Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
Chapter 1
Ezek SomKQA 1:1  Haddaba sannaddii soddonaad, bisheedii afraad, maalinteedii shanaad, anigoo maxaabiistii Webi Kebaar ag joogtay ku dhex jira ayaa samooyinkii furmeen, oo waxaan arkay wax layga tusay xagga Ilaah.
Ezek SomKQA 1:2  Boqor Yehooyaakiin maxaabiis ahaantiisii sannaddeedii shanaad bisha maalinteedii shanaad
Ezek SomKQA 1:3  ayaa eraygii Rabbigu dalkii reer Kaldayiin ugu yimid wadaadkii Yexesqeel ina Buusii, isagoo Webi Kebaar ag jooga, oo halkaasay gacantii Rabbigu isagii ku kor saarnayd.
Ezek SomKQA 1:4  Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday dabayl duufaan ah oo xagga woqooyi ka timid, iyo daruur weyn, iyo dab iyada ku dhex jira, iyo iftiin hareereheeda ka widhwidhaya, oo dhexdeedana waxaa ku jiray wax la moodo sidii dhuxul cadaatay oo dab ka dhex dhalaalaysa.
Ezek SomKQA 1:5  Oo waxaa dhexdeedii ka soo baxay wax u eg afar xayawaan. Oo muuqashadooduna sidanay ahayd: waxay lahaayeen nin ekaantiis.
Ezek SomKQA 1:6  Oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal.
Ezek SomKQA 1:7  Oo cagahooduna waxay ahaayeen cago toosan, oo baabacada cagahooduna waxay u ekayd weyl baabaceeda, oo waxay u dhalaalayeen sidii naxaas la safeeyey.
Ezek SomKQA 1:8  Oo baalashooda hoostoodana waxay ku lahaayeen nin gacmihiis oo kale oo afarta dhinacba uga yaal, oo afartooduba saasay u lahaayeen wejiyadooda iyo baalashoodaba.
Ezek SomKQA 1:9  Oo baalashooduna midba midka kaluu ku dhegganaa, oo markay socdeenna ma ay leexleexan ee midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay.
Ezek SomKQA 1:10  Oo xagga ekaanta wejiyadooduna waxay wada lahaayeen nin wejigiis, oo afartooduba dhanka midig waxay ku lahaayeen weji libaax, oo afartooduba waxay dhanka bidix ku lahaayeen weji dibi; oo weliba afartoodu waxay lahaayeen weji gorgor.
Ezek SomKQA 1:11  Wejiyadoodu saasay ahaayeen, oo baalashooduna kor bay u kala fidsanaayeen, oo midkood kastaaba laba baal ayuu midka kan kale kula dhegganaa, oo labana waxay ku daboolnaayeen jidhkooda.
Ezek SomKQA 1:12  Oo midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay, oo waxay tageen meel alla meeshuu ruuxu tegayoba, oo markay socdeenna ma ay leexleexan.
Ezek SomKQA 1:13  Oo xagga ekaanta xayawaanka waxay u ekaayeen dab qaxmaya dhuxulihiis iyo qoryo ololaya. Oo xayawaanka dhexdooduu hor iyo dib iska daba noqnoqonayay, oo dabkuna wuu dhalaal dheeraa, oo waxaa dabka ka soo baxayay hillaac.
Ezek SomKQA 1:14  Oo xayawaankuna sidii hillaaca biriqdiisa oo kale ayay u ordeen oo u soo noqdeen.
Ezek SomKQA 1:15  Haddaba intii aan xayawaanka fiirinayay waxaan arkay giraangir dhulka korkiisa iyo xayawaanka dhinacooda taal, oo mid kastaaba wuxuu u yiil afarta weji.
Ezek SomKQA 1:16  Oo giraangiraha waxay u ekaayeen midabka berullos oo kale, oo afartoodiiba way isu ekaayeen, oo muuqashadoodii iyo farsamadii loo sameeyeyna waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta.
Ezek SomKQA 1:17  Oo markay tageenna waxay ku socdeen afartooda dhinac, oo mana ay leexleexan markay socdeen.
Ezek SomKQA 1:18  Oo wareegyadooduna aad bay u dheeraayeen, waxayna ahaayeen wax aad iyo aad looga cabsado, oo afartoodaba wareegyadooda waxaa ka buuxay indho miidhan.
Ezek SomKQA 1:19  Oo markay xayawaanku socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo xayawaankii markii dhulka kor looga qaadayba giraangirihiina kor baa loo qaaday.
Ezek SomKQA 1:20  Oo meel alla meeshii ruuxu tegeyba iyaguna way tageen, oo giraangirihiina iyagay la sara keceen, waayo, ruuxii xayawaanku wuxuu ku jiray giraangirihii.
Ezek SomKQA 1:21  Markii kuwaasu tageen, kuwanuna way tageen, oo markii kuwaasu istaageenna, kuwanuna way istaageen, oo markii kuwaas dhulka kor looga qaadayna giraangirihiina dhinacoodaa kor loola qaaday, waayo, ruuxii xayawaanku wuxuu ku jiray giraangirihii.
Ezek SomKQA 1:22  Xayawaanka madaxoodana waxaa ka korreeyey cir ekaantiisa la moodo baraf aad looga cabsado oo ku dul fidsan.
Ezek SomKQA 1:23  Oo cirka hoostiisa ayaa baalashoodu ku toosnaayeen, oo midba kan kale xaggiisuu u sii jeeday. Oo midkood kastaaba wuxuu lahaa laba baal oo dhinacan uga daboolan iyo laba baal oo jidhkiisa dhinacaas ugu daboolan.
Ezek SomKQA 1:24  Oo markay socdeenba waxaan maqlay sanqadhii baalashooda oo la moodo sida biyo badan guuxood, iyo sida Ilaaha Qaadirka ah codkiisii, iyo buuq sanqadhiis la moodo sidii ciidan hugunkiis oo kale. Oo markay istaageenna baalashoodii bay dejiyeen.
Ezek SomKQA 1:25  Oo cod baa ka yeedhay cirkii madaxooda ka korreeyey, oo markay istaageen baalashooda bay dejiyeen.
Ezek SomKQA 1:26  Oo cirkii madaxooda ka korreeyey dushiisana waxaa ka muuqday wax carshi u eg oo ekaantiisa la moodo sidii dhagax safayr ah, oo waxaa wixii carshiga la moodo dushiisa ka muuqday wax nin u eg.
Ezek SomKQA 1:27  Oo qaarkiisa hore wuxuu iila ekaa dhuxul cadaatay oo uu dab ku jiro oo hareerihiisa ku wareegsan, oo qaarkiisa dambena wuxuu iila ekaa sidii dab oo kale, oo hareerihiisana waxaa ku wareegsanaa iftiin dhalaalaya.
Ezek SomKQA 1:28  Oo ekaantii iftiinku ku wareegsanaana waxay u ekayd qaansoroobaad maalin roobeed daruurta ku taal. Taasu waxay ahayd ekaantii ammaanta Rabbiga. Oo markaan arkay ayaan wejiga u dhacay, oo waxaan maqlay mid hadlaya codkiis.
Chapter 2
Ezek SomKQA 2:1  Oo isna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal istaag, waan kula hadlayaaye.
Ezek SomKQA 2:2  Oo markuu ila hadlay ayaa ruuxii i soo galay, oo cagahayguu igu taagay, waanan maqlay kii ila hadlay.
Ezek SomKQA 2:3  Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaan kuu dirayaa reer binu Israa'iil oo ah dad caasiyiin ah oo iga caasiyoobay. Ilaa maantadan iyaga iyo awowayaashoodba way igu xadgudbayeen.
Ezek SomKQA 2:4  Iyagu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan. Iyagaan kuu dirayaa, waxaanad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay.
Ezek SomKQA 2:5  Oo iyagu hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, weli way ogaan doonaan in nebi iyaga dhex joogay (waayo, iyagu waxa weeye reer caasiyoobay).
Ezek SomKQA 2:6  Wiilka Aadamow, iyaga ha ka baqin, erayadoodana ha ka baqin, in kastoo yamaarug iyo qodxan ay kugu wareegsan yihiin oo aad hangarallayaal dhex deggan tahay, erayadooda ha ka cabsan oo aragtidooda ha ka baqin, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.
Ezek SomKQA 2:7  Oo adigu waa inaad erayadayda iyaga u sheegtaa, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, waayo, iyagu waa kuwa aad iyo aad u caasiyoobay.
Ezek SomKQA 2:8  Laakiinse adigu, Wiilka Aadamow, waxaan kugu idhaahdo maqal, oo caasi ha noqon sida reerkaas caasiyoobay oo kale. Afkaaga kala qaad oo waxaan ku siiyo cun.
Ezek SomKQA 2:9  Oo intaan wax fiirinayay waxaan arkay gacan la ii soo diray, oo bal eeg, waxaa ku jiray qorniin duudduuban.
Ezek SomKQA 2:10  Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.
Chapter 3
Ezek SomKQA 3:1  Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaad heshid cun. Qorniinkan duudduuban cun, oo tag, oo waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil.
Ezek SomKQA 3:2  Sidaas daraaddeed afkaan kala qaaday oo isna qorniinkii duudduubnaa wuu i cunsiiyey.
Ezek SomKQA 3:3  Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, calooshaada geli oo ka buuxi qorniinkan duudduuban oo aan ku siiyo. Markaasaan cunay, oo wuxuu afkayga ugu dhadhan macaanaa sidii malab oo kale.
Ezek SomKQA 3:4  Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil u tag, oo erayadayda kula hadal.
Ezek SomKQA 3:5  Waayo, laguuma dirin dad hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, laakiinse waxaa laguu diray reer binu Israa'iil.
Ezek SomKQA 3:6  Laguumana dirin dadyow badan oo hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, oo adaan erayadooda garan karin. Hubaal haddaan iyaga kuu diri lahaa, way maqli lahaayeen.
Ezek SomKQA 3:7  Laakiinse reer binu Israa'iil dooni maayaan inay ku maqlaan, maxaa yeelay, dooni maayaan inay aniga i maqlaan, waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan.
Ezek SomKQA 3:8  Bal eeg, wejigaaga waan ka sii adkeeyey wejigooda, oo foolkaagana waan ka sii adkeeyey foolkooda.
Ezek SomKQA 3:9  Oo foolkaaga waxaan ka dhigay sidii dheemman dhagax ka sii adag oo kale. Ha ka cabsan iyaga, oo aragtidoodana ha ka baqin in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.
Ezek SomKQA 3:10  Oo weliba wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, erayadayda aan kugula hadli doono oo dhan qalbigaaga ku qaado oo dhegahaaga ku maqal.
Ezek SomKQA 3:11  Haddaba waxaad u tagtaa kuwa maxaabiista ah, oo dadkaaga ah, oo intaad la hadashid waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba.
Ezek SomKQA 3:12  Markaasaa ruuxu kor ii qaaday, oo waxaan gadaashayda ka maqlay cod guuxaya oo leh, Rabbiga ammaantiisu meesheeda barakay ku leedahay,
Ezek SomKQA 3:13  waxayna ahayd sanqadhii baalashii xayawaankii markay istaabtaabanayeen, iyo sanqadhii giraangirihii iyaga dhinac socday, oo sanqadh yaacideed ahayd.
Ezek SomKQA 3:14  Sidaasuu ruuxii kor iigu qaaday oo meel fog ii waday, oo anna waxaan ku tegey dhirif qadhaadh iyo naftaydoo kulul, oo gacantii Rabbigaa igu kor xoog badnayd.
Ezek SomKQA 3:15  Markaasaan Teel Aabiib maxaabiistii Webi Kebaar ag degganaa, iyo ilaa meeshii ay fadhiyeen ugu tegey, oo halkaasaan iyagii toddoba maalmood dhex joogay anigoo naxdin la fadhiya.
Ezek SomKQA 3:16  Oo markay toddoba maalmood dhammaadeen waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga isagoo leh,
Ezek SomKQA 3:17  Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, haddaba bal erayga afkayga ka soo baxaya maqal, oo digniin xaggayga ka timid iyaga gaadhsii.
Ezek SomKQA 3:18  Markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, haddaadan isaga u digin, oo aadan sharrowga la hadlin si aad jidkiisa sharka ah uga digto inaad naftiisa badbaadiso aawadeed, ninkaas sharrowga ahu xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.
Ezek SomKQA 3:19  Laakiinse haddaad sharrowga u digto, oo uusan isagu sharnimadiisa amase jidkiisa sharka ah ka soo noqon, markaas xumaantiisuu ku dhiman doonaa, adiguse naftaadii waad samatabbixisay.
Ezek SomKQA 3:20  Oo haddana haddii nin xaq ahu uu xaqnimadiisii ka noqdo oo uu xumaan sameeyo, intaan dhagax turunturo hor dhigo, isagu wuu dhiman doonaa. Uma aadan digin, oo saas darteed dembigiisuu ku dhiman doonaa, oo falimihiisii xaqa ahaa ee uu samayn jirayna lama soo xusuusan doono, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.
Ezek SomKQA 3:21  Habase ahaatee haddaad ninka xaqa ah u digtid, si uusan ka xaqa ahu u dembaabin oo uusan dembi u samayn, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, maxaa yeelay, wuu digniin qaatay, adiguna naftaadii waad samatabbixisay.
Ezek SomKQA 3:22  Oo gacantii Rabbiguna halkaasay igu kor saarnayd, oo wuxuu igu yidhi, Kac oo bannaanka u bax halkaasaan kugula hadli doonaaye.
Ezek SomKQA 3:23  Markaasaan kacay oo bannaankii u baxay, oo bal eeg, waxaa halkaas jirtay ammaantii Rabbiga, taasoo u eg ammaantii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay, oo aniguna wejigaan u dhacay.
Ezek SomKQA 3:24  Markaasaa ruuxii i soo galay, oo cagaha igu taagay, wuuna ila hadlay isagoo leh, Tag oo gurigaaga isku xidh.
Ezek SomKQA 3:25  Laakiinse Wiilka Aadamow, bal ogow, xadhkaa lagugu xidhi doonaa oo adna waad ku xidhnaan doontaa, oo dadka dhexdiisana uma aad bixi doontid.
Ezek SomKQA 3:26  Oo carrabkaaga dhabxanaggaagaan ku dhejin doonaa, si aad carrablaawe u noqotid, oo aanad iyaga mid canaanta ugu noqon, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.
Ezek SomKQA 3:27  Laakiinse markaan kula hadlo, afkaagaan furi doonaa oo waxaad ku odhan doontaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu leeyahay. Kii wax maqlaa, ha maqlo, oo kii diidaana ha diido, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.
Chapter 4
Ezek SomKQA 4:1  Wiilka Aadamow, xabbad leben ah soo qaad oo hortaada dhig, oo waxaad ku dul taswiirtaa magaalo, taasoo ah Yeruusaalem,
Ezek SomKQA 4:2  oo iyada weerar, qalcadona ku hareeree, oo tuulmona ku tuul, oo xerooyinna hareereheeda ka dhis, oo wax lagu dumiyona ku wareeji.
Ezek SomKQA 4:3  Oo weliba birdaawe soo qaad, oo waxaad ka dhigtaa derbi bir ah oo adiga iyo magaalada u dhexeeya, oo wejigaagana waxaad u sii jeedisaa xaggeeda, oo iyana waa la weerari doonaa, oo adiguna waa inaad iyada weerar u dhigtaa. Oo taasu calaamad bay u noqon doontaa reer binu Israa'iil.
Ezek SomKQA 4:4  Oo weliba dhinacaaga bidix u jiifso, oo waxaad kor saartaa xumaantii dadka dalka Israa'iil. Maalmaha aad ku jiifto inta tiradoodu tahay oo kale ayaad xumaantooda sidi doontaa.
Ezek SomKQA 4:5  Waayo, waxaan ku dul saaray sannadihii xumaantooda, inta maalmaha tiradoodu tahay saddex boqol iyo sagaashan maalmood, oo sidaasaad xumaanta dadka dalka Israa'iil u sidi doontaa.
Ezek SomKQA 4:6  Oo markaad intaas dhammaysid, haddana waxaad u jiifsataa dhinacaaga midig, oo waxaad afartan maalmood sidi doontaa xumaantii dadka dalka Yahuudah, maalin kastaba sannad baan kaaga dhigay.
Ezek SomKQA 4:7  Oo waxaad wejigaaga u jeedisaa weerarka Yeruusaalem xaggiisa, iyadoo gacantaadu qaawan tahay, oo waa inaad iyada wax ka sii sheegtaa.
Ezek SomKQA 4:8  Oo bal ogow, anigu xadhkaan kugu xidhxidhi doonaa, oo waa inaadan hadba dhinac isu rogin ilaa aad dhammaysid maalmihii weerarkaaga.
Ezek SomKQA 4:9  Oo weliba waxaad soo qaadataa sarreen, iyo shaciir, iyo digir, iyo misir, iyo hadhuudh, iyo heed, oo kulligood isku weel ku shub, oo kibis ka samayso, oo maalmaha aad dhinaca u jiifto intay tiradoodu tahay in le'eg, oo ah saddex boqol iyo sagaashan maalmood, waa inaad cuntaa.
Ezek SomKQA 4:10  Oo cuntada aad cuni doontaana waa inay ahaataa mid la miisaamay, oo maalintii labaatan sheqel ayaa kuu go'an, oo waa inaad goor ka goor cuntaa.
Ezek SomKQA 4:11  Oo biyahana waa inaad qiyaas u cabtaa, oo waxaa kuu go'an hiin lix meelood loo dhigay meeshiis, oo waa inaad goor ka goor cabtaa.
Ezek SomKQA 4:12  Oo cuntadaadana waxaad u cuntaa sida kibis shaciireed oo kale, oo waxaad ku dubataa xaar dad iyadoo ay indhaha ku hayaan.
Ezek SomKQA 4:13  Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Sidaas oo kale ayaa reer binu Israa'iil kibistooda nijaasowday ugu dhex cuni doonaan quruumihii aan iyaga u kaxayn doonoba.
Ezek SomKQA 4:14  Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, naftaydu weligeed ma ay nijaasoobin, waayo, tan iyo yaraantaydii iyo ilaa haddatan marnaba ma aan cunin wax bakhtiyey ama wax bahal bakhtiistay toona, oo hilib karaahiyo ahuna innaba afkayga ma gelin.
Ezek SomKQA 4:15  Markaasuu igu yidhi, Bal eeg, xaar dad waxaan kuugu beddelay xaar lo', oo waa inaad cuntadaada ku diyaarsataa.
Ezek SomKQA 4:16  Oo weliba wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal ogow, usha kibista ayaan Yeruusaalem ku dhex jebin doonaa, oo iyagu waxay kibista ku cuni doonaan miisaan iyo digtoonaan, oo biyahana waxay ku cabbi doonaan qiyaas iyo yaab,
Ezek SomKQA 4:17  si ay baad iyo biyo u waayaan oo uu midkoodba kan kale ula welwelo, oo ay xumaantooda aawadeed u wada baabba'aan.
Chapter 5
Ezek SomKQA 5:1  Wiilka Aadamow, seef af badan soo qaado, oo sida mandiisha rayiislaha ugu isticmaal, oo waxaad ku xiirataa madaxa iyo gadhka, oo markaas kafado soo qaado si aad timaha ugu miisaantid, oo kala qaybi.
Ezek SomKQA 5:2  Timaha saddexdooda dalool dalool magaalada dhexdeeda dab ku gub markii maalmaha weerarku ay dhammaystirmaan, oo haddana waxaad qaadataa dalool kale, oo magaalada hareereheeda seefta la dhac, oo daloolka saddexaadna dabaysha ku kala firdhi, oo aniguna seef baan ka daba qaadan doonaa.
Ezek SomKQA 5:3  Oo weliba wuxoogaa yar qaad oo daraftaada gunud.
Ezek SomKQA 5:4  Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan.
Ezek SomKQA 5:5  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa Yeruusaalem. Quruumahaan dhex dhigay, oo hareereheedana waddammaa ku wareegsan.
Ezek SomKQA 5:6  Oo iyana xukummadaydii bay sharnimadeedii kaga caasiyowday in ka sii badan quruumaha kale, oo qaynuunnadaydiina way ka caasiyowday in ka sii badan waddammada hareereheeda ku wareegsan, waayo, iyagu xukummadaydii iyo qaynuunnadaydiiba way diideen, oo innaba kuma ay socon.
Ezek SomKQA 5:7  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumaha hareerihiinna ku wareegsan waad ka sii belaayo badiseen, oo qaynuunnadaydiina kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan xajin, oo quruumaha idinku wareegsan xukummadoodana ma aydaan samayn,
Ezek SomKQA 5:8  haddaba sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, aniga qudhaydu col baan kugu ahay, oo iyadoo quruumuhu ay indhaha ku hayaan ayaan xukummo dhexdaada ku samayn doonaa.
Ezek SomKQA 5:9  Oo waxaan dhexdaada ku samayn doonaa wax aanan hore u samayn, oo hadda ka dibna aanan samayn doonin wax la mid ah, waana waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan daraaddood.
Ezek SomKQA 5:10  Sidaas daraaddeed aabbayaashu dhexdaaday wiilashooda ku cuni doonaan, oo wiilashuna aabbayaashood bay cuni doonaan, oo dhexdaadaan xukummo ku samayn doonaa, oo kuwaaga hadhay oo dhanna waxaan u kala firdhin doonaa dabaylaha oo dhan.
Ezek SomKQA 5:11  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah, anigu waan ku dhimi doonaa, oo ishayduna kuuma ay tudhi doonto, oo innaba kuuma aan nixi doono, maxaa yeelay, waxaad meeshaydii quduuska ah ku nijaasaysay waxyaalahaagii la nacay oo karaahiyada ahaa oo dhan.
Ezek SomKQA 5:12  Saddexdaada dalool baa belaayo u le'an doona, oo abaar bay dhexdaada ugu baabbi'i doonaan, oo daloolna seef buu hareerahaaga ugu le'an doonaa, oo daloolka saddexaadna dabaylaha oo dhan baan ku kala firdhin doonaa, oo seef baan ka daba qaadan doonaa.
Ezek SomKQA 5:13  Oo sidaasaa xanaaqaygu ku dhammaystirmi doonaa, cadhadaydana iyagaan ku dejin doonaa, markaasaan qaboobi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan aniga Rabbiga ahu qiiradayda kula hadlay markaan cadhadaydii korkooda ku dhammaystiray.
Ezek SomKQA 5:14  Oo weliba waxaan kaa dhigi doonaa meel cidla ah iyo cay dhex taal quruumaha hareerahaaga ku wareegsan, iyadoo ay kuwa ku soo ag mara oo dhanba indhaha ku hayaan.
Ezek SomKQA 5:15  Sidaasay quruumaha hareerahaaga ku wareegsan ugu noqon doontaa cay, iyo ceeb, iyo wax lagu waana qaato, iyo wax lagu yaabo, markaan dhexdaada xukummo ugu sameeyo xanaaq iyo cadho iyo canaan kulul. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.
Ezek SomKQA 5:16  Saasaa noqon doonta markaan dushooda ku soo dayn doono fallaadhaha baas ee abaarta ah, oo inay wax baabbi'iyaan u qaybsan, oo aan u soo diri doono inay idin baabbi'iyaan, oo abaartaan idiin sii badin doonaa, oo ushiinna kibistana waan kala jebin doonaa,
Ezek SomKQA 5:17  oo waxaan kugu soo dayn doonaa abaar iyo dugaag xunxun, oo iyana way ku gablamin doonaan, oo belaayo iyo dhiig ayaa ku dhex mari doona, oo seef baan kugu soo dayn doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.
Chapter 6
Ezek SomKQA 6:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid, isagoo leh,
Ezek SomKQA 6:2  Wiilka Aadamow, wejigaaga buuraha dalka reer binu Israa'iil u jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg.
Ezek SomKQA 6:3  Oo waxaad tidhaahdaa, Buuraha reer binu Israa'iilow, bal Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku leeyahay buuraha, iyo kuraha, iyo webiyada, iyo dooxooyinkaba, Bal ogaada, aniga qudhaydu seef baan idinku soo dayn doonaa, oo waxaan wada baabbi'in doonaa meelihiinna sarsare.
Ezek SomKQA 6:4  Meelihiinna allabariguna cidla bay wada noqon doonaan, oo sanamyadiinna qorraxdana waa la wada burburin doonaa, oo raggiinna la laayayna sanamyadiinna waan ku soo hor tuuri doonaa.
Ezek SomKQA 6:5  Oo meydadka reer binu Israa'iil waxaan hor dhigi doonaa sanamyadooda, oo lafihiinnana waxaan ku kala firdhin doonaa meelihiinna allabariga hareerahooda.
Ezek SomKQA 6:6  Oo meel alla meeshaad deggan tihiinba magaalooyinka waa laga dumin doonaa, oo meelaha sarsarena cidla bay wada noqon doonaan, si ay meelihiinna allabarigu u burburaan oo ay cidla u noqdaan, oo ay sanamyadiinnuna jajabaan oo ay u wada dhammaadaan, oo sanamyadiinna qorraxdana loo wada jaro, oo shuqulladiinnana loo wada tirtiro.
Ezek SomKQA 6:7  Oo kuwa la laayayna dhexdiinnay ku soo daadan doonaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 6:8  Laakiinse qaar baan reebi doonaa, si aad wuxoogaa seefta kaga baxsaday quruumaha dhexdooda u lahaataan, markaad waddammada ku kala dhex firdhi doontaan.
Ezek SomKQA 6:9  Oo kuwii idinka baxsadaa waxay igu xusuusan doonaan quruumaha dhexdooda halkaasoo loo kaxaysan doono iyagoo maxaabiis ah, waayo, anigu waxaan ku calool xumaaday qalbigoodii dhilloobay oo iga tegey, iyo indhahoodii sanamyadooda dhillanimada la daba galay, oo iyaga qudhoodu waxay isku nici doonaan xumaatooyinkii ay ku dhex sameeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo dhan.
Ezek SomKQA 6:10  Oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay iyo inaanan waxtarla'aan u odhan, Belaayadaas ayaan iyaga ku samayn doonaa.
Ezek SomKQA 6:11  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sacabbada isku dhufo oo cagta dhulka ku dhufo, oo Hoogay! u dheh waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan ee ay reer binu Israa'iil sameeyeen aawadood, waayo, waxay ku baabbi'i doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo.
Ezek SomKQA 6:12  Kii meel fog joogaa belaayo buu u dhiman doonaa, oo kii meel dhow joogaana seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada la weeraraya weli ku hadhaana abaar buu ku dhiman doonaa, oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammaystiri doonaa.
Ezek SomKQA 6:13  Oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii raggooda la laayay ay ku ag daadsanaadaan sanamyadooda ku hareeraysan meelahooda allabariga, oo kor saaran kur kasta oo dheer, iyo buuraha dhaladooda oo dhan, iyo geed kasta oo cagaar ah hoostiisa, iyo geed kasta oo alloon la yidhaahdo oo weyn, kuwaasoo ah meelaha ay carafta udgoon ugu bixiyeen sanamyadooda oo dhan.
Ezek SomKQA 6:14  Anigu gacantayda ayaan iyaga ku fidin doonaa, oo dalkana meel cidla ah ayaan ka dhigi doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa meel ka sii daran cidlada ku taal xagga Dibla meelaha ay deggan yihiin oo dhan, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Chapter 7
Ezek SomKQA 7:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 7:2  Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu dalka reer binu Israa'iil ku leeyahay, Waa kaa dhammaadkii, dalka afartiisa geesood dhammaadkii baa gaadhay.
Ezek SomKQA 7:3  Dhammaadkii haddeer buu kugu soo degay, oo cadhadaydaan kugu ridi doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaal marin doonaa waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan.
Ezek SomKQA 7:4  Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, laakiinse siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kaa abaal marin doonaa, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 7:5  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Belaayo! Belaayo gooni ah! Bal fiiriya, way soo socotaaye!
Ezek SomKQA 7:6  Dhammaad baa yimid, dhammaadkii waa yimid, bal eeg, wuu kugu soo toosayaa, oo haddana waa soo socdaaye!
Ezek SomKQA 7:7  Kan dalka dhex degganow, masiibadaadii waa kuu timid! Wakhtigii waa yimid, oo maalintuna way soo dhow dahay, taasoo ah maalin dhibeed oo aan ahayn dhawaaqa faraxa badan ee buuraha korkooda.
Ezek SomKQA 7:8  Goor dhow baan cadhadayda kugu kor shubi doonaa, oo xanaaqaygaan kugu kor dhammaystiri doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaal marin doonaa waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan.
Ezek SomKQA 7:9  Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, oo waxaan kaa abaal marin doonaa siday jidadkaagu ahaayeen, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigoo Rabbiga ahu wax idinku dhufto.
Ezek SomKQA 7:10  Bal maalinta eega, bal eega way imanaysaa, masiibadaadii waa soo baxday, ushii way magooshay, oo kibir waa ubxiyey.
Ezek SomKQA 7:11  Dulmigii wuxuu u kacay sidii ul shareed. Midkoodna ma hadhi doono badnaantooda iyo maalkooda badan toona, oo looma barooran doono.
Ezek SomKQA 7:12  Wakhtigii waa yimid, oo maalintii way soo dhow dahay. Kan wax iibsadaa yuusan waxba rayrayn, kan wax iibiyaana yuusan waxba murugoon, waayo, dadkooda badan oo dhanba cadhaa dul saaran.
Ezek SomKQA 7:13  Waayo, kan wax iibiyey uma uu soo noqon doono wixii uu iibiyey in kastoo uu weli kuwa noolnool ku dhex jiro, waayo, waxyaalihii la tusay waxay ku saabsan yihiin dadkooda badan oo dhan, oo midkoodna innaba sooma noqon doono, xumaanta noloshiisana kuma xoogaysan doono.
Ezek SomKQA 7:14  Turumbadii bay ku dhufteen, oo wax kastaba way sii diyaariyeen, laakiinse midna dagaalka uma baxo, waayo, dadkooda badan cadhadaydii baa dul saaran.
Ezek SomKQA 7:15  Seeftii dibadday joogtaa, oo belaayadii iyo abaartiina gudahay ku jiraan. Kii berrinka joogaa seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada joogaana abaar iyo belaayo ayaa baabbi'in doona.
Ezek SomKQA 7:16  Laakiinse kuwoodii baxsadaa way cayman doonaan, oo waxay joogi doonaan buuraha dushooda sida qoolleyda dooxooyinka iyagoo kulligood barooranaya oo mid kastaaba xumaantiisii aawadeed u ooyaya.
Ezek SomKQA 7:17  Gacmaha oo dhammu way taag gabi doonaan, oo jilbaha oo dhammuna sida biyo oo kale ayay u tabaryaraan doonaan.
Ezek SomKQA 7:18  Oo weliba iyagu waxay guntan doonaan dhar joonyad ah, oo naxdin baa liqi doonta, oo wejiyada oo dhammuna way ceeboobi doonaan, oo madaxyada oo dhammuna way xiirnaan doonaan.
Ezek SomKQA 7:19  Lacagtooda jidadkay ku xoori doonaan, oo dahabkooduna wuxuu noqon doonaa sida wasakh oo kale. Maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooduba ma ay samatabbixin kari doonaan. Naftooda ma ay dhergin doonaan, oo calooshoodana kama ay buuxin doonaan, maxaa yeelay, kuwaasu waxay ahaayeen dhagaxii turunturada ee xumaantooda.
Ezek SomKQA 7:20  Quruxdii sharraxaaddiisa kibir bay u beddeleen, oo waxay ka sameeyeen sanamyada waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo la nacay, sidaas daraaddeed waxaan iyaga uga dhigay sida wasakh oo kale.
Ezek SomKQA 7:21  Oo booli ahaan ayaan shisheeyayaal gacanta ugu gelin doonaa oo sida wax la soo dhacay oo kalena ayaan sharrowyada dunida u siin doonaa, oo iyaguna way nijaasayn doonaan.
Ezek SomKQA 7:22  Oo weliba wejigaygana iyagaan ka sii jeedin doonaa, oo iyana meeshayda qarsoon bay nijaasayn doonaan, oo kuwa wax dhaca ayaa gudaheeda geli doona oo nijaasayn doona.
Ezek SomKQA 7:23  Silsilad samee, waayo, dalka waxaa ka buuxda gacankudhiiglenimo, oo magaaladana waxaa ka buuxa dulmi.
Ezek SomKQA 7:24  Sidaas daraaddeed waxaan u keeni doonaa kuwa ugu liita ee quruumaha, oo iyana guryahooda way hantiyi doonaan, oo weliba waxaan joojin doonaa kuwa xoogga badan kibirkooda, oo meelahooda quduuska ahna waa la wada nijaasayn doonaa.
Ezek SomKQA 7:25  Halligaad baa imanaysa, oo iyagu nabad bay doondooni doonaan, laakiinse innaba ma ay jiri doonto.
Ezek SomKQA 7:26  Belaayaba belaayay ku soo kor degi doontaa, war belef ahuna war belef ah buu ka kor iman doonaa, oo markaasay wax nebi la tuso doondooni doonaan, laakiinse sharcigu wadaaddada wuu ka baabbi'i doonaa, oo taladuna odayaasha way ka dhammaan doontaa.
Ezek SomKQA 7:27  Boqorku wuu barooran doonaa, oo amiirkuna cabsi buu huwan doonaa, oo dadka dalka deggan gacmahooduna way gariiri doonaan, oo anigu siday jidadkoodu ahaayeen ayaan ku samayn doonaa, oo siday galabsadaanna waan u xukumi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Chapter 8
Ezek SomKQA 8:1  Oo sannaddii lixaad, bisheedii lixaad maalinteedii shanaad intii aan gurigaygii dhex fadhiyeyey, oo ay odayaashii dalka Yahuudah i hor fadhiyeyeen ayaa gacantii Sayidka Rabbiga ahu igu soo kor degtay.
Ezek SomKQA 8:2  Markaasaa intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday wax muuqashadiisu u ekayd dab oo kale, oo qaarkiisa dambe wuxuu u ekaa dab, oo qaarkiisa horena wuxuu u ekaa dhuxul cadaatay oo dhalaalaysa.
Ezek SomKQA 8:3  Oo isna wax gacan u eg buu igu soo taagay, oo wuxuu igu dhegay timahayga, oo ruuxii ayaa dhulka iyo samada dhexdooda kor iigu qaaday, oo waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu iigu keenay Yeruusaalem, iyo iridda gudaha ku taal albaabkeeda xagga woqooyi u sii jeeda, oo halkaas waxaa yiil kursigii sanamkii hinaasada, kaasoo hinaasada kiciya.
Ezek SomKQA 8:4  Oo bal eeg, ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa halkaas joogtay, oo waxay u ekayd sidii muuqashadii aan bannaanka ku arkay oo kale.
Ezek SomKQA 8:5  Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal haatan indhaha xagga woqooyi ku taag. Markaasaan indhaha kor ugu taagay jidkii xagga woqooyi, oo waxaan xaggii woqooyi iriddii meeshii allabariga ku arkay sanamkan hinaasada ee iridda ka taagan.
Ezek SomKQA 8:6  Oo wuxuu kaloo igu sii yidhi, Wiilka Aadamow, ma u jeedda waxa ay samaynayaan, xataa waxyaalaha waaweyn oo karaahiyada ah ee ay reer binu Israa'iil halkan ku sameeyaan si aan meeshayda quduuska ah uga sii fogaado? Laakiinse bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo karaahiyo ah oo tan ka sii weyn.
Ezek SomKQA 8:7  Oo haddana wuxuu i geeyey albaabkii barxadda, oo markaan wax fiiriyey waxaan arkay god derbiga ku dhex yaal.
Ezek SomKQA 8:8  Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal haddana derbiga qod, oo markaan derbigii qoday waxaan arkay albaab.
Ezek SomKQA 8:9  Oo isna wuxuu igu yidhi, Sii gal, oo bal fiiri waxyaalaha karaahiyada iyo sharka ah oo ay halkan ku samaynayaan.
Ezek SomKQA 8:10  Sidaas daraaddeed waan galay oo waxaan arkay cayn kasta oo wax gurguurta ah, iyo xayawaan karaahiyo ah, iyo sanamyadii reer binu Israa'iil oo dhan oo lagu taswiiray derbiga hareerihiisa oo dhan.
Ezek SomKQA 8:11  Oo waxaa iyagii halkaas ku hor taagnaa toddobaatan nin oo odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ahaa, oo waxaa dhexdooda taagnaa Ya'asanyaah ina Shaafaan, oo ninkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay idankiisii, oo waxaa kor uga baxayay caraftii qiiqii fooxa.
Ezek SomKQA 8:12  Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, ma aragtay waxa odayaashii reer binu Israa'iil ay gudcurka ku sameeyaan, oo ninkood kastaaba uu qolladihiisa taswiirta ku sameeyo? Waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu inooma jeedo, waayo, Rabbigu dhulkuu ka tegey.
Ezek SomKQA 8:13  Oo weliba wuxuu igu sii yidhi, Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn.
Ezek SomKQA 8:14  Markaasuu i geeyey albaabkii iriddii gurigii Rabbiga oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo waxaan halkaas ku arkay naagaha fadhiya oo sanamkii Tammuus u ooyaya.
Ezek SomKQA 8:15  Markaasuu igu yidhi, Waxaas ma aragtay, Wiilka Aadamow? Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn.
Ezek SomKQA 8:16  Oo haddana wuxuu i geeyey barxaddii hoose oo gurigii Rabbiga, oo bal eeg, iriddii macbudkii Rabbiga, meel u dhaxaysa balbalada iyo meeshii allabariga waxaa taagnaa rag shan iyo labaatan ku dhow iyagoo dhabarka macbudkii Rabbiga u sii jeediyey, wejigana xagga bari u sii jeediyey, oo waxay caabudayeen qorraxda bari jirta.
Ezek SomKQA 8:17  Markaasuu igu yidhi, Waxan ma aragtay, Wiilka Aadamow? Tanu ma wax dadka Yahuudah u fudud baa inay sameeyaan waxyaalaha karaahiyada ah ee ay halkan ku samaynayaan? Waayo, dalkii dulmi bay ka buuxiyeen oo mar kalay u noqdeen inay iga cadhaysiiyaan, oo bal eeg, laantii ayay sanka u dhoweeyeen.
Ezek SomKQA 8:18  Oo sidaas daraaddeed weli cadhaan ku shaqayn doonaa, indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, oo in kastoo ay dhegahaygu qaylo weyn ugu qayliyaanna innaba ma aan maqli doono.
Chapter 9
Ezek SomKQA 9:1  Markaasuu dhegahayga cod weyn ugu qayliyey, isagoo leh, Kuwa magaalada u taliya soo dhowee, iyadoo ninkood kastaaba uu hubkiisa uu wax ku baabbi'iyo gacanta ku haysto.
Ezek SomKQA 9:2  Oo bal eeg, lix nin baa waxay ka yimaadeen iriddii sare xaggeeda taasoo xagga woqooyi u sii jeedda, oo midkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay hubka uu wax ku laayo, oo waxaa dhexdooda joogay mid dhar wanaagsan qaba, oo dhinacana waxaa ugu xidhnaa geeskii khadka kan wax qora. Markaasay galeen oo waxay ag istaageen meeshii allabariga ee naxaasta ahayd.
