Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
Toggle notes
Chapter 1
Isai SomKQA 1:1  Kanu waa wixii Ishacyaah ina Aamoos la tusay ee uu ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem waagii ay Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah.
Isai SomKQA 1:2  Samooyinkow maqla, dhulkow bal wax dhegayso, waayo, Rabbigu wuu hadlay oo yidhi: Carruur baan quudiyey oo koriyey, oo iyana way igu caasiyoobeen.
Isai SomKQA 1:3  Dibigu kan isaga leh wuu yaqaan, oo dameerkuna waa yaqaan meeshuu wax ka cuno ee sayidkiisa, laakiinse reer binu Israa'iil waxba ma yaqaaniin, oo dadkayguna waxba garan maayaan.
Isai SomKQA 1:4  Hoog waxaa leh quruuntan dembiga badan, iyo dadkan xumaanta ku raran, iyo dhashan xumaanfalayaasha, iyo wiilashan si xun u macaamilooda. Iyagu Rabbiga way ka tageen, oo waxay quudhsadeen Ka Quduuska ah ee reer binu Israa'iil dib bayna uga noqdeen.
Isai SomKQA 1:5  Bal maxaa mar dambe wax laydiinku dhufan doonaa, oo aad u sii fallaagoobi doontaan? Madaxa oo dhammu waa bukaa, oo qalbiga oo dhammuna waa taag daranyahay.
Isai SomKQA 1:6  Madaxa iyo minjaha inta ka dhex leh innaba caafimaad ma leh, laakiinse waxaa ku yaal nabro, iyo burbur, iyo boogo cusub, lama awdin, lamana duubin, oo saliidna laguma dhayin.
Isai SomKQA 1:7  Dalkiinnii waa cidla, magaalooyinkiinniina waa la gubay, oo waddankiinniina shisheeyayaal baa hortiinna ku cunay, waana cidla, sidii wax ay shisheeyayaal afgembiyeen.
Isai SomKQA 1:8  Oo magaalada Siyoonna waxaa looga tegey sidii waab beercanab ku dhex yaal, iyo sidii buul beer khijaar ah ku dhex yaal, iyo sidii magaalo cadow hareereeyey.
Isai SomKQA 1:9  Haddaan Rabbiga ciidammadu dad aad u yar inoo reebin, sida Sodom baan noqon lahayn, oo sida Gomorana baan noqon lahayn.
Isai SomKQA 1:10  Taliyayaasha Sodomow, Rabbiga eraygiisa maqla, dadka Gomorow, sharciga Ilaahayaga dhegta u dhiga.
Isai SomKQA 1:11  Rabbigu wuxuu leeyahay, Allabaryadiinna tirada badanu bal maxay ii yihiin? Waan ka dhergay qurbaanno guban oo wanan ah iyo xoolo buurbuuran baruurtood, kuma farxo dhiigga dibida, iyo ka baraarka iyo ka orgida toona.
Isai SomKQA 1:12  Markaad u timaadaan inaad i hor istaagtaan, bal yaa weyddiista inaad barxadahayga ku joogjoogsataan?
Isai SomKQA 1:13  Mar dambe ha ii keenina qurbaanno aan waxtar lahayn, fooxu waa ii karaahiyo, bilaha cusub, iyo maalmaha sabtida, iyo isuyeedhidda shirarkaba uma aan adkaysan karo, oo xataa shirka weyn waa dembi.
Isai SomKQA 1:14  Bilihiinna cusub iyo ciidihiinnaba naftaydu way neceb tahay, waa ii culays, inaan u adkaysto waan ka daalay.
Isai SomKQA 1:15  Oo markaad gacmihiinna ii soo hoorsataanna indhahayga waan idinka qarinayaa, oo markaad tukasho ku noqnoqataanna idin maqli maayo, waayo, gacmihiinnu waa dhiig miidhan.
Isai SomKQA 1:16  Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya.
Isai SomKQA 1:17  Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.
Isai SomKQA 1:18  Rabbigu wuxuu leeyahay, Haatan kaalaya oo aynu u wada fiirsannee. In kastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan.
Isai SomKQA 1:19  Haddaad raalli tihiin oo aad dhega nugushihiin, waxaad cuni doontaan dalka barwaaqadiisa,
Isai SomKQA 1:20  haddiise aad diiddaan oo aad caasiyowdaan, waxaa idin wada baabbi'in doonta seef, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
Isai SomKQA 1:21  Magaaladii aaminka ahayd oo caddaaladdu ka buuxday, sidee bay dhillo u noqotay! Waxaa ku jiri jirtay xaqnimo! haatanse waxaa jooga gacankudhiiglayaal.
Isai SomKQA 1:22  Lacagtaadii wasakh bay noqotay, khamrigaagiina waxaa ku qasmay biyo.
Isai SomKQA 1:23  Amiirradaadii way caasiyoobeen, oo waxay u wehel yeeleen tuugag, oo mid walubana wuxuu jecel yahay laaluush, oo wuxuu daba ordaa abaalgudyo. Agoonta gartooda uma qaadaan, oo dacwada carmalkuna hortooda ma timaado.
Isai SomKQA 1:24  Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.
Isai SomKQA 1:25  Oo haddana gacantayda waan ku saari doonaa, oo wasakhdaadana aad baan kaaga nadiifin doonaa, waxaaga aan saafi ahayn oo dhanna waan kaa bixin doonaa.
Isai SomKQA 1:26  Oo waxaan kuu soo celin doonaa xaakinnadaadii sidii markii hore oo kale, oo lataliyayaashaadana waxaan ka dhigi doonaa sidii bilowgii oo kale, oo dabadeedna waxaa laguugu yeedhi doonaa Magaalada xaqnimada, iyo magaalada aaminka ah.
Isai SomKQA 1:27  Siyoon waxaa lagu soo furan doonaa caddaalad, oo kuweeda soo noqdayna waxaa lagu soo furan doonaa xaqnimo.
Isai SomKQA 1:28  Laakiinse kuwa xadgudba iyo dembilayaasha isku mar baa la burburin doonaa, oo kuwa Rabbiga ka tagana waa la wada baabbi'in doonaa.
Isai SomKQA 1:29  Waayo, way ku ceeboobi doonaan geedihii aad jeclaateen, oo beerihii aad doorateenna waad ku qasmi doontaan.
Isai SomKQA 1:30  Waayo, idinku waxaad ahaan doontaan sida geed caleentiisu dhado iyo sida beer aan biyo lahayn.
Isai SomKQA 1:31  Kan xoogga badanu wuxuu noqon doonaa sida shootali oo kale, oo shuqulkiisuna wuxuu noqon doonaa sida dhimbiil oo kale, oo labadooduba way isla guban doonaan, oo lama demin doono iyaga.
Chapter 2
Isai SomKQA 2:1  Kanu waa eraygii uu Ishacyaah ina Aamoos ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem.
Isai SomKQA 2:2  Ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ku qulquli doonaan.
Isai SomKQA 2:3  Oo dad badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, buurta Rabbiga aynu u kacnee, oo guriga Ilaaha reer Yacquub aynu tagnee, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.
Isai SomKQA 2:4  Oo isaguna quruumuhuu u kala garsoori doonaa, oo dad badan ayuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.
Isai SomKQA 2:5  Reer Yacquubow, kaalaya, oo aynu iftiinka Rabbiga ku dhex soconnee.
Isai SomKQA 2:6  Waad ka tagtay dadkaagii reer Yacquub, maxaa yeelay, waxay ka buuxsameen waxyaalihii bariga, oo waa faaliyayaal sida reer Falastiin, oo waxay la heshiiyaan dad shisheeyayaal ah.
Isai SomKQA 2:7  Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa lacag iyo dahab, oo khasnadahooduna dhammaad ma leh, oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa fardo, oo gaadhifardoodyadooduna innaba dhammaad ma leh.
Isai SomKQA 2:8  Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa sanamyo, oo waxay caabudaan shuqulkii gacmahooda, iyo wixii ay farahoodu sameeyeen.
Isai SomKQA 2:9  Oo ninka hoose waa u foororsadaa, oo ninka weynuna waa isu hoosaysiiyaa, haddaba dembigooda ha ka cafiyin.
Isai SomKQA 2:10  Cabsida Rabbiga, iyo sharafta haybaddiisa dhagaxa ka gal, oo ciidda kaga dhuumo.
Isai SomKQA 2:11  Binu-aadmiga indhihiisa kibray waa la hoosaysiin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana hoos baa loo soo dejin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.
Isai SomKQA 2:12  Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu maalin u haystaa ku kasta oo kibra oo madax weynaada, iyo ku kasta oo kor isu qaada, waana la hoosaysiin doonaa,
Isai SomKQA 2:13  iyo weliba geedaha kedar la yidhaahdo ee Lubnaan ee dhaadheer ee sare u baxa oo dhan, iyo geedaha eelaah la yidhaahdo ee Baashaan oo dhan,
Isai SomKQA 2:14  iyo buuraha dhaadheer oo dhan, iyo kuraha sare u jooga oo dhan,
Isai SomKQA 2:15  iyo munaarad kasta oo dheer, iyo derbi kasta oo deyr leh,
Isai SomKQA 2:16  iyo doonniyaha Tarshiish oo dhan, iyo taswiiro la jecel yahay oo dhan.
Isai SomKQA 2:17  Oo kibirka binu-aadmiga hoos baa loo soo dejin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana waa la hoosaysiin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.
Isai SomKQA 2:18  Oo sanamyaduna dhammaantood way wada baabbi'i doonaan.
Isai SomKQA 2:19  Markii Rabbigu u soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo ayay dadku cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa ka geli doonaan qorrofyada dhagaxyada, iyo godadka dhulka.
Isai SomKQA 2:20  Oo maalintaas dadku sanamyadooda lacagta ah iyo sanamyadooda dahabka ah oo ay u samaysteen inay caabudaan waxay u tuuri doonaan jiirarka iyo fiidmeeraha,
Isai SomKQA 2:21  si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.
Isai SomKQA 2:22  Ka joogsada binu-aadmiga ay neeftiisu ku jirto dulalka sankiisa, waayo, bal maxaa isaga lagu tiriyaa?
Chapter 3
Isai SomKQA 3:1  Waayo, bal eega, Sayidka ciidammada ahu wuxuu Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ka qaadayaa tiirka iyo waxa la cuskado, xataa tiirka cuntada oo dhan, iyo tiirka biyaha oo dhan,
Isai SomKQA 3:2  iyo ninka xoogga badan, iyo ninka dagaalyahanka ah, iyo xaakinka, iyo nebiga, iyo waxsheegaha, iyo odayga,
Isai SomKQA 3:3  iyo sirkaalka konton u taliya, iyo ninka sharafta leh, iyo lataliyaha, iyo saanaca, iyo saaxirka.
Isai SomKQA 3:4  Oo waxaan amiirro uga dhigi doonaa carruur, oo dhallaan baa iyaga u talin doona.
Isai SomKQA 3:5  Oo dadkana midkood kastaba waxaa dulmi doona mid kale, oo mid kastaba waxaa dulmi doona deriskiisa, yarku wuxuu ku kibri doonaa odayga, oo kan hoosena kan sharafta leh.
Isai SomKQA 3:6  Oo markaas nin wuxuu soo qaban doonaa walaalkiis oo jooga gurigii aabbihiis, oo wuxuu ku odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay dhar, haddaba taliye noo noqo oo waxan burburka ahuna ha kaa hooseeyo.
Isai SomKQA 3:7  Maalintaasba wuu dhawaaqi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Anigu bogsiiye noqon maayo, maxaa yeelay, gurigayga dhar iyo dhuuni midna laguma arko, haddaba dadka taliye ha iiga dhigina.
Isai SomKQA 3:8  Waayo, Yeruusaalem waa duntay, oo dadka Yahuudahna waa dheceen, maxaa yeelay, hadalkooda iyo falimahooduba waxay col ku yihiin Rabbiga, oo indhihiisa ammaanta leh ayay ka cadhaysiiyaan.
Isai SomKQA 3:9  Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen.
Isai SomKQA 3:10  Waxaad sheegtaan inuu kan xaqa ah barwaaqaysnaan doono, waayo, iyagu waxay cuni doonaan midhihii falimahooda.
Isai SomKQA 3:11  Waxaa hoogay kan sharka ah, waayo, belaayaa ku dhici doonta, oo waxaa loo samayn doonaa wixii gacmihiisu sameeyeen oo kale.
Isai SomKQA 3:12  Laakiinse waxaa dulma dadkayga carruur, oo dumar baa iyaga u taliya. Dadkaygow, hoggaamiyayaashaadu way ku qaldaan, oo waxay kharribaan jidkaaga aad ku socoto.
Isai SomKQA 3:13  Rabbigu wuxuu u sara joogaa inuu doodo, oo wuxuu u taagan yahay inuu dadka xukumo.
Isai SomKQA 3:14  Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.
Isai SomKQA 3:15  Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?
Isai SomKQA 3:16  Oo weliba Rabbigu wuxuu yidhi, Gabdhaha Siyoon waa kibirsan yihiin, oo waxay socdaan iyagoo madax taagan oo indhaha ku baaqaya, oo qaadaya tallaabooyin yaryar oo degdeg ah, dugaagadaha cagahana way ka shanqadhiyaan,
Isai SomKQA 3:17  haddaba sidaas daraaddeed gabdhaha Siyoon madaxooda dhaladiisa Sayidku wuxuu u yeeli doonaa canbaar, oo wuxuu muujin doonaa cawradooda.
Isai SomKQA 3:18  Oo maalintaas Sayidku wuxuu iyaga ka qaadi doonaa quruxda dugaagadaha cagahooda, iyo shabagyada timaha, iyo bilaha,
Isai SomKQA 3:19  iyo waxa dhegaha la sudho, iyo sindiyada, iyo indhashareeryada,
Isai SomKQA 3:20  iyo waxa madaxa lagu sharraxo, iyo silsiladaha lugaha, iyo waxa madaxa lagu xidho, iyo weelasha cadarka, iyo qardhaasaha,
Isai SomKQA 3:22  iyo dharka lagu iido, iyo shaadirrada, iyo go'yaasha, iyo boorsooyinka,
Isai SomKQA 3:23  iyo muraayadaha, iyo dharka wanaagsan, iyo garbasaarrada, iyo gambooyinka.
Isai SomKQA 3:24  Oo waxay noqon doontaa in meeshii ay ka carfi jireen ay ka qudhmuunaan doonaan, oo meeshii ay dhex-xidh ka xidhan jireenna xadhig bay dhexda ku xidhan doonaan, oo meeshii ay timo wanaagsan ka lahaayeenna waa looga xiiri doonaa, oo meeshii ay maro wanaagsan ka guntan jireenna, joonyad bay ka guntan doonaan, oo meeshii ay quruxda ka lahaayeenna waa laga sunti doonaa.
Isai SomKQA 3:25  Raggaagu wuxuu ku le'an doonaa seefta, oo kuwaaga xoogga badanuna waxay ku le'an doonaan dagaalka.
Isai SomKQA 3:26  Oo Siyoon irdaheeduna way ooyi doonaan oo ay barooran doonaan, oo iyadoo cidla ah ayay dhulka fadhiisan doontaa.
Chapter 4
Isai SomKQA 4:1  Oo maalintaas toddoba naagood ayaa isku nin qabsan doona, oo waxay ku odhan doonaan, Annagaa ismasruufayna oo annagaa is-arrad tirayna, ee magacaaga keliya ha lanoogu yeedho, oo ceebtayada naga fogee.
Isai SomKQA 4:2  Oo maalintaas ayaa biqilka Rabbigu noqon doonaa wax qurux iyo ammaan badan, oo midhaha dhulkuna waxay kuwa reer binu Israa'iil oo baxsaday u noqon doonaan wax lagu faano oo quruxsan.
Isai SomKQA 4:3  Oo waxay noqon doontaa in kii Siyoon ku hadhay iyo kii Yeruusaalem sii joogay loogu yeedho quduus, xataa mid kasta oo ku qoran kuwa Yeruusaalem ku nool dhexdooda
Isai SomKQA 4:4  markii Sayidku maydho wasakhda dadka Siyoon, oo uu Yeruusaalem dhiiggeeda dhexdeeda kaga nadiifiyo ruuxa caddaaladda, iyo ruuxa wax guba.
Isai SomKQA 4:5  Oo meel kasta oo la deggan yahay oo Buur Siyoon ku taal, iyo shirarkeeda oo dhanba Rabbigu wuxuu ku kor abuuri doonaa maalintii daruur iyo qiiq, habeenkiina dab ololaya iftiinkiis, oo ammaanta oo dhanna waxaa ka sarrayn doona dabool.
Isai SomKQA 4:6  Oo maalinnimada waxaa jiri doona meel kulaylka laga hadhsado, iyo meel la galo, iyo meel laga dugsado duufaanka iyo roobka.
Chapter 5
Isai SomKQA 5:1  Aan gacaliyahayga ugu gabyo gacaliyahayga gabaygiisa oo ku saabsan beertiisa canabka ah. Gacaliyahaygu wuxuu beer canab ah ku lahaa kur barwaaqaysan.
Isai SomKQA 5:2  Oo wuxuu hareereheeda ka qoday god, oo dagaxyadii ku jirayna wuu ka saaray, markaasuu ku dhex beeray geedcanabka ugu wanaagsan, oo dhexdeedana wuxuu ka dhisay munaarad, oo weliba wuxuu dhexdeeda ka sameeyey god macsareed, oo wuxuu ka sugayay in midho canab ka soo baxaan, laakiinse waxaa ka soo baxay kuwa xunxun.
Isai SomKQA 5:3  Haddaba, dadka Yeruusaalem deggan iyo dadka Yahuudahow, waxaan idinka baryayaa inaad aniga iyo beertayda canabka ah noo kala gar qaybisaan.
Isai SomKQA 5:4  Bal maxaa kaloo beertayda loo samayn karay oo aanan u samayn? Maxayse markaan ka sugayay inay midho canab ka soo baxaan kuwa xunxun uga soo baxeen?
Isai SomKQA 5:5  Haddaba waxaan idiin sheegayaa waxaan beertayda canabka ah ku samayn doono: heeraarkeeda waan ka qaadi doonaa, oo dhammaanteed way baabbi'i doontaa, oo deyrkeedana waan dumin doonaa, oo waa lagu joogjoogsan doonaa,
Isai SomKQA 5:6  oo iyada waxaan ka dhigi doonaa baabba' oo lama gooyn doono, lamana xagaafi doono, laakiinse waxaa ka soo bixi doona yamaarug iyo qodxan, oo weliba daruurahana waan ku amri doonaa inayan roob ku soo dayn.
Isai SomKQA 5:7  Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.
Isai SomKQA 5:8  Hoog waxaa leh kuwa guriba guri ku dhejiya oo beerna beer kale ku dara ilaa meel la waayo oo ay keli ahaantood dhulka dhexdiisa degaan.
Isai SomKQA 5:9  Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.
Isai SomKQA 5:10  Oo weliba toban tacab oo beer canab ahu waxay dhali doonaan qiyaas bad la yidhaahdo oo keliya, oo xomeer muggiis oo iniino ahuna wuxuu dhali doonaa in eefaah qaadi karo.
Isai SomKQA 5:11  Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo!
Isai SomKQA 5:12  Diyaafadahooda waxaa yaal kataarad iyo shareerad, iyo daf iyo biibiile, iyo khamri, laakiinse iyagu kama fiirsadaan shuqulka Rabbiga, kamana fikiraan waxyaalihii ay gacmihiisu sameeyeen.
Isai SomKQA 5:13  Haddaba sidaas daraaddeed dadkaygii waxaa loo kaxaystay maxaabbiis ahaan, maxaa yeelay, aqoon ma laha, oo raggoodii sharafta lahaa way gaajoodeen, dadkoodii badnaana oon bay la gubteen.
Isai SomKQA 5:14  Haddaba sidaas daraaddeed She'ool calooshiisii buu isballaadhiyey, oo afkiisiina qiyaasla'aan buu u kala qaaday, oo kuwooda haybadda leh, iyo dadkooda badan, iyo kuwooda buuqa, iyo ku alla koodii reyreeyaba isagay hoos ugu dhaadhacaan.
Isai SomKQA 5:15  Oo ninka hoose baa la soo dejin doonaa, oo ninka weynna waa la hoosaysiin doonaa, oo kuwa isla weyn indhahooda waa la hoosaysiin doonaa,
Isai SomKQA 5:16  laakiinse Rabbiga ciidammada caddaalad baa lagu sarraysiin doonaa, oo Ilaaha quduuska ahna waxaa quduus loogu tirin doonaa xaqnimo.
Isai SomKQA 5:17  Oo markaasay baraarku daaqsintooda ikhtiyaar u daaqi doonaan, oo kuwii barwaaqaysnaana meelahooda baabba'ay waxaa cuni doona shisheeyayaal.
Isai SomKQA 5:18  Hoog waxaa leh kuwa xumaanta ku soo jiita xadhkaha aan waxba tarayn, oo dembigana ku soo jiita jaraha gaadhiga oo kale,
Isai SomKQA 5:19  kuwaasoo yidhaahda, Isagu ha soo dhaqsado, oo shuqulkiisana ha soo deddejiyo, si aannu u aragno aawadeed, oo Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil taladiisuna ha soo dhowaato oo ha timaado, si aannu iyada u aqoonsanno aawadeed!
Isai SomKQA 5:20  Hoog waxaa leh kuwa sharka yidhaahda waa wanaag, wanaagna yidhaahda waa shar, oo gudcurkana iftiin ku beddela, iftiinkana gudcur ku beddela, oo qadhaadhkana macaan ku beddela, macaankana qadhaadh ku beddela.
Isai SomKQA 5:21  Hoog waxaa leh kuwa isla caqliga badan ee isla miyirka badan!
Isai SomKQA 5:22  Hoog waxaa leh kuwa u xoogga badan inay khamri cabbaan, iyo dadka u itaalka weyn inay qasaan wax lagu sakhraamo,
Isai SomKQA 5:23  kuwaasoo kan sharka leh xaq ka dhiga laaluush aawadiis, oo ka xaqa ahna xaqiisa ka qaada!
Isai SomKQA 5:24  Haddaba sidaas daraaddeed sida carrabka dabku xaabka u gubo, oo uu cawskuna ololka ugu dhammaado ayaa xididkoodu u xumaan doonaa, oo ubaxooduna wuxuu u duuli doonaa sida boodh oo kale, maxaa yeelay, waxay diideen sharcigii Rabbiga ciidammada, oo waxay quudhsadeen Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil eraygiisii.
Isai SomKQA 5:25  Haddaba sidaas daraaddeed ayaa cadhadii Rabbigu dadkiisa ugu oloshay, oo wuxuu iyaga ku soo fidiyey gacantiisii, wax buuna ku dhuftay, oo buurihiina way wada gariireen, oo meydadkoodiina jidadkay dhex daadsanaayeen sida qashin oo kale, hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisu weli way sii fidsan tahay.
Isai SomKQA 5:26  Oo isna meel fog ayuu calan uga taagi doonaa quruumaha, oo wuxuu iyaga uga foodhyi doonaa dhulka dhammaadkiisa, oo bal eega, dhaqsay u iman doonaan.
Isai SomKQA 5:27  Midkoodna ma daali doono, mana kufi doono, oo midkoodna ma gam'i doono, mana seexan doono, dhex-xidhkuna ma furmi doono, yeelmaha kabahooduna ma go'i doono.
Isai SomKQA 5:28  Fallaadhahoodu waa af miidhan, oo qaansooyinkooda oo dhammuna waa wada xodan yihiin, oo qoobabka fardahoodana waxaa la moodaa sida dhagaxmadow oo kale, oo giraangirahooduna waa sida cirwareenta oo kale,
Isai SomKQA 5:29  oo cidoodu waxay ahaan doontaa sida gool cideed, oo waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo yaryar oo kale; hubaal way ciyi doonaan, wayna qabsan doonaan waxay ugaadhsanayaan, oo si ammaan ah ayay u qaadan doonaan, oo ciduna kama samatabbixin doonto.
Isai SomKQA 5:30  Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.
Chapter 6
Isai SomKQA 6:1  Sannaddii Boqor Cusiyaah dhintay ayaan arkay Rabbiga oo ku fadhiya carshi sare oo dheer, oo faraqii dharkiisa ayaa macbudkii buuxiyey.
Isai SomKQA 6:2  Oo meel isaga ka sarraysayna waxaa taagnaa seraafiim, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa lix baal, laba wejigiisuu ku deday, labana cagihiisuu ku deday, labana wuu ku duulay.
Isai SomKQA 6:3  Oo midba wuxuu u qaylinayay midka kale, oo waxay lahaayeen, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda ammaantiisa.
Isai SomKQA 6:4  Oo aasaaska iridda ayaa la gariiray kii qayliyey codkiisii, oo gurigiina waxaa ka buuxsamay qiiq.
Isai SomKQA 6:5  Markaasaan idhi, Anaa hoogay! Waayo, waan lumay, maxaa yeelay, waxaan ahay nin aan bushimihiisu daahirsanayn, oo weliba waxaan dhex degganahay dad aan bushimahoodu daahirsanayn, waayo, indhahaygu waxay arkeen Boqorka ah Rabbiga ciidammada.
Isai SomKQA 6:6  Markaasaa seraafiimtii midkood xaggayga u soo duulay isagoo gacanta ku sida dhuxul nool, oo uu birqaab kaga soo qaaday meeshii allabariga,
Isai SomKQA 6:7  oo intuu dhuxushii afkayga taabsiiyey ayuu igu yidhi, Bal eeg, tanu waxay taabatay bushimahaaga, oo xumaantaadii waa lagaa qaaday, oo dembigaagiina waa lagaa kafaaragguday.
Isai SomKQA 6:8  Oo weliba waxaan maqlay codkii Rabbiga oo leh, Yaan diraa? Yaase noo tegaya? Markaasaan idhi, Waa i kane aniga i dir.
Isai SomKQA 6:9  Oo wuxuu igu yidhi, Tag, oo dadkan waxaad ku tidhaahdaa, Wax sii maqla, mana garan doontaan, oo wax sii arka, idiinmana dhaadhici doonto.
Isai SomKQA 6:10  Dadkan qalbigooda ka dhig mid qallafsan, dhegahoodana kuwa dhib wax ku maqla, indhahoodana kuwa xidhan, si aanay indhaha wax ugu arkin, oo aanay dhegaha wax ugu maqlin, oo aanay qalbiga wax ugu garan, oo aanay u soo noqon, oo aanay u bogsan.
Isai SomKQA 6:11  Markaasaan idhi, Sayidow, waa ilaa goorma? Oo isna wuxuu iigu jawaabay, Waa ilaa magaalooyinku baabba'aan oo wax deggan laga waayo, oo guryuhuna ay noqdaan cidla, oo dalkuna uu dhammaantiis wada baabba'o,
Isai SomKQA 6:12  oo Rabbigu dadka ka fogeeyo, oo ay dhulka ku bataan meelo badan oo laga tegey.
Isai SomKQA 6:13  Oo haddii dhexdiisa toban meelood meel ku hadho way baabbi'i doontaa, oo sida geedo marka la gooyo jiridu u hadho ayaa farcanka quduuska ahu dadka jirid u yahay.
Chapter 7
Isai SomKQA 7:1  Oo Aaxaas ina Yootan, ina Cusiyaah, oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wakhtigiisii waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.
Isai SomKQA 7:2  Oo waxaa reer Daa'uud loo soo sheegay war leh, Suuriya waxay xidhiidh la yeelatay reer Efrayim. Markaasaa qalbigiisii iyo qalbigii dadkiisuba waxay u ruxmadeen sida geedaha duurka dabayshu u ruxdo oo kale.
Isai SomKQA 7:3  Markaasaa Rabbigu wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Adiga iyo wiilkaaga She'aar Yaashuubba taga oo waxaad Aaxaas uga hor tagtaan meeshuu biyomareenka balliga sare ku dhammaado kaasoo ku dhex yaal waddada berrinka dharmaydhaha,
Isai SomKQA 7:4  oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Digtoonow oo xasilloonow, ha cabsan, hana qalbi jabin labadan qori ee dabka ah ee qiiqaya aawadood, ha ka welwelin cadhada kulul oo Resiin iyo Suuriya, iyo tan ina Remalyaah toona.
Isai SomKQA 7:5  Suuriya, iyo Efrayim, iyo ina Remalyaah waxay kuugu tashadeen talo xun, oo waxay isku yidhaahdeen,
Isai SomKQA 7:6  Ina keena aynu dalka Yahuudah ku kacnee oo dhibnee, aynuna jabsanno, oo dhexdiisa boqor fadhiisinno, kaasoo ah ina Taabeel,
Isai SomKQA 7:7  taas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taladaasu hagaagi mayso, mana ahaan doonto.
Isai SomKQA 7:8  Waayo, Suuriya madaxeedu waa Dimishaq, oo Dimishaq madaxeeduna waa Resiin, oo reer Efrayimna waxay ku kala jajabi doonaan muddo ah shan iyo lixdan sannadood si aanay innaba dad u sii ahaan,
Isai SomKQA 7:9  oo reer Efrayim madaxoodu waa Samaariya, oo Samaariya madaxeeduna waa ina Remalyaah. Haddaad rumaysan weydaan, sida xaqiiqada ah sinaba ma xoogaysan doontaan.
Isai SomKQA 7:10  Oo weliba Rabbigu mar kaluu Aaxaas la sii hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
Isai SomKQA 7:11  Rabbiga Ilaahaaga ah calaamad weyddiiso, oo waxaad ka weyddiisataa meelaha hoose ama meelaha sare.
Isai SomKQA 7:12  Oo Aaxaasna wuxuu yidhi, Anigu waxba weyddiisan maayo, oo Rabbigana innaba jirrabi maayo.
Isai SomKQA 7:13  Oo isna wuxuu yidhi, Reer Daa'uudow, bal haatan i maqla, ma wax yar bay idinku tahay inaad dadka daalisaan? Oo weliba Ilaahaygana miyaad daalinaysaan?
Isai SomKQA 7:14  Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu'eel.
Isai SomKQA 7:15  Wuxuu cuni doonaa subag iyo malab, ilaa uu aqoonsado inuu sharka diido oo wanaagga doorto.
Isai SomKQA 7:16  Waayo, intaan yarku aqoonsan inuu diido sharka oo uu wanaagga doorto ayaa dalka aad labadiisa boqor karaahiyaysatoba laga tegi doonaa.
Isai SomKQA 7:17  Adiga, iyo dadkaaga iyo reerka aabbahaaba waxaa Rabbigu ku soo dejin doonaa wakhti aan idiin iman tan iyo waa reer Efrayim ay dalka Yahuudah ka tageen, oo kaasuna waa kii boqorka Ashuur.
Isai SomKQA 7:18  Oo weliba maalintaas Rabbigu wuxuu u soo foodhyi doonaa diqsiyada jooga webiyada Masar darafka ugu shisheeya, iyo shinnida joogta dalka Ashuur.
Isai SomKQA 7:19  Oo iyana way iman doonaan, oo kulligood waxay ku degi doonaan dooxooyinka cidlada, iyo godadka dhagaxyada, iyo geedaha qodxanta leh oo dhan, iyo meelaha daaqsinta ah oo dhan.
Isai SomKQA 7:20  Oo isla maalintaas ayaa Rabbigu madaxa iyo xataa lugahaba ku xiiri doona mandiil laga soo kiraystay webiga shishadiisa, taasoo ah boqorka Ashuur, waxayna baabba' ka dhigi doontaa gadhka.
Isai SomKQA 7:21  Oo waxay maalintaas noqon doontaa in nin dhaqaalaysto sac iyo laba laxaad,
Isai SomKQA 7:22  oo caanaha tirada badan oo uu ka heli doono aawadood ayuu subag cuni doonaa, waayo, mid kasta oo dalka ku hadhayba wuxuu quudan doonaa subag iyo malab.
Isai SomKQA 7:23  Oo waxay maalintaas noqon doontaa in meel kasta oo ay ku yiilleen kun geed oo canab ah oo kun xabbadood oo lacag ah lagu qiimeeyo, ay noqoto meel ay ka soo baxaan yamaarug iyo qodxan.
Isai SomKQA 7:24  Oo waxaa halkaas lala iman doonaa fallaadho iyo qaansooyin, maxaa yeelay, dalka oo dhammu wuxuu noqon doonaa yamaarug iyo qodxan miidhan.
Isai SomKQA 7:25  Oo kurihii sabaradda lagu qodi jiray oo dhan innaba ma aad iman doontaan xaggooda, waana cabsi aad ka qabtaan yamaarugga iyo qodxanta, laakiinse waxay noqon doonaan meel dibida lagu sii daayo daaqaan iyo meel iduhu ku tuntaan.
Chapter 8
Isai SomKQA 8:1  Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaad soo qaadataa loox weyn, oo waxaad farta dadka ku qortaa. Maheer-shaalaal-haash-bas,
Isai SomKQA 8:2  oo anna waxaan markhaatiyaal aamin ah u soo wadi doonaa wadaadkii Uuriyaah iyo Sekaryaah ina Yeberekyaah.
Isai SomKQA 8:3  Markaasaan u tegey nebiyaddii oo iyana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil. Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad magiciisa u bixisaa, Maheer-shaalaal-haash-bas.
Isai SomKQA 8:4  Waayo, intaan yarku baran inuu yidhaahdo, Aabbe iyo Hooyo ka hor ayaa boqorka Ashuur maalka Dimishaq iyo xoolaha boolida ah oo Samaariyaba wada qaadan doonaa.
Isai SomKQA 8:5  Oo haddana Rabbigu waa ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi,
Isai SomKQA 8:6  Dadkanu way diideen biyaha Shilo'ax oo qun yar socda, oo waxay ku reyreeyaan Resiin iyo ina Remalyaah,
Isai SomKQA 8:7  haddaba sidaas daraaddeed Sayidku wuxuu ku soo dayn doonaa biyaha Webiga ee xoogga iyo badnaanta leh, kuwaasoo ah boqorka Ashuur iyo sharaftiisa oo dhan, oo isna faraqyadiisa oo dhan wuu soo buuxin doonaa, oo qararkiisa oo dhanna wuu buuxdhaafin doonaa,
Isai SomKQA 8:8  oo aad buu u socon doonaa ilaa uu galo dalka Yahuudah, oo intuu wada buuxdhaafo ayuu dhex mari doonaa, oo wuxuu gaadhi doonaa ilaa luqunta, kalafidinta baadadkiisu waxay buuxin doontaa ballaadhka dalkaaga oo dhan Cimmaanuu'eelow.
Isai SomKQA 8:9  Dadyowgow, qayliya, waadna jajabi doontaan, kuwiinna dalalka fogow, dhegaysta, guntiga isku dhuujiya, waadna jajabi doontaan, guntiga isku dhuujiya, waadna jajabi doontaan.
Isai SomKQA 8:10  Kulligiin isla tashada, taladiinnuna way buri doontaa, erayga ku hadla, mana hagaagi doono, waayo, Ilaah baa nala jira.
Isai SomKQA 8:11  Waayo, Rabbigu sidaasuu igula hadlay, isagoo gacan xoog badan leh, oo wuxuu iiga digay inaanan ku socon jidka dadkanu ay ku socdaan, wuxuuna igu yidhi,
Isai SomKQA 8:12  Ha odhanina, Waa fallaagow waxa dadkanu fallaagow yidhaahdaan oo dhan, hana ka cabsanina wixii ay ka cabsadaan, oo innaba ha argaggixina.
Isai SomKQA 8:13  Quduus ka dhiga Rabbiga ciidammada, oo isagu ha ahaado kan aad ka cabsataan oo aad ka argaggaxdaanba.
Isai SomKQA 8:14  Oo wuxuu ahaan doonaa meel quduus ah, laakiinse labada qooys oo reer binu Israa'iilba wuxuu u noqon doonaa dhagax lagu turunturoodo iyo sallax lagu xumaado, oo dadka Yeruusaalem degganna wuxuu u noqon doonaa dabin iyo siriq.
Isai SomKQA 8:15  Oo kuwa badan ayaa turunturoon doona, oo kufi doona, oo jebi doona, waana la dabi doonaa, oo la qabsan doonaa.
Isai SomKQA 8:16  Markhaatifurka xidh, oo sharcigana xertayda dhexdeeda ku shaabadee.
Isai SomKQA 8:17  Anigu waxaan sugi doonaa Rabbiga wejigiisa dadka Yacquub ka qariya, oo isagaan filan doonaa.
Isai SomKQA 8:18  Bal eega, aniga iyo carruurta Rabbigu i siiyeyba waxaannu reer binu Israa'iil u nahay calaamado iyo yaabab ka yimid xagga Rabbiga ciidammada oo deggan Buur Siyoon.
Isai SomKQA 8:19  Oo markay idinku leeyihiin, Talo weyddiista kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta hadaaqda oo guryanta, miyaanay dadka waajib ku ahayn inay Ilaahooda talo weyddiistaan? Miyayse iyaga ku habboon tahay inay kuwa dhintay wax u weyddiiyaan kuwa nool aawadood?
Isai SomKQA 8:20  Sharciga iyo markhaatifurka ka fiirsada, oo eraygan hadal waafaqsan haddaanay ku hadlinna hubaal iyaga waaberi uma jiri doono.
