Site uses cookies to provide basic functionality.

OK
Toggle notes
Chapter 1
Psal SomKQA 1:1  Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh, Oo aan istaagin jidka dembilayaasha, Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
Psal SomKQA 1:2  Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga, Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
Psal SomKQA 1:3  Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
Psal SomKQA 1:4  Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha, Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
Psal SomKQA 1:5  Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka, Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
Psal SomKQA 1:6  Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
Chapter 2
Psal SomKQA 2:1  Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan, Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
Psal SomKQA 2:2  Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
Psal SomKQA 2:3  Silsiladahooda aan gooyno Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
Psal SomKQA 2:4  Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
Psal SomKQA 2:5  Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa, Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
Psal SomKQA 2:6  Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
Psal SomKQA 2:7  Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.
Psal SomKQA 2:8  I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
Psal SomKQA 2:9  Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
Psal SomKQA 2:10  Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
Psal SomKQA 2:11  Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
Psal SomKQA 2:12  Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane. Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa. Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
Chapter 3
Psal SomKQA 3:1  Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa! Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.
Psal SomKQA 3:2  Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh, Ilaah isaga caawin maayo.(Selaah)
Psal SomKQA 3:3  Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan, Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.
Psal SomKQA 3:4  Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa, Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah.(Selaah)
Psal SomKQA 3:5  Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday, Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.
Psal SomKQA 3:6  Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa, Oo gees kasta iga hareereeyey.
Psal SomKQA 3:7  Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow, Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka, Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.
Psal SomKQA 3:8  Badbaado waxaa leh Rabbiga, Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto.(Selaah)
Chapter 4
Psal SomKQA 4:1  Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal, Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay, Ii naxariiso oo baryadayda maqal.
Psal SomKQA 4:2  Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa? Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan? Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan?(Selaah)
Psal SomKQA 4:3  Laakiinse ogaada in Rabbigu gooni ahaan isugu soocay kii cibaado leh, Rabbigu wuu maqli doonaa markii aan u yeedho isaga.
Psal SomKQA 4:4  Cadhooda oo ha dembaabina, Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa.(Selaah)
Psal SomKQA 4:5  Bixiya allabaryadii xaqnimada, Oo Rabbiga isku halleeya.
Psal SomKQA 4:6  Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya? Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.
Psal SomKQA 4:7  Waxaad qalbigayga gelisay farxad Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.
Psal SomKQA 4:8  Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa, Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.
Chapter 5
Psal SomKQA 5:1  Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig, Oo ka fiirso fikirradayda.
Psal SomKQA 5:2  Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda, Waayo, adigaan kuu tukanayaa.
Psal SomKQA 5:3  Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa, Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
Psal SomKQA 5:4  Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa, Oo shar adiga kula jiri maayo.
Psal SomKQA 5:5  Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo, Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.
Psal SomKQA 5:6  Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla, Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.
Psal SomKQA 5:7  Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.
Psal SomKQA 5:8  Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami, Oo jidkaaga hortayda ku toosi.
Psal SomKQA 5:9  Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto, Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan, Hungurigooduna waa qabri af bannaan, Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.
Psal SomKQA 5:10  Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri, Oo iyagu taladooda ha ku baabbe'een, Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga, Waayo, way kugu caasiyoobeen.
Psal SomKQA 5:11  Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen, Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga, Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.
Psal SomKQA 5:12  Waayo, Rabbiyow, kii xaq ah waad barakayn doontaa, Oo waxaad hareerihiisa ku wareejinaysaa raallinimo sidii gaashaan oo kale.
Chapter 6
Psal SomKQA 6:1  Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
Psal SomKQA 6:2  Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.
Psal SomKQA 6:3  Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?
Psal SomKQA 6:4  Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi, Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.
Psal SomKQA 6:5  Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto, Bal yaase She'ool kaaga mahad naqi doona?
Psal SomKQA 6:6  Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
Psal SomKQA 6:7  Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.
Psal SomKQA 6:8  Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow, Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.
Psal SomKQA 6:9  Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.
Psal SomKQA 6:10  Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan, Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.
Chapter 7
Psal SomKQA 7:1  Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa, Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,
Psal SomKQA 7:2  Waaba intaasoo ay naftayda sida libaax oo kale u kala dildillaaciyaane, Oo ay i kala jeexjeexaan intii aanay jirin cid iga samatabbixisaa.
Psal SomKQA 7:3  Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey, Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,
Psal SomKQA 7:4  Haddii aan shar ugu abaal guday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)
Psal SomKQA 7:5  De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado, Oo isagu ha igu tunto, Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido.(Selaah)
Psal SomKQA 7:6  Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.
Psal SomKQA 7:7  Oo dadyowga ururradoodu ha ku hareereeyeen, Oo adna iyaga xagga sare uga noqo.
Psal SomKQA 7:8  Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.
Psal SomKQA 7:9  Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.
Psal SomKQA 7:10  Gaashaankaygu wuxuu la jiraa Ilaaha Badbaadiya kuwa qalbigoodu qumman yahay.
Psal SomKQA 7:11  Ilaah waa xaakin xaq ah, Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.
Psal SomKQA 7:12  Haddii aan laga noqon, isagu seeftiisuu afaysan doonaa, Qaansadiisana wuu xootay, oo wuu diyaarsaday.
Psal SomKQA 7:13  Oo weliba wuxuu diyaarsaday alaabtii dhimashada, Oo fallaadhihiisana wuxuu ka dhigtaa kuwo ololaya.
Psal SomKQA 7:14  Bal eega, ninku wuxuu la dhibtoodaa xumaan, Oo wuxuu wallacay belaayo, oo wuxuu dhalay been.
Psal SomKQA 7:15  Booraan buu sameeyey, oo uu qoday, Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.
Psal SomKQA 7:16  Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa, Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa.
Psal SomKQA 7:17  Rabbiga waan ugu mahad naqayaa sida ay xaqnimadiisu tahay, Oo waxaan u ammaanayaa magaca Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya.
Chapter 8
Psal SomKQA 8:1  Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
Psal SomKQA 8:2  Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga, Waana cadaawayaashaada daraaddood, Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
Psal SomKQA 8:3  Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
Psal SomKQA 8:4  Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
Psal SomKQA 8:5  Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
Psal SomKQA 8:6  Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
Psal SomKQA 8:7  Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,
Psal SomKQA 8:8  Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda, Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
Psal SomKQA 8:9  Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Chapter 9
Psal SomKQA 9:1  Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugu mahad naqi doonaa, Waxaan muujin doonaa shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
Psal SomKQA 9:2  Waan kugu farxi doonaa oo kugu rayrayn doonaa, Kaaga ah kan ugu sarreeyow, magacaaga ayaan ammaan ugu gabyi doonaa.
Psal SomKQA 9:3  Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan, Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.
Psal SomKQA 9:4  Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay, Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.
Psal SomKQA 9:5  Quruumaha ayaad canaanatay, oo kuwa sharka lehna waad baabbi'isay, Oo magacoodiina waad tirtirtay weligiis iyo weligiis.
Psal SomKQA 9:6  Cadaawayaashii way dhammaadeen, oo weligoodba waa baabba', Oo magaalooyinkii aad afgembidayna Xataa xusuustoodii waa baabba'day.
Psal SomKQA 9:7  Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor, Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.
Psal SomKQA 9:8  Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa. Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.
Psal SomKQA 9:9  Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal. Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,
Psal SomKQA 9:10  Oo kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan, Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.
Psal SomKQA 9:11  Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya, Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.
Psal SomKQA 9:12  Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda, Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.
Psal SomKQA 9:13  Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,
Psal SomKQA 9:14  Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan, Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.
Psal SomKQA 9:15  Quruumihii waxay ku dheceen yaamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.
Psal SomKQA 9:16  Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey, Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa.(Higgayoon. Selaah)
Psal SomKQA 9:17  Kuwa sharka lahu waxay ku noqonayaan She'ool, Waana quruumaha Ilaah illoobay oo dhan.
Psal SomKQA 9:18  Waayo, kan baahan mar walba lama illoobi doono, Oo masaakiinta waxfilashadooduna weligeed ma baabba'sanaan doonto.
Psal SomKQA 9:19  Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan. Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.
Psal SomKQA 9:20  Rabbiyow, iyaga cabsi geli, Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin.(Selaah)
Chapter 10
Psal SomKQA 10:1  Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay? Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?
Psal SomKQA 10:2  Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.
Psal SomKQA 10:3  Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay, Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.
Psal SomKQA 10:4  Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa, Isagu waxba i weyddiisan maayo. Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.
Psal SomKQA 10:5  Jidadkiisuu ku adag yahay had iyo goorba, Xukummadaaduna waa ka sarreeyaan isaga, waana ka fog yihiin, Oo cadaawayaashiisa oo dhanna wuu wada fudaydsadaa.
Psal SomKQA 10:6  Oo wuxuu isyidhaahdaa, Anigu weligay dhaqdhaqaaqi maayo, Oo tan iyo ka ab ka ab xumaanu i heli mayso.
Psal SomKQA 10:7  Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.
Psal SomKQA 10:8  Isagu wuxuu fadhiistaa tuulooyinka meelahooda lagu dhuunto, Oo kan aan xaqa qabinna wuxuu ku dilaa meelaha qarsoon, Oo indhihiisuna waxay si qarsoon hoos uga fiiriyaan miskiinka.
Psal SomKQA 10:9  Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira, Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado, Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.
Psal SomKQA 10:10  Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa, Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.
Psal SomKQA 10:11  Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay, Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
Psal SomKQA 10:12  Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad, Oo masaakiinta ha illoobin.
Psal SomKQA 10:13  Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa? Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
Psal SomKQA 10:14  Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed, Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa, Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.
Psal SomKQA 10:15  Kii shar leh gacantiisa jebi, Oo sharrowga xumaantiisana doondoon ilaa aad mid dambe weydid.
Psal SomKQA 10:16  Rabbigu waa boqor weligiis iyo weligiisba, Oo quruumaha oo dhammuna dalkiisa way ka wada baabba'aan.
Psal SomKQA 10:17  Rabbiyow, waad maqashay waxay kuwa is-hoosaysiiyaa doonayaan, Oo qalbigooda waad diyaarin doontaa, oo dhegtaadana waad u dhigi doontaa,
Psal SomKQA 10:18  Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay, Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.
Chapter 11
Psal SomKQA 11:1  Anigu Rabbigaan isku halleeyaa, Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan, Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?
Psal SomKQA 11:2  Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada, Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga, Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.
Psal SomKQA 11:3  Haddii aasaaska la dumiyo, Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?
Psal SomKQA 11:4  Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada, Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.
Psal SomKQA 11:5  Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah, Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.
Psal SomKQA 11:6  Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno, Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.
Psal SomKQA 11:7  Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay, Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.
Chapter 12
Psal SomKQA 12:1  Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa, Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.
Psal SomKQA 12:2  Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
Psal SomKQA 12:3  Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan, Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.
Psal SomKQA 12:4  Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga, Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?
Psal SomKQA 12:5  Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood, Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
Psal SomKQA 12:6  Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah, Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray, Oo toddoba jeer la safeeyey.
Psal SomKQA 12:7  Rabbiyow, waad dhawri doontaa, Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.
Psal SomKQA 12:8  Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay, Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.
Chapter 13
Psal SomKQA 13:1  Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?
Psal SomKQA 13:2  Ilaa goormaan naftayda la tashanayaa, Anigoo maalinta oo dhan calool xun? Ilaa goormuu cadowgaygu iga sarraynayaa?
Psal SomKQA 13:3  Rabbiyow Ilaahayow, waxaas u fiirso, oo ii jawaab, Indhahayga iftiimi, yaanan hurdadii geerida seexanine,
Psal SomKQA 13:4  Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday, Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.
Psal SomKQA 13:5  Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada, Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada.
Psal SomKQA 13:6  Rabbigaan u gabyi doonaa, Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.
Chapter 14
Psal SomKQA 14:1  Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro. Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah, Ma jiro mid wanaag sameeya.
Psal SomKQA 14:2  Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga, Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya, Oo Ilaah doondoona.
Psal SomKQA 14:3  Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen, Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
Psal SomKQA 14:4  Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn? Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan, Mana ay baryaan Rabbiga.
Psal SomKQA 14:5  Halkaasay aad ugu cabsadeen, Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.
Psal SomKQA 14:6  Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka, Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.
Psal SomKQA 14:7  Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
Chapter 15
Psal SomKQA 15:1  Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
Psal SomKQA 15:2  Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla.
Psal SomKQA 15:3  Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
Psal SomKQA 15:4  Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
Psal SomKQA 15:5  Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod, Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin. Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.
Chapter 16
Psal SomKQA 16:1  Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.
Psal SomKQA 16:2  Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay, Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.
Psal SomKQA 16:3  Quduusiinta dhulka joogtaa Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
Psal SomKQA 16:4  Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa, Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah, Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.
Psal SomKQA 16:5  Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga, Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.
Psal SomKQA 16:6  Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay, Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.
Psal SomKQA 16:7  Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey, Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.
Psal SomKQA 16:8  Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa, Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo, Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.
Psal SomKQA 16:9  Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa, Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.
Psal SomKQA 16:10  Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid, Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
Psal SomKQA 16:11  Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha, Hortaada farxad baa ka buuxda, Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.
Chapter 17
Psal SomKQA 17:1  Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso, Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.
Psal SomKQA 17:2  Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada, Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.
Psal SomKQA 17:3  Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay, Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin, Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.
Psal SomKQA 17:4  Shuqulladii dadkana waan ka hadhay, Oo erayada bushimahaaga ayaan kaga joogsaday jidadkii kuwa wax dulma oo dhan.
Psal SomKQA 17:5  Si aanay cagahaygu u simbiriirixan, Tallaabooyinkayga ku adkee waddooyinkaaga.
Psal SomKQA 17:6  Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa, Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.
Psal SomKQA 17:7  Bal muuji raxmaddaada yaabka leh, Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya Kuwa ku kaca iyaga.
Psal SomKQA 17:8  Ii dhawr sida isha inankeeda, Oo igu qari hooska baalashaada.
Psal SomKQA 17:9  Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba, Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.
Psal SomKQA 17:10  Qalbigooday xidheen, Oo afkooduna wuxuu ku hadlaa waxyaalo kibir miidhan ah.
Psal SomKQA 17:11  Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii, Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.
Psal SomKQA 17:12  Isagu waa sida aar libaax ugaadhsi damacsan, Iyo sida aaran libaax oo meelo qarsoon ku dhuunta.
Psal SomKQA 17:13  Rabbiyow, kac, Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur, Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,
Psal SomKQA 17:14  Rabbiyow, waxaad dadka igaga samatabbixisaa gacantaada, Kuwaas oo ah dadka dunida, oo qaybtoodu ku jirto nolosha adduunkan, Oo aad calooshooda ka buuxisaa khasnaddaada, Iyagu waxay ka dhergeen carruur, Oo maalkooda hadhayna waxay uga tagaan dhallaankooda.
Psal SomKQA 17:15  Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.
Chapter 18
Psal SomKQA 18:1  Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.
Psal SomKQA 18:2  Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
Psal SomKQA 18:3  Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.
Psal SomKQA 18:4  Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.
Psal SomKQA 18:5  Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool, Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.
Psal SomKQA 18:6  Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Oo waxaan u qayshaday Ilaahay, Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.
Psal SomKQA 18:7  Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
Psal SomKQA 18:8  Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.
Psal SomKQA 18:9  Oo weliba samooyinka wuu soo foorarshay, oo hoos buu u soo degay, Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.
Psal SomKQA 18:10  Oo wuxuu fuulay keruub, wuuna duulay, Haah, oo wuxuu si dheeraysa ugu duulay oo fuulay dabaysha baalasheeda.
Psal SomKQA 18:11  Wuxuu gudcurka ka dhigtay meeshiisii dhuumashada, iyo taambuuggiisa hareerihiisa ku wareegsan, Iyo biyo gudcur ah, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.
Psal SomKQA 18:12  Nuurkii hortiisa yiil aawadiis ayay daruurihii qarada waaweynaa tageen, Roobkii dhagaxyada lahaa iyo dhuxulihii dabka ahaana way carareen.
Psal SomKQA 18:13  Rabbiguna wuxuu ka onkoday samooyinka, Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii, Oo soo daayay roob dhagaxyaale iyo dhuxulo dab ah.
Psal SomKQA 18:14  Markaasuu fallaadhihiisii soo ganay oo kala firdhiyey iyagii, Haah, oo wuxuu u soo diray hillaac badan, wuuna baabbi'iyey iyagii.
Psal SomKQA 18:15  Rabbiyow, canaantaadii aawadeed iyo dulalka sankaaga neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii biyuhu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
Psal SomKQA 18:16  Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday, Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.
Psal SomKQA 18:17  Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.
Psal SomKQA 18:18  Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa, Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.
Psal SomKQA 18:19  Oo weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan, Wuu i soo samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.
Psal SomKQA 18:20  Rabbigu wuxuu iigu abaal guday sidii ay xaqnimadaydii ahayd, Oo sidii ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaal guday.
Psal SomKQA 18:21  Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga, Oo Ilaahayna si caasinimo ah ugama tegin.
Psal SomKQA 18:22  Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen, Oo qaynuunnadiisiina anigu iskama tuurin.
Psal SomKQA 18:23  Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa, Oo waan iska dhawray xumaantaydii.
Psal SomKQA 18:24  Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd, Iyo sidii nadiifsanaanta gacmahaygu ay ku ahayd indhihiisa hortooda.
Psal SomKQA 18:25  Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa, Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.
Psal SomKQA 18:26  Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa, Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
Psal SomKQA 18:27  Waayo, waxaad badbaadinaysaa dadka dhibaataysan, Laakiinse indhaha kibirsan waad soo dejinaysaa.
Psal SomKQA 18:28  Waayo, waxaad daaraysaa laambaddayda, Rabbiga Ilaahayga ah ayaa gudcurkayga iftiiminaya.
Psal SomKQA 18:29  Waayo, adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.
Psal SomKQA 18:30  Ilaah jidkiisu waa qumman yahay, Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey, Isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
Psal SomKQA 18:31  Waayo, bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?
Psal SomKQA 18:32  Kaasoo ah Ilaaha ii guntiya xoog, Jidkaygana qummaatiya.
Psal SomKQA 18:33  Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiya meelahayga sare.
Psal SomKQA 18:34  Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka, Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
Psal SomKQA 18:35  Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada, Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig, Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.
Psal SomKQA 18:36  Adigu tallaabooyinkayga waxaad ku ballaadhisay hoostayda, Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.
Psal SomKQA 18:37  Anigu waxaan eryan doonaa cadaawayaashayda, oo waan gaadhi doonaa, Oo jeeray wada baabba'aanna dib uga soo noqon maayo.
Psal SomKQA 18:38  Waan wada layn doonaa si aanay mar dambe u awoodin inay kacaan, Oo cagahaygay ku soo hoos dhici doonaan.
Psal SomKQA 18:39  Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.
Psal SomKQA 18:40  Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.
Psal SomKQA 18:41  Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya, Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.
Psal SomKQA 18:42  Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dabaysha hor kaca, Oo waxaan iyagii dibadda ugu tuuray sidii dhoobada jidadka taal oo kale.
Psal SomKQA 18:43  Waxaad iga samatabbixisay murankii dadka, Oo waxaad iga dhigtay quruumaha madaxdoodii, Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.
Psal SomKQA 18:44  Oo mar alla markii ay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan, Oo shisheeyayaashuna way isu kay dhiibi doonaan,
Psal SomKQA 18:45  Shisheeyayaashu way libdhi doonaan, Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.
Psal SomKQA 18:46  Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn, Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,
Psal SomKQA 18:47  Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura.
Psal SomKQA 18:48  Isagu wuxuu iga badbaadiyaa cadaawayaashayda, Haah, oo adigu waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca, Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.
Psal SomKQA 18:49  Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahad naqi doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.
Psal SomKQA 18:50  Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa, Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday, Kaasoo ah Daa'uud, iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.
Chapter 19
Psal SomKQA 19:1  Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah, Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.
Psal SomKQA 19:2  Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal, Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon.
Psal SomKQA 19:4  Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan, Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa. Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
Psal SomKQA 19:5  Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya, Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
Psal SomKQA 19:6  Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda, Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda, Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
Psal SomKQA 19:7  Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa, Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
Psal SomKQA 19:8  Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan, Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
Psal SomKQA 19:9  Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa, Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
Psal SomKQA 19:10  Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah, Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
Psal SomKQA 19:11  Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay, Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
Psal SomKQA 19:12  Bal yaa qaladdadiisa garan kara? Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
Psal SomKQA 19:13  Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro, Oo yaanay ii talin, Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa, Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.
Psal SomKQA 19:14  Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow, Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.
Chapter 20
Psal SomKQA 20:1  Rabbigu ha kuu jawaabo maalinta dhibta, Ilaaha Yacquub magiciisu meel sare ha ku taago,
Psal SomKQA 20:2  Caawimaadna ha kaaga soo diro meesha quduuska ah, Oo Siyoonna ha kaa xoogeeyo,
Psal SomKQA 20:3  Ha xusuusto qurbaannadaadii oo dhan, Oo ha aqbalo allabarigaagii gubnaa,(Selaah)
Psal SomKQA 20:4  Oo ha ku siiyo waxa qalbigaagu doono, Oo ha kuu yeelo muraadkaaga oo dhan.
Psal SomKQA 20:5  Innagu waxaynu ku guulaysanaynaa badbaadintaada, Oo calammadeennana waxaynu ku sudhaynaa magaca Ilaaheenna, Rabbigu ha ku siiyo waxaad weyddiisato oo dhan.
Psal SomKQA 20:6  Anigu hadda waan ogahay in Rabbigu badbaadiyo kii uu isagu subkaday, Oo wuxuu isaga uga soo jawaabi doonaa samadiisa quduuska ah, Oo wuxuuna ugu jawaabi doonaa xooggiisa wax badbaadiya oo gacantiisa midig.
Psal SomKQA 20:7  Qaar waxay isku halleeyaan gaadhifardoodyo, qaarna waxay isku halleeyaan fardo, Laakiinse innagu waxaynu xusuusanaynaa magaca Rabbiga Ilaaheenna ah.
Psal SomKQA 20:8  Iyagu way foororsadeen, wayna dheceen, Laakiinse innagu waynu kacnay, oo waynu taagan nahay.
Psal SomKQA 20:9  Rabbiyow, ina badbaadi, Oo Boqorku ha inoo jawaabo markii aynu u qayshanno.
Chapter 21
Psal SomKQA 21:1  Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.
Psal SomKQA 21:2  Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay, Oo wixii bushimihiisu ku weyddiisteenna uma aad diidin.(Selaah)
Psal SomKQA 21:3  Waayo, waxaad isaga hor dhigtaa barakooyinka wanaagga, Oo madaxiisana waxaad saartaa taaj dahab saafi ah.
Psal SomKQA 21:4  Wuxuu kaa baryay nolol, oo adna waad siisay isaga, Oo waxaad siisay cimri dheer oo waaraya weligiis iyo weligiisba.
Psal SomKQA 21:5  Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada, Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.
Psal SomKQA 21:6  Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan, Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.
Psal SomKQA 21:7  Waayo, boqorku wuxuu isku halleeyaa Rabbiga, Oo Ilaaha ugu sarreeya raxmaddiisa aawadeed isaga innaba lama dhaqaajin doono.
Psal SomKQA 21:8  Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan, Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb.
Psal SomKQA 21:9  Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.
Psal SomKQA 21:10  Midhahooda dhulkaad ka baabbi'inaysaa, Farcankoodana binu-aadmiga dhexdiisa.
Psal SomKQA 21:11  Waayo, iyagu waxay ku talo jireen inay xumaan kugu sameeyaan, Oo waxay hindiseen xeel ayan iyagu dhammayn karin.
Psal SomKQA 21:12  Waayo, waxaad iyaga ka dhigi doontaa inay dib u jeestaan, Oo xadhigga qaansadaadana waxaad ku diyaarin doontaa wejigooda hortiisa.
Psal SomKQA 21:13  Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree, Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.
Chapter 22
Psal SomKQA 22:1  Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?
Psal SomKQA 22:2  Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
Psal SomKQA 22:3  Laakiinse adigu quduus baad tahay, Oo kursigaaga waxaad ka dhigtaa ammaanta reer binu Israa'iil.
Psal SomKQA 22:4  Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen, Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay.
Psal SomKQA 22:5  Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen, Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
Psal SomKQA 22:6  Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi, Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
Psal SomKQA 22:7  Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan, Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,
Psal SomKQA 22:8  Rabbiguu isku halleeyey, ha samatabbixiyo, Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samatabbixiyo.
Psal SomKQA 22:9  Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey, Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.
Psal SomKQA 22:10  Aniga dushaadaa laygu soo tuuray markaan uurka ka soo baxay, Xataa tan iyo intaan uurkii hooyaday ku jiray, Ilaahaygaad ahayd.
Psal SomKQA 22:11  Ha iga fogaan, waayo, dhib baa soo dhow, Qof i caawiyaana ma jiro.
Psal SomKQA 22:12  Waxaa i hareereeyey dibiyo badan, Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey.
Psal SomKQA 22:13  Afkooday iigu fureen, Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.
Psal SomKQA 22:14  Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.
Psal SomKQA 22:15  Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
Psal SomKQA 22:16  Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo, Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha, Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.
Psal SomKQA 22:17  Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa, Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan,
Psal SomKQA 22:18  Dharkayga bay qaybsadaan, Oo maradaydana saami bay u ritaan.
Psal SomKQA 22:19  Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.
Psal SomKQA 22:20  Naftayda ka samatabbixi seefta, Noloshaydana ka samatabbixi xoogga eeyga.
Psal SomKQA 22:21  Iga badbaadi libaaxa afkiisa, Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
Psal SomKQA 22:22  Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
Psal SomKQA 22:23  Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga, Farcanka Yacquubow, sharfa isaga, Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada.
Psal SomKQA 22:24  Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa, Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii, Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.
Psal SomKQA 22:25  Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa, Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.
Psal SomKQA 22:26  Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow, Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan, Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.
Psal SomKQA 22:27  Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga. Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.
Psal SomKQA 22:28  Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga, Oo isagu waa taliyihii quruumaha.
Psal SomKQA 22:29  Dunida kuweeda buurbuuran oo dhammu wax bay cuni oo Ilaah bay caabudi doonaan, Oo inta ciidda gasha oo dhammuna hortiisay ku sujuudi doonaan, Xataa kii aan naftiisa sii noolayn karin.
Psal SomKQA 22:30  Farcan baa isaga u adeegi doona, Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.
Psal SomKQA 22:31  Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.
Chapter 23
Psal SomKQA 23:1  Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.
Psal SomKQA 23:2  Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis, Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.
Psal SomKQA 23:3  Naftayda wuu soo celiyaa. Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada.
Psal SomKQA 23:4  In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada, Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa, Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.
Psal SomKQA 23:5  Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.
Psal SomKQA 23:6  Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.
Chapter 24
Psal SomKQA 24:1  Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan, Iyo dunida iyo kuwa degganba.
Psal SomKQA 24:2  Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay, Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.
Psal SomKQA 24:3  Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa? Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?
Psal SomKQA 24:4  Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.
Psal SomKQA 24:5  Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako, Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.
Psal SomKQA 24:6  Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona, Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow.(Selaah)
Psal SomKQA 24:7  Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
Psal SomKQA 24:8  Bal waa ayo Boqorka ammaantu? Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan, Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.
Psal SomKQA 24:9  Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
Psal SomKQA 24:10  Bal waa ayo Boqorkan ammaantu? Waa Rabbiga ciidammada, Isaga weeye Boqorka ammaantu.(Selaah)
Chapter 25
Psal SomKQA 25:2  Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
Psal SomKQA 25:3  Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo, Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
Psal SomKQA 25:4  Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar.
Psal SomKQA 25:5  Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
Psal SomKQA 25:6  Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.
Psal SomKQA 25:7  Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
Psal SomKQA 25:8  Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
Psal SomKQA 25:9  Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa, Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
Psal SomKQA 25:10  Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.
Psal SomKQA 25:11  Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis, Waayo, aad buu u weyn yahay.
Psal SomKQA 25:12  Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
Psal SomKQA 25:13  Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
Psal SomKQA 25:14  Rabbiga taladiisa qarsoon wuxuu la jiraa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
Psal SomKQA 25:15  Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga, Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
Psal SomKQA 25:16  Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
Psal SomKQA 25:17  Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi.
Psal SomKQA 25:18  Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga, Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
Psal SomKQA 25:19  Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
Psal SomKQA 25:20  Naftayda dhawr, oo i samatabbixi, Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.
Psal SomKQA 25:21  Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen, Waayo, adaan ku sugaa.
Psal SomKQA 25:22  Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi Dhibaatooyinkooda oo dhan.
Chapter 26
Psal SomKQA 26:1  Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
Psal SomKQA 26:2  Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi, Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.
Psal SomKQA 26:3  Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda, Oo waxaan ku socday runtaada.
Psal SomKQA 26:4  Lama aan fadhiisan waxmatarayaal, Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.
Psal SomKQA 26:5  Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha, Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.
Psal SomKQA 26:6  Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
Psal SomKQA 26:7  Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
Psal SomKQA 26:8  Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.
Psal SomKQA 26:9  Naftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
Psal SomKQA 26:10  Gacmahooda belaayadu ku jirto, Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
Psal SomKQA 26:11  Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
Psal SomKQA 26:12  Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman, Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.
Chapter 27
Psal SomKQA 27:1  Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa? Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa?
Psal SomKQA 27:2  Markii xumaanfalayaashu iigu yimaadeen inay hilibkayga cunaan, Kuwaasoo ah cadaawayaashayda iyo colkayga, way turunturoodeen, wayna dheceen.