Ezek SomKQA 9:3  Kolkaasaa ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iil kor bay uga kacday keruubkii ay kor saarnayd, oo waxay tagtay guriga marinkiisii, oo wuxuu u yeedhay ninkii dharkii wanaagsanaa qabay oo dhiniciisa ku sitay geeskii khadka kan wax qora.
Ezek SomKQA 9:4  Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magaalada Yeruusaalem dhexdeeda mar, oo waxaad calaamad ku dhigtaa jaaha dadka u taahaya oo u qaylinaya waxyaalaha karaahiyada ah oo dhexdeeda lagu sameeyo oo dhan.
Ezek SomKQA 9:5  Oo kuwii kalena wuxuu anigoo maqlaya ku yidhi, Isaga dabadiis magaalada dhex mara oo wada laaya, oo indhihiinnu yaanay u tudhin, oo innaba ha u nixina.
Ezek SomKQA 9:6  Oo waxaad wada laysaan odayaasha, iyo barbaarrada, iyo gabdhaha, iyo carruurta yaryar, iyo naagahaba, laakiinse innaba ha u dhowaanina nin alla ninkii ay calaamaddu ku taal, oo waxaad ka bilowdaan meeshayda allabariga. Markaasay waxay ka bilaabeen raggii odayaasha ahaa oo guriga hortiisa joogay.
Ezek SomKQA 9:7  Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Guriga nijaaseeya, oo barxadahana meydad ka buuxiya, oo haddana baxa. Markaasay bexeen oo magaaladii dad bay ku dhex laayeen.
Ezek SomKQA 9:8  Oo intay dadka laynayeen oo aan anigu hadhay ayaan wejiga u dhacay, oo intaan qayliyey ayaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad doonaysaa inaad kuwa reer binu Israa'iil ku hadha oo dhan ku wada baabbi'isid cadhadaada aad Yeruusaalem ku dul shubayso?
Ezek SomKQA 9:9  Markaasuu igu yidhi, Dadka dalka Israa'iil iyo dadka dalka Yahuudahba xumaantoodu aad iyo aad bay u badan tahay, oo dalkiina dhiig baa ka buuxsamay, oo magaaladiina qalloocnaan baa ka buuxsantay, waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu dhulka wuu ka tegey, oo Rabbigu waxba ma arko.
Ezek SomKQA 9:10  Oo aniguna indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, laakiinse jidkooda ayaan madaxooda kaga abaal marin doonaa.
Ezek SomKQA 9:11  Oo bal eeg, ninkii dharkii wanaagsanaa qabay oo geeska khadka dhinaciisa ku sitay ayaa war keenay, oo wuxuu yidhi, Wixii aad igu amartay ayaan sameeyey.
Chapter 10
Ezek SomKQA 10:1  Markaasaan wax fiiriyey, oo cirkii madaxii keruubiimta ka korreeyey waxaa ka muuqday wax dhagax safayr u ekaa, oo muuqashadiisu carshi u eg tahay.
Ezek SomKQA 10:2  Markaasuu la hadlay ninkii dharkii wanaagsanaa qabay, oo wuxuu ku yidhi, Waxaad kala dhex martaa giraangiraha iyo xataa keruubka hoostiisa, oo markaas labadaada gacmood ka soo buuxi dhuxulo dab ah oo aad keruubiimta dhexdooda ka soo cantoobiso, oo waxaad ku dul daadisaa magaalada. Oo isna wuu dhex maray anigoo indhaha ku haya.
Ezek SomKQA 10:3  Haddaba keruubiimtu waxay taagnaayeen guriga dhankiisa midigta markuu ninkii gudaha galay, oo barxaddii hoose waxaa ka buuxsantay daruur.
Ezek SomKQA 10:4  Markaasaa ammaantii Rabbigu keruubkii marinkii guriga uga kacday, oo gurigiina waxaa ka buuxsantay daruurtii, oo barxaddiina waxaa ka buuxsamay dhalaalkii ammaanta Rabbiga.
Ezek SomKQA 10:5  Oo sanqadhii baalashii keruubiimtana waxaa laga maqlay tan iyo xataa barxaddii dibadda, sidii markuu Ilaaha Qaadirka ahu hadlo.
Ezek SomKQA 10:6  Oo markuu amray ninkii dharka wanaagsanaa qabay oo uu ku yidhi, Giraangiraha dhexdooda iyo keruubiimta dhexdooda dab ka soo qaad, markaasuu dhex galay oo wuxuu istaagay giraangir dhinaceed.
Ezek SomKQA 10:7  Oo keruubkii wuxuu gacantiisii u fidiyey dabkii keruubiimta dhexdooda yiil, oo intuu wuxoogaa ka soo qaaday ayuu gacantii kii dharka wanaagsanaa qabay ku riday, oo isaguna intuu soo qaaday ayuu baxay.
Ezek SomKQA 10:8  Oo keruubiimtii waxaa ka muuqday wax nin gacantiis u eg oo baalashooda hoosta uga yaal.
Ezek SomKQA 10:9  Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday afartii giraangirood oo keruubiimta dhinac yiil, oo giraangir baa keruub dhinac tiil, oo giraangir kalena keruub kalay dhinac tiil, oo giraangiraha muuqashadooduna waxay u ekayd dhagax berullos oo kale.
Ezek SomKQA 10:10  Oo afartooduba isku muuqashay lahaayeen, oo waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta.
Ezek SomKQA 10:11  Oo markay socdeenna waxay ku socdeen afartoodii dhinacba, oo innaba ma ay leexleexan markay socdeen, laakiinse meeshii madaxoodu u sii jeeday ayay u raaceen, oo innaba ma ay leexleexan markay socdeen.
Ezek SomKQA 10:12  Oo jidhkooda oo dhan, iyo dhabarkooda, iyo gacmahooda, iyo baalashooda, iyo giraangirihii afartooda la socdayba waxay ahaayeen indho miidhan oo hareerahooda ku wareegsan.
Ezek SomKQA 10:13  Oo giraangirihiina anigoo maqlaya ayaa lagu magacaabay giraangiraha warwareega.
Ezek SomKQA 10:14  Oo mid kastaaba wuxuu lahaa afar weji. Wejigii kowaad wuxuu ahaa weji keruub, oo wejigii labaadna wuxuu ahaa weji nin, oo kii saddexaadna wuxuu ahaa weji libaax, oo kii afraadna wuxuu ahaa weji gorgor.
Ezek SomKQA 10:15  Keruubiimtii kor bay isu qaadeen. Kuwaasu waxay ahaayeen xayawaankii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay.
Ezek SomKQA 10:16  Keruubiimtu markay socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo markii keruubiimtu ay baalashooda kor u qaadeen inay dhulka kor isaga qaadaan aawadeed, isla giraangirahaasu dhinacoodii kama ay leexan.
Ezek SomKQA 10:17  Oo markay istaageen, kuwaasuna way istaageen, oo markay kor isu qaadeenna, kuwaasuna kor bay isu qaadeen, waayo, xayawaanka naftoodu iyagay ku jirtay.
Ezek SomKQA 10:18  Markaasaa ammaantii Rabbigu marinka gurigay ka kacday oo waxay istaagtay meel keruubiimtii ka korraysa.
Ezek SomKQA 10:19  Oo keruubiimtiina baalashooday kor u qaadeen oo anigoo indhaha ku haya ayay dhulka kor isaga qaadeen, oo markay bexeen giraangirihiina way dhinac socdeen, oo waxay ag istaageen albaabkii iridda bari ee guriga Rabbiga, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ammaantiisiina iyagay ka korraysay.
Ezek SomKQA 10:20  Kuwaasu waxay ahaayeen xayawaankii aan ku arkay Ilaaha reer binu Israa'iil hoostiisa iyagoo Webi Kebaar agtiisa jooga, oo waxaan iqiin inay keruubiim yihiin.
Ezek SomKQA 10:21  Midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal, oo baalashooda hoostoodana waxaa ku yiil wax nin gacmihiis u eg.
Ezek SomKQA 10:22  Oo wejiyadooduna waxay ahaayeen isla wejiyadii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay, oo muuqashadooda iyo iyaga qudhooduba isku mid bay ahaayeen, oo midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu socday.
Chapter 11
Ezek SomKQA 11:1  Oo weliba ruuxii baa kor ii qaaday oo wuxuu i geeyey iriddii bari ee guriga Rabbiga oo xagga bari u sii jeedday, oo iridda albaabkeedii waxaan ku arkay shan iyo labaatan nin, oo waxaan dhexdooda ku arkay Ya'asanyaah ina Casuur iyo Felatyaah ina Benaayaah, oo labaduba waxay ahaayeen dadka amiirradoodii.
Ezek SomKQA 11:2  Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, kuwaasu waa nimanka xumaanta hindisa, oo magaaladan dhexdeeda talo shar ah kaga taliya.
Ezek SomKQA 11:3  Oo waxay yidhaahdaan, Wakhtiga guryo la dhiso ma dhowa. Magaaladanu waa dheri weyn oo innaguna waxaynu nahay hilibkii.
Ezek SomKQA 11:4  Sidaas daraaddeed iyaga wax ka sii sheeg, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg.
Ezek SomKQA 11:5  Markaasaa Ruuxii Rabbigu igu soo degay, oo wuxuu igu yidhi, Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sidaasaad istidhaahdeen, waayo, waxyaalaha maankiinna soo gala waan ogahay.
Ezek SomKQA 11:6  Magaaladan dhexdeeda waxaad ku badiseen kuwiinnii la laayay, oo jidadkeedana kuwii la laayay waad ka buuxiseen.
Ezek SomKQA 11:7  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Meydadkiinna aad dhexdeeda dhigteen ayaa hilibka ah oo magaaladanuna waa dheriga weyn, laakiinse dhexdeedaa laydinka soo bixin doonaa.
Ezek SomKQA 11:8  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku seef baad ka cabsateen, oo seef baan idinku soo dayn doonaa.
Ezek SomKQA 11:9  Oo dhexdeedaan idinka soo bixin doonaa, oo waxaan idinku ridi doonaa shisheeyayaal gacmahooda, oo dhexdiinnana xukummo baan ku samayn doonaa.
Ezek SomKQA 11:10  Seef baad ku le'an doontaan, oo soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 11:11  Magaaladanu dherigiinna ma ay ahaan doonto, oo idinkuna hilibka ku dhex jira ma aad ahaan doontaan, laakiinse soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa.
Ezek SomKQA 11:12  Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, waayo, qaynuunnadaydii kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan samayn, laakiinse waxaad samayseen sidii xukummadii quruumaha oo idinku wareegsanu ay samayn jireen.
Ezek SomKQA 11:13  Oo intaan wax sii sheegayay ayaa Felatyaah ina Benaayaah dhintay. Markaasaan wejiga u dhacay oo cod dheer baan ku qayliyey, oo idhi, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad doonaysaa inaad inta reer binu Israa'iil ka hadhay wada baabbi'iso?
Ezek SomKQA 11:15  Wiilka Aadamow, walaalahaa oo ah walaalahaaga runta ah, iyo dadka xigaalkaaga ah, iyo kulli reer binu Israa'iil oo dhammu waa kuwii dadka Yeruusaalem degganu ay ku yidhaahdeen, Idinku Rabbiga ka fogaada. Dalkan annagaa dhaxal naloo siiyey.
Ezek SomKQA 11:16  Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aan iyaga quruumaha ku dhex fogeeyey, iyo in kastoo aan waddammada ku kala dhex firdhiyey, weliba waxaan iyaga waddammadii ay tageen ugu ahaan doonaa meel quduus ah.
Ezek SomKQA 11:17  Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil.
Ezek SomKQA 11:18  Oo iyagu halkaasay iman doonaan, oo waxay halkaas ka fogayn doonaan waxyaalaha la naco oo dhan iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dhanba.
Ezek SomKQA 11:19  Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi keliya, oo waxaan gelin doonaa ruux cusub, oo qalbigii dhagaxa ahaana jidhkooda waan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan siin doonaa qalbi jiidh ah,
Ezek SomKQA 11:20  si ay iyagu qaynuunnadayda ugu socdaan, oo ay amarradayda u xajiyaan oo ay u sameeyaan, oo waxay ahaan doonaan dadkayga, aniguna Ilaahooda ayaan ahaan doonaa.
Ezek SomKQA 11:21  Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwa qalbigoodu daba socdo waxyaalaha la naca iyo waxyaalahooda karaahiyada ahba jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.
Ezek SomKQA 11:22  Markaasaa keruubiimtii baalashooda kor u qaadeen, oo giraangirihiina way dhinac yiilleen, oo ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iilna iyagay ka korraysay.
Ezek SomKQA 11:23  Markaasaa ammaantii Rabbigu magaalada dhexdeedii ka kacday, oo waxay kor istaagtay buurta magaalada dhankeeda bari ku taal.
Ezek SomKQA 11:24  Oo markaasaa Ruuxii kor ii qaaday, oo Ruuxii Ilaah wuxuu wixii lay tusay igu keenay dalkii Kalday iyo maxaabiistii meeshaas joogtay. Oo markaasaa wixii lay tusay oo aan arkay kor iiga bexeen.
Ezek SomKQA 11:25  Markaasaan kuwii maxaabiista ahaa u sheegay waxyaalihii uu Rabbigu i tusay oo dhan.
Chapter 12
Ezek SomKQA 12:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 12:2  Wiilka Aadamow, waxaad dhex deggan tahay reer caasiyoobay, oo leh indho ay wax ku fiiriyaan laakiinse aan waxba arkin, oo leh dhego ay wax ku dhegaystaanna laakiinse aan waxba maqlin, waayo, waa reer caasiyoobay.
Ezek SomKQA 12:3  Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, alaabtaada inaad guurtid u diyaarso, oo maalin cad guur iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad meeshaada ka guurtaa oo aad meel kale u guurtaa iyagoo indhaha kugu haya; waxay noqon kartaa inay ka fiirsadaan, in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.
Ezek SomKQA 12:4  Oo waa inaad alaabtaada maalin cad soo bixisaa sida alaab lala guurayo iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad makhribkii ambabbaxdaa sida kuwo masaafuris u bixitimaya iyagoo indhaha kugu haya.
Ezek SomKQA 12:5  Oo iyagoo indhaha kugu haya derbiga dalooli oo alaabta halkaas ka soo bixi.
Ezek SomKQA 12:6  Iyagoo indhaha kugu haya waa inaad alaabta garbaha ku qaadataa oo la ambabbaxdaa markay gudcur tahay. Oo wejigaagana waa inaad deddaa si aadan dhulka u arag, waayo, calaamad baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay.
Ezek SomKQA 12:7  Oo aniguna sidii laygu amray ayaan sameeyey, oo alaabtaydii maalin cad baan soo bixiyey, sidii alaab lala guurayo oo kale, oo markay makhribkii ahayd ayaan derbigii gacantayda ku dalooliyey, oo iyadoo gudcur ah ayaan dibadda u soo saaray, oo iyagoo indhaha igu haya ayaan garbaha ku qaatay.
Ezek SomKQA 12:8  Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 12:9  Wiilka Aadamow, reerkii caasiyoobay oo reer binu Israa'iil ah sow kuguma ay odhan, War maxaad samaynaysaa?
Ezek SomKQA 12:10  Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Warkan culusu wuxuu ku saabsan yahay amiirka Yeruusaalem jooga iyo reer binu Israa'iilka dhexdeeda jooga oo dhanba.
Ezek SomKQA 12:11  Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Anigu calaamad baan idiin ahay. Sidaan sameeyey oo kale ayaa iyaga lagu samayn doonaa. Iyagu masaafurisyo bay noqon doonaan oo maxaabiisnimay geli doonaan.
Ezek SomKQA 12:12  Oo amiirka iyaga dhex joogaana iyadoo gudcur ah ayuu garbaha wax ku qaadan doonaa, wuuna ambabbixi doonaa. Derbigay daloolin doonaan si ay halkaas alaabta ugala baxaan aawadeed, oo isna wejiguu dedan doonaa si uusan indhihiisa dhulka ugu arag.
Ezek SomKQA 12:13  Oo weliba aniguna shabaggaygaan ku kor kala bixin doonaa, oo dabinkaygaa lagu soo qaban doonaa, oo waxaan isaga keeni doonaa Baabuloon iyo dalka reer Kaldayiin, oo weliba ma uu arki doono, in kastoo uu halkaas ku dhiman doono.
Ezek SomKQA 12:14  Oo kuwa hareerihiisa u jooga inay isaga caawiyaan oo dhanna waan u kala firdhin doonaa xagga dabaylaha oo dhan iyaga iyo guutooyinkiisa oo dhanba, oo seef baan ka daba qaadan doonaa.
Ezek SomKQA 12:15  Oo iyaguna waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku kala firdhin doono.
Ezek SomKQA 12:16  Laakiinse wuxoogaa yar oo iyaga ka mid ah ayaan ka caymin doonaa seefta, iyo abaarta, iyo belaayada si ay waxyaalahooda karaahiyada ah oo dhan uga dhex sheegaan quruumaha oo dhan meel alla meeshay tagaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 12:17  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 12:18  Wiilka Aadamow, kibistaada naxdin ku cun, oo biyahaagana gariirid iyo welwel ku cab,
Ezek SomKQA 12:19  oo dadka dalka degganna waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu dadka deggan Yeruusaalem iyo dalka reer binu Israa'iilba ka leeyahay, Iyagu kibistooda welwel bay ku cuni doonaan, oo biyahoodana yaab bay ku cabbi doonaan, si uu dalkoodu uga cidloobo waxa dhexdiisa jooga oo dhan, waana dulmiga kuwa dhexdiisa deggan oo dhammu ay sameeyaan aawadiis.
Ezek SomKQA 12:20  Oo magaalooyinka la deggan yahay way baabbi'i doonaan, oo dalkuna wuu cidloobi doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 12:21  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 12:22  Wiilka Aadamow, waa maxay hadalkan aad dalka reer binu Israa'iil ku haysataan, kaasoo leh, Wakhtigii waa sii dheeraaday oo muujin kastaaba way beenowday?
Ezek SomKQA 12:23  Oo haddaba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu hadalkaas waan joojin doonaa, oo mar dambena dalka reer binu Israa'iil sidaas loogama dhex hadli doono, laakiinse waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Wakhtigii waa soo dhow yahay, oo muujin kastaaba way rumoobi doontaa.
Ezek SomKQA 12:24  Waayo, innaba mar dambe reer binu Israa'iil lagama dhex heli doono muujin been ah iyo faal sasab ah.
Ezek SomKQA 12:25  Maxaa yeelay, anaa Rabbiga ah. Anigu waan hadli doonaa, oo eraygii aan ku hadlaana wuu oofi doonaa. Mar dambena dib looma sii dhigi doono waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reerka caasiyoobayow, wakhtigiinna ayaan erayga odhan doonaa, oo weliba waan oofin doonaa.
Ezek SomKQA 12:26  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 12:27  Wiilka Aadamow, bal eeg, kuwa reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Muujinta uu arkaa waa mid wakhtiyo badan ka dambaysa, oo isagu wuxuu wax ka sii sheegayaa wakhtiyo fog.
Ezek SomKQA 12:28  Sidaas daraaddeed bal waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Erayadayda midkoodna mar dambe dib looma sii dhigi doono, laakiinse eraygii aan ku hadlaaba wuu oofi doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Chapter 13
Ezek SomKQA 13:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 13:2  Wiilka Aadamow, waxaad wax ka sii sheegtaa nebiyada reer binu Israa'iil oo wax sheega, oo kuwa qalbigooda wax ka sii sheega waxaad ku tidhaahdaa, Erayga Rabbiga maqla:
Ezek SomKQA 13:3  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay nebiyada nacasyada ah oo qalbigooda iska daba gala, iyagoo aan waxba arkin.
Ezek SomKQA 13:4  Reer binu Israa'iilow, nebiyadiinnu waxay la mid ahaayeen dawacooyinka meelaha baabba'a ah jooga.
Ezek SomKQA 13:5  Idinku meelihii jajabnaa ma aydaan u kicin, oo heeraarkiina reer binu Israa'iil uma aydaan adkayn, si maalinta Rabbiga dagaalka loogu istaago.
Ezek SomKQA 13:6  Iyagu waxay arkeen wax aan waxba ahayn iyo faal been ah, oo waxay yidhaahdaan, Rabbigu saasuu leeyahay, iyadoo aan Rabbigu iyaga soo dirin. Oo waxay kuwa kale ka yeeleen inay sii rajeeyaan in eraygaas la xaqiijin doono.
Ezek SomKQA 13:7  Miyaydaan muujin been ah arkin, oo miyaydaan faal been ah ku hadlin, markaad tidhaahdaan Rabbigu saasuu leeyahay, in kastoo aanan idinla hadlin?
Ezek SomKQA 13:8  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada anigu col baan idinku ahay, maxaa yeelay, idinku wax aan waxba ahayn ayaad ku hadasheen oo wax been ah baad aragteen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 13:9  Oo gacantayduna waxay col ku noqon doontaa nebiyada waxa aan waxba ahayn arka, oo waxyaalaha beenta ah ka faaliya. Iyagu dadkayga shirkiisa ma ay dhex joogi doonaan, oo qorniinka reer binu Israa'iilna laguma qori doono, oo dalka reer binu Israa'iilna ma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
Ezek SomKQA 13:10  Waxyaalahaasu way dhici doonaan, maxaa yeelay, iyagu dadkaygay sireen, iyagoo leh, Waa nabad, iyadoo aan innaba nabadu jirin, oo markii derbi la dhiso, bal eeg, waxay ku malaasaan dhoobo aan nuurad lahayn.
Ezek SomKQA 13:11  Kuwa dhoobada aan nuuradda lahayn wax ku malaasa waxaad u sheegtaa inuu derbigaasu soo dhici doono, waxaana jiri doona roob daad weyn. Kuwiinnan roobdhagaxyaale waaweyn ahow, waad soo di'i doontaan, oo dabayl duufaan leh ayaa kala ridi doonta derbigaas.
Ezek SomKQA 13:12  Bal ogaada, markii derbigu dhaco sow laydinkuma odhan doono, War meeday dhoobadii aad wax ku malaasteen?
Ezek SomKQA 13:13  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigoo cadhaysan ayaan dabayl duufaan leh ku dumin doonaa. Oo waxaa xanaaqayga ku iman doona roob daad weyn iyo roobdhagaxyaale waaweyn oo cadhadayda ku baabbi'iya.
Ezek SomKQA 13:14  Sidaasaan derbigii aad dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasteen u dumin doonaa, oo dhulkaan ku ridi doonaa, oo aasaaskiisana waa la bannayn doonaa. Wuu soo dhici doonaa, oo dhexdiisaa laydinku wada baabbi'in doonaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 13:15  Oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammayn doonaa derbigii iyo kuwii dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasayba, oo waxaan idinku odhan doonaa, Imminka derbigii iyo kuwii malaasayba ma jiraan.
Ezek SomKQA 13:16  Kuwaasu waxaa weeye nebiyada reer binu Israa'iil oo Yeruusaalem wax ka sii sheega, oo iyada muujin nabdeed u arka, iyadoo aan nabadu jirin, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 13:17  Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi gabdhaha dadkaaga oo qalbigooda wax ka sii sheega, oo adiguna waa inaad iyaga wax ka sii sheegtaa.
Ezek SomKQA 13:18  Oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay naagaha gacmaha oo dhan xirsiyo ku sameeya oo masarro madaxa dadka dherer kastaba leh u sameeya si ay dad naftiis u ugaadhsadaan! Ma waxaad ugaadhsanaysaan dadkayga naftiisa, oo ma waxaad badbaadinaysaan kuwiinna naftooda?
Ezek SomKQA 13:19  Waxaad dadkaygii iigu dhex nijaasayseen cantoobooyin shaciir ah iyo dhawr xabbadood oo kibis ah daraaddood, si aad nafaha aan dhiman lahayn u dishaan, oo aad nafaha aan sii noolaan lahayn badbaadisaan, idinkoo dadkayga beenta dhegaysta been u sheegaya.
Ezek SomKQA 13:20  Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu xirsiyadiinna col baan ku ahay, kuwaasoo aad nafaha sida shimbirro oo kale ugu ugaadhsataan, oo gacmihiinna ayaan ka gooyn doonaa, oo nafahana waan sii dayn doonaa, kuwaas oo ah nafihii aad u ugaadhsateen sida shimbirro oo kale.
Ezek SomKQA 13:21  Oo weliba masarradiinnana waan jeexi doonaa, oo dadkaygana gacantiinna waan ka samatabbixin doonaa, oo mar dambena gacantiinna in la ugaadhsado aawadeed uma soo geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 13:22  Idinku kan xaqa ah been baad ku qalbi jebiseen, kaasoo aanan anigu qalbi jebin, oo waxaad sii xoogayseen gacmihii sharrowga si uusan jidkiisa sharka ah uga soo noqon, oo uusan u badbaadin,
Ezek SomKQA 13:23  sidaas daraaddeed mar dambe wax aan waxba ahayn ma arki doontaan, oo faalna ma faalin doontaan, oo dadkayga ayaan gacantiinna ka samatabbixin doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Chapter 14
Ezek SomKQA 14:1  Markaasaa waxaa ii yimid qaar odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ah oo hortayday fadhiisteen.
Ezek SomKQA 14:2  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 14:3  Wiilka Aadamow, nimankanu qalbigooday sanamyadoodii dabaggeliyeen, oo wejigoodana waxay hor dhigeen waxa ay ku turunturoodaan ee xumaantooda ah. Haddaba miyey waajib igu tahay inaan u jawaabo markay wax i weyddiistaan?
Ezek SomKQA 14:4  Sidaas daraaddeed iyaga la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah oo sanamkiisa qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ahna wejigiisa hor dhiga, oo haddana nebiga u yimaada, aniga Rabbiga ah ayaa kii u yimaada u jawaabi doona sida sanamyadiisa faraha badan,
Ezek SomKQA 14:5  si aan reer binu Israa'iil qalbigooda ugu qabto, maxaa yeelay, iyagu sanamyadooda aawadood ayay kulligood iiga shisheeyoobeen.
Ezek SomKQA 14:6  Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Soo noqda, oo sanamyadiinna ka soo noqda, oo wejigiinnana waxyaalihiinna karaahiyada ah oo dhan ka sii jeediya.
Ezek SomKQA 14:7  Waayo, mid kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah ama mid kasta oo shisheeyayaasha reer binu Israa'iil dhex deggan ka mid ah oo iska kay sooca, oo sanamyadiisana qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ah wejigiisa hor dhiga, haddana nebiga ugu yimaada inuu wax i weyddiisto, aniga Rabbiga ah qudhaydaa u jawaabi doona.
Ezek SomKQA 14:8  Oo ninkaas wejigaygaan u jeedin doonaa, oo waxaan isaga ka dhigi doonaa yaab iyo calaamad iyo maahmaah, oo dadkaygaan ka dhex gooyn doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 14:9  Oo haddii nebi intuu wax ku hadlo la khiyaaneeyo, nebigaas aniga Rabbiga ah ayaa khiyaaneeyey, oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa, oo dadkayga reer binu Israa'iil dhexdiisa ayaan ka baabbi'in doonaa.
Ezek SomKQA 14:10  Oo iyana ciqaabta xumaantooday qaadan doonaan. Nebiga ciqaabtiisuna waxay ahaan doontaa sidii ciqaabta kan isaga wax weyddiista,
Ezek SomKQA 14:11  si ayan reer binu Israa'iil mar dambe iiga amban ama ayan mar dambe xadgudubyadooda ugu nijaasoobin, laakiinse ay dadkaygii iigu ahaadaan, oo aan aniguna Ilaahooda ugu noqdo, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 14:12  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 14:13  Wiilka Aadamow, marka dalku xadgudub xun iigu dembaabo, oo aan gacantayda ku soo dul fidiyo, oo aan usha cuntadiisa jebiyo, oo aan abaar ku soo daayo, oo aan dad iyo duunyaba ka dhex gooyo,
Ezek SomKQA 14:14  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, xataa haddii saddexdaas nin oo ah Nuux iyo Daanyeel iyo Ayuub ay dhex joogi lahaayeen, xaqnimadooda waxay ku samatabbixin lahaayeen naftooda oo keliya.
Ezek SomKQA 14:15  Haddaan dalka dugaag baas ku soo dhex daayo, oo ay dadka ka baabbi'iyaan si uu meel cidla ah u noqdo, oo aan ciduna dugaagga aawadiis u soo dhex marin,
Ezek SomKQA 14:16  xataa hadday saddexdaas nin dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiilal iyo gabdho toona ma samatabbexeen. Iyaga keligood ayaa samatabbixi lahaa, laakiinse dalku waa cidloobi lahaa.
Ezek SomKQA 14:17  Amase haddaan dalkaas seef ku soo daayo, oo aan ku idhaahdo, Seefay, dalka dhex mar, si aan dhexdiisa dad iyo duunyaba uga wada gooyo,
Ezek SomKQA 14:18  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Xataa hadday saddexdaas nin dhex joogi lahaayeen wiilal iyo gabdho toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagoo keliya ayaa samatabbixi lahaa.
Ezek SomKQA 14:19  Amase haddaan dalkaas belaayo ku soo dhex daayo, oo aan cadhadaydana dhiig ugu kor shubo, si aan dad iyo duunyoba uga gooyo,
Ezek SomKQA 14:20  xataa haddii Nuux iyo Daanyeel iyo Ayuub ay dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiil iyo gabadh toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagu xaqnimadooda ayay naftooda oo keliya ku samatabbixin lahaayeen.
Ezek SomKQA 14:21  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddaba intee in le'eg bay ka sii darnaan doontaa markaan Yeruusaalem ku soo daayo afartayda xukun ee baas, kuwaasoo ah seef, iyo abaar, iyo dugaag baas, iyo belaayo, si aan dhexdeeda dad iyo duunyoba uga wada gooyo?
Ezek SomKQA 14:22  Laakiinse bal ogaada, waxaa dhexdeeda ku hadhi doona kuwa la soo bixin doono, oo wiilal iyo gabdhoba leh. Oo bal ogaada, idinkay idiin soo bixi doonaan, oo waxaad arki doontaan jidkooda iyo falimahoodaba, oo belaayada aan Yeruusaalem ku soo daayay, kuwaasoo ah xataa waxyaalaha aan iyada ku soo dejiyey oo dhan waa laydiinka qalbi qabowjin doonaa.
Ezek SomKQA 14:23  Oo markaad jidkooda iyo falimahoodaba aragtaan way idiin qalbi qabowjin doonaan, oo Sayidka Rabbiga ahuna wuxuu leeyahay, Idinku waxaad ogaan doontaan inaanan sababla'aan ugu samayn wixii aan dhexdeeda ku sameeyey oo dhan.
Chapter 15
Ezek SomKQA 15:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 15:2  Wiilka Aadamow, geedka canabku bal muxuu dhirta kale dheer yahay, amase laanta canabku maxay dhirta kaynta ku taal dheer tahay?
Ezek SomKQA 15:3  Ma qoryaa laga goostaa in shuqul lagu samaysto? Miyaase dadku qodob ka goostaa si ay weel u sudhaan?
Ezek SomKQA 15:4  Bal eeg, xaabo ahaan baa dabka loogu dhex tuuraa, oo dabka ayaa labadiisa madaxba dhammeeya, oo dhexdiisuna way gubataa. Miyuu in shuqul lagu qabsado wax u taraa?
Ezek SomKQA 15:5  Bal eeg, markuu dhamaa shuqulna waxba uma tarayn, haddaba bal intee buu ka sii liitaa haatan oo uu dab dhammeeyey oo uu gubtay?
Ezek SomKQA 15:6  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sidii geedka canabka ah oo ku dhex yaal dhirta kaynta, oo aan xaabo ahaan dabka u siiyey, sidaas oo kale ayaan dadka Yeruusaalem deggan u siin doonaa.
Ezek SomKQA 15:7  Oo wejigaygaan u soo jeedin doonaa. Dabkay ka dhex bixi doonaan laakiinse dabku wuu baabbi'in doonaa; oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga wejigayga u jeediyo.
Ezek SomKQA 15:8  Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dalkaan cidla ka dhigi doonaa, maxaa yeelay, iyagu way xadgudbeen.
Chapter 16
Ezek SomKQA 16:1  Oo haddana mar kale Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 16:2  Wiilka Aadamow, Yeruusaalem waxyaalaheeda karaahiyada ah ogeysii,
Ezek SomKQA 16:3  oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu Yeruusaalem ku leeyahay, Jinsiyadaada iyo dhalashadaaduba waa dalka reer Kancaan. Aabbahaa wuxuu ahaa reer Amor, oo hooyadaana waxay ahayd reer Xeed.
Ezek SomKQA 16:4  Oo dhalashadaadii iyo maalintii aad dhalatay xudduntaadii lama gooyn, oo biyana laguguma maydhin si aad nadiif u noqotid. Innaba laguma cusbayn, oo innaba waxba laguguma duudduubin.
Ezek SomKQA 16:5  Iluna kuuma ay nixin inay waxyaalahaas kuu samayso, ama inay kuu roonaato, laakiinse maalintii aad dhalatay ayaa berrinka bannaan lagugu xooray, waayo, qofnimadaadu waxay ahayd wax la quudhsado.
Ezek SomKQA 16:6  Oo markaan ku soo ag maray oo aan arkay adigoo dhiiggaagii ku nijaasoobay ayaan kugu idhi, Adigoo dhiiggaagii ku dhex jira, noolow. Adigoo dhiiggaagii ku dhex jira ayaan waxaan kugu idhi, Noolow!
Ezek SomKQA 16:7  Oo waxaan kaa dhigay inaad sida biqilka duurka oo kale u badatid, waanad korodhay oo sii weynaatay, oo waxaad noqotay wax qurux badan, waanad naaso keentay, oo timahaagiina way bexeen, in kastoo aad qaawanayd oo aanad dednayn.
Ezek SomKQA 16:8  Haddaba markaan ku soo ag maray, oo aan ku fiiriyey, wakhtigaagu wuxuu ahaa wakhtigii caashaqa, oo waxaan kugu deday macawistaydii, oo cawradaadiina waan daboolay, oo weliba waan kuu dhaartay oo axdi kula dhigtay, oo taydii baad noqotay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 16:9  Oo markaasaan biyo kugu maydhay, oo dhiiggaagiina waan kaa wada dhaqay, oo saliid baan kugu subkay.
Ezek SomKQA 16:10  Oo weliba dhar daabac leh ayaan kuu xidhay, oo waxaan kuu geliyey kabo adhidibadeed hargahood laga sameeyey, oo dhexdana maro wanaagsan baan kuugu xidhay, oo xariir baan kuu hagoojiyey.
Ezek SomKQA 16:11  Oo weliba wax baan kugu sharraxay, oo gacmahana jijimmo baan kuu geliyey, oo qoortana silsilad baan kuu sudhay.
Ezek SomKQA 16:12  Oo sangelis baan kuu sudhay, oo dhegahaagana hilqado baan ka lulay, oo madaxana taaj qurux badan baan kuu saaray.
Ezek SomKQA 16:13  Sidaasaa dahab iyo lacag lagugu sharraxay, dharkaaguna wuxuu ahaa dhar wanaagsan, iyo xariir, iyo dhar daabac leh. Oo waxaad cuntay daqiiq wanaagsan, iyo malab iyo saliid. Oo aad iyo aad baad u qurux badnayd, oo boqorad baad noqotay.
Ezek SomKQA 16:14  Oo quruxdaada aawadeed ayaa warkaagii quruumaha ku dhex faafay, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay ku dhammaystirantay haybaddaydii aan ku dul saaray.
Ezek SomKQA 16:15  Laakiinse quruxdaadaad isku hallaysay, oo warkaagii faafay aawadiis ayaad u dhillowday, oo dhillanimadaadiina waxaad u badisay mid alla midkii ku soo ag marayba, oo waad isu dhiibtay.
Ezek SomKQA 16:16  Oo dharkaagiina waad iska furtay, oo meelo sarsare ayaad samaysatay oo waxaad ku sharraxday marooyin midabyo badan, oo halkaasaad ku dhillaysatay. Waxyaalahaas oo kale ma jirin, oo weligood ma ay noqon doonaan.
Ezek SomKQA 16:17  Oo weliba waxaad qaadatay waxyaalahaagii quruxdasanaa oo dahabkayga iyo lacagtayda ahaa oo aan ku siiyey, oo waxaad ka samaysatay sanamyo nimeed, oo iyagii baad la dhillowday.
Ezek SomKQA 16:18  Oo dharkaagii daabaca lahaa intaad iska furtay ayaad iyagii huwisay, oo saliiddaydii iyo fooxaygiina iyagaad hor dhigtay.
Ezek SomKQA 16:19  Oo cuntadaydii aan ku siiyey, oo ahayd daqiiqda, iyo saliidda iyo malabka, oo aan kugu quudiyeyna iyagaad hor dhigtay oo aad caraf udgoon uga dhigtay, oo sidaasay ahayd, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 16:20  Oo weliba wiilashaadii iyo gabdhahaagii aad ii dhashayna allabari ahaan baad iyaga ugu bixisay in la cuno aawadeed. Dhillanimadaadu ma wax yar bay ahayd
Ezek SomKQA 16:21  inaad carruurtayda gowracdid, oo aad iyaga u bixisid in dab loo dhex marsiiyo sanamyadaada aawadood?
Ezek SomKQA 16:22  Oo weliba intaad ku dhex jirtay waxyaalahaagii karaahiyada iyo dhillanimada ahaa marna sooma aad xusuusan wakhtigii yaraantaada, markaad qaawanayd oo aadan dednayn, oo aad dhiiggaaga ku dhex nijaasnayd.
Ezek SomKQA 16:23  (Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigaa iska hoogay, oo hoogay.) Oo xumaantaadii oo dhan dabadeed
Ezek SomKQA 16:24  waxaad dhisatay meel qudbad ah, oo meel sare oo jid kastaba ku dhex taal ayaad samaysatay.
Ezek SomKQA 16:25  Meeshaadii sare waxaad ka dhisatay madaxa jid kasta, oo quruxdaadiina waxaad ka dhigtay wax la karhay, oo waxaad lugaha u kala wadhay ku alla kii ku soo ag marayba, oo dhillanimadaadiina waad sii badisay.
Ezek SomKQA 16:26  Oo weliba waxaad ka sinaysatay Masriyiinta derisyadaada ah, oo buurbuuran, oo intaad dhillanimadaadii si badisay ayaad iga cadhaysiisay.
Ezek SomKQA 16:27  Sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo cuntadaadii caadiga ahaydna waan kaa dhimay, oo waxaan gacanta kuu geliyey kuwa ku neceb doonistooda, kuwaasoo ah gabdhaha reer Falastiin oo jidkaaga sharka ah ka ceeboobay.
Ezek SomKQA 16:28  Weliba waxaad ka dhillaysatay kuwa reer Ashuur, maxaa yeelay, waad kacsi beeli weyday, haddana iyaga waad ka dhillaysatay, oo weliba waad ka dhergi weyday.
