Oo Daa'uudna wuxuu degganaa dhufaysyada cidlada ku yiil, oo wuxuu iska joogay dalka buuraha leh ee cidlada ah ee Siif. Oo Saa'uul baa doondooni jiray maalin kasta, laakiinse Ilaah gacanta uma soo gelin.
I Sa SomKQA 23:15  Oo Daa'uudna wuxuu arkay in Saa'uul u soo baxay si uu naftiisa u deydeyo. Daa'uudna cidlada Siif buu ku jiray, duurka dhexdiisa.
I Sa SomKQA 23:16  Markaasaa Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa kacay, oo Daa'uud ugu tegey duurka dhexdiisa, oo gacantiisuu ku xoogeeyey Ilaah.
I Sa SomKQA 23:17  Oo wuxuu isagii ku yidhi, Ha cabsan, waayo, aabbahay Saa'uul gacantiisu kuma heli doonto; oo adna reer binu Israa'iil boqor baad u noqon doontaa, oo anna waan kugu xigi doonaa; taasna aabbahay Saa'uul waa og yahay.
I Sa SomKQA 23:18  Oo labadoodii axdi bay Rabbiga hortiisa ku dhigteen. Oo Daa'uud wuxuu iska joogay duurkii, Yoonaataanna gurigiisii buu tegey.
I Sa SomKQA 23:19  Markaasaa Saa'uul waxaa Gibecaah ugu yimid reer Siif, waxayna ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu ku dhuuman dhufaysyada dalkayaga duurka ku yaal, oo ku dhex yaal buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal?
I Sa SomKQA 23:20  Haddaba, boqorow, soo dhaadhac adigoo aad u doonaya inaad timaadid; oo annana qaybtayadu wuxuu ahaan doonaa inaan gacantaada ku soo ridno, boqorow.
I Sa SomKQA 23:21  Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Kuwo xagga Rabbiga ka barakaysan noqda; waayo, idinku waad ii naxariisateen.
I Sa SomKQA 23:22  Haddaba waan idin baryayaaye weliba taga oo sii hubsada, oo waxaad soo ogaataan oo soo aragtaan meeshuu u caado leeyahay, iyo kii isaga halkaas ku soo arkay, waayo, waxaa la ii soo sheegay inuu aad xeelad ugu macaamiloodo.
I Sa SomKQA 23:23  Sidaas daraaddeed soo arka oo soo wada ogaada meelaha uu ku gabbado ee uu ku dhuunto oo dhanba, oo mar kale igu soo noqda idinkoo aad u huba, markaasaan idin raaci doonaa, oo haddii uu dhulka dhex joogo, waxaan isaga ka dhex baadhi doonaa kumanyaalka reer Yahuudah oo dhan.
I Sa SomKQA 23:24  Markaasay Saa'uul hor mareen, oo ay u kaceen xagga Siif, laakiinse Daa'uud iyo raggiisiiba waxay joogeen cidlada reer Maacoon ku dhex taal Caraabaah ee lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal.
I Sa SomKQA 23:25  Markaasaa Saa'uul iyo raggiisiiba waxay u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan. Oo iyana taas bay u sheegeen Daa'uud, sidaas daraaddeed ayuu u dhaadhacay xagga dhagaxii weynaa, oo cidladii Maacoon ayuu iska joogay. Oo Saa'uulna markuu taas maqlay ayuu Daa'uud u eryaday xagga cidladii Maacoon.
I Sa SomKQA 23:26  Oo Saa'uulna wuxuu maray buurta dhankeedii soke, Daa'uud iyo raggiisiina waxay mareen buurta dhankeedii shishe, oo Daa'uudna wuu dhaqsaday inuu u cararo cabsi uu Saa'uul ka qabo aawadeed, waayo, Saa'uul iyo raggiisii waxay u hareereeyeen Daa'uud iyo raggiisii inay qabtaan.
I Sa SomKQA 23:27  Laakiinse wargeeys baa Saa'uul u yimid oo ku yidhi, Soo dhaqso oo kaalay; waayo, reer Falastiin weerar bay ku soo kacsheen dalkii.
I Sa SomKQA 23:28  Oo sidaas daraaddeed Saa'uul wuu ka noqday Daa'uud kii uu eryanayay, oo wuxuu u kacay kuwii reer Falastiin, sidaas aawadeed waxay meeshaas u bixiyeen Selac Hammaxleqood.
I Sa SomKQA 23:29  Oo Daa'uudna halkaas wuu ka tegey, oo iska joogay Ceyn Gedii dhufaysyadeedii.
Chapter 24
I Sa SomKQA 24:1  Kolkii Saa'uul ka soo noqday kuwii reer Falastiin oo uu raacdaysanayay ayaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Daa'uud cidlada Ceyn Gedii buu joogaa.
I Sa SomKQA 24:2  Markaasaa Saa'uul reer binu Israa'iil oo dhan kala baxay saddex kun oo nin oo la doortay, oo wuxuu Daa'uud iyo raggiisii ka xulayay dhagaxyadii ay riyodibadeedku joogeen.
I Sa SomKQA 24:3  Markaasuu wuxuu yimid xeryihii idaha oo jidka ku ag yiil, oo halkaasna waxaa ku tiil bohol; markaasaa Saa'uul halkaas u galay inuu cagihiisa qariyo aawadeed. Haddaba Daa'uud iyo raggiisiiba waxay ku jireen bohosha meelaha ugu sii hooseeya.
I Sa SomKQA 24:4  Oo Daa'uudna raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, maanta waa maalintii Rabbigu kugu yidhi, Cadowgaaga gacantaadaan ku soo ridi doonaa, oo waxaad ku samayn doontaa wixii kula wanaagsan. Markaasaa Daa'uud kacay, oo hoos ahaan ayuu aayar u gooyay Saa'uul darafkii khamiiskiisa.
I Sa SomKQA 24:5  Oo waxay hadhow noqotay in Daa'uud qalbigiisii naxdini ku dhacday, maxaa yeelay, wuxuu gooyay darafkii khamiiskii Saa'uul.
I Sa SomKQA 24:6  Markaasuu wuxuu raggiisii ku yidhi, Rabbigu ha iga fogeeyo inaan waxan ku sameeyo sayidkayga kaasoo ah Rabbiga kiisa subkan, iyo inaan isaga gacanta u qaada, maxaa yeelay, wuxuu yahay Rabbiga kiisa subkan.
I Sa SomKQA 24:7  Sidaasaa Daa'uud raggiisii ugu diiday erayadaas, oo umana uu oggolaan inay Saa'uul ku kacaan. Markaasaa Saa'uul ka soo baxay bohoshii, oo iska tegey.
I Sa SomKQA 24:8  Oo Daa'uudna mar dambuu kacay oo bohoshii ka soo baxay, oo wuxuu ka daba qayliyey Saa'uul, oo ku yidhi, Sayidkaygiiyow, boqorow. Oo Saa'uulna markuu dib dhugtay ayaa Daa'uud wejiga dhulka saaray, wuuna sujuuday.