Psal SomKQA 27:3  In kastoo ciidan col ah i ag dego, Qalbigaygu cabsan maayo, In kastoo dagaal igu soo kaco, Xataa markaas waan kalsoonaanayaa.
Psal SomKQA 27:4  Wax keliya ayaan Rabbiga ka baryay, oo taas aad baan u doonayaa, Waana inaan cimrigayga oo dhan dhex degganaado guriga Rabbiga, Oo aan fiiriyo Rabbiga quruxdiisa, oo aan wax ku baryo macbudkiisa.
Psal SomKQA 27:5  Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa, Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa, Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.
Psal SomKQA 27:6  Imminka waxaa madaxayga laga sarraysiin doonaa cadaawayaashayda igu wareegsan, Oo waxaan taambuugga Rabbiga ku dhex bixin doonaa allabari dhawaaq farxadeed leh, Waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan Rabbiga ugu gabyi doonaa.
Psal SomKQA 27:7  Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal, Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.
Psal SomKQA 27:8  Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.
Psal SomKQA 27:9  Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin, Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin, Caawimaad baad ii ahayde, Ha i xoorin, hana i dayrin.
Psal SomKQA 27:10  Waayo, aabbahay iyo hooyaday way i dayriyeen, Laakiinse Rabbigaa i qaadan doona.
Psal SomKQA 27:11  Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood Jidkaaga i bar, Oo igu hoggaami waddo bannaan.
Psal SomKQA 27:12  Oo gacanta ha ii gelin cadaawayaashayda, Waayo, waxaa igu kacay markhaatiyaal been ah iyo kuwa nacweynaanta ku hadla.
Psal SomKQA 27:13  Waan itaal darnaan lahaa haddaanan rumaysnayn Inaan wanaagga Rabbiga ku arkayo dalka kuwa nool.
Psal SomKQA 27:14  Rabbiga sug, Adkayso, oo qalbigaagu ha dhiirranaado, Haah, Rabbiga sug.
Chapter 28
Psal SomKQA 28:1  Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa, Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin, Waaba intaas oo haddaad iga aamusto, Aan noqdaa sida kuwa yaamayska hoos ugu dhaadhaca.
Psal SomKQA 28:2  Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado, Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.
Psal SomKQA 28:3  Ha ila jiidin kuwa sharka leh, Iyo xumaanfalayaasha Oo deriskooda nabadda kula hadla, Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.
Psal SomKQA 28:4  Iyaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay, Iyaga u abaalmari sida shuqulka gacmahoodu yahay, Oo waxa ay galabsadaan sii.
Psal SomKQA 28:5  Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe, Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii Iyo hawshii gacmihiisa toona.
Psal SomKQA 28:6  Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.
Psal SomKQA 28:7  Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.
Psal SomKQA 28:8  Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog, Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.
Psal SomKQA 28:9  Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee, Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.
Chapter 29
Psal SomKQA 29:1  Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana, Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.
Psal SomKQA 29:2  Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay, Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
Psal SomKQA 29:3  Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha, Ilaaha ammaantu wuu onkodaa, Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.
Psal SomKQA 29:4  Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay, Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.
Psal SomKQA 29:5  Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah, Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
Psal SomKQA 29:6  Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale, Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.
Psal SomKQA 29:8  Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada, Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh.
Psal SomKQA 29:9  Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka, Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa, Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
Psal SomKQA 29:10  Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka, Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.
Psal SomKQA 29:11  Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa, Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.
Chapter 30
Psal SomKQA 30:1  Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay, Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.
Psal SomKQA 30:2  Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.
Psal SomKQA 30:3  Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yaamayska ugu dhicin.
Psal SomKQA 30:4  Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya, Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.
Psal SomKQA 30:5  Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya, Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga, Habeenka waxaa jirta oohin, Laakiinse aroorta farxad baa timaada.
Psal SomKQA 30:6  Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi, Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.
Psal SomKQA 30:7  Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato, Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay.
Psal SomKQA 30:8  Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.
Psal SomKQA 30:9  Bal markaan yaamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta? Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa?
Psal SomKQA 30:10  Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.
Psal SomKQA 30:11  Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar, Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,
Psal SomKQA 30:12  Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin. Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahad naqayaa.
Chapter 31
Psal SomKQA 31:1  Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin, Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.
Psal SomKQA 31:2  Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi, Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.
Psal SomKQA 31:3  Waayo, waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, Haddaba magacaaga daraaddiis ii hoggaami oo ii hanuuni.
Psal SomKQA 31:4  Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen, Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.
Psal SomKQA 31:5  Gacantaada ayaan ruuxayga u dhiibayaa, Waayo, waad i soo furatay, Rabbiyow, Ilaaha runta ahow.
Psal SomKQA 31:6  Waan neceb ahay kuwa hawada beenta ah ka fikira, Laakiinse Rabbigaan isku halleeyaa.
Psal SomKQA 31:7  Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,
Psal SomKQA 31:8  Oo weliba iguma aad xidhin gacantii cadowga, Oo cagtayda waxaad taagtay meel ballaadhan.
Psal SomKQA 31:9  Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.
Psal SomKQA 31:10  Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.
Psal SomKQA 31:11  Cadaawayaashayda oo dhan daraaddood ayaan waxaan noqday mid ceebaysan, Xataa deriskayga aad iyo aad baan ugu hor ceeboobay, oo kuwa i yaqaanna way iga cabsadeen, Oo xataa kuwii dibadda igu arkay way iga carareen.
Psal SomKQA 31:12  Sida qof dhintay oo laga samray ayaa layska kay illoobay, Oo waxaan ahay sida weel jabay.
Psal SomKQA 31:13  Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya, Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan, Oo intay ii wada tashadeen, Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.
Psal SomKQA 31:14  Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.
Psal SomKQA 31:15  Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa, Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.
Psal SomKQA 31:16  Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi, Oo igu badbaadi raxmaddaada.
Psal SomKQA 31:17  Rabbiyow, yaanan ceeboobin, waayo, adigaan kuu qayshaday, Kuwa sharka lahu ha ceeboobeen, oo She'ool ha ku dhex aamuseen.
Psal SomKQA 31:18  Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa, Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega, Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.
Psal SomKQA 31:19  Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada, Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.
Psal SomKQA 31:20  Dadka sirqoolladiisa waxaad iyaga kaga qarinaysaa joogistaada qarsoon, Oo carrabka dirirtiisana waxaad iyaga kaga qarinaysaa taambuug.
Psal SomKQA 31:21  Mahad waxaa leh Rabbiga, Waayo, wuxuu raxmaddiisa yaabka leh igu tusay magaalo xoog weyn.
Psal SomKQA 31:22  Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.
Psal SomKQA 31:23  Quduusiintiisa oo dhammay, Rabbiga jeclaada, Rabbigu wuu ilaaliyaa kuwa aaminka ah, Kan waxa kibirka ah falase aad iyo aad buu u abaal mariyaa.
Psal SomKQA 31:24  Kuwiinna Rabbiga wax ka rajaynaya oo dhammow, Adkaysta, oo qalbigiinnu ha dhiirranaado.
Chapter 32
Psal SomKQA 32:1  Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey, oo dembigiisa la daboolay.
Psal SomKQA 32:2  Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin, Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.
Psal SomKQA 32:3  Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen, Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.
Psal SomKQA 32:4  Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd, Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda.(Selaah)
Psal SomKQA 32:5  Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin, Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga, Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga.(Selaah)
Psal SomKQA 32:6  Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo, Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan.
Psal SomKQA 32:7  Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa, Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta.(Selaah)
Psal SomKQA 32:8  Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd, Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
Psal SomKQA 32:9  Ha noqonina sida faraska ama baqalka aan garaadka lahayn, Kuwaasoo hoggaankoodu yahay xakame iyo birtiisa in lagu hayo, Haddii kalese innaba kuu soo dhowaan maayaan.
Psal SomKQA 32:10  Kii shar leh waxaa ku dhici doona waxyaalo badan oo murug leh, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waxaa ku wareegsanaan doona naxariis.
Psal SomKQA 32:11  Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya, Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.
Chapter 33
Psal SomKQA 33:1  Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya, Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.
Psal SomKQA 33:2  Rabbiga ugu mahad naqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.
Psal SomKQA 33:3  Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.
Psal SomKQA 33:4  Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay, Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.
Psal SomKQA 33:5  Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad, Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.
Psal SomKQA 33:6  Samooyinka waxaa lagu sameeyey Rabbiga eraygiisa, Oo guutooyinkooda oo dhanna waxaa lagu uumay neefta afkiisa.
Psal SomKQA 33:7  Isagu biyaha badda intuu isku ururiyo ayuu wuxuu ka dhigaa sidii taallo oo kale, Oo moolalka dhaadheerna wuxuu dhex dhigaa maqsinno.
Psal SomKQA 33:8  Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen, Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.
Psal SomKQA 33:9  Waayo, isagu wuu hadlay, wayna noqotay, Oo wuu amray, wayna adkaatay.
Psal SomKQA 33:10  Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa, Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa.
Psal SomKQA 33:11  Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa, Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.
Psal SomKQA 33:12  Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay, Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.
Psal SomKQA 33:13  Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa, Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,
Psal SomKQA 33:14  Oo meesha isaga rugta u ah Ayuu wuxuu ka soo fiiriyaa kuwa dhulka deggan oo dhan,
Psal SomKQA 33:15  Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya, Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.
Psal SomKQA 33:16  Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn, Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan.
Psal SomKQA 33:17  Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo, Oo weliba ninnaba kuma samatabbixiyo xooggiisa badan.
Psal SomKQA 33:18  Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,
Psal SomKQA 33:19  Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo, Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.
Psal SomKQA 33:20  Nafteennu waxay sugtay Rabbiga, Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.
Psal SomKQA 33:21  Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa, Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.
Psal SomKQA 33:22  Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto, Sidii aannu kaa rajaynay.
Chapter 34
Psal SomKQA 34:1  Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa, Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.
Psal SomKQA 34:2  Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga, Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.
Psal SomKQA 34:3  Rabbiga ila weyneeya, Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.
Psal SomKQA 34:4  Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay, Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.
Psal SomKQA 34:5  Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen, Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo.
Psal SomKQA 34:6  Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay, Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.
Psal SomKQA 34:7  Malaa'igta Rabbigu waxay hareeraysaa kuwa isaga ka cabsada, Oo weliba way samatabbixisaa.
Psal SomKQA 34:8  Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay, Waxaa barakaysan ninkii isaga isku halleeya.
Psal SomKQA 34:9  Kuwiinna quduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada, Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna.
Psal SomKQA 34:10  Aaranka libaaxa wax baa ka dhiman, wayna gaajoodaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan.
Psal SomKQA 34:11  Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta, Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa.
Psal SomKQA 34:12  Bal waa ayo ninka nolol jecel, Oo cimriga dheer doonayaa, Si uu wanaag u arko?
Psal SomKQA 34:13  Carrabkaaga shar ka jooji, Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.
Psal SomKQA 34:14  Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.
Psal SomKQA 34:15  Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah, Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda.
Psal SomKQA 34:16  Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo.
Psal SomKQA 34:17  Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.
Psal SomKQA 34:18  Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan, Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.
Psal SomKQA 34:19  Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin, Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.
Psal SomKQA 34:20  Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan, Oo middoodna ma jabna.
Psal SomKQA 34:21  Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh, Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.
Psal SomKQA 34:22  Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa, Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.
Chapter 35
Psal SomKQA 35:1  Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira, Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.
Psal SomKQA 35:2  Gaashaan iyo gabbaad qaado. Oo caawimaaddayda daraaddeed u istaag.
Psal SomKQA 35:3  Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo, Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.
Psal SomKQA 35:4  Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto, Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.
Psal SomKQA 35:5  Ha noqdeen sida buunshe dabaysha hor socda, Oo malaa'igta Rabbigu horay u sii kaxaynayso.
Psal SomKQA 35:6  Jidkoodu ha noqdo gudcur iyo meel simbiriirixo leh, Oo malaa'igta Rabbigu ha eryato.
Psal SomKQA 35:7  Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen, Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.
Psal SomKQA 35:8  Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto, Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado, Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.
Psal SomKQA 35:9  Oo naftayduna Rabbigay aad ugu farxi doontaa, Oo waxay ku rayrayn doontaa badbaadintiisa.
Psal SomKQA 35:10  Lafahayga oo dhammu waxay odhan doonaan, Rabbiyow, bal yaa kula mid ah? Kaaga kii miskiin ah ka samatabbixiya kii isaga ka xoog badan, Haah, oo kii miskiin ah iyo kan baahanba ka samatabbixiya kii dhaca.
Psal SomKQA 35:11  Waxaa kaca markhaatiyaal xaqdarro ah, Oo waxay i weyddiiyaan waxyaalo aanan ogayn.
Psal SomKQA 35:12  Wanaag xumaan bay iigaga abaalgudaan Oo naftayda way gacal tiraan.
Psal SomKQA 35:13  Laakiinse markay bukeen, dharkaygu wuxuu ahaa joonyado, Oo naftaydana soon baan ku dhibay, Oo tukashadayduna laabtayday ku soo noqotay.
Psal SomKQA 35:14  Anigu waxaan u qaatay sidii isagoo ah saaxiibkay ama walaalkay, Oo waxaan la foororsaday baroorasho sida mid hooyadiis u baroorta.
Psal SomKQA 35:15  Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.
Psal SomKQA 35:16  Sida labawejiilayaashu diyaafado uga dhex majaajiloodaan Ayay igu ilko jirriqsadeen.
Psal SomKQA 35:17  Sayidow, ilaa goormaad sii fiirinaysaa? Naftayda halligaaddooda ka badbaadi, Noloshaydana libaaxyada ka badbaadi.
Psal SomKQA 35:18  Waxaan kaaga mahad naqi doonaa shirka weyn dhexdiisa, Oo dad fara badan dhexdooda ayaan kugu ammaani doonaa.
Psal SomKQA 35:19  Kuwa sida qaladka ah cadowga iigu ahi, yaanay igu rayrayn, Oo kuwa sababla'aanta ii necebuna yaanay isu il jebin.
Psal SomKQA 35:20  Waayo, iyagu nabad kuma hadlaan, Laakiinse waxay hadallo khiyaano miidhan ah ugu hindisaan kuwa dalka ku xasilloon.
Psal SomKQA 35:21  Afkoodii aad bay iigu fureen, Oo waxay yidhaahdeen, Ahaa, ahaa, annagaa indhahayaga ku aragnay.
Psal SomKQA 35:22  Rabbiyow, adigu waad aragtay, haddaba ha iska aamusin, Sayidow, ha iga fogaan.
Psal SomKQA 35:23  Sara joogso, oo garsooriddayda u toos, Oo dacwadayda dhegayso, Ilaahayow, Sayidkayow.
Psal SomKQA 35:24  Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.
Psal SomKQA 35:25  Yaanay qalbigooda iska odhan, Ahaa, sidaasaannu doonaynaa, Yaanay odhan, Isagii waannu liqnay.
Psal SomKQA 35:26  Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood, Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.
Psal SomKQA 35:27  Kuwa xaqnimadayda jecelu farxad ha ku dhawaaqeen, oo ha farxeen, Oo had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo, Waayo, isagu wuxuu ku farxaa barwaaqada addoonkiisa.
Psal SomKQA 35:28  Oo maalinta oo dhan carrabkaygu wuxuu ka hadli doonaa Xaqnimadaada iyo ammaantaadaba.
Chapter 36
Psal SomKQA 36:1  Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa, Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.
Psal SomKQA 36:2  Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin Oo aan la nebcaanayn.
Psal SomKQA 36:3  Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.
Psal SomKQA 36:4  Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan, Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn, Oo weliba sharka ma naco.
Psal SomKQA 36:5  Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa, Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
Psal SomKQA 36:6  Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah, Oo xukummadaaduna waa mool dheer, Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.
Psal SomKQA 36:7  Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa! Oo binu-aadmiguna wuxuu magan galaa hooska baalashaada.
Psal SomKQA 36:8  Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga, Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.
Psal SomKQA 36:9  Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa, Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.
Psal SomKQA 36:10  Raxmaddaada ugu sii wad kuwa ku yaqaan, Oo xaqnimadaadana kuwa qalbigoodu qumman yahay.
Psal SomKQA 36:11  Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman, Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.
Psal SomKQA 36:12  Xumaanfalayaashu halkaasay ku dhaceen, Iyaga hoos baa loo riday, oo mana ay kari doonaan inay mar dambe soo kacaan.
Chapter 37
Psal SomKQA 37:1  Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood, Hana u ka hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.
Psal SomKQA 37:2  Waayo, iyaga haddiiba waxaa loo jari doonaa sida cawska oo kale, Oo waxay u engegi doonaan sida geedo yaryar oo qoyan.
Psal SomKQA 37:3  Rabbiga isku hallee oo wanaag samee, Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.
Psal SomKQA 37:4  Haddaba Rabbiga ku farax, Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.
Psal SomKQA 37:5  Jidkaaga Rabbiga ku aamin, Isagana isku hallee, wuuna samaynayaaye.
Psal SomKQA 37:6  Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale, Gartaadana sida duhurka oo kale.
Psal SomKQA 37:7  Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug, Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.
Psal SomKQA 37:8  Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag, Hana isku dhibin inaad shar samaysid.
Psal SomKQA 37:9  Waayo, xumaanfalayaashu way go'i doonaan, Laakiinse kuwa Rabbiga sugaa dalkay dhaxli doonaan.
Psal SomKQA 37:10  Wakhti yar dabadeedna kan sharka lahu ma jiri doono, Bal meeshiisa aad baad ugu fiirsan doontaa, oo isna ma jiri doono.
Psal SomKQA 37:11  Laakiinse kuwa camalka qabow dalkay dhaxli doonaan, Oo waxay ku farxi doonaan nabad badan.
Psal SomKQA 37:12  Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah, Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.
Psal SomKQA 37:13  Oo Sayidku wuu ku qosli doonaa isaga, Waayo, wuxuu arkaa in maalintiisu soo dhowaanayso.
Psal SomKQA 37:14  Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen, Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan, Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.
Psal SomKQA 37:15  Seeftoodu waxay mudi doontaa wadnahooda, Oo qaansooyinkooduna way kala jebi doonaan.
Psal SomKQA 37:16  Inta yar oo mid xaq ahu haystaa Way ka sii wanaagsan tahay kuwa sharka leh maalkooda badan.
Psal SomKQA 37:17  Waayo, kuwa sharka leh gacmahoodu way jebi doonaan, Laakiinse Rabbigu kuwa xaqa ah wuu tiiriyaa.
Psal SomKQA 37:18  Rabbigu wuu yaqaan kuwa kaamilka ah cimrigooda, Oo dhaxalkooduna weligiisba wuu waarayaa.
Psal SomKQA 37:19  Iyagu ma ceeboobi doonaan wakhtiga shar jiro, Oo wakhtiga abaaru dhacdona way dhergi doonaan.
Psal SomKQA 37:20  Laakiinse kuwa sharka lahu way halligmi doonaan, Cadaawayaasha Rabbiguna waxay ahaan doonaan sida inta wanaagsan oo doogga, Way baabbi'i doonaan, sida qiiqa oo kale way u baabbi'i doonaan.
Psal SomKQA 37:21  Kii shar lahu wax buu amaahdaa, mana bixiyo mar dambe, Laakiinse kan xaqa ahu wuu naxariistaa, waxna wuu bixiyaa.
Psal SomKQA 37:22  Oo kuwuu barakeeyo ayaa dalka dhaxli doona, Laakiinse kuwuu habaaraa way go'i doonaan.
Psal SomKQA 37:23  Dadka socodkiisa waxaa hagaajiya Rabbiga, Oo jidkiisuu ku farxaa.
Psal SomKQA 37:24  Oo in kastoo uu kufo, haddana ma wada dhici doono, Waayo, Rabbiga ayaa gacantiisa ku tiiriya.
Psal SomKQA 37:25  Waan dhallin yaraan jiray, oo haatanna waan gaboobay, Oo weligay ma arag mid xaq ah oo la dayriyey, Ama carruurtiisa oo cunto tuugsanaysa.
Psal SomKQA 37:26  Maalinta oo dhan wuu naxariistaa oo wax buu amaahiyaa, Oo carruurtiisuna way barakaysan yihiin.
Psal SomKQA 37:27  Sharka ka fogow, oo wanaag samee, Oo weligaa baad degganaan doontaa.
Psal SomKQA 37:28  Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda, Mana uu dayrsho quduusiintiisa, Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa, Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.
Psal SomKQA 37:29  Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan, Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.
Psal SomKQA 37:30  Kan xaqa ah afkiisu wuxuu ka hadlaa xigmadda, Carrabkiisuna wuxuu ku hadlaa caddaaladda.
Psal SomKQA 37:31  Oo Ilaahiisa sharcigiisu waa ku jiraa qalbigiisa, Oo tallaabooyinkiisana midnaba dib uma simbiriirixan doonto.
Psal SomKQA 37:32  Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah, Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.
Psal SomKQA 37:33  Rabbigu isaga gacantiisa ku dayn maayo, Oo eedayn maayo marka la xukumo isaga.
Psal SomKQA 37:34  Rabbiga sug, oo jidkiisa xaji, Oo wuxuu kuu sara marin doonaa inaad dalka dhaxasho, Waad arki doontaa marka kuwa sharka lahu go'aan.
Psal SomKQA 37:35  Waxaan arkay ku shar leh oo dulun badan, Oo isu kala bixiya sida geed cagaar ah oo dhulkiisii ka baxay.
Psal SomKQA 37:36  Laakiin waa la ag maray, oo isagii lama arag, Oo waan doondoonay, laakiinse waa la waayay.
Psal SomKQA 37:37  Bal fiiri ninka kaamilka ah, oo bal eeg, kan qumman, Waayo, ninkaas ugu dambaystiisu waa nabad.
Psal SomKQA 37:38  Laakiinse kuwa xadgudbaa dhammaantood wadajir bay u baabbi'i doonaan, Oo kuwa sharka lahuna ugu dambaystooda way go'i doonaan.
Psal SomKQA 37:39  Kuwa xaqa ahse badbaadadoodu waa xagga Rabbiga, Oo wakhtiga dhibaatada isagu waa qalcaddooda.
Psal SomKQA 37:40  Oo Rabbigu iyaguu caawiyaa, wuuna samatabbixiyaa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa kuwa sharka leh, wuuna badbaadiyaa, Maxaa yeelay, isagay magan galeen.
Chapter 38
Psal SomKQA 38:1  Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
Psal SomKQA 38:2  Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen, Oo gacantaaduna way igu soo degtay.
Psal SomKQA 38:3  Jidhkaygu fayoobaan ma leh, waana xanaaqaaga daraaddiis, Oo lafahayguna caafimaad ma leh, waana dembigayga daraaddiis.
Psal SomKQA 38:4  Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga, Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad.
Psal SomKQA 38:5  Nabrahaygu way urayaan, wayna qudhmuun yihiin, Waana nacasnimadayda daraaddeed.
Psal SomKQA 38:6  Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay, Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa.
Psal SomKQA 38:7  Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol, Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh.
Psal SomKQA 38:8  Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay, Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.
Psal SomKQA 38:9  Sayidow, waxaan jeclahay oo dhammu waxay yaalliin hortaada, Oo taahiddayduna kaama qarsoona.
Psal SomKQA 38:10  Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay, Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.
Psal SomKQA 38:11  Kuwa i jecel iyo saaxiibbadayba belaayadayda way ka durkaan, Oo xigaaladaydiina meel fog bay istaagaan.
Psal SomKQA 38:12  Oo kuwa naftayda doondoonaana dabinno bay ii dhigaan, Oo kuwa inay wax i yeelaan doonayaana waxay ku hadlaan waxyaalo xun, Oo maalinta oo dhan waxay ku tashadaan khiyaano.
Psal SomKQA 38:13  Laakiinse anigu waxba kama maqlo sida nin dhega la', Oo waxaan la mid ahay nin carrab la' oo aan afkiisa kala qaadin.
Psal SomKQA 38:14  Haah, oo waxaan la mid ahay nin aan waxba maqlin, Oo aan afkiisa murammo ku jirin.
Psal SomKQA 38:15  Waayo, Rabbiyow, adaan wax kaa rajaynayaa, Oo adna waad ii jawaabi doontaa, Sayidow Ilaahaygiiyow.
Psal SomKQA 38:16  Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn, Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.
Psal SomKQA 38:17  Waayo, waxaan ku dhowahay inaan dhaco, Oo tiiraanyadayduna had iyo goorba way i hor taalaa.
Psal SomKQA 38:18  Haddaba anigu xumaantayda waan sheegi doonaa, Oo dembigaygana waan ka qoomamoon doonaa.
Psal SomKQA 38:19  Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin, Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.
Psal SomKQA 38:20  Oo weliba kuwa sharka wanaagga ku gudaana Waa cadaawayaashayda, maxaa yeelay, waxaan raacaa waxa wanaagsan.
Psal SomKQA 38:21  Rabbiyow, ha i dayrin, Ilaahayow, ha iga fogaan.
Chapter 39
Psal SomKQA 39:1  Waxaan idhi, Jidadkaygaan iska jiri doonaa, Si aanan carrabkayga ugu dembaabin, Oo afkayga waxaan ku qaban doonaa xakame inta kii shar lahu i hor joogo.
Psal SomKQA 39:2  Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa, Tiiraanyadaydiina waa kacday.
Psal SomKQA 39:3  Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday, Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay, Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,
Psal SomKQA 39:4  Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay, Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.
Psal SomKQA 39:5  Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha, Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash.(Selaah)
Psal SomKQA 39:6  Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
Psal SomKQA 39:7  Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa? Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.
Psal SomKQA 39:8  Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi, Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.
Psal SomKQA 39:9  Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin, Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.
Psal SomKQA 39:10  Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
Psal SomKQA 39:11  Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed, Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale, Hubaal nin kastaaba waa bilaash.(Selaah)
Psal SomKQA 39:12  Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig, Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin, Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.
Psal SomKQA 39:13  Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee, Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.
Chapter 40
Psal SomKQA 40:1  Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,
Psal SomKQA 40:2  Oo weliba wuxuu iga soo bixiyey yaamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah, Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey.
Psal SomKQA 40:3  Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna. Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan, Rabbigayna isku hallayn doonaan.
Psal SomKQA 40:4  Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.
Psal SomKQA 40:5  Rabbiyow, Ilaahayow, shuqullada yaabka badan oo aad samaysay way badan yihiin, Oo fikirradaada aad naga qabtidna way badan yihiin, Oo iyaga lama xisaabi karo, Haddii aan sheego oo ka hadlo, Iyagu way ka sii badan yihiin wax la tirin karo.
Psal SomKQA 40:6  Allabari iyo qurbaan kuma aad faraxsanid, Oo anna dhegahaygii waad ii furtay, Qurbaan la gubo iyo qurbaanka dembiga midna ima aad weyddiisan.
Psal SomKQA 40:7  Oo markaasaan idhi, Bal eeg, anigu waan imid, Oo kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.
Psal SomKQA 40:8  Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada, Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.
Psal SomKQA 40:9  Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey, Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin, Waad og tahay, Rabbiyow.
Psal SomKQA 40:10  Xaqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin, Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay, Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.
Psal SomKQA 40:11  Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan, Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.
Psal SomKQA 40:12  Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey, Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo, Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.
Psal SomKQA 40:13  Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi, Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.
Psal SomKQA 40:14  Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen, Oo dhammaantood ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.
Psal SomKQA 40:15  Kuwa aniga, Ahaa, Ahaa, igu yidhaahda, Ceebtooda daraaddeed ha la fajeceen.
Psal SomKQA 40:16  Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jecelu had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo!
Psal SomKQA 40:17  Laakiinse anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Sayidkuse waa i xusuustaa. Ilaahayow, waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga, Haddaba ha iga raagin.
Chapter 41
Psal SomKQA 41:1  Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka, Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga.
Psal SomKQA 41:2  Rabbigu wuu dhawri doonaa, wuuna sii noolayn doonaa, oo isaguna dhulkuu ku barakaysnaan doonaa. Rabbow, isaga ha u gacangelin sida cadaawayaashiisu rabaan.
Psal SomKQA 41:3  Rabbigu wuxuu isaga ku gargaari doonaa sariirta taagdarradiisa. Oo markuu bukana sariirtiisa oo dhan waad u hagaajisaa.
Psal SomKQA 41:4  Anigu waxaan idhi, Rabbiyow, ii naxariiso, Oo naftayda bogsii, waayo, waan kugu dembaabay.
Psal SomKQA 41:5  Cadaawayaashaydu shar bay iga sheegaan, oo waxay yidhaahdaan, War goormuu dhiman doonaa, oo magiciisu baabbi'i doonaa?
Psal SomKQA 41:6  Oo midkood hadduu i soo booqdona been buu ku hadlaa, Oo qalbigiisuna xumaatuu urursadaa; oo markuu dibadda u baxo ayuu ka warramaa.
Psal SomKQA 41:7  Kuwa i neceb oo dhammu anigay ii wada faqaan, Oo waxay iigu wada tashadaan si ay wax ii yeelaan.
Psal SomKQA 41:8  Waxay yidhaahdaan, Cudur xun baa isagii ku dhacay, Oo haatan wuu jiifaa, mar dambena sooma uu kici doono.
Psal SomKQA 41:9  Xataa saaxiibkaygii aan isku halleeyey, oo kibistaydii cunay, Ayaa cedhibtiisa ii qaaday.
Psal SomKQA 41:10  Laakiinse, Rabbiyow, ii naxariiso, oo mar i sara jooji, Aan iyaga ka aar goostee.