Ezek SomKQA 16:29  Oo weliba dhillanimadaadii waad ku sii badisay dalka reer Kancaan, iyo tan iyo dalka Kalday, oo weliba waxaas waad ka dhergi weyday.
Ezek SomKQA 16:30  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu taag yaraa markaad samaysid waxyaalahaas oo dhan, waxaas oo ah dhillo caasiyad ah shuqulkeed!
Ezek SomKQA 16:31  Oo jid kasta madaxiisa waxaad ka dhisataa qudbad, oo jid kastana waxaad ka samaysataa meel sare, oo weliba ma aadan ahayn sidii dhillo oo kale, waayo, adigu kirada waad quudhsataa.
Ezek SomKQA 16:32  Waxaad la mid tahay naag nin leh oo sinaysata oo niman qalaad ninkeeda uga hor marta!
Ezek SomKQA 16:33  Iyagu dhillo kasta hadiyad bay siiyaan, laakiinse adigu waxaad hadiyadahaaga siisaa kuwa ku caashaqa oo dhan, oo laaluush baad u siisaa inay dhinac kasta kaaga yimaadaan dhillanimadaada aawadeed.
Ezek SomKQA 16:34  Oo adigu naagaha kale waad ka duwan tahay xagga dhillanimadaada, waayo, laguuma soo raaco in lagaa sinaysto aawadeed, oo kiro baad u siisaa, iyadoo aan ciduna kiro ku siin, oo sidaas daraaddeed waad ka duwan tahay dhillooyinka kale oo dhan.
Ezek SomKQA 16:36  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nijaastaadii way shubantay, oo cawradaadiina daahaa lagaga qaaday dhillanimadaadii aad kuwii ku caashaqay ka dhillaysanaysay, iyo sanamyada waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan, iyo dhiiggii carruurtaada oo aad iyaga siisay.
Ezek SomKQA 16:37  Haddaba sidaas daraaddeed waxaan soo wada ururin doonaa kuwii ku caashaqay oo aad la raaxaysatay oo dhan, iyo kuwa aad jeclaatay oo dhan, iyo kuwa aad necbaatay oo dhan. Kulligood dhinac kastaan kaaga soo ururin doonaa, oo cawradaadana iyagaan daaha uga qaadi doonaa, si ay cawradaada oo dhan u arkaan.
Ezek SomKQA 16:38  Oo waxaan kuu xukumi doonaa sida naagaha raggooda ka dhillooba iyo kuwa dhiigga daadiya loo xukumo oo kale; oo waxaan kugu ridi doonaa dhiigga cadhada iyo masayrka.
Ezek SomKQA 16:39  Oo weliba waxaan kugu ridi doonaa gacantooda, oo iyaguna qudbaddaada way dumin doonaan, oo meelahaaga sarsarena way burburin doonaan, oo weliba dharkay kaa furan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn.
Ezek SomKQA 16:40  Oo weliba guutay kugu kicin doonaan, wayna ku dhagxin doonaan, oo seefahooday kugu mudhbixin doonaan.
Ezek SomKQA 16:41  Oo guryahaagana dab bay ku gubi doonaan, oo iyadoo ay naago badanu indhaha kugu hayaan ayay xukummo kugu samayn doonaan, oo aniguna waxaan kaa dhigi doonaa inaad dhillaysiga ka joogsatid, oo mar dambe kiro ma aad bixin doontid.
Ezek SomKQA 16:42  Sidaasaan cadhadayda xaggaaga ku dhammaystiri doonaa, oo masayrkayguna wuu kaa tegi doonaa, oo aniguna waan xasilli doonaa. Oo innaba mar dambe ma aan xanaaqi doono.
Ezek SomKQA 16:43  Adigu wakhtigii yaraantaada sooma aadan xusuusan, laakiinse waxyaalahaas oo dhan waad igaga xanaajisay, oo sidaas daraaddeed ayaan jidkaaga madaxaaga kaga abaalmarin doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, oo sharkaas waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan kuma aad sii dari doontid.
Ezek SomKQA 16:44  Bal ogow, mid kasta oo maahmaahyo ku maahmaahaaba wuxuu kuugu maahmaahi doonaa maahmaahyadan isagoo leh, Sida ay hooyadu tahay ayaa gabadheeduna tahay.
Ezek SomKQA 16:45  Waxaad tahay gabadhii hooyadaa oo ninkeeda iyo carruurteedaba nacda, oo weliba waxaad tahay walaashii walaalahaa oo nimankoodii iyo carruurtoodiiba nacay. Hooyadaa waxay ahayd reer Xeed, oo aabbahaana wuxuu ahaa reer Amor.
Ezek SomKQA 16:46  Oo walaashaada kaa weynuna waa Samaariya, ta iyada iyo gabdhaheeduba bidixdaada deggan yihiin, oo walaashaada kaa yaruna waa Sodom ta iyada iyo gabdhaheeduba midigtaada deggan yihiin.
Ezek SomKQA 16:47  Jidadkoodii kuma aadan socon oo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo kalena ma aadan samayn, laakiinse taasu wax yar bay kula noqotay, oo iyaga jidadkaagii oo dhan waad kaga sii darnayd.
Ezek SomKQA 16:48  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Waxa adiga iyo gabdhahaagu aad samayseen oo kale walaashaa Sodom iyo gabdhaheeduba ma ay samayn.
Ezek SomKQA 16:49  Bal eeg, walaashaa Sodom dembigeedu sidan buu ahaa. Iyada iyo gabdhaheeduba waxay lahaayeen kibir, iyo cunto faro badan, iyo raaxo barwaaqo ah, laakiinse masaakiinta iyo saboolka baahan gacmahooda ma ay taageeri jirin.
Ezek SomKQA 16:50  Oo weliba iyagu way isla madax weynaadeen, oo hortayday karaahiyo ku sameeyeen, sidaas daraaddeed markaan waxaas arkay ayaan fogeeyey.
Ezek SomKQA 16:51  Oo xataa dembigaaga badhkiis Samaariya ma ay samayn, laakiinse waxyaalahaaga karaahiyada ah waad ka sii badisay kuweeda, oo walaalahaana waxaad xaq kaga dhigtay waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo aad samaysay oo dhan.
Ezek SomKQA 16:52  Bal adigu ceebow, waayo, walaalahaa waad xukuntay, maxaa yeelay, waxaad samaysay wax karaahiyadoodii ka sii daran, oo iyagu way kaa xaq badan yihiin. Haddaba facsharan, oo ceebow, waayo, waxaad xaq ka dhigtay walaalahaa.
Ezek SomKQA 16:53  Waxaan dib u soo celin doonaa maxaabiistoodii, kuwaas oo ah maxaabiistii Sodom iyo gabdhaheeda, iyo maxaabiistii Samaariya iyo gabdhaheeda, iyo maxaabiistaada iyaga dhex jooga,
Ezek SomKQA 16:54  si aad u ceebowdid, oo aad ugu facsharantid wixii aad samaysay oo dhan, waayo, waxaad iyaga u tahay qalbi qabowjis.
Ezek SomKQA 16:55  Markaasaa walaalahaa Sodom iyo gabdhaheedu ay sidoodii hore ku soo noqon doonaan, oo Samaariya iyo gabdhaheeduna ay sidoodii hore ku soo noqon doonaan, oo adiga iyo gabdhahaaguna aad sidiinnii hore ku soo noqon doontaan.
Ezek SomKQA 16:56  Waayo, walaashaa Sodom afkaagu kama hadlin waagii aad kibirsanayd,
Ezek SomKQA 16:57  intaan xumaantaada daaha laga qaadin, sidii markii gabdhaha Suuriya iyo inta hareerahooda ku wareegsan oo dhan, iyo xataa gabdhaha reer Falastiin ay ku caayeen iyagoo dhan kastaba kaa quudhsada.
Ezek SomKQA 16:58  Rabbigu wuxuu leeyahay, Adiga sharkaagii iyo waxyaalahaagii karaahiyada ahaaba waa lagugu ciqaabay.
Ezek SomKQA 16:59  Waayo, wuxuu Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, Waxaan kugu samayn doonaa sidaad samaysay oo kale, waayo, adigu dhaartii waad quudhsatay markaad axdigii jebisay.
Ezek SomKQA 16:60  Habase ahaatee axdigaygii aan yaraantaadii kula dhigtay waan soo xusuusan doonaa, oo weliba waxaan kula samaysan doonaa axdi weligiis ah.
Ezek SomKQA 16:61  Oo markaasaad jidadkaagii soo xusuusan doontaa, oo waad isku ceeboobi doontaa markaad qaabbishid walaalahaa, ta kaa weyn iyo ta kaa yarba, oo inay gabdho kuu noqdaan baan kuu siin doonaa, laakiinse axdigaaga kugu siin maayo.
Ezek SomKQA 16:62  Aniguna axdigaygaan kula adkaysan doonaa, oo adiguna waxaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay,
Ezek SomKQA 16:63  si aad wax u soo xusuusatid, oo aad u facsharantid, oo aadan afkaagana mar dambe u kala qaadin ceebtaada aawadeed, markaan kaa wada cafiyo wixii aad samaysay oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Chapter 17
Ezek SomKQA 17:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 17:2  Wiilka Aadamow, halxidho, oo reer binu Israa'iil masaal kula hadal,
Ezek SomKQA 17:3  oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa Lubnaan yimid gorgor weyn oo baadad waaweyn oo baalashiisu dheerdheer yihiin, oo baalal badan oo kala midab ah leh, oo wuxuu qaatay intii ugu sarraysay oo geedka kedarka la yidhaahdo.
Ezek SomKQA 17:4  Oo wuxuu jaray laamihiisii yaryaraa, ta ugu korraysa, oo dal baayacmushtar badan geeyey, oo wuxuu dhigay magaalo baayacmushtariyaal.
Ezek SomKQA 17:5  Markaasuu qaatay iniinihii dalka, wuuna ku dhex beeray beer wanaagsan, oo wuxuu ag dhigay biyo badan dhinacood oo u qotomiyey sidii geed safsaf ah.
Ezek SomKQA 17:6  Oo iyana way kortay, oo waxay noqotay geed canab ah oo fidsan laakiinse sarajooggiisu gaaban yahay oo laamihiisu xaggiisa u soo noqdeen, oo xididdadiisuna isagay ka hooseeyeen, oo saasuu geedcanab u noqday, oo uu laamo u soo bixiyey, oo uu caleemo cagaar ah u soo saaray.
Ezek SomKQA 17:7  Oo weliba waxaa kaloo jiray gorgor kale oo weyn, oo baadad waaweyn, oo baalashiisu ay badan yihiin, oo bal eeg, geedkan canabka ahu xididdadiisuu xaggiisa u soo leexiyey, oo laamihiisiina xaggiisuu u soo bixiyey si uu uga waraabiyo meel ka leexsan meeshii lagu dhex beeray.
Ezek SomKQA 17:8  Waxaa lagu beeray ciid wanaagsan oo biyo badan u dhow, si uu laamo u soo bixiyo, oo uu midho u dhalo, oo uu geedcanab wanaagsan u noqdo aawadeed.
Ezek SomKQA 17:9  Waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miyaa geedkaasu liibaani doonaa? Miyuusan xididdadiisa rujin doonin, oo uusan midhihiisa u googooyn doonin si uu u engego, oo caleemihiisa cagaarka ah oo dhammu ay u engegaan, in kastoo aan xoog weyn amase dad tiro badanu xididdadiisa rujin?
Ezek SomKQA 17:10  In kastoo la beeray miyuu liibaani doonaa? Oo miyuusan kulligiis engegi doonin markii dabaysha bari ay taabato? Meeshii lagu beeray wuu ka engegi doonaa.
Ezek SomKQA 17:11  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 17:12  Haddaba waxaad reerka caasiyoobay ku tidhaahdaa, War miyaydaan waxyaalahaas micnahooda garanayn? Waxaad ku tidhaahdaa, Bal eega, boqorkii Baabuloon Yeruusaalem buu yimid, oo wuxuu kaxaystay boqorkeedii iyo amiirradeediiba, oo Baabuloon buu u watay.
Ezek SomKQA 17:13  Oo boqorka farcankiisiina wuu watay, oo axdi buu la dhigtay, oo dhaar buu isagii marsaday, oo weliba wuxuu kaloo kaxaystay dalka raggiisii xoogga badnaa,
Ezek SomKQA 17:14  si ay boqortooyadu u sii hoosayso, oo ayan marnaba kor isu qaadin, laakiinse ay u sii taagnaato axdigiisa oo ay dhawrto aawadiis.
Ezek SomKQA 17:15  Laakiinse isagu wuu ku caasiyoobay markuu ergooyinkiisii Masar ugu diray si ay isaga u siiyaan fardo iyo dad faro badan. Miyuu liibaanayaa? Kii waxyaalahaas oo kale sameeyaa miyuu baxsan doonaa? Amase intuu axdiga jebiyo miyuu baxsan doonaa?
Ezek SomKQA 17:16  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah meesha uu deggan yahay boqorkii isaga boqorka ka dhigay, oo uu isagu dhaartiisii quudhsaday, oo uu weliba axdigiisii jebiyey, isaga qudhdiisa ayuu Baabuloon gudaheeda kula dhiman doonaa.
Ezek SomKQA 17:17  Oo Fircoon iyo ciidankiisa xoogga badan, iyo guuto badan toona isaga dagaalka kuma ay taageeri doonaan marka tuulmo la tuulo, oo qalcado la dhiso si dad badan loo baabbi'iyo.
Ezek SomKQA 17:18  Maxaa yeelay, isagu dhaartii wuu quudhsaday markuu axdigii jebiyey, oo intuu gacantiisa ku dhaartay ayuu haddana waxyaalahaas oo dhan sameeyey, oo sidaas aawadeed innaba ma uu baxsan doono.
Ezek SomKQA 17:19  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah dhaartaydii uu quudhsaday iyo axdigaygii uu jebiyey ayaan madaxiisa kaga abaalmarin doonaa.
Ezek SomKQA 17:20  Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa.
Ezek SomKQA 17:21  Oo kuwiisa qaxay ee guutooyinkiisa oo dhammuba seef bay ku le'an doonaan, oo inta ka hadhaana waxay u kala firdhi doonaan qalbadaha oo dhan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan aniga Rabbiga ahu waxan ku hadlay.
Ezek SomKQA 17:22  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan qaadan doonaa geedkedarka dheer laantiisa ugu sarraysa, oo meel baan ka taagi doonaa, oo waxaan gooyn doonaa mid curdan ah oo ka mid ah laamihiisa yaryar oo ugu korreeya, oo waxaan ku dul beeri doonaa buur dheer oo sare.
Ezek SomKQA 17:23  Buurta dheer oo dalka reer binu Israa'iil ayaan ku beeri doonaa, oo waxay soo bixin doontaa laamo, oo midhona way dhali doontaa, oo waxay noqon doontaa geedkedar wanaagsan, oo waxaa hoostiisa ku hoyan doona haad cayn kasta ah, oo waxay degganaan doonaan hooska laamihiisa.
Ezek SomKQA 17:24  Oo dhirta duurka ku taal oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan geedkii sare hoos u dejiyey, oo aan geedkii hoose kor u qaaday, iyo inaan geedkii qoyanaa qallajiyey, oo aan geedkii qallalnaa magooliyey. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas sameeyey.
Chapter 18
Ezek SomKQA 18:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 18:2  Maxaad ula jeeddaan markaad maahmaahdan dalka reer binu Israa'iil ugu maahmaahdaan, idinkoo leh, Aabbayaashu waxay cuneen canab dhanaan, oo carruurta ilkahoodiina way saliilyoodeen?
Ezek SomKQA 18:3  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaydaan mar dambe maahmaahdan dalka reer binu Israa'iil kaga dhex maahmaahi doonin.
Ezek SomKQA 18:4  Bal eega, nafaha oo dhan anigaa iska leh, oo sida nafta aabbuhu ay taydii u tahay ayaa tan wiilkuna ay taydii u tahay, haddaba naftii dembaabtaa way dhiman doontaa.
Ezek SomKQA 18:5  Laakiinse haddii nin xaq yahay oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo,
Ezek SomKQA 18:6  oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, ama uusan naagta deriskiisa nijaasayn, ama uusan naag xayl qabta u dhowaan,
Ezek SomKQA 18:7  oo uusan cidna dulmin, laakiinse uu kii wax ka deyntay rahaamaddiisii u celiyey, oo uusan waxba xoog ku boobin, oo uu cuntadiisiina mid gaajaysan siiyey, oo uu kii qaawanna dhar huwiyey,
Ezek SomKQA 18:8  ama uusan korsaar wax ku bixin, oo uusan ribo cidna ka qaadan, oo uu yahay mid gacantiisa xumaanta dib uga celiya, oo si caddaalad ah ugu garsooray nin iyo nin kale,
Ezek SomKQA 18:9  oo uu qaynuunnadayda ku socday, oo uu xukummadayda u xajiyey si uu wax qumman u sameeyo, kaasu waa xaq, oo hubaal wuu noolaan doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 18:10  Oo ninkaasu hadduu dhalo wiil tuug ah, oo gacankudhiigle ah, amase wax waxyaalahaas la mid ah sameeya,
Ezek SomKQA 18:11  oo uusan waxyaalaha waajibka ku ah samayn, laakiinse uu buuraha wax ku cunay, oo uu naagtii deriskiisana nijaaseeyey,
Ezek SomKQA 18:12  oo uu miskiinka iyo saboolka baahan dulmay, oo uu xoog wax ku boobay, oo uusan cidna rahaamad u celin, oo uu indhihiisana sanamyada kor ugu taagay, oo uu wax karaahiya ah sameeyey,
Ezek SomKQA 18:13  oo uu korsaar wax ku bixiyey, oo uu cid kale ribo ka qaatay, kaasu miyuu noolaanayaa? Isagu noolaan maayo, waayo, waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayuu sameeyey, hubaal wuu dhiman doonaa, oo dhiiggiisuna isaguu dul saarnaan doonaa.
Ezek SomKQA 18:14  Haddaba bal eeg, kaasu hadduu dhalo wiil dembigii aabbihiis sameeyey oo dhan arka, oo uu markaas cabsado, oo aan waxaas oo kale samayn,
Ezek SomKQA 18:15  oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, oo uusan naagta deriskiisa nijaasayn,
Ezek SomKQA 18:16  ama uusan cidnaba dulmin, oo uusan rahaamadda qaadan, oo uusan waxba xoog ku boobin, laakiinse uu cuntadiisa kii gaajaysan siiyey, oo kii qaawanna dhar huwiyey,
Ezek SomKQA 18:17  oo uu gacantiisana masaakiinta dib uga celiyey, oo uusan korsaar amase ribo cidna ka qaadan, oo uu xukummadayda sameeyey, oo uu qaynuunnadayda ku socday, kaasu xumaantii aabbihiis sameeyey aawadeed uma dhiman doono, hubaalse wuu noolaan doonaa.
Ezek SomKQA 18:18  Laakiinse aabbihiis xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, maxaa yeelay, isagu si nac weyn ayuu wax u dulmay, oo walaalkiisna xoog buu wax kaga boobay, oo dadkiisana wax aan wanaagsanayn buu ku dhex sameeyey.
Ezek SomKQA 18:19  Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Wiilku muxuu u qaadan waayaa xumaantii aabbihiis? Wiilku hadduu sameeyo waxa xaqa ah oo qumman, oo uu qaynuunnadayda oo dhan xajiyey, oo uu wada sameeyey, hubaal wuu noolaan doonaa.
Ezek SomKQA 18:20  Nafta dembaabtaa way dhiman doontaa. Wiilku ma uu qaadan doono xumaanta aabbaha, aabbuhuna ma uu qaadan doono xumaanta wiilka. Ka xaqa ah xaqnimadiisaa dul saarnaan doonta, oo ka sharka lehna sharnimadiisaa dul saarnaan doonta.
Ezek SomKQA 18:21  Laakiinse ka sharka lihi hadduu dembiyadiisii uu sameeyey oo dhan ka soo noqdo, oo uu qaynuunnadayda oo dhan wada xajiyo, oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo, hubaal kaasu wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.
Ezek SomKQA 18:22  Oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan midna looma soo xusuusan doono. Wuxuu ku noolaan doonaa xaqnimadiisii uu sameeyey.
Ezek SomKQA 18:23  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu miyaan innaba sharrowga dhimashadiisa ku farxaa? Sowse kama aan jecli inuu jidkiisa ka soo noqdo oo uu noolaado?
Ezek SomKQA 18:24  Laakiinse ka xaqa ahu hadduu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu wada sameeyo waxyaalaha karaahiyada ah ee uu sharrowgu sameeyo oo dhan, markaas miyuu sii noolaan doonaa? Waxyaalihii xaqa ahaa ee uu sameeyey oo dhan innaba lama soo xusuusan doono, oo wuxuu ku dhex dhiman doonaa xadgudubkiisii uu xadgudbay, iyo dembigiisii uu dembaabay.
Ezek SomKQA 18:25  Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana, haddaba reer binu Israa'iilow, bal i maqla. Sow jidkaygu ma qummana? Sow jidadkiinnu ma aha kuwa aan qummanaynu?
Ezek SomKQA 18:26  Marka ka xaqa ahu uu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu taas ku dhinto, wuxuu ku dhiman doonaa xumaantii uu sameeyey.
Ezek SomKQA 18:27  Haddaba sharrowgu markuu sharnimadiisii uu sameeyey ka soo noqdo, oo uu waxa xaqa ah ee qumman sameeyo, markaasuu naftiisa badbaadin doonaa.
Ezek SomKQA 18:28  Isagu wuu fiirsadaa, oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan wuu ka soo noqdaa, oo sidaas aawadeed hubaal wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.
Ezek SomKQA 18:29  Laakiinse reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana. Reer binu Israa'iilow, sow jidadkaygu ma qummana? Sow jidadkiinnu ma aha kuwa aan qummanaynu?
Ezek SomKQA 18:30  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu midkiin kastaba waxaan u xukumi doonaa siday jidadkiisu ahaayeen. Haddaba soo noqda, oo xadgudubyadiinnii oo dhan ka soo noqda, si ayan xumaantu halligaaddiinnii u noqon.
Ezek SomKQA 18:31  Xadgudubyadiinnii aad xadgudubteen oo dhan iska xoora, oo waxaad yeelataan qalbi cusub iyo ruux cusub, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?
Ezek SomKQA 18:32  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu innaba kii dhinta dhimashadiisa kuma farxo, haddaba soo noqda oo noolaada.
Chapter 19
Ezek SomKQA 19:1  Oo weliba waxaad u baroorataa amiirrada reer binu Israa'iil,
Ezek SomKQA 19:2  oo waxaad tidhaahdaa, Hooyadaa maxay ahayd? Gool bay ahayd! oo libaaxyay dhex jiiftay, oo waxay dhasheedii ku dhex korisay libaaxyo yaryar.
Ezek SomKQA 19:3  Oo dhasheedii midkood ayay korisay, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.
Ezek SomKQA 19:4  Quruumihii baa warkiisii maqlay, oo waxaa isagii lagu qabtay godkoodii, oo dalkii Masar bay qabatooyin ku keeneen.
Ezek SomKQA 19:5  Haddaba iyadu markay isagii wax badan sugtay oo ay ka rajo beeshay waxay qaadatay mid kale oo dhasheedii ah, oo waxay ka dhigtay libaax aaran ah.
Ezek SomKQA 19:6  Oo isaguna libaaxyaduu dhex socday, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay.
Ezek SomKQA 19:7  Qalcadahoodii buu yiqiin, oo magaalooyinkoodiina cidla buu ka dhigay, oo dalkii iyo wixii dhexdiisa ka buuxayba baabba' bay noqdeen, waana codka cidiisa aawadiis.
Ezek SomKQA 19:8  Markaasaa quruumihii dhinac kasta kaga keceen oo gobolladii oo dhan ka soo hujuumeen, oo shabaggoodii bay ku kor kala bixiyeen, oo godkoodaa lagu qabtay.
Ezek SomKQA 19:9  Oo intay qabatooyin ku qabteen ayay khafas ku rideen, oo boqorkii Baabuloon bay u keeneen, oo waxay ku rideen qalcado xoog badan si aan codkiisa mar dambe buuraha reer binu Israa'iil looga maqlin.
Ezek SomKQA 19:10  Hooyadaa waxay ahayd sidii geed canab ah oo dhiiggaaga ku dhex jira oo biyo lagu ag beeray. Biyaha badan daraaddood ayay wax midho badan iyo laamo miidhan ah u noqotay.
Ezek SomKQA 19:11  Oo waxay lahayd laamo adadag oo ulo u ah kuwa xukunka hayay, oo sarajooggeeduna wuxuu ka sii sara maray geedaha laamahooda waaweyn, oo dhererkeedu wuxuu la muuqday laameheeda badan aawadood.
Ezek SomKQA 19:12  Laakiinse iyadii cadhaa lagu rujiyey, oo dhulkaa lagu soo xooray, oo dabayshii bari ayaa midheheedii qallajisay, laameheedii adadkaana way jajabeen oo engegeen, oo dab baa iyagii baabbi'iyey.
Ezek SomKQA 19:13  Oo haddana waxaa iyadii lagu dhex beeray cidlada, taasoo ah dhul engegan oo oommanaa.
Ezek SomKQA 19:14  Oo dab baa laameheedii ka soo dhex baxay, oo midhaheedii dhammeeyey, oo sidaas aawadeed iyadu ma leh laan adag oo ul wax lagu xukumo noqon karta. Tanu waa baroorasho, oo baroorashay u noqon doontaa.
Chapter 20
Ezek SomKQA 20:1  Oo sannaddii toddobaad, bisheedii shanaad, maalinteedii tobnaad ayaa odayaashii reer binu Israa'iil qaarkood u yimaadeen inay Rabbiga wax weyddiistaan, oo hortayday fadhiisteen.
Ezek SomKQA 20:2  Haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 20:3  Wiilka Aadamow, odayaasha reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ma waxaad u timaadeen inaad wax i weyddiisataan? Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaanan waxaad i weyddiisataan maqlayn.
Ezek SomKQA 20:4  Wiilka Aadamow, ma doonaysaa inaad iyaga xukuntid? Ma doonaysaa inaad iyaga xukuntid? Bal iyaga waxyaalihii karaahiyada ahaa ee awowayaashood ogeysii,
Ezek SomKQA 20:5  oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waagii aan reer binu Israa'iil doortay, oo aan gacantayda kor ugu qaaday oo aan u dhaartay farcanka reer Yacquub, oo aan iyaga dalkii Masar dhexdiisa isku baray, oo aan ugu dhaartay anigoo ku leh, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah,
Ezek SomKQA 20:6  waagaas gacantaydaan kor ugu qaaday oo aan iyaga u dhaartay inaan dalkii Masar ka soo bixiyo oo aan soo geliyo dal aan iyaga u soo ilaaleeyey oo caano iyo malab la barwaaqaysan, kaasoo ah ammaantii dalalka oo dhan,
Ezek SomKQA 20:7  oo waxaan iyaga ku idhi, Ninkiin kastaaba waxyaalaha karaahiyada ah ee indhihiisa ha iska xooro, oo sanamyada Masar ha isku nijaasaynina. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
Ezek SomKQA 20:8  Laakiinse way igu caasiyoobeen, oo inay i maqlaan ayay diideen. Ninkoodna waxyaalihii karaahiyada ahaa ee indhihiisa iskama xoorin, oo sanamyadii Masarna kama ay tegin. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan iyaga dalka Masar dhexdiisa xanaaqayga ugu dhammaystiro.
Ezek SomKQA 20:9  Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan iyaga isbaray, markaan dalkii Masar ka soo bixiyey.
Ezek SomKQA 20:10  Sidaas daraaddeed ayaan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey oo cidlada keenay.
Ezek SomKQA 20:11  Oo waxaan iyaga siiyey qaynuunnadaydii, xukummadaydiina waan tusay, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo.
Ezek SomKQA 20:12  Oo weliba waxaan siiyey sabtiyadayda inay ahaadaan calaamad aniga iyo iyaga noo dhexaysa, si ay u ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.
Ezek SomKQA 20:13  Laakiinse reer binu Israa'iil way igu caasiyoobeen intii ay cidlada dhex joogeen. Qaynuunnadaydii kuma ay socon, oo xukummadaydiina way diideen, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina si weyn bay nijaas ka dhigeen. Markaasaan idhi, Anigu waxaan korkooda ku shubi doonaa cadhadayda inta ay cidlada dhex joogaan si aan u baabbi'iyo.
Ezek SomKQA 20:14  Laakiinse magacayga daraaddiis ayaan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumihii ay dhex joogeen hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.
Ezek SomKQA 20:15  Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaaray cidlada dhexdeedii inaanan geeynayn dalkii aan siiyey oo caanaha iyo malabka la barwaaqaysan oo ah ammaantii dalalka oo dhan,
Ezek SomKQA 20:16  maxaa yeelay, xukummadaydii way diideen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon oo sabtiyadaydii nijaas bay ka dhigeen, waayo, qalbigoodii wuxuu raacay sanamyadoodii.
Ezek SomKQA 20:17  Habase ahaatee ishaydii way u tudhay si aanan iyaga u baabbi'in, oo cidladiina kuma aanan dhex dhammayn.
Ezek SomKQA 20:18  Oo waxaan carruurtoodii ku idhi intii ay cidladii dhex joogeen, Qaynuunnada aabbayaashiin ha ku soconina, oo xukummadoodana ha dhawrina, oo sanamyadoodana ha isku nijaasaynina.
Ezek SomKQA 20:19  Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Qaynuunnadayda ku socda, oo xukummadayda xajiya oo sameeya,
Ezek SomKQA 20:20  oo sabtiyadayda quduus ka dhiga, oo iyana waxay ahaan doonaan calaamad aniga iyo idinka inoo dhexaysa, si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.
Ezek SomKQA 20:21  Laakiinse carruurtiina way igu caasiyoobeen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon, xukummadaydiina inay sameeyaan ma xajin, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan xanaaqayga iyaga ugu dhammaystiro cidlada dhexdeeda.
Ezek SomKQA 20:22  Habase ahaatee gacantaydii waan ka soo celiyey, oo magacayga daraaddiis baan u shaqeeyey, si uusan ugu nijaasoobin quruumaha hortooda, waayo, iyagoo u jeeda ayaan soo bixiyey.
Ezek SomKQA 20:23  Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaartay cidlada dhexdeedii inaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku dhex firdhin doono,
Ezek SomKQA 20:24  maxaa yeelay, xukummadaydii ma ay samayn, laakiinse qaynuunnadaydii way diideen, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen, oo indhahooduna waxay raaceen sanamyadii awowayaashood.
Ezek SomKQA 20:25  Oo weliba iyagaan siiyey qaynuunno aan wanaagsanayn, iyo xukummo ayan ku noolaan karayn,
Ezek SomKQA 20:26  oo waxaan iyagii ku nijaaseeyey hadiyadahoodii, maxaa yeelay, dab bay u dhex marsiiyeen wixii maxal fura oo dhan, si aan iyaga cidla uga dhigo, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 20:27  Sidaas aawadeed Wiilka Aadamow, waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba taasay awowayaashiin igu caayeen, wayna igu xadgudbeen.
Ezek SomKQA 20:28  Waayo, markaan dalka keenay, kaasoo aan gacanta ugu qaaday oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siin doono ayay arkeen kur kasta oo dheer iyo geed kasta oo weyn, oo waxay halkaas ku bixiyeen allabaryadoodii, oo qurbaankoodii iga cadhaysiiyey ayay halkaas ku soo bixiyeen, oo weliba halkaasay caraftoodii udgoonayd ku sameeyeen, oo halkaasay qurbaannadoodii cabniinka ku daadiyeen.
Ezek SomKQA 20:29  Markaasaan ku idhi, Meesha sare oo aad tagtaan maxay tahay? Ilaa maantadan la joogo waxaa magaceeda la yidhaahdaa Baamaah.
Ezek SomKQA 20:30  Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ma waxaad isu nijaasaysaan sidii awowayaashiin isu nijaaseeyeen oo kale? Oo ma waxaad ka daba gashaan waxyaalahooda karaahiyada ah sida naag ninkeed ka dhillowda oo kale?
Ezek SomKQA 20:31  Oo markaad hadiyadihiinna bixisaan, oo aad wiilashiinna dabka dhex marsiisaan ma waxaad isku nijaasaysaan sanamyadiinna oo dhan ilaa maantadan la joogo? Haddaba reer binu Israa'iilow, miyaan maqlaa waxaad i weyddiisanaysaan? Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Maqli maayo waxaad i weyddiisataan.
Ezek SomKQA 20:32  Oo waxa maankiinna soo galaana innaba ma ay ahaan doonaan, waayo, waxaad isku tidhaahdaan, Annagu waxaannu noqon doonnaa sida quruumaha kale, iyo sida qolooyinka waddammada deggan oo kale si aannu qoryo iyo dhagax ugu adeegno.
Ezek SomKQA 20:33  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, hubaal boqor baan idiinku ahaan doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay,
Ezek SomKQA 20:34  oo dadyowga waan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadii aad ku kala dhex firidheen waxaan idinkaga soo ururin doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay.
Ezek SomKQA 20:35  Oo waxaan idiin keeni doonaa cidlada dadyowga, oo halkaasaan fool ka fool idinkula xaajoon doonaa.
Ezek SomKQA 20:36  Sidii aan awowayaashiin cidladii dalka Masar ugula xaajooday oo kale ayaan idinkana idiinla xaajoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 20:37  Oo waxaan idin soo marin doonaa usha hoosteeda, oo axdigaan idinku xidhi doonaa.
Ezek SomKQA 20:38  Markaasaan idinka dhex sooci doonaa caasiyiinta iyo kuwa igu xadgudba. Waxaan iyaga ka soo bixin doonaa dalka ay qariib ahaanta u joogaan, laakiinse dalka reer binu Israa'iil sooma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 20:39  Reer binu Israa'iilow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddeydnan i dhegaysanayn, taga, oo haddan iyo hadda dabadeedba midkiin kastaaba sanamyadiisa ha u adeego, laakiinse waa inaydaan magacayga quduuska ah mar dambe nijaas kaga dhigin hadiyadihiinna iyo sanamyadiinna.
Ezek SomKQA 20:40  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil oo dhan kulligoodba dalka dhexdiisa ayay iigu adeegi doonaan buurtayda quduuska ah taasoo ah buurta dheer ee dalka reer binu Israa'iil, oo halkaasaan iyaga ku aqbali doonaa. Oo halkaasaan qurbaannadiinna iyo inta ugu horraysa ee hadiyadihiinna, iyo waxyaalihiinna quduuska ah oo dhanba idinku weyddiisan doonaa.
Ezek SomKQA 20:41  Oo sida caraf udgoon baan idiin aqbali doonaa markaan dadyowga idinka soo dhex bixiyo oo aan waddammadii aad ku kala dhex firidheen idinka soo ururiyo, oo dhexdiinnaan quduus ku ahaan doonaa quruumaha hortooda.
Ezek SomKQA 20:42  Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan idin dhex keeno dalka reer binu Israa'iil, kaasoo ah dalkii aan gacanta ugu qaaday awowayaashiin oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siinayo.
Ezek SomKQA 20:43  Oo halkaasaad jidadkiinnii iyo falimihiinnii aad isku nijaasayseenba ku soo xusuusan doontaan, oo waxyaalihiinnii sharka ahaa ee aad samayseen oo dhan ayaad isu nici doontaan.
Ezek SomKQA 20:44  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, iyadoo aan ahayn sidii jidadkiinnii sharka ahaa ay ahaayeen, amase sidii falimihiinnii qudhunka ahaa ay ahaayeen, markaan magacayga aawadiis idiinku shaqeeyo ayaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 20:45  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 20:46  Wiilka Aadamow, wejigaaga xagga koonfureed u sii jeedi, oo hadal xagga koonfureed ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa kaynta duurka xagga koonfureed ku taal;
Ezek SomKQA 20:47  oo waxaad kaynta koonfureed ku tidhaahdaa, Rabbiga eraygiisa maqal: Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, dab baan kugu dhex shidi doonaa, oo wuxuu wada baabbi'in doonaa geed kasta oo qoyan oo dhexdaada ku yaal iyo geed kasta oo qallalanba. Ololka ololayana lama demin doono, oo weji kasta oo tan iyo xagga koonfureed iyo ilaa xagga woqooyi joogaana isaguu ku guban doonaa.
Ezek SomKQA 20:48  Oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada arki doonaan in aniga Rabbiga ahu aan dabkaas shiday, oo innaba lama demin doono.
Ezek SomKQA 20:49  Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waxay iga yidhaahdaan, Sow isagu masaalooyin kuma hadlin?
Chapter 21
Ezek SomKQA 21:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 21:2  Wiilka Aadamow, wejigaaga xagga Yeruusaalem u sii jeedi, oo hadal xagga meelaha quduuska ah ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa dalka reer binu Israa'iil.
Ezek SomKQA 21:3  Oo waxaad dalka reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo intaan seeftayda galkeeda ka soo bixiyo ayaan kan xaqa ah iyo sharrowgaba kaa baabbi'in doonaa.
Ezek SomKQA 21:4  Seeftaydu intay galkeeda ka soo baxdo ayay wada baabbi'in doontaa binu-aadmiga oo dhan tan iyo koonfur iyo ilaa woqooyi inta ka dhex leh, maxaa yeelay, anigu waxaan markaas kaa baabbi'in doonaa kan xaqa ah iyo sharrowgaba.
Ezek SomKQA 21:5  Oo binu-aadmiga oo dhammuba waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan seeftaydii galkeedii ka soo bixiyey, oo mar dambena dib uma ay noqon doonto.
Ezek SomKQA 21:6  Haddaba Wiilka Aadamow, taah. Qalbijab iyo si qadhaadh hortooda ugu taah.
Ezek SomKQA 21:7  Oo markay kugu yidhaahdaan, War maxaad la taahaysaa? waxaad ugu jawaabtaa, Waxaan la taahayaa warka soo socda aawadiis. Qalbi kastaaba waa dhalaali doonaa, oo gacan kastaaba way taag gabi doontaa, oo naf kastaaba way qalbi jabi doontaa, oo qof kasta jilbihiisu sida biyo oo kale ayay u tabaryaraan doonaan. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, way soo socotaa, wayna ahaanaysaa.
Ezek SomKQA 21:8  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 21:9  Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la afeeyey, oo weliba waa la safeeyey.
Ezek SomKQA 21:10  Waxaa loo afeeyey inay aad wax u layso, oo waxaa loo safeeyey inay sida hillaac u dhalaasho. Haddaba miyaynu rayraynaa? Usha wiilkaygu waxay quudhsataa geed kasta.
Ezek SomKQA 21:11  Oo seefta waxaa loo dhiibay in la safeeyo si wax loogu isticmaalo. Seefta waxaa loo soo afeeyey oo loo soo safeeyey in gacanta loo geliyo kan wax laaya.