I Sa SomKQA 24:9  Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War maxaad u maqashaa dadka warkiisa intay kugu yidhaahdaan, Daa'uud wuxuu doonayaa inuu wax ku yeelo?
I Sa SomKQA 24:10  Bal eeg, maanta indhahaagu way arkeen sida Rabbigu iigu soo kaa gacangeliyey annagoo godka ku jirna, oo qaarna, Dil, bay igu yidhaahdeen, laakiinse waan kuu naxay; oo waxaan idhi, Anigu sayidkayga gacanta u qaadi maayo, maxaa yeelay, isagu waa Rabbiga kiisa subkan.
I Sa SomKQA 24:11  Bal eeg, aabbow, bal eeg haddana darafkii khamiiskaaga oo gacantayda ku jira, waayo, waxaan gooyay darafkii khamiiskaaga, kumana diline, haddaba ogow inayan gacantayda ku jirin shar iyo xadgudub toona, oo anna kuguma aanan dembaabin, in kastoo aad naftayda u gaadaysid inaad iga qaaddid.
I Sa SomKQA 24:12  Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo, oo Rabbigu ha iiga kaa aar gudo, gacantayduse ku taaban mayso.
I Sa SomKQA 24:13  Sida ay leedahay maahmaahdii dadkii hore, Kii shar ah waxaa ka soo baxda sharnimo, gacantayduse ku taaban mayso.
I Sa SomKQA 24:14  Bal boqorkii reer binu Israa'iilow, yaad ka soo daba baxaysaa? Oo bal yaad eryanaysaa? Ma eey bakhti ah, mase tagfi?
I Sa SomKQA 24:15  Haddaba Rabbigu aniga iyo adiga dhexdeenna xaakin ha ka ahaado oo ha inoo garnaqo, oo ha arko gartayda, gacantaadana ha iga samatabbixiyo.
I Sa SomKQA 24:16  Markii Daa'uud hadalkaas Saa'uul u dhammeeyey ayaa Saa'uulna wuxuu yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Saa'uulna codkiisii kor buu u qaaday oo ooyay.
I Sa SomKQA 24:17  Kolkaasuu Daa'uud ku yidhi, Aad baad iiga qumman tahay, waayo, wanaag baad ii fashay, anse xumaan baan kuugu beddelay.
I Sa SomKQA 24:18  Oo adna maanta waxaad caddaysay sidii aad si wanaagsan iigula macaamilootay, waayo, markii Rabbigu gacantaada igu soo riday ima aadan dilin.
I Sa SomKQA 24:19  Waayo, haddii nin cadowgiisa helo miyuu wanaag ku sii dayn lahaa? Sidaas daraaddeed tan aad maanta ii samaysay aawadeed Rabbigu wanaag ha kuugu abaal gudo.
I Sa SomKQA 24:20  Oo hadda bal eeg, hubaal waan ogahay inaad boqor noqonaysid, iyo in boqortooyada reer binu Israa'iil gacantaada ku dhismi doonto.
I Sa SomKQA 24:21  Haddaba bal Rabbiga iigu dhaaro, inaadan gooynayn farcankayga iga dambeeya, iyo inaadan magacayga reer aabbahay ka dhex baabbi'inayn.
I Sa SomKQA 24:22  Markaasaa Daa'uud u dhaartay Saa'uul. Oo Saa'uulna gurigiisii buu tegey, laakiinse Daa'uud iyo raggiisiiba waxay galeen dhufayskii.
Chapter 25
I Sa SomKQA 25:1  Markaasaa waxaa dhintay Samuu'eel, reer binu Israa'iil oo dhammuna way isu soo wada urureen oo u baroorteen, oo waxay isagii ku dhex aaseen gurigiisii Raamaah ku yiil. Daa'uudna wuu kacay oo ku dhaadhacay cidladii Faaraan.
I Sa SomKQA 25:2  Oo waxaa jiray nin reer Maacoon ahaa oo ay xoolihiisu Karmel joogeen, oo ninkaasuna aad buu u weynaa, oo wuxuu lahaa saddex kun oo ido ah iyo kun riyo ah, oo isna idihiisii ayuu Karmel ku xiirayay.
I Sa SomKQA 25:3  Haddaba ninkaas magiciisu wuxuu ahaa Naabaal, naagtiisa magaceeduna Abiigayil, oo naagtuna waxay ahayd mid caqli wanaagsan, aadna u suurad qurxoon, laakiinse ninku wuxuu ahaa nin qallafsan oo shar sameeya; oo wuxuuna ahaa reer Kaaleeb.
I Sa SomKQA 25:4  Oo Daa'uud oo cidlada joogay ayaa maqlay in Naabaal idihiisii xiirayo.
I Sa SomKQA 25:5  Daa'uudna toban nin oo dhallinyaro ah ayuu diray, oo Daa'uud wuxuu raggii dhallinyarada ahaa ku yidhi, Orda oo Naabaal ugu taga Karmel, oo magacayga ku salaama;
I Sa SomKQA 25:6  oo waxaad kaas barwaaqaysan ku tidhaahdaan, Nabadu ha kuu ahaato, reerkaagana nabadu ha u ahaato, oo waxaad haysatid oo dhanna nabadu ha u ahaato.
I Sa SomKQA 25:7  Oo haatan waxaan maqlay inaad haysatid kuwo ido xiira; adhijirradaadiina way nala joogayeen, oo annana waxba ma aannu yeelin, oo innaba wax kama dhinnayn intii ay Karmel joogeen oo dhan.
I Sa SomKQA 25:8  Oo taas bal raggaaga dhallinyarada ah weyddii, oo way kuu sheegi doonaan. Taas aawadeed ragga dhallinyarada ah raalli ka ahow, waayo, maalin wanaagsan baannu kuu nimid, haddaba waan ku baryayaaye wax alla wixii gacantaada ku jira soo sii addoommadaada iyo anoo ah inankaaga Daa'uud.
I Sa SomKQA 25:9  Oo markay Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa yimaadeen ayay erayadan oo dhan Naabaal kula hadleen iyagoo magaca Daa'uud ku hadlaya, dabadeedna way aamuseen.
I Sa SomKQA 25:10  Markaasaa Naabaal ugu jawaabay Daa'uud addoommadiisii, Waa ayo Daa'uud? Wiilka Yesayse waa kuma? Maalmahan waxaa jira addoommo badan oo nin kastaa ku caasiyooba sayidkiisa.
I Sa SomKQA 25:11  Haddaba miyaan qaadaa kibistayda, iyo biyahayga, iyo hilibkayga aan u qalay kuwa idaha ii xiiraya, oo miyaan siiyaa niman aanan aqoon meel ay ka yimaadeen?