Psal SomKQA 41:11  Tan ayaan ku garanayaa inaad igu faraxsan tahay, Maxaa yeelay, cadowgaygu igama guulaysto.
Psal SomKQA 41:12  Laakiinse aniga waxaad ii tiirisaa daacadnimadayda aawadeed, Oo weligaaba waxaad i fadhiisisaa wejigaaga hortiisa.
Psal SomKQA 41:13  Weligiis iyo weligiisba Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil. Aamiin iyo Aamiin.
Chapter 42
Psal SomKQA 42:1  Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.
Psal SomKQA 42:2  Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?
Psal SomKQA 42:3  Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
Psal SomKQA 42:4  Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan, Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah, Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
Psal SomKQA 42:5  Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.
Psal SomKQA 42:6  Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay, Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun, Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar.
Psal SomKQA 42:7  Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.
Psal SomKQA 42:8  Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa, Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa, Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.
Psal SomKQA 42:9  Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
Psal SomKQA 42:10  Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
Psal SomKQA 42:11  Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.
Chapter 43
Psal SomKQA 43:1  Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn, Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.
Psal SomKQA 43:2  Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
Psal SomKQA 43:3  Nuurkaaga iyo runtaada ii soo dir, oo ha i hoggaamiyeen, Oo ha i keeneen buurtaada quduuska ah, iyo taambuugyadaada.
Psal SomKQA 43:4  Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah, Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn, Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.
Psal SomKQA 43:5  Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.
Chapter 44
Psal SomKQA 44:1  Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.
Psal SomKQA 44:2  Quruumihii gacantaadaad ku eriday, oo meeshoodii awowayaashayo baad ku beertay, Dadyowgii waad dhibtay, oo dibaddaad ku kala firdhisay.
Psal SomKQA 44:3  Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda, Oo cududdooduna ma ay badbaadin, Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga, Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd.
Psal SomKQA 44:4  Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga, Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar.
Psal SomKQA 44:5  Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa, Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.
Psal SomKQA 44:6  Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo, Oo seeftayduna i badbaadin mayso.
Psal SomKQA 44:7  Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay, Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.
Psal SomKQA 44:8  Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah, Oo annana weligayo waxaannu ku mahad naqaynaa magacaaga.(Selaah)
Psal SomKQA 44:9  Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay, Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.
Psal SomKQA 44:10  Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa, Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.
Psal SomKQA 44:11  Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo, Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
Psal SomKQA 44:12  Dadkaaga qiimola'aan baad ku iibisaa, Oo maalkaagana kuma aad kordhin qiimahoodii.
Psal SomKQA 44:13  Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay, Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol.
Psal SomKQA 44:14  Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi, Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.
Psal SomKQA 44:15  Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal, Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga,
Psal SomKQA 44:16  Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya, Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.
Psal SomKQA 44:17  Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin, Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.
Psal SomKQA 44:18  Qalbigayagu dib uma noqon, Oo tallaabooyinkayaguna jidkaaga kama baydhin,
Psal SomKQA 44:19  Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka, Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.
Psal SomKQA 44:20  Haddii aannu illownay magicii Ilaahayaga, Ama aannu gacmahayaga u kala bixinnay ilaah qalaad,
Psal SomKQA 44:21  Ilaah miyaanu waxaas baadhayn? Waayo, isagu waa wada og yahay qalbiga waxyaalihiisa qarsoon.
Psal SomKQA 44:22  Haah, oo adiga daraaddaa ayaa naloo laayaa maalinta oo dhan, Oo waxaannu noqonnaa sida ido la qalayo.
Psal SomKQA 44:23  Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow? Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
Psal SomKQA 44:24  Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
Psal SomKQA 44:25  Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay, Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.
Psal SomKQA 44:26  Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso, Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.
Chapter 45
Psal SomKQA 45:1  Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan, Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey, Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis.
Psal SomKQA 45:2  Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga, Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco, Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.
Psal SomKQA 45:3  Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow, Oo quruxda iyo haybadda lahow.
Psal SomKQA 45:4  Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood, Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan, Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan.
Psal SomKQA 45:5  Fallaadhahaagu waa af badan yihiin, Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa, Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan.
Psal SomKQA 45:6  Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis, Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada.
Psal SomKQA 45:7  Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
Psal SomKQA 45:8  Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica. Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
Psal SomKQA 45:9  Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada, Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.
Psal SomKQA 45:10  Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig, Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
Psal SomKQA 45:11  Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa, Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
Psal SomKQA 45:12  Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda, Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
Psal SomKQA 45:13  Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan, Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.
Psal SomKQA 45:14  Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan, Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
Psal SomKQA 45:15  Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn, Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka.
Psal SomKQA 45:16  Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada, Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.
Psal SomKQA 45:17  Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto, Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.
Chapter 46
Psal SomKQA 46:1  Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna, Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.
Psal SomKQA 46:2  Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo, Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan,
Psal SomKQA 46:3  Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan, Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan.(Selaah)
Psal SomKQA 46:4  Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah, Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.
Psal SomKQA 46:5  Ilaah baa iyada ku dhex jira, mana ay dhaqaaqi doonto, Oo Ilaah baa iyada ku caawin doona marka waagu beryo.
Psal SomKQA 46:6  Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen, Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.
Psal SomKQA 46:7  Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah.(Selaah)
Psal SomKQA 46:8  Bal kaalaya arka shuqullada Rabbiga, Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka.
Psal SomKQA 46:9  Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa, Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa, Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa.
Psal SomKQA 46:10  Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay, Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.
Psal SomKQA 46:11  Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah.(Selaah)
Chapter 47
Psal SomKQA 47:1  Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma, Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.
Psal SomKQA 47:2  Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan, Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.
Psal SomKQA 47:3  Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna, Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.
Psal SomKQA 47:4  Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa, Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay.(Selaah)
Psal SomKQA 47:5  Ilaah qaylo buu la kacay, Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.
Psal SomKQA 47:6  Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.
Psal SomKQA 47:7  Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda, Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.
Psal SomKQA 47:8  Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha, Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.
Psal SomKQA 47:9  Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan, Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah. Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.
Chapter 48
Psal SomKQA 48:1  Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
Psal SomKQA 48:2  Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
Psal SomKQA 48:3  Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
Psal SomKQA 48:4  Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.
Psal SomKQA 48:5  Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
Psal SomKQA 48:6  Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
Psal SomKQA 48:7  Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.
Psal SomKQA 48:8  Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona.(Selaah)
Psal SomKQA 48:9  Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay.
Psal SomKQA 48:10  Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
Psal SomKQA 48:11  Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
Psal SomKQA 48:12  Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya.
Psal SomKQA 48:13  Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
Psal SomKQA 48:14  Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.
Chapter 49
Psal SomKQA 49:1  Dadyowga oo dhammow, bal tan maqla, Dunida kuwiinna degganow, kulligiin dhegta u dhiga,
Psal SomKQA 49:2  Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare, Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.
Psal SomKQA 49:3  Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad, Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho.
Psal SomKQA 49:4  Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal, Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.
Psal SomKQA 49:5  Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro, Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto?
Psal SomKQA 49:6  Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,
Psal SomKQA 49:7  Midkoodna walaalkiis ma furan karo, Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,
Psal SomKQA 49:8  (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad, Kumana filna weligeedba,)
Psal SomKQA 49:9  Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis.
Psal SomKQA 49:10  Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan, Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan, Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan.
Psal SomKQA 49:11  Waxay ismoodsiiyaan inay guryahoodu weligoodba sii jirayaan, Iyo in meelaha rugtooda ahu ay sii raagayaan tan iyo qarniyada oo dhan, Oo dhulalkoodana way isku magacaabaan.
Psal SomKQA 49:12  Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro, Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
Psal SomKQA 49:13  Jidkoodanu waa kalsoonidooda nacasnimada ah, Laakiinse dadka iyaga ka dambeeya ayaa hadalkoodii u boga.(Selaah)
Psal SomKQA 49:14  Iyagu waxaa weeye adhi She'ool loo wado, Oo waxaa sida adhijir u ahaan doona dhimasho, Oo kuwa qumman ayaa iyaga subaxda u talin doona, Oo quruxdoodana waxaa baabbi'in doona She'ool, inaanay iyagu rug yeelan innaba.
Psal SomKQA 49:15  Laakiinse Ilaah naftayda wuu ka soo furan doonaa xoogga She'ool, Waayo, wuu i aqbali doonaa.(Selaah)
Psal SomKQA 49:16  Ha baqin markii mid taajiroobo, Oo ammaanta reerkiisu aad u korodho,
Psal SomKQA 49:17  Waayo, isagu markuu dhinto waxba sii qaadan maayo, Oo ammaantiisuna ka daba geli mayso.
Psal SomKQA 49:18  In kastoo uu naftiisa u duceeyey markuu noolaa, Oo dad adiga ku ammaana, kolkaad wax wanaagsan isu samaysid,
Psal SomKQA 49:19  Isagu wuxuu u tegi doonaa qarniyadii awowayaashiis, Oo iyana weligood iftiinka ma ay arki doonaan.
Psal SomKQA 49:20  Ninkii sharaf leh oo aan garaad lahaynu Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
Chapter 50
Psal SomKQA 50:1  Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
Psal SomKQA 50:2  Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
Psal SomKQA 50:3  Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono, Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa, Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
Psal SomKQA 50:4  Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare, Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
Psal SomKQA 50:5  Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya, Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
Psal SomKQA 50:6  Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin.(Selaah)
Psal SomKQA 50:7  Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa, Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa, Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.
Psal SomKQA 50:8  Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada, Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.
Psal SomKQA 50:9  Reerkaaga dibi ka qaadan maayo, Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.
Psal SomKQA 50:10  Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh, Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.
Psal SomKQA 50:11  Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan, Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.
Psal SomKQA 50:12  Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen, Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.
Psal SomKQA 50:13  Miyaan cuni doonaa hilibka dibida, Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?
Psal SomKQA 50:14  Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa, Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,
Psal SomKQA 50:15  Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
Psal SomKQA 50:16  Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa, Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa, Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?
Psal SomKQA 50:17  Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.
Psal SomKQA 50:18  Markaad tuug aragtay waad oggolaatay, Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
Psal SomKQA 50:19  Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.
Psal SomKQA 50:20  Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
Psal SomKQA 50:21  Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.
Psal SomKQA 50:22  Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada, Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,
Psal SomKQA 50:23  Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
Chapter 51
Psal SomKQA 51:1  Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay, Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
Psal SomKQA 51:2  Xumaantayda iga wada maydh, Oo iga nadiifi dembigayga.
Psal SomKQA 51:3  Waayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda, Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.
Psal SomKQA 51:4  Adiga keliya ayaan kugu dembaabay, Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun, Inaad xaq ahaatid markaad hadashid, Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.
Psal SomKQA 51:5  Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
Psal SomKQA 51:6  Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run, Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
Psal SomKQA 51:7  Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa, I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
Psal SomKQA 51:8  I maqashii farxad iyo rayrayn, Inay lafihii aad jejebisay farxaan.
Psal SomKQA 51:9  Wejigaaga ka qari dembiyadayda, Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.
Psal SomKQA 51:10  Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah, Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
Psal SomKQA 51:11  Hortaada ha iga xoorin, Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
Psal SomKQA 51:12  Farxaddii badbaadintaada ii soo celi, Oo ruux raalli ah igu tiiri.
Psal SomKQA 51:13  Oo markaas kuwa xadgudba jidkaagaan bari doonaa, Oo dembilayaashuna adigay kuu soo noqon doonaan.
Psal SomKQA 51:14  Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi, Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.
Psal SomKQA 51:15  Sayidow, bushimahayga fur, Oo afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaantaada.
Psal SomKQA 51:16  Waayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa, Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.
Psal SomKQA 51:17  Allabaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa, Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan oo qoomamaysan.
Psal SomKQA 51:18  Siyoon wanaag ugu samee sidaad doonayso, Oo Yeruusaalem derbiyadeedana dhis.
Psal SomKQA 51:19  Oo markaas adigu waxaad ku farxi doontaa allabaryada xaqnimada iyo qurbaan guban, iyo allabari wada guban dhammaantiis, Oo markaasay dibiyo ku dul bixin doonaan meeshaada allabariga.
Chapter 52
Psal SomKQA 52:1  Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa? Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.
Psal SomKQA 52:2  Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn, Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.
Psal SomKQA 52:3  Wanaagga waxaad ka jeceshahay xumaanta, Oo inaad xaqnimo ku hadashidna waxaad ka jeceshahay beensheegidda.(Selaah)
Psal SomKQA 52:4  Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi'iya oo dhan, Iyo carrab khiyaano miidhan ah.
Psal SomKQA 52:5  Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba, Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada, Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda.(Selaah)
Psal SomKQA 52:6  Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan, Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan,
Psal SomKQA 52:7  Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.
Psal SomKQA 52:8  Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal, Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah.
Psal SomKQA 52:9  Weligayba waan kugu mahad naqayaa, maxaa yeelay, adigu waad samaysay, Oo magacaaga ayaan wax ku rajaynayaa, waayo, wuu ku wanaagsan yahay quduusiintaada hortooda.
Chapter 53
Psal SomKQA 53:1  Nacaskaa qalbigiisa iska yidhi, Ilaah ma jiro. Iyagu waa qudhun, oo waxay faleen xumaan karaahiyo ah, Oo mid wanaag falaa ma jiro.
Psal SomKQA 53:2  Ilaah wuxuu samada hoos uga soo fiiriyey binu-aadmiga, Bal inuu arko hadday kuwo wax garanaya oo Ilaah doondoonaa jiraan.
Psal SomKQA 53:3  Midkood kastaaba dib buu u noqday, oo dhammaantood waxay wada noqdeen dad nijaas ah, Oo mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
Psal SomKQA 53:4  Miyaanay aqoon lahayn xumaanfalayaasha dadkaygii u cuna siday kibista u cunaan, Oo aanay Ilaah baryin?
Psal SomKQA 53:5  Iyagu halkaasay aad ugu cabsadeen meel aan cabsiyu jirin, Waayo, kii ku ag degay inuu kugu soo duulo Ilaah baa lafihiisii kala firdhiyey, Oo iyagaad ceebaysay, maxaa yeelay, Ilaah baa iyaga diiday.
Psal SomKQA 53:6  Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
Chapter 54
Psal SomKQA 54:1  Ilaahow, magacaaga igu badbaadi, Oo xooggaaga iigu garsoor.
Psal SomKQA 54:2  Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig,
Psal SomKQA 54:3  Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay, Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan, Iyagu Ilaah kama fikirin.(Selaah)
Psal SomKQA 54:4  Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga, Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.
Psal SomKQA 54:5  Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda, Iyaga runtaada ku baabbi'i.
Psal SomKQA 54:6  Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah, Rabbiyow, magacaaga waan ku mahad naqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.
Psal SomKQA 54:7  Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan, Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.
Chapter 55
Psal SomKQA 55:1  Ilaahow, tukashadayda dhegta u dhig, Oo baryootankaygana ha iska qarin.
Psal SomKQA 55:2  I maqal, oo ii jawaab, Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,
Psal SomKQA 55:3  Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.
Psal SomKQA 55:4  Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa, Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.
Psal SomKQA 55:5  Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay, Oo naxdin baa i dabooshay.
Psal SomKQA 55:6  Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale! Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa.
Psal SomKQA 55:7  Bal eeg, markaasaan iska warwareegi lahaa meel fog, Oo waxaan degganaan lahaa cidlada.(Selaah)
Psal SomKQA 55:8  Waxaan gabbaad kaga carari lahaa Dabaysha hufada ah iyo duufaanka.
Psal SomKQA 55:9  Sayidow, iyaga baabbi'i, oo afafkoodana kala duw Waayo, waxaan magaalada ku arkay dulmi iyo dirir.
Psal SomKQA 55:10  Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan, Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.
Psal SomKQA 55:11  Dhexdeedana waxaa ku jira shar, Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda.
Psal SomKQA 55:12  Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn, Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa, Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey, Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,
Psal SomKQA 55:13  Laakiinse wuxuu ahaa adiga oo ah nin ila mid ah, Iyo jaalkay iyo saaxiibkay.
Psal SomKQA 55:14  Si wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay, Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna.
Psal SomKQA 55:15  Dhimasho ha ku soo kediso iyaga, Oo iyagoo noolnool She'ool ha ku dhaceen, Waayo, xumaan baa ku jirta hoygooda iyo dhexdooda.
Psal SomKQA 55:16  Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.
Psal SomKQA 55:17  Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa, Oo isna codkayguu maqli doonaa.
Psal SomKQA 55:18  Naftayda nabadduu kaga samatabbixiyey dagaalkii iga geesta ahaa, Waayo, kuwii ila diriray way badnaayeen.
Psal SomKQA 55:19  Ilaah oo ah kan weligiis waara, Wuu maqli doonaa oo u jawaabi doonaa iyaga, Kuwaas oo aan beddelmin,(Selaah) Oo aan Ilaah ka cabsan.
Psal SomKQA 55:20  Isagu wuxuu u gacan qaaday kii isaga heshiiska la ahaa, Oo axdigiisiina wuu buriyey.
Psal SomKQA 55:21  Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale, Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal, Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen, Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay.
Psal SomKQA 55:22  Culaabtaada Rabbiga saar, oo isna wuu ku xanaanayn doonaa, Waayo, isagu kan xaqa ah marnaba u dayn maayo in la dhaqaajiyo.
Psal SomKQA 55:23  Laakiinse, Ilaahow, iyaga waxaad ku dhaadhicin doontaa yaamayska halligaadda, Dhiigyocabyada iyo dadka khaa'innada ahu cimrigooda nus ma kadban doonaan, Laakiinse anigu waan isku kaa hallayn doonaa.
Chapter 56
Psal SomKQA 56:1  Ilaahow, ii naxariiso, waayo dad baa waxay doonayaan inay i liqaan; Maalinta oo dhan isagoo diriraya ayuu i dulmaa.
Psal SomKQA 56:2  Cadaawayaashaydu maalinta oo dhan waxay doonayaan inay i liqaan, Waayo, kuwa kibirka igula diriraa waa tiro badan yihiin.
Psal SomKQA 56:4  Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
Psal SomKQA 56:5  Maalinta oo dhan erayadayda way qalloociyaan, Fikirradooda oo dhammu waa igu col si ay shar iigu sameeyaan.
Psal SomKQA 56:6  Way isa soo wada urursadaan, oo way dhuuntaan, Oo waxay fiirsadaan tallaabooyinkayga, Markay gaadayaan naftayda.
Psal SomKQA 56:7  Iyagu ma xumaan bay ku baxsan doonaan? Ilaahow, dadyowga adoo cadhaysan hoos u tuur.
Psal SomKQA 56:8  Waad og tahay warwareeggayga, Bal ilmadayda qaruuraddaada ku shub, Waayo, miyaanay buuggaaga ku qorrayn?
Psal SomKQA 56:9  Markaasaa cadaawayaashaydu dib u noqon doonaan maalinta aan kuu yeedho, Waayo, waxaan ogahay in Ilaah ila jiro.
Psal SomKQA 56:10  Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Oo Rabbigana caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa.
Psal SomKQA 56:11  Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal dad muxuu igu samayn karaa?
Psal SomKQA 56:12  Ilaahow, nidarradaada waan qabaa, Oo waxaan kuu bixinayaa qurbaanno mahadnaqid ah.
Psal SomKQA 56:13  Waayo, naftaydaad ka samatabbixisay dhimasho, Sow cagahayga dhicitin kama aad samatabbixin? Inaan Ilaah hortiisa ku socdo Iftiinka kuwa nool.
Chapter 57
Psal SomKQA 57:1  Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso, Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa, Haah, waxaan magan geli doonaa hooska baalashaada, Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.
Psal SomKQA 57:2  Waxaan u qayshanayaa Ilaaha ugu sarreeya, Oo ah Ilaaha wax kasta ii sameeya.
Psal SomKQA 57:3  Isagu samaduu caawimaad ka soo diri doonaa, wuuna i badbaadin doonaa, Markuu kan i liqi lahaa i caayo,(Selaah) Ilaah wuxuu soo diri doonaa naxariistiisa iyo runtiisa.
Psal SomKQA 57:4  Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo, Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday, Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho, Oo carrabkooduna yahay seef af badan.
Psal SomKQA 57:5  Ilaahow, samooyinka ka sara mar, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
Psal SomKQA 57:6  Dabin bay cagahayga u diyaariyeen, Oo naftaydii baa foororsatay, Oo waxay hortayda ka qodeen god, Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay.(Selaah)
Psal SomKQA 57:7  Qalbigaa ii fadhiya, Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya, Haddaba waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan ku gabyi doonaa.
Psal SomKQA 57:8  Naftaydoy, toos, shareerad iyo kataaradoy, toosa, Aniga qudhayduna waxaan toosi doonaa aroor hore.
Psal SomKQA 57:9  Sayidow, dadyowga dhexdooda ayaan kaaga mahad naqi doonaa, Oo quruumaha dhexdooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa.
Psal SomKQA 57:10  Waayo, naxariistaadu waa weyn tahay oo waxay gaadhaa samooyinka, Oo runtaaduna waxay gaadhaa daruuraha.
Psal SomKQA 57:11  Ilaahow, samooyinka ka sara mar, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
Chapter 58
Psal SomKQA 58:1  Hubaal xaqnimada aamusnaan ma ku sheegtaan? Binu-aadmigow, si qumman wax ma u xukuntaan?
Psal SomKQA 58:2  Hubaal qalbiga waxaad ka samaysaan xumaato, Oo waxaad ka fikirtaan dulmiga gacmihiinna oo aad dhulka ku samaysaan.
Psal SomKQA 58:3  Kuwa sharka lahu waxay qalaad ku noqdaan uurkii hooyadood, Oo mar alla markii ay dhashaan ayay habaabaan iyagoo been sheegaya.
Psal SomKQA 58:4  Suntoodu waa sida abeesada waabaydeeda oo kale, Iyagu waa sida jilbis dhega la' oo dhegihiisa fureeya,
Psal SomKQA 58:5  Kaasoo aan maqlin codka saaxiriinta, Iyagoo si caqli ah u sixraya.
Psal SomKQA 58:6  Ilaahow, ilkahooda afkooda ku dhex burburi, Rabbiyow, libaaxyada aaranka ah miciyahooda jejebi.
Psal SomKQA 58:7  Ha u dhalaaleen sida biyo aad u durduraya. Markuu fallaadhihiisa wax ku liishaamo, ha noqdeen sida wax kala jabay.
Psal SomKQA 58:8  Ha noqdeen sida alalaxayda dhalaasha oo iska baabba'da, Iyo sida dhicis naageed oo aan qorraxda arkin.
Psal SomKQA 58:9  Intaan dheryihiinnu qodxaha taaban, Ayuu kuwa qoyan iyo kuwa ololayaba ku kala firdhin doonaa dabayl cirwareen ah.
Psal SomKQA 58:10  Kan xaqa ahu wuu rayrayn doonaa markuu arko aargudashada, Oo wuxuu ku cago maydhan doonaa kan sharka leh dhiiggiisa.
Psal SomKQA 58:11  Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay, Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.
Chapter 59
Psal SomKQA 59:1  Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.
Psal SomKQA 59:2  Iga samatabbixi xumaanfalayaasha, Oo dadka dhiigyocabyada ahna iga badbaadi.
Psal SomKQA 59:3  Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda, Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan, Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.
Psal SomKQA 59:4  Waxay u ordaan oo isu diyaariyaan wax aanan eed ku lahayn, Dartay u kac inaad i caawiso oo aad i eegto.
Psal SomKQA 59:5  Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, Sara joogso oo quruumaha oo dhan soo booqo, Oo innaba ha u naxariisan xadgudbayaasha.(Selaah)
Psal SomKQA 59:6  Fiidkay soo noqdaan, oo waxay u ciyaan sida eey oo kale, Oo waxay ku warwareegaan magaalada hareeraheeda.
Psal SomKQA 59:7  Afkooda waxaa ka qubmaysa cay, Bushimahoodana waxaa ku jira seefo, Waayo, waxay isyidhaahdaan, Bal yaa na maqla?
Psal SomKQA 59:8  Laakiinse Rabbiyow, iyagaad ku qosli doontaa, Quruumaha oo dhan waad quudhsan doontaa.
Psal SomKQA 59:9  Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.
Psal SomKQA 59:10  Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona, Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.
Psal SomKQA 59:11  Sayidow, gaashaankayagiiyow, Iyaga ha layn, waaba intaasoo ay dadkaygu illoobaane, Laakiinse iyaga xooggaaga ku kala firdhi, oo hoos u soo deji.
Psal SomKQA 59:12  Kibirkoodu iyaga ha dabo Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood, Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.
Psal SomKQA 59:13  Iyaga cadho ku baabbi'i, si aanay mar dambe u jirin iyaga baabbi'i, Oo ha ogaadeen in Ilaah u taliyo reer Yacquub Tan iyo dhulka darafkiisa.(Selaah)
Psal SomKQA 59:14  Oo iyagu fiidka ha soo noqdeen, oo sida eey oo kale ha u ciyeen, Oo magaalada hareeraheeda ha ku warwareegeen.
Psal SomKQA 59:15  Waxay u warwareegayaan inay cunto helaan, Oo haddaanay dherginna habeenkii oo dhan way sii joogayaan.
Psal SomKQA 59:16  Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga, Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa, Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii, Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.
Psal SomKQA 59:17  Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa, Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.
Chapter 60
Psal SomKQA 60:1  Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay, Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.
Psal SomKQA 60:2  Dhulkii waad gariirisay, oo waad kala dildillaacisay, Haddaba dildillaaciisa bogsii, waayo, wuu ruxmadaa.
Psal SomKQA 60:3  Dadkaagii waxaad tustay waxyaalo adag, Oo waxaad na cabsiisay khamri lala dhacdhaco.
Psal SomKQA 60:4  Calan baad siisay kuwa kaa cabsada, In runta loo soo bandhigo aawadeed.(Selaah)
Psal SomKQA 60:5  Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan, Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.
Psal SomKQA 60:6  Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.
Psal SomKQA 60:7  Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushayda boqornimo.
Psal SomKQA 60:8  Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Falastiinay, qayli aawaday.
Psal SomKQA 60:9  Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
Psal SomKQA 60:10  Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
Psal SomKQA 60:11  Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
Psal SomKQA 60:12  Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
Chapter 61
Psal SomKQA 61:1  Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.
Psal SomKQA 61:2  Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya, Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.
Psal SomKQA 61:3  Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.
Psal SomKQA 61:4  Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga, Oo waxaan magan geli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon.(Selaah)
Psal SomKQA 61:5  Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay, Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.
Psal SomKQA 61:6  Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa, Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.
Psal SomKQA 61:7  Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa, Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.
Psal SomKQA 61:8  Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa, Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.
Chapter 62
Psal SomKQA 62:1  Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya, Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.
Psal SomKQA 62:2  Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.
Psal SomKQA 62:3  Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan, Inaad kulligiin isaga dumisaan, Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?
Psal SomKQA 62:4  Iyagu waxay keliyahoo ku tashadaan si ay isaga sharaftiisa uga dejiyaan, Oo waxay ku farxaan beensheegidda, Afka way ka duceeyaan, laakiinse uurka way ka habaartamaan.(Selaah)
Psal SomKQA 62:5  Naftaydoy, Ilaah oo qudha sug, Waayo, isagaan wax ka filanayaa.
Psal SomKQA 62:6  Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.
Psal SomKQA 62:7  Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah, Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.
Psal SomKQA 62:8  Dadkow, isaga isku halleeya wakhti kastaba, Oo qalbigiinna waxba ha kula hadhina Ilaah hortiisa, Waayo, Ilaah baa magangal inoo ah.(Selaah)
Psal SomKQA 62:9  Hubaal dad gun ahu waa xumbo, Oo dad gob ahuna waa been, Markii la miisaamo way kor mari doonaan, Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.
Psal SomKQA 62:10  Dulmiga ha isku hallaynina, Waxdhiciddana ha ku kibrina. Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.
Psal SomKQA 62:11  Ilaah mar buu hadlay, Oo laba goor baan maqlay, In Ilaah xoogga iska leeyahay,
Psal SomKQA 62:12  Oo weliba, Sayidow, adigu naxariis baad leedahay, Waayo, nin kasta waxaad ugu abaalguddaa sidii camalladiisu ahaayeen.
Chapter 63
Psal SomKQA 63:1  Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa, Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa, Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
Psal SomKQA 63:2  Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed, Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.
Psal SomKQA 63:3  Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol, Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.
Psal SomKQA 63:4  Sidaas daraaddeed waan kugu mahad naqayaa intaan noolahay, Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.
Psal SomKQA 63:5  Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo, Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
Psal SomKQA 63:6  Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.
Psal SomKQA 63:7  Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad, Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
Psal SomKQA 63:8  Naftaydu adigay ku raacdaa, Oo gacantaada midigna way i tiirisaa.(Selaah)
Psal SomKQA 63:9  Laakiinse kuwa naftayda u doondoonaya inay halligaan aawadeed, Waxay geli doonaan dhulka meelaha ugu hooseeya.
Psal SomKQA 63:10  Waxaa iyaga loo gacangelin doonaa xoogga seefta, Oo waxay qayb u noqon doonaan dawacooyinka.
Psal SomKQA 63:11  Laakiinse boqorku wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaah, Mid kasta oo isaga ku dhaartaa wuu faani doonaa, Waayo, kuwa beenta sheega afkooda waa la aamusiin doonaa.
Chapter 64
Psal SomKQA 64:1  Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo, Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.
Psal SomKQA 64:2  Oo iga qari talada qarsoon oo kuwa sharka ka shaqeeya, Iyo tirabadnaanta xumaanfalayaasha,
Psal SomKQA 64:3  Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale, Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh,
Psal SomKQA 64:4  Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan, Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan.