Ezek SomKQA 21:12  Wiilka Aadamow, qayli oo barooro, waayo, waxay ku kor dhici doontaa dadkayga, oo waxay ku kor dhici doontaa amiirrada reer binu Israa'iil oo dhan. Iyaga iyo dadkaygaba seeftaa loo dhiibay. Haddaba sidaas aawadeed bowdadaada u dharbaax.
Ezek SomKQA 21:13  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa jira tijaabin, oo maxaa jiri doona xataa hadday usha wax quudhsata aanay mar dambe sii jiri doonin?
Ezek SomKQA 21:14  Haddaba sidaas daraaddeed, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo sacabbada isku dhufo. Seeftu saddex jeer ha dhacdo, taasoo ah seefta wax lagu laayo, oo kan weyn laysa oo gelaysa xataa qolladahooda.
Ezek SomKQA 21:15  Seefta ayaan irdahooda oo dhan ku cabsiiyey, si uu qalbigoodu u dhalaalo, oo ay kufiddoodu u sii badato. Sida hillaac baa loo dhalaashay oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed!
Ezek SomKQA 21:16  Dadka ururi, xagga midigta u jeeso, dagaal isu diyaari, xagga bidixdana u jeeso, wejigaaga dhinac kasta u jeedi.
Ezek SomKQA 21:17  Aniguna sacabbadaydaan isku dhufan doonaa, waanan cadhabeeli doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
Ezek SomKQA 21:18  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 21:19  Weliba Wiilka Aadamow, waxaad taswiir ku tilmaantaa laba jid oo ay seefta boqorka Baabuloon ku iman karto, oo labadooduba waa inay isku dal ka soo baxaan. Meel ku calaamadee, oo waxaad u yeeshaa calaamad ku taal madaxa jidka magaalada soo gala.
Ezek SomKQA 21:20  Waxaad taswiirtaa jid ay seeftu ugu iman karto Rabbaahda reer Cammoon iyo Yeruusaalemta dhufayska leh oo dalka Yahuudah ku dhex taal.
Ezek SomKQA 21:21  Waayo, boqorkii Baabuloon wuxuu soo istaagay meesha jidadku ku kala leexdaan oo ah labada jid madaxooda inuu faaliyo aawadeed. Fallaadhihiisii wuu ku faaliyey, oo teraafiim ayuu la tashaday, oo beer buu fiiriyey.
Ezek SomKQA 21:22  Midigtiisa waxaa yiil faalkii Yeruusaalem loo faaliyey, inuu wax lagu jejebiyo dhisto, oo uu afka laynta u furo, oo uu qaylo aad ugu dhawaaqo, oo uu wax lagu jejebiyo irdaha ka hor samaysto, oo uu tuulmo tuulo, oo uu qalcado dhisto.
Ezek SomKQA 21:23  Oo kuwa dhaarta ku dhaartay waxay hortooda ku noqon doontaa sida faal aan waxtar lahayn oo kale, laakiinse isagu xumaantuu soo xusuusan doonaa, si iyaga lagu qabto aawadeed.
Ezek SomKQA 21:24  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku xumaantiinnii waxaad ka dhigteen in la soo xusuusto, oo saasaa xadgudubyadiinnii loo soo ban dhigay, oo sidaasaa dembiyadiinnu falimihiinna oo dhan uga muuqdaan, maxaa yeelay, waa laydin soo xusuustay, oo sidaas daraaddeed gacantaa laydinku qaban doonaa.
Ezek SomKQA 21:25  Oo amiirka reer binu Israa'iil oo nijaasta iyo sharka ah, oo wakhtigiisu hadda yimid marka la ciqaabayow,
Ezek SomKQA 21:26  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu kugu leeyahay, Duubka iska fur, oo taajka iska qaad. Xaalku sidiisii sii ahaan maayo. Kan hooseeya sarraysii, oo kan sarreeya hoosaysii.
Ezek SomKQA 21:27  Anigu waan afgembiyi, oo afgembiyi, oo afgembiyi doonaa iyada, oo mar dambena siima ay ahaan doonto, ilaa uu yimaado kan xaqa u lahu, oo isaga ayaan siin doonaa.
Ezek SomKQA 21:28  Haddaba Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu reer Cammoon iyo caydoodaba ka leeyahay. Adigu waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la soo siibay, oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed, inay sida hillaac u dhalaasho oo ay wax baabbi'iso,
Ezek SomKQA 21:29  inta ay wax aan waxba ahayn kuu arkayaan, oo ay wax been ah kugu faaliyaan, si ay kuugu soo kor daadshaan kuwii la laayay oo sharka ahaa, oo wakhtigoodii yimid markii la ciqaabo.
Ezek SomKQA 21:30  Galkeedii ha ku noqoto. Anigu waxaan kugu xukumi doonaa meeshii lagugu abuuray iyo dalkii aad ku dhalatay.
Ezek SomKQA 21:31  Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.
Ezek SomKQA 21:32  Xaabo baad dabka u noqon doontaa, oo dhiiggaaguna dalkuu dhex oolli doonaa, oo mar dambe laguma soo xusuusan doono, waayo, aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
Chapter 22
Ezek SomKQA 22:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 22:2  Haddaba Wiilka Aadamow, adigu ma doonaysaa inaad xukunto, ma doonaysaa inaad magaalada dhiigga qabta xukunto? Haddaba waa inaad iyada waxyaalaheeda karaahiyada ah oo dhan ogeysiisid.
Ezek SomKQA 22:3  Oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad tahay magaalo dhexdeeda dhiig ku daadisa si uu wakhtigeedu u yimaado, oo sanamyo iyada u daran samaysa inay isku nijaasayso.
Ezek SomKQA 22:4  Waxaad ku eedowday dhiiggii aad daadisay, oo waxaad ku nijaasowday sanamyadaadii aad samaysatay, oo wakhtigaagiina waad ka yeeshay inuu soo dhowaado, oo weliba cimrigaagiina wuu buuxsamay, oo sidaas daraaddeed cay baan quruumaha kaaga dhigay, oo majaajilo baan waddammada oo dhan kaaga dhigay.
Ezek SomKQA 22:5  Taada magaceedu ba'ay ee rabshadu ka buuxdaay, kuwa kuu dhow iyo kuwa kaa foguba way kugu majaajiloon doonaan.
Ezek SomKQA 22:6  Bal eeg, amiirrada reer binu Israa'iil ee ku dhex jooga midkood kastaaba wuxuu sidii xooggiisu ahaa ku talajiray inuu dhiig daadiyo.
Ezek SomKQA 22:7  Dhexdaaday aabbe iyo hooyo ku fududaysteen, oo dhexdaaday shisheeyaha ku dulmeen, oo dhexdaaday agoonta iyo carmalka ku dhibeen.
Ezek SomKQA 22:8  Waxyaalahaygii quduuska ahaa waad quudhsatay, oo sabtiyadaydiina nijaas baad ka dhigtay.
Ezek SomKQA 22:9  Waxaa dhexdaada jooga niman xanta qaada si ay dhiig u daadiyaan, oo dhexdaada ayay buuraha wax ku cunaan, oo dhexdaada ayay shar ku sameeyaan.
Ezek SomKQA 22:10  Dhexdaada ayay cawradii aabbahood ku soo bannaan dhigaan, oo dhexdaada ayay tan xaylka qabta ku ceebeeyaan.
Ezek SomKQA 22:11  Midba wuxuu karaahiyo la sameeyaa naagtii deriskiisa, oo mid kalena wuxuu si shar ah u nijaaseeyaa gabadha uu soddogga u yahay, oo mid kalena wuxuu dhexdaada ku kufsadaa walaashiis oo ah gabadhii aabbihiis.
Ezek SomKQA 22:12  Dhexdaada ayay laaluush ku qaataan si ay dhiig u daadiyaan aawadeed, oo waxaad qaadataa korsaar iyo ribo, oo si hunguri weyn iyo dulmi ah ayaad uga faa'iidaysataa deriskaaga, oo aniga waad i illowday, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 22:13  Haddaba bal eeg, anigu gacmahaygaan isugu dhuftaa faa'iidadaadii aad daacadla'aanta ku heshay, iyo dhiiggii lagugu dhex daadiyey.
Ezek SomKQA 22:14  Wakhtiga aan kula macaamiloon doono miyaa qalbigaagu u adkaysan karaa, miyaase gacmahaagu xoog u yeelan karaan? Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas samayn doona.
Ezek SomKQA 22:15  Oo quruumahaan kugu dhex eryi doonaa, oo waddammadaan kugu dhex firdhin doonaa, wasakhdaadana dhexdaada waan ka baabbi'in doonaa.
Ezek SomKQA 22:16  Oo waad isku nijaasoobi doontaa iyadoo ay quruumahu indhaha ku hayaan, oo waxaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 22:17  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 22:18  Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil wasakh bay ii noqdeen, oo kulligood waa naxaas iyo qasacad iyo bir iyo laxaamad foornada ku dhex jira, oo xataa waa wasakhda lacagta.
Ezek SomKQA 22:19  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku soo ururin doonaa Yeruusaalem gudaheeda, maxaa yeelay, kulligiin wasakh baad noqoteen.
Ezek SomKQA 22:20  Sida lacag, iyo naxaas, iyo bir, iyo laxaamad, iyo qasacad loo soo ururiyo, oo foornada loogu dhex rido in dabka lagu afuufo si loo dhalaaliyo aawadeed, sidaas oo kalaan idinku soo wada ururin doonaa xanaaqayga iyo cadhadayda, oo halkaasaan idinku ridi doonaa oo aan idinku dhalaalin doonaa.
Ezek SomKQA 22:21  Hubaal waan idin soo ururin doonaa oo waxaan idinku soo afuufi doonaa dabka cadhadayda, oo idinkuna dhexdiisaad ku dhalaali doontaan.
Ezek SomKQA 22:22  Sida lacagta foornada dhexdeeda loogu dhalaaliyo ayaad dhexdeeda ugu wada dhalaali doontaan, oo waxaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan cadhadaydii idinku kor shubay.
Ezek SomKQA 22:23  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 22:24  Wiilka Aadamow, waxaad Yeruusaalem ku tidhaahdaa, Waxaad tahay dal aan la nadiifin oo aan maalinta dhirifka roob lagu soo kor dayn.
Ezek SomKQA 22:25  Shirqool bay nebiyadeedu dhexdeeda ku sameeyeen, sidii libaax ciyaya oo xoog wax ku qabsada. Nafo dad ayay baabbi'iyeen, oo waxay iska qaataan khasnad iyo waxyaalo qaali ah, oo waxay u yeeleen carmallo badan oo dhexdeeda jooga.
Ezek SomKQA 22:26  Oo wadaaddadeediina sharcigaygii si xun bay u dhaafeen, oo waxay nijaaseeyeen waxyaalahaygii quduuska ahaa. Innaba ma ay kala duwin wixii quduuska ahaa iyo wixii nijaasta ahaa, oo innaba dadka ma ay barin inay kala gartaan wixii nadiifta ahaa iyo wixii aan nadiifta ahayn, oo indhahoodana waxay ka qariyeen sabtiyadaydii, oo anigana dhexdoodaa wax nijaas ah laygaga dhigay.
Ezek SomKQA 22:27  Amiirradeeda dhex joogaa waa sida yeey xoog wax ku qabsata oo kale inay dhiig daadiyaan, iyo inay nafo dad halligaan, si ay faa'iido daacadla'aan ugu helaan aawadeed.
Ezek SomKQA 22:28  Oo nebiyadeeduna waxay ku malaaseen dhoobo aan nuurad lahayn, oo iyagoo aan Rabbigu la hadlin ayay yidhaahdaan, Sayidka Rabbiga ah ayaa saas leh, illowse waxay arkeen wax aan waxba ahayn, oo wax been ah bay iyaga ugu faaliyeen.
Ezek SomKQA 22:29  Dadkii dalku waxay ku isticmaaleen dulmi, oo wax bay dheceen, oo masaakiintii iyo saboolkii baahnaa aad bay u dhibeen, oo xataa shisheeyihii si xun bay u dulmeen.
Ezek SomKQA 22:30  Oo anigu waxaan dhexdooda ka doondoonay nin heeraarka kor u dhisa oo hortayda ku soo istaaga meesha dunsan dalka aawadiis, si aanan u baabbi'in, laakiinse midna ma aan helin.
Ezek SomKQA 22:31  Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaal mariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Chapter 23
Ezek SomKQA 23:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 23:2  Wiilka Aadamow, waxaa jiray laba naagood oo isku hooyo ah.
Ezek SomKQA 23:3  Oo dhillanimo bay Masar ku sameeyeen, oo intii ay yaryaraayeen ayay dhilloobeen. Halkaasna naasahoodii waa lagu tuujiyey, oo halkaasaa ibihii naasaha ee bikradnimadooda lagu nabareeyey.
Ezek SomKQA 23:4  Oo labadooda tan weyn waxaa la odhan jiray Aaholaah, oo walaasheed magaceeduna wuxuu ahaa Aaholiibaah, oo kuwaygay noqdeen, oo waxay dhaleen wiilal iyo gabdho. Haddaba magacyadoodu waa sidan, Aaholaah waa Samaariya, oo Aaholiibaahna waa Yeruusaalem.
Ezek SomKQA 23:5  Aaholaah waxay dhillaysatay iyadoo taydii ah, oo waxay caashaqday kuwii iyada jeclaa ee reer Ashuur oo deriska la ahaa,
Ezek SomKQA 23:6  kuwaas oo dhar buluug ah xidhnaa, oo ahaa saraakiil iyo taliyayaal, oo kulligood dhallinyaro suurad wacan ahaa, oo ahaa fardooley fardo fuushan.
Ezek SomKQA 23:7  Oo iyadu kulligood bay ka dhillaysatay, kuwaasoo kulligood ahaa raggii Ashuur ee ugu wacanaa, oo ku alla kii ay caashaqday iyo sanamyadoodii oo dhanba way isugu nijaasaysay.
Ezek SomKQA 23:8  Oo iyadu innaba kama ay tegin dhillanimadeedii tan iyo markay Masar joogtay, waayo, iyadoo yar ayay la seexdeen, oo ibihii naasaha ee bikradnimadeeda way nabareeyeen, oo dhillanimadoodii ayay iyada ku kor shubeen.
Ezek SomKQA 23:9  Oo sidaas daraaddeed waxaan u gacangeliyey kuwii iyada jeclaan jiray ee reer Ashuur oo ay caashaqday.
Ezek SomKQA 23:10  Kuwaasu cawradeedii bay soo ban dhigeen, oo waxay qaateen wiilasheedii iyo gabdhaheedii, iyadiina seef bay ku dileen, oo magaceediina magac xun buu dumarka dhexdiisa ku noqday, waayo, xukummo baa lagu soo dejiyey.
Ezek SomKQA 23:11  Oo walaasheed Aaholiibaahna waxaas way aragtay, laakiinse iyadu way kaga sii darnayd caashaqeedii, oo xagga dhillanimadana way ka sii darnayd dhillanimada walaasheed.
Ezek SomKQA 23:12  Waxay caashaqday kuwii reer Ashuur ee deriska la ahaa, oo ahaa saraakiil iyo taliyayaal si qurux badan u xidhan, oo ahaa fardooley fardo fuushan, oo kulligood wada ahaa dhallinyaro suurad wacan.
Ezek SomKQA 23:13  Oo anigu waxaan arkay inay nijaasowday, oo ay labadoodiiba isku jid qaadeen.
Ezek SomKQA 23:14  Dhillanimadeediina way sii kordhisay, waayo, waxay aragtay niman derbiga ku taswiiran, oo ahaa taswiirihii reer Kaldayiin oo asal guduudan lagu taswiiray,
Ezek SomKQA 23:15  oo dhexda dhex-xidhyo ugu xidhan yihiin, oo madaxana duubab la sibaaqeeyey ugu xidhan yihiin, oo kulligood la wada moodo amiirro u eg reer Baabuloon dalkoodu Kalday yahay.
Ezek SomKQA 23:16  Oo isla markii ay aragtay ayay caashaqday, oo farriinqaadayaal dalkii Kalday bay ugu dirtay.
Ezek SomKQA 23:17  Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day.
Ezek SomKQA 23:18  Sidaasay dhillanimadeedii u soo ban dhigtay oo cawradeedii daahay ka qaadday, markaasaa nafsaddaydii iyada uga go'day sidii ay nafsaddaydu walaasheed uga go'day oo kale.
Ezek SomKQA 23:19  Laakiinse waxay sii badisay dhillanimadeedii iyadoo wakhtigii yaraanteeda soo xusuusanaysa markay dalkii Masar ku dhillowday.
Ezek SomKQA 23:20  Waxay caashaqday dhillayadeeda uu jiidhkoodu yahay sida jiidhka dameerrada, oo ay shahwaddooduna tahay sida shahwadda fardaha oo kale.
Ezek SomKQA 23:21  Oo sidaas ayaad u soo xusuusatay sharkii yaraantaada markay Masriyiintu ibihii naasahaaga ee yaraantaada nabarayn jireen.
Ezek SomKQA 23:22  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aaholiibaahay, bal ogow, kuwii ku caashaqi jiray ayaan kugu soo kicin doonaa, kuwaasoo ay naftaadu ka go'day, oo iyagaan dhinac kasta kaaga soo dayn doonaa,
Ezek SomKQA 23:23  kuwaasoo ah reer Baabuloon, iyo reer Kaldayiin oo dhan, iyo Feqood, iyo Shooca, iyo Qooca, iyo reer Ashuur oo dhan oo iyaga la jira, oo kulligood ah rag dhallinyaro ah oo suurad wacan oo ah saraakiil iyo taliyayaal, iyo amiirro, iyo rag caan ah, oo kulligood fardo fuushan.
Ezek SomKQA 23:24  Oo waxay kugula soo duuli doonaan hub iyo gaadhifardood iyo giraangiro iyo guuto dad, oo hareerahaaga oo dhan ayay kaaga soo kici doonaan iyagoo wata gaashaan weyn, iyo gaashaan yar, iyo koofiyad bir ah, oo waxaan iyaga u dhiibi doonaa xukun, oo waxay kuu xukumi doonaan sida ay xukummadoodu yihiin.
Ezek SomKQA 23:25  Oo waxaan kugu soo dayn doonaa xanaaqayga masayrka ah, oo iyaguna cadho bay kugula macaamiloon doonaan. Waxay kaa gooyn doonaan sanka iyo dhegaha, oo intii kaa hadhaana seef bay ku dhici doontaa. Waxayna kaxaysan doonaan wiilashaada iyo gabdhahaagaba, oo intii kaa hadhana dab baa baabbi'in doona.
Ezek SomKQA 23:26  Oo weliba dharkaaga way kaa wada mudhuxsan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa furan doonaan.
Ezek SomKQA 23:27  Oo sidaasaan kaaga joojin doonaa sharkaagii iyo dhillanimadaadii aad dalka Masar ka keentay, si aadan indhahaaga kor ugu taagin, oo aadan Masar kol dambe soo xusuusan.
Ezek SomKQA 23:28  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan kugu ridi doonaa gacantii kuwa aad neceb tahay, iyo gacantii kuwii ay nafsaddaadu ka go'day.
Ezek SomKQA 23:29  Iyagu si nacayb badan ayay kugula macaamiloon doonaan, oo wixii aad ku hawshootay oo dhanna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn. Oo cawradii dhillanimadaadana daahaa laga qaadi doonaa, xataa sharkaaga iyo dhillanimadaadaba.
Ezek SomKQA 23:30  Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.
Ezek SomKQA 23:31  Waxaad qaadday jidkii walaashaa, oo sidaas daraaddeed koobkeedii gacantaan kuu gelin doonaa.
Ezek SomKQA 23:32  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad cabbi doontaa walaashaa koobkeedii dheeraa oo weynaa, oo fudaydsasho baa laguugu qosli doonaa oo waa lagu quudhsan doonaa, waayo, wuu buuxaa.
Ezek SomKQA 23:33  Aad baad u sakhraami doontaa oo murug baa kaa buuxsami doonta, oo waxaad ku cabbi doontaa koobkii yaabka iyo baabba'da, kaasoo ah koobkii walaashaa Samaariya.
Ezek SomKQA 23:34  Waad cabbi doontaa, oo weliba waad heenheensan doontaa, oo burburkiisana waad ruugi doontaa, oo naasahaagaad jiidi doontaa, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay.
Ezek SomKQA 23:35  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad i illowday oo dhabarkaaga gadaashiisaad igu xoortay, sidaas daraaddeed waa inaad sharkaaga iyo dhillanimadaadaba u xambaarataa.
Ezek SomKQA 23:36  Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, Aaholaah iyo Aaholiibaah miyaad xukumi doontaa? Bal waxyaalahooda karaahiyada ah u sheeg.
Ezek SomKQA 23:37  Waayo, way sinaysteen, oo dhiig baa gacmahooda ku jira, oo sanamyadoodana way ka sinaysteen, oo wiilashoodii ay ii dhaleenna dab bay u dhex marsiiyeen si ay u baabba'aan aawadeed.
Ezek SomKQA 23:38  Oo weliba saasoo kalay igu sameeyeen. Iyagu isku maalin ayay meeshaydii quduuska ahayd nijaaseeyeen, oo sabtiyadaydiina wax nijaas ah bay ka dhigeen.
Ezek SomKQA 23:39  Waayo, markay carruurtoodii sanamyadooda u qaleen ayay isla maalintaasba meeshaydii quduuska ahayd u soo galeen inay nijaaseeyaan, oo bal eeg, waxaas ayay gurigayga dhexdiisa ku sameeyeen.
Ezek SomKQA 23:40  Oo weliba rag baad meel fog uga cid dirsatay, oo waxaa loo diray wargeeye, oo bal eeg, iyana way yimaadeen, oo iyaga aawadood ayaad isu soo maydhay, oo u indhakuushatay, oo wax baad isugu sharraxday,
Ezek SomKQA 23:41  oo waxaad ku fadhiisatay sariir haybad badan oo miis horteeda lagu soo diyaarshay, kaasoo aad fooxaygii iyo saliiddaydii saartay.
Ezek SomKQA 23:42  Oo waxaa iyada la jiray codka dadka faraha badan, oo raaxaysan, oo dadkii faraha badnaana waxaa la yimid sakhraamiin cidlada laga keenay, oo waxay gacmaha u geliyeen dugaagado, oo madaxana taaj qurux badan bay u saareen.
Ezek SomKQA 23:43  Markaasaan tii sinada ku gabowday ka idhi, Miyey haddana ka sinaysan doonaan, oo iyaduse miyey iyaga ka dhillaysan doontaa?
Ezek SomKQA 23:44  Laakiinse iyadii waxay ugu galeen sidii naag dhillo ah loogu galo oo kale, oo sidaasay ugu galeen naagihii sharka ahaa oo ahaa Aaholaah iyo Aaholiibaah.
Ezek SomKQA 23:45  Oo ragga xaqa ahu waxay iyaga u xukumi doonaan sida dhillooyin iyo naago dhiig galay loo xukumo oo kale, maxaa yeelay, iyagu waa dhillooyin, oo gacmahoodana dhiig baa ku yaal.
Ezek SomKQA 23:46  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Guuto baan iyaga ku soo kicin doonaa, oo cabsi iyo dhac baan u gacangelin doonaa.
Ezek SomKQA 23:47  Oo guutadaasu iyagay dhagxin doontaa oo seefaf ku kala jarjari doontaa, oo wiilashooda iyo gabdhahoodaba way wada layn doonaan, oo guryahoodana dab bay ku gubi doonaan.
Ezek SomKQA 23:48  Oo sidaasaan shar dalka uga joojin doonaa, si naagaha oo dhan loo baro inaanay mar dambe sidii sharkiinnii oo kale u falin.
Ezek SomKQA 23:49  Oo sharkiinnii waa laydinka abaal marin doonaa, oo dembiyadii sanamyadiinna ayaad xambaaran doontaan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
Chapter 24
Ezek SomKQA 24:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid sannaddii sagaalaad, bisheedii tobnaad, maalinteedii tobnaad, isagoo leh,
Ezek SomKQA 24:2  Wiilka Aadamow, maalintan, xataa isla maantadan qudheeda magaceeda qor, waayo, boqorkii Baabuloon isla maantadan qudheeda ayuu Yeruusaalem ku soo dhowaaday.
Ezek SomKQA 24:3  Oo reerka caasiyoobay waxaad kula hadashaa masaal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dheriga dabka saara, saara oo biyo ku shuba.
Ezek SomKQA 24:4  Oo waxaad ku gurtaan cadcadka, xataa cadcadka wanwanaagsan oo dhan, oo ah bowdada iyo garabka, oo waxaad ka buuxisaan lafaha ugu wacan.
Ezek SomKQA 24:5  Waxaad soo wadataan adhiga jarkiisa, oo waxaad hoostiisa ku gurtaan lafaha, oo si wanaagsan u kariya, oo lafihiisana ku dhex kariya.
Ezek SomKQA 24:6  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga qabta, taasoo ah dheriga miridhkiisu ku jiro, oo aan miridhkiisu ka bixin! Cadcad u soo bixiya, iyadoo aan saami lagu bixin.
Ezek SomKQA 24:7  Waayo, dhiiggeedii dhexdeeduu yaal. Waxay kor saartay dhagax diiran, oo dhulkana kuma ay daadin si ay ciid ugu daboosho aawadeed.
Ezek SomKQA 24:8  Inay cadho ugu soo kacdo oo ay ka aarsato ayaan dhiiggeedii dhagax diiran dul saaray si uusan u daboolmin.
Ezek SomKQA 24:9  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga qabta! Aniguna tuulmada waan weynayn doonaa.
Ezek SomKQA 24:10  Qoryo ku sii gur, oo dabka sii shid, oo hilibka aad u kari, oo maraqana xawaash ku shub, oo lafuhuna ha gubteen.
Ezek SomKQA 24:11  Markaas dheriga oo madhan dhuxusha shidan saar si uu u kululaado, oo ay naxaastiisu u gubato, oo ay wasakhdiisu gudihiisa ugu dhalaasho oo uu miridhkiisuna u baabba'o.
Ezek SomKQA 24:12  Iyadu si aan waxba tarayn ayay isu daalisay, oo miridhkeeda badanna iyada kama uu baxo, oo miridhkeeda dabka kagama baxo.
Ezek SomKQA 24:13  Wasakhdaada shar baa ku jira, maxaa yeelay, waan ku nadiifiyey laakiinse waad nadiifsanaan weyday, haddaba innaba wasakhdaada kama aad nadiifsami doontid jeeraan cadhadayda kugu dhammaystiro.
Ezek SomKQA 24:14  Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. Saasay noqon doontaa, oo taasaan samayn doonaa. Innaba dib ugama aan noqon doono, mana tudhi doono, oo innaba kama aan soo noqon doono. Siday jidadkaagu ahaayeen iyo siday falimahaagu ahaayeen ayay kuu xukumi doonaan ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 24:15  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 24:16  Wiilka Aadamow, bal ogow, waxaan darbad qudha kaaga qaadayaa tii ay indhahaagu jecel yihiin, laakiinse ha u barooran, hana u ooyin, oo ilmadaaduna innaba yaanay u daadan.
Ezek SomKQA 24:17  Taah, laakiin si aamusan u taah, oo baroorasho kuwii dhintay loo baroorto ha u barooran. Duubkaaga madaxa ku duubo, oo kabaha gasho, oo bushimahaagana ha daboolin, oo kibista dadkana innaba ha cunin.
Ezek SomKQA 24:18  Markaasaan aroortii dadkii la hadlay, makhribkiina naagtaydii way dhimatay, oo aniguna sidii laygu amray ayaan subaxdii yeelay.
Ezek SomKQA 24:19  Oo markaasaa dadkii waxay igu yidhaahdeen, War maad noo sheegtid waxan aad samaynaysid ulajeeddadooda?
Ezek SomKQA 24:20  Markaasaan ugu jawaabay, Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 24:21  Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshayda quduuska ah ayaan nijaasayn doonaa, taasoo ah faankii xooggiinna iyo waxa ay indhihiinnu jecel yihiin, iyo waxa ay naftiinnu u naxdo; oo wiilashiinna iyo gabdhihiinna aad ka tagteenna seef bay ku le'an doonaan.
Ezek SomKQA 24:22  Oo idinkuna sidaan yeelay oo kale ayaad yeeli doontaan. Bushimihiinna ma aad dabooli doontaan, oo kibista dadkana ma aad cuni doontaan.
Ezek SomKQA 24:23  Oo duubabkiinnu madaxay idiinku duubnaan doonaan, oo kabihiinnuna cagahay idiinku jiri doonaan. Ma aad barooran doontaan, mana aad ooyi doontaan, laakiinse xumaatooyinkiinna baad la macaluuli doontaan, oo midkiinba kan kaluu ku musannaabi doonaa.
Ezek SomKQA 24:24  Sidaasuu Yexesqeel calaamad idiinku ahaan doonaa, oo wax alla wixii uu sameeyey ayaad idinkuna samayn doontaan. Oo markay waxaasu dhacaan ayaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
Ezek SomKQA 24:25  Oo weliba Wiilka Aadamow, maalinta aan iyaga ka qaado xooggooda, iyo farxadda sharaftooda, iyo waxa ay indhahoodu jecel yihiin, iyo waxa uu qalbigoodu raaco, iyo wiilashooda iyo gabdhahoodaba, soo noqon maayo
Ezek SomKQA 24:26  in kii soo baxsaday uu maalintaas kuu iman doono inuu dhegahaaga wixii dhacay oo dhan kugu maqashiiyo?
Ezek SomKQA 24:27  Oo maalintaas qudheeda ayaa afkaagu kii soo baxsaday u furmi doonaa, oo waad hadli doontaa, oo mar dambena ma aad carrab la'aan doontid. Sidaasaad calaamad u noqon doontaa, oo iyaguna waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Chapter 25
Ezek SomKQA 25:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 25:2  Wiilka Aadamow, wejigaaga reer Cammoon u sii jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg,
Ezek SomKQA 25:3  oo waxaad reer Cammoon ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad Ahaa ku tidhaahdeen meeshayda quduuska ah markii la nijaaseeyey, iyo markuu dalka reer binu Israa'iil cidlada noqday, iyo markay dadka Yahuudah maxaabiisnimo u bexeen,
Ezek SomKQA 25:4  sidaas daraaddeed bal ogow, hanti ahaan ayaan dadka bari kuu siin doonaa, oo iyana xerooyinkooda bay kaa dhex samaysan doonaan, oo hooygoodana dhexdaaday ka samaysan doonaan. Midhahaaga way cuni doonaan, caanahaagana way dhami doonaan.
Ezek SomKQA 25:5  Oo Rabbaahna waxaan ka dhigi doonaa gole geel, meesha reer Cammoonna waxaan ka dhigi doonaa xeryo adhi, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 25:6  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad sacbisay, waanad rablaysay, oo qalbigaagaad ku rayraysay adigoo aad iyo aad dalka reer binu Israa'iil u quudhsanaya,
Ezek SomKQA 25:7  oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 25:8  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Moo'aab iyo Seciir waxay leeyihiin, Dadka dalka Yahuudah quruumaha oo dhan bay la mid yihiin.
Ezek SomKQA 25:9  Sidaas daraaddeed bal ogaada, anigu dalka Moo'aab dhinac baan ka faruuri doonaa xagga magaalooyinkiisa, waana magaalooyinka soohdintiisa ku yaal, kuwaas oo ah dalka ammaantiisa, oo ah Beytyeshimood, iyo Bacal Mecoon, iyo Qiryatayim,
Ezek SomKQA 25:10  oo waxaan u sii dayn doonaa dadka reer bari inay reer Cammoon ku kacaan, oo hanti ahaan baan iyaga u siin doonaa si aan reer Cammoon mar dambe quruumaha dhexdooda loogu soo xusuusan,
Ezek SomKQA 25:11  oo anigu xukun baan reer Moo'aab ku soo dejin doonaa, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 25:12  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Edom aarsasho buu dadka Yahuudah kula macaamilooday, oo si weyn ayuu u xumeeyey, oo iyaga wuu ka aar goostay,
Ezek SomKQA 25:13  sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacantaydaan dalka Edom ku dul fidin doonaa, oo dad iyo duunyoba waan ka baabbi'in doonaa, oo cidla baan ka dhigi doonaa tan iyo Teman, oo tan iyo Dedaan seef baa lagu le'an doonaa.
Ezek SomKQA 25:14  Oo waxaan aarsashadayda dul saari doonaa reer Edom, oo gacanta dadkayga reer binu Israa'iil ayaan kaga aarsan doonaa, iyaguna reer Edom way ku samayn doonaan sida ay cadhadaydu tahay iyo sida uu xanaaqaygu yahay, oo waxay ogaan doonaan aarsashadayda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 25:15  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Falastiin aarsashay kula macaamiloodeen oo iyagoo qalbiga ka quudhsanaya ayay ka aarsadeen si ay cadownimo weligeed ah ugu baabbi'iyaan,
Ezek SomKQA 25:16  sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, gacantaydaan reer Falastiin ku dul fidin doonaa, oo reer Kereetiimna waan gooyn doonaa, oo kuwa badda xeebteeda ku hadhayna waan baabbi'in doonaa.
Ezek SomKQA 25:17  Oo waxaan dushooda ku soo dejin doonaa aarsasho weyn anigoo xanaaq weyn ku canaananaya, oo markaan aarsashadayda dul saaro waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Chapter 26
Ezek SomKQA 26:1  Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisha maalinteedii kowaad Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 26:2  Wiilka Aadamow, Reer Turos wuxuu Yeruusaalem ku yidhi, Ahaa, tii dadyowgii iriddiisa ahaan jirtay way jabtay, oo anigay ii soo jeedday, oo haddana waan buuxsanaan doonaa, waayo, iyadu haatan waa cidla.
Ezek SomKQA 26:3  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Turosow, bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waxaan ka dhigi doonaa inay quruumo badanu kuugu soo kacaan siday baddu hirarkeeda u soo kiciso oo kale.
Ezek SomKQA 26:4  Oo iyagu derbiyada Turos way baabbi'in doonaan, oo munaaradaheedana way dumin doonaan, oo ciiddeedana waan ka xoqi doonaa, oo dhagax diiran oo kale baan ka dhigi doonaa.
Ezek SomKQA 26:5  Oo waxay noqon doontaa meel shabagyo lagu wadho oo badda dhexdeeda ku taal, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay, oo booli bay quruumaha u noqon doontaa.
Ezek SomKQA 26:6  Oo gabdhaheeda berrinka joogana seef baa lagu wada layn doonaa; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 26:7  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan Turos ku soo kicin doonaa boqorka Baabuloon oo ah Nebukadresar boqorkii boqorrada, oo xagga woqooyi buu ka iman doonaa isagoo wata fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo rag fardooley ah, iyo guuto ciidan ah, iyo dad faro badan.
Ezek SomKQA 26:8  Oo isagu gabdhahaaga berrinka jooga seef buu ku wada layn doonaa, oo qalcado buu kuu samaysan doonaa, oo tuulmo buu kuu tuulan doonaa, oo gaashaan weyn ayuu kor kuugu qaadan doonaa.
Ezek SomKQA 26:9  Wuxuu derbiyadaada ku tumi doonaa wax lagu jejebiyo, oo munaaradahaagana wuxuu ku dumin doonaa faasaskiisa.
Ezek SomKQA 26:10  Oo fardihiisa badan aawadood ayaa boodhkoodu ku qarin doonaa, oo derbiyadaaduna waxay la gariiri doonaan ragga fardooleyda buuqooda, iyo giraangiraha iyo gaadhifardoodyada gurdankooda, markuu irdahaaga u soo galo sida rag u soo galo magaalo dhinac laga faruuray oo kale.
Ezek SomKQA 26:11  Oo qoobabka fardihiisa ayuu jidadkaaga oo dhan kula tuman doonaa, oo dadkaagana seef buu ku wada layn doonaa, oo tiirarkaaga adadaguna dhulkay ku soo dhici doonaan.
Ezek SomKQA 26:12  Maalkaaga way dhici doonaan, oo booli ahaan bay baayacmushtarkaaga u qaadan doonaan, oo derbiyadaadana way dumin doonaan, oo daarahaaga qurqurxoonna way burburin doonaan, oo dhagxantaada iyo alwaaxdaada iyo boodhkaagaba biyahay ku dhex daadin doonaan.
Ezek SomKQA 26:13  Oo waxaan joojin doonaa qaylada heesahaaga, oo kataaradahaaga sanqadhoodana mar dambe lama maqli doono.
Ezek SomKQA 26:14  Waxaanan kaa dhigi doonaa sida dhagax diiran oo kale, oo waxaad noqon doontaa meel shabagyada lagu dul wadho, oo mar dambena dib laguuma dhisi doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga Ilaaha ah ayaa saas ku hadlay.
Ezek SomKQA 26:15  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu reer Turos ku leeyahay, Markii kuwa dhaawaca ahu cabaadaan oo dad badan dhexdaada lagu laayo, sow jasiiraduhu sanqadha dhiciddaada kama gariiri doonaan?
Ezek SomKQA 26:16  Oo markaasay amiirrada badda oo dhammu carshiyadooda ka soo degi doonaan, oo waxay iska bixin doonaan khamiisyadooda, oo dharkooda daabaca lehna way iska saari doonaan, oo intay gariir xidhaan ayay dhulka fadhiisan doonaan, oo daqiiqad kastana way iska gariiri doonaan, wayna kula yaabi doonaan.
Ezek SomKQA 26:17  Oo baroor ayay kor kuugu qaylin doonaan, oo waxay kugu odhan doonaan, Magaaladii caanka ahayd, oo dadka badaha maraa ay degganaayeen, oo badaha ku xoog badnayd iyada iyo dadkeeda degganuba, oo kuwa ku hareeraysan oo dhan ka cabsiin jirtayay, sidee baad u ba'day!
Ezek SomKQA 26:18  Haddaba maalinta dhiciddaada gasiiraduhu way wada gariiri doonaan, hubaal gasiiradaha badda ku dhex yaallaa bixitinkaaga aawadiis ayay la argaggixi doonaan.
Ezek SomKQA 26:19  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan magaalo cidla ah kaa dhigo sida magaalooyinka aan ciduna degganayn oo kale iyo markaan moolka korkaaga ku soo daayo, oo ay biyo badanu ku daboolaan,
Ezek SomKQA 26:20  markaasaan kula dejin doonaa kuwa yaamayska ku dhaadhaca, kuwaasoo ah dadkii waayihii hore jiri jiray, oo waxaan dhulka meesha ugu hoosaysa, oo ah meelo waa hore cidloobay, kula fadhiisin doonaa kuwa yaamayska ku dhaadhaca, si aan ciduna kuu degin, oo dalka kuwa noolna waxaan dhex dhigi doonaa sharaf.
Ezek SomKQA 26:21  Waxaan kaa dhigi doonaa cabsi, oo innaba mar dambe siima aad jiri doontid. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo lagu doondoono kol dambe laguma heli doono.
Chapter 27
Ezek SomKQA 27:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 27:2  Wiilka Aadamow, haddana Turos aawadeed baroor kor ugu qayli,
Ezek SomKQA 27:3  oo waxaad Turos ku tidhaahdaa, Taada badda kadinkeeda ku taal, oo ah meesha ay gasiirado badan dadkoodu ka baayacmushtaraanay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Turosay, waxaad istidhi, Anigu waxaan leeyahay qurux kaamil ah.
