Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
LUKE
Up
Chapter 1
Luke SomKQA 1:1  Dad badan waxay ku dadaaleen inay soo hagaajiyaan sheeko ku saabsan wixii dhexdayada lagu sameeyey oo la hubsaday,
Luke SomKQA 1:2  siday noo ogeysiiyeen kuwii tan iyo bilowgii arkay oo Ereygii u shaqeeyey.
Luke SomKQA 1:3  Sidaa darteed anigana waxaa ila wanaagsanayd inaan, anigoo tan iyo bilowgii wax walba oo dhacay aad u gartay, si hagaagsan kuugu qoro, Te'ofilosow sharaf weyn lahow,
Luke SomKQA 1:5  Wakhtigii Herodos ahaa boqorkii Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la odhan jiray Sakariyas, oo ka mid ahaa safkii Abiya; haweenaydiisuna waxay ka mid ahayd hablihii reer Haaruun, magaceedana waxaa la odhan jiray Elisabed.
Luke SomKQA 1:6  Labadooduba xaq bay ku ahaayeen Ilaah hortiisa, oo qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbiga ayay eedla'aan ku socon jireen.
Luke SomKQA 1:7  Ilmo ma ay lahayn, waayo, Elisabed madhalays bay ahayd, oo labadooduba way da'weynaayeen.
Luke SomKQA 1:8  Waxaa dhacay, intuu shuqulkii wadaadnimadii safkiisa dartiis samaynayay Ilaah hortiisa,
Luke SomKQA 1:9  sida caadadii wadaadnimadu u ahayd, in shuqulkiisu ahaa inuu foox shido goortuu macbudka Rabbiga galay.
Luke SomKQA 1:10  Saacaddii fooxa ayaa dadkii badnaa oo dhammu dibadda ku tukanayeen.
Luke SomKQA 1:11  Markaasaa waxaa isaga u soo muuqatay malaa'igtii Rabbiga oo taagnayd meeshii fooxa lagu shido midigteeda.
Luke SomKQA 1:12  Goortuu Sakariyas arkay ayuu naxay, wuuna cabsaday.
Luke SomKQA 1:13  Laakiin malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Sakariyasow, waayo, baryadaadii waa la maqlay; afadaada Elisabedna wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Yooxanaa.
Luke SomKQA 1:14  Waxaad heli doontaa farxad iyo rayrayn; dad badanna dhalashadiisa ayay ku farxi doonaan,
Luke SomKQA 1:15  waayo, Rabbiga hortiisa nin weyn buu ku ahaan doonaa, mana cabbi doono khamri ama wax lagu sakhraamo. Waxaana xataa uurka hooyadiis kaga buuxsami doona Ruuxa Quduuskaa.
Luke SomKQA 1:16  Reer binu Israa'iil badidoodana ayuu Rabbiga Ilaahooda ah ku soo jeedin doonaa.
Luke SomKQA 1:17  Isaguna wuxuu ku hor mari doonaa ruuxii iyo xooggii Eliyaas inuu aabbayaasha qalbiyadooda ku soo jeediyo carruurta, iyo inuu caasiyiinta ku soo celiyo xigmadda kuwa xaqa ah, inuu Rabbiga u diyaargareeyo dad hagaagsan.
Luke SomKQA 1:18  Sakariyas wuxuu malaa'igtii ku yidhi, Sidee baan waxan u garan doonaa? Waayo, anigu oday baan ahay, afadayduna waa da'weynaatay.
Luke SomKQA 1:19  Malaa'igtii baa u jawaabtay oo ku tidhi, Anigu waxaan ahay Jibriil oo Ilaah hortiisa istaaga. Waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan warkan wanaagsan kuu keeno.
Luke SomKQA 1:20  Bal eeg, waad aamusnaan doontaa, mana hadli kari doonto, ilaa maalinta waxyaalahan dhici doonaan, waayo, waad rumaysan weyday hadalladayda wakhtigooda la oofin doono.
Luke SomKQA 1:21  Dadkuna waxay sugayeen Sakariyas, oo waxay la yaabeen siduu macbudka ugu raagay.
Luke SomKQA 1:22  Markuu soo baxay ayuu la hadli kari waayay, markaasay garteen inuu macbudka wax ku arkay. Kolkaasuu gacanta ugu sii tilmaamayay iyaga, isagoo sii carrab la'.
Luke SomKQA 1:23  Kolkii maalmihii shuqulkiisii wadaadnimadu dhammaadeen ayuu wuxuu tegey gurigiisii.
Luke SomKQA 1:24  Maalmahaas dabadeed afadiisa Elisabed ayaa uuraysatay, oo shan bilood ayay isqarisay iyadoo leh.
Luke SomKQA 1:25  Sidaasaa Rabbigu iigu sameeyey maalmihii uu i eegay inuu ceebtayda dadka dhexdooda iiga qaado.
Luke SomKQA 1:26  Bishii lixaad Ilaah baa malaa'ig Jibriil u soo diray magaalada Galili oo Naasared la odhan jiray
Luke SomKQA 1:27  ilaa gabadh bikrad ah oo u doonanayd nin la odhan jiray Yuusuf oo dhashii Daa'uud ahaa; gabadhana waxaa la odhan jiray Maryan.
Luke SomKQA 1:28  Malaa'igtii baa u soo gashay, oo waxay ku tidhi, Nabad, adigoo nimcaysan, Rabbiga ayaa kula jira.
Luke SomKQA 1:29  Markaasay hadalkii ka naxday, oo waxay isku tidhi, Maxay tahay salaantan?
Luke SomKQA 1:30  Malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Maryamay, waayo, nimco ayaad Ilaah ka heshay.
Luke SomKQA 1:31  Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise.
Luke SomKQA 1:32  Nin weyn buu ahaan doonaa, waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya, Rabbiga Ilaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa'uud.
Luke SomKQA 1:33  Weligiiba wuxuu boqor u ahaan doonaa dadkii Yacquub, boqornimadiisuna ma idlaan doonto.
Luke SomKQA 1:34  Kolkaasaa Maryan waxay malaa'igtii ku tidhi, Sidee baa waxanu ku noqon doonaan? Anigu ninna garan maayo.
Luke SomKQA 1:35  Malaa'igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona, sidaa darteed kan quduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah.
Luke SomKQA 1:36  Bal eeg, ina-adeertaa Elisabedna wiil bay uuraysatay iyadoo da'weyn; oo tanuna waxay tii madhalays loogu yeedhi jiray u tahay bisheedii lixaad.
Luke SomKQA 1:38  Maryan ayaa tidhi, Waa i kan, waxaan ahay addoontii Rabbiga. Sidaad u hadashay ha ii noqoto. Markaasaa malaa'igtii ka tagtay.
Luke SomKQA 1:39  Maalmahaas Maryan baa kacday, oo waxay dhaqso u tagtay dhulkii buuraha lahaa ilaa magaalo ka mid ah reer Yahuudah,
Luke SomKQA 1:40  oo waxay gashay gurigii Sakariyas, oo salaantay Elisabed.
Luke SomKQA 1:41  Oo waxaa dhacay goortii Elisabed salaantii Maryan maqashay in ilmihii uurkeeda ku boodbooday; Elisabedna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah.
Luke SomKQA 1:42  Markaasay cod dheer ku qaylisay oo tidhi, Dumarka dhexdooda waad ku barakaysan tahay, oo midhaha uurkaaga waa barakaysan yahay.
Luke SomKQA 1:43  Xaggee waxanu iiga yimaadeen in Sayidkayga hooyadiis iigu timaado?
Luke SomKQA 1:44  Bal eeg, markii codkii salaantaadu dhegahayga ku dhacay, ilmaha uurkayga ku jira ayaa farxad la boodbooday.
Luke SomKQA 1:45  Waxaa barakaysan tii rumaysatay; waayo, waxyaalihii xagga Rabbiga looga sheegay ayay dhici doonaan.
Luke SomKQA 1:46  Maryanna waxay tidhi, Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa,
Luke SomKQA 1:47  Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.
Luke SomKQA 1:48  Waayo, wuxuu eegay hoosaysnimada addoontiisa, Bal eeg, tan iyo hadhow qarniyada oo dhammu waxay iigu yeedhi doonaan tan barakaysan.
Luke SomKQA 1:49  Waayo, kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyey; Magiciisuna waa Quduus,
Luke SomKQA 1:50  Tan iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa Kuwa isaga ka cabsada.
Luke SomKQA 1:51  Wuxuu xoog ku sameeyey gacantiisa, Oo kuwii fikirradii qalbigoodii ku kibray ayuu kala firdhiyey.
Luke SomKQA 1:52  Kuwii xoogga lahaa ayuu carshiyadoodii ka soo dejiyey Oo kuwii hooseeyey ayuu sarraysiiyey.
Luke SomKQA 1:53  Kuwii gaajaysnaa ayuu wax wanaagsan ka dhergiyey, Kuwii hodanka ahaana iyagoo madhan ayuu diray.
Luke SomKQA 1:54  Midiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey Inuu xusuusto inuu u naxariisto
Luke SomKQA 1:55  Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba (Siduu awowayaasheennii ula hadlay).
Luke SomKQA 1:56  Maryan waxay iyada la joogtay abbaaraha saddex bilood, markaasay gurigeeda ku noqotay.
Luke SomKQA 1:57  Hadda Elisabed wakhtigii ay umuli lahayd ayaa la joogay, oo wiil bay dhashay.
Luke SomKQA 1:58  Derisyadeedii iyo xigaalkeedii ayay maqleen siduu Rabbigu naxariistiisii ugu weyneeyey iyada, wayna la farxeen.
Luke SomKQA 1:59  Waxaa dhacay inay maalintii siddeedaad u yimaadeen inay wiilkii gudaan, oo waxayna u bixiyeen magicii aabbihiis Sakariyas.
Luke SomKQA 1:60  Kolkaasaa hooyadiis u jawaabtay oo ku tidhi, Sidaas ma aha; waxaase loogu yeedhi doonaa Yooxanaa.
Luke SomKQA 1:61  Waxay ku yidhaahdeen, Xigaalkaaga kuma jiro qof magacaas loo bixiyey.
Luke SomKQA 1:62  Waxay aabbihiis gacan ugu tilmaameen oo weyddiiyeen wuxuu doonayay in loogu yeedho.
Luke SomKQA 1:63  Markaasuu wuxuu weyddiistay loox oo ku qoray, isagoo leh, Magiciisu waa Yooxanaa. Wayna wada yaabeen.
Luke SomKQA 1:64  Kolkiiba afkiisii ayaa furmay, oo carrabkiisiina waa debcay, markaasuu hadlay oo Ilaah ammaanay.
Luke SomKQA 1:65  Dadkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan.
Luke SomKQA 1:66  Kuwa waxyaalahaas maqlay oo dhan ayaa qalbigooda geliyey oo waxay yidhaahdeen, Haddaba ilmahanu muxuu noqon doonaa? Waayo, gacantii Rabbiga ayaa la jirtay isaga.
Luke SomKQA 1:67  Markaasaa aabbihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, waxna wuu sii sheegay isagoo leh,
Luke SomKQA 1:68  Ha ammaanmo Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil, Waayo, dadkiisii ayuu soo booqday oo furtay.
Luke SomKQA 1:69  Badbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey Gurigii midiidinkiisa Daa'uud,
Luke SomKQA 1:70  (Siduu afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii uga hadli jiray),
Luke SomKQA 1:71  Inuu inaga badbaadiyo cadaawayaasheenna iyo gacanta kuwa ina neceb oo dhan,
Luke SomKQA 1:72  Iyo inuu u naxariisto awowayaasheen, Iyo inuu axdigiisii quduuska ahaa xusuusto,
Luke SomKQA 1:73  Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay,
Luke SomKQA 1:74  Inuu ina siiyo innagoo cadaawayaasheenna gacmahooda laynaga bixiyey Inaynu baqdinla'aan isaga ugu hawshoonno
Luke SomKQA 1:75  Quduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan.
Luke SomKQA 1:76  Adiguna, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya, Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga hortiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid;
Luke SomKQA 1:77  Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada Ee dembidhaafkooda ah,
Luke SomKQA 1:78  Ee laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna, Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta,
Luke SomKQA 1:79  Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada, Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,
Luke SomKQA 1:80  Wiilkuna waa koray oo ruuxuu ka xoogoobay, wuxuuna joogay cidlada ilaa maalintii uu Israa'iil istusi lahaa.
Chapter 2
Luke SomKQA 2:1  Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro.
Luke SomKQA 2:2  Qorniinkaas kolkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey markii Kuranayos xukumi jiray Suuriya.
Luke SomKQA 2:3  Dhammaan waxay u wada tageen in la qoro, mid kastaba magaaladiisii.
Luke SomKQA 2:4  Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud,
Luke SomKQA 2:5  in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd.
Luke SomKQA 2:6  Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen,
Luke SomKQA 2:7  waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.
Luke SomKQA 2:8  Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya.
Luke SomKQA 2:9  Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen.
Luke SomKQA 2:10  Markaasaa malaa'igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan.
Luke SomKQA 2:11  Waayo, maanta waxaa magaalada Daa'uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah.
Luke SomKQA 2:12  Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal.
Luke SomKQA 2:13  Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,
Luke SomKQA 2:14  Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda.
Luke SomKQA 2:15  Waxaa dhacay markii malaa'igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey.
Luke SomKQA 2:16  Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa.
Luke SomKQA 2:17  Oo goortay arkeen, waxay ogeysiiyeen hadalka ilmahan looga sheegay iyaga.
Luke SomKQA 2:18  Dadkii maqlay oo dhanna ayaa ka yaabay waxyaalihii adhijirradu u sheegeen.
Luke SomKQA 2:19  Maryanse hadalkaas oo dhan ayay haysatay oo qalbigeeda kaga fikirtay.
Luke SomKQA 2:20  Adhijirraduna way noqdeen iyagoo Ilaah ku ammaanaya oo ku weynaynaya waxyaalihii ay maqleen oo ay arkeen oo dhan, sidii iyaga loogu sheegay.
Luke SomKQA 2:21  Goortii siddeed maalmood dhammaatay oo wiilkii la gudi lahaa, magiciisii waxaa loo baxshay Ciise, sida malaa'igtii ugu bixisay intaan uurka lagu uuraysan.
Luke SomKQA 2:22  Kolkii maalmihii nadiifiskeeda u dhammaadeen sidii sharciga Muuse lahaa, waxay geeyeen Yeruusaalem inay Rabbiga u dhiibaan
Luke SomKQA 2:23  (siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Curad walba oo lab ah waxaa loogu yeedhi doonaa quduus xagga Rabbiga),
Luke SomKQA 2:24  iyo inay allabari u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar.
Luke SomKQA 2:25  Bal eeg, waxaa Yeruusaalem joogay nin magiciisii ahaa Simecoon. Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh; wuxuuna sugayay gargaaridda Israa'iil. Ruuxii Quduuska ahaana waa dul joogay.
Luke SomKQA 2:26  Waxaana Ruuxii Quduuska ahaa u muujiyey inaanu dhimasho arag intaanu Rabbiga Masiixiisa arkin.
Luke SomKQA 2:27  Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan,
Luke SomKQA 2:28  markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi,
Luke SomKQA 2:29  Rabbiyow, imminka addoonkaagu nabad ha ku tago, Sida hadalkaagu ahaa,
Luke SomKQA 2:32  Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.
Luke SomKQA 2:33  Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga.
Luke SomKQA 2:34  Simecoon ayaa iyaga u duceeyey, wuxuuna hooyadiis Maryan ku yidhi, Ogow, wiilkan waxaa loo dhigay dhicidda iyo kicidda kuwa badan oo Israa'iil ku jira, iyo calaamo ka gees ahaan lagaga hadlo,
Luke SomKQA 2:35  si ay qalbiyo badan fikirradoodu u muuqan doonaan. Adigana seef baa naftaada ka mudhbixi doonta.
Luke SomKQA 2:36  Waxaa jirtay nebiyad Anna la odhan jiray, ina Fanuu'eel, oo ahayd qoladii Aasheer, wayna da'weynayd; nin bayna la jirtay toddoba sannadood bikradnimadeeda dabadeed.
Luke SomKQA 2:37  Waxayna ahayd carmal xataa afar iyo siddeetan sannadood, macbudkana kama ay tegin, laakiin Ilaah ayay soon iyo salaad habeen iyo maalinba ku caabudaysay.
Luke SomKQA 2:38  Saacaddaas qudheeda ayay soo gashay oo Ilaah u mahad naqday, oo kuwa furashada Yeruusaalem sugayay oo dhan ayay xaggiisa kala hadashay.
Luke SomKQA 2:39  Goortay wax walba dhammeeyeen sida sharciga Rabbigu leeyahay, waxay ku noqdeen Galili ilaa magaaladoodii Naasared.
Luke SomKQA 2:40  Wiilkii ayaa koray oo itaal weynaaday, waxaana ka buuxsantay xigmad; Ilaah nimcadiisuna way dul joogtay.
Luke SomKQA 2:41  Sannad walba waalidkiisii waxay Yeruusaalem u tegi jireen Iiddii Kormaridda.
Luke SomKQA 2:42  Goortuu laba iyo toban sannadood jiray ayay aadeen sidii caadadii iiddu u ahayd.
Luke SomKQA 2:43  Oo goortay maalmihii dhammaysteen, oo ay noqonayeen, ayaa Ciise wiilkii ahaa ku hadhay Yeruusaalem, waalidkiisuna ma ogayn,
Luke SomKQA 2:44  laakiin iyagoo u malaynaya inuu dadka la socdo, ayay maalin sii socdeen, markaasay ka dhex doondooneen xigaalkooda iyo kuway isbarteen.
Luke SomKQA 2:45  Oo markay heli waayeen ayay Yeruusaalem ku noqdeen oo ka doondooneen.
Luke SomKQA 2:46  Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimiinta dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weyddiinaya.
Luke SomKQA 2:47  Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii.
Luke SomKQA 2:48  Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay.
Luke SomKQA 2:49  Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo?
Luke SomKQA 2:50  Laakiin way garan waayeen hadalkii uu kula hadlay.
Luke SomKQA 2:51  Kolkaasuu raacay oo Naasared tegey, wuuna ka dambeeyey iyaga; laakiinse hooyadiis hadalkaas oo dhan qalbigeeda ayay ku haysatay.
Luke SomKQA 2:52  Ciisena wuxuu ku koray xigmad iyo dherer iyo nimco, Ilaah iyo dadka hortooda.
Chapter 3
Luke SomKQA 3:1  Waxay ahayd sannaddii shan iyo tobnaad oo Tiberiyas Kaysar boqranaa, markii Bontiyos Bilaatos xukumi jiray Yahuudiya, oo Herodos taliye u ahaa Galili, walaalkiis Filibosna taliye u ahaa Ituraya iyo dalkii Tarakhoonitis, oo Lusaniyas taliye u ahaa Abilene,
Luke SomKQA 3:2  oo Annas iyo Kayafas wadaaddadii sare ahaan jireen, markaasaa ereygii Ilaah cidlada ugu yimid Yooxanaa ina Sakariyas.
Luke SomKQA 3:3  Wuxuu yimid Webi Urdun hareerihiis oo dhan isagoo dadka ku wacdiyeya baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis,
Luke SomKQA 3:4  siday ugu qoran tahay kitaabkii hadallada Nebi Isayos, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.
Luke SomKQA 3:5  Dooxo walba waa la buuxin doonaa, Qar iyo buur walbana waa la gaabin doonaa, Wixii qalloocanna waa la toosin doonaa, Jidadka xunxunna waa la simi doonaa,
Luke SomKQA 3:6  Uunka oo dhammuna badbaadinta Ilaah ayay arki doonaan.
Luke SomKQA 3:7  Haddaba wuxuu ku yidhi dadkii badnaa oo u soo baxay inuu baabtiiso iyaga, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa?
Luke SomKQA 3:8  Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya, hana bilaabina inaad isku tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim.
Luke SomKQA 3:9  Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabka lagu tuuraa.
Luke SomKQA 3:10  Markaasaa dadkii badnaa weyddiiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba maxaannu samaynaa?
Luke SomKQA 3:11  Kolkaasuu u jawaabay oo iyagii ku yidhi, Kii laba khamiis qabaa, ha siiyo kii aan waxba qabin; kii cunto qabaana, sidaas oo kale ha yeelo.
Luke SomKQA 3:12  Markaasaa waxaa u yimid cashuurqaadayaal in la baabtiiso, waxayna ku yidhaahdeen, Macallimow, annaguna maxaannu samaynaa?
Luke SomKQA 3:13  Isaguna wuxuu ku yidhi, Waxaa laydiin amray wax ka badan ha qaadanina.
Luke SomKQA 3:14  Markaasaa askarna weyddiisay oo ku tidhi, Annaguna maxaannu samaynaa? Wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna ha dulmina, oo ninna ha masabidina; mushahaaradiinnana raalli ku ahaada.
Luke SomKQA 3:15  Intii dadku filanayeen oo kulligoodna qalbiyadooda kaga fikirayeen Yooxanaa inuu yahay Masiixii iyo in kale,
Luke SomKQA 3:16  ayaa Yooxanaa kulligood u jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan idinku baabtiisaa biyo, laakiin waxaa imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan yeelmihii kabihiisa furo. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.
Luke SomKQA 3:17  Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa inuu goobtiisa wax lagu tumo aad u safeeyo oo sarreenkana maqsinkiisa ku soo ururiyo, laakiin buunshaha ayuu dab aan demeyn ku gubi doonaa.
Luke SomKQA 3:19  Laakiin kolkuu taliye Herodos u canaantay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, iyo waxyaalaha xunxun oo Herodos sameeyey oo dhan aawadood,
Luke SomKQA 3:20  ayaa Herodos waxan oo dhan weliba ku daray inuu Yooxanaa ku xidho xabsigii.
Luke SomKQA 3:21  Markii dadkii oo dhan la baabtiisay, waxaa dhacay in Ciisena la baabtiisay, oo intuu tukanayay ayaa samadu furantay,
Luke SomKQA 3:22  oo Ruuxa Quduuska ah ayaa dushiisa ku soo degay isagoo muuqasho jidh leh oo qoolley u eg, waxaana samada ka yimid cod leh, Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay; ee waan kugu faraxsanahay.