I Sa SomKQA 25:12  Sidaas daraaddeed Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa way jeesteen oo dib bay u noqdeen, oo intay Daa'uud u yimaadeen ayay erayadan oo dhan u sheegeen.
I Sa SomKQA 25:13  Markaasaa Daa'uud wuxuu raggiisii ku yidhi, Nin walowba seeftaada xidho. Oo nin waluba seeftiisii buu xidhay, oo Daa'uudna seeftiisii buu xidhay. Kolkaasaa waxaa Daa'uud raacay in ku dhow afar boqol oo nin; oo laba boqolna alaabtii bay la joogeen.
I Sa SomKQA 25:14  Laakiinse raggii dhallinyarada ahaa midkood ayaa u warramay Naabaal naagtiisii Abiigayil ahayd oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, Daa'uud ayaa wargeeys ka soo diray cidlada inay soo salaamaan sayidkayaga, laakiinse wuu caayay.
I Sa SomKQA 25:15  Laakiinse nimankaasu way noo wanaagsanaayeen aad iyo aad, oo waxba nalama yeelin, oo innaba wax nagama dhinnayn intii aannu la soconnay oo dhan markii aannu duurka joognay.
I Sa SomKQA 25:16  Iyagu habeen iyo maalinba derbi bay noo ahaayeen intaannu iyaga la joognay oo idaha haynay oo dhan.
I Sa SomKQA 25:17  Haddaba bal garo oo ka fiirso wixii aad samayn doonto, waayo, sayidkayaga iyo reerkiisa oo dhanba belaayaa lala damacsan yahay, waayo, isagu waa waxmatare, oo ninnaba lama hadli karo.
I Sa SomKQA 25:18  Markaasaa Abiigayil dhaqsatay, oo waxay soo qaadatay laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo laba sibraar oo khamri ah, iyo shan neef oo ido ah oo la qalay, iyo shan koombo oo hadhuudh la dubay ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo laba boqol oo fud oo berde ah, oo waxay ku raratay dameerro.
I Sa SomKQA 25:19  Markaasay waxay raggeedii dhallinyarada ahaa ku tidhi, Taga oo iga hor mara, oo anna waan idinka daba imanayaa. Laakiinse waxba uma ay sheegin ninkeedii Naabaal.
I Sa SomKQA 25:20  Oo siday dameerkeedii u soo fuushanayd ayay soo dhaadacday oo ag martay buurta meesheedii qarsoonayd, oo waxaa ka hor yimid Daa'uud iyo raggiisii, markaasay la kulantay.
I Sa SomKQA 25:21  Haddaba Daa'uud wuxuu markaa ka hor yidhi, Hubaal waxtarla'aan baan u dhawrayay waxa ninkanu cidlada ku haysto oo dhan, si aan waxba uga maqnaan waxa uu leeyahay oo dhan, oo wanaaggii aan u falay shar buu iigu beddelay.
I Sa SomKQA 25:22  Ilaah saas iyo si ka sii daranba ha ku sameeyo cadaawayaashayda, haddii waxa uu leeyahay oo dhan xataa wiil yarna ha noqotee aan ka tago tan iyo waaberiga.
I Sa SomKQA 25:23  Oo Abiigayilna markay Daa'uud aragtay ayay haddiiba dameerkeedii ka soo degtay, oo Daa'uud isku hor tuurtay, wayna sujuudday.
I Sa SomKQA 25:24  Oo intay cagihiisa isku tuurtay ayay tidhi, Dembiganu dushayda ha ahaado, sayidkaygiiyow, dushayda ha ahaado, oo waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ahu dhegahaaga aan ku hadlo, oo adiguna bal maqal erayadayda anoo addoontaada ah.
I Sa SomKQA 25:25  Waan ku baryayaaye, sayidkaygiiyow, ha ka fikirin ninkan waxmataraha ah ee Naabaal la yidhaahdo, waayo, sida magiciisu u yahay weeye isaguna; magiciisu waa Naabaal oo waxaa isaga ku jirta nacasnimo, laakiinse anigoo ah addoontaada ma aanan arkin nimankii dhallinyarada ahaa oo aad soo dirtay, sayidkaygiiyow.
I Sa SomKQA 25:26  Sidaas daraaddeed, sayidkaygiiyow, waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga, iyo adiga naftaada, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu kaa hor joogsaday inaad dhiig gasho, iyo inaad gacantaada ku aarsatid, haddaba cadaawayaashaada iyo kuwa xumaanta kula doonaya, sayidkaygiiyow, ha noqdeen sida Naabaal oo kale.
I Sa SomKQA 25:27  Haddaba sayidkaygiiyow, hadiyaddan anoo addoontaada ah aan kuu keenay, ha la siiyo ragga dhallinyarada ah oo kula socda.
I Sa SomKQA 25:28  Waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ah xadgudubkayga iga cafi, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu hubaal wuxuu kuu samayn doonaa guri ammaan ah, maxaa yeelay, waxaad dirirtaa dagaallada Rabbiga; oo cimrigaaga oo dhanna shar lagaama heli doono.
I Sa SomKQA 25:29  Oo in kastoo dadku kugu kaco oo kuu eryado inuu nafta kaa qaado, weliba, sayidkaygiiyow, naftaadu waxay xidhmada nolosha kula xidhnaan doontaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo cadaawayaashaada naftoodana wuu tuuri doonaa sidii isagoo ka tuuraya wadhafka meeshiisa godan.
I Sa SomKQA 25:30  Oo markii Rabbigu kuu sameeyo wanaaggii uu kaaga hadlay oo dhan ee uu amiir kaaga dhigo reer binu Israa'iil oo dhan, sayidkaygiiyow,
I Sa SomKQA 25:31  markaas ma nixi doontid, qalbigaaguna kuuma xumaan doono dhiig aad sababla'aan u daadisay, iyo aarsasho; oo markii Rabbigu si wanaagsan kuula macaamiloodo, sayidkaygiiyow, bal markaas i soo xusuuso, anoo addoontaada ah.
I Sa SomKQA 25:32  Markaasaa Daa'uud wuxuu Abiigayil ku yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo maanta kuu soo diray inaad iga hor timaadid.
I Sa SomKQA 25:33  Waxaa barakaysan xigmaddaada, oo adna waad barakaysan tahay, waayo, waxaad maanta iga celisay inaan dhiig galo iyo inaan gacantayda ku aarsado.
I Sa SomKQA 25:34  Waxaan ku dhaartay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo nool oo iga joojiyey inaan wax ku yeelo, waayo, hubaal haddii aadan degdegin oo iga hor iman, waaberiga Naabaal xataa wiil yaru uma uu hadheen.
I Sa SomKQA 25:35  Sidaas daraaddeed Daa'uud gacanteedii buu ka guddoomay wixii ay u keentay, markaasuu ku yidhi, Haddaba gurigaagii nabad ku tag, oo bal eeg, codkaagii waan maqlay, waanan ku aqbalay.