Isai SomKQA 8:21  Oo iyagoo dhibaataysan oo gaajaysan ayay dalka dhex mari doonaan, oo markay gaajoodaan ayay isku xanaaqi doonaan, oo waxay habaari doonaan boqorkooda oo wax xun Ilaahooda ka sheegi doonaan, xagga sarena way u jeedsan doonaan,
Isai SomKQA 8:22  dhulkana way fiirin doonaan, oo bal eega, waxay ku arki doonaan dhib iyo gudcur, iyo cidhiidhiga madowgiisa, oo waxaa iyaga lagu eryi doonaa gudcur dam ah.
Chapter 9
Isai SomKQA 9:1  Habase ahaatee madow uma ahaan doono tii cidhiidhiga ku jirtay. Waagii hore wuxuu ka dhigay in la quudhsado dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, laakiinse waagii dambe wuxuu ka dhigay in la sharafo dhulka ah xagga jidka badda, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo Galili quruumaha ka mid ah.
Isai SomKQA 9:2  Dadkii ku socon jiray gudcurka ayaa iftiin weyn arkay, kuwii fadhiyi jiray dalka hooska dhimashada ahna iftiin baa u baxay.
Isai SomKQA 9:3  Adigu quruunta waad badisay, oo farxaddoodiina waad sii kordhisay, oo waxay hortaada ugu farxaan sida farxadda wakhtiga beeraha la goosto, iyo sida niman booli qaybsanayaa ay u reyreeyaan oo kale.
Isai SomKQA 9:4  Waayo, harqoodkii ku cuslaa, iyo hangoolkii garbaha lagaga dhufan jiray, iyo ushii kii dulmi jiray, ayaad jebisay sidii waagii reer Midyaan.
Isai SomKQA 9:5  Waayo, ninka hubka leh ee buuqa ku dhex jira hubkiisa oo dhan iyo dharka dhiigga miidhanna waa la gubi doonaa oo waxaa laga dhigi doonaa wax dabka lagu shido.
Isai SomKQA 9:6  Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo magiciisana waxaa loo bixin doonaa Ka yaabkaleh, iyo Lataliye, iyo Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa'imka ah, iyo Amiirka Nabadda.
Isai SomKQA 9:7  Oo boqornimadiisa iyo nabaddu way badnaan doonaan, dhammaadna uma lahaan doonaan carshiga Daa'uud iyo boqortooyadiisa, in la sii adkeeyo, oo caddaalad iyo xaqnimo lagu sii hayo haatan iyo tan iyo weligeedba. Oo tan waxaa samayn doona qiirada Rabbiga ciidammada.
Isai SomKQA 9:8  Sayidku wuxuu eray u soo diray dadka Yacquub wuxuuna ku kor dhacay dadka Israa'iil.
Isai SomKQA 9:9  Oo waxaa garan doona dadka oo dhan, xataa reer Efrayim iyo kuwa Samaariya deggan oo kibirka iyo islaweynaanta qalbiga ku hadla, iyagoo leh,
Isai SomKQA 9:10  Lebennadii way soo dheceen, laakiinse annagu waxaannu ku dhisi doonnaa dhagaxyo la qoray, geedihii darayga ahaa waa la jaray, laakiinse waxaannu ku beddeli doonnaa geedo kedar ah.
Isai SomKQA 9:11  Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku soo kicin doonaa kuwa Resiin la col ah, oo cadaawayaashiisana wuu isku soo wada ururin doonaa dhammaantood,
Isai SomKQA 9:12  wuxuu reer Suuriya ka soo kicin doonaa xagga bari, reer Falastiinna xagga galbeed, oo waxay dadka Israa'iil ku cuni doonaan af furan. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
Isai SomKQA 9:13  Laakiinse dadku uma ay soo noqon kii iyaga wax ku dhuftay, mana ay doondoonin Rabbiga ciidammada.
Isai SomKQA 9:14  Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu maalin keliya ayuu dadka Israa'iil ka jari doonaa madaxa iyo dabadaba, iyo laanta iyo cawsduurkaba.
Isai SomKQA 9:15  Odayga iyo kan sharafta lahu waa madaxa, oo nebiga dadka beenta baraana waa dabada.
Isai SomKQA 9:16  Waayo, dadkan hoggaamiyayaashoodu way qaldaan, oo kuwa la hoggaamiyaana way wada baabba'aan.
Isai SomKQA 9:17  Haddaba sidaas daraaddeed Sayidku ku farxi maayo barbaarradooda, oo agoontooda iyo carmalladoodana u naxariisan maayo, waayo, midkood kastaaba waa cibaadalaawe iyo xumaanfale, oo af kastaana wuxuu ku hadlaa wax nacasnimo ah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
Isai SomKQA 9:18  Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.
Isai SomKQA 9:19  Dhulku wuxuu la gubtay Rabbiga ciidammada cadhadiisa, oo dadkuna waxay yihiin sida wax dabka lagu shido, oo ninna walaalkiis ma caymiyo.
Isai SomKQA 9:20  Xagga gacanta midig ayaa wax laga dhufsan doonaa, waana la sii gaajoon doonaa, xagga gacanta bidixna wax baa lagu cuni doonaa, lamana dhergi doono, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka gacantiisa.
Isai SomKQA 9:21  Reer Manaseh waxay cuni doonaan reer Efrayim, oo reer Efrayimna waxay cuni doonaan reer Manaseh, oo iyana dhammaantood waxay col ku ahaan doonaan reer Yahuudah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
Chapter 10
Isai SomKQA 10:1  Hoog waxaa leh kuwa amarro aan xaq ahayn soo saara, iyo kuwa wax qalloocan qora,
Isai SomKQA 10:2  inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.
Isai SomKQA 10:3  Oo bal maxaad samayn doontaan maalinta ciqaabta, iyo wakhtiga baabbi'intu meesha fog ka iman doonto? Bal yaad u magan geli doontaan? Sharaftiinnana xaggee baad kaga tegi doontaan?
Isai SomKQA 10:4  Waxay ku dhex foororsan doonaan maxaabiista, oo waxay ku dhex dhici doonaan kuwa la layn doono. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
Isai SomKQA 10:5  Hoog waxaa leh ka reer Ashuur oo ah ushii cadhadayda iyo hangoolka dhirifkaygu gacanta ugu jiro.
Isai SomKQA 10:6  Isagaan u diri doonaa inuu quruun cibaadalaawayaal ah ku kaco, oo waxaan ku amri doonaa amar ka gees ah dadka aan u cadhooday, inuu maalkooda dhaco, oo uu maxaabiis kexeeyo, oo uu iyaga ugu tunto sida dhoobada jidadka dhex taal.
Isai SomKQA 10:7  Habase ahaatee isagu saas kuma talo jiro, oo qalbigiisuna saas kuma fikiro, laakiinse waxaa qalbigiisa ku jira inuu baabbi'iyo oo jaro quruumo aan yarayn.
Isai SomKQA 10:8  Waayo, isagu wuxuu leeyahay, Amiirradaydu dhammaantood sow boqorro ma aha?
Isai SomKQA 10:9  Kalnoo sow ma aha sida Karkemiish? Xamadna sow ma aha sida Arfaad? Samaariyana sow ma aha sida Dimishaq oo kale?
Isai SomKQA 10:10  Sidii ay gacantaydu u gaadhay boqortooyooyinkii sanamyada, oo ay taswiirahoodii la xardhay ka sii badnayeen kuwa Yeruusaalem iyo Samaariya,
Isai SomKQA 10:11  iyo sidii aan Samaariya iyo sanamyadeedii ku sameeyey oo kale, miyaanan Yeruusaalem iyo sanamyadeedaba ku samayn doonin?
Isai SomKQA 10:12  Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba.
Isai SomKQA 10:13  Waayo, isagu wuxuu yidhi, Tan waxaan ku sameeyey xoogga gacantayda iyo xigmaddayda, maxaa yeelay, miyir baan leeyahay, oo waxaan durkiyey dadyowga soohdintooda, khasnadahoodiina waan dhacay, oo sidii nin geesi ah oo kale ayaan kuwii carshiyada ku fadhiyey u soo dejiyey.
Isai SomKQA 10:14  Oo gacantayduna waxay maalkii dadka u heshay sidii buul shimbireed oo kale, oo sida loo soo ururiyo ukumo laga tegey ayaan u soo ururiyey dhulka oo dhan, oo lamana arag mid baal dhaqaajiyey, ama afka kala qaaday, amase ciyey.
Isai SomKQA 10:15  Miyuu faasku ka faanaa kan isaga wax ku gooya? Minshaartuna miyey iska sii weynaysaa kan iyada ku shaqeeya? Waa sida haddii ulu iska gilgisho kuwa iyada kor u qaada, amase sida hangool kor u qaada kan aan qori ahayn?
Isai SomKQA 10:16  Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Sayidka ciidammadu wuxuu kuwiisa cayilay ku soo diri doonaa macaluul, oo sharaftiisa meesheedana waxaa lagu shidi doonaa olol ah sida olol dabeed.
Isai SomKQA 10:17  Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba,
Isai SomKQA 10:18  oo wuxuu dhammayn doonaa ammaanta duuddiisa iyo beertiisa midhaha badanba, iyo naf iyo jidhba, oo waxay noqon doontaa sidii markii calanqaade taag darnaado.
Isai SomKQA 10:19  Oo geedaha duuddiisa ku hadhayna waxay noqon doonaan in yar oo ilma yaru tiradooda qori karo.
Isai SomKQA 10:20  Oo waxay maalintaas noqon doontaa in kuwa dadka Israa'iil ka hadhay iyo intii dadka Yacquub ka baxsatayba ayan mar dambe ku tiirsan kii iyaga wax ku dhuftay, laakiinse waxay si run ah ugu tiirsan doonaan Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo dadka Israa'iil.
Isai SomKQA 10:21  Qaar hadhay baa soo noqon doona, xataa qaar hadhay oo dadka Yacquub waxay u soo noqon doonaan Ilaaha xoogga badan.
Isai SomKQA 10:22  Israa'iilow, in kastoo dadkaagu u badan yahay sida cammuudda badda, qaar yar oo qudha ayaa soo noqon doona, oo baabba' la soo amray ayaa caddaalad la qarqi doona.
Isai SomKQA 10:23  Waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu baabbi'id la amray ku samayn doonaa dhulka dhexdiisa oo dhan.
Isai SomKQA 10:24  Haddaba sidaa daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkayga Siyoon degganow, kan reer Ashuur ha ka baqin. Ushiisuu kugu dhufan doonaa, oo hangoolkiisuu kuu qaadan doonaa sida Masriyiintu sameeyeen oo kale,
Isai SomKQA 10:25  laakiin, weli wakhti yar baa hadhay, dabadeedna dhirifkaygu wuu idlaan doonaa, oo cadhadayduna way ku dhammaan doontaa baabba'ooda.
Isai SomKQA 10:26  Oo Rabbiga ciidammaduna wuxuu iyaga ku ciqaabi doonaa karbaash u gala sida layntii reer Midyaan oo ka dhacday dhagixii weynaa ee Xoreeb agtiisa, oo sida ushiisu u kor ahayd badda ayuu kor ugu qaadi doonaa sidii Masar loogu qaaday oo kale.
Isai SomKQA 10:27  Oo maalintaas rarkiisa ayaa garbahaaga laga qaadi doonaa, oo harqoodkiisana surkaagaa laga dejin doonaa, oo harqoodkuna wuxuu u baabbi'i doonaa saliidda aawadeed.
Isai SomKQA 10:28  Cayaad buu yimid, oo Migroon buu dhex maray, oo wuxuu alaabtiisii dhigtay Mikmaash.
Isai SomKQA 10:29  Way gudbeen meeshii laga gudbi jiray, oo waxay ku dhaxeen Gebac. Raamaah way gariirtay, Gibecaahdii Saa'uulna way carartay.
Isai SomKQA 10:30  Magaalada Galliimay, codkaaga kor u qaad! Layishay, maqal! Adaa hoogay, Canaatooday!
Isai SomKQA 10:31  Madmeenaah way carartay, oo dadkii Gebiim degganaana waxay isu soo urursadeen inay baxsadaan.
Isai SomKQA 10:32  Maantadan wuxuu soo joogsan doonaa Nob, oo wuxuu gacantiisa ku ruxayaa buurta magaalada Siyoon oo ah kurta Yeruusaalem.
Isai SomKQA 10:33  Bal eega, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu laamaha u gooyn doonaa si aad loogaga cabsado, oo kuwa waaweynna waa la jari doonaa, oo kuwa dhaadheerna waa la ridi doonaa.
Isai SomKQA 10:34  Oo jiqda duuddana bir buu ku jari doonaa, oo Lubnaanna waxay ku dhici doontaa mid xoog badan gacantiis.
Chapter 11
Isai SomKQA 11:1  Oo jiridda Yesay biqil baa ka soo biqli doona, oo xididdadiisana laan baa ka soo dhalan doonta,
Isai SomKQA 11:2  oo waxaa ku dul joogi doona Ruuxa Rabbiga oo ah ruuxa xigmadda iyo waxgarashada, iyo ruuxa talada iyo xoogga, iyo ruuxa aqoonta iyo ka cabsashada Rabbiga.
Isai SomKQA 11:3  Wuxuuna ku farxi doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa, oo isagu wax uma xukumi doono siduu wax u arko, oo siduu wax u maqlana innaba uma gar gooyn doono,
Isai SomKQA 11:4  laakiin masaakiinta wuxuu ugu gar qaybin doonaa xaqnimo, oo dhulka kuwiisa hooseeyana wuxuu ugu gar gooyn doonaa caddaalad, oo wuxuu dhulka ku dhufan doonaa usha afkiisa, oo kan sharka lehna wuu ku dili doonaa neefta bushimihiisa.
Isai SomKQA 11:5  Wuxuu dhexda ku xidhan doonaa xaqnimo, miskihiisana wuxuu ku xidhan doonaa aaminnimo.
Isai SomKQA 11:6  Oo yeydu waxay la joogi doontaa baraarka, shabeelkuna wuxuu la jiifsan doonaa waxarta, oo weysha iyo dhasha libaaxa iyo neefka buuranu way wada joogi doonaan, oo waxaa iyaga hor kici doona ilma yar.
Isai SomKQA 11:7  Oo waxaa wada daaqi doona saca iyo orsada, oo ubadkooduna way isla wada jiifsan doonaan, oo libaaxuna sida dibiga oo kale caws buu u cuni doonaa.
Isai SomKQA 11:8  Oo caanonuuggu wuxuu ku dul cayaari doonaa godka jilbiska, ilmaha naaska laga gudhiyeyna wuxuu gacantiisa saari doonaa hogga abeesada.
Isai SomKQA 11:9  Oo buurtayda quduuska ah oo dhan, waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan, waayo, dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta Rabbiga, siday biyuhu badda uga buuxaan.
Isai SomKQA 11:10  Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa.
Isai SomKQA 11:11  Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba.
Isai SomKQA 11:12  Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah.
Isai SomKQA 11:13  Oo weliba hinaasada reer Efrayim wuu idlaan doonaa, oo kuwa dadka Yahuudah dhibana waa la jari doonaa, reer Efrayim kuma hinaasi doonaan dadka Yahuudah, oo dadka Yahuudahna reer Efrayim ma dhibi doonaan.
Isai SomKQA 11:14  Way duuli doonaan oo ku degi doonaan garbaha reer Falastiin xagga galbeed jooga, oo waxay wadajir u dhici doonaan dadka reer bari, gacantooday saari doonaan reer Edom iyo reer Moo'aab, oo reer Cammoonna iyagay addeeci doonaan.
Isai SomKQA 11:15  Oo Rabbigu wuxuu dhammaantiis wada baabbi'in doonaa carrabka badda Masar, oo gacantiisa oo dabayl xoog leh wadata ayuu ku kor ruxi doonaa Webiga, oo intuu wax ku dhufto ayuu toddoba faraq u kala qaybin doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa in dadku kabo kaga gudbaan.
Isai SomKQA 11:16  Oo dadkiisa hadhay waxaa u jiri doona jid weyn oo ka yimaada xagga Ashuur, sidii uu reer binu Israa'iilba ugu jiray waagii ay dalkii Masar ka soo baxeen.
Chapter 12
Isai SomKQA 12:1  Oo maalintaas waxaad odhan doontaa, Rabbiyow, waan kuu mahad naqayaa, waayo, in kastoo aad ii cadhaysnayd, cadhadaadii way iga rogmatay oo waad i qalbi qaboojisay.
Isai SomKQA 12:2  Bal eega, Ilaah waa badbaadadayda! Waan isku hallayn doonaa, mana baqi doono, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa xooggayga iyo gabaygayga, oo weliba wuxuu ii noqday badbaadadayda.
Isai SomKQA 12:3  Haddaba farxad baad biyo kaga dhaansan doontaan ceelasha badbaadada.
Isai SomKQA 12:4  Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahad naqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay.
Isai SomKQA 12:5  Rabbiga u gabya, waayo, waxyaalo waaweyn ayuu sameeyey, dunida oo dhanna taas ogeysiiya.
Isai SomKQA 12:6  Kuwiinna Siyoon degganow, aad u qayliya oo dhawaaqa, waayo, Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil ee dhexdiinna joogaa wuu weyn yahay.
Chapter 13
Isai SomKQA 13:1  Kanu waa warka culus ee Baabuloon ku saabsan oo uu Ishacyaah ina Aamoos arkay.
Isai SomKQA 13:2  Buurta dheer calan ka taaga, codkana iyaga kor ugu qaada, oo u gacanhaadiya inay irdaha kuwa gobta ah galaan.
Isai SomKQA 13:3  Waxaan amray kuwaygii gooni la iigu dhigay, oo weliba waxaan cadhadayda aawadeed ugu yeedhay kuwayga xoogga badan, waxaana weeye kuwa sarrayntayda ku reyreeya.
Isai SomKQA 13:4  Waxaa la maqlayaa bulxanka dadka badan oo buuraha ka yeedhaya sida dad fara badan! Waxaana la maqlayaa buuqa boqortooyooyinkii quruumaha isa soo wada urursaday! Rabbiga ciidammadu wuxuu soo ururinayaa ciidanka dagaalka.
Isai SomKQA 13:5  Waxay ka imanayaan waddan fog iyo samada darafka ugu shisheeya inay dalka oo dhan baabbi'iyaan, waana Rabbiga iyo hubkii dhirifkiisaba.
Isai SomKQA 13:6  Baroorta, waayo, maalintii Rabbigu way dhow dahay, oo waxay u iman doontaa sida baabbi'in xagga Ilaaha Qaadirka ah ka timid.
Isai SomKQA 13:7  Haddaba sidaas daraaddeed gacmo oo dhammu way taag gabi doonaan, oo nin kastaba qalbigiisu wuu dhalaali doonaa.
Isai SomKQA 13:8  Wayna nixi doonaan, oo waxaa qaban doona xanuun iyo murug, oo waxay u xanuunsan doonaan sida naag foolanaysa. Oo midkoodba kan kaluu la yaabi doonaa, oo wejigooduna wuxuu noqon doonaa sida olol oo kale.
Isai SomKQA 13:9  Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.
Isai SomKQA 13:10  Waayo, xiddigaha samada iyo ururkooduba ma iftiimi doonaan. Qorraxduna way madoobaan doontaa markii ay soo baxdo, oo dayaxuna ma iftiimi doono.
Isai SomKQA 13:11  Oo dunida sharkeeda aawadiis ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa sharka lehna xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa kibrana kibirkooda waan joojin doonaa, oo kuwa laga cabsadona madaxweynaantooda hoos baan u soo dejin doonaa.
Isai SomKQA 13:12  Waxaan dadka ka dhigi doonaa wax dhif ah oo ka qaalisan dahabka wanaagsan, oo binu-aadmigana waxaan ka dhigi doonaa wax aan badnayn sida dahabka saafiga ah ee Oofir.
Isai SomKQA 13:13  Haddaba sidaas daraaddeed maalinta Rabbiga xanaaqiisa kululu iman doono ayaan samooyinka gariirin doonaa, dhulkuna meeshiisuu kaga dhaqaaqi doonaa cadhada Rabbiga ciidammada.
Isai SomKQA 13:14  Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa.
Isai SomKQA 13:15  Mid kasta oo la helo waa la dooxi doonaa, oo mid kasta oo la qabto seef baa lagu dili doonaa.
Isai SomKQA 13:16  Oo dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa iyagoo arkaya, guryahoodana waa la dhici doonaa, naagahoodana waa la kufsan doonaa.
Isai SomKQA 13:17  Bal eega, waxaan iyaga ku soo kicin doonaa reer Maaday oo aan innaba lacag ka fikirayn oo aan dahabkana ku farxin.
Isai SomKQA 13:18  Qaansooyinkoodu waxay baabbi'in doonaan barbaarrada, oo midhaha maxalkana innaba uma ay naxariisan doonaan, oo carruurtana uma ay tudhi doonaan.
Isai SomKQA 13:19  Oo Baabuloon oo ah sharaftii boqortooyooyinka iyo quruxdii kibirka reer Kaldayiin waxay noqon doontaa sidii markii Ilaah Sodom iyo Gomora afgembiyey.
Isai SomKQA 13:20  Oo weligeed innaba lama degi doono oo tan iyo ab ka ab laguma dhex hoyan doono, oo Carabkuna halkaas teendho kama dhisan doono, oo adhijirraduna halkaas adhigooda ma daajin doonaan.
Isai SomKQA 13:21  Laakiinse halkaas waxaa jiifsan doona dugaagga lamadegaanka, oo guryahoodana waxaa ka buuxsami doona guumayso, oo waxaa ku hoyan doona gorayo, waxaana ku dhex cayaari doona xayawaan dhogor dheer leh.
Isai SomKQA 13:22  Oo yeey baana guryahooda cidloobay qaylo isugu jawaabi doona, oo daarahooda qurqurxoonna dawacooyin baa ka dhex qaylin doona, oo wakhtigeediina kol dhow buu iman doonaa, oo cimrigeedana lama sii dheerayn doono.
Chapter 14
Isai SomKQA 14:1  Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub.
Isai SomKQA 14:2  Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.
Isai SomKQA 14:3  Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay,
Isai SomKQA 14:4  ayaad boqorka Baabuloon ku soo maadsan doontaa, oo waxaad ka odhan doontaa, Kii wax dulmi jiray sidee buu u dhammaaday! Magaalada gabbaro qaadan jirtay sidee bay u idlaatay!
Isai SomKQA 14:5  Rabbigu wuxuu jebiyey hangoolkii kuwa sharka leh, iyo ushii taliyayaasha.
Isai SomKQA 14:6  Kii isagoo cadhaysan dadka ku dhufan jiray darbado joogta ah, oo quruumaha u talin jiray isagoo xanaaqsan waa la silciyaa iyadoo aan ciduna ka hor joogsan.
Isai SomKQA 14:7  Dunida oo dhammu way nasan tahay oo way xasilloon tahay, farxad baana lala gabyayaa.
Isai SomKQA 14:8  Dhirta berooshka ah iyo geedaha kedarka ah ee Lubnaanba way kugu reyreeyaan, oo waxay yidhaahdaan, Tan iyo waagii aad dhacday ninna nooma soo kicin inuu na jarto.
Isai SomKQA 14:9  She'oolka hoose wuu soo kacay oo u dhaqdhaqaaqay inuu ku qaabbilo markaad timaado, oo wuxuu kuu soo kiciyey kuwii dhintay oo ahaa xataa kuwii dhulka ugu waaweynaa oo dhan, oo boqorradii quruumaha oo dhan wuxuu ka soo kiciyey carshiyadoodii.
Isai SomKQA 14:10  Oo iyana dhammaantood waxay kugu odhan doonaan, War adiguna ma sidayadoo kalaad u taag gabtay? Oo ma annagoo kalaad noqotay?
Isai SomKQA 14:11  Sarrayntaadii iyo dhawaaqii shareeradahaagaba waxaa hoos loogu soo dejiyey She'ool, waxaa hoos lagaaga goglay dixiri, korkana waxaa lagaa huwiyey dixiri.
Isai SomKQA 14:12  Xiddigta waaberiyow, Inanka arooryadow, sidee baad samada uga soo dhacday! Kaagan quruumaha taag yareeyeyow, sidee baa dhulka laguugu riday!
Isai SomKQA 14:13  Waxaad qalbigaaga iska tidhi, Anigu waxaan kori doonaa samada, oo carshigaygana xiddigaha Ilaah waan ka sara marin doonaa, oo weliba waxaan ku fadhiisan doonaa buurta shirka ee darafka woqooyi ku taal.
Isai SomKQA 14:14  Waxaan kori doonaa daruuraha sare korkooda, oo waxaan noqon doonaa sida Ilaaha ugu sarreeya oo kale.
Isai SomKQA 14:15  Laakiinse waxaa lagu dejin doonaa She'ool, iyo meelaha ugu hooseeya ee yaamayska.
Isai SomKQA 14:16  Oo kuwa ku arkaa way kugu dhaygagi doonaan, wayna ku fiirsan doonaan, oo waxay odhan doonaan, War kanu ma ninkii dhulka gariiriyey, oo boqortooyooyinka ruxruxay,
Isai SomKQA 14:17  oo dunida sidii lamadegaan oo kale ka dhigay, oo magaalooyinkeedii dumiyey, oo aan maxaabiistiisa u dayn inay gurigoodii ku noqdaan baa?
Isai SomKQA 14:18  Boqorradii quruumaha oo dhammu dhammaantood sharaf bay ku jiifaan iyagoo mid kastaaba qabrigiisa ku jiro.
Isai SomKQA 14:19  Laakiinse adiga waa lagu xooray, oo qabrigaagii waa lagaa fogeeyey sidii laan la karhay, oo sidii dharka kuwa la laayay oo seefta lagu mudhbixiyey oo hoos ugu dhaca dhagaxyada yaamayska, ayaa sidii meyd oo kale lagugu tuntay.
Isai SomKQA 14:20  Oo iyaga kuma darsami doontid, lagumana aasi doono, maxaa yeelay, dalkaagii waad baabbi'isay, dadkaagiina waad laysay. Farcanka xumaanfalayaasha weligood mar dambe lama magacaabi doono.
Isai SomKQA 14:21  Meel lagu laayo u diyaarsha carruurtiisa xumaantii aabbayaashood aawadeed, si ayan u sara kicin, oo ayan dhulka u hantiyin, oo ayan dunida korkeedana magaalooyin uga buuxin.
Isai SomKQA 14:22  Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigaa ku soo kici doona iyaga, oo Baabuloon ayaan ka baabbi'in doonaa magac iyo dad hadhay, iyo wiil iyo wiil wiilkii.
Isai SomKQA 14:23  Oo weliba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa hantida caanaqubta iyo balliyo biyo ah, oo waxaan ku xaaqi doonaa xaaqinka baabbi'inta.
Isai SomKQA 14:24  Rabbiga ciidammadu wuxuu ku dhaartay oo yidhi, Sida xaqiiqada ah waxay noqon doontaa sidii aan ku fikiray, oo taladanuna waxay u hagaagi doontaa sidii aan u qastiyey,
Isai SomKQA 14:25  taasoo ah inaan kan reer Ashuur dalkayga ku jebin doono, buurahayga korkoodana isaga ku tuman doono, markaasaa harqoodkiisu iyaga ka fogaan doonaa, culayskiisuna garbahooda ka degi doonaa.
Isai SomKQA 14:26  Kanu waa qastigii loola qastiyey dhulka oo dhan, oo tanuna waa gacantii lagu kor fidiyey quruumaha oo dhan.
Isai SomKQA 14:27  Waayo, Rabbiga ciidammadu waxan wuu u qastiyey, haddaba bal yaa burin doona? Oo gacantiisiina way soo fidsan tahay, yaa dib u celin doona?
Isai SomKQA 14:28  Sannaddii Boqor Aaxaas dhintay ayaa warkan culus la yidhi.
Isai SomKQA 14:29  Reer Falastiin oo dhammow, ha ku farxin in ushii lagugu garaacay jabtay, maxaa yeelay, abeesada xididkeeda waxaa ka soo bixi doona jilbis, oo farcankiisuna wuxuu noqon doonaa masduulaa dab leh.
Isai SomKQA 14:30  Oo curadka masaakiinta ayaa wax cuni doona, kuwa baahanna ammaan bay ku jiifsan doonaan, oo xididkaagana waxaan ku dili doonaa abaar, kuwa kaa hadhayna waa la layn doonaa.
Isai SomKQA 14:31  Iriddow, barooro. Magaaladaay, ooy! Reer Falastiin oo dhammow, kulligaa cabsi la dhalaal, waayo, waxaa woqooyi ka iman doona qiiq, oo midna saaxiibbadiis kama hadhi doono.
Isai SomKQA 14:32  Haddaba bal maxaa loogu jawaabi doonaa wargeeyayaasha quruunta? Waxaa loogu jawaabi doonaa in Rabbigu Siyoon aasaasay oo kuwa dhibaataysan ee dadkiisuna ay dhexdeeda magan geli doonaan.
Chapter 15
Isai SomKQA 15:1  Kanu waa warka culus ee Moo'aab ku saabsan. Caartii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay; Qiirtii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay.
Isai SomKQA 15:2  Waxaa kor loogu baxay Bayid iyo Diboon oo meelaha sare ku yaal in lagu ooyo, reer Moo'aab waxay u baroortaan Neboo iyo Meedebaa, madaxyadooda oo dhan waa la xiiray oo gadh kastana waa la jaray.
Isai SomKQA 15:3  Jidadkooda waxaa lagu guntadaa dhar joonyad ah, oo guryahooda dushooda iyo jidadkooda ayaa mid kastaaba ka baroortaa isagoo aad u ooyaya.
Isai SomKQA 15:4  Oo Xeshboon iyo Elecaaleehba way qayliyaan, oo codkoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Yahas, sidaas daraaddeed ragga hubka leh ee Moo'aab aad bay u qayliyaan, oo cabsi bay la gariiraan.
Isai SomKQA 15:5  Qalbigaygu wuxuu u ooyaa reer Moo'aab, kuwoodii qaxay waxay u cararaan tan iyo Socar iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, oohin bay la fuulaan jiirta Luxiid, oo jidka Xororayimna waxay kor ugu qaadaan qaylo baabba'eed.
Isai SomKQA 15:6  Waayo, biyaha Nimriim baabba' bay noqon doonaan, cawskiina wuu engegay, biqilkiina wuu qallalay, oo wax cagaar ahna innaba lama arko.
Isai SomKQA 15:7  Sidaas daraaddeed maalkii badnaa ee ay urursadeen iyo wixii ay kaydsadeenba waxay u qaadan doonaan durdurka geedaha safsaafka ah.
Isai SomKQA 15:8  Waayo, qayladii waxay gaadhay soohdimaha Moo'aab ku wareegsan, baroortoodii waxay gaadhay tan iyo Eglayim, oo baroortoodiina waxay gaadhay tan iyo Bi'ir Eelim.
Isai SomKQA 15:9  Biyaha Diimoon dhiig baa ka buuxa, weliba waxaan Diimoon ku keeni doonaa belaayo kale, kan Moo'aab ka baxsaday iyo kuwa dalka ku hadhayba libaax baan ku diri doonaa.
Chapter 16
Isai SomKQA 16:1  Taliyaha dalka baraarka uga soo dira Selac oo cidlada ag taal, oo waxaad ugu keentaan buurta magaalada Siyoon.
Isai SomKQA 16:2  Waayo, sidii shimbir wareegaysa oo buulkeedii laga tuuray ayaa gabdhaha Moo'aab ku ahaan doonaan meelaha Webi Arnoon laga gudbo.
Isai SomKQA 16:3  Talo ku tali, oo caddaalad ku garsoor, maalin hadh cad ah hooskaaga ka dhig habeen madow oo kale, masaafurisyada qari, oo magantana ha gacangelin.
Isai SomKQA 16:4  Kuwa Moo'aab ee masaafurisyada ah ha kula joogeen, oo waxaad gabbaad uga noqotaa kan iyaga dhacaya, waayo, kii wax dulmi jiray wuu dhammaaday, dhiciddiina way joogsatay, kuwii dadka cadaadin jirayna dalkaa laga baabbi'iyey.
Isai SomKQA 16:5  Oo carshigu naxariis buu ku dhismi doonaa, oo run ahaan waxaa carshiga taambuugga Daa'uud dhexdiisa ah ku fadhiisan doona mid caddaalad ku garsoora, caddaaladna doondoona, oo xaqnimada ku dhaqsada.
Isai SomKQA 16:6  Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa madaxweynaantiisa, iyo kibirkiisa, iyo cadhadiisa, faankiisuna waa wax aan waxba tarayn.
Isai SomKQA 16:7  Sidaas daraaddeed reer Moo'aab waxay u ooyi doonaan dalka Moo'aab, oo mid kastaaba waa ooyi doonaa. Oo waxaad aad ugu barooran doontaan aasaaska Qiir Xaresed oo aad wax loogu dhuftay.
Isai SomKQA 16:8  Waayo, beerihii Xeshboon way qallalan yihiin, quruumaha madaxdoodii ayaa jejebisay geedihii canabka ee Sibmaah oo soo gaadhay xataa tan iyo Yacser oo xagga cidlada u soo baxay. Laamihiisii way fidsanaayeen oo badday dhaafeen.
Isai SomKQA 16:9  Sidaas daraaddeed waxaan canabka Sibmaah ugu ooyi doonaa oohintii aan Yacser ugu ooyay oo kale. Xeshboon iyo Elecaaleehow, waxaan idinku waraabin doonaa ilmadayda, waayo, midhahaagii la hor guray iyo beergoosadkaagiiba waxaa ku dhacday qayladii dagaalka.
Isai SomKQA 16:10  Farxaddii waa la qaaday, oo beertii midhaha badnaydna farxaddii waa laga bixiyey, oo beeraha canabka ahna hees iyo rayrayn ma jiri doonaan, mana jiri doono mid canabka macsarooyin ku tunta, oo qaylada tumidda canabkana waan joojiyey.
Isai SomKQA 16:11  Haddaba sidaas daraaddeed qalbigaygu wuxuu sida kiraar oo kale ugu barooranayaa Moo'aab aawadeed, oo calooshayduna Qiir Xaresed aawadeed.
Isai SomKQA 16:12  Oo markii Moo'aab iskeeno oo uu meesha sare ku daalo, oo uu meeshiisa quduuska ah u yimaado si uu ugu tukado, innaba ma guulaysan doono.
Isai SomKQA 16:13  Kanu waa eraygii uu Rabbigu waagii hore reer Moo'aab kaga hadlay.
Isai SomKQA 16:14  Laakiinse haatan Rabbigu wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Muddo saddex sannadood ah sida shaqaale sannaddiis ayaa sharafta reer Moo'aab lagu quudhsan doonaa, isaga iyo dadkiisa faraha badan, oo kuwa hadhi doonaana waxay ahaan doonaan in yar oo aan tabar lahayn.
Chapter 17
Isai SomKQA 17:1  Kanu waa warka culus ee Dimishaq ku saabsan. Bal eega, Dimishaq inay magaalo sii ahaato waa laga joojiyey, oo waxay ahaan doontaa tuulmooyin burbur ah.
Isai SomKQA 17:2  Magaalooyinkii Carooceer waa laga wada tegey. Waxay noqon doonaan meelo adhyuhu daaqaan oo ay iska fadhiistaan, oo ciduna ma didin doonto.
Isai SomKQA 17:3  Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Qalcaddu reer Efrayim way ka baabbi'i doontaa, oo boqortooyaduna Dimishaq way ka dhammaan doontaa, oo kuwa Suuriya ka hadhi doonaana waxay noqon doonaan sida sharaftii dadkii Israa'iil.
Isai SomKQA 17:4  Oo maalintaas sharafta reer Yacquub way daciifi doontaa, oo baruurta jidhkiisuna way macaluuli doontaa.
Isai SomKQA 17:5  Oo waxay noqon doontaa sida marka beeragooyuhu balka soo urursho oo gacantiisuna ay sabuullada soo gurato, oo waxay noqon doontaa sida mid sabuullo laga tegey ka guranaya dooxada Refaa'iim.
Isai SomKQA 17:6  Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weli canab xaabxaab ah ayaa ku hadhi doona, oo sida geed saytuun ah oo la ruxay ayaa laba ama saddex xabbadood ku hadhi doonaan laanta geedka ugu korraysa dhaladeeda, laamaha ugu shisheeya oo midhaha badanna waxaa ku hadhi doona afar ama shan xabbadood.
Isai SomKQA 17:7  Oo maalintaas nin baa wuxuu fiirin doonaa Abuurihiisii, oo indhihiisuna waxay u jeedsan doonaan Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
Isai SomKQA 17:8  Oo isagu ma uu fiirin doono meelaha allabariga ee uu gacmihiisa ku sameeyey, umana uu jeedsan doono wixii ay farihiisu sameeyeen, kuwaasoo ah geedaha Asheeraah, iyo sanamyada qorraxda.
Isai SomKQA 17:9  Oo maalintaas magaalooyinkiisa xoogga badanu waxay noqon doonaan sida meelaha ay reer Xiwi iyo reer Amor kaga tageen reer binu Israa'iil hortood, oo waxaa jiri doona baabba'.
Isai SomKQA 17:10  Maxaa yeelay, waxaad illowday Ilaaha badbaadadaada, oo kamana aad fikirin Dhagaxa xoogga kuu ah, sidaas daraaddeed waxaad beertaa geedo wacan, waxaadna tallaashaa geedo qalaad oo canab ah.