Luke SomKQA 3:23  Oo Ciise markuu bilaabay inuu wax baro, wuxuu ahaa qiyaas soddon jir, isagoo ahaa (sida loo moodayay) ina Yuusuf, kan ahaa ina Heli,
Luke SomKQA 3:24  kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi, kan ahaa ina Malki, kan ahaa ina Yanna,
Luke SomKQA 3:25  kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Matatiyas, kan ahaa ina Caamoos, kan ahaa ina Na'uum, kan ahaa ina Esli, kan ahaa ina Naggay,
Luke SomKQA 3:26  kan ahaa ina Ma'ad, kan ahaa ina Matatiyas, kan ahaa ina Semey, kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Yuuda,
Luke SomKQA 3:27  kan ahaa ina Yo'anna, kan ahaa ina Reesa, kan ahaa ina Serubaabel, kan ahaa ina Salaatii'eel, kan ahaa ina Neeri,
Luke SomKQA 3:28  kan ahaa ina Malki, kan ahaa ina Addi, kan ahaa ina Koosam, kan ahaa ina Elmoodam, kan ahaa ina Ceer,
Luke SomKQA 3:29  kan ahaa ina Yooses, kan ahaa ina Eliiceser, kan ahaa ina Yoorim, kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi,
Luke SomKQA 3:30  kan ahaa ina Simecoon, kan ahaa ina Yuuda, kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Yoonam, kan ahaa ina Eliyaqiim,
Luke SomKQA 3:31  kan ahaa ina Mele'as, kan ahaa ina Menna, kan ahaa ina Matata, kan ahaa ina Naataan, kan ahaa ina Daa'uud,
Luke SomKQA 3:32  kan ahaa ina Yesay, kan ahaa ina Coobeed, kan ahaa ina Bocas, kan ahaa ina Salmoon, kan ahaa ina Naasoon,
Luke SomKQA 3:33  kan ahaa ina Caminadaab, kan ahaa ina Araam, kan ahaa ina Esroom, kan ahaa ina Feres, kan ahaa ina Yahuudah,
Luke SomKQA 3:34  kan ahaa ina Yacquub, kan ahaa ina Isxaaq, kan ahaa ina Ibraahim, kan ahaa ina Tara, kan ahaa ina Naakoor,
Luke SomKQA 3:35  kan ahaa ina Seruukh, kan ahaa ina Ragaw, kan ahaa ina Faleg, kan ahaa ina Xeber, kan ahaa ina Salah,
Luke SomKQA 3:36  kan ahaa ina Qaynaan, kan ahaa ina Arfaksad, kan ahaa ina Sheem, kan ahaa ina Nuux, kan ahaa ina Lameg,
Luke SomKQA 3:37  kan ahaa ina Metushelax, kan ahaa ina Enoog, kan ahaa ina Yaared, kan ahaa ina Mahalaleel, kan ahaa ina Qaynaan,
Luke SomKQA 3:38  kan ahaa ina Enoos, kan ahaa ina Seed, kan ahaa ina Aadan, kan ahaa ina Ilaah.
Chapter 4
Luke SomKQA 4:1  Ciise waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo Webi Urdun ayuu ka noqday, oo Ruuxii baa cidlada u kaxeeyey.
Luke SomKQA 4:2  Afartan maalmood ayaa Ibliisku jirrabayay. Maalmahaasna waxba ma cunin. Goortay maalmihii dhammaadeen ayuu gaajooday.
Luke SomKQA 4:3  Markaasaa Ibliisku wuxuu ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah ku dheh dhagaxan, Kibis noqo.
Luke SomKQA 4:4  Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan.
Luke SomKQA 4:5  Oo markuu kor u kaxeeyey wuxuu wakhti yar ku tusay quruumaha dunida oo dhan.
Luke SomKQA 4:6  Markaasaa Ibliisku wuxuu ku yidhi, Amarkan oo dhan waan ku siinayaa iyo ammaantoodaba, waayo, waa lay siiyey; oo kii aan doonayo ayaan siiyaa.
Luke SomKQA 4:7  Haddaba haddaad hortayda i caabuddid, kulli adaa lahaan doona.
Luke SomKQA 4:8  Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isagoo keliya u adeegto.
Luke SomKQA 4:9  Markaasuu Yeruusaalem geeyey, wuxuuna saaray munaaraddii macbudka oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, halkan hoos iskaga tuur;
Luke SomKQA 4:10  waayo, waa qoran tahay, Malaa'igihiisa ayuu ku amri doonaa inay ku ilaaliyaan,
Luke SomKQA 4:11  iyo, Inay gacmahooda sare kuugu qabtaan inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
Luke SomKQA 4:12  Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Waa la yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin.
Luke SomKQA 4:13  Ibliiskiina markuu jirrabaad walba dhammeeyey ayuu ka tegey intii wakhti ah.
Luke SomKQA 4:14  Markaasaa Ciise wuxuu xooggii Ruuxa kula noqday Galili, warkiisuna wuxuu gaadhay dhulka ku wareegsan oo dhan.
Luke SomKQA 4:15  Sunagogyadoodana ayuu wax ku baray, dhammaanna waa la wada ammaanay isaga.
Luke SomKQA 4:16  Markaasuu wuxuu yimid Naasared oo ahayd meeshuu ku koray, oo maalintii sabtida sida caadadiisu ahayd ayuu sunagogga galay, wuuna istaagay inuu wax akhriyo.
Luke SomKQA 4:17  Waxaa loo dhiibay kitaabkii Nebi Isayos, oo goortuu kitaabkii furay ayuu helay meeshii lagu qoray,
Luke SomKQA 4:18  Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga, Waayo, wuxuu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, Wuxuuna ii soo diray inaan kuwa xidhan furriinnimada ogeysiiyo Iyo kuwa indhaha la' soo celinta araggooda Iyo inaan kuwa nabaraysan soo furfuro,
Luke SomKQA 4:19  Iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga.
Luke SomKQA 4:20  Intuu kitaabkii duudduubay ayuu midiidinka u dhiibay oo fadhiistay; oo dadkii sunagoggii ku jiray oo dhan ayaa indhaha ku taagay.
Luke SomKQA 4:21  Markaasuu bilaabay inuu ku yidhaahdo, Maanta Qorniinkan dhegihiinnu maqlay waa rumoobay.
Luke SomKQA 4:22  Kulligood markhaati bay ahaayeen, wayna ka yaabeen hadallada nimcada leh oo afkiisa ka soo baxay, markaasay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn wiilkii Yuusuf?
Luke SomKQA 4:23  Kolkaasuu ku yidhi, Shakila'aan waxaad masaalkan igu odhan doontaan, Dhakhtarow, isbogsii. Wax kastoo aannu maqalnay oo Kafarna'um lagu sameeyey, halkan dhulkaagana ku samee.
Luke SomKQA 4:24  Markaasuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nebina dalkiisa laguma aqbalo.
Luke SomKQA 4:25  Laakiin runtii waxaan idinku leeyahay, Wakhtigii Eliyaas waxaa Israa'iil ku jiray carmallo badan oo nimankoodii ka dhinteen markii cirku saddex sannadood iyo lix bilood xidhmay oo abaar weyni dhulka oo dhan ka dhacday.
Luke SomKQA 4:26  Laakiin middoodna Eliyaas looma dirin, naag carmal ah oo magaalada Sarefta oo dalka Siidoon ku jirtay maahee.
Luke SomKQA 4:27  Wakhtigii Nebi Eliishaana waxaa Israa'iil ku jiray dad badan oo baras leh, midkoodna lama daahirin Nacamaan reer Suuriya maahee.
Luke SomKQA 4:28  Markii kuwii sunagogga ku jiray oo dhan waxaas maqleen ayay aad u cadhoodeen.
Luke SomKQA 4:29  Markaasay kaceen oo magaaladii ka saareen, waxayna u kaxeeyeen buurtii magaaladoodii ka dhisnayd qarkeedii inay ka tuuraan.
Luke SomKQA 4:30  Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.
Luke SomKQA 4:31  Wuxuuna u degay Kafarna'um oo magaalada Galili ah. Oo maalmihii sabtida ayuu dadka wax barayay.
Luke SomKQA 4:32  Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa.
Luke SomKQA 4:33  Waxaana sunagogga joogay nin jinni wasakh leh qaba. Cod weyn ayuu ku qayliyey, oo wuxuu yidhi,
Luke SomKQA 4:34  Na daa! Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay, Kan Quduuska ah ee Ilaah.
Luke SomKQA 4:35  Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin.
Luke SomKQA 4:36  Yaab weyn ayaa ku wada dhacay; wayna isla wada hadleen oo yidhaahdeen, Waa maxay hadalkan? waayo, jinniyada wasakhda leh ayuu amar iyo xoog ku xukumaa, wayna ka baxaan.
Luke SomKQA 4:37  Meel kasta oo dalka ku wareegsan ayaa warka isaga ku saabsan gaadhay.
Luke SomKQA 4:38  Markaasuu sunagoggi ka soo kacay, oo wuxuu galay gurigii Simoon. Simoon soddohdiisna qandho weyn ayay qabtay, markaasay isaga u baryeen aawadeed,
Luke SomKQA 4:39  oo intuu isa soo dul taagay ayuu qandhadii canaantay, wayna daysay. Kolkiiba way kacday oo u adeegtay iyagii.
Luke SomKQA 4:40  Markii qorraxdu sii dhacaysay, dadkii oo dhan oo lahaa dad cudurro kala cayncayn ah qabay ayay isaga u keeneen; mid kastaba gacmihiisuu saaray oo bogsiiyey.
Luke SomKQA 4:41  Jinniyona dad badan ayay ka soo baxeen, iyagoo qaylinaya oo leh, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah. Isaguse waa canaantay oo uma oggolaanin inay hadlaan, waayo, waxay garanayeen inuu Masiixa yahay.
Luke SomKQA 4:42  Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin.
Luke SomKQA 4:43  Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Waa inaan magaalooyinka kalena injiilka boqortooyada Ilaah ku wacdiyo, waayo, sidaa darteeda waa la ii soo diray.
Luke SomKQA 4:44  Sunagogyada Galilina ayuu dadka ka dhex wacdiyi jiray.
Chapter 5
Luke SomKQA 5:1  Intii dadkii oo dhan isku soo cidhiidhiyeen inay ereygii Ilaah maqlaan, ayuu is-ag taagay badda Gennesared;
Luke SomKQA 5:2  oo wuxuu arkay laba doonniyood oo badda ag taal; laakiin kalluumaystayaashii waa ka degeen, oo shabagyadoodii ayay maydhayeen.
Luke SomKQA 5:3  Markaasuu fuulay doonniyihii middood oo Simoon lahaa, wuxuuna ka baryay inuu in yar dhulka ka durkiyo. Markaasuu fadhiistay oo dadkii wax ka dhex baray doonnidii.
Luke SomKQA 5:4  Goortuu hadalkii dhammeeyey ayuu Simoon ku yidhi, Meesha biyaha u dheer gee, oo shabagyadiinna ku dejiya si aad kalluun u heshaan.
Luke SomKQA 5:5  Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, xalay oo dhan ayaannu hawshoonnay, waxbana ma aannu qaban, laakiin hadalkaaga dartii shabagyada waan dejinayaa.
Luke SomKQA 5:6  Goortay waxaas yeeleen waxay ku qabteen kalluun tiro badan, shabagyadooduna way kala dillaaci gaadheen.
Luke SomKQA 5:7  Markaasay u gacan haadiyeen wehelladoodii doonnida kale ku jiray inay yimaadaan oo caawiyaan. Wayna yimaadeen, oo waxay buuxiyeen labadii doonniyood, sidaa darteed ayay u dhowaadeen inay degaan.
Luke SomKQA 5:8  Laakiin Simoon Butros goortuu waxaas arkay, ayuu Ciise jilbihiisa isku tuuray, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaan ahay nin dembi leh, ee iga tag.
Luke SomKQA 5:9  Maxaa yeelay, isaga iyo kuwii la jirayba, waxay la yaabeen kalluunkii badnaa oo ay qabteen.
Luke SomKQA 5:10  Sidoo kalena waxaa la yaabay Yacquub iyo Yooxanaa oo wiilashii Sebedi ahaa, kuwii wehello Simoon la ahaa. Ciisena wuxuu Simoon ku yidhi, Ha baqin, hadda iyo hadhowba dad baad jillaabi doontaa.
Luke SomKQA 5:11  Markay doonniyahoodii dhulkii geeyeen, ayay wax walba ka tageen, markaasay raaceen isaga.
Luke SomKQA 5:12  Goortuu magaalooyinka middood ku jiray, waxaa la arkay nin baras miidhan ah. Isaguna markuu Ciise arkay, wejigiisuu dhulka dhigay oo ka baryay isagoo leh, Sayidow, haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa.
Luke SomKQA 5:13  Oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Oo kolkiiba baraskii waa ka baxay.
Luke SomKQA 5:14  Markaasuu ku amray, Ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga mar oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.
Luke SomKQA 5:15  Laakiin weliba warkii isaga ku saabsanaa ayaa sii fiday; o dad aad u badan ayaa u yimid inay maqlaan, iyo in bukaankooda laga bogsiiyo.
Luke SomKQA 5:16  Markaasuu, intuu ku noqday meelo cidla ah, ku tukaday.
Luke SomKQA 5:17  Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu wax barayay, oo halkaasna waxaa ag fadhiyey qaar Farrisiinta iyo macallimiintii sharciga ah oo ka yimid magaalo walba oo Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem; xoogga Rabbiguna waa la jiray isaga si uu u bogsiiyo kuwa buka.
Luke SomKQA 5:18  Markaasaa niman waxay sariir ku soo qaadeen nin curyaan ah, waxayna doonayeen inay gudaha geliyaan oo hortiisa dhigaan.
Luke SomKQA 5:19  Markay heli waayeen meel ay ka geliyaan dadkii badnaa aawadiis, ayay guriga dushiisa fuuleen, oo saqafka ayay ka dusiyeen isaga iyo sariirtiisii, oo ay dhex dhigeen Ciise hortiisa.
Luke SomKQA 5:20  Goortuu rumaysadkoodii arkay ayuu ku yidhi, Nin yahow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin.
Luke SomKQA 5:21  Markaasaa culimmadii iyo Farrisiintii waxay bilaabeen inay fikiraan iyagoo leh, Ayuu yahay kan caytamayaa? Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee?
Luke SomKQA 5:22  Laakiin Ciise goortuu fikirradoodii gartay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad qalbiyadiinna uga fikiraysaan?
Luke SomKQA 5:23  Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco?
Luke SomKQA 5:24  Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi), Waxaan kugu leeyahay, Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag.
Luke SomKQA 5:25  Kolkiiba hortood ayuu kacay, oo qaatay wixii uu ku jiifay, oo gurigiisa tegey, isagoo Ilaah ammaanaya.
Luke SomKQA 5:26  Markaasay wada yaabeen oo Ilaah ammaaneen, aad bayna u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaannu aragnay waxyaalo yaab leh.
Luke SomKQA 5:27  Waxyaalahaas dabadood ayuu baxay, oo wuxuu arkay cashuurqaade Laawi la odhan jiray oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac.
Luke SomKQA 5:28  Markaasuu wax walba ka tegey, wuuna kacay oo raacay.
Luke SomKQA 5:29  Laawi wuxuu gurigiisa ugu sameeyey diyaafad weyn. Waxaana joogay qaar badan oo cashuurqaadayaal ah iyo qaar kale oo cunto ula fadhiya iyaga.
Luke SomKQA 5:30  Markaasaa Farrisiintii iyo culimmadoodii, intay xertiisii ka gunuunaceen, waxay ku yidhaahdeen, Maxaad cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha wax ula cuntaan oo ula cabtaan?
Luke SomKQA 5:31  Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan.
Luke SomKQA 5:32  Anigu uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaashase toobadda ugu yeedho ayaan u imid.
Luke SomKQA 5:33  Waxay ku yidhaahdeen, Xerta Yooxanaa marar badan bay soomaan oo tukadaan, kuwa Farrisiintuna sidaas oo kale ayay yeelaan, laakiin kuwaagu wax bay cunaan oo cabbaan.
Luke SomKQA 5:34  Ciise wuxuu ku yidhi, Ma ku dirqi karaysaan saaxiibbadii arooska inay soomaan kolkuu aroosku la joogo?
Luke SomKQA 5:35  Laakiin maalmaha ayaa iman doona; oo kolkii arooska laga qaadi doono, kolkaasay maalmahaas soomi doonaan.
Luke SomKQA 5:36  Weliba wuxuu kula hadlay masaal isagoo leh, Ninna karriin kama jeexo dhar cusub inuu dhar duug ah ku tolo, haddii kale tan cusub ayuu jeexayaa, oo karriintii laga soo gooyay dharkii cusbaa la heshiin mayso kan duugga ah.
Luke SomKQA 5:37  Ninna khamri cusub kuma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, oo waa daadanayaa; qarbeddaduna waa hallaabayaan.
Luke SomKQA 5:38  Laakiin khamri cusub waa in lagu shubaa qarbeddo cuscusub.
Luke SomKQA 5:39  Ma jiro nin, hadduu khamri duug ah cabbay, doonaya kan cusub, waayo, wuxuu leeyahay, Kan duugga ah ayaa wanaagsan.
Chapter 6
Luke SomKQA 6:1  Maalin sabti ah waxaa dhacay inuu beeraha dhex marayay, xertiisuna waxay jarteen sabuulladii, oo intay gacmahooda ku xoqeen ayay cuneen.
Luke SomKQA 6:2  Laakiin Farrisiintii qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u samaynaysaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo?
Luke SomKQA 6:3  Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray,
Luke SomKQA 6:4  siduu gurigii Ilaah u galay oo uu u qaaday kibistii tusniinta oo u cunay oo u siiyey kuwii la jiray, tan aan xalaal u ahayn in la cuno wadaaddada maahee?
Luke SomKQA 6:5  Markaasuu iyagii ku yidhi, Wiilka Aadanahu waa sayidka sabtida.
Luke SomKQA 6:6  Waxaa sabti kale dhacay inuu sunagogga galay oo wax ku baray; halkaasna waxaa joogay nin gacantiisa midigeed engegnayd.
Luke SomKQA 6:7  Culimmadii iyo Farrisiintii ayaa fiirinayay inuu sabtida wax bogsiinayo iyo in kale, si ay ugu helaan wax ay ku ashtakeeyaan.
Luke SomKQA 6:8  Isaguse wuxuu gartay fikirradoodii; goortaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Kac oo dhexda isa soo taag. Wuuna kacay oo istaagay.
Luke SomKQA 6:9  Ciise wuxuu ku yidhi, Wax baan idin weyddiinayaa, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar, in naf la badbaadiyo ama in la dilo?
Luke SomKQA 6:10  Markaasuu isha wada mariyey, wuxuuna ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Markaasuu yeelay sidaas, gacantiisuna waa bogsatay.
Luke SomKQA 6:11  Markaasay aad u cadhoodeen, oo waxay ka wada hadleen waxay Ciise ku samayn lahaayeen.
Luke SomKQA 6:12  Maalmahaas waxaa dhacay inuu buurta u baxay inuu tukado. Habeenkii oo dhan wuxuu waday inuu Ilaah u tukado.
Luke SomKQA 6:13  Oo goortay maalin noqotay ayuu xertiisii u yeedhay. Markaasuu laba iyo toban ka soo saaray, wuxuuna u bixiyey rasuullo;
Luke SomKQA 6:14  oo waxay ahayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub iyo Yooxanaa, iyo Filibos iyo Bartolomayos, iyo
Luke SomKQA 6:15  Matayos iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon oo la odhan jiray Qiiroleh,
Luke SomKQA 6:16  iyo Yuudas ina Yacquub, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
Luke SomKQA 6:17  Markaasuu hoos ula degay, oo bannaan ayuu istaagay, isaga iyo qaar badan oo xertiisa ah, iyo dad badan oo Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo xeebaha Turos iyo Siidoon uga yimaadeen inay maqlaan iyo in cudurradooda laga bogsiiyo.
Luke SomKQA 6:18  Oo kuwo jinniyo wasakh leh derdereenna waa la bogsiiyey.
Luke SomKQA 6:19  Dadkii badnaa oo dhan waxay doonayeen inay taabtaan isaga, waayo, xoog baa ka soo baxay oo wada bogsiiyey.
Luke SomKQA 6:20  Markaasuu kor u fiiriyey oo xertiisii eegay oo ku yidhi, Waxaa barakaysan kuwiinna masaakiinta ah, waayo, boqortooyadii Ilaah idinkaa leh.
Luke SomKQA 6:21  Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer gaajaysan, waayo, waad dhergi doontaan. Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer ooyaya, waayo, waad qosli doontaan.
Luke SomKQA 6:22  Waad barakaysan tihiin goortii dadku idin necbaado, oo goortay dhexdooda idinka saaraan, oo idin caayaan, oo magacyadiinna sida wax shar leh u tuuraan Wiilkii Aadanaha aawadiis.
Luke SomKQA 6:23  Maalintaas reyreeya oo farxad ku boodbooda, waayo, bal ogaada, abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay jannada, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii ku samayn jireen.
Luke SomKQA 6:24  Hoog waxaa leh kuwiinna hodanka ah, waayo, gargaarkiinna waad hesheen.
Luke SomKQA 6:25  Hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer dheregsan, waayo, waad gaajoon doontaan; hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer qoslaya, waayo, waad barooran doontaan oo ooyi doontaan.
Luke SomKQA 6:26  Waa idiin hoog markii dadka oo dhammu wanaag idinka sheego, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii beenta ahaa ku samayn jireen.
Luke SomKQA 6:27  Laakiin waxaan idinku leeyahay kuwiinna maqlaya, Cadowyadiinna jeclaada, kuwa idin necebna wax wanaagsan u sameeya.
Luke SomKQA 6:28  Kuwa idin habaara u duceeya, kuwa idin caayana Ilaah u barya.
Luke SomKQA 6:29  Kii dhabanka kaa dhirbaaxa, kan kalena u du; oo kii maradaada kaa qaata, khamiiskaagana ha ka celin.
Luke SomKQA 6:30  Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin.
Luke SomKQA 6:31  Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga.
Luke SomKQA 6:32  Haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way jecel yihiin kuwa jecel iyaga.
Luke SomKQA 6:33  Haddaad wanaag u fashaan kuwa wanaag idiin fala, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba sidaasay yeelaan.
Luke SomKQA 6:34  Haddaad wax amaahisaan kuwa aad ka rajaynaysaan inaad ka heshaan, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way amaahiyaan dembilayaasha inay ka helaan intii oo kale.
Luke SomKQA 6:35  Laakiin cadowyadiinna jeclaada, oo wanaag u sameeya, oo amaahiya, idinkoo aan waxba ka rajaynaynin, abaalgudkiinnuna waa badan doonaa, oo waxaadna noqon doontaan wiilashii Kan ugu sarreeya, waayo, isagu waa u roon yahay kuwa aan mahad naqin iyo kuwa sharka leh.
Luke SomKQA 6:36  Naxariis lahaada sida Aabbihiin naxariis u leeyahay.
Luke SomKQA 6:37  Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa.