Ezek SomKQA 27:4  Soohdimahaagu waxay ku yaallaan badda dhexdeeda, oo kuwii ku dhisayna quruxdaadii way kaamileen.
Ezek SomKQA 27:5  Alwaaxda doonniyahaaga oo dhan waxay ka sameeyeen dhirta berooshka ah ee Seniir, oo Lubnaan waxay ka soo goosteen geedo kedar ah si ay daqal kaaga dhigaan.
Ezek SomKQA 27:6  Waxay seebab kaaga sameeyeen geedihii alloonka ee Baashaan, oo kursiyadaadiina waxay ka sameeyeen alwaax gasiiradaha Kitiim laga keenay oo foolmaroodi lagu sharxay.
Ezek SomKQA 27:7  Oo waxaa shiraaq kuu ahaa maro wanaagsan oo daabac leh oo Masar laga keenay, si ay taasu calaamad kuugu ahaato, oo waxaa kugu dednaa buluug iyo guduud gasiiradaha Eliishaah laga keenay.
Ezek SomKQA 27:8  Turosay, kuwii sixiimadahaagii seebiyey waxay ahaayeen dadka Siidoon iyo Arwaad deggan, oo kuwii xigmadda lahaa ee ku dhex joogayna waxay ahaayeen doonniyawadayaashaadii.
Ezek SomKQA 27:9  Odayaashii Gebal iyo kuweedii xigmadda lahaa ee ku dhex joogay ayaa kuwa dillaacyada awda kuu ahaayeen, oo badda doonniyaheedii oo dhan iyo baxriyadoodii oo dhammuba way ku dhex joogeen si ay kuula baayacmushtaraan.
Ezek SomKQA 27:10  Reer Faaris, iyo reer Luud, iyo reer Fuud ayaa ciidankaagii ku jiray, oo waxay kuu ahaayeen dagaalyahankaagii, oo dhexdaaday gaashaanka iyo koofiyadda dagaalka sudheen, oo waxay soo ban dhigeen quruxdaadii.
Ezek SomKQA 27:11  Oo derbiyadaadii kugu wareegsanaana waxaa dul joogay raggii reer Arwad iyo ciidankaagii, oo munaaradahaagiina waxaa ku jiray raggii reer Gammaadiim. Iyana gaashaammadooday derbiyadaadii kugu wareegsanaa sudheen, oo quruxdaadiina kaamil bay ka dhigeen.
Ezek SomKQA 27:12  Tarshiish waxay ahayd tii kula baayacmushtari jirtay hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd aawadeed, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jirtay lacag, iyo bir, iyo qasacad, iyo alxan.
Ezek SomKQA 27:13  Oo reer Yaawaan, iyo reer Tubal, iyo reer Meshegna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen dad noolnool iyo weelal naxaas ah.
Ezek SomKQA 27:14  Oo kuwii reer Togarmaahna waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen fardo iyo fardo la fuulo iyo baqlo.
Ezek SomKQA 27:15  Dadkii reer Dedaanna way kula baayacmushtari jireen, oo gasiirado badan ayaa kuu ahaan jiray meelahaad ku baayacmushtartid, oo waxay kuu keeni jireen foolmaroodi iyo qori haabniim ah.
Ezek SomKQA 27:16  Suuriyana way kula baayacmushtari jirtay, maxaa yeelay, sanco faro badan baad samayn jirtay, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen dhagaxyo sumurud la yidhaahdo, iyo guduud, iyo daabac, iyo dhar wanaagsan, iyo shacaab iyo dhagax agate la yidhaahdo.
Ezek SomKQA 27:17  Dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iilna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaada kaga baayacmushtari jireen sarreenkii Minniid, iyo fannag macaan, iyo malab, iyo saliid, iyo beeyo.
Ezek SomKQA 27:18  Dimishaqna way kula baayacmushtari jirtay sancadaadii faraha badnayd aawadeed, iyo hodantinimadaadii badnayd ee cayn kasta ahayd oo dhan, oo waxay ka dhaafsan jirtay khamrigii Xelboon iyo dhogor cad.
Ezek SomKQA 27:19  Wedaan iyo Yaawaan waxay alaabtaada kaga baayacmushtareen dun, oo alaabtaadana waxaa ka mid ahaa bir dhalaalaysa iyo kasiya iyo kalamus.
Ezek SomKQA 27:20  Dedaan waxay kaga baayacmushtari jirtay dharka qaaliga ah ee fardaha lagu saldhaysto.
Ezek SomKQA 27:21  Carabiya iyo amiirradii reer Qedaar oo dhammu waxay kuu soo iib geeysan jireen baraar, iyo wanan iyo orgi: oo waxaasay kaaga baayacmushtari jireen.
Ezek SomKQA 27:22  Oo reer Shebaa iyo reer Racmaahna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen xawaashka ugu fiican, iyo dhagxan kasta oo qaali ah, iyo dahab.
Ezek SomKQA 27:23  Oo waxaa kaloo kula baayacmushtari jiray Xaaraan, iyo Kanneeh, iyo Ceeden, iyo baayacmushtariyaashii Shebaa, iyo Ashuur, iyo Kilmad oo dhan.
Ezek SomKQA 27:24  Kuwaasu waxay ahaan jireen baayacmushtariyaasha kaa iibin jiray alaab door ah oo cayn kasta ah oo ahaa dhar buluug ah, iyo daabac, iyo sanaaduuq uu dhar qaali ahu ka buuxo oo ay xadhko ku xidhxidhan yihiin oo alwaax kedar ah laga sameeyey.
Ezek SomKQA 27:25  Doonniyaha Tarshiish ayaa shixnaddaada qaadi jiray, oo adigu waad buuxsantay, oo badda dhexdeeda ayaad aad ugu sharaf badnayd.
Ezek SomKQA 27:26  Kuwii seebab kuugu kaxaynayay waxay ku geeyeen meel biyo badan, oo dabayshii bari ayaa badda dhexdeeda kugu jebisay.
Ezek SomKQA 27:27  Maalkaaga, iyo alaabtaada, iyo baayacmushtarkaaga, iyo baxriyadaada, iyo doonniyawadayaashaada, iyo kuwa dillaacyada awda, iyo kuwa baayacmushtarkaaga ka shaqaysta, iyo raggaaga dagaalyahanka ah oo ku dhex jooga oo dhan, iyo guutada ku dhex joogta oo dhammuba waxay maalinta baabbi'iddaada ku wada daadan doonaan badaha dhexdooda.
Ezek SomKQA 27:28  Kuwa agagaarkaaga jooga oo dhammu waxay la wada gariiri doonaan qaylada dhawaaqa doonniyawadayaashaada.
Ezek SomKQA 27:29  Oo kuwa seebabka ku shaqeeya oo dhan, iyo baxriyada, iyo doonniyawadayaasha badda oo dhammuba doonniyahooda way ka soo degi doonaan, oo berrigay soo istaagi doonaan.
Ezek SomKQA 27:30  Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.
Ezek SomKQA 27:31  Oo adiga daraaddaa ayay isu xiiri doonaan, oo joonyado bay guntan doonaan, oo waxay kuugu ooyi doonaan qalbi murugaysan iyo baroor qadhaadh.
Ezek SomKQA 27:32  Oo intay ooyayaan ayay baroor kuu qaadi doonaan, oo waxay ku barooran doonaan iyagoo leh, Turosta badda dhexdeeda ku baabba'day, bal magaaladee baa la mid ah?
Ezek SomKQA 27:33  Markay alaabtaadu badda ka soo baxday dad faro badan baad dhergin jirtay, oo boqorradii dunidana hodan baad maalkaagii badnaa iyo baayacmushtarkaagii kaga dhigtay.
Ezek SomKQA 27:34  Wakhtigii badaha lagugu jebiyey biyaha moolka dheer dhexdooda ayaa baayacmushtarkaagii iyo guutadaadii oo dhammuba kugu wada dhex baabbi'iyeen.
Ezek SomKQA 27:35  Dadka gasiiradaha deggan oo dhammu way kula yaabsan yihiin, oo boqorradooduna aad iyo aad bay u cabsan yihiin, oo wejigooduna aad buu u argaggaxsan yahay.
Ezek SomKQA 27:36  Oo baayacmushtariyaasha dadka ku dhex jiraa way kugu foodhyaan, oo cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.
Chapter 28
Ezek SomKQA 28:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 28:2  Wiilka Aadamow, amiirka Turos waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu kor buu isu qaaday, oo waxaad tidhi, Anigu Ilaah baan ahay, oo badaha dhexdooda ayaan kursigii Ilaah ku dul fadhiyaa, laakiinse waxaad tahay binu-aadmi oo Ilaah ma tihid in kastoo aad qalbigaagii qalbigii Ilaah oo kale ka dhigtay.
Ezek SomKQA 28:3  Bal eeg, adigu xataa Daanyeel waad ka sii xigmad badan tahay, oo wax qarsoodi ah oo lagaa qarin karaana innaba ma jiraan.
Ezek SomKQA 28:4  Xigmaddaada iyo waxgarashadaada ayaad maalka ku heshay, oo khasnadahaagana waxaad ku buuxsatay dahab iyo lacag.
Ezek SomKQA 28:5  Xigmaddaada badan iyo baayacmushtarkaaga ayaad maalkaaga ku sii korodhsatay, oo qalbigaaguna maalkaaga aawadiis ayuu kor isula qaaday.
Ezek SomKQA 28:6  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagii sidii qalbigii Ilaah oo kale ayaad ka dhigtay,
Ezek SomKQA 28:7  sidaas daraaddeed bal ogow waxaan kugu soo kicin doonaa shisheeyayaal oo ah kuwa cabsida leh ee quruumaha, oo iyaguna waxay seeftooda ula soo bixi doonaan inay quruxda xigmaddaada ku kharribaan, oo dhalaalkaagana way nijaasayn doonaan.
Ezek SomKQA 28:8  Yaamayskay kugu ridi doonaan, oo waxaad u dhiman doontaa sida dhimashadii kuwii badaha dhexdooda lagu laayay oo kale.
Ezek SomKQA 28:9  Kan ku dilaya weli ma hortiisaad ka odhan doontaa, Anigu Ilaah baan ahay, in kastoo aad binu-aadmi tahay, Ilaahse ma tihid, adoo gacanta kan ku dilaya ku jira?
Ezek SomKQA 28:10  Waxaad shisheeyayaal gacantooda ugu dhiman doontaa sida dhimashadii buuryaqabka, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay.
Ezek SomKQA 28:11  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 28:12  Wiilka Aadamow, boqorka Turos baroor u qaad, oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu waxaad ahayd dhammaystirkii kaamilnimada, oo waxaa kaa buuxday xigmad, quruxdaaduna kaamil bay ahayd.
Ezek SomKQA 28:13  Waxaad joogi jirtay Ceeden oo ahayd beertii Ilaah, oo waxaad huwatay dhagax kasta oo qaali ah, kuwaasoo ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo dheemman, iyo berullos, iyo onika, iyo yasbid, iyo safayr, iyo sumurud, iyo mid birqaya, oo dafafkaaga iyo biibiilayaashaada shuqulkoodu wuu kula jiray. Maalintii lagu abuuray waa laguu diyaariyey.
Ezek SomKQA 28:14  Waxaad ahayd keruubkii subkanaa ee wax dabooli jiray, oo aniga ayaa saas kaa dhigay si aad buurta quduuska ah ee Ilaah u joogtid. Oo waxaad hor iyo dib ugu dhex socon jirtay dhagaxyo dab ah.
Ezek SomKQA 28:15  Maalintii lagu abuuray iyo ilaa markii xaqdarro lagaa helay jidadkaagaad kaamil ku ahayd.
Ezek SomKQA 28:16  Baayacmushtarigaaga badan aawadiis waxaa dhexdaada laga buuxiyey dulmi, waanad dembaabtay, oo sidaas daraaddeed ayaan adiga sida wax nijaas ah oo kale buurta Ilaah kaaga xooray. Keruubkii wax dabooli jirayow, waan ku halligay oo dhagxanta dabka ah dhexdooda waan kaa baabbi'iyey.
Ezek SomKQA 28:17  Qalbigaagu quruxdaaduu kor isula qaaday, oo xigmaddaadiina waxaad la kharribtay dhalaalkaaga. Dhulkaan kugu xooray oo boqorro hortood ayaan ku dhigay si ay kuu arkaan.
Ezek SomKQA 28:18  Meelahaagii quduuska ahaa waxaad ku nijaasaysay xumaatooyinkaagii badnaa, iyo xaqdarradii baayacmushtarkaaga, oo sidaas daraaddeed dhexdaadaan dab ka soo bixiyey, oo isna wuu ku baabbi'iyey, oo dhulka korkiisa ayaan dambas kaaga dhigay iyadoo ay kuwa kuu jeeda oo dhammu indhaha kugu hayaan.
Ezek SomKQA 28:19  Dadyowga dhexdooda kuwa kugu yaqaan oo dhammu adigay kula yaabi doonaan, cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.
Ezek SomKQA 28:20  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 28:21  Wiilka Aadamow, wejigaaga Siidoon u jeedi oo iyada wax ka sii sheeg,
Ezek SomKQA 28:22  oo waxaad tidhaahdaa, Siidoonay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waa laygu kaa dhex ammaani doonaa. Oo markaan xukummo dhexdeeda ku sameeyo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo dhexdeeda ayaan quduus ku ahaan doonaa.
Ezek SomKQA 28:23  Belaayo iyo dhiig baan jidadkeeda ku soo dayn doonaa, oo kuwa dhaawaca ahna dhexdeedaa lagu xukumi doonaa iyadoo seefu dhinac kastaba kaga taagan tahay, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 28:24  Oo mar dambe ma ay jiri doonaan yamaarug reer binu Israa'iil muda, amase qodax iyaga xanuujisa oo ka mid ah kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsaday oo dhan; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
Ezek SomKQA 28:25  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.
Ezek SomKQA 28:26  Oo halkaasay ammaan ku dhex degganaan doonaan, oo guryo bay dhisan doonaan, oo beero canab ah bay beeran doonaan, oo weliba ammaan bay ku degganaan doonaan, markaan kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsada oo dhan xukummo ku soo dejiyo, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.
Chapter 29
Ezek SomKQA 29:1  Oo haddana sannaddii tobnaad, bisheedii tobnaad, maalinteedii laba iyo tobnaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 29:2  Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Fircoon oo ah boqorka Masar, oo waxaad wax ka sii sheegtaa isaga iyo dalka Masar oo dhan.
Ezek SomKQA 29:3  La hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Fircoonow, boqorka Masarow, anigu col baan kugu ahaye bal ogow, waxaad tahay yaxaas weyn oo webiyaashiisa iska dhex jiifa, oo yidhi, Webigayga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.
Ezek SomKQA 29:4  Laakiinse qabatooyin baan camanka kaa soo sudhi doonaa, oo kalluunka webiyaashaadana waxaan ka dhigi doonaa inuu qolfahaaga ku dhego, oo webiyaashaadaan kaa soo bixin doonaa adiga iyo kalluunka webiyaashaada ee qolfahaaga ku wada dhegi doona oo dhan.
Ezek SomKQA 29:5  Oo adiga iyo kalluunka webiyaashaada oo dhanba cidladaan ku tuuri doonaa. Waxaad ku dhici doontaa berrin bannaan, oo innaba layskuma soo kaa ururin doono, lagumana aasi doono, oo waxaan cunto kaaga dhigay dugaagga dhulka iyo haadka samada.
Ezek SomKQA 29:6  Oo dadka Masar deggan oo dhammu way wada ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, iyagu waxay reer binu Israa'iil u ahaayeen ul cawsduur ah.
Ezek SomKQA 29:7  Markay gacanta kugu qaateen waad jabtay, oo waxaad murkicisay garbahoodii oo dhan, oo markay ku cuskadeenna waad kala jabtay, oo dhexdoodii oo dhanna waad gariirisay.
Ezek SomKQA 29:8  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, waxaan dushaada ku soo dayn doonaa seef, oo dad iyo duunyaba waan kaa dhex baabbi'in doonaa.
Ezek SomKQA 29:9  Oo dalka Masar wuxuu noqon doonaa cidla iyo baabba' oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu yidhi, Webiga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.
Ezek SomKQA 29:10  Haddaba sidaas daraaddeed bal ogow, anigu col baan kugu ahay adiga iyo webiyaashaadaba, oo dalka Masarna waxaan ka dhigi doonaa baabba' iyo cidla, tan iyo munaaradda. Migdol iyo ilaa Seweeneeh, iyo xataa ilaa soohdinta Itoobiya.
Ezek SomKQA 29:11  Innaba binu-aadmi cagtiis ma dhex mari doonto, oo xayawaan cagtiisna ma dhex mari doonto, oo intii afartan sannadood ah ciduna dhexdiisa ma degi doonto.
Ezek SomKQA 29:12  Dalka Masar ayaan waddammada cidlada ah dhexdooda cidla kaga dhigi doonaa, oo magaalooyinkiisuna afartan sannadood ayay magaalooyinka baabba'ay cidla ku dhex ahaan doonaan, oo Masriyiintana quruumaha dhexdooda ayaan ku kala dhex eryi doonaa, oo waxaan ku dhex firdhin doonaa waddammada.
Ezek SomKQA 29:13  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markay afartan sannadood dhammaadaan ayaan Masriyiinta dadyowgii ay ku kala dhex firidhsanaayeen ka soo ururin doonaa.
Ezek SomKQA 29:14  Oo maxaabiista Masar baan soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay dalkii Fatroos oo ah dalkii ay ku dhasheen ku noqdaan, oo waxay halkaas ku ahaan doonaan boqortooyo hoosaysa.
Ezek SomKQA 29:15  Oo waxay ahaan doontaa tan boqortooyooyinka ugu wada hoosaysa, oo mar dambena quruumaha kale iskama ay kor marin doonto. Iyagaan u dhimi doonaa si ayan innaba mar dambe quruumaha ugu talin.
Ezek SomKQA 29:16  Oo mar dambena siima ay ahaan doonto kalsoonidii reer binu Israa'iil taasoo xumaantoodii soo xusuusisa markay xaggooda fiiriyaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
Ezek SomKQA 29:17  Oo haddana sannaddii toddoba iyo labaatanaad, bisheedii kowaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid, isagoo leh,
Ezek SomKQA 29:18  Wiilka Aadamow, Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ciidankiisuu hawl weyn oo Turos ka gees ah ka shaqaysiiyey. Madax kasta wuu bidaaroobay, oo garab kastana wuu diirmay, laakiinse isaga iyo ciidankiisii toona Turos mushahaaro uu hawshii iyada ka gees ahayd ka shaqeeyey kama ay helin.
Ezek SomKQA 29:19  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan dalka Masar siin doonaa Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isaguna wuxuu qaadan doonaa barwaaqadeeda, oo maalkeedana wuu boobi doonaa, oo xoolaheedana booli ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo mushahaaro bay ciidankiisa u noqon doonaan.
Ezek SomKQA 29:20  Dalka Masar ayaan isaga u siiyey hawshiisii uu hawshooday aawadeed, maxaa yeelay, aniga ayay ii shaqeeyeen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 29:21  Oo maalintaas ayaan reer binu Israa'iil gees u soo bixin doonaa, oo iyaga dhexdooda ayaan kaaga hadlin doonaa; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Chapter 30
Ezek SomKQA 30:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 30:2  Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hoogga maalinta u baroorta!
Ezek SomKQA 30:3  Waayo, maalintii waa soo dhow dahay, maalintii Rabbigu waa soo dhow dahay, waana maalin daruuro madow leh, oo waxay noqon doontaa wakhtigii quruumaha.
Ezek SomKQA 30:4  Oo seef baa Masar ku dul dhici doonta, oo Itoobiyana waxaa jiri doona xanuun weyn, markii kuwa la laayay ay Masar ku dhex dhacaan, oo markaasaa maalkeeda badan la qaadan doonaa oo aasaaskeedana waa la dumin doonaa.
Ezek SomKQA 30:5  Oo waxaa iyaga seef kula dhiman doona Itoobiya, iyo Fuud, iyo Luud, iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo Kuub, iyo dadka dalka iyaga axdiga la dhigtay.
Ezek SomKQA 30:6  Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dalka Masar tiiriyaa way dhici doonaan, oo kibirka xooggiisuna hoos buu u soo dhici doonaa, oo tan iyo Migdol, iyo ilaa Seweeneeh ayay seef ugu le'an doonaan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 30:7  Oo cidla bay ku ahaan doonaan waddammada cidlada ah dhexdooda, oo magaalooyinkeeduna waxay ku dhex jiri doonaan magaalooyinka baabba'ay.
Ezek SomKQA 30:8  Markaan Masar dab ku dhejiyo oo ay caawimayaasheeda oo dhammu wada baabba'aan waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 30:9  Oo maalintaas waxaa iga ambabbixi doona wargeeysyo doonniyo fuushan inay cabsiiyaan kuwa reer Itoobiya oo aan waxba tuhunsanayn, oo waxaa iyaga ku soo kor degi doona xanuun weyn sidii wakhtigii Masar oo kale, waayo, bal eeg, waxyaalahaasu way imanayaan.
Ezek SomKQA 30:10  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa in dadka badan ee Masar ay gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ku dhammaadaan.
Ezek SomKQA 30:11  Isaga iyo dadkiisa la jira oo ah kuwa ugu nac weyn ee quruumaha ayaa loo keeni doonaa inay dalka baabbi'iyaan, oo seefahooda ayay Masar ula bixi doonaan oo waxay dalka ka buuxin doonaan kuwa la laayay.
Ezek SomKQA 30:12  Oo webiyaashana waan wada engejin doonaa, oo dalkana gacanta sharrowyada waan ka iibin doonaa, oo dalka iyo kuwa dhex degganba waxaan ku wada baabbi'in doonaa gacanta shisheeyayaasha. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
Ezek SomKQA 30:13  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba sanamyada waan wada burburin doonaa, oo ekaamahana Nof baan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma uu jiri doono amiir dalka Masar u taliyaa, oo dalka Masarna cabsi baan ku soo dejin doonaa.
Ezek SomKQA 30:14  Oo Fatroos ayaan cidla ka dhigi doonaa, Socanna dab baan qabadsiin doonaa, oo Noona xukummo baan ku soo dejin doonaa.
Ezek SomKQA 30:15  Oo waxaan cadhadayda ku dul shubi doonaa Siin oo ah qalcadda Masar, oo dadka badan oo Noona waan baabbi'in doonaa.
Ezek SomKQA 30:16  Oo Masarna dab baan ka dhex shidi doonaa. Siin xanuun weyn bay heli doontaa, Noona waa la wada burburin doonaa, oo Nofna maalinta oo dhan waa la cidhiidhin doonaa.
Ezek SomKQA 30:17  Barbaarrada Aawen iyo Fiibesed seef bay ku le'an doonaan, oo magaalooyinkaasna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.
Ezek SomKQA 30:18  Oo Texafneheesna maalintaa ku madoobaan doonta, markaan harqoodyada Masar halkaas ku jejebin doono, kibirka xooggeeduna wuu ka dhex baabbi'i doonaa, oo iyada daruur baa qarin doonta, oo gabdhaheedana maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.
Ezek SomKQA 30:19  Sidaasaan Masar xukummo ugu soo dejin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 30:20  Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii kowaad, maalinteedii toddobaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 30:21  Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar gacantiisaan jebiyey, oo bal eeg, lama kabin si ay u bogsato, oo waxba laguma duubin in xoog loo yeelo si ay seef u qaaddo aawadeed.
Ezek SomKQA 30:22  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan ku ahay Fircoon oo ah boqorka Masar, oo gacmihiisana waan jejebin doonaa, tan xoogga leh iyo tii jabtayba, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa in seeftu gacantiisa ka dhacdo.
Ezek SomKQA 30:23  Oo Masriyiintana waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa.
Ezek SomKQA 30:24  Oo xoog baan u yeeli doonaa gacmaha boqorka Baabuloon, oo seeftaydana gacantiisaan u dhiibi doonaa, laakiinse Fircoon gacmihiisaan jejebin doonaa, oo hortiisuu kaga cabaadi doonaa sida nin dhaawac ahu uu u cabaado oo kale.
Ezek SomKQA 30:25  Laakiinse gacmaha boqorka Baabuloon kor baan u qaadi doonaa, oo gacmaha Fircoonna hoos bay u dhici doonaan, oo markaan seeftayda gacanta boqorka Baabuloon u dhiibo, oo uu dalka Masar ku dul fidiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 30:26  Oo Masriyiinta waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Chapter 31
Ezek SomKQA 31:1  Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii saddexaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 31:2  Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar iyo dadkiisa badanba waxaad ku tidhaahdaa, Bal yaad weynaanta kala mid tahay?
Ezek SomKQA 31:3  Bal eeg, kii reer Ashuur wuxuu u ekaa geed kedar ah oo Lubnaan ku dhex yaal, oo wuxuu lahaa laamo qurxoon iyo hoos weyn, oo wuu sarajoog dheeraa, oo dhaladiisuna waxay gaadhay tan iyo daruuraha.
Ezek SomKQA 31:4  Biyaha ayaa bixiyey, oo moolka ayaa koriyey, waayo, webiyada ayaa hareeraha kaga qulqulay meeshii lagu beeray, oo faraqyo yaryar ayay gaadhsiiyeen dhirta duurka ku taal oo dhan.
Ezek SomKQA 31:5  Sidaas daraaddeed sarajooggiisu wuu ka wada sarreeyey dhirta duurka ku taal oo dhan, oo laamihiisuna way tiro badnaayeen, waayo, markuu soo bixiyey laamihiisu waxay la sii dheeraadeen biyaha badan aawadood.
Ezek SomKQA 31:6  Haadka samada oo dhammu buulashooda ayay laamihiisa ka dhex samaysteen, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay gabnahooda ku hoos dhaleen, oo quruumaha waaweyn oo dhammuna hooskiisay degganaayeen.
Ezek SomKQA 31:7  Oo sidaasuu weynaantiisa iyo laamihiisa dheerdheer ugu qurxoonaa, waayo, xididkiisu biyo badan buu u dhowaa.
Ezek SomKQA 31:8  Geedaha kedarka ah ee beerta Ilaah ku dhex yaal ma ay qarin karin isaga, oo geedaha berooshkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha armoonkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha beerta Ilaah ku dhex yaal midkoodna quruxdiisa oo kale ma uu lahayn.
Ezek SomKQA 31:9  Waxaan isaga ku qurxiyey laamihiisa badan, si ay dhirtii beerta Ilaah oo Ceeden ah ku dhex tiil oo dhammu isaga ugu wada hinaasaan.
Ezek SomKQA 31:10  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Isagaa sarajoog dheeraa, oo dhaladiisiina wuxuu gaadhsiiyey tan iyo daruuraha, oo qalbigiisuna wuxuu la kibray dhererkiisa aawadiis,
Ezek SomKQA 31:11  sidaas daraaddeed isagaan u gacangeliyey kan quruumaha ugu wada xoog badan. Hubaal isagu wuu abaal marin doonaa. Aniga ayaa sharkiisii aawadiis u eryay.
Ezek SomKQA 31:12  Shisheeyayaashii ahaa kuwii quruumaha ugu nac weynaa ayaa isaga baabbi'iyey oo ka tegey. Buuraha korkooda iyo dooxooyinka dhexdooda oo dhanba waxaa daadsan laamihiisii, oo laamihiisii waxay ku ag jajaban yihiin webiyaasha dalka oo dhan; oo dadyowgii dunida oo dhammuna hooskiisay ka wada dareereen oo isagay ka tageen.
Ezek SomKQA 31:13  Haadka samada oo dhammu waxay ku hoyan doonaan burburkiisa, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay dul saarnaan doonaan.
Ezek SomKQA 31:14  Taasu waa si dhirta biyaha ku ag taal oo dhammu ayan dhererkooda aawadiis kor isugu sii qaadin, ama ayan dhaladooda daruuraha u gaadhsiin, ama aan geedahooda midna dhererkiisa ugu sii taagnaan inta biyaha cabta oo dhan, waayo, kulligood waxaa loo gacangeliyey geeri inay dhulka meelaha ugu hooseeya oo binu-aadmigu ku dhex jiro hoos ugula dhacaan kuwa yaamayska ku dhaadhaca.
Ezek SomKQA 31:15  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintii uu She'ool galay waxaan ka dhigay in loo baroorto. Oo moolkii baan aawadiis u daboolay, oo webiyaashiisiina waan celiyey, oo biyihii badnaana waa la joojiyey, oo dadka Lubnaanna waxaan ka dhigay inay isaga u baroortaan, oo dhirtii duurka oo dhammuna isaga aawadiis bay u taag darnaadeen.
Ezek SomKQA 31:16  Oo markaan isaga She'ool kula dhex tuuray kuwa yaamayska ku dhaadhaca waxaan ka dhigay inay quruumuhu sanqadha dhiciddiisa la wada gariiraan, oo geedaha Ceeden ku yaal oo dhan, oo ah kuwa la doortay oo dhirta Lubnaan ugu wada fiican, kuwaasoo ah inta biyaha cabta oo dhanba, dhulka meelaha ugu hooseeya ayaa loogu wada tacsiyeeyey.
Ezek SomKQA 31:17  Oo iyagiina She'ool bay kula dhaadheceen isagii, oo waxay u wada tageen kuwii seefta lagu laayay. Iyagu gacantiisay ahaayeen oo hooskiisay quruumaha dhexdooda ku degganaan jireen.
Ezek SomKQA 31:18  Haddaba dhirta Ceeden ku dhex taal bal midkee baad sharafta iyo weynaanta kala mid tahay? Laakiinse adiga waxaa hoos laguula dhaadhicin doonaa dhirta Ceeden ku dhex taal, oo waxaad geli doontaa dhulka meelaha ugu hooseeya. Oo kuwa seefta lagu laayay ayaad buuryaqabyada la dhex jiifi doontaa. Waana Fircoon iyo dadkiisa badan oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Chapter 32
Ezek SomKQA 32:1  Oo haddana sannaddii laba iyo tobnaad, bisheedii laba iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 32:2  Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar u barooro, oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Adiga waxaa laguu ekaysiiyey aaran libaax oo quruumaha, laakiinse waxaad tahay sida yaxaas badaha ku dhex jira. Webiyaashaadaad la butaacdaa, oo biyahana cagahaagaad ku qastaa, oo webiyaashoodana waad wasakhaysaa.
Ezek SomKQA 32:3  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Shabaggaygaan kugu dul fidin doonaa iyadoo dadyow badan ila jiraan, oo iyaguna shabaggaygay kugu soo bixin doonaan.
Ezek SomKQA 32:4  Oo markaasaan dhulka kaaga tegi doonaa, oo berrin bannaan baan kugu xoori doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay haadka samada oo dhammu kugu dul fadhiyaan, oo dugaagga dunida oo dhan ayaan kaa dherjin doonaa.
Ezek SomKQA 32:5  Oo hilibkaaga ayaan buuraha ku dul dayn doonaa, oo dooxooyinkana waxaan ka buuxin doonaa taallooyin meydadkaaga ah.
Ezek SomKQA 32:6  Oo dhiiggaagana waxaan ka waraabin doonaa dhulka aad ku dhex dabbaalatid iyo tan iyo buuraha, oo webiyaashuna adigay kaa wada buuxsami doonaan.
Ezek SomKQA 32:7  Oo markaan ku baabbi'iyo ayaan samada dabooli doonaa, oo xiddigaheedana waan madoobayn doonaa. Qorraxdana daruur baan ku qarin doonaa, oo dayaxuna iftiinkiisa sooma bixin doono.
Ezek SomKQA 32:8  Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iftiimmada dhalaalaya oo samada oo dhan ayaan korkaaga ku wada madoobayn doonaa, oo dalkaagana gudcur baan ku soo dejin doonaa.
Ezek SomKQA 32:9  Oo markaan halligaaddii aad quruumaha ku dhex halligantay u keeno waddammada aadan aqoonin ayaan dadyow badan qalbigood dhibi doonaa.
Ezek SomKQA 32:10  Hubaal maalinta dhiciddaada waxaan ka dhigi doonaa inay dadyow badanu kula yaabaan, oo boqorradooduna aad bay kuugu baqi doonaan, markaan seeftayda hortooda ku ruxruxo, oo midkood kastaaba nafsaddiisuu daqiiqad kasta u gariiri doonaa.
Ezek SomKQA 32:11  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa kugu soo degi doonta seeftii boqorka Baabuloon.
Ezek SomKQA 32:12  Waxaan ka dhigi doonaa in dadkaaga badanu ay seefaha kuwa xoogga badan ku wada le'daan. Waxay wada yihiin kuwa laga cabsado ee quruumaha, oo waxay dhici doonaan waxa Masar ku kibirtay, oo dadkeeda badan oo dhanna waa la wada baabbi'in doonaa.
Ezek SomKQA 32:13  Oo xayawaankeeda oo dhanna biyaha badan dhinacoodaan ka wada baabbi'in doonaa, oo mar dambe dad cagtiis ma ay qasi doonto oo duunyo qoobkeedna ma uu qasi doono.
Ezek SomKQA 32:14  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaasaan biyahooda inay miirmaan ka dhigi doonaa, oo webiyaashoodana waxaan ka dhigi doonaa inay sida saliid oo kale u shubmaan.
Ezek SomKQA 32:15  Markaan dalka Masar cidla iyo baabba' ka dhigo, oo uu waddanku waayo wixii uu ka buuxi jiray, oo markaan wada laayo waxa dhex deggan oo dhan ayay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 32:16  Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taasu waa baroorta iyada loogu barooran doono. Gabdhaha quruumuhuna way ku barooran doonaan. Waxay ugu barooran doonaan Masar iyo dadkiisa badan oo dhanba.
Ezek SomKQA 32:17  Oo haddana sannaddii laba iyo tobnaad, maalintii shan iyo tobnaad oo bisha ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 32:18  Wiilka Aadamow, dadka badan ee Masar u barooro, oo iyaga tuur; xataa Masar iyo gabdhaha quruumaha caanka ahba waxaad ku dhex tuurtaa dhulka meelaha ugu hooseeya iyaga iyo kuwa yaamayska ku dhaadhacaba.
Ezek SomKQA 32:19  Bal yaad ka qurux badan tahay? Hoos u dhaadhac, oo buuryaqabyada la jiifso.
Ezek SomKQA 32:20  Waxay ku dhex dhici doonaan kuwa seefta lagu laayay, oo seeftaa loo gacangeliyey. Masar iyo dadkeeda badanba wada jiida.
Ezek SomKQA 32:21  Kuwa xoogga badan madaxdooda ayaa iyada iyo caawimayaasheeda She'ool kala dhex hadli doona. Hoos bay u dhaadheceen, wayna jiifaan, iyagoo buuryaqabyo ah oo seefta lagu laayay.
Ezek SomKQA 32:22  Reer Ashuur iyo guutadiisii oo dhammu halkaasay joogaan, oo qabuurahoodiina iyagay ku wareegsan yihiin, iyagoo kulligood la laayay, oo seef ku le'day.
Ezek SomKQA 32:23  Qabuurahoodu waxay ku yaalliin yaamayska meelaha ugu hooseeya, oo guutadiisuna waxay ku wareegsan tahay qabrigiisa. Kuwii dalka kuwa nool cabsi gelin jiray oo dhan waa la wada laayay, oo seef bay ku le'deen.
Ezek SomKQA 32:24  Waxaana jooga reer Ceelaam iyo dadkiisa badan oo qabrigiisa ku wada wareegsan oo dhan. Kuwii dalka kuwa nool cabsi gelin jiray oo dhan waa la laayay oo seef bay ku le'deen. Iyagoo buuryaqabyo ah ayay dhulka meelaha ugu hooseeya hoos ugu dhaadheceen, oo ceebtooday kuwa yaamayska ku dhaadhaca la qaateen.
Ezek SomKQA 32:25  Sariir baa kuwa la laayay dhexdooda loo diyaariyey isaga iyo dadkiisa badanba. Qabuurihiisii isagay ku wareegsan yihiin, oo kulligood iyagoo buuryaqabyo ah ayay seef ku le'deen, waayo, cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen, oo ceebtooday kuwa yaamayska ku dhaadhaca la qaateen: oo isaga waxaa la dhigay kuwa la laayay dhexdooda.
Ezek SomKQA 32:26  Halkaas waxaa jooga reer Mesheg iyo reer Tubal iyo dadkooda badan oo dhan, oo qabuurahoodiina iyagay ku wareegsan yihiin, oo kulligood iyagoo buuryaqabyo ah ayay seef ku le'deen, waayo, cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen.
Ezek SomKQA 32:27  Oo iyagu lama ay jiifsan doonaan kuwa xoogga badan oo ka le'day kuwa buuryaqabyada ah oo She'ool hoos ugu dhaadhacay iyagoo hubkoodii dagaalka sita, oo seefahoodii madaxooda la hoos dhigay, dembigooduna lafahooduu dul saaran yahay, waayo, iyagu cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen.
Ezek SomKQA 32:28  Laakiinse adigu waxaad ku dhex jabi doontaa kuwa buuryaqabyada ah, oo waxaad la jiifsan doontaa kuwa seefta lagu laayay.
Ezek SomKQA 32:29  Halkaas waxaa jooga reer Edom, iyo boqorradiisii, iyo amiirradiisii oo dhan, kuwaas oo in kastoo ay xoog badnaayeen la dhinac dhigay kuwii seefta lagu laayay, oo iyana waxay la jiifsan doonaan kuwa buuryaqabyada ah iyo kuwa yaamayska ku dhaadhaca.
Ezek SomKQA 32:30  Halkaas waxaa jooga amiirradii reer woqooyi oo dhan, iyo reer Siidoon oo dhan, kuwaas oo hoos ula dhaadhacay kuwii la laayay. Cabsidii ay xooggoodii wax ku cabsi gelin jireen way ku ceeboobeen, oo waxay la jiifsadaan kuwii seefta lagu laayay iyagoo buuryaqabyo ah, oo waxay ceebtoodii la qaateen kuwa yaamayska ku dhaadhaca.
Ezek SomKQA 32:31  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Fircoon iyaguu arki doonaa, oo dadkiisii badnaa oo dhan ayuu u qalbi qaboobi doonaa. Fircoon iyo ciidankiisii oo dhan seef baa lagu wada laayay.
Ezek SomKQA 32:32  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cabsidaydii waxaan dhex dhigay dalka kuwa nool, oo Fircoon iyo dadkiisa badan oo dhan ayaa kuwa buuryaqabyada ah dhexdooda lala dhigi doonaa kuwa seefta lagu laayay.
Chapter 33
Ezek SomKQA 33:1  Haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 33:2  Wiilka Aadamow, dadkaaga la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaan seef dal ku soo daayo, haddii dadka dalkaasu ay nin iyaga ka mid ah soo soocaan oo ay waardiye ka dhigtaan,
Ezek SomKQA 33:3  markuu arko seefta dhulka soo degaysa hadduu buunka yeedhiyo, oo uu dadka u digo,
Ezek SomKQA 33:4  ku alla kii maqla buunka dhawaaqiisa oo aan digtoonaan, hadday seeftu timaado oo ay isaga nafta ka qaaddo, dhiiggiisu wuxuu saarnaan doonaa madaxiisa.