Psal SomKQA 64:5  Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan, Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan, Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?
Psal SomKQA 64:6  Waxay baadhaan xumaatooyin, iyagoo leh, Annagu baadhid caqli ah ayaannu ebinnay, Fikirka ku jira uurka nin walba iyo qalbiguba waa mool dheer yihiin.
Psal SomKQA 64:7  Laakiinse Ilaah waa toogan doonaa, Oo haddiiba iyaga waxaa dhaawici doonta fallaadh.
Psal SomKQA 64:8  Sidaas daraaddeed waa la kufin doonaa, iyagoo carrabkoodu col u yahay naftooda, Wax alla wixii iyaga arka oo dhammu way carari doonaan.
Psal SomKQA 64:9  Oo dadka oo dhammu way cabsan doonaan, Oo waxay sheegi doonaan shuqulka Ilaah, Oo si caqli ah ayay uga fikiri doonaan wuxuu sameeyey.
Psal SomKQA 64:10  Kuwa xaqa ahu waxay ku farxi doonaan Rabbiga, oo isagay isku hallayn doonaan, Oo inta qalbigoodu toosan yahay oo dhammuna way faani doonaan.
Chapter 65
Psal SomKQA 65:1  Ilaahow, ammaan baa Siyoon kugu sugaysa, Oo nidarkana waa in adiga laguu oofiyo.
Psal SomKQA 65:2  Kaaga baryootanka maqlow, Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan.
Psal SomKQA 65:3  Waxaa iga adkaada xumaatooyin, Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.
Psal SomKQA 65:4  Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado, Inuu degganaado barxadahaaga. Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga, Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.
Psal SomKQA 65:5  Ilaaha badbaadadayadow, Waxyaalo cabsi badan ayaad xaqnimo noogu jawaabi doontaa, Waxaad tahay kalsoonida kuwa dunida darfaheeda oo dhan, Iyo kuwa badda fogba,
Psal SomKQA 65:6  Kaas oo xooggiisa buuraha ku adkeeya, Isagoo dhexda xoog ku xidhay.
Psal SomKQA 65:7  Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda, Iyo dadyowga buuqooda.
Psal SomKQA 65:8  Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga, Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.
Psal SomKQA 65:9  Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa, Oo aad baad u barwaaqaysaa, Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa, Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.
Psal SomKQA 65:10  Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa, Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda, Oo tiixtiix baad ku jilcisaa, Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.
Psal SomKQA 65:11  Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga, Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.
Psal SomKQA 65:12  Waxay ku tifqaan daaqa cidlada, Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.
Psal SomKQA 65:13  Berrimmada daaqu waxay huwadaan tirooyin adhyo ah, Dooxooyinkana waxaa qariya hadhuudh, Markaasay farxad la qayliyaan, oo weliba gabyaan.
Chapter 66
Psal SomKQA 66:1  Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
Psal SomKQA 66:2  Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.
Psal SomKQA 66:3  Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
Psal SomKQA 66:4  Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan.(Selaah)
Psal SomKQA 66:5  Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah, Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
Psal SomKQA 66:6  Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug, Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
Psal SomKQA 66:7  Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa, Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha, Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin.(Selaah)
Psal SomKQA 66:8  Dadyahow, Ilaaheenna ammaana, Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
Psal SomKQA 66:9  Kaasoo nafteenna nolol ku haya, Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
Psal SomKQA 66:10  Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay, Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
Psal SomKQA 66:11  Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
Psal SomKQA 66:12  Dad baad madaxa naga saartay, Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo, Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
Psal SomKQA 66:13  Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo, Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
Psal SomKQA 66:14  Bushimahaygu ay ku hadleen, Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
Psal SomKQA 66:15  Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran Iyo wanan iyo fooxood, Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo.(Selaah)
Psal SomKQA 66:16  Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.
Psal SomKQA 66:17  Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.
Psal SomKQA 66:18  Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen,
Psal SomKQA 66:19  Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.
Psal SomKQA 66:20  Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.
Chapter 67
Psal SomKQA 67:1  Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee, Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo,(Selaah)
Psal SomKQA 67:2  In jidkaaga laga ogaado dhulka, Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.
Psal SomKQA 67:3  Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
Psal SomKQA 67:4  Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed, Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad, Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa.(Selaah)
Psal SomKQA 67:5  Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
Psal SomKQA 67:6  Dhulku wuxuu soo saaray midhihiisii, Waxaa ina barakayn doona Ilaah, oo ah Ilaaheenna qudhiisa.
Psal SomKQA 67:7  Ilaah waa ina barakayn doonaa, Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna way ka cabsan doonaan isaga.
Chapter 68
Psal SomKQA 68:1  Ilaah ha sara joogsado, oo cadaawayaashiisuna ha kala firdheen, Kuwa necebuna hortiisa ha ka carareen.
Psal SomKQA 68:2  Sida qiiqu u kala firdho, iyagana sidaasoo kale u kala firdhi, Sida shamacu dabka ugu dhalaalo, Sidaasoo kale kuwa sharka lahu Ilaah hortiisa ha ku baabbe'een.
Psal SomKQA 68:3  Laakiinse kuwa xaqa ahu ha farxeen, oo Ilaah hortiisa ha ku reyreeyeen, Haah, oo farxad ha ku reyreeyeen.
Psal SomKQA 68:4  Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya, Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala, Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya.
Psal SomKQA 68:5  Ilaah wuxuu rugtiisa quduuskaa ku yahay Agoonta aabbahood iyo carmallada xaakinkooda.
Psal SomKQA 68:6  Kuwa cidlaysan Ilaah reero ayuu u yeelaa, Oo maxaabiistana intuu soo bixiyo ayuu barwaaqo dhex geeyaa, Laakiinse caasiyiintu waxay degganaadaan dhul oommane ah.
Psal SomKQA 68:7  Ilaahow, markaad dadkaaga hor kacday, Markaad lamadegaanka ku dhex socotay,(Selaah)
Psal SomKQA 68:8  Dhulku waa gariiray, Samooyinkuna waxay ku de'een Ilaah hortiisa, Xataa Buur Siinay nafteedu waxay ka gariirtay Ilaah hortiisa, kaasoo ah Ilaaha Israa'iil.
Psal SomKQA 68:9  Ilaahow, waxaad soo daysay roob badan, Oo kuwa dhaxalkaagu markay daallanaayeenna waad xoogaysay.
Psal SomKQA 68:10  Ururkaagu halkaasuu dhex degganaa, Ilaahow, wanaaggaaga aawadiis wax baad u diyaarisay masaakiinta.
Psal SomKQA 68:11  Sayidku wuxuu bixiyey erayga, Kuwa warka faafiyaana waa guuto weyn.
Psal SomKQA 68:12  Boqorrada ciidammadu way cararaan, way cararaan, Oo tan guriga ku hadha ayaa dhaca qaybisa.
Psal SomKQA 68:13  Xeryaha idaha miyaad iska dhex jiifaysaan, Sidii baadad qoolley oo lacag lagu dahaadhay, Iyo baalasheeda oo dahab cas lagu dahaadhay?
Psal SomKQA 68:14  Markii Qaadirku boqorrada halkaas ku kala dhex firdhiyey, Waxay ahayd sida marka baraf cad ku da'o Salmoon.
Psal SomKQA 68:15  Buur Ilaah waxaa ah Buur Baashaan. Oo buur dheer waxaa ah Buur Baashaan.
Psal SomKQA 68:16  Buurihiinnan dhaadheerow, bal maxaad u quudhsanaysaan Buurta Ilaah uu jeclaaday inuu hoygiisii ka dhigto? Haah, oo Rabbigu halkaasuu degganaan doonaa weligiisba.
Psal SomKQA 68:17  Ilaah gaadhifardoodyadiisu waa labaatan kun, iyo xataa kumanyaal iyo kumaankun, Sayidku wuu ku dhex jiraa iyaga, siduu Siinay ugu jiri jiray xagga meesha quduuska ah.
Psal SomKQA 68:18  Adigu kor baad u baxday, oo waxaad qabatay oo kaxaysay kuwii maxaabiista ahaan jiray. Oo waxaad hadiyado ka qaadatay dadka dhexdiisa, Iyo xataa caasiyiintaba, in Rabbiga Ilaah ahu halkaas joogo aawadeed.
Psal SomKQA 68:19  Waxaa mahad leh Sayidka maalin kasta culaabteenna inoo qaada, Kaasoo ah Ilaaha ina badbaadiya.(Selaah)
Psal SomKQA 68:20  Ilaah wuxuu inoo yahay Ilaaha samatabbixinta, Ilaaha Sayidka ah ayaa iska leh dhimashada kabixiddeeda.
Psal SomKQA 68:21  Laakiinse Ilaah wuxuu wax ku dhufan doonaa madaxa cadaawayaashiisa, Iyo dhalada timaha leh oo kan xadgudubyadiisa ku sii socdaba.
Psal SomKQA 68:22  Sayidku wuxuu yidhi, Waxaan iyaga ka soo celin doonaa xagga Baashaan, Oo waxaan ka soo bixin doonaa badda moolkeeda,
Psal SomKQA 68:23  Inaad cagtaada dhiig darsatid, Iyo in eeyahaaga carrabkoodu uu qayb ka helo cadaawayaashaada.
Psal SomKQA 68:24  Ilaahow, waxay arkeen tegiddaadii, Taas oo ah tegiddii Ilaahay oo ah Boqorkayga oo uu galay meesha quduuska ah.
Psal SomKQA 68:25  Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen, Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.
Psal SomKQA 68:26  Kuwiinnan isha Israa'iil ka soo farcamayow, Shirarka ku dhex ammaana Ilaaha Sayidka ah.
Psal SomKQA 68:27  Waxaa jooga Benyaamiin yar oo ah taliyahooda, Iyo amiirrada reer Yahuudah iyo guddigooda, Iyo amiirrada reer Sebulun iyo amiirrada reer Naftaali.
Psal SomKQA 68:28  Ilaahaagu xooggaaguu amray, Ilaahow, waxaad noo samaysay noo xoogee.
Psal SomKQA 68:29  Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado.
Psal SomKQA 68:30  Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira, Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah, Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel.
Psal SomKQA 68:31  Masar waxaa ka iman doona amiirro, Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah.
Psal SomKQA 68:32  Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya, Ammaan ugu gabya Sayidka,(Selaah)
Psal SomKQA 68:33  Kaasoo kor fuushan samada samooyinka sare, oo weligoodba jiray, Bal eega, wuxuu ku hadlaa codkiisa, oo weliba codkiisu waa xoog badan yahay.
Psal SomKQA 68:34  Ilaah xoog ka sheega, Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil, Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.
Psal SomKQA 68:35  Ilaahow, meelahaaga quduuska ah waxaad ka tahay mid laga cabsado, Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu dadkiisa siiyaa xoog iyo itaal. Mahad waxaa leh Ilaah.
Chapter 69
Psal SomKQA 69:1  Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.
Psal SomKQA 69:2  Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago, Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.
Psal SomKQA 69:3  Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay, Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.
Psal SomKQA 69:4  Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga, Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin, Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.
Psal SomKQA 69:5  Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda, Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.
Psal SomKQA 69:6  Sayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo jiidin, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin.
Psal SomKQA 69:7  Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday, Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.
Psal SomKQA 69:8  Waxaan walaalahay u noqday shisheeye, Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi.
Psal SomKQA 69:9  Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay, Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.
Psal SomKQA 69:10  Markaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey, Taasu waxay igu noqotay ceeb.
Psal SomKQA 69:11  Markaan joonyado dhar ka dhigtayna, Waxaan iyagii u noqday masaal.
Psal SomKQA 69:12  Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan, Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.
Psal SomKQA 69:13  Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.
Psal SomKQA 69:14  Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban, Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.
Psal SomKQA 69:15  Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yaamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.
Psal SomKQA 69:16  Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay, Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.
Psal SomKQA 69:17  Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah, Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.
Psal SomKQA 69:18  Naftayda u soo dhowow, oo furo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samatabbixi.
Psal SomKQA 69:19  Waad og tahay caydayda iyo ceebtayda iyo sharafdarradayda, Oo cadaawayaashayda oo dhammu hortaaday joogaan.
Psal SomKQA 69:20  Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.
Psal SomKQA 69:21  Oo weliba waxay cunto ahaan ii siiyeen xammeeti, Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal.
Psal SomKQA 69:22  Miiskoodu hortooda ha ku noqdo dabin, Oo markay nabdoon yihiinna shirqool ha ku noqdo.
Psal SomKQA 69:23  Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin, Oo simahooduna had iyo goorba ha gariireen.
Psal SomKQA 69:24  Xanaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.
Psal SomKQA 69:25  Gurigoodu cidla ha noqdo, Ninnana yaanu teendhooyinkooda degin,
Psal SomKQA 69:26  Waayo, iyagu waxay silciyaan kii aad dishay, Oo waxay ka sheekeeyaan kuwaad dhaawacday murugtooda.
Psal SomKQA 69:27  Xumaantooda xumaan ugu sii dar, Oo yaanay xaqnimadaada soo gelin.
Psal SomKQA 69:28  Magacooda ha laga tirtiro kitaabka kuwa nool, Oo yaan iyaga lala qorin kuwa xaqa ah.
Psal SomKQA 69:29  Laakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay, Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto.
Psal SomKQA 69:30  Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa, Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.
Psal SomKQA 69:31  Oo taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi, Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.
Psal SomKQA 69:32  Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin, Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.
Psal SomKQA 69:33  Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan, Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.
Psal SomKQA 69:34  Samada, iyo dhulka, iyo badaha, Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.
Psal SomKQA 69:35  Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa, Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.
Psal SomKQA 69:36  Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa, Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.
Chapter 70
Psal SomKQA 70:1  Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi, Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.
Psal SomKQA 70:2  Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan Ha ceeboobeen oo ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen.
Psal SomKQA 70:3  Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu, Ceebtooda dib ha ula noqdeen.
Psal SomKQA 70:4  Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen, Ilaah ha la weyneeyo.
Psal SomKQA 70:5  Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay, Ilaahow, ii soo dhaqso, Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga. Rabbiyow, ha iga raagin.
Chapter 71
Psal SomKQA 71:1  Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, Yaanan weligay wareerin.
Psal SomKQA 71:2  Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli, Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.
Psal SomKQA 71:3  Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo, Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho, Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.
Psal SomKQA 71:4  Ilaahayow, iga badbaadi kan sharka leh gacantiisa, Iyo gacanta xaqlaawaha iyo ninka nacabkaa.
Psal SomKQA 71:5  Waayo, Sayidow Ilaahow, waxaad tahay rajadayda, Oo waxaad tahay kii aan isku hallaynayay tan iyo yaraantaydii.
Psal SomKQA 71:6  Tan iyo uurkii hooyaday adigaa i tiirinayay, Waxaad tahay kii iga soo bixiyey uurkii hooyaday, Had iyo goorba adigaan ku ammaani doonaa.
Psal SomKQA 71:7  Anigu kuwo badan baan u ahay sidii wax yaab leh, Laakiinse adigu waxaad ii tahay magangal xoog leh.
Psal SomKQA 71:8  Maalin kasta waxaa afkayga ka buuxi doona Ammaantaada iyo sharaftaada.
Psal SomKQA 71:9  Ha i tuurin markaan gaboobo, Oo ha i dayrin markaan itaal darnaado.
Psal SomKQA 71:10  Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan, Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,
Psal SomKQA 71:11  Oo waxay isyidhaahdaan, Ilaah baa dayriyey, Haddaba ka daba taga oo qabta, waayo, ma jiro mid samatabbixinayaa.
Psal SomKQA 71:12  Ilaahow, ha iga fogaan, Ilaahayow, soo dhaqso oo i caawi.
Psal SomKQA 71:13  Kuwa naftayda cadaawayaal ku ahu ha ceeboobeen oo ha baabba'een, Oo kuwa waxyeelladayda doondoonayana ceeb iyo sharafdarro ha ku bateen.
Psal SomKQA 71:14  Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa, Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.
Psal SomKQA 71:15  Afkaygu wuxuu maalinta oo dhan ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, iyo badbaadintaada, Waayo, anigu ma aqaan intay tiro le'eg yihiin.
Psal SomKQA 71:16  Waxaan la imanayaa Sayidka Ilaahaa shuqulladiisa xoogga leh, Oo waxaan ka hadli doonaa xaqnimadaada, taasoo ah taada oo keliya.
Psal SomKQA 71:17  Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii, Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.
Psal SomKQA 71:18  Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo, Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.
Psal SomKQA 71:19  Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa, Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey, Bal yaa kula mid ah?
Psal SomKQA 71:20  Adiga oo na tusay dhibaatooyin badan oo aad u xun, Ayaa haddana na noolayn doona, Oo haddana waxaad naga soo saari doontaa dhulka moolkiisa.
Psal SomKQA 71:21  Weynaantayda ii sii kordhi, Oo intaad soo jeesatid i qalbi qabooji.
Psal SomKQA 71:22  Ilaahow, waxaan kugu ammaani doonaa alaab muusiko ah, Oo runtaadaan ammaani doonaa, Israa'iil kiisa Quduuska ahow, Waxaan ammaan kuugula gabyi doonaa kataarad.
Psal SomKQA 71:23  Bushimahaygu aad bay ugu farxi doonaan, markaan ammaan kuugu gabyo, Oo xataa naftaydii aad soo furatayna way rayrayn doonta.
Psal SomKQA 71:24  Oo weliba carrabkayguna maalinta oo dhan wuxuu ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, Waayo, kuwa waxyeelladayda doondoonayaa way ceeboobaan, oo way isku wareeraan.
Chapter 72
Psal SomKQA 72:1  Ilaahow, boqorka xukummadaada sii, Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.
Psal SomKQA 72:2  Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad.
Psal SomKQA 72:3  Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad, Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.
Psal SomKQA 72:4  Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
Psal SomKQA 72:5  Way kaa cabsan doonaan inta qorraxdu jirto, Iyo inta dayaxu jiro tan iyo ka ab ka ab.
Psal SomKQA 72:6  Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora, Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.
Psal SomKQA 72:7  Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa, Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin.
Psal SomKQA 72:8  Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad, Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa.
Psal SomKQA 72:9  Kuwa cidlada degganu hortiisay ku sujuudi doonaan; Oo cadaawayaashiisuna ciidday leefleefi doonaan.
Psal SomKQA 72:10  Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
Psal SomKQA 72:11  Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan, Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan.
Psal SomKQA 72:12  Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo, Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn.
Psal SomKQA 72:13  Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan, Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa.
Psal SomKQA 72:14  Naftooduu ka furan doonaa khiyaano iyo dulmi, Oo dhiiggooduna hortiisuu qaali ku ahaan doonaa,
Psal SomKQA 72:15  Oo isagu wuu noolaan doonaa, oo waxaa la siin doonaa dahabka Shebaa; Had iyo goorba dadku way u ducayn doonaan, Oo weliba maalinta oo dhan isagay ammaani doonaan.
Psal SomKQA 72:16  Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda, Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale, Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.
Psal SomKQA 72:17  Magiciisu weligiis buu waari doonaa, Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto; Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga, Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan.
Psal SomKQA 72:18  Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan,
Psal SomKQA 72:19  Magiciisa ammaanta badanu mahad ha lahaado weligiisba, Oo dhulka oo dhanna ammaantiisu ha ka buuxsanto. Aamiin iyo Aamiin.
Psal SomKQA 72:20  Daa'uud ina Yesay baryootannadiisii way dhammaadeen.
Chapter 73
Psal SomKQA 73:1  Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil, Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.
Psal SomKQA 73:2  Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay, Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.
Psal SomKQA 73:3  Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn, Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.
Psal SomKQA 73:4  Waayo, geeridoodu xanuun ma leh, Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.
Psal SomKQA 73:5  Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale, Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.
Psal SomKQA 73:6  Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.
Psal SomKQA 73:7  Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
Psal SomKQA 73:8  Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.
Psal SomKQA 73:9  Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka, Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.
Psal SomKQA 73:10  Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan, Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.
Psal SomKQA 73:11  Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan? Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?
Psal SomKQA 73:12  Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh, Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
Psal SomKQA 73:13  Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay, Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,
Psal SomKQA 73:14  Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.
Psal SomKQA 73:15  Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.
Psal SomKQA 73:16  Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado, Aad bay iigu xanuun badnayd,
Psal SomKQA 73:17  Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah, Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.
Psal SomKQA 73:18  Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.
Psal SomKQA 73:19  Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah! Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.
Psal SomKQA 73:20  Sayidow, sidii mid riyo ka toosay Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.
Psal SomKQA 73:21  Waayo, qalbigaygu wuu murugooday, Oo waxaa layga muday kelyaha,
Psal SomKQA 73:22  Waxaan ahaa doqon iyo jaahil, Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.
Psal SomKQA 73:23  Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa, Oo waxaad i qabatay gacanta midig.
Psal SomKQA 73:24  Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada, Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.
Psal SomKQA 73:25  Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane? Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.
Psal SomKQA 73:26  Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen, Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.
Psal SomKQA 73:27  Waayo, bal eeg, kuwa kaa fogu way halligmi doonaan, Oo waad wada baabbi'isay kuwii kaa caasiyoobay oo dhan.
Psal SomKQA 73:28  Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado, Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga, Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.
Chapter 74
Psal SomKQA 74:1  Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay? Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?
Psal SomKQA 74:2  Bal soo xusuuso ururkaaga aad waa hore soo iibsatay, Oo aad u soo furatay inay ahaadaan qabiilkaad dhaxashay, Oo weliba Buur Siyoon oo aad degganaatana soo xusuuso.
Psal SomKQA 74:3  Tallaabooyinkaaga u soo qaad xagga baabba'a weligiis ah, Iyo xagga xumaanta uu cadowgu meesha quduuska ah ku sameeyey oo dhan.
Psal SomKQA 74:4  Cadaawayaashaadii waxay ka qayliyeen shirkaaga dhexdiisa, Oo waxay calaamad ahaan u qotonsadeen calammadoodii.
Psal SomKQA 74:5  Waxay u ekaadeen sidii niman faasas u qaatay hawd jiq ah.
Psal SomKQA 74:6  Haddaba shuqulkiisii la qoray oo dhan Waxay ku wada dumiyaan gudmo iyo dubbayaal.
Psal SomKQA 74:7  Meeshaada quduuska ah dab bay ku dhejiyeen, Oo waxay wada nijaaseeyeen meeshii magacaaga hoyga u ahayd.
Psal SomKQA 74:8  Waxay qalbigooda iska yidhaahdeen, Kaalaya aan dhammaantood baabbi'innee, Waxay wada gubeen sunagogyadii Ilaah oo dalka ku dhex yiil oo dhan.
Psal SomKQA 74:9  Annagu calaamadahayagii ma aragno, Oo innaba mar dambe nebi ma jiro, Dhexdayadana ma joogo mid garanaya ilaa goorma.
Psal SomKQA 74:10  Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa? Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?
Psal SomKQA 74:11  Bal maxaad gacantaada midig dib ugu celisaa? Laabtaada ka soo bixi oo iyaga baabbi'i.
Psal SomKQA 74:12  Laakiinse Ilaah waa boqorkayga tan iyo waa hore, Isagoo badbaadin ka dhex samaynaya dhulka.
Psal SomKQA 74:13  Xooggaagaad badda ku kala qaybisay, Oo masbadeedyada ku dhex jirana madaxaad ka jebisaa.
Psal SomKQA 74:14  Waxaad kala burburisay madaxyada bahalbadeedyada oo Lewiiyaataan la odhan jiray, Oo cunto ahaan ayaad u siisay dadkii cidlada degganaa.
Psal SomKQA 74:15  Waxaad kala furtay ilo iyo durdurro, Oo waxaad qallajisay webiyo waaweyn.
Psal SomKQA 74:16  Maalinta adigaa iska leh, habeenkana adigaa iska leh, Oo adigaa diyaariyey iftiinka iyo qorraxdaba.
Psal SomKQA 74:17  Adigu waxaad samaysay dhulka soohdimihiisa oo dhan, Oo adigaa sameeyey diraac iyo xagaaba.
Psal SomKQA 74:18  Rabbiyow, xusuuso in cadowgu caytamay, Iyo in dad nacas ahu magacaaga caayay.
Psal SomKQA 74:19  Qoolleydaada nafteeda ha u gacangelin dugaagga, Weligaaba ha illoobin nafta masaakiintaada,
Psal SomKQA 74:20  Bal soo fiiri axdigaaga, Dhulka meelihiisa gudcurka ah waxaa ka buuxa hoyaalka dulmiga.
Psal SomKQA 74:21  Kuwa la dulmay yaanay dib u noqon iyagoo ceeboobay, Miskiinka iyo kan baahanu magacaaga ha ammaaneen.
Psal SomKQA 74:22  Ilaahow, sara joogso, oo dacwadaada u muddac. Bal xusuuso siday dadka nacaska ahu maalinta oo dhan kuu caayaan.
Psal SomKQA 74:23  Ha illoobin codka cadaawayaashaada, Kuwa kugu kaca buuqoodu had iyo goorba wuu soo kacaa.
Chapter 75
Psal SomKQA 75:1  Ilaahow, adaan kuu mahad naqnaa, Waannu kuu mahad naqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay, Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.
Psal SomKQA 75:2  Wakhtiga aan qawimay, Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.
Psal SomKQA 75:3  Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen, Tiirarkiisa anigaa qotomiyey.(Selaah)
Psal SomKQA 75:4  Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina, Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,
Psal SomKQA 75:5  Geeskiinna kor ha u taagina, Oo madaxadayg ha ku hadlina.
Psal SomKQA 75:6  Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed, Ama xataa xagga koonfureed toona.
Psal SomKQA 75:7  Laakiinse Ilaah baa xaakin ah, Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
Psal SomKQA 75:8  Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri, Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa, Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
Psal SomKQA 75:9  Laakiinse anigu weligayba waan rayrayn doonaa, Oo waxaan ammaan ugu gabyi doonaa Ilaaha Yacquub.
Psal SomKQA 75:10  Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa, Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.
Chapter 76
Psal SomKQA 76:1  Ilaah baa reer Yahuudah lagu dhex yaqaan, Oo magiciisuna reer binu Israa'iil dhexdooda waa ku weyn yahay.
Psal SomKQA 76:2  Oo taambuuggiisu wuxuu ku yaal Saalem, Hoygiisuna wuxuu ku yaal Siyoon.
Psal SomKQA 76:3  Oo halkaas wuxuu ku jejebiyey fallaadhihii qaansada, Iyo gaashaankii, iyo seeftii, iyo dagaalkiiba.(Selaah)
Psal SomKQA 76:4  Adigu waxaad ka ammaan iyo haybad badan tahay buuraha ugaadha leh.
Psal SomKQA 76:5  Kuwii qalbiga adkaa waa la dhacay, oo hurdadoodii ayay wada gam'een, Oo raggii xoogga badnaana midkoodna gacmihiisii waxba kuma samayn.
Psal SomKQA 76:6  Ilaaha Yacquubow, canaantaadii aawadeed Ayaa gaadhifardood iyo fardoba waxay kula dhex dheceen hurdo weyn.
Psal SomKQA 76:7  Adigase waa in lagaa cabsadaa, Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?
Psal SomKQA 76:8  Waxaad ka dhigtay in xukun samada laga maqlo, Oo dhulkiina waa baqay, oo wuu aamusay,
Psal SomKQA 76:9  Markuu Ilaah xukunka u sara kacay Inuu badbaadsho kuwa camalka qabow oo dhulka jooga oo dhan.(Selaah)
Psal SomKQA 76:10  Hubaal waxaa ku ammaani doonta dadka cadhadiisa, Oo waxaad dhexda ku xidhan doontaa cadhada inteeda hadhay.
Psal SomKQA 76:11  Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya, Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.
Psal SomKQA 76:12  Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda, Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.
Chapter 77
Psal SomKQA 77:1  Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.
Psal SomKQA 77:2  Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
Psal SomKQA 77:3  Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa, Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa.(Selaah)
Psal SomKQA 77:4  Indhahaygii waad soo jeedisay, Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.
Psal SomKQA 77:5  Waxaan ka fikiray wakhtigii hore, Iyo sannadihii waa hore ahaa.
Psal SomKQA 77:6  Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga, Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga, Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.
Psal SomKQA 77:7  Sayidku weligiisba ma i xoorayaa? Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?
Psal SomKQA 77:8  Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba? Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab?
Psal SomKQA 77:9  Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan? Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay?(Selaah)
Psal SomKQA 77:10  Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda, Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.
Psal SomKQA 77:11  Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa, Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.
Psal SomKQA 77:12  Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan, Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.
Psal SomKQA 77:13  Ilaahow, jidkaagu wuxuu ku dhex yaal meesha quduuska ah, Ilaahee baa sida Ilaah u weyn?
Psal SomKQA 77:14  Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya, Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.
Psal SomKQA 77:15  Gacantaadaad dadkaagii ku soo furatay, Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf.(Selaah)
Psal SomKQA 77:16  Ilaahow, biyuhu way ku arkeen, Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen, Oo moolalkuna way gariireen.
Psal SomKQA 77:17  Daruuruhuna biyay soo daayeen, Cirkuna wuxuu diray dhawaaq, Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.
Psal SomKQA 77:18  Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta, Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida, Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.
Psal SomKQA 77:19  Jidkaaguna badduu dhex maray, Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan, Oo raadadkaagana lama aqoon.
Psal SomKQA 77:20  Dadkaaga waxaad u hor kacday sidii adhi oo kale, Oo waxaad iyaga ku hoggaamisay gacanta Muuse iyo tan Haaruun.