Luke SomKQA 6:38  Siiya oo waa laydin siin doonaa; qiyaas wanaagsan oo hoos u riixriixan oo ruxan oo buuxdhaafaya ayaa laydinku siin doonaa faraqiinna, waayo, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doonaa.
Luke SomKQA 6:39  Markaasuu masaal kula hadlay. Indhoole indhoole ma hagi karaa? Labadoodu miyaanay god ku dhici doonin?
Luke SomKQA 6:40  Qof xer ah macallinkiisa kama sarreeyo, laakiin mid walba markuu wanaag u dhan yahay wuxuu noqon doonaa sida macallinkiisa oo kale.
Luke SomKQA 6:41  Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa?
Luke SomKQA 6:42  Sidee baad walaalkaa ugu odhan kartaa, Walaalow i daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree, adiga oo aan arkaynin dogobka ishaada ku jira? Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto.
Luke SomKQA 6:43  Waayo, ma jiro geed wanaagsan oo midho xun dhalaa, welibana ma jiro geed xun oo midho wanaagsan dhalaa.
Luke SomKQA 6:44  Maxaa yeelay, geed kasta waxaa laga garanayaa midhihiisa. Waayo, berde lagama guro qudhac, canabkana lagama guro geed qodxan leh.
Luke SomKQA 6:45  Ninka wanaagsan wuxuu maalka wanaagsan oo qalbiga ku jira ka soo saaraa wax wanaagsan; kan sharka lehna wuxuu sharka ka soo saaraa wax shar ah; waayo, afkiisu wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.
Luke SomKQA 6:46  Maxaad iigu yeedhaan, Rabbow, Rabbow, oo aad u yeeli weydaan wixii aan leeyahay?
Luke SomKQA 6:47  Kii kasta oo ii yimaada, oo ereyadayda maqla, oo yeela, waxaan idin tusayaa kuu u eg yahay.
Luke SomKQA 6:48  Isagu wuxuu u eg yahay nin guri dhisay, oo qoday oo hoos u dheereeyey; aasaaskiina ayuu dhagax weyn ka dul dhisay. Goortii daadku yimid ayaa webigu ku soo jabay gurigaas, xoog uu ku gilgilose ma lahayn, waayo, si wanaagsan ayaa loo dhisay.
Luke SomKQA 6:49  Laakiin kii maqla oo aan yeelin, wuxuu u eg yahay nin dhulka ka dhisay guri aan aasaas lahayn. Kan webigu ku soo jabay, oo kolkiiba ayuu dumay, oo dumiddii gurigaasu waa weynayd.
Chapter 7
Luke SomKQA 7:1  Goortuu hadalladiisa ku dhammeeyey dadka dhegaysadkooda ayuu Kafarna'um galay.
Luke SomKQA 7:2  Boqol-u-taliye addoonkiisii uu jeclaa ayaa bukay oo dhimashuu u dhowaa.
Luke SomKQA 7:3  Goortuu maqlay wax Ciise ku saabsan, ayuu waayeelladii Yuhuudda u diray isaga, oo ka baryay inuu yimaado oo addoonkiisa bogsiiyo.
Luke SomKQA 7:4  Goortay Ciise u yimaadeen, aad bay u baryeen oo ku yidhaahdeen, Isagu waa istaahilaa inaad waxaas u yeeshid,
Luke SomKQA 7:5  waayo, quruunteenna ayuu jecel yahay, oo sunagog ayuu noo dhisay.
Luke SomKQA 7:6  Markaasaa Ciise raacay, oo isagoo aan guriga ka fogayn, ayaa boqol-u-taliyihii saaxiibbo u soo diray oo ku yidhi, Sayidow, ha isdhibin, waayo, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid.
Luke SomKQA 7:7  Saas aawadeed uma aan malaynaynin inaan istaahilo inaan kuu imaado; laakiin hadal dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa.
Luke SomKQA 7:8  Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo, oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa.
Luke SomKQA 7:9  Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, oo intuu dadkii la socday ku jeestay ayuu ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidaas u weyn oo kale reer binu Israa'iil kama dhex helin.
Luke SomKQA 7:10  Kuwii la soo dirayna kolkay gurigii ku noqdeen, waxay heleen addoonkii oo ladan.
Luke SomKQA 7:11  Markii dambe waxaa noqotay inuu galay magaalada Na'in la odhan jiray; waxaana raacay xertiisii, iyo dad badanba.
Luke SomKQA 7:12  Oo goortuu iriddii magaalada ku soo dhowaaday, waxaa dibadda loo waday nin meyd ah oo madi u ahaa hooyadiis; iyaduna waxay ahayd carmal. Oo waxaa iyada la jiray dad badan oo magaalada.
Luke SomKQA 7:13  Rabbigu goortuu arkay iyada, ayuu u naxariistay oo ku yidhi, Ha ooyin.
Luke SomKQA 7:14  Oo intuu ku soo dhowaaday, ayuu taabtay rabrabtii. Kuwii sidayna way joogsadeen. Markaasuu yidhi, Dhallinyarow, waxaan kugu leeyahay, Kac.
Luke SomKQA 7:15  Kolkaasaa kii dhintay sara fadhiistay oo bilaabay inuu hadlo, oo markaasaa Ciise isagii u dhiibay hooyadiis.
Luke SomKQA 7:16  Kulligood baqdin baa ku wada dhacday, oo Ilaah bay ammaaneen iyagoo leh, Nebi weyn ayaa dhexdeenna ka kacay. Ilaahna waa soo booqday dadkiisa.
Luke SomKQA 7:17  Warkaas isaga ku saabsan ayaa gaadhay Yahuudiya oo dhan iyo dhulka ku wareegsan oo dhan.
Luke SomKQA 7:18  Yooxanaa xertiisa ayaa waxaas oo dhan uga warrantay.
Luke SomKQA 7:19  Markaasaa Yooxanaa wuxuu u yeedhay laba xertiisii ah oo Ciise u soo diray, oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaannu dhawrnaa?
Luke SomKQA 7:20  Nimankii goortay u yimaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa noo soo kaa diray isagoo leh, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaannu dhawrnaa?
Luke SomKQA 7:21  Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan.
Luke SomKQA 7:22  Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen. Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,
Luke SomKQA 7:24  Kuwii Yooxanaa diray goortay tageen, wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa. Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso?
Luke SomKQA 7:25  Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka wanaagsan qaba oo hodan ku nool waxay joogaan guryaha boqorrada.
Luke SomKQA 7:26  Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad nebi soo aragtaan? Haah, waxaan idinku leeyahay, Mid nebi ka sarreeya.
Luke SomKQA 7:27  Kanu waa kii laga qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga ku sii diyaargarayn doona hortaada.
Luke SomKQA 7:28  Waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa ka weyn ma jiro, laakiin kan boqortooyada Ilaah ugu yar ayaa ka weyn.
Luke SomKQA 7:29  Dadkii maqlay oo dhan iyo cashuurqaadayaashiiba waxay caddeeyeen inuu Ilaah yahay xaq, iyagoo ah kuwii lagu baabtiisay baabtiiskii Yooxanaa.
Luke SomKQA 7:30  Laakiin Farrisiintii iyo kuwii sharciga yiqiin ayaa waanadii Ilaah naftooda darteed u diiday iyagoo aan Yooxanaa baabtiisin.
Luke SomKQA 7:31  Haddaba maxaan nimanka qarnigan u ekaysiiyaa? Maxay u eg yihiin?
Luke SomKQA 7:32  Waxay u eg yihiin carruur suuqa fadhida oo isu yeedhyeedhaysa iyagoo leh, Biibiile baannu idiin yeedhinnay, oo waad cayaari weydeen, waannu baroorannay oo waad ooyi weydeen.
Luke SomKQA 7:33  Waayo, Yooxanaa Baabtiisaha waa yimid isagoo aan kibis cunaynin oo aan khamri cabbaynin; waxaadna tidhaahdaan, Jinni buu qabaa.
Luke SomKQA 7:34  Wiilka Aadanahu waa yimid isagoo wax cunaya oo cabbaya, waxaadna tidhaahdaan, Eeg, waa nin cir weyn oo khamriyacab ah oo saaxiib la ah cashuurqaadayaal iyo dembilayaal.
Luke SomKQA 7:35  Xigmaddu inay xaq tahay waa laga caddeeyey xaggii carruurteeda oo dhan.
Luke SomKQA 7:36  Farrisiinta midkood ayaa weyddiistay inuu wax la cuno, wuuna galay gurigii Farrisiga oo cunto u fadhiistay.
Luke SomKQA 7:37  Bal eeg, naag magaalada joogtay oo dembi lahayd goortay ogaatay inuu gurigii Farrisiga cunto u fadhiyo, waxay soo qaadatay weel alabastar ah oo cadar ku jiro.
Luke SomKQA 7:38  Way isdaba taagtay cagihiisa agtooda iyadoo ooyaysa, waxayna bilaabtay inay ilmada cagihiisa ku qoyso, oo ay timaha madaxeeda ku tirtirto, oo cagihiisay dhunkatay, oo cadarkii marisay.
Luke SomKQA 7:39  Farrisigii u yeedhay isaga, goortuu arkay, ayuu isla hadlay isagoo leh, Ninkan hadduu nebi yahay, wuu ogaan lahaa naagtan taataabatay cid ay tahay iyo waxay tahay inay tahay dembile.
Luke SomKQA 7:40  Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Simoonow, hal baan ku leeyahay. Wuxuu yidhi, Dheh, Macallimow.
Luke SomKQA 7:41  Waxaa jiray amaahiye laba nin amaah ku lahaa, mid wuxuu ku lahaa shan boqol oo dinaar, midka kalena konton.
Luke SomKQA 7:42  Goortii ay waayeen waxay bixiyaan, ayuu labadoodiiba u dhaafay. Haddaba iyamaa ahaan doona kan jacayl badan?
Luke SomKQA 7:43  Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan u malaynayaa, kan uu wax badan u dhaafay. Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan baad u qiyaastay.
Luke SomKQA 7:44  Kolkaasuu naagtii u jeestay, oo wuxuu Simoon ku yidhi, Naagtan ma aragtaa? Anigu gurigaagaan galay; biyo cagahayga iima aad siin, laakiin iyadu cagahayga ayay ilmadeeda ku qoysay oo ay timaheeda ku tirtirtay.
Luke SomKQA 7:45  Dhunkasho ima aad dhunkan, iyaduse tan iyo wakhtigaan soo galay kama dayn inay cagahayga dhunkato.
Luke SomKQA 7:46  Madaxaygana saliid ma aad marin, iyaduse cagahayga ayay cadar marisay.
Luke SomKQA 7:47  Sidaa darteed waxaan kugu leeyahay, Dembiyadeedii badnaa waa cafiyan yihiin, waayo, aad bay u jeclayd. Kii wax yar loo dhaafay, ayaa wax yar jecel.
Luke SomKQA 7:48  Wuxuu iyada ku yidhi, Dembiyadaadii waa cafiyan yihiin.
Luke SomKQA 7:49  Kuwii cunto ula fadhiyey waxay bilaabeen inay isku yidhaahdaan, Yuu yahay kan dembiyo cafiya haddana?
Luke SomKQA 7:50  Wuxuu naagtii ku yidhi, Rumaysadkaaga ayaa ku badbaadiyey ee nabad ku tag.
Chapter 8
Luke SomKQA 8:1  Markii dambe waxaa dhacay inuu magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex marayay isagoo dadka ku wacdiyaya oo u sheegaya injiilka boqortooyadii Ilaah; waxaana la jiray laba-iyo-tobankii,
Luke SomKQA 8:2  iyo naago laga bogsiiyey jinniyo shar leh iyo cudurro. Waxay ahaayeen Maryantii la odhan jiray tii reer Magdala, ee toddoba jinni ka baxeen,
Luke SomKQA 8:3  iyo Yo'anna afadii Khusas ee wakiilkii Herodos ahaa, iyo Susanna, iyo qaar badan oo kale oo waxooda ugu adeegi jiray.
Luke SomKQA 8:4  Goortii dad badan isu soo urureen, iyo kuwa magaalo walba uga yimid, wuxuu ku hadlay masaal.
Luke SomKQA 8:5  Beerrey baa baxay inuu abuurkiisa beero, oo intuu beerayay, qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, oo waa lagu tuntay, oo shimbirrihii cirka ayaa cunay.
Luke SomKQA 8:6  Qaar kalena waxay ku dhaceen dhagax; kol alla kolkii ay soo baxeen way engegeen, waayo, qoyaan ma lahayn.
Luke SomKQA 8:7  Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa la soo baxday oo ceejisay.
Luke SomKQA 8:8  Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo soo baxeen, waxayna midho dhaleen boqol jibbaar. Goortuu waxan yidhi, ayuu qayliyey oo yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.
Luke SomKQA 8:9  Markaasaa xertiisii weyddiisay oo ku tidhi, Muxuu yahay masaalkan?
Luke SomKQA 8:10  Wuxuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyadii Ilaah garataan, kuwa kalese masaallo ayaa loogu sheegaa, si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan.
Luke SomKQA 8:12  Kuwii jidka yiil waa kuwa maqla, markaasaa Ibliisku yimaadaa, oo hadalka ayuu qalbigooda ka qaadaa, si aanay u rumaysan oo aanay u badbaadin.
Luke SomKQA 8:13  Kuwii dhagaxa yiilna waa kuwa goortay maqlaan, hadalka farxad ku qaata, kuwanna xidid ma leh; laakiin wakhti yar ayay rumaystaan, wakhtiga duufsashadana way iska noqdaan.
Luke SomKQA 8:14  Kuwii qodxanta ku dhex dhacayna waa kuwan maqla oo intay socdaan waxaa ceejiya welwelidda iyo hodantinimada iyo farxadda ifkan, midho bisilna ma dhalaan.
Luke SomKQA 8:15  Kuwa dhulka wanaagsanna waxay yihiin kuwa, intay maqlaan, qalbi wanaagsan oo fiican hadalka ku haysta, oo dulqaadasho ayay midho ku dhalaan.
Luke SomKQA 8:16  Ma jiro nin, goortuu ilays shido, weel ku daboola, ama sariir hoos geliya, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan.
Luke SomKQA 8:17  Waayo, wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, wax daboolanna ma jiro oo aan la garan doonin oo aan bannaan soo bixi doonin.
Luke SomKQA 8:18  Sidaa darteed u fiirsada sidaad u maqlaysaan, waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, ku alla kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wixii loo maleeyo inuu haysto.
Luke SomKQA 8:19  Markaasaa waxaa isaga u yimid hooyadiis iyo walaalihiis, wayna soo gaadhi kari waayeen dadkii badnaa aawadood.
Luke SomKQA 8:20  Oo waxaa lagu yidhi, Hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay ku arkaan.
Luke SomKQA 8:21  Laakiin wuxuu ugu jawaabay, Hooyaday iyo walaalahay waa kuwan ereyga Ilaah maqla oo yeela.
Luke SomKQA 8:22  Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen.
Luke SomKQA 8:23  Laakiin intay socdeen ayuu seexday, oo waxaa baddii ku soo dhacay duufaan weyn oo dabayl ah; doonnidiina ayaa buuxsamaysay, oo halis bay ku jireen.
Luke SomKQA 8:24  Markaasay isaga u yimaadeen oo intay toosiyeen ayay ku yidhaahdeen, Macallimow, Macallimow, waa lumaynaaye. Kolkaasuu kacay oo canaantay dabayshii iyo hirarkii biyaha. Goortaasay degeen oo xawaal baa dhacday.
Luke SomKQA 8:25  Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Rumaysadkiinnii meeh? Iyagoo baqaya oo yaabban waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan amra xataa dabaysha iyo biyaha oo ay yeelaan?
Luke SomKQA 8:26  Waxay gaadheen dalka Gadareni ee ka soo hor jeeday Galili.
Luke SomKQA 8:27  Goortuu dhulka u degay waxaa la kulmay nin magaalada ka yimid oo jinniyo qaba. Wakhti dheer dhar ma sidan jirin, gurina ma joogi jirin, laakiin xabaalaha ayuu dhex joogi jiray.
Luke SomKQA 8:28  Goortuu arkay Ciise, ayuu qayliyey, hortiisana ayuu isku tuuray oo cod weyn ayuu ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow, adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Waxaan kaa baryayaa, Ha i silcin.
Luke SomKQA 8:29  Waayo, wuxuu jinnigii wasakhda lahaa ku amray inuu ninka ka baxo, maxaa yeelay, marar badan ayuu qaban jiray, oo waxaa lagu xidhi jiray silsilado iyo bircago, oo waa la ilaalin jiray; silsiladihiina wuu iska gooyn jiray oo jinniguna cidlada ayuu u kaxayn jiray.
Luke SomKQA 8:30  Markaasaa Ciise weyddiiyey oo ku yidhi, Magacaa? Oo wuxuu ku yidhi, Liijon; waayo, jinniyo badan ayaa galay.
Luke SomKQA 8:31  Markaasay ka baryeen inaanu amrin inay yaamayska tagaan.
Luke SomKQA 8:32  Halkaa waxaa joogay daaqsin doofaarro badan ah oo buurta daaqaysa. Waxayna ka baryeen inuu u fasaxo inay kuwaas galaan. Kolkaasuu u fasaxay.
Luke SomKQA 8:33  Markaasay jinniyadii ninkii ka baxeen oo doofaarradii galeen. Daqsintiina jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, wayna ku bakhtiyeen.
Luke SomKQA 8:34  Kuwii daajin jiray markay arkeen waxa dhacay, ayay carareen oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen.
Luke SomKQA 8:35  Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay. Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen ninkii jinniyadu ka baxeen, isagoo ag fadhiya Ciise cagihiisa oo dhar sita oo miyir qaba; wayna baqeen.
Luke SomKQA 8:36  Kolkaasaa kuwii arkay waxay iyaga u sheegeen sida jinnoolihii loo bogsiiyey.
Luke SomKQA 8:37  Dadkii oo dhan oo dalka Gadareni ku wareegsanaa ayaa baryay inuu ka noqdo iyaga, waayo, baqdin weyn ayay baqeen. Markaasuu doonni fuulay, waana noqday.
Luke SomKQA 8:38  Laakiin ninkii jinniyadii ka baxeen ayaa ka baryay isaga inuu raaco, laakiin wuu diray isagoo ku leh,
Luke SomKQA 8:39  Gurigaaga ku noqo oo dadka ogeysii waxa weyn oo Ilaah kuu sameeyey. Markaasuu tegey oo wuxuu magaalada oo dhan ku naadiyey waxa weyn oo Ciise u sameeyey.
Luke SomKQA 8:40  Markii Ciise noqday ayaa dadkii badnaa farxad ku qaatay, waayo, way wada sugayeen.
Luke SomKQA 8:41  Oo bal eeg, waxaa yimid nin Yayros la odhan jiray, oo taliyaha sunagogga ahaan jiray. Wuxuuna isku riday Ciise cagihiisa oo ka baryay inuu gurigiisa galo.
Luke SomKQA 8:42  Waayo, gabadh keliya buu lahaa, iyadoo abbaaraha laba iyo toban sannadood jirtay, wayna sakaraadaysay. Laakiin intuu socday dadkii badnaa ayaa cidhiidhiyey.
Luke SomKQA 8:43  Naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay, oo wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan dhakhtarro ku bixisay, oo ku bogsan kari weyday, midna xaggiisa,
Luke SomKQA 8:44  ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda. Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay.
Luke SomKQA 8:45  Markaasaa Ciise yidhi, Yuu yahay kan i taabtay? Markay wada dafireen, Butros iyo kuwa la jiray waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, dadkii badnaa ayaa ku jiidhaya oo ku cidhiidhinaya.
Luke SomKQA 8:46  Laakiin Ciise wuxuu yidhi, Qof baa i taabtay, waayo, waxaan gartay in xoog iga baxay.
Luke SomKQA 8:47  Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay.
Luke SomKQA 8:48  Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhoy, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey ee nabad ku tag.
Luke SomKQA 8:49  Intuu weli hadlayay, waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid nin ku leh, Gabadhaadii waa dhimatay, ee Macallinka ha dhibin.
Luke SomKQA 8:50  Laakiin Ciise goortuu maqlay, wuxuu ugu jawaabay, Ha baqin ee iska rumayso, wayna bogsan doontaa.
Luke SomKQA 8:51  Markuu guriga yimid, ninna uma oggolaanin inuu la galo, Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, iyo gabadha aabbeheed, iyo hooyadeed maahee.
Luke SomKQA 8:52  Kulligood waxay u ooyayeen oo u barooranayeen iyada, laakiin wuxuu ku yidhi, Ha ooyina, iyadu ma dhiman, waase huruddaa.
Luke SomKQA 8:54  Markaasuu dadkii oo dhan dibadda u saaray, oo uu gacanteeda qabtay oo qayliyey isagoo leh, Yartoy, kac.
Luke SomKQA 8:55  Ruuxeedii ayaa ku soo noqday, oo markiiba way kacday, oo wuxuu amray in cunto la siiyo iyada.
Luke SomKQA 8:56  Waalidkeedii waa yaabeen, wuxuuse amray inaanay ninna u sheegin waxa dhacay.
Chapter 9
Luke SomKQA 9:1  Laba-iyo-tobankii ayuu isugu yeedhay, wuxuuna siiyey xoog iyo amar ay jinniyada oo dhan ku saaraan oo ay cudurro ku bogsiiyaan.
Luke SomKQA 9:2  Wuuna diray inay boqortooyadii Ilaah ku wacdiyaan dadka oo ay bogsiiyaan kuwa buka.
Luke SomKQA 9:3  Wuxuuna ku yidhi, Waxba safarka ha u qaadanina, ama ul, ama qandi, ama kibis, ama lacag. Laba khamiisna ha qaadanina.
Luke SomKQA 9:4  Guri alla gurigaad gashaan jooga, meeshaasna ka baxa.
Luke SomKQA 9:5  Kuwa alla kuwii aan idin soo dhowayn, markaad magaaladaas ka baxdaan siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.
Luke SomKQA 9:6  Markaasay baxeen, oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.
Luke SomKQA 9:7  Markaasaa taliye Herodos maqlay waxa dhacay oo dhan, wuuna shakiyey, waayo, qaar baa yidhi, Yooxanaa ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay,
Luke SomKQA 9:8  qaarna waxay yidhaahdeen, Eliyaas ayaa soo muuqday, qaar kalena waxay yidhaahdeen, Nebi nebiyadii hore ah ayaa soo sara kacay.
Luke SomKQA 9:9  Markaasaa Herodos wuxuu yidhi, Yooxanaa madaxaan ka gooyay, Yuu yahay kan aan waxan ka maqlayo? Oo wuxuu doonayay inuu arko.
Luke SomKQA 9:10  Rasuulladii markay soo noqdeen ayay isaga u sheegeen wixii ay sameeyeen. Wuuna waday oo keli ahaan u kaxeeyey magaalada Beytsayda la odhan jiray.