Ezek SomKQA 33:5  Buunka dhawaaqiisuu maqlay, mase digtoonaan, dhiiggiisu isaga uun buu saarnaan doonaa. Hadduu digtoonaan lahaa, naftiisuu samatabbixin lahaa.
Ezek SomKQA 33:6  Laakiinse waardiyuhu hadduu arko seeftii oo soo socota, illowse uusan buunka yeedhin, oo uusan dadka u digin, hadday seeftu timaado oo ay qof iyaga ka mid ah nafta ka qaaddo, kaasuu xumaantiisuu ku dhintaa, laakiinse dhiiggiisa waxaa la weyddiin doonaa ninkii waardiyaha ahaa gacantiisa.
Ezek SomKQA 33:7  Haddaba Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, oo sidaas daraaddeed erayga afkayga ka maqal, oo iyaga xaggayga uga dig.
Ezek SomKQA 33:8  Markaan mid sharrow ah ku idhaahdo, Sharrowgow, hubaal waad dhiman doontaa, haddaadan sharrowga jidkiisa sharka ah kala hadlin oo aadan uga digin, ninkaas sharrowga ahu xumaantiisuu ku dhiman doonaa, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.
Ezek SomKQA 33:9  Habase ahaatee haddaad sharrowga jidkiisa uga digtid inuu ka soo leexdo aawadeed, laakiinse uusan jidkiisa ka soo noqon, markaas isagu xumaantiisuu ku dhiman doonaa, laakiinse adigu naftaadaad samatabbixisay.
Ezek SomKQA 33:10  Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waxaad ku hadashaan oo istidhaahdaan, Xadgudubyadayadii iyo dembiyadayadiiba way na dul saaran yihiin, oo iyaga ayaannu ku dhex macaluulsan nahay, haddaba bal sidee baannu u noolaan karaynaa?
Ezek SomKQA 33:11  Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaanan innaba farxad ka helayn dhimashada sharrowga, laakiinse waxaan jeclahay in sharrowgu uu jidkiisa ka soo noqdo oo uu noolaado. Soo noqda, jidkiinna ka soo noqda, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?
Ezek SomKQA 33:12  Wiilka Aadamow, waxaad dadkaaga ku tidhaahdaa, Ka xaqa ah maalintii uu xadgudub sameeyo xaqnimadiisu ma ay samatabbixin doonto, oo sharrowguna maalintii uu sharnimadiisa ka soo noqdo sharnimadiisa kuma uu dhex dhici doono. Oo ka xaqa ahu maalintii uu dembaabo ma uu kari doono inuu xaqnimadiisa ku noolaado.
Ezek SomKQA 33:13  Markaan ka xaqa ah ku idhaahdo, Hubaal waad noolaan doontaa, hadduu xaqnimada isku halleeyo oo uu xumaan sameeyo, markaas falimihiisii xaqa ahaa lama soo xusuusan doono, laakiinse wuxuu ku dhiman doonaa xumaantiisii uu sameeyey.
Ezek SomKQA 33:14  Haddana markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, hadduu dembigiisa ka soo noqdo, oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo,
Ezek SomKQA 33:15  iyo hadduu sharrowgu rahaamaddii celiyo, oo uu wixii uu dhacay celiyo, oo uu qaynuunnada nolosha ku socdo, isagoo aan innaba xumaan samaynayn, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.
Ezek SomKQA 33:16  Oo dembiyadiisii uu sameeyey midkoodna looma xusuusan doono. Wuxuu sameeyey wax xaq ah oo qumman, oo hubaal wuu noolaan doonaa.
Ezek SomKQA 33:17  Laakiinse dadkaagu waxay yidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana, illowse waa iyaga qudhooda waxa aan jidkoodu qummanayn.
Ezek SomKQA 33:18  Kan xaqa ahu hadduu xaqnimadiisa ka leexdo oo uu xumaan sameeyo, xumaantiisuu ku dhiman doonaa.
Ezek SomKQA 33:19  Laakiinse sharrowgu hadduu sharnimadiisa ka soo noqdo oo uu waxa xaqa ah ee qumman sameeyo, qummanaantiisuu ku noolaan doonaa.
Ezek SomKQA 33:20  Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana. Reer binu Israa'iilow, midkiin kastaba waxaan u xukumi doonaa siday jidadkiisu yihiin.
Ezek SomKQA 33:21  Oo sannaddii laba iyo tobnaad ee maxaabiisnimadayadii, bisheedii tobnaad, maalinteedii shanaad ayaa mid Yeruusaalem ka soo baxsaday ii yimid, oo wuxuu igu yidhi, Magaaladii waa la qabsaday.
Ezek SomKQA 33:22  Oo kan soo cararay intuusan ii iman markay fiidkii ahayd gacantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Rabbigu afkayguu furay, oo ilaa uu aroortii dambe ii yimid ayaa afkaygii furnaa, oo aniguna mar dambe carrablaawe ma aan ahayn.
Ezek SomKQA 33:23  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 33:24  Wiilka Aadamow, meelaha cidlada ah ee dalka reer binu Israa'iil kuwa degganu waxay yidhaahdaan, Ibraahim nin qudhuhuu ahaa, oo isagu dalkan buu dhaxlay, laakiinse innagu waynu badan nahay, oo dalkana innagaa dhaxal ahaan inaloo siiyey.
Ezek SomKQA 33:25  Haddaba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hilib dhiig leh baad cuntaan, oo sanamyadiinna ayaad indhaha kor ugu taagtaan, oo dhiig baad daadisaan, haddaba ma idinkaa dalka dhaxlaya?
Ezek SomKQA 33:26  Seeftiinnaad isku hallaysaan, oo wax karaahiyo ah ayaad samaysaan, oo midkiin kastaaba naagta deriskiisuu nijaaseeyaa, haddaba ma idinkaa dalka dhaxlaya?
Ezek SomKQA 33:27  Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, hubaal kuwa meelaha cidlada ah ku dhex jiraa seef bay ku le'an doonaan, oo kii berrin bannaan joogana dugaaggaan inay cunaan u siin doonaa, oo kuwa qalcadaha iyo boholaha ku jiraana belaayo bay u dhiman doonaan.
Ezek SomKQA 33:28  Oo dalka cidla iyo yaab baan ka dhigi doonaa, oo kibirka xooggiisuna wuu dhammaan doonaa, oo buuraha reer binu Israa'iilna cidla bay noqon doonaan, si aan ciduna u dhex marin.
Ezek SomKQA 33:29  Oo markaan dalka cidla iyo yaab uga dhigo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen aawadood waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 33:30  Oo weliba Wiilka Aadamow, dadkaagu derbiyada dhinacooda iyo guryaha irdahooda ayay kugu hadal hayaan, oo midkoodba wuxuu kan kale ku yidhaahdaa, oo midba walaalkiis ku yidhaahdaa, Waan ku baryayaaye bal kaalay oo maqal waxa uu yahay erayga Rabbiga ka imanayaa!
Ezek SomKQA 33:31  Waxay kuugu yimaadaan sida dadku u yimaado, oo waxay hortaada u fadhiistaan sida dadkayga oo kale, oo erayadaadana way maqlaan, laakiinse innaba ma ay yeelaan, waayo, afkooda ayay jacayl badan ku muujiyaan, laakiinse qalbigoodu wuxuu daba galaa faa'iidadooda.
Ezek SomKQA 33:32  Bal eeg, waxaad iyaga u tahay sida balwo caashaq ah oo uu mid cod wanaagsan oo alaab muusikeed si wacan ugu cayaari yaqaan ku balweeyo, waayo, erayadaada way maqlaan, laakiinse innaba ma ay yeelaan.
Ezek SomKQA 33:33  Oo markay waxyaalahaasu noqdaan, (bal eeg, way iman doonaane,) waxay ogaan doonaan in nebi uu iyaga dhex joogay.
Chapter 34
Ezek SomKQA 34:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 34:2  Wiilka Aadamow, adhijirrada reer binu Israa'iil wax ka sii sheeg. Wax ka sii sheeg, oo waxaad adhijirrada ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay adhijirrada reer binu Israa'iil oo iyagu isquudiya! Miyaanay adhijirrada ku habboonayn inay adhiga daajiyaan?
Ezek SomKQA 34:3  Idinku baruurtaad iska cuntaan, oo dhogortana waad xidhataan, oo jarkaad qalataan, laakiinse adhiga ma aad daajisaan.
Ezek SomKQA 34:4  Idinku kii cudur qabay ma aydaan xoogayn, oo kii bukayna ma aydaan bogsiin, oo kii jabnaana ma aydaan kabin, oo kii baxsadayna sooma aydaan celin, oo kii baadiyoobayna ma aydaan doondoonin, laakiinse xoog iyo cadaadin ayaad iyaga ugu taliseen.
Ezek SomKQA 34:5  Oo wax kala firdheen, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo waxay cunto u noqdeen dugaaggii duurka oo dhan markay kala firidhsanaayeen.
Ezek SomKQA 34:6  Idahaygii waxay ku dul wareegeen buuraha oo dhan iyo kur kasta oo dheerba; oo adhigaygii wuxuu ku kala firidhsanaa dhulka oo dhan, mana jirin cid raadisa oo doondoonta.
Ezek SomKQA 34:7  Sidaas daraaddeed, Adhijirradow, bal erayga Rabbiga maqla,
Ezek SomKQA 34:8  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, idahaygii waxay noqdeen wax la dhaco, oo idahaygii waxay cunto u noqdeen dugaagga duurka oo dhan, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo adhijirradayduna ma ay doondoonin, laakiinse adhijirradii way isquudiyeen, adhigaygana ma ay daajin.
Ezek SomKQA 34:9  Sidaas daraaddeed, Adhijirradow, bal erayga Rabbiga maqla.
Ezek SomKQA 34:10  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu adhijirradaan col ku ahaye, oo adhigaygiina gacantoodaan weyddiin doonaa, oo waxaan iyaga ka joojin doonaa inay idaha daajiyaan, oo adhijirraduna mar dambe isma quudin doonaan. Adhigaygaan afkooda ka samatabbixin doonaa, si uusan cunto ugu noqonin.
Ezek SomKQA 34:11  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, aniga, xataa aniga qudhayda ayaa idahayga raadin doona oo doondooni doona.
Ezek SomKQA 34:12  Sida adhijir adhigiisa u doondoono maalintii uu dhex joogo idihiisa kala firidhsan, sidaas oo kalaan idahayga u doondooni doonaa, oo waxaan ka soo samatabbixin doonaa meelihii ay maalintii cadarka iyo gudcurka ahayd ku kala firdheen oo dhan.
Ezek SomKQA 34:13  Oo iyagaan dadyowga ka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadaan ka soo wada ururin doonaa, oo dalkoodaan keeni doonaa, oo waxaan daajin doonaa buuraha reer binu Israa'iil, iyo webiyaasha dhinacooda, iyo dalka meelihiisa la deggan yahay, oo dhan.
Ezek SomKQA 34:14  Waxaan iyaga daajin doonaa meelo daaqsin wanaagsan, oo xeradooduna waxay ahaan doontaa buuraha dhaadheer oo reer binu Israa'iil. Halkaasay xero wanaagsan dhex fadhiisan doonaan, oo waxay daaqsin wanaagsan ka daaqi doonaan buuraha reer binu Israa'iil.
Ezek SomKQA 34:15  Aniga qudhaydu adhigayga waan daajin doonaa oo dhereg baan la fadhiisin doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 34:16  Kii baadiyoobay baan raadin doonaa, oo kii baxsadayna waan soo celin doonaa, kii jabayna waan kabi doonaa, oo kii bukayna waan xoogayn doonaa, laakiinse ka buuran iyo ka xoogga leh waan wada baabbi'in doonaa, oo caddaalad baan ku daajin doonaa.
Ezek SomKQA 34:17  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adhigaygow, bal eega, anigu waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo, iyo xataa wanan iyo orgiyoba.
Ezek SomKQA 34:18  Ma wax yar bay idinla tahay inaad daaq wanaagsan daaqdaan, laakiinse aad daaqa idiin hadha cagaha kula tumataan? iyo inaad biyo saafi ah iska cabtaan, laakiinse aad inta idiin hadha cagaha ku qastaan?
Ezek SomKQA 34:19  Bal eega, adhigaygu wuxuu daaqaa wixii aad cagaha kula tumateen, oo wuxuu cabbaa wixii aad cagaha ku qasteen.
Ezek SomKQA 34:20  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu iyaga ku leeyahay, Aniga, xataa aniga qudhayda ayaa idaha buurbuuran iyo idaha caatada ah kala xukumi doona.
Ezek SomKQA 34:21  Maxaa yeelay, waxaad iyaga ku riixdaan dhinac iyo garab, oo kuwa cudurka qaba oo dhanna geesihiinnaad ku hardidaan ilaa aad kulligood kala firdhisaan.
Ezek SomKQA 34:22  Sidaas daraaddeed adhigayga waan badbaadin doonaa, oo mar dambena wax la dhaco siima uu ahaan doono, oo waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo.
Ezek SomKQA 34:23  Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijir keliya oo iyaga jira, oo isaguna wuu daajin doonaa, oo kaasu waa addoonkayga Daa'uud. Isagaa daajin doona, oo adhijir buu u ahaan doonaa.
Ezek SomKQA 34:24  Oo aniga Rabbiga ahu Ilaahooda baan ahaan doonaa, oo addoonkayga Daa'uudna wuxuu ahaan doonaa amiir dhexdooda jooga. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
Ezek SomKQA 34:25  Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi nabdeed, waxaanan ka dhigi doonaa in dugaag baas ay dalka ka dhex baabba'aan. Cidladay ammaan ku degganaan doonaan, oo kaynta dhexdeedana way iska seexan doonaan.
Ezek SomKQA 34:26  Oo iyaga iyo meelaha buurtayda ku wareegsanba barako baan ka dhigi doonaa, oo roobkana xilligiisaan u soo di'in doonaa, oo waxaa jiri doona tiixo barakee.
Ezek SomKQA 34:27  Dhirta duurku midhay dhali doontaa, oo dhulkuna wax badan buu soo bixin doonaa, oo iyaguna ammaan bay dalkooda ku dhex joogi doonaan, oo markaan xadhkaha harqoodkooda kala gooyo, oo aan gacanta kuwii iyaga addoonsan jiray ka soo samatabbixiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 34:28  Oo iyagu mar dambe wax la dhaco quruumaha uma ay ahaan doonaan, oo dugaagga dalku ma ay cuni doonaan, laakiinse ammaan bay ku degganaan doonaan, oo ciduna innaba kama cabsiin doonto.
Ezek SomKQA 34:29  Oo waxaan iyaga u soo bixin doonaa geed caan ah, oo mar dambena dalka dhexdiisa abaar uguma ay baabbi'i doonaan, oo kol dambe ceebtii quruumaha ma ay sidan doonaan.
Ezek SomKQA 34:30  Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay markaas ogaan doonaan in anigoo Rabbiga Ilaahooda ah aan iyaga la jiro, iyo in iyagoo reer binu Israa'iil ah ay dadkaygii yihiin.
Ezek SomKQA 34:31  Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idahaygiiyow, idihii daaqsintaydow, waxaad tihiin binu-aadmi, oo aniguna waxaan ahay Ilaahiinna.
Chapter 35
Ezek SomKQA 35:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 35:2  Wiilka Aadamow, wejigaaga Buur Seciir u jeedi, oo iyada wax ka sii sheeg,
Ezek SomKQA 35:3  oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Buur Seciiray, bal eeg, col baan kugu ahaye, oo gacantaydaan kugu fidin doonaa, waxaanan kaa dhigi doonaa cidla iyo yaab.
Ezek SomKQA 35:4  Oo magaalooyinkaaga waan wada dumin doonaa, oo cidla baad ahaan doontaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 35:5  Weligaa had iyo goorba nacayb baad reer binu Israa'iil u qabtay, oo waagii masiibadoodii iyo waagii ay xumaantu dhammaatay ayaad reer binu Israa'iil xooggii seefta u gacangelisay,
Ezek SomKQA 35:6  sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Anigu dhiig baan kuu diyaarin doonaa, oo dhiig baa ku eryan doona. Dhiig baad nebcaan weyday oo sidaas aawadeed dhiig uun baa ku eryan doona.
Ezek SomKQA 35:7  Sidaasaan Buur Seciir cidla iyo yaab uga dhigi doonaa, oo waxaan ka baabbi'in doonaa kii dhex mara iyo kii ku soo noqdaba.
Ezek SomKQA 35:8  Oo buurihiisana waxaan ka buuxin doonaa raggiisa la laayay, oo kurahaaga, iyo dooxooyinkaaga, iyo webiyaashaadaba waxaa ku dhici doona kuwa seefta lagu laayay.
Ezek SomKQA 35:9  Weligaaba cidlaan kaa dhigi doonaa, oo magaalooyinkaagana lama degganaan doono, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 35:10  In kastoo uu Rabbigu halkaas joogay waxaad tidhi, Labadan quruumood iyo labadan waddanba anigaa iska lahaan doona, oo waannu hantiyi doonnaa,
Ezek SomKQA 35:11  sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Anigu waxaan wax kuugu samayn doonaa sidii xanaaqaagu ahaa iyo siduu ahaa masayrkii nacaybkaaga ka yimid oo aad iyaga u muujisay, oo markaan ku xukumo ayaan dhexdooda isku garansiin doonaa.
Ezek SomKQA 35:12  Oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ah maqlay caydaadii aad buuraha reer binu Israa'iil ku cayday oo dhan, adoo lahaa, Iyaga cidlaa laga dhigay, oo annagaa lanoo siiyey inaan baabbi'inno.
Ezek SomKQA 35:13  Afkaagaad ku faantay oo isaga kay weynaysay, oo erayadaadiina waad igu badisay, oo anigu kulligood waan wada maqlay.
Ezek SomKQA 35:14  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyadoo dunida oo dhammu ay rayraynayso ayaan cidla kaa dhigi doonaa.
Ezek SomKQA 35:15  Sidaad dhaxalka reer binu Israa'iil ugu rayraysay markuu cidlada noqday sidaas oo kalaan kaa dhigi doonaa. Buur Seciiray, cidla baad noqon doontaa, dhammaantiin adiga iyo reer Edom oo dhammuba, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Chapter 36
Ezek SomKQA 36:1  Oo weliba Wiilka Aadamow, buuraha reer binu Israa'iil wax u sii sheeg, oo waxaad ku tidhaahdaa, Buuraha reer binu Israa'iilow, bal erayga Rabbiga maqla.
Ezek SomKQA 36:2  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadowgu wuxuu idinku yidhi, Ahaa, xataa meelihii sarsare oo hore annagaa hanti ahaan u leh.
Ezek SomKQA 36:3  Sidaas daraaddeed wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyagu cidla bay idinka dhigeen, oo dhinac kastaba way idinka liqeen, si aad quruumaha kale hanti ugu noqotaan, oo waxaa laydinku hadal hayaa bushimaha waranwarrowyada, oo dadyowgaad ceeb u tihiin.
Ezek SomKQA 36:4  Sidaas daraaddeed buuraha reer binu Israa'iilow, bal erayga Sayidka Rabbiga ah maqla. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku leeyahay buuraha iyo kuraha, iyo webiyaasha, iyo dooxooyinka, iyo meelaha cidlada ah, iyo magaalooyinka laga tegey oo quruumaha kale ee ku wareegsan wax la dhaco oo la quudhsado u noqday,
Ezek SomKQA 36:5  sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hubaal anigu waxaan dabkii masayrkayga kaga hadlay wax ka gees ah kuwa quruumaha kale iyo reer Edom oo dhan, kuwaasoo dalkaygii dhaxal ahaan isaga qaatay iyagoo aad u faraxsan oo dadkayga quudhsanaya si ay u dhacaan.
Ezek SomKQA 36:6  Sidaas daraaddeed dalka reer binu Israa'iil wax ka sii sheeg, oo waxaad buuraha iyo kuraha iyo webiyaasha iyo dooxooyinkaba ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, masayrkaygii iyo cadhadaydii ayaan ku hadlay, maxaa yeelay, idinku waxaad sidateen ceebtii quruumaha.
Ezek SomKQA 36:7  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacan taagan ayaan ku dhaartay oo idhi, Hubaal quruumaha idinku wareegsanu ceebtooday sidan doonaan.
Ezek SomKQA 36:8  Laakiinse idinku buuraha reer binu Israa'iilow, waxaad soo bixin doontaan laamihiinna, oo waxaad midhihiinna u dhali doontaan dadkayga reer binu Israa'iil, waayo, iyagu dhaqsay u iman doonaan.
Ezek SomKQA 36:9  Waayo, bal eega, raalli baan idinka ahay, oo waan idiin soo noqon doonaa, oo idinkana waa laydin fali doonaa oo waa laydin beeri doonaa.
Ezek SomKQA 36:10  Oo waxaan idinku badin doonaa dad ah reer binu Israa'iil oo dhan, xataa kulligoodba, oo magaalooyinka waa la degi doonaa, meelaha burbursanna waa la wada dhisi doonaa.
Ezek SomKQA 36:11  Oo waxaan idinku badin doonaa dad iyo duunyo, oo iyana way sii kordhi doonaan oo wax bay dhali doonaan, oo dad baan idin dejin doonaa sidii markii hore, oo waxaan idiin samayn doonaa wax bilowgiinnii hore ka sii wanaagsan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 36:12  Hubaal waxaan ka dhigi doonaa in dad kugu dul socdo, waana dadkayga reer binu Israa'iil, oo way ku hantiyi doonaan, oo dhaxalkoodii baad ahaan doontaa, oo haatan ka dibna mar dambe ma aad gablamin doontid.
Ezek SomKQA 36:13  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa lagu yidhaahdaa, Dalyahow, dadka waad baabbi'isaa oo quruuntaadiina waad gablamisay,
Ezek SomKQA 36:14  sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Mar dambe dad ma aad baabbi'in doontid, oo quruuntaadana mar dambe ma aad gablamin doontid.
Ezek SomKQA 36:15  Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa inaan mar dambe ceebtii quruumaha dhexdaada laga maqal, oo mar dambena caydii dadyowga siima aad sidan doontid, oo quruuntaadana mar dambe ma aad turunturayn doontid.
Ezek SomKQA 36:16  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 36:17  Wiilka Aadamow, markii reer binu Israa'iil ay dalkooda dhex degganaayeen waxay ku nijaaseeyeen socodkooda iyo falimahooda, oo jidkooduna wuxuu hortayda kula mid ahaa sidii naag caado qabta xaylkeed oo kale.
Ezek SomKQA 36:18  Sidaas daraaddeed cadhadaydii iyagaan ugu kor shubay dhiiggii ay dalka ku dhex daadiyeen aawadiis, iyo sanamyadoodii ay ku nijaaseeyeen aawadood.
Ezek SomKQA 36:19  Oo markaasaan iyagii quruumaha ku kala dhex firdhiyey, oo waddammaday ku kala firidhsanaayeen. Waxaan iyaga u xukumay siduu socodkoodu ahaa iyo siday falimahoodu ahaayeen.
Ezek SomKQA 36:20  Oo markay quruumihii ay tageenba dhex galeen, magacayga quduuska ah nijaas bay kaga dhigeen, waayo, waxaa laga yidhi, Kuwanu waa dadkii Rabbiga oo dalkiisii ka soo baxay.
Ezek SomKQA 36:21  Laakiinse anaa u naxay magacayga quduuska ah oo ay reer binu Israa'iil nijaas kaga dhex dhigeen quruumihii ay tageenba.
Ezek SomKQA 36:22  Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu taas idinka aawadiin uma aanan samayn, laakiinse waxaan u sameeyey magacayga quduuska ah aawadiis, kaasoo aad nijaas kaga dhex dhigteen quruumihii aad tagteenba.
Ezek SomKQA 36:23  Oo quduus baan ka dhigi doonaa magacayga weyn oo quruumaha nijaas laga dhex dhigay, oo aad idinku nijaas kaga dhigteen. Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumuhu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay markaan dhexdiinna quduus kaga noqdo iyagoo indhaha ku haya.
Ezek SomKQA 36:24  Waayo, quruumahaan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadana waan idinka soo ururin doonaa, oo waxaan idin geeyn doonaa dalkiinnii.
Ezek SomKQA 36:25  Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.
Ezek SomKQA 36:26  Oo weliba waxaan idin siin doonaa qalbi cusub, oo ruux cusubna waan idin gelin doonaa; jidhkiinnana qalbigii dhagaxa ahaa baan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa qalbi jiidh ah.
Ezek SomKQA 36:27  Oo Ruuxayga ayaan idin dhex gelin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inaad qaynuunnadayda ku socotaan, xukummadaydana waad xajin doontaan, waadna samayn doontaan.
Ezek SomKQA 36:28  Oo waxaad degganaan doontaan dalkii aan awowayaashiin siiyey, oo dadkaygii baad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.
Ezek SomKQA 36:29  Oo weliba wasakhnimadiinna oo dhan waan idinka badbaadin doonaa, oo waxaan idiinku yeedhi doonaa hadhuudh, waanan badin doonaa, oo abaarna idinkuma soo dejin doono.
Ezek SomKQA 36:30  Oo midhaha dhirtana iyo waxa beeraha ka baxaba, waan badin doonaa, si aydaan mar dambe cay abaareed quruumaha uga dhex helin.
Ezek SomKQA 36:31  Oo markaasaad jidadkiinnii xunxumaa iyo falimihiinnii aan wanaagsanayn soo xusuusan doontaan, oo xumaatooyinkiinna iyo waxyaalihiinna karaahiyada ah aawadood ayaad iskaraahsan doontaan.
Ezek SomKQA 36:32  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taas idinka aawadiin uma aan sameeyo, bal idinku taas ogaada, reer binu Israa'iilow, jidadkiinna xunxun aawadood isu ceebsada oo facsharma.
Ezek SomKQA 36:33  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalinta aan idinka nadiifin doono xumaatooyinkiinna oo dhan waxaan ka dhigi doonaa in magaalooyinka la degganaado, oo meelihii burburayna waa la wada dhisi doonaa.
Ezek SomKQA 36:34  Oo dhulkii cidlada ahaan jirayna waa la beeran doonaa, kaasoo cidlada ku ahaan jiray wax alla wixii soo dhex maraba.
Ezek SomKQA 36:35  Oo waxaa la odhan doonaa, Dalkan cidlada ahaan jiray wuxuu noqday sidii beertii Ceeden oo kale, oo magaalooyinkii dumay oo burburay oo cidlada ahaa waa la deyray oo waa la dhex degay.
Ezek SomKQA 36:36  Oo markaasaa quruumaha hareerihiinna ku hadhay waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan meelihii dumay dhisay, iyo inaan dhulkii cidlada ahaa beeray. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo waxaasna waan samayn doonaa.
Ezek SomKQA 36:37  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba reer binu Israa'iil waxaas bay i weyddiisan doonaan inaan iyaga u sameeyo, oo dad sidii adhi oo kale ah ayaan iyaga ku sii badin doonaa.
Ezek SomKQA 36:38  Sida adhiga quduuska ah oo kale, iyo sida adhiga Yeruusaalem dhex jooga wakhtiga iidaheeda ayaa magaalooyinkii dumay dad sidii adhi oo kale ah ugu wada buuxsami doonaan, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Chapter 37
Ezek SomKQA 37:1  Gacantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Ruuxiisuu kor iigu qaaday, oo igu dhex riday dooxo ay lafo ka buuxaan,
Ezek SomKQA 37:2  oo hareerahooda ayuu igu wareejiyey, oo bal eega, waxaa dooxada bannaankeeda yiil lafo aad iyo aad u tiro badan, oo bal eega, aad iyo aad bay u qallalnaayeen.
Ezek SomKQA 37:3  Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu miyey noolaan karaan? Oo waxaan ugu jawaabay: Sayidow, Rabbiyow, adaa og.
Ezek SomKQA 37:4  Oo haddana wuxuu igu yidhi, Lafahan la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Lafahan engeganow, bal erayga Rabbiga maqla.
Ezek SomKQA 37:5  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu lafahan ku leeyahay, Bal eega, neef baan idin gelin doonaa, oo idinku waad noolaan doontaan.
Ezek SomKQA 37:6  Oo seedaan idin kor saari doonaa, oo hilib baan idiin yeeli doonaa, oo harag baan idinku dabooli doonaa, oo neef baan idin gelin doonaa, oo waad noolaan doontaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 37:7  Sidaas darteed ayaan wax u sii sheegay sidii laygu amray, oo intaan wax sii sheegayay ayaa sanqadh weyni yeedhay, oo dhulgariir baa dhacay, oo lafihiina way isku soo wada urureen, oo lafuba lafteedii bay u tagtay.
Ezek SomKQA 37:8  Oo intaan fiirinayay ayaa waxaa soo kor fuulay seedo, oo hilib baana ka dul baxay oo harag baa ku kor daboolmay, laakiinse neefu kuma jirin.
Ezek SomKQA 37:9  Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, dabaysha la hadal, la hadal, oo waxaad dabaysha ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dabayshay, afarta qalbadood ka kaalay oo kuwan la laayay si ay u soo noolaadaan aawadeed ku neefso.
Ezek SomKQA 37:10  Sidaas daraaddeed waxaan ku hadlay siduu igu amray, oo neef baa iyagii soo gashay, oo way soo wada noolaadeen, oo cagahay ku istaageen, oo waxay ahaayeen ciidan aad iyo aad u faro badan.
Ezek SomKQA 37:11  Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu waa reer binu Israa'iil oo dhan. Bal eeg, iyagu waxay yidhaahdaan, Lafahayagii way engegeen, oo rajadayadiina way go'day, oo waannu wada baabba'nay.
Ezek SomKQA 37:12  Sidaas daraaddeed hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dadkaygow, bal eega, qabuurihiinnaan wada furi doonaa, oo qabuurihiinnaan idinka soo bixin doonaa, waxaanan idin keeni doonaa dalkii reer binu Israa'iil.
Ezek SomKQA 37:13  Dadkaygow, markaan qabuurihiinna wada furo, oo aan qabuurihiinna idinka soo bixiyo, waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 37:14  Ruuxaygaan idin gelin doonaa, waanad soo noolaan doontaan, oo waxaan idin keeni doonaa dalkiinnii. Oo markaasaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan saas ku hadlay, oo aan weliba oofiyey, ayaa Rabbigu leeyahay.
Ezek SomKQA 37:15  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 37:16  Wiilka Aadamow, ul soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yahuudah iyo reer binu Israa'iil oo saaxiibbadiis ah. Oo haddana ul kale soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yuusuf taasoo ah ushii Efrayim, iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo saaxiibbadiis ah.
Ezek SomKQA 37:17  Oo labadoodaba isku dar oo waxaad isaga dhigtaa ul qudha inay iyagu gacantaada isku mid qudha ku noqdaan.
Ezek SomKQA 37:18  Oo markay dadkaagu kula hadlaan oo ay kugu yidhaahdaan, War, maad noo sheegtid waxa aad xaalkan ula jeeddid?
Ezek SomKQA 37:19  waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo qaadan doonaa usha reer Yuusuf oo gacanta reer Efrayim ku jirta, iyo qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo isaga saaxiibbadiis ah, oo waxaan ku dari doonaa usha reer Yahuudah, oo kulligood waxaan isaga wada dhigi doonaa ul qudha oo gacantayday ku midoobi doonaan.
Ezek SomKQA 37:20  Oo ulaha aad waxaas ku qortana waa inay gacantaada ku jiraan iyagoo indhaha ku haya.
Ezek SomKQA 37:21  Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa.
Ezek SomKQA 37:22  Oo iyaga quruun qudha ayaan uga dhigi doonaa dalka buuraha reer binu Israa'iil, oo boqor qudha ayaa kulligood boqor u wada ahaan doona, oo mar dambe laba quruumood ma ay kala ahaan doonaan, oo kol dambe innaba laba boqortooyo uma ay kala qaybsanaan doonaan.
Ezek SomKQA 37:23  Oo mar dambena iskuma ay nijaasayn doonaan sanamyadooda, ama waxyaalahooda karaahiyada ah, ama xadgudubyadooda midkoodna, laakiinse waxaan ka badbaadin doonaa meelaha ay ku hoydaan oo ay ku dhex dembaabeen oo dhan, oo waan nadiifin doonaa, oo sidaasay dadkayga u ahaan doonaan, oo aniguna Ilaahooda baan ahaan doonaa.
Ezek SomKQA 37:24  Oo addoonkaygii Daa'uud ayaa iyaga boqor u ahaan doona, oo kulligoodna waxay lahaan doonaan adhijir qudha; oo weliba xukummadayday ku dhex socon doonaan, oo qaynuunnadaydana way dhawri doonaan oo way wada samayn doonaan.
Ezek SomKQA 37:25  Oo waxay dhex degganaan doonaan dalkii aan addoonkaygii Yacquub siiyey, oo ay awowayaashiin degganaan jireen, oo weligoodba halkaasay degganaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, iyo carruurtooda carruurtooduba, oo addoonkaygii Daa'uudna weligiis amiirkoodii buu ahaan doonaa.
Ezek SomKQA 37:26  Oo weliba axdi nabdeed baan la dhigan doonaa, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa axdi daa'imis ah oo weligoodba iyaga lala dhigtay. Oo iyagaan barakayn doonaa, waanan sii badin doonaa, oo meeshayda quduuska ahna weligeedba waan dhex dhigi doonaa.
Ezek SomKQA 37:27  Oo taambuuggayguna iyaguu la jiri doonaa, oo Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
Ezek SomKQA 37:28  Oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan reer binu Israa'iil quduus ka dhigo, markii meeshayda quduuska ahu ay weligeedba dhexdooda ku sii taallo.
Chapter 38
Ezek SomKQA 38:1  Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
Ezek SomKQA 38:2  Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Juuj, oo dalka Maajuuj deggan oo ah amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubal, oo isaga wax ka sii sheeg.
Ezek SomKQA 38:3  Oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye.
Ezek SomKQA 38:4  Dib baan kuu soo celin doonaa, oo qabatooyin baan daamanka kaa sudhi doonaa, waanan soo bixin doonaa adiga, iyo ciidankaaga oo dhan, fardaha iyo fardooleydaba, iyagoo kulligood dhar dagaaleed xidhan, oo ah ciidan faro badan oo gaashaammo waaweyn iyo gaashaammo yaryar sita, oo kulligood seef sita,
Ezek SomKQA 38:5  iyagoo weliba ay la jiraan reer Faaris iyo reer Kuush iyo reer Fuud, oo kulligood gaashaan iyo koofiyad bir ah sita,
Ezek SomKQA 38:6  iyo reer Gomer iyo guutooyinkiisii oo dhan, iyo reer Togarmaah oo meelaha woqooyi ugu shisheeya deggan iyo guutooyinkiisii oo dhan, xataa dad faro badan oo kula jira.
Ezek SomKQA 38:7  Isdiyaari, oo adiga iyo ciidankaaga kugu soo ururay oo dhammu isdiyaariya, oo adigu madax iyaga u noqo.
Ezek SomKQA 38:8  Oo wakhti dheer dabadeed ayaa lagu soo booqan doonaa, oo sannadaha dambe waxaad iman doontaa dalkii seefta laga soo celiyey, oo dadyow badan laga soo dhex ururiyey oo buuraha reer binu Israa'iil ku dul yaal, kaasoo weligiisba cidla burbursan ahaan jiray, laakiinse iyagaa quruumaha laga soo dhex bixiyey, oo kulligoodna si ammaan ah ayay ku degganaan doonaan.
Ezek SomKQA 38:9  Adigu waad soo kici doontaa oo waxaad u iman doontaa sida duufaan oo kale, oo waxaad ahaan doontaa sida daruur dalka qarisa, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan, iyo dad faro badan oo kula jiraba.
Ezek SomKQA 38:10  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah,
Ezek SomKQA 38:11  oo waxaad odhan doontaa, Waxaan ku kici doonaa dalka tuulooyinka aan deyrnayn, oo waxaan ku kici doonaa kuwa xasilloon, oo ammaanka ku deggan, oo kulligood iska deggan iyagoo aan lahayn derbiyo ku deyran iyo qataarro iyo irdo,
Ezek SomKQA 38:12  inaan wax ka dhaco, oo aan wax ka boobo, si aad gacanta ugu dul fidisid meelihii cidlada ahaa haatanse la degay, iyo dadkii quruumaha laga soo dhex ururiyey, oo xoolo iyo alaabba helay, oo dhulka dhexdiisa deggan.
Ezek SomKQA 38:13  Shebaa, iyo Dedaan, iyo baayacmushtariyaasha Tarshiish, iyo libaaxyadooda yaryar oo dhan waxay kugu odhan doonaan, Ma waxaad u timid inaad wax dhacdid? Oo guutadaada ma waxaad u soo urursatay inaad wax boobtid, iyo inaad lacag iyo dahab iska qaadatid, oo aad xoolo iyo alaab iska kaxaysatid, iyo inaad wax badan dhacdid?
Ezek SomKQA 38:14  Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad Juuj ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markii dadkayga reer binu Israa'iil ay wakhtigaas si ammaan ah ku degganaadaan, sow taas ogaan maysid?
Ezek SomKQA 38:15  Markaasaad ka soo kici doontaa meeshaada woqooyi ugu shishaysa adiga iyo dad badan oo kula jira, oo kulligood fardo fuushan, oo ah guuto faro badan, iyo ciidan xoog leh.
Ezek SomKQA 38:16  Oo waxaad ku soo kici doontaa dadkayga reer binu Israa'iil inaad sida daruur oo kale dhulka u qarisid, oo ugu dambaysta waxay noqon doontaa inaan dalkayga kugu soo kiciyo, Juujow, si ay quruumuhu ii aqoonsadaan markii dhexdaada quduus layga dhigo iyagoo indhaha ku haya.
Ezek SomKQA 38:17  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu ma waxaad tahay kii aan waa hore addoommadaydii nebiyada reer binu Israa'iil ahaa kaga hadlay, kuwaas oo waayahaas sannado badan wax ku sii sheegayay inaan iyaga kugu soo kicin doono?
Ezek SomKQA 38:18  Laakiinse wakhtiga Juuj uu dalka reer binu Israa'iil ku soo kici doono ayaan aad iyo aad u cadhoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 38:19  Waayo, waxaan ku hadlay masayrkaygii iyo cadhadaydii kululayd, oo hubaal wakhtigaas waxaa dalka reer binu Israa'iil jiri doona gariir weyn,
Ezek SomKQA 38:20  oo kalluunka badda, iyo haadda samada, iyo dugaagga duurka, iyo waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, iyo dadka dhulka jooga oo dhammuba waxay ka wada gariiri doonaan hortayda, oo buuruhu way dumi doonaan, oo meelaha dheerdheeruna way wada dhici doonaan, oo derbi kastaana dhulkuu ku soo dhici doonaa.