I Sa SomKQA 25:36  Markaasaa Abiigayil u timid Naabaal, oo bal eeg, gurigiisuu ku qabtay diyaafad u eg boqor diyaafaddiis, oo Naabaalna qalbigiisu aad buu u faraxsanaa, waayo, aad buu u sakhraansanaa; sidaas daraaddeed waxba uma ay sheegin yar iyo badnaan toona ilaa waaberigii.
I Sa SomKQA 25:37  Oo subaxdii markii Naabaal sakhraankii ka ba'ay ayay naagtiisii waxyaalahan u sheegtay, markaasaa qalbigii ku dhex dhintay, oo sidii dhagax oo kale ayuu noqday.
I Sa SomKQA 25:38  Oo haddana toban maalmood dabadeed Rabbigaa Naabaal dilay, wuuna iska dhintay.
I Sa SomKQA 25:39  Oo Daa'uudna markuu maqlay in Naabaal dhintay ayuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbigii Naabaal caydii uu i caayay iiga soo aarguday, oo anoo addoonkiisa ah shar iga celiyey; Naabaalna xumaantii uu samaynayay Rabbigu isaguu ku celiyey. Markaasuu Daa'uud cid u diray Abiigayil oo kala hadlay siduu u guursan lahaa.
I Sa SomKQA 25:40  Oo addoommadii Daa'uudna markay Abiigayil ugu yimaadeen Karmel, intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Daa'uud baa noogu kaa soo diray inuu ku guursado.
I Sa SomKQA 25:41  Markaasay kacday oo intay sujuudday ayay wejigeeda dhulka saartay, oo waxay tidhi, Bal eeg, anoo addoontaada ah waxaan ahay midiidin cagaha u maydha addoommada sayidkayga.
I Sa SomKQA 25:42  Markaasaa Abiigayil dhaqsatay, oo kacday, oo waxay fuushay dameer, iyadoo wadata shan gabdhood oo kuweed ah oo la socda; oo iyana wargeeyayaashii Daa'uud bay daba gashay, waxayna noqotay naagtiisii.
I Sa SomKQA 25:43  Oo Daa'uud haddana Axiinocamtii reer Yesreceel buu guursaday, oo labadoodiiba waxay noqdeen naagihiisii.
I Sa SomKQA 25:44  Haddaba Saa'uul gabadhiisii Miikaal ee Daa'uud naagtiisa ahayd wuxuu siiyey Faltii oo ahaa ina Layish, kaasoo ahaa reer Galliim.
Chapter 26
I Sa SomKQA 26:1  Oo waxaa Saa'uul Gibecaah ugu yimid kuwii reer Siif, iyagoo leh, Miyuusan Daa'uud ku dhuuman buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka ku hor taal?
I Sa SomKQA 26:2  Markaasaa Saa'uul kacay, oo wuxuu ku dhaadacay cidladii Siif, isagoo wata saddex kun oo nin oo reer binu Israa'iil laga soo doortay, inuu Daa'uud ka soo doondoono cidlada Siif.
I Sa SomKQA 26:3  Kolkaasaa Saa'uul soo degay buurtii Xakiilaah, taasoo lamadegaanka ku hor taal, waddadana ku dhinac taal. Laakiinse Daa'uud cidladuu joogay, oo wuxuuna arkay in Saa'uul cidlada uga soo daba galay.
I Sa SomKQA 26:4  Sidaas daraaddeed Daa'uud basaasyuu soo diray, wuxuuna ogaaday in Saa'uul xaqiiqa ahaan yimid.
I Sa SomKQA 26:5  Markaasaa Daa'uud soo kacay oo yimid meeshii Saa'uul degay, oo Daa'uud wuxuu arkay meeshii Saa'uul jiifay, isaga iyo Abneer ina Neer oo ahaa sirkaalkii ciidankiisa, oo Saa'uulna wuxuu jiifay meeshii gaadhifardoodku joogay dhexdeeda, oo dadkuna hareerihiisay degeen.
I Sa SomKQA 26:6  Markaasaa Daa'uud jawaabay oo ku yidhi kii reer Xeed oo Axiimeleg ahaa iyo Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo Yoo'aabna walaalkiis ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Yaa ii raacaya Saa'uul xeraduu joogo? Kolkaasaa Abiishay ku yidhi, anaa ku raacaya.
I Sa SomKQA 26:7  Sidaasay Daa'uud iyo Abiishay dadkii ugu yimaadeen habeennimo, oo waxay arkeen Saa'uul oo hurda meeshii gaadhifardoodka dhexdeeda, oo warankiisiina dhulkuu ku mudnaa meel madaxiisa u dhow; oo Abneer iyo dadkiina hareerihiisay jiifeen.
I Sa SomKQA 26:8  Markaasaa Abiishay wuxuu Daa'uud ku yidhi, Maanta Ilaah wuxuu kuu soo gacangeliyey cadowgaagii. Haddaba waan ku baryayaaye i daa aan wareemee oo aan mar keliya dhulka ku qodbee, oo mar labaad ku dhufan maayo.
I Sa SomKQA 26:9  Markaasaa Daa'uud wuxuu Abiishay ku yidhi, Ha dilin, waayo, bal yaa gacan u qaadi kara Rabbiga kiisa subkan, oo haddana eedla'aan doona?
I Sa SomKQA 26:10  Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, waxaa isaga dili doona Rabbiga, ama maalintiisii baa iska iman doonta, amase dagaal buu geli doonaa markaasaa la dili doonaa.
I Sa SomKQA 26:11  Rabbiga ha iga fogeeyo inaan gacanta u qaado Rabbiga kiisa subkan. Haddaba waan ku baryayaaye inoo qaad waranka madaxiisa ag yaal iyo kusadda biyaha, oo ina keen aannu tagnee.
I Sa SomKQA 26:12  Sidaas aawadeed Daa'uud wuxuu Saa'uul madaxiisii ka ag qaatay warankii iyo kusaddii biyaha; kolkaasay tageen, oo ninnaba ma arkin, lamana ogayn, oo midna ma toosin, waayo, kulligood way wada hurdeen, maxaa yeelay, waxaa xagga Rabbiga kaga soo degtay hurdo weyn.
I Sa SomKQA 26:13  Markaasaa Daa'uud dhankii kale u gudbay oo wuxuu ku dul istaagay buur iyaga in yar ka fog, oo waxaana u dhexeeyey bannaan weyn.
I Sa SomKQA 26:14  Kolkaasaa Daa'uud u dhawaaqay dadkii iyo Abneer oo ahaa ina Neer, oo yidhi, Abneerow, war miyaadan jawaabayn? Markaasaa Abneer jawaabay oo yidhi, Kaaga boqorka u dhawaaqayaa, kumaad tahay?