Luke SomKQA 9:11  Laakiin dadkii badnaa, goortay ogaadeen, way soo raaceen. Markaasuuna iyaga soo dhoweeyey, oo wuxuu kala hadlay wax ku saabsan boqortooyadii. Ilaah, oo kuwii u baahnaa in la bogsiiyona wuu bogsiiyey.
Luke SomKQA 9:12  Goortii maalintii dhammaanaysay laba-iyo-tobankii ayaa yimid iyagoo ku leh, Dadka badan dir si ay u tagaan tuulooyinka iyo beeraha ku wareegsan, oo ay ugu hoydaan oo cunto uga helaan, waayo, meeshan cidlada ah ayaynu joognaa.
Luke SomKQA 9:13  Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee.
Luke SomKQA 9:14  Waayo, waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin. Wuxuu xertiisii ku yidhi, U fadhiisiya koox koox konton konton ah.
Luke SomKQA 9:16  Markaasuu wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay, ayuu barakeeyey, oo kala jejebiyey, oo xertiisii siiyey, inay dadkii badnaa hortooda dhigaan.
Luke SomKQA 9:17  Markaasay cuneen oo ka wada dhergeen; waxaana la guray jajabkii ka hadhay oo laba iyo toban dambiilood ah.
Luke SomKQA 9:18  Intuu keli ahaan u tukanayay, ayaa xertiisii la joogtay, markaasuu weyddiiyey isagoo leh, Dadkii badnaa yay igu sheegaan?
Luke SomKQA 9:19  Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Eliyaas, qaarna waxay yidhaahdeen, Nebi nebiyadii hore ah oo soo sara kacay.
Luke SomKQA 9:20  Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Masiixii Ilaah.
Luke SomKQA 9:21  Laakiin wuu waaniyey oo wuxuu ku amray inaanay ninna waxaas u sheegin,
Luke SomKQA 9:22  isagoo leh, Waxay waajib ugu tahay Wiilka Aadanahu inuu wax badan ku xanuunsado, oo ay waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimmadu diidaan, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo.
Luke SomKQA 9:23  Markaasuu wuxuu kulligood ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana maalin walba ha soo qaato oo ha i soo raaco.
Luke SomKQA 9:24  Waayo, kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday, kaasaa badbaadin doona.
Luke SomKQA 9:25  Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu islumiyo oo khasaaro?
Luke SomKQA 9:26  Maxaa yeelay, ku alla kii ka xishooda aniga iyo ereygaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga, goortuu ku yimaado ammaantiisa iyo ammaanta Aabbihiis iyo tan malaa'igaha quduuska ah.
Luke SomKQA 9:27  Laakiin run baan idiin sheegayaa, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah.
Luke SomKQA 9:28  Abbaaraha siddeed maalmood hadalladan dabadood waxaa dhacay inuu waday Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, oo buurtuu fuulay inuu ku tukado,
Luke SomKQA 9:29  oo intuu tukanayay, araggii wejigiisa ayaa si kale noqday, dharkiisuna caddaan ayuu la dhalaalayay.
Luke SomKQA 9:30  Oo bal eeg, laba nin ayaa la hadlayay isaga, waxayna ahaayeen Muuse iyo Eliyaas,
Luke SomKQA 9:31  oo ammaan ku soo muuqday, oo waxay kala hadlayeen dhimashadiisa uu Yeruusaalem dhowaan ku dhammayn lahaa.
Luke SomKQA 9:32  Laakiin Butros iyo kuwii la jiray ayaa hurdo la cuslaaday; oo goortay tooseen ayay arkeen ammaantiisa iyo labadii nin oo la taagan.
Luke SomKQA 9:33  Kolkay ka tegayeen waxaa dhacay in Butros ku yidhi Ciise, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno, haddaba saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan ku dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas, waayo, ma uu garanaynin wuxuu leeyahay.
Luke SomKQA 9:34  Intuu waxaas lahaa, waxaa timid daruur oo iyagay hadhaysay, wayna baqeen kolkay daruurtii galeen.
Luke SomKQA 9:35  Daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.
Luke SomKQA 9:36  Goortii codkii ahaaday Ciise keliya ayaa la arkay; markaasay iska aamuseen, oo maalmahaas ninna uma ay sheegin wixii ay arkeen.
Luke SomKQA 9:37  Maalintii xigtay, goortay buurta ka soo degeen, waxaa dhacay in dad badni la kulmay isaga.
Luke SomKQA 9:38  Oo bal eeg, nin dadkii badnaa ka mid ah ayaa qayliyey isagoo leh, Macallimow, waxaan kaa baryayaa inaad wiilkayga eegto, waayo, waa madigayga,
Luke SomKQA 9:39  oo bal eeg, jinni baa qabsada, oo dhaqsiba wiilkaa qayliya, jinniguna waa gilgilaa, oo wiilku afkuu ka xumbeeyaa; dhib ayaa jinnigu kaga baxaa, isagoo aad u burburinaya.
Luke SomKQA 9:40  Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.
Luke SomKQA 9:41  Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Wiilkaaga halkan keen.
Luke SomKQA 9:42  Intuu weli soo socday, jinnigii ayaa jeexjeexay oo gilgilay. Markaasaa Ciise jinnigii wasakhda lahaa canaantay, wiilkiina ayuu bogsiiyey oo aabbihiis ku celiyey.
Luke SomKQA 9:43  Kulli way ka wada yaabeen Ilaah weynaantiisa. Laakiin intay kulligood la wada yaabsanaayeen wixii uu sameeyey oo dhan, wuxuu xertiisii ku yidhi,
Luke SomKQA 9:44  Hadalladanu ha galeen dhegihiinna, waayo, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelin doonaa.
Luke SomKQA 9:45  Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, waana laga qariyey si ayna u garan, wayna ka cabsadeen inay hadalkas wax ka weyddiiyaan.
Luke SomKQA 9:46  Waxaa ka dhex kacday dood ay islahaayeen, Kee baa ahaan doonaa kan inoo weyn.
Luke SomKQA 9:47  Laakiin Ciise markuu gartay fikirrada qalbigooda ayuu ilmo qaaday oo is-ag joojiyey,
Luke SomKQA 9:48  markaasuu ku yidhi iyaga, Ku alla kii magacayga ku aqbala ilmahan, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, wuxuu aqbalaa kii i soo diray, waayo, kii idiinku wada yar, kaas ayaa u weyn.
Luke SomKQA 9:49  Yooxanaa baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu aragnay qof magacaaga jinniyo ku saaraya, oo waannu u diidnay, waayo, isagu nama uu soo raaco.
Luke SomKQA 9:50  Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Ha u diidina, waayo, kan aan idinka gees ahayn waa idinla gees.
Luke SomKQA 9:51  Goortii wakhtigii isaga kor loo qaadi lahaa uu dhowaaday, wuxuu wejigiisa u jeediyey inuu Yeruusaalem tago.
Luke SomKQA 9:52  Markaasuu hortiisa cid u diray, oo intay tageen ayay galeen tuulo reer Samaariya ah inay wax u diyaariyaan isaga.
Luke SomKQA 9:53  Iyaguse ma ay dhowayn, waayo, wejigiisa ayaa u jeeday xagga Yeruusaalem.
Luke SomKQA 9:54  Markaasaa xertiisii Yacquub iyo Yooxanaa goortay arkeen, waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, ma doonaysaa inaannu dab amarno inuu cirka ka soo dego oo baabbi'iyo?
Luke SomKQA 9:55  Isaguse waa ku jeestay oo canaantay iyaga, oo ku yidhi, Garan maysaan caynkii ruuxa aad ka tihiin.
Luke SomKQA 9:57  Oo intay jidka ku socdeen nin baa ku yidhi isaga, Waan ku raacayaa meel alla meeshaad tagtidba.
Luke SomKQA 9:58  Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Dawacooyinku godad bay leeyihiin, shimbirraha cirkuna buulal bay leeyihiin, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu madaxiisa dhigo ma leh.
Luke SomKQA 9:59  Mid kalena ayuu ku yidhi, I soo raac. Laakiin isagu wuxuu ku yidhi, Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso.
Luke SomKQA 9:60  Laakiin wuxuu ku yidhi, Iska daa, meydadku ha aaseen meydadkooda, laakiin adigu bax oo boqortooyadii Ilaah ku naadi.
Luke SomKQA 9:61  Mid kale ayaa yidhi, Sayidow, waan ku raacayaa, laakiin horta ii oggolow inaan kuwa gurigayga jooga ku soo idhaahdo, Nabadgelyo.
Luke SomKQA 9:62  Ciise ayaa ku yidhi, Ma jiro nin gacantiisa mixaraatka saara oo dib u eega, oo u qalma boqortooyada Ilaah.
Chapter 10
Luke SomKQA 10:1  Waxaa dabadeed Rabbigu wuxuu soo bixiyey toddobaatan kale, oo laba laba ayuu hortiisa u diray ilaa magaalo walba iyo meel walba oo uu tegi lahaa.
Luke SomKQA 10:2  Wuxuuna ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin. Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro.
Luke SomKQA 10:3  Socda, oo ogaada, waxaan idiin dirayaa sida baraar oo yeey ku dhex jira.
Luke SomKQA 10:4  Ha qaadanina kiish, ama qandi, ama kabo, ninnaba jidka ha ku nabdaadinina.
Luke SomKQA 10:5  Guri alla gurigaad gashaan, horta waxaad ku tidhaahdaan, Gurigan nabad ha u ahaato.
Luke SomKQA 10:6  Ina nabdeed hadduu halkaas joogo, nabaddiinnu waxay ahaan doontaa dushiisa, haddii kalese way idinku soo noqon doontaa.
Luke SomKQA 10:7  Gurigaas qudhiisa jooga, idinkoo cunaya oo cabbaya waxay haystaan, waayo, shaqaaluhu waa istaahilaa abaalgudkiisa. Guriba guri ha u dhaafina.
Luke SomKQA 10:8  Magaalo alla magaaladaad gashaan oo laydinka soo dhoweeya, waxa laydin soo hor dhigo cuna.
Luke SomKQA 10:9  Bogsiiya kuwa buka oo halkaas jooga, oo ku dhaha, Boqortooyada Ilaah waa idinku soo dhow dahay.
Luke SomKQA 10:10  Laakiin magaalo alla magaaladaad gashaan, oo aan laydinka soo dhowayn, u soo baxa jidadkeeda, oo dhaha,
Luke SomKQA 10:11  Xataa siigada magaaladiinna ee cagahayaga soo raacday, waannu idinku tirtiraynaa, laakiin kan ogaada, Boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay.
Luke SomKQA 10:12  Waxaan idinku leeyahay, Maalintaas Sodom ayaa ka xisaab fududaan doonta magaaldaas.
Luke SomKQA 10:13  Waa kuu hoog, Khorasinay. Waa kuu hoog, Beytsayday, waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobad keeni lahaayeen, iyagoo dhar joonyad ah gashan oo dambas ku fadhiya.
Luke SomKQA 10:14  Laakiin maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan.
Luke SomKQA 10:15  Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaa lagu dejin doonaa Haadees.
Luke SomKQA 10:16  Kan idin maqlaa waa i maqlaa, kan idin diidaana, waa i diidaa, kan i diidaana, wuxuu diidaa kii i soo diray.
Luke SomKQA 10:17  Toddobaatankii farxad ayay la soo noqdeen, iyagoo leh, Sayidow, xataa jinniyadu magacaaga ayay nooga dambeeyaan.
Luke SomKQA 10:18  Markaasuu wuxuu ku yidhi, Waxaan arkay Shayddaankoo sida hillaac samada uga soo dhacaya.
Luke SomKQA 10:19  Bal ogaada, waxaan idin siiyey amar aad kula tumataan abeesooyin iyo dabaqalloocyo iyo xoogga oo dhan ee cadowga; innaba waxba idinma yeeli doono.
Luke SomKQA 10:20  Laakiin tan ha ku farxina in jinniyadu ay idinka dambeeyaan, laakiin ku farxa in magacyadiinnu ay jannada ku qoran yihiin.
Luke SomKQA 10:21  Saacaddaas qudheeda ayuu Ruuxa Quduuska ah ku reyreeyey oo yidhi, Waan kugu mahad naqayaa, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilmo yaryar. Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay.
Luke SomKQA 10:22  Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo cid uu yahay Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo cid uu yahay, Wiilka maahee, iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.
Luke SomKQA 10:23  Wuxuuna u jeestay xertiisa oo keli ahaan ugu yidhi, Waxaa barakaysan indhaha arka waxaad aragtaan;
Luke SomKQA 10:24  waayo, waxaan idinku leeyahay, Nebiyo iyo boqorro badan ayaa doonay inay arkaan waxaad aragtaan, mana arkin, iyo inay maqlaan waxaad maqashaan, mana ay maqlin.
Luke SomKQA 10:25  Mid sharciga yaqaan ayaa istaagay oo jirrabay, isagoo leh, Macallimow, maxaan sameeyaa si aan ku dhaxlo nolosha weligeed ah?
Luke SomKQA 10:26  Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa?
Luke SomKQA 10:27  Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada.
Luke SomKQA 10:28  Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.
Luke SomKQA 10:29  Laakiin isagoo doonaya inuu iscaddeeyo inuu xaq yahay, ayuu Ciise ku yidhi, Yaa deriskayga ah?
Luke SomKQA 10:30  Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Nin baa Yeruusaalem ka soo degayay oo Yerixoo ku socday; wuxuuna ku dhex dhacay tuugag, oo intay dharka ka furteen oo garaaceen ayay ka tageen oo daayeen isagoo bestiis ah.
Luke SomKQA 10:31  Waxay noqotay in wadaad jidkaas ku soo degayay, oo markuu arkay ayuu dhinaca kale maray.
Luke SomKQA 10:32  Sidaas oo kalena nin reer Laawi ah goortuu meeshaas yimid oo arkay, ayuu dhinaca kale maray.
Luke SomKQA 10:33  Laakiin nin reer Samaariya ah intuu socday ayuu meeshiisa yimid, oo markuu arkay ayuu u naxariistay.
Luke SomKQA 10:34  Wuuna u dhowaaday, oo nabrihiisii ka duudduubay, oo saliid iyo khamri ku shubay, markaasuu saaray neefkiisii, oo hudheel geeyey, waana u dadaalay.
Luke SomKQA 10:35  Maalintii dambe wuxuu soo bixiyey laba dinaar, oo siiyey ninkii hudheelkii lahaa, oo ku yidhi, U dadaal, oo wixii dambe oo kaaga baxa, soo noqodkayga ayaan kuu celin doonaa.
Luke SomKQA 10:36  Saddexdaas kee bay kula tahay inuu deris u ahaa kii tuugagga ku dhex dhacay?
Luke SomKQA 10:37  Wuxuu ku yidhi, Kii u naxariistay. Markaasaa Ciise ku yidhi, Tag oo sidaas oo kale yeel.
Luke SomKQA 10:38  Intay socdeen wuxuu galay tuulo. Markaasaa qof dumar ah oo Maarta la odhan jiray ayaa gurigeeda gelisay.
Luke SomKQA 10:39  Waxayna lahayd walaal Maryan la odhan jiray, oo iyaduna waxay ag fadhiisatay cagihii Sayidka oo ereygiisa maqashay.
Luke SomKQA 10:40  Laakiin Maarta waxaa jiidanaysay hawl badan, oo intay u timid ayay ku tidhi, Sayidow, miyaanay waxba kula ahayn in walaashay i daysay inaan keligay adeego? Haddaba la hadal inay ila qabato.
Luke SomKQA 10:41  Laakiin Sayidku waa u jawaabay oo ku yidhi, Maarta, Maartay, wax badan ayaad ka welwelaysaa oo isku dhibaysaa.
Luke SomKQA 10:42  Laakiin mid baa loo baahan yahay, Maryanna waxay dooratay intii roonayd oo aan laga qaadi doonin.
Chapter 11
Luke SomKQA 11:1  Meel buu ku tukanayay, oo goortuu dhammeeyey, mid xertiisa ka mid ah ayaa ku yidhi, Sayidow, na bar si loo tukado, sida Yooxanaa xertiisa u baray.
Luke SomKQA 11:2  Wuxuu ku yidhi, Goortaad tukanaysaan dhaha, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado.
Luke SomKQA 11:4  Oo naga cafi dembiyadayada, waayo, annaguba waa u cafinnaa mid walba oo aannu qaan ku leennahay, oo jirrabaaddana ha noo kaxayn.
Luke SomKQA 11:5  Wuxuuna ku yidhi, Kiinnee baa saaxiib leh oo saqdadhexe u tegaya oo ku odhanaya, Saaxiibow, saddex kibsood i amaahi,
Luke SomKQA 11:6  waayo, saaxiibkay ayaa safar iiga yimid, oo waxaan hor dhigo ma hayo.
Luke SomKQA 11:7  Kaasaana gudaha ka jawaabaya oo odhanaya, Ha i dhibin. Albaabka waa la xidhay; carruurtayduna sariirtay ila jiiftaa; umana kici karo inaan wax ku siiyo.
Luke SomKQA 11:8  Waxaan idinku leeyahay, In kastoo aanu kici doonin oo aanu siin doonin saaxiibnimadiisa aawadeed, weliba baryo badnaantiisa aawadeed ayuu u kici doonaa oo u siin doonaa in alla intuu u baahan yahay.
Luke SomKQA 11:9  Waxaan idinku leeyahay, Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan; garaaca oo waa laydinka furi doonaa.
Luke SomKQA 11:10  Waayo, mid kasta oo weyddiista waa la siiyaa; kii doonaana waa helaa; kii garaacana waa laga furi doonaa.
Luke SomKQA 11:11  Midkiinnee baa oo aabbe ah haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya? Ama hadduu kalluun weyddiisto, kalluunka meeshiis abeeso siinaya?
Luke SomKQA 11:12  Ama hadduu ukun weyddiisto, dabaqallooc siinaya?
Luke SomKQA 11:13  Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa Ruuxa Quduuska ah uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?
Luke SomKQA 11:14  Wuxuu saarayay jinni carrab la'. Waxaana dhacay goortuu jinnigii baxay inuu kii carrabka la'aa hadlay, dadkiina way yaabeen.
Luke SomKQA 11:15  Laakiin qaarkood ayaa yidhi, wuxuu jinniyada ku saaraa Be'elsebul oo ah madaxda jinniyada.
Luke SomKQA 11:16  Markaasaa kuwa kale oo jirrabaya waxay ka doonayeen inuu calaamo cirka ka tuso.
Luke SomKQA 11:17  Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cidla' bay noqotaa, guri guri ka qaybsamaana waa dumaa.
Luke SomKQA 11:18  Shayddaankuna hadduu kala qaybsamo, boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa? Waayo, waxaad tidhaahdaan, Waxaad jinniyo ku saartaa Be'elsebul.
Luke SomKQA 11:19  Anigu haddii aan jinniyada ku saaro Be'elsebul, wiilashiinna yay ku saaraan? Sidaa darteed iyagu waxay ahaanayaan xaakinnadiinna.
Luke SomKQA 11:20  Laakiin haddaan jinniyada ku saaro farta Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah.
Luke SomKQA 11:21  Nin xoog leh oo hubaysan markuu ilaalinayo barxaddiisa, alaabtiisu waa nabad gelaysaa.
Luke SomKQA 11:22  Laakiin mid ka xoog badan goortuu ku soo baxo oo ka adkaado, wuxuu ka qaadaa hubkiisii uu isku halleeyey, oo wuu qaybiyaa wuxuu ka dhacay.
Luke SomKQA 11:23  Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.
Luke SomKQA 11:24  Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn, isagoo nasasho doonaya, oo markuu heli waayo, wuxuu yidhaahdaa, Waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay.
Luke SomKQA 11:25  Oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo xaaqan oo hagaagsan.
Luke SomKQA 11:26  Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore.
Luke SomKQA 11:27  Waxaa dhacay goortuu waxyaalahaas yidhi, in qof dumar ah oo dadka ka mid ah codkeeda kor u qaadday oo ku tidhi, Waxaa barakaysan uurka ku siday iyo naasihii aad nuugtay.
Luke SomKQA 11:28  Laakiin wuxuu ku yidhi, Runtaa, laakiin waxaa barakaysan kuwa ereyga Ilaah maqla oo xajiya.
Luke SomKQA 11:29  Goortii dadkii badnaa isugu soo ururayeen, wuxuu bilaabay inuu yidhaahdo, Qarniganu waa qarni shareed; calaamo bay doonayaan, lamana siin doono, calaamada Yoonis maahee.
Luke SomKQA 11:30  Waayo, sida Yoonis calaamo ugu noqday reer Nineweh, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahu calaamo ugu ahaan doonaa qarnigan.
Luke SomKQA 11:31  Boqoradda koonfureed waxay xisaabta la kici doontaa dadka qarnigan, wayna xukumi doontaa, waayo, waxay ka timid meesha dhulka ugu shishaysa inay xigmadda Sulaymaan maqasho, oo bal eeg, mid Sulaymaan ka weyn ayaa halkan jooga.
Luke SomKQA 11:32  Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobad keeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.
Luke SomKQA 11:33  Ma jiro nin, goortuu ilays shido, dhiga meel qarsoon ama weel hoostiisa, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan.
Luke SomKQA 11:34  Ilayska jidhkaagu waa ishaada, ishaaduna markay hagaagsan tahay, jidhkaaga oo dhammu waa iftiimaa, laakiin goortay xun tahay, jidhkaaguna waa gudcur.
Luke SomKQA 11:35  Haddaba iska jir si iftiinka kugu jiraa aanu gudcur u ahaan.
Luke SomKQA 11:36  Haddaba haddii jidhkaaga oo dhammu iftiimo, aanuna lahayn meel gudcur ah, waa wada iftiimaa, sida goortii ilayska dhalaalayaa uu kuu iftiimiyo.
Luke SomKQA 11:37  Goortuu hadlayay, nin Farrisi ah ayaa weyddiistay inuu wax la cuno; wuuna galay gurigiisa, oo cunto u fadhiistay.
Luke SomKQA 11:38  Farrisigii markuu arkay waa yaabay, waayo, cuntada horteed ma uu faraxalan.
Luke SomKQA 11:39  Sayidka ayaa ku yidhi, Haddeer idinkoo Farrisiin ah waxaad dusha ka nadiifisaan koobka iyo xeedhada, laakiin xaggiinna hoose waxaa ka buuxa dulun iyo shar.
Luke SomKQA 11:40  Doqonno yahow, kii dusha sameeyey miyaanu gudahana samaynin?
Luke SomKQA 11:41  Laakiin waxa gudaha ah sadaqad u bixiya, oo bal eeg, wax walba waa idiin nadiifsan yihiin.