Ezek SomKQA 38:21  Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Seef baan buurahayga oo dhan ugaga yeedhi doonaa, oo nin kastaba seeftiisu waxay col ku noqon doontaa walaalkiis.
Ezek SomKQA 38:22  Oo waxaan isaga ku xukumi doonaa belaayo iyo dhiig; oo isaga, iyo guutooyinkiisa, iyo dadka badan oo isaga la jiraba waxaan ku soo kor dayn doonaa roob wax qarqinaya, iyo roob dhagaxyo waaweyn leh, iyo dab, iyo baaruud.
Ezek SomKQA 38:23  Oo anigu sidaasaan isu weynayn doonaa, oo aan quduus isaga dhigi doonaa, oo aan quruumo badan is-aqoonsiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Chapter 39
Ezek SomKQA 39:1  Haddaba Wiilka Aadamow, Juuj wax ka sii sheeg, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye.
Ezek SomKQA 39:2  Dib baan kuu soo celin doonaa, waanan ku soo kaxaysan doonaa, oo waxaan kaa soo kicin doonaa meelaha woqooyi ugu shisheeya, oo buuraha reer binu Israa'iil ayaan ku keeni doonaa.
Ezek SomKQA 39:3  Oo qaansadaada gacantaada bidix waan ka tuuri doonaa, oo fallaadhahaagana gacantaada midig baan ka ridi doonaa.
Ezek SomKQA 39:4  Waxaad ku kor le'an doontaa buuraha reer binu Israa'iil, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan iyo dadka kula jiraaba, oo haadka adag ee cayn kasta ah iyo dugaagga duurka ayaan cunto ahaan kuu siin doonaa inay ku cunaan.
Ezek SomKQA 39:5  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu waxaad ku le'an doontaa berrin bannaan, waayo, aniga ayaa saas ku hadlay.
Ezek SomKQA 39:6  Oo waxaan dab ku soo dayn doonaa Maajuuj iyo kuwa gasiiradaha ammaanka isaga degganba, oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
Ezek SomKQA 39:7  Oo waxaan ka dhigi doonaa in magacayga quduuska ah dadkayga reer binu Israa'iil dhexdooda lagu ogaado, oo iyaga uma aan dayn doono inay magacayga mar dambe nijaaseeyaan, oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
Ezek SomKQA 39:8  Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wuu imanayaa oo wuu ahaan doonaa, kaasu waa wakhtigii aan ka sii hadlay.
Ezek SomKQA 39:9  Oo kuwa magaalooyinka reer binu Israa'iil degganu way soo bixi doonaan, oo waxay dab ku shidan doonaan oo ay gubi doonaan hubka dagaalka, kuwaasoo ah gaashaammada yaryar iyo gaashaammada waaweynba, iyo qaansooyinka iyo fallaadhaha, iyo budhadhka iyo warmaha, oo intii toddoba sannadood ah ayay dab ku shidan doonaan.
Ezek SomKQA 39:10  Sidaas daraaddeed iyagu duurka qoryo kama ay soo guran doonaan, oo kayntana waxba kama ay soo goosan doonaan, waayo, waxay dab ku shidan doonaan hubka dagaalka, oo waxay boobi doonaan kuwii iyaga boobay, wayna dhici doonaan kuwii iyaga dhacay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 39:11  Oo wakhtigaas waxaan Juuj meel lagu aaso ka siin doonaa dalka reer binu Israa'iil, taasoo ah dooxada badda dhankeeda bari loo maro, oo taasuna way joojin doontaa socotooyinka mara. Oo halkaasaa lagu aasi doonaa Juuj iyo dadkiisa faraha badan oo dhan, oo waxaa loo bixin doonaa dooxadii Hamoonjuuj.
Ezek SomKQA 39:12  Oo intii toddoba bilood ah ayaa reer binu Israa'iil iyaga aasi doonaan, si ay dalka u nadiifiyaan aawadeed.
Ezek SomKQA 39:13  Oo waxaa iyaga wada aasi doona dadka dalka deggan oo dhan, oo wakhtiga lay ammaani doono ayaa taasu sharaf iyaga u noqon doontaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 39:14  Oo waxay gooni ahaan u sooci doonaan rag had iyo goorba dalka dhex mara inay meydadka dhulka ku hadhay aasaan, si ay dalka u nadiifiyaan, oo toddoba bilood dabadeed ayay wax baadhi doonaan.
Ezek SomKQA 39:15  Oo dalkay dhex marayaan oo markii qof dad lafihiis arko, wuxuu ka ag taagi doonaa calaamad, ilamaa kuwa wax aasaa ay dooxada Hamoonjuuj ku dhex aasaan.
Ezek SomKQA 39:16  Waxaana jiri doonta magaalo magaceeda la yidhaahdo Hamoonaah. Oo sidaasay dalka u nadiifin doonaan.
Ezek SomKQA 39:17  Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad la hadashaa haadka cayn kasta ah iyo dugaagga duurka oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Isa soo urursada, oo kaalaya, oo waxaad dhinac kasta uga soo ururtaan allabarigayga aan idiin qalay, kaasoo ah allabari weyn oo aan buuraha reer binu Israa'iil dul dhigay inaad hilib cuntaan oo aad dhiig cabtaan aawadeed.
Ezek SomKQA 39:18  Waxaad cuni doontaan ragga xoogga badan hilibkooda, oo waxaad cabbi doontaan amiirrada dunida dhiiggooda, kuwaasoo ah wanan waaweyn, iyo baraar, iyo orgi, iyo dibi, oo kulligood Baashaan lagu cayiliyey.
Ezek SomKQA 39:19  Oo allabarigayga aan idiin qalay ayaad ilamaa aad ka dheregtaan baruur ka cuni doontaan, oo ilamaa aad ku sakhraantaan dhiig ka cabbi doontaan.
Ezek SomKQA 39:20  Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miiskayga ayaad waxaad kaga dhergi doontaan fardo iyo fardooley, iyo rag xoog badan, iyo kuwa dagaalyahanka ah oo dhanba.
Ezek SomKQA 39:21  Oo ammaantaydana waxaan dhex dhigi doonaa quruumaha, oo quruumaha oo dhammuna waxay wada arki doonaan xukunkayga aan sameeyey iyo gacantayda aan iyaga dul saaray.
Ezek SomKQA 39:22  Oo maalintaas iyo wixii ka dambeeyaba reer binu Israa'iil sidaasay u ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.
Ezek SomKQA 39:23  Oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan in reer binu Israa'iil ay maxaabiis u noqdeen xumaantooda aawadeed, iyo in xadgudubkii ay igu sameeyeen aawadiis aan wejigayga uga qariyey, oo aan iyaga gacantii cadaawayaashooda ugu riday, oo ay kulligood seef ugu le'deen.
Ezek SomKQA 39:24  Waxaan iyaga ku sameeyey oo aan wejigayga uga qariyey sidii ay wasakhdoodu ahayd iyo sidii ay xadgudubyadoodu ahaayeen.
Ezek SomKQA 39:25  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa.
Ezek SomKQA 39:26  Waxay illoobi doonaan ceebtoodii iyo xadgudubyadii ay igu xadgudbeen oo dhan markay si ammaan ah dalkooda u degganaan doonaan, oo aan ciduna ka cabsiin doonin,
Ezek SomKQA 39:27  markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan.
Ezek SomKQA 39:28  Kolkaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo ka dhigay in iyaga maxaabiis ahaan quruumaha dhexdooda loogu kaxaysto, oo aan haddana dalkoodii ku soo dhex ururiyey, oo aanan innaba mar dambe midkoodna halkaas ku soo dayn doonin.
Ezek SomKQA 39:29  Oo wejigaygana innaba mar dambe iyaga kama aan qarin doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ruuxaygii ayaan reer binu Israa'iil ku dul shubay.
Chapter 40
Ezek SomKQA 40:1  Sannaddii shan iyo labaatanaad ee maxaabiisnimadayada, sannadda bilowgeedii, bisha maalinteedii tobnaad, sannaddii afar iyo tobnaad markii magaalada la qabsaday dabadeed, isla maalintaas qudheeda waxaa i dul saarnayd gacantii Rabbiga, oo halkaas buu i keenay.
Ezek SomKQA 40:2  Waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu igu geeyey dalkii reer binu Israa'iil, oo wuxuu i saaray buur aad u dheer, taasoo dhankeeda koonfureed ay wax magaalo dhismeheed u eg ku yiilleen.
Ezek SomKQA 40:3  Oo isagu halkaasuu i geeyey, oo bal eeg, waxaa meeshaas joogay nin naxaas u eg, oo gacanta ku haysta xadhig laga sameeyey geed linen la yidhaahdo, iyo cawsduur wax lagu qiyaaso, oo iridduu soo istaagay.
Ezek SomKQA 40:4  Oo ninkii wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxyaalaha aan ku tusi doono oo dhan indhaha ku fiiri, oo dhegaha ku maqal, oo qalbiga geli, waayo, waxaa halkan laguu keenay inaan waxyaalahan ku tuso. Oo wax alla wixii aad aragtid oo dhanba reer binu Israa'iil u sheeg.
Ezek SomKQA 40:5  Oo bal eeg, daarta dibaddeeda oo dhan waxaa ku wareegsanaa derbi, oo ninka gacantiisana waxaa ku jiray cawsduur wax lagu qiyaaso oo dhererkiisu yahay lix dhudhun, oo dhudhun kastaaba yahay dhudhun iyo taako. Markaasuu daarta ballaadhkeedii qiyaasay oo cawsduur buu ahaa, oo sarajooggeediina wuu qiyaasay oo cawsduur buu ahaa.
Ezek SomKQA 40:6  Oo wuxuu yimid iriddii xagga bari u sii jeedday, oo jaranjarradeeduu fuulay, oo wuxuu qiyaasay iridda marinkeedii, oo ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur, oo iridda kale marinkeediina ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur.
Ezek SomKQA 40:7  Oo qollad kastaba dhererkeedu wuxuu ahaa cawsduur, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa cawsduur, oo qolladahana waxaa u dhexeeyey shan dhudhun, oo marinka iridda oo balbalada iridda u dhowayd dhankiisa guduhu wuxuu ahaa cawsduur.
Ezek SomKQA 40:8  Haddana wuxuu qiyaasay iriddii balbaladeedii oo daarta u jeedday, waxayna ahayd cawsduur.
Ezek SomKQA 40:9  Oo haddana wuxuu qiyaasay balbaladii iridda, waxayna ahayd siddeed dhudhun, tiirarkeeduna waxay ahaayeen laba dhudhun, oo iridda balbaladeeduna daartay u jeedday.
Ezek SomKQA 40:10  Oo iridda xagga bari qolladeheedana waxay ahaayeen saddex dhinac ku taal iyo saddex dhinaca kale ku taal, oo saddexdooduba isku qiyaas bay ahaayeen, oo tiirarkuna dhankan isku qiyaas bay ku lahaayeen oo dhanka kalena isku qiyaas bay ku lahaayeen.
Ezek SomKQA 40:11  Oo haddana wuxuu qiyaasay kadinkii iridda ballaadhkiisii, wuxuuna ahaa toban dhudhun, oo iridda dhererkeeduna wuxuu ahaa saddex iyo toban dhudhun.
Ezek SomKQA 40:12  Oo qolladaha darafkii ka horreeyey dhinaciisuna wuxuu ahaa dhudhun oo darafkii dhinaciisa kalena wuxuu ahaa dhudhun, oo qolladaha dhinacooduna wuxuu ahaa lix dhudhun oo dhinaca kalena wuxuu ahaa lix dhudhun.
Ezek SomKQA 40:13  Oo haddana iridda qollad saqafkeed ilaa qollad kale saqafkeed ayuu qiyaasay, oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun albaab ilaa albaab.
Ezek SomKQA 40:14  Oo haddana wuxuu qiyaasay tiirarkii oo ahaa lixdan dhudhun, kuwaas oo gaadhay tiirkii barxaddii iridda ku wareegsanayd.
Ezek SomKQA 40:15  Oo kadinka iridda laga soo galo hortiisa iyo ilaa barxadda iridda hoose inta u dhaxaysaa waxay ahayd konton dhudhun.
Ezek SomKQA 40:16  Oo daaqado cidhiidhi ah baa ku jiray qolladaha iyo tiirarkooda iridda hoose ku wareegsan iyo meelaha dedan, oo sidaas oo kale daaqaduhu xagga gudaha way ka wareegsanaayeen, oo tiir kastana waxaa lagu xardhay geedo timireed.
Ezek SomKQA 40:17  Markaasuu barxaddii dibadda i geeyey, oo bal eeg, waxaa ku yiil qollado iyo dhul sallax ah oo barxadda ku wareegsan loo sameeyey. Soddon qolladood ayaa dhulka sallaxa ah ku tiil.
Ezek SomKQA 40:18  Oo dhulka sallaxa ah oo irdaha dhinacooda ku yiil oo irdaha ka soo hor jeeday wuxuu ahaa dhulka sallaxa ah oo hoose.
Ezek SomKQA 40:19  Markaasuu qiyaasay ballaadhkii iridda hoose horteeda iyo tan iyo barxadda hoose horteeda dibadda ah, xagga bari iyo xagga woqooyi, oo wuxuu ahaa boqol dhudhun.
Ezek SomKQA 40:20  Oo barxaddii dibadda iriddeedii xagga woqooyi u sii jeeddayna wuxuu qiyaasay dhererkeedii iyo ballaadhkeediiba.
Ezek SomKQA 40:21  Oo qolladaheeduna waxay ahaayeen saddex dhinac ku taal iyo saddex dhinaca kale ku taal, oo tiirarkooda iyo meelahooda dedan waxay la qiyaas ahaayeen iridda kowaad. Dhererkoodu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkooduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
Ezek SomKQA 40:22  Oo daaqadahooda, iyo meelahooda dedan, iyo geedahooda timireedba waxay la qiyaas wada ahaayeen qiyaastii iriddii xagga bari u sii jeedday, oo waxaa loo fuulay jaranjarro toddoba tallaabo ah, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen.
Ezek SomKQA 40:23  Oo barxadda hoose iriddeeduna waxay ka soo hor jeedday iriddii kale oo xagga woqooyi iyo xagga bari jirtay, oo irid ilaa iridda kale ayuu qiyaasay, waxayna ahayd boqol dhudhun.
Ezek SomKQA 40:24  Oo haddana wuxuu i geeyey xaggii koonfureed, oo bal eeg, waxaa ku tiil irid xagga koonfureed u sii jeedda, oo tiirarkeedii iyo meelaheedii dednaa wuxuu u qiyaasay sidii ay qiyaastaasu ahayd oo kale.
Ezek SomKQA 40:25  Oo iyada iyo meelaheeda dedan oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo waxay u ekaayeen daaqadahaas kale; dhererku wuxuu ahaa konton dhudhun oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
Ezek SomKQA 40:26  Oo waxay lahayd jaranjarro toddoba tallaabo ah oo loo fuulo, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen, oo waxay lahayd geedo timireed oo mid dhinacan kaga yaal, midna dhinacaas kaga yaal, oo tiirarkeeda ku xardhan.
Ezek SomKQA 40:27  Oo barxadda hoosena waxaa ku dhex yiil irid xagga koonfureed u sii jeedday, oo irid ilaa iriddeeda kale ayuu xagga koonfureed u qiyaasay, waxayna ahayd boqol dhudhun.
Ezek SomKQA 40:28  Markaasuu barxaddii hoose oo iridda koonfureed ku ag tiil i geeyey, oo iriddii koonfureedna sida qiyaastaas oo kaluu u qiyaasay.
Ezek SomKQA 40:29  Oo qolladaheedii, iyo tiirarkeedii, iyo meelaheedii dednaaba sidaas oo kaluu u qiyaasay, oo iyada, iyo meelaheeda dedan oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
Ezek SomKQA 40:30  Oo meelaha dedan oo ku wareegsan dhererkoodu wuxuu ahaa labaatan dhudhun, ballaadhkooduna wuxuu ahaa shan dhudhun.
Ezek SomKQA 40:31  Oo meelaheeda dedanu waxay u sii jeedeen xagga barxadda dibadda ah, oo tiirarkeedana waxaa ku xardhanaa geedo timireed, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.
Ezek SomKQA 40:32  Oo haddana wuxuu i dhex geeyey barxaddii hoose oo xagga bari u sii jeedday, oo iriddiina wuxuu u qiyaasay sidii qiyaastaas oo kale.
Ezek SomKQA 40:33  Oo qolladaheedii, iyo tiirarkeedii, iyo meelaheedii dednaaba waxay wada lahaayeen qiyaastaas oo kale, oo iyada iyo meelaheedii dednaa oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
Ezek SomKQA 40:34  Oo meelaheeda dedanuna waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo tiirarkana waxaa ku xardhanaa geedo timireed oo dhinacan iyo dhinacaasba kaga yaal, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.
Ezek SomKQA 40:35  Markaasuu iriddii woqooyi i geeyey, oo sidaas oo kaluu u qiyaasay
Ezek SomKQA 40:36  qolladaheeda, iyo tiirarkeeda, iyo meelaheeda dedan, oo waxay lahayd daaqado ku wareegsan, oo dhererku wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
Ezek SomKQA 40:37  Oo tiirarkeedu waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo geedo timireed ayaa tiirarkiisa dhinacan iyo dhinacaasba kaga xardhanaa, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.
Ezek SomKQA 40:38  Oo waxaa jirtay qollad albaabkeedu ku ag yiil tiirarka irdaha, oo halkaasaa qurbaanka la gubo lagu maydhay.
Ezek SomKQA 40:39  Oo balbalada iridda dhinaceedan waxaa yiil laba miis, oo dhinaceedaasna waxaa yiil laba miis, si korkooda loogu gowraco qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka.
Ezek SomKQA 40:40  Oo dhanka dibadda ah ee kadinka iridda woqooyi loo maro waxaa yiil laba miis, oo dhanka kale oo balbalada iridda u dhowna waxaa yiil laba miis oo kale.
Ezek SomKQA 40:41  Iridda dhinacan waxaa yiil afar miis, oo dhinacaasna waxaa yiil afar miis oo kale, kuwaasoo ahaa siddeed miis oo allabaryada lagu dul gowracay.
Ezek SomKQA 40:42  Oo waxaa jiray afar miis oo dhagax la qoray laga sameeyey oo allabariga la gubo lagu dul diyaariyo, oo dhererkoodu wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, ballaadhkooduna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, sarajooggooduna wuxuu ahaa dhudhun, oo korkoodana waxaa la saari jiray alaabta qurbaanka la gubo iyo allabariga lagu qalo.
Ezek SomKQA 40:43  Oo waxaa gudaha ugu xidhnaa qabatooyin ballaadhkoodu taako yahay oo hareerahooda oo dhan kaga wareegsan, oo miisaskii korkoodana waxaa saarnaa hilibkii qurbaanka.
Ezek SomKQA 40:44  Oo iridda hoose dibaddeedana waxaa ku yiil qolladihii kuwa gabya oo barxadda hoose ku yiil, oo mid waxay ku ag tiil iridda woqooyi oo waxay u sii jeedday xagga koonfureed, oo tanna waxay ag tiil iridda bari oo waxay u sii jeedday xagga woqooyi.
Ezek SomKQA 40:45  Oo wuxuu igu yidhi, Qolladdan xagga koonfureed u sii jeedda waxaa iska leh wadaaddada daarta taladeeda haya.
Ezek SomKQA 40:46  Oo qowladda xagga woqooyi u sii jeeddana waxaa iska leh wadaaddada meesha allabariga taladeeda haya, oo kuwaasu waa reer Saadooq oo reer Laawi ka mid ah, oo Rabbiga ugu soo dhowaada inay isaga u adeegaan.
Ezek SomKQA 40:47  Oo haddana wuxuu qiyaasay barxaddii oo dhererkeedu yahay boqol dhudhun, oo ballaadhkeeduna yahay boqol dhudhun, oo afar gees ah, oo meeshii allabariguna daartay ka horraysay.
Ezek SomKQA 40:48  Markaasuu balbaladii daarta i geeyey, oo wuxuu qiyaasay balbalada tiirarkeedii, oo dhinacan wuxuu ahaa shan dhudhun, dhinacaasna wuxuu ahaa shan dhudhun; oo iridda ballaadhkeeduna wuxuu ahaa saddex dhudhun oo dhinacan ah iyo saddex dhudhun oo dhinacaas ah.
Ezek SomKQA 40:49  Oo balbalada dhererkeedu wuxuu ahaa labaatan dhudhun, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa kow iyo toban dhudhun, oo jaranjarro baa loogu fuuli jiray, oo tiirarka waxaa ku ag yiil tiirar waaweyn, mid dhinacan kaga yaal, midka kalena dhinacaas kaga yaal.
Chapter 41
Ezek SomKQA 41:1  Markaasuu macbudkii i geeyey, oo tiirarkuu qiyaasay, oo dhinacan ballaadhku wuxuu ahaa lix dhudhun, oo dhinaca kale ballaadhkuna wuxuu ahaa lix dhudhun, oo kaasuna wuxuu ahaa taambuugga ballaadhkiisii.
Ezek SomKQA 41:2  Oo kadinka ballaadhkiisuna wuxuu ahaa toban dhudhun, oo kadinka dhinacyadiisuna waxay ahaayeen shan dhudhun oo dhinaca iyo shan dhudhun oo dhinaca kale ah, oo dhererkiisuu qiyaasay oo wuxuu ahaa afartan dhudhun oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun.
Ezek SomKQA 41:3  Oo haddana guduhuu galay oo wuxuu qiyaasay tiir kasta oo kadinka oo wuxuu ahaa laba dhudhun, oo kadinkuna wuxuu ahaa lix dhudhun, oo kadinka ballaadhkiisuna wuxuu ahaa toddoba dhudhun.
Ezek SomKQA 41:4  Oo haddana wuxuu qiyaasay dhererkiisii oo ahaa labaatan dhudhun, iyo ballaadhkiisii oo ahaa labaatan dhudhun oo macbudka hortiisa ku yiil; oo wuxuu igu yidhi, Tanu waa meesha ugu wada quduusan.
Ezek SomKQA 41:5  Markaasuu qiyaasay daarta derbigeedii oo ahaa lix dhudhun, oo qollad kasta ballaadhkeedu wuxuu ahaa afar dhudhun oo daarta dhinac kasta kaga wareegsan.
Ezek SomKQA 41:6  Oo qolladahana waxay ahaayeen saddex dabaqadood oo midba mid ka sarrayso, oo dabaqad kastaaba waxay ahayd soddon qolladood, oo waxay ku yiilleen derbigii qolladaha ee daarta ku wareegsanaa, si ay u qabsadaan aawadeed, laakiinse iyagu daarta derbigeeda kuma ay oollin.
Ezek SomKQA 41:7  Oo qolladuhuna way sii ballaadheen inay daarta kor ugu sii wareegayeen, waayo, wareegga daarta kor buu u sii kacay isagoo daarta ku wareegsan, sidaas daraaddeed daarta ballaadhkeedu xagga saruu u sii socday, oo waxaa qowladda ugu hoosaysa iyo tan ugu sarraysa lagaga fuulay qowladda dhexe.
Ezek SomKQA 41:8  Haddana waxaan arkay inay daartu ku dhisnayd meel sallax ah oo sare oo ku wareegsanayd, oo aasaaska qolladaha dhererkiisu wuxuu ahaa cawsduur kaamil ah oo ah lix dhudhun oo dhaadheer.
Ezek SomKQA 41:9  Oo qolladaha derbigooda dibadda ah qaradiisuna waxay ahayd shan dhudhun, oo intii hadhayna waxay ahayd meeshii qolladaha ee daarta.
Ezek SomKQA 41:10  Oo qolladaha dhexdoodana waxaa ku tiil meel ballaadhkeedu labaatan dhudhun yahay oo daarta dhinac kasta kaga wareegsan.
Ezek SomKQA 41:11  Oo qolladaha albaabbadooduna waxay u sii jeedeen meesha hadhay xaggeeda, albaab woqooyi buu u sii jeeday oo mid kalena koonfur buu u sii jeeday, oo meesha hadhay ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun oo hareeraheeda ku wada wareegsan.
Ezek SomKQA 41:12  Oo dhismihii meesha goonida ka horreeyey oo galbeedka ku tiil ballaadhkiisu wuxuu ahaa toddobaatan dhudhun, oo dhismaha derbigiisa ku wareegsan qaradiisuna waxay ahayd shan dhudhun, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa sagaashan dhudhun.
Ezek SomKQA 41:13  Oo daartii buu qiyaasay, oo dhererkeedii wuxuu ahaa boqol dhudhun, oo dhismihii meesha goonida ahayd iyo derbiyadiisiina dhererkoodii waxay ahaayeen boqol dhudhun.
Ezek SomKQA 41:14  Oo ballaadhka daarta horteeda iyo meeshii goonida ahayd ee xagga bari u jeedday waxay ahaayeen boqol dhudhun.
Ezek SomKQA 41:15  Oo haddana wuxuu qiyaasay dhererkii dhismihii ka soo hor jeeday meeshii goonida ahayd oo xagga dambe jirtay, iyo balbalooyinkeedii dhinacan iyo dhinacaasba ka xigay, oo waxay ahaayeen boqol dhudhun, oo waxaa weheliyey macbudkii hoose iyo balbalooyinkii barxadda,
Ezek SomKQA 41:16  iyo marinnadii albaabbada, iyo daaqadihii cidhiidhsanaa, iyo balbalooyinkii ku wareegsanaa saddexdooda dabaqadoodba, oo marinka albaabka ka soo hor jeedayba waxaa lagu dahaadhay alwaax ku wareegsan tan iyo dhulka iyo ilaa daaqadaha inta ka dhex leh, (oo daaqaduhuna way dednaayeen),
Ezek SomKQA 41:17  iyo albaabka dushiisa, iyo xataa daarta gudaheeda iyo dibaddeeda, iyo derbiga ku wareegsan gudaha iyo dibaddaba, qiyaas buu ku qiyaasay.
Ezek SomKQA 41:18  Oo waxaa lagu sharraxay keruubiim iyo geedo timireed, oo geed timireedba wuxuu ku dhex yiil laba keruub, oo keruub kastaaba wuxuu lahaa laba weji.
Ezek SomKQA 41:19  Oo mid nin wejigiis u egu wuxuu u sii jeeday geedka timireed ee dhinacan ku yaal xaggiisa, oo mid aaran libaax wejigiis u eguna wuxuu u sii jeeday geedka timireed ee dhinaca kale ku yaal xaggiisa, oo daarta hareereheeda oo dhanna saasaa lagu wada sameeyey.
Ezek SomKQA 41:20  Oo dhulka iyo albaabka korkiisa inta ka dhex leh waxaa lagu sameeyey keruubiim iyo geedo timireed, oo derbiga macbudkana sidaas oo kale waa loo sharraxay.
Ezek SomKQA 41:21  Oo macbudka tiirarkiisuba waxay ahaayeen afar gees, oo meesha quduuska ah horteeduna way u ekayd.
Ezek SomKQA 41:22  Meesha allabariga alwaax bay ahayd, oo sarajooggeedu wuxuu ahaa saddex dhudhun, dhererkeeduna laba dhudhun, oo geeseheeda, iyo dhererkeeda, iyo dhinacyadeeduba waxay wada ahaayeen alwaax. Markaasuu igu yidhi, Kanu waa miiska Rabbiga hortiisa yaal.
Ezek SomKQA 41:23  Oo macbudka iyo meesha quduuska ahu waxay lahaayeen laba albaab.
Ezek SomKQA 41:24  Oo labada albaab midkiiba wuxuu lahaa laba qaybood, kuwaasoo ah laba qaybood oo isku laalaaban. Albaab wuxuu lahaa laba qaybood, oo albaabka kalena wuxuu lahaa laba qaybood.
Ezek SomKQA 41:25  Oo waxaa albaabbada macbudka lagu sharraxay keruubiim iyo geedo timireed, oo u ekaa kuwii derbiyada lagu sharraxay, oo balbalada dibadda horteedana waxaa ku yiil looxaan qaro weyn.
Ezek SomKQA 41:26  Oo balbalada dhinacyadeeda waxaa ku yiil daaqado cidhiidhsan iyo geedo timireed oo dhinacan iyo dhinacaasba ku yaal oo daarta qolladeheeduna saasoo kalay ahaayeen, iyo looxaantii qarada weynayd.
Chapter 42
Ezek SomKQA 42:1  Oo haddana wuxuu i geeyey barxaddii dibadda dhankeeda woqooyi, oo wuxuu i geliyey qolladdii meesha goonida ah ka soo hor jeedday oo dhismaha xagga woqooyi ka soo hor jeedday.
Ezek SomKQA 42:2  Oo dhinaca dheer oo dhererkiisu boqol dhudhun ahaa ayaa albaabka woqooyi ku hor yiil, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa konton dhudhun.
Ezek SomKQA 42:3  Barxadda gudaha oo dhererkeedu labaatanka dhudhun ahaa horteeda iyo meesha sallaxa ah barxadda dibadda horteeda waxaa ku yiil balbalo balbalo kale ka soo hor jeedda oo saddex dabaqadood ah.
Ezek SomKQA 42:4  Oo qolladaha hortoodana waxaa ku yiil jid ballaadhkiisu toban dhudhun yahay, dhererkiisuna boqol dhudhun yahay, oo albaabbadooduna waxay u sii jeedeen xagga woqooyi.
Ezek SomKQA 42:5  Haddaba qolladaha sare way ka cidhiidhsanaayeen kuwa hoose iyo kuwa dhexe ee dhismaha, waayo, balbalooyinku meeshay yareeyeen.
Ezek SomKQA 42:6  Waayo, iyagu waxay ahaayeen saddex dabaqadood, laakiinse tiirar kuwa barxadaha la mid ah ma ay lahayn, sidaas daraaddeed kuwa sare way ka cidhiidhsanaayeen qolladaha hoose iyo kuwa dhexeba.
Ezek SomKQA 42:7  Oo derbigii dibadda oo ku ag yiil qolladihii xagga barxadda dibadda u sii jeeday oo xagga hore oo qolladaha ku yiil dhererkiisu wuxuu ahaa konton dhudhun.
Ezek SomKQA 42:8  Waayo, qolladihii barxadda dibadda ku yiil dhererkoodu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo bal eeg, macbudka hortiisu waxay ahayd boqol dhudhun.
Ezek SomKQA 42:9  Oo qolladahaas hoostooda waxaa ku yiil iriddii dhinaca bari laga geli jiray, meeshii iyaga xagga barxadda looga soo galo.
Ezek SomKQA 42:10  Oo qollado baa ku yiil derbigii barxadda xagga bari oo ka soo hor jeeda xagga meesha goonida ah iyo xagga dhismaha.
Ezek SomKQA 42:11  Oo jidkii hortooda ku yiil wuxuu u ekaa sidii kii qolladaha xagga woqooyi ku yiil oo kale. Sidooda oo kaluu u dheeraa oo sidoodoo kaluu u ballaadhnaa, oo meelahooda laga baxo oo dhammuna waxay ahaayeen sida qaabkoodoo kale iyo sida albaabbadooda oo kale.
Ezek SomKQA 42:12  Oo qolladihii xagga koonfureed u sii jeeday albaabbadoodiina waxay lahaayeen albaab jidka madaxiisa ku yiil, kaasoo ah jidkii derbiga xagga bari ka soo hor jeeday, markii iyaga la soo galo.
Ezek SomKQA 42:13  Oo markaasuu igu yidhi, Qolladaha woqooyi iyo qolladaha koonfureed oo meesha goonida ah ka soo hor jeeda waa qolladaha quduuska ah oo wadaaddada Rabbiga u soo dhowaadaa ay waxyaalaha quduuska ah ku cunaan, oo waxay halkaas dhigi doonaan waxyaalaha aad u quduuska ah, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, waayo, meeshaasu waa quduus.
Ezek SomKQA 42:14  Oo markii ay wadaaddadu soo galaan waa inaanay meesha quduuska ah ka bixin inay barxadda dibadda tagaan, laakiinse waa inay meeshaas dhigtaan dharkooda markay adeegayaan ay xidhaan, waayo, iyagu waa quduus, oo waa inay dhar kale xidhaan markay u soo dhowaadaan waxyaalaha dadka.
Ezek SomKQA 42:15  Haddaba markuu qiyaasiddii daarta gudaha dhammaystiray ayuu iriddii xagga bari u sii jeedday iga bixiyey, oo wuxuu qiyaasay hareereheedii oo dhan.
Ezek SomKQA 42:16  Dhankii bari ayuu cawsduurkii qiyaasta ku qiyaasay, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur, oo cawsduurkii qiyaasta ayuu ku soo wada wareejiyey.
Ezek SomKQA 42:17  Dhankii woqooyi cawsduurkii qiyaasta ayuu ku qiyaasay, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur.
Ezek SomKQA 42:18  Oo dhankii koonfureedna wuu ku qiyaasay cawsduurkii qiyaasta, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur.
Ezek SomKQA 42:19  Oo markaasuu dhankii galbeed u leexday, oo shan boqol oo cawsduur ayuu cawsduurkii qiyaasta ku qiyaasay.
Ezek SomKQA 42:20  Oo afartii dhinacba wuu ka qiyaasay, oo waxay lahayd derbi ku wareegsan oo dhererkiisu yahay shan boqol oo cawsduur, oo ballaadhkiisuna yahay shan boqol oo cawsduur, wuxuuna u kala dhexeeyey meesha quduuska ah iyo meesha aan quduuska ahayn.
Chapter 43
Ezek SomKQA 43:1  Oo markaas dabadeedna wuxuu i keenay iriddii xagga bari u sii jeedday.
Ezek SomKQA 43:2  Oo bal eeg, sharaftii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa xagga bari ka timid, oo codkiisuna wuxuu u ekaa sidii biyo badan sanqadhood, oo dhulkuna sharaftiisuu la dhalaalay.
Ezek SomKQA 43:3  Oo waxyaalihii lay tusay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii hore ee aan arkay; sidii waxyaalihii aan arkay markuu u yimid inuu magaalada dumiyo ayay u ekaayeen, oo waxyaalihii aan arkay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay oo kale; oo aniguna wejigaan u dhacay.
Ezek SomKQA 43:4  Oo sharaftii Rabbigu waxay daartii ka soo gashay jidkii iriddii xagga bari u sii jeedday.
Ezek SomKQA 43:5  Oo Ruuxii ayaa kor ii soo qaaday, oo wuxuu i geeyey barxaddii gudaha, oo bal eeg, sharaftii Rabbiga ayaa daartii buuxisay.
Ezek SomKQA 43:6  Oo waxaan maqlay qof daarta igala soo hadlaya, oo nin baa i garab taagnaa.
Ezek SomKQA 43:7  Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, halkanu waa meeshii carshigayga, iyo meeshii cagahayga, iyo meeshii aan reer binu Israa'iil weligay dhex degganaan doono, oo reer binu Israa'iil ama boqorradoodu mar dambe magacayga quduuska ah kuma ay nijaasayn doonaan dhillanimadooda amase meydka boqorradooda oo meelahooda sare yaal.
Ezek SomKQA 43:8  Waxay iriddooda marinkeeda ka taageen iriddayda marinkeeda agtiisa, oo tiirkoodiina waxay ka ag taageen tiirkayga, oo derbigii qudha ayaa aniga iyo iyaga noo dhexeeyey, oo magacayga quduuska ahna waxay ku nijaaseeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen, sidaas daraaddeed cadhadaydii waan ku baabbi'iyey.
Ezek SomKQA 43:9  Haddaba iyagu bal dhillanimadooda iyo meydka boqorradooda ha iga fogeeyeen, oo aniguna weligayba dhexdoodaan degganaan doonaa.
Ezek SomKQA 43:10  Wiilka Aadamow, bal waxaad reer binu Israa'iil tustaa daarta si ay xumaatooyinkooda ugu wada ceeboobaan, oo bal tilmaanta ha qiyaaseen.
Ezek SomKQA 43:11  Oo hadday wixii ay sameeyeen oo dhan ku ceeboobaan, waxaad tustaa daarta qaabkeeda, iyo qabanqaabkeeda, iyo meelaha laga baxo, iyo meelaha laga soo galo, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo qaynuunnadeeda oo dhan, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo sharciyadeeda oo dhan, oo iyagoo indhaha ku haya qor, si ay qaabkeeda oo dhan u sii dhawraan, oo ay qaynuunnadeeda oo dhan u wada sameeyaan.
Ezek SomKQA 43:12  Kanu waa sharcigii daarta: buurta dhaladeeda hareereheeda oo dhammu wuxuu ahaan doonaa waxa ugu wada quduusan. Bal eeg, kaasu waa sharcigii daarta.
Ezek SomKQA 43:13  Oo kanuna waa qiyaastii meesha allabariga oo lagu qiyaaso dhudhun dheer kaasoo ah dhudhun iyo taako. Salku wuxuu ahaan doonaa dhudhun, ballaadhkuna dhudhun, oo qarka hareeraha ku wareegsanuna taako, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa meesha allabariga aasaaskeeda.
Ezek SomKQA 43:14  Oo salka uu dhulka ku hayo iyo ilaa qarka hoose wuxuu ahaan doonaa laba dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun, oo qarka yar iyo qarka weyn inta u dhexaysaana afar dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun.
Ezek SomKQA 43:15  Meesha allabariga inteeda sare waxay ahaan doontaa afar dhudhun, oo meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido iyo ilaa dhankeeda sare waxaa ku oolli doona afar gees.
Ezek SomKQA 43:16  Oo meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido dhererkeedu wuxuu ahaan doonaa laba iyo toban dhudhun, oo ballaadhkeeduna laba iyo toban dhudhun, iyadoo afar gees ah.
Ezek SomKQA 43:17  Oo qarka dhererkiisuna wuxuu ahaan doonaa afar iyo toban dhudhun, ballaadhkiisuna afar iyo toban dhudhun, oo weliba afar gees ah, oo darafka ku wareegsanuna wuxuu ahaan doonaa nus dhudhun, oo salkuna wuxuu ahaan doonaa dhudhun, jaranjarraduna waxay u sii jeedi doontaa xagga bari.
Ezek SomKQA 43:18  Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwanu waa qaynuunnada meesha allabariga maalintay sameeyaan inay qurbaanno la gubo ku kor bixiyaan oo ay dhiig ku kor rusheeyaan.
Ezek SomKQA 43:19  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wadaaddada reer Laawi oo ah farcankii Saadooq, oo iigu soo dhowaada inay ii adeegaan, waxaad siisaa dibi yar oo qurbaan dembi loo bixiyo.
Ezek SomKQA 43:20  Oo waa inaad dhiiggiisa wax ka qaaddaa, oo waa inaad marisaa meesha allabariga afarteeda gees iyo qarka afartiisa rukun iyo darafkiisa ku wareegsan, oo sidaas waa inaad u nadiifisaa oo ugu kafaaragguddaa.
Ezek SomKQA 43:21  Oo weliba waxaad qaaddaa dibiga qurbaanka dembiga ah, oo isaga waa inuu ku gubaa meeshii loo amray ee daarta oo ah meesha quduuska ah dibaddeeda.
