Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
PROVERBS
Up
Toggle notes
Chapter 1
Prov SomKQA 1:1  Kuwanu waa maahmaahyadii Sulaymaan ina Daa'uud oo ahaa boqorkii reer Binu Israa'iil,
Prov SomKQA 1:2  Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta, Oo loo garto erayada waxgarashada,
Prov SomKQA 1:3  In la helo edbinta ku saabsan xigmadda, Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada;
Prov SomKQA 1:4  Si miyir loo siiyo garaadlaawaha, Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.
Prov SomKQA 1:5  Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,
Prov SomKQA 1:6  Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta, Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda.
Prov SomKQA 1:7  Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.
Prov SomKQA 1:8  Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,
Prov SomKQA 1:9  Waayo, waxay madaxaaga u noqon doonaan wax sharraxsan, Oo waxay kuu noqon doonaan silsilado qoorta kuu sudhan.
Prov SomKQA 1:10  Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan, Ha oggolaan.
Prov SomKQA 1:11  Hadday kugu yidhaahdaan, Na soo raac, Aan gaadno inaynu dhiig daadinno, Oo aynu sababla'aan kuwa aan eedda lahayn si qarsoon ugu dhuumanno;
Prov SomKQA 1:12  Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale, Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yaamayska ku dhaca;
Prov SomKQA 1:13  Waxaynu heli doonnaa maal qaali ah oo cayn kasta ah, Oo guryaheennana waxaynu ka buuxsan doonnaa booli;
Prov SomKQA 1:14  Nasiibkaaga iskula kaaya soo dar, Oo kulligeenna aynu kiishad qudha wada lahaanno;
Prov SomKQA 1:15  Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;
Prov SomKQA 1:16  Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar, Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.
Prov SomKQA 1:17  Waayo, waa waxtarla'aan dabinka loo dhigaa Iyadoo ay shimbirtu u jeeddo;
Prov SomKQA 1:18  Iyagu waxay u gaadaan si dhiiggooda loo daadiyo, Oo waxay si qarsoon ugu dhuuntaan si naftooda looga qaado.
Prov SomKQA 1:19  Sidaas oo kalay yihiin jidadka mid kasta oo faa'iido u hunguri weyn, Oo nafta ka qaada kuwa leh.
Prov SomKQA 1:20  Xigmaddu aad bay uga qaylisaa jidka; Oo codkeedana waxay kor uga qaaddaa bannaanka;
Prov SomKQA 1:21  Waxay ka qaylisaa meesha suuqa ugu weyn; Oo iridda magaalada laga soo galo Ayay erayadeeda kaga hadashaa, iyadoo leh,
Prov SomKQA 1:22  Kuwiinna garaadlaawayaasha ahow, ilaa goormaad garaadla'aanta sii jeclaanaysaan? Oo kuwa wax quudhsadaana, ilaa goormay quudhsashadooda ku sii farxayaan? Nacasyaduna, ilaa goormay aqoonta sii necbaanayaan?
Prov SomKQA 1:23  Canaantayda u soo noqda; Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga, Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.
Prov SomKQA 1:24  Anigu waan idiin yeedhay, laakiinse waad i diiddeen; Oo anigu gacantaydaan soo fidiyey, oo ninnana dan kama yeelan;
Prov SomKQA 1:25  Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen, Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin;
Prov SomKQA 1:26  Sidaas daraaddeed aniguna waan idinku qosli doonaa markay belaayo idinku dhacdo; Waanan idinku majaajiloon doonaa markay cabsiyu idinku soo degto;
Prov SomKQA 1:27  Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale, Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah; Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan.
Prov SomKQA 1:28  Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono; Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan;
Prov SomKQA 1:29  Waayo, waxay nebcaadeen aqoonta, Oo Rabbiga ka cabsashadiisana ma ay dooran;
Prov SomKQA 1:30  Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin; Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen;
Prov SomKQA 1:31  Haddaba iyagu waxay cuni doonaan midhihii jidkooda, Oo waxay ka dhergi doonaan taladoodii.
Prov SomKQA 1:32  Waayo, garaadlaawayaasha dibunoqoshadooda ayaa iyaga dili doonta, Oo nacasyadana waxaa baabbi'in doonta barwaaqadooda.
Prov SomKQA 1:33  Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa, Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsanaynin.
Chapter 2
Prov SomKQA 2:1  Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,
Prov SomKQA 2:2  Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;
Prov SomKQA 2:3  Haddaad waxkalagarashada ka daba qaylisid, Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid;
Prov SomKQA 2:4  Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale, Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon,
Prov SomKQA 2:5  Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa, Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah.
Prov SomKQA 2:6  Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
Prov SomKQA 2:7  Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa, Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan.
Prov SomKQA 2:8  Isagu wuxuu dhawraa waddooyinka garta, Oo wuxuu xannaaneeyaa jidka quduusiintiisa.
Prov SomKQA 2:9  Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta, Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.
Prov SomKQA 2:10  Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda, Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;
Prov SomKQA 2:11  Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta, Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,
Prov SomKQA 2:12  Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah, Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,
Prov SomKQA 2:13  Oo qummanaanta waddooyinkeeda ka taga, Si ay jidadka gudcurka ugu socdaan,
Prov SomKQA 2:14  Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan, Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan;
Prov SomKQA 2:15  Oo jidadkoodu maroorsan yihiin, Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,
Prov SomKQA 2:16  In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad, Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,
Prov SomKQA 2:17  Taasoo ka tagta horseedkii yaraanteeda, Oo illowda axdigii Ilaaheeda;
Prov SomKQA 2:18  Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho, Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.
Prov SomKQA 2:19  Kuwa iyada u gala midkoodna sooma noqdo, Oo waddooyinka noloshana ma ay helaan.
Prov SomKQA 2:20  Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan, Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah.
Prov SomKQA 2:21  Waayo, kuwa qummanu dhulkay fadhiyi doonaan, Oo kuwa kaamilka ahuna way sii joogi doonaan.
Prov SomKQA 2:22  Laakiinse kuwa sharkaa waa laga gooyn doonaa dhulka, Oo khaayinnadana waa laga rujin doonaa.
Chapter 3
Prov SomKQA 3:1  Wiilkaygiiyow, waxbariddayda ha illoobin, Laakiin qalbigaagu amarradayda ha hayo,
Prov SomKQA 3:2  Waayo, iyagu waxay kuu kordhin doonaan Maalmo badan iyo cimri dheer iyo nabad.
Prov SomKQA 3:3  Naxariista iyo runtu yaanay kaa tegin, Iyaga qoorta ku xidh, Oo looxa qalbigaaga ku qor,
Prov SomKQA 3:4  Sidaasaad Ilaah iyo dadka hortooda Nicmo iyo sharaf uga heli doontaa.
Prov SomKQA 3:5  Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin, Oo waxgarashadaadana ha isku hallayn.
Prov SomKQA 3:6  Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro, Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa.
Prov SomKQA 3:7  Ha isla weynaan; Rabbiga ka cabso; oo sharka ka fogow.
Prov SomKQA 3:8  Taasu waxay xundhurtaada u noqon doontaa caafimaad, Oo lafahaagana waxay u noqon doontaa dhuux.
Prov SomKQA 3:9  Rabbiga ku murwee maalkaaga Iyo midhaha ugu horreeya waxa kuu kordha oo dhan;
Prov SomKQA 3:10  Sidaasay maqsinnadaadu barwaaqo uga buuxsami doonaan, Macsarooyinkaaguna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri cusub.
Prov SomKQA 3:11  Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan, Oo canaantiisana ha ka daalin,
Prov SomKQA 3:12  Waayo, Rabbigu ninkuu jecel yahay wuu canaantaa Sida aabbe u canaanto wiilkii uu ku faraxsan yahay.
Prov SomKQA 3:13  Waxaa barakaysan ninkii xigmadda hela, Iyo ninkii waxgarashada mulkiya.
Prov SomKQA 3:14  Waayo, baayacmushtarigeedu waa ka sii wanaagsan yahay baayacmushtariga lacagta, Oo faa'iidadeeduna waa ka sii wanaagsan tahay dahabka saafiga ah.
Prov SomKQA 3:15  Way ka sii qaalisan tahay luulka, Oo waxaad jeclaan kartid oo dhanna iyada lalama simo.
Prov SomKQA 3:16  Gacanteeda midig waxaa ku jira cimri dheeri; Gacanteeda bidixna waxaa ku jira hodonnimo iyo sharaf.
Prov SomKQA 3:17  Jidadkeedu waa jidad farxadeed, Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad.
Prov SomKQA 3:18  Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.
Prov SomKQA 3:19  Rabbigu wuxuu dhulka ku aasaasay xigmadda, Oo samooyinkana wuxuu ku dhisay waxgarashada.
Prov SomKQA 3:20  Aqoontiisa ayaa moolalku ku dillaaceen, Oo cirkuna wuxuu soo daadiyaa sayax.
Prov SomKQA 3:21  Wiilkaygiiyow, waxyaalahanu yaanay indhahaaga ka tegin. Xigmadda iyo digtoonaanta xajiso.
Prov SomKQA 3:22  Sidaasay naftaada nolol ugu noqon doonaan, Qoortaadana nimco.
Prov SomKQA 3:23  Markaasaad jidkaaga ammaan ku mari doontaa, Oo cagtaaduna ma turunturoon doonto.
Prov SomKQA 3:24  Markaad jiifsatidna ma cabsan doontid; Haah, waad jiifsan doontaa, oo hurdadaaduna way kuu macaanaan doontaa.
Prov SomKQA 3:25  Ha ka baqin cabsi kedis ah, Iyo baabbi'inta kuwa sharka leh toona markii ay timaado.
Prov SomKQA 3:26  Waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa Kan aad ku kalsoonaan karto. Oo cagtaadana wuu dhawri doonaa si aan loo qabsan.
Prov SomKQA 3:27  Wanaag ha u diidin kuwa uu ku habboon yahay in loo sameeyo, Markaad awood u leedahay inaad u samayso.
Prov SomKQA 3:28  Deriskaaga ha ku odhan, Tag oo soo noqo, Berri baan ku siin doonaaye, Haddii aad markaas haysid.
Prov SomKQA 3:29  Deriskaaga innaba xumaan ha u fikirin, Maxaa yeelay, isagu nabadgelyo buu kuu ag fadhiyaa.
Prov SomKQA 3:30  Ninna sababla'aan ha kula diririn, Haddaanu xumaan kugu samayn.
Prov SomKQA 3:31  Ha ka hinaasin nin dadka dulmiya, Oo jidadkiisana midnaba ha dooran.
Prov SomKQA 3:32  Maxaa yeelay, kuwa qalloocanu waa u karaahiyo Rabbiga, Laakiinse wuxuu sir la leeyahay kuwa qumman.
Prov SomKQA 3:33  Rabbigu wuxuu inkaaraa guriga kii shar leh, Laakiinse rugta kuwa xaqa ah wuu barakeeyaa.
Prov SomKQA 3:34  Hubaal kuwa wax quudhsada ayuu isagu quudhsadaa, Kuwa is-hoosaysiiyase nicmuu siiyaa.
Prov SomKQA 3:35  Kuwa xigmadda leh waxay dhaxli doonaan sharaf, Laakiinse nacasyadu waxay u dallici doonaan ceeb.
Chapter 4
Prov SomKQA 4:1  Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.
Prov SomKQA 4:2  Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan, Haddaba cilmigayga ha ka tegina.
Prov SomKQA 4:3  Waayo, aniguba waxaan aabbahay u ahaa wiil, Oo mid yar oo bacbac ah oo madi ah ayaan u ahaa hooyaday.
Prov SomKQA 4:4  Isagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi, Qalbigaagu erayadayda ha xajisto; Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa.
Prov SomKQA 4:5  Xigmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.
Prov SomKQA 4:6  Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.
Prov SomKQA 4:7  Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.
Prov SomKQA 4:8  Iyada sarraysii, oo iyana way ku dallicin doontaa; Oo sharaf bay kuu yeeli doontaa markaad iyada isku duubtid.
Prov SomKQA 4:9  Iyadu waxay madaxaaga siin doontaa wax sharraxsan, Oo waxayna kuu yeeli doontaa taaj quruxsan.
Prov SomKQA 4:10  Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.
Prov SomKQA 4:11  Anigu waxaan ku baray jidkii xigmadda; Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta.
Prov SomKQA 4:12  Markii aad socotid tallaabooyinkaagu cidhiidhi ma noqon doonaan, Oo haddaad oroddidna ma turunturoon doontid.
Prov SomKQA 4:13  Edbinta xajiso, oo ha iska sii deyn; Hayso, waayo, iyadu waa noloshaada,
Prov SomKQA 4:14  Waddada kuwa sharka leh ha gelin, Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin.
Prov SomKQA 4:15  Ka leexo, hana marin, Ka noqo oo hareer ka mar.
Prov SomKQA 4:16  Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin, Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.
Prov SomKQA 4:17  Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada, Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.
Prov SomKQA 4:18  Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale, Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.
Prov SomKQA 4:19  Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.
Prov SomKQA 4:20  Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig.
Prov SomKQA 4:21  Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan, Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,
Prov SomKQA 4:22  Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela, Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.
Prov SomKQA 4:23  Digtoonaan qalbigaaga u dhawr, Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.
Prov SomKQA 4:24  Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.
Prov SomKQA 4:25  Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen, Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.
Prov SomKQA 4:26  Waddada cagahaaga aad ugu fiirso, Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen.
Prov SomKQA 4:27  Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.
Chapter 5
Prov SomKQA 5:1  Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;
Prov SomKQA 5:2  Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.
Prov SomKQA 5:3  Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,
Prov SomKQA 5:4  Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.
Prov SomKQA 5:5  Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,
Prov SomKQA 5:6  Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato. Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid,
Prov SomKQA 5:7  Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.
Prov SomKQA 5:8  Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,
Prov SomKQA 5:9  Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin, Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin,
Prov SomKQA 5:10  Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin; Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin,
Prov SomKQA 5:11  Si aanad ugu dambaysta u barooran, Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baabba'aan,
Prov SomKQA 5:12  Oo aad tidhaahdaan, Sidee baan edbin u nebcaaday, Oo qalbigayguna canaantii u quudhsaday!
Prov SomKQA 5:13  Codkii macallimiintaydii ma aan addeecin, Oo dhegtana uma aan dhigin kuwii wax i baray!
Prov SomKQA 5:14  Anigu waxaan u dhowaa inaan shar kasta falo Anigoo ku dhex jira shirka iyo ururka.
Prov SomKQA 5:15  Berkeddaada biyo ka cab, Oo ceelkaagana biyo qulqulaya ka cab.