Luke SomKQA 11:42  Laakiin waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo khodaarta oo dhan toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaaftaan xukunka iyo jeclaanta Ilaah. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin.
Luke SomKQA 11:43  Waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, waxaad jeceshihiin kursiyada hore oo sunagogyada, iyo salaanta suuqa.
Luke SomKQA 11:44  Waa idiin hoog, waayo, waxaad tihiin sida xabaalo aan muuqanaynin; nimanka dul marayaana aanay garanaynin.
Luke SomKQA 11:45  Kuwa sharciga yaqaan midkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, markaad waxaas leedahay, annagana waad na caayaysaa.
Luke SomKQA 11:46  Markaasuu ku yidhi, Idinkana waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, waxaad nimanka ku rartaan wax culus oo qaadiddoodu dhib leedahay; idinkuse farihiinna middood kuma taabataan culaabta.
Luke SomKQA 11:47  Waa idiin hoog, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, awowayaashiinse way dileen.
Luke SomKQA 11:48  Haddaba waxaad tihiin markhaatiyaal oo aad oggoshihiin shuqulkii awowayaashiin, waayo, iyagaa dilay, idinkuna waad dhistaan xabaalahooda.
Luke SomKQA 11:49  Sidaa darteed xigmadda Ilaah ayaa tidhi, Waxaan u diri doonaa nebiyo iyo rasuullo; qaarkood waa la dili doonaa oo la silcin doonaa,
Luke SomKQA 11:50  in qarnigan la weyddiiyo dhiiggii nebiyada oo dhan oo daatay tan iyo aasaaskii dunida,
Luke SomKQA 11:51  oo laga bilaabo dhiiggii Haabiil ilaa dhiiggii Sakariyas kii ku dhintay meeshii allabariga iyo meesha quduuska ah dhexdooda. Runtii, waxaan idinku leeyahay, Qarnigan ayaa la weyddiin doonaa.
Luke SomKQA 11:52  Waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, furihii garashada ayaad qaaddeen. Idinka qudhiinnu ma gelin, oo kuwii gelayayna ayaad ka hor joogsateen.
Luke SomKQA 11:53  Oo kolkuu meeshaas ka baxay, culimmada iyo Farrisiintu waxay bilaabeen inay aad ugu dhirfaan iyo inay wax badan kaga hadlisiiyaan,
Luke SomKQA 11:54  iyagoo gaadaya inay ku qabtaan wixii afkiisa ka soo baxa.
Chapter 12
Luke SomKQA 12:1  Markii dadkii badnaa oo tirola'aanta ahaa isa soo tubeen, ilaa ay qaarba qaar ku joogjoogsadeen, wuxuu bilaabay inuu kolkii hore xertiisa ku yidhaahdo, Iska jira khamiirka Farrisiinta kan ah labawejiilenimada.
Luke SomKQA 12:2  Ma jiro wax daboolan oo aan soo muuqan doonin ama wax qarsoon oo aan la garan doonin.
Luke SomKQA 12:3  Sidaa darteed wax kasta oo aad gudcurka ku dhex tidhaahdeen, iftiinka ayaa laga maqli doonaa, oo wixii aad dhegta iskagala hadasheen qoolal qarsoon ayaa guryaha dushooda lagaga dhawaaqi doonaa.
Luke SomKQA 12:4  Waxaan idinku leeyahay, saaxiibbadayow, Ha ka baqina kuwa jidhka dila, oo aan dabadeed wax kale samayn karin.
Luke SomKQA 12:5  Laakiin waxaan idinkaga digayaa kaad ka baqi lahaydeen. Ka baqa kan kolkuu dilo dabadeed amar u leh inuu jahannamada ku tuuro. Runtii, waxaan idinku leeyahay, Kaas ka baqa.
Luke SomKQA 12:6  Shan shimbirrood miyaan laba beesadood lagu iibin? Oo midna lagama illaawin Ilaah hortiisa.
Luke SomKQA 12:7  Laakiin timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin. Ha baqina; waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan.
Luke SomKQA 12:8  Weliba waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo igu qirta dadka hortiisa, ayaa Wiilka Aadanahu ku qiran doonaa malaa'igaha Ilaah hortooda.
Luke SomKQA 12:9  Laakiin kii igu diida dadka hortiisa, malaa'igaha Ilaah hortooda ayaa lagu diidi doonaa,
Luke SomKQA 12:10  oo mid walba oo ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah, waa loo cafiyi doonaa, laakiin kii caaya Ruuxa Quduuska ah looma cafiyi doono.
Luke SomKQA 12:11  Goortay idin hor keenayaan sunagogyada, iyo taliyayaasha, iyo kuwa amarka leh, ha ka welwelina sidii iyo wixii aad ku jawaabi doontaan ama waxaad odhan doontaan,
Luke SomKQA 12:12  waayo, Ruuxa Quduuska ah ayaa saacaddaas idin bari doonaa wixii aad leedihiin inaad tidhaahdaan.
Luke SomKQA 12:13  Oo mid dadka ka mid ah ayaa ku yidhi, Macallimow, walaalkay u sheeg inuu dhaxalka ila qaybsado.
Luke SomKQA 12:14  Laakiin wuxuu ku yidhi, Ninkow, yaa iiga kiin dhigay xukume ama qaybiye?
Luke SomKQA 12:15  Wuxuu iyaga ku yidhi, Fiiriya oo iska ilaaliya damacnimada oo dhan, waayo, qof goortuu maal badnaado, noloshiisu kama timaado maalkuu leeyahay.
Luke SomKQA 12:16  Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.
Luke SomKQA 12:17  Kolkaasuu isla tashaday isagoo leh, Maxaan sameeyaa, waayo, ma haysto meel aan ku ururiyo wixii ii baxay?
Luke SomKQA 12:18  Markaasuu yidhi, Sidan ayaan samayn doonaa. Maqsinnadaydii ayaan dumin doonaa oo kuwa ka waaweyn ayaan dhisan doonaa; halkaasna ayaan ku urursan doonaa sarreenkayga iyo alaabtayda oo dhan,
Luke SomKQA 12:19  oo waxaan naftayda ku odhan doonaa, Nafay, waxaad leedahay alaab badan oo sannado badan loo dhigay. Naso oo wax cun oo cab oo farax.
Luke SomKQA 12:20  Laakiin Ilaah wuxuu ku yidhi, Kaaga doqonka ahow, caawa naftaada waa lagu weyddiisan doonaa, wixii aad diyaarsatayna yaa lahaan doonaa?
Luke SomKQA 12:21  Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.
Luke SomKQA 12:22  Markaasuu xertiisii ku yidhi, Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, jidhkiinnana waxaad huwin doontaan.
Luke SomKQA 12:23  Waayo, naftu waa ka roon tahay cuntada, jidhkuna waa ka roon yahay dharka.
Luke SomKQA 12:24  Tukayaasha fiiriya, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, mana haystaan maqsin ama meel ay wax ku urursadaan, oo Ilaah baa cunto siiya. Intee baad ka roon tihiin shimbirraha!
Luke SomKQA 12:25  Midkiinee intuu welwelo, dhererkiisa dhudhun ku dari kara?
Luke SomKQA 12:26  Haddaba haddii aanad samayn karin xataa waxa u yar, maxaad ugu welweshaan intii kale?
Luke SomKQA 12:27  Fiiriya ubaxyada, siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan. Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtiga ammaantiisii oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood.
Luke SomKQA 12:28  Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysad yarayaalow?
Luke SomKQA 12:29  Ha doondoonina waxaad cuntaan iyo waxaad cabtaan, oo ha shakiyina,
Luke SomKQA 12:30  waayo, quruumaha dunidu waxaas oo dhan ayay doondoonaan; laakiin Aabbihiin waa og yahay inaad waxaas u baahan tihiin.
Luke SomKQA 12:31  Laakiin doondoona boqortooyadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydiinku dari doonaa.
Luke SomKQA 12:32  Ha baqina, idoyahow yari, waayo, Aabbihiin waxaa ka farxiya inuu boqortooyada idin siiyo.
Luke SomKQA 12:33  Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in.
Luke SomKQA 12:34  Waayo, meesha maalkiinnu ku jiro, meeshaasaa qalbigiinnuna ku jiri doonaa.
Luke SomKQA 12:35  Dhexdiinnu ha xidhnaato, laambadihiinnuna ha baxaan.
Luke SomKQA 12:36  Idinkuna ahaada sida niman sayidkooda sugaya, goortuu arooska ka soo noqdo, inay markiiba ka furaan markuu yimaado oo garaaco.
Luke SomKQA 12:37  Waxaa barakaysan addoommadaas, kuwa sayidku goortuu yimaado, uu helo iyagoo soo jeeda. Runtii waxaan idinku leeyahay, Isagu waa guntan doonaa, oo cunto ayuu u fadhiisan doonaa, oo intuu iyaga u dhowaado ayuu u adeegi doonaa.
Luke SomKQA 12:38  Hadduu yimaado wakhtigii gaadhka labaad ama kan saddexaad oo uu helo iyagoo sidaas ah, kuwaas ayaa barakaysan.
Luke SomKQA 12:39  Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa saacadda tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo uma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo.
Luke SomKQA 12:40  Idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.
Luke SomKQA 12:41  Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, ma annaga ayaad masaalkan nagula hadlaysaa ama dadka oo dhan?
Luke SomKQA 12:42  Sayidkuna wuxuu yidhi, Haddaba yuu yahay wakiilka aaminka ah oo caqliga leh, kan uu sayidkiisu u sarraysiin doona dadka gurigiisa, inuu qaybtooda oo cuntada ah siiyo wakhtigeeda?
Luke SomKQA 12:43  Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya.
Luke SomKQA 12:44  Runtii waxaan idinku leeyahay. Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarraysiin doonaa isaga.
Luke SomKQA 12:45  Laakiin haddii addoonkaas qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkayga imaatinkiisii waa raagay, oo uu bilaabo inuu garaaco midiidinyada ragga iyo dumarka ahaa, iyo inuu wax cuno oo wax cabbo oo sakhraamo,
Luke SomKQA 12:46  addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn oo saacad aanu ogayn, oo waa kala jeexi doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela kuwa aan aaminka ahayn.
Luke SomKQA 12:47  Addoonkaas ogaa doonista sayidkiisa, oo aan diyaargarayn, oo aan yeelin sidii doonistiisu ahayd, wax badan waa la garaaci doonaa.
Luke SomKQA 12:48  Laakiin kii aan ogayn oo yeelayse wixii garaacid istaahila, wax yar baa la garaaci doonaa. Mid kasta oo wax badan la siiyey, wax badan ayaa laga dooni doonaa, oo kan wax badan loo sii dhiibtay, wax ka badan ayaa la weyddiisan doonaa.
Luke SomKQA 12:49  Waxaan u imid inaan dab dhulka ku tuuro, oo maxaan doonayaa hadduu durba shidan yahay?
Luke SomKQA 12:50  Anigu waxaan leeyahay baabtiis in laygu baabtiisayo oo sidee lay cidhiidhiyey ilaa uu dhammaado!
Luke SomKQA 12:51  Miyaad u malaynaysaan inaan u imid inaan nabad dhulka siiyo? Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiinse kalasoocid.
Luke SomKQA 12:52  Waayo, intii haddeer ka dambaysa waxaa guri ku jiri doona shan kala soocan, saddex laba ka gees ah iyo laba saddex ka gees ah.
Luke SomKQA 12:53  Waa kala soocmayaan, aabbe wiil ka gees ah iyo wiil aabbe ka gees ah, hooyo gabadh ka gees ah iyo gabadh hooyadeed ka gees ah, soddoh afadii wiilkeeda ka gees ah iyo afadii wiilkii soddohdeed ka gees ah.
Luke SomKQA 12:54  Weliba wuxuu dadkii badnaa ku yidhi, Goortaad aragtaan daruur gabbaldhac ka soo baxaysa, kolkiiba waxaad tidhaahdaan, Roob baa soo socda, oo sidaasuu noqdaa.
Luke SomKQA 12:55  Oo goortaad aragtaan dabayl koonfureed oo dhacaysa waxaad tidhaahdaan, Kulaylku waa iman doonaa, waana noqda.
Luke SomKQA 12:56  Labawejiilayaal yahow, waxaad kala garanaysaan muuqashada dhulka iyo cirka, laakiin wakhtigan sidee baad u kala garan weydaan?
Luke SomKQA 12:58  Goortaad cadowgaaga u raacdo xaakinka, intaad jidka maraysaan ku dadaal si aad uga baxsato, inaanu xaakinka kuu jiidin, xaakinkuna askariga kuu dhiibin, askariguna xabsiga kugu tuurin.
Luke SomKQA 12:59  Waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid lacagta u yar oo ugu dambaysa.
Chapter 13
Luke SomKQA 13:1  Wakhtigaas qudhiisa waxaa joogay qaar wax uga sheegay dadka reer Galili oo Bilaatos dhiiggooda ku daray allabarigooda.
Luke SomKQA 13:2  Kolkaasaa Ciise u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Ma waxay idinla tahay in kuwii reer Galili ahaa ay ka dembi badnaayeen kuwii kale oo reer Galili oo dhan waxyaalahaas ay ku silceen aawadood?
Luke SomKQA 13:3  Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaanad toobad keenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.
Luke SomKQA 13:4  Ama siddeed iyo tobankii oo munaaradda Siloo'am ay ku soo dhacday oo ay dishay, ma waxay idinla tahay, inay ka gef badnaayeen dadka Yeruusaalem joogay oo dhan?
Luke SomKQA 13:5  Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaydnan toobad keenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.
Luke SomKQA 13:6  Markaasuu masaalkan ku hadlay, Nin baa wuxuu lahaa geed berde ah oo beertiisii canabka ahayd lagu beeray. Waa u yimid isagoo midho ka doonaya, waxbana kama uu helin.
Luke SomKQA 13:7  Wuxuu beer-ka-shaqeeyihii ku yidhi, Bal eeg, saddex sannadood ayaan imanayay oo berdahan midho ka doonayay, kamana helin. Jar, muxuu dhulka u khasaarinayaa?
Luke SomKQA 13:8  Markaasuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, sannaddanna daa ilaa aan hareerihiisa qodqodo oo aan digeeyo.
Luke SomKQA 13:9  Dabadeed hadduu midhaysto, wanaag; haddii kalese waad jari doontaa.
Luke SomKQA 13:10  Maalin sabti ah sunagogyada midkood ayuu wax ku barayay.
Luke SomKQA 13:11  Oo bal eeg, waxaa joogtay naag siddeed iyo toban sannadood cudur qabtay, wayna isku soo jabnayd, mana ay kari karin inay istoosiso.
Luke SomKQA 13:12  Ciise goortuu arkay, ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haweentoy, cudurkaaga waad ka furan tahay.
Luke SomKQA 13:13  Kolkaasuu gacmihiisa saaray, oo kolkiiba way toosnaatay, oo Ilaah bay ammaantay.
Luke SomKQA 13:14  Kii sunagogga u sarreeyey ayaa cadho ku jawaabay, waayo, Ciise maalintii sabtida ahayd ayuu wax bogsiiyey, wuxuuna dadkii badnaa ku yidhi, Waxaa jira lix maalmood oo dadkii leeyihiin inay shaqeeyaan. Maalmahaas haddaba kaalaya, ha laydin bogsiiye, ee ha imanina maalinta sabtida ah.
Luke SomKQA 13:15  Laakiin Sayidka ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labawejiilayaal yahow, mid kasta oo idinka mid ah miyaanu sabtida dibigiisa ama dameerkiisa ka soo furin golaha oo u wadin inuu soo waraabiyo?
Luke SomKQA 13:16  Oo naagtan oo ina Ibraahim ah oo Shayddaanku siddeed iyo toban sannadood xidhay, miyaanay lahayn in maalinta sabtida ah laga fura xidhmaddaas?
Luke SomKQA 13:17  Goortuu waxaas yidhi cadaawayaashiisii oo dhan way wada ceeboobeen, dadkii oo dhanna ayaa ku reyreeyey wax walba oo ammaanta lahaa oo uu falay.
Luke SomKQA 13:18  Haddaba wuxuu yidhi, Boqortooyada Ilaah maxay u eg tahay oo maxaan u ekaysiiyaa?
Luke SomKQA 13:19  Waxay u eg tahay iniin khardal ah, oo nin qaaday oo beertiisii ku riday, oo ay baxday oo geed dheer noqotay, shimbirraha cirkuna laamaheeday ku degeen.
Luke SomKQA 13:20  Haddana wuxuu yidhi, Maxaan boqortooyada Ilaah u ekaysiiyaa?
Luke SomKQA 13:21  Waxay u eg tahay khamiir naag intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.
Luke SomKQA 13:22  Oo wuxuu dhex marayay magaalooyin iyo tuulooyin isagoo wax baraya, Yeruusaalemna ayuu ku socday.
Luke SomKQA 13:23  Mid baa wuxuu ku yidhi, Sayidow, ma yar yihiin kuwa badbaadayaa?
Luke SomKQA 13:24  Wuxuuna ku yidhi, Aad u dadaala inaad iridda cidhiidhsan ka gashaan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa dooni doona inay galaan, mana kari doonaan.
Luke SomKQA 13:25  Goortii ninkii guriga lahaa kaco oo albaabka xidho, oo aad bilowdaan inaad dibadda istaagtaan oo aad albaabka garaacdaan, idinkoo leh, Sayidow, naga fur; isaguna waa u jawaabi doonaa oo idinku odhan doonaa, Garan maayo meeshaad ka timaadeen.
Luke SomKQA 13:26  Markaasaad bilaabi doontaan inaad tidhaahdaan, Hortaada ayaannu wax ku cuni jirnay oo ku cabbi jirnay, oo jidadkayaga ayaad wax ku bari jirtay.
Luke SomKQA 13:27  Markaasuu odhan doonaa, Waxaan idinku leeyahay, Garan maayo meeshaad ka timaadeen; iga taga kulligiin oo xaqdarrada ka shaqeeya.
Luke SomKQA 13:28  Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray.
Luke SomKQA 13:29  Waxay ka iman doonaan bari iyo galbeed iyo woqooyi iyo koonfur, waxayna dhex fadhiisan doonaan boqortooyada Ilaah.
Luke SomKQA 13:30  Ogaada, kuwa ugu dambeeya ayaa ugu horrayn doona, kuwa ugu horreeyaana way ugu dambayn doonaan.
Luke SomKQA 13:31  Markaas qudhiisa ayaa waxaa yimid qaar Farrisiin ah iyagoo ku leh, Bax oo ka tag meeshan, waayo, Herodos ayaa doonaya inuu ku dilo.
Luke SomKQA 13:32  Wuxuu iyaga ku yidhi, Idinku u taga oo dawacaas u sheega, Bal eeg, maanta iyo berriba ayaan jinniyo saarayaa oo dad bogsiinayaa, maalinta saddexaadna ayaan kaamilmayaa.
Luke SomKQA 13:33  Laakiin waa inaan socdo maanta iyo berri iyo maalinta ku xigtaba, waayo, ma noqon karto nebi inuu ku dhinto Yeruusaalem dibaddeeda.
Luke SomKQA 13:34  Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy, oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn.
Luke SomKQA 13:35  Ogaada, gurigiinnii waa laydiin daayay, isagoo cidla ah. Waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.
Chapter 14
Luke SomKQA 14:1  Maalin sabti ah markuu galay mid ka mid ah kuwa Farrisiinta u sarreeya gurigiisa inuu kibis cuno, waxaa dhacay inay fiirinayeen.
Luke SomKQA 14:2  Oo bal eeg, waxaa hortiisa joogay nin uurweynaad qaba.
Luke SomKQA 14:3  Markaasaa Ciise u jawaabay oo kuwii sharciga yiqiin iyo Farrisiintii ku yidhi, isagoo leh, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo, mise maya?
Luke SomKQA 14:4  Laakiin way aamuseen. Isaguse, intuu ninkii qabtay, ayuu bogsiiyey, markaasuu sii daayay.
Luke SomKQA 14:5  Wuxuu iyaga ku yidhi, Kiinnee baa leh dameer ama dibi ceel ku dhacay oo aan maalin sabti ah dhaqso uga soo bixinaynin?
Luke SomKQA 14:7  Goortuu arkay kuwii loo yeedhay siday kursiyada hore u doorteen, ayuu masaal kula hadlay oo ku yidhi,
Luke SomKQA 14:8  Markii nin kuugu yeedho aroos, kursiga hore ha fadhiisan, waaba intaasoo isagu nin kaa murwad weyn ugu yeedho,
Luke SomKQA 14:9  oo kii isaga iyo adiga idiin yeedhay uu yimaado oo kugu yidhaahdo, Kan meel sii, oo markaasaad bilaabaysaa inaad meesha dambe ceeb ku fadhiisato.
Luke SomKQA 14:10  Laakiin goortii laguu yeedho, tag oo meesha u hoosaysa fadhiiso, si kii kuu yeedhay kolkuu yimaado uu kuugu yidhaahdo, Saaxiibow, sare u soco. Markaasaad ammaan ku lahaan doontaa kuwa cuntada kula fadhiya oo dhan hortooda.
Luke SomKQA 14:11  Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
Luke SomKQA 14:12  Wuxuuna ku yidhi kii u yeedhay, Goortaad qado ama casho samayso, ha u yeedhin saaxiibbadaada ama walaalahaa ama xigaalkaa ama derisyadaada hodanka ah, waaba intaasoo iyaguna ay markooda kuu yeedhaan, oo ay abaalgud kugu noqotaa.
Luke SomKQA 14:13  Laakiin goortaad diyaafad samayso waxaad u yeedhaa masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo curyaannada iyo indhoolayaasha,
Luke SomKQA 14:14  oo aad barakaysnaan doontaa, waayo, iyagu maleh waxa ay kuugu abaalgudaan, laakiin waxaa laguu abaalgudi doonaa wakhtiga sarakicidda kuwa xaqa ah.
Luke SomKQA 14:15  Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah.
Luke SomKQA 14:16  Wuxuuse ku yidhi, Nin baa casho weyn sameeyey, oo dad badan u yeedhay,
Luke SomKQA 14:17  oo saacaddii cashada ayuu addoonkiisii u diray inuu kuwii loo yeedhay ku yidhaahdo, Kaalaya, waayo, haatan wax waluba waa diyaar.
Luke SomKQA 14:18  Markaasay kulligood waxay bilaabeen inay fikir keliya ku marmarsiiyoodaan. Kii u horreeyey ayaa ku yidhi, Beer baan iibsaday, oo waa inaan tago oo aan soo arko. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato.
Luke SomKQA 14:19  Mid kale ayaa yidhi, Waxaan iibsaday shan qindi oo dibi ah, oo waan tegayaa inaan imtixaamo. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato.