Ezek SomKQA 43:22  Oo maalinta labaadna waa inaad qurbaan dembi u bixisaa orgi yar oo aan iin lahayn, oo waa in meesha allabariga la nadiifiyo sidii dibigii loogu nadiifiyey oo kale.
Ezek SomKQA 43:23  Oo markaad nadiifinteeda dhammaysid waa inaad bixisaa dibi yar oo aan iin lahayn iyo wan aan iin lahayn.
Ezek SomKQA 43:24  Oo iyaga waa inaad u dhowaysaa Rabbiga hortiisa, oo wadaaddaduna waa inay cusbo ku kor shubaan, oo waa inay qurbaan la gubo Rabbiga ugu bixiyaan.
Ezek SomKQA 43:25  Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad maalin kasta orgi qurbaan dembi ah diyaarisaa, oo weliba waa in dibi yar iyo wan aan iin lahayn la diyaariyaa.
Ezek SomKQA 43:26  Intii toddoba maalmood ah waa in meesha allabariga loo kafaaraggudaa oo la daahiriyaa, oo sidaasaa quduus looga dhigi doonaa.
Ezek SomKQA 43:27  Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markay maalmahaasu dhammaadaan, maalinta siddeedaad iyo intii ka dambaysa wadaaddadu waa inay meesha allabariga ku kor bixiyaan qurbaannadiinna la gubo iyo qurbaannadiinna nabaadiinoba, oo aniguna waan idin aqbali doonaa.
Chapter 44
Ezek SomKQA 44:1  Markaasuu dib igu soo celiyey iriddii dibadda ee meesha quduuska ah oo xagga bari u sii jeedday, oo way xidhnayd.
Ezek SomKQA 44:2  Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Albaabkanu waa xidhnaanayaa, oo lama furi doono, oo ciduna kama soo geli doonto, waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa ka galay, oo sidaas daraaddeed buu u xidhnaanayaa.
Ezek SomKQA 44:3  Xagga amiirka amiir ahaan buu ugu fadhiisan doonaa oo Rabbiga hortiisa kibis ugu cuni doonaa. Wuxuu ka soo geli doonaa jidka balbalada ee iridda, oo isla jidkaas ayuu ka bixi doonaa.
Ezek SomKQA 44:4  Markaasuu i keenay jidkii iridda woqooyi ee daarta ku hor yiil, oo waan fiiriyey oo bal eeg, sharaftii Rabbiga ayaa daartii Rabbiga ka buuxsantay, oo aniguna wejigaan u dhacay.
Ezek SomKQA 44:5  Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Wiilka Aadamow, aad u fiirso, oo bal indhaha ku arag, oo bal dhegaha ku maqal waxa aan kugu leeyahay ee ku saabsan qaynuunnada daarta Rabbiga oo dhan, iyo sharciyadeeda oo dhan, oo aad u fiirso daarta iridda laga soo galo, iyo meesha quduuska ah meelaheeda laga baxo oo dhan.
Ezek SomKQA 44:6  Oo waxaad caasiyiinta reer binu Israa'iil ah ku tidhaahdaa, Reer binu Israa'iilow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxyaalihiinnii karaahiyada ahaa ee hore ha idinku filnaadeen,
Ezek SomKQA 44:7  waayo, meeshayda quduuska ah waxaad soo geliseen shisheeyayaal aan qalbiga ka gudnayn, oo aan jidhka ka gudnaynba inay soo galaan, oo ay nijaaseeyaan xataa daartayda markaad bixinaysaan cuntadayda ah baruurta iyo dhiigga, oo axdigaygii baad ku jebiseen waxyaalihiinnii karaahiyada ahaa oo dhan.
Ezek SomKQA 44:8  Oo idinku ma aydaan dhawrin adeegiddii waxyaalahayga quduuska ah, laakiinse waxaad meeshayda quduuska ah dhigateen kuwo adeegidda idiin dhawra.
Ezek SomKQA 44:9  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Shisheeyaha reer binu Israa'iil ku dhex jira oo ah shisheeye aan qalbiga ka gudnayn oo aan jidhka ka gudnayn toona waa inuusan meeshayda quduuska ah gelin.
Ezek SomKQA 44:10  Oo markay reer binu Israa'iil baadiyoobeen kuwii reer Laawi oo iga fogaaday, oo intay iga fogaadeen sanamyadoodii ka daba galay, waxay sidan doonaan xumaantooda.
Ezek SomKQA 44:11  Laakiinse iyagu waxay ka dhex adeegi doonaan meeshayda quduuska ah, iyagoo daarta irdaheeda u taliya, oo daarta ka adeegaya, oo waxay dadka u gowraci doonaan qurbaanka la gubo iyo allabariga, oo hortooday u istaagi doonaan inay iyaga u adeegaan.
Ezek SomKQA 44:12  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay iyaga ugu hor adeegeen sanamyadooda, oo waxay reer binu Israa'iil u noqdeen xumaan ay ku turunturoodaan, sidaas daraaddeed ayaan gacantayda ugu qaaday, oo waxay sidan doonaan xumaantoodii.
Ezek SomKQA 44:13  Oo iyagu iima ay soo dhowaan doonaan inay ii sameeyaan shuqulkii wadaadnimada, oo waxyaalahayga quduuska ahna uma ay soo dhowaan doonaan kuwaasoo ah waxyaalaha ugu quduusan, laakiinse iyagaa sidan doona ceebtoodii iyo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen.
Ezek SomKQA 44:14  Laakiinse waxaan iyaga ka dhigi doonaa kuwo daarta taladeeda haya, oo sameeya hawsheeda oo dhan, iyo waxa gudaheeda lagu samayn doono oo dhan.
Ezek SomKQA 44:15  Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wadaaddadii reer Laawi oo ah farcankii Saadooq oo adeegiddii meeshayda quduuska ah xajiyey markay reer binu Israa'iil iga baadiyoobeen, iyagu way ii soo dhowaan doonaan inay ii adeegaan aawadeed, oo hortayday u soo istaagi doonaan inay baruurta iyo dhiigga ii soo bixiyaan.
Ezek SomKQA 44:16  Meeshayda quduuska ah way soo geli doonaan, oo miiskayga way ugu soo dhowaan doonaan inay ii adeegaan, oo adeegiddaydana way xajin doonaan.
Ezek SomKQA 44:17  Oo markay irdaha barxadda gudaha soo galaan waa inay dhar linen ah xidhaan, oo intay irdaha barxadda gudaha iyo daarta gudaheeda ka adeegayaan waa inaan wax dhogor ahu korkooda taaban.
Ezek SomKQA 44:18  Waa inay madaxa ku duubtaan cimaamado linen ah, oo dhexdana waa inay surwaallo linen ah ku xidhaan, oo innaba waa inayan wax ka dhididiya guntaan.
Ezek SomKQA 44:19  Oo markay barxadda dibadda u soo baxaan taasoo ah barxadda dibadda ee uu dadku joogo waa inay dharkii ay ku adeegeen iska bixiyaan, oo waa inay qolladaha quduuska ah dhigaan, oo waa inay dhar kale gashadaan si ayan dadka kale dharkooda quduus ugaga dhigin.
Ezek SomKQA 44:20  Oo waa inayan madaxooda xiirin ama ayan timahoodu inay dheeraadaan u oggolaan, waase inay timahooda jaraan.
Ezek SomKQA 44:21  Oo markay barxadda gudaha soo galaanna wadaadna waa inuusan innaba khamri cabbin.
Ezek SomKQA 44:22  Oo waa inayan guursan carmal laga dhintay ama la furay, laakiinse waa inay guursadaan bikrado reer binu Israa'iil farcankooda ah amase carmal wadaad qabi jiray.
Ezek SomKQA 44:23  Oo waa inay dadkayga baraan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn waxay ku kala duwan yihiin, oo waxay ka dhigi doonaan inay kala gartaan waxa nijaasta ah iyo waxa nadiifta ah.
Ezek SomKQA 44:24  Oo markay dacwo timaadona waa inay garsoorid u istaagaan, oo waa inay si xukummadayda waafaqsan wax u xukumaan, oo iidahayga oo dhanna waa inay sharciyadayda iyo qaynuunnadaydaba ku dhawraan, oo sabtiyadaydana waa inay quduus ka dhigaan.
Ezek SomKQA 44:25  Oo waa inayan qof meyd ah u dhowaan si ayan isu nijaasayn, laakiinse waxay keliyahoo isu nijaasayn karaan aabbe daraaddiis, ama hooyo daraaddeed, ama wiil, ama gabadh, ama walaal, amase gabadh walaashood ah oo aan nin lahayn.
Ezek SomKQA 44:26  Oo markii la nadiifiyo dabadeed waa inay toddoba maalmood u tiriyaan.
Ezek SomKQA 44:27  Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintii uu meesha quduuska ah iyo barxadda gudaha ah galo, si uu meesha quduuska ah uga dhex adeego aawadeed, waa inuu qurbaankiisii dembiga bixiyaa.
Ezek SomKQA 44:28  Oo dhaxalkay heli doonaan waa aniga. Anigaa ah dhaxalkoodii, oo waa inaydaan innaba dalka reer binu Israa'iil hanti ku siin, waayo, anigaa ah hantidoodii.
Ezek SomKQA 44:29  Oo iyagu waxay iska cuni doonaan qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil nidraanba iyagaa iska lahaan doona.
Ezek SomKQA 44:30  Oo wax kasta oo midhaha ugu horreeya cayn kastaba, iyo qurbaannadiinna oo dhan cayn kasta oo ay yihiinba waxaa iska leh wadaaddada. Oo cajiinkiinna cadka ugu horreeyana waa inaad wadaadka siisaan si ay barako reerkiinna ugu soo degto.
Ezek SomKQA 44:31  Wadaaddadu waa inayan wax iska bakhtiyey, ama wax bahal dilay haad iyo dugaag midu yahayba cunin.
Chapter 45
Ezek SomKQA 45:1  Oo weliba markaad dhulka saami dhaxal ahaan ugu qaybsataan, waa inaad Rabbiga qurbaan ka siisaan, kaasoo ah dalka qaybtiisa quduuska ah. Meeshaas dhererkeedu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkeeduna waa inuu ahaadaa toban kun oo cawsduur. Oo meeshaas hareeraheeda ku wareegsan oo dhammu waa inay quduus wada ahaadaan.
Ezek SomKQA 45:2  Oo waa in taas meesha quduuska ah looga yeelaa jago dhererkeedu yahay shan boqol, oo ballaadhkeeduna yahay shan boqol, oo afar gees ah, oo waa in konton dhudhun agagaarkeeda laga dhigaa.
Ezek SomKQA 45:3  Oo intaasna waa inaad ka qiyaastaa meel dhererkeedu yahay shan iyo labaatan kun, ballaadhkeeduna yahay toban kun, oo waxaa dhexdeeda ku oolli doona meesha quduuska ah taas oo ah meesha ugu wada quduusan.
Ezek SomKQA 45:4  Waa dalka qaybtiisa quduuska ah, oo waxaa iska leh wadaaddada ah kuwa meesha quduuska ah ka adeega oo u soo dhowaado inay Rabbiga u adeegaan. Oo waxay ahaan doontaa meel ay guryo ka dhistaan, iyo meel quduus ah oo ay daarta quduuska ahu ku dhex taal.
Ezek SomKQA 45:5  Oo meesha dhererkeedu yahay shan iyo labaatan kun oo ballaadhkeeduna yahay toban kun waa inay hanti ahaan u ahaataa reer Laawi oo daarta ka adeega, taas iyo labaatan qolladood.
Ezek SomKQA 45:6  Oo hantida magaalada waa inaad doorataan, taasoo ah meel ballaadhkeedu yahay shan kun oo cawsduur, oo dhererkeeduna yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ay ag taal qaybta quduuska ah, oo taasna waxaa iska lahaan doona reer binu Israa'iil oo dhan.
Ezek SomKQA 45:7  Oo meesha qurbaanka quduuska ah iyo meesha ay hantida magaaladu ku dhex taal dhinacoodan iyo dhinacoodaasba waxaa iska lahaan doona amiirka, meesha qurbaanka quduuska ah horteeda iyo meesha ay hantida magaaladu ku taal horteeda, dhinaca galbeed xaggiisa galbeed iyo dhinaca bari xaggiisa bariba, oo dhererkoodu waa inuu la mid noqdaa qaybaha middood soohdinteeda galbeed iyo soohdinteeda bari inta ka dhex leh.
Ezek SomKQA 45:8  Oo taasu waxay amiirka u ahaan doontaa hantida uu reer binu Israa'iil ku dhex leeyahay, oo amiirradayduna waa inayan mar dambe dadkayga dulmin, laakiinse dalka waa inay reer binu Israa'iil u siiyaan siday qabiilooyinkoodu kala yihiin.
Ezek SomKQA 45:9  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Amiirrada reer binu Israa'iilow, intaasu ha idinku filnaato. Dulmiga iyo dhicidda joojiya, oo garsoorid iyo caddaalad sameeya, oo baaddiinnana dadkayga ka fogeeya, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 45:10  Waa inaad kafado xaq ah iyo eefaah xaq ah iyo bad xaq ah lahaataan.
Ezek SomKQA 45:11  Oo eefaahda iyo badku waa inay isku qiyaas ahaadaan, eefaahdu waa inay qaaddaa xomeer toban meelood loo dhigay meeshiis, oo badkuna waa inuu qaadaa xomeer toban meelood loo dhigay meeshiis, oo qiyaastuna waa inay ahaataa sida xomeerka.
Ezek SomKQA 45:12  Oo sheqelkuna waa inuu ahaadaa labaatan geeraah, oo maanehiinnuna waa inuu ahaadaa labaatan sheqel, shan iyo labaatan sheqel iyo shan iyo toban sheqel.
Ezek SomKQA 45:13  Oo qurbaanka aad bixinaysaanna waa kan: xomeer kasta oo sarreen ahba waa inaad ka bixisaan eefaah lix meelood loo dhigay meesheed, oo haddana xomeer kasta oo shaciir ahba waa inaad ka bixisaan eefaah lix meelood loo dhigay meesheed.
Ezek SomKQA 45:14  Oo amarka saliidduna waa kan: kor kastaba waa inaad ka bixisaan bad toban meelood loo dhigay meeshiis. Korkuna waa toban bad, sida xomeer oo kale.
Ezek SomKQA 45:15  Oo labadii tiro oo ido ahba waa inaad ka bixisaan wan laga soo kaxeeyey daaqa barwaaqaysan oo reer binu Israa'iil, oo waa inaad u bixisaan qurbaan hadhuudh ah, iyo qurbaan la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino, si aad iyaga ugu kafaaragguddaan aawadeed, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 45:16  Oo dadka dalka deggan oo dhammu waa inay qurbaankaas amiirka reer binu Israa'iil siiyaan.
Ezek SomKQA 45:17  Oo amiirka qaybtiisu waxay ahaan doontaa inuu qurbaannada la gubo, iyo qurbaannada hadhuudhka, iyo qurbaannada cabniinka bixiyo ayaamaha iidaha iyo wakhtiga ay biluhu dhashaan, iyo maalmaha sabtiyada, iyo iidaha reer binu Israa'iil oo dhan. Isagu waa inuu qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka la gubo, iyo qurbaannada nabaadiinada, diyaariyaa, si reer binu Israa'iil loogu kafaaraggudo.
Ezek SomKQA 45:18  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bishii kowaad maalinteedii kowaad waa inaad dibi yar oo aan iin lahayn soo wadataa, oo waa inaad meesha quduuska ah nadiifisaa.
Ezek SomKQA 45:19  Oo wadaadku waa inuu qaar ka soo qaadaa dhiigga qurbaanka dembiga, oo waa inuu mariyaa daarta tiirarkeeda, iyo meesha allabariga saldhiggeeda afartiisa gees, iyo tiirarka iridda barxadda gudaha.
Ezek SomKQA 45:20  Oo waa inaad bisha maalinteeda toddobaad saas oo kale u samaysaa mid kasta oo qalad ama aqoonla'aan ku dembaaba. Oo waa inaad sidaas daarta ugu kafaaragguddaan.
Ezek SomKQA 45:21  Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaad waa inaad iiddii Kormaridda iiddaan, taasoo ah iid toddoba maalmood ah, waana in la cunaa kibis aan khamiir lahayn.
Ezek SomKQA 45:22  Oo maalintaas amiirku waa inuu nafsaddiisa iyo dadka dalka oo dhanba dibi qurbaan dembi ah u diyaariyaa.
Ezek SomKQA 45:23  Oo toddobada maalmood oo iiddana waa inuu Rabbiga u diyaariyaa qurbaan la gubo, kaasoo ah toddoba dibi iyo toddoba wan oo aan iin lahayn oo uu toddobada maalmoodba maalin kasta diyaariya, oo maalin kastana waa inuu orgi qurbaan dembi u bixiyaa.
Ezek SomKQA 45:24  Oo waa inuu qurbaan hadhuudh oo ah eefaah dibiba iyo eefaah wanba diyaariyaa, oo eefah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.
Ezek SomKQA 45:25  Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaadna waa inuu sidaas oo kale sameeyaa iidda toddobada maalmood ah; waa inuu sameeyaa siduu qurbaanka dembigu yahay, iyo siduu qurbaanka la gubo yahay, iyo siduu qurbaanka hadhuudhku yahay, iyo siday saliiddu tahayba.
Chapter 46
Ezek SomKQA 46:1  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Barxadda gudaha iriddeeda xagga bari u sii jeeddaa waa inay lixda maalmood ee la shaqeeyo xidhnaataa, laakiinse maalinta sabtida waa inay furnaataa, oo maalinta bishu dhalatona waa inay furnaataa.
Ezek SomKQA 46:2  Oo amiirku waa inuu ka soo galaa jidka balbalada oo iridda dibadda, oo waa inuu iridda tiirkeeda ag istaagaa, oo wadaaddadu waa inay qurbaankiisa la gubo iyo qurbaannadiisa nabaadiinada diyaariyaan, oo waa inuu iridda marinkeeda ku sujuudaa, oo markaas waa inuu dibadda u baxaa, laakiinse iridda tan iyo fiidkii waa inaan la xidhin.
Ezek SomKQA 46:3  Oo maalmaha sabtida iyo maalmaha biluhu dhashaanba dadka dalka degganu waa inay albaabka iriddaas Rabbiga hortiisa ku sujuudaan.
Ezek SomKQA 46:4  Oo qurbaanka la gubo oo uu amiirku maalmaha Sabtida ah Rabbiga u bixin doono waa inuu ahaadaa lix wan oo yaryar oo aan iin lahayn iyo wan weyn oo aan iin lahayn.
Ezek SomKQA 46:5  Oo wan kasta oo weynba waa in lala bixiyaa qurbaanka hadhuudhka oo eefaah ah, oo wananka yaryar qurbaankooda hadhuudhkana nin waluba waa inuu intuu bixin karo bixiyaa, oo eefaah kastana hiin saliid ah waa inuu la bixiyaa.
Ezek SomKQA 46:6  Oo maalinta bishu dhalatona waa in la bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn, iyo lix wan oo yaryar iyo wan weyn, oo waa inay kulligood wada ahaadaan kuwo aan iin lahayn.
Ezek SomKQA 46:7  Oo dibi kasta waa inuu la diyaariyaa eefaah ah qurbaan hadhuudh oo wan kastana waa inuu eefaah la diyaariyaa, oo wananka yaryarna waa inuu in alla intay gacantiisu karto la diyaariyaa, oo eefaah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.
Ezek SomKQA 46:8  Oo amiirku markuu galo waa inuu jidka balbalada oo iriddaas ka soo galaa, oo haddana waa inuu isla iriddaas jidkeeda ka baxaa.
Ezek SomKQA 46:9  Laakiinse dadka dalka degganu markay iidaha Rabbiga hortiisa yimaadaan, kii jidka iridda woqooyi ka soo galaa, waa inuu jidka iridda koonfureed ka baxaa, oo kii jidka iridda koonfureed ka soo galaana waa inuu jidka iridda woqooyi ka baxaa, oo waa inuusan jidkii iriddii uu ka soo galay dib ugu noqon, laakiinse waa inuu dhanka isaga ku toosan ka baxaa.
Ezek SomKQA 46:10  Oo amiirku waa inuu iyaga dhex galaa markay galaan, oo markii ay baxaanna waa inuu baxaa.
Ezek SomKQA 46:11  Oo iidaha iyo maalmaha waaweyn ee la amray qurbaanka hadhuudhku waa inuu ahaadaa dibigiiba eefaah, iyo wankiiba eefaah, oo wananka yaryarna waa inuu la bixiyaa intuu bixin karo, oo eefaah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.
Ezek SomKQA 46:12  Haddaba amiirku markuu diyaariyo qurbaan ikhtiyaar ah ha ahaatee qurbaan la gubo amase qurbaanno nabaadiino oo Rabbiga ikhtiyaar loo siiyo, waa in iridda xagga bari u sii jeedda loo furaa, oo isagana waa inuu qurbaankiisa la gubo iyo qurbaannadiisa nabaadiino u diyaariyaa siduu maalinta sabtida yeelo oo kale, oo markaas waa inuu baxaa, oo markuu baxo dabadeed waa in iridda la soo xidhaa.
Ezek SomKQA 46:13  Oo adigu waa inaad maalin kasta Rabbiga qurbaan la gubo ugu diyaarisaa wan gu jira oo aan iin lahayn oo waa inaad subax kasta kaas diyaarisaa.
Ezek SomKQA 46:14  Oo kaas waa inaad subax kasta u diyaarisaa qurbaan hadhuudh ah eefaah lix meelood loo dhigay meesheed iyo hiin saliid ah oo saddex meelood loo dhigay meeshiis in burka wanaagsan lagu daro, oo kaasu waa qurbaan hadhuudh oo had iyo goorba joogta ah oo amar daa'imis ah Rabbiga u ah.
Ezek SomKQA 46:15  Oo sidaas subax kasta waa in qurbaan la gubo oo had iyo goor joogta ah loo diyaariyaa wanka, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo saliiddaba.
Ezek SomKQA 46:16  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Amiirku hadduu wiilashiisa midkood hadiyad siiyo, taasu waa dhaxalkiisa, oo wiilashiisaa lahaan doona, oo waa hantidooda ay dhaxal ahaan u leeyihiin.
Ezek SomKQA 46:17  Laakiinse hadduu dhaxalkiisa hadiyad ka siiyo addoommadiisa midkood, wuxuu iska yeelan doonaa ilaa sannadda xorriyadda oo dabadeedna waxay u noqon doontaa amiirkii, laakiinse dhaxalkiisa waxaa iska lahaan doona wiilashiisa oo qudha.
Ezek SomKQA 46:18  Oo weliba amiirku waa inuusan dadka dhaxalkooda wax uga qaadan si uu iyaga hantidooda uga bixiyo, laakiinse amiirkii waa inuu hantidiisa wiilashiisa ka dhaxalsiiyaa, si aan dadkaygu nin kastaba hantidiisa uga firdhin.
Ezek SomKQA 46:19  Markaasuu i dhex mariyey iriddii kadinka dhiniciisa ku tiil, oo wuxuu i geeyey qolladihii quduuska ahaa oo wadaaddada oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo bal eeg, meel baa ku tiil dhankooda dambe ee galbeed.
Ezek SomKQA 46:20  Oo wuxuu igu yidhi, Tanu waa meesha ay wadaaddadu qurbaanka xadgudubka iyo qurbaanka dembiga ku karin doonaan, oo ay qurbaanka hadhuudhka ku dubi doonaan, si ayan barxadda dibadda ugu bixin oo ayan dadka quduus uga dhigin.
Ezek SomKQA 46:21  Oo haddana wuxuu ii soo bixiyey barxaddii dibadda, oo wuxuu ka dhigay inaan barxadda afarteedii rukun ku soo wareego, oo bal eeg, barxadda rukunkeed kastaba barxad baa ku tiil.
Ezek SomKQA 46:22  Oo barxadda afarteeda rukunba waxaa ku yiil barxado kala xeraysan oo dhererkoodu afartan dhudhun yahay oo ballaadhkooduna soddon dhudhun yahay, oo afartaas barxadood ee rukummada ku tiil isku qiyaas bay ahaayeen.
Ezek SomKQA 46:23  Oo hareerahooda oo dhanna waxaa laga dhisay meel safan oo afartoodaba way ku wareegsanaayeen, oo safafka ku wareegsanna waxaa laga hoos sameeyey meelo wax lagu kariyo.
Ezek SomKQA 46:24  Markaasuu igu yidhi, Kuwanu waa meelaha wax lagu kariyo, oo ay midiidinnada daartu allabariga dadka ku karin doonaan.
Chapter 47
Ezek SomKQA 47:1  Oo haddana wuxuu mar kale i geeyey daarta albaabkeedii, oo bal eeg, biyaa ka soo hoos baxayay marinkii daarta dhankeeda bari, waayo, daarta horteedu waxay u sii jeedday xagga bari, oo biyuhuna waxay ka soo hoos baxayeen daarta dhankeeda midigta oo ah meesha allabariga dhinaceeda koonfureed.
Ezek SomKQA 47:2  Markaasuu jidkii iridda xagga woqooyi iga soo bixiyey, oo wuxuu ila wareejiyey jidkii dibadda ahaa oo iridda dibadda loo mari jiray oo ku dhinac yiil jidkii xagga bari u sii jeeday, oo bal eeg, biyaa dhankeeda midigta ka dareerayay.
Ezek SomKQA 47:3  Oo ninkii markuu xagga bari tegey isagoo gacanta xadhigga ku haysta wuxuu qiyaasay kun dhudhun, oo wuxuu i soo dhex mariyey biyihii oo anqowyada i jooga.
Ezek SomKQA 47:4  Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo biyuhu waxay i joogeen lowyaha. Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo markanna biyuhu waxay i joogeen dhexda.
Ezek SomKQA 47:5  Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo markan waxay ahaayeen webi aanan lug kaga gudbi karin, waayo, biyihii kor bay u keceen, oo waxay noqdeen biyo lagu dabaasho iyo webi aan lug lagaga gudbi karin.
Ezek SomKQA 47:6  Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxan ma aragtay? Oo haddana wuu i soo waday oo wuxuu igu soo celiyey webiga qarkiisii.
Ezek SomKQA 47:7  Haddaba markaan soo noqday, bal eeg, webiga qarkiisii waxaa ku yiil geedo tiro badan oo dhankan iyo dhankaasba kaga yaal.
Ezek SomKQA 47:8  Oo markaasuu igu yidhi, Biyahanu waxay u baxayaan xagga dalka bari, oo waxay u dhacayaan tan iyo lamadegaanka Caraabaah la yidhaahdo, iyo xagga badda, biyihii baxayayna badday gelayaan oo biyuhuna way bogsan doonaan.
Ezek SomKQA 47:9  Oo meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba wax kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqaaba way noolaan doonaan, oo waxaa jiri doona kalluun aad iyo aad u faro badan, maxaa yeelay, biyahaasu halkaasay u tagaan inay biyaha baddu bogsadaan aawadeed iyo in wax kastaaba ay soo noolaadaan meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba.
Ezek SomKQA 47:10  Oo kalluumaystayaashuna waxay istaagi doonaan badda qarkeeda, oo tan iyo Ceyn Gedii iyo ilaa Ceyn Ceglayim inta ka dhex leh waxay ahaan doontaa meel shabagyo lagu wadho, oo kalluunkooduna wuxuu ahaan doonaa cayn badan oo sida kalluunka badda weyn aad iyo aad u tiro badan.
Ezek SomKQA 47:11  Laakiinse meelaheeda dhoobada iyo biyagaleenka ahuba ma ay bogsan doonaan, illowse waxay ahaan doonaan cusbo miidhan.
Ezek SomKQA 47:12  Oo webiga qarkiisana dhinacan iyo dhinacaasba waxaa ka bixi doona geed kasta oo la cuno, oo aan caleentiisu dhari doonin, oo aan midhihiisu dhammaan doonin. Oo bil kastaba wuxuu soo bixin doonaa midho cusub, maxaa yeelay, biyahoodu waxay ka soo baxaan meesha quduuska ah. Oo midhahoodu waxay ahaan doonaan cunto, caleentooduna dawo.
Ezek SomKQA 47:13  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa inay ahaataa soohdinta aad dalka dhaxal ahaan ugu qaybsan doontaan siday laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil yihiin. Reer Yuusuf waa inuu laba qaybood helaa.
Ezek SomKQA 47:14  Oo waa inaad dhaxashaan, oo intii midkiin helo waa in kan kalena uu intaas oo kale helaa, waayo, gacantaydaan kor ugu qaaday oo ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, oo dalkaasu dhaxal buu idiin ahaan doonaa.
Ezek SomKQA 47:15  Oo dalka soohdintiisa dhanka woqooyi waxay ahaan doontaa tan iyo badda weyn iyo jidka Xetlon iyo ilaa meesha laga galo Sedaad,
Ezek SomKQA 47:16  iyo Xamaad, iyo Beerotaah, iyo Sibrayim oo u dhaxaysa soohdinta Dimishaq iyo soohdinta Xamaad, iyo Xasar Hatiikoon oo ku ag taal soohdinta Xawraan.
Ezek SomKQA 47:17  Oo soohdinta tan iyo badduna waxay ahaan doontaa Xasar Eenaan oo ah soohdinta Dimishaq, oo xagga woqooyina waa soohdinta Xamaad. Taasu waa soohdinta dhanka woqooyi.
Ezek SomKQA 47:18  Oo tan dhanka barina waxay ahaan doontaa Webi Urdun oo u dhexeeya Xawraan iyo Dimishaq iyo Gilecaad, iyo dalka reer binu Israa'iil. Tan iyo soohdintaas iyo ilaa badda bari waa inaad qiyaastaan, oo taasuna waa tan dhanka bari.
Ezek SomKQA 47:19  Oo dhanka koonfureed xaggiisana waa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn, oo taasuna waa soohdinta dhanka koonfureed.
Ezek SomKQA 47:20  Oo tan dhanka galbeedna waxay ahaan doontaa badda weyn ilaa soohdinta koonfureed iyo ilaa la yimaado meel Xamaad ka soo hor jeedda. Oo taasuna waa soohdinta dhanka galbeed.
Ezek SomKQA 47:21  Sidaas waa inaad dalkaas u qaybsataan siday qabiilooyinka reer binu Israa'iil yihiin.
Ezek SomKQA 47:22  Oo waa inaad dhaxal ahaan saami ugu qaybsataan idinka iyo shisheeyayaasha idin dhex deggan oo dhexdiinna carruurta ku dhalay, oo waxay idiin ahaan doonaan sida kuwa dalka ku dhex dhashay oo reer binu Israa'iil oo kale, oo iyaguna waa inay dhaxal idinkula qaataan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda.
Ezek SomKQA 47:23  Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kan shisheeyaha ahu qabiilkii uu dhex deggan yahay halkaas waa inaad dhaxalkiisa kala siisaan.
Chapter 48
Ezek SomKQA 48:1  Haddana kuwanu waa magacyadii qabiilooyinka. Xagga woqooyi tan iyo jidka Xetlon agtiisa iyo ilaa meesha Xamaad laga galo, iyo Xasar Eenaan iyo ilaa soohdinta Dimishaq xaggeeda woqooyi iyo ilaa xagga Xamaad, kuwaas oo ah dhinacyada bari iyo galbeed, waxaa jiri doonta qaybta reer Daan.
Ezek SomKQA 48:2  Oo waxaa soohdinta reer Daan dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Aasheer.
Ezek SomKQA 48:3  Oo waxaa soohdinta reer Aasheer dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Naftaali.
Ezek SomKQA 48:4  Oo waxaa soohdinta reer Naftaali dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Manaseh.
Ezek SomKQA 48:5  Oo waxaa soohdinta reer Manaseh dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Efrayim.
Ezek SomKQA 48:6  Oo waxaa soohdinta reer Efrayim dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Ruubeen.
Ezek SomKQA 48:7  Oo waxaa soohdinta reer Ruubeen dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Yahuudah.
Ezek SomKQA 48:8  Oo soohdinta reer Yahuudah dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeedna waxaa ku xigi doonta meeshaad qurbaan ahaan u bixinaysaan oo ballaadhkeedu yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo dhererkeeduna ula mid yahay sida qaybaha kale middood tan iyo dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed inta ka dhex leh, oo meesha quduuska ahuna waxay ku oolli doontaa meeshaas dhexdeeda.
Ezek SomKQA 48:9  Oo meesha aad Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixinaysaan dhererkeedu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkeeduna toban kun.
Ezek SomKQA 48:10  Oo meeshaas ah qurbaanka quduuska ah waxaa iska lahaan doona wadaaddada. Dhankeeda woqooyi dhererkiisu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun, oo dhankeeda galbeed ballaadhkiisuna toban kun, oo dhankeeda bari ballaadhkiisuna toban kun, oo dhankeeda koonfureed dhererkiisuna shan iyo labaatan kun, oo meesha quduuska ah ee Rabbiguna waa inay dhexdeeda ku taallaa.
Ezek SomKQA 48:11  Oo meeshaas waxaa iska lahaan doona wadaaddada quduuska laga dhigay ee reer Saadooq oo adeegiddaydii xajiyey oo aan u baadiyoobin sidii ay reer Laawi u baadiyoobeen markay reer Israa'iil baadiyoobeen.
Ezek SomKQA 48:12  Oo meeshaasu waxay iyaga u ahaan doontaa dal qurbaan ah oo ka mid ah dhulka qurbaan ahaan loo bixiyey, oo soohdinta reer Laawi ku xigta.
Ezek SomKQA 48:13  Oo meel soohdinta wadaaddada ku xigtana waxay reer Laawi ku lahaan doonaan dhul dhererkiisu yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkiisuna yahay toban kun, oo dhererka oo dhammu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun, oo ballaadhkuna waa inuu ahaadaa toban kun.
Ezek SomKQA 48:14  Oo iyagu waa inayan innaba iibsan, ama ayan beddelan, ama ayan dalka midhihiisa hore innaba shisheeye u gudbin, waayo, dhulkaasu Rabbiguu quduus u yahay.
Ezek SomKQA 48:15  Oo shanta kun oo ka hadhay ballaadhka ah shan iyo labaatanka kun waxay ahaan doontaa meel dadka ka dhexaysa oo ah magaalada la dego iyo agagaarkeeda, oo magaaladuna waa inay ku dhex taallaa.
Ezek SomKQA 48:16  Oo kuwanuna waa inay qiyaasteeda ahaadaan: dhanka woqooyi waa inuu ahaadaa afar kun iyo shan boqol, dhanka koonfureedna afar kun iyo shan boqol, dhanka barina afar kun iyo shan boqol, dhanka galbeedna afar kun iyo shan boqol.
Ezek SomKQA 48:17  Oo magaalada agagaarkeeduna xagga woqooyi waa inuu ahaadaa laba boqol iyo konton, xagga koonfureedna laba boqol iyo konton, xagga barina laba boqol iyo konton, xagga galbeedna laba boqol iyo konton.
Ezek SomKQA 48:18  Oo dhererka ka hadhay oo ku xiga dalka qurbaanka ee quduuska ah dhankiisa bari waa inuu ahaadaa toban kun, oo dhankiisa galbeedna waa inuu ahaadaa toban kun, oo waa inuu ku xigaa dalka qurbaanka ee quduuska ah; oo waxa dhulkaas ka baxaana cunto bay u ahaan doonaan kuwa magaalada ku hawshooda.
Ezek SomKQA 48:19  Oo dhulkaas waxaa beeri doona kuwa magaalada ku hawshooda ee qabiilooyinka reer binu Israa'iil ka soo baxa oo dhan.
Ezek SomKQA 48:20  Oo dhulka qurbaanka ah oo dhammu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo dherer ah iyo shan iyo labaatan kun oo ballaadh ah. Dalka qurbaanka ee quduuska ah oo aad bixinaysaan waa inuu ahaadaa afar gees iyadoo hantida magaaladu ku taal.
Ezek SomKQA 48:21  Oo inta hadhana waxaa iska lahaan doona amiirka, dhinacan iyo dhinacaas oo dalka qurbaanka ee quduuska ah, iyo meesha ay magaaladu ku taalloba, oo ka soo hor jeedda shan iyo labaatanka kun oo dalka qurbaanka ah oo xagga soohdinta bari, iyo dhanka galbeed oo ka soo hor jeeda shan iyo labaatanka kun oo xagga soohdinta galbeed, oo ku xiga qaybaha. Oo intaas waxaa lahaan doona amiirka, oo dalka qurbaanka ee quduuska ah iyo meesha quduuska ah ee daartana waa inay ku dhex yaallaan.
Ezek SomKQA 48:22  Oo weliba xagga hantida reer Laawi iyo xagga hantida magaalada oo ku dhex yaal meesha amiirka oo u dhaxaysa soohdinta reer Yahuudah iyo soohdinta reer Benyaamiinba waxaa iska lahaan doona amiirka.
Ezek SomKQA 48:23  Oo qabiilooyinka kale oo hadhana tan iyo dhanka bari iyo ilaa dhanka galbeed reer Benyaamiin waa inay qayb ka helaan.
Ezek SomKQA 48:24  Oo waxaa soohdinta reer Benyaamiin dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Simecoon.
Ezek SomKQA 48:25  Oo waxaa soohdinta reer Simecoon dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Isaakaar.
Ezek SomKQA 48:26  Oo waxaa soohdinta reer Isaakaar dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Sebulun.
Ezek SomKQA 48:27  Oo waxaa soohdinta reer Sebulun dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Gaad.
Ezek SomKQA 48:28  Oo xagga soohdinta reer Gaadna dhankeeda koonfureed soohdintu waa inay ahaataa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn.
Ezek SomKQA 48:29  Kaasu waa dalka aad qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhaxal ahaan saami ugu qaybin doontaan, oo intaasuna waa qaybahooda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Ezek SomKQA 48:30  Oo kuwanuna waa meelaha magaalada laga baxo, xagga dhanka woqooyi waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur.
Ezek SomKQA 48:31  Oo magaalada irdaheedana waa in lagu magacaabaa qabiilooyinka reer binu Israa'iil magacyadooda. Saddexda irdood oo xagga woqooyi irid waa in reer Ruubeen lagu magacaabaa, iridna reer Yahuudah, iridna reer Laawi.
Ezek SomKQA 48:32  Oo xagga dhanka barina waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddexda irdood oo xagga barina irid waa in reer Yuusuf lagu magacaabaa, iridna reer Benyaamiin, iridna reer Daan.
Ezek SomKQA 48:33  Oo xagga dhanka koonfureedna qiyaastiisu waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddexda irdood oo dhanka koonfureed irid waa in reer Simecoon lagu magacaabaa, iridna reer Isaakaar, iridna reer Sebulun.
Ezek SomKQA 48:34  Oo xagga dhanka galbeedna waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddex irdood leh, oo irid waa in reer Gaad lagu magacaabaa, iridna reer Aasheer, iridna reer Naftaali.
Ezek SomKQA 48:35  Oo magaalada wareeggeeduna wuxuu ahaan doonaa siddeed iyo toban kun oo cawsduur, oo maalintaas intii laga bilaabona magaalada magaceedu wuxuu ahaan doonaa, Rabbigaa halkaas jooga.