Prov SomKQA 5:16  Ma hagaag baa in ilahaagu dibadda u daataan. Oo ay durdurraduna dariiqyada maraan?
Prov SomKQA 5:17  Iyagu ha ahaadeen kuwaaga oo keliya, Oo yaanay u ahaan shisheeyayaal adiga kula jira.
Prov SomKQA 5:18  Ishaadu ha barakaysnaato, Oo naagtaadii aad yaraanta ku guursatay ku faraxsanow.
Prov SomKQA 5:19  Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan, Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow.
Prov SomKQA 5:20  Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?
Prov SomKQA 5:21  Waayo, jidadka dadku waxay hor yaalliin indhaha Rabbiga Oo isagaa fiiriya waddooyinkiisa oo dhan.
Prov SomKQA 5:22  Kan sharka leh waxaa qabsan doonta xumaantiisa, Oo waxaa isaga lagu soo xidhi doonaa xadhkaha dembigiisa.
Prov SomKQA 5:23  Wuxuu u dhiman doonaa edbinla'aanta, Oo isagu wuxuu ku dhex amban doonaa badnaanta nacasnimadiisa.
Chapter 6
Prov SomKQA 6:1  Wiilkaygiiyow, haddaad deriskaaga dammiin u noqotid, Ama haddaad shisheeye gacanta dhaar ugu dhiibtid,
Prov SomKQA 6:2  Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga, Oo waxaa lagugu qabtay erayada afkaaga.
Prov SomKQA 6:3  Haddaba, wiilkaygiiyow, bal waxan samee oo isa samatabbixi, Waayo, gacantii deriskaagii waad gashay; U tag, oo is-hoosaysii, oo deriskaaga bari.
Prov SomKQA 6:4  Indhahaaga hurdo ha isugu keenin, Oo indhahaaga daboolkoodana lulo ha isugu qaban.
Prov SomKQA 6:5  Isu samatabbixi sida cawl gacanta ugaadhsadaha uga baxsato, Iyo sida shimbir gacanta shimbirdabaha uga baxsato.
Prov SomKQA 6:6  Kaaga caajiska ahow, bal qudhaanjada u tag, Oo bal jidadkeeda u fiirso oo caqli yeelo,
Prov SomKQA 6:7  Iyadoo aan lahayn madaxweyne, Sirkaal iyo taliye toona,
Prov SomKQA 6:8  Ayay guga cuntadeeda soo diyaarsataa, Oo quudkeedana waxay soo urursataa wakhtiga beeraha la goosto.
Prov SomKQA 6:9  Haddaba kaaga caajiska ahow, ilaa goormaad hurdaysaa? Goormaadse hurdadaada ka toosaysaa?
Prov SomKQA 6:10  Weliba, in yar baad seexataa, in yar baad lulootaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo aawadeed u laabataa,
Prov SomKQA 6:11  Hadda caydhinimadaadu waxay u iman doontaa sida mid dad dhaca, Oo baahidaaduna waxay u iman doontaa sida nin hub wata.
Prov SomKQA 6:12  Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba, Wuxuu ku socdaa af qalloocan;
Prov SomKQA 6:13  Indhihiisuu ku baaqaa, oo cagihiisuu ku hadlaa, Oo faruhuu wax ku baraa;
Prov SomKQA 6:14  Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.
Prov SomKQA 6:15  Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
Prov SomKQA 6:16  Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay, Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,
Prov SomKQA 6:17  Waana indho kibir badan, carrab been sheega, Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,
Prov SomKQA 6:18  Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega,
Prov SomKQA 6:19  Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.
Prov SomKQA 6:20  Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.
Prov SomKQA 6:21  Had iyo goorba qalbiga ku sido, Oo qoortana ku xidho.
Prov SomKQA 6:22  Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa, Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa, Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa.
Prov SomKQA 6:23  Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin, Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,
Prov SomKQA 6:24  Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.
Prov SomKQA 6:25  Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.
Prov SomKQA 6:26  Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.
Prov SomKQA 6:27  Miyuu nin laabta dab ku qaadi karaa, Iyadoo aan dharkiisu guban?
Prov SomKQA 6:28  Miyuu mid dhuxul kulul ku kor socon karaa, Iyadoo aan cagihiisu guban?
Prov SomKQA 6:29  Haddaba sidaas oo kaluu noqdaa kii naagta deriskiisa u tagaa, Oo ku alla kii iyada taabtaaba ma taqsiir la'aan doono.
Prov SomKQA 6:30  Dadku tuug ma quudhsadaan hadduu wax xado Inuu naftiisa dhergiyo markuu gaajoodo,
Prov SomKQA 6:31  Laakiinse haddii isaga la qabto waa inuu toddoba jibbaar u magdhabaa, Waa inuu ku bixiyaa waxa gurigiisa yaal oo dhan.
Prov SomKQA 6:32  Kii naag ka sinaystaa wuu caqli daranyahay, Oo kii sidaas yeelaa naftiisuu halligaa.
Prov SomKQA 6:33  Oo wuxuu heli doonaa dhaawacyo iyo sharafdarro; Oo ceebtiisana lama tirtiri doono innaba.
Prov SomKQA 6:34  Waayo, hinaaso waa nin cadhadiis. Maalinta aarsashadana isagu ma tudhi doono.
Prov SomKQA 6:35  Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo, In kastoo aad hadiyado badan siisid.
Chapter 7
Prov SomKQA 7:1  Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.
Prov SomKQA 7:2  Amarradayda xaji aad noolaatide, Oo sharcigaygana sida ishaada inankeeda u dhawr.
Prov SomKQA 7:3  Farahaaga ku xidho, Oo looxa qalbigaagana ku qoro.
Prov SomKQA 7:4  Waxaad xigmadda ku tidhaahdaa, Adigu waxaad tahay walaashay, Oo waxgarashadana waxaad ugu yeedhaa, saaxiibadday gacalisoy,
Prov SomKQA 7:5  Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata.
Prov SomKQA 7:6  Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey,
Prov SomKQA 7:7  Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn,
Prov SomKQA 7:8  Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,
Prov SomKQA 7:9  Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay.
Prov SomKQA 7:10  Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.
Prov SomKQA 7:11  Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.
Prov SomKQA 7:12  Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.
Prov SomKQA 7:13  Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,
Prov SomKQA 7:14  Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed, Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey.
Prov SomKQA 7:15  Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo, Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay.
Prov SomKQA 7:16  Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh, Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey.
Prov SomKQA 7:17  Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe.
Prov SomKQA 7:18  Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.
Prov SomKQA 7:19  Waayo, ninkaygii guriga ma joogo, Oo meel fog buu u sodcaalay,
Prov SomKQA 7:20  Kiish lacag ahna wuu qaatay, Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado.
Prov SomKQA 7:21  Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.
Prov SomKQA 7:22  Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo,
Prov SomKQA 7:23  Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo, Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho, Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado.
Prov SomKQA 7:24  Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta.
Prov SomKQA 7:25  Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.
Prov SomKQA 7:26  Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan, Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin.
Prov SomKQA 7:27  Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.
Chapter 8
Prov SomKQA 8:1  Haddaba xigmaddu sow ma dhawaaqin? Waxgarashaduna codkeedii sow kor uma qaadin?
Prov SomKQA 8:2  Waxay taagan tahay meelaha sarreeya Oo jidka agtiisa ah, meesha waddooyinku ku kulmaan.
Prov SomKQA 8:3  Oo waxay ka qaylisaa irdaha agtooda, Meesha magaalada laga soo galo, Iyo meesha albaabbada laga soo galoba.
Prov SomKQA 8:4  Nimanyahow, idinkaan idiin dhawaaqayaa, Oo codkayguna wuxuu u yeedhayaa binu-aadmiga.
Prov SomKQA 8:5  Garaadlaawayaashow, miyir lahaada, Nacasyadoy, waxgarasho qalbiga ku haysta.
Prov SomKQA 8:6  I maqla, waayo, waxaan ku hadlayaa waxyaalo wanaagsan, Oo waxaan bushimaha u kala qaadayaa waxyaalo qumman.
Prov SomKQA 8:7  Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa; Oo bushimahayguna shar bay karhaan.
Prov SomKQA 8:8  Erayada afkayga oo dhammi waa xaq, Oo innaba wax qalloocan ama maroorsan lagama helo.
Prov SomKQA 8:9  Iyagu dhammaantood waa u cad yihiin kii wax garanaya, Oo waana u qumman yihiin kuwa aqoonta hela.
Prov SomKQA 8:10  Edbintayda qaata, lacagse ha qaadanina, Oo aqoontana ka hor doorta dahabka saafiga ah.
Prov SomKQA 8:11  Waayo, xigmaddu waa ka sii wanaagsan tahay luulka, Oo wax alla waxa la damci karo oo dhanna iyada lalama simi karo.
Prov SomKQA 8:12  Anigoo xigmad ahu, waxaan la fadhiyaa miyir, Oo waxaan helaa aqoon iyo digtoonaan.
Prov SomKQA 8:13  Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.
Prov SomKQA 8:14  Talo iyo xigmad anigaa iska leh, Oo waxaan ahay waxgarasho, xoogna waan leeyahay.
Prov SomKQA 8:15  Boqorradu gacantayday wax ku xukumaan, Oo amiirraduna amarkaygay garta ku gooyaan.
Prov SomKQA 8:16  Taliyayaasha iyo saraakiisha iyo weliba xaakinnada dunida oo dhammuna Anigay wax iigu taliyaan.
Prov SomKQA 8:17  Anigu kuwa i jecel waan jeclahay, Oo kuwa aad iyo aad ii doonaana way i heli doonaan.
Prov SomKQA 8:18  Anigaa iska leh taajirnimo iyo sharaf. Iyo weliba maal raagaya iyo xaqnimoba.
Prov SomKQA 8:19  Midhahaygu way ka sii wanaagsan yihiin dahab, haah, oo xataa dahab aad u wanaagsan way ka sii wanaagsan yihiin, Oo waxa ii kordhaana way ka sii wanaagsan yihiin lacag la doortay.
Prov SomKQA 8:20  Anigu waxaan ku socdaa jidka xaqnimada, Iyo waddooyinka garta dhexdooda,
Prov SomKQA 8:21  Si aan kuwa i jecel uga dhigo inay maal dhaxlaan, Oo aan khasnadahooda ugu buuxiyo.
Prov SomKQA 8:22  Rabbigu wuxuu i lahaan jiray bilowgii jidkiisa Iyo shuqulladiisii hore ka hor.
Prov SomKQA 8:23  Aniga aakhirada hore waa lay taagay, waxaan jiray bilowgii ugu horreeyey, Ama intaan dunidu jirin ka hor.
Prov SomKQA 8:24  Anigu waxaan dhashay intaan moolal jirin ka hor, Iyo intaanay jirin ilo biyo ka buuxaan.
Prov SomKQA 8:25  Intaan la qotomin buuraha Iyo kuraha ka hor ayaan anigu dhashay,
Prov SomKQA 8:26  Intaanuu isagu samayn dhulka iyo berrimmada, Amase ciiddii dunida ugu horraysay.
Prov SomKQA 8:27  Markuu samooyinka hagaajiyey anigu waan joogay, Markuu xariijinta ku wareejiyey moolka dushiisa,
Prov SomKQA 8:28  Markuu cirka sare taagay, Markii ilaha moolku xoog yeesheen,
Prov SomKQA 8:29  Markuu badda xad u yeelay Si aan biyuhu amarkiisa ugu xadgudbin, Markuu aasaaskii dhulka dhigay,
Prov SomKQA 8:30  Markaas anigu isagaan dhinac joogay, anigoo ah sidii hawlhoggaamiye, Oo anigu maalin kasta faraxiisaan ahaa, Oo mar kasta hortiisaan ku rayrayn jiray;
Prov SomKQA 8:31  Waxaan ku rayrayn jiray inta dhulkiisa la degay, Oo waxaan ku farxi jiray binu-aadmiga.
Prov SomKQA 8:32  Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla; Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.
Prov SomKQA 8:33  Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha, Oo ha diidina.
Prov SomKQA 8:34  Waxaa barakaysan ninka i maqla, Oo maalin kasta irdahayga igu dhawra, Oo albaabbadayda igu suga.
Prov SomKQA 8:35  Waayo, ku alla kii i helaa wuxuu helaa nolol, Oo Rabbiguna raalli buu ka ahaan doonaa.
Prov SomKQA 8:36  Laakiinse kii igu dembaabaa naftiisuu wax yeelaa, Kuwa aniga i neceb oo dhammu waxay jecel yihiin dhimasho.
Chapter 9
Prov SomKQA 9:1  Xigmaddu gurigeeday dhisatay, Toddobadeedii tiirna way xaradhay.
Prov SomKQA 9:2  Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii; Miiskeediina way diyaarisay.
Prov SomKQA 9:3  Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh,
Prov SomKQA 9:4  Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo. Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,
Prov SomKQA 9:5  Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.
Prov SomKQA 9:6  Garaadlaawayaashow, nacasnimada iska daaya, oo noolaada, Oo jidka waxgarashadana mara.
Prov SomKQA 9:7  Kii mid wax quudhsada toosiyaa, cay buu isu soo jiidaa, Oo kii kan sharka leh canaantana, ceeb baa ku dhacda.
Prov SomKQA 9:8  Mid wax quudhsada ha canaanan, waaba intaas oo uu ku necbaadaaye, Nin caqli leh canaano, oo isna wuu ku jeclaan doonaa.
Prov SomKQA 9:9  Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa. Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.
Prov SomKQA 9:10  Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda, Oo Kan quduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho.
Prov SomKQA 9:11  Waayo, maalmahaagu anigay igu badan doonaan, Oo cimrigaaguna waa sii kordhi doonaa.
Prov SomKQA 9:12  Haddaad caqli leedahay naftaadaad caqli u leedahay, Laakiinse haddaad wax quudhsato, adiga uun baa waxquudhsashadaada xambaaran doona.
Prov SomKQA 9:13  Naagta nacasadda ahu waa qaylo badan tahay, Iyadu way garaaddaran tahay, oo waxba ma taqaan.
Prov SomKQA 9:14  Waayo, waxay fadhiisataa illinka gurigeeda, Oo kursi bay ku fadhiisataa meelaha sarsare ee magaalada,
Prov SomKQA 9:15  Inay u yeedho kuwa jidka maraya, Iyagoo jidadkooda iska sii soconaya,
Prov SomKQA 9:16  Ku alla kii garaaddaranu halkan ha u soo leexdo, Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,
Prov SomKQA 9:17  Biyo la soo xaday way macaan yihiin. Oo cunto qarsoodi loo cunaana wax bay ka farxisaa.