Luke SomKQA 14:20  Mid kale ayaa yidhi, Naag baan guursaday, sidaa darteed ma iman karo.
Luke SomKQA 14:21  Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.
Luke SomKQA 14:22  Kolkaasaa addoonkii ku yidhi, Sayidow, waxaad amartay waa la yeelay, oo weli meel baa bannaan.
Luke SomKQA 14:23  Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo.
Luke SomKQA 14:24  Waayo, waxaan idinku leeyahay, Nimankaas loo yeedhay midkoodna cashadayda dhadhamin maayo.
Luke SomKQA 14:25  Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,
Luke SomKQA 14:26  Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo.
Luke SomKQA 14:27  Ku alla kii aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan iga daba iman, xer iima ahaan karo.
Luke SomKQA 14:28  Waayo, midkiinnee doonaya inuu noobiyad dhiso oo aan kolkii hore fadhiisan inuu xisaabo intay ku kacayso, inuu ogaado inuu haysto wax uu ku dhammeeyo iyo in kale?
Luke SomKQA 14:29  Waaba intaasoo markuu aasaaska dhigo oo uu dhammayn kari waayo, kuwa eegaya oo dhammu ay bilaabaan inay ku qoslaan,
Luke SomKQA 14:30  iyagoo leh, Ninkanu wuxuu bilaabay inuu wax dhiso, waana dhammayn kari waayay.
Luke SomKQA 14:31  Ama boqorkee u tegaya inuu boqor kale dagaal u baxo, isagoo aan kolkii hore fadhiisan oo tashan inuu toban kun kala hor tegi karo kan labaatan kun ula imanaya?
Luke SomKQA 14:32  Ama haddii kale intuu kan kale weli fog yahay, ayuu ergo soo diraa oo uu weyddiistaa wax lagu heshiiyo.
Luke SomKQA 14:33  Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo.
Luke SomKQA 14:34  Haddaba cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa?
Luke SomKQA 14:35  Uma ay wanaagsana dhulka ama meeshii digada, waase la tuuraa. Kan dhego wax lagu maqlo lahu, ha maqlo.
Chapter 15
Luke SomKQA 15:1  Waxaa Ciise u soo dhowaanayay cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha oo dhan inay maqlaan.
Luke SomKQA 15:2  Kolkaasay Farrisiintii iyo culimmadiiba gunuunaceen, iyagoo leh, Ninkanu dembilayaashuu soo dhoweeyaa oo wax la cunaa.
Luke SomKQA 15:4  Ninkiinnee baa tiro ido ah leh, oo middood ka hallowday, aan sagaal iyo sagaashanka cidlada kaga tegin, oo aan tii hallowday ka daba tegin, ilaa uu soo helo?
Luke SomKQA 15:5  Oo goortuu soo helo, aan garbihiisa saarin, isagoo faraxsan.
Luke SomKQA 15:6  Oo goortuu guriga yimaado, aan isugu yeedhin saaxiibbadiisa iyo derisyadiisa, isagoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay laxdaydii iga hallowday?
Luke SomKQA 15:7  Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale, farxad ayaa jannada kaga jiri doonta dembile toobad keena in ka badan sagaal iyo sagaashan xaq ah oo aan toobadkeen u baahnayn.
Luke SomKQA 15:8  Ama naagtee baa toban daraakmo oo lacag ah leh, oo hadday daraakmo lumiso, aan laambad shidin, oo aan guriga xaaqin, oo aan dadaal ku doonin ilaa ay hesho?
Luke SomKQA 15:9  Oo markay hesho, aan saaxiibbadeeda iyo derisyadeeda isugu yeedhin iyadoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay daraakmadii iga luntay.
Luke SomKQA 15:10  Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobad keenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa'igaha Ilaah hortooda.
Luke SomKQA 15:12  Kii yaraa ayaa aabbihii ku yidhi, Aabbow, waxaaga qaybtii aan heli lahaa i sii. Markaasuu iyaga u qaybiyey wuxuu ku noolaa.
Luke SomKQA 15:13  Maalmo aan badnayn dabadeed wiilkii yaraa waa wada urursaday wax walbaba, oo dhul fog ayuu u safray, halkaas ayuuna wixiisii ku khasaariyey, isagoo iska tumaya.
Luke SomKQA 15:14  Goortuu wada bixiyey dabadeed ayaa abaar daran dhulkaas ka dhacday, wuuna bilaabay inuu baahdo.
Luke SomKQA 15:15  Goortaasuu tegey oo isku daray nin dadka dhulkaas ah, kan u diray beerihiisa inuu doofaarro daajiyo.
Luke SomKQA 15:16  Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin.
Luke SomKQA 15:17  Goortuu isgartay ayuu yidhi, Intee baa kuwa aabbahay kiraystay haysata kibis ka badan in ku filan, aniguna macaluul baan halkan ugu bakhtiyayaa.
Luke SomKQA 15:18  Waan kici oo aan aabbahay u tegi, oo waxaan ku odhan, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba.
Luke SomKQA 15:19  Kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga, ee iga dhig sida kuwa aad kiraysatay midkood oo kale.
Luke SomKQA 15:20  Markaasuu kacay, oo wuxuu u yimid aabbihii, laakiin intuu weli ka fogaa ayaa aabbihiis arkay, waana u naxariistay, oo ku soo orday oo qoortuu iskaga duubay, oo dhunkaday.
Luke SomKQA 15:21  Markaasaa wiilkii ku yidhi, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba; kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga.
Luke SomKQA 15:22  Laakiin aabbihii ayaa addoommadiisii ku yidhi, Dhaqso u soo bixiya khamiiska ugu wanaagsan oo u geliya, kaatunna gacanta u geliya, kabona cagaha u geliya.
Luke SomKQA 15:23  Dibigii yaraa ee la shishleeyey keena oo gowraca, aynu cunno oo faraxno,
Luke SomKQA 15:24  waayo, wiilkaygan wuu dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay. Markaasay bilaabeen inay farxaan.
Luke SomKQA 15:25  Laakiin wiilkiisii weynaa beerta buu ku jiray, oo intuu soo socday oo guriga u soo dhowaanayay, wuxuu maqlay muusika iyo cayaar.
Luke SomKQA 15:26  Markaasuu midiidinyada midkood u yeedhay oo weyddiiyey, Waa maxay waxaas?
Luke SomKQA 15:27  Markaasuu ku yidhi, Walaalkaa ayaa yimid, aabbahaana dibigii yaraa ee la shishleeyey ayuu u gowracay, waayo, ladnaan buu ku helay.
Luke SomKQA 15:28  Laakiin wuu cadhooday, oo inuu galo ma doonayn, markaasaa aabbihiis soo baxay oo baryay.
Luke SomKQA 15:29  Laakiin wuu u jawaabay, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Bal eeg, intaas oo sannadood ayaan kuu shaqaynayay, oo weligay amarkaaga kama aan xadgudbin, oo weligaa waxar iima aad siin inaan saaxiibbadayda la farxo,
Luke SomKQA 15:30  Laakiin goortii uu yimid wiilkaagani waxaagii aad ku noolayd dhillooyin la cunay, waxaad u gowracday dibigii yaraa ee la shishleeyey.
Luke SomKQA 15:31  Markaasuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, weligaa waad ila joogtaa, oo waxayga oo dhan adigaa leh,
Luke SomKQA 15:32  laakiin waxaa inoo wanaagsanayd inaynu rayrayno oo faraxno, waayo, waalaalkaagani waa dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay.
Chapter 16
Luke SomKQA 16:1  Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay.
Luke SomKQA 16:2  Markaasuu u yeedhay oo ku yidhi, Waa maxay waxan kugu saabsan ee aan maqlayo? I sii xisaabtii wakiilnimadaada, waayo, hadda ka dib wakiil sii ahaan kari maysid.
Luke SomKQA 16:3  Markaasaa wakiilkii isku yidhi, Maxaan sameeyaa, waayo, sayidkayga ayaa wakiilnimadii iga qaadaya? Itaal aan wax ku qodo ma lihi, inaan dawarsadona waan ka xishoonayaa.
Luke SomKQA 16:4  Waan garanayaa waxaan samaynayo, in goortii wakiilnimada layga saaro ay dadku guryahooda iigu dhowayn doonaan.
Luke SomKQA 16:5  Markaasuu u yeedhay mid walba oo sayidkiisu dayn ku lahaa. Kii hore ayuu ku yidhi, Sayidkaygu immisuu kugu leeyahay?
Luke SomKQA 16:6  Wuxuu yidhi, Boqol qiyaasood oo saliid ah. Markaasuu ku yidhi, Wixii laguu qoray soo qaad, oo dhaqso u fadhiiso oo qor, Konton.
Luke SomKQA 16:7  Markaasuu wuxuu mid kale ku yidhi, Immisuu kugu leeyahay? Isaguna wuxuu yidhi, Boqol qiyaasood oo sarreen ah. Markaasuu ku yidhi. Wixii laguu qoray soo qaad, oo qor, Siddeetan.
Luke SomKQA 16:8  Sayidkiisii ayaa wakiilkii xaqa darnaa faaniyey, waayo, si caqli leh ayuu u sameeyey, waayo, wiilashii wakhtigan waxay wiilasha iftiinka kaga caqli badan yihiin waxa qarnigooda ku saabsan.
Luke SomKQA 16:9  Oo waxaan idinku leeyahay, Saaxiibbo ku samaysta maalka xaqdarrada in goortuu dhammaado ay idiinku dhoweeyaan degmooyinka weligood ah.
Luke SomKQA 16:10  Kan waxa u yar aamin ku ah, ayaa weliba wax badan aamin ku ah. Kan waxa u yar ku xaqdaran, ayaa waxa badanna ku xaqdaran.
Luke SomKQA 16:11  Haddii aydnaan maalka xaqdaran aamin ku ahayn, waxa run ah yaa idinku aaminaya?
Luke SomKQA 16:12  Haddii aydnaan wixii qof kale leeyahay aamin ku ahayn, yaa idin siinaya wixiinna?
Luke SomKQA 16:13  Midiidinna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.
Luke SomKQA 16:14  Farrisiintii lacagta jeclayd ayaa waxaas oo dhan maqashay, wayna ku qosleen.
Luke SomKQA 16:15  Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin kuwa dadka hortooda isku soo caddeeya inaad xaq tihiin, laakiin Ilaah waa garanayaa qalbiyadiinna, waayo, wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo.
Luke SomKQA 16:16  Sharciga iyo nebiyadu waxay jireen ilaa Yooxanaa; tan iyo wakhtigaas injiilka boqortooyada Ilaah waa lagu wacdiyey, oo mid walbaba xoog buu ku galaa.
Luke SomKQA 16:17  Laakiin in sharciga dhibic keliya ka dhacdo waxaa ka hawl yar in cirka iyo dhulku ay idlaadaan.
Luke SomKQA 16:18  Mid walba oo naagtiisa fura oo mid kale guursadaa wuu sinaystaa, oo kii guursadaa mid nin laga furay wuu sinaystaa.
Luke SomKQA 16:19  Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo dhar gududan oo jilicsan sidan jiray, maalin walbana barwaaqo aad buu ugu farxi jiray.
Luke SomKQA 16:20  Oo waxaa albaabkiisa la dhigi jiray miskiin Laasaros la odhan jiray, isagoo boogo miidhan leh,
Luke SomKQA 16:21  oo doonaya in la siiyo jajabkii miiska ninkii hodanka ahaa ka dhacay. Eeyduna way iman jireen oo boogihiisa leefleefi jireen.
Luke SomKQA 16:22  Waxaa dhacay inuu miskiinkii dhintay, oo malaa'igahu waxay u qaadeen laabtii Ibraahim. Ninkii hodanka ahaana waa dhintay, waana la aasay.
Luke SomKQA 16:23  Intuu Haadees ku jiray ayuu indhihiisa kor u qaaday isagoo aad u silcaya; wuxuuna meel fog ka arkay Ibraahim, iyo Laasaros oo laabtiisa ku tiirsan.
Luke SomKQA 16:24  Markaasuu qayliyey oo yidhi, Aabbe Ibraahimow, ii naxariiso, oo Laasaros ii soo dir inuu fartiisa caaraddeeda biyo ku tiinbiyo oo carrabkayga ku qabowjiyo, waayo, anigu ololkan ayaan ku silcayaa.
Luke SomKQA 16:25  Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Wiil yahow, xusuuso inaad waxaagii wanaagsanaa heshay intii aad noolayd, si la mid ah ayuu Laasaros waxa xun helay, laakiin haddeer isaga halkan ayaa lagu raaxaysiiyey, adiguse waad silcaysaa.
Luke SomKQA 16:26  Weliba annaga iyo idinka waxaa layna dhex dhigay bohol aad u weyn, si kuwa doonaya inay halkan ka sii tallaabaan inay idiin yimaadaan aanay u karin, oo kuwa xaggaasna ayna noogu soo tallaabin.
Luke SomKQA 16:27  Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aabbow, waxaan kaa baryayaa haddaba inaad guriga aabbahay isaga u dirtid,
Luke SomKQA 16:28  waayo, shan walaalo ah baan leeyahay, si uu ugu warramo inaanay iyaguna meeshan silaca leh iman.
Luke SomKQA 16:29  Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Waxay leeyihiin Muuse iyo nebiyada ee ha maqleen.
Luke SomKQA 16:30  Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maya, Aabbe Ibraahimow, laakiin haddii qof kuwii dhintay uga tago, way toobad keeni doonaan.
Luke SomKQA 16:31  Wuxuuse ku yidhi, Haddii ay maqli waayaan Muuse iyo nebiyada, in kastoo qof kuwii dhintay ka soo sara kaco, la oggolaysiin kari maayo inay rumaystaan.
Chapter 17
Luke SomKQA 17:1  Wuxuu xertiisii ku yidhi, Ma suurtowdo inaan xumaantu iman, laakiin waa u hoog kan ay xumaantu ka timaado.
Luke SomKQA 17:2  In qof yaryarkan midkood xumeeyo, waxaa uga roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.
Luke SomKQA 17:3  Iska dhawra. Walaalkaa hadduu dembaabo, canaano; hadduuna toobad keeno, cafi.
Luke SomKQA 17:4  Hadduu toddoba goor maalintii kugu dembaabo, oo toddoba goor kuu soo jeesto, isagoo leh, Waa toobad keenay, waa inaad cafido.
Luke SomKQA 17:5  Markaasay rasuulladii waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Rumaysad noo kordhi.
Luke SomKQA 17:6  Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad ku odhan lahaydeen geedkan sukamin, Ruq, oo badda ku beeran, wuuna idin addeeci lahaa.
Luke SomKQA 17:7  Laakiin kiinnee baa leh addoon dhulka jaraya ama adhi jiraya, oo ku odhan doona goortuu beerta ka yimaado, Dhaqso u kaalay oo cunto u fadhiiso?
Luke SomKQA 17:8  Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?
Luke SomKQA 17:9  Miyuu addoonkii u mahad naqayaa, waayo, wuxuu sameeyey wixii la amray?
Luke SomKQA 17:10  Sidaas oo kale idinkuna goortaad samaysaan wixii laydinku amray oo dhan, waxaad tidhaahdaan, Addoommo aan waxtar lahayn baannu nahay; wixii aannu lahayn inaannu samayno ayaannu samaynay.
Luke SomKQA 17:11  Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay.
Luke SomKQA 17:12  Oo goortuu tuulo galay, waxaa la kulmay toban nin oo baras leh oo meel fog ka istaagay.
Luke SomKQA 17:13  Markaasay codka kor u qaadeen iyagoo leh, Ciisow, Macallimow, noo naxariiso.
Luke SomKQA 17:14  Goortuu arkay, wuxuu ku yidhi, Taga oo istusa wadaaddada. Oo waxaa dhacay, intay sii socdeen, inay daahirsameen.
Luke SomKQA 17:15  Midkood goortuu arkay inuu bogsaday, ayuu soo jeestay oo cod weyn Ilaah ku ammaanay.
Luke SomKQA 17:16  Oo wejigiisa ayuu cagihiisa ag dhigay oo u mahad naqay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya.
Luke SomKQA 17:17  Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Tobankii miyaanay daahirsamin? Laakiin meeye sagaalkii?
Luke SomKQA 17:18  Miyaan la arag kuwa u soo noqday inay Ilaah ammaanaan, shisheeyahan maahee?
Luke SomKQA 17:19  Markaasuu ku yidhi, Kac oo soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.
Luke SomKQA 17:20  Farrisiintii goortay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Goormay boqortooyada Ilaah imanaysaa? wuxuu ugu jawaabay, Boqortooyada Ilaah dhawrid ku iman mayso.
Luke SomKQA 17:21  Lamana odhan doono, Waa tan! ama, Waa taas! waayo, bal eega, boqortooyada Ilaah waa idinku dhex jirtaa.
Luke SomKQA 17:22  Markaasuu xertii ku yidhi, Maalmuhu waa iman doonaan goortaad dooni doontaan inaad aragtaan maalmaha Wiilka Aadanaha middood, mana arki doontaan.
Luke SomKQA 17:23  Waxaana laydinku odhan doonaa, Waa taas! Waa tan! Ha bixina, hana raacina.
Luke SomKQA 17:24  Waayo, sida hillaacu markuu dhinaca hoose oo cirka ka hillaaco oo ilaa dhinaca kale oo hoose oo cirka u ifiyo, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahuna ahaan doonaa maalintiisa.
Luke SomKQA 17:25  Laakiin kolka hore waxay waajib ugu tahay inuu wax badan ku xanuunsado oo uu qarniganu diido isaga.
Luke SomKQA 17:26  Oo sidii wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayay noqon doontaa maalmaha Wiilka Aadanaha.
Luke SomKQA 17:27  Wax bay cuni jireen oo cabbi jireen, wayna guursan jireen oo guur baa la siin jiray, ilaa maalintii Nuux uu doonnida galay, oo daadkii yimid oo wada baabbi'iyey.
Luke SomKQA 17:28  Sidaas oo kale ayay weliba ahayd maalmihii Luud. Wax bay cuni jireen oo cabbi jireen, wax bayna iibsan jireen oo iibin jireen, oo beeran jireen, oo dhisan jireen.
Luke SomKQA 17:29  Laakiin maalintii Luud ka baxay Sodom ayay dab iyo baaruud cirka kaga soo daateen oo wada baabbi'iyeen.
Luke SomKQA 17:30  Si la mid ah ayay noqon doontaa maalinta Wiilka Aadanahu soo muuqdo.
Luke SomKQA 17:31  Maalintaas kii guriga fuushanu, oo alaabtiisu guriga ku jirto, yaanu u soo degin inuu soo qaato; kii beerta joogaana sidaas oo kale yaanu dib u noqon.
Luke SomKQA 17:33  Kan doona inuu naftiisa badbaadiyo waa lumin doonaa, laakiin kan lumiya ayaa badbaadin doona.
Luke SomKQA 17:34  Waxaan idinku leeyahay, Habeenkaas laba nin ayaa sariir wada joogi doona; mid waa la qaadi doonaa, kan kalena waa laga tegi doonaa.
Luke SomKQA 17:35  Waxaana jiri doona laba naagood oo wax isla shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, tan kalena waa laga tegi doonaa.
Luke SomKQA 17:36  Waxaana beerta ku jiri doona laba nin, mid waa la qaadi doonaa, kan kalena waa laga tegi doonaa.
Luke SomKQA 17:37  Markaasay u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Xaggee, Sayidow? Wuxuuna ku yidhi, Meeshii bakhtigu yaal, halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan.
Chapter 18
Luke SomKQA 18:1  Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh,
Luke SomKQA 18:2  Waxaa magaalo joogay xaakin aan Ilaah ka baqi jirin, ninnana aan danayn jirin.
Luke SomKQA 18:3  Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii.
Luke SomKQA 18:4  Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn,
Luke SomKQA 18:5  weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin.
Luke SomKQA 18:6  Markaasaa Rabbigu yidhi, Maqla wixii xaakinkii xaqa darnaa yidhi.
Luke SomKQA 18:7  Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin?
Luke SomKQA 18:8  Waxaan idinku leeyahay, Dhaqsoba wuu u xaq siin doonaa; hase ahaatee goortuu Wiilka Aadanahu yimaado, markaas rumaysad ma ka heli doonaa dhulka?
Luke SomKQA 18:9  Masaalkan ayuu kula hadlay qaar ismoodayay inay xaq yihiin oo kuwa kale quudhsaday.
Luke SomKQA 18:10  Laba nin ayaa tegey inay macbudka ku tukadaan; mid Farrisi buu ahaa, kan kalena cashuurqaade.
Luke SomKQA 18:11  Farrisigii intuu istaagay ayuu waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahad naqayaa inaanan ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo dhillayaasha, ama xataa sida cashuurqaadahan.
Luke SomKQA 18:12  Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa, waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa.
Luke SomKQA 18:13  Laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh.
Luke SomKQA 18:14  Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
Luke SomKQA 18:15  Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, laakiin goortii xertii aragtay, ayay canaanteen.
Luke SomKQA 18:16  Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah.
Luke SomKQA 18:17  Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.
Luke SomKQA 18:18  Taliye ayaa weyddiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?
Luke SomKQA 18:19  Markaasaa Ciise ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.
Luke SomKQA 18:20  Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.
Luke SomKQA 18:21  Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray.
Luke SomKQA 18:22  Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.
Luke SomKQA 18:23  Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa.
Luke SomKQA 18:24  Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan,
Luke SomKQA 18:25  waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso.
Luke SomKQA 18:26  Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?
Luke SomKQA 18:27  Wuxuuse ku yidhi, Waxa aan dadka u suurtoobin, Ilaah waa u suurtoobaan.
Luke SomKQA 18:28  Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay.
Luke SomKQA 18:29  Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur,
Luke SomKQA 18:30  oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.
Luke SomKQA 18:31  Laba-iyo-tobankii ayuu watay oo ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem, oo wax walba oo nebiyadu qoreen ayaa Wiilka Aadanaha u noqon doona.
Luke SomKQA 18:32  Waayo, isaga waxaa loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, waana lagu kajami doonaa, oo la caayi doonaa, oo lagu tufi doonaa,
Luke SomKQA 18:33  wayna karbaashi doonaan oo dili doonaan, maalinta saddexaadna wuu soo sara kici doonaa.
Luke SomKQA 18:34  Laakiin waxyaalahaas waxba kama ay garan, hadalkaasna waa ka qarsoonaa, mana ay garan wixii la yidhi.
Luke SomKQA 18:35  Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,
Luke SomKQA 18:36  oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weyddiiyey waxaas waxay ahaayeen.
Luke SomKQA 18:37  Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasared ag marayo.
Luke SomKQA 18:38  Markaasuu qayliyey isagoo leh, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.
Luke SomKQA 18:39  Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.
Luke SomKQA 18:40  Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,
Luke SomKQA 18:41  Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.