I Sa SomKQA 26:15  Markaasaa Daa'uud wuxuu Abneer ku yidhi, War sow ma tihid nin rag ah? Yaana kula mid ah oo reer binu Israa'iil ku jira? Haddaba maxaad u dhawri weyday sayidkaaga boqorka ah? Waayo, mid dadka ka mid ah ayaa xerada u galay inuu boqorka sayidkaaga ah dilo.
I Sa SomKQA 26:16  War waxan aad samaysay ma wanaagsana. Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye waxaad istaahishaan dhimasho, maxaa yeelay, ma aydaan dhawrin sayidkiinna ah Rabbiga kiisa subkan. Haddaba bal fiiriya boqorka warankiisii iyo kusaddiisii biyaha oo madaxiisa ag yiil.
I Sa SomKQA 26:17  Markaasaa Saa'uul gartay Daa'uud codkiisii oo yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Haah, kanu waa codkaygii, boqorow sayidkaygiiyow.
I Sa SomKQA 26:18  Oo haddana wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad ii eryanaysaa, anoo addoonkaaga ah? Waayo, maxaan sameeyey? Waase maxay xumaanta gacantayda ku jirtaa?
I Sa SomKQA 26:19  Haddaba waan ku baryayaaye, boqorow sayidkaygiiyow, bal maqal erayadayda anoo addoonkaaga ah. Oo haddii Rabbigu igu kaa diray qurbaan ha aqbalo, laakiinse haddii waxa igu kaa diray ay binu-aadmi yihiin, Rabbiga hortiisa ha ku inkaarnaadeen, waayo, maanta way i eryeen si aanan u sii joogin dhaxalkii Rabbiga, oo waxay igu yidhaahdeen, Tag oo ilaahyo kale u adeeg.
I Sa SomKQA 26:20  Haddaba sidaas daraaddeed dhiiggaygu yuusan ku daadan meel Rabbiga hortiisa ka fog, waayo, boqorkii reer binu Israa'iilow, waxaad u soo baxday si aad tagfi u doondoonto, oo waa sidii mid buuraha digaagduur ka ugaadhsanaya.
I Sa SomKQA 26:21  Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Waan dembaabay, wiilkaygii Daa'uudow, iska noqo, waayo, anigu mar dambe wax ku yeeli maayo, maxaa yeelay, maanta naftaydu qaali bay kula noqotay. Bal eeg, waan nacasoobay oo aad iyo aad baan u qaldamay.
I Sa SomKQA 26:22  Markaasaa Daa'uud ugu jawaabay, Boqorow, waa kan warankaagii! Haddaba ragga dhallinyarada ah midkood ha u yimaado oo ha kuu qaado.
I Sa SomKQA 26:23  Oo Rabbiguna nin walba wuu ka abaalmarin doonaa xaqnimadiisa iyo aaminnimadiisa, waayo, Rabbigu maanta gacantayduu kugu soo riday, aniguse ma aan doonaynin inaan gacantayda u qaado Rabbiga kiisa subkan.
I Sa SomKQA 26:24  Oo bal eeg, sida maanta naftaadu iigu dheeraatay, sidaas oo kale naftaydu ha ku dheeraato Rabbiga hortiisa, oo dhibaato oo dhanna ha iga samatabbixiyo.
I Sa SomKQA 26:25  Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, waad barakaysan tahay. Hubaal xoog baad yeelan doontaa, waadna guulaysan doontaa. Dabadeedna Daa'uud waa iska tegey, Saa'uulna meeshiisuu ku noqday.
Chapter 27
I Sa SomKQA 27:1  Markaasaa Daa'uud wuxuu isyidhi, Maalin uun baan gacanta Saa'uul ku dhiman doonaa; haddaba wax iiga wanaagsan ma jiro inaan dalka reer Falastiin u baxsado mooyaane; oo Saa'uulna wuu iga quusan doonaa, oo mar dambe xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan igama doondooni doono; oo saas ayaan gacantiisa kaga baxsan doonaa.
I Sa SomKQA 27:2  Markaasaa Daa'uud kacay oo gudbay, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee isaga la joogay, oo waxay u yimaadeen Aakiish oo ahaa ina Maacoog, kaasoo ahaa boqorkii Gad.
I Sa SomKQA 27:3  Oo Daa'uudna Aakiish buu la joogi jiray Gad, isagii iyo raggiisiiba, oo nin waluba reerkiisii wuu watay, oo xataa Daa'uud wuu watay labadiisii naagood, kuwaasoo ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel iyo Abiigayil tii reer Karmel oo Naabaal u dhaxday.
I Sa SomKQA 27:4  Markaasaa Saa'uul waxaa loo soo sheegay in Daa'uud u cararay xagga Gad, oo isna mar dambe ma uusan doondoonin.
I Sa SomKQA 27:5  Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, magaalooyinka duurka ku yaal meel ha iga siiyeen, aan halkaas iska degee, waayo, bal anoo addoonkaaga ah maxaan magaalada reer boqor kuula degganahay?
I Sa SomKQA 27:6  Maalintaasaa Aakiish siiyey Siiqlag, oo sidaas aawadeed Siiqlag ilaa maanta waxaa iska leh boqorrada dalka Yahuudah.
I Sa SomKQA 27:7  Oo maalmihii Daa'uud joogay duurka reer Falastiin tiradoodu waxay ahayd sannad dhan iyo afar bilood.
I Sa SomKQA 27:8  Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii u keceen inay weeraraan reer Geshuur, iyo reer Geser, iyo reer Camaaleq, waayo, quruumahaas ayaa waagii hore dalka degganaa, oo waxay degganaayeen ilaa Shuur iyo xataa tan iyo dalka Masar.
I Sa SomKQA 27:9  Markaasaa Daa'uud dalkii weeraray, oo nololna kuma uu dayn nin iyo naag toona, wuxuuna la tegey idihii, iyo dibidii, iyo dameerrihii, iyo geelii, iyo dharkii, dabadeedna wuu soo noqday, oo Aakiish u yimid.
I Sa SomKQA 27:10  Markaasaa Aakiish wuxuu ku yidhi, Yaad maanta soo dhacdeen? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaannu weerarnay xagga koonfureed oo dalka Yahuudah, iyo xagga koonfureed oo reer Yeraxme'eel iyo xagga koonfureed oo reer Qeyn.
I Sa SomKQA 27:11  Oo Daa'uudna nolol kuma uu dayn nin iyo naag toona, inuu Gad keeno aawadeed, waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo ay inagu sheekaystaan oo yidhaahdaan, Daa'uud saasuu yeelay, caadadiisuna saasay ahayd intuu duurka reer Falastiin degganaa oo dhan.