Prov SomKQA 9:18  Laakiinse isagu garan maayo in kuwii dhintay ay halkaas joogaan, Iyo in martideedii ay She'ool guntiisa ku jiraan.
Chapter 10
Prov SomKQA 10:1  Maahmaahyadii Sulaymaan. Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.
Prov SomKQA 10:2  Qasnadaha sharnimadu faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
Prov SomKQA 10:3  Kii xaq ah naftiisu inay gaajooto Rabbigu u oggolaan maayo, Laakiinse doonista kuwa sharka leh ayuu ridaa.
Prov SomKQA 10:4  Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa, Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.
Prov SomKQA 10:5  Kii guga wax soo urursadaa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii wakhtiga beergooyska seexdaa waa wiil ceeb sameeya.
Prov SomKQA 10:6  Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
Prov SomKQA 10:7  Kan xaqa ah xusuustiisu barako bay leedahay, Laakiinse kuwa sharka leh magacoodu waa qudhmi doonaa.
Prov SomKQA 10:8  Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
Prov SomKQA 10:9  Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.
Prov SomKQA 10:10  Kii indhaha ku baaqaa murug buu keenaa. Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
Prov SomKQA 10:11  Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
Prov SomKQA 10:12  Necbaantu waxay kicisaa isqabashada, Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.
Prov SomKQA 10:13  Kii waxgarasho leh bushimihiisa waxaa laga helaa xigmad, Laakiinse ushu waxay u taal kan garaadka daran dhabarkiisa.
Prov SomKQA 10:14  Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.
Prov SomKQA 10:15  Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.
Prov SomKQA 10:16  Kuwa xaqa ah hawshoodu waxay u waddaa nolol, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa, dembi bay u sii kexeeyaan.
Prov SomKQA 10:17  Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha, Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.
Prov SomKQA 10:18  Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.
Prov SomKQA 10:19  Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.
Prov SomKQA 10:20  Kii xaq ah carrabkiisu waa sida lacag la doortay, Laakiinse kuwa sharka leh qalbigoodu waa qiimo yar yahay.
Prov SomKQA 10:21  Kii xaq ah bushimahiisu waxay masruufaan kuwa badan, Laakiinse nacasyadu waxgarashola'aantooda ayay u dhintaan.
Prov SomKQA 10:22  Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa, Oo isna caloolxumo kuma daro.
Prov SomKQA 10:23  Nacasku inuu xumaan sameeyo waa u sidii cayaareed, Laakiinse ninka garaadka lahu xigmad buu leeyahay.
Prov SomKQA 10:24  Kii shar leh wuxuu ka cabsado ayaa ku soo dul degi doona, Laakiinse kuwa xaqa ah waxay doonayaan waa la siin doonaa.
Prov SomKQA 10:25  Markii dabaysha cirwareenta ahu dhaafto, ka sharka leh mar dambe la arki maayo, Laakiinse kii xaq ahu waa aasaas weligiis waaraya.
Prov SomKQA 10:26  Khalku siduu ilkaha u yahay, iyo sida qiiqu indhaha u yahay, Ayaa kan caajiska ahu u yahay kuwa isaga dirta.
Prov SomKQA 10:27  Rabbiga ka cabsashadiisu cimrigay dheeraysaa, Laakiinse kuwa sharka leh cimrigoodu waa soo gaaban doonaa.
Prov SomKQA 10:28  Kuwa xaqa ah rajadoodu waa farxad, Laakiinse kuwa sharka leh filashadoodu way baabbi'i doontaa.
Prov SomKQA 10:29  Rabbiga jidkiisu waa u qalcad kuwa qumman; Laakiinse xumaanfalayaasha waa u baabba'.
Prov SomKQA 10:30  Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo, Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.
Prov SomKQA 10:31  Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.
Prov SomKQA 10:32  Kan xaqa ah bushimahiisu waxay yaqaaniin waxa la aqbali karo, Laakiinse kan sharka leh afkiisu qallooc buu ku hadlaa.
Chapter 11
Prov SomKQA 11:1  Kafaddii khiyaano ah Rabbigu aad buu u karhaa, Laakiinse dhagaxii miisaanka oo xaq ah wuu ku farxaa.
Prov SomKQA 11:2  Markuu kibir yimaado, waxaa timaada ceeb; Laakiinse xigmaddu waxay la jirtaa kuwa is-hoosaysiiya.
Prov SomKQA 11:3  Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda, Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.
Prov SomKQA 11:4  Maalinta cadhada maal faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
Prov SomKQA 11:5  Ninkii kaamil ah xaqnimadiisu jidkiisay toosisaa, Laakiinse kan sharka lahu wuxuu ku kufi doonaa sharkiisa.
Prov SomKQA 11:6  Kuwa qumman xaqnimadoodaa samatabbixin doonta, Laakiinse khaayinnada waxaa qabsan doona damacooda xun.
Prov SomKQA 11:7  Nin shar lahu markuu dhinto, wuxuu filanayay way baabbi'i doontaa, Oo xumaanfalayaasha rajadooduna way baabba'daa.
Prov SomKQA 11:8  Kii xaq ah waxaa laga samatabbixiyaa dhibaato, Oo meeshiisana waxaa yimaada kii shar leh.
Prov SomKQA 11:9  Labawejiilahu afkiisuu deriskiisa ku halligaa, Laakiinse kan xaqa ahu aqoon buu ku samatabbixi doonaa.
Prov SomKQA 11:10  Kuwa xaqa ahu markay barwaaqoobaan, magaaladu way rayraysaa, Laakiin kuwa sharka lahu markay halligmaan farax baa lagu dhawaaqaa.
Prov SomKQA 11:11  Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.
Prov SomKQA 11:12  Kii deriskiisa quudhsadaa waa caqli daranyahay, Laakiinse ninkii garaadka lahu wuu iska aamusaa.
Prov SomKQA 11:13  Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Laakiinse kii ruuxiisu aamin yahay xaalkuu qariyaa.
Prov SomKQA 11:14  Markaanay talo jirin, dadku waa dhacaa, Laakiinse taliyayaasha badnaantoodu waxay leedahay nabadgelyo.
Prov SomKQA 11:15  Kii qof qalaad dammiintaa, xumaan buu ka helaa, Laakiinse kii dammiinashada necebu ammaan buu u fadhiyaa.
Prov SomKQA 11:16  Naag nimcaysan sharaf bay haysataa, Oo niman xoog lahuna maal bay haystaan.
Prov SomKQA 11:17  Ninkii naxariis badanu naftiisuu wanaag u sameeyaa, Laakiinse kii aan naxariis lahaynu jidhkiisuu dhibaa.
Prov SomKQA 11:18  Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah, Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.
Prov SomKQA 11:19  Xaqnimadu waxay u kacdaa xagga nolosha, Sidaas oo kalena kii sharka raacaa wuxuu u raacaa dhimashadiisa.
Prov SomKQA 11:20  Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.
Prov SomKQA 11:21  Waxaan aad idiinku xaqiijinayaa inaan kan sharka lahu taqsiirla'aan doonayn. Laakiinse farcanka kuwa xaqa ah waa la samatabbixin doonaa.
Prov SomKQA 11:22  Naag qurux badan oo aan digtoonaan lahaynu Waa sida dahab gafuurka doofaarka ku jira.
Prov SomKQA 11:23  Kuwa xaqa ah waxay doonayaan wanaag keliya, Laakiinse kuwa sharka ah filashadoodu waa cadho.
Prov SomKQA 11:24  Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada; Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba.
Prov SomKQA 11:25  Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa, Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.
Prov SomKQA 11:26  Kii hadhuudh ceshada, dadka ayaa habaari doona, Laakiinse kii iibiya, duco ayaa ku dhici doonta.
Prov SomKQA 11:27  Kii wanaag aad u doonaa wuxuu doonayaa raallinimo, Laakiinse kii xumaan doona, way u iman doontaa.
Prov SomKQA 11:28  Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa, Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.
Prov SomKQA 11:29  Kii gurigiisa dhibaa dabayshu dhaxli doonaa, Oo nacaskuna wuxuu midiidin u ahaan doonaa kan qalbigiisu caqliga leeyahay.
Prov SomKQA 11:30  Kan xaqa ah midhihiisu waa geed nololeed, Oo kii nafo soo hanuuniyaana caqli buu leeyahay.
Prov SomKQA 11:31  Bal eega, kan xaqa ahu abaalkiisuu dhulka ku heli doonaa, Haddaba immisa abaalgud oo ka sii badan bay heli doonaan kan sharka leh iyo dembiluhu.
Chapter 12
Prov SomKQA 12:1  Ku alla kii edbinta jecelu aqoon buu jecel yahay, Laakiinse kii canaanta necebu waa doqon.
Prov SomKQA 12:2  Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa. Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa.
Prov SomKQA 12:3  Ninna shar kuma dhismi doono, Laakiinse kuwa xaqa ah xididkooda weligiis lama dhaqaajin doono.
Prov SomKQA 12:4  Naagtii toolmoonu waxay ninkeeda u tahay taaj, Laakiinse tii ceebalay ahu waa sida qudhun isaga lafaha kaga jira.
Prov SomKQA 12:5  Kuwa xaqa ah fikirradoodu waa qumman yihiin, Laakiinse kuwa sharka leh taladoodu waa khiyaano.
Prov SomKQA 12:6  Kuwa sharka leh erayadoodu waa gabbasho ay u gabbadaan si ay dhiig u daadiyaan, Laakiinse kuwa qumman afkooda ayaa samatabbixin doona.
Prov SomKQA 12:7  Kuwa sharka leh waa la afgembiyaa, oo mar dambena lama arki doono, Laakiinse kuwa xaqa ah gurigoodu waa sii taagnaan doonaa.
Prov SomKQA 12:8  Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.
Prov SomKQA 12:9  Kii la fudaydsado oo midiidin lahu Waa ka wanaagsan yahay kii isweyneeya oo cunto u baahan.
Prov SomKQA 12:10  Nin xaq ahu waa u tudhaa neefkiisa, Laakiinse kuwa sharka leh naxdintoodu waa naxariisla'aan oo keliya.
Prov SomKQA 12:11  Kii dhulkiisa beertaa cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa waa garaad daranyahay.
Prov SomKQA 12:12  Kan sharka lahu wuxuu damcaa dabinka xumaanfalayaasha, Laakiinse xididka kuwa xaqa ahu midhuu dhalaa.
Prov SomKQA 12:13  Kan sharka leh waxaa u dabin ah xadgudubka bushimihiisa, Laakiinse kan xaqa ahu dhibaatada wuu ka bixi doonaa.
Prov SomKQA 12:14  Nin wuxuu wanaag kaga dhergi doonaa midhaha afkiisa, Oo nin walbana waxa gacmihiisu sameeyaan ayaa loo abaalgudi doonaa.
Prov SomKQA 12:15  Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.
Prov SomKQA 12:16  Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.
Prov SomKQA 12:17  Kii runta ku hadlaa wuxuu muujiyaa xaqnimada, Laakiinse markhaatiga beenta ahu wuxuu muujiyaa khiyaanada.
Prov SomKQA 12:18  Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa, Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.
Prov SomKQA 12:19  Bushintii runta sheegtaa weligeedba way sii taagnaan doontaa, Laakiinse carrabkii beenta sheegaa daqiiqad buu joogaa.
Prov SomKQA 12:20  Kuwa sharka ku fikira qalbigooda khiyaanaa ku jirta, Laakiinse taliyayaasha nabaddu farxad bay leeyihiin.
Prov SomKQA 12:21  Sharna kan xaqa ah ku dhici maayo, Laakiinse kuwa sharka leh xumaan baa ka buuxsami doonta.
Prov SomKQA 12:22  Bushimaha beenta sheega Rabbigu wuu karhaa. Laakiinse kuwa runta ku shaqeeya wuu ku farxaa.
Prov SomKQA 12:23  Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.
Prov SomKQA 12:24  Kuwa dadaala gacantoodu wax bay xukumi doontaa, Laakiinse caajisiinta hawl baa la saari doonaa.
Prov SomKQA 12:25  Ninkii caloolxumo gashaa wuu soo gotaa, Laakiinse eray wanaagsanu waa ka farxiyaa isaga.
Prov SomKQA 12:26  Kan xaqa ahu deriskiisuu hanuuniyaa, Laakiinse kuwa sharka leh jidkoodu wuu ambiyaa iyaga.
Prov SomKQA 12:27  Ninkii caajis ahu ma dubto wuxuu soo ugaadhsaday, Laakiinse ninkii dadaala maalkiisu waa qaali.
Prov SomKQA 12:28  Jidka xaqnimada nolol baa taal; Oo waddadeedana dhimasho kuma jirto.
Chapter 13
Prov SomKQA 13:1  Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.
Prov SomKQA 13:2  Nin wuxuu wax wanaagsan ku cuni doonaa midhaha afkiisa, Laakiinse khaayinnada naftoodu waxay cuni doontaa midhaha dulmiga.
Prov SomKQA 13:3  Kii afkiisa dhawraa wuxuu dhawraa naftiisa, Laakiinse kii bushimihiisa aad u kala qaadaa wuu baabbi'i doonaa.
Prov SomKQA 13:4  Kii caajis ah naftiisu wax bay damacdaa, mana hesho, Laakiinse nafta kii dadaala waa la barwaaqaysiin doonaa.
Prov SomKQA 13:5  Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay, Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.
Prov SomKQA 13:6  Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.
Prov SomKQA 13:7  Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.
Prov SomKQA 13:8  Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa, Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.
Prov SomKQA 13:9  Iftiinka kuwa xaqa ahu weligii wuu reyreeyaa, Laakiinse laambadda kuwa sharka leh waa la bakhtiin doonaa.
Prov SomKQA 13:10  Isqabasho oo keliya ayaa kibir ka timaada, Laakiinse kii waanada qaata waxaa la jirta xigmad.
Prov SomKQA 13:11  Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa, Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.
Prov SomKQA 13:12  Rajadii raagtaa qalbigay bukaysiisaa, Laakiinse markii wixii la doonayay la helo waa geed nololeed.
Prov SomKQA 13:13  Ku alla kii erayga quudhsadaa halligaad ayuu isu keenaa, Laakiinse kii amarka ka cabsada waa loo abaalgudi doonaa.
Prov SomKQA 13:14  Ninkii caqli leh waxbariddiisu waa il nololeed, In dabinnada dhimashada laga leexdo.