Luke SomKQA 18:42  Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.
Luke SomKQA 18:43  Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.
Chapter 19
Luke SomKQA 19:2  Oo bal eeg, waxaa jiray nin Sakhayos la odhan jiray; kan ahaa madaxda cashuurqaadayaasha, oo hodan buuna ahaa.
Luke SomKQA 19:3  Wuxuuna doonayay inuu Ciise arko cid uu yahay, wuuna kari waayay dadkii badnaa aawadood, waayo, wuu gaabnaa.
Luke SomKQA 19:4  Hore buu u orday, oo wuxuu fuulay geed sukomoor inuu isaga arko, waayo, goor dhow jidkaas ayuu soo mari lahaa.
Luke SomKQA 19:5  Ciise goortuu meeshii yimid, ayuu kor u eegay, oo wuxuu ku yidhi, Sakhayosow, dhaqso u soo deg, waayo, maanta waa inaan gurigaaga joogo.
Luke SomKQA 19:6  Dhaqso ayuu u soo degay, oo farxad ayuu ku soo dhoweeyey.
Luke SomKQA 19:7  Dadkii goortay arkeen, kulligood way wada gunuunaceen, iyagoo leh, Nin dembi leh ayuu u marti galay.
Luke SomKQA 19:8  Sakhayos waa istaagay oo Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, Sayidow, maalkayga badhkiisa ayaan masaakiinta siinayaa, oo haddii aan nin wax ka dulmay, waxaan u celinayaa afar laab.
Luke SomKQA 19:9  Ciise wuxuu ku yidhi, Maanta badbaadinta ayaa gurigan timid, waayo, isaguna waa ina Ibraahim.
Luke SomKQA 19:10  Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu kii hallaabay doondoono oo badbaadiyo.
Luke SomKQA 19:11  Goortay waxaas maqleen, masaal buu ku daray oo ku hadlay, waayo, wuxuu ku dhowaa Yeruusaalem, waxayna u maleeyeen boqortooyada Ilaah inay markiiba soo muuqan doonto.
Luke SomKQA 19:12  Sidaa darteed wuxuu yidhi, Nin sharaf leh ayaa dal fog tegey inuu boqortooyo soo helo oo soo noqdo.
Luke SomKQA 19:13  Wuxuu u yeedhay tobankiisa addoon, oo wuxuu u dhiibay toban mina, oo ku yidhi, Ku baayacmushtara ilaa aan soo noqdo.
Luke SomKQA 19:14  Laakiin dadkii magaaladiisa ayaa nacay, oo waxay ka daba direen ergo iyagoo leh, Dooni mayno ninkaas inuu boqor noo ahaado.
Luke SomKQA 19:15  Goortuu soo noqday isagoo boqortooyadii qaatay, wuxuu ku amray in loo yeedho addoommadii uu lacagtii u dhiibay inuu ogaado mid kasta intuu ka faa'iiday baayacmushtarigii.
Luke SomKQA 19:16  Kii hore ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, minahaagii ayaa toban kale laga faa'iiday.
Luke SomKQA 19:17  Markaasuu ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, ee toban magaalo u sarree.
Luke SomKQA 19:18  Markaasaa kii labaad yimid isagoo leh, Sayidow, minahaagii waxaa laga faa'iiday shan mina.
Luke SomKQA 19:19  Kaasna wuxuu ku yidhi, Adna shan magaalo u sarree.
Luke SomKQA 19:20  Kii kalena waa yimid isagoo leh, Sayidow, waa kaa minahaagii aan maro yar ku guntay oo meel dhigay.
Luke SomKQA 19:21  Waayo, waan kaa baqay, maxaa yeelay, nin ba'an baad tahay; waxaad qaadataa waxaanad dhigan, oo waxaad gurataa waxaanad beeran.
Luke SomKQA 19:22  Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran.
Luke SomKQA 19:23  Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba?
Luke SomKQA 19:24  Markaasuu ku yidhi kuwii ag taagnaa, Minaha ka qaada oo u dhiiba kan tobanka mina haya.
Luke SomKQA 19:25  Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, toban mina ayuu hayaa.
Luke SomKQA 19:26  Waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.
Luke SomKQA 19:27  Laakiin cadowyadaydan oo aan doonin inaan boqor u ahaado halkan keena oo hortayda ku laaya.
Luke SomKQA 19:28  Goortuu waxaas ku hadlay ayuu hore u socday oo Yeruusaalem tegey.
Luke SomKQA 19:29  Goortuu Beytfaage iyo Beytaniya ku dhowaaday ilaa buurta Buur Saytuun la yidhaahdo ayuu laba xer ah diray,
Luke SomKQA 19:30  isagoo leh, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, tan goortaad gashaan aad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin; soo fura oo keena.
Luke SomKQA 19:31  Haddii laydin weyddiiyo oo laydinku yidhaahdo, Maxaad u furaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan.
Luke SomKQA 19:32  Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi.
Luke SomKQA 19:33  Kolkay qaylka furayeen ayaa kuwii lahaa ku yidhaahdeen, Maxaad qaylka u furaysaan?
Luke SomKQA 19:35  Markaasay Ciise u keeneen, oo dharkoodii bay qaylkii dusha ka saareen, oo Ciise ayay fuusheen.
Luke SomKQA 19:36  Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen.
Luke SomKQA 19:37  Goortuu ku soo dhowaanayay xataa meeshii Buur Saytuun laga dego, dadkii oo dhan oo xertii ahaa ayaa bilaabay inay farxaan, oo cod weyn Ilaah ku ammaanaan waxa xoogga leh oo dhan oo ay arkeen aawadood,
Luke SomKQA 19:38  iyagoo leh, Waxaa barakaysan Boqorka Rabbiga magiciisa ku imanaya. Nabadi jannada ha ku jirto, ammaantuna meelaha ugu sarreeya.
Luke SomKQA 19:39  Farrisiintii qaarkood oo dadkii badnaa ku dhex jiray ayaa ku yidhi, Macallimow, xertaada canaano.
Luke SomKQA 19:40  Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Kuwani hadday aamusaan, dhagaxyada ayaa qaylin doona.
Luke SomKQA 19:41  Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay,
Luke SomKQA 19:42  isagoo leh, Adigu haddii aad maalintan garan lahayd waxa nabad ah! Laakiin hadda waa laga qariyey indhahaaga.
Luke SomKQA 19:43  Waayo, maalmuhu way kuu iman doonaan markii cadowyadaadu ay xaggaaga dhufays u soo qodan doonaan, oo ay kugu wareegi doonaan oo ay dhinac walba kaa celin doonaan.
Luke SomKQA 19:44  Way ku dumin doonaan, adiga iyo carruurtaada kugu jirta, oo kuguma dayn doonaan dhagax dhagax dul saaran, waayo, waad garan weyday wakhtigii booqashadaada.
Luke SomKQA 19:45  Wuxuu galay macbudka oo bilaabay inuu ka eryo kuwii wax ku iibinayay,
Luke SomKQA 19:46  isagoo ku leh, Waa qoran tahay, Gurigaygu wuxuu ahaan doonaa guriga tukashada, laakiin idinku waxaad ka dhigteen god tuugo.
Luke SomKQA 19:47  Maalin walba ayuu macbudka ku jiri jiray isagoo wax baraya; laakiin wadaaddada sare iyo culimmada iyo madaxda dadku waxay dooneen inay dilaan,
Luke SomKQA 19:48  oo ay waayeen waxay ku sameeyaan, waayo, dadka oo dhan ayaa aad u dhegaysanayay.
Chapter 20
Luke SomKQA 20:1  Maalmahaa middood intuu Ciise dadka macbudkii wax ku barayay oo injiilka kaga dhex wacdiyeyey, waxaa dhacay in wadaaddada sare iyo culimmada ula yimaadeen waayeellada
Luke SomKQA 20:2  oo la hadleen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey?
Luke SomKQA 20:3  Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, iina sheega.
Luke SomKQA 20:4  Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mase dadka?
Luke SomKQA 20:5  Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu odhanayaa, Maxaad u rumaysan weydeen?
Luke SomKQA 20:6  Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka oo dhan ayaa ina dhagxinaya, waayo, waa la aaminsiiyey inuu Yooxanaa nebi ahaa.
Luke SomKQA 20:7  Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid.
Luke SomKQA 20:8  Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.
Luke SomKQA 20:9  Wuxuu bilaabay inuu masaalkan dadka kula hadlo. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo niman beerrey ah u kiraystay, markaasuu dal kale tegey, oo wax badan ku maqnaa.
Luke SomKQA 20:10  Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inay isaga siiyaan midhaha beerta, laakiin beerreydii ayaa garaacday oo waxla'aan ku dirtay.
Luke SomKQA 20:11  Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo waxla'aan ku direen.
Luke SomKQA 20:12  Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen.
Luke SomKQA 20:13  Markaasaa sayidka beerta wuxuu yidhi, Maxaan sameeyaa? Waxaan dirayaa wiilkaygaan jeclahay, malaha way maamuusi doonaan.
Luke SomKQA 20:14  Laakiin beerreydii goortay arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa; aan dilnee, si aynu dhaxalka u lahaanno.
Luke SomKQA 20:15  Markaasay beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu iyaga ku samayn doonaa?
Luke SomKQA 20:16  Wuu iman doonaa oo beerreydaas dili doonaa, oo dad kale ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. Goortay taas maqleen waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon.
Luke SomKQA 20:17  Laakiin wuu eegay oo ku yidhi, Haddaba muxuu yahay waxan la qoray, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka?
Luke SomKQA 20:18  Mid kasta oo dhagaxaas ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, laakiin kan uu ku dhoco, wuu burburin doonaa.
Luke SomKQA 20:19  Saacaddaas qudheeda ayaa culimmadii iyo wadaaddadii sare dooneen inay isagii qabtaan; laakiin dadkay ka baqeen; waayo, waxay garteen inuu masaalkan iyaga kaga hadlay.
Luke SomKQA 20:20  Wayna dayayeen, oo ay u soo direen jaajuusiin iska dhigaya dad xaq ah, si ay hadalkiisa ugu qabtaan, oo ay ugu gacangeliyaan talada iyo amarka taliyaha.
Luke SomKQA 20:21  Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid.
Luke SomKQA 20:22  Ma xalaal baa inaannu cashuur Kaysar siinno ama inaannan siin?
Luke SomKQA 20:23  Laakiin khiyaanadooda wuu gartay, oo wuxuu ku yidhi,
Luke SomKQA 20:24  Dinaar i tusa. Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan ku yaal? Waxay yidhaahdeen, Kaysar baa leh.
Luke SomKQA 20:25  Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.
Luke SomKQA 20:26  Hadalkiisa way ku qaban kari waayeen dadka hortiisa, wayna ka yaabeen jawaabtiisa, oo way aamuseen.
Luke SomKQA 20:27  Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto.
Luke SomKQA 20:28  Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto isagoo naag leh oo aan carruur lahayn, walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.
Luke SomKQA 20:29  Haddaba waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay carruurla'aan.
Luke SomKQA 20:31  oo kii saddexaadna waa dumaalay. Sidaasay toddobadii u wada guursadeen, carruurna kama ay tegin, wayna dhinteen.
Luke SomKQA 20:33  Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay, iyaga kee bay naagtiisa ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen.
Luke SomKQA 20:34  Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan waa guursadaan, guurna waa la siiyaa,
Luke SomKQA 20:35  laakiin kuwa loo xisaabay inay istaahilaan inay gaadhaan wakhtigaas iyo ka soo sarakicidda kuwii dhintay ma guursadaan, guurna lama siiyo,
Luke SomKQA 20:36  waayo, kol dambe ma dhiman karaan, maxaa yeelay, waxay yihiin sida malaa'igaha, oo waxay yihiin wiilashii Ilaah iyagoo ah wiilashii sarakicidda.
Luke SomKQA 20:37  Laakiin in kuwii dhintay la sara kiciyo Muuse ayaa tilmaamay xaggii geedka markuu Rabbiga ugu yeedhay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub.
Luke SomKQA 20:38  Laakiin isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool, waayo, dhammaan isagay u nool yihiin.
Luke SomKQA 20:39  Culimmada qaarkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, si wanaagsan ayaad u hadashay.
Luke SomKQA 20:41  Wuxuuna ku yidhi, Sidee bay u yidhaahdaan, Masiixu waa ina Daa'uud?
Luke SomKQA 20:42  Daa'uud qudhiisa ayaa kitaabkii Sabuurrada ku leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso,
Luke SomKQA 20:43  Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.
Luke SomKQA 20:44  Haddaba Daa'uud ayaa ugu yeedhay Sayid, ee sidee buu wiilkiisa u yahay?
Luke SomKQA 20:45  Dadkii oo dhan oo maqlaya, ayuu xertiisii ku yidhi,
Luke SomKQA 20:46  Iska jira culimmada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa, iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha,
Luke SomKQA 20:47  kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer istusid u tukada. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.
Chapter 21
Luke SomKQA 21:1  Kor buu u eegay, oo wuxuu arkay kuwa hodanka ah oo hadiyadahoodii khasnadda ku ridaya.
Luke SomKQA 21:2  Wuxuuna arkay carmal miskiin ah oo meeshaas laba lacag ah oo yaryar ku ridaysa.
Luke SomKQA 21:3  Markaasuu yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku rideen.
Luke SomKQA 21:4  Waayo, kuwaas oo dhan waxoodii badnaa ayay wax kaga rideen hadiyadaha, iyaduse miskiinnimadeeda waxay kaga ridday wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.
Luke SomKQA 21:5  Oo qaar kolkay macbudka ka hadlayeen in dhagaxyo wanaagsan iyo hadiyado lagu qurxiyey, wuxuu yidhi,
Luke SomKQA 21:6  Waxaa imanaya maalmo goortii kuwaas aad arkaysaan aan dhagax dhagax kale dushiisa lagu dul dayn doonin oo aan la dumin doonin.
Luke SomKQA 21:7  Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamadu maxay ahaan doontaa goortii waxyaalahanu ay dhowaan doonaan?
Luke SomKQA 21:8  Markaasuu yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn, waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga; iyo, Wakhtigu waa soo dhowaaday. Ha raacina.
Luke SomKQA 21:9  Oo markaad dagaallo iyo rabshooyin maqashaan ha baqanina, waayo, kolka hore waxyaalahanu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku kolkiiba ma aha.
Luke SomKQA 21:10  Markaasuu ku yidhi, Quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo.
Luke SomKQA 21:11  Waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro iyo cudurro, samadana waxaa laga arki doonaa waxyaalo cabsi leh iyo calaamooyin waaweyn.
Luke SomKQA 21:12  Waxyaalahan oo dhan hortood gacmahooday idin saari doonaan oo idin silcin doonaan oo idiin dhiibi doonaan sunagogyada iyo xabsiyada, oo waxaa magacayga aawadiis laydiin hor geeyn doonaa boqorro iyo taliyayaal.
Luke SomKQA 21:14  Sidaa darteed qalbiyadiinna geliya inaydnaan hore ugu fikirin waxaad ku jawaabi doontaan.
Luke SomKQA 21:15  Waayo, waxaan idin siin doonaa af iyo xigmad aanay cadaawayaashiinna oo dhammu ka adkaan karin oo aanay ka gees hadli karin.
Luke SomKQA 21:16  Laakiin idinka waxaa idin gacangelin doona waalidkiinna, iyo walaalahiinna, iyo xigaalkiinna, iyo saaxiibbadiinna, qaarkiinnana waa la dili doonaa.
Luke SomKQA 21:17  Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona.
Luke SomKQA 21:19  Waa inaad naftiinna ku haysataan dulqaadashadiinna.
Luke SomKQA 21:20  Laakiin goortaad aragtaan Yeruusaalem oo colal ku wareegsan yihiin, markaas ogaada in hallaynteedu dhow dahay.
Luke SomKQA 21:21  Markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen, kuwa gudaheeda ku jiraana ha ka baxeen, kuwa beeraha joogaana yaanay gelin.
Luke SomKQA 21:22  Waayo, kuwanu waa maalmo aargudasho in wixii la qoray oo dhammu ay noqdaan.
Luke SomKQA 21:23  Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya, waayo, dhulka dhib weyn ayaa ka dhici doonta, dadkanna cadho.
Luke SomKQA 21:24  Waxayna ku dhici doonaan seef afkeeda, oo waa la qabsan doonaa, oo quruumaha oo dhan la geeyn doonaa; quruumuhuna Yeruusaalem ayay ku tuman doonaan ilaa wakhtiga quruumuhu ka dhammaado.
Luke SomKQA 21:25  Calaamooyin ayaa laga arki doonaa qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha; dhulkana waxaa ku jiri doona dhib quruumahu ka welwelaan guuxa badda iyo hirarka aawadood.
Luke SomKQA 21:26  Dadkuna waxay la suuxi doonaan baqdin iyo filasho waxa dunida iman doona, waayo, xoogagga cirka ayaa la gariirin doonaa.
Luke SomKQA 21:27  Markaasay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imanaya, isagoo leh xoog iyo ammaan weyn.
Luke SomKQA 21:28  Laakiin goortii ay waxaasu bilaabaan inay dhacaan, kor eega, madaxyadiinnana kor u qaada, waayo, madaxfurashadiinnu waa dhow dahay.
Luke SomKQA 21:29  Markaasuu masaal kula hadlay, Bal eega berdaha iyo dhirta oo dhan;
Luke SomKQA 21:30  goortay caleemo bixiyaan waad arkaysaan oo garanaysaan inuu roobku haddaba dhow yahay.
Luke SomKQA 21:31  Sidaas oo kale idinkuna goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta in boqortooyadii Ilaah dhow dahay.
Luke SomKQA 21:32  Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay wax walba dhicin.
Luke SomKQA 21:33  Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
Luke SomKQA 21:34  Laakiin iska jira, yaan qalbiyadiinnu la cuslaan dhereg badan iyo sakhraannimo iyo ka welwelidda ifkan, oo yaan maalintaasu idiin soo kedin sida dabin oo kale.
Luke SomKQA 21:35  Waayo, sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa kulli kuwa dunida oo dhan jooga.
Luke SomKQA 21:36  Laakiin wakhti walbaba soo jeeda, idinkoo Ilaah baryaya inaad xoog yeelataan si aad uga baxsataan waxaas dhici doonaa oo dhan, oo aad Wiilka Aadanaha isu hor taagtaan.
Luke SomKQA 21:37  Maalin walba ayuu macbudka wax ku bari jiray, habeen walbana dibadda ayuu u bixi jiray, oo wuxuu baryi jiray buurta la odhan jiray Buur Saytuun.
Luke SomKQA 21:38  Dadka oo dhammuna aroortii ayay macbudka ugu iman jireen inay dhegaystaan.
Chapter 22
Luke SomKQA 22:1  Waxaa soo dhowaatay Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn oo la yidhaahdo Kormaridda.
Luke SomKQA 22:2  Markaasaa wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay dooneen si ay u dilaan isaga, waayo, dadka ayay ka baqeen.
Luke SomKQA 22:3  Markaasaa Shayddaanku wuxuu galay Yuudas, kan Iskariyod la odhan jiray, isagoo ka mid ah tirada laba-iyo-tobanka.
Luke SomKQA 22:4  Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacangeliyo.
Luke SomKQA 22:5  Goortaasay farxeen oo kula heshiiyeen inay lacag siiyaan,
Luke SomKQA 22:6  wuuna oggolaaday, oo wuxuu doonayay goor wanaagsan inuu u soo gacangeliyo intii dadka maqnaayeen.
Luke SomKQA 22:7  Waxaa timid maalintii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, tan la leeyahay in neefka Kormaridda la gowraco.
Luke SomKQA 22:8  Markaasaa Ciise wuxuu diray Butros iyo Yooxanaa isagoo ku leh, Taga oo Kormaridda inoo soo diyaargareeya aan cunnee.
Luke SomKQA 22:9  Waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu ku diyaargarayno?
Luke SomKQA 22:10  Wuxuu ku yidhi, Bal eega, goortaad magaalada gashaan waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita. Isaga raaca oo ka daba gala guriguu galo.
Luke SomKQA 22:11  Waxaad ninka guriga leh ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu kugu leeyahay, Meeday qooladdii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?
Luke SomKQA 22:12  Wuxuu idin tusayaa qoolad weyn oo sare oo goglan, halkaa ku diyaargareeya.
Luke SomKQA 22:13  Markaasay tageen, oo waxay heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda way diyaargareeyeen.
Luke SomKQA 22:14  Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.
Luke SomKQA 22:15  Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aad baan u doonayay inaan cashadan Iidda Kormaridda idinla cuno intaanan xanuunsan.
Luke SomKQA 22:16  Waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar dambe tan ma cuni doono ilaa ay ku dhammaystiranto boqortooyada Ilaah dhexdeeda.
Luke SomKQA 22:17  Markaasuu koob qaaday, oo goortuu mahad naqay ayuu yidhi, Kan qaata oo qaybsada,
Luke SomKQA 22:18  waayo, waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ilaa ay boqortooyada Ilaah timaado.
Luke SomKQA 22:19  Kibisna wuu qaaday, oo goortuu mahad naqay, ayuu kala jejebiyey, oo iyaga siiyey, isagoo leh, Tanu waa jidhkaygii laydiin bixiyey. Waxan xusuustayda u sameeya.
Luke SomKQA 22:20  Sidaas oo kale cashada dabadeed koobkuu qaaday isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub oo dhiiggayga aawadiin loo daadshay,
Luke SomKQA 22:21  laakiin eega, gacanta kan i gacangelinaya miiskay ila saaran tahay,
Luke SomKQA 22:22  waayo, Wiilka Aadanahu waa baxayaa sidii loo gooyay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas gacangelinaya.
Luke SomKQA 22:23  Markaasay waxay bilaabeen inay dhexdooda isweyddiiyaan midkood waxan yeeli doona.
Luke SomKQA 22:24  Dhexdoodana waxaa ku jirtay dood ku saabsanayd midkood lagu tirinaya inuu ugu weyn yahay.
Luke SomKQA 22:25  Markaasuu ku yidhi, Quruumaha boqorradoodu ay u taliyaan iyaga, kuwa xukun ku lehna waxaa la yidhaahdaa, Wanaagfalayaal.
Luke SomKQA 22:26  Idinkuse sidaas ma ahaan doontaan, laakiin kan dhexdiinna ugu weyn, ha noqdo sida kan yar; kan u sarreeyaana, ha noqdo sida kan adeega.
Luke SomKQA 22:27  Waayo, kee baa weyn, ma kan cuntada u fadhiya baa mise waa kan adeega? Miyaanu ahayn kan cuntada u fadhiya? Aniguse sida kan adeega ayaan idiin dhex joogaa.