I Sa SomKQA 27:12  Aakiishna Daa'uud buu aaminay, oo wuxuu isyidhi, Isagu dadkiisii reer binu Israa'iil oo dhan wuu isku diray oo aad bay u karahsadeen isaga; sidaas daraaddeed isagu wuxuu ii ahaan doonaa addoon weligiisba.
Chapter 28
I Sa SomKQA 28:1  Oo wakhtigaas reer Falastiin ciidammadoodii oo dhan dagaal bay u soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan. Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ogow inaad adiga iyo raggaaguba dagaalka ii raacaysaan.
I Sa SomKQA 28:2  Oo Daa'uudna wuxuu Aakiish ku yidhi, Hubaal waad ogaan doontaa waxa anoo addoonkaaga ah aan samayn doono. Oo Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Taas aawadeed mid madaxayga weligii ilaaliya ayaan kaa dhigayaa.
I Sa SomKQA 28:3  Oo Samuu'eelna mar hore wuu dhintay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way u baroorteen, waxayna ku aaseen Raamaah taasoo ahayd magaaladiisii. Saa'uulna wuu wada eryay kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii oo dhan, oo dalka wuu ka wada saaray.
I Sa SomKQA 28:4  Oo reer Falastiinna way isa soo wada urursadeen, oo Shuuneem soo degeen; Saa'uulna wuxuu soo wada urursaday reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana waxay soo degeen Gilboca.
I Sa SomKQA 28:5  Saa'uulna markuu ciidankii reer Falastiin arkay ayuu baqay, aad buuna u gariiray.
I Sa SomKQA 28:6  Oo Saa'uulna markuu Rabbiga wax weyddiiyey, Rabbigu uma uu jawaabin, oo riyooyin iyo Uuriim iyo nebiyo midnaba uguma uu jawaabin.
I Sa SomKQA 28:7  Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War ii doona naag ruuxaan leh, aan u tago oo wax weyddiiyee. Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Naag ruuxaan leh baa Ceyn Door joogta.
I Sa SomKQA 28:8  Kolkaasaa Saa'uul si kale iska dhigay, dhar kalena wuu qaatay, wuuna tegey, isagoo laba nin la socda, oo waxay naagtii u yimaadeen goor habeennimo ah. Markaasuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ruuxaanta iila hadal, oo ii soo kici ku alla kii aan kuu magacaabo.
I Sa SomKQA 28:9  Naagtiina waxay ku tidhi, Bal eeg, waad og tahay Saa'uul wuxuu sameeyey, iyo siduu dalka uga saaray kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii oo dhanba. Haddaba bal maxaad dabin iigu dhigaysaa si aan u dhinto?
I Sa SomKQA 28:10  Markaasaa Saa'uul Rabbiga ugu dhaartay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye inaan waxan innaba lagugu ciqaabayn.
I Sa SomKQA 28:11  Dabadeedna naagtii waxay tidhi, Haddaba yaan kuu soo kiciyaa? Wuxuu isna ku yidhi, Samuu'eel ii soo kici.
I Sa SomKQA 28:12  Oo naagtii markay Samuu'eel aragtay ayay cod weyn ku qaylisay, oo Saa'uul la hadashay oo tidhi, War maxaad ii khiyaanaysay? Waayo, Saa'uul baad tahay.
I Sa SomKQA 28:13  Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Ha cabsan ee maxaad aragtaa? Naagtiina waxay Saa'uul ku tidhi, Waxaan arkaa ilaahyo dhulka ka soo baxaya.
I Sa SomKQA 28:14  Isna wuxuu ku yidhi, Muxuu u eg yahay? Markaasay tidhi, Waxaa soo baxaya nin oday ah oo huwis huwan. Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ogaaday inuu kaasu Samuu'eel yahay, wejiguuna dhulka saaray, wuuna u sujuuday.
I Sa SomKQA 28:15  Markaasaa Samuu'eel Saa'uul ku yidhi, War maxaad ii soo dhibtay oo ii soo kicisay? Markaasaa Saa'uul wuxuu ugu jawaabay, Anigu aad baan u dhibbanahay; waayo, reer Falastiin baa ila dagaallama, oo Ilaahna waa iga tegey, oo marna iima jawaabo, oo nebiyo iyo riyooyin midna igulama hadlo, sidaas daraaddeed ayaan kuugu yeedhay, inaad i ogeysiisid waxaan sameeyo.
I Sa SomKQA 28:16  Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, War adoo og in Rabbigu kaa tegey oo uu col kuu noqday, maxaad wax ii weyddiinaysaa?
I Sa SomKQA 28:17  Oo Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa'uud.
I Sa SomKQA 28:18  Maxaa yeelay, waad addeeci weyday Rabbiga codkiisii, cadhadiisii weynaydna Camaaleq waad ku dili weyday, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu maanta waxan kuugu sameeyey.
I Sa SomKQA 28:19  Oo weliba Rabbigu wuxuu adiga iyo reer binu Israa'iilba u gacangelin doonaa reer Falastiin. Berrito adiga iyo wiilashaaduba anigaad ila joogi doontaan. Oo Rabbiguna wuxuu ciidanka reer binu Israa'iil ku ridi doonaa gacanta reer Falastiin.
I Sa SomKQA 28:20  Markaasaa Saa'uul haddiiba kulligiis dhulka ku dhacay, oo aad buu u cabsaday erayadii Samuu'eel aawadood, oo itaalna kuma jirin, waayo, waxba ma uu cunin maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhanba.
I Sa SomKQA 28:21  Markaasaa naagtii u timid Saa'uul oo aragtay inuu aad u naxsanaa, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, anoo addoontaada ah codkaagii baan maqlay, oo anna naftaydii baan biimeeyey, erayadii aad igula hadashayna waan maqlay.
I Sa SomKQA 28:22  Haddaba waan ku baryayaaye, bal adna codkayga maqal anoo addoontaada ah, oo in yar oo kibis ah aan hortaada dhigo, oo adna cun si markaad tagtid aad xoog u yeelatid.
I Sa SomKQA 28:23  Laakiinse wuu diiday, oo wuxuu yidhi, Anigu waxba cuni maayo. Laakiinse addoommadiisii ayaa naagtii kula qasbay; markaasuu codkoodii yeelay. Oo intuu dhulkii ka kacay ayuu sariirtii ku fadhiistay.
I Sa SomKQA 28:24  Oo naagtuna waxay guriga ku haysatay weyl shilis, kolkaasay haddiiba degdegtay, oo soo qashay, oo haddana bur soo qaadatay oo cajiintay, oo waxay ka dubtay kibis aan khamiir lahayn.
I Sa SomKQA 28:25  Dabadeedna waxay soo hor dhigtay Saa'uul iyo addoommadiisii, wayna cuneen. Kolkaasay kaceen, oo isla habeenkii bay tageen.
Chapter 29
I Sa SomKQA 29:1  Haddaba reer Falastiin waxay ciidammadoodii oo dhan ku soo ururiyeen Afeeq, oo reer binu Israa'iilna waxay soo ag degeen ishii ku tiil Yesreceel.