Prov SomKQA 13:15  Waxgarashadii wanaagsan raalli baa laga noqdaa, Laakiinse jidka khaayinnadu waa xun yahay.
Prov SomKQA 13:16  Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.
Prov SomKQA 13:17  Wargeeyihii shar lahu xumaan buu ku dhex dhacaa, Laakiinse ergadii aamin ahu waa caafimaad.
Prov SomKQA 13:18  Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida, Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.
Prov SomKQA 13:19  Wixii la doonayay oo la gaadhay nafta way u macaan tahay, Laakiinse nacasyadu aad bay u karhaan inay sharka ka fogaadaan.
Prov SomKQA 13:20  Kii kuwa caqliga leh la socdaa, caqli buu yeelan doonaa, Laakiinse kii nacasyada raacaa waa baabbi'i doonaa.
Prov SomKQA 13:21  Dembilayaasha waxaa eryada shar, Laakiinse kuwa xaqa ah abaal wanaagsan baa loo gudi doonaa.
Prov SomKQA 13:22  Ninkii wanaagsanu dhaxal buu uga tagaa carruurta carruurtiisa, Oo maalka dembilahana waxaa loo kaydiyaa kuwa xaqa ah.
Prov SomKQA 13:23  Beerta masaakiinta waxaa ku taal cunto badan, Laakiinse gardarro aawadeed in baa loo baabbi'iyaa.
Prov SomKQA 13:24  Kii ushiisa ceshadaa wiilkiisuu neceb yahay; Laakiinse kii wiilkiisa jecelu aad buu u edbiyaa.
Prov SomKQA 13:25  Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto, Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.
Chapter 14
Prov SomKQA 14:1  Naag kastoo caqli lahu gurigeeday dhistaa, Laakiinse nacasaddu gacmaheeday ku dumisaa.
Prov SomKQA 14:2  Kii qummanaantiisa ku socda ayaa Rabbiga ka cabsada, Laakiinse kii jidkiisa ku qalloocan wuu quudhsadaa isaga.
Prov SomKQA 14:3  Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.
Prov SomKQA 14:4  Meeshii aan dibi joogin qabaalkii ay wax ka cuni jireen waa baabbah; Laakiinse kordhinta badanu waxay ku timaadaa xoogga dibiga.
Prov SomKQA 14:5  Markhaatigii aamin ahu been ma sheego, Laakiinse markhaatigii been ahu been buu ku hadlaa.
Prov SomKQA 14:6  Kii wax quudhsadaa xigmad buu doondoonaa, mana helo, Laakiinse aqoontu waa u fudud dahay kii waxgarasho leh.
Prov SomKQA 14:7  Nacaska hortiisa ka fogow, Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.
Prov SomKQA 14:8  Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.
Prov SomKQA 14:9  Nacasyadu dembigay ku majaajiloodaan, Laakiinse kuwa qumman waxaa ku dhex jirta raallinimo.
Prov SomKQA 14:10  Qalbigu qadhaadhnimadiisuu yaqaan, Oo shisheeyena farxaddiisa lama qaybsado.
Prov SomKQA 14:11  Guriga kuwa sharka leh waa la afgembiyi doonaa, Laakiinse taambuugga kuwa qummanu waa barwaaqoobi doonaa.
Prov SomKQA 14:12  Waxaa jirta waddo dadka la hagaagsan, Laakiinse dhammaadkeedu waa waddooyinka dhimashada.
Prov SomKQA 14:13  Qalbigu xataa qosol waa ku murugoodaa, Oo farxad dhammaadkeeduna waa caloolxumo.
Prov SomKQA 14:14  Kii xaqnimada qalbigiisa dib ugaga noqdaa jidkiisuu ka dhergi doonaa, Oo ninkii wanaagsanuna wuxuu ka dhergi doonaa naftiisa.
Prov SomKQA 14:15  Kii garaaddaranu eray kasta wuu rumaystaa, Laakiinse kii miyir lahu socodkiisa aad buu u fiiriyaa.
Prov SomKQA 14:16  Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.
Prov SomKQA 14:17  Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.
Prov SomKQA 14:18  Garaadlaawayaashu nacasnimay dhaxlaan, Laakiinse kuwii miyir leh waxaa madaxa loo saaraa taaj aqoon ah.
Prov SomKQA 14:19  Kuwa sharka lahu kuwa wanaagsan hortooda ayay ku foororsadaan, Oo kuwa xunxunna waxay ku foororsadaan irdaha kuwa xaqa ah.
Prov SomKQA 14:20  Miskiinka xataa deriskiisu waa neceb yahay, Laakiinse taajirku saaxiibbo badan buu leeyahay.
Prov SomKQA 14:21  Kii deriskiisa quudhsadaa wuu dembaabaa, Laakiinse kii miskiinka u naxariistaa waa barakaysan yahay.
Prov SomKQA 14:22  Kuwa sharka ku fikiraa sow ma qaldamaan? Laakiinse kuwa wanaagga ku fikira waxaa u ahaan doona naxariis iyo run.
Prov SomKQA 14:23  Hawl kasta faa'iidaa ku jirta, Laakiinse hadalka bushimuhu wuxuu keenaa caydhnimo keliya.
Prov SomKQA 14:24  Kuwa caqliga leh taajkoodu waa maalkooda, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa nacasnimo keliya.
Prov SomKQA 14:25  Markhaatigii run ahu nafuu samatabbixiyaa, Laakiinse kii been sheegaa waa khaayin.
Prov SomKQA 14:26  Rabbiga ka cabsashadiisu waxay leedahay kalsoonaan xoog leh, Oo carruurtiisuna waxay lahaan doonaan meel ay magan galaan.
Prov SomKQA 14:27  Rabbiga ka cabsashadiisu waa il nololeed, Si dabinnada dhimashada looga leexdo.
Prov SomKQA 14:28  Sharafta boqorku waxay ku jirtaa dadka badnaantiisa, Laakiinse baabba'a amiirku wuxuu ku jiraa dadka yaraantiisa.
Prov SomKQA 14:29  Kii cadhada u gaabiyaa waa garasho badan yahay; Laakiinse kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu sarraysiiyaa.
Prov SomKQA 14:30  Qalbigii degganu waa nolosha jidhka, Laakiinse hinaaso waa qudhunka lafaha.
Prov SomKQA 14:31  Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.
Prov SomKQA 14:32  Kii shar leh waxaa lagu afgembiyaa sharnimadiisa, Laakiinse kan xaqa ahu rajuu leeyahay markuu dhinto.
Prov SomKQA 14:33  Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.
Prov SomKQA 14:34  Xaqnimadu quruun way sarraysiisaa, Laakiinse dembigu waa u ceeb dad kasta.
Prov SomKQA 14:35  Boqorka raallinimadiisa waxaa leh midiidinkii caqli ku shaqeeya, Laakiinse wuxuu u cadhoon doonaa kii ceeb sameeya.
Chapter 15
Prov SomKQA 15:1  Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa, Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.
Prov SomKQA 15:2  Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.
Prov SomKQA 15:3  Rabbiga indhihiisu meel kastay jiraan, Iyagoo fiirinaya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan.
Prov SomKQA 15:4  Carrabka wanaagsanu waa geed nololeed Laakiinse carrabka qalloocan ayaa qalbigu ku jabaa.
Prov SomKQA 15:5  Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.
Prov SomKQA 15:6  Kan xaqa ah gurigiisa khasnad weyn baa taal, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa waa dhib.
Prov SomKQA 15:7  Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.
Prov SomKQA 15:8  Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa.
Prov SomKQA 15:9  Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.
Prov SomKQA 15:10  Kii jidka ka taga waa u taqsiir kulul, Oo kii canaanta necebuna wuu dhiman doonaa.
Prov SomKQA 15:11  She'ool iyo halligaaduba Rabbiga hortiisay yaalliin, Haddaba intee in ka sii badan buu arkaa qalbiga binu-aadmiga?
Prov SomKQA 15:12  Kii wax quudhsadaa ma jecla in la canaanto, Oo dooni maayo inuu kuwa caqliga leh u tago.
Prov SomKQA 15:13  Qalbigii faraxsanu wejiguu nuuriyaa, Laakiinse caloolxumaanta ayaa qalbigu ku jabaa.
Prov SomKQA 15:14  Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa, Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.
Prov SomKQA 15:15  Kuwa dhibaataysan maalmahooda oo dhammu waa xunxun yihiin, Laakiinse kii qalbigiisu faraxsan yahay had iyo goorba waa u iid.
Prov SomKQA 15:16  Wax yar oo Rabbiga ka cabsashadiisu la jirto Ayaa ka wanaagsan khasnado badan oo dhib la jirto.
Prov SomKQA 15:17  Cunto khudaareed oo jacayl la jiro Ayaa ka wanaagsan dibi la cayiliyey oo nacayb la jiro.
Prov SomKQA 15:18  Ninkii cadho badanu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii cadhada u gaabiyaa murankuu qaboojiyaa.
Prov SomKQA 15:19  Ninkii caajis ah jidkiisu waa sida meel qodxan leh oo kale, Laakiinse kii xaq ah jidkiisu waa dariiq bannaan.
Prov SomKQA 15:20  Wiilkii caqli lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse ninkii nacas ahu hooyadiisuu quudhsadaa.
Prov SomKQA 15:21  Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.
Prov SomKQA 15:22  Meeshii aan talo jirin xaajooyinku waa baabba', Laakiinse taliyayaashii badan ayay ku hagaagaan.
Prov SomKQA 15:23  Nin wuxuu farxad ka helaa jawaabta afkiisa, Oo eraygii wakhti ku habboon la yidhaahdaana sidee buu u wanaagsan yahay!
Prov SomKQA 15:24  Jidka noloshu waa u kor kii caqli leh, Si uu uga tago She'oolka hoose.
Prov SomKQA 15:25  Rabbigu wuu dumin doonaa guriga kuwa kibirka leh, Laakiinse dhulka carmalka xadkiisa wuu adkayn doonaa.
Prov SomKQA 15:26  Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa, Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.
Prov SomKQA 15:27  Kan faa'iido u hunguri weynu reerkiisuu dhibaa, Laakiinse kii hadiyadaha necebu wuu noolaan doonaa.
Prov SomKQA 15:28  Kan xaqa ah qalbigiisu wuxuu ka fikiraa sida loo jawaabo, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu wuxuu shubaa waxyaalo shar ah.
Prov SomKQA 15:29  Rabbigu kuwa sharka leh wuu ka fog yahay, Laakiinse kuwa xaqa ah baryadooduu maqlaa.
Prov SomKQA 15:30  Indhaha nuurkoodu qalbiguu ka farxiyaa, Oo warkii wanaagsanuna lafahuu barwaaqaysiiyaa.
Prov SomKQA 15:31  Dhegtii canaanta nolosha maqashaa Waxay joogi doontaa kuwa caqliga leh dhexdooda.
Prov SomKQA 15:32  Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.
Prov SomKQA 15:33  Rabbiga ka cabsashadiisu waa edbinta xigmadda, Oo sharaftana waxaa ka horreeya is-hoosaysiinta.
Chapter 16
Prov SomKQA 16:1  Qalbiga qasdiyadiisa dadkaa leh, Laakiinse carrabka jawaabtiisu xagga Rabbigay ka timaadaa.
Prov SomKQA 16:2  Nin jidadkiisa oo dhammu waa la nadiifsan yihiin isaga, Laakiinse Rabbigu ruuxyaduu miisaamaa.
Prov SomKQA 16:3  Shuqulladaada Rabbiga ku aamin, Oo fikirradaaduna way taagnaan doonaan.
Prov SomKQA 16:4  Rabbigu wax kastuu isu abuuray, Haah, oo xataa ka sharka leh wuxuu u abuuray maalinta sharkaa.
Prov SomKQA 16:5  Ku alla kii qalbiga ka kibirsanu Rabbiga waa u karaahiyo, Waxaan aad idiin ku xaqiijinayaa inaan isagu taqsiir la'aan doonayn.
Prov SomKQA 16:6  Waxaa dembiga lagu kafaaraggudaa naxariis iyo run, Oo dadkuna waxay sharka kaga fogaadaan Rabbiga ka cabsashadiisa.
Prov SomKQA 16:7  Markii Rabbigu ku farxo nin jidadkiis, Wuxuu nabad dhex dhigaa isaga iyo xataa cadaawayaashiisa.
Prov SomKQA 16:8  Wax yar oo xaqnimo la jirto Ayaa ka wanaagsan wax badan oo kordha oo xaqdarro la jirto.
Prov SomKQA 16:9  Nin walba qalbigiisaa jidkiisa u fiirsada, Laakiinse Rabbigaa tallaabooyinkiisa toosiya.
Prov SomKQA 16:10  Xukunka Rabbigu wuxuu ku jiraa bushimaha boqorka, Afkiisuna kuma xadgudbo garsooridda.
Prov SomKQA 16:11  Miisaankii iyo kafadihii xaq ah Rabbigaa leh, Dhagaxyada miisaanka oo kiishka ku jira oo dhammuna waa shuqulkiisa.
Prov SomKQA 16:12  Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan. Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.
Prov SomKQA 16:13  Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan, Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.
Prov SomKQA 16:14  Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed, Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.
Prov SomKQA 16:15  Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta, Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.
Prov SomKQA 16:16  In xigmad la helaa intee bay ka sii wanaagsan tahay in dahab la helo! In waxgarasho la helaana waa laga doortaa in lacag la helo.
Prov SomKQA 16:17  Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan, Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.
Prov SomKQA 16:18  Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.
Prov SomKQA 16:19  In kuwa kibirsan booli lala qaybsado Waxaa ka sii wanaagsan in kuwa hooseeya laysla sii hoosaysiiyo.
Prov SomKQA 16:20  Kii hadalka dhegaystaa wax wanaagsan buu heli doonaa, Oo ku alla kii Rabbiga aaminaana waa barakaysan yahay.
Prov SomKQA 16:21  Kii qalbigiisu caqli leeyahay waxaa loogu yeedhi doonaa mid miyir leh, Oo bushimaha macaankooduna waxbarashuu kordhiyaa.
Prov SomKQA 16:22  Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta, Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.
Prov SomKQA 16:23  Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.
Prov SomKQA 16:24  Hadalkii wacanu waa sida awlallo shinniyeed oo kale, Nafta wuu u macaan yahay, oo lafahana waa u caafimaad.
Prov SomKQA 16:25  Waxaa jirta waddo dadka la qumman, Laakiinse dhammaadkeedu waa jidadkii dhimashada.
Prov SomKQA 16:26  Kii hawshooda gaajadiisuu u hawshoodaa, Waayo, afkiisaa qasba isaga.