Chapter 78
Psal SomKQA 78:1  Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta, Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.
Psal SomKQA 78:2  Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal, Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,
Psal SomKQA 78:3  Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin, Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.
Psal SomKQA 78:4  Ka qarin mayno carruurtooda, Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa, Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.
Psal SomKQA 78:5  Waayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay, Oo sharci buu reer binu Israa'iil u dejiyey, Kaasoo uu ku amray awowayaasheen, Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed,
Psal SomKQA 78:6  Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa, Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,
Psal SomKQA 78:7  Inay rajadooda Ilaah ku xidhaan, Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii, Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa,
Psal SomKQA 78:8  Oo aanay sidii awowayaashood oo kale noqon Farcan madax adag oo caasi badan, Kaasoo ah farcan aan qalbigoodu qummanayn, Oo naftooduna aanay xagga Ilaah aamin ku ahayn.
Psal SomKQA 78:9  Reer Efrayim iyagoo hub iyo qaansooyin sita Ayay maalintii dagaalka dib u noqdeen.
Psal SomKQA 78:10  Axdigii Ilaah ma ay xajin, Oo waxay diideen inay sharcigiisii ku socdaan,
Psal SomKQA 78:11  Oo waxay illoobeen falimihiisa Iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu iyaga tusay.
Psal SomKQA 78:12  Waxyaalo yaab badan ayuu awowayaashood ku hor sameeyey, Markay joogeen dalkii Masar iyo berrinkii Socan.
Psal SomKQA 78:13  Isagu badduu kala gooyay, oo iyagii dhex marsiiyey, Oo biyihiina wuxuu ka dhigay inay sidii taallo u taagnaadaan.
Psal SomKQA 78:14  Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur, Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis.
Psal SomKQA 78:15  Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada, Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo.
Psal SomKQA 78:16  Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro, Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.
Psal SomKQA 78:17  Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan, Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.
Psal SomKQA 78:18  Oo weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis.
Psal SomKQA 78:19  Oo Ilaah bay wax ka sheegeen, Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa?
Psal SomKQA 78:20  Bal eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay, Haddaba miyuu kibisna bixin karaa? Miyuu dadkiisa hilib siin karaa?
Psal SomKQA 78:21  Sidaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday, Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay, Reer binu Israa'iilna cadhaa ku dhacday,
Psal SomKQA 78:22  Maxaa yeelay, Ilaah ma ay rumaysan, Oo badbaadintiisana iskuma ay hallayn.
Psal SomKQA 78:23  Laakiin isagu wuxuu amray cirka sare Oo albaabbadii samadana wuu furay;
Psal SomKQA 78:24  Oo wuxuu ku soo daayay maanna ay cunaan, Oo wuxuu iyagii wax ka siiyey hadhuudhkii samada.
Psal SomKQA 78:25  Dadkii waxay cuneen kibistii malaa'igaha, Oo weliba wuxuu iyaga u soo diray hilib ay ka dhergaan.
Psal SomKQA 78:26  Isagu wuxuu samada ka kiciyey dabaysha bari, Oo dabaysha koonfureedna xooggiisuu ku hoggaamiyey.
Psal SomKQA 78:27  Oo korkoodana hilib buu ugu soo daadiyey sidii ciidda oo kale, Oo wuxuu ku soo daayay haad baalal leh oo ah sidii cammuudda badaha,
Psal SomKQA 78:28  Oo wuxuu ku soo daadiyey xeradooda dhexdeeda, Iyo rugahooda hareerahooda.
Psal SomKQA 78:29  Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen, Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen.
Psal SomKQA 78:30  Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin, Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay,
Psal SomKQA 78:31  Markii cadhada Ilaah ay iyaga ku dhacday, Oo ay dishay kuwii iyaga ugu buurbuurnaa, Oo ay laysay raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil.
Psal SomKQA 78:32  In kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen, Weli way sii dembaabeen, Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa.
Psal SomKQA 78:33  Sidaas daraaddeed maalmahoodii wuxuu ku dhammeeyey wax aan waxtar lahayn, Cimrigoodiina cabsi.
Psal SomKQA 78:34  Markii uu iyaga laayay ayay isaga dooneen, Oo haddiiba way soo noqdeen oo Ilaah goor hore doondooneen.
Psal SomKQA 78:35  Oo waxay xusuusteen in Ilaah ahaa dhagaxoodii weynaa, Iyo in Ilaaha ugu sarreeyaa uu ahaa Bixiyahooda.
Psal SomKQA 78:36  Laakiinse waxay isaga ku faansheen afkooda, Oo carrabkoodana been bay ugu sheegeen.
Psal SomKQA 78:37  Waayo, qalbigoodu xaggiisa kuma hagaagsanayn, Oo axdigiisiina daacad uma ay ahayn.
Psal SomKQA 78:38  Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii, Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey, Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.
Psal SomKQA 78:39  Oo wuxuu xusuustay inay iyagu yihiin binu-aadmi, Iyo dabayl iska gudubta oo aan mar dambe soo noqon.
Psal SomKQA 78:40  Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen, Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen!
Psal SomKQA 78:41  Oo haddana way soo noqdeen oo waxay tijaabiyeen Ilaah, Oo waxay ka xanaajiyeen reer binu Israa'iil Kooda Quduuska ah.
Psal SomKQA 78:42  Sooma ay xusuusan gacantiisii, Iyo maalintii uu iyaga ka soo furtay cadowga toona,
Psal SomKQA 78:43  Iyo xataa siduu calaamooyinkiisii Masar ugu dhex sameeyey, Yaababkiisiina berrinkii Socan.
Psal SomKQA 78:44  Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay, Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin.
Psal SomKQA 78:45  Wuxuu ku soo dhex daayay duqsiyo badan, wayna cuneen, Iyo xataa rahyo, oo iyana way baabbi'iyeen.
Psal SomKQA 78:46  Oo weliba wixii u baxay wuxuu siiyey diir, Oo waxay ku hawshoodeenna wuxuu siiyey ayax.
Psal SomKQA 78:47  Geedcanabkoodii wuxuu ku baabbi'iyey roobdhagaxyaale, Oo dhirtoodii darayga ahaydna wuxuu ku baabbi'iyey sayax barafoobay.
Psal SomKQA 78:48  Xoolahoodii wuxuu ku soo daayay roobdhagaxyaalaha, Adhyahoodiina danabyo kulul.
Psal SomKQA 78:49  Oo wuxuu ku soo daayay kulaylkii cadhadiisa, Iyo xanaaq, iyo dhirif, iyo dhib, Iyo guuto ah malaa'igo shar ah.
Psal SomKQA 78:50  Isagu cadhadiisii wadduu u sameeyey, Oo naftoodiina dhimasho ugama uu lexejeclaan, Laakiinse noloshoodii wuxuu u daayay belaayada,
Psal SomKQA 78:51  Oo wuxuu dalkii Masar ku laayay curadyadii oo dhan, Kuwaas oo ahaa xooggoodii u horreeyey oo uu ku dhex laayay teendhooyinkii Xaam,
Psal SomKQA 78:52  Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay, Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale.
Psal SomKQA 78:53  Oo ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin, Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay.
Psal SomKQA 78:54  Oo wuxuu iyagii keenay xuduudkii meeshiisa quduuska ah, Iyo ilaa buurtan ay midigtiisu iibsatay.
Psal SomKQA 78:55  Oo weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha, Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey. Oo qabiilooyinkii reer binu Israa'iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii.
Psal SomKQA 78:56  Laakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya, Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin,
Psal SomKQA 78:57  Laakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen, Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan.
Psal SomKQA 78:58  Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare, Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray.
Psal SomKQA 78:59  Ilaah markuu taas maqlay ayuu cadhooday, Oo aad buu reer binu Israa'iil u karhay,
Psal SomKQA 78:60  Sidaas daraaddeed taambuuggii Shiiloh wuu dayriyey, Kaasoo ah teendhadii uu dadka dhex dhigay,
Psal SomKQA 78:61  Oo xooggiisii wuxuu u gacangeliyey maxaabiisnimo, Ammaantiisiina wuxuu ku riday cadowga gacantiisii.
Psal SomKQA 78:62  Dadkiisiina wuxuu u gacangeliyey seef, Oo wuxuu u cadhooday dhaxalkiisii.
Psal SomKQA 78:63  Raggoodii dhallinyarada ahaa dab baa laastay, Gabdhahoodiina buraanbur aroos looma tirin.
Psal SomKQA 78:64  Wadaaddadoodii waxay ku dhinteen seef, Carmalladoodiina uma ay barooran.
Psal SomKQA 78:65  Markaasaa Sayidku wuxuu u kacay sidii mid hurdo ka toosay, Sidii nin xoog badan oo la qaylinaya khamri daraaddiis.
Psal SomKQA 78:66  Cadaawayaashiisiina wuu ku dhuftay oo dib buu u celiyey, Oo wuxuu saaray ceeb aan weligeed ka hadhayn.
Psal SomKQA 78:67  Oo weliba wuu diiday teendhadii reer Yuusuf, Qabiilkii reer Efrayimna ma uu dooran,
Psal SomKQA 78:68  Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah, Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday.
Psal SomKQA 78:69  Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare, Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey.
Psal SomKQA 78:70  Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud, Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha,
Psal SomKQA 78:71  Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay, Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah.
Psal SomKQA 78:72  Haddaba wuxuu u daajinayay si waafaqsan daacadnimada qalbigiisa, Oo wuxuu ku hoggaaminayay farsamada gacmihiisa.
Chapter 79
Psal SomKQA 79:1  Ilaahow, quruumihii kale waxay u soo galeen dhaxalkaagii, Macbudkaagii quduuska ahaana way nijaaseeyeen, Oo Yeruusaalemna waxay ka dhigeen tuulmooyin.
Psal SomKQA 79:2  Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada, Oo hilibkii quduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka.
Psal SomKQA 79:3  Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale, Cid aastaana ma jirin.
Psal SomKQA 79:4  Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii, Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.
Psal SomKQA 79:5  Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?
Psal SomKQA 79:6  Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon, Iyo boqortooyooyinka aan magacaaga kugu baryin.
Psal SomKQA 79:7  Waayo, waxay laayeen reer Yacquub, Rugtoodiina way baabbi'iyeen.
Psal SomKQA 79:8  Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo, Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado, Waayo, aad baa lanoo dhibay.
Psal SomKQA 79:9  Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi, Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.
Psal SomKQA 79:10  Bal maxaa quruumuhu u leeyihiin, Ilaahoodu meeh? Dhiiggii addoommadaada oo ay daadiyeen aargoosashadiisii Ha lagu ogaado quruumaha dhexdooda annagoo arkayna.
Psal SomKQA 79:11  Maxbuuska taahiisu hortaada ha yimaado, Xooggaaga weynaantiisa ku badbaadi kuwa dhimashada lagu xukumay.
Psal SomKQA 79:12  Sayidow, derisyadayada toddoba jibbaar ugu abaal mari, Oo laabta u geli caydii ay kugu caayeen.
Psal SomKQA 79:13  Haddaba annagoo ah dadkaaga iyo idihii daaqsintaada Waannu kugu mahad naqaynaa weligayo, Oo ammaantaada waannu ka sheekaysan doonnaa tan iyo ka ab ka ab.
Chapter 80
Psal SomKQA 80:1  Na maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow, Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow, Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin.
Psal SomKQA 80:2  Reer Efrayim iyo reer Benyaamiin iyo reer Manaseh hortooda xooggaaga ku kici, Oo kaalay oo na badbaadi.
Psal SomKQA 80:3  Ilaahow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
Psal SomKQA 80:4  Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?
Psal SomKQA 80:5  Waxaad ku quudisay kibistii ilmada, Oo ilmo aad u badanna ayaad cabsiisay.
Psal SomKQA 80:6  Waxaad nala dirirsiisay derisyadayada, Oo cadaawayaashayadiina way nagu qoslaan.
Psal SomKQA 80:7  Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
Psal SomKQA 80:8  Geed canab ah ayaad dalkii Masar ka keentay, Oo intaad quruumihii ka eriday ayaad meel ku beertay.
Psal SomKQA 80:9  Meel baad hortiisa ku diyaarisay, Oo wuxuu yeeshay xididdo dhaadheer, kolkaasuu dhulkii buuxiyey.
Psal SomKQA 80:10  Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii, Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.
Psal SomKQA 80:11  Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda, Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.
Psal SomKQA 80:12  Bal maxaad deyrkiisii u dumisay Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan?
Psal SomKQA 80:13  Waxaa kharriba doofaarka kaynta, Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka.
Psal SomKQA 80:14  Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo, Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,
Psal SomKQA 80:15  Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay, Iyo laantii aad adkaysatay.
Psal SomKQA 80:16  Dab baa lagu gubay, oo waa la gooyay, Oo waxay ku halligmeen canaantii jaahaaga.
Psal SomKQA 80:17  Gacantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga, Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.
Psal SomKQA 80:18  Markaas dib kaaga noqon mayno, Na noolee, oo markaasaannu magacaaga ku baryootamaynaa.
Psal SomKQA 80:19  Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
Chapter 81
Psal SomKQA 81:1  Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah, Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.
Psal SomKQA 81:2  Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka, Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.
Psal SomKQA 81:3  Buunka afuufa markay bishu dhalato, Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah.
Psal SomKQA 81:4  Waayo, taasu qaynuun bay u tahay reer binu Israa'iil, Waana amar ka yimid Ilaaha Yacquub.
Psal SomKQA 81:5  Oo wuxuu reer Yuusuf dhexdooda ka dhigay markhaati, Markii uu dalkii Masar ku soo baxay, Halkaas oo aan ka maqlay af aanan aqoon.
Psal SomKQA 81:6  Garbihiisa waxaan ka qaaday culaabtii saarnayd, Gacmihiisana waxaa laga xoreeyey dambiishii.
Psal SomKQA 81:7  Waad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey, Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon, Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah.(Selaah)
Psal SomKQA 81:8  Dadkaygiiyow, bal i maqla, Oo anna waan idiin digi doonaa, Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen!
Psal SomKQA 81:9  Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin, Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.
Psal SomKQA 81:10  Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.
Psal SomKQA 81:11  Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii, Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
Psal SomKQA 81:12  Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda. Si ay taladooda ugu socdaan.
Psal SomKQA 81:13  Bal may dadkaygu i dhegaystaan, Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!
Psal SomKQA 81:14  Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda, Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.
Psal SomKQA 81:15  Kuwa Rabbiga necebu waxay hoos geli lahaayeen isaga, Laakiinse wakhtigoodu weligiis wuu waari lahaa.
Psal SomKQA 81:16  Oo weliba wuxuu iyaga ku quudin lahaa sarreenka ugu wanaagsan, Oo waxaan ka dhergin lahaa malabka dhagaxa ka soo baxa.
Chapter 82
Psal SomKQA 82:1  Ilaah wuxuu dhex istaagaa ururka Ilaah, Oo wuxuu wax ku xukumaa ilaahyada dhexdooda,
Psal SomKQA 82:2  Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan? Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan?(Selaah)
Psal SomKQA 82:3  Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.
Psal SomKQA 82:4  Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.
Psal SomKQA 82:5  Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan, Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan, Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay.
Psal SomKQA 82:6  Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo, Oo dhammaantiin waxaad tihiin Ilaaha uga sarreeya wiilashiisii.
Psal SomKQA 82:7  Habase yeeshee waxaad u dhiman doontaan sida dadka oo kale, Oo waxaad u dhici doontaan sida amiirrada midkood.
Psal SomKQA 82:8  Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun, Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan.
Chapter 83
Psal SomKQA 83:1  Ilaahow, shib ha odhan, Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow.
Psal SomKQA 83:2  Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan, Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen.
Psal SomKQA 83:3  Dadkaagay xeelad ugu tashadaan, Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay.
Psal SomKQA 83:4  Waxay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi'innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine. Si aan magaca Israa'iil dib loogu soo xusuusan.
Psal SomKQA 83:5  Waayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen, Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan,
Psal SomKQA 83:6  Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil, Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim,
Psal SomKQA 83:7  Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq, Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa,
Psal SomKQA 83:8  Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen, Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud.(Selaah)
Psal SomKQA 83:9  Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,
Psal SomKQA 83:10  Waxay ku halligmeen Ceyn Door, Oo waxay dhulka u noqdeen digo.
Psal SomKQA 83:11  Nimankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se'eeb, Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnac,
Psal SomKQA 83:12  Kuwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah degmooyinkiisa.
Psal SomKQA 83:13  Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega, Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya,
Psal SomKQA 83:14  Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,
Psal SomKQA 83:15  Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri, Hufadaadana ku cabsii.
Psal SomKQA 83:16  Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo, Si ay magacaaga u doondoonaan.
Psal SomKQA 83:17  Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen, Ha wareereen, hana baabbe'een,
Psal SomKQA 83:18  Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.
Chapter 84
Psal SomKQA 84:1  Rabbiga ciidammadow, taambuugyadaadu sidee bay u yihiin wax la jeclaado!
Psal SomKQA 84:2  Naftaydu waxay u xiisaysan tahay Rabbiga barxadihiisa, Qalbigayga iyo jiidhkayguba waxay u dhawaaqaan Ilaaha nool.
Psal SomKQA 84:3  Haah, shimbirtu waxay nafsaddeeda u heshay guri, Dabafallaadhuna buul ay yaryarkeeda ku dhasho, Kaas oo ah meelaha allabarigaaga, Rabbiga ciidammadow, Boqorkaygiiyow, Ilaahaygiiyow.
Psal SomKQA 84:4  Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan, Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.
Psal SomKQA 84:5  Waxaa barakaysan ninkii xooggiisu xaggaaga ka yimaado, Oo ay jidadka sare oo Siyoon qalbigiisa ku jiraan.
Psal SomKQA 84:6  Markay dhex maraan Dooxadii Oohinta waxay ka dhigaan meel ilo badan leh, Haah, oo roobka hore ayaa barakooyin ka buuxiya.
Psal SomKQA 84:7  Way xoogaystaan, oo weliba way sii xoogaystaan, Oo midkood kastaaba Ilaah buu ka hor muuqdaa Siyoon dhexdeeda.
Psal SomKQA 84:8  Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, baryadayda maqal, Ilaaha Yacquubow, bal dhegta ii dhig,(Selaah)
Psal SomKQA 84:9  Ilaahow, gaashaankayagiiyow, bal eeg, Oo bal kaaga la subkay wejigiisa fiiri.
Psal SomKQA 84:10  Waayo, maalin barxadahaaga la joogo way ka sii wanaagsan tahay kun maalmood oo kale. Intaan teendhooyinka sharka joogi lahaa, Waxaan ka sii jeclaan lahaa inaan guriga Ilaah iridjooge u ahaado.
Psal SomKQA 84:11  Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan, Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda. Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.
Psal SomKQA 84:12  Rabbiga ciidammadow, Waxaa barakaysan ninkii isku kaa halleeya.
Chapter 85
Psal SomKQA 85:1  Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay, Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.
Psal SomKQA 85:2  Xumaantii dadkaagana waad cafiday, Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay.(Selaah)
Psal SomKQA 85:3  Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.
Psal SomKQA 85:4  Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji.
Psal SomKQA 85:5  Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?
Psal SomKQA 85:6  Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn, Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?
Psal SomKQA 85:7  Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.
Psal SomKQA 85:8  Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo, Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa, Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.
Psal SomKQA 85:9  Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada, Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
Psal SomKQA 85:10  Naxariis iyo runu way isla kulmeen, Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.
Psal SomKQA 85:11  Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka, Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.
Psal SomKQA 85:12  Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan, Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.
Psal SomKQA 85:13  Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo, Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.
Chapter 86
Psal SomKQA 86:1  Rabbiyow, dhegtaada ii soo dhig, oo ii jawaab, Waayo, waxaan ahay miskiin iyo mid baahane.
Psal SomKQA 86:2  Naftayda dhawr, waayo, waxaan ahay mid cibaado leh, Ilaahayow, i badbaadi anigoo ah addoonkaaga isku kaa halleeya.
Psal SomKQA 86:3  Sayidow, ii naxariiso, Waayo, maalinta oo dhan adaan kuu qayshadaa.
Psal SomKQA 86:4  Sayidow, addoonkaaga naftiisa ka farxi, Waayo, naftayda adigaan kor kuugu soo qaadaa.
Psal SomKQA 86:5  Waayo, Sayidow, waad wanaagsan tahay, oo waxaad diyaar u tahay inaad dembidhaafto, Waanad u naxariis badan tahay kuwa ku barya oo dhan.
Psal SomKQA 86:6  Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig, Oo codka baryootankayga maqal.
Psal SomKQA 86:7  Maalinta aan dhibaataysnahay adaan ku baryi doonaa, Waayo, waad ii jawaabi doontaa.
Psal SomKQA 86:8  Sayidow, adigoo kale ilaahyada kuma jiro, Oo shuqulladaadana wax la mid ahu ma jiraan.
Psal SomKQA 86:9  Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan, Waxay ammaani doonaan magacaaga.
Psal SomKQA 86:10  Waayo, adigu waad weyn tahay, oo waxyaalo yaab badanna waad samaysaa, Oo adiga keliya ayaa Ilaah ah.
Psal SomKQA 86:11  Rabbiyow, jidkaaga i bar, oo anna runtaadaan ku socon doonaa, Qalbigayga mid ka dhig si aan magacaaga uga cabsado.
Psal SomKQA 86:12  Sayidow Ilaahayow, qalbigayga oo dhan waan kugu ammaanayaa, Oo weligayba waxaan ammaani doonaa magacaaga.
Psal SomKQA 86:13  Waayo, naxariistaadu xaggayga way ku weyn tahay, Naftaydana waxaad ka soo samatabbixisay She'oolka ugu hooseeya.
Psal SomKQA 86:14  Ilaahow, kuwa kibirka lahu way igu keceen, Ururka dadka dulmiga badanna waxay doonayeen inay nafta iga qaadaan, Oo adigana kuuma ay soo jeesan.
Psal SomKQA 86:15  Laakiinse adigu Sayidow, waxaad tahay Ilaah ay raxmad iyo nimco ka buuxaan, Oo cadhada u gaabiya, oo naxariis iyo runba badan.
Psal SomKQA 86:16  Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Oo anoo addoonkaaga ah xoog i sii, Oo i badbaadi anoo wiilka addoontaada ah.
Psal SomKQA 86:17  Calaamad wanaaggaaga lagu garto i tus, Si ay kuwa i necebu u arkaan, oo ay u ceeboobaan, Maxaa yeelay, Rabbiyow, waad i caawisay, oo waad i qalbi qaboojisay.
Chapter 87
Psal SomKQA 87:1  Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah.
Psal SomKQA 87:2  Rabbigu degmooyinka reer Yacquub oo dhan Wuxuu ka jecel yahay irdaha Siyoon.
Psal SomKQA 87:3  Magaalada Ilaahay, Waxyaalo ammaan badan ayaa lagaa sheegaa.(Selaah)
Psal SomKQA 87:4  Anigu waxaan ka sheekayn doonaa Rahab iyo Baabuloon sidii kuwo i yaqaan, Bal eeg, Falastiin, iyo Turos, iyo Itoobiya. Midkanu halkaasuu ku dhashay.
Psal SomKQA 87:5  Haah, oo Siyoonna waxaa laga odhan doonaa, Midkan iyo midkaasuba iyaduu ku dhashay, Oo Ilaaha ugu sarreeya ayaa iyada dhisi doona.
Psal SomKQA 87:6  Rabbigu wuu tirin doonaa markuu dadka qorayo, Midkanu halkaasuu ku dhashay.(Selaah)
Psal SomKQA 87:7  Kuwa gabya iyo kuwa cayaaraaba waxay odhan doonaan, Waxaa kugu jira ilahayga oo dhan.
Chapter 88
Psal SomKQA 88:1  Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,
Psal SomKQA 88:2  Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo qayladayda dhegta u dhig,
Psal SomKQA 88:3  Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin, Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool.
Psal SomKQA 88:4  Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yaamayska, Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn,
Psal SomKQA 88:5  Oo meydadka lagu dhex tuuray, Sida kuwa la laayay oo xabaalaha yaal, Oo aanad mar dambe soo xusuusnayn, Kuwaas oo ah kuwa gacantaada ka go'ay.
Psal SomKQA 88:6  Waxaad igu ridday yaamayska ugu hooseeya, Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer.
Psal SomKQA 88:7  Cadhadaadii baa igu soo degtay, Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan.(Selaah)
Psal SomKQA 88:8  Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay, Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda. Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.
Psal SomKQA 88:9  Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed, Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay, Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.
Psal SomKQA 88:10  Ma yaabab baad tusaysaa meydadka? Kuwii dhintay miyey soo sara kacayaan oo ku ammaanayaan?(Selaah)
Psal SomKQA 88:11  Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa? Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa?
Psal SomKQA 88:12  Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa? Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda?
Psal SomKQA 88:13  Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.
Psal SomKQA 88:14  Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa? Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?
Psal SomKQA 88:15  Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba, Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa.
Psal SomKQA 88:16  Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.
Psal SomKQA 88:17  Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale, Dhammaantood way i wada hareereeyeen.
Psal SomKQA 88:18  Kii i jeclaa iyo saaxiibkayba waad iga fogaysay, Oo kuwii aan iqiinna gudcur baad iga gelisay.
Chapter 89
Psal SomKQA 89:1  Anigu weligayba waxaan ku gabyi doonaa Rabbiga waxyaalihiisa naxariista leh, Oo aaminnimadaadana afkaygaan ka ab ka ab ku ogeysiinayaa.
Psal SomKQA 89:2  Waayo, waxaan idhi, Naxariistu weligeedba way dhisnaan doontaa, Oo aaminnimadaadana waxaad ku adkayn doontaa samooyinka qudhooda.
Psal SomKQA 89:3  Axdi baan la dhigtay kii aan doortay, Oo waxaan u dhaartay addoonkaygii Daa'uud, oo ku idhi,
Psal SomKQA 89:4  Farcankaaga weligayba waan sii adkayn doonaa, Oo carshigaaguna wuu dhisnaan doonaa tan iyo ka ab ka ab.(Selaah)
Psal SomKQA 89:5  Rabbiyow, samooyinku waxay ammaani doonaan yaababkaaga, Oo weliba aaminnimadaadana waxaa laga dhex sheegi doonaa shirka kuwa quduuska ah.
Psal SomKQA 89:6  Waayo, bal yaa cirka ku jira oo Rabbiga lala simi karaa? Bal yaase ku dhex jira wiilasha kuwa xoogga badan oo Rabbiga la mid ah,
Psal SomKQA 89:7  Kaas oo ah Ilaaha ugu cabsida badan guddiga kuwa quduuska ah, Oo waajibka tahay in kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu ay ka cabsadaan.
Psal SomKQA 89:8  Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Bal yaa sidaada u xoog badan, Rabbiyow? Aaminnimadaadu hareerahaagay ku wareegsan tahay.
Psal SomKQA 89:9  Adigaa u taliya badda kibirkeeda, Oo markii hirarkeedu kacaan adigaa dejiya.
Psal SomKQA 89:10  Rahab waxaad u kala burburisay sidii mid la dilay, Oo cadaawayaashaadiina waxaad ku kala firdhisay gacanta xooggaaga.
Psal SomKQA 89:11  Samooyinka adigaa iska leh, dhulkana adigaa iska leh, Dunida iyo waxaa ka buuxana adigaa aasaasay.
Psal SomKQA 89:12  Woqooyi iyo koonfurba adigaa abuuray, Taaboor iyo Xermoonba magacaagay ku reyreeyaan.
Psal SomKQA 89:13  Adigu waxaad leedahay dhudhun itaal weyn, Gacantaaduna way xoog badan tahay, midigtaaduna way sarraysaa.
Psal SomKQA 89:14  Carshigaaga aasaaskiisu waxa weeye xaq iyo caddaalad, Oo naxariista iyo runtuna way ku hor socdaan.
Psal SomKQA 89:15  Waxaa barakaysan dadka yaqaan dhawaaqa farxadda leh, Rabbiyow, waxay ku socdaan wejigaaga iftiinkiisa,
Psal SomKQA 89:16  Maalinta oo dhan waxay ku reyreeyaan magacaaga, Oo waxay ku sara marayaan xaqnimadaada.
Psal SomKQA 89:17  Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda, Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa.
Psal SomKQA 89:18  Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga, Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
Psal SomKQA 89:19  Markaas quduusiintaada waxaad kula hadashay muuqasho, Oo waxaad ku tidhi, Waxaan caawimaad kor saaray mid xoog badan, Oo waxaan sarraysiiyey mid dadka laga doortay.
Psal SomKQA 89:20  Waxaan helay addoonkaygii Daa'uud ahaa, Oo waxaan ku subkay saliiddaydii quduuska ahayd,
Psal SomKQA 89:21  Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa, Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.
Psal SomKQA 89:22  Cadowgu ma dulmi doono, Wiilka sharnimaduna ma dhibi doono.
Psal SomKQA 89:23  Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa, Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa.
Psal SomKQA 89:24  Laakiinse aaminnimadayda iyo naxariistaydu isagay la jiri doonaan, Oo geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa magacayga.
Psal SomKQA 89:25  Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda, Midigtiisana webiyaasha.
Psal SomKQA 89:26  Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay, Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda.
Psal SomKQA 89:27  Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga, Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya.
Psal SomKQA 89:28  Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda, Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.