I Sa SomKQA 29:2  Oo saraakiishii reer Falastiinna way soo gudbeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun, oo Daa'uud iyo raggiisiina iyagoo Aakiish la socda ayay soo daba galeen.
I Sa SomKQA 29:3  Markaasaa amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Kuwan Cibraaniyada ahu maxay halkan ka samaynayaan? Aakiishna wuxuu amiirradii reer Falastiin ku yidhi, War kanu sow ma aha Daa'uud oo ahaa addoonkii boqorka reer binu Israa'iil ee Saa'uul ah, oo ila joogay maalmahan iyo sannadahanba, oo aanan innaba xumaan ka helin tan iyo maalintii uu ii yimid ilaa maantadan?
I Sa SomKQA 29:4  Laakiinse amiirradii reer Falastiin aad bay ugu cadhoodeen, markaasay amiirradii reer Falastiin ku yidhaahdeen, War ninkan celi, si uu ugu noqdo meeshiisii aad u dooratay, oo yuusan dagaalka noo raacin, waaba intaasoo intaannu dagaalka ku jirno uu col noo noqdaa, waayo, ninkanu bal muxuu sayidkiisii kula heshiin karaa? Sow ma aha nimankan madaxyadooda?
I Sa SomKQA 29:5  Kanu sow ma aha Daa'uud kii ay gabay isugu celceliyeen, iyagoo cayaaraya, oo leh, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun?
I Sa SomKQA 29:6  Markaasaa Aakiish Daa'uud u yeedhay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, adigu waad qummanayd, oo markaynu ciidanka dhex soconnay siibixiddaada iyo soogeliddaaduba hortayda way ku wanaagsanaayeen, waayo, ilaa maalintii aad ii timid iyo maantadan la joogo innaba xumaan kuguma aanan arkin; habase yeeshee saraakiishu raalli kaama aha.
I Sa SomKQA 29:7  Sidaas daraaddeed iska noqo, oo nabad ku tag, yaadan saraakiisha reer Falastiin calool xumayne.
I Sa SomKQA 29:8  Markaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo xumaanmaad igu aragtay anoo addoonkaaga ah intii aan kula joogay iyo ilaa maantadan, oo maxaa laygu diiday si aanan u tegin oo aanan ula diririn cadaawayaashaada, boqorow sayidkaygiiyow?
I Sa SomKQA 29:9  Markaasaa Aakiish Daa'uud ugu jawaabay, Anigu waan ogahay inaad hortayda ku wanaagsan tahay, oo waxaad iila mid tahay malaa'ig Ilaah, habase yeeshee amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Isagu dagaalka noo raaci maayo.
I Sa SomKQA 29:10  Haddaba aroor hore adiga iyo sayidkaaga addoommadiisii oo kula socdaaba kaca; oo aroortii markaad kacdaan oo waagu idiin baryo, taga.
I Sa SomKQA 29:11  Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba aroor hore keceen, si ay subaxdii u tagaan, oo ay ugu noqdaan dalkii reer Falastiin. Oo kuwii reer Falastiinna kor bay ugu sii baxeen xagga Yesreceel.
Chapter 30
I Sa SomKQA 30:1  Oo maalintii saddexaad intaanay Daa'uud iyo raggiisii Siiqlag iman ayaa reer Camaaleq soo dhaceen xagga koonfureed, iyo Siiqlag, oo waxay weerareen Siiqlag, wayna gubeen;
I Sa SomKQA 30:2  oo waxay la tageen dumarkii iyo kuwii magaalada ku jiray oo dhan yar iyo weynba. Waxba kama ay layn, laakiinse way la tageen oo iska baxeen.
I Sa SomKQA 30:3  Oo Daa'uud iyo raggiisiina markay magaaladii yimaadeen, waxay arkeen iyadoo la gubay, oo naagahoodii iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba loola wada tegey maxaabiis ahaan.
I Sa SomKQA 30:4  Markaasaa Daa'uud iyo dadkii la jirayba codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, ilaa ay waayeen itaal ay ku sii ooyaan.
I Sa SomKQA 30:5  Oo Daa'uud labadiisii naagood ee ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel, iyo Abiigayil oo ahayd reer Karmel oo Naabaalna u dhaxdayba, waa lala tegey iyagoo maxaabiis ah.
I Sa SomKQA 30:6  Oo Daa'uudna aad buu u dhibtooday, waayo, dadku waxay ku wada hadleen inay dhagxiyaan, maxaa yeelay, dadkii wuxuu u wada calool xumaaday nin waluba wiilashiisii iyo gabdhihiisii, laakiinse Daa'uud wuxuu isku sii dhiirriyey Rabbiga Ilaahiisa ah.
I Sa SomKQA 30:7  Markaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ahaa Aabyaataar ina Axiimeleg ku yidhi, Waan ku baryayaaye eefodka halkan iigu keen. Aabyaataarna eefodkii buu Daa'uud u keenay.
I Sa SomKQA 30:8  Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo wuxuu yidhi, Miyaan eryadaa colkan, oo miyaan gaadhayaa? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Haah, eryo, waayo, hubaal waad gaadhaysaa, oo intii lala tegey oo dhan waad soo celinaysaa.
I Sa SomKQA 30:9  Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu tegey, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee la jirtayba, oo waxay yimaadeen durdurkii Besoor, oo intii laga tegeyna halkaasay ku hadheen.
I Sa SomKQA 30:10  Laakiinse Daa'uud wuu eryaday, isagoo afar boqol oo nin wata; waayo, laba boqol ayaa dib u hadhay, kuwaasoo aad u daalay oo dhaafi kari waayay durdurkii Besoor.
I Sa SomKQA 30:11  Oo mid Masri ah ayay duurka ka heleen, oo waxay u keeneen Daa'uud, oo kibisna way siiyeen, wuuna cunay, oo biyo uu cabbona way siiyeen.
I Sa SomKQA 30:12  Oo waxay kaloo siiyeen fud yar oo berde ah, iyo laba rucubood oo sabiib ah; oo markuu cunay ayaa naftii ku soo noqotay, waayo, saddex maalmood iyo saddex habeen kibisna ma uu cunin, biyona ma uu cabbin.
I Sa SomKQA 30:13  Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, War yaa ku leh? Oo xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay nin dhallinyar oo Masri ah, oo addoon baan u ahay mid reer Camaaleq ah. Sayidkaygii baa iga tegey, maxaa yeelay, saddex maalmood ka hor ayaan bukooday.
I Sa SomKQA 30:14  Oo waxaannu soo dhacnay reer Kereetiim xaggooda Koonfureed, iyo dalka ay leeyihiin reer Yahuudah, iyo xagga Koonfureed oo reer Kaaleeb; oo Siiqlagna waan gubnay.