Prov SomKQA 16:27  Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa, Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.
Prov SomKQA 16:28  Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.
Prov SomKQA 16:29  Ninka wax dulmaa deriskiisuu sasabtaa, Oo wuxuu u kaxeeyaa jid aan wanaagsanayn.
Prov SomKQA 16:30  Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.
Prov SomKQA 16:31  Madaxa cirro lahu waa taaj sharfeed Haddii laga helo jidka xaqnimada.
Prov SomKQA 16:32  Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan, Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.
Prov SomKQA 16:33  Saamiga waxaa lagu tuuraa dhabta, Laakiinse go'aankiisa oo dhan Rabbigaa leh.
Chapter 17
Prov SomKQA 17:1  Wuxoogaa cunto qallalan ah oo xasilloonaanu la jirto Ayaa ka wanaagsan guri hilib allabari ka buuxo oo diriru la jirto.
Prov SomKQA 17:2  Addoonkii caqli lahu wuxuu xukumi doonaa wiilkii ceeb soo jiida, Oo walaalaha ayuu la dhaxal geli doonaa.
Prov SomKQA 17:3  Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu imtixaamaa.
Prov SomKQA 17:4  Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.
Prov SomKQA 17:5  Ku alla kii miskiinka ku majaajiloodaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Kii belaayooyin ku farxaana ma taqsiir la'aan doono.
Prov SomKQA 17:6  Odayaasha waxaa taaj u ah carruurta carruurtooda, Oo sharafta carruurtuna waa aabbayaashood.
Prov SomKQA 17:7  Hadalkii weynu nacas uma eka, Sidaas oo kalena bushimihii been sheegaa amiir uma eka.
Prov SomKQA 17:8  Hadiyaddu waxay kii haysta la tahay sida dhagax qaali ah, Oo meel alla meeshay u leexataba way ku barwaaqowdaa.
Prov SomKQA 17:9  Kii xadgudub qariyaa jacayl buu doondoonaa, Laakiinse kii xaal ku noqnoqdaa saaxiibbuu kala kaxeeyaa.
Prov SomKQA 17:10  Canaantu waxay ninkii garasho leh u tartaa In ka badan boqol jeedal oo nacas lagu dhuftay ay u taraan.
Prov SomKQA 17:11  Ninkii shar lahu wuxuu doondoonaa caasinimo keliya, Sidaas daraaddeed waxaa isaga lagu diri doonaa farriingeeye aan naxariis lahayn.
Prov SomKQA 17:12  Nin ha la kulmo orso dhasheeda laga xaday, Intuu nacas nacasnimo samaynaya la kulmi lahaa.
Prov SomKQA 17:13  Ku alla kii wanaag xumaan ku celiyaa, Gurigiisa xumaanu ka fogaan mayso.
Prov SomKQA 17:14  Muranka bilowgiisu waa sida biyo la soo faruuray. Haddaba isqabashada iska daa intaan lays ilaaqin.
Prov SomKQA 17:15  Kii kan sharka leh xaq ka dhiga, iyo kii kan xaqa ah gardarro ku xukuma, Labadaba Rabbigu aad buu u karhaa.
Prov SomKQA 17:16  Lacagta nacaska gacantiisa ku jirtaa bal maxay u tartaa inuu xigmad ku soo iibsado, Waayo, isagu garasho ma leh?
Prov SomKQA 17:17  Had iyo goor saaxiibba saaxiibkii wuu jecel yahay, Walaalna wuxuu u dhashay dhibaato.
Prov SomKQA 17:18  Ninkii garaaddaranu gacan buu dhaar ugu dhiibaa, Oo wuxuu dammiin ku noqdaa deriskiisa hortiisa.
Prov SomKQA 17:19  Kii xadgudub jecelu muran buu jecel yahay, Oo kii iriddiisa sarraysiiyaana wuxuu doondoontaa baabba'.
Prov SomKQA 17:20  Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.
Prov SomKQA 17:21  Kii nacas dhalaa murugtiisuu u dhalaa, Oo nacas aabbihiisna farxad ma leh.
Prov SomKQA 17:22  Qalbigii faraxsanu waa dawo wanaagsan, Laakiinse qalbigii jabanu lafahuu engejiyaa.
Prov SomKQA 17:23  Ninkii shar lahu laabtuu laaluush ka qaataa, Si uu jidadka garta u qalloociyo.
Prov SomKQA 17:24  Xigmaddu waxay hor joogtaa kii garasho leh; Laakiinse nacaska indhihiisu waxay eegaan dhulka darafkiisa.
Prov SomKQA 17:25  Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.
Prov SomKQA 17:26  Weliba ma wanaagsana in kii xaq ah la taqsiiro, Ama in kuwa sharafka leh qummanaantooda aawadeed wax loogu dhufto.
Prov SomKQA 17:27  Kii hadalkiisa yareeyaa, aqoon buu leeyahay, Oo kii qalbigiisu qabow yahayna waa nin garasho leh.
Prov SomKQA 17:28  Xataa nacasku markuu iska aamusan yahay waxaa loo yaqaan mid caqli leh, Kii bushimihiisa isku qabtana nin miyir leh.
Chapter 18
Prov SomKQA 18:1  Kii gooni isu soocaa, wuxuu doondoonaa damaciisa, Oo xigmadda oo dhanna wuu ku kacaa.
Prov SomKQA 18:2  Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.
Prov SomKQA 18:3  Markii kii shar lahu yimaado waxaa kaloo timaada quudhsasho, Sharafla'aantana waxaa la timaada ceeb.
Prov SomKQA 18:4  Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer, Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.
Prov SomKQA 18:5  Ma wanaagsana in kan sharka leh loo eexdo, Ama in kan xaqa ah garta lagu afgembiyo.
Prov SomKQA 18:6  Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran, Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.
Prov SomKQA 18:7  Nacaska afkiisu waa u baabba', Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.
Prov SomKQA 18:8  Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
Prov SomKQA 18:9  Kii shuqulkiisa caajis ku ahu, Wuxuu walaal u yahay kii wax kharriba.
Prov SomKQA 18:10  Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh, Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.
Prov SomKQA 18:11  Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.
Prov SomKQA 18:12  Dadka qalbigiisu waa kibraa intaanu baabbi'in ka hor, Oo sharaftana waxaa ka horraysa is-hoosaysiinta.
Prov SomKQA 18:13  Kii xaajo ka jawaabaa isagoo aan maqlin, Waa u nacasnimo iyo ceeb.
Prov SomKQA 18:14  Nin qalbigiisu waa u adkaysan karaa cudurkiisa, Laakiinse qalbi jaban bal yaa u dulqaadan kara?
Prov SomKQA 18:15  Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon, Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.
Prov SomKQA 18:16  Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa. Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.
Prov SomKQA 18:17  Kii dacwaddiisa u hor mara, mid xaq ah baa la moodaa, Laakiinse deriskiisaa ka daba yimaada oo imtixaama isaga.
Prov SomKQA 18:18  Saamigu wuxuu joojiyaa murammo, Oo wuxuu kala kaxeeyaa kuwa xoogga badan.
Prov SomKQA 18:19  In walaal la xumeeyey la soo celiyo waa ka sii adag tahay in magaalo xoog leh la qabsado, Oo murammona waa ka xoog badan yihiin qalcad biraheeda.
Prov SomKQA 18:20  Nin calooshiisu waxay ka buuxsami doontaa midhaha afkiisa, Oo wuxuu isagu ka dhergi doonaa waxa bushimihiisa u kordha.
Prov SomKQA 18:21  Geeri iyo nololuba waxay ku jiraan itaalka carrabka, Oo kuwa jeceluna waxay cuni doonaan midhihiisa.
Prov SomKQA 18:22  Ku alla kii afo helaa wuxuu helaa wax wanaagsan, Oo Rabbigana raallinimuu ka helaa.
Prov SomKQA 18:23  Miskiinku baryootan buu ku hadlaa, Laakiinse taajirku si qallafsan buu ugu jawaabaa.
Prov SomKQA 18:24  Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa, Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.
Chapter 19
Prov SomKQA 19:1  Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.
Prov SomKQA 19:2  Oo weliba in naftu aqoon la'aato ma wanaagsana, Oo kii cagihiisu degdegaanna wuu ambadaa.
Prov SomKQA 19:3  Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.
Prov SomKQA 19:4  Maalku wuxuu badiyaa saaxiibbo, Laakiinse miskiinku saaxiibkiisa buu ka soocmaa.
Prov SomKQA 19:5  Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono, Oo kii been ku hadlaana ma baxsan doono.
Prov SomKQA 19:6  Kuwa badan ayaa deeqsiga raallinimo ka baryi doona, Oo nin kastaaba waa u saaxiib kii hadiyado bixiya.
Prov SomKQA 19:7  Miskiinka walaalihiis oo dhammu way neceb yihiin, Haddaba saaxiibbadiisuna intee bay ka fogaan doonaan! Isagu hadal buu kala daba tagaa iyaga, laakiinse way tageen.
Prov SomKQA 19:8  Kii xigmadda helaa naftiisuu jecel yahay, Oo kii waxgarashada xajistaana wax wanaagsan buu heli doonaa.
Prov SomKQA 19:9  Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono, Oo kii been ku hadlaana wuu halligmi doonaa.
Prov SomKQA 19:10  Nacaska raaxo uma eka, Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.
Prov SomKQA 19:11  Nin miyirkiisu cadho buu ka celiyaa, Oo waxaa isaga ammaan u ah inuu xadgudub dhaafo.
Prov SomKQA 19:12  Boqorka cadhadiisu waa sida libaaxa cidiisa, Laakiinse raallinimadiisu waa sida sayaxa cawska ku dega.
Prov SomKQA 19:13  Wiilkii nacas ahu waa u belaayo aabbihiis, Oo naag murammadeeduna waa sida dhibicyo aan kala go'in.
Prov SomKQA 19:14  Hoy iyo hanti aabbayaashaa laga dhaxlaa, Laakiinse afo miyir leh xagga Rabbigaa laga helaa.
Prov SomKQA 19:15  Caajisnimo waxay keentaa hurdo weyn, Oo qofkii caajis ahuna wuu gaajoon doonaa.
Prov SomKQA 19:16  Kii amarka dhawraa naftiisuu dhawraa, Laakiinse kii jidadkiisa fudaydsadaa wuu dhiman doonaa.
Prov SomKQA 19:17  Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.
Prov SomKQA 19:18  Wiilkaaga edbi intay rajo jirto, Laakiinse naftaada ha ku qasbin si uu u dhinto.
Prov SomKQA 19:19  Ninkii cadho badan waa la taqsiiri doonaa, Waayo, haddaad mar isaga samatabbixiso, haddana waa inaad mar kale sidii oo kale ku samaysaa.
Prov SomKQA 19:20  Talada maqal, oo edbinta qaado, Si aad ugu dambaystaada caqli u yeelatid.
Prov SomKQA 19:21  Nin qalbigiisa waxaa ku jira hindisooyin badan, Habase ahaatee waxaa taagnaan doonta talada Rabbiga.
Prov SomKQA 19:22  Nin waxaa loo doonayaa waa raxmaddiisa, Oo miskiinkuna waa ka wanaagsan yahay beenaalaha.
Prov SomKQA 19:23  Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha, Wuuna sii dheregsanaan doonaa, Oo sharna loo keeni maayo.
Prov SomKQA 19:24  Ninkii caajis ahu wuxuu gacanta geliyaa xeedhada, Oo mar dambe xagga afkiisa uma soo celiyo.
Prov SomKQA 19:25  Kan wax quudhsada garaac, oo garaadlaawaha ayaa miyir yeelan doona, Oo kii garasho leh canaano, oo isna aqoon buu sii korodhsan doonaa.
Prov SomKQA 19:26  Kii aabbihiis kharriba, hooyadiisna erya, Waa wiil ceeb keena oo cay soo jiida.
Prov SomKQA 19:27  Wiilkaygiiyow ka joogso in markaad edbinta maqashid Aad dabadeed hadalka aqoonta ka ambatid.
Prov SomKQA 19:28  Markhaatigii waxmatare ahu gartuu quudhsadaa, Oo kan sharka leh afkiisuna wuxuu liqaa xumaan.
Prov SomKQA 19:29  Kuwa wax quudhsada waxaa loo diyaariyey xukunno, Oo dhabarka nacasyadana waxaa loo diyaariyey karbaash.
Chapter 20
Prov SomKQA 20:1  Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.
Prov SomKQA 20:2  Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa, Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.
Prov SomKQA 20:3  Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf, Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.
Prov SomKQA 20:4  Kii caajis ahu qabowga aawadiis beer ma jeexo, Oo sidaas daraaddeed wakhtiga beergooyska wuu baryootami doonaa, oo waxba ma heli doono.
Prov SomKQA 20:5  Talada dadka qalbigiisa ku jirtaa waa sida biyo gun dheer, Laakiinse ninkii garasho leh ayaa ka soo dhaansan doona.
Prov SomKQA 20:6  Dadka intooda badanu waxay naadiyaan raxmaddooda, Laakiinse nin aamin ah bal yaa heli kara?
Prov SomKQA 20:7  Ninka xaqa ah oo daacadnimadiisa ku socda, Carruurtiisu way barakaysnaadaan isaga dabadiis.
Prov SomKQA 20:8  Boqorkii carshiga garsooridda ku fadhiyaa Indhihiisuu sharka oo dhan ku kala firdhiyaa.
Prov SomKQA 20:9  Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey, Oo dembigayga waan ka daahirsanahay?
Prov SomKQA 20:10  Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah, Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.
Prov SomKQA 20:11  Xataa ilmo yar waxaa lagu yaqaan falimihiisa, Inuu shuqulkiisu daahir yahay iyo inuu hagaagsan yahayba.
Prov SomKQA 20:12  Dhegta wax maqasha iyo isha wax aragtaba, Labadaba Rabbigaa sameeyey.
Prov SomKQA 20:13  Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye. Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa.
Prov SomKQA 20:14  Kan wax iibsadaa wuxuu yidhaahdaa, Waa xun yahay, waa xun yahay, Laakiinse markuu tago ayuu faanaa.
Prov SomKQA 20:15  Waxaa jira dahab iyo luul badan, Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.
Prov SomKQA 20:16  Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.
Prov SomKQA 20:17  Cuntadii khiyaano lagu helaa dadka way u macaan tahay, Laakiinse dabadeed afkiisa waxaa ka buuxsami doona quruurux.
Prov SomKQA 20:18  Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo, Oo waano wanaagsan ku dagaallan.