Psal SomKQA 89:29  Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara, Carshigiisana sida wakhtiga samada.
Psal SomKQA 89:30  Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan, Oo aanay ku socon xukummadayda,
Psal SomKQA 89:31  Hadday qaynuunnadayda jebiyaan, Oo aanay amarradayda dhawrin,
Psal SomKQA 89:32  Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaal marin doonaa ul, Xumaantoodana jeedal.
Psal SomKQA 89:33  Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono, Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono.
Psal SomKQA 89:34  Axdigayga ma jebin doono, Oo wixii afkayga ka soo baxayna ma beddeli doono.
Psal SomKQA 89:35  Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda, Oo Daa'uud been uma sheegi doono,
Psal SomKQA 89:36  Farcankiisu weligiisuu waari doonaa, Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa.
Psal SomKQA 89:37  Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa, Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga.(Selaah)
Psal SomKQA 89:38  Laakiinse adigu waad xoortay oo waad nacday, Oo waxaad u cadhootay kaaga subkan.
Psal SomKQA 89:39  Axdigii addoonkaaga waad nacday, Oo taajkiisiina waad nijaasaysay oo dhulka ku tuurtay.
Psal SomKQA 89:40  Deyrarkiisii oo dhan waad dumisay, Oo qalcadihiisii oo dhanna waad burburisay.
Psal SomKQA 89:41  Wax alla wixii jidka soo mara oo dhanba isagay dhacaan, Oo derisyadiisana wuxuu u noqday cay.
Psal SomKQA 89:42  Waxaad kor u qaadday midigtii kuwii dulmayay, Cadaawayaashiisii oo dhanna waad ka farxisay.
Psal SomKQA 89:43  Oo weliba afka seeftiisana dib baad u celisaa, Isagiina kama aad dhigin inuu dagaalka ku sii adkaysto.
Psal SomKQA 89:44  Iftiinkiisii waad demisay, Carshigiisiina dhulkaad ku tuurtay.
Psal SomKQA 89:45  Cimrigii dhallinyaranimadiisii waad soo gaabisay, Oo waxaad isagii ka muujisay ceeb.(Selaah)
Psal SomKQA 89:46  Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa?
Psal SomKQA 89:47  Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay, Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!
Psal SomKQA 89:48  Bal waa ninkee kan iska noolaan doona isagoo aan dhimasho arkin, Oo naftiisa ka samatabbixin doona xoogga She'ool?(Selaah)
Psal SomKQA 89:49  Sayidow, meeday naxariistaadii hore, Oo aad Daa'uud aaminnimadaada ugu dhaaratay?
Psal SomKQA 89:50  Sayidow, bal soo xusuuso cayda addoommadaada, Iyo sida aan laabta ugu sido cayda dadka badan oo dhan,
Psal SomKQA 89:51  Rabbiyow, waana tii ay cadaawayaashaadu igu caayeen, Oo waa tii ay ku caayeen tallaabooyinka kaaga subkan.
Psal SomKQA 89:52  Mahad waxaa leh Rabbiga tan iyo weligiisba. Aamiin, iyo aamiin.
Chapter 90
Psal SomKQA 90:1  Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.
Psal SomKQA 90:2  Intaan buuruhu dhalan ka hor, Iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida, Iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.
Psal SomKQA 90:3  Dadka waxaad ku soo celisaa baabba', Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow.
Psal SomKQA 90:4  Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin Sida shalay oo kale markay dhammaadaan. Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.
Psal SomKQA 90:5  Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale, Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale.
Psal SomKQA 90:6  Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan, Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.
Psal SomKQA 90:7  Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay, Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii.
Psal SomKQA 90:8  Xumaatooyinkayagii waxaad dhigtay hortaada, Oo dembiyadayadii qarsoonaana waxaad dhigtay iftiinka wejigaaga.
Psal SomKQA 90:9  Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada, Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.
Psal SomKQA 90:10  Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.
Psal SomKQA 90:11  Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda, Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado?
Psal SomKQA 90:12  Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga, Si aannu u helno qalbi xigmad leh.
Psal SomKQA 90:13  Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada.
Psal SomKQA 90:14  Aroorta naxariistaada naga dhergi, Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.
Psal SomKQA 90:15  Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay, Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.
Psal SomKQA 90:16  Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada, Ammaantaaduna carruurtooda.
Psal SomKQA 90:17  Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto, Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga, Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
Chapter 91
Psal SomKQA 91:1  Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.
Psal SomKQA 91:2  Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
Psal SomKQA 91:3  Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha, Iyo belaayada aad u xun.
Psal SomKQA 91:4  Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa, Oo waxaad magan geli doontaa baadadkiisa, Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
Psal SomKQA 91:5  Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada, Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,
Psal SomKQA 91:6  Ama belaayada gudcurka ku socota, Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa.
Psal SomKQA 91:7  Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun, Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun, Innabase kuuma soo dhowaan doonto.
Psal SomKQA 91:8  Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa, Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda.
Psal SomKQA 91:9  Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.
Psal SomKQA 91:10  Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
Psal SomKQA 91:11  Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.
Psal SomKQA 91:12  Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
Psal SomKQA 91:13  Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa, Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.
Psal SomKQA 91:14  Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa, Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
Psal SomKQA 91:15  Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
Psal SomKQA 91:16  Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa, Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.
Chapter 92
Psal SomKQA 92:1  Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahad naqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,
Psal SomKQA 92:2  Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo, Habeen kastana aaminnimadaada,
Psal SomKQA 92:3  Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda.
Psal SomKQA 92:4  Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.
Psal SomKQA 92:5  Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa! Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.
Psal SomKQA 92:6  Doqonku taas ma yaqaan, Kii nacas ahuna ma garan karo.
Psal SomKQA 92:7  Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi'iyo,
Psal SomKQA 92:8  Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba.
Psal SomKQA 92:9  Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada, Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane, Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan.
Psal SomKQA 92:10  Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.
Psal SomKQA 92:11  Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa, Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.
Psal SomKQA 92:12  Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed, Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
Psal SomKQA 92:13  Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
Psal SomKQA 92:14  Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,
Psal SomKQA 92:15  Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.
Chapter 93
Psal SomKQA 93:1  Rabbigaa taliya, oo wuxuu huwan yahay haybad, Rabbigu waa huwan yahay, oo wuxuu dhexda ku xidhay xoog, Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.
Psal SomKQA 93:2  Carshigaagu wuxuu dhismay waa hore, Oo adiguna waxaad jirtay tan iyo weligaa.
Psal SomKQA 93:3  Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii.
Psal SomKQA 93:4  Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
Psal SomKQA 93:5  Rabbiyow, markhaatifurkaagu waa hubaal, Oo weligaaba waxaa gurigaaga ku habboon quduusnimo.
Chapter 94
Psal SomKQA 94:1  Rabbiyow, Ilaaha aargudashada lahow, Ilaaha aargudashada lahow, soo iftiin.
Psal SomKQA 94:2  Xaakinka dunidow, sara joogso, Oo kuwa kibray abaalkooda mari.
Psal SomKQA 94:3  Rabbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay, Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan?
Psal SomKQA 94:4  Way bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan, Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan.
Psal SomKQA 94:5  Rabbiyow, iyagu waxay burburiyaan dadkaaga, Oo dhaxalkaagay silciyaan.
Psal SomKQA 94:6  Carmalka iyo shisheeyaha ayay laayaan, Oo agoontay nafta ka qaadaan.
Psal SomKQA 94:7  Oo waxay isyidhaahdaan, Waxan Rabbigu ma arki doono, Oo Ilaaha reer Yacquubna kama fikiri doono.
Psal SomKQA 94:8  Kuwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada, Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan?
Psal SomKQA 94:9  Kii dhegta abuuray, sow wax maqli maayo? Kii isha sameeyeyna, sow wax arki maayo?
Psal SomKQA 94:10  Kan quruumaha edbiyaa, sow wax hagaajin maayo? Kaasoo ah kan dadka aqoonta bara?
Psal SomKQA 94:11  Rabbigu waa og yahay fikirrada binu-aadmigu Inay micnela'aan yihiin.
Psal SomKQA 94:12  Rabbiyow, waxaa barakaysan ninkii aad edbiso, Oo aad sharcigaaga wax ka barto,
Psal SomKQA 94:13  Si aad uga nasiso maalmaha belaayada Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.
Psal SomKQA 94:14  Waayo, Rabbigu dadkiisa xoori maayo, Oo dhaxalkiisana dayrin maayo.
Psal SomKQA 94:15  Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.
Psal SomKQA 94:16  Bal yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya? Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?
Psal SomKQA 94:17  Rabbigu haddaanu i caawin, Hadda naftaydu waxay joogi lahayd meesha aamusnaanta.
Psal SomKQA 94:18  Markaan idhi, Rabbiyow, cagtaydu waa simbiriirixanaysaa, Waxaa kor ii qaadday naxariistaada.
Psal SomKQA 94:19  Kolkay fikirro badan igu dhex jiraan Waxaa naftayda ka farxiya qalbiqaboojintaada.
Psal SomKQA 94:20  Carshiga sharnimadu ma xidhiidh buu kula yeelanayaa, Kaasoo belaayo qaynuun ku qabanqaabiya?
Psal SomKQA 94:21  Waxay dhammaantood isu soo wada urursadaan kan xaqa ah naftiisa, Oo waxay xukumaan dhiig aan eed lahayn.
Psal SomKQA 94:22  Laakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda, Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.
Psal SomKQA 94:23  Oo wuxuu dushooda ku soo celiyey xumaatadoodii, Oo wuxuu iyaga ku dhex baabbi'in doonaa sharnimadooda, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuu wada baabbi'in doonaa.
Chapter 95
Psal SomKQA 95:1  Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee, Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.
Psal SomKQA 95:2  Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq, Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.
Psal SomKQA 95:3  Waayo, Rabbigu waa Ilaah weyn, Waana boqor weyn oo ilaahyada oo dhan ka wada sarreeya.
Psal SomKQA 95:4  Dhulka meelihiisa ugu mool dheeru gacantiisay ku jiraan, Oo buuraha dheeraantoodana isagaa iska leh.
Psal SomKQA 95:5  Baddana isagaa iska leh, oo isagaa sameeyey, Oo dhulka engeganna isagaa gacmihiisa ku sameeyey.
Psal SomKQA 95:6  Haddaba kaalaya aynu isaga caabudnee oo u sujuudnee, Oo Rabbiga ina abuuray aan hortiisa ku jilba joogsanno,
Psal SomKQA 95:7  Waayo, isagu waa Ilaaheen, Oo innaguna waxaynu nahay dadkii daaqsintiisa, iyo idaha gacantiisa ku jira. Bal maanta maad codkiisa maqashaan!
Psal SomKQA 95:8  Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay, Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal,
Psal SomKQA 95:9  Markay awowayaashiin i jirrabeen, Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen.
Psal SomKQA 95:10  Dadkii qarnigaas afartan sannadood waan u cadhaysnaa, Oo waxaan idhi, Waa dad qalbigooda ka qaldama, Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii,
Psal SomKQA 95:11  Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay Inaanay nasashadayda gelin.
Chapter 96
Psal SomKQA 96:1  Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.
Psal SomKQA 96:2  Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.
Psal SomKQA 96:3  Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
Psal SomKQA 96:4  Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.
Psal SomKQA 96:5  Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
Psal SomKQA 96:6  Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.
Psal SomKQA 96:7  Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.
Psal SomKQA 96:8  Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala.
Psal SomKQA 96:9  Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada, Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.
Psal SomKQA 96:10  Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya, Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin, Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad.
Psal SomKQA 96:11  Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,
Psal SomKQA 96:12  Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen, Oo markaasay dhirta duurka oo dhammu Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed,
Psal SomKQA 96:13  Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.
Chapter 97
Psal SomKQA 97:1  Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo, Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.
Psal SomKQA 97:2  Isaga waxaa ku wareegsan daruuro iyo gudcur, Oo carshigiisana waxaa aasaas u ah xaqnimo iyo garsoorid.
Psal SomKQA 97:3  Waxaa hortiisa socda dab, Oo wuxuu wada gubaa cadaawayaashiisa ku wareegsan.
Psal SomKQA 97:4  Hillaaciisii ayaa dunida iftiimiyey, Dhulkuna wuu arkay, wuuna gariiray.
Psal SomKQA 97:5  Buurihii waxay Rabbiga hortiisa ugu dhalaaleen sidii shamac oo kale, Iyagoo hor jooga Sayidka dhulka oo dhan.
Psal SomKQA 97:6  Samooyinku waxay sheegaan xaqnimadiisa, Oo dadyowga oo dhammuna waxay arkaan ammaantiisa.
Psal SomKQA 97:7  Kuwa sanamyada la qoray u adeega Iyo weliba kuwa sanamyada ku faana oo dhammu ha ceeboobeen, Ilaahyada oo dhammow, isaga caabuda.
Psal SomKQA 97:8  Rabbiyow, Siyoon way maqashay, wayna faraxday, Oo gabdhihii reer Yahuudahna waxay ku reyreeyeen garsooriddaadii.
Psal SomKQA 97:9  Waayo, Rabbiyow, adigu waad ka sarraysaa dhulka oo dhan, Oo aad baa lagaaga sarraysiiyey ilaahyada oo dhan.
Psal SomKQA 97:10  Kuwiinna Rabbiga jeclow, sharka nebcaada, Isagu wuxuu dhawraa nafaha quduusiintiisa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa gacanta kuwa sharka leh.
Psal SomKQA 97:11  Waxaa kuwa xaqa ah loo beeray iftiin, Kuwa qalbigoodu qumman yahayna, farxad.
Psal SomKQA 97:12  Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa, Oo magiciisa quduuska ah ku mahad naqa.
Chapter 98
Psal SomKQA 98:1  Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan, Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado.
Psal SomKQA 98:2  Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii, Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda.
Psal SomKQA 98:3  Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil, Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna.
Psal SomKQA 98:4  Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.
Psal SomKQA 98:5  Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.
Psal SomKQA 98:6  Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya Turumbooyin iyo buunan.
Psal SomKQA 98:7  Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen, Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen,
Psal SomKQA 98:8  Webiyadu ha sacbiyeen, Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa,
Psal SomKQA 98:9  Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana caddaalad.
Chapter 99
Psal SomKQA 99:1  Rabbigu isagaa taliya, dadyowgu ha gariireen, Isagu wuxuu ku fadhiyaa keruubiimta, dhulku ha dhaqdhaqaaqo.
Psal SomKQA 99:2  Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay, Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.
Psal SomKQA 99:3  Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado, Isagu waa quduus.
Psal SomKQA 99:4  Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, Caddaalad baad adkaysaa, Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.
Psal SomKQA 99:5  Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda, Isagu waa quduus.
Psal SomKQA 99:6  Muuse iyo Haaruun waxay ka mid ahaayeen wadaaddadiisa, Samuu'eelna wuxuu ka mid ahaa kuwa magiciisa u yeedha, Iyagu waxay baryeen Rabbiga, oo isna wuu u jawaabay.
Psal SomKQA 99:7  Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa, Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.
Psal SomKQA 99:8  Rabbiyow Ilaahayagiiyow, waad u jawaabtay, Oo waxaad ahayd Ilaah iyaga cafiyey, In kastoo aad falimahoodii ka aargoosatay.
Psal SomKQA 99:9  Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah, Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.
Chapter 100
Psal SomKQA 100:1  Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.
Psal SomKQA 100:2  Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.
Psal SomKQA 100:3  Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay, Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii, Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa.
Psal SomKQA 100:4  Irdihiisa mahadnaqid la gala, Barxadihiisana ammaan. Isaga u mahad naqa, oo magiciisa ammaana.
Psal SomKQA 100:5  Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa, Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.
Chapter 101
Psal SomKQA 101:1  Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid, Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan.
Psal SomKQA 101:2  Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya, Bal goormaad ii iman doontaa? Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman.
Psal SomKQA 101:3  Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono, Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda, Oo innaba iguma dhegi doono.
Psal SomKQA 101:4  Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa, Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono.
Psal SomKQA 101:5  Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa, Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono.
Psal SomKQA 101:6  Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed, Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona.
Psal SomKQA 101:7  Kii khiyaano ka shaqeeyaase gurigayga ma joogi doono, Kii been ku hadlaana hortayda kuma xoogaysan doono.
Psal SomKQA 101:8  Subax ilaa ka subax ayaan wada baabbi'in doonaa kuwa sharka leh oo dalka deggan oo dhan, Si aan magaalada Rabbiga uga baabbi'iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhan.
Chapter 102
Psal SomKQA 102:1  Rabbiyow, baryootankayga maqal, Qayladayduna ha ku soo gaadho.
Psal SomKQA 102:2  Wejigaaga ha iga qarin maalinta aan dhibaataysnahay, Dhegta ii dhig, Oo maalinta aan ku baryo, dhaqso iigu soo jawaab.
Psal SomKQA 102:3  Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale, Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.
Psal SomKQA 102:4  Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay, Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno.
Psal SomKQA 102:5  Codkii taahiddayda daraaddiis Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.
Psal SomKQA 102:6  Anigu waxaan la mid ahay haad cantalyaa ah oo cidlada joogta, Oo waxaan la mid noqday haad guumays ah oo lamadegaanka dhex joogta.
Psal SomKQA 102:7  Waan soo jeedaa, oo waxaan noqday Sidii shimbir yar oo keligeed guri dhaladiis saaran.
Psal SomKQA 102:8  Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan, Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.
Psal SomKQA 102:9  Waayo, dambas baan u cunay sidii kibis oo kale, Oo cabniinkaygiina waxaan ku darsaday ilmadaydii.
Psal SomKQA 102:10  Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood, Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.
Psal SomKQA 102:11  Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya, Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.
Psal SomKQA 102:12  Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa, Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.
Psal SomKQA 102:13  Waad sara joogsan doontaa, oo Siyoon baad u naxariisan doontaa, Waayo, waa wakhtiga iyada loo jixinjixo, haah, oo wakhtigii la ballamay waa yimid.
Psal SomKQA 102:14  Waayo, addoommadaadu waxay u bogaan dhagaxyadeeda, Oo waxay u jixinjixaan ciiddeeda.
Psal SomKQA 102:15  Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga, Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,
Psal SomKQA 102:16  Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon, Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,
Psal SomKQA 102:17  Wuxuu u fiirsaday kuwa dan daraysan tukashadoodii, Oo baryadoodiina ma uu quudhsan.
Psal SomKQA 102:18  Tan waxaa loo qori doonaa farcanka soo socda, Oo dad la abuuri doono ayaa Rabbiga ammaani doona.
Psal SomKQA 102:19  Waayo, isagu wuxuu wax ka soo fiiriyey meeshiisa sare oo quduuska ah, Rabbigu dhulkuu ka soo eegay samada,
Psal SomKQA 102:20  Inuu maqlo taaha maxbuuska, Iyo inuu sii daayo kuwa dilka lagu xukumay,
Psal SomKQA 102:21  Si dadku magaca Rabbiga uga sheego Siyoon dhexdeeda, Ammaantiisana Yeruusaalem dhexdeeda,
Psal SomKQA 102:22  Markii dadyowgu isu soo wada ururaan, Iyo xataa boqortooyooyinkuba, inay Rabbiga u adeegaan aawadeed.
Psal SomKQA 102:23  Isagu xooggayguu ku dhex dhimay jidka, Oo cimrigaygiina wuu gaabiyey.
Psal SomKQA 102:24  Anigu waxaan idhi, Ilaahayow, ha i sii qaadin cimrigayga oo badh ah, Sannadahaagu waxay sii waaraan tan iyo ka ab ka ab.
Psal SomKQA 102:25  Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay, Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga.
Psal SomKQA 102:26  Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa, Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale, Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan,
Psal SomKQA 102:27  Laakiinse adigu isku si uun baad tahay had iyo goorba, Oo sannadahaaguna ma idlaan doonaan.
Psal SomKQA 102:28  Carruurta addoommadaadu way sii jiri doonaan, Oo farcankooduna hortaaday ku xoogaysan doonaan.
Chapter 103
Psal SomKQA 103:1  Naftaydoy, Rabbiga ammaan, Oo inta igu jirta oo dhammay, ammaana magiciisa quduuska ah.
Psal SomKQA 103:2  Naftaydoy, Rabbiga ammaan, Oo ha illoobin wanaagga uu kuu sameeyo oo dhan.
Psal SomKQA 103:3  Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan, Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan,
Psal SomKQA 103:4  Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda, Oo raxmad iyo naxariis kugu barakeeya,
Psal SomKQA 103:5  Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan, Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale.
Psal SomKQA 103:6  Rabbigu wuxuu falaa xaqnimo, Gar buuna u gooyaa kuwa dulman oo dhan.
Psal SomKQA 103:7  Isagu wuxuu Muuse garansiiyey jidadkiisii, Reer binu Israa'iilna falimihiisii.
Psal SomKQA 103:8  Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan, Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay.
Psal SomKQA 103:9  Isagu had iyo goor wax canaanan maayo, Oo sii cadhaysnaan maayo ilaa weligiis.
Psal SomKQA 103:10  Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen, Oo inooguma uu abaal marin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.
Psal SomKQA 103:11  Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso, Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada.
Psal SomKQA 103:12  Sida barigu uga fog yahay galbeedka, Sidaas oo kaluu xadgudubkeennii inooga fogeeyey.
Psal SomKQA 103:13  Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada.
Psal SomKQA 103:14  Waayo, abuuristeenuu og yahay, Oo wuu xusuusan yahay inaan innagu ciid nahay.
Psal SomKQA 103:15  Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale, Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa.
Psal SomKQA 103:16  Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa, Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.
Psal SomKQA 103:17  Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,
Psal SomKQA 103:18  Kuwaas oo ah kuwa axdigiisa xajiya Iyo kuwa amarradiisa xusuusta oo wada yeela.
Psal SomKQA 103:19  Rabbigu carshigiisii wuxuu ka dhistay samooyinka, Oo boqortooyadiisuna wax walbay u talisaa.
Psal SomKQA 103:20  Malaa'igihiisa xoogga badan oo eraygiisa oofiya Oo codka hadalkiisa maqlow, Rabbiga ammaana.
Psal SomKQA 103:21  Rabbiga ammaana, ciidammadiisa oo dhammow, Idinkoo ah midiidinyadiisa wuxuu doonayo sameeyow,
Psal SomKQA 103:22  Shuqulladiisa oo dhammow, Rabbiga ku ammaana Meel kasta oo dowladnimadiisa ahba, Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Chapter 104
Psal SomKQA 104:1  Naftaydoy, Rabbiga ammaan. Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay, Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad.
Psal SomKQA 104:2  Waxaad sida maro u huwataa nuur, Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
Psal SomKQA 104:3  Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda, Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras, Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,
Psal SomKQA 104:4  Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada, Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
Psal SomKQA 104:5  Adigaa dhigay aasaaska dhulka, Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
Psal SomKQA 104:6  Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale, Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
Psal SomKQA 104:7  Canaantaadii ayay ku carareen, Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
Psal SomKQA 104:8  Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka, Ilaa meeshii aad u samaysay.
Psal SomKQA 104:9  Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin, Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
Psal SomKQA 104:10  Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo, Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,
Psal SomKQA 104:11  Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan, Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.
Psal SomKQA 104:12  Haadda samadu iyagay ag degganaadaan, Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.
Psal SomKQA 104:13  Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa, Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.
Psal SomKQA 104:14  Isagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo, Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo, Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo,
Psal SomKQA 104:15  Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa, Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado, Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.
Psal SomKQA 104:16  Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay, Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,
Psal SomKQA 104:17  Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan, Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.
Psal SomKQA 104:18  Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda, Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.
Psal SomKQA 104:19  Isagu dayaxa wuxuu u sameeyey xilliyo, Oo qorraxduna dhicitinkeeda way taqaan.
Psal SomKQA 104:20  Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada, Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.
Psal SomKQA 104:21  Libaaxyada aaranka ahu waxay ka daba ciyaan ugaadhsigooda, Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah.
Psal SomKQA 104:22  Oo kolkii qorraxdu soo baxdana way noqdaan, Oo waxay iska seexdaan godadkooda.
Psal SomKQA 104:23  Dadku waa u soo baxaa shuqulkiisa Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.
Psal SomKQA 104:24  Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa! Kulligoodna xigmad baad ku samaysay, Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
Psal SomKQA 104:25  Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan, Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin, Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.
Psal SomKQA 104:26  Halkaas waxaa ku socda doonniyo, Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
Psal SomKQA 104:27  Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan, Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.
Psal SomKQA 104:28  Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan, Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.
Psal SomKQA 104:29  Wejigaagaad qarisaa, oo way dhibtoodaan, Naftoodaad ka qaaddaa oo way dhintaan, Oo waxay ku noqdaan ciiddoodii.
Psal SomKQA 104:30  Waxaad soo dirtaa ruuxaaga, kolkaasay iyagu abuurmaan, Dhulkana waad cusboonaysiisaa.
Psal SomKQA 104:31  Rabbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba, Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa.
Psal SomKQA 104:32  Isagu dhulkuu eegaa, oo wuu gariiraa, Wuxuu taabtaa buuraha, oo way qiiqaan.
Psal SomKQA 104:33  Intaan noolahay oo dhan ayaan Rabbiga u gabyi doonaa, Oo Ilaahay ayaan ammaan ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
Psal SomKQA 104:34  Fikirkaygu isaga ha u macaanaado, Rabbigaan ku rayrayn doonaa.
Psal SomKQA 104:35  Dembilayaashu dhulka ha ka baabbe'een, Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin. Naftaydoy, Rabbiga ammaan. Rabbiga ammaana.
Chapter 105
Psal SomKQA 105:1  Rabbiga ku mahad naqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
Psal SomKQA 105:2  Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
Psal SomKQA 105:3  Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
Psal SomKQA 105:4  Rabbiga iyo xooggiisa doondoona, Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
Psal SomKQA 105:5  Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey, Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
Psal SomKQA 105:6  Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow, Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
Psal SomKQA 105:7  Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
Psal SomKQA 105:8  Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,
Psal SomKQA 105:9  Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,
Psal SomKQA 105:10  Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
Psal SomKQA 105:11  Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
Psal SomKQA 105:12  Markay dad tiro yar ahaayeen, Oo ay aad u yaraayeen, qariibna dalka ku ahaayeen,
Psal SomKQA 105:13  Oo iyagu quruunba quruun bay uga bexeen, Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.
Psal SomKQA 105:14  Isagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo, Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay,
Psal SomKQA 105:15  Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan, Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
Psal SomKQA 105:16  Dhulkiina abaar buu ugu yeedhay inay ku dhacdo, Ushii cuntada oo ay ku tiirsanaayeen oo dhanna wuu wada jebiyey.
Psal SomKQA 105:17  Oo nin buu iyaga ka sii hor diray, Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan.
Psal SomKQA 105:18  Cagihiisii waxay ku xanuujiyeen bircago, Oo naftiisii waxay gashay silsilado bir ah,
Psal SomKQA 105:19  Ilaa wakhtigii eraygiisu noqday Eraygii Rabbiga ayaa isaga tijaabiyey.
Psal SomKQA 105:20  Markaasaa boqorkii u cid diray oo furay, Kaas oo ahaa taliyihii dadyowga, wuuna sii daayay.
Psal SomKQA 105:21  Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa, Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan,
Psal SomKQA 105:22  Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba, Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
Psal SomKQA 105:23  Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar, Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.
Psal SomKQA 105:24  Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey, Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.
Psal SomKQA 105:25  Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan, Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.
Psal SomKQA 105:26  Wuxuu u soo diray addoonkiisii Muuse, Iyo Haaruun oo uu doortay.
Psal SomKQA 105:27  Oo waxay dhexdooda ku sameeyeen calaamooyinkiisii, Oo dalkii Xaamna waxay ku sameeyeen yaabab.
Psal SomKQA 105:28  Wuxuu u soo diray gudcur, dalkiina gudcur buu ka dhigay, Oo iyana hadalkiisii kuma ay caasiyoobin.
Psal SomKQA 105:29  Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig, Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay.
Psal SomKQA 105:30  Rahyo waa ku bateen dhulkoodii Iyo qolalka boqorkoodiiba.
Psal SomKQA 105:31  Isagu waa hadlay, markaasaa waddankoodii oo dhan Waxaa yimid duqsi faro badan iyo injir.
Psal SomKQA 105:32  Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale, Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya.
Psal SomKQA 105:33  Wuxuu wax ku dhuftay geedahoodii canabka ahaa iyo geedahoodii berdaha ahaaba, Oo dhirtii waddankooda ku tiilna wuu jejebiyey.
Psal SomKQA 105:34  Wuu hadlay, markaasaa waxaa yimid ayax, Iyo diir aan la tirin karin,
Psal SomKQA 105:35  Oo waxay wada cuneen geedo yaryar oo kasta oo dalkooda ku yiil, Wayna dhammaysteen midhihii dhulkooda.
Psal SomKQA 105:36  Oo weliba wuxuu wada laayay curadyadii dalkooda oo dhan, Kuwaas oo ahaa bilowgii xooggooda.
Psal SomKQA 105:37  Oo wuxuu dibadda u bixiyey reer binu Israa'iil iyagoo wata lacag iyo dahab, Oo qabiilooyinkiisiina mid taagdarani kuma uu jirin.
Psal SomKQA 105:38  Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen, Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
Psal SomKQA 105:39  Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso, Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.
Psal SomKQA 105:40  Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur, Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.
Psal SomKQA 105:41  Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen, Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.
Psal SomKQA 105:42  Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa, Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.