Isai SomKQA 17:11  Maalintii aad beerto ayaad xeraysaa, subaxdiina waxaad ubax ka keentaa abuurkaaga, laakiinse beergoosadku wuxuu carari doonaa maalin murug iyo caloolxumo badan.
Isai SomKQA 17:12  Dadka faraha badanu aad bay u buuqayaan, oo waxay u hugmaan sida hugunka badda! Quruumuhu aad bay u bulxamayaan, oo waxay u guuxaan sidii guuxa biyo xoog badan!
Isai SomKQA 17:13  Quruumuhu waxay u guuxi doonaan sida guuxa biyo faro badan, laakiinse wuu canaanan doonaa, oo meel fog bay u carari doonaan, oo waxaa loo eryi doonaa sida xaabka buuraha ee dabayshu kaxayso iyo sida boodh cirwareen ah.
Isai SomKQA 17:14  Bal eega, makhribkii cabsi baa jirta, oo aroortii ka horna ma jiraan. Taasu waa waxa ku dhaca kuwa na booba iyo qaybtii kuwa na dhaca.
Chapter 18
Isai SomKQA 18:1  Dalka baalasha hadhsanaya wuxuu ka sii shisheeyaa webiyaasha Kuush!
Isai SomKQA 18:2  Ergooyin ayuu badda ku diraa, oo xataa doonniyo caw ah ayuu biyaha korkooda ku diraa oo yidhaahdaa, Wargeeyayaasha dheereeyow, waxaad u tagtaan quruun dheer oo sulubsan, oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan!
Isai SomKQA 18:3  Kuwiinna dunida deggan oo dhammow, kuwiinna dhulka joogow, markii buuraha korkooda calan laga taago fiiriya, oo markii buunka la yeedhiyana maqla.
Isai SomKQA 18:4  Waayo, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Anigoo aamusan, ayaan hoygayga wax ka soo fiirin doonaa sida kulaylka widhwidhaya ee qorraxda, iyo sida daruur darab ah oo xilliga beergoosadka hooraysa.
Isai SomKQA 18:5  Waayo, beergoosadka ka hor markuu ubaxu dhammaado, oo uu ubaxu canab bislaanaya noqdo ayuu manjo laamaha yaryar ku gooyn doonaa, oo laamaha waaweyn ee sii faafayana wuu gooyn doonaa oo fogayn doonaa.
Isai SomKQA 18:6  Oo iyaga waxaa dhammaantood looga wada tegi doonaa haadka buuraha iyo dugaagga dhulka, oo haadka ayaa iyaga kulaylka ka hadhsan doonaa, oo dugaagga dhulka oo dhammuna iyagay qabowga ka dugsan doonaan.
Isai SomKQA 18:7  Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.
Chapter 19
Isai SomKQA 19:1  Kanu waa warka culus ee Masar ku saabsan. Bal eega, Rabbigu wuxuu fuushan yahay daruur dheeraysa oo wuxuu u socdaa Masar, oo sanamyada Masarna waxay ku gariiri doonaan hortiisa, oo Masriyiinta qalbigooduna cabsi buu kula dhex dhalaali doonaa.
Isai SomKQA 19:2  Oo Masriyiinta waxaan ku kicin doonaa Masriyiin kale, oo midkood kastaaba wuxuu la diriri doonaa walaalkiis iyo deriskiisa, magaalaba magaalay la diriri doontaa, boqortooyana boqortooyo kale.
Isai SomKQA 19:3  Oo Masriyiinta ruuxooduna wuu ka dhammaan doonaa, oo taladooda waan baabbi'in doonaa, oo waxay talo u doonan doonaan sanamyada, iyo falanfallowyada, iyo kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta.
Isai SomKQA 19:4  Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan Masriyiinta gacanta u gelin doonaa sayid nac weyn, oo waxaa u talin doona boqor xoog badan.
Isai SomKQA 19:5  Oo biyuhuna badda way ka madhan doonaan, oo webiguna wuu gudhi doonaa oo engegi doonaa.
Isai SomKQA 19:6  Oo webiyaashuna way qudhmi doonaan oo durdurrada Masarna way madhan doonaan oo engegi doonaan, oo cawsduurka iyo dareemaduna way wada qallali doonaan.
Isai SomKQA 19:7  Oo seeraha Webi Niil oo qarkiisa ku yaal, iyo wax kasta oo lagu beeray Webi Niil agtiisuba way wada engegi doonaan, oo dabayshaa la tegi doonta, oo mar dambena lama arki doono.
Isai SomKQA 19:8  Oo kalluumaystayaashuna way ooyi doonaan, kuwa jillaabka Webi Niil ku rida oo dhammuna way wada barooran doonaan, oo kuwa biyaha korkooda shabagga ku kala bixiyaana way macaluuli doonaan.
Isai SomKQA 19:9  Oo kuwa geed linenka dharka ka sameeya iyo kuwa cudbiga dharka ka sameeyaaba way quusan doonaan.
Isai SomKQA 19:10  Oo kuwa waddanka tiirarka u ah oo dhammuna way wada jabi doonaan, kuwa kiro u shaqeeyaana way murugoon doonaan.
Isai SomKQA 19:11  Amiirrada Socan waa nacasyo, oo taladii taliyayaasha ugu xigmad badnaa ee Fircoon waxay noqotay doqonnimo. Sidee baad Fircoon ugu tidhaahdaan, Anigu waxaan ahay nin xigmad leh wiilkiis, oo waxaan ahay farcankii boqorradii hore?
Isai SomKQA 19:12  Haddaba meeye raggaaga xigmadda lahu? Oo bal haatan ha kuu sheegeen, oo ha ogaadeen waxa Rabbiga ciidammadu Masar ugu talo galay.
Isai SomKQA 19:13  Amiirradii Socan waxay noqdeen nacasyo, oo amiirradii Nofna waa la khiyaaneeyey Masarna waxaa qalday kuwa qabiilooyinkeeda tiirarka u ah.
Isai SomKQA 19:14  Oo Rabbigu wuxuu ku dhex qasay wareer, oo iyana waxay Masar shuqulladeedii oo dhan ugu qaldeen sida nin sakhraanu mantaggiisa ugu dhacdhaco oo kale.
Isai SomKQA 19:15  Oo Masarna laguma arki doono shuqul ay samayn karaan madaxa ama dabadu, laanta ama cawsduurku toona.
Isai SomKQA 19:16  Oo wakhtigaas Masriyiintu waxay noqon doonaan sida naago oo kale, oo waxay la gariiri doonaan oo la cabsan doonaan ruxruxidda gacanta Rabbiga ciidammada, oo uu Masar korkeeda ku ruxruxi doono.
Isai SomKQA 19:17  Oo dalka Yahuudahna cabsi buu Masar u noqon doonaa, oo mid kasta oo la xusuusiyaaba wuu ka cabsan doonaa, waana talada Rabbiga ciidammadu uu iyaga u goostay aawadeed.
Isai SomKQA 19:18  Oo wakhtigaas waxaa dalka Masar jiri doona shan magaalo oo afka Kancaan ku hadasha oo Rabbiga ciidammada ku dhaarata, oo middoodna waxaa lagu magacaabi doonaa Magaalada baabba'a.
Isai SomKQA 19:19  Oo wakhtigaas dalka Masar dhexdiisa meel allabari baa Rabbiga ugu oolli doonta, oo soohdinteedana waxaa Rabbiga u jiri doona tiir.
Isai SomKQA 19:20  Oo taasu waxay calaamad iyo markhaati dalka Masar dhexdiisa ugu noqon doontaa Rabbiga ciidammada, waayo, kuwa dulma aawadood ayay Rabbiga ugu qayshan doonaan, oo isna wuxuu u soo diri doonaa badbaadiye iyo mid xoog badan, wuuna samatabbixin doonaa.
Isai SomKQA 19:21  Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu Masriyiinta is-ogeysiin doonaa, oo ay Masriyiintuna Rabbiga aqoon doonaan, oo waxay ku caabudi doonaan allabari iyo qurbaan, oo Rabbiga ayay nidar u nidri doonaan, wayna oofin doonaan.
Isai SomKQA 19:22  Oo Rabbigu wax buu Masar ku dhufan doonaa, wax buu ku dhufan doonaa, wuuna dawayn doonaa, oo iyana Rabbigay u soo noqon doonaan, oo isna baryootankooda ayuu aqbali doonaa, wuuna bogsiin doonaa.
Isai SomKQA 19:23  Oo wakhtigaas waxaa jiri doona jid weyn oo Masar ka baxa oo tan iyo Ashuur gaadha, oo kuwa reer Ashuur ah ayaa Masar geli doona, oo Masriyiintuna reer Ashuur bay Ilaah la caabudi doonaan.
Isai SomKQA 19:24  Oo wakhtigaas dalka Israa'iil wuxuu saddex ku noqon doonaa Masar iyo Ashuur, oo dhulka dhexdiisana barako buu ku ahaan doonaa,
Isai SomKQA 19:25  waayo, Rabbiga ciidammadu wuu barakeeyey, isagoo leh, Barako waxaa leh Masar oo ah dadkayga, iyo Ashuur oo ah shuqulkii gacmahayga, iyo Israa'iil oo ah dhaxalkayga.
Chapter 20
Isai SomKQA 20:1  Sannaddii Sargoon oo ahaa boqorkii Ashuur uu Tartaan Ashdood u diray, oo uu tegey, oo la diriray oo qabsaday Ashdood,
Isai SomKQA 20:2  ayaa Rabbigu Ishacyaah ina Aamoos la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Tag, oo dharka joonyadda ah dhexdaada ka fur, oo kabahaagana iska siib. Oo isna saasuu yeelay, oo wuxuu socday isagoo qaawan oo caga cad.
Isai SomKQA 20:3  Markaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Sidii addoonkaygii Ishacyaah saddex sannadood qaawanaan iyo cago caddaan uu ugu socday inuu calaamad iyo yaab Masar iyo Itoobiyaba u ahaado
Isai SomKQA 20:4  ayaa boqorka Ashuur kaxaysan doonaa maxaabiista Masar iyo masaafurisyada Itoobiya, yar iyo weynba, iyagoo qaaqaawan oo wada cagacad, oo badhidoodu muuqato, si uu Masriyiinta u ceebeeyo aawadeed.
Isai SomKQA 20:5  Markaasaa la nixi doonaa oo la ceeboobi doonaa Itoobiya oo rajadoodii ahayd aawadeed iyo Masar oo sharaftoodii ahayd aawadeed.
Isai SomKQA 20:6  Oo kuwa xeebta degganu waxay wakhtigaas odhan doonaan, Bal eega wixii ku dhacay kuwii aan isku hallaynaynay oo aan caawimaad ugu cararaynay inay boqorka Ashuur naga samatabbixiyaan Oo bal annagu sidee baannu u baxsanaynaa?
Chapter 21
Isai SomKQA 21:1  Kanu waa warka culus ee ku saabsan cidlada badda ku ag taal. Sida cirwareentu koonfur uga timaado oo kale ayuu cidlada oo ah dal cabsi badan uga yimaadaa.
Isai SomKQA 21:2  Waxaa lay tusay muujin culus. Khaa'inkii khiyaanuu sameeyaa, oo kan wax dhacaana wax buu dhacaa. Reer Ceelaamow, ku kac, reer Maadayow, hareeree. Taahiddii oo dhan anigu waan joojiyey.
Isai SomKQA 21:3  Sidaas daraaddeed naxdin baa cidhiidhi i gelisay, oo waxaa i qabtay xanuun badan sida naag foosheed oo kale, oo xanuun aawadiis waxba waan maqli kari waayay, oo naxdin aawadeed waxba waan arki kari waayay.
Isai SomKQA 21:4  Waan qalbitakhtakhay, oo cabsi baa i argaggixisay. Fiidkii aan istareexa ka filanayay gariir buu iigu rogmaday.
Isai SomKQA 21:5  Miis bay diyaarsadaan, oo gogol bay gogladaan, wax bayna cunaan oo cabbaan. Amiirradow, sara joogsada, oo gaashaanka subka.
Isai SomKQA 21:6  Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Tag, oo waardiye meel dhig, oo isna wuxuu arko ha sheego.
Isai SomKQA 21:7  Oo markaasuu arkay ciidan fardo fuushan oo laba laba u socda, iyo ciidan dameerro fuushan, iyo ciidan rakuubbo fuushan, aad buuna u dhegaystay oo aad iyo aad buu uga fikiray.
Isai SomKQA 21:8  Oo wuxuu u qayliyey sidii libaax oo kale oo yidhi, Sayidow, maalintii oo dhan waxaan had iyo goorba ku kor taagnahay munaaradda waardiyaha, oo habeen walbana waxaan joogaa meeshayda waardiyaha.
Isai SomKQA 21:9  Oo bal eeg, waxaa soo socda ciidan fardo fuushan oo laba laba u socda. Oo isna waa u jawaabay oo wuxuu yidhi, Baabuloon waa dhacday, waa dhacday, oo sanamyadeedii xardhanaa oo ilaahyadeedu way wada jajabeen oo dhulkay daadsan yihiin.
Isai SomKQA 21:10  Dadkayga sida hadhuudh la tumayow, wixii aan Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ka maqlay waan idin ogeysiiyey.
Isai SomKQA 21:11  Kanu waa warka culus ee Duumah ku saabsan. Mid baa aniga Seciir iiga yeedhay, isagoo leh, Waardiyow, habeenka ka warran?
Isai SomKQA 21:12  Oo waardiyihiina wuxuu yidhi, Waagu waa beryayaa, habeenkuna waa soo socdaa, haddii aad wax weyddiinaysaan, weyddiiya, soo noqda oo kaalaya.
Isai SomKQA 21:13  Kanu waa warka culus ee dalka Carabta ku saabsan. Kuwiinna safarka ah oo reer Dedaanow, waxaad ku hoyan doontaan kaynta dalka Carabta.
Isai SomKQA 21:14  Kuwa oomman biyo u keena, kuwa dalka Teemaa degganow, kuwa qaxay cunto kala hor taga.
Isai SomKQA 21:15  Waayo, iyagu seef bay ka carareen, taas oo ahayd seef gal la', iyo qaanso xodan iyo dagaal aad u kulul.
Isai SomKQA 21:16  Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Muddo sannad ah oo ah sida sannadaha shaqaalaha ayaa sharafta Qedaar oo dhammu ku baabbi'i doontaa.
Isai SomKQA 21:17  Oo intii ka hadhay tirada ragga qaansaleyda ah oo ah ragga xoogga badan oo reer Qedaarna way yaraan doontaa, waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa saas ku hadlay.
Chapter 22
Isai SomKQA 22:1  Kanu waa war culus ee dooxada muujinta ku saabsan. War maxaa idinku dhacay, oo aad dhammaantiin guryaha dushooda la korteen?
Isai SomKQA 22:2  Magaalada qaylada iyo bulxanku ka buuxaanay, magaalada farxadda badanay, kuwa dhexdaada lagu laayay seef laguma layn, dagaalna kuma ay dhiman.
Isai SomKQA 22:3  Taliyayaashaadii oo dhammu way wada carareen, oo qaansola'aan iyagoo ah ayaa la xidhay. Inta lagaa helay oo dhan waa la wada xidhay in kastoo ay meel fog u carareen.
Isai SomKQA 22:4  Sidaas daraaddeed ayaan idhi, Aniga iga sii jeesta. Si qadhaadh baan u ooyi doonaa, ha isku daalinnina inaad dadkayga iiga qalbi qabowjisaan.
Isai SomKQA 22:5  Waayo, waa maalin ay naxdin iyo kutumasho iyo isku qasnaanu Sayidka ah Rabbiga ciidammada ka iman doonaan oo ay dooxada muujinta ku dhici doonaan, waana wakhti derbiyada la dumin doono oo buuraha lagu qaylin doono.
Isai SomKQA 22:6  Oo reer Ceelaam wuxuu qaatay gabooyihii, oo gaadhifardoodyo iyo rag fardo fuushan baa la socday, oo reer Qiirna gaashaankii buu daaha ka qaaday.
Isai SomKQA 22:7  Oo waxay noqotay in dooxooyinkaagii ugu wacanaa gaadhifardoodyo ka buuxsameen, ragga fardooleyda ahuna waxay isku diyaariyeen iridda horteeda.
Isai SomKQA 22:8  Oo isna wuxuu banneeyey daahii dadka Yahuudah, oo adna maalintaas waxaad aad u fiirisay hubkii guriga kaynta yiil.
Isai SomKQA 22:9  Oo weliba waxaad aragteen in daldaloolka magaalada Daa'uud ay badan yihiin, oo waxaad isku soo wada ururiseen biyihii balliga hoose.
Isai SomKQA 22:10  Oo waxaad tiriseen guryihii Yeruusaalem, oo waxaad guryihii u dumiseen inaad derbiga adkaysaan.
Isai SomKQA 22:11  Oo weliba biyihii balligii hore waxaad biyoxidheen uga samayseen labada derbi dhexdooda laakiinse ma aydaan fiirin kii waxan sameeyey, mana aydaan u jeedsan kii waa hore sameeyey.
Isai SomKQA 22:12  Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.
Isai SomKQA 22:13  Oo bal eega, waxaa jira farxad iyo rayrayn, dibi la qalo iyo ido la gowraco, hilib la cuno iyo khamri la cabbo, oo waxaa la yidhaahdaa, Aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonaaye.
Isai SomKQA 22:14  Oo Rabbiga ciidammada ayaa waxan dhegaha ii saaray. Sida xaqiiqada ah xumaantan laydinkama maydhi doono jeeraad dhimataan, ayaa Sayidka ah Rabbiga ciidammadu leeyahay.
Isai SomKQA 22:15  Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Kac, oo waxaad u tagtaa Shebnaa oo ah khasnajiga guriga u sarreeya, oo waxaad ku tidhaahdaa,
Isai SomKQA 22:16  Waadiga qabrigaagii halkan ka qotay, oo xabaashaadiina meel sare ka qotay, oo dhagaxana hoy ka samaystay, bal maxaad halkan ku samaynaysaa? Oo yaad halkan ku haysataa?
Isai SomKQA 22:17  Bal eeg, ninka xoogga badanow, Rabbigu xoog buu kuu tuuri doonaa. Aad buu kuu qaban doonaa.
Isai SomKQA 22:18  Oo hubaal sida kubbad oo kale ayuu kugu wadhfin doonaa dhul weyn oo ballaadhan, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo gaadhifardoodyadii sharaftaaduna halkaasay joogi doonaan, adigoo ah ceebta gurigii sayidkaaga.
Isai SomKQA 22:19  Oo waxaan kaa eryi doonaa derejadaada, oo jagada aad joogtona isagaa kaa soo dejin doona.
Isai SomKQA 22:20  Oo waxaan maalintaas u yeedhi doonaa addoonkayga Elyaaqiim ina Xilqiyaah.
Isai SomKQA 22:21  Oo waxaan isaga huwin doonaa shuluggaaga, oo waxaan ku adkayn doonaa dhex-xidhkaaga, oo dowladnimadaada isagaan u dhiibi doonaa, oo isna aabbe buu dadka Yeruusaalem deggan iyo reer Yahuudah u noqon doonaa.
Isai SomKQA 22:22  Oo furihii guriga Daa'uudna garbihiisaan saari doonaa, oo wuu furi doonaa, oo ninna ma xidhi doono, wuu xidhi doonaa, oo ninna ma furi doono.
Isai SomKQA 22:23  Oo waxaan isaga u dhuujin doonaa sida dhidib meel adag haysta, oo isna wuxuu reerka aabbihiis u noqon doonaa carshi sharaf badan.
Isai SomKQA 22:24  Oo waxaa korkiisa laga lalmin doonaa sharaftii reerka aabbiihiis oo dhan, dhasha iyo farcanka, iyo weelasha yaryar oo dhan, koobabka iyo xataa sibraarrada waaweyn oo dhanba.
Isai SomKQA 22:25  Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintaas dhidibkii meesha adag ku dhuuqsanaa wuu ka siibmi doonaa, oo intuu jabo ayuu dhici doonaa, oo culayskii saarnaana waa la baabbi'in doonaa, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
Chapter 23
Isai SomKQA 23:1  Kanu waa warka culus ee Turos ku saabsan. Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, way baabba'day, guri iyo irid la galo midna ma leh, waxaana iyaga looga muujiyey dalka Kitiim.
Isai SomKQA 23:2  Kuwiinnan gasiiradda deggan ee baayacmushtariyaasha Siidoon oo badda gudbayaa ay alaab ka buuxiyeenow, aamusa.
Isai SomKQA 23:3  Biyaha badan waxaa laga keenay sarreenkii Shiixoor iyo waxa beerihii Webi Niil laga goostay oo faa'iidadeedii ahaa, oo iyadu waxay noqotay suuqii quruumaha.
Isai SomKQA 23:4  Siidoonay, ceebow, waayo, baddii way hadashay, oo qalcaddii baddu waxay tidhi, Anigu ma foolan, carruurna ma dhalin, barbaarrona ma korin, gabdhona ma korin.
Isai SomKQA 23:5  Markii warku Masar soo gaadho aad bay warka Turos uga xanuunsan doonaan.
Isai SomKQA 23:6  Tarshiish xaggeeda u gudba. Kuwiinna gasiiradda degganow, baroorta.
Isai SomKQA 23:7  Tanu ma magaaladiinnii waa hore jirtay oo faraxsanayd baa oo cagaheeda meel fog u waday inay dal shisheeye degto aawadeed?
Isai SomKQA 23:8  Yaa taladan u goostay Turos oo ahayd magaaladii taajajka bixisay, oo baayacmushtariyaasheedu amiirro ahaayeen, oo geddisleydeeduna ay ahaayeen kuwii dhulka sharafta ku lahaa?
Isai SomKQA 23:9  Rabbiga ciidammada ayaa waxaas u qastiyey inuu jebiyo kibirka faanka oo dhan, iyo inuu ka dhigo in kuwa dhulka sharafta ku leh oo dhan la quudhsado.
Isai SomKQA 23:10  Reer Tarshiishow, bal dalkaaga dhex mar sida Webi Niil oo kale. Innaba wax ku celiya oo dambe ma jiraan.
Isai SomKQA 23:11  Isagu wuxuu gacantiisa ku fidiyey badda korkeeda, oo boqortooyooyinkiina wuu gariiriyey. Rabbigu wuxuu amar ku bixiyey in la dumiyo qalcadaha Kancaan.
Isai SomKQA 23:12  Oo isagu wuxuu yidhi, Dadka Siidoon oo ah sida bikrad la nijaaseeyeyow, mar dambe ma farxi doontid. Kac, oo xagga Kitiim u gudub, oo xataa halkaasna nasasho kama heli doontid.
Isai SomKQA 23:13  Bal dalka reer Kaldayiin fiiriya, dadkaasu ma jirin. Kii reer Ashuur kuwii cidlada degganaa ayuu u aasaasay, munaaradaa la dhisay, daaraheedii waaweynaana waa la dumiyey, oo baabba' buu ka dhigay.
Isai SomKQA 23:14  Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, qalcaddiinnii waa la baabbi'iyey.
Isai SomKQA 23:15  Oo waxay wakhtigaas noqon doontaa in Turos la illoobi doono toddobaatan sannadood, oo ah sida boqor wakhtigiis. Oo toddobaatankaas sannadood markay dhammaadaan ayaa Turos waxaa laga heesi doonaa sida dhillada oo kale.
Isai SomKQA 23:16  Dhilladii la illoobayay, kataarad qaado, oo magaalada ku dhex wareeg, oo luuq macaan luuqee, oo heeso badan hees, si lagugu soo xusuusto aawadeed.
Isai SomKQA 23:17  Oo toddobaatanka sannadood markay dhammaadaan ayaa Rabbigu Turos soo booqan doonaa, oo waxay ku soo noqon doontaa kiradeedii, oo waxay dhulka kaga dhillaysan doontaa boqortooyooyinka dunida oo dhan.
Isai SomKQA 23:18  Laakiinse baayacmushtarigeeda iyo kiradeedaba quduus baa Rabbiga looga dhigi doonaa, lama urursan doono, lamana kaydsan doono, waayo, baayacmushtarigeedu wuxuu u ahaan doonaa kuwa Rabbiga hortiisa jooga inay wax ku filan cunaan oo ay dhar raagaya xidhaan.
Chapter 24
Isai SomKQA 24:1  Bal eega, Rabbigu dalkuu madhinayaa, oo baabba' buu ka dhigayaa, wuuna afgembiyayaa, oo kuwa degganna wuu kala firdhinayaa.
Isai SomKQA 24:2  Oo waxay noqon doontaa in wixii dadka ku dhaca ay wadaadkana ku dhacaan, oo wixii addoonka hela, sayidkana way heli doonaan, oo wixii iibiyaha helana, iibsadahana way heli doonaan, oo wixii amaahiyaha helana amaahsadahana way heli doonaan, oo wixii korsaarqaataha helana, korsaarbixiyahana way heli doonaan.
Isai SomKQA 24:3  Oo dalkana dhammaantiis waa la madhin doonaa oo la kharribi doonaa, waayo, Rabbiga ayaa eraygaas ku hadlay.
Isai SomKQA 24:4  Dhulku wuu baroortaa, wuuna qallalaa, dunidu way daashaa, wayna qallashaa, oo dadka sarena way daalaan.
Isai SomKQA 24:5  Oo dhulkiina waxaa nijaaseeyey kuwa deggan, maxaa yeelay, iyagu qaynuunnadii bay ku xadgudbeen, oo amarkiina way beddeleen, oo axdigii daa'imka ahaana way jebiyeen.
Isai SomKQA 24:6  Sidaas daraaddeed dhulkii waxaa baabbi'iyey habaar, oo kuwii dhex degganaana eed baa laga helay, sidaas daraaddeed kuwii dhulka degganaa way gubteen oo wax yar baa ka hadhay.
Isai SomKQA 24:7  Khamriga cusubu wuu baroortaa, dhirta canabkuna way dhadaa, oo kuwii qalbigoodu faraxsanaa oo dhammuna way taahaan.
Isai SomKQA 24:8  Farxaddii dafku way joogsatay, oo kuwii rayraynayay buuqoodiina waa dhammaaday, farxaddii kataaradduna way joogsatay.
Isai SomKQA 24:9  Mar dambe khamri hees kuma ay cabbi doonaan, oo wax lagu sakhraamona wuu u qadhaadhaan doonaa kuwa cabba.
Isai SomKQA 24:10  Magaalada cidlada ah waa la dumiyey, oo guri kastana waa la xidhay si aan ninna u soo gelin.
Isai SomKQA 24:11  Jidadka waxaa looga ooyayaa khamri la waayay aawadeed, farxaddii oo dhammuna way madoobaatay, oo rayrayntiina dalkay ka dhammaatay.
Isai SomKQA 24:12  Magaaladii waxaa lagaga dhex tegey baabba', oo albaabkiina intii la jebiyey, ayaa la baabbi'iyey.
Isai SomKQA 24:13  Waayo, sidaasay ahaan doontaa dalka iyo dadyowga dhexdoodaba, oo waxay noqon doontaa sida ruxruxidda geedka saytuunka ah iyo sida xaaxaabka canabka marka midhaha laga gurto dabadeed.
Isai SomKQA 24:14  Codkooday kor u qaadi doonaan, wayna dhawaaqi doonaan, oo haybadda Rabbiga ayay badda aad ugaga qaylin doonaan.
Isai SomKQA 24:15  Haddaba sidaas daraaddeed xagga bari Rabbiga ka ammaana, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisana waxaad ka ammaantaan gasiiradaha badda.
Isai SomKQA 24:16  Darafka dhulka ugu shisheeya ayaan ka maqalnay gabayo lahaa, Ammaanu ha u ahaato kan xaqa ah. Laakiinse anigu waxaan idhi, Caatoobay oo caatoobay, anaa iska hoogay! Khaa'innadii khiyaanay sameeyeen, hubaal khaa'innadii aad iyo aad bay khiyaano xun u sameeyeen.
Isai SomKQA 24:17  Kan dhulka degganow, waxaa ku hor yaal cabsi iyo yaamays iyo dabin.
Isai SomKQA 24:18  Oo kii qaylada cabsida ka cararaa yaamayskuu ku dhici doonaa, oo kii yaamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, waxaa la furay daaqadihii xagga sare, oo aasaaskii dhulkuna wuu gariirayaa.
Isai SomKQA 24:19  Dhulkii dhammaantiis wuu dumay, oo dhulkii kulligiis wuu burburay, oo dhulkii aad iyo aad buu u dhaqdhaqaaqay.
Isai SomKQA 24:20  Dhulku wuxuu u dhicdhici doonaa sida nin sakhraansan, oo waxaa loo dhaqdhaqaajin doonaa sida buul oo kale. Xadgudubkiisuna wuu ku cuslaan doonaa, oo wuu dhici doonaa, oo mar dambena sooma kici doono.
Isai SomKQA 24:21  Oo waxay maalintaas noqon doontaa in Rabbigu ciidanka kuwa sare kor ku ciqaabi doono, oo boqorrada dunidana dhulkuu ku ciqaabi doonaa.
Isai SomKQA 24:22  Oo iyaga waxaa laysugu soo ururin doonaa sida maxaabiista godxabsiga loogu urursho, oo waa la xabbisi doonaa oo maalmo badan dabadeed ayaa la ciqaabi doonaa.
Isai SomKQA 24:23  Oo markaasaa dayaxu isku qasmi doonaa, oo qorraxduna way ceeboobi doontaa, waayo, Rabbiga ciidammadu boqor buu ku ahaan doonaa Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, isagoo odayaashiisa hortooda sharaftiisa ka muujinaya.
Chapter 25
Isai SomKQA 25:1  Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahay. Waan ku sarraysiin doonaa, oo magacaagana waan ammaani doonaa, waayo, waxaad samaysay waxyaalo yaab badan oo ah talooyin aad waa hore aaminnimo iyo run ku talo gashay.
Isai SomKQA 25:2  Waayo, waxaad magaalo ka dhigtay meel tuulan, oo magaalo deyr lehna burbur, oo daartii weynayd ee shisheeyahana waxaad ka dhigtay wax aan magaalo ahayn, oo mar dambena lama dhisi doono.
Isai SomKQA 25:3  Sidaas daraaddeed dadka xoogga badanu way ku ammaani doonaan, oo magaalada quruumaha laga cabsadona way ka cabsan doontaa.
Isai SomKQA 25:4  Waayo, waxaad miskiinka u ahayd xoog, oo saboolka baahanna markuu dhibaataysnaa xoog baad u ahayd, waxaadna ahayd meel duufaanka laga dugsado oo kulaylkana laga hadhsado markii kuwa laga cabsado neeftoodu ay ahayd sida duufaan derbi ku dhacaya.
Isai SomKQA 25:5  Waxaad hoos u ridi doontaa buuqa shisheeyayaasha sida kulaylka meesha engegan oo kale. Sida hooska daruurtu kulaylka u rida ayaa kuwa laga cabsado gabaygooda hoos loo ridi doonaa.
Isai SomKQA 25:6  Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu dadyowga oo dhan buurtan ugu samayn doonaa diyaafad ah baruur miidhan, iyo khamri raagay, iyo waxyaalo baruur badan oo dhuux ka buuxo, iyo khamri raagay oo aad loo miiray.
Isai SomKQA 25:7  Oo isagu wuxuu buurtan ku baabbi'in doonaa daboolka dadyowga oo dhan la dul saaray iyo indhashareerta quruumaha oo dhan lagu dul fidiyey.
Isai SomKQA 25:8  Oo dhimashadana weligeed buu liqay, Sayidka Rabbiga ahuna weji kastaba ilmada wuu ka tirtiri doonaa, oo ceebta dadkiisana dhulka oo dhan wuu ka qaadi doonaa, waayo, sidaasuu Rabbigu ku hadlay.
Isai SomKQA 25:9  Oo waxaa maalintaas la odhan doonaa, Bal eega, waa kan Ilaahayagu. Isagaannu sugaynay, wuuna na badbaadin doonaa. Kanu waa Rabbiga, isagaannu sugaynay, oo waxaannu ku farxi oo ku rayrayn doonnaa badbaadintiisa.
Isai SomKQA 25:10  Waayo, Rabbiga gacantiisu waxay saarnaan doontaa buurtan, oo Moo'aabna meeshiisaa lagula tuman doonaa sida cawska meesha digada lagula tunto.
Isai SomKQA 25:11  Oo isna gacmihiisuu ku dhex kala fidin doonaa sida mid dabaalanaya gacmihiisa u kala fidiyo inuu dabaasho aawadeed, laakiinse Rabbigu wuxuu hoos u ridi doonaa kibirkooda iyo shuqulkii gacmahoodaba.
Isai SomKQA 25:12  Oo qalcadda dheer oo derbiyadaada adagna wuu dumin doonaa, oo hoos buu u ridi doonaa, oo dhulka iyo ilaa ciidda, ayuu ku xoori doonaa.
Chapter 26
Isai SomKQA 26:1  Oo maalintaas dalka Yahuudah waxaa lagaga gabyi doonaa gabaygan, Annagu magaalo xoog badan baannu leennahay, oo Rabbigu wuxuu derbiyo iyo qalcado nooga dhigi doonaa badbaado.
Isai SomKQA 26:2  Irdaha fura, quruunta xaqa ah oo runta xajisa ha soo gashee.
Isai SomKQA 26:3  Qofkii maankiisu isku kaa halleeyo nabad dhan baad ku dhawri doontaa, maxaa yeelay, adiguu ku aaminsan yahay.
Isai SomKQA 26:4  Rabbiga weligiinba aamina, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa dhagax daa'im ah.
Isai SomKQA 26:5  Maxaa yeelay, isagaa hoos u soo dejiyey kuwii meelaha sare degganaa, oo magaaladii sarajoogga dheeraydna wuu hoosaysiiyey, oo wuxuu hoos ugu soo dejiyaa tan iyo dhulka, oo ciidduu ku soo xooraa.
Isai SomKQA 26:6  Oo cagahaa ku tuman doona, waana cagaha masaakiinta iyo tallaabooyinka saboolka baahan.
Isai SomKQA 26:7  Kan xaqa ah jidkiisu waa qumman yahay oo adigoo qumman ayaa wadiiqada kan xaqa ah toosiya.
Isai SomKQA 26:8  Rabbiyow, annagu waxaannu kugu sugaynay jidka xukummadaada. Oo naftayaduna waxay xiiso u qabtaa magacaaga iyo xusuustaada.
Isai SomKQA 26:9  Habeenka naftaydu adigay kuu xiisootay, oo ruuxa gudahayga ku jira ayaan aad kuugu doondooni doonaa, waayo, markii xukummadaadu ay dhulka joogaan ayaa dadka dunida degganu xaqnimo bartaan.
Isai SomKQA 26:10  Kan sharka ah haddii raalli laga noqdo isagu innaba xaqnimo ma barto, oo dalka qummanaanta ayuu caddaaladdarro ku samayn doonaa, oo haybadda Rabbigana ma uu fiirin doono.
Isai SomKQA 26:11  Rabbiyow, gacantaadu kor bay u taagan tahay, laakiinse iyagu ma ay arkaan illowse waxay arki doonaan dadaalkaaga aad dadka u dadaashid, wayna ceeboobi doonaan, oo cadaawayaashaadana dab baa baabbi'in doona.
Isai SomKQA 26:12  Rabbiyow, nabad baad na siin doontaa, oo weliba shuqulladayadii oo dhan baad noo wada samaysay.
Isai SomKQA 26:13  Rabbiyow, Ilaahayagow, sayidyo kale oo aan adiga ahayn ayaa noo talin jiray, laakiinse adiga keliya ayaannu xusuusannaa oo magacaaga soo qaadnaa.
Isai SomKQA 26:14  Iyagu way dhinteen, soona noolaan maayaan, way baabbe'een, soona sarakici maayaan, oo sidaas daraaddeed waad soo booqatay oo baabbi'isay, oo xusuustoodii oo dhanna waad tirtirtay.
Isai SomKQA 26:15  Quruunta waad kordhisay, Rabbiyow, quruunta waad kordhisay, oo adiga waa lagu ammaanay, oo dalka soohdimihiisii oo dhanna waad wada ballaadhisay.
Isai SomKQA 26:16  Rabbiyow, markay dhibaataysnaayeen way ku doondooneen, oo markaad edbinaysayna aad bay kuu baryeen.
Isai SomKQA 26:17  Rabbiyow, naag uur leh oo ku soo dhowaatay shinkii ay dhali lahayd, siday u xanuunsato oo ay foosheeda ugu qayliso ayaannu hortaada ku noqonnay.
Isai SomKQA 26:18  Annagu waannu uuraysannay, oo xanuunkii foosha ayaa na qabtay, oo waxaannu noqonnay sidii wax dabayl dhalay, oo dhulkana samatabbixin kuma aannu samayn, oo dadka dunida degganuna ma ay dhalan.
Isai SomKQA 26:19  Kuwaagii dhintay way soo noolaan doonaan, meydadkuna way soo sara kici doonaan. Kuwiinna ciidda ku dhex jirow, soo toosa oo gabya! Rabbiyow, dharabkaagu waa sida dharabka geedaha nooleeya, oo dhulkuna meydadkuu soo xoori doonaa.
Isai SomKQA 26:20  Dadkaygow, kaalaya, qolladihiinna gala, oo albaabbadiinna soo xidha, oo wakhti yar dhuunta, intay cadhadu gudbayso.