I Sa SomKQA 30:15  Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa.
I Sa SomKQA 30:16  Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba.
I Sa SomKQA 30:17  Oo Daa'uudna wuxuu laynayay iyagii fiidkii ilaa fiidkiisii kale, oo nin iyagii ahuna ma baxsan, afar boqol oo dhallinyaro ah oo intay awr fuuleen ku carartay mooyaane.
I Sa SomKQA 30:18  Oo Daa'uudna wuu soo wada dhiciyey waxay reer Camaaleq la tageen oo dhan; oo labadiisii naagoodna Daa'uud waa soo badbaadiyey.
I Sa SomKQA 30:19  Oo waxba kama maqnayn iyagii, wax yar iyo wax weyn toona, ama wiilal iyo gabdho toona, ama booli iyo wixii ay la tageen oo dhan toona; oo Daa'uudna wuu soo wada celiyey kulligood.
I Sa SomKQA 30:20  Markaasaa Daa'uud kaxaystay idihii iyo lo'dii oo dhan, oo waxay ku hor kexeeyeen xoolihii kale, oo yidhaahdeen, Intanu waa boolidii Daa'uud.
I Sa SomKQA 30:21  Oo Daa'uudna wuxuu u yimid labadii boqol oo nin oo intay daaleen Daa'uud raaci kari weyday, oo ay durdurkii Besoor agtiisa kaga tageen, oo iyana waxay u soo baxeen inay ka hor tagaan Daa'uud iyo dadkii la jiray; oo Daa'uudna markuu dadkii u soo dhowaaday ayuu nabdaadiyey.
I Sa SomKQA 30:22  Markaasay raggii sharka lahaa ee waxmatarayaasha ahaa oo Daa'uud raacay oo dhammuba waxay ugu jawaabeen, Maalkii aannu soo dhacsannay iyaga waxba ka siin mayno, maxaa yeelay, nama ay raacin, laakiinse nin kasta waxaannu siinaynaa naagtiisii iyo carruurtiisii, ee ha kaxaysteen oo ha iska tageen.
I Sa SomKQA 30:23  Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Walaalahayow, waa inaydnaan saas ku samayn wixii Rabbigu ina siiyey, kaasoo ah kii ina badbaadiyey, oo weliba inoo soo gacangeliyey colkii ina soo weeraray.
I Sa SomKQA 30:24  Haddaba bal yaa waxaa idinka maqlaya? Ka dagaalka u baxaa siduu qayb u helo ayuu ka alaabta ku hadhaana qayb u helayaa; isku si waa inay u qaybsadaan.
I Sa SomKQA 30:25  Maalintaas intay ka bilaabanto ilaa maantadan la joogo, wuxuu taas uga dhigay reer binu Israa'iil, qaynuun iyo amar.
I Sa SomKQA 30:26  Oo Daa'uudna markuu Siiqlag yimid ayuu boolidii qaarkeed odayaashii dalkii Yahuudah u diray, iyo xataa saaxiibbadiis, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, tanu waa hadiyad ka mid ah boolidii aan cadaawayaashii Rabbiga ka soo dhacay,
I Sa SomKQA 30:27  oo wuxuu u wada diray kuwii Beytel joogay, iyo kuwii Raamod tii koonfureed joogay, iyo xataa kuwii Yatiir joogay,
I Sa SomKQA 30:28  iyo kuwii Carooceer joogay, iyo kuwii Sifmood joogay, iyo kuwii Eshtemooca joogay,
I Sa SomKQA 30:29  iyo kuwii Raakaal joogay, iyo kuwii magaalooyinka reer Yeraxme'eel joogay, iyo kuwii magaalooyinka reer Qeyn joogay,
I Sa SomKQA 30:30  iyo kuwii Xormaah joogay, iyo kuwii Koor Caashaan joogay, iyo kuwii Cataag joogay,
I Sa SomKQA 30:31  iyo kuwii Xebroon joogay, oo xataa wuu u wada diray kuwii joogay meelihii Daa'uud iyo raggiisu ku noqnoqon jireen oo dhan.
Chapter 31
I Sa SomKQA 31:1  Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.
I Sa SomKQA 31:2  Oo reer Falastiinna aad bay u eryadeen Saa'uul iyo wiilashiisii, markaasaa reer Falastiin waxay dileen Yoonaataan, iyo Abiinaadaab, iyo Melkiishuuca oo ahaa Saa'uul wiilashiisii.
I Sa SomKQA 31:3  Oo dagaalkiina aad buu ugu sii kululaaday Saa'uul, oo waxaa isagii gaadhay qaansoleydii, oo isna qaansoleydii aawadeed ayuu dhib badan ula kulmay.
I Sa SomKQA 31:4  Markaasaa Saa'uul wuxuu kii hubka u siday ku yidhi, War seeftaada la soo bax oo iga mudhbixi, waaba intaasoo buuryoqabyadanu yimaadaan oo ay intay seef iga mudhbixiyaan i caayaane. Laakiinse kii hubka u siday wuu diiday, waayo, aad buu u cabsaday. Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu qaatay seeftiisii, markaasuu ku dul dhacay.
I Sa SomKQA 31:5  Oo kii hubka u sidayna markuu arkay in Saa'uul dhintay, isna wuxuu ku dul dhacay seeftiisii, wuuna la dhintay.
I Sa SomKQA 31:6  Sidaas daraaddeed maalintaas waxaa wada dhintay Saa'uul, iyo saddexdiisii wiil, iyo kii hubka u siday, iyo raggiisii oo dhan.
I Sa SomKQA 31:7  Oo raggii reer binu Israa'iil oo dooxadii dhankeeda kale joogay, iyo kuwii Webi Urdun shishadiisa joogay, markay arkeen in raggii reer binu Israa'iil carareen oo Saa'uul iyo wiilashiisii ay dhinteen ayay magaalooyinkii ka tageen oo carareen; markaasaa reer Falastiin yimaadeen oo iska degeen.
I Sa SomKQA 31:8  Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo saddexdiisii wiil oo Buur Gilboca ku dhintay.
I Sa SomKQA 31:9  Markaasay madaxii ka gooyeen, oo hubkiisiina way ka furteen, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan gurigii sanamyadooda iyo dadkiiba.
I Sa SomKQA 31:10  Oo hubkiisiina gurigii Cashtarod ayay dhigeen, meydkiisiina derbigii Beytshaan bay ku xidheen.
I Sa SomKQA 31:11  Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen,
I Sa SomKQA 31:12  waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo habeenkii oo dhan ayay sii guuraynayeen, markaasay Beytshaan derbigiisii ka soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay yimaadeen Yaabeesh, oo halkaasay ku gubeen.
I Sa SomKQA 31:13  Markaasay lafahoodii qaadeen oo ku aaseen geed Yaabeesh ku yiil hoostiisa, toddoba maalmoodna way soomeen.