Prov SomKQA 20:19  Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin.
Prov SomKQA 20:20  Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah.
Prov SomKQA 20:21  Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay, Ugu dambaysta ma barakoobi doono.
Prov SomKQA 20:22  Ha odhan, Shar baan ka abaal gudayaa. Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa.
Prov SomKQA 20:23  Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo, Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.
Prov SomKQA 20:24  Nin socodkiisu waa xagga Rabbiga, Haddaba sidaas daraaddeed dad sidee buu jidkiisa u garan karaa?
Prov SomKQA 20:25  Waa u dabin nin inuu nacasnimo ku yidhaahdo, Waa quduus, Oo uu dabadeed u nidraa inuu wax weyddiiyo.
Prov SomKQA 20:26  Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.
Prov SomKQA 20:27  Dadka ruuxiisu waa laambaddii Rabbiga, Oo wuxuu baadhaa caloosha meelaha ugu hooseeya oo dhan.
Prov SomKQA 20:28  Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan, Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.
Prov SomKQA 20:29  Dhallinyarada xooggoodu waa ammaantooda, Oo cirrada odayaashuna waa quruxdooda.
Prov SomKQA 20:30  Garaaciddii nabro yeeshaa waxay dadka ka nadiifisaa sharka, Oo dilidda karbaashkuna sidaas oo kalay u gashaa caloosha meelaha ugu hooseeya.
Chapter 21
Prov SomKQA 21:1  Boqorka qalbigiisu wuxuu ku jiraa gacanta Rabbiga sida webiyada biyaha ah, Oo wuxuu u leexiyaa meel alla meeshuu doonayo.
Prov SomKQA 21:2  Nin jidkiis waluba waa la qumman yahay isaga, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu miisaamaa.
Prov SomKQA 21:3  Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay In xaqnimo iyo gar la sameeyo.
Prov SomKQA 21:4  Indho qab weyn iyo qalbi kibirsan, Kuwaas oo ah kuwa sharka leh laambaddoodu waa dembi.
Prov SomKQA 21:5  Kuwa dadaala fikirradoodu waxay u geeyaan barwaaqo. Laakiinse ku alla kii degdeg badanu wuxuu u degdegaa inuu wax u baahdo oo keliya.
Prov SomKQA 21:6  Khasnadihii carrab been badan lagu helaa waa sida ceeryaamo hor iyo dib loo kaxeeyey, Oo kuwa doondoontaana dhimashay doonaan.
Prov SomKQA 21:7  Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.
Prov SomKQA 21:8  Ninkii eed badan qaba jidkiisu aad buu u qalloocan yahay, Laakiinse kii daahirsan shuqulkiisu waa hagaagsan yahay.
Prov SomKQA 21:9  In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.
Prov SomKQA 21:10  Kii shar leh naftiisu xumaan bay doonaysaa, Oo deriskiisuna raallinimo kama helo hortiisa.
Prov SomKQA 21:11  Markii mid wax quudhsada la taqsiiro, garaadlaawahu wuu caqliyaystaa, Oo kii caqli leh marka la edbiyona aqoon buu helaa.
Prov SomKQA 21:12  Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.
Prov SomKQA 21:13  Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.
Prov SomKQA 21:14  Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa, Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.
Prov SomKQA 21:15  Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad, Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.
Prov SomKQA 21:16  Ninkii jidka waxgarashada ka habaabaa Wuxuu la joogi doonaa ururka kuwii dhintay.
Prov SomKQA 21:17  Kii raaxaysi jecelu miskiin buu ahaan doonaa, Oo kii khamri iyo saliid jeceluna taajir ma noqon doono.
Prov SomKQA 21:18  Kii shar lahu wuxuu furasho u noqon doonaa kii xaq ah, Khaayinkuna wuxuu furasho u noqon doonaa kii qumman.
Prov SomKQA 21:19  In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon In naag muran iyo cadho badan lala joogo.
Prov SomKQA 21:20  Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa, Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.
Prov SomKQA 21:21  Kii xaqnimo iyo naxariis raacaa Wuxuu helaa nolol iyo xaqnimo iyo sharaf.
Prov SomKQA 21:22  Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda, Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.
Prov SomKQA 21:23  Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.
Prov SomKQA 21:24  Ninkii kibirsan ee qab weyn waxaa magiciisa la yidhaahdaa quudhsade, Oo wuxuu ku shaqeeyaa cadhada kibirka.
Prov SomKQA 21:25  Ninkii caajis ah waxaa dila damaciisa, Waayo, gacmihiisu waxay diidaan inay hawshoodaan.
Prov SomKQA 21:26  Waxaa jira kuwo maalinta oo dhan si hunguri weyn wax u damca, Laakiinse kii xaq ahu wax buu bixiyaa oo ma ceshado.
Prov SomKQA 21:27  Ka sharka leh allabarigiisu waa karaahiyo, Oo markuu niyo xun ku bixiyona way ka sii daran tahay!
Prov SomKQA 21:28  Markhaatifuraha beenta ahu waa baabbi'i doonaa, Laakiinse ninkii wax maqla hadalkiisu waa raagi doonaa.
Prov SomKQA 21:29  Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.
Prov SomKQA 21:30  Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah.
Prov SomKQA 21:31  Faraska waxaa loo diyaariyaa maalinta dagaalka, Laakiinse guusha waxaa leh Rabbiga.
Chapter 22
Prov SomKQA 22:1  Magac wanaagsan baa laga doortaa maal badan, Oo nimcana waa ka wanaagsan tahay lacag iyo dahab.
Prov SomKQA 22:2  Taajirka iyo miskiinku way wada kulmaan, Oo Rabbigu waa kii kulligood sameeyey.
Prov SomKQA 22:3  Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa.
Prov SomKQA 22:4  Is-hoosaysiinta iyo Rabbiga ka cabsashadiisa abaalgudkoodu Waxaa weeyaan hodantinimo iyo sharaf iyo nolol.
Prov SomKQA 22:5  Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan, Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga.
Prov SomKQA 22:6  Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.
Prov SomKQA 22:7  Taajirku masaakiintuu u taliyaa Oo kii wax amaahdaana midiidin buu u yahay kii wax amaahiya.
Prov SomKQA 22:8  Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo, Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.
Prov SomKQA 22:9  Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa, Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.
Prov SomKQA 22:10  Kan wax quudhsada eri, oo muranku wuu bixi doonaa, Dirirta iyo cayduna way dhammaan doonaan.
Prov SomKQA 22:11  Kii daahirsanaanta qalbiga jecel, Oo bushimihiisu nimco leeyihiin, xataa boqorka ayaa saaxiibkiis ahaan doona.
Prov SomKQA 22:12  Indhaha Rabbigu waxay dhawraan ka aqoonta leh, Laakiinse isagu wuxuu afgembiyaa erayada khaayinka.
Prov SomKQA 22:13  Kii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa dibadda jooga, Oo jidka dhexdiisa ayaa laygu dili doonaa.
Prov SomKQA 22:14  Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.
Prov SomKQA 22:15  Nacasnimadu waxay ku xidhan tahay qalbiga ilmaha. Laakiinse usha edbintu way ka fogayn doontaa.
Prov SomKQA 22:16  Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.
Prov SomKQA 22:17  Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi.
Prov SomKQA 22:18  Waayo, waa wax wanaagsan haddii aad uurka ku haysatid, Oo hadday dhammaantood bushimahaaga diyaar ku ahaadaan.
Prov SomKQA 22:19  Bal eeg, adigaan maanta iyaga ku ogeysiiyey, Inaad Rabbiga aaminsan tahay.
Prov SomKQA 22:20  Miyaanan waxyaalo wanaagsan kuugu qorin Talooyinka iyo aqoonta,
Prov SomKQA 22:21  Si aan kuu ogeysiiyo hubaasha erayada runta, Inaad erayada runta uga jawaabtid kuwii ku soo diray?
Prov SomKQA 22:22  Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,
Prov SomKQA 22:23  Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.
Prov SomKQA 22:24  Ha la saaxiibin nin xanaaq badan, Oo nin cadho kululna waa inaanad la socon,
Prov SomKQA 22:25  Waaba intaas oo aad jidkiisa baratid, Oo aad naftaadana dabin ku riddid.
Prov SomKQA 22:26  Ha noqonin sida kuwa gacanta dhaar ugu dhiiba, Ama sida kuwa deyman u dammiinta.
Prov SomKQA 22:27  Haddaanad haysan wax aad bixiso, Bal muxuu sariirtaada hoostaada uga la bixi?
Prov SomKQA 22:28  Soohdinta hore oo ay awowayaashu dhigeen Innaba ha durkin.
Prov SomKQA 22:29  Miyaad aragtaa nin shuqulkiisa ku dadaala? Isagu wuxuu istaagi doonaa boqorro hortood. Oo kuwa hoose hortoodana ma istaagi doono.
Chapter 23
Prov SomKQA 23:1  Markaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid, Aad uga fiirso waxa hortaada yaal,
Prov SomKQA 23:2  Oo mindi cunaha iska saar Haddaad tahay nin hunguri weyn.
Prov SomKQA 23:3  Cuntadiisa macaan ha damcin, Waayo, waa cunto khiyaaneed.
Prov SomKQA 23:4  Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.
Prov SomKQA 23:5  Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale.
Prov SomKQA 23:6  Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin, Cuntadiisa macaanna ha damcin,
Prov SomKQA 23:7  Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.
Prov SomKQA 23:8  Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa, Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan.
Prov SomKQA 23:9  Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.
Prov SomKQA 23:10  Soohdintii hore ha durkin, Beeraha agoommadana ha dhex gelin,
Prov SomKQA 23:11  Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay; Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona.
Prov SomKQA 23:12  Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.
Prov SomKQA 23:13  Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.
Prov SomKQA 23:14  Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa.
Prov SomKQA 23:15  Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.
Prov SomKQA 23:16  Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.
Prov SomKQA 23:17  Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso.
Prov SomKQA 23:18  Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.
Prov SomKQA 23:19  Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.
Prov SomKQA 23:20  Ha dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,
Prov SomKQA 23:21  Waayo, kii sakhraan ah iyo kii hunguri weynuba way caydhoobi doonaan, Oo lulona nin calal bay u xidhi doontaa.
Prov SomKQA 23:22  Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.
Prov SomKQA 23:23  Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.
Prov SomKQA 23:24  Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa.
Prov SomKQA 23:25  Aabbahaa iyo hooyadaaba ha farxeen, Oo tii ku dhashayna ha rayrayso.
Prov SomKQA 23:26  Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.
Prov SomKQA 23:27  Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.
Prov SomKQA 23:28  Sida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.
Prov SomKQA 23:29  Bal yaa hoog leh? Oo yaa caloolxumo leh? Oo yaa murammo leh? Oo yaa calaacal badan leh? Oo yaa u dhaawacan sababla'aan? Oo yaa indho casaan ah leh?
Prov SomKQA 23:30  Waa kuwa wakhti dheer ku raaga khamriga, Waana kuwa u taga inay doondoontaan khamri laysku daray.
Prov SomKQA 23:31  Ha fiirin khamrigu markuu casaado, Markuu koobka ka dhex dhalaalo, Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba.
Prov SomKQA 23:32  Ugu dambaysta wuxuu wax u qaniinaa sida abeesada, Oo sida jilbiskana wax buu u qaniinaa.
Prov SomKQA 23:33  Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.
Prov SomKQA 23:34  Oo waxaad ahaan doontaa sida kan badda dhexdeeda jiifsada, Ama sida ka dakhalka dhaladiisa sare seexda.
Prov SomKQA 23:35  Waxaad odhan doontaa, Wax bay igu dhufteen, laakiin waxba ima yeelin. Way i garaaceen, iskamana aanan garan; Bal goormaan toosi doonaa? Weli mar kalaan doonan doonaa.
Chapter 24
Prov SomKQA 24:1  Dad shar leh ha ka masayrin, Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.
Prov SomKQA 24:2  Waayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad, Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.
Prov SomKQA 24:3  Guri wuxuu ku dhismaa xigmad, Wuxuuna ku taagnaadaa waxgarasho,
Prov SomKQA 24:4  Qawladuhuna aqoontay kaga buuxsamaan Maal kasta oo qaali ah oo qurux badan.
Prov SomKQA 24:5  Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay, Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.
Prov SomKQA 24:6  Waayo, waa inaad talo wanaagsan ku dagaallantaa, Oo waxaa taliyayaal badan la jirta nabadgelyo.
Prov SomKQA 24:7  Xigmaddu nacaska way ka dheer tahay, Isagu xagga iridda afkiisa kuma kala qaado.
Prov SomKQA 24:8  Kii ku fikira inuu xumaan sameeyo, Waxaa loogu yeedhi doonaa belaayo-sameeye.
Prov SomKQA 24:9  Fikirka nacasnimadu waa dembi, Kii wax quudhsadaana waa u karaahiyo dadka.
Prov SomKQA 24:10  Maalinta dhibaatada haddaad liicdid, Itaalkaagu waa yar yahay.
Prov SomKQA 24:11  Samatabbixi kuwa dhimashada loo wadayo, Kuwa ku dhow in la gowracona dib uga qabo.
Prov SomKQA 24:12  Haddaad tidhaahdid, Bal eeg, waxan ma aannu garanayn, Kan qalbiyada miisaamaa miyaanu ka fiirsanayn? Oo kan naftaada dhawraa miyaanu ogayn? Oo miyaanu isagu nin walba ugu abaal gudayn sida shuqulkiisu yahay?
Prov SomKQA 24:13  Wiilkaygiiyow, malab cun, waayo, wuu wanaagsan yahay, Oo waxaad cuntaa awlallada malabka, taas oo kuu dhadhan macaan.
Prov SomKQA 24:14  Oo xigmadda aqoonteeduna sidaasoo kalay naftaada u ahaan doontaa, Oo haddaad iyada heshid waxaa jiri doona abaalgud, Oo rajadaaduna ma go'i doonto.
Prov SomKQA 24:15  Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.
Prov SomKQA 24:16  Waayo, nin xaq ahu toddoba goor buu dhacaa, wuuna soo sara kacaa haddana, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu afgembiyaa belaayo.
Prov SomKQA 24:17  Ha rayrayn markuu cadowgaagu dhaco, Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo,
Prov SomKQA 24:18  Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.
Prov SomKQA 24:19  Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,
Prov SomKQA 24:20  Waayo, kii shar leh abaalgud ma heli doono, Oo laambadda xumaanfalayaashana waa la bakhtiin doonaa.