Isai SomKQA 26:21  Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu meeshiisa uga soo kacayaa inuu dadka dhulka deggan xumaantooda u ciqaabo. Dhulkuna wuxuu daaha ka qaadi doonaa dhiiggiisa, oo kuwa la laayayna mar dambe ma dabooli doono.
Chapter 27
Isai SomKQA 27:1  Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu seeftiisa adag ee weyn ee xoogga badan ku ciqaabi doonaa Lewiiyaataan oo ah maska dheereeya, iyo xataa Lewiiyaataan oo ah maska qalloocan, oo wuxuu dili doonaa bahalka baas ee badda ku jira.
Isai SomKQA 27:2  Oo wakhtigaas waxaa la odhan doonaa, Beerta canabka ee la jecel yahay darandoorri ugu heesa.
Isai SomKQA 27:3  Aniga Rabbiga ah ayaa ilaaliya, oo daqiiqad kastana waan waraabin doonaa. Si aan ciduna wax u yeelin ayaan habeen iyo maalinba dhawri doonaa.
Isai SomKQA 27:4  Aniga cadho iguma jirto. Haddii yamaarugga iyo qodxantu ay dagaal igu soo kicin lahaayeen, intaan iyaga ku kaco ayaan dhammaantood wada gubi lahaa.
Isai SomKQA 27:5  Haddii kalese xooggayga ha la qabsado, ha layla nabdo, ha layla nabdo.
Isai SomKQA 27:6  Oo wakhtiga soo socdana reer Yacquub xidid buu yeelan doonaa, dadka Israa'iilna waa magooli doonaa oo ubxin doonaa, oo dunida oo dhanna midhay ka buuxin doonaan.
Isai SomKQA 27:7  Miyuu isaga wax ugu dhuftay siduu wax ugu dhuftay kuwii isaga wax ku dhuftay oo kale? Amase isaga ma la dilay sidii layntii kuwuu laayay oo kale?
Isai SomKQA 27:8  Markaad eriday qiyaas baad ku edbisay. Intuu dalka ka masaafuriyey ayuu maalintii dabaysha bari duufaan adag ku eryay.
Isai SomKQA 27:9  Haddaba sidaas daraaddeed xumaanta reer Yacquub tanaa lagu kafaaraggudi doonaa, oo tanuna waa midhihii qaadidda dembigiisa oo dhan, markuu dhagaxyada meesha allabariga oo dhan ka wada dhigo sida dhagaxyada nuuradda ah oo la burburiyo oo kale, si aanay geedaha Asheeraah iyo sanamyada qorraxduna mar dambe u soo kicin.
Isai SomKQA 27:10  Waayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan.
Isai SomKQA 27:11  Markii laamaheedu engegaan way wada jajabi doonaan, oo naagaa iman doona oo gubi doona, waayo, kuwanu waa dad aan innaba waxgarasho lahayn, oo sidaas daraaddeed kii iyaga uumay uma uu naxariisan doono, oo kii iyaga sameeyeyna raalli kama ahaan doono.
Isai SomKQA 27:12  Oo wakhtigaas Rabbigu hadhuudhkiisuu ku tuman doonaa tan iyo Webi Yufraad iyo ilaa durdurka Masar, oo reer binu Israa'iilow, midba mid baa laydiin soo wada ururin doonaa.
Isai SomKQA 27:13  Oo wakhtigaas buun weyn baa la yeedhin doonaa, oo kuwii halligaadda u diyaarsanaa iyo kuwii dalka Masar loo masaafuriyey waxay ka iman doonaan dalka Ashuur, oo Rabbigay buurta Yeruusaalem ku caabudi doonaan.
Chapter 28
Isai SomKQA 28:1  Waxaa iska hoogay taajka kibirka oo sakhraamiinta reer Efrayim, iyo ubaxa engegay ee quruxdooda weyn oo ku yaal madaxa dooxada barwaaqaysan ee kuwa khamrigu ka adkaaday.
Isai SomKQA 28:2  Bal eega, Sayidku wuxuu leeyahay mid itaal weyn oo xoog badan. Sida roobdhagaxyaale ah, iyo duufaan wax burburinaya, iyo sida daad biyo xoog badan oo wax qarqinaya ayaa gacantiisu dhulka wax ugu xoori doontaa.
Isai SomKQA 28:3  Oo taajka kibirka ee sakhraamiinta reer Efrayim ayaa cagaha lagula tuman doonaa,
Isai SomKQA 28:4  oo ubaxa engegay oo quruxdooda weyn oo ku yaal madaxa dooxada barwaaqaysanna wuxuu noqon doonaa sida berdaha beergoosadka hortiis bislaada, oo ku alla kii fiiriyaaba markuu arko iska cuno intuu gacantiisa ku jiro.
Isai SomKQA 28:5  Oo wakhtigaas Rabbiga ciidammadu wuxuu kuwa dadkiisa ka hadhay u ahaan doonaa taaj sharaf ah, iyo cigaal quruxsan,
Isai SomKQA 28:6  oo kan garsoorid u fadhiyana wuxuu u ahaan doonaa caddaalad, oo kuwa dagaalka iridda ka celiyana wuxuu u ahaan doonaa xoog.
Isai SomKQA 28:7  Laakiinse kuwaasuba khamri bay ku ambadeen, oo waxay la dhacdheceen wax lagu sakhraamo. Oo wadaadkii iyo nebigiiba waxay ku ambadeen wax lagu sakhraamo, oo waxay aad ugu qasmeen khamri, oo waxay u habaabeen wax lagu sakhraamo. Riyada way ku ambadaan, oo garsooriddana way ku turunturoodaan.
Isai SomKQA 28:8  Waayo, miisaskii oo dhan waxaa ka buuxsamay mantag iyo wasakh, oo xataa meel keliya oo nadiifsan lama arko.
Isai SomKQA 28:9  Bal yuu aqoon bari doonaa? Bal yuuse warka garansiin doonaa? Ma kuwa caanihii laga gudhiyey oo naasaha laga duway baa?
Isai SomKQA 28:10  Waayo, amarba amar, amarba amar baa lagu daraa, oo qaynuunba qaynuun, qaynuunba qaynuun baa lagu daraa, halkan in yar, halkaasna in yar.
Isai SomKQA 28:11  Laakiinse bushimo dad qalaad iyo af kale ayuu kula hadli doonaa dadkan
Isai SomKQA 28:12  uu markii hore ku yidhi, Tanu waa nasasho, ee kuwa daallan ku nasiya, oo tanuna waa isqabowjintii. Laakiinse inay maqlaan way diideen.
Isai SomKQA 28:13  Sidaas daraaddeed erayga Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa amar amar lagu daray, iyo amar amar lagu daray, qaynuun qaynuun lagu daray, iyo qaynuun qaynuun lagu daray, halkan in yar, halkaasna in yar, si ay intay tagaan dib ugu dhacaan, oo ay u jajabaan, oo ay dabin ugu dhacaan, oo ay u noqdaan kuwa la qabtay.
Isai SomKQA 28:14  Haddaba sidaas daraaddeed kuwiinna wax quudhsada oo dadkan Yeruusaalem deggan u taliyow erayga Rabbiga maqla.
Isai SomKQA 28:15  Idinku waxaad tidhaahdeen, Axdi baan geerida la dhigannay, oo She'oolna heshiis baannu la nahay, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacayso na soo gaadhi mayso, waayo, been baannu gabbaad ka dhigannay, oo waxaannu ku hoos dhuumannay daacadla'aan,
Isai SomKQA 28:16  sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, Siyoon dhagax baan aasaas uga dhigay, waana dhagax la tijaabiyey, waana dhagax geeseed oo qaali ah oo aasaas la hubo ah, oo kii isaga rumaystaana ma degdegi doono.
Isai SomKQA 28:17  Oo caddaaladna waxaan ka dhigi doonaa xadhig qiyaaseed, xaqnimona waxaan ka dhigi doonaa xadhig miisaan leh, oo roobdhagaxyaaluhuna wuxuu xaaqi doonaa gabbaadka beenta, oo biyuhuna waxay qarqin doonaan meesha dhuumashada.
Isai SomKQA 28:18  Oo axdigii aad geerida la dhigateenna waa la burin doonaa, oo heshiiskiinnii aad She'ool la lahaydeenna ma hagaagi doono, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacaysona way idinku tuman doontaa.
Isai SomKQA 28:19  Oo markay dhacaysoba way idin kaxaysan doontaa, waayo, waxay dhici doontaa subax ka subax, iyo habeen iyo maalinba, oo in warka la garto waxay noqon doontaa cabsi uun.
Isai SomKQA 28:20  Waayo, sariirtu way ka gaaban tahay in qof isku kala bixin karo, oo aad buu uga yar yahay wax qof huwan karo.
Isai SomKQA 28:21  Waayo, Rabbigu wuxuu u soo kici doonaa siduu Buur Feraasiim ugu kacay, oo wuxuu u cadhoon doonaa siduu dooxada Gibecoon ugu cadhooday, inuu sameeyo shuqulkiisa, waana shuqulkiisa yaabka leh, iyo inuu falintiisa falo, waana falintiisa aan la fillayn.
Isai SomKQA 28:22  Haddaba sidaas daraaddeed ha noqonina kuwa wax quudhsada yaan waxa laydinku xidhay idinku sii adkaynine, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammada waxaan ka maqlay xukunkii baabbi'inta ee uu dhulka oo dhan la damacsan yahay.
Isai SomKQA 28:23  Dhegta ii dhiga, oo codkayga maqla, dhegaysta oo hadalkayga maqla.
Isai SomKQA 28:24  Kan beerta jeexa miyuu had iyo goorba beerta u jeexaa inuu wax abuuro aawadeed? Oo miyuu had iyo goorba beertiisa sii qodaa oo sii jeexaa?
Isai SomKQA 28:25  Markuuse beerta ciiddeeda oo dhan wada simo miyuusan ku firdhin kabsarmadowda, oo miyuusan khamuunta firdhin, oo sarreenkana miyuusan safsaf u beerin, iyo shaciirkana meeshiisii, iyo heeddana xagga darafka?
Isai SomKQA 28:26  Waayo, caqligaas Ilaahiisaa ku tacliimiya, oo isaga bara.
Isai SomKQA 28:27  Waayo, kabsarmadowda wax af leh laguma tumo, oo giringirta gaadhiguna khamuunta kuma kor wareegto, laakiinse kabsarmadowda siiqaa lagu garaacaa, oo khamuuntana ul baa lagu tumaa.
Isai SomKQA 28:28  Hadhuudhka kibista waa la tumaa, laakiinse had iyo goorba siima uu tumi doono, oo ma uu burburiyo in kastoo giringirta gaadhigiisa iyo fardihiisuba ay ku tuntaan.
Isai SomKQA 28:29  Oo taasuna waxay ka timaadaa Rabbiga ciidammada, kaasoo xagga talada yaab miidhan ah, oo xagga xigmaddana aad ugu weyn.
Chapter 29
Isai SomKQA 29:1  Waxaa iska hoogtay Arii'eel, Arii'eel oo ah magaaladii Daa'uud degay. Sannad ba sannad ku dara, oo ciiduhuna sidooda ha u soo wareegeen.
Isai SomKQA 29:2  Markaasaan Arii'eel dhibi doonaa, oo waxaa jiri doona baroor iyo oohin, oo waxay ii noqon doontaa sida Arii'eel oo kale.
Isai SomKQA 29:3  Oo aniguna waan ku hareerayn doonaa, oo qalcad baan kugu weerari doonaa, oo waxaan kugu kicin doonaa tuulmooyin.
Isai SomKQA 29:4  Oo hoos baa laguu soo dejin doonaa, oo dhulkaad ka dhex hadli doontaa, oo hadalkaaguna isagoo gaaban ayuu ciidda ka yeedhi doonaa, oo codkaaguna wuxuu ahaan doonaa sida mid ruuxaan leh oo dhulka ka yeedhaya, oo hadalkaaguna ciidduu ka shuqshuqlayn doonaa.
Isai SomKQA 29:5  Laakiinse shisheeyahaaga badanu waxay noqon doonaan sida boodh, oo kuwa laga cabsado oo tirada badanuna waxay noqon doonaan sida buunsho sii bidaya, oo taasuna si kedis ah ayay dhaqso ugu noqon doontaa.
Isai SomKQA 29:6  Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu la iman doonaa onkod, iyo dhulgariir, iyo sanqadh weyn, iyo cirwareen, iyo duufaan, iyo dab ololkiisu wax baabbi'inayo.
Isai SomKQA 29:7  Oo quruumaha badan oo Arii'eel la diriraya oo dhan, kuwaasoo iyada iyo qalcaddeeda la diriraya oo iyada dhibaba waxay noqon doonaan sida riyo ah wax habeennimo la arko.
Isai SomKQA 29:8  Oo waxay noqon doontaa sida nin gaajaysan oo ku riyooday isagoo wax cunaya, laakiinse markuu toosay arkay isagoo calooshiisu madhan tahay, amase sida nin oomman oo ku riyooday isagoo biyo cabbaya laakiinse markuu soo toosay arkay isagoo itaaldaran oo aan weli oonbeelin, oo quruumaha Buur Siyoon la diriraya oo dhammuna sidaas oo kalay wada noqon doonaan.
Isai SomKQA 29:9  Yaaba, oo naxa, indhihiinna xidha oo indhabbeela. Way sakhraansan yihiin, laakiinse khamri kuma ay sakhraamin, way dhacdhacayaan laakiinse wax lagu sakhraamo kuma ay dhacdhacaan.
Isai SomKQA 29:10  Waayo, Rabbigu wuxuu idinku riday hurdo weyn, wuxuuna awday indhihiinnii oo nebiyadii ahaa, wuxuuna daboolay madaxyadiinnii oo wax arkayaashii ahaa.
Isai SomKQA 29:11  Oo riyo kastaaba waxay idiin noqotay sidii erayadii qorniin shaabad lagu xidhay, oo loo dhiibay qof wax akhriyi kara, oo lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Ma aan akhriyi karo, waayo, shaabad buu ku xidhan yahay.
Isai SomKQA 29:12  Oo haddana qorniinkii waxaa loo dhiibaa mid aan akhris baran, oo waxaa lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Anigu waxba ma aan akhriyi karo.
Isai SomKQA 29:13  Haddaba Sayidku wuxuu yidhi, Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo cabsida ay iga qabaanna waa amarka dadka laga bartay,
Isai SomKQA 29:14  sidaas daraaddeed bal eega, waxaan mar kale dadkan dhexdiisa ku sii samayn doonaa waxyaalo yaab ah, waana waxyaalo yaab iyo naxdinba leh, oo xigmadda nimankooda xigmadda leh way baabbi'i doontaa, oo waxgarashada raggooda garashada lehna way qarsoomi doontaa.
Isai SomKQA 29:15  Waxaa iska hoogay kuwa taladooda Rabbiga aad uga qariya, oo shuqulladoodana gudcurka ku sameeya, oo sii yidhaahda, Bal yaa na arka? Yaase na og?
Isai SomKQA 29:16  Waa sidee qalloocnaantiinnu! Dheryasameeyaha ma in lagu tiriyaa dhoobada, si wixii la sameeyey, uu kii sameeyey ka yidhaahdo, Isagu ima uu samayn, wixii la suubbiyeyna uu kii suubbiyey ka yidhaahdo, Isagu waxba garan maayo?
Isai SomKQA 29:17  Sow in yaru kama hadhin intay Lubnaan beer midho badan u rogman doonto, oo beerta midhaha badanna duud oo kale lagu tirin doono?
Isai SomKQA 29:18  Oo wakhtigaas kuwa dhegaha la'u erayada qorniinka ayay maqli doonaan, oo kuwa indhaha la' indhahooduna wax bay mugdiga iyo gudcurka ka arki doonaan.
Isai SomKQA 29:19  Oo kuwa hooseeyaana aad bay Rabbiga ugu sii farxi doonaan, oo masaakiinta dadka ku dhex jirtaana waxay ku rayrayn doonaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
Isai SomKQA 29:20  Waayo, kii wax dulmi jiray siima jiri doono, oo kii wax quudhsan jirayna wuu dhammaan doonaa, oo kuwa xumaanta suga oo dhanna way baabbi'i doonaan,
Isai SomKQA 29:21  kuwaasoo ah kuwa nin hadal aawadiis xumaanfale kaga dhiga, oo dabinka u dhiga kan iridda ku garnaqa oo kan xaqa ahna ku leexiya wax aan waxba ahayn.
Isai SomKQA 29:22  Haddaba Rabbigii Ibraahim soo furtay wuxuu reer Yacquub ka leeyahay, Reer Yacquub haatan ceeboobi maayo, oo wejigiisuna mar dambe cabsi la caddaan maayo.
Isai SomKQA 29:23  Laakiinse carruurtiisu markay dhexdooda ku arkaan shuqulka gacmahayga ayay magacayga quduus ka dhigi doonaan, oo waxay quduus ka dhigi doonaan kan Quduuska ah ee reer Yacquub, oo waxay ka cabsan doonaan Ilaaha reer binu Israa'iil.
Isai SomKQA 29:24  Oo weliba kuwa xagga ruuxa ka qaldamaa garaad bay yeelan doonaan, oo kuwa iska gunuunacaana cilmi bay baran doonaan.
Chapter 30
Isai SomKQA 30:1  Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay dadka caasiyiinta ah oo talo aan iga iman ku talaggala, oo heshiis sameeya laakiinse aan xagga Ruuxayga ahayn, si ay dembiba dembi ugu sii daran,
Isai SomKQA 30:2  oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan!
Isai SomKQA 30:3  Haddaba sidaas daraaddeed xoogga Fircoon wuxuu idiin noqon doonaa ceeb, oo iskuhallayntii aad hooska Masar isku hallayseenna waxay idiin noqon doontaa sharafjab.
Isai SomKQA 30:4  Waayo, amiirradiisii Socan bay joogaan, oo ergooyinkiisiina Xaanees bay yimaadeen.
Isai SomKQA 30:5  Kulligood waxay ku ceeboobi doonaan dad aan iyaga waxba u tari karin, oo aan iyaga u ahayn caawimaad iyo faa'iido toona, laakiinse ceeb iyo sharafjab u soo jiidi doona.
Isai SomKQA 30:6  Kanu waa warka culus ee xayawaanka koonfureed ku saabsan. Waxay maalkooda dameerro dhabarkooda ugu raraan oo ay khasnadahoodana awr kuruskeed ugu qaataan dad aan iyaga waxba u tari doonin, oo waxay dhex maraan dalka dhibka iyo cidhiidhiga oo ay goosha iyo aarka, iyo jilbiska iyo masduulaaga dabka lahu ka yimaadaan.
Isai SomKQA 30:7  Waayo, caawimaadda Masar waa wax aan waxba tarayn oo aan innaba qasti lahayn, oo sidaas daraaddeed waxaan magaceedii u bixiyey Raxabta iska fadhida.
Isai SomKQA 30:8  Haddaba tag, oo waxaad hortooda warkan ku qortaa loox, oo kitaabna ku qor, si uu wakhtiga soo socda markhaati ugu noqdo weligiis iyo weligiisba,
Isai SomKQA 30:9  waayo, kuwanu waa ummad caasiyowday, iyo dad been miidhan ah, iyo dad aan doonayn inay sharciga Rabbiga maqlaan,
Isai SomKQA 30:10  oo waxay waxarkayaasha ku yidhaahdaan, Waxba ha arkina, oo nebiyadana waxay ku yidhaahdaan, Wax qumman ha noo sheegina, ee waxaad noo sheegtaan waxyaalo macmacaan oo khiyaano miidhan ah.
Isai SomKQA 30:11  Jidka ka leexda, oo wadiiqadana ka weecda, oo hortayadana kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil ka fogeeya.
Isai SomKQA 30:12  Haddaba sidaas daraaddeed kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinku eraygan waad quudhsataan oo waxaad isku hallaysaan oo ku tiirsataan dulmi iyo qalloocnaan,
Isai SomKQA 30:13  sidaas daraaddeed xumaantanu waxay idiin noqon doontaa sida derbi dheer oo kala dillaacay oo diyaar u ah inuu dhaco, kaasoo haddiiba si dhaqso ah u soo dumaya.
Isai SomKQA 30:14  Oo isna wuxuu u burburin doonaa sida weelka dheryasameeyahu u burburo oo kale, isagoo burburinaya oo aan u tudhayn, oo sidaas aawadeed burburkiisa lagama dhex heli doono jajab dab meeshiisa lagaga qaado ama biyo berkedda lagaga dhuro.
Isai SomKQA 30:15  Waayo, Sayidka Rabbiga ah oo ah kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu yidhi, Soo noqosho iyo nasasho ayaad ku badbaadi doontaan, oo xasilloonaan iyo kalsooni ayaad xoog ku yeelan doontaan, laakiinse ma aydaan doonayn.
Isai SomKQA 30:16  Laakiinse idinku waxaad tidhaahdeen, Saas ma noqon doonto, waayo, fardaan ku carari doonnaa, haddaba sidaas daraaddeed waad carari doontaan. Oo waxaad tidhaahdeen, Waxaan fuuli doonnaa fardaha dheereeya, haddaba sidaas aawadeed kuwa idin eryanayaa waxay noqon doonaan kuwa aad u dheereeya.
Isai SomKQA 30:17  Kun qof waxay ka carari doonaan mid qudha cabsigelintiis, idinkuna waxaad ka carari doontaan shan bajintood, ilaa intiinna hadhay ay noqdaan sida tiir buur dhaladeed laga taagay iyo sida calan kur dusheed la saaray.
Isai SomKQA 30:18  Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu sugayaa inuu idiin roonaado, oo wuxuu u sarreeyaa inuu idiin naxariisto, waayo, Rabbigu waa Ilaah caddaalad badan, oo waxaa barakaysan kuwa isaga sugaya oo dhan.
Isai SomKQA 30:19  Reer Siyoon oo Yeruusaalem degganow, mar dambe ma aad ooyi doontaan, waayo, isagu hubaal aad buu idiinku roonaan doonaa markaad qaylisaan, oo markuu maqlo wuu idiin jawaabi doonaa.
Isai SomKQA 30:20  Oo in kastoo uu Sayidku idin siiyo cuntada dhibta iyo biyaha silica haddana kuwa wax idin bara mar dambe ma qarsoomi doonaan, laakiinse indhahiinnu kuwa wax idin bara way arki doonaan.
Isai SomKQA 30:21  Oo markaad midigta u leexataan iyo markaad bidixda u leexataanba waxaad xagga dambe ka maqli doontaan eray leh, Jidkii waa kan ee ku socda.
Isai SomKQA 30:22  Oo weliba waxaad nijaasayn doontaan sanamyadiinna la qoray oo lacagta lagu dahaadhay, iyo sanamyadiinna la shubay oo dahabka lagu dahaadhay, oo waxaad iyagu u xoori doontaan sida wax wasakhaysan, oo waxaad ku odhan doontaan, Ordoo iska baxa!
Isai SomKQA 30:23  Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.
Isai SomKQA 30:24  Oo dibida iyo dameeraha dhulka qodaana waxay cuni doonaan cunto dhanaan oo gacaf iyo fargeeto weyn lagu haadiyey.
Isai SomKQA 30:25  Oo wakhtiga laynta weyn oo munaaraduhu soo wada dhici doonaan buur kasta oo dheer iyo kur kasta oo dheerba waxaa jiri doona webiyo iyo durdurro biya ah.
Isai SomKQA 30:26  Oo weliba iftiinka dayaxu wuxuu noqon doonaa sida nuurka qorraxda, oo nuurka qorraxduna wuxuu toddoba jibbaar u noqon doonaa sida toddoba maalmood iftiinkood oo kale, waana maalinta Rabbigu nabarka dadkiisa duubi doono oo uu dhaawacooda ku dhacay bogsiin doono.
Isai SomKQA 30:27  Bal eega, Rabbiga magiciisu meel fog buu ka imanayaa, isagoo cadho la ololaya, oo qiiqiisuna wuu weyn yahay, oo bushimihiisana dhirif baa ka buuxa, oo carrabkiisuna waa sida dab wax gubaya.
Isai SomKQA 30:28  Oo neeftiisuna waa sida durdur wax qarqinaya, oo xataa tan iyo qoorta gaadhaya, inuu quruumaha ku kala shaandheeyo shaandho halaag ah, oo dadka afkiisana waxaa ku jiri doona xakame qalda.
Isai SomKQA 30:29  Idinku waad gabyi doontaan sida habeen iid quduus ah la sameeyo, oo qalbigaad ka farxi doontaan sida marka biibiile loola sii socdo buurta Rabbiga in Kan dhagaxa u ah reer binu Israa'iil loo tago.
Isai SomKQA 30:30  Oo Rabbiguna wuxuu ka dhigi doonaa in cod kiisa haybadda badan la maqlo, oo wuxuu muujin doonaa soodejinta gacantiisa, oo ay la jiraan dhirifkii cadhadiisa, iyo dab wax gubaya ololkiis, iyo roob weyn oo kedis ah, iyo duufaan, iyo roobdhagaxyaale.
Isai SomKQA 30:31  Waayo, kan reer Ashuur oo wax ushiisa ku dhufan jiray waxaa burburin doona codka Rabbiga,
Isai SomKQA 30:32  Oo darbad kasta oo usha loo diyaariyeyba, kaasoo Rabbigu saari doono, waxaa la jiri doona daf iyo kataarado, oo wuxuu kula diriri doonaa dagaallo gariir badan.
Isai SomKQA 30:33  Waayo, Tofed waa horaa la sii diyaarshay, oo waxaa loo sii hagaajiyey boqorka, oo aad buu u sii qoday oo uu sii ballaadhiyey, oo waxaa ka tuullan dab iyo qoryo faro badan, oo waxaa shidaysa neeftii Rabbiga oo la moodo sida durdur baaruud ah.
Chapter 31
Isai SomKQA 31:1  Waxaa iska hoogay kuwa Masar caawimaad ugu dhaadhaca, oo fardo ku kalsoonaada, oo gaadhifardoodyo isugu halleeya badidooda aawadeed, oo fardooleyna isugu halleeya xooggooda badan aawadiis, laakiinse aan Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil fiirin, oo aan Rabbigana innaba doondoonin.
Isai SomKQA 31:2  Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya.
Isai SomKQA 31:3  Haddaba bal ogaada in Masriyiintu ay binu-aadmi yihiin, oo ayan Ilaah ahayn, iyo in fardahoodu ay jiidh yihiin, oo ayan ruux ahayn, oo markii Rabbigu gacantiisa soo fidiyo kan wax caawiyaa wuu kufi doonaa, kan la caawiyana wuu dhici doonaa, oo labadooduba way wada halligmi doonaan.
Isai SomKQA 31:4  Waayo, Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Sida aar libaax iyo libaax yar oo raq ku kor guuxa, oo markii adhijirro badan loogu yeedho aan codkooda ka baqin ama aan qayladooda ka cabsan ayaa Rabbiga ciidammadu u soo degi doonaa inuu Buur Siyoon iyo kurteeda korkood ku diriro.
Isai SomKQA 31:5  Sida shimbirro duulaya ayaa Rabbiga ciidammadu Yeruusaalem u daafici doonaa, wuu daafici oo wuu samatabbixin doonaa, wuuna u tudhi doonaa oo badbaadin doonaa.
Isai SomKQA 31:6  Reer binu Israa'iilow, u soo noqda kii aad aad uga caasiyowdeen.
Isai SomKQA 31:7  Waayo, maalintaas nin kastaaba wuxuu iska xoori doonaa sanamyadiisii lacagta ahaa iyo sanamyadiisii dahabka ahaa oo ay gacmihiinnu dembi idiinku sameeyeen.
Isai SomKQA 31:8  Oo markaas kan reer Ashuur wuxuu ku le'an doonaa seef aan binu-aadmi ka iman, oo seefta aan xagga dadka ka iman ayaa dili doonta, oo seeftuu ka carari doonaa, oo barbaarradiisuna addoommo bay noqon doonaan.
Isai SomKQA 31:9  Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.
Chapter 32
Isai SomKQA 32:1  Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.
Isai SomKQA 32:2  Oo ninba wuxuu noqon doonaa meel dabaysha lagaga dhuunto iyo gabbaad duufaanka laga dugsado, iyo sida webiyo biya ah oo meel engegan ku yaal, iyo sida hoos dhagax weyn oo dal oommane ah ku yaal.
Isai SomKQA 32:3  Oo kuwii arka indhahoodu ma ay awdmi doonaan, oo kuwii maqla dhegahooduna way dhegaysan doonaan.
Isai SomKQA 32:4  Oo kuwa wax walba ku degdega qalbigoodu aqoontuu garan doonaa, oo kuwa gangada leh carrabkooduna wuxuu diyaar u ahaan doonaa inuu bayaan u hadlo.
Isai SomKQA 32:5  Oo mar dambe lama odhan doono, Nacasku waa gob, oo lama odhan doono, Xoolocirdoonku waa deeqsi.
Isai SomKQA 32:6  Waayo, nacasku nacasnimuu ku hadli doonaa, oo qalbigiisuna xumaan buu samayn doonaa si uu cibaadala'aan ugu isticmaalo oo uu wax been ah Rabbiga ka sheego, inuu nafta gaajaysan sii madhiyo oo uu kii oomman cabniinkiisa gooyo.
Isai SomKQA 32:7  Oo xoolocirdoonka hubkiisuna waa shar miidhan, oo wuxuu hindisaa hindisayaal shar ah si uu masaakiinta erayo been ah ugu baabbi'iyo, xataa haddii saboolku si qumman u hadlo.
Isai SomKQA 32:8  Laakiinse deeqsigu wuxuu hindisaa waxyaalo deeqsinimo ah, oo wuxuu ku sii adkaan doonaa waxyaalo deeqsinimo ah.
Isai SomKQA 32:9  Naagaha istareexsanow, kaca, oo codkayga maqla, gabdhaha aan digtoonaynow, Erayga dhegta u dhiga.
Isai SomKQA 32:10  Naagaha aan digtoonaynow, sannad iyo dhawr maalmood ayaad dhibtoon doontaan, waayo, canabguriddu ma jiri doonto oo midho-urursiguna ma iman doono.
Isai SomKQA 32:11  Naagaha istareexsanow, gariira, oo kuwiinna aan digtoonaynow, dhibtooda. Ismudhxiya, oo isqaawiya, oo dhar joonyad ah dhexda ku xidha.
Isai SomKQA 32:12  Beerihii wanaagsanaa iyo canabkii midhaha badnaa ee la waayay aawadood ayay naasahooda u garaaci doonaan.
Isai SomKQA 32:13  Oo dalka dadkayga iyo xataa guryaha farxadda oo magaalooyinka faraxsan ku yaal oo dhan waxaa ka soo bixi doona qodxan iyo yamaarug,
Isai SomKQA 32:14  maxaa yeelay, daarta boqornimada waa laga tegi doonaa, oo magaalada dadka badanna waa laga kici doonaa, oo buurta iyo munaaradduna waxay weligood ahaan doonaan godad dugaag, iyo farxad dameer banjoog ah, iyo daaqsin idaad,
Isai SomKQA 32:15  ilaa Ruuxa xagga sare nalagu kor shubo, oo cidladuna ay noqoto beer midho badan, oo beerta midhaha badanna sida duud oo kale lagu tiriyo.
Isai SomKQA 32:16  Oo markaas dabadeed ayaa caddaaladu cidlada joogi doontaa, oo xaqnimona waxay ku sii jiri doontaa beerta midhaha badan.
Isai SomKQA 32:17  Oo xaqnimada shuqulkeeduna wuxuu ahaan doonaa nabad, xaqnimaduna weligeed waxay keeni doontaa xasilloonaan iyo kalsooni.
Isai SomKQA 32:18  Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto.
Isai SomKQA 32:19  Laakiinse roobdhagaxyaale ahu wuxuu ku soo degi doonaa duudda, oo magaaladana hoos baa loo soo dejin doonaa.
Isai SomKQA 32:20  Waxaa barakaysan kuwiinna biyo dhinacyadooda oo dhan wax ku abuura oo dibiga iyo dameerka u sii daaya inay daaqaan.
Chapter 33
Isai SomKQA 33:1  Adaa iska hoogay, kaaga wax dhaca oo aan adiga wax lagaa dhicin oo wax khiyaaneeya oo aan adiga lagu khiyaanayn. Markaad waxdhicidda joojisid ayaa adiga wax lagaa dhici doonaa, oo markaad waxkhiyaanaynta joojisid ayaa adiga lagu khiyaanayn doonaa.
Isai SomKQA 33:2  Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.
Isai SomKQA 33:3  Buuqa gurdanka ayaa dadyowgii ka carareen, oo sarajoogsigaaga ayay quruumihii la kala firdheen.
Isai SomKQA 33:4  Oo boolidiinna waxaa loo soo urursan doonaa sida diirtu wax u urursato oo kale, oo waxaa loogu boodi doonaa sida ayaxu ugu boodboodo oo kale.
Isai SomKQA 33:5  Rabbigu wuu sarreeyaa, waayo, meel saruu joogaa, oo wuxuu Siyoon ka buuxiyey caddaalad iyo xaqnimo.
Isai SomKQA 33:6  Oo wakhtigaaguna wuxuu ahaan doonaa ammaan, iyo badbaado, iyo xigmad, iyo aqoon miidhan, oo cabsida Rabbiguna waxay tahay khasnaddiisa.
Isai SomKQA 33:7  Bal eega, kuwoodii xoogga badnaa dibadday ka qaylinayaan, oo ergooyinkii nabadduna si qadhaadh bay u ooyayaan.
Isai SomKQA 33:8  Jidadkii waaweynaa way baabba'san yihiin, oo dadkii mari jirayna way ka joogsadeen. Isagu axdigii wuu jebiyey, oo magaalooyinkiina wuu quudhsaday, oo ninna dan kama galo.
Isai SomKQA 33:9  Dalku waa barooranayaa, waana taag gabayaa, Lubnaan way ceebowday, oo way engegtay, Shaaroon waa sida lamadegaan oo kale, oo Baashaan iyo Karmelna caleentii bay daadinayaan.
Isai SomKQA 33:10  Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadda waan kacayaa, hadda kor baan isu qaadayaa, oo hadda waan sara marayaa.
Isai SomKQA 33:11  Waxaad uuraysan doontaan buunshe, oo waxaad dhali doontaan xaab, oo neeftiinnuna waa dab idin baabbi'in doona.
Isai SomKQA 33:12  Oo dadkuna wuxuu noqon doonaa sida nuurad la shiday, iyo sida qodxan la jaray oo dab lagu gubay.
Isai SomKQA 33:13  Kuwiinna fogow, waxaan sameeyey maqla, oo kuwiinna dhowow, xooggayga aqoonsada.
Isai SomKQA 33:14  Dembilayaasha Siyoon dhex jooga way cabsanayaan, oo cibaadalaawayaashuna cabsi bay la gariirayaan, bal keennee baa dabkan wax gubaya dhex joogi doona? Oo keennee baa gubasho weligeed ah dhex joogi doona?
Isai SomKQA 33:15  Kii si xaqnimo ah u socda, oo si qumman u hadla, oo faa'iidada dulmiga quudhsada, kii laaluush qaadashadiis ka gacmo jafjafta, oo maqlidda dhiigdaadinta dhegihiisa ka furaysta, oo indhihiisana isku qabsada si uusan wax shar ah u arag,
Isai SomKQA 33:16  kaasu wuxuu fadhiyi doonaa meel sare, oo gabbaadkiisuna wuxuu noqon doonaa dhufays dhagaxyo ah, oo cuntadiisa baa la siin doonaa, oo biyihiisuna waxay ahaan doonaan kuwa la hubo.
Isai SomKQA 33:17  Indhahaagu waxay arki doonaan Boqorka oo quruxdiisa huwan, oo waxay arki doonaan dhul ilaa meel fog kala baxsan.
Isai SomKQA 33:18  Qalbigaagu wuxuu ka fikiri doonaa cabsida. Meeh karraanigii wax tirin jiray? Oo meeh kii baadda miisaami jiray? Oo meeh kii munaaradaha tirin jiray?
Isai SomKQA 33:19  Mar dambe ma aad arki doontid dadka cadhada kulul, ee uusan hadalkoodu kuu dhicin, oo leh af qalaad oo aadan innaba garan karin.
Isai SomKQA 33:20  Bal eeg Siyoon oo ah magaaladii iidaheenna. Indhahaagu waxay arki doonaan Yeruusaalem oo ah rug xasilloon, iyo teendho aan la qaadi doonin, oo aan dhidbeheedana weligood la rujin doonin, oo aan xadhkeheeduna go'i doonin.
Isai SomKQA 33:21  Laakiinse Rabbiga haybadda badanu wuxuu halkaas inoogu noqon doonaa meel webiyo ballaadhan iyo durdurro leh, oo ayan huuriyo seeb lahu mari doonin, oo aan doonniyaha waaweynuna dhaafi doonin.
Isai SomKQA 33:22  Waayo, Rabbigu waa xaakinkeenna, oo Rabbigu waa taliyaheenna, oo Rabbigu waa boqorkeenna wuuna ina badbaadin doonaa.
Isai SomKQA 33:23  Xadhkihii way dabceen, oo salka daqalkiina lama xoojin karin, shiraaqiina lama kala fidin karin, markaasaa waxaa la qaybsaday booli badan, oo curyaankuna wixii la dhacay buu qaatay.