Luke SomKQA 22:28  Idinku waxaad tihiin kuwa ila sii joogay markii lay jirrabayay.
Luke SomKQA 22:29  Waxaan idiin yeelayaa boqortooyo sida aabbahay iigu yeelay,
Luke SomKQA 22:30  si aad wax uga cuntaan oo uga cabtaan miiskayga oo boqortooyadayda ku jira, oo waxaad ku fadhiisan doontaan carshiyo idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.
Luke SomKQA 22:31  Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen,
Luke SomKQA 22:32  laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.
Luke SomKQA 22:33  Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba.
Luke SomKQA 22:34  Isaguse wuxuu ku yidhi, Waxaan kuu sheegayaa, Butrosow, maanta diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol dafirtid inaad i taqaan.
Luke SomKQA 22:35  Wuxuuna ku yidhi, Goortaan idin diray kiishadla'aan iyo qandila'aan iyo kabola'aan, wax ma u baahnaydeen? Waxay yidhaahdeen, Maya, waxba.
Luke SomKQA 22:36  Markaasuu ku yidhi, Laakiin haddeer kii kiishad qabaa ha qaato, sidaas oo kalena qandi ha qaato. Kii aan midna qabinna, dharkiisa ha iibiyo, oo seef ha iibsado.
Luke SomKQA 22:37  Waayo, waxaan idinku leeyahay, Waa inuu igu dhammaado qorniinkan leh, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. Waayo, waxa igu saabsani dhammaad bay leeyihiin.
Luke SomKQA 22:38  Markaasay waxay yidhaahdeen, Sayidow, bal eeg, laba seefood ayaa halkan yaale. Wuxuu ku yidhi, Waa ku filan tahay.
Luke SomKQA 22:39  Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday.
Luke SomKQA 22:40  Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.
Luke SomKQA 22:41  Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday,
Luke SomKQA 22:42  isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto.
Luke SomKQA 22:43  Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa.
Luke SomKQA 22:44  Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya.
Luke SomKQA 22:45  Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda.
Luke SomKQA 22:46  Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.
Luke SomKQA 22:47  Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado.
Luke SomKQA 22:48  Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacangelinaysaa dhunkasho?
Luke SomKQA 22:49  Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa?
Luke SomKQA 22:50  Markaasaa midkood wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dhegta midigta ka gooyay.
Luke SomKQA 22:51  Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sii daaya. Markaasuu dhegtiisa taabtay oo bogsiiyey.
Luke SomKQA 22:52  Kuwa u yimid, waxa weeye, wadaaddadii sare, iyo madaxdii askarta oo macbudka, iyo waayeelladii, waxaa Ciise ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo sidaan tuug ahay?
Luke SomKQA 22:53  Goortaan maalin walba macbudka idinkula jiri jiray, gacmo iguma aydaan soo taagi jirin, laakiin tanu waa saacaddiinna iyo xoogga gudcurka.
Luke SomKQA 22:54  Markaasay isagii qabteen oo kaxeeyeen, oo wadaadkii sare gurigiisa ayay geliyeen. Laakiin Butros baa meel fog ka daba socday,
Luke SomKQA 22:55  oo goortay barxadda dhexdeeda dab ka shideen, oo ay wada fadhiisteen, ayaa Butros dhexdooda fadhiistay.
Luke SomKQA 22:56  Laakiin gabadh baa intay aragtay isagoo dabka iftiinkiisa fadhiya, aad bay u dayday oo tidhi, Kanuna waa la jiray isagii.
Luke SomKQA 22:57  Isaguse waa dafiray oo ku yidhi, Naag yahay, anigu garanba maayo isagii.
Luke SomKQA 22:58  Wuxoogaa yar dabadeed qof kale ayaa arkay oo yidhi, Adiguna midkood baad tahay. Butros baase yidhi, Nin yahow, anigu ma ihi.
Luke SomKQA 22:59  Goortii saacad dhaaftay mid kale ayaa adkeeyey isagoo leh, Run weeye, kanuna waa la jiray, waayo, waa reer Galili.
Luke SomKQA 22:60  Laakiin Butros wuxuu ku yidhi, Nin yahow, anigu garan maayo waxaad leedahay. Kolkiiba intuu weli hadlayay, diiqii baa ciyey.
Luke SomKQA 22:61  Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay ereygii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.
Luke SomKQA 22:63  Nimankii Ciise qabtay way ku kajameen oo garaaceen.
Luke SomKQA 22:64  Oo intay indhaha ka xidheen ayay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, yuu yahay kan kugu dhuftay?
Luke SomKQA 22:65  Wax badan oo kalena ayay ku lahaayeen iyagoo caayaya.
Luke SomKQA 22:66  Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii dadka oo ahaa wadaaddadii sare iyo culimmadiiba, oo waxay isagii geeyeen shirkoodii iyagoo leh,
Luke SomKQA 22:67  Haddii aad Masiixa tahay, noo sheeg. Wuxuuse ku yidhi, Haddaan idiin sheego ma rumaysan doontaan.
Luke SomKQA 22:68  Haddaan idin weyddiiyona, iima jawaabi doontaan.
Luke SomKQA 22:69  Laakiin hadda dabadeed Wiilka Aadanahu wuxuu fadhiisan doonaa midigta xoogga Ilaah.
Luke SomKQA 22:70  Markaasay waxay wada yidhaahdeen, Haddaba miyaad tahay Wiilka Ilaah? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhaahdeen inaan ahay.
Luke SomKQA 22:71  Markaasay yidhaahdeen, Maxaannu markhaati weli ugu baahan nahay? Waayo, qudheenna ayaa afkiisa ka maqalnay.
Chapter 23
Luke SomKQA 23:1  Markaasaa dadkoodii oo dhan kacay, oo waxay isagii hor geeyeen Bilaatos.
Luke SomKQA 23:2  Kolkaasay bilaabeen inay ku ashtakeeyaan iyagoo leh, Waxaannu aragnay ninkan oo quruuntayada rogaya, oo diidaya in Kaysar cashuur la siiyo, oo odhanaya inuu qudhiisu yahay Masiix oo boqor ah.
Luke SomKQA 23:3  Bilaatos ayaa weyddiiyey, isagoo leh, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.
Luke SomKQA 23:4  Dabadeed Bilaatos wuxuu wadaaddadii sare iyo dadkii ku yidhi, Anigu ninkan eed kuma aan helin.
Luke SomKQA 23:5  Laakiin way ku sii adkeeyeen iyagoo leh, Dadkuu kiciyaa, oo dalka Yahuudiya oo dhan ayuu wax baraa; dalka Galili ayuu ka soo bilaabay ilaa halkan.
Luke SomKQA 23:6  Bilaatos goortuu maqlay, wuxuu weyddiiyey inuu ninku reer Galili yahay.
Luke SomKQA 23:7  Goortuu ogaaday inuu ka mid ahaa kuwii Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kan qudhiisu Yeruusaalem joogay wakhtigaas.
Luke SomKQA 23:8  Herodos goortuu Ciise arkay, aad buu u farxay, maxaa yeelay, ilaa wakhti dheer ayuu doonayay inuu arko, waayo, wax buu ka maqlay, oo wuxuu rajaynayay inuu calaamo ka arko.
Luke SomKQA 23:9  Markaasuu su'aalo badan weyddiiyey, laakiin waxba uma uu jawaabin.
Luke SomKQA 23:10  Wadaaddadii sare iyo culimmadii ayaa istaagay, oo aad iyo aad bay u ashtakeeyeen.
Luke SomKQA 23:11  Herodos ayaa fududaystay oo ku majaajilooday, isaga iyo askartiisiiba, oo intuu dhar dhalaalaya u geliyey ayuu Bilaatos u celiyey.
Luke SomKQA 23:12  Maalintaas qudheeda Herodos iyo Bilaatos saaxiibbo bay noqdeen, intii ka horraysayse cadaawe bay isu ahaayeen.
Luke SomKQA 23:13  Bilaatos ayaa isugu yeedhay wadaaddadii sare iyo taliyayaashii iyo dadkii.
Luke SomKQA 23:14  Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkan waxaad iigu keenteen sidii mid dadka rogaya. Bal ogaada, hortiinna ayaan wax ku weyddiiyey, oo ninkan kuma aan helin eed ku saabsan waxaad ku ashtakaynaysaan.
Luke SomKQA 23:15  Herodosna kuma uu helin, wuuna noo soo celiyey, oo ma jiro wax dhimasho istaahila oo uu sameeyey.
Luke SomKQA 23:17  Waayo, waajib bay ahayd inuu iidda mid u sii daayo iyaga.
Luke SomKQA 23:18  Markaasay wada qayliyeen, iyagoo leh, Wad kan, Baraabbas noo sii daa,
Luke SomKQA 23:19  kan xabsiga loogu riday fallaagaduu magaalada ka riday iyo dilid aawadeed.
Luke SomKQA 23:20  Mar kale Bilaatos ayaa iyaga la hadlay isagoo doonaya inuu Ciise sii daayo.
Luke SomKQA 23:21  Laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob.
Luke SomKQA 23:22  Markaasuu wuxuu kolkii saddexaad ku yidhi, Waayo? Waa maxay sharka kanu sameeyey? Kuma aan helin sabab lagu dilo, taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa.
Luke SomKQA 23:23  Laakiin cod weyn ayay ku adkaysteen iyagoo weyddiisanaya in iskutallaabta lagu qodbo, oo waxaa xoog batay codadkoodii iyo codadkii wadaaddada sare.
Luke SomKQA 23:24  Markaasaa Bilaatos wuxuu xukumay in loo yeelo waxay weyddiisteen.
Luke SomKQA 23:25  Wuuna sii daayay kii fallaagada iyo dilidda xabsiga loogu riday oo ay weyddiisteen, laakiin Ciise buu u dhiibay iyaga siday doonayeen.
Luke SomKQA 23:26  Kolkay wadeen, waxay qabteen Simoon reer Kuranaya ah isagoo beeraha ka soo socda, waxayna saareen iskutallaabtii inuu Ciise ka daba qaado.
Luke SomKQA 23:27  Waxaana la socday dad badan iyo dumar laabta garaacaya oo barooranaya.
Luke SomKQA 23:28  Laakiin Ciise intuu u soo jeestay, wuxuu ku yidhi, Gabdhaha Yeruusaalemow, ha ii ooyina, laakiin u ooya qudhiinna iyo carruurtiinna,
Luke SomKQA 23:29  waayo, bal eega, wakhtigu waa imanayaa goortay odhan doonaan, Waxaa barakaysan madhashada iyo uurarka aan weligood dhalin iyo naasaha aan weligood la nuugin.
Luke SomKQA 23:30  Markaasay bilaabi doonaan inay buuraha ku yidhaahdaan, Nagu soo dhaca, oo ay gumburahana ku yidhaahdaan, Na qariya.
Luke SomKQA 23:31  Waayo, hadday geedka qoyan waxaas ku sameeyaan, maxaa ku dhici doona kan engegan?
Luke SomKQA 23:32  Waxaana lala waday laba kale oo xumaanfalayaal ah in lala dilo.
Luke SomKQA 23:33  Markay yimaadeen meeshii la yidhaahda dhakada, halkaasay iskutallaabo ku qodbeen isaga iyo xumaanfalayaashii, mid midigta, kan kalena bidixda.
Luke SomKQA 23:34  Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen.
Luke SomKQA 23:35  Dadkuna way taagnaayeen iyagoo daawanaya. Taliyayaashuna way ku qosleen iyagoo leh, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, kanu ha isbadbaadiyo, hadduu yahay Masiixa Ilaah, kan uu doortay.
Luke SomKQA 23:36  Askartiina waa ku majaajiloodeen, oo intay u yimaadeen, ayay khal siiyeen,
Luke SomKQA 23:37  oo waxay ku yidhaahdeen, Haddii aad tahay boqorka Yuhuudda, isbadbaadi.
Luke SomKQA 23:38  Meel ka korraysay isagana waxaa ku qorraa qorniin leh, KANU WAA BOQORKA YUHUUDDA.
Luke SomKQA 23:39  Xumaanfalayaashii deldelnaa midkood ayaa caayay isagoo leh, Miyaanad ahayn Masiixa? Annaga iyo qudhaadaba badbaadi.
Luke SomKQA 23:40  Laakiin kii kale ayaa jawaabay oo canaantay isagoo leh, Miyaanad xataa Ilaah ka baqin, waayo, isku xukun baad tihiin?
Luke SomKQA 23:41  Waayo, innaga waa inoo xaq, maxaa yeelay, waxaynu helnay abaalkii wixii aynu falnay, ninkanuse wax aan jid ahayn ma uu falin.
Luke SomKQA 23:42  Markaasuu ku yidhi, Ciisow, i xusuuso goortaad boqortooyadaada ku timaado.
Luke SomKQA 23:43  Wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Maanta Firdooska ayaad igula jiri doontaa.
Luke SomKQA 23:44  Haddaba waxay ahayd abbaaraha saacaddii lixaad, dhulka oo dhammuna gudcur buu noqday ilaa saacaddii sagaalaad.
Luke SomKQA 23:45  Qorraxdu way madoobaatay, daahii macbudkuna dhexda ayuu ka kala dillaacay.
Luke SomKQA 23:46  Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Aabbow, gacmahaaga ayaan ruuxayga u dhiibayaa. Goortuu waxaas yidhi, ayuu ruuxii bixiyey.
Luke SomKQA 23:47  Boqol-u-taliyihii goortuu arkay wixii dhacay, ayuu Ilaah ammaanay oo yidhi, Hubaal ninkanu xaq buu ahaa.
Luke SomKQA 23:48  Dadkii oo dhan oo daawasho isugu yimid, goortay arkeen wixii dhacay, ayay noqdeen iyagoo laabta garaacaya.
Luke SomKQA 23:49  Waxaa meel fogna ka taagnaayeen kuwii Ciise yiqiin oo dhan iyo dumarkii Galili ka soo raacay, iyagoo waxaas dayaya.
Luke SomKQA 23:50  Oo bal eeg, waxaa jiray nin Yuusuf la odhan jiray oo taliye ahaa, wuxuuna ahaa nin wanaagsan oo xaq ah,
Luke SomKQA 23:51  (isaguna raalli kama ahayn waanidoodii iyo falniinkoodii), wuxuuna ahaa reer Arimataya oo ahayd magaalo Yuhuudda, kan boqortooyada Ilaah sugayay.
Luke SomKQA 23:52  Kanu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii.
Luke SomKQA 23:53  Markaasuu soo dejiyey oo kafan ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, meel aan weligeed ninna la dhigin.
Luke SomKQA 23:54  Waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, sabtidiina waa soo dhowaanaysay.
Luke SomKQA 23:55  Dumarkii kala yimid Galili ayaa daba socday oo arkay xabaashii iyo sida meydkiisii loo dhigay.
Luke SomKQA 23:56  Markaasay noqdeen, oo dhir udgoon iyo cadar soo diyargareeyeen. Sabtidiina way nasteen sida qaynuunka u ahaa.
Chapter 24
Luke SomKQA 24:1  Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayay xabaashii yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen.
Luke SomKQA 24:2  Oo waxay arkeen dhagixii oo xabaashii laga giringiriyey.
Luke SomKQA 24:3  Markaasay galeen, laakiin kama ay helin meydkii Rabbi Ciise.
Luke SomKQA 24:4  Waxaa dhacay, intay waxaas ka sii welwelsanaayeen, in laba nin oo dhar dhalaalaya sitaa ag taagnaayeen.
Luke SomKQA 24:5  Dumarkii iyagoo cabsanaya ayay wejigooda hoos ugu foororiyeen dhulka. Markaasay ku yidhaahdeen iyaga, Maxaad kan nool uga dhex doondoonaysaan kuwii dhintay?
Luke SomKQA 24:6  Isagu halkan ma joogo, laakiinse waa sara kacay. Xusuusta siduu idiinla hadlay intuu Galili weli joogay,
Luke SomKQA 24:7  isagoo leh, Wiilka Aadanaha waa in loo gacangeliyo dembilayaasha, oo iskutallaabta lagu qodbo, oo maalinta saddexaad uu soo sara kaco.
Luke SomKQA 24:9  Wayna ka soo noqdeen xabaashii, oo waxaas oo dhan ayay u sheegeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii kale oo dhan.
Luke SomKQA 24:10  Waxay ahaayeen Maryantii reer Magdala, iyo Yo'anna, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadii; dumarkii kalena oo la jiray ayaa waxaas rasuulladii u sheegay.
Luke SomKQA 24:11  Hadalladaas waxay la noqdeen wax aan micne lahayn, wayna rumaysan waayeen.
Luke SomKQA 24:12  Laakiin Butros ayaa kacay oo xabaashii u orday, markaasuu foororsaday oo wuxuu arkay maryihii keligood oo meel yaal; markaasuu ka tegey oo gurigiis ku noqday isagoo ka yaabban wixii dhacay.
Luke SomKQA 24:13  Laba ka mid ah iyaga waxay maalintaas qudheeda ku socdeen tuulo la odhan jiray Emma'us, tan Yeruusaalem u jirtay lixdan istaadiyon.
Luke SomKQA 24:15  oo waxay noqotay intay wada hadlayeen oo wax isweyweyddiinayeen, in Ciise qudhiisa u soo dhowaaday oo la socday.
Luke SomKQA 24:17  Markaasuu ku yidhi, Maxay yihiin hadalladan aad isku haysaan intaad socotaan? Wayna istaageen iyagoo fool qulubsan.
Luke SomKQA 24:18  Midkood oo Kale'obas la odhan jiray, ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma adigoo keliya oo Yeruusaalem deggan oo aan ogayn wixii ayaamahan meeshaas ka dhacay?
Luke SomKQA 24:19  Wuxuu ku yidhi, Wax maxay ah? Waxay ku yidhaahdeen, Wixii ku saabsanaa Ciisihii Reer Naasared, kii ahaa nin nebi ah oo xoog u lahaa wax falniin iyo hadal ah Ilaah iyo dadka oo dhan hortooda,
Luke SomKQA 24:20  iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen.
Luke SomKQA 24:21  Laakiin waxaannu rajaynaynay inuu yahay kan Israa'iil soo furan lahaa, laakiin waxaas oo dhan weliba maanta waa u maalintii saddexaad markii ay waxaas oo dhammi dhaceen.
Luke SomKQA 24:22  Weliba dumar annaga naga mid ah ayaa naga yaabsiiyey, kuwii aroortii hore xabaashii tegey.
Luke SomKQA 24:23  Goortii ay meydkiisii waayeen ayay yimaadeen iyagoo leh, Waxaannu weliba aragnay muuqad malaa'igo kuwa yidhi, Wuu nool yahay.
Luke SomKQA 24:24  Qaarkood oo nala joogay ayaa xabaashii tegey, oo waxay arkeen sidii dumarku yidhi, laakiin isagase ma ay arkin.
Luke SomKQA 24:25  Markaasuu ku yidhi, Nacasyo yahow oo qalbigoodu ka raagay inuu rumaysto wixii nebiyada oo dhammi ay ka hadleen.
Luke SomKQA 24:26  Masiixa miyaanay waajib ku ahayn inuu waxaas oo dhan ku silco oo uu ammaantiisa galo?
Luke SomKQA 24:27  Markaasuu ka bilaabay Muuse iyo nebiyada oo dhan, Qorniinka oo dhanna ayuu uga micneeyey wixii isaga qudhiisa ku saabsanaa.
Luke SomKQA 24:28  Goortaasay ku soo dhowaadeen tuuladay ku socdeen, isaguna wuxuu iska dhigay mid sii fogaanaya,
Luke SomKQA 24:29  laakiin way oggolaysiiyeen iyagoo leh, Nala joog, waayo, makhribku waa dhow yahay, maalintiina durba waa dhammaatay. Markaasuu la galay inuu la joogo.
Luke SomKQA 24:30  Waxaa dhacay kolkuu cunto ula fadhiistay inuu kibista qaaday, oo barakeeyey, oo intuu kala jejebiyey ayuu siiyey.
Luke SomKQA 24:31  Markaasaa indhahoodu furmeen, oo isagay garteen, wuuna ka libdhay.
Luke SomKQA 24:32  Markaasay isku yidhaahdeen, Miyaan qalbigeennu gubanin intuu jidka inagula hadlayay iyo intuu Qorniinkii inoo furayay?
Luke SomKQA 24:33  Saacaddaas qudheeda ayay kaceen oo Yeruusaalem ku noqdeen, waxayna arkeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii la jiray oo isu ururay,
Luke SomKQA 24:34  iyagoo leh, Hubaal Sayidku waa sara kacay, oo wuxuu u muuqday Simoon.
Luke SomKQA 24:35  Iyaguna waxay ka warrameen wixii jidka ka dhacay iyo siday isaga ugu garteen kala jejebintii kibista.
Luke SomKQA 24:36  Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.
Luke SomKQA 24:37  Laakiin way argaggexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen.
Luke SomKQA 24:38  Markaasuu ku yidhi, Maxaad u naxaysaan? Fikirro maxay qalbigiinna uga kacayaan?
Luke SomKQA 24:39  Gacmahayga iyo cagahayga arka inaan anigu isagii ahay, i taabta oo arka, waayo, ruuxaan jiidh iyo lafo ma leh sidaad igu arkaysaan inaan leeyahay.
Luke SomKQA 24:40  Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa.
Luke SomKQA 24:41  Intay yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi, Halkan wax la cuno ma ku haysaan?
Luke SomKQA 24:44  Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa.
Luke SomKQA 24:45  Markaasuu garashadooda u furay si ay u gartaan Qorniinka.
Luke SomKQA 24:46  Wuxuuna ku yidhi, Sidaasay u qoran tahay, Waa inuu Masiixu silco, oo uu maalinta saddexaad kuwa dhintay ka soo sara kaco,
Luke SomKQA 24:47  iyo in toobaddii iyo dembidhaafka magiciisa lagu wacdiyo quruumaha oo dhan oo laga bilaabo Yeruusaalem.
Luke SomKQA 24:48  Idinkuna waxyaalahaas ayaad markhaati ka tihiin.
Luke SomKQA 24:49  Oo bal eega, waxaan idiin soo dirayaa ballankii Aabbahay, laakiin magaalada jooga ilaa xoog laydinka huwiyo xagga sare.
Luke SomKQA 24:50  Markaasuu iyaga kaxeeyey ilaa meel ku dhow Beytaniya, oo intuu gacmihii kor u qaaday ayuu barakeeyey.
Luke SomKQA 24:51  Waxaa dhacay intuu barakaynayay inuu ka tegey, oo waxaa kor loogu qaaday samada.
Luke SomKQA 24:52  Markaasay isaga caabudeen, oo waxay Yeruusaalem kula noqdeen farxad weyn;
Luke SomKQA 24:53  oo goor walbaba macbudka ayay ku jireen iyagoo Ilaah ammaanaya.