Prov SomKQA 24:21  Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,
Prov SomKQA 24:22  Waayo, belaayadoodu si degdeg ah ayay u soo kici doontaa, Oo bal yaa yaqaan baabbi'inta labadoodaba?
Prov SomKQA 24:23  Oo weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen. In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana.
Prov SomKQA 24:24  Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay, Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,
Prov SomKQA 24:25  Laakiinse kuwii isaga canaantaa farxad bay yeelan doonaan, Oo dushoodana waxaa ku soo degi doonta barako wanaagsan.
Prov SomKQA 24:26  Kii jawaab qumman ku jawaabaa Bushimuhuu dhunkadaa.
Prov SomKQA 24:27  Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso, Oo beerta ku diyaarso, Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.
Prov SomKQA 24:28  Deriskaaga sababla'aan markhaati ha ku furin, Oo bushimahaagana ha ku khiyaanayn.
Prov SomKQA 24:29  Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa, Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.
Prov SomKQA 24:30  Waxaan ag maray ninka caajiska ah beertiisa, Iyo ninka garaadka daran beercanabkiisa,
Prov SomKQA 24:31  Oo bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan, Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob, Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.
Prov SomKQA 24:32  Markaasaan eegay oo aad uga fiirsaday, Waan fiiriyey oo wax ka bartay.
Prov SomKQA 24:33  Weliba in yar baad seexanaysaa, oo in yar baad gam'aysaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo u laabaysaa,
Prov SomKQA 24:34  Haddaba caydhnimo waa kuu iman doontaa sida tuug oo kale, Oo baahina sida nin hub sita oo kale.
Chapter 25
Prov SomKQA 25:1  Oo weliba kuwanuna waa maahmaahyadii Sulaymaan, Oo boqorkii Yahuudah oo Xisqiyaah ahaa raggiisii ay soo guuriyeen.
Prov SomKQA 25:2  Waa u ammaan Ilaah inuu xaal qariyo, Laakiinse waa u ammaan boqorrada inay xaal baadhaan.
Prov SomKQA 25:3  Sida samadu u sarrayso, oo dhulkuna u gun dheer yahay, Ayaan qalbiga boqorrada loo baadhi karin.
Prov SomKQA 25:4  Lacagta wasakhda ka qaad, Oo dabadeedna waxaa lacagshubaha uga soo bixi doona weel.
Prov SomKQA 25:5  Boqorka hortiisa kuwa sharka leh ka fogee, Oo carshigiisuna xaqnimuu ku taagnaan doonaa.
Prov SomKQA 25:6  Ha isweynweynayn boqorka hortiisa, Oo kuwa waaweyn meeshoodana ha istaagin.
Prov SomKQA 25:7  Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa, Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay.
Prov SomKQA 25:8  Dirir degdeg ha ugu bixin, Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd, Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.
Prov SomKQA 25:9  Dacwadaada deriskaaga kala dood, Laakiinse mid kale xaalkiisa qarsoon ha sheegin,
Prov SomKQA 25:10  Waaba intaas oo uu ku caayaa kii maqlaa, Oo aanay ceebtaadu kaa hadhin.
Prov SomKQA 25:11  Hadalkii si hagaagsan loogu hadlaa Wuxuu la mid yahay tufaaxyo dahab ah oo lagu dhex sameeyey taswiiro lacag ah.
Prov SomKQA 25:12  Kii caqli leh oo wax canaantaa wuxuu dhegta wax maqasha oo addeecda ula mid yahay Hilqado dahab ah iyo wax laysku sharraxo oo dahab saafiya ah.
Prov SomKQA 25:13  Wargeeyihii aamin ahu wuxuu kuwii isaga soo diray ula mid yahay Qabowga barafka cad oo wakhtiga beergooyska, Waayo, isagu wuxuu qabowjiyaa nafta sayidyadiisa.
Prov SomKQA 25:14  Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn.
Prov SomKQA 25:15  Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan, Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.
Prov SomKQA 25:16  Malab ma heshay? In kugu filan oo keliya ka cun, Waaba intaas oo intaad ka dheregto aad soo hunqaacdaaye.
Prov SomKQA 25:17  Cagtaadu ha ku yaraato guriga deriskaaga, Waaba intaasoo uu kaa daalaa oo uu ku necbaadaaye.
Prov SomKQA 25:18  Ninkii deriskiisa marag been ah ku furaa Waa sida budh iyo seef iyo fallaadh af badan oo kale.
Prov SomKQA 25:19  In wakhtiga dhibaatada nin aaminlaawe ah laysku halleeyo Waa sida ilig jaban iyo cag murkacatay oo kale.
Prov SomKQA 25:20  Kii qalbi murugaysan u gabyaa Waa sida mid maalin qabow huwiska iska qaada iyo sida khal soodhe lagu shubo oo kale.
Prov SomKQA 25:21  Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii, Hadduu harraadsan yahayna waraabi,
Prov SomKQA 25:22  Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa, Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.
Prov SomKQA 25:23  Dabaysha woqooyi roob bay keentaa, Sidaas oo kale carrabkii xan badanna weji cadhaysan buu keenaa.
Prov SomKQA 25:24  In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.
Prov SomKQA 25:25  Warkii wanaagsan oo dal fog ka yimaadaa Waa sida biyo qabow ay naf harraadsan u yihiin oo kale.
Prov SomKQA 25:26  Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale.
Prov SomKQA 25:27  In malab badan la cunaa ma wanaagsana, Sidaas oo kalena in ammaan la doondoontaa ammaan ma aha.
Prov SomKQA 25:28  Kii aan ruuxiisa u talin karinu Waa sida magaalo duntay oo aan derbi lahayn oo kale.
Chapter 26
Prov SomKQA 26:1  Sida wakhtiga kulul aan baraf cad ugu habboonayn, oo wakhtiga beergooyska aan roob ugu habboonayn, Ayaan sharaf nacas ugu habboonayn.
Prov SomKQA 26:2  Sida shimbir iska wareegaysa iyo sida dabafallaadh iska duulaysa, Ayaan habaarkii sababla'aan ahu cidna ugu dhacayn.
Prov SomKQA 26:3  Jeedal faras buu ku habboon yahay, dacayna dameer, Ulina dhabarka nacaska.
Prov SomKQA 26:4  Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.
Prov SomKQA 26:5  Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.
Prov SomKQA 26:6  Kii nacas gacantiis farriin u sii dhiibaa Cagahuu iska gooyaa oo khasaaruu cabbaa.
Prov SomKQA 26:7  Sida lugaha curyaanku u laalaadaan Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.
Prov SomKQA 26:8  Kii nacas sharaf siiyaa Wuxuu la mid yahay mid wadhaf dhagax ku xidha oo kale.
Prov SomKQA 26:9  Sida qodaxdu u dhex gasho sakhraan gacantiis, Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.
Prov SomKQA 26:10  Kii nacaska ama kuwa jidka maraya kiraystaa Waa sida qaansoole dadka oo dhan dhaawaca oo kale.
Prov SomKQA 26:11  Nacas nacasnimadiisa ku noqnoqdaa Waa sida eey mantaggiisa ku noqnoqda oo kale.
Prov SomKQA 26:12  Nin isla caqli weyn ma aragtay? Waxaa isaga ka rajo roon nacas.
Prov SomKQA 26:13  Ninkii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa waddada jooga; Libaax baa jidka taagan.
Prov SomKQA 26:14  Sida albaabku birihiisa ugu noqnoqdo, Ayaa kii caajis ahuna sariirtiisa isugu rogrogaa.
Prov SomKQA 26:15  Kii caajis ahu wuxuu gacantiisa geliyaa xeedhadiisa, Oo inuu afkiisa ku soo celiyona waa ku dhib isaga.
Prov SomKQA 26:16  Kii caajis ahu waa iskala caqli badan yahay Toddoba nin oo xigmad ku jawaabi karta.
Prov SomKQA 26:17  Kii isagoo jidka iska maraya isku dhex dara dirir aanu waxba ku lahayn, Wuxuu la mid yahay mid eey dhegaha qabta oo kale.
Prov SomKQA 26:18  Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho,
Prov SomKQA 26:19  Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo, Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?
Prov SomKQA 26:20  Xaabola'aanta dabku waa bakhtiyaa, Oo meeshii aan mid xan badanu jooginna muranku waa ka joogsadaa.
Prov SomKQA 26:21  Sida dhuxuli raran u sii shiddo, qoryona dab u sii belbeliyaan, Ayuu ninkii muran badanuna dirir u sii kiciyaa.
Prov SomKQA 26:22  Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
Prov SomKQA 26:23  Bushimihii macaan iyo qalbigii shar lehba Waxay la mid yihiin weel dhoobo ah oo lagu dahaadhay lacag wasakhdeed.
Prov SomKQA 26:24  Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa.
Prov SomKQA 26:25  Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo.
Prov SomKQA 26:26  In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.
Prov SomKQA 26:27  Ku alla kii bohol qodaaba isagaa ku dhex dhici doona, Oo kii dhagax giringiriyana, isaguu ku soo rogman doonaa.
Prov SomKQA 26:28  Carrabkii been sheega wuxuu neceb yahay kuwuu dhaawacay, Oo afkii wax faaniyaana wuxuu ka shaqeeyaa baabba'.
Chapter 27
Prov SomKQA 27:1  Berrito ha ku faanin, Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.
Prov SomKQA 27:2  Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin, Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.
Prov SomKQA 27:3  Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
Prov SomKQA 27:4  Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
Prov SomKQA 27:5  Canaantii bayaan ahu Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.
Prov SomKQA 27:6  Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo, Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.
Prov SomKQA 27:7  Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa, Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.
Prov SomKQA 27:8  Ninkii hoygiisa ka warwareegaa Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale.
Prov SomKQA 27:9  Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan, Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.
Prov SomKQA 27:10  Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona, Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin, Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.
Prov SomKQA 27:11  Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.
Prov SomKQA 27:12  Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.
Prov SomKQA 27:13  Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.
Prov SomKQA 27:14  Kii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya, Waxaa loo qaadan doonaa habaar.
Prov SomKQA 27:15  Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.
Prov SomKQA 27:16  Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.
Prov SomKQA 27:17  Bir baa bir afaysa, Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.
Prov SomKQA 27:18  Ku alla kii berde xannaanaystaa midhihiisuu cuni doonaa. Oo kii sayidkiisa dhawrana waa la murwayn doonaa.
Prov SomKQA 27:19  Sida fool biyaha dhexdooda fool uga muuqdo, Ayaa nin qalbigiisu nin kale ugu muuqdaa.
Prov SomKQA 27:20  She'ool iyo halligaadu weligood ma dhergaan, Dadka indhihiisu weligood ma dhergaan.
Prov SomKQA 27:21  Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Sidaas oo kalena nin waxaa lagu tijaabiyaa ammaantiisa.
Prov SomKQA 27:22  In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid, Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.
Prov SomKQA 27:23  Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga, Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.
Prov SomKQA 27:24  Waayo, maalku weligiis siima raago, Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?
Prov SomKQA 27:25  Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda, Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.
Prov SomKQA 27:26  Baraarku waa kuu dhar, Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta.
Prov SomKQA 27:27  Waxaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba, Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya.
Chapter 28
Prov SomKQA 28:1  Kuwa sharka lahu waxay cararaan iyadoo aan ciduna eryanayn, Laakiinse kuwa xaqa ahu waxay u dhiirran yihiin sida libaax oo kale.
Prov SomKQA 28:2  Waddan xadgudubkiisa aawadiis amiirradu way badan yihiin, Laakiinse ninkii waxgarasho iyo aqoon leh dowladdiisu way sii raagtaa.
Prov SomKQA 28:3  Miskiin masaakiinta dulmaa Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.
Prov SomKQA 28:4  Kuwa sharciga ka tagaa waxay ammaanaan kuwa sharka leh, Laakiinse kuwa sharciga dhawra ayaa iyaga la dirira.
Prov SomKQA 28:5  Nimanka sharka lahu garsooridda ma gartaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax walbay gartaan.
Prov SomKQA 28:6  Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.
Prov SomKQA 28:7  Ku alla kii sharciga dhawraa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii raaca kuwa cirta weyn, aabbihiisuu ceebeeyaa.
Prov SomKQA 28:8  Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.
Prov SomKQA 28:9  Kii dhegtiisa ka leexiya inuu sharciga maqlo, Xataa baryootankiisu waa karaahiyo.
Prov SomKQA 28:10  Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa, Isagaa ku dhici doona godkiisa, Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.
Prov SomKQA 28:11  Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.
Prov SomKQA 28:12  Kuwa xaqa ahu markay guulaystaan, waxaa jirta ammaan weyn, Laakiinse markii kuwa sharka lahu sara kacaan dadku waa dhuuntaa.
Prov SomKQA 28:13  Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono, Laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.
Prov SomKQA 28:14  Ninkii mar kasta cabsadaa waa barakaysan yahay, Laakiinse kii qalbigiisa sii adkeeyaa masiibuu ku dhici doonaa.
Prov SomKQA 28:15  Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.
Prov SomKQA 28:16  Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn, Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.
Prov SomKQA 28:17  Ninkii nin dhiiggiis qabaa Wuxuu u carari doonaa godka, oo ninna yaanu ka joojin.
Prov SomKQA 28:18  Ku alla kii si qumman u socda waa la samatabbixin doonaa, Laakiinse kii si qalloocan laba jid ugu socdaa haddiiba wuu dhici doonaa.
Prov SomKQA 28:19  Kii dhulkiisa beertaa, cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa wuxuu ka dhergi doonaa caydhnimo.
Prov SomKQA 28:20  Ninkii aamin ahu aad buu u barakoobi doonaa, Laakiinse kii taajirnimo ku degdegaa ma taqsiir la'aan doono.
Prov SomKQA 28:21  Ma wanaagsana in dadka loo kala eexdo, Iyo inuu nin xabbad kibis ah u xadgudbo toona.
Prov SomKQA 28:22  Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.
Prov SomKQA 28:23  Kii nin canaantaa wuxuu marka dambe heli doonaa Raallinimo ka badan kan carrabka ku faaniya.
Prov SomKQA 28:24  Kii aabbihiis ama hooyadiis wax ka dhaca oo haddana yidhaahda, Taasu xadgudub ma aha, Wuxuu saaxiib la yahay kii wax dumiya.
Prov SomKQA 28:25  Kii hunguri weynu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waa la barwaaqaysiin doonaa.
Prov SomKQA 28:26  Kii qalbigiisa isku halleeyaa waa nacas, Laakiinse ku alla kii si caqli ah u socda waa la samatabbixin doonaa.
Prov SomKQA 28:27  Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.