Isai SomKQA 33:24  Oo kan halkaas deggan ma odhan doono, Waan bukaa, oo dadka dhexdeeda degganna xumaantooda waa laga cafiyi doonaa.
Chapter 34
Isai SomKQA 34:1  Quruumahow, u soo dhowaada si aad wax u maqashaan, oo dadyowgow, i dhegaysta, dhulka iyo waxa ka buuxa iyo dunida iyo waxyaalaha ka soo baxa oo dhammu ha maqleen.
Isai SomKQA 34:2  Waayo, Rabbigu wuxuu u cadhaysan yahay quruumaha oo dhan, oo wuxuuna u dhirifsan yahay ciidammadooda oo dhan. Dhammaantood wuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu iyaga u gudbiyey in la laayo.
Isai SomKQA 34:3  Oo weliba kuwoodii la laayayna waa la xoori doonaa, oo qudhmuunkooduna wuxuu ka soo uri doonaa bakhtigooda, oo buurahana dhiiggoodaa ka soo qulquli doona.
Isai SomKQA 34:4  Oo ciidanka samada oo dhammuna wuu wada idlaan doonaa, oo samooyinka oo dhanna waa la wada duudduubi doonaa sida qorniin duudduuban oo kale, oo ciidankooda oo dhammuna hoos buu u soo daadan doonaa sida caleenu geed canab ah uga dhacdo iyo sida xabbad berde ahu geed berde ah uga soo dhacdo.
Isai SomKQA 34:5  Waayo, seeftaydu samooyinkay ka dheregtay oo bal eega, waxay ku soo degi doontaa Edom iyo dadkii aan habaaray inay xukunto.
Isai SomKQA 34:6  Waayo, seeftii Rabbiga dhiig baa ka buuxsamay, oo waxay ka dheregtay baruur, iyo dhiig baraar iyo orgi, iyo baruurta kelyaha ee wananka, waayo, Rabbigu wuxuu qurbaan ku samaynayaa Bosraah, oo dalka Edomna layn weyn.
Isai SomKQA 34:7  Oo lo'gisiguna iyaguu la dhici doonaa, oo dibida yaryaruna dibida waaweyn bay la dhici doonaan, oo dalkooduna dhiig buu ka wabxi doonaa oo ciiddooduna baruur bay ka dhergi doontaa.
Isai SomKQA 34:8  Waayo, taasu waa maalinta aarsashada Rabbiga, iyo sannaddii abaalgudka dacwaddii Siyoon loo qabay.
Isai SomKQA 34:9  Oo durdurradooduna waxay u beddelmi doonaan daamur, oo ciiddooduna waxay u beddelmi doontaa baaruud, oo dhulkooduna wuxuu noqon doonaa daamur gubanaya.
Isai SomKQA 34:10  Oo habeen iyo maalinba lama demin doono, oo qiiqiisuna weligiisba kor buu u bixi doonaa, oo tan iyo ab ka abna cidla ayuu ahaan doonaa, oo weligiis iyo weligiisba ciduna ma dhex mari doonto.
Isai SomKQA 34:11  Laakiinse waxaa iska hantiyi doona cantalyaaga iyo caanaqubta, oo waxaa dhexdiisa degganaan doona guumays iyo tuke, oo isna wuxuu korkiisa ku fidin doonaa xadhigga qiyaaseed ee qasnaanta, iyo xadhigga miisaanka leh ee baabbi'inta.
Isai SomKQA 34:12  Raggiisa gobta ah waxaa loogu yeedhi doonaa boqortooyada, laakiinse midkoodna halkaas ma joogi doono, oo amiirradiisa oo dhammuna waxba ma ay ahaan doonaan.
Isai SomKQA 34:13  Oo daarihiisa waaweynna waxaa ka soo bixi doona qodxan, oo qalcadihiisana waxaa ka soo bixi doona maraboob iyo yamaarug, oo waxay noqon doonaan dawacooyin rugtood, iyo barxad gorayo daaqdo.
Isai SomKQA 34:14  Oo xayawaanka lamadegaankuna waxay halkaas kula kulmi doonaan yeyda, bahalka dhogorta dheer lehna wuxuu u qaylin doonaa wadaygiis, oo guumaysuhuna halkaasay degi doonaan, oo waxay nafsaddooda u heli doonaan meel ay ku nastaan.
Isai SomKQA 34:15  Oo abeesaduna halkaasay buul ka samaysan doontaa, oo ukunteeda ku dhali doontaa, oo ku dillaacin doontaa, oo waxay ku soo ururin doontaa hooskeeda, oo gorgoraduna halkaasay ku soo ururi doonaan, oo mid kastaaba waxay la jiri doontaa ka qaba.
Isai SomKQA 34:16  Bal doondoona kitaabka Rabbiga oo akhriya. Waxyaalahaas miduna kama baaqan doonto, oo midunaba ka qaba ma waayi doonto, waayo, Rabbiga afkiisaa amray oo waxaa iyaga soo ururiyey Ruuxiisa.
Isai SomKQA 34:17  Oo isagaa saamiga u tuuray, oo gacantiisaa xadhig qiyaaseed ugu qaybisay, oo iyana weligoodba way iska hantiyi doonaan, oo tan iyo ab ka abna way dhex degganaan doonaan.
Chapter 35
Isai SomKQA 35:1  Cidlada iyo dhulka engeganuba way farxi doonaan, oo lamadegaankuna wuu rayrayn doonaa, oo wuxuu u magooli doonaa sida ubaxnarjiska.
Isai SomKQA 35:2  Aad iyo aad buu u magooli doonaa, oo xataa wuxuu ku rayrayn doonaa farxad iyo gabay, oo waxaa la siin doonaa ammaantii Lubnaan iyo haybaddii Karmel iyo Shaaroon. Waxaa la arki doonaa ammaanta Rabbiga iyo haybadda Ilaaheenna.
Isai SomKQA 35:3  Gacmaha taagta daran xoogeeya, oo jilbaha tabarta yarna adkeeya.
Isai SomKQA 35:4  Kuwa qalbigoodu cabsanayo waxaad ku tidhaahdaan, Xoog yeesha oo ha cabsanina, waayo, Ilaahiinnu wuxuu la iman doonaa aarsasho iyo abaalmarintii Ilaah, wuu iman doonaa, wuuna idin badbaadin doonaa.
Isai SomKQA 35:5  Oo markaasaa kuwa indhaha la' indhahoodu furmi doonaan, oo kuwa dhegaha la' dhegahooda furka laga bixin doonaa.
Isai SomKQA 35:6  Oo markaasaa ninkii curyaan ahu wuxuu u boodboodi doonaa sida deerada oo kale, oo kii carrab la' carrabkiisuna wuu gabyi doonaa, waayo, cidlada biyaa ka soo burqan doona, oo lamadegaankana durdurraa ka soo bixi doona.
Isai SomKQA 35:7  Oo dhulkii engegay wuxuu noqon doonaa balli, oo dalkii oommanaha ahaana wuxuu noqon doonaa ilo biyo ah, oo rugtii dawacooyinku jiifsan jireenna waxaa ka soo bixi doona caws iyo gobays iyo dareemo.
Isai SomKQA 35:8  Oo waxaa halkaas jiri doona jid weyn, oo waxaa jidka loo bixin doonaa Jidkii Quduusnimada, kuwa aan daahirsanaynuna ma mari doonaan, laakiinse waxaa leh kuwa isaga jidka la socda, oo xataa nacasyaduna kuma qaldami doonaan.
Isai SomKQA 35:9  Oo halkaas libaax ma jiri doono, oo bahal dugaag ahuna ma mari doono, oo innaba iyaga halkaas lagama heli doono, laakiinse waxaa jidkaas mari doona kuwa la soo furtay.
Isai SomKQA 35:10  Oo kuwii Rabbigu soo madaxfurtayna way soo noqon doonaan, oo iyagoo gabyaya oo weligoodba aad u faraxsan ayay Siyoon iman doonaan, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo caloolxumo iyo taahiduna way iska dhammaan doonaan.
Chapter 36
Isai SomKQA 36:1  Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.
Isai SomKQA 36:2  Oo boqorkii Ashuurna wuxuu Laakiish ka diray Rabshaaqeeh oo ciidan faro badan wata, oo wuxuu Boqor Xisqiyaah ugu diray Yeruusaalem. Oo wuxuu is ag taagay biyomareenkii balliga sare kaasoo ku dhex yiil waddada berrinkii dharmaydhaha.
Isai SomKQA 36:3  Oo markaasaa waxaa u soo baxay Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraaniga ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo ahaa taariikhqorihii.
Isai SomKQA 36:4  Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?
Isai SomKQA 36:5  Waxaan kugu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Dagaal waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiin afka uun baad ku tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa?
Isai SomKQA 36:6  Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa, oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
Isai SomKQA 36:7  Laakiinse haddaad igu tidhaahdid, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?
Isai SomKQA 36:8  Haddaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid.
Isai SomKQA 36:9  Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?
Isai SomKQA 36:10  Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.
Isai SomKQA 36:11  Markaasaa Elyaaqiim iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, waayo, isagaannu garanaynaa, oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.
Isai SomKQA 36:12  Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka erayadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay xaarkooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan?
Isai SomKQA 36:13  Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla erayadii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.
Isai SomKQA 36:14  Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu idin samatabbixiyo.
Isai SomKQA 36:15  Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.
Isai SomKQA 36:16  Haddaba Xisqiyaah ha maqlina, waayo, boqorkii Ashuur wuxuu leeyahay, Nabad ila dhigta, oo ii soo baxa, oo midkiin waluba wax ha ka cuno canabkiisa iyo geedkiisa berde, oo midkiin waluba ha cabbo biyaha ceelkiisa,
Isai SomKQA 36:17  intaanan iman oo idiin kaxayn dal dalkiinna la mid ah, oo ah dal hadhuudh iyo khamri leh, oo ah dal kibis iyo beerocanab leh.
Isai SomKQA 36:18  Iska jira oo yuusan Xisqiyaah idin sasabin isagoo leh, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa. Waayo, quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu dalkiisii ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?
Isai SomKQA 36:19  Bal meeye ilaahyadii Xamaad iyo Arfaad? Oo meeye ilaahyadii Sefarwayiim? Iyagu miyey Samaariya ka samatabbixiyeen gacantayda?
Isai SomKQA 36:20  Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa?
Isai SomKQA 36:21  Laakiinse way iska aamuseen oo xataa eray keliya uguma ay jawaabin, waayo, boqorku wuxuu ku amray oo yidhi, Ha u jawaabina.
Isai SomKQA 36:22  Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.
Chapter 37
Isai SomKQA 37:1  Oo markii Boqor Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.
Isai SomKQA 37:2  Markaasuu Elyaaqiim oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo duqowdii wadaaddada iyagoo joonyado qaba u diray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos.
Isai SomKQA 37:3  Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Xisqiyaah wuxuu kugu leeyahay, Maanta waa maalin dhibaato, iyo canaan, iyo cay, waayo, carruurtii way dhalan lahayd, laakiinse xoog lagu dhalaa ma jiro.
Isai SomKQA 37:4  Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool, waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay, haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.
Isai SomKQA 37:5  Sidaas daraaddeed Boqor Xisqiyaah addoommadiisii waxay u yimaadeen, Ishacyaah.
Isai SomKQA 37:6  Oo Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen.
Isai SomKQA 37:7  Bal ogow, jinni baan gelin doonaa, oo belef buu maqli doonaa, markaasuu ku noqon doonaa dalkiisii, oo waxaan ka dhigi doonaa in seef lagu dilo, isagoo dalkiisii jooga.
Isai SomKQA 37:8  Markaasaa Rabshaaqeeh intuu noqday wuxuu helay boqorkii Ashuur oo la diriraya Libnaah, waayo, wuxuu maqlay inuu Laakiish ka tegey.
Isai SomKQA 37:9  Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro, ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah isagoo leh,
Isai SomKQA 37:10  Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.
Isai SomKQA 37:11  Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalkan oo dhan ku sameeyeen iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen, haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?
Isai SomKQA 37:12  Quruumihii ay awowayaashay baabbi'iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa?
Isai SomKQA 37:13  Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac iyo kii Ciwaah?
Isai SomKQA 37:14  Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaaday gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga, oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.
Isai SomKQA 37:16  Rabbiyow, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iil, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey.
Isai SomKQA 37:17  Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag, bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo oo dhan.
Isai SomKQA 37:18  Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii oo dhan iyo dalalkoodiiba,
Isai SomKQA 37:19  oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen.
Isai SomKQA 37:20  Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaahayagow, gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyuhu Rabbiga tahay.
Isai SomKQA 37:21  Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday,
Isai SomKQA 37:22  taas aawadeed Rabbigu wuxuu ku hadlay eraygan isaga ku saabsan, Gabadha bikradda ah oo Siyoon ahu Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay, Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay.
Isai SomKQA 37:23  Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
Isai SomKQA 37:24  Addoommadaada ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda, Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meeshiisa ugu dheer oo fog iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan.
Isai SomKQA 37:25  Anigu waan qoday oo biyaan cabbay, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.
Isai SomKQA 37:26  War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey, Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas ka yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.
Isai SomKQA 37:27  Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen, Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh intaanu korin.
Isai SomKQA 37:28  Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.
Isai SomKQA 37:29  Cadhadaadii aad ii cadhootay Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.
Isai SomKQA 37:30  Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad, sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay, oo sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beero canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.
Isai SomKQA 37:31  Markaasay kuwii hadhay oo reer Yahuudah ka baxsaday mar kalay xididdo hoos u bixin doonaan, midhona kor bay u dhali doonaan.
Isai SomKQA 37:32  Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona, oo qiirada Rabbiga ciidammada ayaa taas samayn doonta.
Isai SomKQA 37:33  Haddaba Rabbigu saasuu uga hadlay boqorka Ashuur oo yidhi, Isagu magaaladan iman maayo, fallaadhna ku soo gani maayo, horteedana gaashaan la iman maayo, taallo ciid ahna ag tuuli maayo.
Isai SomKQA 37:34  Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidkuu ku yimid ayuu ku noqon doonaa, oo magaaladan iman maayo.
Isai SomKQA 37:35  Waayo, anigu magaaladan waxaan u daafici doonaa oo u badbaadin doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa'uud daraaddiis.
Isai SomKQA 37:36  Markaasaa malaa'igtii Rabbigu baxday oo waxay xeradii reer Ashuur ka laysay boqol iyo shan iyo siddeetan kun oo nin, oo aroor hore markii la toosay waxay wada ahaayeen meyd.
Isai SomKQA 37:37  Markaasaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur intuu tegey Nineweh ku noqday oo degay.
Isai SomKQA 37:38  Oo markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay wiilashiisii oo ahaa Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen, markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.
Chapter 38
Isai SomKQA 38:1  Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday. Markaasaa Nebi Ishacyaah ina Aamoos u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reerkaaga la dardaaran, waayo, waad dhimanaysaa oo sii noolaan maysid.
Isai SomKQA 38:2  Markaasaa Xisqiyaah wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay oo yidhi,
Isai SomKQA 38:3  Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.
Isai SomKQA 38:4  Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Ishacyaah oo ku yidhi,
Isai SomKQA 38:5  Tag, oo waxaad Xisqiyaah ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Daa'uud wuxuu leeyahay, Baryootankaagii waan maqlay, ilmadaadiina waan arkay, haddaba cimrigaagiina waxaan kuugu dari doonaa shan iyo toban sannadood.
Isai SomKQA 38:6  Oo adiga iyo magaaladanba waan ka samatabbixin doonaa gacanta boqorka Ashuur, oo magaaladanna waan daafici doonaa.
Isai SomKQA 38:7  Oo haddaba calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu Rabbigu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan:
Isai SomKQA 38:8  bal eeg, waxaan dib u soo celin doonaa hooska derejooyinka, intuu hore uga socday toban derejo oo ah derejooyinkii Aaxaas. Sidaasay qorraxdu dib ugu soo noqotay toban derejo oo ay hore u dhaaftay.
Isai SomKQA 38:9  Kanu waa qorniinkii Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo uu qoray markuu bukay, oo uu haddana cudurkiisii ka bogsaday.
Isai SomKQA 38:10  Anigu waxaan is-idhi, Cimrigayga oo badh ah ayaan irdihii She'ool sii mari doonaa, Oo intii cimrigayga ka hadhayna waa layga qaaday.
Isai SomKQA 38:11  Waxaan is-idhi, Ma aan arki doono Rabbiga, kaasoo ah Rabbiga dalka kuwa nool jooga, Mar dambena ma arki doono qof ka mid ah dadka dunida deggan.
Isai SomKQA 38:12  Rugtaydii waa layga fogeeyey, oo sidii adhijir teendhadiis ayaa la iiga qaaday. Sida dharsameeye ayaan noloshaydii u duudduubay, oo wuxuu iga gooynayaa alaabtiisa uu dharka ku sameeyo, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.
Isai SomKQA 38:13  Oo tan iyo aroortii ayaan fikirayay, isagu lafahayga oo dhan ayuu u jejebiyaa sida libaax oo kale, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.
Isai SomKQA 38:14  Sidii dabafallaadh iyo saratoosiye oo kale ayaan u dhawaaqay. Oo waxaan u baroortay sidii qoolley oo kale, oo indhahaygu daal bay la gudheen sidaan kor u fiirinayay, Rabbiyow, waa lay dulmay, ee i caawi.
Isai SomKQA 38:15  Haddaba bal maxaan idhaahdaa? Isagu wuu ila hadlay, oo weliba isaga qudhiisaa waxan sameeyey. Haddaba cimrigayga oo dhan tartiib baan u socon doonaa qadhaadhka naftayda aawadiis.
Isai SomKQA 38:16  Sayidow, dadku waxyaalahanuu ku nool yahay, Oo ruuxa noloshayduna wuxuu ku jiraa waxyaalahan oo dhan. Haddaba i bogsii, oo i noolaysii.
Isai SomKQA 38:17  Bal eeg, nabadgelyadayda aawadeed ayaan qadhaadh weyn u qabay, Laakiinse naftayda waad jeclaatay, oo sidaas daraaddeed yaamayskii qudhunka waad ka samatabbixisay, Waayo, dembiyadaydii oo dhan waxaad ku tuurtay gadaashaada.
Isai SomKQA 38:18  Waayo, She'ool kuguma mahad naqi karo, oo dhimashaduna kuma ammaani karto, Oo kuwa yaamayska hoos ugu dhacana runtaada rajo kama qabi karaan.
Isai SomKQA 38:19  Kan nool, kan nool oo keliya ayaa kugu mahad naqi doona sidaan aniguba maanta yeelayo. Aabbuhu wuxuu runtaada ogeysiin doonaa carruurtiisa.
Isai SomKQA 38:20  Rabbigu waa u diyaar inuu i badbaadiyo, Haddaba sidaas daraaddeed annagu cimriga noloshayada oo dhan Waxaannu guriga Rabbiga ku dhex gabyi doonnaa gabayadayda annagoo alaab xadhko leh ku cayaarayna.
Isai SomKQA 38:21  Nebi Ishacyaah wuxuu yidhi, Ha la qaado fud berde ah, oo kasoobaxa ha la saaro, oo isna wuu bogsan doonaa.
Isai SomKQA 38:22  Oo weliba Xisqiyaahna wuxuu yidhi, Maxaa calaamad ii ah inaan guriga Rabbiga u kici doono?
Chapter 39
Isai SomKQA 39:1  Waagaas Merodag Baladaan oo ahaa ina Baladaan, oo boqorkii Baabuloon ahaa ayaa warqado iyo hadiyad Xisqiyaah u soo diray, waayo, wuxuu maqlay inuu bukay oo haddana bogsaday.
Isai SomKQA 39:2  Oo Xisqiyaahna aad buu iyagii ugu farxay, oo wuxuu tusay gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii, iyo dahabkii, iyo uunsigii, iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka oo dhan, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan.
Isai SomKQA 39:3  Markaasaa Nebi Ishacyaah u yimid Boqor Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, War nimankanu maxay yidhaahdeen? Xaggee bayse kaaga yimaadeen? Kolkaasaa Xisqiyaah yidhi, Waxay iiga yimaadeen dal fog, kaasoo ah Baabuloon.
Isai SomKQA 39:4  Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan, oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin.
Isai SomKQA 39:5  Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.
Isai SomKQA 39:6  Bal eeg, waxaa iman doona maalmaha waxa gurigaaga yaal oo dhan iyo wixii ay awowayaashaa ilaa maantadan kaydiyeen Baabuloon loo qaadan doono. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxba ma hadhi doonaan.
Isai SomKQA 39:7  Wiilashaada kaa soo bixi doona, oo aad dhali doontana waa la kaxaysan doonaa, oo iyana waxay ahaan doonaan bohommo jooga daarta boqorka Baabuloon.
Isai SomKQA 39:8  Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Waayo, waxaa jiri doona nabad iyo run intaan noolahay.
Chapter 40
Isai SomKQA 40:1  Ilaahiinnu wuxuu leeyahay, Dadkayga qalbi qaboojiya oo sii qalbi qaboojiya!
Isai SomKQA 40:2  Yeruusaalem qalbigeeda la hadla, oo iyada u qayliya oo u sheega in dagaalkeedu dhammaaday, iyo in xumaanteeda laga saamaxay, iyo inay dembiyadeedii oo dhan aawadood laba jibbaar gacantii Rabbiga uga heshay.
Isai SomKQA 40:3  Waxaa yeedhaya mid qaylinaya codkiis oo leh, Jidkii Rabbiga cidlada dhexdiisa ka hagaajiya, oo lamadegaanka dhexdiisa jid weyn Ilaahayaga aawadiis uga toosiya.
Isai SomKQA 40:4  Dooxo walba kor baa loo qaadi doonaa, oo qar iyo buur walbana waa la gaabin doonaa, waxa qalloocanna waa la toosin doonaa, oo meelaha xunxunna waxaa laga dhigi doonaa bannaan siman,
Isai SomKQA 40:5  oo waxaa la muujin doonaa ammaanta Rabbiga, uunka oo dhammuna way wada arki doonaan, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
Isai SomKQA 40:6  Waxaa yeedhaya codka kan leh, Qayli. Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku qayliyaa? Wax kasta oo jiidh lahu waa caws, oo wanaagsanaantiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale.
Isai SomKQA 40:7  Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, maxaa yeelay, neefta Rabbigu way afuuftaa, sida xaqiiqada ah dadku waa caws oo kale.
Isai SomKQA 40:8  Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, laakiinse erayga Ilaaheennu weligiisba wuu waari doonaa.
Isai SomKQA 40:9  Kaaga warka wanaagsan Siyoon u keenayow, buurta dheer kor u sii fuul, kaaga warka wanaagsan Yeruusaalem keenayow, codkaaga kor xoog ugu qaad, kor u sii qaad, oo innaba ha cabsan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaa, War bal Ilaahiinna eega!
Isai SomKQA 40:10  Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu la iman doonaa xoog weyn, oo gacantiisaa wax isaga ugu talin doonta! Bal eega, abaalgudkiisii wuu wadaa oo abaalmarintiisuna way ka soo horraysaa.
Isai SomKQA 40:11  Isagu adhigiisuu u daajin doonaa sida adhijir oo kale, naylahana gacantiisuu ku ururin doonaa, oo wuxuu ku qaadi doonaa laabtiisa, oo kuwa la nuugana qun yar buu u hor kici doonaa.
Isai SomKQA 40:12  Bal yaa biyaha sacabkiisa godan ku qiyaasay, oo samada taako ku qiyaasay, oo ciidda dhulka miisaan ku qiyaasay, oo buuraha miisaammo saaray, oo kurahana kafado ku miisaamay?
Isai SomKQA 40:13  Bal yaa Ruuxa Rabbiga la taliyey? Bal yaase intuu lataliyihiisii noqday isaga wax baray?
Isai SomKQA 40:14  Bal yuu isagu la tashaday? Oo bal yaa tacliimiyey, oo dhabbaha caddaaladda baray? Oo yaa aqoon baray, oo jidka waxgarashada tusay?
Isai SomKQA 40:15  Bal eega, quruumuhu waxay isaga la yihiin sida dhibic biyeed oo baaldi ku jirta oo kale, oo wuxuu ku xisaabaa sida boodh kafado dul saaran oo kale, oo bal eega, gasiiradahana wuxuu kor ugu qaadaa sida habaas fudud oo kale.
Isai SomKQA 40:16  Oo Lubnaan in la gubo kuma filla, oo xayawaankeedana qurbaan la gubo uguma filla.
Isai SomKQA 40:17  Quruumaha oo dhammu waxay hortiisa ku yihiin sida wax aan jirin oo kale, oo waxay isaga la xisaabsan yihiin wax ka sii yar baabba' iyo waxaan waxba ahayn.
Isai SomKQA 40:18  Haddaba bal yaad Ilaah u ekaysiinaysaan? Amase masaalkee baad isaga kala mid dhigaysaan?
Isai SomKQA 40:19  Ninkii saanac ahu sanam xardhan buu shubaa, oo dahabtumuhuna dahab buu ku dahaadhaa, oo wuxuu u tumaa silsilado lacag ah.
Isai SomKQA 40:20  Kii miskiin ah oo aan qurbaan awoodi karinuse wuxuu doortaa geed aan bololi karin, oo wuxuu doondoontaa nin saanac ah oo hagaajiya sanam xardhan oo aan dhaqaaqi karin.
Isai SomKQA 40:21  Miyeydaan ogayn? Miyeydaan maqlin? Miyaan bilowgii laydiin sheegin? Oo miyeydaan garan tan iyo aasaaskii dhulka?
Isai SomKQA 40:22  Waa isaga kan wareegga dhulka dul fadhiya, oo dadka kor degganuna waa sida kabajaan oo kale, oo waa isaga kan samooyinka sida daah u kala fidiya, oo wuxuu u kala bixiyaa sida teendho lagu hoydo oo kale.
Isai SomKQA 40:23  Isagu amiirrada wuxuu ka dhigaa sida wax aan jirin oo kale, oo xaakinnada dhulkana wuxuu ka dhigaa sida wax aan waxba ahayn oo kale.
Isai SomKQA 40:24  Hubaal iyaga lama beerin, lamana abuurin, jirriddooduna dhulka xidid kuma yeelan, weliba wuu afuufaa, oo iyana way engegaan, oo dabaysha cirwareenta ah ayaa iyaga sida xaab oo kale u qaada.
Isai SomKQA 40:25  Haddaba kan Quduuska ahu wuxuu leeyahay, Bal yaad ii ekaysiinaysaan si aan ula mid noqdo?
Isai SomKQA 40:26  Bal indhihiinna kor u qaada oo eega. Yaa waxyaalahaas uumay? Waa kan ciidankooda tirada ku soo bixiya, oo kulligoodba magacyo ugu yeedha. Itaalkiisu wuu weyn yahay oo isagu wuu xoog badan yahay, oo sidaas daraaddeed midkoodna ma dhinna.
Isai SomKQA 40:27  Reer Yacquubow, bal maxaad u leedahay, Reer binu Israa'iilow, bal maxaad ugu hadlaysaa, Jidkaygu Rabbiga wuu ka qarsoon yahay, oo Ilaahayna gartayda dan kama galo?
Isai SomKQA 40:28  War miyaadan ogayn? Oo miyaadan maqlin in Ilaaha daa'imka ah oo ah Rabbiga ah Uumaha dhulka darafyadiisa uusan itaal darnaan ama uusan daalin? Waxgarashadiisana lama baadhi karo.
Isai SomKQA 40:29  Isagu kuwa itaalka daran xoog buu siiyaa, oo kuwa aan tabarta lahaynna tabar buu u kordhiyaa.
Isai SomKQA 40:30  Xataa dhallinyaradu way itaal darnaan doonaan, oo daali doonaan, oo barbaarraduna aad bay u dhici doonaan.
Isai SomKQA 40:31  Laakiinse kuwa Rabbiga isku halleeyaa xoog cusub bay heli doonaan. Way ordi doonaan, mana ay daali doonaan, oo way socon doonaan, mana ay itaal darnaan doonaan.
Chapter 41
Isai SomKQA 41:1  Gasiiradahow, hortayda ku aamusa, oo dadkuna xooggooda ha cusboonaysiisteen, ha soo dhowaadeen, oo ha hadleen. Aynu dhammaanteen garsoorid u soo wada dhowaanno.
Isai SomKQA 41:2  Waa kuma kan mid xagga bari ka soo kiciyey, oo isaga xaqnimo ugu yeedhay inuu raaco? Quruumaha hortiisuu ku siiyaa, oo isaga ka dhigaa inuu boqorro u taliyo. Iyaga wuxuu seeftiisa kaga dhigaa sida boodh oo kale, oo qaansadiisana wuxuu kaga dhigaa sida xaab bidaya oo kale.
Isai SomKQA 41:3  Isagu wuu eryadaa iyaga, oo ammaan buu ku dhaafaa jid uusan mar hore marin.
Isai SomKQA 41:4  Yaa waxan sameeyey oo sidan yeelay isagoo facaca bilowgii uga yeedhaya? Anigoo Rabbiga ah, oo ah Kan ugu horreeya iyo Kan kuwa dambe la jira, isagaan ahay.
Isai SomKQA 41:5  Gasiiradahu way arkeen, wayna cabsadeen, oo dhulka darafyadiisuna way gariireen, wayna soo dhowaadeen oo yimaadeen.
Isai SomKQA 41:6  Midkood waluba wuxuu caawiyey deriskiisii, oo midkood waluba wuxuu walaalkiis ku yidhi, Dhiirranow.
Isai SomKQA 41:7  Markaasuu nijaarkii dahabtumihii dhiirrigeliyey, oo kii dubbaha wax ku simi jirayna birtumihii buu dhiirrigeliyey, isagoo leh, Laxaamaddu way wanaagsan tahay. Markaasuu masaamiir ku sii adkeeyey si ayan u dhaqdhaqaaqin.
Isai SomKQA 41:8  Laakiinse reer binu Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda, reer Yacquubkii aan doortayow, farcankii saaxiibkay Ibraahimow,
Isai SomKQA 41:9  waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin.
Isai SomKQA 41:10  Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, ha nixina, maxaa yeelay, Ilaahiinna baan ahay, waan idin xoogayn doonaa, waanan idin caawin doonaa, oo waxaan idinku tiirin doonaa midigtayda xaqa ah.
Isai SomKQA 41:11  Bal eega, kuwa idinku cadhaysan oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, wayna sharaf jabi doonaan, oo kuwa idinla dirirayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin, wayna wada halligmi doonaan.
Isai SomKQA 41:12  Waad doondooni doontaan, mana aad heli doontaan, xataa kuwa idinla diriraya, kuwa idinla dagaallamayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin oo kale, iyo sida wax baabbah ah.
Isai SomKQA 41:13  Waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta midig idinku qaban doona anoo idinku leh, Ha cabsanina, anigaa idin caawin doone.
Isai SomKQA 41:14  Dixiriga reer Yacquub ahow, ha cabsan, dadkiinnan reer binu Israa'iilow, waan idin caawin doonaa, ayuu leeyahay Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
Isai SomKQA 41:15  Bal eega, waxaan idinka dhigi doonaa alaab cusub oo af badan oo ilka leh oo wax lagu tumo, oo waxaad tumi doontaan buuraha, waanad daqiijin doontaan, oo kurahana waxaad ka dhigi doontaa sida buunshe oo kale.
Isai SomKQA 41:16  Waad haadin doontaan, oo dabayshaa kaxaysan doonta, cirwareentuna way kala firdhin doontaa, oo waxaad ku rayrayn doontaan Rabbiga, waanad ku faani doontaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
Isai SomKQA 41:17  Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono.
Isai SomKQA 41:18  Meelaha sarsare ayaan webiyo ka furi doonaa, ilona dhooxooyinka dhexdood ayaan ka soo dayn doonaa. Oo cidladana waxaan ka dhigi doonaa balli biya ah, dhulka engeganna durdurro biya ah.
Isai SomKQA 41:19  Waxaan cidlada ku soo beeri doonaa geedaha la yidhaahdo kedar, iyo qudhac, iyo hadaas, iyo geedsaliid, oo lamadegaankana waxaan ka soo bixin doonaa geedaha ah beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuur,
Isai SomKQA 41:20  in la arko, oo la ogaado, oo laga fiirsado, oo dhammaan la wada garto in gacanta Rabbigu ay waxaas samaysay, iyo in kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil uu waxaas uumay.
Isai SomKQA 41:21  Rabbigu wuxuu leeyahay, Dacwadiinna keena. Boqorka reer Yacquub wuxuu leeyahay, Sababihiinna adag soo saara.
Isai SomKQA 41:22  Iyagu ha soo saareen, oo waxa dhici doona ha noo sheegeen. Waxyaalihii jiri jiray iyo waxay yihiin noo sheega, si aannu uga fiirsanno, oo aannu u ogaanno waxay ugudambaystoodu noqon doonto, amase waxyaalaha iman doona na tusa.
Isai SomKQA 41:23  Waxyaalaha hadda dabadeed iman doona noo sheega si aannu u ogaanno inaad idinku ilaahyo tihiin. Bal wanaag ama shar sameeya, si aannu u naxno, oo aannu dhammaantayo u wada fiirinno.
Isai SomKQA 41:24  Bal eega, idinku waxaad tihiin sida waxaan jirin oo kale, oo shuqulkiinnuna waa baabba', oo kii idin doortaana waa karaahiyo.
Isai SomKQA 41:25  Mid baan xagga woqooyi ka soo kiciyey, wuuna yimid, kaasoo tan iyo marka qorraxdu soo baxdo magacayga ku baryootama, oo wuxuu amiirro ugu dul tuman doonaa sida dhoobada malaasta ah loogu tunto oo kale, iyo sida dheryasameeyuhu dhoobada ugu tunto oo kale.
Isai SomKQA 41:26  Kumaase waa hore sii sheegay, si aannu u nidhaahno, Waa runtiis? Hubaal mid wax sheega ma jiro, oo mid wax tusa ma jiro, oo mid erayadiinna maqla ma jiro.
Isai SomKQA 41:27  Anaa ah Kan ugu horreeya oo Siyoon ku yidhi, Bal eega, bal eega iyaga, oo waxaan Yeruusaalem siin doonaa mid war wanaagsan u keena.
Isai SomKQA 41:28  Oo markaan eego, ninna ma jiro, oo markaan wax weyddiiyana taliye eray iigu jawaabi kara dhexdooda laguma arag.
Isai SomKQA 41:29  Bal eega, kulligood shuqulladoodu waa wax aan waxba ahayn, waana baabba' oo sanamyadooda la shubayna waa dabayl iyo wax aan micne lahayn.
Chapter 42
Isai SomKQA 42:1  Bal eega addoonkayga aan tiiriyo, oo aan doortay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saaray. Wuxuu quruumaha u soo saari doonaa xukunka.
Isai SomKQA 42:2  Ma uu qaylin doono, korna uma dhawaaqi doono, oo codkiisana kama uu dhigi doono in jidadka laga maqlo.
Isai SomKQA 42:3  Cawsduur nabar leh ma jebin doono, dubaalad qiiqaysana ma demin doono, xukunkuu runta ku soo saari doonaa.
Isai SomKQA 42:4  Isagu ma uu taag darnaan doono, mana uu qalbi jabi doono, jeeruu caddaalad dhulka ku hagaajiyo, oo gasiiraduhuna waxay sugi doonaan sharcigiisa.
Isai SomKQA 42:5  Saas waxaa leh Ilaaha Rabbiga ah oo samooyinka uumay oo kala bixiyey, kan dhulka iyo waxa ka soo baxaba kala fidiyey, kan dadka jooga neefta siiya, oo kuwa dhulka ku socdana ruuxa siiya.
Isai SomKQA 42:6  Aniga Rabbiga ah ayaa xaqnimo kuugu yeedhay, oo gacantaan kugu hayn doonaa, oo waan ku dhawri doonaa, oo dadyowga ayaan axdi ahaan kuu siin doonaa, oo iftiin ahaan baan quruumaha kuu siin doonaa,
Isai SomKQA 42:7  inaad kuwa indhaha la' indhaha u furtid, iyo inaad maxaabiista xabsiga ka soo bixisid, iyo inaad kuwa gudcurka fadhiya ka soo bixisid guriga xabsiga.
Isai SomKQA 42:8  Anigu waxaan ahay Rabbiga, kaasuna waa magacayga, oo sharaftaydana mid kale ma siin doono, oo ammaantaydana sanamyo xardhan innaba ma siin doono.
Isai SomKQA 42:9  Bal eega, waxyaalihii hore way wada noqdeen, oo hadda waxaan idiin sheegayaa waxyaalo cusub, oo intayan iman ayaan idiin sii sheegayaa.
Isai SomKQA 42:10  Kuwiinna badda ku sii dhaadhacayow, iyo waxa dhexdeeda ku jira oo dhammow, gasiiradaha iyo kuwa degganow, Rabbiga hees cusub ugu heesa, oo ammaantiisana dhulka darafkiisa ka qaada.
Isai SomKQA 42:11  Cidlada iyo magaalooyinkeeda iyo tuulooyinka ay reer Qedaar deggan yihiinba, codkooda kor ha u qaadeen, kuwa Selac degganu ha heeseen, oo buuraha dushooda ha ka qayliyeen.
Isai SomKQA 42:12  Rabbiga ha sharfeen, oo ammaantiisana gasiiradaha ha ka naadiyeen.