Psal SomKQA 105:43  Dadkiisiina wuxuu soo bixiyey iyagoo faraxsan, Kuwii uu doortayna iyagoo gabyaya.
Psal SomKQA 105:44  Oo wuxuu iyagii siiyey dalalkii quruumaha, Oo iyana waxay hanti ahaan u qaadeen waxay dadyowgu ku hawshoodeen,
Psal SomKQA 105:45  Inay amarradiisa dhawraan, Oo ay qaynuunnadiisa xajiyaan. Rabbiga ammaana.
Chapter 106
Psal SomKQA 106:1  Rabbiga ammaana. Rabbiga ku mahad naqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
Psal SomKQA 106:2  Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn? Amase yaa muujin kara ammaantiisa oo dhan?
Psal SomKQA 106:3  Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra, Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.
Psal SomKQA 106:4  Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto, Oo igu soo booqo badbaadintaada,
Psal SomKQA 106:5  Inaan arko kuwaaga aad dooratay barwaaqadooda, Oo aan ku reyreeyo farxadda quruuntaada, Iyo inaan la faano dadka dhaxalkaaga ah.
Psal SomKQA 106:6  Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo, Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
Psal SomKQA 106:7  Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay. Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada, Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.
Psal SomKQA 106:8  Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis, Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.
Psal SomKQA 106:9  Oo weliba Badda Cas ayuu canaantay, kolkaasay engegtay, Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku hor kacay moolka dhexdiisii sidii iyagoo maraya cidlada dhexdeeda.
Psal SomKQA 106:10  Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii, Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.
Psal SomKQA 106:11  Biyihiina waxay qariyeen cadaawayaashoodii. Xataa mid qudhahu kama hadhin.
Psal SomKQA 106:12  Markaasay rumaysteen erayadiisii, Oo ammaantiisay ku gabyeen.
Psal SomKQA 106:13  Haddiiba way illoobeen shuqulladiisii, Oo taladiisiina ma ay sugin,
Psal SomKQA 106:14  Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen, Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa.
Psal SomKQA 106:15  Oo isna wuxuu siiyey wixii ay weyddiisteen, Laakiinse wuxuu naftoodii u soo diray caatow.
Psal SomKQA 106:16  Oo weliba waxay xerada dhexdeedii kaga hinaaseen Muuse Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii quduuska ahaa.
Psal SomKQA 106:17  Oo dhulkiina waa kala furmay oo wuxuu liqay Daataan, Oo weliba wuxuu qariyey Abiiraam guutadiisii.
Psal SomKQA 106:18  Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay, Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa.
Psal SomKQA 106:19  Waxay samaysteen weyl markii ay Xoreeb joogeen, Oo waxay caabudeen sanam la shubay.
Psal SomKQA 106:20  Oo sidaasay ammaantoodii ugu beddeleen Dibi caws daaqa ekaantiis.
Psal SomKQA 106:21  Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa, Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar,
Psal SomKQA 106:22  Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam, Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda.
Psal SomKQA 106:23  Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Waan baabbi'inayaa. Laakiinse Muuse oo ahaa kii uu doortay ayaa hortiisa u istaagay xidhiidhla'aantii u dhexaysay, Inuu Ilaah cadhadiisa ka leexiyo aawadeed si aanu iyaga u baabbi'in.
Psal SomKQA 106:24  Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa, Mana ay rumaysan eraygiisii,
Psal SomKQA 106:25  Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen, Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.
Psal SomKQA 106:26  Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga, Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,
Psal SomKQA 106:27  Iyo inuu farcankooda ku afgembiyo quruumaha dhexdooda, Oo uu iyaga ku kala firdhiyo dalalka.
Psal SomKQA 106:28  Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor, Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay.
Psal SomKQA 106:29  Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen, Markaasay belaayadu ka dhex dillacday.
Psal SomKQA 106:30  Markaasaa waxaa istaagay Fiinexaas, oo wuxuu ku soo dejiyey xukun, Oo sidaasaa belaayada lagu joojiyey.
Psal SomKQA 106:31  Oo taas waxaa isagii loogu tiriyey xaqnimo U sii waaraysa qarni kasta iyo weligeedba.
Psal SomKQA 106:32  Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda, Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood,
Psal SomKQA 106:33  Maxaa yeelay, iyagu waxay ku caasiyoobeen ruuxiisii, Kolkaasuu fiirola'aan u hadlay.
Psal SomKQA 106:34  Dadyowgiina uma ay baabbi'in, Sidii Rabbigu ugu amray iyaga,
Psal SomKQA 106:35  Laakiinse iyagu waxay ku dhex qasmeen quruumihii, Shuqulladoodiina way barteen,
Psal SomKQA 106:36  Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii, Kuwaasoo iyaga dabin u noqday,
Psal SomKQA 106:37  Haah, oo waxay wiilashoodii iyo gabdhahoodii allabari ahaan ugu qaleen jinniyo,
Psal SomKQA 106:38  Oo waxay daadiyeen dhiig aan eed lahayn, kaasoo ah dhiiggii wiilashooda iyo kii gabdhahooda Oo ay allabari ahaan ugu qaleen sanamyadii reer Kancaan, Oo dalkiina wuxuu ku nijaasoobay dhiig.
Psal SomKQA 106:39  Haddaba sidaasay shuqulladoodii ugu nijaasoobeen, Oo falimahoodii ayay ku caasiyoobeen sidii dhillo oo kale.
Psal SomKQA 106:40  Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday, Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa.
Psal SomKQA 106:41  Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha, Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.
Psal SomKQA 106:42  Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay, Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.
Psal SomKQA 106:43  Marar badan ayuu samatabbixiyey, Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii, Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii.
Psal SomKQA 106:44  Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii, Markuu qayladoodii maqlay,
Psal SomKQA 106:45  Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii, Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.
Psal SomKQA 106:46  Oo weliba wuxuu ka dhigay inay Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.
Psal SomKQA 106:47  Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahad naqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
Psal SomKQA 106:48  Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Tan iyo weligiis iyo weligiisba. Oo dadka oo dhammu ha yidhaahdo, Aamiin. Rabbiga ammaana.
Chapter 107
Psal SomKQA 107:1  Rabbiga ku mahad naqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 107:2  Kuwa Rabbigu soo furtay sidaas ha yidhaahdeen, Waana kuwa uu isagu ka soo furtay gacantii cadowga,
Psal SomKQA 107:3  Oo uu ka soo ururiyey dalalka, Xagga bari, iyo xagga galbeed, Xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
Psal SomKQA 107:4  Waxay dhex wareegi jireen cidlada iyo jid lamadegaan ah, Mana ay helin magaalo ay degaan.
Psal SomKQA 107:5  Way gaajoodeen, wayna harraadeen, Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.
Psal SomKQA 107:6  Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban, Oo isna wuu ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii.
Psal SomKQA 107:7  Oo weliba wuxuu iyagii ku hoggaamiyey jid toosan, Si ay u tagaan magaalo ay degaan.
Psal SomKQA 107:8  Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
Psal SomKQA 107:9  Waayo, isagu wuxuu dhergiyaa nafta aad wax u doonaysa, Oo nafta gaajaysanna wuxuu ka dhergiyaa wanaagga.
Psal SomKQA 107:10  Kuwii dhex fadhiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada, Oo ku xidhnaa dhibaatada iyo birta,
Psal SomKQA 107:11  Waxay ku caasiyoobeen erayadii Ilaah, Oo waxay fududaysteen taladii Ilaaha ugu sarreeya,
Psal SomKQA 107:12  Sidaas daraaddeed ayuu qalbigoodii daal ku soo dejiyey, Wayna dheceen, mid iyaga caawiyaana ma jirin.
Psal SomKQA 107:13  Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban, Oo isna wuu ka badbaadiyey dhibaatooyinkoodii.
Psal SomKQA 107:14  Wuxuu ka soo dhex bixiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada, Silsiladihii ku xidhnaana wuu kala jejebiyey.
Psal SomKQA 107:15  Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
Psal SomKQA 107:16  Waayo, irdihii naxaasta ahaa wuu kala jejebiyey, Qataarradii birta ahaana wuu burburiyey.
Psal SomKQA 107:17  Nacasyadu waxay u dhibban yihiin xadgudubkooda aawadiis, Iyo xumaatooyinkooda aawadood.
Psal SomKQA 107:18  Naftoodu waxay nacdaa cunto kasta, Oo waxay ku soo dhowaadaan irdaha dhimashada.
Psal SomKQA 107:19  Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo badbaadiyaa dhibaatooyinkooda.
Psal SomKQA 107:20  Wuxuu soo diraa eraygiisa, wuuna bogsiiyaa iyaga, Oo wuxuu ka samatabbixiyaa halligaaddooda.
Psal SomKQA 107:21  Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
Psal SomKQA 107:22  Iyagu allabariga mahadnaqidda ha bixiyeen, Oo shuqulladiisa gabay ha ku sheegeen.
Psal SomKQA 107:23  Kuwa badda doonniyaha ku mara, Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan,
Psal SomKQA 107:24  Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa, Iyo yaababkiisa moolka ku jira.
Psal SomKQA 107:25  Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka, Taas oo kor u qaadda hirarka badda.
Psal SomKQA 107:26  Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka, Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed.
Psal SomKQA 107:27  Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan, Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan.
Psal SomKQA 107:28  Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda.
Psal SomKQA 107:29  Wuxuu dejiyaa duufaanka, Si ay hirarkiisu u xasillaan.
Psal SomKQA 107:30  Way farxaan, maxaa yeelay, way xasilloon yihiin, Oo sidaasuu iyaga ku keenaa marsada ay doonayaan.
Psal SomKQA 107:31  Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
Psal SomKQA 107:32  Iyagu ha ku sarraysiiyeen shirka dadka dhexdiisa, Oo ha ku ammaaneen fadhiga odayaasha.
Psal SomKQA 107:33  Isagu webiyo wuxuu u beddelaa cidlo, Oo ilo biyo ahna wuxuu u beddelaa dhul oommane ah,
Psal SomKQA 107:34  Oo dhul barwaaqaysanna wuxuu u beddelaa lamadegaan cusbo leh, Oo waana kuwa halkaas deggan xumaantooda aawadeed.
Psal SomKQA 107:35  Cidlada wuxuu u beddelaa balli biyo ah, Oo dhul engeganna wuxuu u beddelaa ilo biyo ah.
Psal SomKQA 107:36  Oo halkaasuu kuwa gaajaysan dejiyaa, Si ay u samaystaan magaalo ay degaan,
Psal SomKQA 107:37  Oo ay beeraha u abuurtaan, oo ay beero canab ah u beertaan, Oo ay u helaan midho tiro badan.
Psal SomKQA 107:38  Oo weliba iyaga wuu barakeeyaa, sidaas daraaddeed aad bay u tarmaan, Oo weliba uma uu oggolaado in xoolahoodu yaraadaan.
Psal SomKQA 107:39  Oo haddana way sii dhinmaan, oo waxay la foororsadaan Dulmi iyo dhib iyo murug.
Psal SomKQA 107:40  Amiirro wuxuu ku soo daayaa quudhsasho, Oo wuxuu ka dhigaa inay ku wareegaan cidlada aan jid lahayn.
Psal SomKQA 107:41  Oo weliba kan baahanna dhibaatada ayuu ka sara mariyaa, Oo wuxuu u yeelaa qolooyin ah sidii adhi oo kale.
Psal SomKQA 107:42  Kuwa qummanuna way arki doonaan, wayna ku farxi doonaan, Oo kolkaas xumaanta oo dhammu afkeeday xidhi doontaa.
Psal SomKQA 107:43  Ku alla kii caqli lahu wuu dhawri doonaa waxyaalahan, Oo iyana way ka fiirsan doonaan Rabbiga naxariistiisa.
Chapter 108
Psal SomKQA 108:1  Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya, Waan gabyi doonaa, haah, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaantayda.
Psal SomKQA 108:2  Shareerad iyo kataaradow, toosa, Aroorta hore waan toosi doonaa.
Psal SomKQA 108:3  Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
Psal SomKQA 108:4  Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda, Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
Psal SomKQA 108:5  Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
Psal SomKQA 108:6  Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed, Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.
Psal SomKQA 108:7  Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod,
Psal SomKQA 108:8  Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.
Psal SomKQA 108:9  Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa.
Psal SomKQA 108:10  Bal yaa i geeyn doona magaalada deyrka leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
Psal SomKQA 108:11  Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
Psal SomKQA 108:12  Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
Psal SomKQA 108:13  Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
Chapter 109
Psal SomKQA 109:2  Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.
Psal SomKQA 109:3  Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla'aan bay igula dirireen.
Psal SomKQA 109:4  Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.
Psal SomKQA 109:5  Wanaag waxay iigaga abaal gudeen xumaan, Jacaylna nacayb.
Psal SomKQA 109:6  Nin shar leh ka sarraysii isaga, Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.
Psal SomKQA 109:7  Markii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay, Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto.
Psal SomKQA 109:8  Cimrigiisu ha yaraado, Jagadiisana mid kale ha qaato.
Psal SomKQA 109:9  Carruurtiisu ha agoontoobeen, Naagtiisuna carmal ha noqoto.
Psal SomKQA 109:10  Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen, Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.
Psal SomKQA 109:11  Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan, Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.
Psal SomKQA 109:12  Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa, Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.
Psal SomKQA 109:13  Farcankiisu ha baabba'o, Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.
Psal SomKQA 109:14  Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto, Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.
Psal SomKQA 109:15  Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba, Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka.
Psal SomKQA 109:16  Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan, Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.
Psal SomKQA 109:17  Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay, Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.
Psal SomKQA 109:18  Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda, Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale, Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.
Psal SomKQA 109:19  Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado, Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,
Psal SomKQA 109:20  Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan, Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.
Psal SomKQA 109:21  Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,
Psal SomKQA 109:22  Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.
Psal SomKQA 109:23  Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya, Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.
Psal SomKQA 109:24  Jilbahaygu soon bay la taag darnaadaan, Oo jidhkayguna baruurla'aanteed wuu la caatoobaa.
Psal SomKQA 109:25  Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay, Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.
Psal SomKQA 109:26  Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,
Psal SomKQA 109:27  Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada, Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.
Psal SomKQA 109:28  Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee, Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.
Psal SomKQA 109:29  Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen, Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale.
Psal SomKQA 109:30  Afkaygaan aad ugaga mahad naqi doonaa Rabbiga, Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.
Psal SomKQA 109:31  Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma.
Chapter 110
Psal SomKQA 110:1  Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid.
Psal SomKQA 110:2  Rabbigu wuxuu Siyoon ka soo diri doonaa ushii xooggaaga, Cadaawayaashaada dhexdooda ka tali.
Psal SomKQA 110:3  Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga, Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga, Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.
Psal SomKQA 110:4  Rabbigu wuu dhaartay, kana soo noqon maayo, oo wuxuu yidhi, Adigu weligaaba wadaad baad tahay, Sidii derejadii Malkisadaq.
Psal SomKQA 110:5  Sayidka midigtaada joogaa Wuxuu maalinta cadhadiisa dooxi doonaa boqorro.
Psal SomKQA 110:6  Isagu quruumaha dhexdooda ayuu wax ku xukumi doonaa, Oo meel walba wuxuu ka buuxin doonaa meydad, Oo waddammo badan ayuu madaxda ka dili doonaa.
Psal SomKQA 110:7  Intuu jidka socdo ayuu durdurka ka cabbi doonaa, Oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa kor u qaadi doonaa.
Chapter 111
Psal SomKQA 111:1  Rabbiga ammaana. Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahad naqi doonaa Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.
Psal SomKQA 111:2  Shuqullada Rabbigu way waaweyn yihiin, Oo waxaa doondoona kuwa ku faraxsan oo dhan.
Psal SomKQA 111:3  Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad, Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.
Psal SomKQA 111:4  Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan, Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.
Psal SomKQA 111:5  Wuxuu cunto siiyey kuwa isaga ka cabsada, Oo weligiisna wuxuu xusuusnaan doonaa axdigiisii.
Psal SomKQA 111:6  Wuxuu dadkiisii tusay xooggii shuqulladiisa, Markii uu iyaga siiyey quruumaha dhaxalkoodii.
Psal SomKQA 111:7  Shuqullada gacmihiisu waa run iyo garsoorid, Oo amarradiisa oo dhammuna waa hubaal.
Psal SomKQA 111:8  Way sii adag yihiin weligood iyo weligoodba, Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.
Psal SomKQA 111:9  Wuxuu dadkiisa u soo diray furasho, Oo wuxuu amray in axdigiisu ahaado mid weligiisba waara, Magiciisu waa quduus, waana mid laga cabsado.
Psal SomKQA 111:10  Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba.
Chapter 112
Psal SomKQA 112:1  Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.
Psal SomKQA 112:2  Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka, Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.
Psal SomKQA 112:3  Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo, Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 112:4  Kuwa qumman iftiin baa gudcurka uga soo baxa, Isagu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, waana xaq.
Psal SomKQA 112:5  Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya, Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.
Psal SomKQA 112:6  Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono, Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.
Psal SomKQA 112:7  Isagu innaba kama cabsan doono war xun, Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga.
Psal SomKQA 112:8  Qalbigaa u fadhiya, oo ma uu cabsan doono, Ilaa uu wuxuu doonayay ku arko cadaawayaashiisa.
Psal SomKQA 112:9  Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa, Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba, Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.
Psal SomKQA 112:10  Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa, Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa, Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.
Chapter 113
Psal SomKQA 113:1  Rabbiga ammaana. Rabbiga addoommadiisow, ammaana. Rabbiga magiciisa ammaana.
Psal SomKQA 113:2  Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.
Psal SomKQA 113:3  Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh Magaca Rabbiga waa in la ammaano.
Psal SomKQA 113:4  Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa, Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.
Psal SomKQA 113:5  Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah, Oo kursigiisa ku leh xagga sare,
Psal SomKQA 113:6  Oo hoos u eega Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?
Psal SomKQA 113:7  Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda, Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,
Psal SomKQA 113:8  Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro, Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.
Psal SomKQA 113:9  Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso, Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh. Rabbiga ammaana.
Chapter 114
Psal SomKQA 114:1  Markay reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen, Oo ay reerkii Yacquub dad af qalaad ka soo bexeen,
Psal SomKQA 114:2  Ayaa Yahuudah noqday meeshiisa quduuska ah, Israa'iilna noqday meeshuu u talinayay.
Psal SomKQA 114:3  Baddii way aragtay, wayna carartay, Webi Urdunna dib baa loo celiyey.
Psal SomKQA 114:4  Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan, Kurihiina sidii baraar.
Psal SomKQA 114:5  Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa? Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa?
Psal SomKQA 114:6  Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan? Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar?
Psal SomKQA 114:7  Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa, Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,
Psal SomKQA 114:8  Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah, Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah.
Chapter 115
Psal SomKQA 115:1  Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan, Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato, Naxariistaada iyo runtaada daraaddood.
Psal SomKQA 115:2  Bal maxay quruumuhu u odhanayaan, Haddaba Ilaahoodu meeh?
Psal SomKQA 115:3  Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa, Oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.
Psal SomKQA 115:4  Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey.
Psal SomKQA 115:5  Waxay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
Psal SomKQA 115:6  Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Sanna way leeyihiin, laakiinse waxba ma urshaan,
Psal SomKQA 115:7  Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan, Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan, Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan.
Psal SomKQA 115:8  Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.
Psal SomKQA 115:9  Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
Psal SomKQA 115:10  Reer Haaruunow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
Psal SomKQA 115:11  Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
Psal SomKQA 115:12  Rabbigu aad buu inoo xusuusnaa, wuu ina barakayn doonaa, Reerka Israa'iilna wuu barakayn doonaa, Reerka Haaruunna wuu barakayn doonaa.
Psal SomKQA 115:13  Wuxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada, Yar iyo weynba.
Psal SomKQA 115:14  Rabbigu aad iyo aad ha idiin kordhiyo, Idinka iyo carruurtiinnaba.
Psal SomKQA 115:15  Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka Ayaa idin barakeeyey.
Psal SomKQA 115:16  Samooyinku waa samooyinkii Rabbiga, Laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.
Psal SomKQA 115:17  Kuwii dhintay Rabbiga ma ay ammaanaan, Kuwa hoos ugu dhaadhaca meesha aamusnaantana ma ay ammaanaan isaga,
Psal SomKQA 115:18  Laakiinse annagu Rabbiga waannu ammaani doonnaa Haatan intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba. Rabbiga ammaana.
Chapter 116
Psal SomKQA 116:1  Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii.
Psal SomKQA 116:2  Dhegtuu ii dhigay, Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan.
Psal SomKQA 116:3  Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.
Psal SomKQA 116:4  Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.
Psal SomKQA 116:5  Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.
Psal SomKQA 116:6  Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa, Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay.
Psal SomKQA 116:7  Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.
Psal SomKQA 116:8  Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid.
Psal SomKQA 116:9  Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool.
Psal SomKQA 116:10  Waan rumaysnaa, oo markaan hadlay Aad baa la ii dhibay,
Psal SomKQA 116:11  Anigoo degdegsan baan waxaan idhi, Dadka oo dhammu waa beenaalayaal.
Psal SomKQA 116:12  Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa Waxyaalihii uu ii taray oo dhan?
Psal SomKQA 116:13  Waxaan qaadan doonaa koobka badbaadada, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
Psal SomKQA 116:14  Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.
Psal SomKQA 116:15  Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiintiisa Ayaa qiimo weyn ku leh.
Psal SomKQA 116:16  Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga, Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada, Silsiladahaygii waad iga furtay.
Psal SomKQA 116:17  Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
Psal SomKQA 116:18  Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,
Psal SomKQA 116:19  Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa, Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay. Rabbiga ammaana.
Chapter 117
Psal SomKQA 117:1  Quruumaha oo dhammow, Rabbiga ammaana, Dadyowga oo dhammow, ammaana isaga.
Psal SomKQA 117:2  Waayo, naxariistiisu xaggeenna waa ku weyn tahay, Rabbiga runtiisuna weligeedba way waartaa. Rabbiga ammaana.
Chapter 118
Psal SomKQA 118:1  Rabbiga ku mahad naqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Psal SomKQA 118:2  Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Psal SomKQA 118:3  Oo reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Psal SomKQA 118:4  Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Psal SomKQA 118:5  Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.
Psal SomKQA 118:6  Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono, Bal maxaa dad igu samayn karaa?
Psal SomKQA 118:7  Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya, Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.
Psal SomKQA 118:8  Intii dad lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
Psal SomKQA 118:9  Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
Psal SomKQA 118:10  Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
Psal SomKQA 118:11  Way i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
Psal SomKQA 118:12  Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
Psal SomKQA 118:13  Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed, Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.
Psal SomKQA 118:14  Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
Psal SomKQA 118:15  Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
Psal SomKQA 118:16  Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
Psal SomKQA 118:17  Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa, Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
Psal SomKQA 118:18  Rabbigu aad buu ii edbiyey, Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
Psal SomKQA 118:19  Irdaha xaqnimada iga fura, Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahad naqi doonaa.
Psal SomKQA 118:20  Tanu waa iriddii Rabbiga, Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
Psal SomKQA 118:21  Waan kugu mahad naqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
Psal SomKQA 118:22  Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
Psal SomKQA 118:23  Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga.
Psal SomKQA 118:24  Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey, Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
Psal SomKQA 118:25  Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.
Psal SomKQA 118:26  Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.
Psal SomKQA 118:27  Rabbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin, Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geesihiisa.
Psal SomKQA 118:28  Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahad naqi doonaa, Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.
Psal SomKQA 118:29  Rabbiga ku mahad naqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
Chapter 119
Psal SomKQA 119:1  Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman, Oo sharciga Rabbiga ku socda.
Psal SomKQA 119:2  Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa, Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.
Psal SomKQA 119:3  Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan, Jidadkiisase way ku socdaan.
Psal SomKQA 119:4  Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.
Psal SomKQA 119:5  Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro!
Psal SomKQA 119:6  Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
Psal SomKQA 119:7  Markaan barto xukummadaada xaqa ah Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahad naqi doonaa.
Psal SomKQA 119:8  Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.
Psal SomKQA 119:9  Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa? Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
Psal SomKQA 119:10  Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.
Psal SomKQA 119:11  Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.
Psal SomKQA 119:12  Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
Psal SomKQA 119:13  Waxaan bushimahayga ku sheegay Xukummadii afkaaga oo dhan.
Psal SomKQA 119:14  Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga, Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.
Psal SomKQA 119:15  Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
Psal SomKQA 119:16  Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.
Psal SomKQA 119:17  Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado, Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.
Psal SomKQA 119:18  Indhahayga fur Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
Psal SomKQA 119:19  Socotaan dhulka ku ahay, Haddaba amarradaada ha iga qarin.
Psal SomKQA 119:20  Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.
Psal SomKQA 119:21  Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran, Oo amarrada ka leexda.
Psal SomKQA 119:22  Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,
Psal SomKQA 119:23  Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay, Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.
Psal SomKQA 119:24  Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya, Waana lataliyayaashayda.
Psal SomKQA 119:25  Naftaydu waxay ku dhegtaa ciidda, Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.
Psal SomKQA 119:26  Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.
Psal SomKQA 119:27  Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.
Psal SomKQA 119:28  Naftaydu waxay la dhacdaa murug, Haddaba ii xoogee si eraygaaga waafaqsan.
Psal SomKQA 119:29  Jidka beenta iga fogee, Oo si raxmad leh sharcigaaga ii sii.
Psal SomKQA 119:30  Waxaan doortay jidka aaminnimadaada, Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.
Psal SomKQA 119:31  Markhaatifurkaaga waan xajiyaa, Rabbiyow, ha i ceebayn.
Psal SomKQA 119:32  Waxaan ku ordi doonaa jidka amarradaada Markii aad qalbigayga ballaadhisid.
Psal SomKQA 119:33  Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
Psal SomKQA 119:34  Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
Psal SomKQA 119:35  Igu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.
Psal SomKQA 119:36  Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga, Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.
Psal SomKQA 119:37  Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi, Oo jidadkaaga igu noolee.
Psal SomKQA 119:38  Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah Oo doonaya inaan kaa cabsado.
Psal SomKQA 119:39  Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi, Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.
Psal SomKQA 119:40  Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.
Psal SomKQA 119:41  Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.
Psal SomKQA 119:42  Markaasaan jawaab u heli doonaa kan i caaya, Waayo, waxaan isku halleeyaa eraygaaga.
Psal SomKQA 119:43  Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.
Psal SomKQA 119:44  Markaasaan had iyo goorba dhawri doonaa sharcigaaga Weligay iyo weligayba.
Psal SomKQA 119:45  Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
Psal SomKQA 119:46  Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda, Mana ceeboobi doono.
Psal SomKQA 119:47  Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.
Psal SomKQA 119:48  Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday, Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
Psal SomKQA 119:49  Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.
Psal SomKQA 119:50  Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.
Psal SomKQA 119:51  Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen, Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.
Psal SomKQA 119:52  Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.
Psal SomKQA 119:53  Aad baan u xanaaqay, Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.
Psal SomKQA 119:54  Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.
Psal SomKQA 119:55  Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay, Oo sharcigaagaan dhawray.
Psal SomKQA 119:56  Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.
Psal SomKQA 119:57  Rabbigu waa qaybtayda, Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.
Psal SomKQA 119:58  Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato, Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.
Psal SomKQA 119:59  Waxaan ka fikiray jidadkayga, Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.
Psal SomKQA 119:60  Waan u degdegay, oo kama aan raagin Inaan amarradaada dhawro.
Psal SomKQA 119:61  Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh, Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.
Psal SomKQA 119:62  Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahad naqo, Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.
Psal SomKQA 119:63  Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan, Iyo kuwa amarradaada dhawraba.
Psal SomKQA 119:64  Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
Psal SomKQA 119:65  Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.
Psal SomKQA 119:66  Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
Psal SomKQA 119:67  Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday, Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.
Psal SomKQA 119:68  Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
Psal SomKQA 119:69  Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.
Psal SomKQA 119:70  Qalbigoodu wuu qallafsanaaday, Aniguse waxaan ku farxaa sharcigaaga.
Psal SomKQA 119:71  Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo, Si aan qaynuunnadaada u barto.
Psal SomKQA 119:72  Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay Kumanyaal dahab iyo lacag ah.
Psal SomKQA 119:73  Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
Psal SomKQA 119:74  Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan, Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.
Psal SomKQA 119:75  Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin, Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.
Psal SomKQA 119:76  Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.
Psal SomKQA 119:77  Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado, Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.
Psal SomKQA 119:78  Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen, Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.
Psal SomKQA 119:79  Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen, Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.
Psal SomKQA 119:80  Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado, Si aanan u ceeboobin.
Psal SomKQA 119:81  Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed, Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.
Psal SomKQA 119:82  Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa? Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.
Psal SomKQA 119:83  Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro, Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.
Psal SomKQA 119:84  Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee? Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?
Psal SomKQA 119:85  Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn Ayaa ii qoday godad.
Psal SomKQA 119:86  Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
Psal SomKQA 119:87  Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.
Psal SomKQA 119:88  Raxmaddaada igu soo noolee, Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.
Psal SomKQA 119:89  Rabbiyow, eraygaagu weligiisba Wuxuu taagan yahay samada.
Psal SomKQA 119:90  Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab; Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.
Psal SomKQA 119:91  Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan, Waayo, wax waluba waa addoommadaada.
Psal SomKQA 119:92  Haddaanu sharcigaagu iga farxin, Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.
Psal SomKQA 119:93  Weligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.
Psal SomKQA 119:94  Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
Psal SomKQA 119:95  Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.
Psal SomKQA 119:96  Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin, Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.
Psal SomKQA 119:97  Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
Psal SomKQA 119:98  Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda. Waayo, weligayba way ila jiraan.