Prov SomKQA 28:28  Markii kuwa sharka lahu kacaan dadku waa dhuuntaa, Laakiinse markay halligmaan, kuwa xaqa ahu way sii kordhaan.
Chapter 29
Prov SomKQA 29:1  Kii inta wax badan la canaanto ka madax adkaadaa, Dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
Prov SomKQA 29:2  Markii kuwa xaqa ahu amarka haystaan, dadku wuu reyreeyaa, Laakiinse markii kuwa sharka lahu xukunka wataan, dadku wuu taahaa.
Prov SomKQA 29:3  Kii xigmad jecelu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse kii dhillooyin raacaa maalkiisuu khasaariyaa.
Prov SomKQA 29:4  Boqorku gar buu dalka ku dhisaa, Laakiinse kii laaluush jecelu wuu dumiyaa.
Prov SomKQA 29:5  Ninkii deriskiisa faaniyaa Shabag dabin ah ayuu cagihiisa hor dhigaa.
Prov SomKQA 29:6  Ninkii shar ah xadgudubkiisa waxaa ku jira dabin, Laakiinse kii xaq ahu waa iska heesaa oo reyreeyaa.
Prov SomKQA 29:7  Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.
Prov SomKQA 29:8  Kuwa wax quudhsadaa magaalay dab qabadsiiyaan, Laakiinse kuwa caqliga lahu cadhay qabowjiyaan.
Prov SomKQA 29:9  Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo, Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba.
Prov SomKQA 29:10  Dhiigyocabyadu kii kaamil ah way neceb yihiin, Laakiinse kuwa qumman waxay doondoonaan inay naftiisa badbaadshaan.
Prov SomKQA 29:11  Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.
Prov SomKQA 29:12  Haddii taliye been dhegaysto, Midiidinyadiisa oo dhammu waa wada shar miidhan.
Prov SomKQA 29:13  Miskiinka iyo khaayinku way wada kulmaan, Oo labadoodaba Rabbigu indhahooduu iftiimiyaa.
Prov SomKQA 29:14  Boqorkii daacadnimo masaakiinta ugu xukuma, Carshigiisu wuu dhisnaan doonaa weligiisba.
Prov SomKQA 29:15  Usha iyo canaantu caqli bay keenaan, Laakiinse ilmihii layska daayaa ceeb buu hooyadiis u soo jiidaa.
Prov SomKQA 29:16  Markii kuwa sharka lahu bataan, xadgudub baa sii kordha, Laakiinse kuwa xaqa ah ayaa dhiciddooda arki doona.
Prov SomKQA 29:17  Wiilkaaga edbi, oo isna wuu ku nasin doonaa, Haah, naftaada wuu ka farxin doonaa.
Prov SomKQA 29:18  Markii aan muujinu jirin dadku waa halligmaa, Laakiinse kii sharciga dhawraa waa barakaysan yahay.
Prov SomKQA 29:19  Addoon hadal kuma edeb yeesho, Waayo, in kastoo uu garanayo ka jawaabi maayo.
Prov SomKQA 29:20  Ma aragtay nin hadalkiisa ku degdega? Kaas waxaa ka rajo roon nacas.
Prov SomKQA 29:21  Kii addoonkiisa si wanaagsan u soo koriya tan iyo yaraantiisa, Ugu dambaysta wiil buu u noqon doonaa.
Prov SomKQA 29:22  Ninkii xanaaq badanu muran buu kiciyaa. Ninkii cadho kululuna xadgudub buu badsadaa.
Prov SomKQA 29:23  Nin kibirkiisu hoos buu u dejin doonaa, Laakiinse kii is-hoosaysiiyaa sharaf buu heli doonaa.
Prov SomKQA 29:24  Ku alla kii tuug la shirkoobaa naftiisuu nacaa, Habaarkuu maqlaa, laakiinse waxba kama sheego.
Prov SomKQA 29:25  Dadka ka cabsashadiisu wax bay dabtaa, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeyaa wuu nabad geli doonaa.
Prov SomKQA 29:26  Kuwo badan baa taliyaha raallinimo ka doona, Laakiinse dadka garsooriddiisu waxay ka timaadaa xagga Rabbiga.
Prov SomKQA 29:27  Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.
Chapter 30
Prov SomKQA 30:1  Kuwanu waa erayadii Aaguur ina Yaaqeh, oo ahaa reer Masaa. Ninku wuxuu la hadlay Iitii'eel, iyo xataa Iitii'eel iyo Ukaal, oo ku yidhi,
Prov SomKQA 30:2  Hubaal anigu waan ka doqonnimo weynahay nin kastaba, Oo dad waxgarashadiisana ma lihi.
Prov SomKQA 30:3  Xigmad ma aan baran, Aqoonta Kan quduuska ahna ma aqaan.
Prov SomKQA 30:4  Yaa samada u baxay, oo ka soo degay? Yaa dabaysha gacmihiisa ku soo ururshay? Yaa biyaha dharkiisa ku guntay? Yaa dhulka darafyadiisa oo dhan dhisay? Magicii, wiilkiisana magicii, haddaad taqaan?
Prov SomKQA 30:5  Eray kasta oo Ilaah waa daahir; Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga aaminsan.
Prov SomKQA 30:6  Erayadiisa waxba ha ku darin, Waaba intaas oo uu ku canaantaa, oo lagu ogaadaa inaad beenaaleh tahay.
Prov SomKQA 30:7  Laba waxyaalood ayaan ku weyddiistay, Iyaga ha ii diidin intaanan dhiman.
Prov SomKQA 30:8  Wax aan waxtar lahayn iyo been iga fogee, Oo caydhnimo iyo taajirnimo midna ha i siin. Igu quudi cunto aanan ka maarmin,
Prov SomKQA 30:9  Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu? Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado, Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.
Prov SomKQA 30:10  Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin, Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.
Prov SomKQA 30:11  Waxaa jira farcan aabbahood inkaara, Oo aan hooyadoodna u ducayn.
Prov SomKQA 30:12  Waxaa jira farcan isla daahirsan, Oo weliba aan nijaastoodii ka maydhmin.
Prov SomKQA 30:13  Waxaa jira farcan indhahoodu aad u sarreeyaan! Oo daboolka indhahoodana kor bay u qaadaan.
Prov SomKQA 30:14  Waxaa jira farcan ilkahoodu sida seefo oo kale yihiin, oo gowsahooduna sida mindiyo oo kale yihiin, Si ay masaakiinta dhulka uga baabbi'iyaan, oo ay kuwa baahanna dadka dhexdiisa uga dhammeeyaan.
Prov SomKQA 30:15  Culaacushu waxay leedahay laba gabdhood, oo leh, Na sii, Na sii. Waxaa jira saddex waxyaalood oo aan weligood dhergin, Haah, oo afar aan odhan, Bes, nagu filan;
Prov SomKQA 30:16  Waxaana weeye qabriga, iyo maxalka aan wax dhalayn, Iyo dhulka aan biyo ka dhergayn, Iyo dabka aan odhan, Bes, igu filan.
Prov SomKQA 30:17  Isha aabbaheed ku majaajiloota, Oo quudhsata inay hooyadeed addeecdo, Waxaa la soo bixi doona tukayaasha dooxada, Oo waxaa cuni doona gorgorrada.
Prov SomKQA 30:18  Waxaa jira saddex waxyaalood oo anigu aan aad ula yaabo, Haah, afar baan garan waayay,
Prov SomKQA 30:19  Oo iyana waxaa weeye siduu gorgor hawada u duulo, Siduu masna dhagax ugu socdo, Siday doonnina badda u maaxdo, Iyo siduu nin gabadh ula macaamiloodo.
Prov SomKQA 30:20  Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda, Taasoo intay wax cunto afka tirtirta, Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.
Prov SomKQA 30:21  Saddex waxyaalood ayaa dhulku la gariiraa, Oo afar baanu qaadan karin,
Prov SomKQA 30:22  Waxaana weeye addoon markuu boqor noqdo, Iyo nacas markuu cunto ka dhergo,
Prov SomKQA 30:23  Iyo naag la nacay markay guursato, Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.
Prov SomKQA 30:24  Waxaa jira afar waxyaalood oo dhulka ku yaryar, Laakiinse aad iyo aad u caqli badan.
Prov SomKQA 30:25  Qudhaanjadu waa sida dad aan xoog badnayn, Laakiinse waxay cuntadooda soo diyaarsadaan guga.
Prov SomKQA 30:26  Walooyinku waa qoon taagdaran, Oo haddana waxay guryahooda ka samaystaan dhagaxyada dhexdooda;
Prov SomKQA 30:27  Ayaxu boqor ma leh, Weliba dhammaantood guuto guuto ayay u socdaan.
Prov SomKQA 30:28  Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo, Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.
Prov SomKQA 30:29  Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda, Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.
Prov SomKQA 30:30  Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan, Oo aan weliba midna dib uga noqon,
Prov SomKQA 30:31  Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga; Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.
Prov SomKQA 30:32  Haddaad nacasnimo samaysay adoo isa sarraysiinaya, Ama aad wax shar ah ka fikirtay, Gacanta afka saar.
Prov SomKQA 30:33  Waayo, caanihii la lulaa subag bay soo saaraan, Sankii la maroojiyaana dhiig buu keenaa, Sidaas oo kalena cadhadii la qasbaa dirir bay keentaa.
Chapter 31
Prov SomKQA 31:1  Kuwanu waa erayadii Lemuu'eel oo ahaa boqorkii Masaa ay hooyadiis bartay isaga.
Prov SomKQA 31:2  Waa maxay, wiilkaygiiyow? Waa maxay, wiilkii uurkaygow? Waa maxay, wiilkii nidarradaydow?
Prov SomKQA 31:3  Xooggaaga naago ha siinin, Dawyadaadana ha siinin kuwa boqorrada dumiya.
Prov SomKQA 31:4  Lemuu'eelow, uma eka boqorrada, uma eka boqorradu inay khamri cabbaan, Oo amiirradana uma eka inay waxa lagu sakhraamo damcaan,
Prov SomKQA 31:5  Waaba intaasoo ay cabbaan, oo ay sharciga illoobaan, Oo ay kuwa dhibaataysan midkood gartiisa qalloociyaan.
Prov SomKQA 31:6  Waxa lagu sakhraamo siiya ka dhimashada ku dhow, Oo khamrigana waxaad siisaan kuwa naftoodu la qadhaadhaatay.
Prov SomKQA 31:7  Ha cabbo, oo caydhnimadiisa ha illoobo, Oo dhibaatadiisana yaanu mar dambe soo xusuusan innaba.
Prov SomKQA 31:8  Afka u fur carrablaawaha aawadiis, Si aad kuwa baabba'aya oo dhan u xaq mariso.
Prov SomKQA 31:9  Afka fur, oo si xaq ah u garsoor, Oo miskiinka iyo saboolka baahanba gartooda u qaad.
Prov SomKQA 31:10  Bal yaa heli kara naag wanaagsan? Waayo, qiimaheedu waa ka sii badan yahay xataa luul.
Prov SomKQA 31:11  Waayo, qalbiga ninkeedu iyaduu isku halleeyaa, Oo isagu innaba uma baahnaan doono wax booli ah.
Prov SomKQA 31:12  Cimrigeeda oo dhan isaga wanaag bay u samayn doontaa, Oo innaba xumaan kuma samayn doonto.
Prov SomKQA 31:13  Waxay doondoontaa dhogor idaad iyo geed linen la yidhaahdo. Oo iyadoo raalli ku ah ayay gacmaheeda ku shaqaysaa.
Prov SomKQA 31:14  Iyadu waa sida doonniyaha baayacmushtariga, Oo cuntadeeda waxay ka keentaa meel fog.
Prov SomKQA 31:15  Waxay kacdaa iyadoo weli ay habeennimo tahay, Oo dadka reerkeeda ayay cunto siisaa, Oo gabdhaheedana hawshooday siisaa,
Prov SomKQA 31:16  Iyadu waxay ka fikirtaa beer, wayna soo iibsataa, Oo midhaha gacmaheeda ayay beercanab ku beerataa.
Prov SomKQA 31:17  Waxay dhexda ku xidhataa xoog, Oo gacmaheedana way xoogaysaa.
Prov SomKQA 31:18  Waxay eegtaa in baayacmushtarigeedu wanaagsan yahay; Laambaddeeduna habeenkii ma bakhtido.
Prov SomKQA 31:19  Waxay gacmaheeda ku fidisaa dunmiiqa, Oo sacabbadeeduna waxay qabtaan usha wareegta.
Prov SomKQA 31:20  Waxay sacabkeeda u furtaa miskiinka, Oo gacmaheedana waxay u fidisaa saboolka baahan.
Prov SomKQA 31:21  Dadka reerkeeda ugama cabsato dhaxanta barafka cad, Waayo, xaaskeeda oo dhammu waxay wada qabaan dhar labanlaab ah.
Prov SomKQA 31:22  Waxay samaysataa durraaxado daabac leh, Oo dharkeeduna waxaa weeye dhar aad u wanaagsan oo guduudan.
Prov SomKQA 31:23  Ninkeedana waxaa laga yaqaan irdaha magaalada, Markuu dhex fadhiisto waayeellada waddanka.
Prov SomKQA 31:24  Waxay samaysaa dhar wanaagsan, wayna iibisaa, Oo baayacmushtarigana waxay ka iibisaa boqorro dhexda lagu xidho.
Prov SomKQA 31:25  Xoog iyo sharaf ayaa iyada dhar u ah; Oo wakhtiga soo socda way ku qososhaa.
Prov SomKQA 31:26  Afkeeda waxay u kala qaaddaa xigmad; Oo carrabkeedana waxaa saaran sharciga raxmadda.
Prov SomKQA 31:27  Waxay aad u xannaanaysaa reerkeeda, Oo kibista caajisnimadana ma cunto.
Prov SomKQA 31:28  Carruurteedu way kacaan oo waxay ugu yeedhaan tan barakaysan, Oo weliba ninkeeduna wuu ammaanaa, isagoo leh;
Prov SomKQA 31:29  Dumar badan baa wanaag sameeyey, Laakiinse adigu waad ka sii wanaagsan tahay dhammaantood.
Prov SomKQA 31:30  Suuradwacnaantu waa khiyaano miidhan, oo quruxduna waa ciiryaamo oo kale, Laakiinse naagtii Rabbiga ka cabsata waa la ammaani doonaa.
Prov SomKQA 31:31  Midhihii gacmaheeda wax ka siiya, Oo shuqulladeeduna iyada ha ku ammaaneen irdaha magaalada.