Isai SomKQA 42:13  Rabbigu wuxuu u soo bixi doonaa sida nin xoog badan, oo qiirona wuxuu u soo kicin doonaa sida nin dagaalyahan ah. Wuu qaylin doonaa, oo aad buu u dhawaaqi doonaa, oo xoog buuna cadowyadiisa kaga adkaan doonaa.
Isai SomKQA 42:14  Wakhti dheer baan iska aamusnaa oo aan xasilloonaa oo aan iscelinayay, oo haatan waxaan u qaylin doonaa sida naag foolanaysa oo kale, waan hinraagi doonaa, waanan taahi doonaa.
Isai SomKQA 42:15  Waxaan baabbi'in doonaa buuro iyo kuro, oo geedaha yaryar oo dhanna waan wada qallajin doonaa, oo durdurradana waxaan ka dhigi doonaa gasiirado, oo balliyadana waan engejin doonaa.
Isai SomKQA 42:16  Oo kuwa indhaha la'na waxaan soo marsiin doonaa jid ayan mar hore aqoon, oo waxaan ku hagi doonaa dhabbayaal ayan aqoon, oo gudcurkana waxaan hortooda kaga dhigi doonaa iftiin, oo meelaha qalloocanna waan u toosin doonaa. Waxyaalahaas baan samayn doonaa, oo innaba iyaga ma dayrin doono.
Isai SomKQA 42:17  Kuwa sanamyada xardhan isku halleeya, oo sanamyada la shubay ku yidhaahda, Idinku ilaahyadayada baad tihiin, dib baa loo sii jeedin doonaa, oo aad loo ceebayn doonaa.
Isai SomKQA 42:18  Kuwiinna dhegaha la'ow, wax maqla, oo kuwiinna indhaha la'ow, wax fiiriya, aad wax aragteene.
Isai SomKQA 42:19  Bal yaa indha la' addoonkayga mooyaane? Yaase dhega la' sida wargeeyahayga aan soo diray? Yaase indha la' sida kan ila nabdoon, iyo sida addoonka Rabbiga?
Isai SomKQA 42:20  Waxyaalo badan baad aragtaa, laakiinse uma fiirsatid, dhegaha waa la furay, laakiinse waxba lama maqlo.
Isai SomKQA 42:21  Rabbigu wuxuu aad ugu farxay xaqnimadiisa aawadeed inuu sharciga weyneeyo oo aad u sharfo.
Isai SomKQA 42:22  Laakiinse kuwanu waa dad la dhacay oo la boobay, oo kulligoodna waxaa lagu dabay godad, oo waxaa lagu qariyey guryo xabbiseed, iyagu waa wax la ugaadhsado, oo ninna ma samatabbixiyo, waa wax la boobo oo ciduna ma tidhaahdo, soo celiya.
Isai SomKQA 42:23  Bal yaa idinka mid ah oo waxan dhegta u dhigi doona? Bal yaa dib dambe u dhegaysan oo maqli doona?
Isai SomKQA 42:24  Bal yaa reer Yacquub ka dhigay in la boobo, yaase reer binu Israa'iil tuugagga u gacangeliyey? Sow ma aha Rabbiga, kan aynu ku dembaabnay oo ay diideen inay jidadkiisa ku socdaan, oo ay sharcigiisana addeeci waayeen?
Isai SomKQA 42:25  Sidaas daraaddeed wuxuu dadka ku sii daayay cadhadiisii aad u kululayd, iyo xooggii dagaalka, oo hareerahooda oo dhanna dab baa lagu shiday, laakiinse way garan waayeen, waana la gubay, illowse innaba qalbiga ma gelin.
Chapter 43
Isai SomKQA 43:1  Laakiinse haatan, reer Yacquubow, Rabbigii idin uumay wuxuu leeyahay, oo reer binu Israa'iilow, kii idin sameeyey wuxuu leeyahay, Ha cabsanina, waayo, anigaa idin soo furtay, oo magiciinna idiin bixiyey, oo kuwayga baad tihiin.
Isai SomKQA 43:2  Markaad biyaha dhex maraysaan waan idinla jiri doonaa, oo markaad webiyaasha dhex qaadaysaanna idinma qarqin doonaan, markaad dabka ku dhex socotaanna, ma guban doontaan, ololkuna idinma qabsan doono.
Isai SomKQA 43:3  Waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil iyo Badbaadiyihiinna. Masar baan furashadiinnii u bixiyey, oo Itoobiya iyo Sebaana beddelkiinnii.
Isai SomKQA 43:4  Indhahayga hortooda waxaad ku ahaydeen kuwa qaali ah, oo sharaf badan, waanan idin jeclaaday, oo sidaas daraaddeed niman baan idinku doorsan doonaa, oo dad badan baan naftiinna ku soo beddelan doonaa.
Isai SomKQA 43:5  Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, oo farcankiinnana xagga bari baan ka keeni doonaa, oo xagga galbeed baan idinka soo ururin doonaa,
Isai SomKQA 43:6  oo waxaan woqooyi ku odhan doonaa, Soo daa, oo koonfurna waxaan ku odhan doonaa, Ha celin, wiilashayda meel fog ka soo kexee, oo gabdhahaygana dhulka darafkiisa ka soo kexee,
Isai SomKQA 43:7  waana mid kasta oo magacayga loogu yeedho, oo aan u uumay sharaftayda aawadeed. Anigaa sameeyey, oo anigaa suubbiyey.
Isai SomKQA 43:8  Waxaad soo bixisaan dadka indhaha la' oo indho leh, iyo kuwa dhegaha la' oo dhego leh.
Isai SomKQA 43:9  Quruumaha oo dhammu ha isu soo wada urureen, oo dadyowguna ha soo wada shireen. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxan sheegi kara oo waxyaalihii hore noo sheegi kara? Markhaatiyaashoodii ha keenteen si ay xaq ku noqdaan aawadeed, amase ha maqleen oo ha yidhaahdeen, Taasu waa run.
Isai SomKQA 43:10  Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka iyo addoonkaygii aan doortayba markhaatiyaashaydii baad tihiin inaad ogaataan oo aad i rumaysataan, oo aad garataan inaan anigu isagii ahay. Aniga hortay Ilaah lama samayn, dabadayna innaba ma jiri doono.
Isai SomKQA 43:11  Aniga, aniga qudhayda ayaa Rabbiga ah, oo aniga mooyaane Badbaadiye kale ma jiro.
Isai SomKQA 43:12  Anigu waan naadiyey, oo waan badbaadiyey, oo waan muujiyey, oo ilaah qalaad dhexdiinna kuma uu jirin, haddaba sidaas daraaddeed idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii, ayaa Rabbigu leeyahay. Aniguna Ilaah baan ahay.
Isai SomKQA 43:13  Tan iyo maalintii ugu horraysay anigu waxaan ahay isagii, oo mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin kara, anigu waan shaqayn doonaa, balse yaa hor joogsan kara?
Isai SomKQA 43:14  Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinka aawadiin ayaan Baabuloon ugu cid diray, oo kuweedii cararay oo dhanna, kuwaasoo ahaa reer Kaldayiin, waxaan ku keeni doonaa doonniyaha ay ku faani jireen.
Isai SomKQA 43:15  Anigu waxaan ahay Rabbiga ah Kiinna Quduuska ah, iyo Abuuraha reer binu Israa'iil, iyo Boqorkiinna.
Isai SomKQA 43:16  Sidaas waxaa leh Rabbiga badda dhexdeeda jid ka sameeya, oo biyaha xoogga badan dhexdoodana dhabbe ka hagaajiya,
Isai SomKQA 43:17  kan gaadhifaraska iyo faraska, iyo ciidanka iyo ninka xoogga badan soo bixiya, iyagu dhammaantood way wada jiifsadaan, oo mana ay kici doonaan, way bakhtiyeen, oo waxay u dameen sidii dubaalad oo kale.
Isai SomKQA 43:18  Waxyaalihii hore ha xusuusanina, waxyaalihii qadiimka ahaana ha ka fikirina.
Isai SomKQA 43:19  Bal eega, wax cusub baan samaynayaaye, oo haddeer bay soo baxayaan, idinku miyeydaan garan doonin? Xataa cidlada dhexdeeda jid baan ka samayn doonaa, oo lamadegaanka dhexdiisana webiyo baan ka jeexi doonaa.
Isai SomKQA 43:20  Xayawaanka duurka, kuwaasoo ah dawacooyinka iyo gorayaduba way i sharfi doonaan; maxaa yeelay, cidladaan biyo uga siiyaa, oo lamadegaankaan webiyo uga jeexaa si aan u waraabiyo dadkayga aan doortay,
Isai SomKQA 43:21  oo ah dadkaan abuurtay si ay ammaantayda u muujiyaan.
Isai SomKQA 43:22  Laakiinse reer Yacquubow, ima aydaan baryin, reer Israa'iilow, waad iga daasheen.
Isai SomKQA 43:23  Adhigiinnii qurbaannadiinna la gubo iiguma aydaan keenin, oo allabaryadiinniina iguma aydaan sharfin. Anigu idinkuma aanan dhibin inaad qurbaanno ii bixisaan, oo idinkumana aanan daalin inaad foox ii shiddaan.
Isai SomKQA 43:24  Qasab macaan lacag iiguma aydaan soo iibin, oo baruurtii allabaryadiinnana igama aydaan dherjin, laakiinse waxaad aad iigu dhibteen dembiyadiinnii, oo waxaad igu daaliseen xumaatooyinkiinnii.
Isai SomKQA 43:25  Aniga qudhayda weeye kan xadgudubyadiinna tirtira, aawaday baan u tirtiraa, oo dembiyadiinnana sooma aan xusuusan doono.
Isai SomKQA 43:26  Bal wax i soo xusuusiya, aynu isla muddacnee, dacwadiinna soo caddeeya, si aad xaq ku noqotaan.
Isai SomKQA 43:27  Awowgiinnii hore wuu dembaabay, oo macallimiintiiniina way igu xadgudbeen.
Isai SomKQA 43:28  Haddaba sidaas daraaddeed waxaan amiirradii meesha quduuska ah ka dhigi doonaa wax nijaas ah, reer Yacquubna habaar baan u dayn doonaa, oo dadka Israa'iilna cay baan u dayn doonaa.
Chapter 44
Isai SomKQA 44:1  Haddaba addoommadayda reer Yacquubow, iyo dadka Israa'iil ee aan doortayow, bal i maqla.
Isai SomKQA 44:2  Rabbiga idin uumay, oo tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay, oo haddana ku caawin doona wuxuu leeyahay, Addoommadayda reer Yacquubow, iyo Yeshuruunkii aan doortayow, ha cabsanina.
Isai SomKQA 44:3  Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa.
Isai SomKQA 44:4  Oo iyana waxay ka soo dhex bixi doonaan cawska sida geedo safsaaf ah oo biyo socda ku ag yaal.
Isai SomKQA 44:5  Oo midba wuxuu odhan doonaa, Anigu waxaan ahay kii Rabbiga, oo mid kalena wuxuu isu bixin doonaa magicii Yacquub, oo mid kalena wuxuu gacantiisa ku kor qori doonaa, Waxaan ahay kii Rabbiga, oo wuxuu isku magacaabi doonaa magicii Israa'iil.
Isai SomKQA 44:6  Rabbiga ah Boqorka iyo Bixiyaha reer binu Israa'iil oo ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro.
Isai SomKQA 44:7  Bal yaa sidayda oo kale u sheegi kara? Ha naadiyo, oo si hagaagsan ha iigu sheegeen anoo dadkii hore dhisay. Oo waxyaalaha soo socda iyo waxa dhici doona iyagu ha sii sheegeen.
Isai SomKQA 44:8  Ha cabsanina oo ha baqina, waayo, miyaanan waa hore idiin sii sheegin, oo aanan idin tusin? Idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii. Aniga mooyaane ma Ilaah kalaa jira? Hubaal Dhagax kale ma jiro. Innaba mid kale garan maayo.
Isai SomKQA 44:9  Sanamyada la qoray kuwa sameeya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn, oo waxyaalaha ay jeclaadaanna faa'iido ma yeelan doonaan, oo markhaatiyaashooduna waxba ma arkaan, waxna ma oga, saas darteed way ceeboobi doonaan.
Isai SomKQA 44:10  Bal yaa wax ilaah ah sameeyey, amase shubay sanam xardhan oo aan waxba tarayn?
Isai SomKQA 44:11  Bal eega, kuwa daba gala oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, saanacyadu waa binu-aadmi uun. Bal dhammaantood ha isu soo wada urureen, oo ha soo istaageen, way cabsan doonaan, oo kulligoodna way wada ceeboobi doonaan.
Isai SomKQA 44:12  Birtumuhu faas buu sameeyaa oo wuxuu ku shaqeeyaa dhuxul, oo dubbayaal buu ku qabanqaabiyaa, oo gacantiisa xoogga badan ayuu kaga shaqeeyaa; wuu gaajoodaa, wuuna taag gabaa, biyo ma cabbo, wuuna daalaa.
Isai SomKQA 44:13  Nijaarku xadhig wax lagu qiyaaso buu fidiyaa, oo wax cas buu ku calaamadeeyaa, oo faaraduu ku simaa, oo goobeeyena wuu ku qiyaasaa, oo wuxuu u ekaysiiyaa binu-aadmiga ekaantiis iyo si waafaqsan dadka quruxdiisa inuu guriga joogo.
Isai SomKQA 44:14  Wuxuu soo goostaa geedo kedar ah, oo wuxuu soo qaataa geed tirsah ah iyo geed alloon ah, oo mid ka mid ah dhirta duudda ayuu xoogaystaa, oo wuxuu beertaa geed oren ah oo roobkuna waa quudiyaa.
Isai SomKQA 44:15  Dabadeedna wuxuu noqon doonaa wax dad shito, waayo, wax buu ka qaadaa, oo wuu kulaalaa, wuuna shitaa oo kibis buu ku dubtaa, oo weliba wax ilaah ah buu ka samaystaa, wuuna u sujuudaa.
Isai SomKQA 44:16  Oo in buu dabka ku gubaa, oo inna hilib buu ku bislaystaa, isagoo ku sosha oo ka dherga, wuuna kulaalaa oo wuxuu yidhaahdaa, Hadda waan kululahay, oo dabkii waan arkay.
Isai SomKQA 44:17  Oo intii ka hadhana wuxuu ka samaystaa wax ilaah ah oo ah xataa sanamkiisa xardhan, oo wuu u sujuudaa oo caabudaa, wuuna baryaa, oo wuxuu yidhaahdaa, I samatabbixi, waayo, adigu waxaad tahay ilaahayga.
Isai SomKQA 44:18  Iyagu ma ay aqoon, mana ay garanayn, waayo, indhahoodii waa la xidhay si ayan waxba u arkin, oo qalbigoodiina si ayan waxba u garan.
Isai SomKQA 44:19  Oo midkoodna kama fikiro, oo aqoon iyo waxgarasho midna laguma arko, inuu yidhaahdo, Qoriga qaarkiis baan dab ku gubay, oo duxushiisaan kibis ku dubtay, oo hilib baan ku soshay, waanan cunay, haddaba ma intii ka hadhay baan karaahiyo ka samaystaa? Ma waxaan u sujuudaa geed jiriddiis?
Isai SomKQA 44:20  Isagu wuxuu cunaa dambas, oo qalbigiisa la khiyaaneeyey ayaa isaga leexiyey, oo naftiisana ma uu samatabbixin karo, mana uu odhan karo, Sow gacantayda midig beenu kuma jirto?
Isai SomKQA 44:21  Reer Yacquubow, waxyaalahan xusuusta, waayo, reer Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda. Anigaa idin abuuray, oo waxaad tihiin addoommadayda. Israa'iilow, idin illoobi maayo.
Isai SomKQA 44:22  Sidii daruur qaro weyn ayaan xadgudubyadiinnii u tirtiray, oo sidii daruur oo kale ayaan dembiyadiinniina u tirtiray. Haddaba ii soo noqda, waayo, waan idin soo furtay.
Isai SomKQA 44:23  Samooyinkow, heesa, waayo, Rabbigaa sameeyey. Dhulka meelaha ugu hooseeyow, qayliya. Buuraha, iyo duudda, iyo geed kasta oo ku dhex yaallow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay oo wuxuu isku dhex weynayn doonaa reer binu Israa'iil.
Isai SomKQA 44:24  Rabbiga ah Samatabbixiyihiinna iyo kii tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay wuxuu leeyahay, Waxaan ahay Rabbiga wax kasta sameeya, oo keligiis samooyinka kala bixiya, oo keligiisna dhulka kala fidiya.
Isai SomKQA 44:25  Anigu waxaan ahay kan calaamadaha beenlowyada wax aan waxba ahayn ka dhiga, oo kuwa wax falana nacasyo ka dhiga, oo kuwa caqliga lehna dib u celiya, oo aqoontoodana nacasnimo ka dhiga,
Isai SomKQA 44:26  kan erayga addoonkiisa xaqiijiya, oo talada wargeeyayaashiisa oofiya, kan Yeruusaalem ka leh, Iyada waa la dhex degi doonaa, oo magaalooyinka dalka Yahuudahna ka leh, Iyaga waa la dhisi doonaa, oo burburkoodana waan sara kicin doonaa.
Isai SomKQA 44:27  Waxaan ahay kan moolka ku yidhaahda, Engeg noqo, oo anna webiyaashaada waan qallajin doonaa,
Isai SomKQA 44:28  kan Boqor Kuuros ka leh, Isagu waa adhijirkayga, oo wuxuu oofin doonaa waxaan jeclahay oo dhan, oo xataa Yeruusaalemna ka leh, Iyada waa la dhisi doonaa, oo macbudkana ku leh, Aasaaskaaga waa la dhigi doonaa.
Chapter 45
Isai SomKQA 45:1  Rabbigu wuxuu ku leeyahay kan uu subkaday oo ah Kuuros, oo uu gacantiisa midig hayay inuu hortiisa quruumo ku hoosaysiiyo, oo uu boqorro dhexdooda guntiga ka furo, inuu hortiisa albaabbada ka furo, albaabbadaasna aanay mar dambe xidhmin:
Isai SomKQA 45:2  Anigu waan ku hor socon doonaa, oo meelaha sarsarena waan simi doonaa, waanan kala burburin doonaa albaabbada naxaasta ah, oo qataarrada birta ahna waan kala googooyn doonaa,
Isai SomKQA 45:3  oo waxaan ku siin doonaa khasnadaha gudcurka iyo maal qarsoon oo meelo sir ah ku jira, inaad ogaatid inaan ahay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo magacaa kuugu yeedha.
Isai SomKQA 45:4  Addoonkaygii Yacquub oo ah Israa'iilkii aan doortay daraaddiis ayaan magacaa kuugu yeedhay, waanan ku magacaabay in kastoo aadan i aqoon.
Isai SomKQA 45:5  Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Anigaa guntiga kuu xidhay in kastoo aadan i aqoon,
Isai SomKQA 45:6  in qorrax ka soo bax iyo galbeedba laga ogaado inaan aniga mooyaane mid kale jirin. Anigaa Rabbiga ah, mid kalena ma jiro.
Isai SomKQA 45:7  Iftiinka anigaa sameeya, oo masiibadana anigaa abuura. Anigoo Rabbiga ah ayaa waxyaalahan oo dhan sameeya.
Isai SomKQA 45:8  Samooyinkow, xagga sare ka soo tiftifqa, oo daruuruhuna xaqnimo ha soo shubeen, dhulkuna ha furmo, oo badbaadada iyo xaqnimaduna ha isla soo wada baxaan. Aniga Rabbiga ah ayaa uumay.
Isai SomKQA 45:9  Waxaa iska hoogay ka Uumihiisa la dirira! Wuxuu la mid yahay dheri jabkiis oo ka mid ah jajabka dhulka! Dhoobadu miyey kan sameeya ku tidhaahdaa, War maxaad samaynaysaa? Amase shuqulkaaguu miyuu yidhaahdaa, Gacmo ma leh?
Isai SomKQA 45:10  Waxaa iska hoogay kii aabbe ku yidhaahda, War maxaad dhalaysaa? Amase naag ku yidhaahda, Na maxaad ku foolanaysaa?
Isai SomKQA 45:11  Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ah Uumihiisu wuxuu leeyahay, Waxyaalaha iman doona ma i weyddiinaysaan, oo wax ku saabsan wiilashayda, iyo shuqulka gacmahayga ma igu amraysaan?
Isai SomKQA 45:12  Dhulka anigaa abuuray, oo dad baan ku dul uumay. Aniga qudhayda ayaa samooyinka gacmahayga ku kala bixiyey, oo ciidankooda oo dhanna anigaa amray.
Isai SomKQA 45:13  Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Boqor Kuuros ayaan xaqnimo ku sara kiciyey, oo jidadkiisa oo dhanna waan toosin doonaa. Magaaladayduu dhisi doonaa, oo maxaabiistaydana wuu sii dayn doonaa, mana aha iib aawadiis amase laaluush aawadiis toona.
Isai SomKQA 45:14  Rabbigu wuxuu leeyahay, Hawsha Masar, iyo baayacmushtariga Itoobiya, iyo reer Saabaa'iim oo ah dad sarajoog dheer idinkay idiin soo gudbi doonaan, oo kuwiinnay ahaan doonaan. Iyagu way idin daba socon doonaan, oo waxay idiin soo gudbi doonaan iyagoo silsiladaysan, oo way idiin sujuudi doonaan, wayna idin baryi doonaan, iyagoo leh, Sida xaqiiqada ah Ilaah dhexdiinnu jiraa, oo mid kalena ma jiro, oo isaga mooyaane Ilaah kale ma jiro.
Isai SomKQA 45:15  Ilaaha reer binu Israa'iil oo ah Badbaadiyahow, sida runta ah waxaad tahay Ilaah isqariya.
Isai SomKQA 45:16  Iyagu dhammaantood way ceeboobi doonaan oo giddigoodna way sharaf jabi doonaan, oo kuwa sanamyo sameeya oo dhammu way wada qasmi doonaan.
Isai SomKQA 45:17  Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharaf jabi doontaan.
Isai SomKQA 45:18  Waayo, Rabbiga samooyinka uumay oo ah Ilaaha dhulka uumay, oo sameeyey, oo dhisay, oo aan si aan waxba tarayn u uumin, laakiinse u uumay in la degganaado wuxuu leeyahay, Anigaa Rabbiga ah mid kalena ma jiro.
Isai SomKQA 45:19  Anigu kuma hadlin qarsoodi iyo meel gudcur ah oo dhulka ka mid ah. Farcanka Yacquub kuma odhan, Si aan waxba tarin ii doondoona. Aniga Rabbiga ahu waxaan ku hadlaa xaqnimo, oo waxaan sheegaa waxyaalo qumman.
Isai SomKQA 45:20  Kuwiinna quruumaha ka baxsadayow, soo shira, oo dhammaantiin kaalaya, kulligiin soo wada dhowaada. Kuwa sanamyadooda qoriga ah sita oo ilaah aan waxba badbaadin karin barya aqoon ma leh.
Isai SomKQA 45:21  Sheega oo soo saara, iyagu ha isla wada tashadeen. Bal yaa waxyaalahan waa hore muujiyey? Oo bal yaa wakhti hore sii sheegay? Sow ma aha aniga Rabbiga ah? Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.
Isai SomKQA 45:22  Dhulka darafyadiisa oo dhammow, i soo eega, oo kulligiin badbaada, waayo, anigaa Ilaah ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.
Isai SomKQA 45:23  Waxaan ku dhaartay nafsaddayda, oo eray baa afkayga xaqnimo uga baxay, soona noqon maayo, waxaana weeye, Jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, carrab walubana waa igu dhaaran doonaa.
Isai SomKQA 45:24  Waxaa laygu odhan doonaa, Rabbiga uun ayaa xaqnimo iyo xoogba leh. Isagaa loo iman doonaa, oo kuwii isaga u cadhaysnaa oo dhammuna way wada ceeboobi doonaan.
Isai SomKQA 45:25  Farcanka Israa'iil oo dhammu Rabbiga bay xaq ku noqon doonaan, wayna faani doonaan.
Chapter 46
Isai SomKQA 46:1  Beel baa foororsada, Nebona wuu dhacaa, sanamyadoodu waxay kor saarnaadaan xayawaanka iyo lo'da. Waxyaalihii aad sidan jirteen waxaa laga dhigay rar la saaray neefkii daallanaa.
Isai SomKQA 46:2  Way foororsadaan, oo dhammaantood way wada dhacaan, iyagu rarka ma ay samatabbixin karaan, laakiinse xataa iyaga qudhooda maxaabbiisahaan baa loo kaxaystaa.
Isai SomKQA 46:3  Reer Yacquub oo ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay oo dhammow, kuwiinna aan siday tan iyo wakhtigii aad caloosha ku jirteen oo aan xambaaray tan iyo wakhtigii aad uurka ka soo baxdeen, i maqla.
Isai SomKQA 46:4  Tan iyo cimri dheer isagii baan ahay, oo tan iyo timo cirroobay waan idin xambaarayaa. Anigaa sameeyey, waanan sidi doonaa, waan xambaari doonaa, waanan samatabbixin doonaa.
Isai SomKQA 46:5  Bal yaad ii ekaysiinaysaan oo ila simaysaan, oo yaad igu masaalaysaan inaannu isku mid ahaanno?
Isai SomKQA 46:6  Kuwa dahab kolayga ka soo qubaa, oo lacagna kafadaha ku miisaamaa waxay soo kiraystaan dahabtume, oo isna wax ilaah ah buu ka dhigaa, markaasay u sujuudaan oo caabudaan.
Isai SomKQA 46:7  Garbahooday ku qaadaan, oo way xambaaraan, oo meeshiisay qotomiyaan. Isna wuu iska taagnaadaa, oo meeshiisana innaba kama dhaqaaqo. Oo dadku way u qayshan doonaa, laakiinse isagu uma uu jawaabi karo, oo dhibkoodana kama uu badbaadin karo.
Isai SomKQA 46:8  Kuwiinna xadgudbayow, bal waxan soo xusuusta, oo aad u fiirsada, bal mar kale soo garwaaqsada.
Isai SomKQA 46:9  Bal waxyaalihii hore oo qadiimka ahaa soo xusuusta, waayo, anigaa Ilaah ah, mid kalena ma jiro, anigaa Ilaah ah, oo mid ila mid ahuna ma jiro.
Isai SomKQA 46:10  Bilowga waxaan sheegaa ugudambaysta, oo wakhtiga hore waxaan sii sheegaa waxyaalo aan weli la samayn, anigoo leh, Taladaydu way hagaagi doontaa, oo waxaan jeclahay oo dhanna waan wada samayn doonaa.
Isai SomKQA 46:11  Waxaan xagga bari uga yeedhayaa haad aad u gaajaysan oo ah ninka taladayda oofinaya oo aan waddan fog uga yeedhayo. Waan ku hadlay, oo weliba waan oofin doonaa. Waan u qastiyey, oo weliba waan samayn doonaa.
Isai SomKQA 46:12  Kuwiinna qalbiga qallafsan oo xaqnimada ka fogow, bal i maqla!
Isai SomKQA 46:13  Xaqnimadaydii waan soo dhowaynayaa, oo iyana ma ay fogaan doonto, oo badbaadintayduna ma ay raagi doonto. Reer binu Israa'iil oo sharaftayda ah daraaddood ayaan badbaadin Siyoon u dhex dhigi doonaa.
Chapter 47
Isai SomKQA 47:1  Gabadha bikradda ah ee Baabuloon ahay, soo deg, oo ciidda ku fadhiiso, magaalada reer Kaldayiinay, carshila'aan dhulka ku fadhiiso, waayo, mar dambe adiga laguuguma yeedhi doono mid dhaylo ah oo jilcisan.
Isai SomKQA 47:2  Dhagaxshiidyada qaad oo wax shiid, masarka madaxa ka qaad, oo lugaha qaawi, tan iyo bowdada tafaxaydo, oo webiyaasha ka gudub.
Isai SomKQA 47:3  Cawradaada waa la qaawin doonaa, ceebtaadana waa la arki doonaa. Waan aarsan doonaa, oo ninna uma tudhi doono.
Isai SomKQA 47:4  Bixiyahayaga magiciisa waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
Isai SomKQA 47:5  Magaalada reer Kaldayiinay, shib dheh oo fadhiiso, meel gudcur ah gal, waayo, mar dambe laguuguma yeedhi doono sayidaddii boqortooyooyinka.
Isai SomKQA 47:6  Waxaan u cadhooday dadkaygii, oo dhaxalkaygii nijaas baan ka dhigay, oo adigaan gacanta kuu geliyey. Innaba iyagii uma aadan naxariisan, oo dadka gaboobay ayaad harqoodkaagii wax culus kaga dhigtay.
Isai SomKQA 47:7  Waxaad istidhi, Anigu weligayba waxaan ahaan doonaa sayidad, oo waxyaalahanna qalbiga ma aad gelin, oo ugudambaystoodiina sooma aadan xusuusan.
Isai SomKQA 47:8  Haddaba bal waxyaalahan maqal, taada iska raaxaysata oo istareexa ku joogtoy. Waxaad qalbiga iska tidhaahdaa, Anigaa ah oo aniga mooyaane cid kale ma jirto, anigu innaba carmal ma noqon doono, oo ma gablami doono.
Isai SomKQA 47:9  Laakiinse labadan waxyaalood isku maalin qudha ayay isku daqiiqad kuu iman doonaan, waana gablannimo iyo carmalnimo. Aad iyo aad bay kuugu soo degi doonaan in kastoo aad saaxirnimo badan iyo falfal tiro badan badisay.
Isai SomKQA 47:10  Waayo, waxaad isku hallaysay sharnimadaada, oo waxaad istidhi, Ninna ima arko. Waxaa ku qalday xigmaddaada iyo aqoontaada, oo waxaad qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane cid kale ma jirto.
Isai SomKQA 47:11  Haddaba sidaas daraaddeed masiibo baa kugu soo degi doonta, mana aad garan doontid si ay kuugu iman doonto, belaayaa kugu dhici doonta, oo mana aad kari doontid inaad iska fogaysid, oo baabbi'id baa si kedis ah kuugu soo degi doonta, taasoo aadan aqoon.
Isai SomKQA 47:12  Haddaad ku faa'iidi karaysid iyo haddaad ku adkaan karaysid, bal haatan la soo istaag falfalkaaga iyo saaxirnimadaada faraha badan oo aad tan iyo yaraantaadii ku soo hawshoonaysay.
Isai SomKQA 47:13  Waxaad ku daashay talooyinkaagii tirada badnaa, haddaba xiddigayaqaannada, iyo xiddigasheegyada, iyo xilliyasheegyaduba ha sara joogsadeen, oo ha kaa badbaadiyeen waxyaalaha kugu soo degi doona.
Isai SomKQA 47:14  Bal eeg, iyagu waxay noqon doonaan sida xaab oo kale, oo dabka ayaa wada gubi doona, oo iyana xoogga ololka iskama ay samatabbixin doonaan, oo dabkaasuna ma ahaan doono dhuxul la kulaalo, amase dab la hor fadhiisto.
Isai SomKQA 47:15  Saasay kuu noqon doonaan waxyaalihii aad ku hawshootay, oo kuwii aad macaamilada la lahayd tan iyo yaraantaadii midkood kastaaba meeshiisuu tegi doonaa, oo mid ku badbaadiyana ma jiri doono.
Chapter 48
Isai SomKQA 48:1  Reer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla.
Isai SomKQA 48:2  Waayo, iyagu waxay isugu yeedhaan kuwii magaalada quduuska ah, oo waxay isku halleeyaan Ilaaha Israa'iil, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammada.
Isai SomKQA 48:3  Tan iyo waagii hore ayaan waxyaalihii hore sii sheegayay. Afkaygay ka soo baxeen, waanan muujiyey. Dhaqsaan u sameeyey, wayna ahaadeen.
Isai SomKQA 48:4  Waan ogaa inaad madax adag tihiin, iyo in qoortiinnu seed bir ah tahay, iyo in jaahiinnu naxaas yahay,
Isai SomKQA 48:5  sidaas darteed tan iyo waa hore ayaan idiin sii sheegayay, oo intayan waxyaalahanu dhicin ayaan idiin sii muujiyey, waaba intaasoo aad tidhaahdaan, Sanamkayagii ayaa waxan sameeyey, oo waxaa amray sanamkayagii xardhanaa iyo sanamkayagii la shubay.
Isai SomKQA 48:6  Idinku waad maqasheen, haddaba bal waxan oo dhan arka, idinkuna miyeydaan sii sheegi doonin? Haatan dabadeed waxaan idin tusayaa waxyaalo cusub, kuwaasoo ah waxyaalo qarsoon oo aydaan aqoon.
Isai SomKQA 48:7  Iyaga haddaa la uumay, ma aad maqlin, waaba intaasoo aad tidhaahdaan. War mar horeba waannu niqiin.
Isai SomKQA 48:8  Idinku ma aydaan maqlin, oo ma aydaan aqoon, oo dhegtiinnana waa hore ma furmin, waayo, waan ogaa inaad si khiyaano badan u macaamilooteen, iyo in laydiin bixiyey Xadgudbayaal tan iyo intaad uurka hooyadiin kasoo baxdeen.
Isai SomKQA 48:9  Magacayga aawadiis ayaan idiinka joogsan doonaa ammaantayda daraaddeed.
Isai SomKQA 48:10  Bal eega, waan idin safeeyey, laakiinse sida lacagta ma aha. Oo waxaan idinku tijaabiyey foornadii dhibaatada.
Isai SomKQA 48:11  Anigu aawaday, iyo xataa nafsaddayda qudheeda, ayaan waxan u samayn doonaa, waayo, magacayga bal side baa loo nijaasayn karaa? Ammaantayda mid kale siin maayo!
Isai SomKQA 48:12  Reer Yacquub oo ah Israa'iilkii aan u yeedhayow, bal i maqla, anigu waxaan ahay isagii, waxaan ahay kii ugu horreeyey iyo weliba kan ugu dambeeya.
Isai SomKQA 48:13  Gacantayda ayaa aasaaska dhulka dhigtay, oo samooyinkana waxaa kala fidisay midigtayda, oo markaan u yeedho ayay dhammaantood soo wada istaagaan.
Isai SomKQA 48:14  Kulligiin soo wada shira oo waxan maqla. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxyaalahan sii sheegay? Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu Baabuloon ku samayn doonaa siduu doonayo oo gacantiisu waxay kor saarnaan doontaa reer Kaldayiin.
Isai SomKQA 48:15  Aniga qudhayda ayaa sidaas ku hadlay, oo isagaan u yeedhay oo keenay, oo jidkiisuu ku barwaaqoobi doonaa.
Isai SomKQA 48:16  Warroy ii soo dhowaada oo waxan maqla. Tan iyo bilowgii si qarsoodi ah uma aan hadlin. Tan iyo waagii ay waxanu dheceen, anigu halkaasaan joogay, oo haatanna waxaa i soo diray Sayidka Rabbiga ah iyo Ruuxiisa.
Isai SomKQA 48:17  Rabbiga ah Bixiyihiinna oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idin bara waxa idiin wanaagsan oo idinku hoggaamiya jidkii aad mari lahaydeen.
Isai SomKQA 48:18  Haddaad amarradayda maqli lahaydeen, nabaddiinnu waxay noqon lahayd sidii webi oo kale, oo xaqnimadiinnuna waxay noqon lahayd sidii hirarka badda oo kale,
Isai SomKQA 48:19  oo farcankiinnuna wuxuu ahaan lahaa sidii cammuudda oo kale, oo carruurtiinnuna waxay ahaan lahayd sidii ciidda oo kale. Magacooda lama gooyeen oo hortaydana lagama baabbi'iyeen.
Isai SomKQA 48:20  Idinku Baabuloon ka soo baxa, oo reer Kaldayiin ka soo carara, oo waxan hees ku naadiya oo sheega. Waxaad ka sheegtaan xataa dhulka darafkiisa, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu soo furtay addoommadiisii reer Yacquub.
Isai SomKQA 48:21  Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.
Isai SomKQA 48:22  Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.
Chapter 49
Isai SomKQA 49:1  Gasiiradahow, bal i maqla, dadkiinna fogow, bal i dhegaysta, Rabbigu wuxuu iiga yeedhay maxalka, oo uurkii hooyaday ayuu iga soo magacaabay.
Isai SomKQA 49:2  Oo afkaygana wuxuu ka dhigay sidii seef af badan oo kale, oo hooska gacantiisa ayuu igu qariyey, wuxuuna iga yeelay sidii fallaadh fiiqan oo kale, oo gabooyihiisa ayuu igu xaseeyey.
Isai SomKQA 49:3  Oo wuxuu igu yidhi, Israa'iilow, waxaad tahay addoonkaygii oo waan kugu ammaanmi doonaa.
Isai SomKQA 49:4  Markaasaan idhi, Wax aan waxba ahayn ayaan u hawshooday, oo xooggaygiina waxaan ku dhammeeyey baabba' iyo wax aan waxba ahayn, laakiinse gartaydu waxay la jirtaa Rabbiga oo abaalgudkayguna wuxuu la jiraa Ilaahayga.
Isai SomKQA 49:5  Oo haddaba Rabbigii uurka hooyaday iga soo sameeyey inaan isaga addoon u noqdo si aan reer Yacquub isaga ugu keeno, oo reer binu Israa'iilna ay isaga ugu soo wada ururaan, wuu ila hadlay, (waayo, anigu Rabbiga hortiisa waan ku sharaf badnahay, Ilaahayguna wuxuu ii noqday xoog iyo itaal)
Isai SomKQA 49:6  Oo isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa'iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho.