Psal SomKQA 119:99  Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
Psal SomKQA 119:100  Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha, Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.
Psal SomKQA 119:101  Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.
Psal SomKQA 119:102  Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.
Psal SomKQA 119:103  Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa! Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!
Psal SomKQA 119:104  Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.
Psal SomKQA 119:105  Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.
Psal SomKQA 119:106  Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
Psal SomKQA 119:107  Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay, Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
Psal SomKQA 119:108  Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga, Xukummadaadana i bar.
Psal SomKQA 119:109  Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar, Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.
Psal SomKQA 119:110  Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.
Psal SomKQA 119:111  Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya, Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.
Psal SomKQA 119:112  Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo, Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.
Psal SomKQA 119:113  Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
Psal SomKQA 119:114  Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.
Psal SomKQA 119:115  Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.
Psal SomKQA 119:116  Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado, Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.
Psal SomKQA 119:117  Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
Psal SomKQA 119:118  Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay, Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.
Psal SomKQA 119:119  Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
Psal SomKQA 119:120  Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.
Psal SomKQA 119:121  Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad, Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.
Psal SomKQA 119:122  Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino, Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.
Psal SomKQA 119:123  Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
Psal SomKQA 119:124  Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan, Oo qaynuunnadaada i bar.
Psal SomKQA 119:125  Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
Psal SomKQA 119:126  Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow, Waayo, sharcigaaga way buriyeen.
Psal SomKQA 119:127  Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
Psal SomKQA 119:128  Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
Psal SomKQA 119:129  Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
Psal SomKQA 119:130  Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
Psal SomKQA 119:131  Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
Psal SomKQA 119:132  Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
Psal SomKQA 119:133  Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.
Psal SomKQA 119:134  Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
Psal SomKQA 119:135  Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi, Oo qaynuunnadaada i bar.
Psal SomKQA 119:136  Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.
Psal SomKQA 119:137  Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
Psal SomKQA 119:138  Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo Iyo daacadnimo oo dhan.
Psal SomKQA 119:139  Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.
Psal SomKQA 119:140  Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
Psal SomKQA 119:141  Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.
Psal SomKQA 119:142  Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa, Oo sharcigaaguna waa run.
Psal SomKQA 119:143  Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
Psal SomKQA 119:144  Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.
Psal SomKQA 119:145  Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab, Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.
Psal SomKQA 119:146  Waan kuu qayshaday ee i badbaadi, Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.
Psal SomKQA 119:147  Waan ka soo hor maray waaga berigiisii, oo waan qayliyey, Oo waxaan rajo ku qabay erayadaada.
Psal SomKQA 119:148  Indhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeennimo, Si aan eraygaaga uga fikiro.
Psal SomKQA 119:149  Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan, Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
Psal SomKQA 119:150  Kuwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan, Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.
Psal SomKQA 119:151  Rabbiyow, adigu waad dhow dahay, Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.
Psal SomKQA 119:152  Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.
Psal SomKQA 119:153  Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi, Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.
Psal SomKQA 119:154  Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo, Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
Psal SomKQA 119:155  Kuwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay, Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.
Psal SomKQA 119:156  Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay, Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
Psal SomKQA 119:157  Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.
Psal SomKQA 119:158  Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
Psal SomKQA 119:159  Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
Psal SomKQA 119:160  Eraygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.
Psal SomKQA 119:161  Amiirraa sababla'aan ii silciyey, Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.
Psal SomKQA 119:162  Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa Sidii mid booli badan helay.
Psal SomKQA 119:163  Beenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
Psal SomKQA 119:164  Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa, Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.
Psal SomKQA 119:165  Kuwa sharcigaaga jecelu waxay haystaan nabad weyn, Oo wax iyaga turuntureeyaa ma jiraan.
Psal SomKQA 119:166  Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.
Psal SomKQA 119:167  Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
Psal SomKQA 119:168  Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.
Psal SomKQA 119:169  Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada, Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.
Psal SomKQA 119:170  Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.
Psal SomKQA 119:171  Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
Psal SomKQA 119:172  Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.
Psal SomKQA 119:173  Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso, Waayo, amarradaadaan doortay.
Psal SomKQA 119:174  Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
Psal SomKQA 119:175  Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa, Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.
Psal SomKQA 119:176  Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon, Waayo, amarradaada ma aan illoobo.
Chapter 120
Psal SomKQA 120:1  Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.
Psal SomKQA 120:2  Rabbiyow, naftayda ka samatabbixi bushimo been sheega, Iyo carrab khiyaano badan.
Psal SomKQA 120:3  Carrabka khiyaanada badanow, bal maxaa lagu siin doonaa? Oo maxaa kaloo laguu samayn doonaa?
Psal SomKQA 120:4  Adoo ah sida ku xoog badan oo fallaadhihiisa afaysan, Kuwaas oo wata dhuxulo geed rotem la yidhaahdo.
Psal SomKQA 120:5  Anaa hoogay, waayo, Mesheg baan qariib ku noqday, Oo waxaan dhex degay teendhooyinkii Qedaar!
Psal SomKQA 120:6  Naftaydu waxay wakhti dheer la degganayd Mid nabadda neceb.
Psal SomKQA 120:7  Waxaan ahay mid nabad jecel, Laakiinse kolkii aan hadlo, iyagu waa kuwa dagaal jecel.
Chapter 121
Psal SomKQA 121:1  Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?
Psal SomKQA 121:2  Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.
Psal SomKQA 121:3  Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono.
Psal SomKQA 121:4  Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa Ma gam'i doono, mana seexan doono.
Psal SomKQA 121:5  Kan ku dhawraa waa Rabbiga, Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.
Psal SomKQA 121:6  Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.
Psal SomKQA 121:7  Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.
Psal SomKQA 121:8  Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.
Chapter 122
Psal SomKQA 122:1  Waan farxay markay igu yidhaahdeen, Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.
Psal SomKQA 122:2  Yeruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,
Psal SomKQA 122:3  Yeruusaalem waxaa loo dhisay Sida magaalo isku wada dheggan,
Psal SomKQA 122:4  Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan Inay Israa'iil u marag furaan, Iyo inay magaca Rabbiga ku mahad naqaan.
Psal SomKQA 122:5  Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay, Waana carshiyadii reerka Daa'uud.
Psal SomKQA 122:6  Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.
Psal SomKQA 122:7  Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.
Psal SomKQA 122:8  Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.
Psal SomKQA 122:9  Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.
Chapter 123
Psal SomKQA 123:1  Kaaga samooyinka dhex fadhiyow, Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa.
Psal SomKQA 123:2  Bal eeg, sida ay indhaha addoommadu u fiiriyaan gacanta sayidkooda, Iyo sida ay gabadh indhaheedu u fiiriyaan gacanta sayidaddeeda Ayay indhahayagu u fiiriyaan Rabbiga Ilaahayaga ah, Ilaa uu noo naxariisto.
Psal SomKQA 123:3  Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho.
Psal SomKQA 123:4  Naftayadii waxaa aad uga batay Qosolka kuwa istareexsan Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.
Chapter 124
Psal SomKQA 124:1  Haddaan Rabbigu inala jirin Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Psal SomKQA 124:2  Haddaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay,
Psal SomKQA 124:3  Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen,
Psal SomKQA 124:4  Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
Psal SomKQA 124:5  Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
Psal SomKQA 124:6  Waxaa mahad leh Rabbiga Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.
Psal SomKQA 124:7  Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.
Psal SomKQA 124:8  Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga Sameeyey samada iyo dhulkaba.
Chapter 125
Psal SomKQA 125:1  Kuwa Rabbiga isku halleeyaa Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.
Psal SomKQA 125:2  Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay, Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
Psal SomKQA 125:3  Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah, Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.
Psal SomKQA 125:4  Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.
Psal SomKQA 125:5  Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
Chapter 126
Psal SomKQA 126:1  Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon, Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.
Psal SomKQA 126:2  Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol, Carrabkeennana gabay, Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi, Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.
Psal SomKQA 126:3  Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn, Oo aynu ku faraxsan nahay.
Psal SomKQA 126:4  Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi Sida durdurrada koonfureed.
Psal SomKQA 126:5  Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.
Psal SomKQA 126:6  Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita, Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.
Chapter 127
Psal SomKQA 127:1  Haddaan Rabbigu guriga dhisin, Kuwa dhisaya, waxtarla'aan bay u hawshoodaan, Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin, Waardiyuhu micnela'aan buu u soo jeedaa.
Psal SomKQA 127:2  Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan, Oo aad kibista dhibka cuntaan, Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.
Psal SomKQA 127:3  Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo. Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa.
Psal SomKQA 127:4  Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis, Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu.
Psal SomKQA 127:5  Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga, Iyagu ma ay ceeboobi doonaan Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.
Chapter 128
Psal SomKQA 128:1  Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada, Oo jidadkiisa ku socda.
Psal SomKQA 128:2  Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen, Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.
Psal SomKQA 128:3  Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala. Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.
Psal SomKQA 128:4  Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa Ninka Rabbiga ka cabsadaa.
Psal SomKQA 128:5  Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa, Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.
Psal SomKQA 128:6  Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
Chapter 129
Psal SomKQA 129:1  Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen,
Psal SomKQA 129:2  Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Laakiinse igama ay adkaan.
Psal SomKQA 129:3  Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay, Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.
Psal SomKQA 129:4  Rabbigu waa xaq, Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.
Psal SomKQA 129:5  Inta Siyoon neceb oo dhammu, Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.
Psal SomKQA 129:6  Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa Oo engega intaanu korin,
Psal SomKQA 129:7  Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin, Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.
Psal SomKQA 129:8  Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan, Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato. Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga.
Chapter 130
Psal SomKQA 130:2  Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.
Psal SomKQA 130:3  Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow?
Psal SomKQA 130:4  Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, In adiga lagaa cabsado daraaddeed.
Psal SomKQA 130:5  Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.
Psal SomKQA 130:6  Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.
Psal SomKQA 130:7  Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
Psal SomKQA 130:8  Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.
Chapter 131
Psal SomKQA 131:1  Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana, Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn, Ama waxyaalihii igu yaab badan.
Psal SomKQA 131:2  Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey, Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga, Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.
Psal SomKQA 131:3  Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.
Chapter 132
Psal SomKQA 132:1  Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
Psal SomKQA 132:2  Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay, Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
Psal SomKQA 132:3  Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga, Sariirtaydana fuuli maayo,
Psal SomKQA 132:4  Indhahayga seexasho isugu qaban maayo, Il iyo baalna isu keeni maayo,
Psal SomKQA 132:5  Ilaa aan meel u helo Rabbiga, Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
Psal SomKQA 132:6  Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah, Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
Psal SomKQA 132:7  Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa, Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
Psal SomKQA 132:8  Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal, Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
Psal SomKQA 132:9  Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen, Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
Psal SomKQA 132:10  Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
Psal SomKQA 132:11  Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
Psal SomKQA 132:12  Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono, De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
Psal SomKQA 132:13  Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon, Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
Psal SomKQA 132:14  Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba, Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
Psal SomKQA 132:15  Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud, Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
Psal SomKQA 132:16  Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado, Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
Psal SomKQA 132:17  Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo, Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.
Psal SomKQA 132:18  Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb, Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.
Chapter 133
Psal SomKQA 133:1  Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay Inay walaalo wadajir ku degganaadaan!
Psal SomKQA 133:2  Waa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa, Oo ku soo dareertay gadhka, Kaasoo ahaa gadhkii Haaruun, Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa,
Psal SomKQA 133:3  Waana sida dharabka Buur Xermoon, Oo ku soo dega buuraha Siyoon, Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako, Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.
Chapter 134
Psal SomKQA 134:1  Bal eega, Rabbiga ammaana, Rabbiga addoommadiisa oo dhammow, Kuwiinna goor habeennimo ah guriga Rabbiga dhex taaganow.
Psal SomKQA 134:2  Gacmaha u taaga macbudka xaggiisa, Oo Rabbiga ammaana.
Psal SomKQA 134:3  Rabbigu Siyoon ha idinka soo barakeeyo, Kaasoo ah kii sameeyey samada iyo dhulkaba.
Chapter 135
Psal SomKQA 135:1  Rabbiga ammaana. Ammaana magaca Rabbiga, Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,
Psal SomKQA 135:2  Kuwiinna guriga Rabbiga Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.
Psal SomKQA 135:3  Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.
Psal SomKQA 135:4  Waayo, Rabbigu reer Yacquub nafsaddiisuu u doortay, Hantidiisa gaarka ah ayuu u doortay reer binu Israa'iil.
Psal SomKQA 135:5  Waayo, waan ogahay in Rabbigu weyn yahay, Iyo in Sayidkeennu ka wada sarreeyo ilaahyada oo dhan.
Psal SomKQA 135:6  Rabbigu wax alla wixii uu jeclaystayba wuu ku sameeyey Samada iyo dhulka, iyo badaha iyo moolalka oo dhan dhexdooda.
Psal SomKQA 135:7  Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
Psal SomKQA 135:8  Isagaa laayay curadyadii Masar, Kuwii dadka iyo kuwii duunyadaba.
Psal SomKQA 135:9  Masaray, isagu wuxuu dhexdaada u soo diray calaamooyin iyo yaabab, Oo wax buu ku soo kor daayay Fircoon iyo addoommadiisii oo dhanba.
Psal SomKQA 135:10  Wuxuuna laayay quruumo badan, Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa
Psal SomKQA 135:11  Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,
Psal SomKQA 135:12  Oo dalkoodiina dhaxal ahaan buu u bixiyey, Oo wuxuu dhaxal u siiyey dadkiisa reer binu Israa'iil.
Psal SomKQA 135:13  Rabbiyow, magacaagu weligiisba wuu waaraa, Rabbiyow, xusuustaadu waxay gaadhaa qarni kasta.
Psal SomKQA 135:14  Waayo, Rabbigu dadkiisuu u garsoori doonaa, Oo addoommadiisana wuu u naxariisan doonaa.
Psal SomKQA 135:15  Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen.
Psal SomKQA 135:16  Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
Psal SomKQA 135:17  Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Oo afkoodana neefu kuma jirto.
Psal SomKQA 135:18  Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.
Psal SomKQA 135:19  Reer binu Israa'iilow, Rabbiga ammaana, Reer Haaruunow, Rabbiga ammaana,
Psal SomKQA 135:20  Reer Laawiyow, Rabbiga ammaana, Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga ammaana.
Psal SomKQA 135:21  Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon. Rabbiga ammaana.
Chapter 136
Psal SomKQA 136:1  Rabbiga ku mahad naqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:2  Ku mahad naqa Ilaaha ilaahyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:3  Ku mahad naqa Sayidka sayidyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:4  Kan keligiis sameeya yaabab waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:5  Kan samada waxgarashada ku sameeyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:6  Kan dhulka biyaha korkooda ku goglay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:7  Kan sameeyey iftiimmo waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:8  Qorraxdu inay maalinta xukunto, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:9  Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:10  Kan Masar curadyadii ka laayay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:11  Oo reer binu Israa'iilna ka soo dhex saaray, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:12  Kan kaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:13  Kan Badda Cas kala qaybiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:14  Oo reer binu Israa'iilna dhex marshay iyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:15  Laakiinse Fircoon iyo ciidankiisiiba wuu ku afgembiyey Badda Cas dhexdeeda, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:16  Kan dadkiisa cidlada dhex hoggaamiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:17  Kan boqorro waaweyn wax ku dhuftay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:18  Oo laayay boqorro caan ah, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:19  Kuwaas oo ahaa Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:20  Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:21  Oo dalkoodiina u bixiyey dhaxal ahaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:22  Kaasoo ahaa dhaxalkii uu siiyey addoonkiisii Israa'iil, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:23  Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:24  Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:25  Kan cunto siiya wax kastoo jidh leh, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Psal SomKQA 136:26  Ku mahad naqa Ilaaha samada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Chapter 137
Psal SomKQA 137:1  Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon, Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
Psal SomKQA 137:2  Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
Psal SomKQA 137:3  Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay, Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen, Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
Psal SomKQA 137:4  Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa Dal qalaad dhexdiis?
Psal SomKQA 137:5  Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo, Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
Psal SomKQA 137:6  Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga, Haddaanan ku xusuusan, Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan Farxaddayda ugu weyn.
Psal SomKQA 137:7  Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom, Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi, Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
Psal SomKQA 137:8  Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa, Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaal mariya Sidii aad nagu samaysay.
Psal SomKQA 137:9  Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.
Chapter 138
Psal SomKQA 138:1  Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahad naqi doonaa, Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
Psal SomKQA 138:2  Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa, Oo magacaagana waxaan ugu mahad naqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood, Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.
Psal SomKQA 138:3  Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay, Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.
Psal SomKQA 138:4  Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahad naqi doonaan, Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.
Psal SomKQA 138:5  Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga, Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.
Psal SomKQA 138:6  Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
Psal SomKQA 138:7  In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa, Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda, Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.
Psal SomKQA 138:8  Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan, Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa, Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.
Chapter 139
Psal SomKQA 139:1  Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.
Psal SomKQA 139:2  Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba, Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.
Psal SomKQA 139:3  Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.
Psal SomKQA 139:4  Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro, Laakiinse adigu waad wada og tahay.
Psal SomKQA 139:5  Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay, Oo gacantaadaad i saartay.
Psal SomKQA 139:6  Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay, Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo.
Psal SomKQA 139:7  Bal xaggee baan ruuxaaga ka tagaa? Xaggee baanse wejigaaga uga cararaa?
Psal SomKQA 139:8  Haddaan samada koro, halkaasaad joogtaa, Haddaan sariirtayda She'ool dhex dhigtona, bal eeg, halkaasna waad joogtaa.
Psal SomKQA 139:9  Haddaan qaato baalasha subaxda, Iyo haddaan dego badda darafyadeeda ugu shisheeyaba,
Psal SomKQA 139:10  Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta, Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta.
Psal SomKQA 139:11  Haddaan idhaahdo, Hubaal gudcurkaa i qarin doona, Oo iftiinka igu wareegsanu habeennimuu noqon doonaa,
Psal SomKQA 139:12  Xataa gudcurku igama kaa qariyo, Laakiinse habeenku wuxuu u iftiimaa sida maalinta oo kale, Gudcurka iyo iftiinku waa isugu kaa mid.
Psal SomKQA 139:13  Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey, Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.
Psal SomKQA 139:14  Waan kugu mahad naqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey sii cabsi iyo yaab badan, Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin, Oo naftayduna taas aad bay u taqaan.
Psal SomKQA 139:15  Lafahaygu kaama qarsoonayn, Markii laygu sameeyey qarsoodiga, Oo farsamada yaabka leh laygu sameeyey dhulka meesha ugu hoosaysa.
Psal SomKQA 139:16  Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa, Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen, Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey Intaan midkoodna jirin ka hor.
Psal SomKQA 139:17  Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa! Oo tiro badanaa!
Psal SomKQA 139:18  Haddaan tiriyo, way ka sii tiro badan yihiin ciidda, Oo markaan tooso weli adigaan kula joogaa.
Psal SomKQA 139:19  Ilaahow, hubaal waxaad layn doontaa kuwa sharka leh, Haddaba iga taga, raggiinna dhiigyocabyada ahow.
Psal SomKQA 139:20  Waayo, iyagu si xun ayay wax kaaga sheegaan, Oo cadaawayaashaaduna micnela'aan bay magacaaga ku soo qaadqaadaan.
Psal SomKQA 139:21  Rabbiyow, sow ma aan nebci kuwa ku neceb? Oo sow kama aan murugaysni kuwa kugu kaca?
Psal SomKQA 139:22  Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga, Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.
Psal SomKQA 139:23  Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fikirradayda ogow,
Psal SomKQA 139:24  Oo bal fiiri inuu jid xumaan ahu igu jiro iyo in kale, Oo igu hoggaami jidka weligiis ah.
Chapter 140
Psal SomKQA 140:1  Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,
Psal SomKQA 140:2  Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin, Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.
Psal SomKQA 140:3  Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale, Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska.(Selaah)
Psal SomKQA 140:4  Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan, Kuwaasoo u qastiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan.
Psal SomKQA 140:5  Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko, Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen.(Selaah)
Psal SomKQA 140:6  Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.
Psal SomKQA 140:7  Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.
Psal SomKQA 140:8  Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan, Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane.(Selaah)
Psal SomKQA 140:9  Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.
Psal SomKQA 140:10  Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.
Psal SomKQA 140:11  Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin, Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.
Psal SomKQA 140:12  Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono, Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.
Psal SomKQA 140:13  Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahad naqi doonaan magacaaga, Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.
Chapter 141
Psal SomKQA 141:1  Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.
Psal SomKQA 141:2  Baryootankaygu ha noqdo sida foox hortaada la dhigay, Oo gacma-koruqaadiddayduna ha noqoto sida allabariga fiidnimo.
Psal SomKQA 141:3  Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji, Oo albaabka bushimahaygana dhawr.
Psal SomKQA 141:4  Qalbigayga ha u duwin wax shar ah, Yaanu falimo xumaan ah la gelin Dadka xumaanta ka shaqeeya, Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.
Psal SomKQA 141:5  Kan xaqa ahu ha i dilo, raxmad bay ii ahaan doontaa, Oo ha i canaanto, waxay ii noqon doontaa sida saliid madaxa lagu shubto, Madaxayguna yaanu diidin, Waayo, xataa intay sharkooda ku sii jiraan ayaan tukashadayda ka geesta ah sii wadaa.
Psal SomKQA 141:6  Xaakinnadoodii waxaa lagu tuuray dhagaxa dhinacyadiisa, Oo iyagu waxay maqli doonaan erayadayda, waayo, way macaan yihiin.
Psal SomKQA 141:7  Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She'ool afkiisa.
Psal SomKQA 141:8  Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan, Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.
Psal SomKQA 141:9  Iga dhawr dabinka ay ii dhigeen, Iyo siriqda ay xumaanfalayaashu qooleen.
Psal SomKQA 141:10  Kuwa sharka lahu ha ku dhex dheceen shabagyadooda Markaan anigu ka baxsado.
Chapter 142
Psal SomKQA 142:1  Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa, Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.
Psal SomKQA 142:2  Oo hortiisaan ku cawdaa, Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.
Psal SomKQA 142:3  Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin, Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.
Psal SomKQA 142:4  Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag, Waayo, nin i yaqaan ma jiro, Meel aan magan galo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh.
Psal SomKQA 142:5  Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga, Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.
Psal SomKQA 142:6  Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.
Psal SomKQA 142:7  Naftayda xabsiga ka soo bixi, si aan magacaaga ugu mahad naqo, Kuwa xaqa ah ayaa igu hareeraysnaan doona, Waayo, wax badan oo wanaagsan baad ii samayn doontaa.
Chapter 143
Psal SomKQA 143:1  Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig, Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.
Psal SomKQA 143:2  Anoo addoonkaaga ah xukun ha i gelin, Waayo, inta nool oo dhan ma jiro nin hortaada lagu caddayn doonaa inuu xaq yahay.
Psal SomKQA 143:3  Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.
Psal SomKQA 143:4  Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.
Psal SomKQA 143:5  Waxaan soo xusuustaa wakhtigii hore, Falimahaaga oo dhanna waan ka fikiraa, Oo waxaan fiiro u yeeshaa shuqulkii gacmahaaga.
Psal SomKQA 143:6  Gacmahaygaan kuu hoorsadaa, Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah.(Selaah)
Psal SomKQA 143:7  Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa. Wejigaaga ha iga qarin, Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.
Psal SomKQA 143:8  Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, Ii garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.
Psal SomKQA 143:9  Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.
Psal SomKQA 143:10  I bar si aan doonistaada u sameeyo, waayo, waxaad tahay Ilaahayga, Ruuxaaga wanaagsanu ha igu dhex hoggaamiyo dalka qummanaanta.
Psal SomKQA 143:11  Rabbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis, Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.
Psal SomKQA 143:12  Oo raxmaddaada cadaawayaashayda ku wada tirtir, Kuwa naftayda dhiba oo dhanna baabbi'i, Waayo, waxaan ahay addoonkaaga.
Chapter 144
Psal SomKQA 144:1  Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah, Oo gacmahayga dagaalka bara, Farahaygana dirirta bara,
Psal SomKQA 144:2  Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.
Psal SomKQA 144:3  Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga?
Psal SomKQA 144:4  Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.
Psal SomKQA 144:5  Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac, Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan.
Psal SomKQA 144:6  Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi, Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi.
Psal SomKQA 144:7  Gacantaada kor ka soo fidi, Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan, Iyo gacanta shisheeyayaasha,
Psal SomKQA 144:8  Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
Psal SomKQA 144:9  Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.
Psal SomKQA 144:10  Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa, Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.
Psal SomKQA 144:11  I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha, Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
Psal SomKQA 144:12  Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray, Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka,
Psal SomKQA 144:13  Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah, Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga,
Psal SomKQA 144:14  Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan, Markaan la arag weerarid iyo qaxid, Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,
Psal SomKQA 144:15  Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay, Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.
Chapter 145
Psal SomKQA 145:1  Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Psal SomKQA 145:2  Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Psal SomKQA 145:3  Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano, Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.
Psal SomKQA 145:4  Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.
Psal SomKQA 145:5  Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada, Iyo shuqulladaada yaabka badan.
Psal SomKQA 145:6  Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan, Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.
Psal SomKQA 145:7  Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa, Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan.
Psal SomKQA 145:8  Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.
Psal SomKQA 145:9  Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay, Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.
Psal SomKQA 145:10  Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahad naqi doonaan, Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.
Psal SomKQA 145:11  Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada, Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,
Psal SomKQA 145:12  Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn, Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.
Psal SomKQA 145:13  Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah, Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.
Psal SomKQA 145:14  Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan, Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.
Psal SomKQA 145:15  Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan, Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
Psal SomKQA 145:16  Gacantaadaad furtaa, Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.
Psal SomKQA 145:17  Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay, Oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.
Psal SomKQA 145:18  Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan, Kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.
Psal SomKQA 145:19  Kuwa isaga ka cabsada waxay doonayaanba wuu siin doonaa, Oo weliba qayladoodana wuu maqli doonaa, wuuna badbaadin doonaa iyaga.
Psal SomKQA 145:20  Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa, Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.
Psal SomKQA 145:21  Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaanta Rabbiga, Oo inta jidh leh oo dhammuna magiciisa quduuska ah ha ammaaneen weligood iyo weligoodba.
Chapter 146
Psal SomKQA 146:2  Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa, Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
Psal SomKQA 146:3  Ha isku hallaynina amiirrada Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
Psal SomKQA 146:4  Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii. Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
Psal SomKQA 146:5  Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub, Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
Psal SomKQA 146:6  Oo sameeyey cirka iyo dhulka, Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, Oo runtana dhawra weligiisba,
Psal SomKQA 146:7  Oo kuwa la dulmay u garsoora, Oo kuwa gaajaysanna quud siiya. Rabbigu maxaabiistuu furaa.
Psal SomKQA 146:8  Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha, Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya, Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
Psal SomKQA 146:9  Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah, Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada, Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
Psal SomKQA 146:10  Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis, Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab. Rabbiga ammaana.
Chapter 147
Psal SomKQA 147:1  Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
Psal SomKQA 147:2  Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa, Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
Psal SomKQA 147:3  Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay, Oo nabrahoodana wuu duubaa.
Psal SomKQA 147:4  Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda, Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.
Psal SomKQA 147:5  Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay, Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
Psal SomKQA 147:6  Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow, Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
Psal SomKQA 147:7  Rabbiga mahad naqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,
Psal SomKQA 147:8  Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya.
Psal SomKQA 147:9  Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
Psal SomKQA 147:10  Isagu kuma farxo xoogga faraska, Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.
Psal SomKQA 147:11  Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
Psal SomKQA 147:12  Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.
Psal SomKQA 147:13  Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga, Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.
Psal SomKQA 147:14  Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa, Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.
Psal SomKQA 147:15  Amarkiisa wuxuu u soo diraa dhulka, Eraygiisuna aad buu u dheereeyaa.
Psal SomKQA 147:16  Baraf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale, Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale.
Psal SomKQA 147:17  Barafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale, Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara?
Psal SomKQA 147:18  Wuxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga, Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan.
Psal SomKQA 147:19  Eraygiisa wuxuu tusaa reer Yacquub, Qaynuunnadiisa iyo xukummadiisana reer binu Israa'iil.
Psal SomKQA 147:20  Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn. Xukummadiisiina ma ay garanaynin, Rabbiga ammaana.
Chapter 148
Psal SomKQA 148:1  Rabbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana.
Psal SomKQA 148:2  Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga, Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.
Psal SomKQA 148:3  Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
Psal SomKQA 148:4  Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.
Psal SomKQA 148:5  Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen, Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
Psal SomKQA 148:6  Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba, Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
Psal SomKQA 148:7  Rabbiga dhulka ka ammaana, Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
Psal SomKQA 148:8  Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,
Psal SomKQA 148:9  Buuro iyo kuro oo dhammow, Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,
Psal SomKQA 148:10  Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,
Psal SomKQA 148:11  Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,
Psal SomKQA 148:13  Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.
Psal SomKQA 148:14  Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana.
Chapter 149
Psal SomKQA 149:1  Rabbiga ammaana. Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.
Psal SomKQA 149:2  Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen, Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.
Psal SomKQA 149:3  Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen, Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.
Psal SomKQA 149:4  Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa, Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.
Psal SomKQA 149:5  Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen, Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.
Psal SomKQA 149:6  Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,
Psal SomKQA 149:7  Si ay quruumaha uga aargutaan, Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,
Psal SomKQA 149:8  Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan, Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,
Psal SomKQA 149:9  Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran, Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan. Rabbiga ammaana.
Chapter 150
Psal SomKQA 150:1  Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.
Psal SomKQA 150:2  Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.
Psal SomKQA 150:3  Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.
Psal SomKQA 150:4  Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.
Psal SomKQA 150:5  Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
Psal SomKQA 150:6  Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.