Isai SomKQA 49:7  Rabbiga ah Bixiyaha reer binu Israa'iil iyo Kooda Quduuska ah wuxuu ku leeyahay kan dadku quudhsado oo quruumuhu karhaan, oo ah taliyayaal addoonkood, Boqorraa arki doona oo sarajoogsan doona, oo weliba amiirraa sujuudi doona, waana Rabbiga aaminka ah, oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ku doortay aawadiis.
Isai SomKQA 49:8  Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,
Isai SomKQA 49:9  iyo inaad kuwa xidhan ku tidhaahdid, Soo baxa, oo kuwa gudcurka ku jirana aad ku tidhaahdid, Ismuujiya. Waxay daaqi doonaan jidadka, oo daaqsintoodana waxay ka heli doonaan meelaha sare oo dhan.
Isai SomKQA 49:10  Ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan, oo kulaylka iyo qorraxdu kuma ay dhici doonaan, waayo, ka iyaga u naxariista ayaa hor kici doona, oo wuxuu ku hoggaamin doonaa ilo biya ah agtood.
Isai SomKQA 49:11  Oo buurahayga oo dhan waxaan ka dhigi doonaa waddo, oo jidadkayga weynna kor baa loo wada qaadi doonaa.
Isai SomKQA 49:12  Bal eega, kuwanu waxay ka iman doonaan meel fog, oo bal ogaada, kuwanu waxay ka iman doonaan xagga woqooyi iyo xagga galbeed, oo kuwanuna waxay ka iman doonaan dalka reer Siiniim.
Isai SomKQA 49:13  Samooyinkow, heesa, oo dhulkow, faraxsanow, buurahow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo kuwiisa dhibaataysanna wuu u naxariisan doonaa.
Isai SomKQA 49:14  Laakiinse Siyoon waxay tidhi, Rabbigu waa iga tegey, oo Sayidku waa i illoobay.
Isai SomKQA 49:15  Miyaa naagu ilmeheeda nuuga illoobi kartaa inayan wiilkii uurkeeda ka soo go'ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo.
Isai SomKQA 49:16  Bal eeg, waxaan kugu calaamadeeyey calaacalaha gacmahayga, oo derbiyadaaduna had iyo goorba way i hor yaalliin.
Isai SomKQA 49:17  Carruurtaadu way soo degdegayaan, oo kuwii ku dumiyey iyo kuwii cidlada kaa dhigayba way kaa bixi doonaan.
Isai SomKQA 49:18  Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Kuwaas oo dhammu way isa soo wada urursanayaan oo adigay kuu imanayaan. Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay, hubaal kuwaas oo dhan waxaad u xidhan doontaa sida sharraxaad oo kale, oo waxaad u huwan doontaa sida aroosaddu wax u huwato oo kale.
Isai SomKQA 49:19  Waayo, baabba'aagii iyo meelahaagii cidloobay iyo dalkaagii burburayba haatan cidhiidhi bay ku noqon doonaan kuwa ku degaya, oo kuwii ku liqayna way kaa fogaan doonaan.
Isai SomKQA 49:20  Carruurta aad dhashay markaad gablantay dabadeed ayaa kugu odhan doonta adigoo maqlaya, Meeshu aad bay noogu cidhiidhisan tahay, haddaba bal meel aannu degno noo bannee.
Isai SomKQA 49:21  Markaasaad qalbigaaga iska odhan doontaa, Bal yaa kuwan ii dhalay? Maxaa yeelay, carruurtaydii waan ka gablamay, oo waxaan ahay mid cidlowday, oo la masaafuriyey, oo wareegta. Oo bal yaase kuwan ii koriyey? Waayo, anoo keligay ah ayaa layga tegey, ee haddaba kuwanu xaggee bay joogeen?
Isai SomKQA 49:22  Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, quruumahaan u gacan haadin doonaa, oo calankayga dadyowgaan u taagi doonaa, oo wiilashaada laabtooday ku keeni doonaan, oo gabdhahaagana garbahooday ku soo qaadi doonaan.
Isai SomKQA 49:23  Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.
Isai SomKQA 49:24  Mid xoog badanu wuxuu qabsado miyaa laga qaadaa? Miyaase la samatabbixiyaa maxaabbiistii kan xaqa ah?
Isai SomKQA 49:25  Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Xataa kii xoog badan maxaabbiistiisa waa laga qaadi doonaa, oo kan laga cabsado wuxuu qabsadona waa laga samatabbixin doonaa, waayo, kii kula dirira waan la diriri doonaa, oo carruurtaadana waan badbaadin doonaa.
Isai SomKQA 49:26  Oo kuwii ku dulmana waxaan ku quudin doonaa hilibka jidhkooda, oo dhiiggoodana waxay ugu sakhraami doonaan sida khamri macaan, oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.
Chapter 50
Isai SomKQA 50:1  Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeday warqaddii furniinka ee hooyadiin, oo aan ku eryay? Waase kuma kan ka mid ah kuwa daynka iga qaba oo aan idinka iibiyey? Bal eega, xumaatooyinkiina aawadood ayaa laydiin iibiyey, oo xadgudubyadiinna aawadood ayaa hooyadiin lagu furay.
Isai SomKQA 50:2  Haddaba markaan imid, muxuu ninna u jirin? Oo markaan dhawaaqayse maxaa la iigu jawaabi waayay? Miyaa innaba gacantaydu gaaban tahay si ayan wax u furan karin? Amase miyaanan lahayn xoog aan wax ku samatabbixiyo? Bal eega, canaantayda ayaan badda ku engejiyaa, oo webiyaashana cidlo baan ka dhigaa. Kalluunkoodu biyola'aan aawadeed buu la soo uraa, oo oon buu u dhintaa.
Isai SomKQA 50:3  Samooyinka madow baan huwiyaa, oo dhar joonyad ah ayaan go' uga dhigaa.
Isai SomKQA 50:4  Sayidka Rabbiga ah ayaa afka kuwa wax bartay i siiyey inaan ogaado si aan hadal ugu taageero kan daallan. Subax kastuu i toosiyaa, subax walbana dhegtayduu u toosiyaa inaan wax u maqlo sida kuwa wax bartay.
Isai SomKQA 50:5  Sayidka Rabbiga ah ayaa dhegtayda furay, oo aniguna ma aan caasiyoobin, oo dibna ugama aan noqon.
Isai SomKQA 50:6  Kuwii i karbaashay ayaan dhabarkaygii u duway, oo kuwii timaha iga rifayna dhabannadaydaan u duway. Wejigaygiina ceeb iyo candhuuf toona kama aan qarin.
Isai SomKQA 50:7  Waayo, waxaa i caawin doona Sayidka Rabbiga ah, oo sidaas daraaddeed ma aan sharaf jabin, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigaygii uga dhigay sidii dhagaxmadow oo kale, oo waxaan ogahay inaanan ceeboobi doonin.
Isai SomKQA 50:8  Ka xaq iga dhiga wuu dhow yahay, bal yaa ila diriraya? Aannu isla wada istaagno. Waa kuma kan cadowgayga ahu? Ha ii soo dhowaado.
Isai SomKQA 50:9  Bal eega, Sayidka Rabbiga ah ayaa i caawinaya, haddaba waa kuma kan i xukumi doonaa? Bal ogaada, iyagu dhammaantood sida dhar duugoobay bay u gaboobi doonaan, oo kulligood aboor baa cuni doona.
Isai SomKQA 50:10  Bal yaa idinka mid ah oo Rabbiga ka cabsada, oo codka addoonkiisa addeeca? Kan gudcurka ku dhex socda, oo aan iftiin lahaynu magaca Rabbiga ha aamino, oo Ilaahiisa ha isku halleeyo.
Isai SomKQA 50:11  Kuwiinna dabka shida, oo ololka isku hareereeya oo dhammow, iftiinka dabkiinna iyo ololka aad shidateen ku socda. Waxaas gacantaydaad ka heli doontaan, oo waxaad ku jiifsan doontaan tiiraanyo.
Chapter 51
Isai SomKQA 51:1  Kuwiinna xaqnimada raaca oo Rabbiga doondoonow, bal i maqla. Bal eega dhagaxii laydinka gooyay iyo godkii laydinka soo qoday.
Isai SomKQA 51:2  Bal eega aabbihiin Ibraahim, iyo Saarahdii idin dhashay, waayo, markuu mid qudha ahaa ayaan u yeedhay, waanan barakeeyey, oo tarmiyey.
Isai SomKQA 51:3  Waayo, Rabbigu Siyoon wuu u qalbi qabowjiyey, oo meelaheeda baabba'ay oo dhanna wuu u qalbi qabowjiyey, cidladeedana wuxuu ka dhigay sidii Ceeden oo kale, oo lamadegaankeedana sidii beertii Rabbiga oo kale, oo dhexdeedana waxaa laga heli doonaa farxad iyo rayrayn, iyo mahadnaqid iyo cod heeseed.
Isai SomKQA 51:4  Dadkaygow, i maqla, oo quruuntaydoy, dhegta ii dhiga, waayo, sharci baa iga soo bixi doona, oo caddaaladdaydana waxaan ka dhigi doonaa inay dadyowga iftiin u noqoto.
Isai SomKQA 51:5  Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan.
Isai SomKQA 51:6  Bal indhihiinna samooyinka ku taaga, oo haddana dhulka hoose fiiriya, waayo, samooyinku sida qiiq oo kale bay u libdhi doonaan, oo dhulkuna sida dhar buu u duugoobi doonaa, oo kuwa degganuna sidaas oo kalay u dhiman doonaan, laakiinse badbaadintaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo xaqnimadayduna weligeed ma dhammaan doonto.
Isai SomKQA 51:7  Kuwiinna xaqnimada yaqaanow, dadka sharcigaygu qalbigooda ku jirow, bal i maqla. Dadka canaantiisa ha ka cabsanina, caydiisana ha ka qalbi jabina.
Isai SomKQA 51:8  Waayo, aboor baa sida dhar oo kale u cuni doona, oo dixiri baa sida dhogor oo kale u cuni doona, laakiinse xaqnimadaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo badbaadintayduna tan iyo ab ka ab way sii jiri doontaa.
Isai SomKQA 51:9  Gacanta Rabbigoy, toos oo toos, oo xoog yeelo, oo u toos sidii waayihii hore, iyo sidii qarniyadii hore. Miyaadan ahayn tii Rahab googooysay oo bahalbadeeddii mudday?
Isai SomKQA 51:10  Miyaadan ahayn tii engejisay baddii ahayd biyihii moolka dheeraa? Sow ma aad tihid tii badda moolkeeda jidka ka samaysay in kuwa la soo furtay ay ku gudbaan?
Isai SomKQA 51:11  Oo kuwa Rabbigu soo furtay way soo noqon doonaan, iyagoo gabyaya ayay Siyoon iman doonaan, oo madaxoodana farxad weligood ah ayaa saarnaan doonta, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo tiiraanyo iyo taahna way carari doonaan.
Isai SomKQA 51:12  Aniga qudhayda weeye kan ku qalbi qaboojiya. Maxaad tahay waadiga nin dhimanaya iyo binu-aadmi sida caws oo kale u baabba'aya ka cabsanayee?
Isai SomKQA 51:13  Ma waxaad illooday Rabbiga ku sameeyey oo samooyinka kala bixiyey, oo dhulka aasaaskiisa dhigay, oo ma waxaad had iyo goor maalin kasta ka cabsanaysaa kan wax dulma cadhadiisa, sidii isagoo diyaar u ah inuu wax baabbi'iyo? Haddaba bal meeday kan wax dulma cadhadiisu?
Isai SomKQA 51:14  Maxbuuska la masaafuriyey dhaqso baa loo furi doonaa, oo ma uu dhiman doono, yaamayskana ma geli doono, cuntadiisana ma uu waayi doono.
Isai SomKQA 51:15  Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah oo badda isku walaaqa si ay mawjadaheedu u guuxaan. Magiciisa waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada.
Isai SomKQA 51:16  Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.
Isai SomKQA 51:17  Yeruusaalemay tii gacanta Rabbiga koobkii cadhadiisa ka cabtayay, toos oo toos, oo sara joogso. Waxaad cabtay koobka lagu dhacdhaco, waadna heensatay.
Isai SomKQA 51:18  Wiilashii ay dhashay oo dhan laguma arko mid iyada haga, oo wiilashii ay korisay oo dhanna laguma arko mid iyada gacanta qabta.
Isai SomKQA 51:19  Labadan waxyaalood ayaa kugu dhacay. Bal yaa kuu barooran doona? Baabba' iyo halaag, iyo abaar iyo seef. Haddaba bal sidee baan kuu qalbi qabowjin doonaa?
Isai SomKQA 51:20  Wiilashaadii aad bay u daaleen, waxayna dhinac yaalliin jidadka oo dhan sida biciid dabin ku dhacay. Waxay ka wabxeen cadhadii Rabbiga iyo canaantii Ilaahaaga.
Isai SomKQA 51:21  Haddaba taada dhibaataysan oo ku sakhraantay wax aan khamri ahaynay, bal waxan maqal:
Isai SomKQA 51:22  Sayidkaaga Rabbiga ah oo ah Ilaahaaga dacwada dadkiisa u muddaca wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan gacantaada ka bixiyey koobka lagu dhacdhaco, kaasoo ah koobka cadhadayda. Adigu mar dambe innaba ma aad cabbi doontid.
Isai SomKQA 51:23  Laakiinse waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa ku dhiba, oo naftaada ku yidhi, Dhambacaadso aan kugu gudubnee, oo adna kuwii gudbayay ayaad dhabarkaagii uga dhigtay sida dhulka oo kale, iyo sida jidka oo kale.
Chapter 52
Isai SomKQA 52:1  Siyoonay, toos oo toos, oo xooggaaga xidho. Yeruusaalemay, magaalada quduuska ahay, dharkaaga quruxda badan xidho, waayo, hadda ka dib kuwa buuryoqab ah iyo kuwa nijaas ah toona kuma ay soo geli doonaan.
Isai SomKQA 52:2  Yeruusaalemay, boodhka iska jaf oo ka kac, oo fadhiiso, magaalada Siyoon oo maxbuusad ahayday, iska fur waxa qoorta lagaaga xidhay.
Isai SomKQA 52:3  Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka waxaa laydinku iibiyey wax aan waxba ahayn, oo haddana lacagla'aan baa laydinku soo furan doonaa.
Isai SomKQA 52:4  Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dadkaygii waa horay Masar ku dhaadheceen inay halkaas joogaan, oo kii reer Ashuurna sababla'aan buu u dulmay.
Isai SomKQA 52:5  Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal maxaa halkan ii jira marka dadkayga waxaan waxba ahayn lagu kaxaystay? Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa iyaga u taliyaa way qayliyaan, oo magacaygana had iyo goor maalin kastaba waa la caayaa.
Isai SomKQA 52:6  Sidaas daraaddeed dadkaygu magacaygay aqoonsan doonaan, oo sidaas daraaddeed waxay maalintaas garan doonaan inaan anigu ahay kan hadla, bal eega, waa i kane.
Isai SomKQA 52:7  Buuraha dushooda ku qurux badanaa cagaha kan warka wanaagsan keena, oo nabadda naadiya, oo waxyaalaha wanaagsan warka wanaagsan ka keena, oo badbaadada naadiya, oo Siyoon ku yidhaahda, Ilaahaagii baa boqornimada haysta.
Isai SomKQA 52:8  Waa ka codka waardiyayaashaadu! Codkooday kor u qaadayaan, oo dhammaantood way wada heesayaan, waayo, indhahooday ku arki doonaan markii Rabbigu Siyoon ku soo noqonayo.
Isai SomKQA 52:9  Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay.
Isai SomKQA 52:10  Waayo, Rabbigu wuxuu gacantiisii quduuska ahayd bayaan ugu muujiyey quruumaha oo dhan hortooda, oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna waxay wada arki doonaan badbaadinta Ilaaheenna.
Isai SomKQA 52:11  Kuwiinna weelasha Rabbiga sidow, taga, oo taga, oo halkaas ka soo baxa, ha taabanina wax aan daahir ahayn, oo iyada ka dhex baxa, oo daahir ahaada.
Isai SomKQA 52:12  Waayo, degdeg kuma bixi doontaan oo qixidna kuma carari doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idin hor kici doona, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa idin daba socon doona.
Isai SomKQA 52:13  Bal eega, addoonkaygu caqli buu yeelan doonaa, oo waa la sarraysiin doonaa, oo kor baa loo kicin doonaa, wuxuuna noqon doonaa mid aad u sarreeya.
Isai SomKQA 52:14  Waxaa jaahiisii loo xumeeyey si ka daran sida nin kale loo xumeeyo, suuraddiisiina waxaa loo xumeeyey si ka daran sida binu-aadmiga loo xumeeyo oo kale, haddaba sidii kuwa badanu ula yaabi jireen oo kale,
Isai SomKQA 52:15  ayuu isaguna quruumo badan uga yaabin doonaa, oo boqorraduna waxay afkooda u xidhi doonaan isaga aawadiis, waayo, waxay arki doonaan wax aan weligood loo sheegin, oo waxay ka fiirsan doonaan wax ayan weligood maqal.
Chapter 53
Isai SomKQA 53:1  Bal yaa warkayagii rumaystay? Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?
Isai SomKQA 53:2  Waayo, isagu hortiisuu ku koray sidii geed curdan ah, iyo sidii xidid dhul engegan ka soo baxay oo kale. Isagu suurad iyo qurux aynu ku fiirinno toona ma leh, oo qurux aynu ku jeclaanno laguma arko.
Isai SomKQA 53:3  Isaga waa la quudhsaday, waana la diiday, oo wuxuu ahaa nin murugeed, oo xanuun bartay, waana la quudhsaday sida mid dadku wejiga ka qarsado, mana aynaan xurmayn.
Isai SomKQA 53:4  Sida runta ah wuxuu xambaartay xanuunyadeennii, wuxuuna qaatay murugadeennii, laakiinse waxaynu ku tirinnay mid belaayo ku dhacday, oo Ilaah dilay, oo dhibaataysan.
Isai SomKQA 53:5  Laakiinse waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabareeyey xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildillaaciisiina waynu ku bogsannay.
Isai SomKQA 53:6  Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan.
Isai SomKQA 53:7  Isaga waa la dulmay, waana la dhibay, laakiinse innaba afkiisii ma uu kala qaadin. Isaga sidii wan la qalayo baa loo kexeeyey, oo sidii lax ku aamusan kuwa dhogorta ka xiira hortooda, isagu afkiisa ma uu furin.
Isai SomKQA 53:8  Isaga dulmi iyo xukun baa lagu sii qaaday. Haddaba bal yaa qarnigiisii ka mid ahaa oo u maleeyey in isaga laga gooyay dalkii kuwa nool? Xadgudubka dadkayga daraaddiis ayaa isaga loo garaacay.
Isai SomKQA 53:9  Xabaashiisiina waxaa lagu daray kuwii sharka lahaa, dhimashadiisiina mid taajir ahaa, in kastoo uusan dulmi samayn, khiyaanona aanay afkiisa ku jirin.
Isai SomKQA 53:10  Habase ahaatee waxaa Rabbigu raalli ka noqday inuu isaga nabareeyo. Wuxuu isaga ku riday xanuun. Markaad naftiisa qurbaan dembi ka dhigtid ayuu arki doonaa farcankiisii, cimrigiisuna waa dheeraan doonaa, oo Rabbiga doonistiisuna gacantiisay ku liibaani doontaa.
Isai SomKQA 53:11  Wuxuu arki doonaa waxay naftiisu ku dhibtootay, wuuna u riyaaqi doonaa. Addoonkayga xaqa ahuna aqoontiisa ayuu kuwa badan xaq kaga dhigi doonaa, wuxuuna xambaari doonaa xumaatooyinkooda.
Isai SomKQA 53:12  Sidaas daraaddeed waxaan isaga wax ula qaybin doonaa kuwa waaweyn, isna wuxuu boolida la qaybsan doonaa kuwa xoogga badan, maxaa yeelay, isagu naftiisuu geeri u huray, waxaana lagu tiriyey kuwa xadgudbay, weliba wuxuu xambaartay kuwa badan dembigood, wuuna u duceeyey kuwa xadgudbay.
Chapter 54
Isai SomKQA 54:1  Rabbigu wuxuu leeyahay, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay, hees ku dhufo oo mashxarad, taada aan carruur ku foolanay, waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh carruurteeda.
Isai SomKQA 54:2  Meesha teendhadaada ballaadhi, oo rugahaaga daahyadoodana ha la kala bixiyo. Waxba ha la hadhin, xadhkahaaga sii dheeree, oo dhidbahaagana sii xoogee.
Isai SomKQA 54:3  Waayo, waxaad u kala faafi doontaa xagga midigta iyo xagga bidixdaba, oo farcankaaguna wuxuu dhaxli doonaa quruumaha, oo magaalooyinka baabba'ayna wuxuu ka dhigi doonaa in la dego.
Isai SomKQA 54:4  Ha cabsan, waayo, ma aad ceeboobi doontid, hana sharaf jabin, waayo, laguma ceebayn doono, oo ceebtii yaraantaadana waad illoobi doontaa, oo ceebtii carmalnimadaadana innaba mar dambe sooma aad xusuusan doontid.
Isai SomKQA 54:5  Waayo, Uumahaaga ayaa ninkaaga ah, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iilna waa Bixiyahaaga, oo waxaa isaga la odhan doonaa Ilaaha dhulka oo dhan.
Isai SomKQA 54:6  Waayo, Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anoo Rabbiga ahu waxaan kuugu yeedhay sidii adoo ah naag laga tegey oo nafsaddeedu murugootay, iyo sidii bilcaan yaraanteedii lagu nacay oo kale.
Isai SomKQA 54:7  Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan.
Isai SomKQA 54:8  Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa.
Isai SomKQA 54:9  Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin.
Isai SomKQA 54:10  Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.
Isai SomKQA 54:11  Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo.
Isai SomKQA 54:12  Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah.
Isai SomKQA 54:13  Oo Rabbigu carruurtaada oo dhan ayuu wax bari doonaa, oo nabadda carruurtaaduna waxay ahaan doontaa mid weyn.
Isai SomKQA 54:14  Xaqnimaad ku dhismi doontaa, oo dulmina waad ka fogaan doontaa, waayo, ma aad cabsan doontid, oo cabsigelintana waad ka fogaan doontaa, waayo, innaba kuuma ay soo dhowaan doonto.
Isai SomKQA 54:15  Bal ogow, haddii dagaal laysu soo wada urursado xaggayga kama iman doono. Ku alla kii dagaal kugu kiciyaaba aawadaa buu u dhici doonaa.
Isai SomKQA 54:16  Bal eeg, anigaa abuuray birtumaha dabka dhuxuleed afuufa oo hub dagaal u soo saara, oo weliba waxaan abuuray kan wax dumiya inuu wax baabbi'iyo aawadeed.
Isai SomKQA 54:17  Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.
Chapter 55
Isai SomKQA 55:1  Hoy, kuwiinna oomman oo dhammow, xagga biyaha kaalaya, xataa kii aan lacag haysanow, kaalaya, wax iibsada, oo wax cuna, kaalaya oo khamri iyo caano lacagla'aan iyo iibla'aan ku qaata.
Isai SomKQA 55:2  Haddaba bal maxaad lacag ugu bixisaan wax aan cunto ahayn? Oo wixii aad ku hawshooteenna maxaad ugu bixisaan wax aan idin dherjinayn? Bal aad ii maqla, oo waxa wanaagsan cuna, oo naftiinnuna ha iskaga istareexdo barwaaqo miidhan.
Isai SomKQA 55:3  Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya, i maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa, oo anna waxaan idinla dhigan doonaa axdi weligiis ah, kaasoo ah waxyaalahii naxariista lahaa oo la hubo ee aan Daa'uud u ballanqaaday.
Isai SomKQA 55:4  Bal eega, isagaan dadyowga markhaati uga dhigay, oo hoggaamiye iyo taliyena dadyowgaan uga dhigay.
Isai SomKQA 55:5  Bal eeg, waxaad u yeedhi doontaa quruun aadan aqoon, oo quruun aan ku aqoonna way kuu soo ordi doontaa, waana Rabbiga ah Ilaahaaga iyo kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, waayo, wuu ku sharfay.
Isai SomKQA 55:6  Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhow yahay.
Isai SomKQA 55:7  Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tago, ninka aan xaqa ahaynuna fikirradiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo, oo isna wuu u naxariisan doonaa, oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u saamixi doonaa.
Isai SomKQA 55:8  Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Fikirradaydu fikirradiinna ma aha, oo jidadkiinnuna jidadkayga ma aha.
Isai SomKQA 55:9  Maxaa yeelay, sida samooyinku ay dhulka uga sarreeyaan ayay jidadkaygu jidadkiinna uga sarreeyaan, oo ay fikirradayduna fikirradiinna uga sarreeyaan.
Isai SomKQA 55:10  Waayo, sida roobka iyo barafka cadu ay samada uga da'aan, oo ayan halkaas ugu noqon, laakiinse ay dhulka u waraabiyaan oo ay uga dhigaan inuu soo bixiyo oo magoolo, si uu abuur u siiyo kan wax abuurta, oo uu cunto u siiyo kan wax cuna,
Isai SomKQA 55:11  sidaas oo kaluu ereygii afkayga ka soo baxaa noqon doonaa, oo isagoo madhan igu soo noqon maayo, laakiinse wuxuu oofinayaa wixii aan ula qastiyey, waana ku soo liibaanayaa wixii aan u diray.
Isai SomKQA 55:12  Waayo, farxad baad la bixi doontaan, oo nabad baa laydinku hoggaamin doonaa, oo buuraha iyo kuruhuna hortiinnay hees ku dhufan doonaan, oo dhirta duurka oo dhammuna way sacbin doonaan.
Isai SomKQA 55:13  Qodaxda meesheedii waxaa ka soo bixi doona geed beroosh ah, oo maraboobta meesheediina waxaa ka soo bixi doona geed hadaas ah, oo taasu waxay Rabbiga u ahaan doontaa magac iyo calaamad weligeed sii waaraysa oo aan la baabbi'in doonin.
Chapter 56
Isai SomKQA 56:1  Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaaladda dhawra oo xaqnimada sameeya, waayo, badbaadintaydu way soo dhow dahay inay timaado, oo xaqnimadayduna dhaqsay u soo muuqan doontaa.
Isai SomKQA 56:2  Waxaa barakaysan ninkii waxan sameeya iyo binu-aadmigii waxan xajiya, oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo gacantiisana dhawra si ayan innaba wax shar ah u samayn.
Isai SomKQA 56:3  Shisheeyihii Rabbiga raacay yuusan odhanin, Hubaal Rabbigu dadkiisa wuu iga sooci doonaa, oo ninkii bohon ahuna yuusan odhanin, Bal eega, anigu waxaan ahay geed qallalan.
Isai SomKQA 56:4  Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bohommada sabtiyadayda dhawra, oo wixii iga farxiya doorta, oo axdigayga aad u xajiya
Isai SomKQA 56:5  waxaan gurigayga iyo derbiyadayda dhexdooda ku siin doonaa meel iyo magac ka sii wanaagsan wiilal iyo gabdhoba. Waxaan iyaga siin doonaa magac weligiis sii waaraya oo aan la baabbi'in doonin.
Isai SomKQA 56:6  Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba shisheeyayaasha i raaca inay ii adeegaan, iyo inay magacayga jeclaadaan, oo ay addoommo ii ahaadaan, mid kasta oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo axdigaygana aad u xajiya,
Isai SomKQA 56:7  kuwaas oo dhan buurtayda quduuska ah ayaan keeni doonaa, oo gurigayga tukashada ayaan kaga farxin doonaa. Qurbaannadooda la gubo iyo allabaryadooda ay meeshayda allabariga ku kor bixiyaan waa la aqbali doonaa, waayo, gurigayga waxaa dadyowga oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada.
Isai SomKQA 56:8  Sayidka Rabbiga ah oo masaafurisyadii dadka Israa'iil soo ururiyaa wuxuu leeyahay, Weliba waxaan u soo ururin doonaa qaar kale oo aan ahayn kuwoodii la ururiyey.
Isai SomKQA 56:9  Dugaagga duurka jooga oo dhan iyo dugaagga duudda oo dhammow, kaalaya aad wax cunteene.
Isai SomKQA 56:10  Waardiyayaashiisu waa indha la' yihiin, oo kulligoodna aqoon ma leh, dhammaantoodna waa eeyo carrab la' oo aan ciyi karin. Way riyoodaan oo jiifaan, oo jecel yihiin inay hurdaan.
Isai SomKQA 56:11  Eeyadu way hunguri weyn yihiin, weligoodna ma dhergi karaan, oo kuwaasuna waa adhijirro aan innaba wax garan karin. Kulligood waxay u leexdeen jidkoodii, oo midkood kastaaba xataa kii ugu dambeeyey wuxuu iska daba galay faa'iidadiisii.
Isai SomKQA 56:12  Oo waxay yidhaahdaan, Kaalaya khamri baan doonan doonaaye oo wax lagu sakhraamo baynu ka soo dhergi doonnaaye, oo berrina waxay ahaan doontaa sida maanta oo kale, oo weliba ka sii weyn.
Chapter 57
Isai SomKQA 57:1  Kan xaqa ah wuu halligmaa, oo ninna qalbiga ma geliyo. Cibaadalaawayaashana waa la kexeeyey, oo ciduna ma garato in kan xaqa ah belaayada soo socota laga waday.
Isai SomKQA 57:2  Isagu wuu nabad galaa, oo mid kasta oo qummanaantiisa ku socdana sariirtiisuu ku nastaa.
Isai SomKQA 57:3  Laakiinse wiilasha saaxiradda, oo ah farcankii dhillayga iyo dhilladu ay iska dhaleenow, bal halkan u soo dhowaada.
Isai SomKQA 57:4  Bal yaad ku cayaaraysaan? Oo bal yaad afka ku kala qaadaysaan oo aad carrabka ku soo taagaysaan? Sow idinku ma ihidin carruurtii xadgudubka iyo farcankii beenta,
Isai SomKQA 57:5  idinkoo geedaha dhexdooda iyo geed kasta oo cagaar ah hoostiisa iskula kacsada, oo carruurta dooxooyinka iyo meelaha dhagaxyada dillaacsan ka hooseeya ku gowraca.
Isai SomKQA 57:6  Qaybtaadu waxay dhex taallaa dhagaxyada siman oo dooxada dhex yaal, oo iyaga qudhoodu waa qaybtaada, waayo, iyagaad qurbaan cabniin ah u daadisay, oo iyagaad qurbaan u bixisay. Haddaba bal miyaan waxyaalahaas raalli ka noqon doonaa?
Isai SomKQA 57:7  Waxaad sariirtaadii dul dhigatay buur sarraysa oo dheer, oo halkaasaad sii fuushay inaad allabari ku bixisid aawadeed.
Isai SomKQA 57:8  Oo albaabbada iyo tiirarka dabadooda ayaad xusuustaadii qotonsatay, waayo, waxaad isu qaawisay mid kale oo aan aniga ahayn, waanad sii fuushay, oo sariirtaadiina waad sii ballaadhisay, oo axdi baad iyaga la dhigatay. Sariirtoodana meeshaad ku aragtay waad ku jeceshahay.
Isai SomKQA 57:9  Saliid baad boqorka ula tagtay, oo cadarkaagiina waad iska sii badisay, ergooyinkaagiina meel fog baad u dirtay, oo ceeb baad ku dhaadhacday tan iyo She'ool.
Isai SomKQA 57:10  Waxaad ku daashay jidkaaga dhererkiisa, laakiinse ma aad odhan, Rajo ma leh. Waxaad heshay xoog cusub, oo sidaas daraaddeed ma aadan taag qabin.
Isai SomKQA 57:11  Oo bal yaad ka baqday oo aad ka cabsatay, oo aad saas darteed been u sheegtay oo aadan ii soo xusuusan, ama aadan innaba xaalkan qalbigaaga u gelin? Miyaanan wakhti dheer iska aamusin? Oo ma sidaas aawadeed baadan iiga cabsanayn?
Isai SomKQA 57:12  Waxaan sheegi doonaa xaqnimadaada iyo shuqulladaada, iyaguse waxba kuuma tari doonaan.
Isai SomKQA 57:13  Markaad qayshatid, bal guutooyinkaagu ha ku samatabbixiyeen, laakiinse iyaga dabayl baa qaadi doonta, oo neef baa wada kaxayn doonta, laakiinse kii isku kay halleeyaa dalkuu hantiyi doonaa oo wuxuu dhaxli doonaa buurtayda quduuska ah,
Isai SomKQA 57:14  Oo isna wuxuu odhan doonaa, Dhisa, dhisa, oo jidka hagaajiya, oo jidka dadkayga waxa lagu turunturoodo ka wareejiya.
Isai SomKQA 57:15  Waayo, Kan dheer oo sarreeya, oo weligiis waara, oo magiciisu Quduuska yahay wuxuu leeyahay, Anigu waxaan degganahay meesha sare oo quduuska ah, oo weliba waxaan la jiraa kan toobad keena oo is-hoosaysiiya inaan soo nooleeyo ruuxa kuwa is-hoosaysiiya, iyo inaan soo nooleeyo qalbiga kuwa toobad keena.
Isai SomKQA 57:16  Waayo, ilaa weligay diriri maayo oo ilaa weligay sii cadhaysnaan maayo, haddii kalese ruuxii iyo nafihii aan abuurayba hortayda way ku taag darnaan lahaayeen.
Isai SomKQA 57:17  Xumaantii hunguriweynaantiisa aawadeed ayaan u cadhooday oo aan wax ugu dhuftay. Waan isqariyey oo waan cadhooday, oo isna wuu ku sii leexday xagga jidkii qalbigiisa.
Isai SomKQA 57:18  Jidadkiisii waan arkay, laakiinse isagaan bogsiin doonaa, oo weliba waan soo hoggaamin doonaa, oo isaga iyo kuwa u barooranayaba waan qalbiqaboojin doonaa.
Isai SomKQA 57:19  Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu midhaha bushimahaan abuuraa. Nabad iyo nabadu ha u ahaato kan fog iyo kan dhowba. Oo isagaan bogsiin doonaa.
Isai SomKQA 57:20  Laakiinse kuwa sharka ahu waa sida bad kacsan oo kale, waayo, iyadu innaba ma xasilli karto, oo biyaheeduna waxay kor u soo xooraan wasakh iyo dhoobo.
Isai SomKQA 57:21  Ilaahaygu wuxuu leeyahay, kuwa sharka ah nabadu uma jirto.
Chapter 58
Isai SomKQA 58:1  Aad u qayli, oo waxba ha iskula hadhin, codkaagana sida buun oo kale kor u qaad, oo dadkayga xadgudubkooda u sheeg, oo reer Yacquubna dembiyadooda u sheeg.
Isai SomKQA 58:2  Laakiinse iyagu maalin kasta way i doondoonaan, oo waxay jecel yihiin inay jidadkayga ogaadaan. Sidii quruun xaqnimo samaysay oo aan innaba amarkii Ilaahooda ka tegin waxay i weyddiistaan amarro xaq ah, oo waxay aad u jecel yihiin inay Ilaah ku soo dhowaadaan.
Isai SomKQA 58:3  Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan.
Isai SomKQA 58:4  Bal eega, idinku waxaad u soontaan dirir iyo dood keliya, iyo inaad feedhkii sharnimada wax ku dhufataan. Maanta uma soontaan si codkiinna xagga sare looga maqlo.
Isai SomKQA 58:5  Soonkii aan doortay ma waxaas oo kalaa? Ma maalin nin naftiisa dhibo baa? Ma inuu madaxiisa sida cawsduur u foororsho, oo uu hoostiisa dhar joonyad ah iyo dambas ku goglo baa? Waxaa ma waxaad tidhaahdaan, Waa soon iyo maalin Rabbigu aqbali karo?
Isai SomKQA 58:6  Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan?
Isai SomKQA 58:7  Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman?
Isai SomKQA 58:8  Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa.
Isai SomKQA 58:9  Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah,
Isai SomKQA 58:10  oo haddaad ka gaajaysan quudkaaga siisid, oo aad nafta dhibaataysan dherjisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu ka soo dhex kaahi doonaa, oo madowgaaguna wuxuu noqon doonaa sida hadh cad oo kale.
Isai SomKQA 58:11  Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin.
Isai SomKQA 58:12  Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego.
Isai SomKQA 58:13  Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn,
Isai SomKQA 58:14  markaasaad Rabbiga ku farxi doontaa, oo anna waxaan ku marsiin doonaa meelaha sarsare ee dhulka, oo dhaxalkii awowgaa Yacquub ayaan kugu quudin doonaa, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
Chapter 59
Isai SomKQA 59:1  Bal eega, Rabbiga gacantiisu inay wax badbaadiso kama gaabna, oo dhegihiisuna inay wax maqlaan kama awdna,
Isai SomKQA 59:2  laakiinse xumaatooyinkiinnaa idin kala soocay idinka iyo Ilaahiinna, oo dembiyadiinnaa wejigiisa idinka qariyey, oo saasuusan idiin maqlin.
Isai SomKQA 59:3  Waayo, gacmihiinnii dhiig bay ku nijaasaysan yihiin, oo farihiinniina xumaan bay ku nijaasaysan yihiin, bushimihiinnii been bay ku hadleen, oo afkiinniina shar buu ku guryamaa.
Isai SomKQA 59:4  Ninna si xaq ah uma dacweeyo, oo midnaba run kuma muddaco. Waxay isku halleeyaan waxaan waxba ahayn, oo been bay ku hadlaan, belaayay uuraystaan, oo xumaan bay dhalaan.
Isai SomKQA 59:5  Waxay dillaaciyaan jilbis ukuntiis, oo waxay sameeyaan xuub caaro. Kii ukuntooda cunaaba wuu dhintaa, oo tii jabtaba jilbis baa ka soo baxa.
Isai SomKQA 59:6  Xuubabkoodu dhar uma ay noqon doonaan, oo shuqulladoodana innaba iskuma qarin doonaan. Shuqulladoodu waa shuqullo xumaaneed, oo falinta dulmiguna gacmahooday ku jirtaa.
Isai SomKQA 59:7  Cagahoodu shar bay u ordaan, oo waxay u degdegaan inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan. Fikirradoodu waa fikirro xumaaneed, baabba' iyo halligaad ayaa jidadkooda dhex yaal.
Isai SomKQA 59:8  Jidka nabadda ma yaqaaniin, oo socodkoodana caddaalad laguma arko. Waxay samaysteen dhabbayaal qalqalloocan, oo ku alla kii maraaba nabad ma uu yaqaan.
Isai SomKQA 59:9  Sidaas daraaddeed caddaaladu way inaga fog tahay, oo xaqnimana innaba ina soo gaadhi mayso. Waxaynu sugnaa nuur, laakiinse waxaynu aragnaa gudcur, oo waxaynu sugnaa iftiin laakiinse madow baynu ku dhex soconnaa.
Isai SomKQA 59:10  Sida kuwa indhaha la' ayaynu derbiga u haabhaabannaa, oo sida innagoo aan innaba indho lahayn ayaynu wax u haabhaabannaa. Sida fiid oo kale ayaynu hadh cad u turunturoonnaa, oo waxaynu nahay sida dad dhintay oo kuwa barwaaqaysan ku dhex jira.
Isai SomKQA 59:11  Kulligeen sida orsooyin oo kale ayaynu u cabaadnaa, oo sida qoolleyo oo kale ayaynu u baroorannaa. Waxaynu sugnaa caddaalad, laakiinse lama arko, oo waxaynu sugnaa badbaado, laakiinse way inaga fog tahay.
Isai SomKQA 59:12  Waayo, Rabbiyow, xadgudubyadayadii hortaaday ku bateen, oo waxaa nagu marag fura dembiyadayada, waayo, xadgudubyadayadu way nala jiraan, oo xumaatooyinkayagana waannu og nahay.
Isai SomKQA 59:13  Waynu xadgudubnay oo Rabbiga been ka sheegnay oo Ilaaheen ka leexannay, innagoo dulmi iyo fallaago ku hadlayna oo erayo been ah uuraysanayna oo qalbiga kaga hadlayna.
Isai SomKQA 59:14  Caddaaladdii dib bay u noqotay, oo xaqnimaduna meel fog bay taagan tahay, waayo, runtii jidkay ku dhex dhacday, oo qummanaantuna sooma geli karto.
Isai SomKQA 59:15  Hubaal runta waa la waayayaa, oo ku alla kii sharka ka tagaaba wuxuu iska dhigaa wax la boobo, oo Rabbiguna taas wuu arkay, shar bayna u ahayd inaan caddaalad la arag.
Isai SomKQA 59:16  Wuxuuna arkay inaan ninna la arag, oo inaan dhexdhexaadiye la arag wuu ka yaabay, sidaas daraaddeed gacantiisa ayaa isaga badbaado u keentay, oo xaqnimadiisii ayaa tiirisay.
Isai SomKQA 59:17  Sida laabdhawr oo kale ayuu xaqnimo u soo xidhay, oo madaxana wuxuu saartay koofiyad badbaado ah, oo wuxuu dhar ahaan u guntaday aarsasho, oo qiiro kulul ayuu soo huwaday.
Isai SomKQA 59:18  Siday falimahoodu istaahilaan ayuu nacabyadiisa cadho ugu abaal marin doonaa, oo cadaawayaashiisana wuu u abaal gudi doonaa, oo gasiiradahana abaalgud buu siin doonaa.
Isai SomKQA 59:19  Markaasaa magaca Rabbiga xagga galbeed lagaga cabsan doonaa, oo ammaantiisana xagga qorrax-ka-soobaxaa lagaga cabsan doonaa. Marka cadowgu sida daad oo kale u yimaado ayaa Ruuxa Rabbigu eryi doonaa.
Isai SomKQA 59:20  Rabbigu wuxuu leeyahay, Bixiye baa u iman doona Siyoon iyo kuwa reer Yacquub ee xadgudubka ka leexdaba.
Isai SomKQA 59:21  Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa axdigayga aan iyaga la dhigan doono. Ruuxayga ku kor jooga iyo erayadaydii aan afkaaga ku riday innaba afkaaga, iyo afka farcankaaga, iyo afka farcankaaga farcankiisa toona hadda ka dib iyo tan iyo weligeedba kama tegi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.
Chapter 60
Isai SomKQA 60:1  Sare joogso, oo dhalaal, waayo, iftiinkaagii waa yimid, oo ammaantii Rabbiguna way soo baxday oo ku iftiimisay.
Isai SomKQA 60:2  Waayo, bal ogow, dhulka gudcur baa dabooli doona, oo dadyowgana mugdi dam ah ayaa qarin doona, laakiinse Rabbigaa soo bixi doona oo ku iftiimin doona, oo ammaantiisana korkaagaa lagu arki doonaa.
Isai SomKQA 60:3  Oo quruumo baa iftiinkaaga u iman doona, oo boqorrona waxay u iman doonaan dhalaalka sarakiciddaada.
Isai SomKQA 60:4  Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Intay isa soo wada urursadaan ayay kuu yimaadaan. Wiilashaadii meel fog bay ka iman doonaan, oo gabdhahaagana gacmahaa lagu soo qaadi doonaa.
Isai SomKQA 60:5  Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa.
Isai SomKQA 60:6  Waxaa kuu badan doona awr iyo qaalmihii reer Midyaan iyo reer Ceefah, kulligood waxay ka iman doonaan Shebaa, oo waxay keeni doonaan dahab iyo foox. Rabbiga ammaantiisana waa la naadin doonaa.
Isai SomKQA 60:7  Adhyaha reer Qedaar oo dhammuna adigay kugu soo wada ururi doonaan, oo wananka Nebayodna waxay noqon doonaan wax laguugu adeego, meeshayda allabariga dusheeda way iman doonaan, iyagoo la aqbalo, oo gurigayga ammaanta leh waan ammaani doonaa.
Isai SomKQA 60:8  Waa kuwee kuwan u duulaya sida daruur oo kale, iyo sida qoolleyo buulalkooda u duulaya?
Isai SomKQA 60:9  Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay.
Isai SomKQA 60:10  Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay.
Isai SomKQA 60:11  Weliba irdahaagu had iyo goorba way furnaan doonaan, oo habeen iyo maalin toona lama xidhi doono in laguu keeno hodantinimada quruumaha iyo boqorradooda la kaxaystay.
Isai SomKQA 60:12  Waayo, quruuntii iyo boqortooyadii aan kuu adeeginuba way halligmi doonaan, hubaal quruumahaas waa la wada baabbi'in doonaa.
Isai SomKQA 60:13  Waxaa kuu iman doonta quruxdii Lubnaan, taasoo ah geedaha la yidhaahdo beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuurba si ay u qurxiyaan meeshayda quduuska ah, oo meesha cagahayga waxaan ka dhigi doonaa mid ammaan badan.
Isai SomKQA 60:14  Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
Isai SomKQA 60:15  In kastoo lagaa tegey oo lagu necbaaday, oo uusan ninna ku dhex mari jirin, waxaan kaa dhigi doonaa sharaf weligeed ah iyo farxadda dadka qarniyada badan.
Isai SomKQA 60:16  Oo waxaad nuugi doonta caanaha quruumaha, oo waxaad nuugi doontaa naasaha boqorrada, oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.
Isai SomKQA 60:17  Meeshii naxaasta dahab baan ka keeni doonaa, meeshii birtana lacag baan ka keeni doonaa, meeshii qorigana naxaas baan ka keeni doonaa, oo meeshii dhagaxantana bir baan ka keeni doonaa, oo saraakiishaadana waxaan ka dhigi doonaa kuwa nabdeed, oo kuwa kuu taliyana waxaan ka dhigi doonaa kuwa xaqa ah.
Isai SomKQA 60:18  Dalkaaga mar dambe dulmi lagama maqli doono, oo baabbi'id iyo halligaadna soohdimahaaga dhexdooda laguma arki doono, laakiinse derbiyadaada waxaad ugu yeedhi doontaa Badbaado, irdahaagana Ammaan.
Isai SomKQA 60:19  Mar dambe qorraxdu kuuma ahaan doonto iftiinkaaga maalinnimo, oo dayaxuna nuur dhalaalaya kuma siin doono, laakiinse Rabbiga ayaa iftiin weligiis ah kuu ahaan doona, oo Ilaahaaguna qurux buu kuu ahaan doonaa.
Isai SomKQA 60:20  Qorraxdaadu mar dambe ma dhici doonto, oo dayaxaaguna iftiinkiisa ma ceshan doono, waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa iftiin weligiis ah, oo wakhtigii baroorashadaaduna wuu dhammaan doonaa.
Isai SomKQA 60:21  Oo weliba dadkaaga oo dhammuna waxay ahaan doonaan kuwa xaqa ah, oo weligoodba dalkay dhaxli doonaan, iyagoo ah laantii beeriddayda, iyo shuqulkii gacmahayga inaan ammaanmo aawadeed.
Isai SomKQA 60:22  Mid yarba wuxuu noqon doonaa kun, oo mid yarna wuxuu noqon doonaa quruun xoog badan. Anigoo Rabbiga ah ayaa waxan wakhtigiisa soo deddejin doona.
Chapter 61
Isai SomKQA 61:1  Ruuxii Sayidka Rabbiga ah ayaa i dul jooga, waayo, wuxuu Rabbigu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, wuxuuna ii soo diray inaan kuwa qalbiga jaban bogsiiyo, iyo inaan maxaabiista xornimada ogeysiiyo, kuwa xidhanna furriinnimada,
Isai SomKQA 61:2  iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga iyo maalintii aarsashada Ilaahayaga, iyo inaan kuwa baroorta oo dhan u qalbi qaboojiyo,
Isai SomKQA 61:3  iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo.
Isai SomKQA 61:4  Iyagu waxay dhisi doonaan burburkii hore, oo waxay kor u taagi doonaan wixii waa hore dumay, oo waxay cusboonayn doonaan magaalooyinkii burburay iyo wixii qarniyo badan baabba' ahaan jiray.
Isai SomKQA 61:5  Oo shisheeyayaalna halkaasay joogi doonaan adhigiinnay daajin doonaan, oo kuwa qariibka ahuna waxay idiin noqon doonaan beerfalayaal iyo kuwa beercanabka ka shaqeeya.
Isai SomKQA 61:6  Laakiinse idinka waxaa laydinku magacaabi doonaa wadaaddadii Rabbiga, oo dadku waxay idiinku yeedhi doonaan midiidinnadii Ilaahayaga. Waxaad cuni doontaan maalka quruumaha, oo sharaftooda ayaad ku faani doontaan.
Isai SomKQA 61:7  Meeshii ceebtiinna sharaf labanlaab ah baad ka heli doontaan, oo meeshii qasmiddana waxay ku rayrayn doonaan qaybtooda, sidaas daraaddeed iyagu dalkooda qayb labanlaab ah bay ku hantiyi doonaan, oo waxaa iyaga u ahaan doonta farxad weligeed ah.
Isai SomKQA 61:8  Waayo, anigoo Rabbiga ahu caddaalad baan jeclahay, waxdhicidda iyo xumaantase waan nebcahay. Si daacad ah ayaan iyaga ugu abaalgudi doonaa, oo waxaan la dhigan doonaa axdi weligiis ah.
Isai SomKQA 61:9  Oo farcankoodana quruumahaa lagu dhex aqoon doonaa, oo carruurtoodana dadyowga dhexdoodaa lagu aqoon doonaa, oo wax alla wixii iyaga arka oo dhammuba way aqoonsan doonaan inay iyagu yihiin farcankii Rabbigu barakeeyey.
Isai SomKQA 61:10  Si weyn baan Rabbiga ugu rayrayn doonaa, oo naftayduna Ilaahayga bay ku farxi doontaa, waayo, wuxuu ii xidhay dharkii badbaadada, oo wuxuu i huwiyey khamiiskii xaqnimada, sida aroos dharkiisa quruxdasan isku sharraxa iyo sida aroosad jowharadaheeda isku soo sharraxda.
Isai SomKQA 61:11  Waayo, sida dhulku biqilkiisa u soo bixiyo, iyo sida beertu wixii lagu dhex abuuray u soo bixiso, ayaa Sayidka Rabbiga ahu ka dhigi doonaa in xaqnimo iyo ammaanu ay quruumaha oo dhan ka soo hor baxaan.
Chapter 62
Isai SomKQA 62:1  Jeeray xaqnimadeedu sida nuur u soo dhalaasho, oo ay badbaadadeeduna sida laambad baxaysa u soo dhalaasho, anigu Siyoon daraaddeed aamusi maayo, oo innaba Yeruusaalem daraaddeed nasan maayo.
Isai SomKQA 62:2  Oo quruumuhu xaqnimadaaday arki doonaan, oo boqorrada oo dhammuna sharaftaaday arki doonaan, oo waxaa laguu bixin doonaa magac cusub oo Rabbiga afkiisu kugu magacaabi doono.
Isai SomKQA 62:3  Oo weliba waxaad gacanta Rabbiga ku noqon doontaa taaj qurux ah, iyo cigaal boqornimo.
Isai SomKQA 62:4  Mar dambe laguuguma yeedhi doono Tii la dayriyey, oo dalkaagana mar dambe looguma yeedhi doono Dhulka baabba'a ah, laakiinse waxaa lagugu magacaabi doonaa Xefsiibaah, oo dalkaagana waxaa lagu magacaabi doonaa Becuulaah, waayo, Rabbigu waa kugu farxaa, oo dalkaagana waa la guursan doonaa.
Isai SomKQA 62:5  Waayo, sida barbaar inan bikrad ah u guursado oo kale ayaa wiilashaadu kuu guursan doonaan, oo sida ninkii aroos ahu uu aroosadda ugu farxo oo kale ayaa Ilaahaagu kuugu farxi doonaa.
Isai SomKQA 62:6  Yeruusaalemay, derbiyadaada waxaan dul saaray waardiyayaal, oo iyana habeen iyo maalin toona ma ay aamusi doonaan. Kuwiinna Rabbiga xusuustow, ha aamusina,
Isai SomKQA 62:7  oo isaga ha nasinina jeeruu Yeruusaalem dhiso oo ammaan dhulka kaga dhigo,
Isai SomKQA 62:8  Rabbigu wuxuu ku dhaartay gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa xoogga badan oo yidhi, Hubaal mar dambe hadhuudhkaaga cadaawayaashaada ma aan siin doono inuu cunto u noqdo, oo shisheeyayaalna mar dambe ma ay cabbi doonaan khamrigaagii aad ku hawshootay.
Isai SomKQA 62:9  Laakiinse kuwii soo urursaday ayaa cuni doona, oo Rabbiga ayay ammaani doonaan, oo kuwii canabka soo urursaday ayaa barxadaha meeshayda quduuska ah khamriga ku cabbi doona.
Isai SomKQA 62:10  Dhex mara, irdaha dhex mara, oo dadka jidkiisa hagaajiya. Jidka weyn dhisa, dhisa. Dhagaxyada ka wareejiya, oo dadyowga calan u taaga.
Isai SomKQA 62:11  Bal eega, Rabbigu wuxuu tan iyo dhulka darafkiisa ku naadiyey oo yidhi, Magaalada Siyoon waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, badbaadadaadii waa soo socotaaye. Bal eeg, isagu abaalgudkiisii wuu wataa, oo abaalmarintiisuna way ka soo horraysaa.
Isai SomKQA 62:12  Waxaa loogu yeedhi doonaa, Dadka quduuska ah iyo Kuwa Rabbigu soo furtay, oo waxaa lagugu magacaabi doonaa, Tii la doondoonay, iyo Magaalo aan la dayrin.
Chapter 63
Isai SomKQA 63:1  Yuu yahay kan Edom ka soo socda oo dharka cas Bosraah kala imanaya? Kan dharkiisa ku quruxda badan oo weynaanta xooggiisa ku soo socda waa kuma? Waa anigan xaqnimada ku hadla oo inaan wax badbaadiyo u xoogga badan.
Isai SomKQA 63:2  Bal maxaa dharkaagu u cas yahay, oo lebbiskaagana maxaa loo moodaa sida dharka kan macsarada canabka ku joogjoogsada?
Isai SomKQA 63:3  Keligay baan macsarada ku tuntay, oo dadkiina qofna igalama joogin, waxaan iyaga kula tuntay cadhadayda, oo waxaan kula joogjoogsaday xanaaqayga, oo dhiiggooduna lebbiskayguu ku firidhsan yahay, dharkayga oo dhanna waan ku wada wasakheeyey.
Isai SomKQA 63:4  Waayo, maalintii aarsashadu qalbigaygay ku jirtay, oo kuwaygii aan furtay sannaddoodu waa timid.
Isai SomKQA 63:5  Waan doondoonay, laakiinse mid i caawiya lama arag, oo inaan la arag mid i tiiriya waan ka yaabay, sidaas daraaddeed gacantayda qudheeda ayaa badbaado ii keentay, waxaana i tiirisay cadhadaydii.
Isai SomKQA 63:6  Oo dadyowgaan cadhadayda kula tuntay, xanaaqaygana waan ku sakhraamiyey, oo dhiiggoodana dhulkaan ku soo daadiyey.
Isai SomKQA 63:7  Waxaan soo xusuusanayaa Rabbiga raxmaddiisii iyo Rabbiga ammaantiisii si waafaqsan waxyaalihii Rabbigu na siiyey oo dhan, iyo wanaaggii weynaa oo uu reer binu Israa'iil siiyey, kaasoo uu iyaga u siiyey si waafaqsan naxariistiisa, iyo si waafaqsan raxmaddiisa faraha badan.
Isai SomKQA 63:8  Waayo, wuxuu yidhi, Hubaal iyagu waa dadkayga iyo wiilashayda aan been ku macaamiloon, oo sidaas daraaddeed ayuu Badbaadiye ugu noqday.
Isai SomKQA 63:9  Dhibaatadoodii oo dhan ayuu isna ku dhibaatooday, oo waxaa iyagii badbaadisay malaa'igta hortiisa joogta, oo wuxuu iyagii ku soo furtay jacaylkiisii iyo naxdintiisii, oo isna wuu soo xambaaray, oo waayihii hore oo dhanna wuu siday.
Isai SomKQA 63:10  Laakiinse way caasiyoobeen, oo Ruuxiisa Quduuska ahna way calool xumeeyeen, oo sidaas daraaddeed ayuu ugu rogmaday inuu cadowgoodii noqdo, wuuna la diriray.
Isai SomKQA 63:11  Markaas dadkiisii waxay soo xusuusteen waayihii hore ee Muuse, oo waxay yidhaahdeen, Meeh kii badda ka soo gudbiyey iyagii iyo adhijirkii idihiisa? Meeh kii Ruuxiisa Quduuska ah dhexdooda dhigay,
Isai SomKQA 63:12  kii dhudhunkiisa ammaanta badan gacanta midigta ee Muuse raacsiiyey, oo biyaha hortooda ku kala qaybiyey, inuu magac weligiis ah samaysto?
Isai SomKQA 63:13  Meeh kii moolka dhexdiisa ku soo hor kacay sidii faras cidlada dhex maraya si ayan u turunturoon?
Isai SomKQA 63:14  Sidii lo' dooxada hoos ugu dhaadhacaysa ayaa Ruuxa Rabbigu iyaga u nasiyey. Oo sidaas oo kalaad dadkaagii u hoggaamisay inaad magac ammaan badan samaysatid.
Isai SomKQA 63:15  Bal samada wax ka soo fiiri, oo bal rugtaada quduusnimada iyo ammaanta leh wax ka soo arag. Meeyey qiiradaadii iyo xooggaagii? Jacaylkii iyo raxmaddii aad ii qabtay way iga joogsadeen.
Isai SomKQA 63:16  In kastoo Ibraahim aanu na garan oo reer binu Israa'iilna ayan na aqoonsan adigu waxaad tahay aabbahayaga. Rabbiyow, waxaad tahay aabbahayaga, oo magacaaguna weligiisba waa Bixiyahayaga.
Isai SomKQA 63:17  Rabbiyow, bal maxaad nooga dhigtay inaannu jidkaaga ka qaldanno, maxaadse qalbigayaga u qallafisay si aannan kaaga cabsan? U soo noqo addoommadaada aawadood iyo qabiilooyinkii dhaxalkaaga aawadood?
Isai SomKQA 63:18  Wakhti yar keliya ayaa dadkaagii quduusanaa dalkii hanti ahaan u haysteen. Cadaawayaashayadii ayaa meeshaadii quduuska ahayd ku tuntay.
Isai SomKQA 63:19  Oo annana waxaannu kula mid noqonnay sidii kuwa aadan weligaa u talin, iyo sidii kuwa aan magacaaga loogu yeedhin.
Chapter 64
Isai SomKQA 64:1  Maad samooyinka soo jeexdid, oo maad hoos u soo dhaadhacdid, si ay buuruhu hortaada uga gariiraan
Isai SomKQA 64:2  sida dab xaabo uu u gubo oo uu biyahana u karkariyo, in magacaaga cadaawayaashaada la ogeysiiyo, iyo in quruumuhu ay hortaada ku gariiraan!
Isai SomKQA 64:3  Markaad waxyaalo cabsi badan oo aannan filanayn samaysay, hoos baad u soo dhaadhacday, oo buurihiina hortaaday ku gariireen.
Isai SomKQA 64:4  Tan iyo waa hore ninna ma garan, dheguna ma maqal, iluna ma arag Ilaah aan adiga ahayn oo u shaqeeya kan isaga wax ka suga.
Isai SomKQA 64:5  Kan isagoo faraxsan xaqnimo sameeya, iyo kuwa jidadkaaga kugu xusuusta waad la kulantaa. Waad cadhaysnayd, waannuna dembaabnay. Dembiyadaas wakhti dheer baannu ku sii soconnay, haddaba ma nala badbaadin doonaa?
Isai SomKQA 64:6  Waayo, kulligayo waxaannu noqonnay sida wax aan nadiif ahayn, oo xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah, kulligayona waxaannu u engegnay sida caleen oo kale, oo xumaantayadiina sidii dabayl oo kale ayay noo kaxaysataa.
Isai SomKQA 64:7  Oo innaba lama arko mid magacaaga ku baryootama, ama niyadiisa u kiciya inuu ku xagsado, waayo, wejigaagii waad naga qarisay, oo xumaatooyinkayagii aawadood waad na wada baabbi'isay.
Isai SomKQA 64:8  Laakiinse haatan, Rabbiyow, waxaad tahay Aabbahayaga. Annagu waxaannu nahay dhoobadii, oo adiguna dheryasameeyahayaga baad tahay, oo annana kulligayo shuqulkii gacantaada baannu nahay.
Isai SomKQA 64:9  Rabbiyow, aad ha u cadhoon, oo xumaantana ilaa weligaa ha sii xusuusan. Bal eeg, oo na fiiri, waan ku baryaynaaye, waayo, kulligayo dadkaaga baannu nahay.
Isai SomKQA 64:10  Magaalooyinkaagii quduuska ahaa cidlo bay noqdeen, Siyoon waxay noqotay cidlo oo kale, Yeruusaalemna waxay noqotay meel baabba' ah.
Isai SomKQA 64:11  Gurigayagii quduuska ahaa oo qurxoonaa oo ahaa meeshii ay awowayaashayo kugu ammaani jireen dab baa lagu gubay, oo waxyaalahayagii wanwanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.
Isai SomKQA 64:12  Rabbiyow, waxyaalahaas aawadood ma isu celinaysaa? Ma iska aamusaysaa, oo ma aad baad noo sii dhibaysaa?
Chapter 65
Isai SomKQA 65:1  Waxaan aqbalay kuwa aan wax i weyddiinayn, oo waxaa i helay kuwa aan i doondoonayn. Waxaa quruun aan magacayga loogu yeedhi jirin ku idhi, I eeg, i eeg.
Isai SomKQA 65:2  Maalintii oo dhan waxaan gacmahayga u kala bixinayay dad caasi ah, oo jid aan wanaagsanayn ku socda, oo fikirradooda daba gala,
Isai SomKQA 65:3  oo ah dad had iyo goorba badheedh iiga cadhaysiiya, iyagoo beero allabari ku bixiya, oo meelo leben laga sameeyey foox ku shida.
Isai SomKQA 65:4  Waxay fadhiyaan xabaalaha dhexdooda, oo meelo qarsoon bayna ku hoydaan. Hilib doofaar bay cunaan oo weelashoodana waxaa ku jira maraq waxyaalo karaahiyo ah laga sameeyey,
Isai SomKQA 65:5  oo waxay yidhaahdaan, Goonidaada u taagnow, oo ha ii soo dhowaanin, waayo, waan kaa quduusanahay. Kuwaasu waa qiiq sanka iga galay, iyo dab maalinta oo dhan qaxmaya.
Isai SomKQA 65:6  Bal eega, tanu hortayday ku qoran tahay, Anigu iska aamusi maayo, laakiinse waan abaal marin doonaa, oo waxaan abaalmarinta gelin doonaa laabtooda.
Isai SomKQA 65:7  Xumaatooyinkiinnii iyo xumaatooyinkii awowayaashiinba isku mar baan idiinka abaalmarin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, iyagu buurahay foox ku shideen oo kurahay igu caayeen, sidaas daraaddeed laabtooda ayaan shuqulladoodii hore gelin doonaa.
Isai SomKQA 65:8  Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida khamriga looga helo rucubka canabka dhexdiisa, oo mid u yidhaahdo, Ha hallaynin, waayo, barakaa ku dhex jirta, sidaas oo kalaan u samayn doonaa addoommadayda aawadood, si aanan dhammaantood u wada baabbi'in.
Isai SomKQA 65:9  Waxaan reer Yacquub ka soo bixin doonaa farcan, oo Yahuudahna waxaan ka soo bixin doonaa mid buurahayga dhaxla, oo kuwayga aan doortay ayaa dhaxli doona, oo addoommadayda ayaa halkaas degi doona.
Isai SomKQA 65:10  Shaaroon waxay noqon doontaa meel ay adhiyuhu daaqaan, oo dooxadii Caakoorna waxay noqon doontaa meel ay lo'yowgu fadhiistaan, dadkayga i doondoonay aawadood.
Isai SomKQA 65:11  Laakiinse kuwiinna Rabbiga ka taga, oo buurtayda quduuska ah illoobay, oo Gaad miis u diyaariya, oo Menii khamri u qasa,
Isai SomKQA 65:12  waxaan idinka dhigi doonaa kuwa seefta ku le'da, oo dhammaantiinna waxaad u wada foororsan doontaan in laydin gowraco, maxaa yeelay, markaan idiin yeedhay iima aydaan jawaabin, oo markaan idinla hadlayna, ima aydaan maqlin, laakiinse wax indhahayga hortooda shar ku ahaa baad samayseen, oo waxaad doorateen wax aanan ku farxin.
Isai SomKQA 65:13  Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, addoommadaydu wax bay cuni doonaan, idinkuse waad gaajaysnaan doontaan, addoommadaydu wax bay cabbi doonaan, idinkuse waad harraadsanaan doontaan, addoommadaydu way rayrayn doonaan, idinkuse waad ceeboobi doontaan,
Isai SomKQA 65:14  addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan.
Isai SomKQA 65:15  Oo magiciinna ayaad kuwayga aan doortay ugu dayn doontaan, inuu habaar lagu dhaarto u noqdo, oo Sayidka Rabbiga ah ayaa idin layn doona, oo addoommadiisana magac kaluu u bixin doonaa.
Isai SomKQA 65:16  Kii isagoo dalka jooga isu duceeyaa wuxuu isugu ducayn doonaa Ilaaha runta, oo kii isagoo dalka jooga dhaartaana wuxuu ku dhaaran doonaa Ilaaha runta, waayo, dhibaatooyinkii hore waa la illoobay, indhahaygana way ka qarsoon yihiin.
Isai SomKQA 65:17  Waayo, bal eega, waxaan abuuri doonaa samooyin cuscusub iyo dhul cusub, oo waxyaalihii horena lama soo xusuusan doono, oo innaba maanka sooma ay geli doonaan.
Isai SomKQA 65:18  Laakiinse farxa oo weligiinba waxa aan abuuro ku reyreeya, waayo, bal eega, Yeruusaalem waxaan u abuuraa rayrayn, dadkeedana farxad baan u abuuraa.
Isai SomKQA 65:19  Oo Yeruusaalem baan ku rayrayn doonaa, oo dadkaygana waan ku farxi doonaa, oo codkii oohinta iyo codkii baroorashadana mar dambe dhexdeeda lagama maqli doono.
Isai SomKQA 65:20  Oo markaas dabadeedna innaba dhexdeeda ilmo dhawr maalmood jira, amase oday aan cimrigiisa dhammaysan lagama heli doono, waayo, ilmuhu wuxuu dhiman doonaa isagoo boqol sannadood jira, dembilaha boqol sannadood jirase wuxuu ahaan doonaa mid inkaaran.
Isai SomKQA 65:21  Guryay dhisan doonaan, wayna degi doonaan, oo beero canab ahna way beeran doonaan, midhahoodana way cuni doonaan.
Isai SomKQA 65:22  Si uu mid kale u dego, guryo ma ay dhisi doonaan, oo si uu mid kale u cuno, beero ma ay beeran doonaan, waayo, dadkayga cimrigiisu wuxuu ahaan doonaa sidii geed cimrigiis, oo kuwayga aan doortayna wakhti dheer ayay shuqulka gacmahooda ku farxi doonaan.
Isai SomKQA 65:23  Si aan waxba tarin uma ay hawshoon doonaan, oo masiibona carruur uma ay dhali doonaan, waayo, iyagu waa farcankii kuwii Rabbigu barakeeyey, iyaga iyo carruurtoodaba.
Isai SomKQA 65:24  Intaanay dhawaaqin ayaan u jawaabi doonaa, oo intay weli hadlayaan ayaan maqli doonaa.
Isai SomKQA 65:25  Yeyda iyo baraarku way isla wada daaqi doonaan, libaaxuna sida dibi oo kale caws buu u cuni doonaa, oo boodhkuna abeesada quudkeeduu ahaan doonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurtayda quduuska ah oo dhan waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan.
Chapter 66
Isai SomKQA 66:1  Rabbigu wuxuu leeyahay, Samadu waa carshigayga, dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto. Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Oo maxay tahay meeshaan ku nastaa?
Isai SomKQA 66:2  Waayo, waxyaalahan oo dhan gacantaydaa samaysay, oo waxyaalahan oo dhammuna way wada ahaadeen, ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse ninkan waan fiirinayaa kaasoo ah miskiin, ruuxiisuna jaban yahay, eraygaygana ka gariira.
Isai SomKQA 66:3  Kii dibi gowracaa wuxuu la mid yahay mid nin dilay oo kale, kii wan yar allabari ahaan u bixiyaana wuxuu la mid yahay mid eey qoorta ka jebiya oo kale, oo kii qurbaan bixiyaana wuxuu la mid yahay sida isagoo doofaar dhiiggiis bixiya oo kale, oo kii foox shidaana wuxuu la mid yahay sida isagoo sanam ammaana. Hubaal waxay doorteen jidadkooda, oo naftooduna waxay ku faraxdaa karaahiyadooda.
Isai SomKQA 66:4  Anna waxaan dooran doonaa dhibaatooyinkooda, oo waxay ka cabsadaanna waan ku soo kor dayn doonaa, maxaa yeelay, markaan u yeedhay, innaba cidina iima jawaabin, oo markaan la hadlayna, ima ay maqlin, laakiinse wax indhahayga hortooda shar ku ahaa bay sameeyeen, oo waxay doorteen wax aanan ku farxin.
Isai SomKQA 66:5  Kuwiinna eraygiisa ka gariirow, bal erayga Rabbiga maqla. Walaalihiinna idin neceb, oo magacayga aawadiis idiin xoora, waxay yidhaahdeen, Rabbiga ha la ammaano, si aan farxaddiinna u aragno, laakiinse iyagu way ceeboobi doonaan.
Isai SomKQA 66:6  Buuq baa magaalada laga maqlayaa, cod baana macbudka ka yeedhaya, waana codka Rabbiga oo cadaawayaashiisii abaal marinaya.
Isai SomKQA 66:7  Intii ayan foolan ayay dhashay, oo intii ayan xanuunsan ayay wiil umushay.
Isai SomKQA 66:8  Bal yaa waxaas oo kale maqlay? Yaase waxaas oo kale arkay? Dal miyuu maalin qudha dhashaa? Quruunse miyey haddiiba dhalataa? Waayo, Siyoon mar alla markay foolatay ayay haddiiba carruurteedii dhashay.
Isai SomKQA 66:9  Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigoo foosha keena miyaanan dhalin doonin? Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anigoo wax dhaliya, miyaan maxalka awdi doonaa?
Isai SomKQA 66:10  Kuwiinna iyada jecel oo dhammow, Yeruusaalem la reyreeya, oo aawadeed u faraxsanaada, kuwiinna u baroorta oo dhammow, farxad aawadeed ula reyreeya,
Isai SomKQA 66:11  si aad naaseheeda gargaarka ah u nuugtaan oo aad uga dheregtaan, iyo si aad sharafteeda badan uga maashaan oo aad ugu faraxdaan.
Isai SomKQA 66:12  Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, nabad sida webi oo kale ayaan ugu soo fidin doonaa, oo sharafta quruumahana sida durdur soo buuxdhaafay oo kale ayaan ugu soo dayn doonaa, oo markaasaad nuugi doontaan, oo sintaa laydinku xambaari doonaa, dhabtaana laydinku dul cayaarsiin doonaa.
Isai SomKQA 66:13  Sida mid hooyadiis u qalbi qaboojiso oo kale ayaan aniguna idiin qalbi qaboojin doonaa, oo waxaa laydinku qalbi qaboojin doonaa Yeruusaalem.
Isai SomKQA 66:14  Oo markaad waxaas aragtaan ayaa qalbigiinnu farxi doonaa, oo lafihiinnuna sida caws qoyan oo kale ayay u soo barwaaqaysnaan doonaan, oo waxaa la ogaan doonaa inay gacanta Rabbigu addoommadiisa la jirto, cadhadiisuse waxay ku dhici doontaa cadaawayaashiisa.
Isai SomKQA 66:15  Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu la iman doonaa dab, iyo gaadhifardoodyadiisa cirwareenta la moodo, inuu xanaaqiisa cadho ku keeno canaantiisana dab ololkiis.
Isai SomKQA 66:16  Waayo, Rabbigu wuxuu binu-aadmiga oo dhan ku xukumi doonaa dab iyo seeftiisa, oo kuwa Rabbigu laayana way badan doonaan.
Isai SomKQA 66:17  Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa isdaahiriya, oo beeraha isku dhex nadiifiya, oo midba midka kale daba socdo, oo hilibka doofaarka, iyo karaahiyada, iyo jiirka cunaa dhammaantood way wada baabbi'i doonaan.
Isai SomKQA 66:18  Waayo, shuqulladooda iyo fikirradooda waan ogahay, oo waxay noqon doontaa inaan soo wada ururiyo quruumaha iyo afafka oo dhanba, oo iyana way iman doonaan, ammaantaydana way arki doonaan.
Isai SomKQA 66:19  Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan.
Isai SomKQA 66:20  Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay Rabbiga qurbaan ahaan ugu keeni doonaan walaalihiin oo dhan, oo waxay ka soo kaxayn doonaan quruumaha oo dhan, iyagoo fuushan fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo sariiro gacmeed, iyo baqlo, iyo rakuubbo dheereeya, oo waxay keeni doonaan buurtayda quduuska ah ee Yeruusaalem, sida reer binu Israa'iil ay weel nadiifsan qurbaankooda ugu keenaan oo ay guriga Rabbiga u soo geliyaan.
Isai SomKQA 66:21  Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan iyaga kala dhex bixi doonaa wadaaddo iyo kuwa reer Laawi ah.
Isai SomKQA 66:22  Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida samooyinka cuscusub iyo dhulka cusub oo aan samayn doono ay hortayda ugu raagi doonaan, ayaa farcankiinna iyo magiciinnuba hortayda ugu raagi doonaan.
Isai SomKQA 66:23  Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in bil ka bil iyo sabti ka sabti binu-aadmiga oo dhammuba ay u iman doonaan inay hortayda igu caabudaan.
Isai SomKQA 66:24  Oo iyana way bixi doonaan, oo waxay fiirfiirin doonaan dadkii igu xadgudbay meydadkooda, waayo, dixirigoodu ma dhiman doono, oo dabkuna kama demi doono, oo waxay binu-aadmiga oo dhan u noqon doonaan karaahiyo.